27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada ee lagu heshiiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya 2020 illaa 2021 ee horey loo shaaciyey, kadib heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Sida uu qorshuhu ahaa maanta oo ay ku beegan tahay 1-da bisha November ayaa lagu waday inuu billowdo qorshaha soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixinta, balse waxaa muuqata inuu dib u dhac ku yimid qorshahaasi iyo jadwalkii la shaaciyey.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey 10-20-ka October ee bishii hore in lasoo magacaabo guddiga doorashada, hayeeshee uu dib u dhac ku yimid, welina laguma dhowaaqin guddigaas, walow maamul goboleedyada ay soo dhameystireen xubnihii ku metali lahaa guddiga doorashada iyo ka xalinta khilaafaadka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Dib u dhac-yadan ayaa loo sababeynayaa arrimo farsamo, balse waxaa haatan socda dadaalladii ugu dameeyey ee doorashada oo ay wado xukuumadda Rooble.

Qorshaha ayaa sidoo kale ah in doorashada Aqalka Sare ay dhici doonto 1-da illaa 10-ka December, halka tan golaha shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka December.

Sidoo kale doorashada guddoonka labada Aqal iyo tan maadaxweynaha ayaa dhici doonto 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo ee sanadka soo socda 2021-ka.

Si kastaba dadka falanqeeya siyaasadda iyo sidoo kale hoggaanka xisbiyada mucaaradka  ee ka jira dalka ayaa ka digaya wax kasta oo dib u dhac u keeni kara ama fashilin kara jawdwalkii lagu heshiiyey ee doorashooyinka Soomaaliya 2020/2021-ka.

ROOBLE oo hal arrin oo uga digay Golahiisa Wasiirada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kaga digay golahiisa wasiirada iney ku kacaan musuq-maasuq iyo ku tagri-fal awoodeed mudada ay xilka hayaan.

Eng Rooble ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay sii dar-dar galineyso qorshayayaasha kasoo horjeeda musuqa xilli uu booqday saddex xarun oo muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu booqday Bangiga dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekedda magaalada Muqdisho wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda iyo maamulka hay’adahaan iyagoo ku sugan goobtooda shaqada.

Wuxuu ka dhageystay warbixin ku saabsan sida ay ugu adeegaan shacabka iyo hufnaanta maaliyadeed oo ay adeegyada ku fuliyaan.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay dhowridda amaanada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed isagoo dul istaagay iney muhiim aheyd tallaabooyinkii ay dowladda qaaday oo xubno ka tirsan xukuumadii hore loogu eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne.

Kormeerka Maxamed Xuseen Rooble wuxuu salka ku hayay inuu dar-daaran siiyo maamulka ilaha dhaqaalaha dalka iyadoo wadanka uu ku jiro kala guur, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay iney dar-dar galiyaan hawlahooda iyadoo dhaqaalaha uu hoos u dhigay xanuunka Covid19 oo dunida dhibaato weyn kusoo kordhiyay.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa looga fadhiyaan iney dalka dhaafiso marxaladaan kala guurka ah kana shaqeyso arrimaha doorashooyinka, amniga iyo sidoo kale waxyaabaha aas-aasiga ah ee looga gudbi karo marxaladaan.

Sawirro: Sheekh Shariif oo gaaray Jowhar + Ujeedka

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan HirShabelle, maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ku soo dhoweeyey garoonka Jowhar.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan ayaa inoo sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, lamana oga sida uu sameyn ugu yeelan karo.

Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

HirShabelle oo muddo fog wajaheysay dhibaatooyin adag ayaa hadda ku jirta marxalad kala guur ah, iyada oo lagu muransan yahay qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi.

Si kastaba, safarka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimad Kenya oo uu ka waday kulamo siyaasadeed.

 

Khadiija “Sidee dad haysta madaxweyne Farmaajo oo kale ay beesha caalamka u weydiisan karaan taageero”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gargaarka, maareynta iyo masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta hadal ka jeedisay xaflad loogu soo dhaweynayey wasaaradan oo ay ku cusubtahay ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay isku filaansho gaaraan.

Waxa ay sheegtay in Soomaalida ay ceeb ku tahay inay gargaar caalami ah dalbadaan, iyagoo heysta madaxweyne Farmaajo.

“Dadkeenu waxay dhahaan beesha caalamku hana soo gaarto, sidee  dad dowlad leh beel caalam wax u weydiistaan? Sidee dad madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kale heysta ay beel caalam wax u weydiisan karaan? Sidee umad islaam ah oo Alle abuurtay ay bini’aadan kale wax u weydiisan karaan?,” ayey tiri wasiir Khadiija Diiriye.

Waxay dadka ka dalbatay inay Ilaah tala saartaan, “Guud ahaan dowladda iyo xukuumadda Madaxweyne Farmaajo maanta meel ayey soo gaartay,” ayey tiri.

Khadiija Maxamed Diirye ayaa lagu tiriyaa wasiirrada sida weyn ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxayna tan iyo markii uu Farmaajo tala qabtay aheyd wasiir ka tirsan dowladda uu hoggaamiyo.

Hoos ka Daawo

Mohamed bin Salman oo laga cabsi qabo in la dilo

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa ka cabsi qaba in la dilo haddii uu raaco waddadii Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Sudan oo uu xiriir rasmi ah la yeesho Israel, waxaa sidaas sheegay xubno xog ogaal ah.

Madawi al-Rasheed, oo ka mid ah mucaaradka boqortooyada, ayaa sheegtay in Mohamed bin Salman uu aad uga cabsi qabo inay dilaan xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo loolan ugu jiri kursiga boqortooyada.

Madawi ayaa sidoo kale sheegtay inay jirto taaraikh hore oo muujineysa in qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada ay horey isu dileen.

Waxay sheegtay in amiiro iyo boqoro badan oo Sacuudiyaan ay horey u dileen walaalahood, adeeradood iyo wiilal ay waalid u yihiin, tan iyo qarnigii 19-aad.

Dilkii ugu dambeeyey ayaa ka dhex dhacay qasriga madaxtooyada 1975-kii, markii boqor Faisal uu dilay wiil uu adeer u yahay oo isna lagu magacaabay Faisal.

Aargudasho, is qiyaameyn iyo loolan awoodeed ayaa ka dambeeyey dilalka noocan ah, hase yeeshee marnaba shaqo kuma lahayn qadiyadda Falastiin iyo wax la mid ah.

Madawi ayaa hoosta ka xariiqday in Mohamed bin Salman uusan ku deg degi doonin inuu banaanka keeno xiriirka uu la leeyahay taliska Yahuudda, haddii uu qarin karo.

Waxay intaas ku dartay in bin Salman uu sii wadi doono ololaha baraha bulshada ka socda ee lagu baabi’inayo taageerada shucuubta Carabta ay u hayaan qadiyadda Falastiin illaa inta xiriir ay Riyadh la yeelato Israel uu ku noqdo mid la aqbalay, markaasi oo tallaabadaas aysan halis gelin doonin noloshiisa.

Somaliland oo shuruud ku xirtay wada-shaqeynta QM

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay go’aankii ay xukuumaddiisa ku joojisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay.

Biixi ayaa marka hore ku eedeeyey hay’adaha Qaramada Midoobay inay ka amar qaataan dowladda federaalka, islamarkaana ay saameyn ku yeesheen arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Somaliland uusan metalin wakiilka QM u jooga Muqdisho, islamarkaana ay soo dhoweynayaan cid kasta oo ula shaqeyneysa si wanaagsan, iyada oo aan la siyaasadeyneynin arrimaha gargaarka iyo taageerada caalamiga ah.

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa shuruud ku xiray dib u soo celinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la lahaayeen Qaramada Midoobay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay doonayaan in loola macaamilo sida dal madax banaan oo kale, haddii ay taasi dhacdo kadibna ay ka laaban doonaan go’aanka ay horey u soo saareen.

Somaliland oo muddo sanado ah raadineyso ictiraaf gooni ah ayaa sheegata in Soomaaliya ay ka go’day sanadkii 1991-kii, balse illaa iyo hadda ma helin aqoonsi.

Dhowaan ayey aheyd markii wasaaradda qorsheynta Somaliland ay deegaanada maamulkaasi ka mamnuucyada inay ka shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobay.

Xog: Itoobiya oo xalineysa khilaafka Jubaland iyo DF ee ciidamada jooga Gedo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Itoobiya ay billowday qorshe ay ku heshiisiineyso dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.

Wararka ay heshay Caasimada Onlie sheegayaa in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ay gaareen magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,  islamarkaana ay kawada hadleen aerimaha gobalka Gedo iyo doorashada Soomaaliya.

“Addis Ababa ayaa lagu kulmay waxaana garwadeen ka ah Abiy Axmed oo qaabilay labada dhinac waxa uuna ka dalbay in Itoobiya ay xaliso aerinta gobalka Gedo labada dhinacana ay wakiishaan, Jubbaland waa diiday waxay adkeysatay in ciidankaas oo aan laga saarin Gedo heshiis geli karin haddii ay dhici weysana dagaal dhici doono,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

“Hadda ma jirto wax la isku fahmay balse waxaa la qabaa rajo wanaagsan sababtoo waa qasab wada-hadal doorashada ka hor ah maxaa yeelay labada dhinacba waxay diyaarsadeen ciidan awood leh dagaal ayaana dhici kara,” ayuu yiri Xildhibaankan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ee la hadlay Caasimada Online.

Jubaland ayaa kalsooni ku qabin Itoobiya maadaama hadda ka hor ay weerareen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali AbuuMansuur, sidoo kalane la sheegay in ay isku dayeen qabashada Axmed Madoobe waana sababta uusan ilaa hadda u aadin dalka Itoobiya kagana cudur daartay casuumado uga yimid Ra’iisul Wasaaraha wadankaas Abiy Axmed.

Xog: Ciidamada Amniga oo amar cusub kusoo rogay garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa wadayaasha gaadiidka Taksiga ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho u diiday in ay tagaan albaabka garoonka, si ay usoo qaadaan dadka garoonka ka soo daga ama ka safra.

Wadayaashaan gaadiidka oo gaaraya 45 gaari ayaa qaarkood muddo ka badan 40 sano ka shaqeeya halkaas, waxaana amar lagu siiyay in ay soo dhaafi karin Soomaali Airline oo u dhow Hoteel Jazeera oo dhowr kiilo mitir ka fog garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

“Ciidamada ayaa qaatay go’aankaan qof xanuunsan, mid waayeel ah, mid naafo ah, waxaa lagu sugaa meel aad uga fog garoonka, annaga markii horaba ma geli jirin gudihiisa ee banaankii ayaa haddana aad noola fogeeyay qofka ma soo gaari karo halkaan,” ayuu yiri mid kamid ah wadayaasha gaadiidka Takaasida ee garoonka Muqdisho.

“Go’aankaan ma ahan mid dowladda dhan isla qabto, waa qorshe ay shirkad lacag ku siisay ciidanka ammaanka qaarkood waxaana lala dagaalay wadayaashii oo halkaan ka raadsan jiray nolal maalmeedkooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkaan ka tirsan guddiga gaadiidleyda ee Takaasida garoonka Muqdisho.

Shalay ayaa baraha bulshada ee internet-ka lagu garoonka kadib markii qoyskiisa sheegeen in aysan KM4 ilaa karoonka baxsan karin $8, oo ay ka tagi karaan gees ka gees magaalada Muqdisho.

Danab oo howl-gal ku dilay Cabdullahi Dhaga Cadde

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomalaiya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gal ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howl-galkaasi lagu khaarijiyey sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Cismaan Dhaga Cadde.

Qoraalka ka soo baxay dowlada dhexe ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dhaga Cadde uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka warbaahinta.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga ayaa dhankooda shaaciyey inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada iyo howl-gallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba ciidamada huwanta ayaa bilihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada iyo dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya.

Kooxo hubeysan oo dilal ka geystay magaalada Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolkada Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay in kooxo hubeysan ay dilal ka geysteen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Ragga geystay falkaasi oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa toogasho u geystay 2 ruux oo la sheegay inay shacab ahaayeen, kuwaas oo ku sugnaa isgoyska Soomaali Istaar oo ku yaalla xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose.

Toogashada kadib ayaa lagu soo warramayaa in ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Jubbaland oo howl-gallo ka sameeyey halkaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda faah faahin ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii xaafadda Calanley lagu dilay ganacsade Cabdullahi Cabdisalaan Shigshigow oo ahaa maamullada shirkadda Amal ee Kismaayo.

Dhacdooyinkan ayaana qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaaladaasi.

Dab ka kacay xaafad ka tirsan Xamar + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dab ayaa ka kacay guri ku yaala dhabarka dambe guriga hooyooyinka, waxaana ka dhashay khasaaro hantiyeed sida ay sheegeen dadka deegaanka oo warbaahinta u warramay.

Dadka deegaanka waxey sheegeen in dabka uu ka dhashay korontada, wuxuuna baabi’iyay guriga uu ka bilowday isagoo gaaray guryo kale ku faafay, balse lagama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay.

Saacado ayey qaadatay in dabka la damiyo iyadoo ay suuragali weysay iney gaadiidka dab damiska galaan sabab la xiriirta xaafadda oo ah mid isku raran ah, balse ugu dambeyntii waa lagu guuleystay in lasoo afjaro dabkii kacay.

Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho waa kuwa isku raran ah oo aan la awoodi karin iney gaadiidka dab-damiska galaan, sidaas darteed dadka deegaanka waxey baaq u direen maamulka gobolka Banaadir iyagoo ugu baaqay iney la yimaadaan qorshe kale oo dadka lagu badbaadin karo.

Sidoo kale dadka deegaanka waxey fariin u direen maamulka gobolka Banaadir, maadaama aan dhaqso lagu helin gawaarida dab-gamiska, sidaas darteed waxey codsadeen in la sameeyo goobo cayiman oo loogu hagaagi karo.

Toogasho kale oo ka dhacday kaniisad ku taalla Faransiiska

Lyon (Caasimada Online) – Nin qori ku hubeysan ayaa toogasho ka fuliyey magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dhaawacay baadari kaniisad ka hor inta uusan goobta ka baxsan, sida ay booliska sheegeen.

Baadariga 52 jirka ah, oo asal ahaan kasoo jeeda Greece, ayaa xirayey kaniisadda xilli qorax dhac aheyd, markii ninka weerarka soo qaaday uu dhowr xabad ku furay, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladdiisa ay liidato.

Weerarka ayaa yimid xilli xaaladda France ay aad u kacsan tahay kadib markii saddex qof laba maalin kahor lagu dhex-dilay kaniisad, oo mid ka mid ah la gowracay, halka macallin iskuul sidoo kale toddobaad kahor la gowracay, ayada oo jirto caro ka dhalatay sawir gacmeedyo loogu gefay Nebi Muxamed NNKH.

Baadariga ayaa laga toogtay beerka, ayada oo la dul yimid, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo ka tirsan booliska, oo la hadlay AFP.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isugu yeeray kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo xaaladda waddanka.

Goor sii horreysay oo maanta ah, Darmanin ayaa sheegay inay suurta-gal tahay weeraro kale oo ka dhacay ciidda Faransiiska. “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow gudaha iyo mid dibedda ah, iyo fikradda Islaamiyiinta,” ayuu kusii daray.

Madaxweyne Emmanuel Macron, oo u muuqda inuu doonayo inuu dejiyo xiisadda iyo carrada ka dhalatay hadalladiisii hore oo keenay in badeecadaha Faransiiska laga qaadaco dunida Islaamka, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan marnaba qaadan sawir gacmeedyo aflagaado ah.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera ayaa Macron waxa uu kaga hadlay carrada ka dhalatay sawir-gacmeedyada aflagaadada ah ee uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.

Xog: Sidee ayaa lagu reebay gudoomiyihii baarlamanka HirShabelle Sheekh Cusman?

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, ayaa ku guul dareestay inuu ku soo laabto kursigiisa Xildhibaanimo ee dowlad gobaleedka HirShabeelle.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kursigaan uu qeyb ka ahaa kuraastii ugu adkeyd ee tartanka islamarkaana qaatay waqti badan dhowrkii saacadood ee ugu dambeysay.

Kursigaan waxa ku tartamayey Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Aadan Xeefow iyo Cabdixakiin Luqmaan oo hadda ku guuleestay. Sheekh Cusmaan waxa uu ahaa Gudoomiyihii hore ee baarlamanka HirShabeelle, halka Aadan Xeefow ahaa guddoomiyihii hore ee Beladweyne mana soo bixin labadooduba.

Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee daka Suudaan ayaa kursigaan lagu qoray saacadihii ugu dambeeyay ee saakay, iyadoona sidoo kale xalay kursigaan lagu qoray Aadan Xeefow, basle waxaa laga badalay saakay kadib cadaadis badan oo la saaray ugaaska beesha.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso Cabdixakiin Luqmaan, islamarkaana ay la rabto guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle, taasina ay sababtay in meesha laga saaro Sheekh Cusmana Barre oo aan kalsooni badan ku qabin Villa Somalia.

“Saakay aroortii hore ayaa Ugaaska lagu cadaadiyay inuu beddalo Aadan Xeefow, waxaana loo keenay magaca Cabdixakiin oo xalay iyo shalayba qorshaha ku jirin meeshana oolin,” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta guddiga farsamada ee soo xulista baarlamanka HirShabeelle.

Cabdixakiin Luqmaan, waxa uu ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan waxa uuna madaxa ka ahaa qeybta ganacsiga ee Safaaradda.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ay aad isugu fiicnaayeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa madaxtooyada islamarkaana ay siyaasiin culus gadaal ka riixeen si loo siiyo kursigaan.

MACRON oo ka laabtay taageeradii uu u muujiyey sawir gacmeedyada gefka ku ah Nebi Muxamed NNKH

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera ayaa Macron waxa uu kaga hadlay carrada ka dhalatay sawir-gacmeedyada aflagaadada ah ee uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.

Macron ayaa horey u sheegay in France aysan joojin doonin sawir gacmeedyada, isaga oo ka hadlayey dilka macalin loo gowracay sawir gacmeedyadan dartood, kadib markii uu tusay ardaydiisa.

Hadallada Macron ayaa carro xoogan ka dheliyey dunida Islaamka, gaar ahaan maadaama ay yimaadeen maalmo un kadib markii uu sheegay in diinta Islaamka ay tahay mid qalalaase ku jirta meel kasta oo dunida ka mid ah.

Macron waxa uu wareysiga ku yiri “Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda, sidaas darteedna dadka ay u fahmeen inaan taageersanahay sawir gacmeedyadan.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa jiri dad roga Islaamka ayaga oo sheegayana inay difaacayaan diintan.”

Macron ayaa sheegay in Muslimiinta ay yihiin kuwa saameynta ugu weyn kala kulma dhaqanka kuwa Diinta qalloociya.

Macron, oo u muuqda inuu doonayo inuu dejiyo xiisadda iyo carrada ka dhalatay hadalladiisii hore oo keenay in badeecadaha Faransiiska laga qaadaco dunida Islaamka, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan marnaba qaadan sawir gacmeedyo aflagaado ah.

Goor sii horreysay oo maanta ah, wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay inay suurta-gal tahay weeraro kale oo ka dhacay ciidda Faransiiska. “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow gudaha iyo mid dibedda ah, iyo fikradda Islaamiyiinta,” ayuu kusii daray.

Laba maalin ka hor, nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Tunisia ayaa saddex qof toorey ku dilay magaalada Nice, isaga oo mid ka mid ah oo aheyd haweeney gowracay, kadib carradii ka dhalatay sawir gacmeedyada lagu aflgaadeynayo Suubanaha SCW.

Xog cusub: Yaa ugu cad cad qabashada guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Sheekh Abukar Maqaneey, wasiirkii hore ee arrimaha Diinta iyo Owqaafta ee maamulka HirShabeelle iyo Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsana safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa ah labada xubnood ee ugu cad cad doorashada guddoonka baarlamanka HirShabeelle, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan baarlamanka.

Labadaan mas’uul oo midkood la sheegay in ay wadato Villa Somalia ayaa wada abaabulka ugu badan saacadihii ugu dambeeyay ee maanta waxaana la sheegay in mid ka mid ah uu maanta balansaday Xildhibaano badan oo ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kana tirsan baarlmaaanka cusub ee HirShabeelle.

“Cabdixakiin Luqmaan iyo Sheekh Abuukar Maqaneey ayuu dhaxmari doonaa tartanka ugu adag laakiin Cabdixakiin waxa uu heestaa lacag waayo waxaa taageerysa madaxtooyada oo meesha keensatay rajada ugu badanna waa isag,a” ayuu yiri mid ka mid ah baarlamaanka HirShabeelle oo la hadlay Caasimada Online.

Abaabulka iyo kulamada ayaa billawday duhurkii maanta kadib waxaana soo baxaya in kulamo aan loo kala kicin ay ka socdaan Jowhar kuwaas oo qaarkood ay ku lug leeyihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Doorashada HirShabeelle oo maalmihii la soo dhaafay laheyn xiiso badan ayaa hadda gashay marxalad daga, waxaana socda kala jiidashada xildhibaanada ah kadib markii maanta la shaaciyay guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka.

Maalmaha ugu horreeyo ee bishaan November ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana kadib la geli doonaa doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Khabib Nurmagomedov oo jawaab kulu ka bixiyey gefkii Macron ee Nebiga NNKH

Moscow (Caasimada Online) – Feeryahanka dhowaan howlgabka noqday ee reer Russia Khabib Nurmagomedov ayaa si kulul Jimcihii u cambaareeyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ay kasoo yeereen hadallo gef ku ah islaamka.

“Allah qaadirka ah wejigiisa ha beddelo aadanahan (Macron) iyo dhammaan inta raacsan, kuwaasi oo ayaga oo qiil ka dhiganaya xoriyadda hadalka, u gefay dareenka in ka badan hal bilyan iyo bar Muslimiin ah,” ayuu Khabib ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram.

32 jirkan ayaa sheegay in Muslimiinta ay Nebi Muxamed u jecel yihiin si ka badan qof kasta, oo ay ku jiraan hooyooyinkooda, aabayaashood iyo xaasaskooda.

“I aamina, daan-daansigan waa uu kusoo noqon doonaa,” ayuu yiri Khabib

Khabiib ayaa sidoo kale soo dhigay bartiisa Instagram aayadda 57-aad ee suurta Al-Axzaab ee oraneysa:

إِنَّ الَّذِينَ يُؤْذُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا مُّهِينً

“Kuwa dhiba Allah iyo Rasuulkiisa, Allah ayaa lacnaday (naxariistiisa ka dheereeyey) adduunyada dhexdeeda iyo aakhiro, Allaha ayaana wuxuu u diyaariyey cadaab dulleeya.”

Qoraalka Khabiib Nurmagomedov ayaa waxaa sidoo kale raacsanaa sawirka Macron oo wejiga kab laga saaray.

Macron ayaa maanta sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.

Joe Biden oo jawaab kulul ka bixiyey weerarkii uu Trump ku qaaday Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden ayaa jawaab kulul ka bixiyey aflagaadada iyo weerarka uu madaxweyne Trump mar kasta kula kaco Soomaalida.

Trump ayaa ku eedeeyey Biden inuu doonayo inuu sare u qaado qaxootiga imanaya Mareykanka 700%, oo uu dalka soo geliyo qaxooti ka imanaya “dalal halis ah oo argagixisada ay ku xooggan tahay sida Soomaaliya oo kale.

Biden oo shalay tegay gobolka Soomaaliya ay ku badan tahay ee Minnesota ayaa sheegay in Trump ay ceeb ku tahay inuu Soomaalida qaxootiga ah ee Mareykanka yimid uu la xiriiriyo argagixiso.

“Trump wuxuu isaga oo aan ceeb ka xishooneyn qaxootiga Soomaalida ah – saaxiibo nolol wanaagsan ka raadinaya America, oo wax u taraya gobolka iyo dalkeena – la xiriirinayaa argagixiso. Waxaan u baahannahay madaxweyne dadka isku keena ee aan kala fogeyn,” ayuu yiri Biden.

Waa markii saddexaad ee Biden uu si shaacsan u difacao Soomaalida mar kasta uu weerarka uga yimaado Trump.

Hadda ka hor Biden waxa uu yiri “Xiriir xooggan ayaan la leeyahay bulshada Soomaalida gobolka Delaware, sababtoo waxaa ku jira taksi wadayaal badan, oo aan kula saaxiibay boosteejada magaalada Wilmington.” Delaware waa gobolka uu degan yahay Biden.

Madaxweynaha Donald Trump ayaa xoojiyey dagaalka iyo aflagaadada uu ku hayo Soomaalida, sababo la xiriiro dagaalka siyaasadeed ee ka dhaxeeya isaga iyo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Wuxuu ku eedeeyey in gobolka ay ku badan yihiin ee Minnesota ay ka dhigeen xero qaxooti, ayna la degeen horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Aqalka Cad ee Mareykanka oo soo saaray go’aan culus oo saameynaya Soomaalida

0

Washington (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ayaa Soomaaliya loogu tilmaamay iney ka mid tahay meelaha aadka ay ugu xoogan yahiin kooxaha argagixisada, sidaas darteed cudur daar beni’aadanimo oo gaar ah ayaa looga baahnaan doonaa qofka Soomaaliga ah ee qaxooti ahaanta ku galaya Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo horey u muujiyey sida uu u neceb yahay soo galootiga ay Soomaalida ku jiraan. ayaa hoos u dhigay qaxootiga galaya waddankiisa, sida ku cad qoraalka kasoo baxay aqalka cad toddobaadkii tegay.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in wadanka Mareykanka loo ogolaan doono sanadkii kaliya 15-kun oo qofood iney soo galaan, 4 kun oo ka mid ah waxey ka imaanayaan dalka Ciraaq, halka wadamada El Salvador, Guatemala iyo Honduras ay ka imaanayaan kun.

Mareykanka ayaa horey looga mamnuucay shacabka toddoba dal oo Soomaaliya ay ku jirto, hase yeeshee waxaa jiray kiisas kooban oo dadka qaar loogu ogolaaday inay soo galaan.

Trump ayaa sidoo kale marar badan weeraray Soomaalida, isaga oo ku eedeeyey in gobolka ay ku badan yihiin ee Minnesota ay ka dhigeen xero qaxooti, ayna la degeen horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Go’aanka cusub ee Trump ayaa ah kii ugu adkaa ee sanado Mareykanka kula macaamilo qaxootiga, waxaan Trump uu soo galootiga la ogol yahay kusoo reebay kaliay 15 kun, halka xiligii Obama ay dalka iman jiraan dad ka badan 100 kun.

Soomaali badan oo si joogto ah looga soo qaadi jiray xeryaha qaxootiga Kenya, ayaa la joojiyey afartii sano ee uu xukunka hayey Trump.

Si kastaba, go’aanka cusub ee Trump ayaa kusoo koobmi kara kariya bilo, maadaama Donald Trump aan la hubin nuu kusoo laaban doono xilka madaxtinimada Mareykanka, wuxuuna wajahayaa loolan adag oo kaga imaanaya Joe Biden oo ah musharaxa u taagan xisbiga dimoqoraadiga.

Donald wuxuu cadaadis badan saaray dadka u dhashay wadamada dadkooda Muslimiinta yahiin oo ay ku jirto Soomaaliya, walina kama tanaasulin inuu cadaadiska kusii badiyo.

Dadweyne meel fagaare ah ku gubay nin ‘ku istaagay’ kitaabka qur’aanka kariimka

Dhaka (Caasimadda Online) – Kumanaan shacabka reer Bangladesh ah ayaa meel fagaare ah ku khaarijiyay nin la sheegay inuu ku istaagay kitaabka qur’aanka kariimka maalintii Khamiista aheyd, ayaga oo dab qababdsiiyey.

Dadka la gubay ayaa sida la sheegay ahaa laba qof, waxaana la sheegay in mid ka mid ah uu gaaray dhaawac xooggan, kadib markii shacab carreysan ay ku goobteen, waxaa la sheegay in ninka la gubay uu ku istaagay kitaabka qur’aanka isagoo ku sugan Masjid ku yaala magaalada Burimari ee ku dhaw xadka Hindiya.

Taliska Booliska dalka Bangladesh ayaa sheegay iney labada qof meel ammaan ah geeyeen kadib markii ay dhibaato la kulmeen, waxaana soo wargaliyay jamaacadda Masjidka, balse dad careysan ayaa xoog ku galay goobtii ay Booliska joogeen.

Ninka la gubay oo 35-jir ahaa ayaa lagala baxay goobtii ay ku hayeen Booliska, si naxdin leh ayey u jir-dileen ka hor inta aysan laamiga bartamahiisa ku gubin.

Booliska waxey rideen 15-xabadood, balse shacabka uma aysan joojin, warbixinta waxaa lagu sheegay inuu ahaa qof caafimaadka maskaxdiisa aysan taam aheyn.

“Mid ka mid ragga ayey si xun u garaaceen illaa uu ka dhinto, kadibna jirkiisa ayey gubeen,” waxaa sidaas AFP u sheegay madaxa booliska degmada Abida Sultana.

Maxay tahay sababta Aadan Xeefow looga reebay dhaarta xildhibaanada HirShabelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya cabashada ka soo yeereysay sida loo wajahay soo xulista xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle oo dhowaan lagu dhowaaqay inkatoo weli kor loo hayo kuraasta qaar oo muran iyo dood adag ay ka taagan tahay.

Xildhibaanada cusub ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Jowhar, kadib munaasabad ka dhacday halkaasi, taas oo ay ka qeyb-galeen mas’uul kala duwan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa haatan sheegaya in mid ka mid ah liiska xildhibaanadii lagu dhowaaqay laga reebay dhaarinta, isagoona loo diiday inuu galo hoolka ay ka socotay munaasabadda dhaarinta ee lagu qabtay caasimadda HirShabelle ee Jowhar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Xildhibaan Aadan Axmed Xeefow oo ka mid ah xubnihii la soo xulay ayaa waxaa ID-Card-kii la siiyey ka qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramacd, kuwaas oo kadib is hortaag ku sameeyey xildhibaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in lagu bedalay nin magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Luqmaan Idiris oo loo dhaariyey xilkan, kaas oo aan ka mid aheyn xubnaha horey loo shaaciyey.

Aadan Xeefow oo ah ninka la boobay kursigiisa ee awooda loo sheegtay iyo Cabdixakiin Luqmaan ayaa ka dhashay jufada Jid Farax ee beesha Gaaljecel, waxaana labada nin ay isku heyteen kursigan, walow uu ku soo baxay liiskii la shaaciyey Aadan Axmed Xeefow oo ay soo gudbiyeen waxgaradka iyo odayaasha beesha uu ka soo jeedo.

Xiisad ka dhalatay arrintan ayaa ka taagan magaalada Jowhar, waxayna haatan socda kulamo xasaasi ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Arrintan ayaa qeyb ka noqoneyso musuq-maasuq iyo cabarashooyin xoogan oo hareeyey doorashada maamulka HirShabelle, waxaana haatan socda qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha intaba.