26.6 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Hubka lagu wareejiyay Galmudug, Puntland miyaa ku deeqday mise waa laga been sheegay?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobaleedka Puntland ayaa maanta Maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug ku wareejiyay 10 gaari oo 8 kamid ah ay yihiin kuwa dagaalka, hal booyad iyo hal gaari amblunce ah. 

Maamulka Puntland ma cadeynin in gaadiidka iyo hubka saaranba ay yihiin hanti ay laheyd Puntland oo loogu deeqay Galmudug, sidoo kale Galmudug ma cadeynin in hubka iyo gaadiidkaba ay yihiin wax loogu deeqay iyo mid ay Galmudug laheyd oo laga heestay toona. 

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur Sanyare waxa uu warbaahinta u sheegay in wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi uu ku wareejiyay gaadiid gaaraya 10 gaari, laakiin ma uusan sheegin in gawaarida ay laheyd Puntland. 

Ilo wareedyo kala duwan oo ka kala tirsan Puntland, Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka maanta lagu wareejiyay Galmudug ay ahaayeen kuwa muddo sanado ah ku xayirnaa Dekadda magaalada Boosaaso oo ay maamusho Puntland, waxaana loo waday Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in gaadiidkaan uu gaarayay ilaa 24 gaari, waxaana bixisay dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo loogu talagalay qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya oo ka howlgasha degaanada Galmudug. 

Xiliga gaadiidkaan laga dajiyay Dekadda Boosaaso ayaa ku aaday iyadoo ay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyey maamullada Galmudug iyo Puntland ay ka socdeen magaalada Gaalkacyo, waxaana xilligaas labada maamul kala hoggaaminayey Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed. 

Madaxweynihii maamulka Puntland ee xiligaas Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa amray in gaadiidkaas la xayiro, waxaayna Puntland gaadiidkaas ka isticmaashay 14 gaari, halka 10-kii hartay maanta lagu wareejiyay Galmudug. 

Xogta ayaa sidoo kale tilmaameysa in maamulka Puntland ay ku deeqeen qoryaha ku xirnaa gaadiidka dagaalka oo ah 8 qori oo dhashiikeyaal ah. 

Wareejinta gaadiidkaan ayaa timid kadib wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku dhaxmaray Madaxweynayaasha labada maamul. 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa dhigiisa Puntland Saciid Deni weydiistay in loo fasaxo qeybtii ka hartay gaadiidkii looga xayiray Dekadda Boosaaso, kadib markii dhowaan maamulkiisa dagaalkii Camaara looga qabsaday gaadiid badan. 

Maamulka Puntland oo dareensan khasaarihii Galmudug ka soo gaaray dagaalkii degaanka Camaara, sidoo kalena ku dadaalaya in aysan usoo dhawaanin khatarta Al-Shabaab ayaa wareejiyay gaadiidkaan, sidoo kalena ku deeqay hubkii saarnaa. 

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa sidoo kale ku heshiiyay in aan la faah-faahin xaqiiqda gaadiidka maanta la wareejiyay, waxaana la sheegay in Galmudug ay balantaas fulisay, iyadoo eegaysa baahiyaha ay gaadiidkaas u qabto iyo hubka la siiyay. 

Allaha u naxariistee taliyihii qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa soo bilaabay dadaallada ay Galmudug dooneysay inay kula soo wareegto gaadiidkaan.

Hase yeeshee waxaa dib u dhigay khilaafaad siyaadeed u dhaxeeyay labada maamul iyo dowladda federaalka, iyadoo ka hor inta aan la xalin qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo lagu dilay Jeneraal Qooje.

Hoos ka eeg sawirrada gaadiidka lagu kala wareegay

Axmed Madobe ‘oo dhowaan booqasho ku tagaya’ Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dhawaan safar taariikhi ah ku tago Gobolka Gedo oo muddo badan ka maqan gacanta maamulkiisa.

Safarka Axmed Madoobe oo ku aadan ka hor doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalumuu) oo hadda kamid ah siyaasiyiinta taageeran madaxweynaha Jubaland.

Macalumuu ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe safar u ku tegi doono Gobolka Gedo, balse wuxuu xaqiijiyey inuu socdo qorshaha safarkiisa.

Sida laga soo xigtay, Macalimuu horey uga mid ahaa garabka Villa Soomaaliya ee gobolka Gedo, booqashada Axmed Madoobe waxaa ka horeyn doonta socdaalo ay halkaas ku tagi doonan madax uu ku xigeenkiisa kamid yahay.

“Axmed Maxamed Islaam ayaa imaanaya gobolka Gedo oo raba in uu gobolkiisii indha-indheeyo. Ciddii diideysa oo iska celin karto markaas ha iska celiso. Laakiin afka waa laga sheegi karaa ma imaanayaa raggaas,” ayuu yiri.

“Gobolkaan waxa uu hoostagaa Jubaland, nin diidan iyp nin ogolaadaba waxaa madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa, waa in lagu shaqaayaa sharcigii ay isku raaceen Ra’iisul Wasaaraha qaranka iyp Madaxda Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri Cismaan Macallimuu.

Dhanka kale, Waxa uu qiray in muddaadii uu guddoomiyaha Gedo uu ahaa in go’doon adag Gobolka galay, dadka ay kala go’go’een iyo culeys kale uu lasoo dersay Shacabka halkaas ku nool balse looga gudbay dedaalka uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay oo lanagu leexiyay si sharci darro ah, halka sanno aan ka shaqeynayay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray,” ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji.

Midowga Musharaxiinta oo Afar qoddob uga hadlay kulankii ay maanta yeesheen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa war kasoo saaray kulan ay maanta ku yeeshen magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayey xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka.

Musharax Daahir Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in afar qoddob looga hadlay kulankaas, kuwaasi oo badankooda la xiriira habraacii doorashada ee ay sida adag uga horyimaadeen.

“Waxaa kulankii maanta ee Midowga Musharaxiinta lagu gorfeeyay culeysyada ka jira dalka guud ahaan iyo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaa hoosta looga xariiqay afar arrimood oo waaweyn” ayuu yiri.

Afarta qoddob ee looga hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa kala ah;

1. Daaha doorashada, mugdiga soo galay, niyad-jabka bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

2. In la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la isku haleyn karo oo daah furan ay ka dhacdo dalka.

3. Inay wada-hadallo la leeyihiin madaxda Golaha wada-tashiga doorashooyinka, si gaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.

4. In Xukuumadda uu horkacsyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay wada-hadallo la leeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Qarax kale oo maanta laga maqlay Kabul iyo militariga Mareykanka oo sheegay in…

Kabul (Caasimada Online) – Qarax la tuhunsan yahay inuu ka dhashay gantaal lasoo tuuray ayaa maanta ka dhacay magaalada Kabul saacado kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ka digay weerar kale oo argagixiso kadib qaraxii Khamiista.

Qaraxii Khamiista oo uu fuliyey qof ismiidaamiyey ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof, oo ay ku jiraan 13 ka mid ah ciidamada Mareykanka, kuwaas meydadkooda maanta la keenay garoon diyaaradeed ciidan oo ku yaalla gobolka Deleware.

Qaraxa galabta oo aad u dhowaq dheeraa ayaa laga maqlay dhinaca waqooyi ee magaalada, ayada oo sarkaal ka tirsan dowladda la riday ee Afghanistan uu sheegay inuu ka dhasha gantaal kusoo dhacay guri halkaas ku yaalla.

Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo Khasaraaha ka dhashay qaraxan.

Qaraxa ayaa imanaya ayada oo safaaradda Mareykanka ee Kabul ay Sabtidii baahisay digniin xooggan oo ku saabsan inuu dhici karo weeerar lala beegsado qeybo ka mid ah garoonka diyaaradaha Kabul, oo ay ku jiraan albaabada laga galo garoonka.

Isla Sabtidii, Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in weerar aargudasho ah lagu dilay laba xubnood oo sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Afghanistan, oo la tuhunsan yahay inay ka dambeysay qaraxii Khamiista.

Dhinaca kale, war goor dhow kasoo baxay militariga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay maanta ay Kabul fuliyeen duqeyn kale oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Afghanistan. 

SOMTEL oo daah-furtay adeegga casriga ee eSim

Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa daah-furtay adeegga casri ah eSim,  Sidoo kale abaalmnarisay macaamiilka ku guuleystay gaariga Hyundai-ga ah  oo  qeyb ka ah ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood

Adeegga eSim Waa adeegga casri ah oo ku  sahlaya inaad Taleefoonkaaga ku isticmaasho   Lambarka somtel  adigoo taleefoonkaaga wax Simcard  ah gelinin

Munasabada oo ka koobneyd daah-fur adeegga esim  abaalmarinta macamiilkii ku guuleysay gaariga Hyundai oo qeyb ka ah ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood

Tan  markii la daah-furay ololaha ku shubo oo guuleyso10,000 ,hadiyadood waxaa ka faa’ideystay  ku dhawaad6,000 macamiil oo ku kala guuleystay bajaajyo , Laptops,Tv Screens , Dahab, Friges,Cooking Machines, Ipads Samsung Mobiles,eDahab Cash   hadiyado kale qaali ah

Munaasabada Waxaa ka soo qeybagalay Xildhibaano,Wasiiro, Mas’uuliyiin ka tirsan golaha aqalka sare, Rugta ganacsiga  warshadaha,Jaamacadaha, iyo mas’uuliyiin kale dhowr ah

Ugu horeyntii waxaa munasabada daahfuray madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane C/laahi cali caamir oo ku dheeraaday ahmiyada adeegga esim

“waa adeegga casri oo ku cyuusub dunida sida aad somtel hora yuga barateen awaxaa ka go’an in mar walba la jaanqaado tiknoolujiyada casiga ah umada soomaaliyeed aan la wadaagno dhawaan waxaan ku dadaaleeynaa in adeegga 5G soomaaliya laga isticmaalo

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay maareeye ku xigeenka guud ee somtel Mudane: Aaadan Xaaji Yuusuf oo tilmaamay in somtel ay sii wadi doonto Ololaha ku shubo oo Guuleyso

“Waa bilow  Waxaan rajeeyneeynaa in labada bilood ee soo socdo sidaan oo kale loogu guuleysto Waliba gawaarida Hyundai-ga h waxaan u rajeeynayaa Macaamiisheena baahida u qabto sida Maamada Ku guuleystay gaariga Maanta oo ah Qof dumar ah oo beeraleey oo ku nool Miiga magaalada beled-weyn Hadiyadaha lagu guulystaan

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadlay Maareeye ku xigeenka Dahabshil Group Mudane; C/risak xaaji Xuseen oo ku tilmaamay macaamiilka guuleystay 

“Waa Macamiil mudan in lagu daydo xaqiiqdii hadiyadii ay ku guuleysatay waxa ay garwaaqsatay inay ku bixiso tacliinta ubadkeeda  Waa hooyo beeraleey danyar ah oo mudan hadiyadaan sy somtel gudoonsiisay”

Waxaa ugu dambeyntii munaasabada soo xiray wasiirka isgaarsiinta  Tiknolujiyada oo si toos ah xarigga uga jaray adeegga eSim kuna tilmaamay mid baahi farabadan loo qabay

“Adeeggaan waxaa isticmaalo dalal koban dunida oo idil waa adeegga casi Waxaan u baahanahay inan ka faa’ideysano tiknoolujiyada casriga Umada Soomaaliyeed Africa oo idil isgaarsiinta ka jirta waxaa laga leeyahay dalka dibadiisa halka dalkeena shirkadaha isgaarsiinta ka furan ay leeyihiin ganacsato soomaaliyeed waa hormar la taaban karo.”

Ugu dambeyntii  Si kastaba ha ahaatee Shirkadda isgaarsiinta somtel waa shirkaddii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku abaalmarisa 10,000 hadiyadood oo ugu sareeyo gaari Hyundai oo qiimihiisu yahay ku dhawaad  40,000 doolar sidoo kale waa shirkadii isgaarsiineed ee ugu horeysay soomaaliya oo xal u hesha macaamiisha isticmaasha taleefoonada 1simcard xambaara oo waxa ay u soo kordhisay adeegga eSim oo aad uga maarmeyso inaad labo mobile isku wadato simcard-ka labaad waxaad u siticmaaleeysaa hab casro oo macaamiilkii shirkadda ay u direyso Code una adeegsanayo hab  ( Defult)  ah si gaar ah macamiisha isticmaasha taleefoonada (iPhones-ka iyo Samsung) nuucyadii ugu dambeeyay oo kaliya loogu talagaly ina lagu isticmaalo 1Simcard.

DF oo iibisay dhul ka mid ah Tiyaatarka Qaranka + Caddeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka, kuna yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato.

Warqada ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta, islamarkaana uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa lagu sheegay in dhulkaas la bixiyay islamarkaana laga sameyn doono maqaayad. 

Warqada heshiiska kuma cada muddo cayiman, hase yeeshee waxaa ku qoran in dhulkaas lagu wareejiyay Shirkada Xaawo Taako iyo in laga furi doono maqaayad casri ah. 

Xubno kamid bahda Fanka iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kumanaan lacag ah lagu badashay dhulkaan, islamarkaana ay tani qeyb ka tahay dhul boob muddooyinkaan ka socda Muqdisho, oo kusoo beegmay xaaladda kala guurka dalka.

Inta badan dhul boobkan ayaa waxaa looga faa’iideynayaa shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay.

Farmaajo ayaa horey jaadka Ethiopia ugu xiray xubno ka tirsan qoyskiisa, kadib markii uu mamnuucay midka Kenya, si lacagta kasoo xaroota loogu galo olole doorasho, waxaana arrintan ka qeyliyey ganacstada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni jiray Kenya.

Hoos ka arag warqadda lagu bixiyey dhulka

Puntland oo shaacisay ujeed laga leeyahay HABRAACA cusub ee doorashada dalka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay habraaca doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan laga soo saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wwasaare Maxamed Xuseen Rooble kaasoo ay ka hor imaadeen midowga Musharixiinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in habraacaan uu waafaqsan yahay heshiiskii ay 17-ki September Muqdisho ku saxiixdeen Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaasoo dhigayey in codeynta noqoto qaab dadban.

Dhabancad ayaa sababta loo soo saaray habraacaan ku sheegay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti-duwanaanshihii ka taagneyd doorashada.

“Sababta loo yiri odayaasha soo xulaya Xildhibaanada waa in ay aqoonsan tahay dowladda waxaa lagu ilaalinayaa midnimada beesha kursiga iska leh sababta oo ah waxaan ogeyn khilaafaadka ay sababeen doorashooyinkii dhacay sanadkii 2016-kii,” ayuu yiri.

Mar wax laga waydiiyey in guddiga doorashooyinka heer dowlad gooleed uu ansixiyo ergada ay soo xulaan odayaasha ayuu Dhabancad ku adkeystay in kooxda farsamada heer maamul ay madax-banaan tahay, sida uu sheegay.

“Wax kasta waxay kasoo ratib-mayaan heshiiskii 17-kii September oo qeexaya awoodaha guddiga. FEIT-ku (kan heer federaal) wuxuu kormeerayaa doorashooyinka, halka SEIT-ku (kan heer dowlad goboleed) ay hubinayaan in geedi-socodka doorashada ay tahay mid sax ah,” ayuu yiri isagoo la hadlay idaacadda Daljir.

Guddiyada khilaafaadka ayuu sheegay inay u xil saaran yihiin sidii ay u xalin lahaayeen khilaaf kasta oo ka yimaado xulista kuraasta Golaha Shacabka.

“Marka dhamaan cidii hadashay [ee durtey habraaca] waxaan rabaa in aan u sheego in habraacan uu yahay mid fududeynaya in doorashadda noqoto mid xalaal ah, waana mid siinaya odayaasha qabaa’ilka ee iska leh kuraasta Golaha Shacabka in ay ayaga ergadooda la yimaadaan, waa mid siinaya musharaxiinta kuraasta xorriyad, wixii maamul ah waxaa iska leh guddiyada dowlada mas’uuliyadeena waa tan ka saaran dalka,” ayuu ku adkeystay.

Habraaca doorashada ee dhawaan lasoo saaray ayaa waxaa ka hor yimid midowga musharixiinta waxayna si gaar ah u dureyn cidda soo xulaysa ergada, cidda ka ansixineysa, warqada dambi-baarista iyo qarashka.

Xog: Wasiirada maamulka Galmudug oo ka qeylinaya xaalad haysata 7 bilood

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa waxaa muddo 7 bil ah ka maqan mushaharkooda, sida ay xubno ka tirsan oo codsaday inaan la magacaabin u sheegeen Caasimada Online, xilli maamulka uu wajahayo dhaqaalo la’aan baahsan. 

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa mushaar ay qaataan waxaa ugu dambeysya bishii 1-aad ee sanadkaan, waxaana jira qayla dhaan badan oo ay wadaan wasiirada

“Ma cada sababta aan u heli la’nahay mushaarka hase yeeshee markaan waxaan joognaa xaalad adag,” ayuu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah Wasiirada Madaxweyne Qoor Qoor, oo naga codsaday inaan magaciisa shaacin.

Xiriiro aan la sameynay Madaxtooyada Galmudug ayaa ku ogaanay in maamulka uu wajahayo lacag la’aan kadib markii ay waayeen lacagaha kabka ahaa ee loo soo marsiin jiray dowladda Dhexe ee Soomaaliya. 

Qoor Qoor ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa lacago malaayin dollar ah oo ay u ballan-qaaday Villa Somalia looga xiray inuu fuliyo qorshaha madaxtooyada ee doorashada xildhibaanada, si lacagtaas loo siiyo.

Waxa uu horey doorashadii Aqalka Sare ugu soo saaray dhowr xildhibaan oo ay wadatay madaxtooyada, balse weli lama siin lacagta loo ballan-qaaday, mana cadda wax uu sameyn doona haddii aan lasiin marka uu ballanta dhankiisa kasoo baxo.

Wasiirada Galmudug ayaa lagu leeyahay lacag badan oo deyn ah sida aan xog ku helnay, taasoo ay ku daganaayeen hoteelo halka qaarkood ay ka cunteeyeen maqaayado. 

Galmudug ayaa ku soo biirtay maamulada maareyn la’a mushaaraadka shaqaalahooda gaar ahaan xubnaha ugu sarreeya maamulka, sida wasiirada iyo baarlamaanka. 

Macallimuu oo digniin culus kasoo saaray GEDO + Video

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka, isaga oo digniin culus ka soo saaray xaaladda Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Macalimuu oo ka hadlayey arrimaha soo kordhay, gaar ahaan mas’uuliyiinta Jubbaland ee loo diiday Garbahaarey ayaa ka digay in markale dib loo soo celiyo khilaafaadka gobolkaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Gedo maamul ahaan ay hoostagto Jubbaland, isla-markaana loo baahan yahay in lagu shaqeeyo qodobadii ay isku raaceen ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale madaxda maamul goboleedyada.

“Gobolkaan waxa uu hoostagaa DG Jubbaland, nin diidan & nin ogolaadaba waxaa madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa, waa in lagu shaqaayaa sharcigii ay isku raaceen Ra’iisul Wasaaraha qaranka & Madaxda Dowlad-Goboleedyada” ayuu yiri Cismaan Macallimuu.

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in horumarka gobolkan uu saameyn ku yeeshaan khilaafka soo noq-noqday, isaga oo tilmaamay inay shaqeyn waayeen mashaariicdii loogu-talagalay in lagu hormariyo deegaanka, sidoo kalena lagu caawiyo dadka dan-yarta ah.

“Marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay oo lanagu leexiyay si sharci darro ah, halka sanno aan ka shaqeynayay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray” ayuu yiri sii raaciyey Mr. Macalimuu.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle uu ku dhowaaqay in Jubbaland ay dhacday, maamul cusubna ay ka dhisayaan Garbahaarey, isaga oo intaas ku daray inuu dhammaaday muddo xileedkii 2-da sano ahaa ee Axmed Madoobe.

Si kastaba khilaafka weli ka jiro Gedo ayaa ka mid ahaa arrimaha sida weyn la’isugu qabtay ee saameeyey doorashooyinka Soomaaliya oo dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey.

Muxuu ahaa ninka hubeysan ee lagu toogtay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay toogasho ku dilay nin ku hubeysanaa bambaanooyin iyo qori AK-47 ah, xilli ay howl-gal ka wadeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in toogashada ninkan ay ka dhacday xaafadda  Cali-Turcaaye ee degmadaasi, waxaana ciidamadu xilligaas ay wadeen howl-gal roondo ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa sheegay in ninka la toogtay uu damacsanaa inuu weeraro ciidamada waday howl-galka, balse ay ka hortageen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ujeedka howl-galladan ayaa ah kuwa lagu ciribtirayo kooxaha burcadda ah ee xilliyada habeenkii ah dhaca ka geysta degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Muqdisho ayaa waxaa dhowaan ka dhacaya doorashooyin, waxaana ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ay isku diyaarinayaan sugida amniga ee doorashooyinkaasi.

Inta badan ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida dilal, qaraxyo iyo falal kale oo dhac ah, kuwaas oo burcad hubeysan ay u geystaan shacabka.

Daawo: Habka yaabka leh ee kooxda Al-Shabaab ay uga dhaadhiciso dadka inay is-qarxiyaan oo lasoo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay barnaamijka Gungaar, kaas oo looga hadlo xogaha daahsoon ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana lagu soo bandhigay xogo xasaasi ah, iyadoo lagu wareystay shakhsiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo haatan ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.

Barnaamijkaan ayaa diiradda saaraya qaabka qofka loogu qanciyo inuu is-miidaamiyo oo isku qarxiyo dadka kale, waxaana lagu wareystay oo arrimahaas si faahfaahsan u sharaxaya Cabdifitaax Aadan Isxaaq oo sanadkii 2015-kii degmada Saakow uga biiray kooxda, Saciid Dilib oo 2008-dii uga biiray Muqdisho iyo Subeyr Al-Muhaajir oo u dhashay wadanka Ivory Coast.

Subeyr Al-Muhaajir oo u dhashay dalka Ivory Coast waxa uu sheegayaa in hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane ay mar isku qabteen qaraxii Hotel Shaamow.

Sidoo kale waxa uu sharaxayaa shakhsiyadda hoggaamiyaha haatan ee Al-Shabaab Axmed Diiriye, kaas oo uu ku tilmaamay nin khiyaano badan oo ahaan jiray kaaliyaha gaarka ah ee Axmed Godanihii la dilay.

Sanadkii 2019-kii ayuu ninkaan u dhashay Ivory Coast  isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, kadib mudo seddax sano ah oo deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud uu ugu xirnaa kooxda, kadib markii ay isku qabteen hanaanka dadka looga qaadayo sekada.

Saciid Caballe Dilib oo ka mid ah shakhsiyaadka lagu soo bandhigay barnaamijkaan ee lasoo shaqeeyey Al-Shabaab iyo Daacish ayaa sheegay in haatan uu diiwaan gelin ku bilaabayo dadkii ay dileen Al-Shabaab ee lagu shabadeeyey ama lagu sheegay inay ahaayeen saraakiil dowladeed.

Waayihiisii ugu dambeeyey ee kooxda Al-Shabaab waxa uu sheegay inuu xoogga saaray sidii uu uga dhaadhicin lahaa in xasuuqa laga daayo dadka aan waxba galabsan, balse markii uu arkay in cid wax ka maqleysa aysan jirin uu isaga baxay oo Daacish uu ku biiray.

Saciid Dilib markii uu ku biiray Daacish waxa uu sheegay in gobolka Bari ee Puntland uu kula kulmay hoggaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin oo xiriir dhow ay la haayeen intii uu la shaqeynayey Al-Shabaab, balse markii uu ku biiray kooxdiisa uu ku hungoobay balan-qaadyadii uu u sameeyey,sida uu sheegay, taas oo ku kaliftay inuu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo barnaamijka oo dhameystiran

https://www.youtube.com/watch?v=A3AuY29Zj9o

Sanbaloolshe oo war cusub kasoo saaray xiisada Hiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa si faah faahsan uga hadlay wada-hadalladii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in haatan xal laga gaaray arrinta ciidamadii gadooday ee dhowaan qabsaday magaaladaasi, balse wuxuu tilmaamay in weli halkeedii ay tahay tabashada laga qabo HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wada-hadalladan lagu baajiyey in dhiig lagu daadiyo degmada Beledweyne, kadib markii ay gudaha u soo galeen ciidamadii gadoodsan.

“Wada-hadalka waxaa lagu baajiyay in dhiig lagu daadiyo Baladweyne, duubabka dhaqanka ayaa guul weyn ka gaaray in la xaliyo xiisadda, arrinta Hir-Shabeelle waa gooni balse marka ugu horreysa waa in dadka reer Beledweyne xaliyaan dareenka ka dhex jira” ayuu yiri Cabdullaahi Sanbaloolshe oo haatan ku sugan gudaha magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale wuxuu Sanbaloolshe hoosta ka xariiqay in Beledweyne ay u tageen safarka Cali Guudlaawe iyo in la xaliyo tabashada reer Hiiraan, balse ay arrintu sii adkaatay, kadib markiiuu xoogeystay is jiid-jiidka u dhexeeya dhinacyada diidan dhismaha HirShabelle.

“Meeshaan wada-hadal ayaan u imaanay si Madaxweynaha uu nabadgalyo ugu tago Beledweyne loona xaliyo tabashooyinka jira, balse waa wadahadalkii & meeshii aan rabnay in wax la dhigo is jiid-jiid ayaa dhacay, waxaa adkaatay in is faham laga gaaro” ayuu raaciyey.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli weli HirShabelle aysan guda-gelin doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha aqalka sare, waxaana loo sababeynayaa xiisada siyaasadeed ee weli ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ee Garba-Ciise

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in markale saaka dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta uu dib uga qarxay halkaasi, kaas oo geystay khasaarooyin kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu ka socdo magaalada Garba-Ciise iyo sidoo kale agagaarka tuulada Gawracan ee gobolka Siti.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare, balse aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu kusii fido deegaano horleh, isla-markaana uu sii xoogeysto, maadaama labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ma jir weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi dib uga qarxay magaalada Garba-Ciise iyo tuulada Gawracan ee gobolka Siti.

Dagaalkan wuxuu imaanayaa, xilli shalay dowladda Itoobiyan ay war kasoo saartay xiisadda Soomaalida iyo Canfarta, iyada oo ballan qaaday inay wax ka qabaneyso.

Si kastaba dagaalladan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaalida.

Ciidamada Israel oo dib u billaabay weeraradii Gaza iyo wararkii ugu dambeeyey

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada cirka Israel ayaa maanta weeraray laba goob oo ka tirsan Gaza, kadib markii shacabka degan Gaza oo dibad-baxayey iyo ciidanka Israel ee xuduudda ay isku dhaceen, sidoo kalena buufino soo qaaday walxo qarxa lagu weeraray koonfurta Israel, sida ay ciidanka sheegeen.

Weerarkan ayaa yimid ayada oo Masar iyo Israel ay qafiifiyeen xayiraadaha socdaal iyo ganacsi ee lagu soo rogay Gaza, halkaasi oo labada dal ay go’doomiyeen tan iyo markii ay Xamas qabsatay 2007.

“Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israel ayaa weerartay dhismo militari oo Xamas ay u adeegsan jirtay soo saarista hubka iyo tababarada, sidoo kalena laga soo geli jiray marin dhulka hoostiisa mara oo yimaada Jabalia,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamada Israel.

“Weerarada ayaa jawaab u ahaa buufino soo qaaday walxo qarxa oo Xamas ay kusoo weerartay dhulka Israel, iyo banaan-baxyo rabshado watay oo shalay dhacay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Illaa iyo hadda ma jiraan warbixino laga heli karo Gaza oo ku saabsan wax khasaare ah oo ka dhashay weerarada Israel.

Dibad-baxyada shalay dhacay ayaa ciidamada Israel waxay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka aan qarxin ku weerareen shacab Falastiiniyiin ah oo gubayey taayaro, meel ku taalla xuduudda Gaza iyo Israel.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 11 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dhaawacay isku dhacyada.

AFP + VOA

MAREYKANKA oo digniin culus soo saaray iyo cabsi ka taagan garoonka Kabul

Kabul (Caasimada Online) – Dhowr saacadood kadib markii Madaxweyne Joe Biden uu sheegay in weerar kale oo lagu qaado garoonka diyaaradaha ee Kabul ay u badan tahay inay dhacaan 24 ilaa 36 saacadood ee soo socoda, ayaa Safaaradda Mareykanka ee Kabul ku boorrisay muwaadiniinta Mareykanka inay ka baxaan garoonka diyaaradaha.

Digniinta amni ayaa ku boorrisay dadka Mareykanka inay ka fogaadaan agagaarka garoonka diyaaradaha, waxayna safaaraddu sheegtay in si degdeg ah looga baxo agagaarka garoonka, gaar ahaan albaabka Koofureed, agagaarka Wasaaradda cusub ee Arrimaha Gudaha, iyo iridda u dhow Kaalinta Shidaalka ee Panjshir ee dhinaca waqooyi -galbeed.

Biden ayaa bayaan uu Sabtidii soo saaray ka digay weerarro ay suuragal tahay in lagu soo qaado garoonka Hamid Karzai ee magaalada Kabul, xilli ay gabaabsi mareyso ka bixitaanka Mareykanka iyo xulufadiisa iyo daadgureynta muwaadiniintooda iyo dadka reer Afghanistan ee ka baxsanaya xukunka Taalibaan.

Digniintan ayaa imaaneysa laba maalmood kaddib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 170 qof oo u dhashay Afghanistan iyo 13 askari oo Mareykan ah.

Biden wuxuu sheegay inuu taliyeyaasha ciidmaada Mareykanka ku amray ilaalinta askarta Mareykanka ee ku sugan garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai, maadaama daadgureyntii dadkii tirada badnaa ay dhammaad ku dhowdahay, Isla markaana ciidamada Mareykanku ka baxayaan garoonka.

Qiyaastii 2,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay Kabul 12-kii saac ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Aqalka Cad.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in tan iyo 14-kii Agosto, in Mareykank uu daadgureeyay ama gacan ka geystay daadgureyntooda qiyaastii 113,500 oo qof. Tan iyo dhammaadkii bishii July, Mareykanka ayaa dib u dejin u sameeyay 119,000 oo qof.

VOA

Daawo: Beel ka tirsan Abgaal oo hub iyo ciidan lasoo baxday kana hortimid doorashada

0

Xaajicali (Caasimada Online) – Beesha Cabdalla Caroone oo kamid ah beelaha dega gobolka Shabeellada Dhexe ayaa dhoola-tus xoog leh ku soo bandhigtay deegaanka Xaaji-Cali oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lagu qabtay kulan weyn oo beeshu ay uga tashaneysay aayaheeda siyaasadeed.

Gaadiid dagaal, hub iyo ciidamo fara badan ayey beeshaan ku soo bandhigtay deegaanka Xaaji-Cali, waxayna waxgaradka beesha oo warbaahinta la hadlay ku goodiyeen in HirShabeelle aysan doorasho ka dhici doonin ilaa laga xaliyo tabashadooda.

Odayaasha u hadlay beeshaan ayaa sheegay in guraasta tirsigoodu yahay Hope141 iyo Hope 146 ay xuquuqdooda siyaasadeed ku maqan tahay, iyagoo baaq u diray xukuumadda federaalka, beelaha Mudullood oo beeshaan ay ka dhalatay iyo madaxda dowlad goboleedka HirShabeelle.

Mukhtaar Axmed Maxamed oo ah duqa guud ee beesha Cabdalla Caroone ayaa ka digay in labadaas kursi ee kala ah, Hope141 iyo Hope 146 deegaan doorashadooda la geeyo magaalada Jowhar, iyadoo aan lagu heshiin, isla markaana ay mas’uuliyadda waxii dhaca ay qaadi doonto xukuumadda HirShabeelle.

“Waxaan ka codsaneynaa beelweynta Mudulood, dowlad goboleedka HirShabeelle iyo dowladda dhexe qaladkaan horay ayuu u dhacay, 132-dii oday ee la sameeyey doorashadii 2012-kii waxay horseedeen baaba’a waxaan ka codsanaa madaxda inay xaliyaan qaladkaan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha Cabdalla Caroone.

Nabadoon Maxamed Fiiney oo ka mid ah odayaasha beesha ayaa ka digay in xuquuqda beeshaan aan la isku deyin in la duudsiiyo, “Hadii aan cadaalad weyno waxaa dhici doonta cawaaqib xumo aad u xun, mana ka samri doono xaqeena,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Ciidamadii BELEDWEYNE qabsaday oo laga saaray – Maxay ku dhamaatay xiisada?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu guulo ka gaaray kulamo aan loo kala kicin oo 48-kii saac ee u dambeysay uu ka waday magaalada Beledweyne, halkaas oo waayahaan ay ka taagneed xiisad culus.

Yuusuf Dabageed oo kaashanaya Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha ee ku sugan Beledweyne ayaa ku guuleystay in la dhameeyo xiisadii ka taagneyd magaalada, waxaana Beledweyne si nabad ah looga saaray ciidamadii gadoodsanaa ee la wareegay todobaadkii hore.

Yuusuf Dabageed ayaa labadii maalmood ee u dambeysay kulamo aan loo kala kicin oo lagu dhameeynayo xiisadaas waxa uu ka waday magaalada, waxaana xalay u suurta gashay inuu kulan la qaato saraakiisha ciidanka la magac-baxay Badbaadada Hiiraan.

Kulanka uu madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle la qaatay saraakiishaas, Caasimada Online waxay ogaatay in lagu gaaray heshiis hor-dhac ah, kaas oo fulintiisa maanta la guda galay.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada HirShabeelle ee Beledweyne, waxaana Madaxweyne ku xigeenka iyo saraakiisha ku wehliyey Ugaas Yuusuf, odayaal dhaqan iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Xawaadle.

Waxyaabaha la isku afgartay waxaa ka mid ah in ciidamada la magac-baxay Badbaadada Hiiraan laga saaro xarumata maamulka ee ku yaalla gudaha magaalada oo ciidanka dib loogu celiyo xeryahoodii hore.

Xogta aan ka helnay kulamadii dhacay waxay intaas ku dareysaa in loo balansan yahay shirweyne kale oo lagu dhameeynayo tabashada beesha Xawaadle ay ka qabto dhismaha labaad ee maamulka HirShabelle, kaas oo Beledweyne ka dhici doona maalmaha soo socda.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka iyo odayaasha shaqanka Xawaadle ayaa isku raacay in ka talinta aayaha beesha gaar ahaan tabashada haatan taagan looga dambeeyo Ugaaska beesha Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Yuusuf Dabageed ayaa haatan la sheegay inuu ku guuleystay dejinta xiisadii maalmahaan ka taagneyd magaalada Beledweyne oo cabsi weyn laga qabay in gacan qaad uu ka dhaco, maadaama ay magaalada gudaha u galeen ciidamo gadoodsan.

Beesha Xawaadle oo weli saluugsan hanaankii loo maray dhismaha maamulka labaad ee HirShabeelle ayaa si cad u diiday in madaxweynaha maamulkaas uu tago magaalada Beledweyne, taas oo sababtay in HirShabeelle ay kala xiranto, isla markaana ay noqoto halka maamul oo weli aan bilaabin doorashada kuraasta baarlamaanka federaalka.

Daawo: Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo war cusub kasoo saartay kiiskeeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada Ikraan Tahliil oo muddo badan lagu la’yahay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA oo shir jaraaid qabatay ayaa sheegtay in kiiska gabadheeda aan ilaa hadda wax laga qaban.

“Iyadoo ay hadleyn culumadii, waxgaradkii beelaha Hawiye iyo siyaasiyiinta weli dowladda Soomaaliya wax way ka qaban la’dahay kiiska gabadheeda, waa arrin yaab leh oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, gabadheeda waxay iga maqan tahay muddo laba bil ah,” ayey tiri Qaali Maxamuud.

Hooyo Qaali ayaa sheegtay inay wacday nambarada Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse nasiib darro waxay tilmaamtay inaan laga jawaabin wicitaankeeda.

Hooyo Qaali ayaa tilmaamtay inaysan dalka doorasho ka dhici doonin illaa laga soo daayo gabadheeda, waxayna ku hanjabtay inay iyagana soo afduuban doonaan dad kasoo jeedo qabiil ay sheegtay inay heystaan gabadheeda.

“Gabadha waxay kasoo jeedaa 10 qabiil, dadkeeda dhan waxay ka kala tirsan yihiin ciidamada Gorgor iyo Haramcad, madaxweyne Farmaajo haddii aad rabto inaad dadka isku dhameyso adiga ayey kuu taallaa, haddii kale kasoo hadal xariga gabadheeda Ikraan.” ayey tiri mar kale Hooyo Qaali oo ilmeeneysa.

Hooyo Qaali ayaa ugu dambeyntii sheegtay inuu soo wacay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha hey’adda NISA islamarkaana uu u sheegay inay ka war sugto muddo laba maalin ah, waxayna sheegtay inuusan illaa hadda lasoo hadlin lana marayo muddo laba bil ah.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeyneysay hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo laba bil ah, kadib markii la waayey 26-ka June.

Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda NISA.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee hooyo Qaali

 

Qodobada heshiis xasaasi ah oo Turkey iyo Qatar ay la gaareen Taalibaan (Aqriso)

Ankara (Caasimada Online) – Turkey iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamuli doona garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, ayada oo shirkad amni oo gaar loo leeyahay oo Turkish ay sugi doonto amniga garoonka, sida ku cad heshiis ay la galeen Taalibaan.

Heshiiskan oo qabyo qoraal ah ayaa la dhameystiri doonaa kadib markii ciidamada Mareykanka ay soo geba-gebeeyaan ka bixitaankooda Afghanistan, toddobaadka soo socda. 

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ay qasab tahay inuu saxiixo heshiiska. Waxaa la filayaa inuu arrintan wada-tashi kala yeesho xulufadiisa NATO, gaar ahaan Mareykanka.

Turkey ayaa dhowaan soo geba-gebeysay ka bixitaanka ciidamadeeda ee garoonka kadib markii wada-hadallo ay la yeesheen hoggaanka Taalibaan lagu gaari waayey heshiis ay ciidanka Ankara kusii joogi lahaayeen garoonka kadib bixitaanka Mareykanka.

Turkey ayaa muddo toddobaadyo ah sahmineysay suurta-galnimada ah inay sugto amniga garoonka marka ay ka baxaan ciidamada Mareykanka. 

Faah-faahinta heshiiska qabyada ah

Erdogan ayaa khudbad uu Jimcihii jeediyey ku sheegay in Taalibaan ay Turkey u yaboohday fursad ay ku maamusho garoonka, hase yeeshee ay ku adkeysteen inay amniga ayaga sugaan. 

Si kastaba, labada dhinac ayaa hadda isku raacay heshiis qabyo qoraal ah oo xal u noqon kara arrintan, waxaana qodobada ugu muhiimsan heshiiska ay yihiin:-

Turkey waxay Taalibaan u aqoonsaneysaa dowladda sharciga ah ee Afghanistan.
Turkey iyo Qatar ayaa si wada-jir ah u maamulaya garoonka diyaaradaha Kabul.
Ankara ayaa sugeysa amniga garoonka ayada oo loo marayo shirkad gaar loo leeyahay, oo shaqaalaheeda ay isugu jiri doonaan saraakiil horey uga tirsanaa militariga iyo booliska Turkey.
Ciidamada gaarka ah ee Turkey oo noqon doona kuwa dharcad ayaa sugi doona amniga shaqaalaha Turkish-ka ee garoonka, balse kama bixi doonaan xeendaabka garoonka.

Mid ka mid ah caqabadaha hortaagan heshiiskan ayaa ah in dowladdii hore ee Afghanistan ay bishii October ee sanadkii tegay ay qandaraas lagu maamulayo garoonka siisay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Taalibaan ayaa u baahan inay heshiis gaar ah la gasho shirkadaas. 

Ciidamada gaarka ah oo sii jooga

Turkey ayaa weli waxaa u furan safaaraddeeda Kabul, kamana aysan soo daad-gureyn dalkaas diblomaasiyiinteeda muhiimka, oo uu ku jiro safiirka. 

Sidoo kale, xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Turkey ayaa ku sugan Kabul, si ay u ilaaliyaan safaaradda, halka kuwa kale ay joogaan Islamabad, si haddii gurmad ahaan loogu baahdo loogu yeero.

Sanadahii tegay, Turkey ayaa ilaalineysay qeybta militari ee garoonka, si looga hor-tago weeraro banaanka uga yimaada. 

Horraantii xagaagan, Ankara ayaa ku dhoweyd in Mareykanka la gasho heshiis ay kusii waddo howlgalkan, hase yeeshee deg-degtii at Taalibaan kula wareegtay dalka ayaa beddeshay xaaladda.

Saraakiil Turkish ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in sii joogitaanka Afghanistan uu ka caawin doono inay ilaaliyaan danaha siyaasadeed iyo kuwa ganacsi ee ay ka leeyihiin dalkaas.

Hoggaamiyaha Tigray-ga oo mowqif cusub kasoo saaray dagaalka dowladda Ethiopia

Mekele (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Tigray-ga ayaa sheegay inay ka go’an tahay in wada-xaajood lagu dhammeeyo dagaalka sagaalka bil ka socda gobolka ee ay ku dhinteen kumanaanka qof, islamarkaana in ka badan nus milyan kale ay ku barakaceen. 

Warqad uu u diray xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, oo ay aragtay wakaaladda wararka AP, ayuu Debretsion Gebremichael ku sheegay in Tigray-ga ay doonayaan dhex-dhexaadiyey aan dhinac u janjeerin.

Hase yeeshee waxa uu ka digay in Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay Ethiopia “uusan wax hal u keeni karin dagaalka” sababtoo ah ururkan ayaa horey u taaaeeray dagaalka dowladda Ethiopia ay ku qaaday gobolka. 

Arrintan ayaa cakireysa hindise uu Midowga Afrika ku dhowaaqay Khamiisto oo uu ugu magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu noqdo ergeyga garaka ah ee ururka u qaanbilsan Geeska Afrika.

Caqabadda kale ee jirta ayaa ah in dowladda Ethiopia ay ku calaameyso ururka TPLF ee Tigray inuu yahay urur argagixiso, taasi oo macnaheedu yahay inaysan wada-hadal la geli karin.

Safiirka Kenya ee QM Martin Kimani ayaa Golaha Ammaanka u sheegay inay muhiim tahay in dowladda Ethiopia ay ka laabato go’aanka ay TPLF ugu yeertay argagixiso, si wada-hadallo loo furo.

Dhinaca kale, dagaalka Tigray ayaa toddobaadyadii tegay kusii faafay gobollada Amhara iyo Afar ee deriska la ah, ayada oo ciidamada TPLF ay dhul badan qabsadeen.

Waxay tani kasii dartay xaaladda gobolka, ayada oo ay sii kordhayaan dadka barakacay, oo kuwa badan oo ka mid ah laga cabsi inay gaajo iyo macluul u dhintaan.

Debretsion ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay dooneyso in gaajo u la’daan shacabka Tigray.

“Ujeeddada waxay tahay in la cirib-tiro Tigray-ga ayada macluul loo dilayo,” ayuu yiri Debretsion oo tixraacaya xanibaado la sheegay in dowladda Ethiopia ay saartay gargaarka ay hay’adaha caalamiga gaynayaan gobolka.