26.6 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Hoggaamiyaha Tigray-ga oo mowqif cusub kasoo saaray dagaalka dowladda Ethiopia

Mekele (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Tigray-ga ayaa sheegay inay ka go’an tahay in wada-xaajood lagu dhammeeyo dagaalka sagaalka bil ka socda gobolka ee ay ku dhinteen kumanaanka qof, islamarkaana in ka badan nus milyan kale ay ku barakaceen. 

Warqad uu u diray xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, oo ay aragtay wakaaladda wararka AP, ayuu Debretsion Gebremichael ku sheegay in Tigray-ga ay doonayaan dhex-dhexaadiyey aan dhinac u janjeerin.

Hase yeeshee waxa uu ka digay in Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay Ethiopia “uusan wax hal u keeni karin dagaalka” sababtoo ah ururkan ayaa horey u taaaeeray dagaalka dowladda Ethiopia ay ku qaaday gobolka. 

Arrintan ayaa cakireysa hindise uu Midowga Afrika ku dhowaaqay Khamiisto oo uu ugu magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu noqdo ergeyga garaka ah ee ururka u qaanbilsan Geeska Afrika.

Caqabadda kale ee jirta ayaa ah in dowladda Ethiopia ay ku calaameyso ururka TPLF ee Tigray inuu yahay urur argagixiso, taasi oo macnaheedu yahay inaysan wada-hadal la geli karin.

Safiirka Kenya ee QM Martin Kimani ayaa Golaha Ammaanka u sheegay inay muhiim tahay in dowladda Ethiopia ay ka laabato go’aanka ay TPLF ugu yeertay argagixiso, si wada-hadallo loo furo.

Dhinaca kale, dagaalka Tigray ayaa toddobaadyadii tegay kusii faafay gobollada Amhara iyo Afar ee deriska la ah, ayada oo ciidamada TPLF ay dhul badan qabsadeen.

Waxay tani kasii dartay xaaladda gobolka, ayada oo ay sii kordhayaan dadka barakacay, oo kuwa badan oo ka mid ah laga cabsi inay gaajo iyo macluul u dhintaan.

Debretsion ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay dooneyso in gaajo u la’daan shacabka Tigray.

“Ujeeddada waxay tahay in la cirib-tiro Tigray-ga ayada macluul loo dilayo,” ayuu yiri Debretsion oo tixraacaya xanibaado la sheegay in dowladda Ethiopia ay saartay gargaarka ay hay’adaha caalamiga gaynayaan gobolka.

Waare oo shaaciyey qorshe siyaasadeed oo ka dambeeya colaadda ka taagan Hiiraan

0

Beledweyn (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul Goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay colaadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waare ayaa ugu horreyn ka digay sii socoshada colaada gobolka Hiiraan, wuxuuna ugu baaqay beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle inay ka shaqeyso sidii loo damin lahaa xiisadda taagan.

“Waxaan maanta maqlay war naxdin leh: in Beledweyne Duleedkiisa lagu dilay dhowr qofood oo beeraley ah. Arrintaasi waxay halis u tahay inay soo noolaato colaadii qabooday ee u dhexeeysay beelaha walaalaha ah ee Xawaadle iyo Surre,” ayuu yiri Waare.

Madaxweyne Waare ayaa tacsi u diray dadkii la dilay, wuxuuna dilkaan ku eedeeyey inay ka dambeeyaan shakhsiyaad dano siyaasadeed leh, inkastoo uusan magacaabin dadkaas.

“Waxaan xog ku heynaa in arrintaas abaabuleen dad dano siyaasadeed oo guracan leh. Waxaan ugu baaqaayaa walaaluhu inaysan ku dhicin dabinka loo maleegaayo, colaadana joojiyaan. Gaar ahaan beesha Xawaadle ee dadka laga dilay inay muujiyaan sabar iyo dulqaa,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Jimcihii ayey ahayd markii ay dabley hubeysan weerar ku qaaday duleedka magaalada Beledweyne ay ku dishay dhowr qof oo Beeraley ahaa oo kasoo jeeday Beesha Xawaadle.

Xaaladda Magaalada Beledweyn iyo duleedkeeda ayaa hadda dagan, waxaana jirto cabsi laga qabo in Beesha Xawaadle ay sameyso aargudasho, inkastoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadaan.

Somaliland oo ‘ogolaatay’ dalabka MAREYKANKA ee qaxootiga AFGHANISTAN

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa mabda’ ahaan ogolaatay inay qaadato qaxooti kasoo jeeda dalka Afghanistan, sida uu Jimcihii sheegay sarkaalka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in Hargeysa ay wada-hadallo la gashay saraakiisha Mareykanka, oo ku saabsan inay si ku-meel gaar ah u marti-geliso qaxootiga Afghanistan.

Mareykanka ayaa Afghanistan ka qaadaya kumanaan qaxooti oo ka cararaya xukunka Taalibaan, kuwaas oo badankood ah dad la shaqeeyey ciidamada Mareykanka iyo ehalladooda.

“Waxaan mabda’ ahaan ogolaanay inaan marti-gelino qaxootiga Afghanistan, si ku meel-gaar ah,” ayuu yiri sarkaalka reer Somaliland ee la hadlay AFP, isaga oo intaas ku daray in heshiiska arrintan ku saabsan uu weli marayo marxalad horudhac ah, ayada oo weli arrimo farsamo ay u baahan yihiin in laga shaqeeyo, sidoo kalena aan taariikh loo goyn waqtiga imaanshahooda.

Haddii qaxootigan la geeyo Somaliland, waxay halkaas joogi doonaan illaa Mareykanka uu ka diyaariyo Visa-ha ay ku galayaan dalkaas, taasi oo qaadan karta bilo ama sanado.

Mareykanka ayaa sidoo kale wada-hadal kula jira Uganda, si ay qaxooti dheeraad ah oo Afgaaniyiin ah u qaadato. Arbacadii ayaa diyaarad sidday 51 qaxooti oo Afgaaniyiin ah ay gaartay magaalada Kampala.

Warbaahinta qaar ayaa sheegeys ain Kampala ay ogolaatay inay qaabisho illaa 2,000 oo qaxooti.

Somaliland ayaa sheegata inay ka go’day kana madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, hase yeeshee ma haysato aqoonsi caalami ah.

Ma cadda haddii Mareykanka uu arrintan kala hadlay dowladda federaalka Soomaaliya, oo u arki karta inay xadgudub ku tahay madax-banaanida dalka haddii aan lagala tashan, hase yeeshee Muqdisho ma lahan wax awood ah oo ay ku hor-istaagto qorshahan.

Ciidamada Somaliland oo ‘weeraray’ guriga Coldoon

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaaska Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo haatan u xiran Somaliland ayaa shaacisay inay saaka aroortii hore gurigooda oo ku yaalla Burco weerar ku soo qaadeen ciidan isugu jira Boolis iyo Milatari oo ka trsan maamulkaasi.

Aasiya Faarax oo ah xaaska Wariye Coldoon aya abarteeda Facebook-ga ku sheegtay in ciidamadu ay si xoog ah ku soo galeen guriga, kadibna ay baaris ku sameeyeen.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in ciidamadu ay argagax weyn geliyeen caruurta iyo haweenkii xilligaas ku sugnaa guriga Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.

“Ciidan Isugu jira malateri iyo Booliis badan ayaa abaaro 05:00 subaxnimo soo weeraray gurigii Samafale Coldoon, iyagoo argagax geliyey caruurtii iyo haweenkiiba.” ayey tiri.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada Somaliland ay amar la’aan guriga kusoo daateen, iyada oo ku eedeysay inay baal mareen sharuucda caalamiga ah iyo dhaqanka.

“Intaa waxaa dheer inay guriga bila idin u soo daateen iygoo baal maray xeerarkii caalamiga ahaa iyo tii dhaqanba.” ayey raacisay Aasiya Faarax.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo uu haatan Somaliland u xiran yahay Wariye Coldoon oo baahiyey warbixino isdaba joog ah,isla-markaana liddi ku ahaa dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey macalimad Joy Isa oo uu sheegay inay tahay Masiixiyad howl Diimeed u timid deegaanada maamulka Somaliland.

Saameynta heshiiska Turkey, Imaaraadka iyo Itoobbiya ee doorashada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed ayaa August 18, 2021 booqasho ku tegay magaalada Ankara xilli dalkiisa ay colaad sokeeye ka taagan tahay (gobolka Tigray), xadka kala dhexeeya Sudan ay xiisad ka aloolsan tahay, murunkii biyoxireenka Niilna uu isku rogay xulufo uruursi. 

Heshiis Iskaashi Militeri oo ay Itoobbiya la gashay Turkiya ayaa laga yaabaa inuu wax ka beddeli doono cudud isku hallaynta Masar. Waxaase hadal hayn abuuray isku beegmidda booqashada Abiy Axmed iyo kulankii naadirka ahaa ee Madaxweyne Erdogan uu la yeeshay La-Taliyaha Amniga ee Iskutagga Imaaraadka Carbeed Sheikh Tahnoun bin Zayed al Nahyan. 

Kol haddii jajuubikii Afghanistan uu noqoday “hal bacad lagu lisay,” Abu Dhabi waxay halhaleel ku beddeshay siyaasaddeedii ku dhisnayd cudud (hawkish) ku muquuninta, si aysan u gefin kaalinteedii Badda Cas iyo Geeska Afrika ee isbeddelka nidaamka caalamka “geopolitical order” ku heshay.  

Sida uu qoray wargeyska Bloomberg, laba bilood ka hor shirkadda Mubadala Investment ee Abu Dhabi ayaa maal ku dhow bilyan doolar gashatay 3 shirkadood oo Turki ah (Bloomberg – 19/08/2021). 

Dib u hagaajinta xidhiidhkooda ganacsiga iyo maalgashiga ayaa saameyn baaxad leh ku yeelan kara xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Maal dhan 2.5 bilyan doolar ayuu Turkiga geliyey dalka Itoobbiya.

Wixii ka dambeyay heshiiskii Riyadh iyo Dooxa waxaa muuqday in Imaaraadku ku dhacay go’doon weliba markii Turkiga uu soo jiitay Masaarida iyo Faransiiska oo ay dagaalka Liibiya iskaga soo horjeedeen.

Kulanka lama filaanka ahaa ee Ankara ka dhacay ayaa astaan cad u ah in Turkiga iyo Imaaraadka ay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan qaadista jiho ka duwan tii hore.

Gulufka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka waxaa sababaya in maamulka Joe Biden uusan mar walba u hilinayn badbaadinta lammaane (partner) shar badan oo aan la isku hallayn karin. Imaaraadka oo kula tartameya Qadar nabaddoonnimada ayaa Itoobbiya iyo Sudan u soo bandhigay dhexdhexaadin.

Reer Galbeedka, oo Imaaraadka u adeegsanayay sida hangoolka, si ay uga hortagaan saameynta Turkiga ee Geeska Afrika ayey qorrax ku soo baxday.

Madaxweyne Erdogan ayaa si taxaddar leh ugu soo jeediyey Janan Cabdel Fattaax Cabdelraxmaan al-Burhan Madaxa Golaha Qaranka Sudan iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta muranka xadka. Ankara ma hursana inay Imaaraadka u weheshato geedi-socodka dhexdhexaadinta labada dal, taasoo xidhiidhkooda ku soo kordhin doonto isku kalsooni. 

Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Kuwait oo gargelyo ka ahayd Abu Dhabi ay ku talisay inay Soomaaliya wadaxaajood la furto Imaaraadka. Walow uusan dadaalkaas najixin, haddana hagaajinta xidhiidhka Turkiga ayaa qayb ka ah ilaalinta danahooda Liibiya iyo Soomaaliya.

Ilo wargaleen ah ayaa sheegay in Dooxa iyo Ankara oo daacad u ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay isaga fogaadeen wixii ka dambeyey khilaafkii dhexmaray Farmaajo iyo Khayre ee u dhurtay afgambi Dastuur (Abril 12, 2021).

Dhinaca kale, xallinta xiisadaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa laga yaabaa inuu daadka raacsiiso riyadii siyaasiyiintii ku xulufoobay calanka Abu Dhabi hoostiisa.  

Saadaasha hor dhac u ah cidda ku soo bixi doonta madaxtooyada ayaa tilmaameysa daljire aragti dheeri, oo karti iyo hufnaan kula dabaakhi kara dunida ku loolameysa danaha kala duwan.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DENI oo kulamo xasaasi ah ka wada Nairobi + Ujeedka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaaladaasi oo ah caasimada wadanka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni oo shalay gaaray gudaha Nairobi uu dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka bilaabay halkaasi, kadib shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa uu la leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay Kenya iyo saaxibada caalamiga ah ee ay leedahay Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online kulamadan ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa, maadaama lasoo saaray habraacoodii.

Ujeedka kulamada uu Deni wado ayaa ah kuwa ku ugu xusul doobayo doorashooyinka soo socda, si uu galaan-gal xoogan ugu yeesha doorashada heer federaal, inkastoo warar hore usoo baxay ay shaaciyeen inay ‘suuragal tahay inuu isku soo taago xilka madaxweynaha’.

Soomaaliya ayaa waxaa ay sanadkan galeysa doorasho adag oo ay ku tartamayaan siyaasiyiin saameyn leh, waxaana socda olole xoogan oo loogu jiro doorashooyinka.

Si kastaba dhowaan ayaa la filayaa in si rasmi ah loo guda-galo doorashada Golaha Shacabka, sidoo kalena la dhammeystiro mida Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

MAREYKANKA oo weerar aargudasha ah ka fuliyey wadanka AFGHANISTAN

Kabul (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee nooca Drones-ka ayaa weerar dhinaca cirka ah ka fuliyey bariga Afghanistan, iyada oo lagu beegsaday kooxda Isis-K oo ah urur-goboleed ka tirsan kooxda la magacbaxday dowladda Islaamka.

Weerarkan oo ahaa mid aargoosi ah ayaa ka dhacay gobolka Nangarhar, iyada oo lagu bartilmaameedsaday gaari uu la socday sarkaal kooxda Isis-K u qaabilsanaa dhanka qorsheynta.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa daabacday in duqeyntaas ay u dhacday sidii loo qorsheeyey, isla-markaana ay fulisay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo ka soo duushay saldhig aan la magacaabin oo uu Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe.

Sidoo kale militeriga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay rumeysan yihiin inay khaarijiyeen sarkaalkaasi, walow aysan shaacin magaciisa dhabta ah.

Maalin ka hor ayey aheyd markii qaraxyo is xig-xigay oo ay sheegatay Daacish ay ka dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul, waxaana ku dhintay ku dhawaad 170 qof oo ay ka mid yihiin 12 askari oo ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Mareykanka.

Kadib weerarkaasi Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inay baacsan doonaan kooxihii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee caasimada Kabul.

Si kastaba weeraradan ayaa ku soo aadayo, xilli weli ciidamada Mareykanka ay wadaan daad-gureynta dadka ka baxsanaya Afghanistan, kadib markii ay la wareegtay Taalibaan.

Madaxweyne Joe Biden oo diiday QORSHE ay la timid Israel oo ku wajahan IRAN

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennet in diblomaasiyadda ay tahay xulashadiisa koowaad, balse uu ka fakari doono kuwa kale, haddii ay fashilmaan dadaallada dib loogu soo nooleynayo wada-hadallada Nukliyeerka Iran.

Biden ayaa hadalkan sheegay kadib markii labada hoggaamiye ay Washington ku yeesheen kulankoodii ugu horreeyey tan iyo markii Bennet uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Israel, bishii June. 

“Diblomaasiyadda ayaan marka hore hormarineynaa, waana arki doonnaa halka ay na geyso,” ayuu Biden ka yiri kulanka Aqalka Cad. “Balse haddii diblomaasiyadda ay fashilanto, waxaan diyaar u nahay inaan u weecano xulashaooyin kale.”

Mar waxa laga weydiiyo xulashooyinka kale kale ee Biden uu ka fakarayo, afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki waa ay diiday inay ka hadasho.

Bennet ayaa Aqalka Cad yimid ayada oo ujeedkiisu yahay inuu Biden ka dhaadhiciyo inuusan dib ugu laaban heshiiska Nukliyeerka Iran ee la saxiixay xilligii madaxweyne Obama, balse uu ka baxay madaxweyne Trump.

Tan iyo markii Mareykanka uu heshiiska ka baxay 2018-ka, Tehran ayaa sare u qaaday kobcinta uranium-keeda oo ay gaarsiisay 63%, oo ku dhow heerka laga soo saari karo hub Nukliyeer, halka intii ay heshiiska ku jirtay ay aheyd kaliya 3.67%.

Bennet ayaa sheegay inuu Aqalka Cad la yimid xeelad looga hartagi karo in Iran ay hesho hub Nukliyeer ah, taasi oo si gaar ah uu ula wadaagay Biden. Si kastaba, wuxuu qanacsanaan ka muujiyey in isaga iyo Biden ay ka mideysan yihiin in Iran aan marna loo ogolaan inay hesho hub Nukliyeer.

“Iran waa dalka koowaad ee caalamka ee dhoofiya argagixisada, xasillooni darrada iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Bennet. 

Bennet ayaa sheegay in heshiis lala galo Iran oo ka qafiifin doona cunaqabateynada saaran uu ka dhiggan yahay inay heli doonto kheyraad ay kusii kobciso uranium-ka.

Biden ayaa caddeeyey in damciisu yahay inuu helo waddo Iran loogu celin karo heshiiskii Nukliyeer ee 2015 ee uu galay maamulkii Obama ee Biden uu ka ahaa madaxweyne ku-xigeen. 

Washington iyo Tehran ayaa waxay wada-hadallo dhowr ah ku dhex-mareen Vienna, hase yeeshee waxay istaagaan markii Iran ay gashay doorashooyinkii lagu doortay madaxweyne Ebrahim Raisi. Ma cadda xilliga ay dib u bilaaban doonaan.

Muxuu yahay heshiiska ay gaareen DDSI iyo Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo is-maamulka Somaalida Itoobiya ayaa heshiis kala saxiixday, kadib markii wafuud ka kala socotay labada dhinac ay shirweyne ku yeesheen degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Shirkan oo maalmo qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay maas’uuliyiin ka socotay wasaaradda maaliyadda, mida ganacsiga, maamulka gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga Puntland, halka dhanka dowlad deegaanka Soomaalida ay matalayeen guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyeyayaashii degmooyinka Bookh, Galxamur, Galaadi, Danood iyo hay’adaha amniga, iyada oo gabagadii shirweynahan laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ah.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada-hadlay, isla-markaana diiradda u saaray wada-shaqeynta amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo DDS.

Puntland iyo is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ku heshiiyey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee lidka ku ah amniga labada dhinac .

Sidoo kale waxaa heshiiskan qeyb ka ah in si isku mid ah looga hortego deegaameynta cusub xadka ay wadaagaan labada maamul & in la joojiyo xaalufinta dhirta.

Guddiyada ka socday labada dhinac ayaa sidoo kale is afgarad ka gaaray iskaahsiga ilaalinta canshuuraha iyo arrimaha dakhliga gudaha.

Si kastaba heshiiskan cusub ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii dambe Puntland ay ka cabanaesay maan-dooriyaha nooca qamriga ee uga yimaada dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida, halka ismaamulka dowlad deegaankana uu ka cabanayay hubka & wax-yaabaha qarxa ee laga soo galiyo dhanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Midowga Yurub oo weerar ka fuliyey xeebaha Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Yurub ee la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa shaaciyey in markab kusoo wajahnaa dekedda Muqdisho uu si diriq kaga bad-baaday weerar maamlo ka hor ku qaadeen burcadbadeed Soomaali ah.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa warbixin kasoo baxday ururka lagu sheegay inay fuliyeen 4 nin oo watay doon kuwa dheereeya ah, balse uu fashilmay weerarkaas.

Qoraalka ka soo baxay EU NavFor ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in raggan ay damacsanaayeen inay qafaashaan markabka, si ay uga helaan madax-furasho, balse ay si deg deg ah gurmadeen ciidankooda la dagaalanka burcadbadeeda ee biyaha Soomaaliya.

“Weerarkaas waxaa fuliyay afar ruux oo la socday doon yar oo ah kuwa dheereeya, waxa ay weerareen markabka oo ay damacsanayeen in ay qafaashaan si ay uga helaan Madax-furasho balse gurmad degdeg ah ayaa gaaray oo ka socda howlgalka EU NavFor, ”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay howl-galka Ururka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeeda.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in iska hor imaad kooban uu dhex-maray labada dhinac, balse burcadbadeeda ay ku guul darreysatay inay gacanta ku dhigaan markabkaasi.

Ugu dambeyn Ururka Midowga Yurub ayaa xusay in markabkan oo ahaa mid ganacsi uu si nabad ah ku soo gaaray dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

“Kaddib markii weerar iyo iska caabbin is dhaafsadeen Ilaalada Markabka iyo Burcadda oo ugu yaraan muddo saac dagaalamay, Burcaddu way ku guuldareysatay in ay gacanta ku dhigto, si nabadgalyo ah ayuu Markabka ku gaaray Dekedda Muqdisho” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka kaso baxay howlgalka EU NavFor.

Weerarkan ayaa noqonayaa midkii labaad oo ay fuliso kooxda burcad-badeeda, iyaga oo horay sanadkan gudihiisa isugu dayey inay afduub u geystaan markab kale oo shisheeye.

Sababta diidan in Al-Shabab laga saaro Jubada Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii magaalada Kismaayo laga qabsadey Al-Shabaab siddeed sano kahor, waxay weli kooxdu gacanta ku heysaa degmooyin badan oo hoos-yimaada gobolka Jubada Hoose iyo guud ahaan gobolka Jubada Dhexe.

Labadii sano ee ugu dambeysay ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa isku horfadhiyay degmadaasi meelo aan kala fogeyn.

Haddaba, maxay yihiin caqabadaha ku hor gudban in gobolkaas lala wareego?

Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi oo ah Sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada Jubbaland ayaa VOA-da u sheegay in caqabada u weyn ee ku hor gudban ay tahay mid siyaasadeed iyo kala qeybsanaan gudaha Ciidamada Soomaaliyeed iyo AMISOM.

“Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ayaa cadowga lagu wajahi karaa, waxaan isleeyahay qeybtii AMISOM ayaa marwalba howsha sidii la rabay uga qeyb qaadaneyn, ha noqoto mid siyaasadeed iyo mid gudahooda ahba,” ayuu yiri Xasan Ciraaqi.

“Waxaa u maleynayaa in AMISOM ay ciidamada u raaci laadahay ay tahay inaysan haysan amar guud oo ah in halmar la wada qabto dalka oo dhan.”

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in si buuxda loo dhiso ciidamada Soomaaliyeed, ayada oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeynayo, islamarkaana meesha laga saaro kala qeybsanaanta, si ay u fududaato guulo laga gaaro cadowga.

Ugu dambeyntiina waxa uu kula taliyey ciidamada inay daacad ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, una dhintaan, illaa inta dalkeena laga xoreynayo

Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga oo dhowr qodob isfaham ka gaaray iyo Deni iyo Axmed Madoobe oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa is-faham horudhac ah ka gaaray dhowr qoddob oo kamid ah qoddobadii dib u soo cusbooneysiiyay khilaafka doorashooyinka dalka, sida ay Caasimada Online u sheegen illo xogogaal ah.

Musharaxiinta Mucaaridka iyo Golaha oo kulamo ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa isku fahmay in gebi ahaanba meesha laga saaro lacagta diiwaan-gelinta ergada ee CID-da iyo in la yareeyo qiimaha ay musharaxiinta ku qaadanayaan warqada dembi la’aanta.

Sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen in mudaneyaasha xiligan ka tirsan baarlamaanka uu waqtiga ka dhamaaday ee labada gole aan looga baahneyn warqada dembi la’aanta ee CID-da.

Xogta aan ka helayno qoddobada is-fahamka ay ka gaareen Musharaxiinta iyo Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa intaas kusii daraya in la isla qaatay qoddobka ka hadlaya bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa Golaha Shacabka.

Sida ay Caasimada Online u sheegen illo ku dhow-dhow labada dhinac, madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid in wax ka bedel lagu sameeyo qoddobka ka hadlaya odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada beesha.

Sidoo kale waxa jira qoddobo aan weli is-faham laga gaarin, ayada oo labada dhinac u ballameen kulamo kale, si hoos loogu dhigo khilaafka cusub ee ka dhashay habraaca doorashada ee awooda badan siinaya madaxweynaasha maamul goboleedyada.

Si kastaba, waxaa lagu wadaa in is-fahamka laga gaaray dooda habraaca cusub ee doorashooyinka si rasmi ah loogu shaacin doona kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Wada-tashiga Qaran oo toddobaadyo kadib la sheegayo in markale uu qabsoomi doono.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa maanta isaga tegay Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa ku laabtay magaalada Kismaayo halka Deni uu u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maamulka gobolka Gedo oo ku dhowaaqay in Jubaland ay dhacday, oo ay dhisayaan maamul cusub

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee hoostaga dowladda federaalka Axmed Buulle Gareed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in qof ka socda maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo uusan imaan karin Garbahaarey iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in waqtigii maamulka Axmed Madoobe ee labada sano ahaa uu dhamaaday, islamarkaana ay reer Gedo doonayaan in maamul la wada leeyahay loo dhiso Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu ku goodiyey in maamul uu soo magacaabay Axmed Madoobe uusan imaan karin gobolka Gedo.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in cid ka socota Kismaayo oo ka tirsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo aysan imaan karin Garbahaarey, talada, howsha halkaan ka socota ee doorashada iyo ambigeedaba anagaa masuul ka ah,” ayuu yiri guddoomiyaha Garbahaarey ee taabacsan dowadda federaalka.

Dadka is-bedel doonka ah ee reer Jubbaland ayuu ugu baaqay inay isugu yimaadaan Garbahaarey oo sida uu sheegay ay gogoshoodu ka fidsan tahay, isagoo sheegay inay hadda dad badan ku soo biireen gogoshaas.

“Waxaan fariin u dirayaa Ra’iisul wasaare Rooble, waxaan kaa codsaneynaa Ra’iisul wasaare in Axmed Madoobe aadan kala hadlin masiirka Jubbaland, markii laga reebo laba degmo oo Axmed Madoobe maamulo, inta kale anigaa madaxweyne ka ah, waxaan kaa codsaneynaa in deegaan kasta cidda heysata aad kala macaamisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha Garbahaarey.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labadii sano ee Axmed Madoobe la aqoonsaday ay dhamaatay oo bishaan Agoosto ay ku ekeed, sidaas darteedna ay doonayaan in degmooyinka ay ka taliyaan aan Axmed Madoobe lagala xaajoon.

Hoos ka daawo

Qarax is-miidaamin ah oo lala damacsanaa tacsida ‘Libaaxa Muqdisho’ oo la fashiliyey

Kampala (Caasimada Online) – Uganda ayaa maanta sheegtay inay fashilisay qarax is-miidaamin ah oo ka dhan ahaa tacsida taliyihii hoggaamiyey weerar culus oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. 

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay Khamiistii xireen nin ku sugnaa magaalada waqooyi ee Pader, maalin kahor tacsida Jeneral Paul Lokech oo lagu naaneysi jiray “Libaaxa Muqdisho.”

“Tuhmanaha wuxuu watay aaladaha laga sameeyo bambooyinka,” waxaa sidaas tiri Flavia Byekwaso oo ah afhayeen u hadashay ciidamada Uganda oo bayaan soo saartay, ayada oo ninka magaciisa ku sheegay Katumba Abdul, oo sidoo kale loo yaqaan Ben. 

Qalabka lagu qabtay waxaa ka mid ahaa bamooyinka guryaha lagu sameeyo, jaakadaha is-miidaaminta, kiimikada ammonium sulphate, saacado iyo taleefon gacmeedyo loo adeegsan lahaa in bamka lagu qarxiyo. 

“Baaritaanada waxay illaa hadda tilmaamayaan in tuhmanaha uu damacsanaa inuu arbusho tacsida Jeneral Paul Lokech,” ayey tiri Byekwaso.

Lokech, oo Sabtidii gurigiisa ugu dhintay dhiigga oo xinjiroobay, ayaa laba goor noqday taliyaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. 

Waxa uu hoggaamiyey cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo Al-Shabaab ka saaray Muqdisho 2011-kii, taasi oo uu ku muteystay naaneysta “Libaaxa Muqdisho.”

Geerida Lokech ayaa waxaa ka tacsiyeeyey hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxaana AMISOM ay ku qeexday “halyey” lagu xusuusan doono dagaalka ka dhanka ah mintidiinta. 

“Waxaan dhammaanteen ku xasuusan doonaa inuu ahaa nin dabeecad wanaagsan, geesi ah, oo edeb iyo sharaf lahaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AMISOM.

Ciidamada Uganada ayaa 2018-kii sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku rasaaseeyeen kolonyo uu la socday Lokech, isaga oo markaas ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM, inkasta oo waxyeelo aysan ka dhalan weerarka.

Dhallinyaro ka tagtay Xamar oo Galgaduud loogu dilay aano qabiil – Yaa ka dambeeya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helaya dil labo qof oo dhallinyaro shacab ahaa loogu geystay deegaanka Balli-howd oo hoostaga degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud.

Sida ay dad deegaanka u sheegen Caasimada Online, labada qof ayaa ahaa dhalinyaro saarna gaari kasoo baxay magaalada Muqdisho oo kusii jeeday degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Dhalinyartaan ayaa waxay maleeshiyaad hubeysan kala dageen gaarigii ay saarnayeen, iyaga oo marka ay dileen kadib goobta iskaga baxsaday, sida ay sheegen dadka deegaanka.

Waxaa lagu soo waramayaa in dilkaan uu salka ku hayo Aanooyin qabiil oo xiisadiisu muddooyinkii dambe ka taagan tahay deegaanadaas, waxaana gaystay kasoo jeeda beel ay horey dad isaga dileen beesha wiilasha dhallinyarada ah.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa bilihii tegay aad u soo badanayey dilalka ku dhisan Aargoosiga beelaha, waxaana laga cabsi qabaa in dilka uu horseedo dilal kale oo aargoosi.

Sidoo kale waxa uu dilkaan kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay dagaal beeleed khasaaro geystay uu ka dhacay degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee isla gobolkaas.

Madaxweyne Erdogan oo war kasoo saaray wada-hadallo ay la yeesheen Taalibaan

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey ay wada-hadalladii ugu horreeyey Taalibaan kula yeelatay magaalada Kabul, isaga oo intaas ku daray in Ankara ay weli qiimeyneyso codsi ka yimid kooxda oo ah inay maamulaan garoonka diyaaradaha Kabul. 

Erdogan ayaa sheegay in wada-hadallada ay ka dhaceen qeybta militari ee garoonka diyaaradaha Kabul, halkaasii oo xarun ku-meel gaar u ah safaaradda Turkey.

“Waxaan wada-hadalladeenii ugu horeeyey la yeelanay Taalibaan, waxayna qaateen saddex saac iyo bar,” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha. “Haddii ay lagama maarmaan noqoto, waxaan fursad u heli doonnaa inaan wada-hadallo noocan ah yeelano mar kale.”

Isaga oo ka jawaabayey cambaareynta gudaha Turkey ka imaneysa ee la xiriirta la-macaamilka kooxdan, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Ankara aysan laheyn ikhtiyaar ay sida tiir oo kale isaga taagnaato gobol aan deganeyn. 

“Ma ogaan kartid waxa ay doonayaan iyo wax aan dooneyno haddii aynan wada-hadalin. Waa maxay diblomaasiyad, saaxib? Tani waa diblomaasiyad,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. 

Turkey ayaa qorsheyneysay inay gacan ka gaysato xaqiijinta amniga garoonka Kabul, hase yeeshee waxay Arbacadii billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Afghanistan, kadib markii sida muuqata ay Taalibaan diiday. 

Erdogan ayaa sheegay in Taalibaan ay hadda dooneyso inay sugtno amnig garoonka, halka ay Ankara u yaboohday inay maamusho qeybta farsamada iyo adeegga ee garoonka.  

Hase yeeshee waxa uu sheegay in qaraxii is-miidaaminta ee dilay 85-ka qof, oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah, kaasi oo shalay ka dhacay banaanka garoonka, uu muujinayo muhiimadda inaad taqaan sida loo sugo ammaanka garoon diyaaradeed.

 “Waxay yiraahdeen: ‘Innagaa sugeyna amniga, adinkana waxaad maamuleysaan garoonka’ Weli go’aan kama gaarin arrirntan,” ayuu yiri Erdogan. 

“Waxaan go’aan gaari doonnaa marka xasillooni la helo.”

Galmudug oo war yaab leh kasoo saartay ‘qabsashada’ Al-Shabab ee magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyne

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudg, Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa beeniyey in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay la wareegen deegaanada Camaara iyo Bacaadweyne, xilli shalay ay kooxdaas qabsatay labada magaalo.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug ay isaga baxeen furumihii hore ee koonfurta gobolka Mudug, midaasi oo la rumeysan yahay inay keentay in Al-Shabaab la wareegto deegaanadaas.

“Furimaha iyo deegaanadaas (Camaara iyo Bacaadweyne) anaga ayaa joogna oo goobuhu waa sidoodii, waxba kama jiraan oo ciidamadeena waxay joogaan Camaara dusheeda, Bacaadweyne waa kasii shisheeyaan iyo Shabeellow,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

“Ciidamo meel ka baxay majiro, dagaalkana waa ku wada jirnaa ciidamada dowlad goboleedka iyo dowladda federaalka, hadalladaasna waa boron-bogaado.”

Wasiirka ayaa gebi ahaanba diiday inay jiraan deegaano ay ka baxeen ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug iyo in deegaano laga qabsaday, xili ay soo baxeen in shalay dagaal-yahanada Shabaab dib u qabsadeen deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay halkaas ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan.

Al-Shabaab ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye.

Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ayaa toddobaadyadii tegay waxaa dagaallo dhowr ah ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer gacan ku hayntooda ay ku kala wareegtay labada dhinac.

Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Camaara Talaadadii, ayey dowladdu sheegtay in Al-Shabaab looga dilay 90 maleeshiyo oo duqeymo lala beegsaday, halka Al-Shabaab ay sheegatay inay ku qabsatay 14 baabuurta

Weeraro lagu dilay 210 qof oo Ethiopia ka dhacay iyo xaaladda oo kasii dareysa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa toddobaadkii tegay 150 qof ku dilay galbeedka dalka Ethiopia, taasi oo dhalisay weeraro aargudasho oo dhimasho badan, sida uu maanta sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC.

“Dadka degan halka weerarka uu ka dhacay ayaa guddiga u sheegay in dableyda ay dileen 150 qof,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga EHRC.

Weerarkan ayaa 18-kii bishan dhacay kadib markii ciidamada ammaanka Ethiopia ay kasoo baxeen qeybo ka mid ah gobolka Oromia ee galbeedka Ethiopia oo xasillooni darro ay ka jirto, sida uu sheegay guddiga. 

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay guddig EHRC in kooxda weerarka fulisay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Army (OLA), oo horey loogu eedeeeyey rabshadaha ka socda galbeedka iyo koonfurta Ethiopia. 

Dilalkan ayaa dhaliyey barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, gaar ahaan haweenka iyo caruurta, kuwaas oo u cararay deeegaanada deriska la ah.

Guddiga EHRC ayaa sheegay in kadib weerarka uu dhacay weerar aargudasho ah oo isir ku saleysan kaasi oo lagu dilay 60 qof, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 210.

Kooxda OLA oo la rumeysan yihiin inay yihiin maleeshiyo ka kooban dhowr kun, ayaa ka go’ay Jabhadda Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Front (OLF). 

Dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeysay OLA inay fulisay dhowr xasuuq oo dhowaanahan lagu beegsaday qowmiyadda Amxaarada, oo ah tan labaad ee ugu badan dalka, inkasta oo OLA ay beenisay eedeymahaas.

Weerar lagu dilay dad badan oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, iyaga oo beegsaday dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka Beledweyne.

Maleeshiyaadka ka dambeeyey weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan oo ka dhacay deegaanka Banka ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, kuwaas oo dhammaantood ah dad shacab ah.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda howl-gallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Inta badan waxaa gobollada dhexe ee dalka kusoo noq-noqda weerarada iyo dilalka salka ku haya aanada Qabiil ee ka dhaca Hiiraan, Galgaduud, Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ku dhowaad 100 qof oo ku geeriyootay dalka KENYA

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanayo.

Saraakiisha caasimaadka ee gobolka jooga ayaa shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dhimashadu gaartay ku dhowaad 100 ruux oo u geeriyooay cudurka Covid-19, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadku.

Sidoo kale bukaano uu haleelay cudurka ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada Gaarisa, kuwaas oo haatan wajahayo xaalado adag.

Wasiirka caafimaadka ee is-maamulka wuxuu sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus, taas oo uga sii dareyso xaaladda jirta, isla-markaana kor usii qaadi karto saameynta cudurka Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baaray illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka Gaarisa ayaa dhinaca kale baaq deg-deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmato, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka.

Si kastaba Kenya ayaa wajaheysa xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, maadaama nuuca cusub oo Covid-19 ah laga diiwaan-geliyay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.