26.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Dowlada oo soo bandhigtay sarkaal tirsan Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug kusoo bandhigay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalka isa soo dhiibay oo la shaaciyey xogtiisa iyo sawirkiisaba ayaa waxaa ay warbaahinta qaranka magaciisa ku sheegtay Cali Ibraahim, wuxuuna isku soo dhiibay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ee ku sugan duleedka Dhuusamareeb.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Cali Ibraahim uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka caafimaadka, isla-markaana uu ka yimid dhinaca degmada Ceelbuur.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo ka hadlay arinta sarkaalkan ayaa shaaciyey in si wanaagsan loogu soo dhoweeyey deegaan hoostaga caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhankiisa Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay inuu ku qanci waayey dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Cali Ibraahim ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday, maadaama uu yahay qof aqoonyahan ah inuu doonayo in si iskiis ah uuisaga shaqeysto, si uu u sameysto nolol gaar ah.

Ciidamada Gorgor ayaa weli gacanta ku haya sarkaalkan, mana cadda in loo soo gudbin doono dhinaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa howl-gallo culus ka wadan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Maxay tahay halista ka taagan Somaliland ee laga deyrinayo?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujisay Maandooriyaha oo toddobaadyadii u dambeeyay si weyn ugu soo qul-qulayey deegaanadeeda, kaasi oo faro-baas ku haya Somaliland.

Halista Maandooriyaha oo ay xukuumaddu si adag uga digtay, ayaa haddana waxaa soo badanaya kiisaska la xiriira ee ay ciidamadu soo bandhigayaan, waxaana 48 saac ee u dambeeyay la qabaty 805 Litir oo khamri ah iyo baabuurtii ay saarnayeen

Taliye ka tirsan Booliiska Somaliland oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaciyey in ay inta badan gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay khamriga lasoo geliyay gudaha Somaliland.

“Waxaa soo qabanay khamri tiradiisu ay dhan tahay 28 kartoon oo kartoonkiiba ay ku jirto 24 litir oo khamri ah, oo noqoneysa 672 litir, waxaanu ku qabanay gaadhiga number-kiisu yahay 35352 oo Calawi ah, waxa kale oo aanu qabanay 133 litir oo khamri ah oo saarnaa gaadhi Crown ah, number kiisuna yahay 47788,” ayuu yiri.

“Gaadhiga hore ee 133 saarnayeen waanu ku qabanay eedaysanayashii, gaadhiga Calawiga ah iyo 672 litir waa na looga cararay, halkan dooxa ayaanu ku qabanay 4:30 am ayay ahayd, saldhiga ayuuna yaalla, waanu aqoonsanay eedaysanayaashii waana ku daba jirnaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay qabteen qaar ka mid ah eedaysanayaasha loo haysto in ay Somaliland u soo dhoofiyeen khamrigaas, islamarkaana ay ku daba jiraan kuwo baxsad ah.

Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan ayaa inta badan sifo sharci darro ah lagu soo galiya deegaanada Somaliland, ayada oo toddobaadyadii u dambeeyay laga deyrinaya halistooda, xili ay dagaal adag kula jiraan ciidamada booliska Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa kal hore shaacisay in xabsiga u taxaabtay muddo kooban gudaheed dad ka badan kun iyo boqol qof, kuwaasi oo loo xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga noocyada kala duwan ee Maandooriyaha.

DF oo amar adag kusoo rogtay dhammaan shaqaalaheeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dhammaan hey’adaha kala duwan ee dowladda ugu wargelineyso inay talaalaan shaqaalahooda, maadaama ay sii kordheyso khatarta cudurka Covid19.

“Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka duuleysa saameynta cudurka Covid19 oo hirkiisii seddaxaad uu ku sii faafayo gudaha Soomaaliya iyo talooyinka wasaaradda ee la xariira in laga feejignaado halista cudurka waxay shaqaalaha u soo jeedineysaa inay qaataan talaalka, si ay u badbaadiyaan noloshooda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale warqada wasaaradda waxaa lagu cadeeyey in shaqaalaha aan la fasixi karin xilligaan oo ay khasab tahay inay xaadiraan xafiisyada oo shacabka ay u shaqeeyaan.

“Waxaa lala socodsiinayaa dhammaan hey’adaha dowladda in guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda uu wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doono sidii dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay u qaadan lahaayeen talaalka Covid19,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka 

DF Soomaaliya oo ka laabatay iibintii Tiyaatarka Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey “ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida” Tiyaatarka Qaranka, isaga oo fulinaya amarka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta qaranka ay ka keeneen cabasho, ayaga oo isu soo bax maanta ka sameysay Muqdisho.

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda,” 

Caasimada Online ayaa Axaddii shaacisay in dhulka laga iibiyey shirkad gaar loo leeyahay, balse warqadda kasoo baxday Dubbe lagu qoray in la kireeyey, si loogu qariyo xaqiiqda iibka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, islamarkaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, islamarkaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka.

“Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri Cabdi Dhuux.

Midowga Musharaxiinta iyo R/Wasaare ROOBLE oo hal qodob isku raacay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale kulan gaar ah la yeeshay xubnaha golaha midowga musharixiinta, waxayna ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka iyo dardar-gelintooda.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sii gaar ah diiradda loogu saaray in doorashada ay noqoto mid hufan, daah-furan, isla-markaaana waqtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale xukuumadda iyo musharixiinta mucaaradka ayaa isla gartay in si wada jir ah looga wada-shaqeeyo qabsoomida doorashooyinka billowday ee 2021-ka, sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim (Macallimuu)

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta,” ayuu yiri Macallimuu.

Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Rooble uu midowga musharixiinta la wadaagay talooyin ku aaddan turxaan bixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen.

Labada dhinac sidoo kale ku ballamay shirar kale, si ay usii socdaan wada-hadallada ku aadan arrimaha doorashooyinka dalka oo haatan maraya meel wanaagsan.

Rooble waxaa sidoo kale kulankan ku wehlinayey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, sida wasiirka waxbarashada Soomaaliya, wasiir ku xigeenka warfaafiinta iyo mas’uuliyiin kale.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana hadda qabsoomay intooda badan doorashooyinka xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Wareegtadii madaxweyne FARMAAJO iyo saddex sano kadib – Maxaa is-beddelay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka oo ku yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato, islamarkaana laga sameyn doono maqaayad.

Dhulka la bixiyey ayaa waxaa ka dhalatay xiisad xoogan, ayada oo qaar kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Haddaba, aan dib u milicsano saddex sano ka hor iyo wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu xiligaas uga walaacsanaa jiritaanka warar sheegaya ku xad-gudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

“Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo,” ayaa xiligaas lagu yiri wareegtada Farmaajo.

“Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

Tuhunada iyo dareenada ku xeeran qaabka loo bixiyay dhulka kamid ah Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa dul hoganaya su’aalo badan, ayada oo uu banaanka u soo saarayo wax ka bedelka ku yimid wareegtadii uu saddex sano ka hor ku joojiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday bixinta dhul dowladeed.

Madaxweynaha ayaa xiligaas faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrimahaas inaysan bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Hase yeeshee Farmaajo ayaa kadib waxaa la bixiyey dhul badan ooh anti dadweyne ah, ayada Inta badan dhul boobkan looga faa’iideynayo shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay.

Farmaajo ayaa horey jaadka Ethiopia ugu xiray xubno ka tirsan qoyskiisa, kadib markii uu mamnuucay midka Kenya, si lacagta kasoo xaroota loogu galo olole doorasho, waxaana arrintan ka qeyliyey ganacstada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni jiray Kenya.

‘Xilal lagu bixiyey garab, dano gaar ah iyo saaxiibtinimo oo fashiliyey’ dagaalkii DF ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxda sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ku dhaliilay in xilalkii ugu muhiimsanaa ee dalka ay garab, saaxiibtinimo iyo dano gaar ah ugu abaal mariyeen shaqsiyaad aan aqoon u laheyn, taasi oo horseed u ah fashilka curyaamiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sida la fahamsan yahay farriintiisu si gaar ah ugu socotay Agaasimaha hay’adda Nabadsugida, Fahad Yaasiin, oo uu sheegay in xilkaas uu ku helay saaxiibtinimo kala dhaxeysa madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Hay’addii ugu sareysay Sirdoonka dalka haddii aan nin ugu dhiibo aniga isoo dhisay oo aan fiirin wax khibrad ma leeyahay?, waa ninkaan saaxibkey ah Camey ah oo wariyaha ahaan jiray aan dhaho ii qabo Nabadsugida ka waran.”

“Haddii shaqada la isku siiyo wiilkaan aniga ayuu i taageersan yahay, anuu dagaalka ila soo galay, maalmihii aan musharaxa ahaa ayuu sawirkayga darbiyada ku dhajin jirey, oo aan fiirinba wax khibrad ah ma leeyahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in fashilka curyaamiyey la dagaalanka Al-Shabaab ay qeyb ka tahay xilalka muhiimka u ah dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi oo loo dhiibay shaqsiyaad aan khibrad u laheyn.

“Dad Shabaab yaqaana waa joogaan dalka, dad kasoo goostay oo taako-taako iyo geed geed u kala yaqaana, kuwo khibradeeda leh ayaa jooga oo waxa la la’yahay waa hogaan dadkii saxda ahaa u dhiiba shaqadii saxda aheyd.”

Puntland oo beenisay warar laga faafiyey doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, oo maanta magaalada Garowe kulan la yeeshay ururada siyaasadda ayaa shaaciyey in aysan wax isbedel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl, Qardho iyo Ufayn.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan wax isbedel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka ee seddaxdaas degmo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada tijaabada ee seddexda deegaan ay ku qabsoomayso waqtigii loogu talo-galay oo ah 25-ka bisha soo socota ee October.

Warkan maanta ka doo yeeray guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku soo beegmay, xilli shalay ururada siyaasadda Puntland qaarkood ay sheegeen in doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka aysan waqtigeeda ku dhici karin.

Ururrada siyaasadda ayaa soo jeedintooda u cuskaday in deegaanada Puntland aan laga sameyn wacyi gelin bulsho oo la xariirta qabsoomidda doorashooyinkaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in Xukuumaddu aysan bixin dhaqaalihii loogu talagalay in lagu kabo ururrada siyaasadda Puntland.

Sidoo kale waxyaabihii ay cuskadeen ururrada siyaasaddu waxaa ka mid ahaa saameynta doorashooyinka federaalka iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo doorashada ku saleynaya habka Liistadaxiran.

Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Cadaalada iyo Sinaanta Eng. Maxamuud Khaliif Xasan oo ururkiisu uu ka mid ahaa ururrada dalbaday dib u dhigista doorashada ayaa sheegay in mowqifkoodu uu is bedelay, kadib kulan ay la qaateen xubnaha guddiga doorashada, isla markaana ay ka laabteen codsigoodii hore oo hadda ay diyaar u yihiin in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

Daawo: Caro xooggan oo ka dhalatay iibinta Tiyaatarka iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo fanaaniin ka tirsan hobollada qaranka ee Waabari oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay in la iibiyo ama la kireeyo qeyb ka mida dhismaha xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah abwaanada macaga ku leh fanka Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa ku eedeeyey in maareeyaha Tiyaatarka Abwaan Cabdiqaadir Cabdi (Shube) uu galay heshiiska lagu iibiyey xarunta dambe ee Tiyaartarka, isla-markaana uu 250 dollar uga kireeyey shirkad maqaayadley ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dhuux ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ihaano ah, isla-markaana ay tahay wax laga xishoodu in lacago yar lagu kireeyo xaruntii weyneyd ee Tiyaatarka Qaranka.

“Inuu heshiis sameeyey la galay shirkad maqaayadley ah oo uu yiri 20 sanadood-baan kireynayaa golihii murtida, kuna kireeyey 250 dollar, taasina waa ihaano kale Tiyaatarka in lagu kireeyo 250 dollar bishii meelaha yar yar xitaa laguma kireeyo,” ayuu yiri  Dhuux.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaa kaloo la-yaableh wasiirka warfaafinta Prof. Dubbe warqad-buu qoray baraha bulshada oo idil ku jirta wuxuu ka hadlay baarka oo dayactir yar lagu sameynayo iyo meel bannaan oo laga dhisaayo guri weyn oo madaxda ay ku nasato, waxaa weeye nasasho ka hor meeshaan Ummadda waxay ugu fadhidaa qiimo waxaa laga hanuuni jiray Ummadda waxna looga sheegi jiray martidaa lagu soo dhoweyn jiray.'”.

Abwaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrin la yaable ay tahay in maanta la haweesto golihii murtida iyo madadaallada, isla-markaana laga dhigo maqaayad.

“Maanta in la haweesto Shubana uu yiraah waan iibsanayaa, Dubbana uu yiraahdo waxaa laga dhisayaa guri weyn oo maqaayad casri ah & meel ay madaxda ku nasato oo amni ay ku hesho qoraalka waa idinla qeybinayaa waxaas ayaa ku qoran,” ayuu sii raaciyey.

Dhankiisa Abwaan Maka Xaaji Banaadir oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin in la iibiyo ama la kireeyo xarunta qaran ee Tiyaatarka.

“Horta dadka la sheegaayo oo aan magacyadooda maqlowno meesheynee noogu yimideen, iyaga oo jaakeysan dalkana kaseynin, dadkiisana kaseynin. Ma aqbaleyno daadad noo yimid oo markii ay baxayaan na qaadi rabo” ayuu yiri Abwaan Maka Xaaji Banaadir.

Sidoo kale Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah Hobolada Waabari ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka ah in ay soo faro-geliyaan arrintan, waxayna sidoo kale ka dalbatay in 24 saac gudahood ku xiraan wasiir Dubbe iyo Abwaan Shubbe.

“Waxaa lasoo maray 30 sano oo burbur ah oo wadanka baaba’sanaay, maalina lama haweysan Tiyaatarta. Anigu dowladda Soomaaliyeed haddii aan Dubbe iyo ninka la yiraahdo Shube 24 saac ee soo socda jeebo aan lagu dhufan dowladda waa kasoo horjeesaneynaa,” ayey tiri Xalwo Maxamed Naxar oo ka mid ah hobolada Waabari.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo Caasimada Online ay horey baahisay xog ku aadan Tiyaatarka, taas oo sheegeysa in dhul ka tirsan Tiyaatarka, islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako oo ay leeyihiin rag ganacsato ah, isla-markaana laga furi doono maqaayada weyn oo casri ah.

Sababta keentay weeraradii dhallinyarada Soomaalida ay ka geysteen waddaanka JARMALKA oo la shaaciyey

0

Berlin (Caasimada Online) – Dalka Jarmalka waxaa maalmihii dambe kusoo badanayey dhallinyaro Soomaali ah oo halkaas ka geysanaya weeraro loo adeegsado Mindiyo, taasoo culeys weyn ku noqotay Soomaalida ku nool halkaas.

Booliiska Jarmalka waxaa loo gudbiyay kiisas kala duwan oo ay ku leg yihiin Dhallinyaro Soomaali ah oo weerar ku fuliyay mindiyo, qaar kamid ah dadkaas waa ay xireen halka kuwo kale ay ku raad-joogaan.

Cabdirashiid Shariif oo Soomaalida ku cusub Jarmalka ka caawiya dacwooyinka Maxkamadaha ayaa dhibaato soo korortay ku tilmaamay weerarada ay geysanayaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo falcelinta warbaahinta dalkaas ay ka sameyso.

“Soomaalida kunoo Jarmalka waxaa kusoo kordhay weerarada Mindiyaha ay ku geysanayaan iyo kuwa ay isku beegsanayaan dhexdooda tan iyo June 2021, runtii saameyn weyn ayay nagu reebtay maadaama joornaallada lagu qorayo maadaama dadka dalkaan si weyn u aqristaan,” ayuu yiri Cabdirashiid Shariif.

Sababaha ugu badan ee dhallinyaradaan ku kaliftay falalkaan ayaa lagu sheegay inay tahay dhibaatooyinka shaqo la’aanta, waxyaabihii ay Jarmalka ka rajeynayeen oo ay ka waayeen, safarka oo ay ku dhibtoodaan iyo isticmaalka walxaha maanka dooriya.

Sidoo kale waxyaabaha ku riixayo falalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah in dhallinyaro badan loo diiday sharciga dalalka Yurub, gaar ahaan Jarmarka taasoo dhalliyarada ku kalifeyso inay ku biiraan kooxaha tuugada ah ee ka jiro dalkaas kuwaas oo kala gudbayo mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan.

Seddexdii bil ee ugu dambeysay dalka Jarmalka waxaa ka dhacay dhowr weerar oo ay geysteen dhallinyaro Soomaali ah kuwaas oo loo geystay dad ajaanib ah, qaarkood Booliska ayaa toogtay halka qaar kalana gacanta lagu dhigay.

Aqriso: Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee la filayo inay Taalibaan ku dhowaaqdo

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo codsaday in aan magaciisa la shaaciin ayaa xaqiijiyey in Taalibaan ay ku jirto diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista Golaha Wasiirrada ee cusub oo la filayo inay ka mid noqdaan dhammaan xubnaha hadda ka tirsan golaha hoggaaminta.

Madaxa ugu sarreeya Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa wadatashiyo ku qabanaya magaalada Kandahar, oo loo yaqaan meesha ay ku dhalatay kooxda Taalibaan, waxaana weheliya ku-xigeennadiisa Sirajuddin Haqqani, oo ah madaxa shabakadda Haqqani, iyo Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiilka aasaasaha Taalibaan Mullah Omar, ahna madaxa Guddiga militariga Taalibaan.

“Hoggaanka Taalibaan wuxuu hadda kala tashanayaa qowmiyado kala duwan, xisbiyo siyaasadeed iyo gudaha Imaarada Islaamiga sidii loo dhisi lahaa dowlad ay tahay in laga aqbalo, lagana aqoonsado gudaha iyo dibedda Afghanistan,” ayuu Sher Mohammad Abbas Stanikzai, oo ah hoggaamiye kale oo Taalibaan ah ku yiri khudbad telefishanka laga sii daayay Sabtidii.

Liiska xubnaha hoggaamiya Taalibaan, oo la filayo in lagu daro Golaha Wasiirrada cusub ee Afghanistan waxaa ka mid ah;

1- Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee caasimadda Qatar ee Doha.
2- Sheikh Abdul Hakeem, madaxa wada xaajoodka Taliban ee Doha
3- Sher Abbas Stanekzai, ku-xigeenka kooxda wada xaajoodka ee Doha
4- Sadar Ibrahim, oo ahaa taliyihii hore ee guddiga militariga
5- Abdul Qayyum Zakir, taliyihii hore ee guddiga militariga
6- Mullah Fazil, wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga
7- Abdul Manan Akhund, oo la dhashay aasaasaha Taalibaan Mullah Omar
8- Maulvi Noor Muhammad Saqib, madaxii hore ee cadaalada Taalibaan
9- Amir Khan Muttaqi, wasiirkii hore ee warfaafinta
10- Abdul Salam Xanafi, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taaliban ee Doha
11- Qari Deen Muhammad, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taliban ee Doha
12 – Lateef Mansoor, oo xubin ka ah kooxda wadahadalka Taliban ee Doha
13- Sheekh Qaasim, oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Taliban ee Doha
14- Muhammad Zahid Ahmadzai, diblumaasi hore oo Taalibaan oo joogi jiray Pakistan
15- Maulvi Abdul Kabeer, guddoomiyihii hore ee gobolka Nangarhar
16- Sheikh Abdul Hakim Sharee, oo ah wadaad saamayn badan leh
17- Noorulah Noori, maxbuuskii hore ugu xirnaa jiray xabsiga Guantanamo Bay

Waxaa sidoo kale Golaha Wasiirada la filayaa inay ka mid noqdaan, xubno aan caan aheyn, ama la aqoon xilalka ay hadda ka hayaan kooxda, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Abdur Rahman, Mullah Gul agha, Ameer Haqqani, Mullah Maxamed Xasan, Sheekh Shariif, Faizullah Khan, Taj Mir iyo Xafis Majeed.

Isha: VOA

TURKIGA oo go’aan cad ka qaatay xaaladda Afghanistan

Kabul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa go’aan rasmi ah ka qaadatay xaaladda dalka Afghanistan iyo safaaradda ay ku laheyd magaalada Kabul ee Caasimadda dalkaas.

Dowladda Turkiga ayaa dib u furtay safaaradda magaalada Kabul, iyadoo go’aan ku gaartay inay sii wadato joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Afghanistan sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Dowlada Turkiga ayaa markii ay Taalibaan qabsatay dalkaas oo dhan waxay Kabul kasoo daad gureysay dad rayid ah iyo ciidamo marka laga reebo kooxo farsamo ah oo ka shaqeeneysay wada-hadaladii dhex maray kooxda Daalibaan iyo Maamulka Ankara.

Erdogan oo dhawaan kasoo laabtay safar uu ku tagay Montenegro ayaa sheegay in safaaradda Turkiga ee Kabul ay u guurtay dhismaheeda Magaalada dhexdeeda ahaa kadib maalmo ay ku shaqeeneysay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Kabul.

“Qorshahayagu hadda waa in aan sidan ku sii wadno joogitaankeenna diblomaasiyadeed. Waxaan si joogto ah u cusbooneysiineynaa qorshayaasheena iyadoo loo eegayo horumarka la xiriira xaaladda amniga,” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan ayaa hadalada kasoo yeerayo kooxda Daalibaan ku tilmaamay inay yihiin kuwa abuurayo rajo wanaagsan isla markaasna ay rajeenayaan inay yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo ku dhisan isfaham iyo wada-shaqeyn.

Dowladda Turkiga iyo Taalibaan ayaa dhawaan isku fahmay in Turkiga lagu wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Kabul halka kooxd Daalibaan ay la wareegi doonto ammaanka garoonka.

Geerida “Libaaxa Muqdisho’ oo la tuhmayo inay aheyd mid la qorsheeyey + Sababta

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya tuhuno la xiriira in geerida Jeneral Paul Lokech oo la yaqiin “Libaaxa Muqdisho”, kaasi oo Sabtidii lagu aasay dalka Uganda, ay aheyd mid la qorsheeyey oo ay ku lug lahaayeen gacmo kale.

Jeneral Lakoch, oo 55 jir ahaa, ayaa hoggaamiyey howlgalkii 2011 Al-Shabaab looga xoreeyey Muqdisho, taasi oo uu ku muteystay naaneysta “Libaaxa Muqdisho,” ayada oo aaskiisa uu ka qeyb-galay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilligii la xoreeyey Muqdisho dalka madaxweyne ka ahaa. 

Markii uu geeriyooday 21-kii August waxa uu 8 bilood oo kaliya ahaa ku-xigeenka dambi-baaraha guud ee booliiska Uganda.

Wargeyska Daily Monitor ee Uganda ayaa sheegay in durbadii uu dhintay Jeneral Lokech suuqa lasoo geliyey inuu u dhintay dhiigga u xinjiroobay, xitaa kahor inta aanay dhaqaatiirta baarin oo aanay shaacin sababta rasmiga ah ee dhimashada.

Wargeyska ayaa yiri “Dadka Uganda waxay illaa hadda is-weydiinayaan sidee durba shacabka uga war heleen sababta geerida, ayada oo aan wax baaritaan rasmi ah la sameyn.”

Arrinta kale ee tuhunka dhalisay ayuu wargeyska ku sheegay in bayaan ay soo saraeen booliska, kadib baaritaan ay sameeyeen afar dhaqtar, lagu sheegay in sababta dhimashada ay aheyd dhiigga oo xinjiroobay, taasi oo waafaqday war suuqeedkii horey u jiray.

“Sidee ayey ku ogaadeen dadkii suuqa soo geliyey sababta dhimashada kahor inta aanay baaritaan la sameyn ama booliska shaacin. Sidee war suuqeedka iyo warbixinta booliska isku waafaqeen?,” ayuu wargeyska Daily Monitor ku yiri faallo uu qoray.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in la tuhmayo in madaxweyne Museveni ay suurta-gal tahay inuu ka dambeeyey dilka “Libaaxa Muqdisho”, maadama uu caan ku yahay inuu si hoose u dilo dadka ay is-qabtaan kadibna sababo aan jirin loo sameeyo. 

“Marka aad eegto guul-darrada Museveni ee ah inuu caddaaladda horkeeno dilayaasha dad badan oo caan ka ahaa Uganda, iyo xaqiiqda ah inuu marar badan sheegay arrimo aan sax aheyn, waad fahmeysaa sababta shacabka Uganda ay tuhun uga qabaan geerida Libaaxa Muqdisho.” 

Farmaajo oo gobolka Gedo uu gacantiisa kasii baxayo

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Kadib sanado uu dagaal badan u galay, dartiisna u xayiray in dalka ay doorasho ka dhacdo, madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda inuu hadda luminayo gobolka Gedo ee beeshiisa ay degto.

Siyaasiyiinta miisaanka leh ee gobolka Gedo, ayaa mid mid uga siibanaya xerada madaxweyne Farmaajo, ayada oo badankood ay u galayaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ama ay iskood u istaagayaan.

Laba toddobaad kahor, Farmaajo wuxuu waayey wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kadib markii uu kasoo waday Beled-Xaawo oo uu keenay Muqdisho dib uga furtay saddex bil kadib. Janan ayaa looga baxay ballamo badan oo dhaqaale uu ugu weyn yahay.

Sidoo kale, waxaa Axaddii shir jaraa’id magaalada Garbahaarey ku qabtay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka, oo sheegay in Gedo ay hoos tagto Jubaland, oo Axmed Madoobe uu madaxweyne u yahay.

Siyaasiyiinta Gedo ee kasoo horjeestay Farmaajo, waxay ku hadleen luuqad isku mid ah, ayaga oo sababta ay u raacsan yihiin Axmed Madoobe ku sheegay in dagaalka dowladda federaalka iyo Jubaland uu wax badan ku waayey gobolka.

Xubnahan ayaa sheegay in muddadii sanadka iyo barka aheyd ee xiisadda ay ka jirtay Gedo, uu gobolka waayey mashaariic badan, oo uu ka heli lahaa ama loo soo marin lahaa maamulka Jubaland.

Waxay sababta ku sheegeen in gobolka uu u gacan galay maamul sharci-darro ah oo ay soo magacowday Villa Somalia, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa intaas kasii daran in muddadaas Villa Somalia iyo dowladda federaalka aysan wax dhaqaale ah siin gobolka, taasi oo muujineysa in Farmaajo markii horeba dano shaqsi uu watay, ee aanu gobolka u daneyneyn.

Waxaa hadda muuqata in si tartiib ay awoodda maamulka Gedo ugu gacan galeyso Axmed Madoobe, inkasta oo ciidamada taageersan Farmaajo ay weli haystaan qeybo ka mid ah gobolka.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dhawaan safar taariikhi ah ku tago gobolka, oo muddo badan ka maqan gacanta maamulkiisa.

Safarka Axmed Madoobe oo ku aadan ka hor doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo hadda kamid ah siyaasiyiinta taageeran madaxweynaha Jubaland.

Macalumuu ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe safar u ku tegi doono Gobolka Gedo, balse wuxuu xaqiijiyey inuu socdo qorshaha safarkiisa.

Daawo: Gabdho magaalada Muqdisho ka billaabay arrin dad badan ka yaabisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho laga billaabay durista bushimaha dumarka, taasi oo dad badan ku noqotay arrin la yaab leh, inkasta oo ay tahay arrin ka jirta dunida horumartay.

Haween badan ayaa intii la furay xaruntaas iska xaadiriyey si loogu weyneeyo bishimaha, kuwaasi oo qaarkooda ay sheegen in muddo dheer ku fikirayeen sidii ay u weyneyn lahaayeen bishimahooda.

Filsan oo kamid ah haweenka magaalada Muqdisho gudaheeda is-bedelka loogu sameeyay bishimahooda oo la hadashay Shabelle Tv ayaa sheegtay in ay aad u jeceshahay durashada bishimaha.

“Weligay waa iska jeclaa in aan durto Alxamudilah waa markii u horeysay ee Soomaaliya laga helo, waa ku qanacsanahay, waxaana jecleystay in aan dibnaha durto dookheyga weeyi aad baa u jeclahay,” ayey tiri.

Haweenka ayaa inta badan loogu tiriyaa inay wax uga badalaan jirkooda, si ay kor ugu qaadan quruxdooda, middaasi oo mararka qaar horseeda halis caafimaad.

Arrintaan ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn loogu hadal hayey baraha bulshada, ayada oo dadka qaarkood ay ku tilmaameen arrin yaab leh oo aan loo baahneyn, halka qaar kale ay sheegen inay tahay arrin loo baahna oo Soomaaliya kala mid dhigeysa dunida horumartay.

Hoos ka daawo warbixinta

Faah-faahin ku saabsan ciidanka Badda Puntland oo maanta fuliyay howlgal culus

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Dhulka Buuraleyda ah ee ku yaal Gobollada Bari iyo Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF  ay  hawlgallo qorshaysan ka fuliyeen halkaas.

Ciidamada PMPF  ee Puntland ayaa weerarada qorsheysan ka fuliyey deegaanada Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan halkaas oo xudun u ah maleeshiyada kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wax faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaabka uu u dhacay howlgalkaan iyo khasaaraha ka dhashay, balse war kasoo baxay Ciidamada Badda ee Maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyey inuu howlgalkaan dhacay isla markaasna uu ka dhan ahaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

“ Ciidamada Badda Puntland ee PMPF waxaa markasta ka go’an u qareemidda shacabkooda, ka jiridda dhulkooda falalka liddiga ku ah horumarka, ka cidhibtiridda Baddooda Burcadda, Jiriifka, Mukhaadaraadka, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka kootarabaanka ah iyo waxkasta oo wadanka dhib ku ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Ciidanka Badda Puntland.

Ciidamada PMPF  ee Puntland ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan deegaanada  Durduri iyo Ceelaayo, halkaas oo la sheegay inay horay u joogi jireen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

Ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay Al-Shabaab iyo Daacish oo ku saabsan sheegashada Maamulka Puntland, waxaana labadaan koox la rumeysan yahay inay awood ballaaran ku leeyihiin dhulka Buuraleyda ah ee ku yaal Gobollada Bari iyo Sanaag.

Xaalad halis ah oo ka taagan gobolka Bakool (Faah-faahin)

0

Xudur (Caasimada Online) – Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo ay ugu horeyso degmada Xudur.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in xaaladdu ay mareyso meel adag oo u baahan gurmad deg-deg ah, xili ay degmooyinkaas go’doon ugu jiraan kooxaha argagixisada.

Cumar Daa’uud Khaliif, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool ee arrimaha Gargaarka iyo Samafalka oo la hadlay idaacada Mustaqbal ayaa sheegay in sidoo kale uu shuban biyood uu ka dilaacay degmada Xuddur, xili ay ka jirto xaalad biyo la’aan ah.

Cumar ayaa sheegay in culeyska ugu weyn uu saaran yahay degmooyinka Xuddur iyo Waajid oo martigeliyay qoysas isaga soo baxay deegaannada go’doonsan. Waxaa gebi ahaana xiran isku socodka degmooyinka.

“Xaalad aad u adag ayaa ka taagan Degmada Xuddur, meelaha qaar biyo la’aan ayaa ka jirto, carruurta yar waxaa haleelay shuban biyood, Magaalada Yeed waa sidaas oo kale, ma jirto degmo u gudbeysa degmo kale,” ayuu yiri Cumar Daauud Khaliif.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in laga hortago dhibaatooyinka inta aanay guud ahaan usii gudbin bulshada, isagoona ka dalbaday xukuumadda iyo hay’addaha samafalka inay kaalin weyn ka qaatan sama-tabixinta qoysaskaas.

Si kastaba, xaalada go’daanka ah ee uu ku jiro gobolka Bakool ayaa toban jirsatay, ayada oo marar badan ay Koonfur Galbeed ballan-qaaday wax ka qabashada xaaladaas, waxaana sare usii kacaya dadka kusii qulqulaya Xudur oo xiligan uu ka jiro dhaq-dhaqaaqa ugu badan.

Tigrayga oo ku gacan seeray hindise Midowga Afrika ka yimid, weerarna ku qaaday

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay Midowga Afrika (AU) eex, maalmo kadib markii ururku uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu dhexdhexaadiye ka noqdo colaadaha ka taagan dalka Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) Getachew Reda ayaa ku eedeeyay AU in ay u eexatay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay “caqli -darro tahay in la filaayo in howlgalkan uu shaqeeyo”.

Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa hareeyey rabshado tan iyo bishii November ee sanadkii hore, markii Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ciidamo u diray gobolka Tigray, si ay u afgembiyaan TPLF oo ah xisbiga talada gobolkaas haya.

Abiy Axmed ayaa sheegay in tallaabada uu ciidamada ugu diray gobolkaas ay jawaab u tahay weeraradii lagu qaaday xerooyinka ciidamada dowladda federaalka ku lahaayeen gobolka Tigray.

Guuleystaha abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019, wuxuu ballanqaaday guul deg deg ah, laakiin dagaalku wuxuu sii jiitamayey muddo bilooyin ah, taas oo dhalisay dhibaato bini’aadanimo oo ka dhacday gobolka Tigray, halka fallaagadu ay qabsadeyn qeybo kamid ah gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

Abiy Ahmed ayaa horay u diiday inuu wadahadal la yeesho hoggaamiyeyaasha Tigrayga, isaga oo ku adkeystay inuu meesha ka saari doono madaxda TPLF.

Khamiistii, ururku Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay inuu Obasanjo noqdo wakiilka sare ee Geeska Afrika, isagoo sheegay inay qayb ka tahay “dadaal lagu horumarinayo nabadda, amniga, xasilloonida & wadahadalka siyaasadeed”.

Laakiin afhayeenka TPLF Getachew ayaa iska fogeeyay qorshahaan, isagoo yiri: “Aad bay noogu adag tahay inaan ogaano sida dadku ay si macquul ah uga filayaan kaalin wax dhisaya hay’ad uu musuq-maasuqa u bixiyey magaca aad u xun”.

“Xallinta xiisadda ugu yaraan waxay u baahan tahay in la qiro jiritaanka, iskaba daaye baaxadda ay le egtahay dhibaatada,” ayuu ku qoray Twitterkiisa afhayeenka TPLF.

Dagaalka Itoobiya ayaa caddeeyey inuu yahay mowduuc xaxaasi u ah Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Nin Kenya uga tagay inuu ku biiro kooxda Daacish ee Somaliua oo xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday nin la yiraahdo Cabdisamad Ibraahim Cumar oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha gobolka Bari ee Puntaland.

Cabdisamad oo ku dhashay magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda isaga oo jooga Nairobi kahor inta aanu u safrin Soomaaliya sida laga soo xigtay kooxaha dambi baarista.

Cabdisamad ayaa tagay buuraha Galgala sanadkii 2016 kii halkaas oo uu si rasmi ah kooxda uga mid noqday. Sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista dhawr dagaal ayuu ka qaybgalay intuu joogay Puntland kuwaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish, iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo kooxda kale ee Al-Shabaab.

Tababar ayuu kusoo qaatay Tuulada Il & Camaaro sida xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida uu kahor sheegay Maxkamadda, waxaana markii dambe loo wareejiyay qaybta muuqaal duubista.

Hay’adaha amniga ee dawladda federaalka ayaa Cabdisamad ka qabtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo uu doonayay inuu uga gudbo magaalada, balse maxkamad ciidan oo la soo taagay ayaa garsooraha maxkamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in eedeysanaha lagu helay dambiyadii loo haystay laguna xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay soo bandhigeysay shaqsiyaad ku eedeysan in ay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish & kuwo la xukumay oo dhageysiga kiisaskooda heerar kala duwan maray.

Hubka lagu wareejiyay Galmudug, Puntland miyaa ku deeqday mise waa laga been sheegay?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobaleedka Puntland ayaa maanta Maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug ku wareejiyay 10 gaari oo 8 kamid ah ay yihiin kuwa dagaalka, hal booyad iyo hal gaari amblunce ah. 

Maamulka Puntland ma cadeynin in gaadiidka iyo hubka saaranba ay yihiin hanti ay laheyd Puntland oo loogu deeqay Galmudug, sidoo kale Galmudug ma cadeynin in hubka iyo gaadiidkaba ay yihiin wax loogu deeqay iyo mid ay Galmudug laheyd oo laga heestay toona. 

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur Sanyare waxa uu warbaahinta u sheegay in wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi uu ku wareejiyay gaadiid gaaraya 10 gaari, laakiin ma uusan sheegin in gawaarida ay laheyd Puntland. 

Ilo wareedyo kala duwan oo ka kala tirsan Puntland, Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka maanta lagu wareejiyay Galmudug ay ahaayeen kuwa muddo sanado ah ku xayirnaa Dekadda magaalada Boosaaso oo ay maamusho Puntland, waxaana loo waday Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in gaadiidkaan uu gaarayay ilaa 24 gaari, waxaana bixisay dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo loogu talagalay qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya oo ka howlgasha degaanada Galmudug. 

Xiliga gaadiidkaan laga dajiyay Dekadda Boosaaso ayaa ku aaday iyadoo ay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyey maamullada Galmudug iyo Puntland ay ka socdeen magaalada Gaalkacyo, waxaana xilligaas labada maamul kala hoggaaminayey Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed. 

Madaxweynihii maamulka Puntland ee xiligaas Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa amray in gaadiidkaas la xayiro, waxaayna Puntland gaadiidkaas ka isticmaashay 14 gaari, halka 10-kii hartay maanta lagu wareejiyay Galmudug. 

Xogta ayaa sidoo kale tilmaameysa in maamulka Puntland ay ku deeqeen qoryaha ku xirnaa gaadiidka dagaalka oo ah 8 qori oo dhashiikeyaal ah. 

Wareejinta gaadiidkaan ayaa timid kadib wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku dhaxmaray Madaxweynayaasha labada maamul. 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa dhigiisa Puntland Saciid Deni weydiistay in loo fasaxo qeybtii ka hartay gaadiidkii looga xayiray Dekadda Boosaaso, kadib markii dhowaan maamulkiisa dagaalkii Camaara looga qabsaday gaadiid badan. 

Maamulka Puntland oo dareensan khasaarihii Galmudug ka soo gaaray dagaalkii degaanka Camaara, sidoo kalena ku dadaalaya in aysan usoo dhawaanin khatarta Al-Shabaab ayaa wareejiyay gaadiidkaan, sidoo kalena ku deeqay hubkii saarnaa. 

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa sidoo kale ku heshiiyay in aan la faah-faahin xaqiiqda gaadiidka maanta la wareejiyay, waxaana la sheegay in Galmudug ay balantaas fulisay, iyadoo eegaysa baahiyaha ay gaadiidkaas u qabto iyo hubka la siiyay. 

Allaha u naxariistee taliyihii qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa soo bilaabay dadaallada ay Galmudug dooneysay inay kula soo wareegto gaadiidkaan.

Hase yeeshee waxaa dib u dhigay khilaafaad siyaadeed u dhaxeeyay labada maamul iyo dowladda federaalka, iyadoo ka hor inta aan la xalin qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo lagu dilay Jeneraal Qooje.

Hoos ka eeg sawirrada gaadiidka lagu kala wareegay