25.4 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Farmaajo iyo wasiir Fowsiya oo qaatay tallaalka COVID-19 ee la keenay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Caafimaadka xukuumadda xil-heynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka Covid-19 ee shalay la keenay Soomaaliya.

Wasiiradda waxey noqotay masuulkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka, waana qofkii ugu horreeyay ee gayiga Soomaalida, tanina waxaa lagu tilmaamay iney dhiirigelineyso isticmaalka tallaalkaan.

Sidoo kale madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka, iyadoo walaac badan laga muujinayo tallaalka xanuunka Covid-19 maadaama ay in ka badan 10 dal oo dunida ah iska joojiyeen.

Tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa shalay laga soo dajiyay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu gaarayo 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

Waxaan tallaalkan la siin doonaa howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada, Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’ideysanaya barnaamijka Covax ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey ee ujeedkiisu yahay in tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ

0

Hague (Caasimada Online) – Magaalada Hague ee dalka Holland waxaa maanta markale ka sii socon doonto dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Dooda Soomaaliya ayaa maanta halkeeda ka sii soconeyso, iyada oo ay markale qareenada Soomaaliya jeedin doonaan doodooda ku aadan difaacida biyaha dalkeena.

Sidoo kale qorshaha ayaa waxa uu ahaa in qareennada Kenya ay beri bilaabaan doodooda, balse Kenya ayaa maqan, iyada oo ka baxday kiiska badda ee ICJ.

Soomaaliya oo shaley hadal ka jeedisay fadhiga Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.ayaa shaaca ka qaaday inay in kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, iyada oo intaasi kusii dartay in maqnaashiyaha Kenya uu liddi ku yahay sarreynta sharciga.

Marka la’eego sida ay ku socota dacwadda ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dowladduba waxay rajo ka muujiyaan ku guuleysiga kiiskaasi oo muddo sanado ah soo jiitamayey.

Si kastaba dhageysiga kiiskan ayaa billowday, iyada oo Kenya aysan ka qeyb-geli doonin dhageysigiisa, maadaama ay haatan ka maqan-tahay fadhiga maxkamadda.

Qoor Qoor oo maanta soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga.

Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoor Qoor oo ku biiri kulamo siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ee doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya inuu shirar gaar ah la qaaday doonto madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadli doono xaaladda dalka.

Galmudug ayaa ka mid ah maamullada taabacsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya marka la eego hanaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021-ka

Si kastaba socdaalka Qoor Qoor ee Muqdisho ayaa kusoo aadayao, xilli ay Caasimada ay ku sugan yihiin madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & HirShabelle, islamarkaana la filayo inuu furmo shirka wadatashiga doorashooyinka oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Sarkaal madaxweynihii hore ee Soomaaliya la dhashay oo qarax lala beegsaday

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore qarax nooca miinada ah uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay ka soo baxayaan faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay sarkaal ka tirsan laanta dambi baarista Puntland ee CID-da.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), kaas oo la dhashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Warsame Yeey qaraxa lala beegsaday, xilli uu marayey bartamaha waqooyiga Gaalkacyo, inkastoo uu ka bad-baaday weerarkaasi.

Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray gaarigiisa, iyada oo ay sidoo kale goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Puntland oo ku aadan qaraxaasi miino.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada Puntland ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo weeraro oo uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday xabsiga Boosaaso.

Kenya oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso kadib markii ay ka baxday dacwada badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii maxkamadda ICJ ay ku gacan seyrtay dalabkii Kenya ee ahaa in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda Badda ee kala dhexeysa Soomaaliya ayaa xukuumadda Nairobi waxay ku dhowaaqday tallaabo kale oo qaadeyso.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kiiskaasi ay hor-dhigi ama u gudbin doonto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, si ay u soo fara-gelinayaa, ugana doodaan.

Dowladda Kenya oo aan shalay xaadirin fadhiga maxkamadda ee dhageysiga dacwadda ee maxkamadda ayaa wadata mar-mariisyo ay ku dooneyso inay qiil ugu raadiso maqnaashiyaheeda, kadib markii ay ku gacan seyrtay maxkamada cadaalada adduunka.

Sidoo kale Kenya oo ka mid ah dalalka aan rigliga ahayn ee ka tirsan golaha ammaanka  ayaa dooneysa in la’iskula tago Qaramada Midoobay, waxaana arrintan ay muujineysaa inay Kenya ku jirto xaallad quus ah oo ku aadan dacwadda badda ee maxkamadda ICJ.

Soomaaliya oo is-difaacideeda shalay ka jeedisay magaalada Hague ayaa maanta mar labaad ku laaban doonto fadhiga maxkamadda, si ay sii socoto dhageysiga dacwadda.

Si kastaba Kenya ayaa 14-kii bishan ku dhowaaqday inay isaga baxday dacwadda badda ee ICJ, waxaana ay ku eedeysay maxkamadda inay u xaglineyso Soomaaliya, sidoo kale uu saameyn ku yeeshay inay qoroto qareeno cusub cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

UK oo xayiraad socdaal ku soo rogtay muwaadiniinta ka imanaya Somalia + Sababta

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhowaaqday inay dalkeeda ka xanibtay inay soo galaan dadka ka imanaya Soomaaliya, sababo la xiriira faafitaanka cudurka Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay dowladda UK ayaa lagu sheegay in Soomaaliya, Qatar iyo Oman lagu daray liiska loo yaqaan “liiska gaduudan”, islamarkaana laga billaabo maalinta Jimcaha aysan dadka ka imanaya saddexdan dal soo geli karin dalka UK.

Muwaadiniinta haysta baasaboorka UK ama Ireland ee dalalkan tegay ayaa loo ogol yahay inay soo galaan UK, hase yeeshee waxaa qasab ku ah inay muddo toban maalmood ah isku karantiilaan hotel.

 “Laga billaabo 4:00 am, 19-ka March 2021, dadka kasoo baxay Soomaaliya, Qatar iyo Oman, ama soo maray dalalkan 10-kii maalmood ee tegay, looma ogolaan doono inay soo galaan UK, kaliya muwaadiniinta Britain iyo Ireland ama dadka degan halkan ayaa loo ogol yahay inay soo galaan, balse waa inay is karantiilaan 10 maalmood,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda UK. 

“Tallaabadan waxay gacan ka gaysan doontaa in la yareeyo halista ah in nooca cusub ee Coronavirus ee markii ugu horreysay kasoo shaac baxay dalalka South Africa iyo Brazil uu soo galo UK,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya ayaa waxaa toddobaadyadii dhowaa aad uga sii sare kacayey kiisaska COVID-19, ayada oo dhimashaduna ay aad u korortay. Waxaa jira tuhun ah in nooca Coronavirus ee South Africa uu dalka soo galay, balse dowladda federaalka weli taas ma xaqiijin.

Maqnaanshaha Kenya ee kiiska badda ma ka dhigan tahay guusha Soomaaliya?

0

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa shalay billowday dhagaysiga dacwadda kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana halkaas xaadiray garabkii ka socday Soomaaliya oo kaliya.

Dhageysiga kiiskan ayaa bilaawday iyadoo Kenya ay ka maqantahay maxkamadda kuna wargelisay inay ka baxdan kiiskan, oo aanay ka qeyb-geli doonin dhageysigiisa, sida ay werisay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Hadaba, maxaa laga filan karaa dacwaddan? Haddii Soomaaliya oo diyaar ah aysan Kenya ka qeyb-gelin dhagaysiga kiiskan, ma ka dhigan tahay in Soomaaliya loo xukumi doono badda la isku heysto?

Dr. Axmed Cali Kheyre waa aqoonyahan shahaaddada PHD-da ka haysta sharciyada caalamiga ah, waxuu isagoo jooga Muqdisho su’aalahaas uga jawaabay wareysi uu siiyey VOA.

Dr. Axmed waxa uu sheegay in mar-marsiiyaha ay la timid Kenya uu yahay mid aad loola yaabay oo aan wax macno ah bixineyn, balse ay maxkamaddu heysato cadeymo iyo dukumiintiyo ku filan oo Kenya ay horay ugu gudbisay.

“Dacwada waa la qaadayaa oo taas waxaa dhigaya qodobka 53-aad ee xeerka maxkamadda ICJ, hadii labada dhinac uu mid imaan waayo ama kiiskaas uu ka laabto, dhinaca jooga waxuu maxkamadda ka codsan karaa in kiiskaas loo xukumo, taasna kama dhigna ‘hadii garab maqnaado garabka jooga ayaa loo xukumayaa’ balse waxaa dib loogu noqonayaa dukumiintiyadii ay horay u soo gudbisay Kenya, maxkamaduna waa ay heysataa dukumiintiyo ku filan oo dhanka Kenya ka soo gaaray,” ayuu yiri Dr. Axmed Kheyre.

Waxa intaas ku sii daray, in sida ku cad jadwalka lagu dhageysanayo kiiskan ay Soomaaliya marka hore gudbin doonto doodeeda, kadibna ay maxkamaddu dib ugu laabaneyso dukumintiyadii ay horay ugu soo gudbisay Kenya.

“Doodihii iyo Mapkii ay dhinacyadu u soo gudbiyeen ayey isku fiirneysaa markaas kadib ayey go’aan ka gaareysaa, laakiin marnaba hadii Kenya maqnaatay macnaheedu maahan Soomaaliya haloo xukumo,” ayuu yiri.

Sidoo kale Dr. Axmed waxa uu sheegay in weli Kenya loo ogolyahay inay warqado u soo gudbisato maxkamadda, isla markaana aysan Kenya aheyn dalkii ugu horeeyey oo baxa kiis noocaan oo kale ah, “Marka kiiska waa soconayaa maxkamadda si caadi ah ayey u geyleysaa kadibna go’aan ayey kasoo saareysaa,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Dalal hakiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca ee la keenay Soomaaliya kadib ‘halis soo shaac-baxday’

Brussels (Caasimada Online) – Dalal badan oo Yurub ah – oo ay ku jiraan Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain – ayaa Isniintii hakiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in qaar ka mid ah dadkii la siiyey uu dhiigga xinjiroobay.

Si kastaba, shirkadda AstraZeneca iyo nidaamiyayaasha caalamiga ah ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in tallaalka uu mas’uul ka yahay in dhiigga qofka uu xinjir noqdo.

Tallaalka AstraZeneca oo lagu sameeyey dalka UK, waa midka shalay la keenay Soomaaliya, ee hay’adaha caalamiga ah ay ugu deeqeen dowladda federaalka Soomaalliya.

Hay’adda maamusha dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa ku baaqday kulan maanta dhacaya, si dib u eegis loogu sameeyo waxyaabaha ay khubarada ka ogaadeen tallaalka AstraZeneca, iyo haddii loo baahan yahay in ficil la qaado.

Wasiirka caafimaadka Germany ayaa sheegay in go’aana lagu hakiyey tallaalka la qaatay kadib talo soo jeedin ka timid machadka Paul Ehrlich Institute ee qaabilsan sharciyeynta tallaalka, kaasi oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo toddoba kiis oo ku saabsan dad dhiigga maskaxda xinjir ka noqday markii la tallaalay.

“Go’aanka maanta waa mid taxaddar oo kaliya ah,” ayuu yiri Jens Spahn.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisa uu isticmaalka joojin doono ugu yaraan illaa maanta. Talyaaniga ayaa sidoo kale ku dhowaaqay joojin ku-meel gaar ah, iyo sidoo kale si la mid ah dalalka Spain, Portugal iyo Slovenia.

Dalalka kale ee tallaalka joojiyey maalmihii tegay waxaa ku jira Denmark, Ireland, Thailand, Netherlands, Norway, Iceland, Congo iyo Bulgaria. Canada iyo UK ayaa sheegay inay sii wadi doonaan isticmaalka tallaalka

AstraZeneca ayaa sheegtay inay jiraan 37 warbixin oo ku saabsan dhiigga oo xinjir noqday, kadib markii 17 milyan oo qof ay tallaalka ku qaateen 27-ka dal ee Midowga Yurub iyo Britain. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in tallaalka uu sababo in dhiigga uu xinjir noqdo.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Hay’adda Dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa labaduba sidoo kale sheegay inaysan jirin caddeymo muujinaya in tallaalka uu sababo dhiigga oo xinjir noqda, waxayna ku taliyeen in lasii wado isticmaalkiisa.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo laga helay Covid-19

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxaa laga helay cudurka Coronavirus/Covid-19 ee sida weyn ugu baahay dalka, kadib markii uu shalay iska baaray cudurkaas.

Saylici ayaa shalay baaritaan uu sameeyay waxaa lagu xaqiijiyey in laga helay cudurkaas, ayada oo saddexdii maalmood ee u dambeeyay uu qabay, sida uu sheegay.

“Waxaan rabaa inaan ogeysiiyo shacabka Somaliland in layga helay COVID-19 seddexdii maalmood ee ugu dambeysay waan qabay,” ayuu ku yiri Saylici qoraal kooban oo uu dhigay bartiisa twitter-ka.

Waxa uu bulshada reer Somaliland ku booriyey inay raacaan awaamiirta Wasaaaradda caafimaadka ee cudurka Coronavirus, islamarkaana ay u dhago nuglaadan tallooyinka caafimaad. 

Dhawaan unbay aheyd sidoo kale markii cudurkaan laga helay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada, Sacad Cali Shire oo iyaguna ka tirsan xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu si weyn ugu soo labo kacleeyay dalka, ayada oo toddobaadyadii u dambeeyay laga diiwaan geliyay gudaha Soomaaliya kiisaskii ugu badnaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay heshay qaybtii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19, waxaana bilaabatay qeybinta tallaalkan oo uu shaki badan dul hoganayo.

Sidee u dhacday maalintii koowaad ee dhageysiga kiiska dacwadda badda?

Hague (Caasimada Online) – Waxaa goor dhowayd dhammaatay maalintii ugu horraysay ee dhagaysiga maxkamadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada Soomaaliya ayaa ku dooday in dacwadda Kenya aysan ahayn mid sal haysata, isla markaan ay doonayso in si tabarruc ah loo siiyo qayb ka mid ah badda Soomaaliya ee aysan ahayn in caddaalad lagu xukumo.

Mid ka mid ah qareenada ayaa si gaar ah diiradda u saaray dood uu sheegay inay Kenya ku doodday oo ah in labada waddan ay oggolaansho ka gaareen badda. Waxa uu sheegay inysan labada waddan wax heshiis ah gaarin haddii uu yahay mid cad iyo mid aamusnaan ahba. 

Qareenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay mar walba taariikhdeeda ku doodaysay in xuduuddu ay ahaato mid toos ah.

Sidoo kale mid ka mid ah qareenada Soomaaliya ayaa sheegay inuusan jirin heshiis cad oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan muranka badda. Waxa uu intaas ku daray in xaqiiqada ah inay labada dhinac ka wada hadlayeen muranka ay muujinayso inay labada waddan aqoonsadeen inay doonayaan in xuduud looga sameeyo dhinaca badda, xalna laga gaaro muranka. 

Mid ka mid ah qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hadallada Kenya ay is burinayaan marka ay noqoto dacwddeeda, iyaga oo mar qiray inuu muran jiro mar kalena ku dooday heshiis inuu jiro. 

Qareenada ayaa ku eedeeyey Kenya inay doonayso inay ka faa’iidaysato awood darrada Soomaaliya ee ku aaddan inay khayraadka baddeeda difaacato.

Mid ka mid ah qareennada ayaa ku soo gabagabeeyey in dacwadda Kenya aysan lahayn wax rajo ah.

Dhagaysiga ayaa dhammaaday wax yar kadib 8-dii fidnimo xilliga Muqdisho waxaana la iskugu soo laaban doonaa maalinta berri ah oo ay sii wadi doonaan qareennada Soomaaliya difaacistooda dacwadda Soomaaliya.

Dhagaysiga ayaa maanta ka furmay magaalada The Hague ee dalka Netherland.

Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay inaysan ka qayb-qaadanayn dhagaysiga.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qayb-qaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay donayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan in loo sameeyo.

Waxaa xusid mudan in dhageysiga dacwadda ay weli socoto, oo maalmaha soo socda lasii wadi doono.

VOA

Sheekh Shariif: Maanta waa maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dacwadda kiiska Badda oo ka bilaabatay magaalada Hague ee dalka Holand.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu maanta ku tilmaamay ‘maalin weyn oo taariikhi ah’, maadama la gudo galayo dhageysiga dacwadda oo muddo sanado ah soo jiitameysay, taasi oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ku booriyay inay u midoobaan qadiyada Badda, asagoona ka digay in kiiska badda loo adeegsan karin siyaasad ama dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Shariif ayaa rajo weyn ka muujiyey kiiska Badda oo ay xiligan ka hartay Kenya, oo ku doodeysa cudur lagu qoslo, ayada oo Maxkamadda ICJ iska dhago tirtay dalab ay ku rabtay in dib loogu dhigo dhageysa dacwadda.

Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif oo uu soo dhigay bartiisa Facebook

Bismillaah

Maanta waa maalin ku weyn qalbiyaddeena, waa maalin ay dacwaddii badda ee u dhaxaysay dalkeenna Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabaneyso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, waana maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin.

Waa arrin u baahan inay u midoobaan Soomaali meel kasta oo ay joogto, waa arrin aan la siyaasadayn karin ama loo adeegsan karin dano gaar ah.

Waxaan bogaadinayaa Wafdiga iyo Qareennada nagu matalaya dacwadda, waxaan Alle ka rajaynayaa inay halkaas guushu ku raacdo Soomaaliya.

Guul iyo Gobannimo??

Madaxtooyada Puntland oo war kasoo saartay kulankii Deni iyo beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay qaar kamid ah Wakiilada Beesha caalamka ee saaxiibada Soomaaliya oo fadhigoodu yahay xarunta Xalane.

Xubnaha uu la kulmay Deni ayaa waxay kala yihiin Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Kulankaan wuxuu qeyb ka yahay kulamo dhawr ah oo loogu gogol xaarayo shir ka dhaca Muqdisho oo ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya si loo dhameystiro heshiiska doorashada oo ay caqabado badan ku gudban yahiin, walina aan waddo toosan loo helin.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa lagu sheegay in kulanka uu ku saabsanaa ka hadalka arrimaha doorashada iyadoo Saciid Deni uu ku jiro madaxda caqabadaha badan ka tirsanaya waxyaabaha ku xeeran Doorashada.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho maanta ku qaabilay Qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasi oo kala ah Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray bogga Facebook ee madaxtooyada Puntland.

Waxaana la raaciyay: “Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada.”

Beesha caalamka ayaa cadaadis badan saareysaa madaxda Soomaalida iyadoo dooneysa iney kulmiso si loo dhameystiro heshiiska doorashada ee ku jaango’an heshiiskii 17-kii Septmber 2020 lagu gaaray Muqdisho iyo is fahamkii labada guddi ay ku gaareen magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wararkii ugu dambeeyey Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay Mahadaay

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degmada Mahadaay oo qiyaastii 23-KM u jirta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta dhowr jiho kasoo weeraray Mahadaay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay fariisimo ku kalaa gudaha magaaladaas.

Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay dagaal kula wareegaan degmada, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan Mahadaay oo Caasimada Online u waramay, waxayna ciidamadii dowladda ee magaalada laga saaray u baxeen dhanka saldhigga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Warshaddii hore ee hubka oo ku taalla duleedka degmada Mahadaay.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno degmada Mahadaay waxay sheegayaan in galabta ay ciidamada dowladda Soomaaliya weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen magaalada, isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal kale oo ay kula wareegeen magaalada, kaas oo caawa fiidkii la isla soo gaaray.

Dad ku sugan Mahadaay ayaa noo sheegay inay ciidamada dowladdu dib ula wareegeen gacan ku heynta magaalada, isla markaana ay hadda ku howlan yihiin qarxinta miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen fariinsinkoodii ay ka qabsadeen maanta.

Dhanka kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay in kooxdu ay la wareegtay Mahadaay, isla markaana hadda iyagu maamulayaan.

LIVE: Dhageysiga dacwadda badda oo billaabatay ayadoo Kenya ay ka maqan tahay

Hague (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hague ee dalka Holand ka bilaabatay dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya oo cudur aan buurneyn ka dhiibatay ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda oo ku taariikheysneyd maanta oo ah 15-ka bisha March.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa si rasmi ah u furtay dhageysiga dacwadaas, waxaana khudbad ku aadan dooda Soomaaliya ka jeediyay Sii-hayaha ra’iisal wasaaraha dalka, Mahdi Guuleed oo isagu ah madaxa u sarreeya ee hogaaminaya wafdiga dalkeena.

Mahdi Guuleed ayaa khudbad ku aadan Kiiska ka horjeedinaya Guriga Nabadda ee xarunta cadaaladda aduunka, ayada oo ay ku wehlinayaan qareenada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qaybqaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa dhawaan go’aan ay Kenya uga baxday kiiska u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March.

“Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray.

Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri.

 Hoos ka daawo muuqaalka dhageysiga dacwadda oo toos ah

Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo Kenya u diiday 30 daqiiqo oo ay codsatay

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya u diiday codsi ay u dirtay oo ku aadanaa in ay khudbad u jeediso maxkamadda ka hor inta aysan billaaban dacwadda Soomaaliya kala dhaxeysa.

11-kii March 2021 dowladda Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay 30 daqiiqo oo gorsoorayaasha maxkamadda ay kala hadleyso sababta ay Kenya ay uga hartay dhageysiga dacwadda.

Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa shalay sheegtay iney war rasmi ah ka soo saari doonto muranka ay Kenya gelisay badda Soomaaliya ka hor dhageysiga ICJ.

Sarkaal sare oo katirsan dowladda Kenya ayaa wargeyska the standardmedia.co.ke u sheegay sida ay uga xuntay Kenya habka ay maxkamadda ku wado dacwadda isagoo ula jeeda in maanta la dhageysanayo Soomaaliya oo kaliya.

Bishii February ayay aheyd markii maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ay ku gacan sayrtay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya, sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

Galabta ayey maxkamadda furmi doontaa, waxaana la dhageysan doonaa dooda garabka Soomaaliya oo todobaadkii hore xaadiray magaalada Hague ee dalka Holand, halkaas oo ay ku taallo xarunta dhexe ee maxkamadda.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa go’aan ay Kenya uga baxday kiiska u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March.

“Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray.

Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim
[email protected]
Xigasho: The Standardmedia
Mogadishu-Somalia                                            

Madaxweyne Xassan Sheekh oo war cusub kasoo saaray kiiska dacwadda badda

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay kiiska badda ee ay muranka galisay Kenya, taasoo maanta loo fadhiyo dhageysigeeda, wuxuuna Soomaalida ku booriyay in loo midoobo qadiyaddaas.

Xasan Sheekh ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay qof kaalin mug leh ka qaatay kiiskaan, isla markaana xukuumadiisa ay tahay middii ugu horreysay ee kiiskaan geystay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

“Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena, waxaan ku baaqayaa in aan garab istaagno innaga oo meel iska dhigeyna waxyaabaha kale ee lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu Facebook kusoo qoray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Difaaca baddeennu waa mas’uuliyadda qof kasta oo Soomaali ah. Waan guuleysaneynaa inshaAllaah”

Iyadoo ay Kenya isaga baxday kiiska, ayaa dacwad dhageysiga maxkamadda ay jirtaa maanta, waxaana magaalada Hague ee dalka Holland ku sugan wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Guuleed.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa go’aanka Kenya ay uga baxday kiiska u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March.

“Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray.

Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri 

Tallaalka Covid-19: Maxay tahay dawada AstraZeneca ee Soomaaliya la geeyay?

0

Tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa saaka magaalada Muqdisho laga dajiyay.

Wasiiro ay horkaceyso wasiirka caafimaadka, Fowsiyo Abiikar Nuur, ayaa garoonka ku guddoomay shixnadda tallaalka.

Tallaalka wuxuu gaaraya ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

Waxaan tallaalkan la siin doonaa howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada, Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’ideysanaya barnaamijka Covax ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey ee ujeedkiisu yahay in tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.

Muxuu yahay talaalkan?

Shirkadda AstraZeneca ee soo saarta dawooyiinka ee fadhigeedu yahay UK oo kaashanaysay jaamacadda Oxford ayaa soo saartay talaalkan looga hortagayo fayraska koroona, dhamaadkii sanadkii hore.

Talaalka sidiisaba, wuxuu unugyada difaaca jirka u diyaariyaa sidii ay 80% uga hortagi lahaayeen in ku dhaco qofka Covid-19.

Natiijooyinka ka soo baxay hay’adda Caafimaadka Dadweynaha England (NHS), waxay ku saleysan yihiin dadka da’doodu ka weyn tahay 80 sano, oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee laga billaabay tallaalkan.

In ka badan 10,000 qof oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkan.

Waa tallaal laga sameeyay nooc daciif ah oo laga helo fayraska caadiga ah ee hargabka ku dhaco qaar ka mid ah xayawaanada oo loo yaqaano adenovirus. Waxaana loo habeeyey qaab u eg cudurka korona balse ma sababi karo wax xanuun ah.

Marka la isku duro, wuxuu difaacayaa jirka oo baranaya sida loola dagaallamo fayraska dhabta ah, haddii loo baahdo.

Si ka duwan tallaalka Pfizer, oo ay tahay in lagu hayo meel ka qabow (-70C), tallaankan Oxford waxaa lagu keydin karaa qaboojiye caadi ah. Tani waxay fududeyneysaa in la geeyo talaalkan meelo badan.

Tijaabo lagu sameeynayay talaalkan ayaa mar sababay in laga hakiyo guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay ee dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.

Waxay ahayd markii labaad oo hakad lagaliyay talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabada talaalka la dhigay isbataal laguna sameeyay baaritaan madaxbanaan.

Walaaca laga qabo nooc ka mid ah tallaalka covid-19?

Netherland ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hakiya isticmaalka tallaalka korona ee AstraZeneca sababo la xiriira walaac ka imanaya dhibaatooyinka uu keenay.

Dowlada Dutch ayaa sheegtay in talaabadan oo socon doonta ugu yaraan illaa 29-ka bisha Maarso ay tahay mid taxadar ah.

Jamhuuriyadda Ireland ayaa mar sii horreysay go’aan la mid ah ka qaadatay ka dib markii warbixinno lagu sheegay in xinjirowga dhiigga ee dalal badan laga soo weriyay.

“Dalalka waa in aysan joojin isticmaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca sababo la xiriira in uu keeno xinjiro fadhiista dhiigga, iyadoo aysan jirin wax muujinaya in ay taasi run tahay,” ayuu yiri Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Bulgaria, Denmark iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka hakiyay isticmaalka tallaalkaas.

Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjiraha dhiigga galay.

Margaret Harris, ayaa sheegtay in “tallaalkan uu yahay mid aad u fiican” oo ay tahay in la sii wado isticmaalkiisa.

Ilaa 5 milyan oo Yurub u dhashay ayaa illaa iyo hadda qaatay tallaalka AstraZeneca.

Waxaa jiro illaa 30 kiis oo gudaha Yurub laga soo sheegay, kuwaas oo ka mid ah dadkii tallaalka qaatay oo uu ku dhacay xinjirowga dhiigga. Waxaa sidoo kale jiro warar sheegaya in nin 50 sano jir ah uu ku dhintay Taliyaaniga ka dib markii uu xanuunsaday.

WHO ayaa baareysa wararkaas, sida ay sheegtay Ms Harris.

 

Balse wax xiriir ah oo la ogaday inuu ka dhaxeeyo tallaalka iyo dhibataooyinka la sheegay ma jiro, sida ay sheegtay afhayeenka.

Go’aanka Bulgaria ee lagu joojinayo qeybinta tallaalka ayaa yimid ka dib markii tallaabo taas la mid ah ay qaadeen dalalka Denmark, Iceland iyo Norway iyo sidoo kale Thailand. Taliyaaniga iyo Austria ayaa sidoo kale joojiyay qeybo ka mid ah xirmooyinka tallaalka.

Hay’adda Dawooyinka ee Yurub, iyo waaxda xakameysa dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa goor sii horreysay sheegay in aysna jirin wax muujinaya in tallaalku uu sababo xinjiro dhiigga dhex fadhiista.

AstraZeneca ayaa sheegtay in badqabka tallaalka si wayn loogu baaray sheybaarrada.

Dalalka kale, sida UK, Jarmalka, Australia iyo Mexico, ayaa sheegay in ay sii wadayaan isticmaalka tallaalka.

ISHA: BBC SOMALI

C/llaahi Sanbaloolshe oo ka hadlay arrimo xasaasi ah iyo amniga doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Soomaaliyeed, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka qeyb-galayey dood ka dhacday barta Internet-ka ee Clubhouse ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimaha ammaanka.

Sanbalooshe oo ka jawaabayey su’aallo la weydiinayey ayaa si faah faahsan uga warbixiyey tabashada ay doorashooyinka muujinayaan xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in amniga doorashada aysan sugi karin ciidanka Haramcad, Gorgor iyo Waran, kuwaas oo uu ku eedeeyey in loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in shakigan uu yimid wixii ka dambeeyey 19-kii Febraayo, gaar ahaan weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka.

Taliyihii hore ee nabad-sugida Soomaaliya ayaa soo jeediyey in loo baahanyahay in amniga doorashooyinka lagu wareejiyo ciidamada Booliiska iyo kuwa AMISOM.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli is mari-waa xoogan uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka oo isku hayaan dowladda dhexe & mucaaradka.

Sawirro: DF oo la wareegtay talaalka COVID-19 + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kasoo degtay diyaarad ay leedahay hay’adda cuntada Aduunka ee WFP, taas oo sidday talaalka cudurka Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey.

Tallaalkan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortagga xanuunka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Xogta tallaalkan & keenistiisa ayaa waxaa horey bulshada ula wadaagtay wasaaradda caafimaadka oo ku howlan la dagaalanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ay dowladda kula wareegtay tallaalkan ku sugnaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Meelaha talaalka la geyn doono waxaa ka mid ah isbitaalka Martiini oo loo gaar-yeelay la tacaalida dadka uu soo ridday xanuunka Covid-19.

Talalaanka oo lagu magacaabo Astrazaneca ayaa waxaa soo saartay jaamacadda Oxford ee dalka Mareykanka.

Dhimashada cudurkan & dadka uu soo ridanayo ayaa beryihii dambe sare u kacday, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay soo rogtay xayiraado hor leh.

Maxaa ka dhaqan-galay awaamiirtii ay soo rogtay DF ee xakameynta Coronavirus?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday go’aano culus oo lagu xakameynayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, kaas oo mar labaad ku soo laba-kacleeyey Soomaaliya.

Xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay go’aanadaasi ayaa sheegay inay dhaqan-geli doonaan wixii ka dambeeyey 15 bishan oo maanta ku beegan.

Wararka laga laga helayo degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saaka ciidamada ammaanka ay bilaabeen fulinta awaamiirta kasoo baxday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan xakameynta cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Ciidamada ayaa qab-qabanayey dadweynaha la socda gaadiidka BL-ka, kuwa raaxada, mootooyinka Bajaajka & kuwa lugeynaya ee aan wadan Af-xirka.

Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Oline u sheegay in dadka qaar la weydiinayey sababta ay u soo qaadan waayeen Af-xirka, iyada oo qaarkood laga qaaday lacago ganaax ah oo dhan Shan Doller, taas oo uu soo rogay maamulka gobolka Banaadir.

Meelaha laga sameeyey howl-galladaas waxaa ka mid ah degmooyinka Wadajir, Dharkeyne & kuwa kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan la daala dhaceysa saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya dadka Soomaaliyeed.