Waraaqda ay beenisay wasaaradu waxaa ku saxiixan Sii-hayaha wasiirka caafimaadka, Fowziya Abuukar waxaana shirkada lagu magacaabo China National Pharmaceutical Group looga dalbanayey in tallaalka cudurka ay kala shaqeyso shirkad kale oo lag leeyahay gudaha dalka.
“Wasaarada Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshadda waxay cadaynaaysaa in documentskaan yahay mid Fake ah waana been abuur. Cida samaysayna warqadaas been abuurka ah waxaa lala tiigsanayaa sharciga si loo mariyo ciqaabta ay mutaystaan,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Wasaaradda ee twitter-ka.
Waraaqda been-abuurka ah ayaa waxa lagu sheegay in dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ay ogolaansho ay arrintaas ugula shaqeyso siisay shirkad lagu magacaabo SAHABA Pharmaceutical Group, midaasi oo ay xarunteedu tahay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Dalabka waraaqda oo si toos ah ugu socday shirkada Shiinaha ayaa waxa lagu sheegay inay muhiim tahay in tallaalka lasoo gaarsiiyo Soomaaliya, si loo bad-baadiyo shacabka, kaasi oo kusii fidaya dalka.
Waraaqdan ayaa waxaa la diyaariyey xili uu cudurka Coronavirus si weyn ugu faafay dalka, islamarkaana uu soo ritay dad badan, taasi oo aheyd dabayaaqadii sanadkii hore.
Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Waraaqda oo ku taariikheysan 22-kii October 2020-ka ay Wasaaraddu beeninayso billo badan kadib, mana jirto faah-faahin dheeriya oo ay ka bixisay arrintaan.
Ugu horeyn qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in kulankaas ay labada masuul uga wada-hadleen sidii doorasho nabdoon oo daah furan ay dalka uga dhici lahayd sanadkan, isla markaana Musharax Jibriil Ibraahim uu Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay casuumaadaas.
Sidoo kale Musharrax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta uu casuumaad ka helay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay ka wadahadleen, sidii ay dalka uga dhici laheyd doorash xor iyo xalaal ah.
“Waxaan aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha ka wadahadalnay in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla wada ogolyahay oo saamileyda guud laga tala geliyo, Soomaalida oo dhana ay ku qanacsantahay, waxaan kaloo isla soo hadal qaadnay inay lama huraan tahay in madaxda dowladdu ay fududeeyaan in in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka doorasho uga dhacdo,” ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah Musharaxiinta sanadkan u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in la wado kala qeybin dhanka ciidamada xoogga dalka ah si loo ogaado sidey ugu kala daacadsan yahiin madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraalka uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in qorshahaan, oo Caasimada Online aysan xaqiijin karin ay udub dhexaad u yahiin taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidanka lugta Janaraal biixi.
“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka”
Waxyaabaha uu sheegay iney qorsheynayaan oo ah boobka doorashada oo aan wali laga heshiin, waxaa ku lamaanan weeraro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka ah iyadoo la ogyahay in 19-kii February weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed.
Wuxuu talo usoo jeediyay taliska ciidanka xoogga dalka isagoo leh:”Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo”
Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sugan yahay xarunta Villa Soomaaliya wax ka badan hal bil isagoo muddo xileedkiisa dhamaaday, walina aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka oo ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ee ka howl-gala gudaha xarunta madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyada Casta ayaa xalay saq-dhexe howl-gal qorsheysan ka fuliyey xaafadaha ku dhow Villa Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah howl-galka loogu qaaday degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, gaar ahaan guryaha ku dhow dhismaha madaxtooyada.
Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafadaha degmooyinkaasi, islamarkaana ay soo qab-qabteen dad u badan dhalinyaro.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi la’isugu keenay hal goob, kadibna lagu sameeyey baaris, iyada oo qaarkood lasii daayey, kuwa kalena la xiray.
Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu ahaa bartilmaameedka howl-galkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedka howl-galka uu ahaa mid lagu xaqiijiyey ammaanka.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa kordhiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeyey weerarkii lagu qaaday xerada Xalane.
“Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, aan ducada u badinno in uu ilaahey naxariistii janno geeyo” ayuu sidoo kale yiri Rooble oo hadal kooban ka jeediyay goobta.
Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay guddiyadii Aaska Qaran, Qoyska iyo duubabka dhaqanka ee sida wanaagsan uga shaqeeyay aaska madaxweynihii hore Allaha u naxariistee, marxuum Cali Mahdi Maxamed.
Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta uu shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ka codsaday inay u duceeyaan marxuumka Allaha u naxariistee.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dugsiga tababarrada ciidamada boliiska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka bilaawday abaabulka dhalinyaro hor leh oo lagu biirinayo ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad.
Dhalinyarada qoraneysa ciidankaas ayaa maalin kasta xaadirta dugsiga Jeneraal Kaahiye, waxaana qoritaanka ciidankaas barbar socda tababar maalin kasta gudaha dugsiga lagu siiyo intii loo qaatay inay ka mid noqdaan Haramcad.
Saraakiil ciidan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in howshan uu gacanta ku hayo Taliyaha Haramcad Farxaan Qaroole, isla markaana uu qoritaanka ciidankaas si ku meel gaar ah uga bilaawday xerada Jeneraal Kaahiye oo ku talla degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.
Sarkaal u xog-waramay Caasimada Online ayaa muujiyey shaki la xariira sababta xilligaan ku soo beegtay qoritaanka ciidankaan ku biiraya Haramcad iyo hanaanka loo wajahayo dhismahooda.
Ciidanka hadda howlgala ee Haramcad, waxaa tiradooda lagu qiyaasaa 900, waxaana tababaray Turkiga, waxaa hoggaamiya sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole, waxaana hanaanka ay u howlgalaan walaac badan ka muujiyey madaxda maamul goboleedyada qaar iyo midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale saraakiisha aan wareysanay waxay muujiyeen inuu jiro mad-madow iyo daah-furnaan la’aan badan oo ka dhex muuqata qorshaha lagu kordhinayo ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad, oo marar badan lagu xagliyey in xukuumadda madaxweyne Farmaajo ay si gaar ah u adeegsato.
Ciidanka Haramcad ayaa tan iyo markii lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya waxay ka howlgaleen Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana magaalooyinka la geeyey ka mid ah Jowhar oo ay bilo ka hor ka dhacday doorashadii Cali Guudlaawe, Beledweyne oo loo diiday inuu tago Cali Guudlaawe, Dhuusamareeb oo ay ilaaladii hoggaankii Ahlu-Sunna kula dagaalameen iyo magaalooyin kale.
Habka ay u fuliyaan howlgallada iyo siyaasadda lagu maamulo ciidanka Haramcad ayaa shaki iyo wal-wal badan ku abuurtay mucaaradka dowladdan mudo xileedku ka dhamaaday iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.
Golaha Midowga Musharaxiinta oo dhawaan awood ciidan looga fashiliyey banaanbax nabadeed oo ay soo abaabuleen ayaa Turkiga uga dacwooday qaabka ay dowladda federaalku u adeegsaneyso ciidanka uu u tababaray ee Gorgor iyo Haramcad.
Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa khudbad uu bishii hore ka jeediyey Garowe waxa uu ku soo hadal qaaday qaabka ay u howlgalaan ciidanka Haramcad, isagoo ku tilmaamay kuwo manaxayaal ah oo si gaar ah uu u adeegsado madaxweyne Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer soo hadal qaaday ciidankaan Haramcad, isagoo naqdinaya hadafka ay ku howlgalaan.
Haramcad, inta badan waxaa hadda loo diraa oo ay ka howlgalaan goobaha ay ka taaganyihiin xaaladaha adag, sida weerarrada argagixiso.
Sidoo kale waayihii dambe cutubto ka tirsan ciidankaan waxay sugayeen ammaanka injineerada iyo shaqaalaha dhisaya laamiga gaba-gabada maraya ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye.
Al-Shabaab ayaa intii uu socday dhismaha laamigaas waxay geysteen weerarro badan oo ay ku bexeen askar, injineero, shaqaale kale iyo shacab intaba, balse waxaa Haramcad lagu ammaanaa in waayihii dambe ay aad xakameeyeen weerarradaas, kuwo badana ay fashiliyeen.
Hoos ka eeg sawirrada dhalinyarada ku biireysa Haramcad
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si layaab leh ugu adeegsatay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday hotelka DusitD2 ee Nairobi dooddeeda kiiska dacwadda badda ee dhageysigiisu ka socdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).
Kenya ayaa qaadacday inay ka qeyb gasho dhageysiga dacwadda, hase yeesee waxaa maxkamadda yaalla dokumentiyo ay u gudbisay, halkaasi oo qeyb ka mid ah doodaheeda ay ku jirto weerarkan Nairobi ka dhacay 15-kii Janaayo 2019.
Kenya ayaa maxkamadda ka codsatay in kiiska badda aan loo xukmin Soomaaliya, waxayna sheegtay in haddii sidaas ay dhacdo ay muwaadiniinteeda halis ugu jiri doonaan weeraro argagixiso, waxayna tusaale usoo qaadatay weerarkii DusitD2.
Ma cadda waxa iska galay kiiska badda iyo weerarada argagixiso, hase yeeshee tani waa astaan kale oo muujineysa sida Kenya aysan u haysan wax dood oo sharci ah oo ay ku qaadan karto badda Soomaaliya.
Kenya ayaa saddex goor horey u codsatay in kiiska dib loo dhigo, ayada oo laba mar laga aqbalay, balse markii saddexaad lagu gacan seeray taasi oo horseeday inay qaadacdo ka qeyb-galka kiiska.
Doodda la xiriirta weerarka DusitD2 ayaa ku biireysa doodo kale oo lagu qoslo oo horey Kenya ay qiil uga dhigatay, ayada oo mid ka mid ah sababaha ay u qaadacday dhageysiga ay ahayd inaysan haysan lacag ay siiso qareenada, xilli la ogyahay inay dhaqaale ahaan ka wanaagsan tahay Soomaaliya.
Dooxa (Caasimada Onine) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay ra’iisul Wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin Cabdiaziiz Al Thaani.
Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dalka ee Soomaaliya & Qatar.
Wasiir Xundubey oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiyo dowladda federaalka & shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaana aan ka wada hadalnay iskaashiga amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, anigoo kaga mahad-celiyay taageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir amniga Soomaaliya.
Xasan Xundubey oo maalmahan ku sugnaa dalkaasi Qatar ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Dooxa
Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo mashaariicyo kala duwan ka fuliso gudaha dalka.
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii u horeysay beenisay warar isasoo tarayay oo sheegayay inay qarka u saaran tahay inay lumiso dekedda weyn ee Mombasa, islamarkaana uu kala wareegayo Shiinaha.
Wasiirka maaliyadda Kenya, Ukur Yatani ayaa arrintaas waxba kama jiraan ku sheegay, isagoona meesha ka saaray in dowladda Shiinaha kala wareegayso dekedda weyn ee Mombasa sababo la xiriira deymo uu ku leeyahay Shiinaha oo dhisay mashruuca khadka tareenka.
Yatani ayaa sidoo kale waxa uu ‘mid waxbo kama jiraan ah oo marin habaabin ah’ ku tilmaamay wararka sheegaya in Kenya ay deymaha Shiinaha iskaga bixineyso dekeddaas, ayada oo meesha looga saaray ‘Gebi ahaanba halista in Shiinaha ama dal kale uu la wareegayo dekedda Kenya’.
Wuxuu intaas ku daray in deynta tareenka ee Shiinaha ‘aanan lagu bixin karin lacago kale ama ay bixiyaan ha’yado kale iyadoo uusan ansixin baarlamanaka’.
Hadalkaan ayaa imanay ayada oo maalintii shalay uu Wargeys maxali ah ku warramay in Shiinaha uu la wareegi karo dekedda weyn ee Mombasa, haddii dowladda Kenya ay ku guul-dareysato inay iska bixiso deynta Shiinaha oo lagu sheegay inay gaareyso 3.2 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.
Jabriil ayaa u muuqda musharaxa keliya ee maalmihii u dambeeyay dadaal xoogan ugu jira sidii dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah oo dhinacyada is-haya ay raali ku yihiin.
Musharaxa oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa waxa uu hore ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka.
Jabuuti (Caasimada Online) – Dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in 9-ka bisha April ee sanadkaan 2021 ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada dalkaas, ayada oo dhawaan si rasmi ah u furmayo ololaha doorashadaas.
Diyaar-garowga doorashada ayaa si weyn uga socda Jabuuti, waxaana doorashada todobaadyo kadib ka dhaceysa dalkaas, waxaana ku tartamaya Madaxweynaha tallada haya ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharax kale oo saaxada ku cusub.
Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynihii labaad ee Taariikhda Jamhuuriyadda Jabuuti soo maray tan iyo xornimadii Gumeystihii Faranasiiska oo haatan laga joogo muddo dhan 44-sano, kala bar waxaa hoggaanka u haya Madaxweyne Geelle.
Geelle ayaa ku dooda inta badan inuu horumar balaaran ka sameeyay Jabuuti tan iyo intii uu talada hayay, wuxuuna dhowr jeer kalsooni ka muujiyay doorashada inuu kusoo bixi doono maadama horumar, waxqabad & hoggaan wanaag uu ka sameeyay Jabuuti Muddada 22-sano uu xilka hayo.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa badanaa lagu eedeeya in uusan diyaar u aheyn inuu wareejiyo tallada dalka, islamarkaana uu sameeyo doorasho gacan ku rimis ah oo indhaha iskaga jeediyo bulshada, wallow uu iska fogeeyay eedeymahaas.
Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulkaasi.
Howl-galka ayaa ka dhacay dhinaca dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho & dhaawac.
Saraakiil ka tirsan Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan shaacin tiradooda.
Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay hub kasoo furteen dagaalyahanada Al-Shabaab, islamarkaana ay haatan ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.
Muddooyinkii dambe ciidanka Puntland ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin kooxaha Daacish & Al-Shabaab.
Hargeysa (Caasimada Online) – Diyaarad sida talaalka cudurka Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey ayaa shalay ka degtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, sida ay Saraakiisha garoonku u sheegen Caasimada Online.
Talaalankan oo lagu magacaabo Astrazaneca ayaa waxaa soo saartay jaamacadda Oxford ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu shalay kasoo degay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayada oo si rasmi ah loo daah-furay.
Farsamada tallaalkan oo markii hore ka yimid dalka India ayaa waxa gacanta ku haysay Qaramada Midoobey, taasi oo soo gaarsiisay dalka, waxaana bilaabatay gaarsiinta goboladda qeybta koowaad ee tallaalkaan.
Cudurka Koronaha ayaa faro ba’an ku haya Somaliland, waxaana laga diiwaan gelinayay maalmihii u dambeeyay kiisas hor leh, ayada oo cudurka uu ku dhacay madaxda u sareysa ee xukuumadda.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxaa laga helay cudurka Covid-19, sidoo kale waxaan dhawaan laga helay cudurkaas Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada oo iyaguna ka tirsan xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.
Waxaa lagu wadaa in daah-furka tallaalka Coronavirus oo wajigiisa koowaad ay ka faa’iideysan doonaan madaxda dowladda iyo shaqaalaha caafimaadka uu hormuud ka noqdo Muuse Biixi oo ay ku wehlinayaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebookga ee madaxtooyada Galmudug ayaa lagu shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu caawa kulan casho sharaf ah ku casuumay xubnaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya.
Kulanka ayaa ka dhacay hooyga uu Madaxweyne Qoor Qoor ka degan yahay magaalada Muqdisho.
“Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho caawa casho sharaf ugu sameeyey midawga musharixiinta xilka madaxtinimo ee dalka,” ayaa lagu yiri.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo arimaha doorashooyinka. Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya madaxweynaha DG Hirshabelle Cali Guudlaawe.”
Kulankaan waxaa ka soo muuqday mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe xubno kale.
Kulanka uu caawa Qoor Qoor ku casuumay musharaxiintan waxuu ku soo aadayaa iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka doorashada Soomaaliya, sidoo kalena aan weli lagu guuleysan inay shir isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kadib safar qaatay maalmo oo dalka Turkiga uu ku joogay, waxaana weli Turkiga ku maqan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.
Waxaa jira xogo tilmaamaya in madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowaldda federaalka ay doonayaan in gogosha shirkaas oo hadda Xalane taalla loo wareejiyo madaxtooyada.
Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa maalintii labaad dhageysaneysa dacwadda muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana labada maalmood ee ugu horreysa fursadda la siiyay qareennada matalaya dowladda Soomaaliya.
Waxaa kiiskan ka maqan qareennada dhinaca Kenya kaddib markii xukuumadda Nairobi ay isaga baxday dacwadda, iyadoo arrimo dhowr ah u sababeysay.
Mid ka mid ah waa in Kenya ay maxkamadda ku eedeysay inaysan dhexdhexaad ka ahayn kiiska ku saabsan xad badeedka saddex xagalka ah ee uu cabirkiisu yahay 62,000 sq miles (160,000 sq km).
Soomaaliya oo hadda kaligeed dacwadda laga dhageysanayo waxaa u taagan ilaa shan gar yaqaan oo heer caalami ah oo difaacaya doodda Soomaaliya ee ku aaddan in badda ay iyadu leedahay. Sidoo kale waxaa jira qareenno kale oo ka qeyb qaadanaya caawinta Soomaaliya.
Maxaan ka naqaannaa qareennada u doodaya Soomaaliya?
Markii ugu horreysay garyaqaannada Soomaaliya waxaa ka mid ahayd Muna Sharmaan oo si weyn loo bartay xilligii ay socotay dhageysigii dacwadda badda. Hase yeeshee waxay doorkaas ka baxday sanadkii bishii October ee sanadkii 2019-kii.
Waxaa hadda Soomaaliya wakiil uga ah kiiska qareenno ajnabi ah.
Qareennadan ayaa ah kuwo sumcad ku dhex leh shuruucda caalamiga, waxayna u kala dhasheen waddamo kala duwan.
1- Paul S Reichler
Garyaqaan Paul S Reichler
Mr Paul S Reichler waa gar yaqaan khabiir ah oo u dhashay dalka Mareykanka. Waxa uu aqoon dheer oo takhasus ah u leeyahay sharciyada la xiriira muranka xad ka badda.
Sidoo kale waxa uu ka tirsan yahay ururka ay ku bahoobeen garsooreyaasha ka howl gala maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka.
Mr Reichler waxa uu kasoo qalin jabiyay kulliyadda cilmiga sharciga lagu barto ee Jaamacadda Harvard. Wuxuu si fasiix ah ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish-ka.
2- Prof. Philippe Sands
Garyaqaan Prof. Philippe Sands
Prof. Philippe Sands, oo ay da’diisu tahay 60 sano waa qareen British-French ah oo ka tirsan garyaqaannada caanka ah ee dunida.
Waxa uu ka soo qalinjabiyay jaamacadda Harvard qeybteeda sharciga.
Prof. Sands waxa uu macalin ka yahay jaamacadda London iyo sido kale jaamacado kale oo ku kala yaalla dalalka Mareykanka, UK Canada, Faransiiska iyo Australia.
Waxa uu horey isaga oo dhinacyo kala duwan matalaya qareen uga soo noqday oo uu hortagay maxkamada ICJ, maxkamada cadaaladda iyo xuquuqda aadanaha ee Yurub iyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.
Prof. Philippe Sands waxaa uu horey u qoray buugaag uu ka diyaariyay shuruucda caalamiga ah.
3- Prof. Alain Pellet
Prof. Alain Pellet
Waa qareen 72 jir ah, oo u dhashay dalka Faransiiska islamarkana muddo dheer ku jiray xirfadda shuruucda caalamiga ah.
Mr Pellet ayaa waxaa uu culuumta sharciga ka bartay Jaamacad ku taalla magaalada Paris oo lagu magacaabo de Paris Ouest – Nanterre La Défense,.
Prof. Alain Pellet ayaa sidoo klae horey la taliye dhanka sharciga ah ugu soo noqday dowladda Faransiiska.
4- Alina Miron
Alina Miron
Garyaqaan Alina waa macallimad wax ka dhigta jaamacadda Angers ee dalka Faransiiska, oo ah waddanka ay kasoo jeeddo.
Waxay horay iyada oo qareen u hor tagtay maxakamadaha ICJ iyo ITLOS.
Waxay hadda ka mid tahay qareennada khibradda leh ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee hor taalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.
Mageeda waxaa lagu xusay bayaanka maxkamadda, shalayna waxay ka mid ahayd qareennadii hadlay.
5- Edward Craven
Edward Craven
Mr Craven – oo u dhashay dalka Ingiriiska – waa qareen caalami ah oo ku takhasusay noocyada kala duwan ee shuruucda caalamiga ah .
Arrimaha uu ku xeel dheer yahay waxaa ka mid ah shuruucda caalamiga, shuruucda dib u soo celinta hantida, shuruucda deegaanka, shuruucda saxaafadda, shuruucda ganacsiga iyo shuruucda la xiriira dambiyada.
Qareennada kale ee gacanta ka geysanaya kiiskan, dhanka Soomaaliyana ka socda waxaa ka mid ah Benjamin Salas Kantor oo ka howlgala shirkadda dhanka sharciyada ee Foley Hoag LLP. Waa qareen dalalka madaxa banaan ku matala shuruucda caalamig ah gaar ahaan murada caalamiga ah.
Nicholas Renzler ayaa isagana ka mid ah garyaqaannada la safan Soomaaliya, waana qareen ku taqasusay shuruucda caalamiga ah islamarkana dalalka ku matala maxkamadaha caalamiga ah.
Hague (Caasimada Online) – Sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 16-ka Maarso, Ergeda Dalkeenna uga qayb galeysay Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta soo gaba-gabeeyey wareeggii 1-aad ee dood afeedka dacwadda la xiriirta baddeenna.
Xeer Ilaaliyuha Qaranku wuxuu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayey dalkeennu ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha. Waxa ay sidoo kale looyaradu si cad u qeexeen xad gudubka dawladda Kenaya ay ku hayso badda Soomaaliya ee ay muranka galisay.
“Waxaan halkan umadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha.
Waxaa halkaas ku soo gaba-gaboobay wareeggii 1-aad ee Dood afeedka badda Soomaaliya. Wareegga 2-aad goorta uu bilaabmayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa go’aan ka gaaraysa iyada oo wargalin doonta wafdiga Soomaaliya ku matalaya dacwadda.
Kulankii maanta ayaa Soomaaliya ay kusoo bandhigtay doodo culus. Labada qareen ee maanta hadlay ayaa soo bandhigay mowqfika Soomaaliya ee ku aaddan sida ay tahay in loo xadeeyo xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Qareenka hore ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale.
Qareennada Soomaaliya waxay sheegeen in xariiqa tooska ah uu si caddaalad ah badda ugu kala qaybinayo Soomaaliya iyo Kenya. Waxay gaashaanka ku dhufteen in xuduuddu ay ku salaysnaato loolka oo ah mowqfika Kenya. Qareenada waxay sheegeen in loolka ay Kenya ku salaynayso dooddeeda aanay jirin meel laga isticmaalo, islamarkaana uu xaqdarro ku yahay Soomaaliya.
Qareenadu waxay ku eedeeyeen Kenya inay dacwaddeeda ku salaynayso qaynuuno aan ahayn kuwa caalmaiga ah.
Qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka ay Kenya qaadday marka ya noqoto dhulka la isku hayo. Qareenada Soomaaliya u doodaya waxay sheegeen in Kenya ay ku xadgudubtay madax bannaandida dhul ay sheeganayso Soomaaliya.
Qareenada waxay kale oo ay sheegeen in Kenya ay qiratay inay bixisay shati la siiyey ugu yaraan shan shirkadood oo shidaal ka baaray dhulka ay sheeganayso Soomaaliya. Waxay Qareenadu intaas ku dareen in weliba ceel laga qoday dhulka ay Soomaaliya sheeganayso.
Waxay qareenada ugu baaqeen Kenya inay joojiso, islamarkaana waxba kama jiraan kasoo qaaddo shatiyada ay siisay shirkadahaas. Waxay sheegeen in Soomaaliya oo doonayso niyad wanaagsan derisnimo aysan doonayn inay Kenya mag dhow ka siiso xadgudubyada ay samaysay.
Waxayse qareenadu sheegeen inay Soomaaliya doonayso saddex arrimood oo kala ah: In maxkakamadda caalamiga ah ay si cad u xaqijiso xaqa ay Soomaaliya u leedahay dhul badeedkaas, inay diiwaan-geliso xadgudubyada ay Kenya samaysay, iyo la joojiyo tallaabooyinka Kenya.
Xaakimka maxkamadda ayaa ka hor intii aysan dhagaysiga soo xirin sheegtay in Kenya ay warqad usoo qortay maxkamadda ICJ, taasi oo laga doodayo. Waxaana ay xaakimku sheegatay in isbeddel ku iman karo jadwalka dhagaysiga ee maxkamadda.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaan maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.
Kulankaas ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tan doorashooyinka oo khilaaf adag uu weli ka taagan yahay, sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaas.
Sidoo kale qoraal ku saabsan kulankaas oo lagu baahiyey bogga Facebookga ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganayhay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Kulanka waxaa ku wehelinayay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.”
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay ka degan yihiin gudaha xeyndaabka Xalane, halkaas oo ay iyagu dalbadeen in la dejiyo, maadaama sida ay sheegeen aysan isku aaminin goob kale oo Muqdisho ka tirsan.
Waxaa weli qabsoomi la’ shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la sheegay in gogoshiisa la dhigay Xalane, waxaana jira warar sheegaya in madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada taabacsan ay doonayaan in gogosha shirka loo soo wareejiyo Madaxtooyada.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay dalka Turkiga, waxaana weli dalka ka maqan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo sida la sheegay isna jira dalka Turkiga.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa markii u horeysay ka hadlay dacwadda Kiiska Badda oo shalay ka furmay Maxkamadda ICJ ee magaalada The Hague.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in xukuumada iyo shacabka Jubbaland ay garab taagan-yihiin, sidoo kalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshanayno badeena ay muranka galisay Kenya.
“Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah.”
Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wada-jira, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.
Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa waxaa maanta markale ka sii socon doonta dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.
Dooda Soomaaliya ayaa maanta halkeeda ka sii soconeyso, iyada oo ay markale qareenada Soomaaliya jeedin doonaan doodooda ku aadan difaacida biyaha dalkeena.
Qorshaha ayaa waxa uu ahaa in qareennada Kenya ay beri bilaabaan doodooda, balse Kenya ayaa maqan, iyada oo ka baxday kiiska badda ee ICJ, waxayna ku howlan tahay sidii ay kiiskan ugu gudbin laheyd Golaha Ammaanka ee QM.
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan ku billowday madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, saacado kadib markii uu Muqdisho soo gaaray maanta.
Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa labaduba si kala duwan kulmay Qoor Qoor waxyar un kadib markii uu yimid caasimadda.
Qoraal ay madaxtooyada Galmudg kasoo saartay kulanka James Swan ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ee QM James Swan ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.”
Madaxtooyada ayaa sidoo kale kulanka Yamamoto ka tiri “Madaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha Mareykanka Yamamoto ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.”
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Swan iyo Yamamoto ay labaduba ku cadaadiyeen Qoor Qoor inuu aqbalo shirka ay beesha caalamka garwadeenka ka tahay ee ka dhacaya Xalane, oo shaki uu soo galay ka qeyb-galkiisa.
Qoor Qoor oo ka mid ah madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ee raacsan Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay in diidmadiisa shirkaas, isaga iyo Lafta-gareen uu Farmaajo u adeegsanayo inuu shirka fashiliyo.
Iyadoo la raacayo qabanqaabada iyo abaabulka dacwada badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya ee ay go’aamisay in la dhageysto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (ICJ), Soomaaliya waxa ay heli doontaa 3 (saddex) saacadood oo shalay ah (15-ka Maarso 2021) iyo saacad iyo bar maanta ah (Talaado 16-ka Maarso 2021), si ay u soo bandhigto dooddeeda afka ah.
Sida ku cad warqadda diiwaan-hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee la qoray 11-kii Maarso 2021, Soomaaliya waxay fursad u heli doontaa 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 in ay u soo gudbiso maxkamada faallooyin qoraal ah (written comments) oo ku saabsan agabka (materials) dacwada badda ee ay soo gudbisay Kenya.
Inta lagu guda jiro gudbinta faalooyinka qoraalka ah ee dacwada badda maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021, Soomaaliya waxaa laga yaabaa haddii ay ubaahato in ay ka faa’iideysato muddo kordhin gaaban oo dawada ah wixii ka dambeeya 6:00 maqribnimo si ay ugudbiso xog dheeraad ah sababtoo ah waqtigii ay qaadatay furitaanka aragtiyada kooxda qabanqaabada dacwada furtay darteed.
Fursada ay heysato Soomaaliya si ay ugu guuleysato dacwada badda:
In Soomaaliya ay hesho fursad ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ugu gudbiso faalooyin qoraal ah oo ay ku beeninayso sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 ayaa ah fursad dahabi ah (golden opportunity). Ogoow fursadan oo kale oo ay Kenya xaq u laheyd in ay hesho waa ay dayacday sababtoo ah Kenya iyada ayaa go’aansatay in aysan dacwada ka qeybgalin, sidaa daraadeed ma heysato Kenya fursad ay hadda iyo wixii ka dambeeya ku gudbisan karto faalo qoraal ama hdal afka ah oo ay ku beeniso agabka dacwada badda ee Soomaaliya ay gudbisay.
Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay fursad u heysato in ay burburiso dhamaan qoraalada, cadeymaha xigashooyinka, sawirada xadka badda iyo dhulka ee ay Kenya sheegatay iyo wax alla oo ku saleysan doooda Kenya, si ay sare ugu qaadi karto fursad ah in garsoorayaasha maxkamada ay ka daadejiso doodeeda.
Marka Soomaaliya ay gudbineyso faalooyinka qoran oo ka dhan ah dhamaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya, Soomaaliya waxa ay heysataa 2 fursadood; 1) in aysan jirin cid la doodeysa oo burin karta faalooyinkeeda qoraalka ah ee ka dhanka ah agabka dacwada ee ay la timid Kenya iyo; 2) in ay ugudbiso garsoorayaasha cadeymo qoraal ah oo taageeraya doodeeda.
Ogoow markan waxa garsoorayaasha maxkamada ay isbar-bar dhigayaan ayaa ah agab (materials) dacwo oo cidda la timid (Kenya) aysan goob joog ahayn, tii oo ay dheer tahay in aan la cusbooneysiin (updated) inta dacwada ay socotay iyo faalooyin qoraal ah oo ay Soomaaliya dul dhigtay dhamaan agabka dacwada badda ee Kenya si ay u beeniso iyo Soomaaliya oo dood afka ah iyo mid qoraal ahba la shir tagtay. Maqnaashaha Kenya ee ah in ay lumisay fursada ah in ay xaq u laheyd sida Soomaaliya oo kale in ay gudbisato faalooyin qoraal ah oo ay ku naqdineyso agabka dacwada ee Soomaaliya ayaa fursad weyn siinaya Soomaaliya si ay u heli karto in ay guul ka gaarto dacwada badda.
In Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda ee kala dhexeysa Kenya waxa ay uga xirantahay sida ay kooxda ku mataleysa Soomaaliya dacwada badda xoogga u saaraan in ay la yimaadaan doo mann-gal ah iyo cadeymo ay ku beninayaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya. Sababta arinkan ay muhiim u tahay ayaa ah in faalooyinka qoran ay ka saameyn badan yihiin 4-ta saac iyo barka ay Soomaaliya gudbinayso dood jeedinteeta dacwada badda ee afka ah.
Hadii kooxda Soomaaliya ku mataleysa dacwada badda ay ahmiyad weyn siiyaan shaqada faalooyinka qoraalka ah ee lagu naqdinayo agabka dacwada badda ee Kenya, waxaa sare u kacaya saameynta ay ku yeelanayaan go’aan qaadashada garsoorayaasha maxkamada, markaa Soomaaliya waxa ay helaysaa fursad xageeda loo ridi karo go’aanka dacwada badda.
Gabagabo:
Kuma dhisna dacwada badda ee udhexeysa Soomaaliya iyo Kenya hab la dhihi karo dal hebel ayaa ku guuleysanaya dacwadan marka la eegayo qawaaniinta iyo xeerarka badaha, laakiin marka loo eego dacwadaha la midka ah tan hadda udheeysa Kenya iyo Soomaliya ee ay qaday maxkamada ICJ waxa ay u badantahay in Soomaaliya ay hesho gacanta sare. Laba arin midkood ayaaana taageeraya arinnkaas oo ay tahay in ay ku dhamaato dacwadaan go’aan qaadahsadeeda.
Tan koobaad, waa in la saadaanlinkaray guusha Soomaaliya ee dacwadan markasta sababtoo ah hab-dhaqanka Kenya oo muujinayay cabsi weyn oo ka heysay in ay la dacwooto Soomaaliya. Marka aan sidaa leeyahay, Kenya waxa ay ku dooday in Soomaaliya ay badda ka heshiiyeen tii oo ay Soomaalida la taagantahay ICJ in aysan waxba kula heshiin – dacwada badda waxaa kaxkamada ICJ ka furtay Soomaaliya.
Kaba darane, Kenya waxa ay usheegtay maxkamada ICJ in aysan awood u laheyn (jurisdiction) in ay dacwadan qabato, dhageysato, go’aana kasoo saarto. Markii maxkamada ay ucadeysay Kenya in ay dacwada awood u leedahay in ay qaado, Kenya waxa ay laba mar codsatay in dacwada dib-loogu dhigo. Hadda, maxkmada waxa ay Kenya ka diiday in markii sadexaad codsigeeda dib loogu dhigo dhageysiga dacwada.
Sidaa daraadeed, Kenya waxa ay go’aansatay in guuldaro ay xaqiijisay in ay la kulmi doonta in ay ka dheeraato (in ay ka maqnaato goobta ay ku guul dareysaneyso oo ah ICJ horteed). Tan, Kenya waxa ay ula jeedaa in ay raadiso wada kale in ay ku doodo mar kale in aysan ogoleyn go’aanka kasoo baxa maxkaada hadii ayada uusan siin guusha. Marka Kenya ay sidaa yeelayso waxa ay ku khamaareysaa nafteeda sababtoo ah waxa ay ogtahay in go’aanka maxkada uu sandulle ku yahay in ay aqbasho, laakiin hadda waa ay is mada-daalineysaa. Sababtoo ah go’aanada kasoo baxa ICJ ma lahan meel ka dambeysa oo lala aado.
Tan labaad, Soomaaliya ayaa heysata fursad kale oo ah in dacwadaha badda oo noocaan oo kale ah ay ku wada guuleysteen dalaka lahaa ama qabay dooda Soomaaliya oo kale. Ma ogi hadii markaan ay maxkamada ICJ wax u go’aami doonto si ka duwan sida dacwadihii la midka ahaa tan Kenya iyo Soomaaliya. Laakiin ayada oo fursadahaan oo dhan ay jiraan waa in aysan Soomaalida is-dhigan oo dadaal wadajir ah la sameeyo. Dadaaladaa oo ay ka mid tahay in qof walba oo ah muwaadin Sooaamliyeed uu sameeyo wax alla iyo waxa uu karo oo u uku taagerayo in libin laga soo hooyo wacwada badda. Kii awooda duco kaliya waa in uu sidaa sameeyaa oo uu u duceeyaa dadka dacwada nagu matalaya in allaah u haleeshiiyo qodobada Sahlaaya in Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda, midkii aqoon u leh dacwadaha noocaan oo kale ah waa in uu ku kabaa aqoontaas, kii faalo ka bixinaya waa in uu ka bixiyaa dacwadan inta ay socoto faalo aanan niyadda ka jabinayn ummadda Soomaaliyeed ee shakiga la galiyay wax walba oo ku saabsan dalkooda iyo noloshooda.