25.4 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Golaha Badbaado Qaran ee maanta la sameeyey oo baaq u diray siyaasiyiinta dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ‘Golaha Badbaado Qaran’ oo ah isbaheysi siyaasadeed oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay, kaas oo ay ku midoobeen Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiye Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta gobollada waqooyi.

Gaba-gabadii kulankii maanta looga dhawaaqay dhismaha golahaas waxaa hadal ka jeediyey guddoomiye Cabdi Xaashi, isagoo sheegay in dhibaato badan oo ka dhalatay talo la’aan ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed halkaan dhigtay, welina ay heysato, balse maanta ay u istaageen inay ka samata-bixiyaan.

“Baaqa galabta halkan kasoo baxay, waa baaq talo cad bixinaya, oo inta naga maqan aan qabo inay kusoo biiri doonaan, oo aysan diideyn in Soomaali heshiiso oo ay doortaan madax dalkooda u naxda,” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo loo doortay guddoomiyaha golahan.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Waxaa inagu jira dad arkaaya dhibaatada na hortaalla, laakiin aan laga akhrisaneyn ama laga dhageysaneyn, marka waxaan is leeyahay talada halkaan ka soo baxda waxay noqon doontaa mid Soomaali u horseeda inay garato wadada saxan, oo inta isku imaano aan doorano qofka noogu haboon, in kastoo aan qabo waxa dalkeenna halkaan dhigay inuu yahay qabiil, hadana waxaan rajeynayaa inaan ka gudubno qabiilka.”

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in xilka loo igmaday ee hoggaaminta Golaha Badbaado Qaran uu aqbalay, balse uusan xil-doon aheyn ee uu midnimo doon yahay.

Madasha Badbaado Qaran waxay golaha hogaaminta sare u dooratay Guddoomiye Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Hoos ka Daawo

Axmed Madoobe: Habeenkii 11-aad ayaan Xamar joogaa dowladda federaalkana….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa khudbad ka jeediyey kulankii maanta Muqdisho ka dhacay ee lagu dhisay ‘Golaha Badbaado Qaran’ kaas oo ay ku midoobeen Madaxda Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu horeyn sheegay in sababta loo aas-aasay golahaan ay tahay badbadinta dalka, “Maanta waxaan taaganahay inaan la shirin, inaan wax la iska weydiin yaa talo ku leh dalka, waxa dhibkaan nasoo gaarsiiyey waa kalitalisnimo,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in golahaan aan loo sameyn in wax lagu boobo, balse ay ka shaqeynayaan in la isku yimaado oo laga wada tashado, sidii dalka looga samata bixin lahaa marxaladaan.

Garabka dowladda federaalka ayuu ku eedeeyey inay si gooni ah wax ula cararayaan, sigoo tusaale u soo qaatay guddiyadii kala metelayey dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada taabacsan DF ee maanta ku shiray Hotel Decale.

“Caawa habeenkii 11-aad ayaan Muqdisho joogaa, nimanka mas’uuliyadda sheeganaya ee guddiyaa shiraya leh, xitaa su’aalo la iskama weydiin inaan joogo iyo inaan maqanahay, anaa isku jooga, anaa isku imid, hadana waxay naleeyihiin guddi wasiiro ah soo dira, taasi waa nasiib darro,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa beesha caalamka iyo cid kasta oo Soomaaliya caawineysa ka dalbaday in aysan garab siin qof doonaya inuu Soomaaliya ku xukumo ‘Anaa iri’.

Hoos ka Daawo

Daawo: Sheekh Shariif oo ka hadlay isbaheysiga cusub ee maanta lagu dhawaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta Muqdisho ka dhacay ee looga dhawaaqay isbaheysi cusub ee loogu magac-daray ‘Golaha Badbaado Qaran’ ayaa waxaa khudbado ka jeediyey qaar ka mid xubnaha ku bahoobay golahan, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey sababta loo aas-aasay golahaan cusub ee siyaasadeed.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga. Waxuuna golahaan ka shaqeyn doonaa sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo dalka laga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho la boobay, sida ay ku sheegeen war-murtiyeed ka soo baxay galabta.

Ugu horeyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in golahaan loo aas-aasay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho wadar-ogol ah.

“Dimoquraadiyadda curdunka ah ee ka jirta Soomaaliya waxay u baahan tahay ilaalin, waxaan u istaagnay waajibka naga saran in dalka ay doorasho xor ah ka dhacdo, waxaan Ilaahey ka baryaa inuu nagu guuleeyo taas,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Ififaalooyinka socda ee ku hareereysan doorashooyinka ma ahan kuwo muujinaya in doorasho xor iyo xalaal ah dhacdo, taas ayaa keentay in la aas-aaso golahaan. Asbaabta loo doortay in 4-tii sanaba mar ay doorasho dhacdo, waa in uusan imaan isku dhajis kursiga ah oo sababa in dhiig daato ama dowladnimadu burburto.”

Hoos ka Daawo

Jublanad, Puntland, Cabdi Xaashi iyo musharaxiinta oo ku dhowaaqay isbaheysi cusub, soona saaray qoraal

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay isbaheysi cusub oo siyaasadeed, oo lagu magacaabo ‘Golaha Badbaado Qaran’, kaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah maamulada dalka iyo musharaxiinta mucaaridka.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland, Midowga Musharaxiinta mucaaridka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta Waqooyiga.

Golaha Bad-baadada Qaran ayaa waxa uu ka shaqeyn doona sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana dalka looga bad-baadin lahaa doorasho boob ku dhisan iyo ka hortaga in dalku uu galo fashil siyaasadeed oo horseedi kara bur-burka dowladnimada, sida ay sheegen.

Waxaa hogaaminaya golahan oo guddoomiye looga dhigay Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdillahi, waxayna xubnaha ku midoobay golahaan si weyn uga soo horjeedaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu sii joogo tallada dalka.

Sidoo kale Madasha Badbaado Qaran ayaa waxay golaha hogaaminta sarre u dooratay Guddoomiye Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

“Madaxda kulamada yeeshay oo intii muddo ahayd waqti badan geliyey in heshiis loo dhan yahay laga gaaro sidii ay Dalka uga qabsoomi laheyd doorasho wada-ogol ah, waxaa u cadaatay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caqabad ku yahay inay dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah, si nabada ahna ku dhacda, kadib markii uu si joogta ah u carqaladeeyay heshiiskii 17-ka September 2020-ka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha.

Waxay ku eedeyeen madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday inuu fashiliyey shirkii Dhuusamareeb-4, isagoo kasoo baxay shirkii oo socda 5tii February ee sanadkan si uu uga hordhaco inaan heshiis laga gaarin caqabadaha fulinta heshiiskii 17-kii September ee 2020-ka.

Sidoo kale waxay ku eedeyen Farmaajo inuu ciidamada dowladda u adeegsado dano gaar ah oo ku carqaladeynayo qabsoomida doorashada, iyagoona sheegen in uu is-hortaag ku sameeyay shirar wada-tashi oo ay madaxda wada-tashiga qaran iskugu yimaadeen, islamarkaana uu ku tuntay qoddobo muhiim ah oo dastuurka KMG ah.

Golahaan oo ay ku midoobeen siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa waxa uu noqonayaa Golihii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga sameeyo Soomaaliya tan iyo intii ay ka baxday kumeel-gaarka.

Arrintaan ayaa imaneysa, ayada oo beesha caalamka ay dadaal ugu jirtay in miiska wada-hadalka la isugu keeno dhinacyada isku haya doorashada, waxayna muujineysa tallaabadan maanta inaysan xiligan suurta-gal aheyn in la gaaro heshiis wada-ogol ah.

Hoos ka aqriso qoraalka laga soo saaray ku dhowaaqista isbaheysiga cusub


Wareysi: Swan oo wax laga weydiiyey rabshadihii Xamar iyo haddii uu ka cabsi qabo in loo eryo sidii Haysom

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda VOA waxuu uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, qeybtaan waxaan idin kugu soo gudbineynaa jawaabaha uu baxiyey su’aalo laga weydiiyey, sida uu u arko waxii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii Febraayo, xilligaas oo DF ay awood ku fashilisay banaanbaxyo nabadeed oo mucaaradku soo abaabulay, hadii ay jirto cabsi uu ka qabo in loo eryo sidii wakiilkii isaga ka horeeyey ee QM Nicholas Haysom, hadii uu faro-geliyo arrimaha qaar iyo qodobo kale.

Waxa uu sheegay in isaga iyo saaxiibadiisa kale ee caalamka ay  aad uga walaaceen wixii dhacay 19-kii Febraayo, balse kadib la qaaday tallaabooyin wanaagsan markii ay kulmeen ra’iisul wasaare Rooble iyo xubnaha midowga musharaxiinta.

Sidoo kale rabshadihii kadib, wadahadallada dhacay waxa uu sheegay inay qeyb ka ahaayeen shakhsiyaad kale oo muhiim ah, sida Duqa Muqdisho, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha HirShabeelle, “Taas miradhalkeedu waxa uu noqday in heshiis laga gaaray qaban-qaabada isku soo baxyo nabadeed oo mustaqbalka dhaca.”

Mar wax laga weydiiyey hadii shaqadiisa QM ee Soomaaliya ay xadideyso cabsi la xariirta tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ku ceyrisay wakiilkii isaga ka horeeyey oo isku deyey inuu ka hadlo xadgudubyo ka dhacay dowladda ayuu ku jawaabay.

“Marka ay jiraan xadgudubyo ah dhinaca xuquuqda aadanaha ama arrimo ku xeeran xuquuqaha siyaasadeed ee xorriyadda warbaahinta, waxaan sii wadi doonaa inaan diiwaan gelino oo aan gudbino, isla markaana ku soo hadal qaadno mas’uuliyiinta ay khuseyso oo aan si shaacsan uga hadalno, runtii marar badana waanu sameynay,” ayuu yiri James Swan.

Waxa uu sheegay in hadda oo la gelayo xilli doorasho oo xasaasi ah, isla markana ay muhiim tahay in la dhowro xorriyadda hadalka, tan warbaahinta, xorriyadda isku imaatinka iyo abaabulkooda, taasna ay si gaar ah isha ugu heyn doonaan.

Sidoo kale James Swan waxaa la weydiiyey waxa ay dadka Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan, sida wakiilladii QM ee isaga ka horeeyey, kuwaas oo xilliyo adag gacan ka soo geystay isku dubbaridka dowladnimada Soomaaliya.

“Anigu si gaar ah uma daneynayo in wax gaar ah oo la igu soo xasuusto aan ka tago, balse waxaan daneynayaa in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay ka tagaan dhaxal nabadeed iyo mid dimoquraadiyadeed, taas oo xasilooni u ogolaaneysa dalkaan iyo inuu horumar gaaro, taas ayaan xoogga saarayaa, waa hoggaamiyaasha Soomaalida kuwa laga doonayo inay taariikhdu xusto oo 30 sano kadib la weydiinayo ‘maxaad Soomaaliya ku soo kordhisay xilligii adkaa ee 2021?” ayuu yiri James Swan.

Hoos ka dhageyso wareysiga qeybtiisan

CC Shakuur oo raali-gelin ka bixiyey qoraalkii la xiriiray qabriga Max’ed Siyaad Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal uu dhowaan ugu jawaabay Wasiirka Gargaarka, Khadiijo Maxamed Diiriye, mar ay booqatay qabrigii Maxamed Siyaad Barre.

“Waa sida keli ah aad ku raali gelin karto Maxamad Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Waa tan aan diidanayn, diidi doono, marnaba aanan yeeli doonin,” ayuu yiri dhawaan kadib markii uu faallo ka bixiyay Wasiir Khadiija oo booqatay qabrigii Siyaad Barre.

Cabdiraxmaan ayaa ugu horreeyntii sheegay in ujeedkiisu uusan ahayn in uu diido u ducayn qof dhintay, booqasho qabri ama uu beel Soomaliyeed wax u dhimo, balse uu uga dan lahaa ifinta wax uu ku sheegay ‘in aan xukun lagu raadin raali-gelinta madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday.

“Waxaan ka raalli gelinayaa intii u fahamtay in aan duco iyo siyaaro u diidanahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre ama u qaadatay inaan Khadiijo ama qabiil gooni ah duullaan ku ahay”.

Sidoo kale waxa uu ka cudur daartay in ula jeedka uu uga falceliyay arrintaas aysan aheyn in uu dhaleeceeyo Wasiir Khadiijo oo uu sheegay inay Reer Buulo Burte isla ahaan jireen.

“Maaddaama ay adag tahay in aragti midaysan laga yeesho shakhsiyaadka iyo sooyaalka taariikhdooda togan ama taban, oo mid ay dad badani danbiile u haystaan ay dhici karto in uu qola kale geesi agtooda ka yahay, waxaan go’aansaday inaan ka gaabsado qiimaynta shakhsiyaadka lagu kala qaybsan yahay, ilaa laga fursan waayo maahee, oo markaana aan si taxaddar leh uga hadlo anigoo xeerinaya dareenkaas kala duwan ee bulshada,” ayuu ku yiri qoraal dheer oo uu raali-gelin uga bixiyay arrintaan.

Arrintaan ayaa maalmihii u dambeysay aad looga hadlayey baraha bulshada, ayada oo bulshaduna qaabab kala duwan uga hadleen, midaasi oo la fahamsan yahay inay keentay raali-galinta uu maanta ka bixiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sawirro: Shirkadda Somtel wejigii 2-aad ee saamiyada u furtay bulshada Soomaaliyed

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa shacabka u furtay wejigii labaad ee saamiyada ayada oo sheegtay inay meel kasta oo ay joogaan ay saami ama SHARE ku darsan karaan shirkadda, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay shirkadda. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeed

Shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo soo agaasintay Xaflada sanadlaha ee saamileyda somtel iyadoo sidoo kale shikaddu daahfurtay saamiyo cusub sanadkan 2021.

Munaasabadan oo lagu Qabtay Hotel Giyaajo ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha kala gedisan ee bulshada Sida Ururada Dhaliinyada, Aqoonyahanada, Ururada Haweenka, Ganacsato iyo Shaqsiyaad Caan ah, Mas’uuliyiinta Ugu sareeysa shirkadda isgaarsiinta sotel & Dahabshil Group Intaba.

Munaasabadaan oo ay bulshadu aad u daneeynayeen ayaa Waxaa laga dareemay hoolka ay munaasabada ka dhaceeysay & dad weynwhw kale ee baraha bulshada ee shirkadda su’aalaha ka soo weydiinayay Iyadoo Saamiyada laga daahfuray  Suuqyada Somtel Somaliland & Somtel Puntland.

Ugu horeyntii Waxaa munaasabada Hadal jeedin rasmi ah ka sameeyay madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane: C/laahi Cali Caamir Oo ku dheeraaday ahmiyada Saamileyda shirkaddu u leeyihiin “isagoo tilmaamay inay ka qeyb –qaataan suuq-geynta adeegyada shirkadda Waxa uu na ku dhiirageliyaya in fariinta shirkadda ay gaarsiiyaan.”

Sidoo Kale Waxaa munaasabada ka hadlay Saamileyda shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo Codkooda uu ku hadlayay Mudane C/raxmaan Cumar Wiresh Oo Tibaaxay

Mudada Labada Sano aan ka mid nahay Saamileyda Somtel Waxa aan Helnay Faa’iido Dhaqaale Iyadoo shirkaddu La timid Istaraatiijyad  gaar ah oo Lagu Kobcinaayo Daqliga Shirkadda Si loo Xaqiijiyo qanaacadaSaamileyda. Waxaan ugu baaqaaa Saamileyda Cusub inay Ku soo biiraanBahweynta Saamileyda ayna K amid Noqdaan Milkiilayaasha guud ee shirkadda somtel”

Ugu Danbeyntii Waxaa munsaabada soo Xiray Maareeyaha guud ee shirkadda isgaarsiinta somtel “U jeedada aan Daah-fureyno Saamiyada Wejigii Labaad Waa in macaamiisha Somtel ay ka mid noqdaan milkiilayaasha guud ee shirkadda Iyadoo Sanadkii 2018 Wejigii koowaad aan u furnay Macaamiisheena Saamiyo dhan (1033) Saami Waxaan rajeeyneeynaa in Sedex Sano kadib Macaamiishena sharafta leh U furno Saamiyo ka badan ay Kuwii ay shirkaddu Hory ugu furtay bulshada soomaaliyeed”

Waxaa xusid mudan in shirkadda Somtel sanadkii 2018  u daah-furtay bulshada soomaaliyeed  Wejigii 1aad saamiyadii ugu badnaa abid Iyadoo bulshadu soomaaliyeed ay ka wada qeyb-qaateen

Macaamiishii ay horay u seegtay fursada Saami Ku darsashada Somtel  Wejigii Koowaad  ayaa Maanta soo buux Dhaafiyay Xafiisyada Saamiyada somtel Muqdisho si ay uga Faa’ideystaan Fursadaan  Taariikhiga ah oo ay Xiliyo badan sugayeen.

 

Shir ay ka maqan yihiin 3 maamul oo Muqdisho uga furmay guddigii Baydhaba iyo war kasoo baxay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada ee Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir ee heshiiska kusoo gaaray Baydhaba ayaa maanta uu shir uga furmay Hotelka Decale ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. 

Waxaa shirka ka qeyb galaya xubno ka kala socda maamul goboleedyada dowladda taabacsan ee HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaase ka maqan Galmudug, Jubaland iyo Puntland.

Hase yeeshe xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta qaar u sheegay in Puntland ay qeyb-ka tahay. Si kastaba, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ka mid ahaa xubnihii Puntland ku matalayey guddigii farsamada heshiiskii Baydhaba, ayaa beeniyay in Puntland ay qeyb ka tahay shirkaas

wasiirka Dhabancad ayaa sheegay in warka dowladda aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan jirin shir ka furmay Muqdisho.

“Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Mogadisho,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Hore ayaa waxay guddigan shir ugu yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, balse kulankan ayaa ah mid ay ku kala qeybsameen guddiga.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo caasimada dalka ay ku sugan yihiin inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka, lana filayo in ayaga iyo madaxda dowladda uu shir uga furmo xarunta Xalane.

Maxaa looga hadlay kulankii musharax Jabriil iyo danjire Alberto Vecchi? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi.

Kulankaan ayaa waxa diirada lagu saaray nidaamka doorashooyinka, iyada oo labada mas’uul ka wada-hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku haya doorashooyinka oo xaalad cakiran ka abuuray dalka.

Jabril oo soo dhigay qoraal kooban bartiisa baraha bulshada ayaa waxa uu uga hadlay kulankaan, wuxuuna yiri “Waxaan maanta kulan muhiim ah wada yeelanay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi”.

Jabril ayaa sheegay in isaga Danjiraha aay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira Doorashooyinka iyo sida aay lagama maar-maanka u tahay qabsoomidda doorasho raali laga wada-yahay oo si xor iyo xalaal ah loo qabto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Wakiilka uu ka codsaday in uu si toos ah uga qeyb qaato wada-hadalada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee isku haya hogaanka dalka.

“Danjire Vecchi ayaan ka codsaday in uu si toos uu qeyb weyn ka qaato is-fahamsiinta Dowladda Federalka ah, Dowladda Gobaleedyadda iyo siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee daneynaya hogaanka dalka,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina Musharax Jabril Ibarahim Cabdulle ayaa uga mahad-celiyay Wakiilka kaalinta Dowladda Talyaaniga ay qaadaneyso xoojinta dowladnimada Soomaaliya.

Halkee marayaan dadaallada la’isugu soo dhoweynayo Qoor Qoor iyo Saciid Deni?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeedo, iyada oo ay sidoo kale ku sugan yihiin madaxda maamullada Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay billowdeen dadaallo lagu doonayo in la’isugu soo dhoweeyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmuudg, oo uu khilaaf soo kala dhex-galay, kadib khudbadii uu Siciid Deni bil ka hor ka jeediyey gudaha magaalada Garoowe.

Dadaallada ayaa socda ayaa waxaa garwadeen ka ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xildhibaano & siyaasiyiin kasoo kala jeedo Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta kulan gaar ah ay yeelan doonaan Axmed Madoobe & Qoor Qoor, kaas oo horudhac u ah kulan ay isugu imaanayaan madaxweynayaasha maamulada Puntland & Galmudug, si loo dhameeyo khilaafkooda.

Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in wada-hadallada la’isugu soo dhoweynayo labada dhinac ay marayaan meel wanaagsan, islamarkaana rajada ay tahay in xal waara laga gaaro mad-madowgaasi siyaasadeed.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo magaalada Muqdisho haatan laga dareemayo u diyaar garow ku aadan shirka wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Maxkamadda ICJ oo war cusub kasoo saartay kiiska dacwada badda Soomaaliya

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sheegtay inay maanta soo geba-gebyn doonto dhageysiga kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomalaiya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kadib dhageysiga maanta ay guda geli doonto gaarista go’aanka kiiskan, islamarkaana ay xukmin doonto, inkasta oo aysan shaacin waqti rasmi ah.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Sidaas darteed, ayey tiri maxkamadda, Soomaaliya ayaa maanta soo gudbin doonta dooddeeda ugu dambeysa, saacadda magaalada Hague marka ay tahay 3:00pm, taasi oo ku beegan 5:00pm xilliga Muqdisho.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa shalay ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

Go’aanka Maxkamadda ay ku diiday codsiga Kenya ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya, iyo qareenada matalaya, sababtoo ah Kenya ma ka haysato fursad ay isku difaacdo.

Maxaa ka jira in Kenya ay lumin doonto Lamu haddii looga adkaado kiiska badda?

Nairobi (Caasimada Online) – Dadka degan Lamu waxay lumin doonaan xuquuqdooda kalluumeysi, haddii maxkamadda ICJ ay Soomaaliya u xukmiso dhul-badeedka ay dacwaddiisa qaadeyso, waxaa sidaas maxkamadda u sheegay Kenya.

Kenya ayaa ku doodeysa in xuduudda badda ee labada dal lagu salleeyo loolka ama xagal qalloocan oo dhinaca Soomaaliya soo aadeysa. Loolka ayaa Kenya siinaya qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya.

Qareenada Soomaaliya ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda dhulka. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale.

Haddii maxkamadda ICJ ay kiiska u xukmiso Soomaaliya, Kenya ma weyn doonto dhul ka maqan balse waxay weyn doontaa dhul badeed aysan laheyn oo hadda ay kalluumeysatada dalkaas uga kalluumeystaan si sharci-darro ah.

Kenya ayaa dokumentiyo ay u gudbisay maxkamadda ku dooday in kalluumeysiga uu yahay 80 dakhliga bulshooyinka ku nool Lamu.

Kenya ayaa sidoo kale ku dooday in hadduu dhulka la isku hayo loo xukmiyo Soomaaliya uu aad u yaraan doono dhul-badeedka Kenya, taasi oo sida ay ku dooday xadidi doonta dhaq-dhaqaaqa maraakiibta.

MASAR oo siyaasad cusub ku wajaheysa Soomaaliya – Maxaa oo soo kordhay?

Qaahira (Caasimada Online) – Xiriirada siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ayaa isku badbadalaya si joogto ah, waxaana kamid ah xiriirka Masar iyo Soomaaliya ee qaboobay kadib ay Soomaaliya dhexdhexaad ka istaagtay Biyo xireenka Webiga Nile oo Masar iyo Itoobiya ku muran sanyihiin.

8-dii March 2021 madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa ku qaabilay Qasrigiisa Qaahira Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Masar Ilyas Sheekh Cumar, isla maalintii laga gudoomay waraaqaha safiir nimo waxa uu Ilyaas soo saaray war saxaafadeed uu ku muujinayo sida ay Soomaaliya rajo weyn ugu qabto sidii u sii socon lahaa xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya Masar.

“Sharaf weyn iyo taariikhi ayey ii tahay inaan waraaqaheyga aqoonsi ku wareejiyo madaxweyne Alsisi” ayuu ku yiri bilowga war saxaafadeedka, wuxuuna safiirka hoosta ka xariiqay xiriirka faca weyn ee Soomaaliya iyo Masar, iyo in Masar ay kala shaqeyso Soomaaliya heshiisyo isfaham ahaa oo ay kala saxiixdeen Labada dowladood sanadihii 2015 iyo 2019 kuwaa oo ku saabsanaa waxbarashada, caafimaadka, Beeraha, Xoolaha, ganacsiga iyo Kaluumeysiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa 5-tii March soo saartay war murtiyeed ay ku cambaareyneyso qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaraxii maqaayadda Luul Yameni oo dad shacab dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay.

Masar waxey sheegtay iney Soomaaliya ku garab taagantahay sidii looga adkaan lahaa argagixsada Al shabaab si dalka loogu soo celiyo amni iyo kala dameyn.

Zakaria Othman, oo horay u ahaa cilmi bare katirsan Machadka Daraasadaha Afrika iyo Carabta ayaa wargeyska Al-Monitor u sheegay in Masar ay sanadihii ugu dambeysay ahmiyad siineysay wadamada Afrika si looga adkaado argagixsada, wuxuuna noqday tiir aas-aas u ah siyaasadda arrimaha Dibadda ee Masar.

Waxa uu intaa ku daray Sakariye in Masar ay  bilowday xoojinta xiriirka Afrika, markii uu xoogeystay muranka kala dhaxeeyo Itoobiya ee ku aadan webiga Nile, dowlado ay kamid tahay Sudan iyo Koofur Afrika ayuu sheegay iney kula jirto heshiis Military.

“Si walboo ay ahaato in Masar ay xiriir dhaw la yeelato Afrika gaar ahaan Soomaaliya iney ka caawiso la dagaalanka argagiixsada iyo wada shaqeyn dhanka ganacisga iyo dhaqaalaha waxey Masar uga fadhisaa mid qaas ah maamadama Soomaaliya ay xuduud la leedahay Itoobiya oo muran dhanka webiga Nile uu kala dhaxeeyo ” Wargeyska Al-Monitor.

Sanadihii ugu dambeeyay Masar waxey kor u qaadeysay xiriirka wadamada Sudan, Koofurta Sudan iyo Eritrea kuwaa oo dhamaantood xuduud la leh Itoobiya, warbaahinta ayaa sidoo kale tabisay in Dowladda Masar ay wado qorshe ay saldhigyo Militery uga dhiseyso Soomaaliya, Koofurta Sudan, iyo Eritrea.

Cilmi bare sare oo  Masaari ah kana faalooda arrimaha Afrika oo diiday in magaciisa la sheego ayaa xusay ujeedka ay Masar xiriirka ula yeelaneyso wadamada Afrika ee xuduuda la leh Masar oo Soomaaliya ay ku jirto kuwaa oo sidoo kale xubin ka ah Jaamacada Carabta ama Midowga Afrika iney tahay sidii Itoobiya cunaqateyn loo saari lahaa, una codeyn lahaayeen hadii ay dhagaha ka fureysato wadahallada Masar kana shaqeyso buuxinta biyo xireenka Webiga Nile iyadoo aan heshiis la gaarin.

“Xitaa hadii aysan ku guuleysan Masar cadaadiska ay saareyso dowladaha iyo ururada caalamiga ah ee ku aadan iney cunaqateyn ku soo ragaan Itoobiya ,waxey saameyn dhaqaale ku yeelan doontaa Addis Ababa, maadama Itoobiya ay tahay dal Bad la’aan ah ayna ku tiirsantahay dekado ku yaala Eritera iyo Masar, waxaa suuragal ah iney Itoobiya u taag heliweyso buuxinta webiga” Cilmi bare sare oo Masaari ah ayaa sidan u sheegay Al-Monitor.

Sanadii 2020 waxey Masar geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii dhowr dowladood iyo dhowr urur ay u soo saari lahaayeen go’aan ka dhan ah biyo xireenka ay rabto iney buuxiso Itoobiya, xiligaas Soomaaliya wey ka aamustay,waxaana March 2020 uu sheegay wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya iney Dowladda Federalka diyaar u tahay dhexdhexaadinta dowladaha isku haya Webiga Nile.

Sidoo kale Masar ayaa xiriir dhaw la yeelatay maamulka iskiisa ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen iney saldhig Militery ka furan rabto, Dowladda Federalka Soomaaliya ayaana  booqashadaas ka xumaatay.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim
[email protected]
Xigasho: Wargeyska Al-Monitor

FARMAAJO oo war kasoo saaray geerida MAGUFULI?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii wadanka Tanzania John Magufuli oo u dhintay wadno xanuun.

Madaxweyne Farmaajio ayaa tacsi u diray shacabka iyo dowladda Tanzania, isaga oo si gaar ah ugu tacsiyeeyey madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Marwo Suluhu Samia iyo Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu, Janet Magufuli

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed, waxaan jeclahay inaan tacsi tiiraanyo leh u diro Jamhuuriyadda Midoobey ee Tanzania geeridii ku timid Madaxweyne John Magufuli,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Geerida madaxweynaha Tanzania ayaa timid, kadib markii saddex toddobaad aan la’arak, taas oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, wuxuuna ku dhintay is-bitaal ku yaal magaalada Daarusalaam ee caasimada dalkaasi, sida ay shaacisay dowladda.

Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu caburiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Halkan hoose ka aqriso:- Taariikhda John Magufuli

  • Wuxuu ku dhashay Chato, waqooyi-galbeed Tanzania, sanadkii 1959
  • Wuxuu kimistariga iyo xisaabaadka ka bartay Jaamacadda Dar es Salaam
  • Wuxuu soo noqday macallin dhiga kimistariga iyo xisaabta
  • Markii ugu horreysay waxaa xildhibaannimo loo doortay sanadkii 1995
  • Wuxuu golaha wasiirrada ka mid noqday sanadkii 2000
  • Waxaa markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii 2015
  • Mar kale ayuu madaxweyne noqday sanadkii 2020

Madaxweynihii TANZANIA MAGUFULI oo geeriyooday

Dar es Salam (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Tanzania John Magufuli ayaa Arbacadii u dhintay wadno xanuun kadib shan sano oo uu xukunka hayey, waxaa sidaas sheegtay madaxweyne ku-xigeenka Tanzania.

Magufuli ayaan muddo saddex toddobaad ah la hayn war iyo wacaalkiisa, taasi oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, ayada oo mucaaradka Tanzania ay sheegeen inuu ku dhacay cudurka Coronavirus. 

“Waxaan aniga oo si aad u qoto dheer uga xun idinka wargelinayaa in maanta 17-ka March, saacadda 6:00pm aanu weynay hoggaamiyaheenii geesiga ahaa, madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania John Pombe Magufuli,” ayey tiri madaxweyne ku xigeenka Tanzania Samia Suluhu Hassan.

Waxa ay intaas ku dartay in Magufuli uu “wadno xanuun” uu muddo qabay ugu dhintay isbitaal ku yaalla Dar es Salaam. 

Waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay si kooban loo dhigay isbitalka Jakaya Kikwete Cardiac Institute, 6-dii March, balse kadib laga saaray. Hase yeeshee Magufuli uu 14-kii March mar kale dareemay xanuun oo loola cararay isbitaalka Emilio Mzena Memorial Hospital ee Dar es Salaam.

Magufuli ayaa markii ugu dambeysay si shaacsan loo arkay 27-kii Febraayo, waxaana uu saddex Axad oo isku xigta uusan ka qeyb-galin Kaniisadda oo uu tegi jiray Axad kasta kana jeedin jiray khudbado xiiso leh.

Hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa sheegay in Magufuli uu qaaday Coronavirus, islamarkaana lagu soo daweynayey dalka dibaddiisa.

Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu caburiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Wuxuu inkiray jiritaanka Coronavirus markii uu soo shaac baxay, hase yeeshee wuxuu kadib soo jeediyey in duco lagu wajaho cudurkan intii la xiran lahaa af-xirka.  

Waxa uu sidoo kale ku jees-jeesay cudurka, isaga oo sheegay in tijaabo uu ka qaaday xoolo, babaay iyo khudaar kale ay soo saareeen natiijo ah in cudurka uu ku jiro, isaga oo ula jeeda inuusan jirin cudurkan.

Hase yeeshee markii bishii Febraayo la sheegay in madaxweyne goboleedkii Zanzibar uu u dhintay cudurka, ayuu Magufuli qiray in cudurka uu jiro. 

Sida uu qoray dastuurka Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalka, waxayna xisbiga talada haya ee CCM kala tashan doontaa inay soo magacowdo madaxweyne ku-xigeen.

Uganda oo ciidamdeeda keydka ah u soo direysa Soomaaliya + Sababta

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Keydka ay u soo direyso gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka Midowga Afrika AMISOM ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo gaaraya illaa 2,752 oo askari ayaa haatan ku sugan xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, si loogu tababaro halkaasi.

Uganda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay Soomaaliya soo gaarayaan inta u dhaxeysa bisha October ee sanadkan, illaa bartamaha sanadka kale ee 2022-ka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay dowladda Uganda in ciidamada ay soo direyso ay bedali doonaan kuwa kale oo ku sugan Soomaaliya oo dhameystay joogitaankooda.

Wadanka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ay ka socdaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee haatan howl-gallada ka wada gudaha Soomaaliya, waxaana ay garab siiyaan ciidamada Xoogga dalka ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba howl-galka AMISOM ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii waxaana tan iyo markaasi ciidanka Midowga Afrika ay howl-gallo ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan baarlamanka Jubaland ka tirsanaa oo u geeriyooday Coronavirus

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaallo xeebeedka Kismaayo ku dhintay Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ka tirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo la xanuunsanaa Covid-19.

Xildhibaanka oo uu maalmo ka hor soo ritay cudurka Coronavirus ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, MudaneAxmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale war kasoo saaray geerida xildhibaanka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in marxuumka uu door-weyn kasoo qaatay dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

“Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam |(Axmed Madoobe)

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa ugu dambeyn Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyskiisa & qaraabadiisa.

Cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha Soomaaliya ayaa haatan fara kulul ku haya guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya dadka uu soo ridanayo iyo kuwa dhimanaya.

Qoor Qoor iyo mucaaradka oo isku fahmi waayay shirkooda – Maxaa la isku qabtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna kala hadlay muranka la xariira doorashada Soomaaliya.

Qoor Qoor oo shalay uun dalka ugu soo laabtay ayaa Midowga Musharaxiinta u sheegay halka ay mareyso siyaasadda Soomaaliya iyo culeesyada kale ee dalka ka jira, gaar ahaan dhibaatooyinka ku geedaaman shirka muhiimka ah ee looga hadlayo doorashada Soomaaliya. 

Ilo wareedyo muhiim ah oo kulankaan goob joog ka ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay Madaxweyne Qoor-Qoor u gudbiyeen eedeymo culus oo ku saabsan in go’aankiisa siyaasadeed uu gacanta u geliyay Villa Somalia iyo inuusan marna dhex dhexaad ka aheyn muranka doorashada Soomaaliya. 

Madaxweynaha Galmudug ayaa iska difaacay eedeymaha loo jeediyay isagoo u sheegay in mucaaradka ay la safteen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, halka ay mucaaradkana sheegen in aysan la safan balse ay u arkaan labada Madaxweyne ee kali ah ee doonaya qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka goob joog ahaa Caasimada Online u sheegay in kalsooni darro weyn ay soo kala dhax-gashay Madaxweynaha Galmudug iyo Mucaaradka kadib doodo hareeyay kulankii ay yeesheen. 

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu tiriyaa shaqsiyaadka ugu dhow ee Madaxweyne Farmaajo waxa uuna maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka Turkiga taas oo loo arkay in ay ka dambeysay Villa Somalia. 

Wareysi: James Swan oo ka hadlay shirka XALANE, ballan-qaadna sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan, isku dhacyadii dhawaan ka dhashay banaanbaxyadii dhicisoobay ee ka dhacay Muqdisho iyo hadafka guud ee Qaramada Midoobey ee ku aaddan hayaanka dowladnimada Soomaaliya.

Qeybtaan waxaan ku soo qaadeyneynaa intii uu James Swan ka yiri doorashooyinka Soomaaliya oo weli is mari waa xooggan uu ka taagan yahay.

James Swan oo wareysigaan siiyey VOA Somali ayaa ugu horeyn sheegey in kulanka la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka dalka.

“Inkastoo aan ka niyad jabay doorashada Soomaaliya in aysan ku dhici doonin nidaamkii dastuurku dhigayey ee qof iyo cod, oo laga gaari waayey, hadana muhiim ayey aheyd in heshiis laga gaaro doorashada, sababtoo ah hadda waxaa la joogaa waqtigii shaqa hufan la qaban lahaa, waxaa la joogaa waqtigii la gaari lahaa heshiis kama dambeys ah, si horay loogu dhaqaaqo fulinta hanaankii lagu heshiiyey,” ayuu yiri James Swan.

Mar wax laga weydiiyey raja xumada dadka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan qabsoomida shir kale oo ay isugu yimaadaan madaxda Soomaalida waxuu ku jawaabay.

“Hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta Soomaalidu waxay u leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo ah inay isku yimaadaan oo ay ka wadahadlaan oo ay gaaraan go’aano wadajir ah, waxaan baaqi ku sii ahaan doonaa kalsoonida aan ku qabno in madaxda Soomaalidu wadahadlaan, oo wax ku heshiiyaan, kuna dhaqaaqaan fulinta heshiiskaas,” ayuu yiri James Swan.

Dhankooda waxa uu balan qaaday inay sii wadi doonaan xiriirrada ay la leeyihiin mas’uuliyiin muhiimka u ah hanaanka doorashooyinka Soomaaliya, kuwaas oo uu ka xusay Madaxweye Farmaajo, R/Wasaare Rooble, hoggaamiyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan xusayaa inay dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo ergooyinka maamul goboleedyada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida,” ayuu yiri Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya.

Waxaan sidaan oo kale i idiinla wadaagi doonaa qeybaha kale ee wareysigan oo James Swan uu uga hadlay arrimo badan oo Soomaaliya ku saabsan. Hoos ka dhageyso wareysiga qeybtiisaan.

Maxkamadda ICJ oo diiday codsi cusub oo ka yimid Kenya iyo Soomaaliya oo haysata fursad weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

“Kooxdeena difaaca ee kartida leh ee kiiskeena soo bandhigaya ayaa u gudbaya wareegga labaad ee dood afeedka muran xuduueedka badda Indian Ocean ee Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ICJ waxay diiday codsi ka yimdi Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga. Berri waa kolkeena,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kooxda mataleysa Soomaaliya.

Kenya ayaa la rumeysan yahay inay codsigan gudbisatay si ay isaga difaacdo doodda Soomaaliya ee berri lasoo bandhigayo.

Labadii maalmood ee tegay ayaa kooxda Soomaaliya waxay iska difaaceysay doodaha Kenya oo hab qoaal ahaan loo soo gudbiyey, waxaana la filayaa in berri ay Soomaaliya soo gudbisato dooddeeda, mana jirto furad ay Kenya u haysato inay iska difaacdo maadaama ay horey qaadacday dhageysiga dacwadda.

Go’aanka Maxkamadda ay ku diiday codsiga Kenya ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya, iyo qareenada matalaya, sababtoo ah Kenya ma ka haysato fursad ay isku difaacdo.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ayaa iska qoraal uu soo saaray ku yiri: “Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada ayaa go’aamisay in dood afeedka dhagaysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya la soo gabagabaynayo maalinimadda beri ah haddi Allah idmo.”