25.4 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

CC Sharmaarke oo jawaab kulul ka bixiyey qoraal uu ka faafiyey Abuukar Cawaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si adag uga jawaabay eedeyn la xiriirtay heshiiska MOU oo la sheego inuu keenay damaca Kenya ee Badda, kaasi oo u jeediyay Abuukar Cawaale.

Abuukar Cawaale oo soo dhigay qoraal bartiisa Facebook ayaa sheegay in heshiiskii is-faham ee 2009-kii uu amar ku bixiyey Cumar Cabdirashiid, islamarkaana uusan wax shaqo ah ku laheyn Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xiligaas lagu amray inuu saxiixo, sida uu sheegay.

“Madaxweyne Sh Shariif shaqo kuma lahayn mana ogeyn meel lagu saxiixay MOU ninka amarka bixiyey Wuxuu ahaa R/Wasaare Sharmaarke ee ninkaas hala raadiyo. CCW Sawirka gal oo warqadaas saxiix ayaa lagu amray (Qob moos ayaa loo dhigay) ee hala raadiyo kaabalaadarka weyn Mr Cumar,” ayuu yiri Abuukar Cawaale oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka.

Saacado kadib waxaa jawaab kulul eedeyntaas kasoo bixiyey Cumar Cabdirashiid. wuxuuna yiri “Abukar Awale Qof aan garanayo ma tihid waxaase yaab leh inaad Weli ku gaaf wareegayso MOU baa la saxiixay adigoo og in MOU da ay maxkamadii caalamiga tiri nuxurkeeda wuxuu ahaa continental shelfs ka ku darsashadeeda oo kenya ay ka carartay Maxkamada inay kasoo qayb gasho. Adiga iyo inta weli rabta Somali inay ku marin habaabiso arrinkaan iyo kuwa lacagta indin kusiiyaba qalbiga Ayad ka jiran tihiin”.

Heshiiska MOU wax saameyn ah ma ku leeyahay kiiska Badda ee dhawaan dhageysigeeda laga furay Maxkamada ICJ?

Heshiiskas is-faham ee 2009-kii (MOU) ayaa waxaa mid kamid ah qareenada Soomaaliya ee dacwadda Badda uu sheegay in is-fahankii ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, uusan wax khilaaf ah ku ahayn dacwadda.

Philippe Sands ayaa sheegay in is-fahamkaas uu kamid ahaa qodobbada ay Kenya illaa iyo hadda cuskaneyso, kaasi oo ay kala saxiixdeen dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya, islamarkaana la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Is-afgaradkaas wuxuu dhigayay in labada dal aysan iska hor istaagin inay gudbitaan cabbirka, xogta iyo qariiradaha la xiriira Qalfoof badeedka labada dal, oo loo gudbinayay Guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qalfoof badeedka dalalka Caalamka.

Is-fahamkaas waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sida ay sheegen qareenada dalkeena Is afgaradkaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hannaankii loo mari lahaa oo ah in wada-hadal lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya oo noqoday laba garab oo awood badan 

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, ayaa abuuray awoodo siyaasadeed oo dowladda ku jira islamarkaana ah laba awoodood oo iska soo hor-jeeda.

Sida caadiga, haddii uu dhamaado muddo xileedka hay’adaha dowladda, sida baarlamaanka iyo madaxtooyada, waxaa geedi socodka doorashada iyo ka bixitaanka waqtiga kala guurka ah dalka la rabaa in ay ka saaraan maamul gobaleedyada dalka iyo xukuumada xiligaas jirta waana sababta maanta loo abuurayo awoodo iska soo horjeeda oo sharci ah. 

Madaxweyne Farmaajo oo kaashanaya maamulada taabacsan ee Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa noqday Isbaheysi isku dan ah islamarkaana ka shaqeeya danahooda gaarka ah, halka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay iyagana Khamiistii abuureen Madasha Badbaado Qaran ah oo ay ku jiraan maamulada Puntland, Jubaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo haddii si kale loo eego ah Gobalada Waqooyi. 

Xaalada ayaa noqotay saddex iyo saddex oo ay gadaal ka joogaan Madaxweynaha Waqtiga ka dhamaaday iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay. Sidoo kale xaalada ayaa u muuqata in ugu dambeyn la isugu imaan doono wada-hadal dhab ah oo labada garab ah.

Waa Madal Badabaado tii ugu awooda badneyd oo dalka laga aas aaso tan iyo ka bixitaanka marxalada kumeel-gaarka ah iyo ka sii horba markii ay bur-burtay dowladnimada Soomaaliya. 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqdo in wajahayo guul darrooyin siyaasadeed oo waa weyn, kuwaas oo ugu dambeyn sababi kara in uu hor-fadhiisto Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Axmed oo kursiga kaga horreeyay islamarkaana uu kala dhaxeeyo khilaaf culus, si uu heshiis ugala gaaro doorashada.. 

Jawhareerka iyo khilaafyada siyaasadeed ee dalka ayaa sii xoogeystay lamana oga meesha ay sal dhigan doonto xaalada wadanka oo maalin walba ka sii dareyso. 

Blinken oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray is-mari waaga doorashada Soomaaliya iyo dibad-baxyadii Muqdisho

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa qoraalkii ugu kululaa kasoo saaray is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay doorasho deg deg ah oo dalka ka dhacda.

Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, oo uu sheegay inuu abuurayo hubanti la’aan siyaasadeed oo halis gelinaya amniga, xasiloonida iyo horumarka dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay meel iska dhigaan hadafyada siyaasadeed ee kooban, oo ay qaataan mas’uuliyadda ay u hayaan shacabka Soomaaliya, ayna deg deg isugu raacaan qabashada doorashooyin deg deg ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu sheegay in is-mari waaga uu waxyeeleynayo horumaradii ay sameysay Soomaaliya islamarkaana uu dib u dhigayo isbeddelada deg degga ah ee ay u baahan tahay Soomaaliya si ay ugu sii socoto waddada ay ku gaareyso deyn cafin buuxda, ayna wiiqeyso la-dagalaanka argagixisada.

Blinekn ayaa sidoo kale taageero u muujiyey dibad-baxyada shacabka Soomaaliyeed ee dowladda ay isku dayday inay hor-istaagto.

“Mareykanka waxa uu taageerayaa xuquuqda ay muwadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si nabdoon u dibad-baxaan, waxa uuna si qayaxan uga soo horjeeda in dhinacna uu rabshado u adeegsado,” ayuu yiri.

“Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyayaasha Soomaalida, inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka ayna gaaraan heshiis si deg deg ah loogu fulinayo doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha,” ayuu yiri.

Farmaajo oo maanta ciidan cusub iyo hub geeyay Gedo, xilli laga sugayey gargaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo hor leh oo ku hubeysan Hub culus ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaasi oo ka tirsan Millateriga sida gaarka u tababaran ee Gor-Gor.

Amarka ciidamada looga dejiyay Gedo ayaa waxa uu kasoo baxay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu amray in Gedo laga dejiyo ciidanka iyo hubka, xili ay wajaheyso xaalada Abaaro.

Ciidamadaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta gobolka Gedo, taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo, Bakool Kooke iyo Saraakiil kale oo ka tirsan millateriga Soomaaliya.

Diyaarad gaar ah ayaa ka dejisay ciidamadan oo ku gaashamaan qoryaha culus iyo gaadiidka dagaalka, xili ay deegaanada gobolkaas laga deyrinayay xaalada bini-aadanimo.

Gobolka Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagna abaaro baahsan, waxaana la filayay in xiligan adag ay dowladda federaalka gaarsiiso gar-gaar bini-aadantimo, ayada oo hore u ballan-qaaday dhaqaale aysan ilaa hadda gaarsiin.

Ma cadda sababta keentay in xiligan ay dowladda waqtigeedu dhamaaday ka dejiso hub iyo ciidamo hor leh gobolka Gedo, mana aha markii u horeysay ee dowladda sidaan oo kale ciidamo u dejiso gobolkaas.

Kenya oo Qatar u adeegsaneysa kiiska badda iyo Doha oo la kulantay mas’uuliyiin Soomaali iyo Kenyan ah

Doha (Caasimada Online) – Ayada oo ka cabsaneysa guul-darro, ayey Kenya go’aansatay inay qaadacdo dhageysiga kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, waxaana hadda ay rajeyneysaa inay arrintan xal u hesho ayada oo gacan ka heleysa Qatar.

Sida uu qoray wargeyska African Intelligence, Uhuru Kenyatta ayaa sameynaya wax kasta oo uu awoodo si uu Soomaaliya u keeno miiska wada-xaajoodka, waxaana rajadiisa ugu dambeysay ay tahay Qatar.

Sida lagu sheegay warbixinta African Intelligence, Kenyatta ayaa Qatar weydiistay inay Soomaaliya ka dhaadhiciso wada-hadal.

Intii uu ku sugnaa magaalada Doha, oo uu kaga qeyb-galay shirka hubka ee Milipol oo socday 14-kii illaa 17-kii March, wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Khalid bin Khalifa Al Thani isaga oo weydiistay in Qatar ay gacan siiso Kenya. 

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo isna shirkaas uga qeyb-galay Doha ayaa la kulmay Sheikh Khalid bin Khalifa Al Thani, ayada oo la rumeysan yahay inuu arrintan kala hadlay.

Kenya ayaa xiriri wanaagsan la leh Qatar. Waxaa sidoo kale jirta in Qatar ay saami ku leedahay shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee ENI, taasi oo Kenya ay siisay shati ay shidaal kaga baarto dhul-badeedka ay sheeganeyso ee ay Soomaaliya leedahay.

Doha oo ah dowladda ugu weyn ee taageerta Villa Somalia, inkasta oo wax la taaban karo aysan u qaban shacabka Soomaaliyeed, ayey Kenya rumeysan tahay inay ka dhaadhicin karto madaxtooyada Soomaaliya inay wada-hadal ka gasho kiiska badda.

Si kastaba, wargeyska African Intelligence ayaa sheegay in muranka ka taagan doorashada Soomaaliya uu wada-hadal dhex-mara Nairobi iyo Muqdisho ka dhigaya mid adag, maadaama uu dhacay muddo xileedka Farmaajo, oo uusan qaadan karin go’aano masiiri ah. 

Imaaraadka iyo Israel oo ay durba ka dhex-tafatay kadib markii ay ka carroodeen qorshaha Netanyahu

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa iska fogeeyey, islamarkaana walaac xoogan ka muujinaya qorshe uu ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu dani shaqsiyeed ugu adeegsanayo heshiiskii uu la galay Abu Dhabi

Xiisadda siyaasadeed ayaa timid lix bil kadib markii Israel iyo Imaaraadka Carabta ay galeen heshiikii loogu magac dara Abraham, ee caadi looga dhigay xiriirkooda.

Bilooyin kadib, Imaaraadka ayaa Netanyahu ku eedeynaya in uu heshiiskaas u adeegsaday dano doorasho, islamarkaana uusan wax badan soo kordhin, sida ay Saraakiil ka tirsan dowladaas u sheegen taleefishinka CNN.

“Imaaraadku wuxuu u saxiixay heshiiska rajada iyo fursadaha ay siinayaan dadkeenna, ee ma uusan saxiixin danaha shakhsi ee hogaamiyeyaal,” ayuu yiri Sarkaal Imaaraati ah oo la hadlay CNN.

Waxa uu intaas kusii daray “Shaqsiyeynta iyo siyaasadeynta heshiisyada noocaan ah, waxay hoos u dhigayaan ‘guusha taariikhiga ah’, Imaaraadkuna ma qaadi doono wadadaas.”

Ra’iisul Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey oo uu Khamiista toddobaadkii hore ku tagi lahaa dalka Imaaraadka, kadib markii lasoo wariyey xaalada caafimaad oo lasoo daristay xaaskiisa.

Netanyahu oo doorasho wajahaya afar maalmood kadib ayaa marar badan ku cel-celiyey magaca dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed Bin Zayed isaga oo ku jira olole doorasho, isaga oo isku qeexay inuu yahay ninka fududeeyey heshiisyo maal-gashi oo ku kacaya balaayiin dollar.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa ka carooday in Netanyahu u adeegado doorashada, inkasta oo mar uu kasoo muuqday warbaahinta maxaliga ah uu sheegay “inuusan u safri doonin Imaaraadka ka hor doorashada.”

Netanyahu ayaa wajahaya loolan adag ayada oo Israel ay ka dhacayaan doorashooyinkii afaraad muddo laba sano gudahood ah, waxaana la rumeysan yahay inuu safarka Imaaraadka Carabta oo ku beegnaa 12 maalmood kahor doorashooyinka, u adeegsan lahaa faa’iido siyaasadeed.

Imaaraadka Carabta ayaa bishii August 2020 noqday dalkii saddexaad ee Carbeed ee xiriir la yeesha Israel kadib Masar iyo Jordan.

KENYA oo qoraal cusub oo yaab leh kasoo saartay kiiska dacwadda badda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay qoral ka kooban 11 qodob oo ay kaga hadleyso sababta ay kaga maqneyd dacwadii badda ee dhawaan lagu dhageysatay maxkamadd cadaaladda adduunka ee ICJ.

Kenya ayaa cadaalad darro ku tilmaantay in maxkamadda ICJ ay bilowday dhageysiga gal-dacwadeedka iyada oo ay Kenya ka maqan tahay, walow ay si iskood ah u maqnaayeen, oo cidna aanay ka hor-istaagin.

Qoraalka ay soo saareen oo ku taariikheysnaa maanta 19-ka Maarso, waxey dowladda Kenya eed gaar ah dusha uga tuurtay Cabdiqawi Yuusuf, oo ah madaxweynahii hore ICJ, kaas oo ay ku sheegeen inuu dhinac u janjeero, waana shaqsi kasoo jeeda Soomaaliya.

Inkastoo aysan xukuumadda Nairobi soo bandhigin cadeymo xaqiijinaya waxyaabaha ay sheegayaan hadana waxey ka dhawaajiyeen in Cabdiqawi uu ka qeyb galay shir uu qaranka Soomaaliya ku matalay isla markaana uu garab istaag ugu muujiyay.

Kenya oo wali ka gil-gilaneysa xanuunka guul-darada kusoo fool leh ayaa sidoo kale sheegtay in daraf saddexaad uu ku milan yahay kiiska, taasoo ay ku sheegeen inuu dano ganacsi halkaas ka leeyahay.

Waxaya qoraalka ku sheegeen in arrinta gacanta saddexaad ay walaaceeda leedahay, khatarna ku tahay xasiloonida, nabadda iyo amniga Geeska Afrika.

Qoraalka ay maxkamadda ICJ u dirtay waxaa ka mid ahaa hawlo aan shaqo ku laheyn kiiskaan oo ay ka mid tahay iney dadaal badan ku bixiyeen nabad-galyada Soomaaliya iyagoo dagaal kala hortagay Al-Shabaab, sidoo kalana ay magan-galyo siiyeen shacabkooda kasoo cararay colaadda.

Waxa kale oo ay u sheegtay in diyaar-garowgeedii ku aadaneyd dacwada Badda uu hoos u dhigay cudurka Coronavirus, kaasi oo markale kusoo labo kacleeyay dunida.

Ugu dambeyntiina Kenya waxey sheegtay in Soomaaliya ay waddo ajande dhul ballaarsi ah, isla markaana ay dalbanayaan in qaab diblomaasi lagu xaliyo kiiska badda lana tixraaco xuduudahii dib loo asteeyay sanadkii 2014.

James Swan oo shaaciyay cidda ka qeyb-galeysa shirka teendhada Afisyooni

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, aya shaaca ka qaaday arrimo ku saabsan shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni iyo cidda ka qeyb galeysa.

Wareysi uu siiyey Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayuu James shaaca kaga qaaday arrin aan faah-faahsaneyn balse laga dhex dheehan karo in shirka ka dhici doona Muqdisho ay siyaasiyiinta Soomaalida oo dhan ka wada qeyb gali doonaan.

Mr. Swan wuxuu shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobay iyo saaxiibadooda beesha caalamka ay ka go’an tahay iney ka shaqeeyaan isku dubaridka kulankaan la filayo, maadaama fadhiyo dhawr ah ay hogaamiyayaasha Soomaalida ku heshiin waayeen.

“Waxaan tibaaxayaa in aan dooneyno in Soomaalida aan siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga soo daabulayo ergooyinka maamulada dalka, sidoo kale waxaan AMISOM kala shaqeyneynaa xaqiijinta ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladan ay sii socdaan, iyaddoo uu ka dhacayo meel ammaan ah kana qeybgalaan siyaasiyiita Soomaalida,” ayuu yiri James Swan.

Hadalka kasoo yeeray Swan ayaa u muuqda inuu si dadban u sheegay in mucaaradka ay kaalin ku yeelan karaan shirka Afisyooni, waana arrin uu aad u diidan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo wuxuu doonayaa in ka qeyb galayaasha shirka ay kaliya noqdaan kuwii heshiiska gaaray 17-kii September 2020, mana doonayo in midowga musharaxiinta ay kaalin ku yeeshaan shirkaas.

Qorshaha kulanka wuxuu ahaa in horaanta bishaan Maarso uu dhaco, balse Villa Soomaaliya ayaa qeyb ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ku cadaadisay ineysan diyaar u noqon shirka, balse markaan Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa iney meel fiican marineyso qorshaha isla markaana ay qaban-qaabada shirka wadaan.

Midowga Musharaxiinta waxaa la filayaa iney xubno kooban u dirsan doonaan shirka ka dhici doona teendhada Afisyooni, inkastoo aan la ogeyn tirada u aadi doonta, lamana oga sida loogu qancin doono Villa Soomaaliya.

SAMIA HASSAN oo kitaab qur’aan ah loogu dhaariyey madaxweynaha Tanzania

0

Dodoma (Caasimadda Online) – Samia Suluhu Hassan ayaa taariikhda u gashay dalka Tanzania kadib markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas madaxweyne ka noqota, waxeyna badashay John Magafuli oo si lama filaan ah geeridiisa loo baahiyay.

Haweeneydaan ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalka Tanzania iyadoo Kitaabka Qur’aanka gacanta ku heysata, waxeyna dhaarinta ka dhacday aqalka looga taliyo dalka ee ku yaalla caasimadda ganacsiga dalkaas Dar es Salam.

Ibraahim Juma oo ah xaakimka guud ee dalkaas ayaa dhaariyay Samia Suluhu Hassan, waxeyna muddo 6-sano ah ku xigeen u aheyd madaxweynahii geeriyooday, waana qof ay aad u amaaneen xildhibaanada dalkaas.

Samia waxey xukunka dalkaan sii heyneysaa muddo afar sano ah iyo bar ah oo ka dhiman muddo xileedka madaxweynahii geeriyooday, waxaana kadib loo dareeri doonaa codeynta lagu dooranayo madaxweynaha xiga sida uu qabo Dastuurka dalka Tanzania.

“Aniga, Samia Suluhu Hassan, waxaan ballanqaadayaa inaan daacad noqdo oo aan adeeco oo aan ilaaliyo dastuurka Tansaaniya” ayey tiri Saamiya Xasan kadib dhaarinteeda.

Sidoo kale waxey aad ugu fogaatay amaanta madaxweynahii geeriyooday ee dalkaas John Magafuli kaas oo ay tan iyo 2015 lasoo shaqeyneysay.

Haweeneydaan waxaa si weyn loogu xasuustaa iney isbitaalka ku booqatay hogaamiyaha Mucaaradka Tundu Lisu kaas oo dil ka badbaaday sanadkii 2017, tallaabadaas dad badan ayaa ku taageeray.

Xog: CALI Guudlaawe oo ballan qaad u sameeyay musharaxiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhiwaan xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay kulan gaar ah oo ku aadanaa xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa mucaaradka u balanqaaday in HirShabeelle uu ka qaban doono doorasho cadaalad ah, islamarkaana uusan ka shaqeynin doonin in uu soo saaro qof gaar ah, sidoo kalane uu ka reebo qof kale oo aysan ku qanacsaneyn Villa Somalia.

“Guudlaawe waxa uu noo sheegay in uusan ka shaqeyn doonin soo saarista qof gaar ah islamarkaana uu ka shaqeyn doono doorasho cadaalad ah oo ka dhacda Jowhar iyo Beladweyne, sababtu waxa uu ku sheegay in arrintaas ay ku jirto daganaanshaha HirShabeelle” sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. 

Cali Cabdullaahi Xuseen waxa uu qeyb ka yahay madaxweynayaasha lagu tilmaamo baalasha uu ku duulo Madaxweyne Farmaajo lamana oga sida uu ugu dhabeyn karo ballan qaadkaan uu sameeyay. 

Kala jiidasho iyo loolan xoog leh ayaa ka jira gudaha magaalada Muqdisho. Xildhibaano iyo siyaasiin kale ayaa baadi goob xoog leh ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen fursado ay dib ugu soo laabtaan kuraastooda maadaama lagu jiro xili kala guur ah.  

Xuutiyiinta oo ka hadlay dilkii ay u gaysteen Soomaalida

0

Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yeman ayaa muujiyay inay aad ugu xun yihiin duqeyn ay ka geysteen xarun lagu hayay muhaajiriin u ay ku jiraan Soomaali badan.

Duqeyntaasi oo dhacday todobaadkii hore magaalada Sanca ayaa waxaa ku dhintay 44 qof halka ay ku dhaawacmeen 193 ruux. Waxayna hay’adda Qaramada Midoobay ay sheegtay tirada Soomaalida ku jirtay halkaasi inay ahaayeen 31 qof, afar ka mid ah la la’yahay, labo ka mid ahna ay dhaawacmeen, sagaal kalena loo qaaday xarunta jaaliyadda Soomaalida ee Sanca.

Sarkaal u hadlay falaagada Xuutiyiinta in weerarkaasi uu ku dhacay si qalad ah isla markaana ay ka qoomameynayaan dhimashada muhaajiriintii iyo kuwii ku dhaawacmay.

Hay’adda xuquuqul Insaanka ee Human right watch ayaa ku eedeysay kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama Yeman inay weerarkaasi ka danbeeyeen, waxayna dalbaday baaritaan deg deg ah in lagu sameeyo.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada, London

Daawo: Deni oo shaaciyey arrin ku abuurtay dhismaha Madasha Badbaado Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulankii looga dhawaaqay ‘Madasha Badbaado Qaran’ ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda uu dalku marayo iyo baahida loo qabo in la bad-baadiyo.

Isbaheysigan cusub ee Muqdisho looga dhawaaqay waxaa ku bahoobay Puntland, Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxuuna sheegay Saciid Deni in Madasha Badbaado Qaran ay u furantahay oo uu ku biiri karo masuul kasta oo qeyb ka qaadanaya badbaadinta Soomaaliya.

Madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayuu si adag ugu eedeeyey inay ku fashilmeen inay dalka doorasho ka qabtaan oo ilaaliyaan nidaamkii qori isku dhiibka ahaa ee Soomaalidu ku wada joogtay.

Saciid Deni ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee dhalisay in la aas-aaso Madashaan ay tahay wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii Febraayo oo uu ku tilmaamay khatartii ugu darneyd ee dalka soo martay waayahaan.

Xilligaas madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa awood ciidan ku fashilisay banaanbaxyo nabadeed oo ay soo abaabuleen xubnaha midowga musharaxiinta, waxaana meelaha qaar ka dhacay iska hor-imaadyo khasaare iyo qalqal sababay.

“Madashaan waxaa laga rabaa in majarihii qaloocday ay wadadii saxneyd ku soo celiso, waan u wada istaageynaa taas, siyaasi iyo argagixiso midna nagama hor istaagi doonaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sadiid Deni waxuu aad ugu mahadceliyey beesha caalamka oo uu sheegay in ay taageero weyn oo muhiim ah siiso Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay inay Isbaheysigaan cusub la dareento baahida loo qabo iyo dadaalka loogu jiro, sidii dalka doorasho wadar-ogol ah ay uga dhici laheyd.

Halkan hoose ka Daawo

Maxaa looga hadli doonaa shirka u furmay Itoobiya iyo maamulka Galmudug?

0

Wardheer (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga Galmudug Md. Axmed M. Fiqi oo ka mid wafdi wasiirro iyo taliyaha ciidamada Nabadsugidda Galmudug oo booqasho ku jooga magaalada Wardheer ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa kulamo kula qaatay wafdi uu hogaaminayo dhiggiisa Hogaanka Nabadgalyada Dawlad deegaanka Dr. Xuseen Qaasim iyo taliyaal ka socda ciidamada Qaranka Itoobiya iyo kuwa dawlad degaanka ee Liyuu Booliska.

Labada wafdi ayaa yeeshay kulamo muhiim ah oo ku saabsan, nabadgalyada xuduudaha, qiimayn heshiisyo amni oo horay labada dhinac ay u kala saxiixdeen, dhacdooyin amnidarro iyo isku dhacyo maleeshiyaad ku dhexmaray xadka labada dal ee ku aaddan labada maamul iyo sidoo kale sidii la isaga kaashan lahaa amniga xuduuda dheer ee labada maamul u dhexeysa iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada iyo kuwa gacansaarka la leh.

Kulamada ayaa weli soconaya ayadoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay qodobada intooda badan isla fahmeen, qodobada dhimanna maantay laga sii wada hadli doono.

Maxaa looga hadlay kulanka Qoor-Qoor iyo Madeira?

Muqdisho  (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Madeira.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay muranka doorashooyinka oo xaalad cakiran ka dhaliyay dalka iyo sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga doorashada ee ka dhex taagan saamileyda siyaasada dalka.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan dadaalada lagu horumarinayo howlaha Amniga ee deegaanada Galmudug iyo kaalinta ay ka geysaneyso Midowga Afrika.

Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay culeyso dhanka amaanka ah, waxaana weeraro iyo falal amniga lidi ku ah ka fulinayay dagaalyahanada Al-Shabaab oo gacanta ku haya deegaano ka tirsan maamulkaas.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada doorashada, islamarkaana ay socdaan dadaalo ay beesha caalamka iskugu soo dhaweynayso dhinacyada isku haya doorashada, si uu u qabsoomo kulan xal looga gaaro xiisada taagan.

3 qodob oo Soomaaliya ka caawin kara ku guulaysiga kiiska dacwadda badda 

0

Feb 02, 2018: – Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska, ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

June 25, Maxkamada ICJ ayaa mudeeysay in 9ka ilaa 13ka bisha September, 2019 doodda labada dhinac ee xuduuda badda, laakiin Kenya ayaa codsatay in 1 sano dib loo dhigo. Waxaana ay maxkamadu go’aan ku gaartay in muddo 2 bil ah dib loo dhigo.

October 16, 2019 Maxkamada ayaa mar kale mudeysay in ay dacwadda dhagaysan doonto 8da june 2020, laakiin Kenya ayaa mar kale codsatay muddo aan la cayimin in dib loo dhigo sababo la xariira covid 19. Maxkamadda ayaa dib u dhigtay dacwadda ilaa 15 march 2020.

March 10, 2021 Maxkamada ICJ ayaa soo saartay Jadwalka dacwada, iyada oo ka kooban laba wareeg, laakiin dowladda Kenya ayaa ku adkaysatay inaysan diyaar u aheyn inay ka qeyb gasho dacwadda oo dhagaysigeedu ka harsanaa 24 saacadood oo kaliya

March 15 Maxkamada ICJ ayaa bilowday dhagaysiga dacwadda badda iyada oo Kenya ay ka maqantahay.

Hadaba waxaa jiro 3 qodob oo muhiim ah kuwaas oo So0maaliya u horseedi kara inay kaga guuleysato Kenya dacwadda taalla maxkamadda kuwaas oo kala ah:-

1. Xeerarka Caalamagiga  ee Badaha oo Taageeraya Dooda Soomaaliya

Waxay u muuqataa in Maxkamadda cadaalada xadka ay Kenya sheeganayso ay siin doonto Soomaaliya, Halkaana ay qareennada matala soomaaliya ay ku caddeeyaan qaladaadka Kenya, Maadaama sida ugu caansan oo laba wadan xadka Badda u dhaxeeya oo ay ku qayb sadaan waxaa la yiraa “ equidistant Line “ oo ah xariijinta kala qaybisa laba dal oo si isla eg ugu dhaxeeya ama fogaantiisu isla egtahay, Waxaana la isticmaalaa haddii wadamada iska soo horjeedaan ama hadii ay xad dhuleed leeyihiin sida keenya iyo Soomaaliya oo kale.

Hadaba xariijintaas sida isla egta ah ayay rabtaa dawladda Soomaaliya in la isticmaalo marka la sameynayo xad Badeedka labada wada, Kenya waxay rabtaa in xariiqda dhinaca Bari mid u socoto laga dhigo xadka badda labada wadan u dhaxeeya

Xeerka Badda ee Qarmada Midoobey ayaa waxa uu dhigayaa in “xadka Badda u dhaxeeya labo wadan haddii aysan ku heshiin in lagu go’aamiyo khad ama xarriiq isku in u jirta labada dawladood, ama waxa loo yaqaano” ʺ equidisante Lineʺ.
Halkaas ayaa waxay qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwada ay ku muujin karaan ama ay ku doodi karaan in xeerkaas uu libinta siinayo Soomaaliya.

2. Aqoonta iyo Khibrada sare oo ay leeyihiin qareenada caalamiga ah ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda kiiska muranka badda

Soomaaliya waxa ay qabsatay qareeno heer caalami ah oo leh aqoon xeeldheer oo ku saabsan sharciyada caalamiga ah ee badaha lehne khibrad sare oo ku saabsan dacwadaha badahaha ee dalalka caalamka soo dhex maray oo ay ka soo qeyb galeen wadamo fara badan dacwadahooda isla markaasna ay guul u soo hoyeen. Qareenadaas waxaa ka mid ah:-

Prof. Philippe Sands, oo ay da’diisu tahay 60 sano waa qareen British-French ah oo ka tirsan garyaqaannada caanka ah ee dunida. Waxa uu ka soo qalin jabiyay jaamacadda Harvard qeybteeda sharciga. Prof. Sands waxa uu macalin ka yahay jaamacadda London iyo sido kale jaamacado kale oo ku kala yaalla dalalka Mareykanka, UK Canada, Faransiiska iyo Australia. Waxa uu horey isaga oo dhinacyo kala duwan matalaya qareen uga soo noqday oo uu hortagay maxkamada ICJ, maxkamada cadaaladda iyo xuquuqda aadanaha ee Yurub iyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC. Prof. Philippe Sands waxaa uu horey u qoray buugaag uu ka diyaariyay shuruucda caalamiga ah.

Mr Paul S Reichler waa garyaqaan khabiir ah oo u dhashay dalka Mareykanka. Waxa uu aqoon dheer oo takhasus ah u leeyahay sharciyada la xiriira muranka xadka badda. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay ururka ay ku bahoobeen garsooreyaasha ka howl gala maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka. Mr Reichler waxa uu kasoo qalin jabiyay kulliyadda cilmiga sharciga lagu barto eeJaamacadda Harvard. Wuxuu si fasiix ah ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish-ka.

Gar yaqaan Prof. Alain Pellet Waa qareen 72 jir ah, oo u dhashay dalka Faransiiska islamarkaana muddo dheer ku jiray xirfadda shuruucda caalamiga ah. Mr Pellet ayaa waxa uu culuumta sharciga ka bartay Jaamacad ku taalla magaalada Paris oo lagu magacaabo de Paris Ouest – Nanterre La Défense,. Prof. Alain Pellet ayaa sidoo kale horey la taliye dhanka sharciga ah ugu soo noqday dowladda Faransiiska.

Garyaqaan Alina waa macallimad wax ka dhigta jaamacadda Angers ee dalka Faransiiska, oo ah waddanka ay kasoo jeeddo. Waxay horay iyada oo qareen ah u hor tagtay maxakamadaha ICJ iyo ITLOS. Waxay hadda ka mid tahay qareennada khibradda leh ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee hor taalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Magaceeda waxaa lagu xusay bayaanka maxkamadda, shalayna waxay ka mid ahayd qareennadii hadlay.

Mr Cravenoo u dhashay dalka Ingiriiska – waa qareen caalami ah oo ku takhasusay noocyada kala duwan ee shuruucda caalamiga ah. Arrimaha uu ku xeel dheer yahay waxaa ka mid ah shuruucda caalamiga, shuruucda dib u soo celinta hantida, shuruucda deegaanka, shuruucda saxaafadda, shuruucda ganacsiga iyo shuruucda la xiriira dambiyada.

3. Kalsooni La’aanta Kenya ee Dacwadda Badda

Kenya oo ku doodaysa in muranka badda (Maritime dispute) ee kala dhaxeeya soomaaliya in loo wajaho habka ah in xariijinta xadeynta badda loo leexiyo dhinaca bari ee bad-weynta India taas oo hadii ay dhacdo Soomaaliya ay ku weyn karto dhul badeed baaxadiisu dhantahay 100,000km oo isku wareeg ah oo ah aagga dhaqaalaha (Economic Zone). Halka So0maaliya ay ku doodayso in xariiqda xadeynta badda laga dhigo mid isla eg ah equidistant Line, sida ku cad xeerka xadeynta badaha ee Qaramada Midoobay taas oo fursad u siin karta Soomaaliya inay guul ka gaarto dacwadda. 

Kenya waxa ay dhowr jeer dalbatay in dib loo dhigo dacwadda badda taas oo u muuqata in Kenya ay ogtahay in looga guuleysanayo dacwadda una socota sheekada ah “ Hal libaax arkaysaa ma godlato”. Waxay sidoo kale dhowr jeer soo gudbisay marmarsiimo aan shaqayn taas oo ugu dambayn ku qasabtay in gabi ahaanba iskaga baxdo dacwadda badda, iyada oo ku andacoonaysa marmarsiiyo badan oo is burinaya ilaa ugu dambayn ay ku andacootay in maxkamadda aysan kiiska si cadaalad ah u qaadi Karin maadaama ay sheegtay in guddoonka sare ee maxkamadda uu asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya taas oo u muuqato “Nin daad qaaday xunbo cuskay”.

Hadaba marka la isku soo duuduubo arimahaas oo dhan waxay Soomaaliya ka dhigayaan mid haysata kalsooni xooggan oo dhinac walbo leh taas oo keeni karta inay ku guuleysto dacwadda, isla markaasna ay hesho dhul badeedka ay Kenya muranka galisay ee ay xaqqa u leedahay.

Ugu dambeyn waxaa bogaadin mudan wafdiga Somaaliyeed ee halkaa ku sugan waxayna waddanka u soo hoyn doonaan guul taariikhi ah oo ay ku mutaysan doonaan inay Taariikhda baal dahab ah ka gaalaan hadii alle idmo.

W/Q: Abdullahi Hassan Sheikh Ali
Senior Lecturer and Historical Events Analyst
Mogadishu-Somalia
[email protected]

Ciidamada DF ‘oo duulaan weyn ku qaadaya’ Ceelbuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay howl-galo balaadhan oo markii u horeysay lagu xoreyn doono degmada Ceel-buur oo gacanta ku hayaan dagaal-yahanada Shabaabka.

Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybtooda degaanada maamulka Galmudug ayaa fulin doona howl-galadan, waxaana la diyaariyay tiro kale oo ciidamo ah oo dhawaan la qalabeyn sida uu sheegay Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooga.

Taliyaha oo Xerada tababarka Har-qaboobe ku booqdey Ciidamo tababar dhameystay oo dhawaan la qalabeyn doono ayaa waxa uu sheegay inay ciidamadaas ay qeyb ka noqon doonaan howl-galada lagu xoreynayo Ceel-buur.

Waxaa uu xusay Taliyaha in dadka shacabka ah looga baahan yahay diyaar garow, maadama ay dhankooda diyaariyeen ciidankii qaadi lahaa howl-galka xoreynta, islamarkaana xuquuqdooda loo dhameystiri doona ciidanka cusub ee dhawaan kusoo biiray ciidanka lana tababaray si loo xoojiyo howl-gallada Shabaabka.

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu shalay Wasiirka Amniga Galmudug ku dhawaaqay howl-galo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo gacanta ku haya deegaano ka tirsan maaamulkaas.

Cabdi Xaashi oo meesha ka saaray arrin la sheegay inuu ka rabo isbaheysiga cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo shalay loo doortay guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran ayaa meesha ka saaray in waxa uu ka damacsan yahay dhismaha madashan cusub ay tahay inuu xil ku helo.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu yahay midnimo doon iyo Soomaali in la isu keeno, isagoona ku guubaabiyay cid kasta oo Soomaaliyeed inay garato waxa saxa ah iyo waxa horyaala. 

Cabdi Xaashi Xaashi ayaa ku celceliyay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka gudubto oo ka baxdo qabiilka, isagoona soo qaatay erayo suugaaneed guubaabo aheyd oo dalka hodan yahay, Soomaalidana u muuqan kheyraadka alle ku maneystay. 

“Waxaan is leeyahay talada halkaan ka soo baxda waxay noqon doontaa mid Soomaali u horseeda inay garato wadada saxan, oo inta isku imaano aan doorano qofka noogu haboon, in kastoo aan qabo waxa dalkeenna halkaan dhigay inuu yahay qabiil, haddana waxaan rajeynayaa inaan ka gudubno qabiilka,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

“Inagoo isku duuban oo iska jecelahay anigu, inaanu reer hebeleyn ee aanu midnimadu Soomaaliyeed, heshiis Soomaaliyeed iyo doorasho Soomaaliyeed heshiis lagu yahay  sidii aan lagu gaari lahaa inaanu ka tashano mudadaasi,” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo sheegay in isagu aheyn xil doon.

“Aniga xil doon ma ihi laakiin midnimo iyo Soomaali doon baan ahay,” ayuu ku yiri hadal uu ka jeediyay madashii looga dhawaaqay madasha Badbaado Qaran. 

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo miisaan siyaasadeed ku leh xubnaha gobolada Waqooyi kasoo jeeda, isagoona si weyn ugu soo horjeeda siyaasadda madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, sababta loogu doortayna guddoomiyaha madasha badbaado qaran ay tahay miisaanka siyaasadeed iyo in mucaaradka ay helaan awooda xildhibaanada Waqooyi.

BORIS JOHNSON oo war kasoo saaray walaaca laga qabo tallaalka AstraZeneca

0

London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in wax uu ugu yeeray “waddada lagaga soo xerayo” talaalka dalkiisa soo saaray inaysan caqabad ku noqon doonin arrimaha tallaalka Oxford-AstraZeneca, shacabka dalkiisa iyo guud ahaanna dunida u sheegay inuu tallaalkaasi yahay mid ammaan ah oo la hubiyay.

Boris Johnson ayaa intaa ku daray in isagu u qaadan doono Jimcaha “Maanta” talaalka Oxford-AstraZeneca, wuxuuna sheegay in faa’iidooyinka tallaalka uu yahay ka-hortaga iyo difaaca cudurka COVID-19.

Ra’iisul wasaare Boris ayaa intaa raaciyay cudurka Covid-19 halistiisa tahay mid ka awood badan tallaalka shakiga la geliyay, isagoona dadka ku booriyay inay qaataan guud ahaan shacabka ku nool UK iyo dunida kale.

Hadalka ra’iisul wasaaraha UK uu ka jeediyay Downing Street ayaa wuxuu kaloo ku sheegay in UK dib u dhac ku yimid tallaalka bisha April aysan saameyn ku yeelan doonin dardar gelinta howlaha tallaalka, kadib markii hay’adda caafimaadka UK ee NHS ay ka digteen in la yareeyo agabka tallaalka bisha Abriil.

Dib u dhaca tallaalka bisha April ayuu Mr. Johnson wuxuu ku xaqiijiyay in sahayda tallaalka AstraZeneca inay saameyn ku yeelatay dib u dhac ku yimid shixnadaha tallaalka Oxford-AstraZeneca ee ka imaan lahaa Machadka daawooyinka Serum ee dalka Hindiya.

Seynisyahanada iyo hay’addaha qaabilsan hubinta iyo bedqabka daawooyinka ee UK iyo midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in aysan jirin wax caddeyn ah in tallaalka Covid-19 uu sababay xinjiro dhiig.

Dalal ka tirsan Yurub ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca iyagoo ku sababeeyay tiro dad ah oo dhan 37 qof in lagu arkay dhiig xinjiroow markii ay tallaalka qaateen kadib, mana jirto cid u dhimatay oo lasoo wariyay.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada, London, UK

Soomaaliya oo 3 arrin ka codsatay maxkamadda ICJ iyo dacwadda oo lasoo geba-gebeeyey

0

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caaalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka ayaa galabta soo gabagabeysay dhagaysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxayna qareenadii iyo guddigii ka socday dowladda Soomaaliya maxkamadda u gudbiyeen codsi ka kooban seddax qodob.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey seddaxda qodob ee ku xusan codsiga gabagabada u ahaa doodii lagu difaacayey badda Soomaaliya ee maalmihii lasoo dhaafay maxkamadda ka socotay, kuwaas oo kala ah.

1 –In Maxkamaddu diido dalabaadka iyo codsiyadda Kenya ay gudbisay sanadkii 2018-kii, kuwaas oo ahaa in xadaynta badda saldhig looga dhigo parralelle of latitude oo ah sida ay Kenya xariiqdinta u jeexatay, lana aqbalo xadaynta Soomaaliya gudbisay.

2 –In Maxkamaddu xadayso dhul badeedka iyo soohdinta badwaynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto qalfoof badeedka 200 NM, loona xadeeyo si waafaqsan xeerarka badda iyo kuwa Caalamiga ah.

3 –In Maxkamaddu go’aamiso caddaysana in dhaqanka Kenya ee dhul-badeedka la isku haysto uu xad-gudub ku yahay waajibaadka Caalamiga ah ee dowlad ahaan saaran iyo in Kenya masuul ka tahay si waafaqsan xeerarka Caalamiga inay ka bixiso magdhow.

Qodobkaan dowladda Soomaaliya waxay maxkamadda uga dalbatay in lagu soo wareejiyo dhammaan macluumaadka ay Kenya ka heyso badda ay muranka ka gelisay Soomaaliya, macluumaadkaas oo laga xusay sahminta ay Kenya ka samaysay goobaha ay Maxkamaddu ka xukunto ee hoos imaanaya dhul-badeedka madaxa-banaan ee Soomaaliya.

“Dacwaddda badda Soomaaliya waxay u dirtay xukun, waxaana la filayaa in xukunka uu ku soo baxo bilooyin. Maadaama dooda iyo difaaca qareenadu ahaa mid aad u sareysa, rajadeenu aad ayay u fiicantahay guulna waan rajayneynaa,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya oo ka mid ah guddiga ay maxakamadda u dirtay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Daawo

Golaha Badbaado Qaran ee maanta la sameeyey oo baaq u diray siyaasiyiinta dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ‘Golaha Badbaado Qaran’ oo ah isbaheysi siyaasadeed oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay, kaas oo ay ku midoobeen Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiye Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo qeyb ka ah Golaha siyaasiyiinta gobollada waqooyi.

Gaba-gabadii kulankii maanta looga dhawaaqay dhismaha golahaas waxaa hadal ka jeediyey guddoomiye Cabdi Xaashi, isagoo sheegay in dhibaato badan oo ka dhalatay talo la’aan ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed halkaan dhigtay, welina ay heysato, balse maanta ay u istaageen inay ka samata-bixiyaan.

“Baaqa galabta halkan kasoo baxay, waa baaq talo cad bixinaya, oo inta naga maqan aan qabo inay kusoo biiri doonaan, oo aysan diideyn in Soomaali heshiiso oo ay doortaan madax dalkooda u naxda,” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo loo doortay guddoomiyaha golahan.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Waxaa inagu jira dad arkaaya dhibaatada na hortaalla, laakiin aan laga akhrisaneyn ama laga dhageysaneyn, marka waxaan is leeyahay talada halkaan ka soo baxda waxay noqon doontaa mid Soomaali u horseeda inay garato wadada saxan, oo inta isku imaano aan doorano qofka noogu haboon, in kastoo aan qabo waxa dalkeenna halkaan dhigay inuu yahay qabiil, hadana waxaan rajeynayaa inaan ka gudubno qabiilka.”

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in xilka loo igmaday ee hoggaaminta Golaha Badbaado Qaran uu aqbalay, balse uusan xil-doon aheyn ee uu midnimo doon yahay.

Madasha Badbaado Qaran waxay golaha hogaaminta sare u dooratay Guddoomiye Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Hoos ka Daawo