25.4 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Kulamadii siyaasadeed ee ka socday Muqdisho oo la isku raacay saddex qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii tagay magaalada Muqdisho ka socda wada-tashiyo iyo kulamo u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta.

Kulamadan oo bilowday markii uu caasimadda yimid madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayey musharaxiinta sidoo kale si gaargaar ah ama si guud ula kulmeen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kale sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo HirShabelle Cali Guudlaawe.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in laga dooday qodobbo badan oo ku saabsanaa xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii horay loogu socon lahaa, kadibna la isku afgartay saddex qodob oo kala ah:

Qabsoomidda shirka: Si shirka doorashada aanu u fashilmin, Midowga musharaxiinta ayaa ku guuleystay iney u kala dab qaadaan labada garab ee maamul goboleedyada, iyaga oo ku qanciyey in meesha laga saaro kala shakinta iyo doodda la geliyey meesha uu shirka ka dhacayo iyo dhex-dhexaadinta beesha caalamka, horayna loo socdo. Waxaana lagu heshiiyey in shirka uu ka dhaco Afisyooni, iyada oo ay kasoo qeyb galayaan dhammaan dhinacyada maamul goboleedyada.

Si kastaba, ma cadda haddii madaxweynayaasha taabacsan Farmaajo ee Guudlaawe iyo Qoor Qoor ay ilaalin doonaan ballanta ay qaadeen, maadaama horey ay ballamo badan uga baxeen marka ay ka tageen musharaxiinta.

In Farmaajo laga wareejiyo amniga iyo doorashada: Waxaa shirarkaasi lagu heshiiyey in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wareejiyo maamulka amniga iyo doorashooyinka dalka, islamarkaana lasoo celiyo booliiska hore, oo ay doorashada kala shaqeeyaan AMISOM, xukuumadda Rooble iyo in madaxda maamulka goboleedyada ay qaataan kaalintooda arrimaha doorashada.

Waxaa kale oo la isku afgartay in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodaha madaxweynaha ee hadda uu isticmaalo wixii ka dambeeyey February 8, markii uu muddo xileedka ka idlaaday.

Tanaasulka musharaxiinta: Midowga musharaxiinta ay ku war geliyey madaxda maamul goboleedyada in ay iska dhaafi karaa ka qeyb-galka shirka haddii cabashadooda miiska wada hadallada la geynayo, oo ay ka mid tahay in la ciqaabo taliyeyaashii ku lug lahaa weerarkii February 19, amniga doorashada iyo arrimo kale, sidoo kalena Farmaajo uu iska wareejiyey maamulka amniga iyo doorashada dalka, islamarkaana saxiixo warqad uu ku caddeynayo in muddo xileedkiisa dhammaaday oo aanu qaadan karin wax go’aano dastuuri ah.

Mucaaradka ayaa rumeysan inaysan sii cakirin xaaladda dalka ayaga oo ku adkeysanaya ka qeyb-galkooda shirka, waxaana ay ku kalsoon yahay, sida la sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay matali karaan.

Isha: Goobjoog

Madasha Badbaado Qaran oo qoraal xasaasi ah u diray beesha caalamka kuna dhowaaqay mowqif adag

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Badbaado Qaran ee Khamiistii Muqdisho looga dhowaaqay ayaa qoraal ay u direen dalal iyo hay’ado caalami ah ku dalbaday inay si deg deg ah usoo faro-geliyaan is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa loo diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Madasha ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad halis ah, sababtoo ah “madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku guul-darreystay inuu dalka doorasho gaarsiiyo, taasi oo aheyd mas’uuliyadda madaxweynaha.”

Waxa kale oo ay ku eedeeyeen inuu waxyeeleeyey dadaal iyo daaacdnimo kasta oo ay muujiyeen saamileyda siyaasadda, ayaga oo tusaale usoo qaatay inuu kasoo kacay miiska wada-xaajoodka ee shirkii Dhuusamareeb 4.

Madasha ayaa qoraalkeeda sidoo kale ku sheegtay in Farmaajo uu shir ku baaqay, xilli beesha caalamka ay waddo dadaal la isugu keenayao dhinacyada Soomaaliya, si ay ugu shiraan garoonka diyaaradaha ee Aadana Cadde.

Waxay kale oo ay ku eedeeyeen Farmaajo inuu weli sii wado inuu xasilooni darro ka abuuro dalka isaga oo ciidamo ku daabulaya gobolka Gedo, taasi oo ka hor-imaneysa, sida ay sheegeen, qodobadii ay soo jeediyeen guddigii farsamo ee ku shiray Baydhaba.

Madasha ayaa sidoo kale sheegtay in Farmaajo uu weli sii wado inuu ciidamada qaranka u adeegsado dano shaqsi, intii ay kala dagaalami lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka Aadan Cadde, taasi oo ay ku macneeyeen isku day lagu fashilinayo dadaallada beesha caalamka ee shirka halkaas ka dhacaya.

Madasha ayaa sheegtay in dhammaan qodobadaas, oo ay wehliyaan ficilladii dhacay 19-kii Febraayo ee lagu weeraray dibad-baxayaasha ay caddeynayaan in Farmaajo uu ku xadgudbayo awooddiisa.

Waxay sheegeen in shirka shanaad ee uu Farmaajo ku baaqay xalay mar kale looga gol leeyahay in lagu raali-geliyo dhinacyo dibadda ah, halka gudaha dalkana uu ka wado ficillo caburin ah, iyo hurinta xasarado abuuray inay ka aamin baxaan saamileyda siyaasadda.

“Waxaan xaqiijineynaa in Farmaajo uusan haysan wax aaminaad ah oo uu ku hoggaamin karo hanaan doorasho, uuna lumiyey awooddii iyo aaminaddii uu kulan isugu yeeri karo. Waxa uu weli yahay caqaabadda hortaagan doorashooyin nabdoon, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sheegeen inay aad u adag tahay in wada-hadallo nabadeed la galo illaa Farmaajo lagula xisaabtamo ficilladii ceebta badnaa ee uu ku diiday inay doorasho dhacdo.

Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga dalka kahor inta aan kulan kale la qaban, ayada oo ciidanka lagu daabulay Gedo iyo garoonka Aadan Cadde ay caddeyn u yihiin in Farmaajo uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaaday.

Madasha ayaa sidoo kale ku baaqy shir madaxeed ay u dhan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay si deg deg ah usoo faro-geliso xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hoos ka aqriso warqadda oo English ah

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya howl-gal ciidamada ammaanka dowlad goboleedkada Puntland saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen koox ka ganacsata waxyaabaha maanka-dooriya, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga.

Wararka ayaa sheegaya in kadib howl-galka ay iska caabin ciidanku kala kulmeen ragga ka ganacsanayey maan-dooriyaha, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalka labada dhinac, iyada oo ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana goobta lagu dagaalamay ku sugan ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Si kastaba dhowaan madaxweyne Deni ayaa amray laamaha ammaanka inay xoojiyaan amniga deegaanada maamulkaasi, kana hortegaan waxyaabaha maanka-bedala.

Dowladda UK oo soo saartay war farxad u leh dadka magangelyo doonka ah

London (Caasimada Online) – Boqortooyada UK ayaa qorsheyneyso in marka si buuxda uu u dhaqan galo qorshaha Brexit ee Ingiriiska ugu baxay Midowga Yurub inuu wax badan ka badalo sharciyada dadka magangelyo doonka ah.

Qorsheyaasha u degsan UK ayaa kow ka ah in dadka magangelyo doonka ah aysan soo gelin dalkeeda inta codsiyada magangelyo doonka ah go’aan laga gaarayo, iyo inta ilaa iyo wax ka badal lagu sameynaayo xeerarka socdaalka qaxootiga, kadib markii UK ay si sharciga waafaqsan ugu baxday midowga Yurub.

Sharciyada ay qorsheyneyso UK inay soo rogto ayaa waxaa ka mid ah in dadka ka yimaada dalalka UK u aqoonsan tahay kuwo xasiloon oo nabadi ka jirto dadka ka yimaada ineysan heli doonin magangelyo noocey doonta ha ahaatee.

Arrinta kale ee magangelyo doonka horay isaga soo dhiibay dalalka Yurub uu ku farxi doono ayaa ah in marka si buuxda u dhaqan geliyo Ingiriiska heshiiska ka bixitaanka Yurub kama mid ahaan doono sharcigii Dublin ee Midowga Yurub ee dhigayay in dadka magangelyo doonka in lagu celiyo wadankii ay markii hore iska diiwaan geliyeen ama kasoo galeen inta codsigooda go’aan laga gaarayo.

Waxayna UK ula dhaqmi doontaa dadka farahooda dhigay dalalka Yurub ee mar kale iska soo dhiibo UK in aysan ku celin doonin Yurub waa marka uu sharcigaan cusub dhaqan galo dhawaan.

UK ayaa horay u diidaneyd qodobka sharcigaan hase ahaatee markii danbe aqbashay, inkastoo sharciyadaan aysan weli si rasmi ah u dhaqan gelin.

Dad badan oo wadamada Yurub ku jahwareeray oo dalalkii ay iska dhiibeen sharciyo ka waayay ayey fursad u tahay, inkastoo ay adkaan doonto sida lagu soo galo boqortooyada UK.

Ali Muhiyaddiin Ali
Xafiiska London

DF oo si kulul u cambareysay weerar ka dhacay Sacuudiga

0

Muqdisho (Caasimda Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay weerar dhanka cirka ah oo ay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ku qaadeen magaalada Khamis Mushait oo ku taalla gudaha dalka Sacuudi Carabiya.

Warsaxaafadeedkan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay cambaareyneyso weerarkaasi oo ay ku tilmaamay inuu ahaa mid argagixiso, sida ay hadalka u dhigtay.

Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay aad uga xun-tahay weerarkaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda Xuutiyiinya dalka Yemen.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay mar-weliba garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga.

“Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Cambaareynta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay Xuutiyiinta ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan dalka Sacuudiga.

DF oo war cusub ka soo saartay badqabka tallaalka AstraZeneca ee COVID-19

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaankaan ay ku xaqiijineyso bad-qabka tallaalka cusub ee Coronavirus, kaas oo dhawaan la keenay Soomaaliya, waxayna wasaaraddu beenisay warbixino ay ku tilmaantay been abuur, kuwaas oo halis caafimaad ka muujinayey tallaalkaan.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in hey’adda caafimaadka Yurub ay todobaadkii hore dabagal iyo xaqiijin ku bilaawday tallaalka Oxford/Astrazeneca, maadaama laga baahiyey warar abuuray halis cusub oo caafimaad, taas oo qaar ka mid ah dalka caalamka ku kaliftay inay dadkooda ka hakiyaan qaadashada tallaalkaas.

Dabagalkii ay sameysay Hay’adda Caafimaadka Yurub ((MA) iyo Hay’adda Caafimadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda kale oo caafimaadka ka shaqeeya ayaa xaqiijiyeen waxtarka tallaalka Oxford/Astraeneca, waxaana la xaqiijiyay in uu ka madax-banaan yahay wax khatar ah, waxayna u fasaxeen dawladihii hakiyay inay dadkoodu qaadan karaan, waxaana ku dhaqaaqay istimaalka tallaalkan hadda ku dhaqaaqay dalal badan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Khibradda aan u leenahay ka hortaga cudurada looga hortagi karo tallaalka iyo baaritaanada aan ku sameynay dhammaan macluumaadka la xiriira Tallaalka Covid-19, ayaan nafareysa in aan ku kalsoonaano Tallaalka OXFORD/ASTRAHNECA, si uu uga qeyb qaato dabar-goynta cudurka Covid-19.”

Ugu dambeyntii qoraalka wadaaradda ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda waxay umadda Soomaaliyeed la wadaageysa in ay wararka iyo talooyinka caafimaad ka qaataan Wasaardda Caafimaadka, Hay’adda Caafimaadka Aduunka iyo soojeedinta khubarada caafimaadaka ku xeel dheer. Tallaalka COVID-19, wuxuu qeyb wayn ka qaadanayaa ka badbaadinta dadkeena cudurkaan halista badan ee aad ugu faafay Adduunka.”

Daawo: DF oo shaacisay goobta uu ka dhacayo shirka uu Farmaajo iclaamiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha doorashada, khilaafka ka taagan iyo halka uu ka dhacayo shirka uu xalay iclaamiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ugu horeyn wasiirka ayaa sheegay in shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo uu ka dhici doono xarunta ciidamada cirka Soomaaliya ee Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane, halkaas oo ay deganyihiin UN-ka, AMISOM, safaaradaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya.

“Madaxweynuhu waa kii soo saaray casuumaadda shir ay madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah isugu imaanayaan 22-ka bishan Maarso, shirku waxa uu ka dhici doonaa Afisyooni, qaban-qaabada iyo isku diyaarinta shirkaas waxaa ku howlan xafiiska ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu xalay soo saaray markii 5-aad ku iclaamiyey shir ay isugu imaanayaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, balse qoraalkaas laguma xusin halka la isugu imaanayo ee shirkaasi uu ka dhacayo, taas oo abuurtay hadal heyn ku aadan sababta uu Farmaajo uga gaabsaday ku dhawaaqidda halka uu ka dhacayo shirkaas.

9-kii Febraayo, 17-kii Febraayo, 22-kii Febraayo iyo 1-dii bishaan Maarso ayuu madaxweyne Farmaajo iclaamiyey shirarkii fashilmay, balse waxaan la ogeyn inuu dhici doono kan uu hadda iclaamiyey markii shanaad, kaas oo loo qorsheeyey inuu Xalane ka dhaco 22-ka bishan, waxaana xusid mudan in gudaha Xalane ay hadda deganyihiin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Hoos ka Daawo

Dhacdo sababtay khasaare culus oo caawa ka dhacday magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari nooca xamuulka qaada ah ee loo yaqaano Indhataree ama Is-jiid ayaa caawa ku rogmaday isgoyska Siinaay oo kala qeybiya degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Gaariga rogmaday ayaa la sheegay in laga waayey wax bareeg ah, isla markaana uu bartamaha isgoyska ku dhacay, isagoo xawaare sare ku socda.

Gaariga ayaa ku dul dhacay mooto Bajaaj wadada mareysay, waxaana la xaqiijiyey dhaawacyada seddax qof, in kastoo uu jiri karo khasaare kale.

Sidoo kale waxaa goobta ka dhashay dab xoog leh oo haatan weli demintiisa lagu howlanyahay, waxaana gubanaya qeybta hore ee gaariga, mootadii uu ku fariistay iyo xamuulkii saarnaa gaariga.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dabku uu ka dhashay fiilooyin Koronto oo gaarigu jaray, waxaana goobta gaarigu ku rogmaday aad ugu dhow kaalin shidaal oo laga cabsi qabo in dabku ku baaho.

Yuusuf Garaad oo ka mid ah guddigii ay DF u dirsatay ICJ oo laga helay COVID-19

0

Hague (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haatana ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ahaa guddigii ay dowladda Soomaaliya u dirtay xurunta dhexe ee maxakamadda ICJ ayaa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus, isagoo ku sugan dalka Holland.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga waxa uu ku sheegay in cudurkan laga helay saakay, isagoo doonaya inuu Soomaaliya u soo safro, maadaama ay maalmihii la soo dhaafay Holland u joogeen ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya.

“Walaalaha, saaaxiibbada, ardaydeydeyda iyo qof kasta oo ay farriintani gaarto waxaan la socodsiinayaa in la iga helay Covid. Si aan saaka uga dhoofo Holland, oo aan shaqo Qaran u joogay, ayaan shalay is baaray. Waa la iga helay xanuunka, waana baaqday,” ayuu Yuusuf qoraalkiisa ku yiri.

Waxa uu sheegay in uusan dareemeyn astaamaha cudurka laga sheegay ee COVID-19 ama wax xanuun ah, balse uu is karaantiilay.

“Haba yaraatee, hadda ma jiraan wax astaan xanuunkaas ama mid kale ah oo aan dareemayo. Urta iyo dhedhenkana waa ii wanaagsan yihiin. Waa Allah mahaddiis. Waxaan galay is keliyeyn ama karaantiil si aanan Aadane kale u qaadsiin. Rabbi ha iga xijaabo khatarta cudurkaan igu helay dhul shisheeye,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Yuusuf Garaad ayaa dadka aad uga wacyi geli jiray tan iyo markii uu soo shaac baxay cudurkan, waxuuna dhalinyarada ku baraaruji jiray in waalidkood oo waayeel ah iyo dadka kale oo aan xamili karin cudurkaan ay soo gaarsiiyaan, inta si fudud uga soo qaadaan magaalada.

 

Wasiir Dubbe oo laba qodob oo xasaasi ah la wadaagay warbaahinta (Daawo Video)

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalda Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr qodob oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:-

1. Xayiraadaha, qaadashada tallaalka iyo talooyinka la xariira cudurka Coronavirus. 2. Iyo qodobka labaad oo ah kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya.

Ugu horeyn wasiir Dubbe waxa uu sheegay in xariyaadihii labada todobaad ahaa ee horay loogu soo goray goobaha waxbarashada dalka uu hadda waqtigoodii dhamaaday, balse mar kale ay dowladu go’aamisay in goobaha waxbarashadu sii xirnaadaan laba todobaad oo kale, si looga guuleysto cudurkan.

Sidoo kale bushada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo dadka ka shaqeeya goobaha muhiimka ah, ayuu ka dalbaday inay iska tallaalaan cudurka, isagoo sheegay in 90 goobood oo ku yaalla gobolka Banaadir hadda laga doona karo tallaalka Coronavirus.

Kiiska badda – wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababa Kenya ay ku andacootay inay uga hartay dacwadii badda ee dhawaan ay qaaday Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Waxa uu sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku kalsoonyihiin waxii ka soo baxa xukunka badaas ee laga sugayo Maxkamadda ICJ.

Hoos ka Daawo

Sawirro: DF oo Muqdisho keentay dhallinyaro laga soo qaaday Gedo + Qorshaha

0

Doolow (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe waxey magaalada Doolow ee gobolka Gedo kasoo daabuleen dhalinyaro, waxaana loo soo qaaday magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dhalinyaradaan oo da’ ahaan aad u yar yar ayaa la sheegay in laga soo aruuriyay deegaanada gobolka Gedo, waxeyna ku jireen xero ciidan oo ay tababar ku qaadanayeen, waxaana lagu soo qaaday diyaaradii shalay ciidamada iyo hubka geysay Gedo.

Wararka aan ka heleyno Doolow ayaa sheegaya in ciidamadaan ay ku jireen dhibow, islamarkaana loo diyaarinayay iney ka mid noqdaan ciidamada militariga Soomaaliya, loona qaado dalka Turkiga si tababar ay halkaas ugu soo qaataan, kadibna lagu celiyo Gedo.

Bilihii ugu dambeeyey ciidamada dowladda ee loo qaadayo tababarka Turkiga ayaa badankood ahaa kuwa ku beel ah madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Farmaajo.

Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan horay loo arag, iyadoo dhawr jeer ay xukuumadda uu wakhtigeeda dhamaaday geystay hub iyo ciidan walaac badan laga muujiyay sababta ka dambeysa.

Sidoo kale dhalinyaradaan la keenay Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay, waxeyna kusoo aadeysaa sidoo kale xilli mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamullada Federaalka ay walaac ka qabaan in Farmaajo uu ciidan u adeegsado doorashada ama uu xukunka ku qabsado.

Galaangalka BEESHA CAALAMKA iyo go’aanada madaxwayne FARMAAJO

Madaxwaynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay 8 February, wuxuu dhowr jeer ku baaqay shir in ay isugu yimaadaan madaxda dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si looga tashado arrimaha doorashada dib u dhacday.

Tan iyo dhammaadkii bishii January, Madaxweyne Farmaajo ayaa 4 jeer shir ku casuumay madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, balse dhammaan shirarkaas ma qabsoomin oo way beeqdeen. Midkii shanaadna xalay ayuu madaxweynaha ku baaqay, balse lama hubo in uu qabsoomi doono.

30 bishii January, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kula kulmay wakiillada beesha caalamka.

Kulankaasi waxaa ka qeyb galay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire James Swan, wakiilka Midowga Yurub, safiirrada waddaamda Ingiriiska, Shiinaha, Qadar iyo Turkiga.

Maalinkii uu kulanka dhacay ka dib, isla habeenkii, wuxuu madaxwayne Farmaajo ku baaqay kulan ay isugu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka.

Markii mudda xileedkii sharciga ahaa ee madaxwaynaha uu dhamaaday 8-dii bishii February, waxaa sii kordhay walaaca laga qabo doorashada.

9-kii bishii February, wuxuu mar kale madaxwaynaha ku baaqay in shir la isugu yimaado si loo dhameystiro heshiiyadii doorashada. Laakiin shirkaas ma qabsoomin.

22-kii February – wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda isku khilaafsan in ay ku heshiiyaan doorasho loo qabto “sida ugu dhaqsiyaha badan”.

Isla maalintaas 22-kii February, warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia, waxaa lagu sheegay in madaxwayne Farmaajo uu ku baaqayo in shir doorashada looga hadlayo la isugu yimaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in shirkaas uu ka dhaco magaalada Garowe, waxaana ka dhashay khilaaf, mana qabsoomin oo wuu baaqday.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan shir ay beesha caalamka qabato kana dhaca xerada Xalane.

1-dii bishan March ayey Villa Somalia ku baaqday shir kale oo “lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada ee la isku khilaafay”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka uu dhacayo 4-ta March, balse si la mid ah kuwii hore, ma qabsoomin kullankaas.

Sidoo kale shalay oo ay tariikhdu ku beegnayd 19-ka bisha March, waxaa war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxaana loogu baaqay dhinacyada Soomaaliya in ay doorasho qabtaan.

Isla xalay saqdii dhexe, waxaa xafiiska madaxwaynaha ka soo baxay war qoraal ah oo ku baaqaya in shir la isugu yimaado.

Dalalka loogu yeero saaxibada Soomaaliya ama beesha caalamka ayaa galaangal wayn ku leh siyaasadda dalka Soomalaiya.

Hadda lama hubo in baaqan cusub ee madaxweynaha uu la mid yahay kuwii hore iyo in uu noqon doono mid miro dhal ah oo heshiis looga gaaro doorasho in la qabto.

Kulamadii qabsoomay iyo natiijooyinkii kasoo baxay 

Shirkii ugu horreeyay ee arrimaha doorashada looga hadlo ayaa ahaa kii bishii July ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kaasi oo nitiijooyiin hor dhac ah laga garay.

Bishii September 17 ayaa shir kale oo ay isugu yimaadeen madaxda fedaraalka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa lagu heshiiyay jadwalka iyo qaabkii doorashada loo qaban lahaa.

Horaantii bishii Febraayo ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb shir isugu yimaaday madaxwayne Farmaajo madaxda maamul goboleedyada, iyo gobolka Banaadir.

Waxaa fashil iyo natiijo la’aan ku soo dhammaaday shirkaasi 6 bishii Febraayo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

17 bishii Febraayo magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa guddiga farsamo ee ka kala socday dowlad goboleedyada, dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir waxay sheegeen in ay xal ka gaareen arimaha la isku hayay ee doorashada Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan arimihii uu khilaafkii ka taagnaa, waxayna intaa raaciyeen in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan.

ISHA: BBC SOMALI

Farriinta culus ee ku hoos duugan qoraalkii Blinken oo sharaxaad laga bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mursal Saney oo ka tirsan mas’uuliyiinta sar sare ee machadka daraasaadka Heritage ayaa ka fal-celiyey bayaankii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ee looga hadlay doorashooyinka Soomaaliya.

Mursal ayaa shaaca ka qaaday in farriinta xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken ay tahay farriin cad oo ah in la deg-deg loo qabto doorashada Somalia.

“Waxaa ka muuqda farriintan, farriin cad oo ah in doorashada Soomaaliya ee waqtigeeda lasoo dhaafay si deg-deg ah ku dhacdo,” ayuu yiri Mursal Saney.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in canaanta Mareykanka ay weji-gabax ku tahay madaxda Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay gabeen mas’uuliyaddii loo igmaday.

Mursal ayaa sidoo kale xusay in farriinta ka timid Anthony Blinken ay tahay mid quus looga muujinayo Soomaaliya iyo hoggaankeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta weji-gabax ayey nagu tahay haddii aan nahay dadka Soomaaliyeed in madaxda Soomaaliyeed hoggaankoodii illaa heerkaas quus laga taagan yahay oo farriimahaas aadka u culus loo soo diraayo, oona u muuqato farriimo canaan ah,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in farriintan ay muujineyso in Mareykanka uu dib u soo celiyey fir-fircoonidiisii siyaasadeed ee bariga Afrika, gaar ahaan ka war-qabkii gaarka aheyd.

Ugu dambeyn Mursal Saney ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda Soomaaliyeed looga fadhiyo, kadib farriinta Mareykanka inay heshiis ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira dalka, si deg deg loogu qabto doorashooyinka sanadkan ee 2021-ka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo canaanta Mareykanka, kadib madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu shir de-deg ah ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo dhacaya 22-ka bishan aynu ku jirno ee March.

Hoos ka dhageyso Mursal Saney

Sawirro: DF oo maalintii labaad oo xiriir ah hub iyo ciidan geysay gobolka Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta markale ciidan, hub iyo gaadiid dagaal ka dajisay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa ku biiraya ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolkaasi, gaar ahaan kuwii shalay la geeyey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka mid ah yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.

Amarka lagu qaaday ciidamadan ee lagu geeyey gobolka Gedo ayaa waxaa ‘bixiyey’ madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Arrintan ayaa uga sii sareyso xiisadda xoogan ee ka jira gobolka Gedo oo haatan la daala dhacayo abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxda dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya oo ku aadan ciidamadaasi lagu daabulay gobolka Gedo.

Si kastaba Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee dib uga billowday Gedo ayaa farriin culus u dirtay beesha caalamka, waxaana ay shaaca ka qaaday in arrintan ay caqabad ku noqon karto in heshiis laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Musharraxiinta oo ka digay in ciidamada Haramcad la geeyo garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa ka digay in ciidamada Haramcad la geeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo geliyey bartiisa Twitter-ka ayaa ka digay in garoonka Muqdisho la hoos geeyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, isaga oo tilmaamay in ay qalalaase ka abuuri karaan gudaha garoonka Aadan Cadde.

“In ammaanka garoonka caalamiga ah la hoos geeyo ciidamada Haramcad waa qatar, waxayna qalalaase ka abuureysaa garoonka,” ayuu yiri Musharrax CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya inuu ka hortago qorshahaasi, si looga feejignaado waxyeelo ka dhalan karta tallaabadaasi.

Ugu dambeyn AMISOM iyo Qaramada Midoobay ayuu ka dalbaday inay ka feejignaadaan arrintaasi oo uu xusay inay waxyeeleyn karto amniga garoonka.

“Waxaa ugu baaqeynaa ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta inuu joojiyo tallaabadaan, AMISOM & QM waa inay ka feejignaadaan isku deyga lagu waxyeeleynayo amniga garoonka”, ayuu markale sii raaciyey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo taliyaha Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu hoos geeyey taliska qeybta ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-bannaan.

Jubaland oo jawaab culus kasoo saartay ciidankii ay DF geysay gobolka Gedo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa si kulul looga hadlay ciidamadii ugu dambeeyey ee ay shalay dowladda dhexe ku daabushay qeybo ka mid ah gobolka Gedo oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Qoraalka Jubbaland kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in ay nasiib darro tahay in dowladdu ay ciidamo & hub geyso gobolka Gedo oo ay xilligan ka jirto abaar baahsan.

Jubbaland ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in xilligan oo lagu jiro marxalad kala guur ah ay tahay ayaan darro aad u weyn in colaad laga sii horiyo gobolka Gedo.

Sidoo kale Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha dhaq-dhaqaaqaasi uu qaadi doono madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, sida ay hadalka u dhigtay.

“Haddaba Jubbaland waxay caddeyneysaa mas’uuliyadda wixii ka dhasha gulufkaas colaadeed uu qof ahaan yeelan doono madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayna noqon doonto xad-gud aan weligiis ka harin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa sheegtay in la’iska indho-tiray baaqyadeedii hore, ayna arrintan carqalad ku noqon doonto heshiisyadii la gaaray iyo wada-hadallada socda.

 

 

 

Saldhigga booliska garoonka Aadam Cadde oo la hoos geeyey taliska qeybta guud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax banaan.

Warqad kasoo baxday taliyaha Booliska ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeyey saldhigga garoonka uu ka mid noqon doonto saldhigyada Booliska ee obolka Banaadir.

Sidoo kale tallaabadan ayaa ka dhigan in awoodda magacaabista iyo xil ka qaadista saldhigga garoonka uu leeyahay taliska Booliska gobolka Banaadir.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada uu qaaday taliyaha Booliska ee saldhigga garoonka lagu hoos geeyey taliska qeybta guud, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi.

Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeysa, xilli maalmihii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayay xerada Xalane oo uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

CC SHAKUUR oo si la yaab leh uga fal-celiyey shirka uu ku baaqay FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa ka hadlay shirka uu markale ku baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, kaas oo dhacayo 22-ka bishan March.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in arrin lagu qoslo ay tahay hadalka ka soo yeeray Farmaajo, kadib fariintii ka timid Mareykanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uusan sharcuyada u heysan in xilligan uu isugu yeero madax goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa arrin lagu qoslo in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday si uu isaga dalfiyo fariinta kulul ee uga timid Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka, in uu shir uusan sharciyad u haysan isugu waco rag maalmo badan Magaalada dhinac ka joogo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharraxiinta mucaaradka.

Shirkan ee uu markale iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo socon doono muddo labo cisho ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka.

Si kastaba shirweynahay ayaa noqonaya kii afaraad ee uu ku baaqo Farmaajo, tan iyo markii muddo xileedkiisa dhammaaday 8 February ee sanadkan 2021-ka.

Farmaajo oo ku baaqay shir kale oo deg deg ah kadib canaantii Antony Blinken

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, shirkaas oo dhacaya 22-ka bishan March.

“Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah.”

Shirkan ayaa noqonaya kii afaraad ee Farmaajo uu ku baaqo tan iyo markii muddo xileedkiisa dhammaaday 8 February, ayada oo dhammaan shirarkii kale ay diideen madax goboleedyada madaxa-banaan ee Jubaland iyo Puntland.

Inkasta oo shirka uu Farmaajo ku baaqay uu ka dhacayo Muqdisho, haddana lama shaacin halka uu si gaar ah uga dhacayo, haddii ay tahay Villa Somalia iyo Teendhada Afisyooni oo ah halka ay ku baaqday beesha caalamka.

Baaqa Farmaajo ayaa yimid sacado un kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken uu sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, oo uu sheegay inuu abuurayo hubanti la’aan siyaasadeed oo halis gelinaya amniga, xasiloonida iyo horumarka dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay meel iska dhigaan hadafyada siyaasadeed ee kooban, oo ay qaataan mas’uuliyadda ay u hayaan shacabka Soomaaliya, ayna deg deg isugu raacaan qabashada doorashooyin deg deg ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan,” ayuu yiri Blinken.

Twitter-ka taliye Xijaar oo qoraal yaab leh la dhigay iyo Xijaar oo yiri waa la jabsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Somalia Cabdi Xassan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in accoun-ka uu ku leeyahay barta twitter la jabsaday isla markaana lagu soo qoray fariin dadkii akhristay ay la fajaceen.

Farriin lagu soo qoray barta twitter ee Taliye Xijaar oo ku qorneyd luuqada English-ka ayaa u dhigneyd “Iam going to be forever Somali Police commissioner!-Weligeey waxaan ahaanayaa taliyaha Booliska Soomaaliyee.”

Balse saacado kadib ayaa waxaa lasoo dhigay koontada Taliye Xijaar qoraal kale oo lagu sheegay in la jabsaday acount-ka twitter-ka Taliye Xijaar waxaana lagu yiri. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ku wargalinayaa in la jabsaday barta aan Twitter-ka ku leeyahay ee @GenHijaar, war khaldanna lagu qoray. Ilaahay mahaddii waan ku guulaysanay in aan dib u soo celinno Koontada. Waxaan bulshada ka raalli galinayaa cilladda dhacday. Mahadsanidin.

Arrintaasi lama oga inay aheyd mid si ula kac ah loogu qoray, oo kadib la xumaatay, iyo in la jabsaday, inkastoo koontada taliyaha ay tahay mid aan dad badan ku xirneyn oo dadka Followers gareeyay ay yihiin 1,891.