Muqdisho (Caasimada Online) – Amisom ayaa qaaday tallaabo aan looga baran, ayada oo xiriir la sameysay qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada una damaanad qaaday amniga Teendhada Afisyooni oo maanta la filayo inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada.
Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu madaxdan kala hadlay amniga guud ee xarunta shirka iyo midka madaxda ka qeyb-gaeleysa shirka.
Madeira ayaa sheegay in la dhameystiray farsamada iyo amniga kulanka oo ka dhex dhacaya xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, islamarkaana Amisom ay damaanad qaadeyso amniga kahor iyo kadib kulanka.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan u xaqiijiyo dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo qeybaha kale ee saamileyda in Amisom oo kaashaneysa saaxiibadeeda ay diyaarisay tallaaboyinka lagama maarmaanka ah ee xaqiijinaya in kulanka uu ku dhaco deegaan nabdoon oo la la sugay oo dhammaan dhinacyada ay ku dareemi karaan deganaan ay uga qeyb-galaan,” ayuu yiri Madeira.
Tallaabada caadiga ah ee uu qaaday Madeira ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu ciidamo badan geeyo garoonka, taasi oo walaac ay ka muujiyeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay wareysi siiyey BBC ayaa yiri ““Maxaaba shir laga qeyb galaa, meeshii aan u maleeynaynay inay amni tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamadaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febraayo weeraray Ma’ida iyo Airport-ka ee dadkii mudaaharadayay lagu qaaday.”
Muqdisho (Caasimada Online) – 20-kii sano ee ugu dambeysay siyaadda Soomaaliya waxey aheyd xarig isku dhiib, waxaana ka soo hana qaadayay Dimuqraadiyad curdan ah.
Xukunka ayaa waxaa isu dhiibay oo si nabad ah u kala wareegay afar Madaxweyne oo mid kasta ilaaliyay dhaqanka xarig isku dhiibka iyo ilaalinta dastuurka ku-meel gaarka ah.
Mudadaas oo ay Soomaaliya ku jirtay daganaanta siyaasadeed iyo doorashooyinka sida nabadgalyada ah ku dhaca, waxaa dalka ku soo dhiiraday wadamo badan oo dunida ah, kuwaas oo safaarado ka furtay Muqdisho, qaar kale ayaa dalka ka sameeyay maalin gelin sida Turkiga.
Ma jirin qof ku fikirayay in 2021 Madaxweyne Soomaaliyeed oo raadinaya dan gaar ah uu dalka gelin doono jawhareer siyaasadeed. Sidoo kale ma jirin filasho ah in maamul gobaleedyada dalka u kala safan doonaan mucaarad iyo muxaafad halkii ay aheyd in ay dalka ka saraan marxalada adag.
Maamul goboleedyada dhibaatada dalka u horseeday ayaa ah kuwa markii horeba madaxdooda kursiga loo boobay, oo u abaal-gudaya ninkii kursiga u boobay.
Waxaa socoto kala jiidasho maamulada ah waxaana sidoo kale sii xoogeestay cabsida laga qabo in dalka ka dhacdo doorasho nabad-galyo ah. Caqabado badan ayaa ku hor-gudban shirka maanta la filayo in uu ka furmo Muqdisho loogana hadlo doorashada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudo xileedkiisa dhamaaday 40 cesho ka hor ayaa ka aamusan xaalada wadanka. Dhibaatada Soomaaliya kaliya ma ahan maareen la’aanta waqtiga kala guurka ah ee sidoo kale waxaa ka jira amni darro, abaaro xoog leh iyo cudurka Covid-19.
Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay u hanjabaan shacabka magaalada Muqdisho, iyagoo u diidaya in ay u hogaansamaan talooyinka caafimaadka oo ay bixiso dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga hortagayo faafitaanka cudurka COVID-19.
Dadka ku nool degmooyinka qaar ee gobalka Banaadir gaar ahaan Heliwaa, Deyniile, Yaaqshiid iyo Madiina ayaa sheegay in loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono haddii lagu arko iyagoo xiranaya Face-Mask.
Dhalinyaro Afka soo duubatay ayaa la sheegay in habeenadii la soo dhaafay ay la hadleen xaafadaha qaar ee Muqdisho iyagoo u sheegaya in aysan u hogaansami karin awaamiirta gobalka Banaadir.
Badanaa dadka warkaan loo sheegay waxaa lagu qabtay wadooyinka iyagoo Afka u xiran-yahay waxaana loo sheegay in cudurkaan uu Allah haayo islamarkaana Allah ay baryaan dadka Soomaaliyeed, sida aan kasoo xiganay qaar ka mid ah shacabka
“Laba saac oo habeenimo ayaa jidka laygu qabtay, Afka ayaana u xirnaa waxaan u qaatay koox mobilka iga dhici rabto, is deji ayaa lay dhahay, kadibna Afka iska fur, kadib ayaa lay dhahay u sheeg dadkaaga adigana ogow mar dambe sooma qaadan kartaan Af-xirka, cudurka Allah ayaa keena isaga ayaana qaada,” ayuu yiri mid kamid ah shacabka degmada Heliwaa oo la hadlay Caasimada Online.
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa todobaadkii hore soo saaray awaamiir lagu furayo in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan Af-xirka, iyagoo sheegay in 5 dollar oo ganaax ah laga qaadi doono qofkii aan wadan, halka goobaha ganacsigana laga qaadi doono 50 dollar.
Dadka Muqdisho ayaa maalmahii ugu dambeeyay cabasho ka muujinayay dhaca loo geysto xilliyada habeenkii ah, iyadoo laga qaato Moobeelada iyo waxyaabaha ay markaas wataan, balse taliska Booliska ayaa ka hadlay.
Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada kaga hadashay cabashada laga soo gudbiyay burcadda, waxeyna ugu baaqday shacabka iney taliska lasoo wadaagaan wixii dhibaato ah.
“Iyadoo malmihii la soo dhaafay isoo gaareen cabashooyin la xiriir xatooyo moobile iyo dhib kale loo geeystay dhalinyaro Soomaliyeed waxaan mar labaad bulshada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa dagan Gobolka Banadir soo xasuusinaayaa in numberka 991 wacdaan hada la kuluntaan dhib si ay saraakiisha howlgalada isla markii ay wax ka qabtaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska.
Zakiya Xuseen ayaa sidoo kale dadka qaar ee baraha bulshada ku baahiya cabashadooda ku eedeysay iney eedeynayaan saraakiisha Booliska, balse taas badalkeeda ay haboon tahay in hay’adaha amniga ay lasoo wadaagaan wixii ay tabanayaan si wax loogu qabto.
“Wallow aan idinka mahad celinaaya inaad ila wadaagtaan cabashoiyinka waxaa xusid mudan in adigoo dhib la kulmay ka dib social media soo dhigtid iguna tag gareeysid (qaarkiina aflagaado igu sii dartaan) inaysan idinka xal idin noqoneeyn anagana naga lumineysa fursad aan wax uga qaban karno.”
Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahii lasoo dhaafay qudhiisa hawlgallo ka fuliyay Muqdisho, waxeyna dagmooyinka qaar kusoo qabteen kooxo mootooyin dadka uga dhici jiray agabka ay wataan sida Moobeelada.
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidanka Burundi ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca HirShabelle.
Dagaalka oo saacado qaatay ayaa yimid, kadib markii Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhig AMISOM ee deegaanka Miir-Taqwa ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay.
Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkaasi waxa ay shaacisay in ugu yaraan ay ku dileen 1 askari, kuna dhaawaceen 2 kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay taliska AMISOM, Burundi oo ku aadan dagaalkaasi la sheegay in ciidankooda waxyeelo xoogan lagu gaarsiiyey.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada fariismaha ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada dalka.
Cape Town (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay boob iyo dhac loo geystay ganacsato Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaasi oo kooxo burcad ah ay ka geysteen magaalada Cape Town ee dalkaas.
Kooxda burcadka ah ayaa lagu soo waramayaa inay boobeen oo dhac u geysteen Gaari u rarnaa Ganacsato Soomaali ah, isla markaana sida dalab rooti ah xilli uu marayay waddo muhiim ah oo ku taal Xaafad ka tirsan magaalada Cape Town.
Dhacdadaan ayaa qeyb ka noqoneysa boob iyo dhaca ay burcadka Koonfur Afrika ku hayaan ganacsatada Soomaalida, waxaana isasoo taraya walaaca iyo cabsid ay muujinayaan ganacsatadu, kadib markii ay billo gudahood ay dhaceen dilal iyo boob badan.
Bilihii la soo dhaafay waxaa dalka Koonfur Afrika kusoo batay dhibaatoyinka isugu jira dilka, dhaca iyo cago-jugleynta loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kamid ah kuwa ku ganacsada dalkaas.
Waxaa dalkaas dil loogu geystay labadii bilood ee u dambeeyay Soomaali badan, ayada oo ganacsato kalena boob cad looga dhacay xoolahooda, waxaana inta badan la kulmaan weeraro dhac ah.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in tiradii ugu badneyd ee ganacsatada Soomaalida laga dilay sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-ka, kuwaasi oo ka dhacay deegaanada isku raranka ah ee hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaas.
Ganacsatada Soomaalida ah ee Koonfur Afrika ayaa wajaha dilal iyo weeraro dhac oo bareer ah, mana jiro ilaa hadda wax cad oo ay ka qabatay dowlad dalkaas oo dhowr jeer ka hadashay dhibaatada ay burcadka ku hayaan ganacsatada, gaar ahaan kuwa Soomaalida.
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah looga dareemaya diyaar garowga shirka arrimaha doorashooyinka, kaas oo lagu wado inuu maanta ka furmo Teendhada Afisyoono oo ku taalla xerada Xalane.
Shirkan oo ah mid xasaasi ahaa ayaa waxaa garwadeen ka ah beesha caalamka, waxaana ka qeyb-galaya madaxda watigoodu dhammaaday ee dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyo madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah xubnah musharraxiinta mucaaradka.
Intiisa badan waxaa shirka diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran dalka, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana goobta ka dhacayo shirka la wareegay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Beesha caalamka oo garwadeen ka ah shirkan waxa ay shaacisay in madaxda Soomaaliyeed aan laga aqbali doonin kala teg, iyada oo aan heshiis la gaarin.
Si kastaba shirkan ayaa ka duwan kuwii hore, maadaama diyaarintiisa & qabashadiisa ay leedahay beesha caalamka oo cadaadis saareyso dowladda & dowlad goboleedyada.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ciidamo daacad u ah madaxweynaha xilligiisu dhammaaday lagu hareereeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay dhex deggan yihiin waftigiisa iyo kan madaxweynaha Jubaland ee Axmed Madoobe.
Waxa uu la meel dhigay weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday madaxweynayaal hore iyo musharrxiin si nabad ah u mudaharaadayay.
“Maxaaba shir laga qeyb galaa, meeshii aan u maleeynaynay inay amni tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamadaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febraayo weeraray Ma’ida iyo Airport-ka ee dadkii mudaaharadayay lagu qaaday,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo la hadlayay BBC.
“Koley dalka wuxuu ku jiraa marxalad adag oo ciidameysan, oo meel walba ciidan la geynayo, Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxaa moodaa in caqligii Milateriga waaguu dalka ka tagaayay ka jiray inuu sameynayo,” ayuu ku daray Deni.
Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in isbedel lagu sameeyay qaar ka mid ah ciidamadii booliska ee horay ugu sugnaa saldhigga garoonka oo la hoos geeyay qeybta guud ee Booliska (Booliska Gobolka Benaadir). Arrintan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey Madasha Badbaado Qaran, oo xalay qoraal soo saartay.
Taliska ciidanka Booliska ayaa markii uu warkaan soo baxay iska fogeeyay oo beeniyay in ay jiraan ciidamo lagu daabulay garoonka.
“Waxaan xaqiijinayaa in hoggaanka ciidanka booliska Soomaaliyeed aysan wax ciidamo cusub ama dheeraad ah ku daabulin garoonka Aadan Cadde,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray taliya Xijaar.
Dowladda Soomaaliya ayaa sida aan xogta ku helnay xalay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde geysay ciidanka ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo daqiiqo kadib ka laabtay garoonka banaankiisa kadib markii ay isku hareereeyeen.
Xog muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaya in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in garoonka Muqdisho aysan mucaaradka hub la gelin, sidoo kalane cadaadis lagu saaro Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo sheegay in ciidanka garoonka tagay ay wateen gaadiid dagaal iyo hub culus, waxaana laga cabsi qabaa in loo adeegsado caburinta iyo cadaadiska mucaaradka.
Amniga Garoonka diyaaradaha oo ay deggan yihiin safaaradaha reer galbeedka, Amisom, Midowga Africa iyo hay’ado badan ajnabi ah oo sirdoon iyo horumarinba ka shaqeeya waxa uu kamid yahay howlaha AMISOM, si la mid ah dekadda Muqdisho iyo madaxtooyada Soomaaliya, balse muddooyinkii gu dambeeyay waxaa xoogeysanayay awoodda ay ciidamada dowladda ku dhex leeyihiin.
Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhex deggan hotel ku yaalla garoonka waxa la socda dhowr boqol oo ilaalo gaar ah aadna u hubeysan, taas oo soo dedejineysa in xilli kasta uu iska hor imaad hubeysan ka billaaban karo xarunta ugu amniga badan Muqdisho, halisna gelin karo amniga garoonka iyo kan safaaradaha.
Muqdisho (CaasimadaOnline) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan ugu yaraan 8 wasaaradood oo ah kuwa arimaha Bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa hada aan qaar kamid ah shaqaalaha la siinin mushaarka bishii hore.
Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in 1-dii ilaa 10-kii bishaan la bixiyay mushaarka qaar kamid ah shaqaalaha dowladda, halka Arbacadii iyo Khamiistii todobaadkaan la siiyay qaar kale, waxaana wali harsan inta kale ee soo hartay oo u badan macalimiin iyo shaqaalaha kumeel-gaarka.
Sida ay Caasimada Online hore u baahisay dowladda Soomaaliya waxay sanadkaan weysay kabkii ay ka heli jirtay dowladaha taageera Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha iyo ururada bixin jiray kabka dowladda.
Ururadan oo ay ku jiraan Bankiga Adduunka iyo Midowga Yurub ayaa lacagta hakiyey kadib markii ay walaac ka muujiyeen in Soomaaliya ay ku dhaceyso nidaam kali-talis ah.
Badanaa waqtiga kala guurka ah dowladihii xilka isaga dambeeyay ma bixin jirin mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu bixiyay dhamaan bilooyinkii hore ee uu xafiiska joogay.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo geysay Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo qeyb ka ahaa ciidamo ay dhawaan ka dejisay gobolka Gedo.
Ciidamada ayaa maanta safar dhanka dhulka ah ku tagay degmada Beled-Xaawo, kadib markii ay ka ambabaxeen degmada Doolow ee Gedo, halkaasi oo ay diyaarad uga dejisay dowladda federaalka Soomaaliya
Ciidamadaan oo badankooda ka tirsan NISA ayaa waxaa dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho, ayada oo siyaabo kala duwan uga hadleen siyaasiyiinta iyo madaxda kasoo horjeeda dowladda waqtigeedu dhamaaday.
Waxaa degmada Beled-Xaawo ciidamadaan si weyn ugu soo dhaweeyay qaar ka mid Saraakiisha Ciidamada Degmadaas, ayada oo ay ku wehlinayeen ciidamadaan Taliyaha Howl-galinta Jubooyinka ee Ciidamada dowladda, Bakaal Kooke oo ay wehlinayeen Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo, Cabdiqadir Cumar Biixi iyo Saraakiil kale.
Ciidamadaan ay dowladda ku daabushay gobolka Gedo ayaa waxaa si weyn uga horyimid maamulka Jubbaland oo ay dowladda waqtigeeda ka dhamaaday isku hayaan gobolkaas, oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan heshiis laga gaaro doorashada.
Maamulka Jubbaland ayaa ku hanjabay in cawaaqib xumada ka dhalata ciidamada lagu daabulayo gobolkaas uu dusha u ridan doono madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdillahi Deni ayaa maanta ka hadlay shirka lagu wado inuu ka furmo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni iyo khilaafka doorashooyinka oo xiligan maraya meel xasaasiya, isaga oo shaaca ka qaaday in ciidamo lagu hareeyey.
Saciid Deni oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in uusan ka war hayn shirka ay beesha caalamku sheegtay inuu bilaabanayo maalinta berri ah, islamarkaana aysan jirin cid kala hadashay arrinta shirkaas, sida uu sheegay.
“Waxaan halkaan nimid kadib markii aan marti-qaad ka helnay beesha caalamka, gaar ahaan James Swan iyo Yamamoto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Federaalka, waxaan mudadii aan joognay wada-hadal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta,” ayuu yiri.
Deni ayaa carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in marka hore xal laga gaaro arrinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaar ah u isticmaalan madaxda u sareysa ee dowladda federaalka ee waqtigooda dhamaaday, ka hor inta aan la aadin heshiis doorasho.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xalay dowladda waqtigeedu dhamaaday ay ciidamo hor leh kusoo daabusahy garoonka Aadan Cadde oo uu degan yahay, midaasi oo uu ku tilmaamay inay arrintaas lamid tahay weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore xili ay ku sugnaayeen hutel Ma’ido.
“Maxaa shir laga qeyb-galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuumtay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay lamid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da,” ayuu yiri.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Muddadii aan joognay (magaalada Muqdisho) dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay ma jirin, waxayna u muujineysa inaysan diyaar u ahayn imaansheheena.”
Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya xili ay maanta beesha caalamka shaacisay in maalinta berri ah uu furmayo shirka doorashada ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, ayada oo sidoo kalena uu Mareykanka ku amray madaxda dowlad goboleedyada inaysan ka bixin magaalada Muqdisho ilaa heshiis laga gaarayo doorashada.
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa goordhoweyd war adag kasoo saartay shirka looga arrinsanayo doorashada ee la filayo inuu ka qabsoomo aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay safaarada ayaa lagu sheegay inay Shacabka Soomaaliyeed rabaan doorasho, islamarkaana ay tahay inay madaxda maamulada ay joogan magaalada Muqdisho ilaa inta heshiis laga gaarayo hanaanka doorashada.
“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Kaariye Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waa inay joogaan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro. Fashilku ma ahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda.
Amarkaan oo u muuqda mid looga digayo in madaxda ku sugan magaalada Muqdisho ay ka baxaan ka hor inta aan heshiis laga gaarin doorashada, si gaar ahna madax goboleedyada taabacsan Farmaajo, ayaa sii kordhinaya cadaadiska ay beesha caalamka ku saareyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada inay heshiis ka gaaran doorashada.
Qoraalka Safaarada oo ah amar culus oo ku socda madaxda dowlad goboleedyada ayaa waxa uu meesha ka saaray in kulanka Muqdisho uu fashilmay, sida kuwii hore, islamarkaana ay dhinacyadu ka shaqeeyan sidii ay heshiis u wada gaari lahaayeen.
Qoraalka Safaaradda ayaa imanaya xili ay maanta Saaxiibada beesha caalamka qoraal kasoo saareen heshiiska doorashada, iyagoona ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac.
“Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka ka qeyb galayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka ay sida wada-jirka ah usoo saareen beesha caalamka.
Beesha caalamka ayaa ku dadaaleysa in shirka Muqdisho ee ka furmay gudaha Xalane uu fashilmo, sida kuwii ka horeeyay ay ugu kala kaceen madaxda isku haya doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee dowladda.
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay arrin saacadihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayey, midaasi oo la xiriirtay in garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade la geeyay ciidamo hor leh.
Xijaar ayaa sheegay inaysan jirin wax ciidamo hor leh oo lagu daabulay garoonka Aadan Cadde, kadib markii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu saldhigga garoonka hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaas oo markii hore ahaa mid madax-banaan.
“Waxaan xaqiijinayaa in hoggaanka ciidanka booliska Soomaaliyeed aysan wax ciidamo cusub ama dheeraad ah ku daabulin garoonka Aadan Cadde,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray taliya Xijaar.
“Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwa AMISOM iyo kuwa kale ee amniga kala shaqeeya aaga loo qoondeeyay inay ku shaqeeyaan ayaa howlahooda shaqo ee maalinlaha ah qabanaya.”
Hadalkaan ayaa imanaya xili uu shalay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur walaac ka muujiyey in Taliska Booliska uu saldhiga garoonka ku wareejiyo gobolka Benaadir, asagoo farta ku fiiqay in ciidamo hor leh lagu daabuli doono, gaar ahaan Haramacad oo katirsan booliska dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada uu qaaday taliyaha Booliska ee saldhigga garoonka lagu hoos geeyey taliska qeybta guud, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi.
Si kastaba, arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayay xerada Xalane oo uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayada oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka furmo shir looga hadlayo doorashada.
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartay ku xaqiijisay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu ka dhacayo aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka ka qeyb galayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021.”
Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac.
Waxay sidoo kale dhiiri-gelisay la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran.
“Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.
Waxay kale oo ay ka codsadeen madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay gaaraan xal siyaasadeed nabdoon oo horseeda doorashooyin, ayna sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka u ah danta qaranka Soomaaliyeed iyo dadkiisaba.
“Saaxiibada caalamku waxay sii wadayaan dadaaladooda ku aaddan isku soo dhoweynta saamilayda Soomaaliyeed. Waxaan mar kale ku celinaynaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka marka la isku af-garto faahfaahintiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xasan Dahir ayaa sheegay in seddaxdaasi qabiil in ay dowlad 20 sano jirsatay inay hilfaha u qaadeen, isagoona yiri “Walaaloow Nimankaasi ha isku baclaalin, nimankaasi niman sahlan maaha ma sagaaraa ka liidataa.”
Xasan Daahir ayaa fariintiisa intaa sii raaciyay in Farmaajo uu yahay shaqsi dadka fududeysta oo aan dhageysan, qofka dadka fududeystana uu mar walba ku ceebeebo mas’uuliyadda.
“Walaaloow Cabdullaahi Yuusuf oo Amxaaro wata oo Xamar dabbaabaad kusoo galay ku caqli qaado oo weliba daad Hawiye ah watay, meeshaanina ma joogi kartid haddaadan xidido ku laheyn, nimaankani sii jeedka ayey ku roon yihiin, haddii ay soo jeestaan waa kuu dhamaatay, Siyaad Barreba dad Hawiye ayuu ku watay,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.
“Ninka la yiraahdo Cali Maxamed Geeddi wuxuu badbaadin lahaa Cabdullaahi Yuusuf, waa ku sharaf seegan yahay Amxaaro anigaa keenay, laakiin Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle wax ay kuu tarayaan ma jirto, Eebaa og haddii xabad dhacdana safkeey galayaan runtaan kuu sheegayaa, dadkaani ma ahan dad aad isku haleyn kartid,” ayuu sii raaciyay Xasan Daahir Aweys.
Mar uu ka hadlayay adeegsiga awood ciidan, isagoona soo hadal qaaday taliyaha nabad sugida Fahad Yaasiin, wuxuuna ku barbar dhigay taliyihii nabad sugida dowladdii Kacaanka Siyaad Barre xiligii ugu danbeeyay kaasoo ahaa Axmed Saleebaan Dafle oo la garan og-yahay, awoodii ciidamadeedna ay difaaci waayeen mucaaradkii xukunka ka tuuray Siyaad Barre oo dhalinyaro ku hubeysnaa kaarabiin xukunka ugu tuuray, dadka maanta joogana ay sameyn doonaan wixii dhacay 1991-kii.
Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa fariintiisa ku sheegay inuu u baqayo in dalka Farmaajo u horseedo in gobolada dalka u qeybsamaan maamulo hoostaga Kenya, Itoobiya iyo kuwo gooni u istaaga.
Fariinta Sheekh Xasan ayaa ah middii ugu cusleyd ee uu ugu hadlo marxalada dalka ku sugan yahay isagoo kuwa uu dhaliilayo xabsi guri ugu jira.
Hoos ka daawo Xasan Daahir
W/Diyaariyay Ali Muhiyaddiin Caasimada Online London
Muqdisho (Caasimada Online) – faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa fal toogasho ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqidisho.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa qaada Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyada lagu dilay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado uu ka dhacay gudaha Suuq Boocle oo ku yaalla degmadaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in raggii ka dambeeyey dhacdadaasi ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay isbaheysiga cusub ee Muqdisho looga dhawaaqay, kaas oo ay ku midoobeen masuuliyiinta ugu miisaanka culus siyaasadda Soomaaliya.
Isbaheysigaas oo loogu magac-daray ‘Golaha Badbaado Qaran’ waxaa ku bahoobay Jubbaland, Puntland, Midowga Mushariinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo hor kacaya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.
Wasiir Dubbe ayaa isbaheysiyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, gaar ahaan aas-aaska Madashan cusub Badbaado Qaran, waxa uu ku tilmaamay kuwo doorasho diid ah oo maanta aan dalkeenna looga baahneyn, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa ajende noo ah doorasho, laakiin waxaan aad uga xunahay, iyadoo dalku doorasho aadayo, in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulaan sameynta isbaheysiyo doorasho la dirir ah, runtii isbaheysiyadaas waxay nagu celinayaan wado qaldan oo dib u dhac ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Cusmaan Dubbe.
Golaha Badbaado Qaran ayaa hoggaankooda sare u doortay afar xubnood oo kala ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi, waxayna guddoomiyaha guud u sii doorteen Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Sidoo kale Dubbe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in isbaheysigaan cusub ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaas oo uu sheegay inay habooneed inay ilaashadaan xurmada ay gaareen, sida uu hadalka u dhigay.
“Horta anagu dalkaan inuu badbaadsan yahay ayaan u aragnaa, sababtoo ah markii isbaheysigaan Badbaado Qaran ay dadku maqleen, aad ayey u naxeen, waxay soo xasuusteen kuwo hore ee rajadooda god-dheer ku riday, hadana xurmo iyo karaamo badan ayaan u heynaa madaxda oo ay ka mid yihiin madaxweynaayashii hore… runtii waxay leeyihiin maasuus la yaab leh, marka ma rabno in madaxda aan ku dhex aragno isbaaheysiyo doorasho diid ah, waa inay meel fariistaan oo laga barakeysto,” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.
Lafta Gareen & wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda, qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Sidoo kale Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qeyb ka noqon doono dadaallada & kulamada siyaasadeed ee ka socda gudaha caasimada, loogana arrinsanayo xaaladda dalka.
Si kastaba shirka beri ka furmayo Teendhada Afisyooni ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo kala guur ah, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021-ka.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadii Xasan Cali Kheyre Cabdullahi Goodax Barre oo ka hadlayay barta Club House oo dhalinyaro badan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku doodo ayaa waxa uu ka hadlay siyaasadda Farmaajo, arrimo qarsanaa, iyo halka uu dalka ku socdo.
Goodax Barre ayaa sheegay in dowladdan ay tahay mid fowdo iyo qas u taagan balse xukuumadii uu la shaqeynayay ee Xasan Cali Kheyre ay aheyd mid ka shaqeyneysay wanaag iyo xal joogto ah.
“Dowladii aan ka tirsanaa ma aheyn qaswadayaal, laakin tan waxey wadaa qas iyo fowdo, dhibaatada ugu wayn ee dalka kajirta waxay ka socotaa Villa Somalia,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya Club House
Dhanka kale Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si weyn u amaanay maamulada Puntland iyo Jubbaland isaga oo sheegay iney dalka badbaadiyeen islamrkana ay badbaadin doonaan.
Waxa uu Goodax uu tilmaamay inuu car qaladeeyay maamulada Puntland iyo Jubbaland doorashooyinkii madaxtimo ee ka dhacay balse uu ku guul dareestay waxaana uu si gaar ah u xusay in Puntland uu ku bixiyay 2 Milyan oo Dollerka Mareykanka.
“Puntland iyo Jubaland waa labada maamul oo ka madax bannaan Farmaajo. Puntland faragelin toos ah ayuu ku sameeyay doorashadii… Nin uu wato ayuu Minnesota ka keenay, xog ayaan u hayaa inuu 2 Milyan Dollar ku bixiyey.. waana ku fashilmay… Jubbaland waa la ogaa, wixii waanwaan laga soo shaqeeyay ee Xasan Kheyre hormuud u ahaana Farmaajo ayey ka socon waayeen… Labadaas maamul ee Farmaajo ka madax bannaan ayaa Soomaaliya badbaadin doona..,” ayuu yiri Wasiirka.
Hadalka Goodax ayaa ku soo aadaya xili dalka uu kijiro xaalad hubaanti la’aan ah oo laga cabsi qabo in Farmaajo uu dalka geliyo dagaal maamdama uusan u diyaarsaneyn inuu doorasho galo sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.
Kulamadan oo bilowday markii uu caasimadda yimid madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayey musharaxiinta sidoo kale si gaargaar ah ama si guud ula kulmeen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kale sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo HirShabelle Cali Guudlaawe.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in laga dooday qodobbo badan oo ku saabsanaa xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii horay loogu socon lahaa, kadibna la isku afgartay saddex qodob oo kala ah:
Qabsoomidda shirka: Si shirka doorashada aanu u fashilmin, Midowga musharaxiinta ayaa ku guuleystay iney u kala dab qaadaan labada garab ee maamul goboleedyada, iyaga oo ku qanciyey in meesha laga saaro kala shakinta iyo doodda la geliyey meesha uu shirka ka dhacayo iyo dhex-dhexaadinta beesha caalamka, horayna loo socdo. Waxaana lagu heshiiyey in shirka uu ka dhaco Afisyooni, iyada oo ay kasoo qeyb galayaan dhammaan dhinacyada maamul goboleedyada.
Si kastaba, ma cadda haddii madaxweynayaasha taabacsan Farmaajo ee Guudlaawe iyo Qoor Qoor ay ilaalin doonaan ballanta ay qaadeen, maadaama horey ay ballamo badan uga baxeen marka ay ka tageen musharaxiinta.
In Farmaajo laga wareejiyo amniga iyo doorashada: Waxaa shirarkaasi lagu heshiiyey in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wareejiyo maamulka amniga iyo doorashooyinka dalka, islamarkaana lasoo celiyo booliiska hore, oo ay doorashada kala shaqeeyaan AMISOM, xukuumadda Rooble iyo in madaxda maamulka goboleedyada ay qaataan kaalintooda arrimaha doorashada.
Waxaa kale oo la isku afgartay in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodaha madaxweynaha ee hadda uu isticmaalo wixii ka dambeeyey February 8, markii uu muddo xileedka ka idlaaday.
Tanaasulka musharaxiinta: Midowga musharaxiinta ay ku war geliyey madaxda maamul goboleedyada in ay iska dhaafi karaa ka qeyb-galka shirka haddii cabashadooda miiska wada hadallada la geynayo, oo ay ka mid tahay in la ciqaabo taliyeyaashii ku lug lahaa weerarkii February 19, amniga doorashada iyo arrimo kale, sidoo kalena Farmaajo uu iska wareejiyey maamulka amniga iyo doorashada dalka, islamarkaana saxiixo warqad uu ku caddeynayo in muddo xileedkiisa dhammaaday oo aanu qaadan karin wax go’aano dastuuri ah.
Mucaaradka ayaa rumeysan inaysan sii cakirin xaaladda dalka ayaga oo ku adkeysanaya ka qeyb-galkooda shirka, waxaana ay ku kalsoon yahay, sida la sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay matali karaan.