25.6 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Xog: Qoor Qoor iyo Saciid Deni oo xalay kulmay iyo qorshe laga dhex-wado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ayaa waxaa laga helayaa kulan dhex-maray madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland oo lagu dhameynayey mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhex-galay labada dhinac.

Kulankan oo saacado badan ayaa qaatay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey xildhibaano & Senataro kasoo kala jeeda labada maamul, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku howlanaa dadaallo la’isugu keeynayo Madaxweyne Qoor Qoor & Madaxweyne Deni.

Wararka ayaa sheegaya in labada hoggaamiye uu dhex-maray is afgarad, islamarkaana lagu ballamay inay sii socoto wada-shaqeyntooda, maadaama ay daris yihiin.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay bixiyeen labada dhinac oo ku aadan dadaallada socday ee lagu dhameeyey khilaafka Galmudug & Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamadu ay sii socon doonaan, inta ay labada hoggaamiyey kasoo saarayaan war-murtiyeed ku aadan heshiiskooda.

Si kastabna ios faham-waaga ayaa yimid, kadib khudbadii uu SiciidDeni ka jeediyey 22-kii Febaraayo ka jeediyey Garoowe, taas oo uu dhibsaday Qoor Qoor oo isagu garwadeen ka ahaa kulamadii ka dhacay Dhuusamareeb iyo dadaalladii socday ee doorashooyinka.

Muxuu Cabdiraxman Caynte ka yiri canaanti Mareykanka?

0

Muqdisho (Caassimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya & is-mari waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Caynte oo horey u soo nqoday wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa marka hore sheegay inuu aad uga wal-walsan yahay meesha ay haatan mareyso xaaladda dalka, gaar ahaan muranka hareeyey hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

“Runtii xaaladda meesha ay mareyso oo la xiriirta doorashada dalka & is mari-waaga ka taagan waa arrin wal-wal iyo walaac weyn leh oo qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah ka wal-walsan yahay, runtii walaac weyn sida dadka Soomaaliyeed oo kale uga qabaan ayaan anne runtii uga qabaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Cale (Caynte).

Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey dadaallada ay wado beesha caalamka, isaga oo hoosta ka xariiqay inay xaq u leedahay inay samata bixiso Soomaaliya.

Mr Caynte oo hadalkiisa sii wata ayaa taageeray go’aankii Mareykanka, gaar ahaan canaantii & amarka la dul-dhigay madaxda Soomaaliyeed.

“Beesha caalamu dalku iyaga biila, iyagaa amnigooda baxsha een sharci & xaq-bey u leeyihiin in ay dadka Soomaalida ah la-taliyaan, u caqli celiyaan. Markii ay caqli celis garan waayaana inay canaantaan oo ay ceebeeyaana waa lagu qasban yahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Qof marka haddii uu rabo inuu dal dhan halaago in laga qabto oo yac la yiraahdo waa wax meesha ku jira,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladnimada Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay bad-baado, si aan dib loogu noqon colaado & dagaallo sokeeye.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho uu ka socda shirka wada-tashiga Afisyoono oo looga hadlayo doorashooyinka, kaas oo ay soo qaban qaabisay beesha caalamka, walow aysan shalay ka qeyb-gelin Axmed Madoobe & Siciid Deni.

Toogasho lagu dilay dilay dad badan oo ka dhacday Mareykanka (Faah-faahin)

0

Washington (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gudaha dalka Mareykanka, kadib markii uu nin hubeysan weerar toos ah ku qaaday suuqa King Soopers ee magaalada Boulder oo ka tirsan gobolka Colorado.

Weerarka ayaa waxaa xigay iska hor imaad qaatay saacad, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Booliska iyo ninka weerarka geystay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah askari ka tirsan ciidamada ammaanka, sida uu shaaciyey Maris Herold oo ah taliyaha Booliska magaalada Boulder.

Booliska ayaa goor dambe soo afjaray weerarkan oo si toos looga daawanayey Youtube-ka, waxaana gacanta lagu dhigay nin dhaawac ah oo lagu tuhmayo toogashadaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis oo u warramay warriyeyaasha ayaa sheegay inay murugada la qeybsanayaan dadka gobolka ee dhibaatadu gaartay.

Kadib dhacdan ayaa waxaa si toos ah loola wadaagay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaas oo looga warbixiyey toogashada ka dhacday gobolka Colorado.

Bilihii u dmabeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada toogashada ah ee ka dhacaya wadanka Mareykanka, waxaana arrimahan ay kusoo aadayaan, iyadoo bishii hore, Biden ballan qaaday in uu sameyn doono sharci lagu baarayo taariikhda dadka iibsanaya hubka.

Xog: Ciidamadii ay DF ka dejisay gobolka Gedo oo bilaabay howl-galo culus

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo dhawaan laga dejiyay gobolka Gedo ayaa waxay qeybo kamid ah gobolkaas ka bilaabeen howl-gallo cusub.

Ciidamadaan oo badanaa ka tirsanaa Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxay howl-gal ka bilaabeen deegaano hoostaga degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo shalay ay safar dhanka dhulka ku tageen.

Howl-galadda ayaa waxa lagu beegsanaya dagaalyahanad Al-Shabaab, kuwaasi oo mararka qaar weeraro ka deegaanada, sida uu sheegay Taliyaha howlgelinta Gobolada Jubbooyinka ee dowladda Soomaaliya.

Bakaal Kooke oo howl-galada ciidanka hoggaminaya ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sugida amniga iyo ka hortegida weerarada Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in howl-galada ka dhanka ah Shabaab aysan joogsaneyn marnaba, illaa laga sifeynayo deegaanadas, oo laga xaqiijinayo amniga dhamaan tuulooynka hoostaga degmada Beled-Xaawo.

Deegaanadda ku teedsan Beled-Xaawo ayaa waxa mararka qaar ka dhaca weeraro kala duwan oo ay fulinayeen dagaal-yahaanada Shabaabka.

Howl-galkaan ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyay laga deyrinayay Ciidamo hor leh oo ay dowladda geysay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, xili ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed.

Sawirro: BIIXI oo qaatay tallaalkii ugu horreeyey ee COVID-19 ee Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Covid-19 oo Somaliland ka bilowday, wuxuuna si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka Covid-19.

Munaasibadda Daah-furka ololaha tallaalka oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qeyb-galay madaxweynaha, Guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-qaran, xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaal guud, kuwaas oo dhammaantood qaatay tallaalka Covid-19.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay munaasibadan ayaa dhamaantood waxay bulshada ku booriyeen inay qaataan tallaalka, si ay uga badbaadaan Aafada xanuunkani leeyahay iyo halista uu noloshooda u leeyahayba, sidoo kalena waxay shacabka ugu baaqeen inay u dhago nuglaadaan tallaabooyinka caafimaad.

Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay daah-furka tallaalka ayaa sheegay inuu si rasmi ah u bilaabmay, laguna  saleeyey qaadashadiisa qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay oo ay kaalinta koowaad leeyihiin dadka u nugul cudurkaas.

“Maanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba,” ayuu yiri.

“Tallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqdona malaha, marka lagu durayana dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh”.

Ugu dambeyntiina madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka Somaliland ku dardaaray qaadashada tallaalka, isaga oo meesha ka saaray cabsida laga muujinaya tallaalkaan oo toddobaadyadii u dambeeyay soo gaaray dalka.

XOG: Dhallinyaro rabtay in loo qoro ciidanka Somalia oo lagu dilay xerada Turksom

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la dilay ugu yaraan 2 wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa 500 oo dhallinyaro ah shalay tagay xerada Turksom ee Muqdisho. 

Dhallinyaradaan ayaa rabay in ay kamid noqdaan ciidamada Soomaalida ee uu tababaro Turkiga, waxaana la sheegay in laga qaatay 200 oo kamid ah dhallinyaradii tagtay goobtaas. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in dhalinyarada soo hartay oo gaaraya in ka badan 300 oo qof ay gadoodeen, islamarkaana ay isku dayeen in ay xoog ku galaan xerada Turksom si loo tababaro, waxaana kadib rasaas ku furay ciidankii ilaalada ka ahaa Saldhigga Turksom ee Muqdisho. 

Marka laga reebo geerida labada qof, waxaa sidoo kale dhaawacmay dad ka badan shan qof oo kale, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyada xogtan nala wadaagay.

Saraakiisha Turkiga iyo dowladda federaalka kama hadlin dhacdadan.  Caasimada Online oo xiriir la sameysay dowladda way ka gaabsatay, halka Turkish-ka aan heli weynay.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta shaqo la’aan xoog leh waxeyna dhallinyarada muddooyinkii ugu dambeeyay buux dhaafiyeen goobaha ciidamada laga qoro ee Muqdisho, si ay u helaan shaqo iyo nolal dhaanta tan rajo la’aanta ah. 

Biden ‘oo ka niyad jabay’ tallaabo uu qaaday Erdogan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu yeeray ka-bixitaanka Turkey ee heshiis caalami ah oo looga gol leeyahay in looga hortago rabshadaha ka dhanka ah haweenka “mid si aad ah looga niyad jabo.”

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku sheegay in ka bixitaanka Turkey ee Axdiga Istanbul uu ahaa “mid deg deg ah oo aan loo qiil dayin.”

“Tani waa tallaabo qalbi jab leh oo dib loo qaaday oo ku aadan dhaq-dhaqaaq caalamiga ah oo lagu soo geba-gebeynayo rabshadaha ka dhanka ah haweenka,” ayuu yiri Biden.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa soo geba-gebeeyey ka mdi ahaanshaha Turkey ee heshiiska Golaha Yurub kadib warqad uu soo saaray Sabtidii.

Dikreetada madaxweyne ee kasoo baxay madaxtooyada Turkey ayaa lagu sharxay in go’aanka Ankara uu ka dhashay in heshiiskan loo isticmaalayo in lagu ilaaliyo xuquuqda bulshooyinka la isku yiraah LGBT, oo ay ka mid yihiin kuwa aaminsan inay is-guursan karaa dadka isku jinsiga ah.

“Axdiga Istanbul, oo markii hore loogu talo-galay in lagu ilaaliyo xuquuqda haweenka, ayaa waxaa afduubtay koox isku dayeysa inay caadiyeeyaan is-guursiga dadka isku jinsiga ah, taasi oo aan waafaqsaneyn qiyamka bulsho iyo midda qoys ee Turkey, sidaas darteed waan ka baxnay heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Turkey ayaa aheyd dalkii ugu horreeyey ee saxiixay Axdiga Istanbul, oo sita magaca magaalada ugu weyn dalkaas.

AP + VOA

Maamulka G/Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka isku khilaafsan qeybinta tallaalka COVID-19 – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ay isku khilaafeen bixinta Tallaalka cudurka saf-marka ah ee Covid-19. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qorshaha markii hore ahaa in dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir laga sameeyo rugo laga qaato Tallaalka balse ay qorshahaasi isku fahmi waayeen maamulka gobolka iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. 

Lama hubo sababta ka dambeysa hase yeeshee waxaa soo baxaya in khilaafkan uu salka ku hayo arrimo dhaqaale iyo macaash la sheegay in la aaminsan-yahay in laga sameyn doono tallaalkaan oo loogu talagalay in si lacag la’aan ah loo qeybiyo. 

“Khilaaf culus ayaa jiro oo u dhaxeeya gobalka iyo wasaaradda waana sababta loogu diiday in la siiyo gobalka adeegaan muddo maalmo ah oo uu yaalo dalka,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online. 

Tobaneeyo qof ayaa maalintii cudurkaan ugu geeriyada Muqdisho, waxaana goobaha tallaalka laga helo ilaa hada ay tahay ugu badnaan 3 xarun oo markii hore goob karantiil oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.  

QM oo muujisay inuu dib u dhacay shirkii Afisyoone, soo jeedisay talo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maanta la sheegay inuu ka furmay Xalane loo badeli doono wada-tashiyo aan rasmi aheyn oo sii socon doona maalmaha soo socda.

Sida ku cad qoraalkaan, waxaa dib u dhacay shirkii caadiga ahaa ee lagu waday inuu furmo Isniinta maanta, waxaana maalmaha soo socda sii soconaya wadahadallo gaar ah oo la isugu soo dhaweynayo madaxda, si ugu dambeyn ay heshiis uga gaaraan khilaafka hareeyey doorashada dalka.

“QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo goordhaw lagu baahiyey twitter-ka xafiiska QM ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo galabta warbaahinta kula hadlay teendhada Afisyooni ayaa sheegay inuu furmay shirka looga hadlayo khilaafka doorashada, balse furitaankiisa aysan ka soo qeyb gelin madaxda Jubbaland iyo Puntland, isagoo ka codsaday inay ku soo biiraan shirka.

Maxaa dhici kara haddii Deni iyo A/Madobe ka qeyb-geli waayaan shirka Afisyoone?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe waxaa maanta Teendhada Afisyoone ka furmay shirka looga hadlayo khilaafka doorashada, kaas oo furitaankiisa aysan ka soo qeyb gelin madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Haddaba maxaa dhici kara haddii madaxda Puntland iyo Jubaland ay ka baaqdaan shirka?

Su’aashaas iyo kuwo kaleba waxaa la hor dhigay Jibriil Cali Aw Maxamed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka oo ay wareysatay BBC.

“Haddii ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ka baaqdaan shirkan waxaa dhici kara in ay doorashadu sii jiitanto, murankanina uu sii daba dheeraado,” ayuu yiri Prof. Jibriil Cali.

Isagoo sii halaayey ayuu yiri,”Maadaama ay madaxda Puntland iyo Jubaland dhagaha ka fureysteen baaqii madaxweyne Farmaajo, Beesha Caalamka ayaa hadda u heellan inay shirka soo fariisiso, heshiisna lagu gaaro in la hirgeliyo doorashadii lagu heshiiyay bishii September, 2020.”

Prof. Jibriil ayaa rajo ka muujiyey in khilaafka doorashada uu ugu dambeyn kusoo biyo shuban karo is afgarad dhinac walba ah.

“Waxaan rabaa inaan Umadda Soomaaliyeed u sheego dalkan Soomaaliya waxa hadda wadahadlaya waa siyaasiyiin dano ka wada murmaya, oo aan xabad iyo hub isu wadanin, arrintaasna waa guul, shacabka Soomaaliyeed-na ma dirirsana. Dowladana nagu xeeran markaad eegto, dhammaantood dhibaatadaas ayey wada qabaan, Itoobiya waad ogtahay in aysan doorashadii ka dhici, dalka Kenya isagana doorashadii ugu dambeysay intay maxkamaddu burburisay ayaa mar kale lagu celiyay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay dhibkaan siyaasadeed iyo is qabqabsigaan uu ka jiro guud ahaan caalamka, gaar ahaan mandaqaddan ay Soomaaliya ku jirto ee Geeska Afrika.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horay walaac uga muujiyay ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo, waxayna soo bandhigeen shuruudo hor leh, si ay ugu biraan shirkan u furmay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada taabacsan.

Maxey ahaayeen diyaaradaha militari ee maanta kasoo degay garoonka Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faah-faahino laga helayaa diyaarado dagaal oo la sheegay in laga leeyahay dalka Turkiga oo maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in diyaaradahaas dagaal ee Turkiga laga leeyahay ay saanad Militari u wadeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha aan xogta ku helnay iney wadeen waxaa ka mid ah gaadiidka culus ee dagaalka, oo ay ku jiraan Dabaabbado, hubeedka nuucyadiisa kala duwan oo aan ka gudbeynin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Hubkaan iyo gawaaridaan gaashaaman oo maanta lasoo gaarsiiyay Muqdisho, waxaa la sheegay iney isticmaali doonaan cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor, ee Turkiga uu u tababaray dowladda federaalka Soomaaliya.

Maalmahii ugu dambeeyay  in ka badan 1000 (kun) askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya, kuwaas oo tababar kusoo dhameystay dalkaas.

Wararka qaar ayaana sheegaya in 1500 askari kale laga qaaday Muqdisho kuwaas oo la doonayo in lagu soo tababaro dalka Turkiga.

DF oo war kasoo saartay shirka halka dhinac ah ee maanta ka furmay Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta kula hadlay xerada Afisyoone oo lagu ballansanaa inuu maanta shir uga furmo madaxda maamul goboleedyada, madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, balse dhinacyada qaar ay soo xaadiri waayeen.

Shirkaan ayaa waxa ka qeyb-galay ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirkii uu maanta furay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu soo idlaaday wajigiisi koowaad goordhoweyd, kaasi oo ahaa furitaanka Shirka oo ka qabsoomtay hoolka Afisyoone saaka subaxdii, ayada oo ay ka maqan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu sii socon doono, si dalka uu u aado doorasho, isagoona ugu baaqay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xaadiraan shirarka dambe ee madaxdu iskugu imaaneyso.

“Waxay ujeedadiisu aheyd sii ambo-qaadista sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii 17-kii September ee Muqdisho iyo 16-Kii Fabraayo ee Baydhabo ee ay soo diyaariyeen guddigii Farsamo. Waxaa dhamaan kasoo qeyb-galay qeybihii la casuumay ee madaxweynaha, marka laga reebo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland madaxdooda,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey “Shirka wuu sii socon doonaa ilaa berito, waxaana rajeyneynaa in madaxda maqan ay berito kusoo biiraan shirka hadii alle raali ka noqdo.”

Dubbe ayaa carabka ku adkeeyay in Farmaajo uu diyaar u yahay wada-hadal, islamarkaana uu maanta dhan xaadir ka ahaa goobta shirka, kaasi oo ay ka maqnaayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay rajo ka qabto in labada madaxweyne ee maanta aan imaanin shirka ay kasoo qeyb gali doonaan, walow ay jiraan warar quus istaajinaya rajo walba oo laga qabay maadaama lasoo warinayo iney wataan shuruudo badan oo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo horay uga biyo diiday.

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ka madax adeygayaan ka qeyb-galka shirka Afisyoone, maadama ay kasoo horjeedan Farmaajo oo ay ka dhamaatay muddo xileedkiisa sharciga ah iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday.

Mahad Salaad oo fasiraad cajiib ah ka bxiyey imaatinka FARMAAJO ee Afisyooni

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn u diidan madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka sameeyay imaatinkiisa teendhada Afisyooni oo la damacsanaa inuu maanta ka furmo shirka arrimaha doorashooyinka.

Farmaajo ayaa maanta wakhti hore soo xaadiray teendhada Afisyooni oo ah aagga garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde, waxaana hogaaminayay kolonyo gawaari gaashaaman ah oo ay dadka siyaabo kala duwan fasiraad uga bixiyeen.

Mahad Salaad oo qoraal uu macno kale ugu yeelayo imaatinka Farmaajo ee teendhada wuxuu sheegay inuu dib ugu soo laabtay halkii lagu doortay Afar sano ka hor iyadoo aan lagu heshiin arrimaha doorashada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in imaatinkiisa uu yimid xilli ay maamullada dalka ay kala irdhoobeen, sidoo kalana uu galay dambiyo dagaal sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas sii raaciyay in markii la doortay ay ciidamo Soomaali ah ilaalinayeen balse ay maanta garbahiisa joogaan AMISOM oo dadka ka ilaalineysa.

Hadalka Mahad Salaad oo waxyaabo gaar ah ku qotomay wuxuu kaloo ku sheegay in qabkii iyo buuloxuuftadii lasoo waday mudadii uu sida sharciga ah ku joogay Villa Soomaaliya ay soo dhamaatay.

“Teendhadii 4 sano kahor lagu doortay isagoo Ciidamo Soomaaliyeed amnigiisa ilaalinayaan ayaa maanta la soo dhex fariisiyay isagoo MW muddo xileedkiisu dhamaaday ah, doorasho heshiis lagu yahana aysan jirin” ayuu soo qoray Xildhibaan Mahad Salaad.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hadana yiri: “Maamuladii dalka ay kala irdhoobeen. Dambiyo dagaal galay. Amisom amnigiisa ilaalinayso, dadkana ka ilaalinayso. Qabkii beenta ahaa iyo buuloxuuftadii 4 sano jirsatay ee Farmaajo soo maanta halkaas kuma harin?!”

Hadalka Mahad Salaad ayaa kusoo aaday xilli madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qarka u saaran yahay inuu ka fashilmo shirkii shanaad oo uu ku baaqo, iyadoo maanta ay soo xaadireen kaliya maamullada uu taageerada ka heysto ee saddexda ah.

Xog: 6 qodob oo xasaasi oo ay dalbanayaan Deni iyo A/Madoobe si shirku u furmo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyo madaxweynayaashii hore ee dalka oo ku mideysa Madasha Badbaado Qaran ayaan kasoo qeyb-gelin shirka Afisyoone ee beesha caalamak ay garwadeenka ka tahay, ayada oo shirka ay tageen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada taabacsan.

Saakay, Farmaajo iyo saddexda maamul ee taabiciyiinta ah ayaa tagay Afisyooni waxeyna ku yeesheen shir la mid ah midkii ay xalay ku yeesheen Villa Somalia, maadaama aysan soo xaadirin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo goor sii horreysay oo xalay aheyd sheegay iney saluugsan yahiin ajandaha shirka, lana rabo in la marin habaabiyo waxa la rabo in laga hadlo.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in xubnaha ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto afar qodob ka hor inta aanu shirku billaaban, kuwaasi oo kala ah:

1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba.

2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada.

3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo.

4 – In laga tala-geliyo Ajandaha shirka oo xalay shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Deni. 

5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February.

6 – In wada-hadallada shirka laga qeyb geliyo Mucaaradka iyo Aqalka Sare si xal loogu helo dhamaan tabashooyinka Soomaaliya. 

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamullada taageersan waxey xalay ku heshiiyeen in shirka lagu soo koobo kaliya natiijadii kasoo baxday shirarkii labada maalin ee guddiga farsamada ku yeesheen Baydhaba 15-kii iyo 16-kii February.

Sidoo kale waxey isla garteen in xubno ka socda midowga musharaxiinta aan loo ogolaan iney talo ku yeeshaan waxa lagu heshiinayo, walow qudbado la siiyay madaxweynayaal hore sida ku cad ajandaha

Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday wuxuu doonayaa in shirka dhan lagu soo koobo wixii la isku diiday shirkii Dhuusamareeb 4 oo ay ka mid ahaayeen arrinta gobolka Gedo, Guddiyada Doorashada iyo arrinta Somaliland.

Dhanka kale labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo ku lamaanan midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka gudoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxey doonayaan in laga hadlo ka hor shirka qodobadaan soo socda:

Wararkii ugu dambeeyey ee shir xasaasi ah oo u socda Madasha Badbaado Qaran

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar madax bannaan oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madasha Badbaado Qaran oo dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho ay shir ku leeyihiin gudaha xerada Xalane, lana filayo iney la hadlaan saxaafadda.

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yahiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland (Axmed Madoobe) iyo (Saciid Deni) oo ay ku lamaanan yahiin midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu horkacayo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, waxeyna gabi ahaan kasoo horjeesteen shirka uu ku baaqay Farmaajo ee saakay ay soo xaadireen maamullada taageersan dowladda iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday.

Warbaahinta madaxa bannaan ayaa looga yeeray xarunta uu shirka uga soconayo madasha Badbaado Qaran sida ay ilo wareedyo halkaas ku sugan sheegeen, waxeyna doonayaan iney saxaafadda la hadlaan kana hadlaan waxa ku saabsan shirka teendhada Afisyooni iyo waxa ay ku diidan yahiin.

Puntland ayaa xalay war qoraal ah oo ay soo saareen ku diiday ka qeybgalka shirka la sheegay inuu ka dhacayo teendhada Afisyooni maadaama sida ay sheegeen aysan ku qancin ajandaha Shirka oo xalay baraha bulshada lasoo dhigay.

Diidmada Puntland iyo Jubbaland ayaa imaaneysa xilli beesha caalamka iyo dowladda Mareykanka ay shalay si adag ula hadleen hogaamiyayaasha Soomaalida, waxaana muuqata in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay si adag u diidan yahiin shir ay sheegeen iney marin habaabineyso Villa Soomaaliya.

Waxaa jira qodobo badan oo la isku diidan yahay ka hor inta uusan furmin shirka, waxaana laga yaabaa iney saxaafadda uga warbixiyaan waxyaabaha ay ku diidan yahiin ka qeybgalka shirka teendhada Afisyooni.

Wixii warar ah ee kasoo kordha shirkaas, Caasimadda Online kala soco.

Villa Somalia oo war kasoo saartay shirka Afisyooni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay shirka wada-tashiga ee Afisyooni, kaas oo u dhexeeyo dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaaliya uu guddoomiyey kulan gaar ah oo hordhac u ah shirka qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka.

Sida lagu shaaciyey qoraalka waxaa shirkan ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawqe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Villa Soomaaliya laguma soo hadal qaadin madaxda Jubbaland iyo Puntland oo aan weli tegin hoolka Afisyooni oo uu shirku ka dhacayo.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadaasi hoggaamiye oo si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka cabanayaan hannaanka loo maray shirkan oo ah mid xasaasi iyo ballamo ay sheegeen in looga baxay.

Si kastaba arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka xoogan ee hareeyey doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.

Kulan ay ka maqnaayeen A/Madoobe iyo Deni oo ka dhacay Afisyoone + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, madaxda maamul goboleedyada dalka ee taabacsan & guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray Teendhada Afisyoone oo uu maanta ka dhacayo shir looga hadlayo is mari-waaga doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu shirku ka dhacayo aysan weli tegin madaxda Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan xeyndaabka Xalane, kuwaas oo si weyn  uga soo horjeedo hannaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in madaxweye Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu guddoomiyey kulan horudhac ah oo ka dhacay Afisyoone, kaas oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha, hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo duqa magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ahaa mid horudhac u ah shirka maanta ka dhacaya Afisyoone ee ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, islamarkaana looga arrinsanayo doorashooyinka.

Shirkan oo ah mid isha lagu wada hayo ayaa waxaa amnigiisa sugayo ciidamada AMISOM oo damaanad qaaday, maadaama uu jiro kala shaki weyn.

Si kastaba shirkan ayaa ka duwan shirarkii hore, maadaama diyaarintiisa & qabashadiisa ay leedahay beesha caalamka oo cadaadis saareyso dowladda & dowlad goboleedyada dalka.

DF SOMALIA oo jawaab ka bixisay hadalkii Siciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ee ahaa in ciidamo la dul-dhigay, kuwaas oo uu tilmaamay inay gudaha u galeen garoonka Aadan Cadde.

Wasiir Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin ciidamo la geeyey garoonka diyaarada magaalada Muqdisho, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah.

Dubbe ayaa sidoo kale xusay in madaxweyne Deni si qaldan wax loogu sheegay, maadaama isaga uusan banaanka u soo bixin, sida uu hadalka u dhigay.

Cismaan Abuukar Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inuu xiriiro la sameeyey taliyeyaasha ciidamada, islamarkaana ay u xaqiijiyeen in aan ciidamo la geyn garoonka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, kuna kalsoonaadaan dowladdooda iyo wada-hadallada socda ee xal-raadinta ah.

Ugu dambeyn wuxuu digniin u diray dad uu sheegay inay leeyihiin dano gaar ah, islamarkaana ay iska horkeenayaan ciidamada iyo madaxda Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, kadib wareysi uu Siciid Deni siiyey BBC-da, kaas oo uu ku sheegay in lagu soo weeraray xerada Xalane, islamarkaana lasoo galiyey ciidamo daacad u ah madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Riwaayad laga sameeyay FARMAAJO oo qasbatay baraha bulshada (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacadahii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada heystay riwaayad laga sameeyay xaaladda dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warbaahinta Universal TV ayaa todobaadkaan sii deysay muuqaal aad ugu baahay baraha bulshada, waa qeyb ka mid ah sheekooyinka isbuuclaha ah oo ay soo daayaan.

Sheekada Guuxa Dadweynaha ayey qeyb ka aheyd, waxaana qeybtaan loogu magac daray, Dalkaan haloo daneeyo, Hadii Kale..”. Riwaayadaan waxaa hormuud u ah nin dab wata kaas oo wixii talo ahaa inta diiday, xalka uu noqonayo iney la hadlaan beesha caalamka iyo UN-ka, taasoo si cad ay ugala jeedaan Farmaajo.

Muuqaalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli beesha caalamka ay cadaadis xoog badan saareyso hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya, waxaana qoraalkii ugu dambeeyay oo maanta soo baxay lagu sheegay wada fariistaan kana heshiiyaan arrimaha doorashooyinka dalka.

HALKAAN KA DAAWO:

Maxaa kasoo baxay kulankii FARMAAJO iyo madax goboleedyada taabacsan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo sidoo kale madax goboleedyada la safan, kaas oo xalay saq-dhexe ka qabsoomay xarunta Villa Somalia.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynayaasha kala ah Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in hoggaanka Villa Soomaaliya & dhinacyada kale ee la safan ay ka wada-hadleen shirka lagu wado in saacadaha soo socda uu ka furmo Afisyooni.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinacyadan ay diiradu saareen sidii ay ajendi ay ku mideysan yihiin ula tegi lahayeen shirkan oo ah mid xasaasi ah, loogana arrinsanayo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Dhankooda madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & musharraxiinta mucaaradka ayaa iyaguna yeeshay kulamo horudhac u ah midka maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeyndaabka Xalane, kaas oo ay garwadeen ka tahaya beesha caalamka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana isha si aad ah loogu hayaa shirka ka dhacaya Teendhada Afisyoono, kaas oo ay amnigiisu la wareegtay AMISOM.