25.6 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Norway oo qoraal culus soo saartay: DF waa inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa qoraalkii ugu adkaa kasoo saartay khilaafka doorashada Soomaaliya, ayada oo si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg deg u wareejiso.

“Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalak Norway.

Dowladda Norway waxay sheegtay in waddo guul leh oo horey loo qaado ay u baahan tahay hoggaamiyeyaal dhiiranaan leh oo raadi tanaasul. 

Qoraalka kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho ee lasoo dhigay twitter-ka, ayaa ah kii adkaa ee mid ka mid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, xilli inta badan dalalka kale ee Reer Galbeedka lagu eedeynayey inaysan runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale sii cusleynaya in Norway ay tahay dalalka ugu badan ee lacagta ku bixiya Soomaaliya, islamarkaana taageera dowladda federaalka.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada la la’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay sheegeen inay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto.

Waare: Farmaajo wuxuu nolol u ogol yahay hal cid kaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si dhab ka hadal ah uga hadlay arrimaha ka taagan dalka, wuxuuna walwal ka muujiyay meesha dalka loo wado xilli uu wareysi siinayay barnaamijka Hanoolaato.

Waare ayaa sheegay in madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan rabin Federaal, taasina ay tahay mid uusan qarsan, wuxuuna ku eedeeyay iney kaliya doonayaan dad siyaasadooda taageersan iney kaliya noolaato.

“Dowladda ma qariyaan waxey rabaan, ma rabaan system-ka Federaalka,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo la hadlayay wariye Ayaanle Xuseen Cabdi iyo barnaamijka Hanoolaato.

Madaxweynahii hore wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ee ay dooneyso iney dalka ku maamusho sida kacaankii iyo kaligii talisnimo, isagoo daliil usoo qaatay ineysan marnaba raali ka aheyn cid aan ayaga aheyn iney taliso, mana rabaan in xal laga gaaro doorasho iyo wax la mid ah.

“Wadada aan qaadeyno ma tahay mid sharci ah, hadii aad xisbigaan ka tirsan tahay kaliya ayaad noolaaneysaa, hadii kalana noolaan meysid,” ayuu yiri Waare, oo sheegay in cidda kaliya ee Farmaajo wax u ogol yahay tahay kuwa isaga raacsan.

Dhanka kale isagoo ka hadlayay is mari-waaga ka taagan shirka arrimaha doorashada oo hal dhinac kaliya maalintii labaad Muqdisho uga socdo wuxuu sheegay in hadii la heshiin waayo ay beesha caalamka talin doonto.

“Hadii shirka socda guuleysan waayo, xalna laga gaari waayo, warkeyga meel ku qoro Soomaalida talo dambe dib loo weydiin maayo, hadii aad is leedahay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe wey iska laabanayaan, Farmaajana waa joogayaa, riyo ayaad ku jirtaa, hadii aan tashan weyno, waa naloo talinayaa” ayuu yiri Waare.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO BARNAAMIJKA:

Xog: 10 qof oo dil wadareed loogu geystay gobolka Gedo 

Luuq (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen odayaasha deegaanka, ciidanka ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Isniintii toogasho ku dilay ugu yaraan 10 qof oo ah dad xoolo dhaqato iyo reer guuraa ah.

Dadka la dilay ayaa laga soo kaxeeyay degaan lagu magacaabo Fadhi-weyne oo ka tirsan degmada Rabdhuurre ee gobalka Bakool, waxaana lagu dilay degaanka Garayaale oo ka tirsan degmada Luuq ee gobalka Gedo. 

Lama oga sababta dadkaan loo dilay, hase waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidanka New Police ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya sheegeen in ay degaanada xuduudda ah ka sameynayaan hub ka dhigis dadka maleeshiyaadka ah. 

Ciidanka dil wadareedka geestay ayaa la sheegay in ay kaxeysteen dad ka badan 20 qof, kuwaas oo hada ku xiran tuulo ku taalo xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana lagu soo warramayaa in qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus. 

Odayaasha degaanka ayaa dowladda Soomaaliya, maamulada Koonfur Galbeed iyo Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ka dalbaday in arrintaan si deg deg ah wax looga qabto. 

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed iyo kan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidanka New Police ayaa muddooyinkaan kordhiyay dhibaatooyinka ay ka geysanayaan degaanada Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Askar ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas bartilmaameedsaday askar Boolis ah oo ilaalo ka heysay isgoyska Siinaay.

Wararka ayaa sheegay in ragga hubeysan oo goobta isaga baxsaday ay dileen ugu yaraan 2 askari, ayna dhaawaceen mid kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableyda weerarka fulisay ay horey u sii qaateen qoryaha ay wateen askarta ay toogashada ku dileen.

Goor dambe waxaa sidoo kale meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal qorsheysan, weeraro & qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Mandheera

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya ismaamulka Mandheera ayaa sheegaya in qarax nooca loo yaqaano miinada ee dhulka lagu aaso uu ka dhacay tuulada Koromey ee ismaamulkaas, kaasi oo la kacay Gaari Bas ah oo rakaab badan siday.

Gaariga uu qaraxu haleelay ayaa ugu horeyntii rakaab badan ka qaaday deegaanka Lafey, wuxuuna ku wajahnaa magaalada Mandheera, sida ay sheegen laamaha amaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa haleelay gaariga baska ah ay ku geeriyoodeen labo qof, halka ay ku dhawaacmeen 10 qof oo kale oo kamid aheyd rakaabkii saarna gaarigaas.

Rono Bunei, Taliyaha Booliska ee ismaamulka Mandhera oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadkii ku dhaawacmay qaraxan miino la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Mandheera si xaaladooda caafimaad usoo kabato.

Sidoo kale waxa uu xusay inay baaritaan ku bilaabeen dhacdadan, ayada oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn cida ka dambeysa, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyada qaraxaas oo aheyd miino dhulka lagu aasay.

Qaraxyada noocan ah ayaa inta badan waxa fuliya kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo marar dhowr ah qaraxyo miino ka fuliyey deegaano hoosta gobolka waqooyi bari.

Xoghayaha guud ee QM oo farriin culus u diray Farmaajo iyo madax goboleedyada

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa sheegay inuu si qoto dheer uga walaacsan yahay is-mari waaga siyaasadeed ee ku aadan qabashada doorashooyinka Soomaaliya.

“Is-mari waagan waxa uu halis muuqata ku yahay xasilloonida dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, oo markii horeba wajahayey xaalado bani’aadannimo iyo kuwa amni oo halis badan,” ayuu António Guterres ku yiri qoraal uu soo saaray. 

Guterres ayaa ku booriyey hoggaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay deg deg wada-hadallo u yeeshaan oo ay qabtaan shir madaxeedka la qorsheeyeey [ee Afisyoone] ayaga oo aan shuruudo ku xirin, si ay u xaliyaan khilaafkooda ku aadan hananaka doorashada una gaaraan heshiis horey loogu dhaqaaqo.

Waxa uu sheegay inuu soo dhoweynayo sida ay hoggaamiyayaasha Soomaalida uga go’an tahay hanaanka doorasho ee September 17, wuxuuna ugu baaqay inay deg deg isugu raacaan fulintiisa, iyo qabashada doorasho ayada oo aan dib loo dhigin.  

Xoghayaha guud ayaa mar kale ku celiyey in QM ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto nabadda, xasilloonida iyo baraaraha. 

KENYA oo shaacisay inay laba todobaad kadib xireyso Dhadhaab iyo Kakuma

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay al-baabada isugu dhufaneyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalkaasi oo tan iyo burburkii kadib ay daganaayeen boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah.

Kenya ayaa qoraal xasaasi ah oo ay soo saartay u dirtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNHCR, si ay labo todobaad gudahood ugu xirto xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma oo ka mid ah xeryaha qaxootiga adduunka ugu weyn.

Warqadda kasoo baxday dowladda Kenya ayaa waxaa wakiilka hay’adda UNHCR u fadhiya Nairobi u gudbiyey wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Fred Matiang, kaas oo la socod-siiyey go’aanka ay dowladdiisu ku xireyso gabi ahaan xeryahaasi qaxootiga ah.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay inay go’aankeeda u cuskaneyso walaaca ay ka muujisay khataraha weeraro laga soo abaabulo halkaasi oo Al-shabab ay ka fuliyaan dalkeeda.

Kenya ayaa wacad ku martay haddii labo todobaad ay dib uga dhacdo UNHCR, iyadoo aan wax tallaabo ah qaadin ay qaxootigaasi dib ugu celin doonto dalalkooda.

Dhadhaab iyo Kaakuma ayaa waxaa haatan ku nool in ka badan illaa 500,000 oo qoys oo qaxooti Soomaaliyeed ay ku jiraan, kuwaas oo laga cabsi qabo inay hoy la’aan  noqdaan, haddii aysan wax tallaabo ah qaadin ha’yadda QM ee qaxootiga UNCHR.

Si kastaba go’aanka ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee dalkaasi ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan uusan wanaagsaneyn xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

IGAD oo war kasoo saartay is-mari waaga u dhaxeeya madaxda Soomaalida

0

Djibouti (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD oo war ka soo saaray khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uusan u qabsoomin sidii loogu talagalay.

“IGAD waxay ku boorineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka waantoobaan ficil kasta oo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadalka, loona sii xoojiyo ismari waaga siyaasadeed ee hada jira,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay IGAD.

Sidoo kale IGAD ayaa ku boorisay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dib ugu laabtaan dhabaha wadahadalka oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan isku tanaasul, iyadoo la tixgelinayo danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Danaha dadka Soomaaliyeed ayaa weli ah kuwa ugu muhiimsan, hoggaanka Soomaaliyeed-na waa inuu ka dhabeeyaa himillada shacabka ee ah in la helo doorasho nabdoon, loo wada dhanyahay, xor ah, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.

Ismari-waa xoog leh ayaa ka jira hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, waxaana si heshiis looga gaaro dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada la isugu keenay magaalada Muqdisho, balse weli caqabado hor leh ayaa ku hor gudban inay isi-soo hor fariistaan, oo heshiis ka gaaraan qodobada ay isku hayaan.

Beesha caalamka ayaa wada dadaallo aan kala joogsi laheyn, si heshiis guud ay doorashada uga gaaraan madaxda Soomaaliya, waxayna xubnaha beesha caalamku maalmihii iyo saacadihii la soo dhaafay soo saareen qoraalo canaan iyo tilmaamo isugu jiray.

Qoraalkii u dambeeyey ee lagula hadlay madaxda Soomaalida, waxuu ka soo baxay xafiiska Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxaana lagu yiri, “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin.”

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo qaraxyo lagula eegtay duleedka BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM qaraxyo nooca miinada ah lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Gololey oo hoostaga Balcad, iyada oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada marka ay dhaceen, kadib ciidamada AMISOM ay dhinacyada u fureen rasaas xoogan, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi ayaa shaaca ka qaaday inay gubtay labo gaari oo nooca gaashaaman ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM oo ku aadan weerarkaas qaraxyada loo adeegsaday.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliya wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Midowga Yurub oo ku hanjabay inuu tallabo ka qaadayo madaxda Soomaalida

0

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa war saxaafadeed uu goor dhaw soo saaray waxa uga hadlay khilaafka doorasho ee ka taagan Soomaaliya ee u dhaxeeyao madaxda Dolwadda Federalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Josep Borrell ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda Soomaaliya ku sugantahay.

Borrell ayaa madaxda Soomaalida u sheegay in loo baahanyahay hanaan doorasho oo hufan in lagu qabto sida ugu dhaqsiyaha badan. si xukunka la isugu wareejiyo hab nabdoon iyadoo la raacayo hergelinta heshiiskii doorasho ee 17-September.

“Heshiis la’aanta hadda taagan waxey dib u dhigeysaa xawaraaha is-beddella deg degga loogu baahan yahay, taasi oo dhaawaceysa muwaadiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub.

Dhanka kale waxa uu si adag ula hadlay hogaamiyeyaasha Soomaalida isagoo uga baaqay iney ka fogaadaan danta shaqsiyadeed, waxaana uu intaa ku daray kuwa diidan wadahallada ee ka shaqeynayana rasbhado ama dib u dhac in laga qaadi doono tallaabo ku haboon islamarkaana ay la kulmi doonaan caawiqabta ficilladooda.

“Marka mudnaanta shaqsiyadeed ay ka sarreyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa ceebeynaya naftooda si ay u metelaan muwaadiniintooda, kuwa wax u dhimaya wada hadalka ama ka shaqeynaya rabshadaha  waxaa laga qaadi doonaa tallab ku haboon waxeyna wajihi doonaan caawqibta waxa ay sameeyeen,” ayuu yiri Mr Josep.

Ugu dambeyntii waxa uu  u sheegay madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul Goboleedyada iney ilaaliyaan sharafta mas’uulyadda ay u hayaan umadda Soomaaliyeed islamarkana ay si deg deg ah ku qabtaan doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa Baarlamaan.

“Ma ogolin doorashooyin isbarbar socda, mid hal dhinac ah iyo mid aan loo dhameyn mana heli doonto taageeradeena,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Josep Borrell.

Waxaa marba marka ka sii dambeysa sii kordhaya cadaadiska Beesha Caalamka ay saareyso madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul Goboleedyada iyadoo ay xusid mudantahay in shirka uu Afisiyooni ka furmay balse ay ka maqan yihiin madaxda Puntland iyo Jubaland iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo lagu casuumay kuwaa oo wata shuruudo dhowr ah islamarkana ku mideysan Madasha Badbaado Qaran oo maanta shir uga furmay Hotel ku yaala xerada Xalane.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim
[email protected]
Xigasho: eeas.europa.eu
Muqdisho-Somalia      

Heshiiskii ay Baydhaba ku gaareen guddiga farsamo oo la shaaciyey (Aqriso xalka lasoo jeediyey ee 4-ta qodob)

Baydhaba (Caasimada Online) – 16-kii Febraayo, waxaa magaalada Baydhaba heshiis ku saabsan khilaafka doorashooyinka dalka ku gaaray guddiyo farsamo oo ka kala socday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo jeediyey qodobo xal u noqon kara is-mari waaga siyaasadeed ee dalka.

Heshiiskaas ayaan marnaba la shaacin, waxaana guddiga ay sheegeen inay u gudbinayaan madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, kuwaas oo marka ay saxiixaan heshiiska shaacin doona. 

Si kastaba, madaxda ayaan marnaba kadib kulmin, waxaana lasii kala fogaaday markii madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhammaaday ee Farmaajo uu awood ciidan u adeegsaday musharaxiinta mucaaradka iyo shacab dibad-bax nabdoon ka dhigayey Muqdisho.

Caasimada Online ayaa hadda heshay heshiiskii Baydhaba. Haddaba hoos ka aqriso heshiiska iyo waxyaabaha ku qoran.

WAR-MURTIYEED 

Guddi farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, loona xil saaray ka shaqaynta sidii xal farsamo loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskii 17 September 2020 ee qabsoomidda Doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 15 – 16 February 2021 Shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka Koonfur Galbeed.

Guddiga Farsamada ayaa si qoto dheer uga dooday sidii Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Federaalka ay ku qabsoomi lahayd muddo cayiman, si gaar ahna Guddigu waxay dood dheer iyo hogo-tusaalayn ka yeesheen tubta xal u helista caqabadaha qabsoomidda Doorashada iyo gaar ahaan fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu. Guddigu waxay diiradda saareen in ay xal farsamo ka diyaariyaan dhamaan qodobada khilaafku ka jiro si ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ugu sahlaan in ay is afgarad ka yeeshaan qabsoomidda doorashada Dalka.

Qodobada Shirka Guddiga Farsamada 

1. Cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer (SlElT iyo FIEIT).
2. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland
3. Khilaafka Gobolka Gedo
4. Hirgelinta Qoondada Haweenka
5. Jadwalka cusub ee qabsoomidda Doorashad

Shirka waxaa ka soo baxay: 

1. Guddiga doorashooyinka 

a) lyadoo la tixraacayo is af-garadkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee shirkii Dhuusamareeb ee 4-aad, waa in ciddii haysa magac ama magacyo cabasho laga qabo oo ka tirsan Guddiyada Doorashada (FlElT iyo SIEIT) ay u soo gudbiyaan Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka saxiixaan heshiiskaan.

b) Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto macluumaadka xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo macluumaadka wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2bari gudahood ah.

2. Somaliland 

Si waafaqsan talo soo jeedintii Madaxda Golaha Wadatashiga earanka ee shirkii Dhuusamareeb 5 February 2021 ee xallinta khilaafka Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Somaliland, Guddigu waxay soo jeedinayaan 

a) ln Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dib u celiyo 4 xubnood sl Guddoomiyaha Aqalka Sare ugu soo gudbiyo badalkooda muddo 5 maalmood ah laga bilaabo markii la saxiixo heshiiskaan. 

b) Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa soo gudbinaya 4 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maamulka kuraasta Somaliland (1 xubin Guddiga heer Federaal ah iyo 3 xubnood ee Guddiga StEIT).

3. Xal u helidda Gobolka Gedo 

Guddiga ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarka bulshada iyo dhaqaalaha. 

Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka waxay soo jeedinayaan tubta xallinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey.

a) ln Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo wada saaraan baaq nabadeed iyo xabad joojin Gobolka Gedo, loona cayimo ciidamada kala duwan baro ay ku sugnaadaan inta laga dhameystirayo dib u heshiisiinta Gobolka. Guddiga Dib u heshiisiinta ee ay soo magacaabeen Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa cayimaya baraha ay ku kala sugnaanayaan ciidamadaas si loo hubiyo xabad joojinta.

b) ln Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay ka maqan tahay Jubbaland ay u diraan Guddi dib u heshiisiineed Gobolka Gedo si ay u abuuraan jawi xasillooni amni ah, gogol xaarna ugu noqdaan dib u heshiisiin ballaaran iyo jawi lagu qaban karo doorashada Magaalada Garbahaarey. Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa Guddiga dib u heshiisiinta magacaabaya muddo 3 maalmood gudahood ah laga bilaabo markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan. 

c) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay wadatashi buuxa la yeeshaan bulshada Reer Garbahaarey si loo abuuro jawi ay ku qabsoomi karto Doorashada kuraasta taala Magaalada Garbahaarey.

d) Si loogu dhiso Degmada Garbahaarey maamul cusub oo dhex dhexaad ah, kana shaqayn kara isu soo dhaweynta bulshada ee dhanka siyaasadda, amniga iyo horumarka, waa in qaybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha qabaa’ilka deegaanka dega ay Guddiga dib u heshiisiinta u soo gudbiyaan magacyada shaqsiyaad qaadi kara masuuliyadda maamulka Degmada Garbahaarey. Madaxweynaha Dowladda ubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka ay Guddiga dib u heshiisiintu usoo gudbiyeen.

e) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta guud ahaan Gobolka iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey si horey loogu socdo magacaabista Maamulka Garbahaarey iyo qabashada Doorashada.

f) Si loo hubiyo amniga Doorashada, Guddigu waxay soo jeedinayaan 

I. ln AMISOM Police la geeyo Magaalada Garbahaarey si ay u hubiyaan amniga Magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashadu.

II. ln Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ih (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto.

g) ln Guddiga dib u heshiisiinta ay soo gudbiyaan qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, waana in hirgalinta qorshaha dib u heshiisiinta Gobolka lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah.

4. Qoondada Haweenka 

lyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2O2O ee xaqiijinta Qoondada Haweenka, lagana duulayo waaya aragnimada in tirada haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka aysan marna gaarin qoondadii lagu heshiiyey ee 30%, Guddiga Farsamadu wuxuu soo jeedinayaa 

1) ln Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay la yimaadaan ka go’naansho siyaasi ah oo ay ku xaqiijinayaan qoondada haweenka 30% ee labada Aqal.

5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada

lyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada hay’adaha Federaalka ee 202012021, Guddiga Farsamadu waxay soo jeedinayaan.

a) ln Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii heshiiskaan ay saxiixaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

b) Guddiga Doorashada heer Federaal (FlElT) ayaa soo saaraya jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada

c) Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SlElT) waxay diyaarinayaa jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal si loo dadajiyo hirgalinta doorashada.

Magacyada Guddiga 

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, wasiirka Dastuurka DFS
2. Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji, wasiirka waxbarashada DFS
3. Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland
4. Wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade, wasiirka warfaafinta Puntland
5. Wasiir XirsiJaamac Gaani, wasiiru dowraha Madaxtooyada Jubarand
6. Wasiir Mursal Maxamed Khariif, wasiirka caafimaadka Jubaland
7. Wasiir Cabdiwaayeel Maxamed Jaamac, wasiir Arrimaha Gudaha Galmudug
8. Wasiir Aadan Cismaan Xuseen, wasiirka boosta iyo isgaarsiinta Garmudug
9. Wasiir Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed
10. Wasiir Maxamed Abukar Cabdi, wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed
11. Wasiir Maxamed Cali Caadle, wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle
12. Wasiir Caasho Khaliif Maxamed, wasiirka Haweenka Hirshabelle
13. Guddoomiye Basma Caamir Axmed, Guddoomiye ku-xigeen Gobolka Banaadir
14. Xiireey Axmed Rooble, Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Daawo: Madasha Badbaado Qaran oo shir kale ka dhinac furtay shirka Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Badbaado Qaran ayaa maanta shir kale ka dhinac furatay shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar uga socda teendhada Afisyooni oo ku dhex taalla xarunta Xalane.

Goobta uu ka furmay shirkan waxaa kasoo muuqday madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, waxaana furitaankiisa hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ahna guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran.

“Maanta waxaa noo furmay shirka koowaad ee Madasha Badbaado Qaran, dalkeena dhibaato badan ayaa ka jirta, waxaana mudo dheer la isku soo heystay sidii dalka loogu qaban lahaa doorasho loo dhanyahay… waxaan u bahanay inaan tashano, oo la heshiiyo, si dalka looga badbaadiyo dhibaatooyinka ku raagay, dalkeenna waxaa jira abaaro, colaado iyo cudurro, hadii dowlad loo dhanyahay aannaa dhisana dhibaatooyinkaas kama baxeyno,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha oo ay garbihiisa taagnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif  ayaa sheegay in shirka maanta u furmay uu socon doono illaa heshiis fulintiisa lagu dhaqaaqi karo laga gaaro doorashada dalka.

“Dalka ayey Madashani u dhalatay, waxaana ku raja weynahay, in cid kasta ay dareemi karto dhibaatada dalka ka jirta, taas ayaana feker nooga bahan sidii aan uga bixi laheyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Hoos ka Daawo

Sawirro: DF oo gaadiid aan xabada karin ka dejisay Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhoweyd ay dowladda Soomaaliya ka dejisay degmada Doolow diyaarad siday gaadiidka aanay xabadu karin.

Gawaadhida laga dejiyay Doolow ayaa waxa garoonka degmadaas kula wareegay Guddoomiyaha degmada Doolow, Cali Faarax Mire, Taliye Bakaal Kooke iyo Taliyaha NISA ee degmadaas.

Si cad weli looma oga cida gawaaridaas ay u wado dowladda federaalka, waxayna kusoo aadayaan xili ay maanta soo baxday in Wasiirka amniga Jubbaland oo si weyn isku hayaan uu wada-hadal la furay dowladda, si heshiis looga gaaro xaalada dagaal ee ka taagan gobolka Gedo.

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa isagu shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo.

Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wada-hadallada socda lamid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada, isagoona meesha ka saaray inuu jiro wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallada ayaa waxa ay u dhexeeyaan saraakiil socota hay’adda NISA iyo xubno metalaya Janan, iyada oo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu ula heshiin lahaa dowladda dhexe, uguna soo noqon lahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka.

Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda federaalka waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

Ujeedka safarka uu wasiirka difaaca Talyaaniga maanta ku yimid Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana lagu warramayaa inuu dalka u yimid arrimo la xiriira ciidamada.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhaweeyay taliyaha ciidamada xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida la fahamsan yahay, Guerrini Lorenzo wuxuu u yimid Muqdisho inuu la kulmo xubnaha ugu sarreeya dowladda Soomaaliya, wuxuuna fariin ka wadaa dowladda Talyaaniga oo dooneysa iney ka qeyb qaadato tayeynta ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawineysay tayeynta ciidamada muddooyinkii ugu dambeeyay, waxeyna soo saartay cutubyo badan oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga kuwaas oo hadda u muuqda iney cudud weyn kusoo kordhiyee dowladda.

Si kastaba imaatinka wasiirka difaaca talyaaniga iyo arinta laga dhawaajiyay ee tayeynta ciidamada oo laga wadahadlo ayaa imaaneysa xilli mucaaradka ay walaac xoogan ka qabaan ciidamada Soomaalida ee la xoojinayo, maadaama ay u arkaan in dano shaqsi ah loo adeegsado, lana baalmaray habkii guud ee qaranimada.

Villa Somalia oo war kasoo saartay shirkii Farmaajo iyo xubnaha taabacsan + Sawiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada ayaa war kasoo saartay shirka Afisyoone ee looga hadlayo khilaafka doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho ee ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo iyagu ka horyimid hanaanka shirkaas iyo ajendihiisa.

Qoraalka Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehlinayaan ra’iisal wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

“Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda  ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xubnaha guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhiirrigeliyey xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka inay si daah-furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu meel xasaasiya marayo khilaafka doorashada, islamarkaana uu furmay shir ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, kaasi oo aysan qeyb ka aheyn madaxda Puntland iyo Jubbaland oo iyagu kasoo horjeeda guddiga iyo hanaanka doorashada ee dowladda dabada ka riixeyso.

Ururka MIDOWGA AFRIKA oo war kasoo saaray qeyb sanaanta shirka Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shaaca ka qaaday walaaca ay ka qabaan kala qeybsanaanta shirka wadatashiga ee ka socda teendhada Afisyoone ee Muqdisho, islamarkaana ay isha ku hayaan khilaafyada lagu xalinayo arrimaha doorashooyinka.

Shirkan oo ay diideen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa u dhaxeeya Farmaajo iyo madax goboleedyada taabiciyiinta ah.

Moussa Faki ayaa sheegay arrintan ay walaaca ugu weyn  ka qabaan maadaama la sheegay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada aysan u dhameyn ka qeybgalka shirka la rabay inuu ka qabsoomo Afisyooni.

Gudoomiyaha guddiga midowga Afrika ayaa ku booriyay dhinacyada iney u midoobaan arrimaha taagan ee lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka laguna jaangoynayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho.

“Waxaan xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika inay sii wadaan taageerada ay siinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee ku aadan rabitaankooda ah in si deg deg ah loo abaabulo doorasho nabadeed oo hufan,” ayuu yidhi Moussa Faki.

Goor sii horreysay oo maanta ah ayaa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ugu baaqday Farmaajo inuu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qeyb galo shir madaxeedka doorashada, islamarkaana uu dhameystiro heshiis doorasho, halka ay madax goboleedyada ugu baaqday inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruudo hordhac hor-dhigin.

“Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalintii labaad ayey teendhada Afisyooni shir hal dhinac ah ku leeyahiin madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, saddexda maamul ee taageersan dowladda federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaan wali kasoo qeybgalin shirka oo maalintiisii labaad galay, waxaana jirta in beesha caalamka ay xalay dalbadeen in maalmo dheeri ah lasiiyo si ay tabashooyinka jira u xaliyaan.

Safaaradda Mareykanka oo farriin culus u dirtay madax goboleedyada iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ayaa farriin culus oo ku aadan is-mari waaga siyaasadda Soomaaliya u dirtay madaxweynaha waqtigu uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada.

Safaaradda ayaa ugu baaqday Farmaajo inuu xaqiijiyo in si buuxda looga wada-qeyb galo shir madaxeedka doorashada, islamarkaana uu dhameystiro heshiis doorasho, halka ay madax goboleedyada ugu baaqday inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruudo hordhac hor-dhigin.

Qoraalka Mareykanka ayaa yimid kadib markii shirkii Afisyoone ee shalay lagu ballansanaa uu qabsoomi waayey, kadib markii ay diideen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay ka qeyb galeen kaliya Farmaajo iyo madaxweynayaasha taabiciyiinta ah.

“Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal dhameystiran oo ku aadan shir madaxeedka, uuna soo dhammeystiro heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan ayaga oo aan shuruud ku xirin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

QM ayaa qoraal ay xalay soo saartay niyad-jab kaga muujisay shirka ayada oo ay sheegtay inay sii socon doonaan wada-hadallo hoose, ka hor inta aan shir buuxa la isugu iman.

“QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka Septembe,” ayaa lagu yiri qoraalka QM.

Qoraalka Mareykanka ayaa u muuqda canaan kale oo loo diray madaxda Soomaalida, ayada oo qoraal kale oo soo baxay 21-kii bishan loogu sheegay madax goboleedyada inaysan Muqdisho ka bixi karin illaa heshiis laga gaaro.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Kaariye Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waa inay joogaan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro. Fashilku ma ahan ikhtiyaar,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee 21-kii March. 

JANAN oo xaqiijiyey inuu ‘wada-hadal kula jiro’ DF

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo.

Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sidoo kale wada-hadallada socda la mid dhigay kuwa magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedeyada.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in uusan jirin wax heshiis ah oo illaa iyo hadda laga gaaray wada-hadallada u socda isaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online wada-hadallada ayaa waxa ay u dhexeeyaan saraakiil socota hay’adda NISA iyo xubno metalaya Janan, iyada oo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu ula heshiin lahaa dowladda dhexe, uguna soo noqon lahaa magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay joogaan ciidanka Xoogga dalka.

Arrintan ayaa haddii ay ka dhabeyso dowladda dhexe waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa Axmed Madoobe oo weyn doono guud ahaan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

Si kastaba Janan ayaa horey loogu xiray magaalada Muqdisho, isaga markii dambe ka baxsaday gacanta dowladda, dibna ugu laabtay magaalada Kismaayo, isaga oo markii dambe u wareegay dhanka gobolka Gedo, kadibna dagaal ka bilaabay Beledxaawo.

Xog: Isbeddel ku yimid qorshihii shirkii Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshihii shirkii ay beesha caalamka soo qaban qaabisay ee Afisyoone ayaa u muuqda inuu isbeddelay, ayada oo beesha caalamka ay go’aansatay in maalmo dib loo dhigo, si si hoose loo xaliyo arrimo la isku hayo ka hor inta aanu shirka furmin.

Shirka ayaa qabsoomi waayey kadib markii dowladda ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay shirka ku fashilineyso, taasi oo ka carreysiisay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ahaa ciidankii uu Saciid Deni sheegay in lagu hareereeyey Xalane, kuwii garoonka diyaaradaha la geeyey, ajendihii shirka oo ayadoo aan laga heshiis ay dusisay Villa Somalia iyo Farmaajo oo weli diidan inuu wareejiyo awoodda.

QM ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku tiri “QM waxay qireysaa kulankii maanta ee horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September.” 

Caasimada Online ayaa ogaatay in shirka dib loo dhigay, islamarkaana si hoose loogu kala dab qaado dhinacyada, si loo xaliyo qodobada la isku hayo, kadibna ayada oo aany jirin caqabado kale shirka dib loo furo si deg deg heshiis loogu gaaro.

Si kastaba, Farmaajo iyo madaxda taabacsan ayaa mar kale maanta ku kulmaya Afisyoone, hase yeeshee waxaa ka maqan Axmed Madoobe iyo Deni.

Shirka ayaa shalay waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha taabacsan, hase yeeshee dowladda ayaa kahor shirka qaaday tallaabooyin lagu fashilinayo, ayada oo ujeedkuna uu ahaa in shirka la tago kadibna Saciid Deni iyo Axmed Madoobe loo muujiyo kuwa wax diidan.

Axmed Madoobe iyo Deni oo ka carrooday tallaabada ay qaaday dowladda ayaa dalbanaya qodobo ay ka mid yihiin:

1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro Xalane si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba. Inkasta oo amniga shirka ay damaanad qaaday Amisom, haddana waxaa la rumeysan yahay in ciidamada dowladda ay weli ku jiraan qeybo ka mid ah Xalane.

2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada.

3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo.

4 – In laga wada heshiiyo ajandaha shirka oo ay horey shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February.

Ma cadda sida xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxay u muuqataa in xalka doorashada aanu weli dhoweyn.

Xog: Qoor Qoor iyo Saciid Deni oo xalay kulmay iyo qorshe laga dhex-wado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ayaa waxaa laga helayaa kulan dhex-maray madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland oo lagu dhameynayey mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhex-galay labada dhinac.

Kulankan oo saacado badan ayaa qaatay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey xildhibaano & Senataro kasoo kala jeeda labada maamul, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku howlanaa dadaallo la’isugu keeynayo Madaxweyne Qoor Qoor & Madaxweyne Deni.

Wararka ayaa sheegaya in labada hoggaamiye uu dhex-maray is afgarad, islamarkaana lagu ballamay inay sii socoto wada-shaqeyntooda, maadaama ay daris yihiin.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay bixiyeen labada dhinac oo ku aadan dadaallada socday ee lagu dhameeyey khilaafka Galmudug & Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamadu ay sii socon doonaan, inta ay labada hoggaamiyey kasoo saarayaan war-murtiyeed ku aadan heshiiskooda.

Si kastabna ios faham-waaga ayaa yimid, kadib khudbadii uu SiciidDeni ka jeediyey 22-kii Febaraayo ka jeediyey Garoowe, taas oo uu dhibsaday Qoor Qoor oo isagu garwadeen ka ahaa kulamadii ka dhacay Dhuusamareeb iyo dadaalladii socday ee doorashooyinka.