27 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

JUBALAND oo war cusub kasoo saartay heshiiska Janan iyo DF Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay heshiiska dhex-maray Cabdirashiid Janan iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa wareysigan ku sheegay in go’aanka Janan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana uu weli sideedii yahay mowqifkeeda.

“Janan waa wasiirkii hore ee amniga muddo dheer ayuu Jubbaland u soo shaqeynayey, dowladdu iyadaa mar xirtay oo tiri waa dambiile, haddana iyadaa diyaarado & wasiiro u soo dirsatay, isaguna go’aanka wuu qaatay wuu la wareegay, laakiin Jubbaland mowqifkeeda waa sidii,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa soo hadal qaaday waxa ay Jubbaland kala socotay wada-hadallada Janan iyo dowladda dhexe, wuxuuna uu tilmaameen in waqtiyadii u dambeeyey ay ka war-heleen, balse go’aanka uu ahaa mid dhacay oo ay wada gaareen labada dhinac.

“Waqtiyadii u dambeeyey ayaan ka war-helnay, laakiin go’aanku marbuu dhacaa waa uu dhacay kolley hadda muhiim maaha wixii hoostooda ay usoo wada-hadlayeen, laakiin muhiimku waxa ay tahay inuu go’aanka gaaray, iyagana ay gaareen,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Janan iyo dowladda Soomaaliya uusan saameyn ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana shaqadu ay halkeeda kasii socon doonto, ciidamaduna ay joogaan meeshii loogu tala-galay.

“Anaguna xilka waa laga wareejiyey marka shaqaduna sideedii-beyn u soconeysaa, ciidamadiina aagii ayey ku sugan yihiin,” ayuu kuu soo gabagabeeyey wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo muddo dagaal kula jiray dowladda federaalka lagu soo dhoweeyey gudaha degmada Beledxaawo) kadib heshiis uu la galay saraakiil ka socotay hay’adda nabad-sugida & sirdoonka qaranka.

Farmaajo ma ku guuleystay inuu toosh ku ifiyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaashanaya madaxweyne goboleedyada taabacsan ayaa dejiyey qorshe uu toosh ugu ifinayo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. 

Sida aan ku helnay ilo-wareedyo xog-ogaal ah, madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamulada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa kulankii habeenkii Axadda dhacay Villa Somalia ku heshiyay inay shirka Afisyoone tagaan inkasta oo ay qaadaceen madaxda Puntland iyo Jubaland

Qorshaha arrintan laga leeyahay ayaa ah in beesha caalamka loo dareensiiyo in ay ka go’antahay heshiis la gaaro, sidoo kalane ay beesha caalamka u aragto in shirarka ay diidan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. 

Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ayaa mar kale Talaadadii iyo Arbacadii shir ku qabsaday Afisyoone, ayaga oo isu muujinaya xal doon, oo cidda dhibaatada waddo ay yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Villa Somalia ayaa sidoo kale habeenkii Axadda baahisay ajende shir oo aan raali laga wada-aheyn oo ay soo gudbisay beesha caalamka. Ajendaha oo ahaa mid aan dhameystirneyn oo Villa Somalia loogu gudbiyey un inay eegto, ayey u dusisay warbaahinta, si looga carreysiiyo Deni iyo Axmed Madoobe.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo garab ka helaya midowga musharaxiinta ayaa dagaal adag kula jira Madaxweyne Farmaajo iyo maamulada taabacsan, kuwaas oo aad isugu dayaya in ay meel mariyaan rabitaanka Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Dadka darsa arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in maqnaanshaha Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ah qorshe ay ka shaqeysay Villa Somalia looga dan leeyahay in loo muujiyo kuwa diidan doorashada Soomaaliya, si la saaro cadaadis beesha caalamka ah. 

Si kastaba, ma cadda haddii qorshahan uu ka gadmi karo beesha caalamka, maadaama walaacyada ay qabaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay yihiin kuwa sharci ah, oo muuqda, waxaana qoraallada beesha caalamka kasoo baxay si toos ah loogula hadlay labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu socdo dedaalo ay sameynayaan dhinacyo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, kuwaas oo raadinaya danaanshaha Soomaaliya. 

Xog: Hoggaamiye ka tirsan Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay iyo xog laga helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo amnio o lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in gelinkii dambe ee 21-kii bishan March ay ciidamada ammaanka degmada Yaaqashiid ka soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab. 

Saraakiisha aan la hadalnay oo ka gaabsaday in la shaaciyo magacyadooda ayaa Caasimada Online u sheegay in guri ku yaalla xaafadda Fagax, gaar ahaan agagaarka masjidka Sheekh Xasan Calasow ama ka soo horjeedka hoteelka Lafweyn, ay ciidamada kasoo qabteen sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in ciidanka oo kuwa afka duuban ee Waran ay 22-kii bishan markale dad ka soo qabteen isla xaafaddii, kuwaas oo la sheegay inuu xogtooda bixiyay hogaamiyaha laga soo qabtay degmada Yaaqshiid Axaddii. 

Mas’uuliyiinta nala hadlay ee ka tirsan ciidamada amniga ayaa sheegay in ninkaan uu magacyo kala duwan uu isticmaali jiray, waxaana kamid ah Sheekh Maxamed, Abuu Cabdalla iyo Tabliiqa, waxa uuna ahaa tababare iyo amiir dhinaca qaraxyada ah. 

Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in ninka la qabtay uu taliye u yahay Kooxda Qaraxyada Miinooyinka u qaabilsan Al-Shabaab ee ka howlgalo degmooyinka gobalka Banaadir. 

Ninkaan oo muddo dheer la baadi goobayay ayaa xogtiisa la helay maalmo kadib qaraxii ka dhacay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, qaraxaas oo lala egtay guddoomiyaha arrimaha Bulshada ee degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow waxaana ku dhintay 3 kamid ah ciidankii la socday. 

Hay’adaha amniga wali faah faahin kama aysan bixin sarkaalkaan waxaase la filayaa in dowladda ay dhowaan ka hadasho.

CC Shakuur: 3 qodob oo xal looga gaari jiray muranada doorashada ayaa maqan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay iney jirtay saddex arrimood oo xal looga gaari jiray murada hareeya doorashooyinka Soomaaliya, balse ay dowladdaan hareer martay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan midowga musharaxiinta ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo dadka ku hareereysan ay gabeen saddexdii xal ee lagu xalin jiray muranada arrimaha doorashada.

Waxa uu sheegay arrinta koowaad iney tahay awoodda ra’iisul wasaaraha, taasoo meesha hadda ka maqan, halka midda labaadna uu ku sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uusan kalsooni ku qabin awooddiisa iyo inuu soo bixi karo, taasna ay ku dhalisay cabsi hor leh.

“Seddax qodob ayaa xal looga gaari jiray muranada doorashooyinka. Tan koowaad, waa Raysalwasaare musharrax ah oo dheellitira awoodda madaxweynaha, isla markaana
xakameeya damaca doorasho ee madaxweynaha, taa lama hayo” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: Tan labaad waa kalsooni uu isku qabo madaxweynaha xilka haya in uu doorashada ku guulaysanayo. Taasi waxey sahli jirtay in horay loo socdo, Madaxweynuhuna uu fududeeyo hawlaha doorashooyinka, tanaasulna sameeyo, ka dib marka uu Raysalwasaaraha kula dhago, beesha caalamkana cadadaadiso. Taasna lama hayo, sababtoo ah Farmaajo kalsooni kuma qabo in uu guulaysanayo, meeshii uu qabsadana in loo gooyo ayuu rabaa.”

“Tan saddexaad waa faragelinta toos ah oo dibedda ka timaadda. Qayladii way ka dhammaatay safiirrada beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugnaa, waxaa maalamahan billawday in farriimo kulul ay caasimadaha ka yimaadaan. Soomaalidu ha is xalliso ayuu arrinku ku sinnaa. Soomaalina haddii aan labada qodob oo kale midkood la helin isma xallin karto. Haddaba waxaa lagu qasban yahay in kan seddaxaad laga dhursugo, ama mid kale oo xal Soomaaliyeed ah uu ka soo hormaro oo ah in Dowlad Goboleedyadu go’aan mideysan gaaraan oo ay xal keenaan.”

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay mid aan laa sugeyn inuu isdaba qabto, ra’iisul wasaaruhuna kaaintiisa aan laga sugeyn, sidaas darteed ay dhici karto faragalin shisheeye oo toos ah.

“Farmaajo nin isdaba qabanaya maaha, Raysalwasaare kaalintiisa qaadanaya sooma muuqdo, Dowlad Goboleedyada Farmaajo la jira oo isaga gacanta qabta, qarankana u hiilaya waxay u baahan tahay in ku dhac iyo dhiirrasho midkood, labo ama 3 dooduba yeeshaan, haddii kale waxa la sugaa waa fara gelin shisheeye oo toos ah sidii dhiici jirtayba. Waa tii C/laahi Yuusuf AHUN isku casilay ama C/qaasim Mbgathi lagu geeyey.”

DF Soomaaliya oo Puntland ku cambaareysay fal ay mid ka darran ayada ku kacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyey ka hortag ay ciidmaada ammaanka Puntland ku sameeyeen banaanbax nabadeed oo ay dhigayeen shacabka ku nool magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin ‘fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan.’

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.”

Magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa shalay ka dhacay banaanbax lagu taageerayey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana looga soo horjeeday siayasadda madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Dibad-baxayaashaan waxaa hoggaaminayey xubno ka tirsan 8-dii xildhibaan ee baarlamaanka Puntland uu xasaanadda ka qaaday, kuwaas oo dhowaan gaaray magaalada Dhahar oo kolkii hore laga soo doortay.

Tallaabadaan caburinta ah ee dowladdu ay ku eedeyneyso Puntland, mid lamid ah ayey Muqdisho ka geysatay bishii hore ee Febraayo, xilligaas oo ciidamada ammaanku ay rasaas ku kala ceyriyeen mudaharaadayaal ay ku jireen musharaxiin iyo siyaasiyiin kale.

Tallaabaddan ayaan sidoo kale waxba ka duwaneyn tii 19-kii Feb ay ciidamada DF ku weerareen hotelkii ay deganaayeen madaxweyneyaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sh. Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo horkacayay bannaanbaxayaal kasoo horjeeday nidaamka doorasho diidka ah ee Farmaajo.

Daawo: Howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu soo qabtay 30 qof

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey dhac mudooyinkii dambe loo geysanayey dadka reer Muqdisho iyo dhalinyaro uu sheegay in lagu soo qabtay falal dhac ah.

Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan 30 dhalinyaro ah lagu soo qabtay dhaca loo geysanayo dadka reer Muqdisho, isla markaana ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan maalmaha soo socda.

“Qeybta guud ee booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigi doonta in ka badan 30 qof oo lagu soo qabtay falalkii dhaca ahaa ee magaaladaan ka dhacay, hadba kaarto cusub ayey la soo baxayaan, laakiin gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa, inta aan qabanayna labada maalmood ee soo socota waxaan hor keeni doonaa warbaahinta, si loo arko nin walba waxii uu sameynayey,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Sidoo kale taliyaha booliska Soomaaliya waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan dad kale oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo mudooyinkii dambe soo galay gacanta hey’adaha ammaanka, gaar ahaan booliska.

Dhanka kale ciidanka booliska ee ka howlgala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa xalay soo bandhigay afar (4) nin oo dhalinyaro ah iyo qoryahooda, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay dhac ka geysanayeen xaafado ka tirsan degmadaas.

Dhalinyaradaan ayaa lala soo bandhigay qoryihii ay wateen iyo mooto Bajaaj, sidoo kale faleefoono ay dad ka dhaceen ayaa la sheegay in lagu soo qabtay.

Mudooyinkii dambe waxaa cirka isku shareeray dhaca ay kooxaha hubeysan u geysanayaan dadka reer Muqdisho, kaas oo sidii hore ka duwan, waxayna dadka dhaca geysanaya isku raacaan koox badan, mararka qaarna waxay ku dhiiradaan inay ka shubtaan lacagaha ugu jira telefoonadooda.

Hoos ka Daawo

AMNESTY oo war kasoo saartay is-dhiibista JANAN, dalab culusna u dirtay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga halbatay in Cabdirashiid Janan ay kula xisaabtanto dembiyada dagaal ee horay loogu eedeeyey, islamarkaana ay cadaaladda hor keento.

Amnesty waxay sheegtay in qoysaska dhibanayaasha u ah xadgudubyada la sheegay in Cabdirashiid Janan ka geystay gobolka Gedo ay mudan yihiin caddaalad.

“Hadda oo Cabdirashiid Janan uu ku jiro gacanta dawladda federaalka ee Soomaaliya, mas’uuliyiintu waa inay xaqiijiyaan caddaalad iyo la xisaabtan la xiriira dhammaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee lagu tuhmayo inuu ka gaystay Gedo. Dhibanayaasha iyo qoysaska ay tani saamaynta ku yeelatay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda Amnesty Internation.

Horay hey’addan u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty Internation ayaa Cabdirashiid Janan ugu eedeysay inuu Gedo ka geystay dembiyo dagaal, kadib markii ay soo bandhigeen warbixino sheegaya in ciidamadiisu ay dad badan ku dileen gobolkaas.

Sidoo kale Amnesty ayaa markii uu Janan ka baxsaday gacanta dowladda Soomaaliya waxay dalbatay in la qabto, si cadaaladda loo marsiiyo.

“Baxsashada Cabdirashiid Janan waxay dhibanayaasha dambiyadiisa la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan dilal shacab, iyo is-hortaaga gargaar ka dhigeysa kuwa ka shakinaya inay weligood caddaalad heli doonaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay Amnesty soo saartay markii uu Janan, sida la sheegay, ka baxsaday Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka oo in muddo ah is hayeen.

Cabdirashiid Janan ayaa kadib markii lagu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo oo ay ku qaabileen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ku kalifay inuu la heshiiyo dowlada.

“Waxaa rabaa in aan idin xaqiijiyo ma maqli doonta, mana arki doontaan colaadii gobolka Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland, File-kaas waa soo xirnay waana dhamaaday. Waxaa ugu talo-galnay in aan ugu hiilino umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda degan Gobolka,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Imisa LACAG ah ayaa lagu cunaa mashruuca JANAN ee aan dhamaadka lahayn?

1. Janan oo dambiile ah, dad shacab ah xasuuqay, maxkamadna soo saartay waaran lagu soo qabanayo!

2. Janan oo dowlada isku soo dhiibay. Fahad Yasiin na kala shaqaynaya duminta maamulka Jubaland!

3. Janan oo ku xiran xabsi ku dhex yaala xarunta Nabad Sugida ee Habar Khadiijo!

4. Janan oo baxsad ah kana fakaday Xabsigii Nabad Sugida, lana baadi goobayo!

5. Janan oo qaran dumis ah, hoggaaminayana maleeshiyaad Kenya lagu soo tababaray!

6. Janan oo dagaal ku soo qaaday Beledxaawo, dad shacab ah xasuuqay, dambiyo dagaalna ku eedaysan mar labaad!

7. Janan oo wadani iyo qaraabo ah oo isagoo hoggaaminaya ciidamo aad u fara badan dowlada la heshiiyay!

8. Janan oo mar sideedaad shaati loo soo geliyana waan sugaynaa!

Janan sanadkiiba labo mar ayuu na soo maraa isagoo mashruuc ah (mar dambiile ah, mar maxbuus ah, mar fakad ah, mar qaran dumis ah, mar wadani ah, marna qaraabo ah) ee imisa lacag ah ayaa lagu cunaa mashruucan aan dhamaadka lahayn ee Cabdirashiid Janan?!

W/Q: Xildhibaan Mahad Salaad

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DF oo digniin culus u dirtay beesha caalamka, kadib hanjabaado uga yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fariimaha kulul ee dalalka beesha caalamka ah ee saaxiibada Soomaaliya uga hadlayaan doorashada oo xiligan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan marnaba dowladda federaalka aqbaleyn faro gelin lagu sameeyo arrimaha gudaheeda oo ay kamid tahay arrinta doorashada oo xiisad ka taagan tahay.

“Waxaa jirra danjireyayaal mararka qaar qora oo dira, oo usoo dira dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin aan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah iyo ixtiraamka madax-banaanida dalalka. Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad madax-banaan, arrimaheeda gudaheena ay yihiin lama taabtan lama faro-geliyaan,” ayuu yiri.

“Soomaaliya cidna doorashadeed ma faro-geliso, twitter-na uma qorto sidaas oo kale Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka.”

Hadalka wasiirka oo si toos ah ugu socda safaaradaha dalalka beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa uga digay inay sii wadaan fariimaha ku aadan arrimaha doorashooyinka ee ay u dirayaan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo kuwa maamul goboleedyada, si xal looga gaaro doorashada dalka.

Sidoo kale waxa uu imanaya hadalka Dubbe, xili ay maanta Qoraalkii ugu adkaa ay u dirtay dowladda Norway, kaasi oo ay uga dalbatay madaxda waqtigooda dhamaaday inay iska wareejiyaan tallada, islamarkaana xal kama dambeys ah laga gaaro khilaafka ka taagan hanaanka doorashada, inkasta oo ay markii dambe ka laabatay.

Si kastaba, Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa cadaadis xoogan ku saaraya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay heshiis kama dambeys ah ka gaaran xiisada doorashada, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda.

Dowladda Turkey oo war ka soo saartay is-mari waaga doorashada Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay heshiis la’aanta saamilesya siyaasadda Soomaaliya ee ku aadan hanaanka doorashada dalka.

Wasaaradda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in tani ay waxyeeleyn karto himilooyinka shacabka Soomaaliya ee ku aadan horumarka dalkooda iyo sidoo kale in lagu guuleysto nabad iyo barwaaqo dalku gaaro.

“Waxaan mar kale ugu yeereynaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay isku yimaadaan oo ay muranadooda ku xalliyaan wada-hadallo wax ku ool ah oo loo dhan yahay kuna saleysan heshiiskii la gaaray 17-kii September 2020, waxaana adkeeneynaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin la qabto ayada oo aan dib loo sii dhigin,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku celisay inay ka taageereyso shacabka iyo dowladda saaxiibka iyo walaalka ah ee Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, sida ugu dhaqsaha badan.

Qoraalka Turkiga ayaa imanaya ayada oo dhowaan warbaahinta dalkaas ay tebisay in wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu qorsheynayo inuu booqasho ku yimaado Muqdisho, si uu gacan uga gaysto xal u helidda is-mari waaga Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale baaqa Turkiga ku biirayaa baaqyada beesha caalamka ee ku aadan in xal deg deg ah la gaaro, waxaana muuqata in beesha caalamka ay ka go’an tahay inaanay madaxda dowlad goboleedyada ka tegin Muqdisho, ayada oo aan heshiis la gaarin. 

 

Daawo: Cabdirashiid JANAN oo shaaciyey sababaha ku kalifay inuu la heshiiyo DF

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka oo in muddo ah is hayeen.

Cabdirashiid Janan ayaa kadib markii lagu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo oo ay ku qaabileen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ku kalifay inuu la heshiiyo dowlada.

Janan ayaa sheegay inuu u tanaasulay dhibaatooyin faro badan oo uu sheegay inay wajahayaan shacabka gobolka Gedo, islamarkaan uu ula heshiiyay dowladda federaalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Abaarta, Xanuun & Soo labo kacleynta Coronavirus.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee ka taagna gobolka Gedo uu soo afmeermay, isagoo ku hadlaya magaca maamulka Jubbaland oo uu hore uga tirsanaa, maadama uu xilka ka qaaday madaxweyne Axmed Madoobe.

“Waxaa rabaa in aan idin xaqiijiyo ma maqli doonta, mana arki doontaan colaadii gobolka Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland, File-kaas waa soo xirnay waana dhamaaday. Waxaa ugu talo-galnay in aan ugu hiilino umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda degan Gobolka,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in mardambe uusan qeyb ka noqon doonin dagaal ka dhaca gobolka Gedo oo ay isku haystaan dowladda federaalka iyo Jubbaland oo uu hore uga tirsanaan jiray Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan oo hore uga tirsanaa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa hadda banaanka ka jooga kadib markii uu heshiis la galay dowladda, mana cada go’aanka ay maamulkiisi ka qaadan doonaan arrinta uu balan qaaday maante ee inuusan dagaal dambe ka dhaceyn gobolka Gedo.

Safaaradda NORWAY oo ka laabatay qoraalkii ay ku dalbatay xil wareejinta DF, soona saartay mid cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa saacado kadib dib uga laabatay qoraalkii ugu adkaa ee ay kasoo saarto khilaafka doorashada Soomaaliya, kaasi oo ay si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg-deg u wareejiso.

Qoraalka cusub ee kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho oo lasoo dhigay twitter-ka, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Norway ay dhex-dhexaad ka tahay dhaq-dhaqaaqyada gudaha, islamarkaana ay rabto doorasho deg-deg ah, halka markii hore ay dalbatay ‘in Villa Somalia ay xukunka deg-deg u wareejiso’.

“Safaaradda waxay jeceshahay inaan caddeyno in waxa aan rajeyneyno inaan aragno ay tahay doorashooyin deg-deg ah oo nabdoon oo ku dhisan heshiis. Norway, oo ah saaxiib iyo jaal muddo dheer oo Soomaaliya ay leedahay, dhex-dhexaad ayey ka tahay kana ahaan doontaa ikhtiyaarada gudaha ee ay sameeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Norway.

Qoraalkii hore ee Norway “Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed.”

Qoraalkaas ayaa ah kii ugu adkaa ee mid kamid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, hase yeeshe ay dib u dabcisay mowqifkeedii adkaa ee muujisay.

Inta badan dalalka reer galbeedka ee saxiibada Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeya inaysan runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, kuwaasi oo dhowr jeer Midowga Musharaxiinta u direen baaqyo la xiriira xaalada Soomaaliya.

Norway oo kamid ah dalalka lacagta ugu badan ku bixiya Soomaaliya ayaa markii u horeysay luuqad adag kula hadashay madaxda waqtigooda dhamaaday, inkasta oo ay markii dambe dabacsanaan ka muujisay xaalada dalka.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada oo la la’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay sheegeen inay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto

Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo JANAN

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirkii hore Jubbaland Cabdirashiid Xasan JANAN ayaa gaaray heshiis shan qodob ah, kaasi oo Janan uu ugu soo biirayo isbaheysiga Farmaajo, oo ay isku beel yihiin.

Cabdirashiid Janan oo wareysi siinayay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay heshiiska uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah qodob ah inuusan siyaasadda ka bixi doonin.

Qodobadaan oo ay ku jiraan inuu dowladda u gacan galinayo ciidamadiisa oo tiro ahaan lagu sheegay 400 askari, gaadiid dagaal oo tiradooda la carabaabay iyo in heshiiska uu qeyb ka yahay Korneel Cabaas oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Jubbaland.

QODOBADA LAGU HESHIIYAY:

1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland

2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

3. In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

4. In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay

5. In uusan siyaasadda ka bixi doonin

Masuuliyiin ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa gaaray gobolka Gedo si ay heshiiska usoo afjaraan, sidoo kalana waxey wararka qaar sheegayaan inuu imaan doono Muqdisho una sii gudbi doono dalka Turkiga.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa warqad ku taariikheysa 20-ka March waxauu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Beesha caalamka oo ka hor-timid isku day muddo kordhin soona saartay qoraal adag

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha caalamka ayaa soo saartay qoraal xasaasi ah oo ay soo saartay ku shaacisay inaysan marna taageeri doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka ee waqtigu ka dhammaaday.

Qoraalkaan kasoo baxay beesha caalamka ayaa kusoo aadaya xilli ay Caasimada Online baahisay xog ku saabsan iney jiraan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo shalay ku shiray Hotel Decale, islamarkaana baadi goobaya iney guddoonka golaha shacabka hor geeyaan muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka beesha caalamka oo xafiiska QM ee Soomaaliya uu soo digay twitter-ka ayaa lagu sheegay muddo kordhin, hanaan doorashooyinka is-dhinac socda ama doorashooyin aan loo dhameyn aysan midna heli doonin taageerada beesha caalamka.

“Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM.

Qoraalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday shirkii uu ku baaqay Farmaajo ee ay soo xaadireen kaliya madaxda dowlad goboleedyada taabacsan iyo sidoo kale guddoonka gobolka Banaadir ee uu Farmaajo uu soo magacowday.

Qoraalkaan wuxuu ka mid yahay qoraalada ay beesha caalamka ku cadeynayaan mowqifka ay ka joogaan khilaafka jira iyo sidoo kale cadaadiska ay dhinacyada iska soo horjeeda ku saarayaan iney ka heshiiyaan khilafka jira si dalka uu u aado doorasho la isla ogol yahay oo xalaal ah.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa labaduba qaadacay shirkii labada maalin ahaa oo uu ku baaqay Farmaajo kaas oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha maamullada taageerada u ah DF, waxeyna beesha caalamka ku dadaaleysaa iney ka shaqeyso qabashada shir loo dhan yahay.

Sidoo kale labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland waxey wataan shuruudo iyagoo wata magaca Madasha Badbaado Qaran oo ay kula mideysan yahiin midowga musharaxiinta mucaaradka iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi oo uu hogaaminayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka ay mudadiisa dhamaatay kal hore.

Janan oo si weyn loogu soo dhaweeyey Beled-Xaawo iyo DF oo war kasoo saartay

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka.

Janan ayaa waxaa Beled Xaawo kusoo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya,  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ee dowladda sameysay iyo Shacab aad u badan

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlayey goobta lagu soo bandhigay Janan ayaa sheegay in dowladda ay si rasmi ah heshiis ula gashay janan.

Waxaa uu sheegay in Janan uu muhiim u yahay nabadda Gobolka Gedo, isla markaana uu gartay in uu u hiiliyo Qaranimada Soomaaliya, sidoo kalena ay dadaal ku bixisay dowladda Soomaaliya.

“Innaga oo ah wafdi ka socda DFS ayaan kula kulanay Wasiirka Duleedka Beledxaawo. Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu. Wasiirka waxaa wehliya Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka. Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkasta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cidkasta oo cadaw ku ah Qarankeenna,” ayuu yiri Janan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo wata Ciidamo farabadan iyo Gaadiidka dagaalka ayaa soo garay deganka Najax ee duleedka Beled-Xaawo, waxana u halkaasi kula kulmay wasiiro uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala kadibna waxaa la keenay Beled Xaawo.

Janan ayaa la filayaa inuu Beled-Xaawo kula kulmo taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxayna wararka sheegayaan in loo soo gudbin doono Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaano ka shiray sidii Farmaajo muddo kordhin loogu sameyn lahaa – Xog

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanadaan ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada qaar waxey doonayaan iney dhinac kale u raraan geeddi u socodka marxaladda kala guurka, islamarkaana dib loo furo doodda ku saabsan hannaanka doorasho ee la qaban karo haddii heshiis kasoo bixi waayo shirarka ay ka shaqeynayaan beesha caalamka.

Qorshaha ay diyaarinayaan waxaa ka mid ah in Baarlamaanka la hor geeyo qorshe ku saabsan in doorasho qof iyo cod ah laga qabto dalka, dib loogu yeero guddigii madaxa bannaanaa ee doorashooyinka oo hogaamiye ka aheyd Xaliimo Yareey.

Sidoo kalana muddo kororsi laba sano ah la siiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo muddo ku dhaw laba bilood si sharci darro ah ku jooga Villa Soomaaliya.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa rumeysan in qorshahan uu yahay mid aan shaqeyn doonin, balse ujeedka uu yahay in xaaladda is-mari waaga lasii dheereeyo, taasi oo waqtiga si dadban ugu kordhineysa Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyey ee heshiiska JANAN iyo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in wasiir hore ee amniga maamulka Jubbaland & Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) iyo ciidamo uu wato ay soo gaareen Tuulada Najax oo hoostagta degmada Beledxaawo.

Janan ayaa lagu soo warramayaa inuu la kulmi doono taliyaha nabad sugida Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo wasiiro ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sii jeeda halkaasi , si loo dhameystiro wada-hadallada labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada u xaqiijiyey in Janan & ciidamadiisa oo wata illaa 11 gaadiidka dagaalka ah ay haatan joogaan Tuulada Najax oo lagu ballamay inay isugu yimaadaan labada dhinac, gaar ahaan Janan iyo wafdiga ka socda dowladda dhexe.

Sidoo kale qorshaha ayaa ah inay wafdiga tegay Beledxaawo ay la wareegaan gaadiidka iyo ciidanka uu wato Wasiir Janan, taas oo qeyb ka aheyd wada-hadallada socda.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa intaasi kusii daraya in Janan loo soo qaadayo magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, si uu ula kulmo madaxda dalka.

Heshiiska Janan ayaa sii xoojinaya hardanka & dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ee uu horkayaco Axmed Madoobe.

Si kastaba saaka ayey aheyd markii wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jubbaland xil kii looga qaaday wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo shalay shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda Soomaaliya.

Yaa u diiday Cabdi Xaashi ka qeyb-galka shirka Afisyoone?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya, islamarkaana haatan ah guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran oo ay sameysteen Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa wareysi uu siiyey BBC kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socdo magaalada Muqdisho.

Cabdi Xaashi ayaa marka hore shaaca ka qaaday in loo diiday ka qeyb-galka shirka arrimaha doorashooyinka 2021-ka ee ka socda Teendhada Afisyoone, wuxuuna sheegay inay ka hor-istaageen dad uu ku tilmaamay inay shalay yimideen dalka, islamarkaana aan waxba kala socon meesha laga yimid & halka loo socdo.

“Maba la ii ogolee maxaan ka qeyb galaa shirka, aniga ma diiddaniye, Waxaan ahay siyaasi dalkaan ka soo shaqeynayay 30-kii sanno ee ay dhibaatadu ka jirtay una taagan midnamadiisa iyo nabadisa marka dad shalay yimid oo aan ogeyn xaalada iyo siyaasadda dalkaan ayaa aniga ii diiday inaan ka qeyb galo arrinta xalka dalkaan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dhismaha Madasha Badbaado Qaran iyo ujeedada loo aas aasay, wuxuuna tilmaamay in ay doonayaan kaliya sidii heshiis mideysan looga gaari lahaa is mari-waaga arrimaha doorashooyinka & is mari-waaga ka taagan.

“Waxaan rabnaa in Soomaaliya oo dhan heshiis la gaaro oo la isku yimaado, dhibaato iyo dagaal aniga xal uma arko.” ayuu sii raaciyey guddoomiye Cabdi Xaashi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo maalintii saddexaad uu galay shirka Afisyoone oo ay weli ka maqan yihiin madaxda Jubbaland & Puntland, kaas oo diirada lagu saaray sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.

Axmed Madoobe oo xil ka qaadis ku sameeyey Janan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), kadib markii uu shaaciyey inuu wada-hadal kula jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey xil ka qaadista lagu sameeyey Janan oo ciidamo ku heyso duleedka Beledxaawo.

“MadaxweynahaJubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Digreetada xilka qaadista ee uu soo saaray madaxweynaha Jubbaland laguma caddeyn sababta xilka looga qaaday wasiir Janan oo ka mid ahaa wasiirada u dhowaa A/Madoobe.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, saacado uu kadib markii uu soo shaac-baxay wada-hadal u socda dowladda dhexe iyo Janan, iyada oo wakiilo ka kala socda labada dhinac ay yeesheen kulamo lagu heshiisiinayo dowladda federaalka iyo Cabdirashiid Janan.

Si kastaba tallaabadan ayaa uga sii dareyso khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka, iyadoona Axmed Madoobe uu weyn doono guud ahaan gobolka Gedo, haddii uu si rasmi ah Janan ula heshiiyo dowladda, una soo wareego dhankeeda.

Norway oo qoraal culus soo saartay: DF waa inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa qoraalkii ugu adkaa kasoo saartay khilaafka doorashada Soomaaliya, ayada oo si cad uga dalbatay Villa Somalia inay xukunka deg deg u wareejiso.

“Saaxiib dhow ahaan, Norway waxay is qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aanta siyaasadeed ee dhammaan dhinacyada ee ah inay xal raadiyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay xaqiijiso xukun wareejin deg deg ah, sidoo kale dhammaan jilayaasha siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalak Norway.

Dowladda Norway waxay sheegtay in waddo guul leh oo horey loo qaado ay u baahan tahay hoggaamiyeyaal dhiiranaan leh oo raadi tanaasul. 

Qoraalka kasoo baxay safaaradda Norway ee Muqdisho ee lasoo dhigay twitter-ka, ayaa ah kii adkaa ee mid ka mid ah dalalka beesha caalamka uu kula hadlo dowladda Soomaaliya, xilli inta badan dalalka kale ee Reer Galbeedka lagu eedeynayey inaysan runta u sheegi karin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale sii cusleynaya in Norway ay tahay dalalka ugu badan ee lacagta ku bixiya Soomaaliya, islamarkaana taageera dowladda federaalka.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in sababta xal looga gaari la’yahay khilaafka doorashada ay tahay ayada la la’yahay cid runta u sheegta Farmaajo, xilli ay sheegeen inay caddahay inuusan doorasho rabin, oo uu doonayo inuu xukunka sii haysto.