27 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Kenya oo ku hanjabtay laba tallaabo oo ka dhan ah Soomaalida dalkaas ku nool

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney qaadi doonto tallaabo ay ku cadaadineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda dalkaas ee Nairobi, sida ay sheegeen warbaahinta madaxa banaan ee dalkaas.

Kenya ayaa sheegtay iney tarxiili doonto Soomdaalida ku dhaqan dalkaas ee aan sharciga heysan, sidoo kalana ay si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakiyo falal argagixiso ama maal-galintooda.

Xogta warbaahinta Kenya ay shaacisay ayaa waxaa sidoo kale ku jirta in Kenya ay qorsheyneyso iney hantidooda la wareegto shaqsiyaadka Soomaalida ee looga shakiyo iney maal-galiyaan argagixisada.

Kenya ayaa hadda u muuqata iney qaadeyso tallaabooyin aargoosi ah, maadaama ay guuldaro kasoo gaartay inay dib u dhigto dhageysiga kiiskii yaalay maxkamadda ICJ ee badda ay muranka galisay.

Laba maalin ka hor un ayey aheyd markii Kenya ay ku dhawaaqday iney xiri doonto xeryaha ay Soomaalida ugu badan qaxootiga ku yahiin kuna yaalla gudaha dalkooda, waxeyna qabsatay in laba toddobaad lagu xiro xerooyinkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay inuu ku wargeliyey Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCRF inay muddo 14 maalmood gudahood ah ku keento qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee ku yaal Kenya.

Farriintan Matiang’i ayaa lagu qoray barta twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya. UNHCR ayaan weli ka jawaabin hadalka Kenya.

Xog: Beesha caalamka oo ka xumaatay 3 tallaabo oo FARMAAJO uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in beesha caalamka ay ka xumaatay tallaabooyin uu qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sheegeen iinay dhaawac culus u geysteen dedaalladii ay wadeen wakiilada caalamka islamarkaana xaaladda sii adkeeyay. 

Sida aan xogta ku helnay, Beesha caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in ay qalad aheyd:

1 -In ciidanka ilaalada madaxtooyada uu geeyo madasha shirka ee Teendhada Afisyooni maalintii shirka uu furmayey ee Isniintii.
2 – Soo saarista jadwal aan lagala tashan ka qeyb-galayaasha shirka, kaasi oo ay baahisay madaxtooyada habeenkii Axadda.
3 – Iyo furitaanka shir hal dhinac ah, oo labada maamul goboleed ee Jubaland iyo Puntland ay qaadaceen. 

Qoraal ay wakiilada caalamka u direen Madaxweyne Farmaajo ayey ku sheegeen in dowladda ay sii adkeysay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan ay rajo dishay shirkii la filayay in xal looga gaaro muranka doorashada Soomaaliya, kaas oo ay soo abaabushay Qaramada Midoobay, illaa iyo haddana aan qabsoomin.

Ayada oo arrintan ka duuleysa ayey beesha caalamka joojisay shirkii Afisyoone, waxayna taa beddelkeeda hadda xooga saareysa in shirar aan toos aheyn lagu xaliyo arrimaha taagan kahor shirka guud.

Qoraal markii uu shirka fashilmay kasoo baxay QM ayaa lagu yiri “QM waxay qireysaa kulankii horudhaca u ahaa shir madaxeedka la qorsheeyey, oo haystay metelaadda qaar ka mid madaxda maamul goboleedyada. Waxay boorineysaa wada-tashiyo kale oo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah oo dhaca maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo ka qeyb-galka dhameystiran ee loo baahan yahay si dhacdadan ay u noqoto mid soo saarta is-afgarad lagu fulinayo hanaankii doorashada 17-ka September.”

Beesha caalamka ayaa sidoo kale kadib abaabushay shir kale oo u dhaxeeya madax goboleedyada kaliya, iyana ay goobjoog ka tahay, shirkaas oo xalay qabsoomay ayada oo ay ka maqan tahay beesha caalamka kadib markii Farmaajo uu ku cadaadiyey madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah inay diidaan beesha caalamka.

Safiirada Mareykanka, UK, Talyaaniga, Midowga Yurub iyo UN-ka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku cadaadinaya inuu u qoor dhiibto beesha caalamka si loo dhameeyo muranka doorashada Soomaaliya, taas oo laga cabsi qabo in dalka u horseedo qalaalo dagaalo sokeeyo.

Xogtan aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka ay qaata ka taagan tahay xaaladda dalka, ayna rumeysan tahay in mar kasta oo xal soo dhowaado uu Farmaajo si hoose u qaadayo tallaabooyin fashiliya.

Waxaa sii kordhaya dareenka laga qabo in Farmaajo uusan diyaar u aheyn doorasho, xitaaa haddii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay tanaasulaan, taasi oo walaac xooggan gelisay beesha caalamka.

Daahir Geelle oo ka hadlay dadaallada xubana beesha caalamka ay wadaan

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay dadaallada ay beesha caalamka ku dooneyso iney dalka ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Daahir Geelle oo sidoo kale ah afhayeenka midowga musharaxiinta ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan dadaal walba oo lagu bixinayo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho aan hal dhinac aheyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay ineysan ka niyad jabin natiijada isla markaana ay taageeraan dadaallada socda.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA DAAHIR GEELLE:

Waxaan si dhaw ula soconnaa, bogaadinayaana dadaallada ay saaxibbada Soomaaliya ku bixinayaan in xal laga gaaro ismariwaaga arrimaha doorashooyin.

Haddaanu nahay qeybaha kala gadisan ee siyaasadda dalka ( XFS, DGs iyo Midowga Murashaxiinta )

Waxaa nala siman in aan u hoggaansanno himilada dadkeenna ee ah nabad, wadahadal iyo doorashooyin xor iyo xalaal tixgalinno dadaalka saaxiibada Soomaaliya.

ugu danbeyn edda looma sinno oo XFS ayaa leh balse xalku waa mid noowadayaal.

Shacabka Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqayaa in aysan dhacdooyinka taagan ku niyad jabin, rajada iyo yididiiladu waa ay wanaagsantahay.

Kenya oo ka cago jiideysa inay fuliso heshiis muhiim ah oo ay la gashay Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa bartamihii bishii December ee sanadkii hore 2020-ka heshiis lagu tilmaamay ‘mid macno gaar ah sameynaya oo muhiim ah’ la gashay dowladda Kenya oo xiligaas khilaaf xoogan kala dhaxeeyay dowladda federaalka.

Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa qalinka ku wada duugay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo midka Kenya, Uhuru Kenyatta, kadib socdaal uu dalkaas ku tagay madaxweynaha Somaliland.

Heshiiska labada dhinac oo fulintiisa lagu sheegay inay dhacayaan bisha geba-gebada ah ee March, 2021-ka, ayeysan muuqan ilaa hadda wax dhaq-dhaqaaq ah oo laga sameeyay heshiiskaas.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa kamid ahaa in dowladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo meeqaamka xafiiskeeda Magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxaa heshiiskaas qeyb ka ahaa in Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaar isla dabayaaqada bisha March ee sanadkaan.

Heshiiskaas ayaa waxa kale oo ku jiray qoddob xasaasiya oo dhigayay in madaxda Somaliland ‘Dal ku Galka Kenya’ la siiyo marka ay gaaran Kenya, ayaga oo wata Baasaaboorka Somaliland, oo ku dooda inay ka go’day Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa fulinta heshiiskaas oo ku mudeysneyd bisha March gebi ahaanba aysan muuqan wax ifafaalo ah oo muujinaya in heshiiskaas uu si dhab ah u dhaqan-galayo, ayada oo si weyn uga meer-meerayso Kenya.

Kenya ayaa lasoo warinaya in heshiiskaan ay uga war-wareegayso arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya, waxayna falan-qeeyayaasha siyaasada ku doodeen in ugu horeyntiiba ay ujeedo gaar ah uga dhigtay dabayaaqada March, ka hor muddo xileedka dowladda federaalka oo ku mudeysnaa bilowgii Febraayo, waxaana xusid mudan in ilaa hadda aan heshiis rasmi ah laga gaarin doorashada dalka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa muddooyinkii dambe ka dhaxeeyay khilaaf diblumaasiyadeed, kaasi oo gaaray in xiriirka u jarto dowladda federaalka oo ku andacooneysa faro-gelin gudaha ah, sidoo kale waxaa ka dhaxeeysa dacwada kiiska Badda oo dhawaan ka furmatay maxkamdda ICJ, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya.

Warbixin shaacisay ‘xaddiga laalushka’ ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay sarre u kacay musuq-maasuqa iyo laalushka ay hay’addaha dowladda qaadato, midaasi oo hoos u dhigtay la dagaalanka musuq-maasuqa, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay hay’adda la dagaallanta musuq-maasuqa Soomaaliya ee MARQAATI.

Hay’adda ayaa daraasad ay ka sameysay heerka musuqa dalka ayaa sheegtay in musuq-maasuqa uu ku baahay guud ahaan Soomaaliya, ayada oo xustay in 50% dadka ku nool caasimada dalka ay bixiyaan laaluush joogta ah.

“Sharciga oo liita iyo hay’ado aan jirin oo la xisaabtama kuwa awooda haya, bixinta laaluushka ayaa ku soo badanaya Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ku xoogan tahay dowladu. In kasta oo guud ahaan bixinta laaluushka ay tahay 14%, waa tiro go’an maxaa yeelay joogitaanka dawladdu ee gobolladu wuu daciifsan yahay ama kama joogo dalka intiisa badan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Degmooyinka Muqdisho qaarkood, oo ah halka ay ku xoogan tahay dawladdu, bixinta laaluushka waxay gaareysaa ilaa 50%. Baahida laaluushka ayaa ugu badan ciidamada amniga ee dowladda federaalka, kuwa amniga gobolka Banaadir, iyo Al-Shabab. FMS-yada Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxay arkaan dalab laaluush oo aad u badan, taasi oo xoojinaysa qiimeynta ah in joogitaanka dawladda ee gobol ay astaan u tahay kororka dhacdooyinka bixinta laaluushka”.

Inta badan lacagaha laalushka ee caasimada dalka ayaa waxay daraasadu muujineysa in la siiyo ciidanka dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir, halka kuwa goboladana la siiyo Ciidamada maamulada iyo kooxda Al Shabaab oo iyadu meel sare kaga jirta liiska.

Marqaati ayaa sheegtay in sababta uu musuq-maasuqa ugu sii baahayo caasimada ay tahay ‘xoojinta hay’ádaha amniga iyadoo aan la xoojin xukunka sharciga ayaa u horseedaya Soomaaliya inay yeelato dowlad aan xakameynin sharciga isla markaana aan ka jawaabin rabitaanka shacabka’.

Ugu dambeyntiina waxaa daraasada cusub lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay la dagaalanka musuq-maasuqa, islamarkaana ay awooda dowladda loo weeciyay ilaalinta danaha shaqsiyadeed ee madaxda dawladda, midaasi oo meesha ka saartay xakameynta dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed ee argagixisada ka wadaan gudaha caasimada iyo musuq-maasuqa baahay.

Ciidamada dalka Eritrea oo ogolaaday inay ka baxaan gobolka TIGRAY – Abiy

Addis Ababa (Caasimada Online) – Eritrea ayaa ciidamadeeda kala bixi doonta gobolka waqooyi ee Ethiopia ee Tigray, waxaa sidaas maanta shaaciyey ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. 

Shaac ka qaadistan ayaa timid ayada oo Abiy uu wajahayo cadaadis sii xoogeysanaya oo ku saabsan inuu soo geba-gebeeyo dagaalka Tigray, oo ciidamada labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea lagu eedeeyey inay ka gaysteen xadgudubyo ay ka mid yihiin dil wadareedyo iyo kufsi.

Addis Ababa iyo Asmara ayaa muddo beeninayey in ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin gobolka Tigray, ayaga oo ka hor-imanaya caddeymo xooggan oo laga haleyo dadka deegaanka iyo diblomaasiyiinta, iyo xitaa qaar ka mid ah shacabka iyo militariga Ethiopia. 

Abiy ayaa ugu dambeyn qirtay kaalinta Eritrea ee dagaalka kadib khudbad uu Talaadadii u jeediyey baarlamanka, wuxuuna kadib Khamiistii u duulay Asmara, si uu ula kulmo kaligii taliyaha dalkaas Isaias Afwerki.

“Intii lagu guda jiray booqashadeeda, dowladda Eritrea waxay ogolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo xuduudda Ethiopia,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan maanta lagu daabacay twitter-kiisa.

“Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia ayaa la wareegi doona ilaalinta aagga xuduudda, laga billaabo iminka,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel oo ay xiriir la sameysay wakaaladda wararka AFP ayaan ka jawaabin codsigii loo diray ee ku aaadanaa inuu ka hadlo arrintan.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ku eedeeyey ciidamada Ethiopia dilka boqolaal shacab oo Tigray ah, bishii November, markaasi oo xasuuq uu ka dhacay magaalada Axum. 

Isha: AFP

Taliban oo dhiseysa dowlad Islaami ah xilli ciidamada Mareykanka ay baxayaan

Kabul (Caasimada Online) – Taliban ayaa Mareykanka uga digtay inaysan ka bixin heshiiska ay ciidamada Mareykanka iyo NATO uga baxayaan Afghanistan kahor 1-da bisha May, ayada oo wacad ku martay falcelin ay ka mid yihiin weeraro culus haddii ay sidaas dhacdo.

Taliban ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay dhisi doonta dowlad Islaami ah kadib marka ay baxaan ciidamada ajnabiga, sida horey loogu heshiiyey wada-hadalladii sanadkii tegay ka dhacay Doha.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan heshiiska oo ay wada saxiixdeen Taliban iyo maamulkii madaxweyne Donald Trump. 

Biden ayaa Arbacadii u sheegay taleefishinka ABC “inay waqtiga la qabtay ee 1-da May ay dhici karto, balse ay adag tyahay,” isaga oo intaas ku daray in haddii waqti laga sii dheereeyo 1-da May uusan noqon doonin mid badan.

“Waa inay baxaan,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Suhail Shaheen oo ka mid wada-xaajoodayaasha Taliban isaga oo ku sugan Moscow, halkaasi oo ay wada-hadallo uga socdaan Taliban iyo dowladda Afghanistan. Shaheen ayaa ka digay in sii joogistan1-da May kadib ay jebieneyso heshiiska.

Shaheen ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Taliban aysan ku qanci doonin wax aan ka ahayn in dowlad Islaami ah laga dhiso Afghanistan. 

Shaheen waxa uu carabka ku adkeeyey in dowladda hadda ka jirta Afghanistan ee madaxweyne Ashraf Ghani aysan ku habooneyn qeexitaankooda dowlad Islaami ah.

Sawirro: Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo digniin culus soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulan isugu yimid xildhibaanada taabacsan Golaha Badbaado Qaran oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, waxaana golahaas ku mideysan guddoomiyaha Aqalka Sare, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo midowga musharaxiinta.

Xildhibaanadaas oo ka socday labada Aqal Barlamaanka Federaalka ayaa kulankoodii maanta ku soo dhaweeyey dhismaha isbaheysigaan cusub, sidoo kale waxay saxiixeen codsi ay Madashan u soo gudbisay xildhibaanada, kaas oo looga hor tegayo mudo kororsi la sheegay in madaxweyne Farmaajo damacsan yahay.

“Waxaan saxiixnay petition lagu cadaynayo mowqifka Kutlada Badbaado Qaran iyo sida dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarka ku soo fool leh. Waxaanan sidoo kale baaq u dirnay dadka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Dowliga ah ee kaalmeeya dowlada Soomaaliya,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay

Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan uga dignay saraakiisha Farmaajo u adeegsanayo burburinta dalka ee ku tumanaya shuruucda dalka in aysan ciqaab la’aan noqon doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada liddiga ku ah dimuquraadiyada iyo xasilloonida dalka.”

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in guddoonka baarlamaanka ay uga digeen in dalkan burburintiisa iyaga loo adeegsado, isla markaana ay iska diidaan mudo kororsi uu sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu damacsan yahay.

“Waxaan uga dignay Gudoonka Barlamaanka inaan dalka gacantooda lagu burburin. Hormuudna aysan ka noqon mudo kordhinta sharci darada ah ee Farmaajo ka raadinayo Goleyaasha Barlamaanka,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Shir u furmay madax goboleedyada iyo Farmaajo oo isku dayey inuu sheegto

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Airport Hotel oo ku yaalla xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Shirkan oo u gaar ah shanta Madaxweyne Goboleed ayaa imanaya kadib markii maanta la baajiyay kulan dhex mari lahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Shirkaas ayaa baaqday kadib markii Farmaajo uu cadaadis ku saaray saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed ee taabiciyiinta ah in aanay ka qeyb gelin kulanka. 

Farmaajo oo saaka madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed kula shiray Afisyoone ayaa usoo jeediyay inay wada kulmaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed oo qura, ayada oo banaanka ka taagan tahay beesha caalamka.

Ma cadda sababta Farmaajo u diidan yahay in beesha caalamka goobjoog ka noqoto, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madax goboleedyada, taasi oo uusan dooneyn.

Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in Farmaajo goordhow uu warbaahinta dowladda ku baahiyey qoraal uu isku dayayo inuu ku sheegto abaabulka shirka goordhow u furmay madaxda dowlad goboleedyada.

Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Madaxweynaha JFS mudane  Mohamed Abdullahi Farmaajo  oo ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland si  loogu soo qanciyo in ay ka soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxwaynayaasha ergada ah ayaa waxay kala yihiin madaxwaynaha Galmudug, madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo madaxwaynaha HirShabeele.”

Shirkan ayaa inuu dhacayo waxaa la ogaa xalay iyo maalmihii tegay. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in shirar labadii habeen ee la soo dhaafay dhex maray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay furre u noqdeen shirka caawa furmay. Sidaas darteed maxay tahay ergada uu sheegay in Farmaajo uu galabta un soo diray?

Ma ahan markii koowaad ee Farmaajo uu sidan oo kale u sheegto shir uusan wax kaalin ah ku laheyn. Tusaale, markii uu ogaado in beesha caalamka ay abaabushay shirkii Afisyoone, wuxuu soo saaray qoraal uu shir isugu yeerayo madax goboleedyada. 

Arrintan ayaa muujineysa in Farmaajo talo gacantiisa ay kasii baxeyso, balse uu isku dayayo in weli ay wax walba ku dhacayaan rabitaankiisa, taasi oo ku qasbeysa in arrimo uusan shaqo ku laheyn oo saacad akhiira kula qabsado.

CC Sharmaarke: 5 qodob oo dowladnimadeena ah ayuu Farmaajo dhaawacay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somali Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si qoto dheer ah u faah faahiyay dib u dhaca iyo dhaawacyada gaaray nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya xili tobankii sano ee lasoo dhaafay dowladdihii kala danbeeyay ahaayeen kuwo hadba meel soo gaarsiinayay horumarka iyo qaranimada dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in nidaamkii dowladnimo ee soo bilowday 2000 ilaa 2017-kii uu galay marxalad dib u dhac ah, isagoo u sababeeyay dowladdii waqtiga dhamaaday taasoo dhaawac gaarsiisay, buu yiri, dadaaladii iyo nidaamyadii soo dhismay in ay burburiso.

Cumar Cabdirashiid ayaa tusaale usoo qaatay shan qodob oo uu ku macneeyay iney meesha ka baxeen.

“Dhibka ugu weyn ee afartii sano ee lasoo dhaaftay na gaaray shan qodob oo dowladnimadeenii ku qodontay ayaa dhaawac gaaray, mudadii afartii sano ee lasoo dhaafay ee jirtay dowladdii Farmaajo waxaa aragnay dad dhahayay nidaamka federaalka waa ku dulmanahay, waxa kaliya ee xal u aragnaana waa dowlad dhexe,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

“2000 ilaa 2017-kii aan ka tageynay dalka waxaa lagu soo daadihanayey dalka waxay aheyd dib u heshiisiin in dowladnimadu tahay, maadaama dib u hesiiisiin tahay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaa ka saarnaa xil gaar ah ineysan ku takri-falin awooda dowladnimo, In laga fogaado wax allaale wixii  keenay Soomaalida kalsooni darada dhex taal, In dul qaad ka badan dadka, qof kastana waqtigiisa intuu joogana inuu ku dadaalo ummada Soomaaliyeed meeshey joogto meel ka dhow inuu geeyo,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo u waramayay barnaamijka Ha-noolaato ee uu daadihiya Ayaanle Xuseen.

Cumar Cabdirashiid ayaa dib u dhaca iyo rajo xumida Somalia xiligaan ku habsatay ku tilmaamay inay tahay shantaan qodob.

1- Dowladdnimada inay tahay mid dib u heshiisiineed oo dadka meesha ay joogaan meel ka fiican la gaarsiiyo.

2- In dowladnimadeenu noqoto mid madani ah sidi tii DowIaddi lixdanki oo kale parliamentarian system.

3- In adeega dowladeed la gaarsiiyo deegaanada dalka oo dhan oo nidaamka federaalka la hirgaliyo.

4- In ciidanka iyo hay’addaha amniga aysan shaqsi siyaasadiisa u adeegin ee ay dastuurka dalka u hoggaansamaan.

5- In dowlad kastaa ay joogteyso wada-hadalada Somaliland tan iyo inti laga helaayo ummada Soomaaliyeed in mar kale dowlad wadaag hesho.

Cumar Cabdirashiid oo wareysigiisa dhinac badan ugu hadlay ayaa madaxweynihii Farmaajo ka horeeyay ee Xasan Sheekh ku tilmaamay mid wax walba ogolaa isla markaana dadka tabashadooda bogsiin jiray isagoo marna ku fikirin in dalku qalalaase geliyo, kana shaqeeyay in dalku ka dhacdo doorasho xalaal ah.

Ugu danbeyntii wuxuu Cumar Cabdirashiid wareysigiisa ku sheegay in Farmaajo iyo iyo Xasan Sheekh ay kala yihiin labo madaxweyne oo mid uu ka shaqeeyay horumar, in dalku doorasho galo iyo mid colaad, khilaaf iyo kala taga maamulada dalka iyo dowladdii dhexe ka shaqeeyay.

Laakiin Cumar Cabdirashiid ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in ra’iisul wasaarihii dalka uu gebay waajibaadkiisii shaqo iyo inuu qaato kaalintiisii dalka ugu aadaneyd badbaadinta dalka iyo dadka.

Janan iyo Fahad Yaasiin oo Muqdisho kasoo degay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in galabta wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo heshiis la galay dowladda federaalka, laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Janan uu la socdoTaliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin, waxayna ku yimaadeen diyaarad gaar ah ka soo qaaday degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan ayaa Muqdisho kusoo laabanaya sanad iyo laba bilood kadib markii uu magaalada, sida la sheegay, ka baxsaday dabayaaqadii bishii Janaayo ee 2020.

Janan ayaa markaas dowladda ay ugu yeertay dambiile, waxayna amartay in lasoo qabtay, hase yeeshee wuxuu hadda Muqdisho kusoo noqonayaa ayada oo dhammaan dambiyadii loo haystay daaqadda laga tuuray, islamarkaana ah saaxiib iyo xulufo.

Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay xalay soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga halbatay in Cabdirashiid Janan ay kula xisaabtanto dembiyada dagaal ee horay loogu eedeeyey, islamarkaana ay cadaaladda hor keento.

Amnesty waxay sheegtay in qoysaska dhibanayaasha u ah xadgudubyada la sheegay in Cabdirashiid Janan ka geystay gobolka Gedo ay mudan yihiin caddaalad.

“Hadda oo Cabdirashiid Janan uu ku jiro gacanta dawladda federaalka ee Soomaaliya, mas’uuliyiintu waa inay xaqiijiyaan caddaalad iyo la xisaabtan la xiriira dhammaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee lagu tuhmayo inuu ka gaystay Gedo. Dhibanayaasha iyo qoysaska ay tani saamaynta ku yeelatay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda Amnesty International.

Shirkii madax goboleedyada oo baaqday kadib faro-gelin ka timid Farmaajo (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ay galinka dambe ee maanta u balansanaayeen madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa baaqday kadib faro-gelin ka timid Farmaajo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Shirkaan oo ay gadaal ka riixeysay beesha caalamka oo rabta in heshiis laga gaaro doorashada dalka, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in kulan ay goob joog ka tahay la iskugu keeno madaxda dowladd goboleedyada oo u kala qeybsan labo garab.

Sida ay inoo sheegen ilo wareedyo ku dhow xerada Xalane, shirkaas muhiimka ah ayaa u baaqday cadaadis ka yimid dhanka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi u sheegay madaxda saddexda dowlad goboleed ee taabacsa inaysan uga qeyb-galin kulankaas.

Farmaajo oo saaka madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed kula shiray Afisyoone ayaa usoo jeediyay inay wada kulmaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed oo qura, ayada oo banaanka ka taagan tahay beesha caalamka.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay beesha caalamka dadaalo xoogan ku bixineyso sidii ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka heshiis kama dambeys ah uga gaari lahaayeen khilaafka doorashada oo xiisad hor leh ka dhaliyay dalka.

Ma cadda sababta Farmaajo u diidan yahay beesha caalamka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madax goboleedyada, taasi oo uusan dooneyn.

Dowladda federaalka ayaa waxay dhawaan digniin adag u dirtay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, midaasi oo la xiriirtay inay faro-gelin toos ah ku yeeshan arrimaha gudaha oo qeyb ka tahay doorashada, islamarkaana ay ku dalbaneysay inay joojiyaan fariimaha xasaasiga ah ee hawada u mariyaan.

Midowga Yurub oo ka hor-yimid heshiiska DF iyo Janan + V/Somalia oo u jawaabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa markii u horeysay ka hadlay heshiiska dowladda iyo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Nicolas Berlanga oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ka horyimid heshiiskaas, xili Cabdirashiid Janan loo haysto arrimo bini-aadanimo, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaas mid ku dhisan “guulo muddo kooban ah”.

Sidoo kale waxa uu xusay inuu xasuusan yahay dhibaatada la sheego inuu Janan uu ka geystay gobolka Gedo, asaga oo soo jeediyay in sharciga loo sinaado, midaasi oo ka dhigan in cadaalada la marsiiyo, islamarkaana lagu qaado gabood falka uu hore ugu eedeysna.

“Waxaan ka fakarayaa dhibanayaasha, dadka la barakiciyey, Soomaalida da’da yar ee ku haminayda bulsho nabad iyo dhex-dhexaad ah, oo sharciga loo wada siman yahay. Waxaan hubaa in kuwa ka fakaraya guulo deg deg ah aysan hilmaami doonin bulshada u baahan tiirar adag si loo dhiso mustaqbal,” ayuu yiri.

Saacado kadib hadalka Danjiraha waxaa jawaab kulul ka bixiyay Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in danjiraha uusan xaq u laheyn inuu arrintan kaga hadlo twitter-ka, islamarkaana ay tahay inuu walaaciisa ku aadan arrinta usoo maro marinada diblomaasiyadeed ee dowladda.

“Mudane Danjire, waxaan ogahay inaad marino aan xadidneyn aad u haysato marinada diblomaasiyadeed ee ugu haboon, si aad walaacyadaada ugu gudbiso, una hesho xog qiimo badan oo ku saabsan dhacdooyinka noocan ah”.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay shalay madax ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka taabacsan ee Gedo ay Cabdirashiid Janan si weyn ugu soo dhaweeyen magaalada Beled-Xaawo, ayada oo hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ay u haystaan dambiyo gabood fal.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay digniin adag kasoo saartay qoraalada ay danjireyaasha beesha caalamka hawada u mariyaan dowladda amase uga hadleen xaalada ka taagan dalka ee inta badan ku qoraan barahooda twitter-ka.

Wararkii ugu dambeeyay shirka halka dhinac ah ee Teendhada Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii afaraad ka socda teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho shir hal dhinac ah oo u dhaxeeya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Shirkaan oo bilowday maalintii Isniintii ayaa waxaa looga hadlayey khilaafka doorashada, ayada oo ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo iyagu kasoo horjeeda hanaanka ay dowladda waqtigeeda dhamaaday u wado doorashada.

Waxaa maanta la filayaa in shirkaas looga hadlo sugida amniga doorashada aan weli lagu heshiin, waxaana warbixin looga dhageysan doona Guddiga Amniga Qaranka.

Ajendaha shirka ayaa maanta ku qotoma arrimaha amaanka ee doorashada, waxayna madaxda ku shirsan Afisyoone ay hore uga doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay soo gudbiyeen Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku.

Dhinaca kale, Sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan wafdiga maamulada Puntland iyo Jubaland ee ku sugan, wakiilada beesha caalamka ayaa galabta shir gaar ah u qabanaya 5-ta maamul gobaleed ee dalka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dooneyso in marka hore la xaliyo tabashooyinka u dhaxeeya hogaamiyaasha maamul gobaleedyada kahor inta aanay la kulmin Farmaajo.

Shirkan oo lagu waday inuu maanta gelinkii hore dhaco ayaa waxaa fashiliyey Farmaajo kadib markii saaka aroor hore uu tegay Afisyoone, kuna qasbay saddexda madaxweyne goboleed ee taabiciyiinta ah inay shir kula soo biiraan.

Puntland oo eedeyn culus u jeedisay Farmaajo iyo wasiir Jamaal Maxamed Xasan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo la hadlay wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib rabshadihii shalay ka dhacay degmadda Dhahar ee gobolka Sanaag.

Jaamac Deperani ayaa baabulka dibad-baxaasi ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) & wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Puntland.

Afhayeenka ayaa xusay in dibad-baxaasi ujeedkiisu uu ahaa in fowda laga bilaabo degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu beeniyey in ciidamada Puntland ay rasaas u adeegsadeen dibad-baxayaasha, wuxuuna meesha ka saaray in khasaare uu ka dhashay rabshadahaasi.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Jamaal waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya si adag u cambaareysay falkaasi oo ay ku tilmaamay inuu ah mid fool xun, iyada oo ku eedeysay damada amniga Puntland inay si ula kac ah xabad ugu adeegsadeen bulshada Dhahar.

Bukhaari: Dowladnimadu ma’aha la jiifiyaa bannaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa si adag uga hadlayey heshiiska la sheegay inuu dhex-maray wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) & dowladda.

Abshi Bukhaari ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in weli Cabdirashiid Janan uu yahay eedeysane loo heysto eedeymo ka dhan ah aadanaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin qof ka tiri kara eeda loo heysto&  kiiskiisa ka yaalla maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka sare ayaa sidoo kale heshiis siyaasadeysan ku tilmaamay heshiiska ay wada-gaareen Janan iyo dowladda, wuxuuna intaasi ku daray in uusan wax saameyn ku yeelan karin kiiskii horey u taagnaa iyo dacwadda taalla maxkamadda.

“Heshiiskan siyaasadeysan ee dhexmaray Dowladda Federaalka & eedeysane Cabdirashiid Janan kuma yeelan karo wax saameyn & raad sharci ah kiiskii taagnaa ee horey loogu soo eedeeyay kaas oo ay qasab tahay in lagu dhameystiro xayndaabka nidaamka garsoorka dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sentor Abshir Bukhaari.

Shalay ayey markii wasiir Janan si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii uu heshiis hoose la galay dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka  aqriso:-

QOFKUU DOONO HA AHAADEE, MA JIRO QOF EED TIRI KARA EEDEYSANE GARTIISU AY MAXKAMAD HORTAAL.

Hay’adaha Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah horey ugu soo eedeeyeen Cabdirashid Janan dembiyo la xiriira xuquuqda aadanaha isaga oo mar ka soo muuqday maxkamad kadibna uu ka baxsaday meel lagu hayay markaas waxaa loo jaray amar soo qabasho si loo horgeeyo caddaaladda.

Hadaba, heshiiskan siyaasadeysan ee dhexmaray Dowladda Federaalka & eedeysane Cabdirashiid Janan kuma yeelan karo wax saameyn & raad sharci ah kiiskii taagnaa ee horey loogu soo eedeeyay kaas oo ay qasab tahay in lagu dhameystiro xayndaabka nidaamka garsoorka dalka.

Sidoo kale, dowladnimadu ma aha la jiifiyaana bannaan ee waa hay’addo isku sidkan oo haddana kala madaxbannaan go’aanadoodana lagu hago dastuur iyo xeerar u degsan.

Qarax Muqdisho ka dhacay oo lagu dilay sarkaal sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada soo boodada ah ayaa ka dhacay laamiga cusub ee degmada Dayniile , iyadoo lala eegtay sarkaal ka tirsanaa milatariga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday gaari Saruf ah oo uu la socday sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis & qaar ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo lasoo wariyey inuu ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay dhaawacyo gaareen askartii la socotay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan milatariga oo ka agdhowaa halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo meydka & dhaawacyada ka qaaday halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda & maamulka degmada Dayniile oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada ceynkan oo kale ah ka fulisa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo si kordhayey maalmihii lasoo dhaafay.

Weerar lagu qaaday Xalane iyo khasaare ka dhashay

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyeyaal ah oo markale maanta lagu qaaday xerada Xelane ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ilo deegaanka ayaa innoo sheegaya in hoobiyeyaasha ay gaarayeen illaa saddex madfac, kuwaas oo qaarkood ku hoobtay xaafadaha ku dhow xerada Xanale oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, safaarado, hay’ado, sidoo kalena ay joogaan madax goboleedyada.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa uu ku dhintay hoobiyeyaashaasi, kuwaas oo kala ahaa Aabe & wiil yar oo umul lagula jiray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay dhaawacyo soo gaareen ku dhowaad illaa 5 qof oo kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

“Weerarka waxaa ku dhintay labo ruux ka dib markii madfac ku soo dhacay guri ku yaalla degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xalane, Aabihii qoyska iyo wiil yar oo umul lagula jiray ayaa dhintay waxaana dhaawacmay 3 ruux oo isla qooyskaas ah,” ayuu yiri qof goobjooge ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambye tegay goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey agagaarka xeyndaabka Xalane.

Waa markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xerada Xalane, tan iyo markii ay soo gaareen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeedo hanaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka.

Xog: Beesha Caalamka oo shir uu dibad joog ka yahay FARMAAJO u qabaneysa madax gobaleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan wafdiga maamulada Puntland iyo Jubaland ee ku sugan, wakiilada beesha caalamka ayaa maanta shir gaar ah u qabanaya 5-ta maamul gobaleed ee dalka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dooneyso in marka hore la xaliyo tabashooyinka u dhaxeeya hogaamiyaasha maamul gobaleedyada kahor inta aanay la kulmin Farmaajo.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in shirar labadii habeen ee la soo dhaafay dhex maray Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay furre u noqdeen shirka maanta dhacaya, oo sidoo kale la filayo inay ka qeyb-galaan wakiilada beesha caalamka ee loo yaqaan C6+.

Waxaa la filayaa in shirkan looga heshiiyo ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaa la filayaa in shir gaar ah loo qabto loona sheego in dalka badbaado ka rabo maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa uu noqon doonaa markii labaad oo shir gooni ah ay yeeshaan madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, kaddib shirkii Dhuusamareeb 1 ee sanadkii hore. 

Beesha caalamka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay gashay mashquul badan oo arrimaha Soomaaliya ah maadaama ay sii kala fogaadeen madaxda Soomaalida, islamarkaana laga heshiin la’yahay arrimaha doorashada Soomaaliya.

Lama oga sida ay noqon doonto xaaladda Soomaaliya oo hadda mareysa meel adag waxaana wadanka ka socda kulamo kala duwan oo ay wadaan dhinacyada siyaasadda, hogaamiyaasha arrimaha bulshada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

JUBALAND oo war cusub kasoo saartay heshiiska Janan iyo DF Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay heshiiska dhex-maray Cabdirashiid Janan iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa wareysigan ku sheegay in go’aanka Janan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana uu weli sideedii yahay mowqifkeeda.

“Janan waa wasiirkii hore ee amniga muddo dheer ayuu Jubbaland u soo shaqeynayey, dowladdu iyadaa mar xirtay oo tiri waa dambiile, haddana iyadaa diyaarado & wasiiro u soo dirsatay, isaguna go’aanka wuu qaatay wuu la wareegay, laakiin Jubbaland mowqifkeeda waa sidii,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa soo hadal qaaday waxa ay Jubbaland kala socotay wada-hadallada Janan iyo dowladda dhexe, wuxuuna uu tilmaameen in waqtiyadii u dambeeyey ay ka war-heleen, balse go’aanka uu ahaa mid dhacay oo ay wada gaareen labada dhinac.

“Waqtiyadii u dambeeyey ayaan ka war-helnay, laakiin go’aanku marbuu dhacaa waa uu dhacay kolley hadda muhiim maaha wixii hoostooda ay usoo wada-hadlayeen, laakiin muhiimku waxa ay tahay inuu go’aanka gaaray, iyagana ay gaareen,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Janan iyo dowladda Soomaaliya uusan saameyn ku yeelan doonin Jubbaland, islamarkaana shaqadu ay halkeeda kasii socon doonto, ciidamaduna ay joogaan meeshii loogu tala-galay.

“Anaguna xilka waa laga wareejiyey marka shaqaduna sideedii-beyn u soconeysaa, ciidamadiina aagii ayey ku sugan yihiin,” ayuu kuu soo gabagabeeyey wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo muddo dagaal kula jiray dowladda federaalka lagu soo dhoweeyey gudaha degmada Beledxaawo) kadib heshiis uu la galay saraakiil ka socotay hay’adda nabad-sugida & sirdoonka qaranka.