27 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Kulankii golaha shacabka oo lagu kala dareeray kadib buuq xooggan oo hareeyay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa lagu kala dareeray kulankii golaha shacabka ay maanta ku balansanaayeen xaruntooda Villa Hargeysa kadib markii lagu kala qeybsamay inuu fadhiga furmo.

Ajandaha kulanka oo xalay lagu soo daabacay barta bulshada ee golaha Baarlamaanka, sidoo kalana xildhibaanada fariin qoraaleed loogu diray ayaa lagu sheegay in looga hadlayo arrimo ku saabsan Covid19, balse waxaa yimid tuhun laga qabo inuu jiro muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo golaha baarlamaankaba.

Ka hor inta uusan furmin fadhiga, buuq ayaa hareeyay xarunta Baarlamaanka, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ay diideen iney saxiixaan buuga lagu xaadiriyo xildhibaanada, kadibna la wareegeen minbarka laga hadlo.

Xildhibaanadan ayaa lagu eedeeyay iney sameeyeen qalalaase, islamarkaana is horistaag ku sameeyeen inuu kalfadhiga furmo, iyadoo gudoomiyaha golaha shacabka ee wakhtigiisa dhamaaday uu sheegay in lasoo gudbiyo liiska xildhibaanada kiciyay buuqa si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynayaasha shanta maamul goboleed uu kulan uga socdo garoon ku yaalla xerada Xalane, iyadoo la rabo in laga arrinsado sidii shir weyne la isugu imaan lahaa maadaama Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay diideen shirkii uu ku baaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sawirro: Shir gaar u ah 5-ta MADAXWEYNE goboleed oo ka socda MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xerada Xalane ka furmay shir gaar u ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka, sida Axmed Madoobe, Saciid Deni, Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Cali Guudlaawe, wuxuuna kulankan ka billowday hotel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saarayo is mari-waaga ka taagan furitaanka shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada, kaas oo ay si weyn uga biyo diideen hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi sii raacinaya in shirkan gaarka ah ee madaxda maamul goboleedyada kusoo qaadayaan xal u helida khilaafka weli ka taagan doorashooyinka.

Shirkaani ayaa dab-socdo kulamo gaar gaar ah oo ay maalmihii u dambeeyey lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, si is-faham waaga jira loogu dhameeyo wa-hadal.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii uu baaqday shir u dhexeeyey beesha caalamka & maamul goboleedyada, kadib cadaadis ka yimid dhinaca dowladda dhexe ee Somalia.

UK oo war culus soo saartay xilli uu Muqdisho ka socdo isku day muddo kordhin

0

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa shaacisay inaysan taageeri doonin ficil kasta oo muddo kordhin loogu sameynayo hay’adaha muddo xileedkoodu uu dhammaaday ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan tuhuno arrintaas la xiriira.

“UK ma taageeri doonto ficil kasta oo hoggaaminaya doorasho hal dhinac ah, hanaan doorashooyin oo is-dhinac socda, iyo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka UK ee Afrika James Duddridge. 

Duddridge ayaa hoosta ka xariiqay baahida deg degga ah ee loo qabo in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay isku yimaadaan ayna gaaraan heshiis ku aadan hirgelinta hanaan doorasho, si waafaqsan hanaankii la isku raacay 17-kii September, iyo talo soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhaba ee 16-kii Febraayo.

“Danta shacabka Soomaaliyeed darteed, iyo danaheena guud ee amniga, horumarka iyo kobaca Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay ka guuleystaan is-mari waagan, ay yeeshaan wada-hadallo wax ku ool ah, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri James Duddridge.

Baaqa UK ayaa imanaya ayada oo maalmihii ugu dambeeyey ay Muqdisho kusii xoogeysaneysay hadal-hayn ku saabsan isku day muddo kordhin oo ay wadaan xildhibaanada qaar.

Sidaa kale waxaa jira shaki weyn oo ka dhashay kulan maanta fowdo ay hareysay oo ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamanka, kaasi oo muddo kororsi lagu tuhmay.

Tuhunkan ayaa waxaa sii kordhinaya ayada xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 23-kii bishan shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Ciidamo dhar-cad ah ‘oo la geeyey’ baarlamaanka iyo xaaladda oo aad u kacsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo xarunta baarlamaanka Somalia ee Villa Hargeysa waxaa halkaasi lagu arkay ciidamo dhar-cad ah oo la soo dhoobay dhismaha xaruntaasi oo ay maanta kulan xasaasi ah ku leeyihiin xubnaha golaha shacabka.

Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay xaaladda xarunta golaha shacabka ayaa xusay in ciidan uu ku tilmaamay maleeshiyaad lasoo dhoobay xarunta Villa Hargeysa, islamarkaana wata Bistoolado, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidamo dhar-cad loo adeegsado mudanayaasha baarlamaanka, iyada oo la doonayo in lagu qal-qal geliyo, si loogu fuliyo ajando aan waafaqsaneyn shuruucda iyo dastuurka dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa nasiib darro ah in xarunta baarlamaanka lasoo dhoobo maleeshiyaad Bistoolado ku hubeysan oo la doonayo in lagu qal-qal geliyo xildhibaanada, lana doonayo in lagu fuliyo ajando guracan oo baal-marsan shuruucda iyo dastuurka u yaal dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay cambaareynayaan tallaabadaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay in dalka aan lagu maamuli karin qoray caaradiisa.

Si kastaba kulanka maanbta ee baarlamaanka ayaa waxaa lagu muujinayaa tuhun ah in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, waxaana arrintan ay kusoo aadeysaa, xilli xasaasi ah oo uu dalku ku jiro marxalad adag oo kala guur ah.

DF Soomaaliya oo jawaab ka bixisay go’aankii KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa jawaab ka bixiyey go’aanka ay Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab & Kaakuma.

Dubbe ayaa shaaciyey in aysan Kenya xeri karin labadaasi xero, ayna qasab kusoo celin karin qaxootiga Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay ku joogaan sharci caalami ah.

“Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga,” ayuu wareysiga uu siiyey BBCida ku yiri wasir Dubbe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kenya ay siyaasadeyneyso arrimaha bani’aadanimada, islamarkaana ay wado argoosi, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go’aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay,Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Kenya ay dan badan ku qabto qaxootiga deggan dalkeeda, islamarkaana ay ku hesho dhaqaale xoog leh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Kenya ay shaacisay in labo todobaad, kaddib ay albaabda isugu dhufan doonto xeryaha qaxootiga ee Dhahdhaab & Kaakuma ee dalkaasi.

CC Shakuur: Farmaajo waxa uu rabaa inuu sameeyo is-qarxis siyaasadeed, inta la jaalka ahna laba far u taago

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo war qoraal soo saaray ayaa ka hadlay kulanka maanta ee golaha shacabka iyo sheekooyinka ku xeeran.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu rabo in xubnaha golaha shacabka ay u sameeyaan muddo kordhin sharci darro ah.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo uusan dooneyn marnaba in dalka ay ka dhacdo doorasho guud oo loo wada dhan yahay.

“Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri CC Shakuur.

Sidoo kale musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay is qarxin siyaasadeed, balse loo baahan yahay in laga feejignaado.

Halkan hoose ka aqriso:-

Farmaajo waxaa ka go’an in uu hor istaago wadda kasta oo lagu gaari karo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda. Wuxuu doonayaa in Golaha Shacabka oo muddo xileedkiisii dhammaaday, Aqalkii Sare na ka maqan yahay uu muddo kordhin sharci dari ah u sameeyo. Wuxuu kaloo ogyahay in Dowlad Goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka aysan aqabali doonin.

Laakiin wuxuu rabaa in uu is qarxis siyaasadeed sameeyo, inta la jaalka ahna labo far u taago, I taageera oo isla kay qarxiya ama i diida oo Dowlad Goboleedyada iga soo horjeeda, Aqalka sare, mucaaradka iyo ajnabiga raaca oo na kala wada.

Maanta imtixaanka ugu adag waxaa wajahaya Farmaajo saaxiibbadiis oo ay hortaallo kala doorasho ah in in ay Farmaajo isla miidaamiyaan, ama ay gacanta qabtaan oo isaga, iyaga iyo dalkaba badbaadiyaan oo ay doorasho loo dhanyahay oo si nabad ah ku dhacda ogolaysiiyaan.

Waxaa mahadsan mudanayaasha ka tirsan Gola Shacabka ee sii caddeeyay mowqifkooda iyo inta diidan damaca Farmaajo.

Qarax khasaare geystay oo saaka ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay wadada Beexaani dhanka degmada Shibis, sida ay Caasimada Online xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo geystay khasaare u badan dhaawac lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan ku dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey illaa saddex askari oo la socotay gaari la qarxiyey oo uu noociisu ahaa baaburka Soomaalida u taqaano Qooqanta ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen.

Muddooyinkii dambe  ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayey falal ammaan dari, sida dilal, qaraxyo & dhac habeenkii loo geysto shacabka.

Daawo: Jabriil oo ka digay in BEESHA CAALAMKA ay la wareegi karto doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Jabrill Ibraahim Cabdulle ayaa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay arrimo badan oo ku gadaaman xaaladda dalka gaar ahaan doorashada.

Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad aad u adag kadib markii shirar looga hadli arrimaha doorashooyinka ay qabsoomi waayeen, kadib markii dhinacyada is-haya ay isku xireen shuruudo, qaarna ay qaadaan tallaabooyin ay ku carqaladeynayaan.

Jabriil ayaa sidoo kale ka hadlay kulamo uu la qaatay beesha caalamka, madaxda maamul goboleedyada yimid magaalada Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si loo xaqiijiyo hiigsiga dowladnimo.

Musharax Jabriil Ibrahim Cabdulle waxaa uu si dareen leh uga hadlay arrinta walaaca laga qabo ee doorashooyinka, wuxuuna ka digay in halis loogu jaro in talada ay ka baxdo gacan Soomaaliyeed.

“Haddii aan xal la helin, oo aan arrintan xal laga gaarin, arrinta doorashooyinka, waxay keeni doontaa, in awooddii aan heshiis ku gaari laheyn, ama awooddii aan dalkeeni annaga hoggaan ugu noqon laheyn ay cid shisheeye gacanta u gasho,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Waxaa uu ku taliyay in aan lagu kala tagin shirka Muqdisho ka furan ee looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka, kaasi oo habsami u socodkiisa shaki wayn laga muujinayo.

Waxa uu ugu baaqay in madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe inay u tanaasulaan danta guud oo ay qaataan go’aan waddo wanaagsan u xaaraya dalka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in afartii sanaba mar ay muhiim tahay inay dalka ay doorasho ka dhacdo, taasi oo mar walba jiheysa dowladnimada dalka.

Musharax Jabriil waxaa uu soo jeediyay in hadii la isku fahmi waayo qodobada la isku-haaya in loo weecdo dhanka dhaqanka, taasi oo aheyd xal soo jireen ah oo Soomaalidu ku dhaqmi jiray 

Hoos ka daawo Jabriil

‘Sababaha dib loogu furayo BF waa muddo kororsi’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya walaaca iyo tuhunka laga muujinayo kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka, kaas oo ajandihiisa lagu sheegay ka doodista Covid-19.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo dhaq dhaqaaq xoog leh oo ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muddo xileedka baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu dhammaaday, isla-markaana uusan sameyn karin muddo kordhin horleh, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaa jira dhaq dhaqaaq xooggan ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kororsi, gaar ahana golaha shacabka, Baarlamaanka waqtigiisa waa dhamaaday hadda muddo kordhin kuma sameyn karo muddo xileedkii hore,” ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in qorshahaani lagu doonayo muddo kordhinta uu gadaal ka riixayo madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, islamarkaana u jeedada maanta dib loogu farayo kulanka baarlamaanka ay tahay sameynta muddo kororsi.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa gadaal ka riixaya, waxaana kala shaqeynaya xubno ka tirsan Guddoonka Golaha Shacabka, sababaha maanta dib loogu furayo Baarlamaanka waa muddo kororsi, ”ayuusii raaciyey Xildhibaan Cabdullaahi.

Si kastaba kulanka golaha shacabka ayaa saacadaha soo aadan furmi doono, waxaana haatan xarunta kusii qul-qulaya xildhibaanada baarlamaanka oo xalay lagu war-geliyey inuu jiro kula-weynahooda oo looga hadlayo saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19.

Shaki weyn oo ka dhashay kulan maanta loogu yeeray xildhibaanada baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki weyn ayaa ka dhashay kulan maanta loogu yeeray xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay aad u kacsan tahay.

Kulanka loogu yeeray xildhibaanada ayaa la sheegay in looga hadli doona xaaladda cudurka COVID-19, ayada oo uu shir guddoomin doono Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Si kastaba, xildhibaanada qaar ayaa durba billaabay inay isla dhex-maraan in COVID-19 lagu dhex qarin rabo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, gaar ahaan muddo kordhin loo sameeyo xildhibaanada iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo.

Xildhibaanada qaar ayaa wacad ku maray inaysan marnaba ogolaan doonin ayna ka xigaan gacan ka hadal in muddo kordhin sharciga ka baxsan loo sameeyo hay’adaha waqtigoodu dhammaaday.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Dulqaadka Xildhibaanada in qalad loo fahmo ee maalin walba qorshe Farmaajo gadaal ka riixayo Golaha Shacabka lala hor yimaado waa ceeb iyo foolxumo. Mana aqbalayno!”

Tuhunkan ayaa waxaa sii kordhinaya ayada xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 23-kii bishan shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

QM ayaa isla maalinkii xigay ka digtay isku daygan ayada oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in beesha caalamka aysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore.” 

Haddii Mursal, oo xulufo la ah Farmaajo, uu ku dhaqaaqo tallaabadan waxay noqon doontaa is-miidaamin siyaasadeed oo qalalaase xooggan gelisa dalka.

Sawirro: Taliyaha booliska oo dalab u gudbiyey UK

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay danjiraha cusub ee UK, Kate Foster oo dhawaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ka guddoomay waraaqaha danjirinimo.

Kulankaan oo ka qabsoomay xarunta safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada amni ee dalka iyo dhismaha dowladnimada oo hormuud u yihiin hay’addaha nabad-gelyada.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray taageerada ay dowladda UK siiso Soomaaliya, gaar ahaan mida ciidamada oo ay kamid taha dalalka sida weyn u taageera dhismaha dowladdnimada Soomaaliya.

Labada mas’uul ay intii uu socday kulankaas waxay isku dhaafsadeen hadalo warbixin ah, iyadoo danjiraha uu bogaadisay shaqada adag ee ay hayaan ciidanka booliiska Soomaaliya. 

Talie Xijaar ayaa dowladda UK uga mahad-celiyay taageerada ballaadhan ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan garab istaaga joogtada ah ee ciidamada booliiska, isagoona ka dalbaday dar-dar gelinta taageerada ciidamada.

UK ayaa waxay kamid tahay dowladaha taageero maaliyadeed oo badan ku bixisa dowladda federaalka dib u dhiskeeda, midaasi oo ay muhiimsan tahay Hay’adaha nabad-geliyada oo booliisku ugu horeeyo.

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka baarlamanka iyo guuxa xildhibaannada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan-weynahooda ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo lagu jiro kala guur.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista saameynta ka dhalatay soo laba kacleynta cudurka Coronavirus, balse warar soo baxaya ayaa shaaca ka qaadayo inuu jiro qorshe muddo kordhin ah oo ay tuhun ka muujiyaan qaar ka mid ah xildhibaanada.

Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa meesha ka saaray inay jirto muddo kordhin uu baarlamaanka u sameynayo hay’adaha dowladda, balse wuxuu tilmaamay in ajandaha lagu soo dari karo, haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii 10 xildhibaan ay mooshin ku keenaan oo ay yiraahdaan ajandaha ha-lagu daro waa la arkaa, laakiin hadda ajandaha naloo soo diray ma’aha,” ayuu yiri Jeesow.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Haddii ajandaha lagu keeno waa laga doodaa marka hore ajandaha mooshin waaye, mooshinka ayaana qaadanayo in la diiwaan-geliyo, laga doodo, kadibna cod loo qaado, marka wax cod kali karo ila ma’aha,”.

Si kastaba kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada muddo xileedkooda uu dhamaaday ayaa ah mid la wada sugayo waxa kasoo baxo, kaas oo lagu wado in saacadaha soo coda uu si toos ah uga billowdo xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo baajiyey kulan ay caawa kula ballameen Midowga Musharaxiinta + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baaqday shir lagu waday in caawa yeeshaan Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo Midowga Musharaxiinta, kadib faro-gelin ka timid madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shirka caawa ayaa waxaa dib u dhigay casho sharaf caawa lagu qabanayo Villa Somalia oo goor dambe oo maanta ah ku casuumay Farmaajo saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, oo ay xulufo dhow yihiin, kadib markii la ogaaday kulanka Midowga Musharaxiinta.

Ma cadda sababta Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen kulan ay imaatinkiisa ballan-qaadeen, hase yeeshee xildhibaano ku dhow Midowga Musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan laheyn xorriyad, oo saacad kasta oo looga yeero Villa Somalia ay ku qasban yihiin inay tagaan.

Waa markii labaad ee laba maalmood gudahood ah ay faro-gelin ka timid Farmaajo wax ka beddeshay qorshaha madaxweyne goboleedyada taabacsan, kadib markii sidoo kale uu shalay xilli ay la ballansanaayeen beesha caalamka iyo Axmed Madoobe iyo Deni uga yeeray Afisyoone.

Farmaajo ayaa kadib u sheegay Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay la kulmi karaan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, balse aysan beesha caalamka goobjoog ka noqon karin, taasi oo ay aqbaleen lana kulmeen xalay xilli dambe.

Dhanka kale, waxaa caawa la filayaa in uu qabsoomo shir u dhaxeeya Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, kadib cashada Villa Somalia, wuxuuna qeyb ka noqonaya shir docoodyada loogu gogol xaarayo is-faham ay shanta madaxweyne goboleed ka gaaran doorashada.

SHIINAHA oo qoraal ay la dhacday DF kasoo saaray is-mari waaga doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku taageerayso hanjabaadii ay dhawaan dowladda federaalka u dirtay dalalka beesha caalamka ee inta badan sida adag uga hadla xaalada dalka, gaar ahaan is-mari-waaga doorashada.

Shiinaha ayaa sheegay inuu dhowrayo madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana uu taageerayo horumarka iyo nabada halka lug ku taagan ee dalka, sida lagu baahiyay barta twitter-ka ee Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

“China waxay ixtiraameysaa madax-banaanida Soomaaliya, madax-banaanida dhuleed, xoriyadda iyo sharafta siyaasadeed, waxayna si adag u taageerayaa nabadda, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, waxayna ilaalineysaa mabda’a ah ‘Milkiyad Soomaaliyeed iyo Hoggaan Soomaaliyeed’,” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa waxa si weyn warbaahinteeda ugu baahisay dowladda federaalka, midaasi oo muujinaysa la dhacsanaanta mowqifka Shiinaha ee uu ka qaatay xiisada ka taagan dalka.

“Dowladda Shiinaha oo taageertay mowqofkii DFS ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye,” ayaa lagu yiri warbaahinta dowladda federaalka oo si weyn u baahineysa qoraalka Shiinaha.

Dowladda federaalka ayaa gebi ahaanba ka aamusi jirtay fariimaha ay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay soo saaran, kuwaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay u badnaa hanjabaado iyo canaan toos ugu socota Villa Somalia iyo madax goboleedyada, oo la xiriirta xal ka gaarista khilaafka doorashada.

Soomaaliya ayaa waqti xaadirkan mareysa marxalad xasaasiya, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda, islamarkaana uusan jirin heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hanaanka doorashada.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa, xili ay beesha caalamka isku dayeyso in xal kama dambeys ah laga gaaro doorashada, midaasi oo Farmaajo u diidan yahay, waxaana la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madaxda is-khilaafsan, taasi oo uusan dooneyn.

Maxaa kasoo baxay kulankii xalay dhex-maray shanta madaxweyne goboleed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeya Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed ee xalay uga furmay Airport Hotel ee xarunta Xalane ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad iyo isu soo dhawaansho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Shirka ayaa marka hore ku billowday is-eedeyn iyo dood kulul, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay eedeeyeen saddex madaxweyne goboleed ee taabacsan Farmaajo, kana dalbadeen inay qaataan kaalintooda hoggaan oo aysan noqon kuwa wax kasta loo meeriyo.

Dhanka kale, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ayaa iska difaacay eedeymahaas ayaga oo Deni iyo Axmed Madoobe ku eedeeyey in caqabadda ay dhankooda ka imaneyso, oo mar kasta oo xalku dhow yahay ay la imanayaan shuruudo cusub.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah ajendaha shirka, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay caddeeyeen inaysan dooneyn in Farmaajo uu shirka guddoomiyo, maadaama sida ay sheegeen uu muddo xileedkiisu idlaada, islamarkaana uusan haysan maqam madaxweyne.

Axmed Madoobe iyo Deni waxay sidoo kale caddeeyeen inay doonayaan daamanadda beesha caalamka, ayaga oo ku dooday inaysan aamini karin Farmaajo.

Ilo-wareedyo ka ag dhow dhinacyadaas ayaa sheegay markii dambe la isku soo dhowaaday la iskuna fahmay laguna ballamay shirar kale oo kan ugu horreeya ay berri subax iskugu imaan doonaan, si loo xoojiyo is faham horseeda in natiijo wanaagsan ka soo baxdo shirarkooda.

Si kastaba, waxaa laga cabsi qabaa in Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen mar kale ay isbeddelaan marka ay ku laabtaan Farmaajo, sida horey looga bartay.

Shirkaa oo u gaar ahaa shanta Madaxweyne Goboleed ayaa imanaya kadib markii shalay galab la baajiyay kulan dhex mari lahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Dhaqaale cusub oo DF la siinayo oo la ansixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa ansixisay kaalmo dhaqaale dheeri ah lagu siinayo dowladda Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta dalalka faqiirka ah ee deyntu la degtay oo kamid tahay Soomaaliya.

Guddiga fulinta IMF ayaa ansixiyay in dowladda Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 0.97-Milyan oo dollarka Mareykanka, dhaqaalahaasi oo ay sheegtay in loo adeegsan doono sidii Soomaaliya uga soo bixi laheyd waajibaadka geedi socodka deyn cafinta.

Geedi socodka deyn cafinta ee dhaqaalahan cusub loo adeegsan doono ayaa waxa uu ka dhaxeeya Hay’adda lacagta aduunka IMF, Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Kaalmadan dhaqaale ayaa socon doontaa muddo sanad ah, midaasi oo ku taariikheysan 25, Maarso ee 2021 ilaa 24, Maarso ee 2022-ka, taasi oo ay Soomaaliya ku dabooli doontaa waajibaadka ka saaran barnaamijka deyn cafinta.

Muddo Sanad ah ayaa laga joogaa markii sidan oo kale guddigan fulinta ee hay’adda lacagta aduunka ay shaacisay in dowladda Soomaaliya gaartay barta go’aan qaadashada barnaamijka deyn cafinta.

Si kastaba, Barnaamijka deyn cafinta ayaa waxay hay’adda IMF ay hore u siisay Soomaaliya in muddo sadex sano ah ku dhameystirto guud ahaan geedi socodka deyn cafinta oo muddo badan soo jiitamayey.

Puntland oo shaacisay inay ka go’eyso Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ku hanjabtay inay ka go’ayso Jamhuuriyada Soomaaliya, kadib khilaaf muddo badan soo jiitamayey oo kala dhaxeeya dowladda federaalka, midaasi oo ay dab kusii shiday xiisada doorashada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo maanta ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas ayaa waxa uu sheegay in Puntland aysan marnaba aqbaleyn wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah.

Xasan Abgaal ayaa ku dooday in dastuurka Puntland qoddobo kamid ah uu xaq u siinayo inay ka go’do Soomaaliya haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay haddii la waayo dowladda federaal oo dhowreysa heshiisyada iyo dastuurka dalka inay xaq u leeyihiin gooni-goosad, midaasi oo ka dhigeysa maamul goboleedkii labaad ee madax-banaani ku dhawaaqa, marka laga imaado Somaliland.

Ugu dambeyntiina wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay doonayso dowlad goboleedyo dhisan iyo dowlad dhexe oo wax wadaag, laakiinse aysan dooneyn hal qof wax uu xukumo, taasi oo dalka u horseedaysa bur-bur hor leh.

Arrintan ayaa noqoneysa haddii ay ku dhaqaaqdo Puntland fur-furka nidaamka federaalka oo ay hore uga maqneyd Somaliland, oo iyadu muddo 30-sanno ah ku doodeysay inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, waxayna kusoo aadeysa xili ay si weyn isku hayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Puntland.

Xaaskii madaxweyne CALI MAHDI oo geeriyootay

Nairobi (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee, Raxma Maxamuud Gacal oo aheyd xaaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Nairobi.

Raxma ayaa toddobaadyadii tegay ka xanuunsaneysay isbital ku yaalla Nairobi, waxaana lagu warramay inay u geeriyootau xanuunka COVID-19, oo sidoo kale Cali Mahdi uu u dhintay 10-kii bishan March.

Geerida Raxma ayaa waxaa ka tacsiyeeyey madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo qoraallo soo dhigay baraha ay ku leeyihiin facebook iyo twitter.

“Waxaan murugada la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska M/weynihii hore Cali Mahdi Maxamed, annagoo uga tacsiyeyneyna geerida ku timid Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootey magaalada Nairobi. Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna allaha naga siiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Xasan Sheekh ayaa isna qoraalkiisa ku yiri “Eebe naxariistiisa Janno haka waraabiyo marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal, xaaska madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahadi Maxamed. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii ay ka baxday, waxaana Alle ka baryayaa in uu sabar & iimaan naga wada siiyo إنا لله وإنا إليه راجعون”

Cabdirashiid JANAN ma is-dhiibay mise heshiis ayuu la galay VILLA SOMALIA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii ka dhacay tuulada Najax oo katirsan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxa ka qaybgalay Wasiiro iyo saraakiil katirsan xukuumadda xilligeedu dhammaaday iyo Cabdirahsiid Janan wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.

Inkasta oo aan labada dhinac soo bandhigin qoraalka heshiiska ay wada-galeen haddana Wasiir-kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxamaan Yuusuf ayaa ka sheegay isu soo bax lagu soo dhoweynayey Janan iyo ciidanka la socday ayaa yiri: Wasiirku waxa uu halkaan ku yimid laba qodob oo is xambaarsan!

1 – Waa garasho iyo damqasho uu isagu gartay in uu Qaranka Soomaaliyeed u hiilliyo, in uu dadka magaaladan iyo gobolkan ku nool u hiilliyo! taasna waxa uu ku qaatay in uu ku qaybqaato Nabadgelyada iyo sidii loo soo afjari lahaa collaadda halkan ka jirtay.

2 – Kan labaad waa dadaal ay bixisay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan sidii isfaham looga gaari lahaa tabashadii dadka reer Gedo, gaar ahaan Wasiir Janan iyo xiisaddii jirtay sidii loo xallin lahaa, go’aanka uu qaatay Janan waa hiil qaran oo Taariikhi ah.

Cabdirashiid Janan oo isna kahadlay kulankaas ma xusin heshiis uu la galay Xukuumadda hayeeshee waxa uu sheegay in uu u qaatay go’aankan u nixid iyo u damqasho, Janan ayaa yiri: “Waxa aan rabaa in aan idin xaqiijiyo Ma maqli doontaan mana arki doontaan mana dhici doonto, colaaddii gobolkaan Gedo kajirtay ee u dhexeysay Dowladda Federaalka iyo DG Jubbaland galkaas waa soo xirnay! Waxa aan go’aansaday Qaybtii aan shaqsi ahaan uga jiray dhibka iyo siyaasadda in aan ka qaado Waddanka”

Xildhibaan  Cabdiraxman Kulmiye Xersi (Cabdiraxmaan dheere) Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka xukuumaddu xilkeedu dhammaaday oo kamid ah xubnaha ka socday xukuumadda ee kaqaybagalay Bannaanbaxa lagu soo dhoweeyey Janan ayaa ugu hambalyeeyey Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisaba go’aanka ay qaateen.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ka shaqeyneyso hirgelinta waxa uu ugu yeeray Jubbaland loo dhan yahay, sida ay ogaatay Mustaqbal Media Cabdiraxmaan dheere waa maskaxda ka dambeysay soo xera-gelinta Cabdirashiid Janan, Janan & Cabdiraxmaan dheere waxa ay kawada tirsanaayeen Ururkii Al-itixaad ee muddada dheer dagaalada kawaday gobollada Jubbooyinka, doorashadii Kursiga golaha shacabka ee Cabdiraxmaan dheere waxa kadhashay gacan kahadal sababay dhimashada hal qof

Imaanshaha Cabdirashiid Janan ee Muqdisho iyo Kaalinta Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

Marka la isu geeyo dhammaan dhacdooyinka la xiriira habka Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisuba ugu biirayaan dowaladda Soomaaliya iyo sida uu uga soo go’ay Jubbaland iyo saaxiibkiis Axmed Madoobe waxa ay qabaan xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaan-goboleedka Jubaland in uusan jirin heshiis rasmi ah oo Cabdirashiid Janan la galay Villa Somalia, hase yeeshee uu  isu dhiibay dowladda sidii uu  dowladda isugu dhiibay Sheekh Muqtaar Roobow Cali, taas beddelkeedana Janan waxa uu qaadanayaa lacag aan tiradeeda  la sheegin balse Xildhibaan Cabdiraxmaan dheere kamid yahay dhexdhexaadiyeyaasha iyo dallaalada labada dhinac u kala gudbiyey farriimaha.

ISHA: MUSTAQBAL RADIO

Kenya oo ku hanjabtay laba tallaabo oo ka dhan ah Soomaalida dalkaas ku nool

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney qaadi doonto tallaabo ay ku cadaadineyso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda dalkaas ee Nairobi, sida ay sheegeen warbaahinta madaxa banaan ee dalkaas.

Kenya ayaa sheegtay iney tarxiili doonto Soomdaalida ku dhaqan dalkaas ee aan sharciga heysan, sidoo kalana ay si gaar ah u beegsan doonto dadka looga shakiyo falal argagixiso ama maal-galintooda.

Xogta warbaahinta Kenya ay shaacisay ayaa waxaa sidoo kale ku jirta in Kenya ay qorsheyneyso iney hantidooda la wareegto shaqsiyaadka Soomaalida ee looga shakiyo iney maal-galiyaan argagixisada.

Kenya ayaa hadda u muuqata iney qaadeyso tallaabooyin aargoosi ah, maadaama ay guuldaro kasoo gaartay inay dib u dhigto dhageysiga kiiskii yaalay maxkamadda ICJ ee badda ay muranka galisay.

Laba maalin ka hor un ayey aheyd markii Kenya ay ku dhawaaqday iney xiri doonto xeryaha ay Soomaalida ugu badan qaxootiga ku yahiin kuna yaalla gudaha dalkooda, waxeyna qabsatay in laba toddobaad lagu xiro xerooyinkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay inuu ku wargeliyey Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCRF inay muddo 14 maalmood gudahood ah ku keento qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee ku yaal Kenya.

Farriintan Matiang’i ayaa lagu qoray barta twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya. UNHCR ayaan weli ka jawaabin hadalka Kenya.