25.3 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Xog: Hay’ado iyo dowlado hakiyay lacagtii kabka aheyd ee ay siin jireen DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, agaasimiyaal iyo saraakiil kale ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya laga joojiyay lacago kab ah oo ay ka heli jirtay hay’ado caalami ah iyo dowlado taageera miisaaniyada dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaan ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay ka dambeyso khikaafyada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo qabsoomid la’aanta doorashada. Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa sheegay in arintaan ay ka dambeysay kadib cabashooyin badan ay gudbiyeen mucaaradka iyo maamul gobaleedyada dalka.

Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo ku aadan in Soomaaliya ay isku rogtay nidaam kali-talis ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in maamul gobaleedyada qaar iyo mucaaradka ay warqado u direen dhamaan dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dalbanayaan in aysan dhiiri gelin xukun ay ku sheegeen kaligiis talis, caburin dadweyne iyo hantidooda loo isticmaalo olole gaar ah maadaama uu dhamaaday muddo xileedka hogaanka dowladda. 

Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid ka tagaya raadad xun iyo guuld darrooyin dhaqaale oo aan laga soo kaban karin, waxaana laga cabsi qabaa in uu sii xoogeysto haddii aan xal deg deg ah laga gaarin. 

Galmudug oo shaki gelisay shirka Xalane, shaacisayna nooca shir ee ay dooneyso

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa shaki weyn geliyey shirka Xalane, islamarkaana sheegay inay doonayaan shir ay Soomaalida dhexdeeda is-maamusho, oo ay marti geliyaan dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo wax laga weydiiyey hadii ay jiraan shuruudo ay Galmudug ku xirtay ka qeyb galka shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada lagu wado ay ku yeeshaan xerada Xalane ee beesha caalamku ka degantahay Muqdisho.

Wasiir Falagle oo u waramay TV-ga Dalsan ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay qabaan in Soomaalidu ay kaligeed wada-hadasho oo aan loo dhaxeyn, sidaas darteedna ay doonayaan in shirka soo socda ay marti geliso dowladda federaalka ama mid ka mid ah maamul goboleedyada.

“Galmudug waxay ka aaminsantahay shirarka Soomaalida, khilaaf-yadeyda iyo howlaheeda inay iyadu xalisato, sida aad ogtihiin shirarkii ugu badnaa ee doorashada Galmudug ayaa lagu qabtay, waxna waa lagu heshiiyey, waxna waa weli, marka Soomaalidu khilaafkeeda inay iyadu xalisataa loo baahan yahay, mar kastana isku filnaashaha Soomaaliya ayaan u taaganahay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Falagle.

Waxa uu sheegay in xerada Xalane ay Soomaaliya ku taallo, laakiin Galmudug ay dooneyso in shirka looga hadlayo doorashada ay dowaldda federaalku hoggaamiso ama dowlad goboleed kale uu gogosha dhigo.

Mar uu soo hadal qaaday safarka madaxweyne Qoor Qoor uu ku joogo Turkiga ayuu yiri, “Madaxweynuhu caafimaad uma tigin dalkaas, ee sida aad ogtihiin Turkigu waa dalka noogu kaalmeynta wanaagsan, marka xiriir Galmudug iyo Turkiga ah ayuu ku qotomaa safarka madaxweyne Qoor Qoor, Covid-19 wixii uu nagala qaban karo, waxbarashada iyo xaga amniga oo ciidamadii Daraawiishta Galmudug oo tababarka dhameystay ay qalab u baahan yihiin, marka shaqa guud oo Galmudug ah ayuu madaxweynuhu la wadaagayaa Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Dowlada Ethiopia oo jawaab kulul siiyey MAREYKANKA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa diiday eedeymaha Mareykanka ee ku saabsan in isir sifeyn ay ka dhacday gobolka Tigray, halkaas oo ciidamada dowladda ay kula dagaalameen kuwa ururka TPLF.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Arbacadii sheegay inuu doonayo in ciidamada Eritrea iyo kuwa ka yimid gobolka Amxaarada ay ka baxaan Tigray laguna beddelo ciidamo amni, oo ilaalin doona xuquuqda aadanaha, islamarkaana aan “gaysan doonin ficillo isir sifeyn ah.”

“Eedeyntan waa mid aan haba yareetee laheyn wax sal ah, waana eedeyn been ah oo ka dhan ah dowladda Ethiopia,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia. 

“Intii uu socday iyo markii uu dhamaaday howlgalka hirgelinta sharciga ee Tigray ma dhicin wax lagu qeexi karo isir sifeyn ula kac ah oo ka dhan ah cid ku sugan gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay kala shaqeyso khubarada caalamiga ah ee xuquuqda aadana inay baaritaano ku sameeyaan eedeymahan. 

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay go’aansatay inaysan qaadin hakad ay ku sameysay kaalmada la siiyo Ethiopia ee inta badan la xiriirta qeybaha amniga, maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken uu ficillada ka socda gobolka Tigray ku qeexay isir sifeyn.

Kumanaan qof ayaa ku geeriyooday, boqolaal kun oo kalena waxaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda, waxaana gobolkan oo ay ku nool yihiin shan milyan oo qof ka jira cunno yari, biyo iyo dawo la’aan.

Blinken, oo Khamiistii taleefon kula hadlay xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa kala xaajooday muhiimadda baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka, sida ay sheegtay Waaxad Arrimaha Dibedda.

QM ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in ciidamada Eritrea ay hol-galayaan inta badan waqooyiga gobolka Tigray, waxaana jira warbixino sheegaya inay mas’uul ka yihiin xasuuqa ka dhacay gobolka.

Ciidamada Danab oo gubay gaari siday qaraxyo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamada waxa ay uga fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Danab oo ka warbixiyey howl-galkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku gubeen gaari Saaruf ah oo siday waxlaha qarxa.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa sheegay inay howl-galkaasi ku dileen wadihii gaariga oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha aya intaasi raaciyey inay hayeen xogta gaarigan, islamarkaana la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi & qaraxa ay fashiliyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada & dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya.

Al-Shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday degmada LUUQ ee gobolka GEDO

0

Luuq (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno gobolka Gedo waxay sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada xooga dalka ay ku leeyihiin degmada Luuq ee gobolkaasi Gedo.

Al-Shabaab ayaa ciidamada dowladda ku weeraray Bar-control oo ay ku leeyihiin Buundada degmada Luuq-Ganaane, waxaana halkaas ka dhacday is-rasaaseyn xoog leh oo mudo saacad ku dhaw socotay, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada dowladda ayaa iska caabiyey weerarkii uga yimid Al-Shabaab, waxaana dib uga laabtay degmada kooxdii soo weerartay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Luuq ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ay la galeen kooxdii ku soo weerartay degmadaas oo ay sheegeen inay tahay Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray labada dhinacba, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu la egyahay.

Muxuu go’aanka Kenya ka dhallan kara, maxaase laga filayaa maxkamadda ICJ?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo hor taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, isla markaana Isniinta berri loo balansan yahay dhageysiga u dambeeya ee kiiskaas.

Sida uu baahiyey Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas ayaa ka qaybgelid la’aanta dhageysiga kiiskaas u sababeeyey cudurka COVID-19, qareennadooda oo aan meel iskugu imaan karin cudurka dartiis, maxkamadda oo ku gacanseyrtay dalabkoodii waqti dheeraad ah oo ay isku soo diyaariyaan iyo qodobo kale.

Hadaba maxaa dhici kara hadii dowladda Kenya ay go’aakeedaasi ku adkaysato oo aysan ka qeyb gelin doodaha is difaaca ah ee Isniinta laga hor jeedin doono maxkamadda? maxaase laga filan karaa maxkamadda oo go’aan ah?

Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad waa mid ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ka faalooda arrimaha Geeska Afrika, waxuuna su’aalahaas uga jawaabay wareysi uu siiyey VOA.

“Qodobka 53-aad ee sharciga maxkamadda addunka waxuu dhigayaa hadii mid ka mid ah labada qolo ee is heysata uu hor tegi waayo maxkamadda, kan kale waxuu fursad u heytaa inuu yiraahdo ‘anaga noo xukuma’ laakiin markii aad fiiriso qodobada kale ee sharciga maxkamaddu waxay uga baahaneysaa dalka wax loo xukumaayo cadeymo dhameystiran oo sax ah, kuwaas oo ku filan go’aan ay kiiskaas ka qaadan karto maxkamaddu,” ayuu yiri Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Waxa uu sheegay in berri oo Isniin ah – 15-ka Maarso ay maxkamaddu guda geli doonto howsheeda, isla markaana la dhageysanayo dooda garabka jooga ee Soomaaliya.

Prof. Cabdiwahaab Sheekh ayaa sheegay in maxkamaddu ay awood u leedahay xukunka kiiskan, isagoo tusaale u soo qaatay kiis sidaan oo kale ah oo ka dhaxeeyay dowladaha Shiinaha iyo Filibiin, kaas oo Shiinaha ku kalifay inuu isaga baxo diiwaanka maxkamadda, balse ICJ markii ay dhageysatay kiiskaas ay u xukuntay Filibiin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli Kenya ay dooneyso in kiiskaan lagu xaliyo si derisnimo iyo walaalnimo ah, iyadoo la kaashaneysa Midowga Afrika, “Waligeed Kenya waxay ku dadaaleysay in si Afrikaanimo ah loo wada-hadlo, laakiin dowlada Soomaaliya hadii ay ka yeeleyso iyadey u taallaa,” ayuu yiri.

“Hadii maxkamaddu ay kiiskaan u xukunto Soomaaliya ama Kenya laba gooraba xiisadu cirka ayey isku shareeri doontaa, waxuuna kiiskaan amuurayaa xiisad hor leh oo dhex-marta labada umadood iyo labada dowladood, marka waxay ku haboontahay inay ka wadahadlaan madaxda labada dal oo loogu heshiiyo si walaalnimo iyo derisnimo ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xog: Qoor Qoor iyo Lafta-gareen oo diidan ka qeyb-galka shirka xarunta Xalane 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay diidan yihiin shirka la qorsheeyey inuu dhaco magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadli doono muranka la xariira doorashada Soomaaliya. 

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa noo sheegay in ilaa hadda ay Qoor-Qoor iyo Laftagareen ku maqan yihiin dalka Turkiga islamarkaana aysan qorshaha ugu jirin in ay soo baxaan dhowaan si ay uga qeyb galaan shirka muhiimka ah ee looga hadlayo doorashooyinka dalka. 

“Wali ma go’aansan inaa imaano, haddii ay dhacdana waxaan qaadan doonaa waqti si ay noo sugaan inta aan sugi jirnay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ku dhow Qoor Qoor.

“Inaa muhiim nahay ayaa rabnaa inaa dareensiino beesha caalamka si aan muhiim loogu arkin oo kaliya qofkii wax diida, Deni iyo Axmed-na waxaan rabnaa inaa tusino sugitaanka dhibka ay leedahay maadaama aan waligeen annaga sugi jirnay,” ayuu yiri.

Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa muddo ka badan 10 maalmood waxay ku sugan yihiin dalka Turkiga iyadoo ay xusid mudantahay in ay ahaayeen madaxda ugu horreysa ee iska xaadiriya goobaha lagu qabanayo shirarka doorashada Soomaaliya. 

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa sidoo kale qorshaha uu yahay in xitaa marka ay yimaadaan Muqdisho ay dalbadaan in shirka uu ka dhaco Villa Somalia, oo aysan dooneyn inay uga qeyb galaan Xalane.

Qorshahan ayaa waxaa gadaal ka riixaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Farmaajo oo dejiyey dhowr qorshe oo kala duwan oo uu ku fashilinayo shirka Xalane.

Maxaa kasoo baxay kulankii Axmed Madoobe, Deni iyo Midowga Musharixiinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta si wadajir ah xarunta Xalane kulan kula yeeshay midowga musharaxiinta iyadoo wali aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulanka wuxuu ku saabsanaa mid looga hadlay xaaladaha hadda ka taagan dalka oo ay ugu weyn tahay sidii loo qaban lahaa doorasho xor oo xalaal ah, waxaana la fahamsan yahay in labadaan madaxweyne iyo midowga musharaxiinta ay aad isugu dhaw yahiin aragti ahaan.

Madaxweynahii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal uu ku cadeynayo ujeedada kulankii maanta ay la yeesheen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

“Kulanka Golaha Midowga Murashaxiinta, iyo M/weynayaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu qeyb kayahay dadaalka loogu jiro sidi dalka looga qaban lahaa doorasho xalaal ah, heshiis lagu wada yahay, oo si nabad ah ku dhacda,” ayaa lagu soo qoray bogga Shariif.

Wadahadalkaan halka maalin ah ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayo in dhawaan uu shir uga qabsoomo Muqdisho madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo la rabo in go’aan looga gaaro arrimaha doorashooyinka .

“Midowga murashaxiinta ayaa kulan miradhal ah la qaatay labada madaxweyne ee dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaan ka wada hadalnay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda,” qoraalkaan waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabsiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Muxuu musharax Jabriil kala hadlay Cali Guudlaawe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qoraal uu soo saaray uga warbixiyey kulan gaar ah uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay madxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo ay isaga wareysteen xaaladda guud ee dalka.

Musharax Jabriil Ibraahim ayaa sheegay in kulankaas ay diiradda ku saareen arrimaha doorashooyinka, geedi socodka iyo mustaqbalka dowaldnimada Soomaaliya.

“Kulanka aniga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe na dhexmaray waxaa uu ahaa mid muhiim u ah geedi socodka dowladnimo, mustaqbalka dalka iyo shirka lagaga hadlayo arimaha doorashooyinka ee dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho, maadaama aan is weydaarsanay dhowr qodob oo xal wada jir ah keeni kara, hadana waxaa si shaqi ugu booriyay in qeyb weyn ka qaato xal u helida dhibaatooyinka ku xeeran hirgelinta doorasho la wada ogol yahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Sidoo kale Jabriil ayaa sheegay in Cali Guudlaawe ay si qota dheer isaga wareysteen muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay isu tanasulka iyo ka fogaanshaha wax kasta oo dadka sii kala fogeyn kara.

“Sidoo kale waxaan si qota dheer uga sheekeysaney ahmiyadda ay leedahay tanasulaadda iyo in laga fogaado wax yaabaha kala fogaanshaha dhalin kara, iyadoo lagama maarmaan ay tahay in mar walba la hormariyo danta guud iyo jiritaanka qaran Soomaaliya,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah Musharax xilka Madaxweynaha Soomaaliya sanadkan 2021-ka.

Xog: DF Somalia oo bixin la’ lacagtii ay maalmo ka hor ballan-qaaday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka, waxaa muddo ka badan 15 maalmood ay wasaarada weysan tahay lacag dhan 100 kun oo dollar, taas oo la sheegay in ay aheyd lacag loogu talagalay in gargaarkii ugu horreeyay lagu gaarsiiyo shacabka gobalka Gedo. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu u sheegay Wasiir Khadiijo in uusan heli karin lacagtaas oo uu amray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aysan hada heli karin lacagtaas balse ay sameyn doonaan baadi goob deg deg ah. 

Tani ayaa muujinaysa in qasnada dowladda aysan lacag ku jirin xili ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay maalmahan wajaheyso dhaqaalo la’aan xoog leh. 

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya laga goostay lacago badan ay ka heli jirtay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo ka taageera dhinaca miisaaniyadda. 

Wararkii ugu dambeeyay ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in carruur badan ay gaajo iyo harraad ugu dhinteen degmooyin ka tirsan Gobalka Gedo. 

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u sheegay xubnaha beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka ka dalbadeen in laga caawiyo abaaraha dalka ka jira waxayna arrintaas sii xaqiijineysaa in wali lacag la’aan ay heyso dowladda Soomaaliya. 

Maxey yahiin lixda qodob ee ay KENYA ‘ku diidan tahay’ kiiska dacwadda BADDA?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ku wargelisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka in aysan ka qeyb geli doonin dhgeysiga dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Dowladda Kenya ee muranka galisay Badda Soomaaliya ayaa tabaneysa cadalaad darro ka jirta maxkamadda ICJ, taasoo diiday in dib loo dhigo kiiska markii afaraad, waxeyna marmarsiyo ka dhigatay xanuunka COVID-19.

“Kenya waxa ay jeceshahay in ay ku wargaliso maxkamada, iyada oo u sii marineysa Diiwaanhayaha, in aysan ka qeyb galeynin dhageysiga kiiska halkaan ku xusan, hadii ay u socoto si isku mid ah laga bilaabo Maarso 15, 2021, sida hada loo qorsheeyay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Paul Kihara Kariuki.

Warqadaan waxaa la gaarsiiyay maxkamadda cadaaladda adduunka ee Holland ku talla taariikhdu markey aheyd March 11 taas oo uu u qoray Phillippe Gautier, diiwaan hayaha maxkamada.

Iyadoo ay taasi jirto ayey Kenya ku doodaysaa waxa ay ku sheegtay in ay cadaalad daro ka tirsanayso maxkamada iyo in uu garsoorayaasha xubin ka yahay madaxweynihii hore ee ICJ Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah muwaadin Soomaaliya.

QODOBADA AY KENYA KU DOODEYSO:

Maxay yihii qodobada Kenya ku doodayso in maxkamadda dib loogu dhigo

1 – Kenya waxa ay ku doodaysaa in ay maxkamadda cadaallada aysan labada dhinac u sinayn, oo ay u xaglineyso Soomaaliya.

2 – In ICJ diiday dalabkii Kenya ee dib loogu dhigi lahaa kiis dhagaysiga.

3- In faafitaanka cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska.

4 – Kenya ayaa ku dooday cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri

5 – Kenya ayaa sheegtay in kiiskeeda uu ku dhisan yahay inay qaab sawir ahaan wax u muujiso, sidaas darteedna aan fulin karo video.

6 – In garsoore Abdulqawi Ahmed Yuusuf oo ah Soomaali, uu qeyb ka yahay garsoorayaasha kiiska, ayada oo ay sheegtay in ka qeyb-galkiisa “aysan Kenya siineyn kalsooni.”

In kasta oo ay Kenya ka laabatay, haddana Maxkamadda ICJ waxa ay sii wadi kartaa dacwadda oo waxay samayn kartaa xukun iyada oo adeegsanaysa doodihii ay Kenya horay u gudbisay.

Go’aankii taariikhiga ahaa ee madaxweyne Xasan oo ay guushiisa soo dhowaatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24-kii August 2014 qaatay go’aan taariikhi ah, ayada oo Soomaaliya ay si rasmi ah ugu gudbisay maxkamadda ICJ dacwad ka dhan ah Kenya, oo isku dayeysa inay qaadato qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya.

Go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligaas laga bixiyey aragtiyo kala duwan, ayada oo dadka qaar ay u arkeen habka kaliya ee Soomaaliya ay dhul-badeedkeeda ku difaacan karto, halka kuwa kalena ay u arkeen halis maadaama aan la ogeyn waxa uu noqon karo go’aanka maxkamadda.

Hase yeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu go’aankiisa ku saleeyey talooyinka sharci-yaqaanadda badda, oo ogaa in Kenya aysan haysan dood xooggan oo meel kasta oo sharciga laga eego aysan qiil u heli karin inay qaadato badda Soomaaliya.

Waqti badan ma qaadan in Kenya ay muujiso wixii ay tuhmayeen sharci-yaqaanada, waxayna durba diiday inay kiiska ka qeyb-gasho, ayada oo maxkamadda ka furtay diidmo horudhac ah, oo ay ku sheegeysay in maxkamadda aysan sharciyad u lahayn inay kiiska qaado, taasi oo looga adkaaday lana guda galay kiiska.

Hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyey, Kenya waa lagu kari waayey inay maxkamadda soo joogsato, ayada oo marba marka ka dambeysay codsaneysay dib u dhigis ay mid kale ku xigto, taasi oo maxkamadda ay laba goor aqbashay balse ku gacan seertay markii saddexaad.

Ugu dambeyntii, Kenya ayaa 11-kii bishan si rasmi ah u muujisay tuhunkii muddo laga qabay ee ahaa inaysan diyaar u aheyn in lagu kala baxo maxakamadda cadaaladda, wuxayna si rasmi ah uga baxday gebi ahaan kiiska, ayada oo dhowr cudur daar oo lagu qoslo adeegsaneysa.

Go’aanka Kenya wuxuu guul weyn u yahay Soomaaliya, wuxuuna ayidayaa go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh uu Kenya ku geeyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, si uu uga difaaco baddeena.

Waxa kaliya ee Maxkamadda hadda laga doonayo ayaa ah inaysan u dhego nuglaan go’aanka Kenya ay uga baxday kiiska, oo ujeedkiisu yahay in lagu qasbo dib u dhigis kale, ayada oo xaqiiq ay tahay in Kenya haddii sidaas loo yeelo, ay marka xiga haddana sidan oo kale la iman doonto qiil cusub.

Maxkamadda waa inay qaadataa go’aanka saxda ee ah inay kiiska dhageysato ayada oo Kenya ay ka maqan tahay, kadibna ay gaarto go’aanka laga filayo ee ah in badda ay sheegeneyso Kenya ay tahay midda Soomaaliya.

Tani waxay soo geba-gebeyn doontaa sugitaankii lixda sano ka badan qaatay ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna taariikhda dalkeena meel sare uga qori doontaa go’aankii dhiiranaanta lahaa ee madaxweyne Xasan Sheekh uu Kenya ku geeyey maxkamadda ICJ.

Guddiga Somalia ee kiiska badda oo kulan deg-deg ah ka leh go’aanka Kenya

0

Hague (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hague ee dalka Holland ayaa sheegaya inuu haatan kulan gaar ah u socdo guddiga Soomaaliya u qaabilsan dhageysiga dacwadda badda ee hortaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Wafdiga ka socda dowladda federaalka oo ku sugan Hauge ayaa ka doodayo arrinta soo korortay, gaar ahaan dhawaqa kasoo yeeray Kenya oo shaacisay inay isaga baxday dacwadda badda oo loo balansanaa in la gudo-galo 15-ka bishan oo beri ku beegan.

Guddiga ka socda Soomaaliya ayaa la filayaa in kulankan ay ku soo bandhigan go’aankooda ku aadan hortegitaanka waqtiga balanta ee maxkmadda ICJ.

Kiiska badda oo marar kala duwan dib u dhacay ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyada oo haatan laga war-dhowrayo go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya & midka maxkamadda cadaaladda aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ICJ.

Kenya ayaa u sababeysa go’aankeeda cudurka Covid-19, maxkamadda oo u xaglineyso Soomaaliya & dood ay ka keentay garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ah Soomaali.

Si kastabna wafdiga Soomaaliya metalaya waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Erygayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka & sidoo kale wakiilo kala duwan oo Soomaaliya ka socda.

Kenya oo ka baxday kiiska dacwada badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka baxday kiiska dacawadda badda Soomaaliya ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kaasi oo qorshaha uu ahaa in maalinta berri ah uu dhageysigiisa ka billowdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inuu arkay dokumenti ay Kenya u dirtay maxkamadda kuna wargelisay inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga dacwadda, kadib markii hore ay maxkamadda u diiday codsiga Kenya ee ahaa in kiiska markii saddexaad dib loo dhigo.

Warbixinta Daily Nation ayaa lagu sheegay in Kenya ay maxkamadda ku eedeysay inay u xaglineyso Soomaaliya, islamarkaana aysan diyaar u aheyn inay aqbasho codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa go’aanka Kenya u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March.

“Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray.

Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah.

“Sababtaas darteed, Kenya iyo kooxdeeda sharciga waxaa loo diiday fursad ay ku sameeyaan diyaar garowga lagama maarmaanka ah,” ayuu Kihara Kariuki ku yiri warqaddiisa oo loo gudbiyey diiwaan-geliyaha Maxkamadda, Philippe Gautier.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri 

Waxay sidoo kale Kenya ka hortimid go’aanka maxkamadda ee ah in kiiska loo dhageysto qaab online ah, taasi oo ay sheegtay “Inaysan ku habooneyn kiis sidan oo kale u cakiran.” 

Sida uu sheegay Kihara Kariuki, kiiska Kenya ayaa ku dhisan inay qaab sawir ahaan wax u muujiso, sidaas darteedna buu yiri laguma fulin karo video.

Doodda kale ee Kenya ay ka keentay kiiska ayaa ah garsoore Abdulqawi Ahmed Yuusuf oo ah Soomaali, ayada oo ay sheegtay in ka qeyb-galkiisa “aysan Kenya siineyn kalsooni.”

Ma cadda hadda go’aanka ay maxkamadda qaadan doonto, inay mar kale kiiska dib u dhigi doonto, iyo inay dhageysiga guda geli doonto ayada oo aanay qeyb ka aheyn Kenya.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Kenya ay sidoo kale sheegtay in hadda iyo wixii ka dambeeya aysan ka qeyb gali doonin kiiskaas.

Daahir Geelle: 3 arrin waxaan aheyn kuma ogi Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka, Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu Farmaajo ka yaqaano xabbad la rido, xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo, kuwaas oo dilay kalsoonidii dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Xabbad la rido, xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo wax aan ahayn kuma ogi, kumana aqaan walaalkeey Farmaajo, saddexdaana waa waxa kalsoonidii dilay” ayuu yiri.

Daahir Maxamuud Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay muhiim tahay in khilaafka siyaasadeed ee jira lagu dhameeyo miiska wada-hadalka, si xal loo gaaro.

“Maanta waxaa nala siman wada hadal nabad ah iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah ee walaalow diidmada miiska wadahadalka, iyo carqaladaynta geedi socodka nabadda jooji,” ayuu markale ku yiti qoraalkiisa musharrax Daahir Geelle.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqat in ka musharraxiin ahaan ay doonayaan in tartanka doorashada uu noqdo mid hufan oo la’isku haleyn karo.

“Annaga waxaan rabnaa inaan qayb ka noqonno dadaal hufan iyo tartan doorasho oo laysku halayn karo leh jiheeye akhlaaqeed (moral compass),” ayuu sii raaciyety.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadalladii dowladda, gaar ahaan xukuumadda & midowga musharraxiinta mucaaradka.

Shir u dhexeeya A/Madoobe, Deni iyo musharaxiinta oo ka furmay Xalane + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayo doorashooyinka, waxaana haatan ku sugan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeeda hannaanka DF ee doorashooyinka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya inuu goor dhow shir gaar ah u furmay midowga musharraxiinta & labadaasi hoggaamiye oo degan xerada Xalane.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Sidoo kale Axmed Madoobe, Siciid Deni & musharraxiinta mucaaradka ayaa ka arrinsan doona shirka wada-tashiga doorashooyinka ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog-wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo arrimaha soo kordhay ee la xiriira marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Si kastaba musharraxiinta mucaaradka ayaa u ololeynaya inay ka qeyb-galaan wada-hadallada dowladda federaalka & dowlad goboleedyada ee looga arrisanayo doorashada.

Xog: Farmaajo oo shuruud ku xiraya shirka XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidan shirka Xalane, oo uu ku xiray shuruud ay kala shaqeynayaan qaar ka mid ah madax goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa doonaya in shirkaas uu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo tegista Xalane u arko mid dhaawaceysa sumcaddiisa, kadib markii ay sidaas dalbadeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Saraakiil ka tirsan Villa Somalia iyo Xildhibaano ku dhow dhow madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu la kulmo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo kaliya islamarkaana uu dalbaday in ay yimaadaan dhamaan madaxda kale.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu madaxda maamulada ee taabacsan ku amray in aysan imaanin shirka ama ay dalbadaan in loo soo wareejiyo Villa Somalia.

“Madaxweynaha waa diidan yahay in uu ka qeybgalo shirka waxa uuna saaxiibadiis kale ku amray in aysan imaanin waxaana muuqato caqabado badan oo ku horgudban qabsoomida shirkaan,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Dhinaca kale, Qoor Qoor ayaa laga soo xigtay inuu xildhibaano Reer Galmudug ah u sheegay inay dareysiin doonaan beesha caalamka in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kaliya aysan muhiim u aheyn doorashada Soomaaliya, ayna aheyn in mar kasta tooda loo yeelo.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono hase yeeshee waxaa socda cadaadis badan oo ay wakiilada beesha caalamka saarayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamul gobaleedyada kale ee taabacsan.

Muxuu musharrax DAAHIR GEELLE ka yiri qaraxii lala eegtay taliyaha Ilaaladiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah afhayeenka Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa war kasoo saaray qarax xalay lagula beegsaday magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia, hase’ahaatee isaga si gaar ah uga gacan-siinayay amnigiisa.

Daahir Geelle ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi lagu dilay labo ka mid ah ilaalada G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar oo haatan taliye u ahaa ilaaladiisa, kuwaas oo uu magacyadooda ku kala sheegay Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay dhaawacyo soo gaareen sarkaalka lala beegsaday qaraxa iyo saddex askari oo kale oo la socotay.

Musharrax Geelle ayaa u tacsiyeeyey ehellada askarta ku dhimatay qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Qoraalka uu soo saaray musharrax ayuu sidoo kale ku sheegay in taliye Cumar oo door weyn kasii qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee weli ka socda dalka.

“Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah” atyuu yiri Murashax Daahir Maxamuud Geelle.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Faroole oo soo jeediyey afar qobob oo la xiriirta shirka ka dhacaya xarunta Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore maamul goboleedka Puntland haddana ah Senator ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saaray is-mari-waaga doorashooyinka dalka, wuxuuna soo jeediyay afar qodob oo xal u noqon kara sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo soo saaray qoraalkiisa  ay si aad ah u cambaareeyay tallaabooyinkii uu dhigga ku daatay ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna aaminsan yahay masuulkaan inaan xal la heli karin hadii aan garawshiyo laga bixin tabashooyinka daneeyayaasha qaar.

Faroole wuxuu taageeray heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho, wuxuuna soo jeediyay in si wada ogol ah loo dhaqan galiyo, dhanka kale wuxuu ka digay in FARMAAJO uu isku kobo fulinta heshiiskaas.

Senator-ka wuxuu kaloo aaminsan yahay in horay loo socon karo hadii intaas la helo lagana gudbi karo caqabadaha ku hareereysan doorashooyinka dalka.

Afarta qodob oo uu aaminsan yahay madaxweynahii hore Puntland in looga gudbi karo marxaladda lagu sugan yahay wuxuu ku sheegay:

1 – In shirka soo aadan ay kawada qeybgalaan dhamaan daneeyeyaasha; madaxweynaha waqtig ka dhacay, ra’iisul wasaaraha, madaxda maamulada, guddi uu horkacayo afhayeenka Aqalka Sare iyo xubno ka socda Golaha Midowga Musharaxiinta xilka madaxweynaha waddanka.

2 – In guddi ka socda Beesha Caalamka uu korjoogteeyo maxsuulka shirka si ay hogaamiyeyaasha uga caawiyaan in ay is-faham buuxa gaaraan

3 – In ammaanka shirka ay la wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

4 – In xalka uu ku jiro iyadda oo la xaqiijiyo metelaada dhamaan dhinacyadda iyo wada-ogolka dhamaan dhinacyadda si looga gudbo is-mari-waaga loona dareero doorasho la isla ogol-yahay xor iyo xalaalna ah

Qoraalka kasoo baxay Faroole ayaa imaaneysa xilli la filayo in maalmaha soo socda uu shir ka dhaco Muqdisho, gaar ahaan teendhadii Afisyooni oo horay loogu doortay Farmaajo afar sano ka hor, waxeyna taas timid markii laga shakiyay kalsoonida amni ee lagu qabi karo xukuumadda xilka sii heysa.

Maxaa lagu macneeyey hubkii cuslaa ee uu DENI kala soo degay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dad badan ka yaabiyey ciidamadii aadka u hubeysnaa ee shalay uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni la yimid magaalada Muqdisho, oo uu kaga qeyb galayo shir ku saabsan doorashooyinka dalka.

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa aragtiyo ka bixiyey hubkan culus iyo ciidanka badan ee uu Saciid Deni la yimid Muqdisho, ayaga oo ku macneeyey inay tusaale u tahay sida ay madaxda Soomaalida u kala aamin baxeen.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynte ayaa qoraal uu soo saaray Facebook ku yiri “Ciidankaas xooggan ee uu madaxweynaha Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni usoo kaxeystay Xamar, isagoo waliba shir uga qaybgalaya gudaha Xalane, wuxuu tusaale u yahay kalsooni darrada iyo is-aaminaad la’aanta ka dhex jirta madaxda dalka.”

Waxa uu intaas ku daray “Afar sano kahor xilligii ay madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleeyadu kulmi jireen isla markaana iska qancin jireen hannaanka doorashada, madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu aalaaba ku dagi jiray xarunta hey’adda nabadsugidda ee NISA. Madaxweynihii hore ee Puntland, wuxuu isna dagi jiray mid kamid hoteellada Muqdisho. Madaxda dowlad goboleeyada kalena guryo ayay Xamar ka degganaayeen. Jawi kalsooni iyo wada shaqeyn ayaa jiray. Maantase Xamar waxay noqotay halaq mareen aan la isku aamini karin, maadaama uu ka taliyo madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday oo doonaya inuu agaasimo doorasho uu natiijadeeda sii ogyahay, sida uu yeelay dowlad goboleeyada uu ka taliyo. Waanse hubaa in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwa xoog iyo xoolo lagu heysan karo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna yiri “Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo Villa Somalia sharci darrada iyo xoogga ku fadhiya waxa uu sababy in la kala aamin baxo qof walba intiisa ku tashto. Waxaa dalka loo dhiibay afar sano ka hor ayada oo Soomalida dhami ay u dhantahay doorashadii asaga lagu doortay. Asaga hadda waxaa ka go’an laba midood: doorasho beenaad oo uu hubo natiijadeeda inuu qabsado  ama in uu sharci darradaas isaga sii joogo. Waxaan leenahay labadaas midna kuu socon mayaan ee ummadda la heshii inta wali fursaddu furantahay.”

Sidoo kale, xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna qoraal uu soo dhigay “Marka lagaa aamin baxo, ummaduna kuu aragto in aad cadow ku tahay, qof waliba waxa uu heli karo in uu garabka ku soo qaado si uu isaga kaa ilaaliyo waa Sunno Rabbaani ah”