25.3 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya oo geeriyooday iyo Farmaajo oo ka hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyey geerida wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sanadkii 2004-tii Cabdiraxmaan Maxamuud u magacaabay wasiirkii gaashaandhigga dalka, dowladaas oo uu madaxweyne ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Allaha u naxariitee Jeneraal Cabdiraxmaan ayaa jagooyin kala duwan ka soo qabtay dowladihii soo maray dalka, sida wasiirka gaashaandhigga, taliyihii qeybta 60-aad ee xoogga dalka, madaxii guud ee howlgelinta ciidanka Qaranka, madaxii xiriirka Soomaaliya ee dalalka Ciraaq iyo Mareykanka, madaxii xiriirka arrimaha dibedda ee wasaarada gaashaandhiga iyo xildhibaan.

Sanadkii 1935 ayuu Marxuum Cabdiraxmaan ku dhashay magaaladda Laas-Qoray ee gobolka Sanaag, sida lagu xusay taariikhda. Waxuuna waxbarasho u badan tababarro militeri ku soo qaatay dalalka Masar, Ruushka iyo Mareykanka.

Sidoo kale sanadkii 1964-kii ayuu Jeneraal Cabdiraxmaan ku dhaawacmay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya, xilligaas oo uu ka mid noqday saraakiil ay dowladdii Soomaaliya guddoonsiiday Bilad.

Xog: Ciidan dheeraad ah oo la geeyay hoyga A/Madoobe uu ka degan yahay Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaanka madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa si aad ah loo adkeeyay shalay ilaa xalay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ku dhow.

Ciidanka AMISOM gaar ahaan Sector One oo ah ciidanka Uganda ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ilaalo gaar ah ka haaya guriga Axmed Madoobe iyo aagga ku dhow. 

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidankii la joogay Axmed Madoobe ee AMISOM lagu soo kordhiyay ciidan kale oo gaaraya 30 ilaa 50 askari. Sidoo kale waxaa la jooga ciidankiisa gaarka ah inkastoo masuuliyada amnigiisa ay saaran tahay AMISOM. 

Arrintaan ayaa timid kadib markii shalay garoonka la isugu geeyay ciidan kala duwan oo ka socda dowladda iyo mucaaradka, taas oo qal qal gelisay amaanka garoonka islamarkaana sababtay in Axmed Madoobe uusan ka qeyb gelin aaska iyo janaasada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi ah inay suurta-gal tahay in ciidanka dowladda ay weeraraan Axmed Madoobe ayaga oo isku dayaya inay soo qabtaan, inkasta tani ay u muuqato mid laga badbadiyey. 

Kala shaki iyo cabsi weyn ayaa u dhaxeysa madaxda Soomaalida gaar ahaan maamul gobaleedyada qaar, mucaaradka iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, kuwaas oo isku fahmi la’ hanaanka doorasho ee Soomaaliya. 

Khasaare ka dhashay qarax lala beegsaday mid kamid ah saraakiisha madaxtooyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa wadada Afisyooni ee degmada Waaberi.

Qaraxa oo noociisu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaadiid uu la socday sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar.

Sarkaalkaas ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa, sidoo kale seddax askar oo ka mid ahaa ilaaladiisa ayey dhaawacyo kala wadan ka soo gaareen, halka mid kalena uu ku dhintay.

Sarkaalka iyo askarta kale ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, sidoo kale wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in dad shacab ah uu khasaare ka soo gaaray qaraxa.

Ciidamada la socday sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa qaraxa kadib furay rasaas xoog leh, taas oo aan illaa hadda la garaneyn khasaaraha ka dhashay.

G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan ayaa ka mid ah saraakiisha ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, waxuuna hadda ka hor Taliye kasoo noqday qeybta 7-aad ee militeriga Soomaaliya.

Illaa hadda wax war ah kama soo saarin qaraxaan.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Daahir Geelle oo shaaciyey arrin ay DF ‘rabto inay ka dhex-abuurto’ musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Gelle ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaaday ay ku mashquulsan yahiin sidii ay u kala jabin lahaayeen Midowga Musharaxiinta madaxweynaha.

Daahir oo wasiir kasoo noqday xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa gaashaanka u daruuray in la kala qeybiyay xubnaha ay ka kooban yahiin midowga musharaxiinta, isagoo intaas ku daray in maalintii lagu dhawaaqay midowga ilaa iyo hadda ay yahiin kuwa aad isugu dhaw oo aan kala fogaan.

“Wadahadalladu waxay u baahan yihiin niyad wanaag, sabar iyo qodobbada la isku raacay in la buunbuuniyo. Dhanka dowladda haddii aan ka fiirinno waxaa muuqanaya in aysan heshiis xiisaynayn oo ay ku mashquulsan yihiin sida ay Midowga Musharraxiinta madmadoow iyo kala shaki uga dhex abuuri lahaayeen, halka aan annaga ku mashquulsannahay sida ayaga oo heshiis ah noola heshiin lahaayeen! Nasiib wanaagse, Golaha Midowga Musharraxiinta maalinta lagu dhawaaqayay maanta ayuu isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan,” ayuu yiri Daahir Gelle

Waxa uu intaas ku daray “Madaxda dowladda waxaan leennahay wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa la imaada, wadahadalka waa culays badan yahay, sabar iyo dulqaad ayuu u baahanyahay! Annaga dhankeenna, adinka oo nagu duulay, dad naga dilay, xuquuqdeenni dastuuriga ahaa noo diiday ayaan weli wadahadalka u taagannahay. Waxaan rabnaa inaad sabarka naga barataan, naga barataan in aan dalka lagu kala tagi karin, naga barataan inaan isku qasbannahay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: “Walaalkeen Farmaajoow, Soomaali kuma qasbana sida aad rabto oo ah in aad doorasho boob ah qabatid ama aysan dalka doorasho ka dhicin! Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah oo la mid ah kuwi la arki jiray, kana gadisan wixi aad samaynaysay afarti sano ee la soo dhaafay, wayna heli doontaa Insha Allah, KALAMA TAGI DOONNO, TAADANA KUUMA MARI DOONTO”

Daahir Maxamuud Gelle waa afhayeenka midowga musharaxiinta madaxweynaha kuwaas oo aad u diidan madaxweynaha kursiga ku fadhiya ee Farmaajo, waxeyna taageersan yahiin heshiis la gaaro iyagoo sidoo kale doonaya iney talo ku yeeshaan heshiisyada doorashada inkastoo ay jiraa xubno ku aragti ah oo ku matala.

Saciid Deni oo Muqdisho soo gaaray + Halka uu degay iyo cidda sugeysa amnigiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Soomaaliya)– Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, saacado kadib markii uu magaalada isaga soo hormariyey ciidamo aad u badan.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo u badan kuwa deegaanda Puntland iyo kuwa siyaasad ahaan diidan Farmaajo ayaa Saciid Deni kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa la dajiyey xeyndaabka garoonka Aadan Cadde  waxaana ammaankiisa la wareegay ciidamo uu horey u watay oo magaalada kaga soo horeeyey iyo sidoo kale kuwa midowga Africa ee AMISOM.

Inta uu Muqdisho ayaa waxaa uu ka qeyb gali doona shir ku saabsan hanaanka doorashooyinka oo lagu waday in lagu soo afjaro khilaaf muddo dheer soo taagnaa.

Inta uusan Muqdisho imaan madadweyne Deni waxaa kasoo horeysay diyaarad siday ciidamo aad u hubeysan oo ka yimid Magaalada Garoowe kuwaas oo ku hubeysanaa hubka culus iyo kuwa Fudud.

Magaalada Muqdisho waxaa horey u joogay madaxweynayaasha Jubbland iyo Hirshabelle waxaana safar dalka Turkiga ah ku maqan madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo la filayo inay maalmaha soo socdo soo gaaraan Muqdisho.

Xog: Oday ka tirsan Daacish oo hab cusub Muqdisho ugu dilay askari booolis ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin Tooreey ku hubeysan oo la sheegay in uu ka tirsan-yahay Kooxda Daacish ee ka dagaalanta meelo kamid ah Soomaaliya oo ay ku jirto Muqdisho ayaa saakay xaafada Daalo ee degmada Howl-wadaag ku dilay askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo aan hub wadan, sida ay noo sheegeen dadka degaanka.

Wararka aan ka helnay Xaafada Daalo ayaa sheegaya in Askari kale oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya uu la socday kan la dilay uu isagana toogasho ku dilay ninkii Tooreyda watay ee dalka u geesteen askariga kale ee ka tirsanaa ciidanka amniga.

Saraakiisha ammaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka dilka gaystay jeebkiisa laga helay cadeymo muujinaya in uu ka tirsan kooxda Daacish, gaar ahaan kooxda dilalka geysata ee bastooladaha wata. 

Sawirro la soo bandhigay ayaa muujiyey in qofka Mindida watay oo ahaa nin oday ah uu ka tirsan Daacish islamarkaana jeebkiisa laga helay xogo kale iyo dad kale uu damacsanaa in uu dilo. 

Kooxda Daacish ilaa hadda ma aysan sheegin dilkii saakay ka dhacay Muqdisho iyo in qofka la dilay uu ahaa xubin iyaga ka tirsan. 

Weerar argagixiso oo lagu fuliyo mindi ayaa waxaa inta badan ay ka dhacaan dalalka Yurub, kuwaas oo ay gaystaan taageerayaasha kooxda Daacish ee aan heli karin hubka qoryaha, hase yeeshee dhacdadan ayaa ah mid ku cusub.

Sawirro: Ilaalada Deni oo si aan hore loo arag u hubeysan oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Galinka Dambe ee maanta ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Muqdisho madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillahi Deni halkaas oo la filayo inuu uga qaybgalo wadahadallada madaxda Soomaaliya ee ku aadan xalinta khilaafka ka taagan qabashada doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.

Goordhaweyd waxa Muqdisho ka dagtay diyaarad ay la socdeen ilaallada madaxweyne Deni oo horudhac u ah tagistiisa Halkaasi.

Muqdisho waxa horey u joogay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, inkastoo xubno kale ay wali ka maqan yihiin.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu shir uga furmay teendho ku taalo Afisyooni Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Shirka ka furmayo Afisyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Beesha Caalamka, waxaana la filayaa in laga soo saaro heshiis ku saabsan qaabka ah noqoneyso doorashada Soomaaliya.

Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Axmed Madobe oo kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Jabriil Ibrahim Cabdulle, oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan khaar ah la lahaa Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe).

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo in turro danta iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed oo meel aad fog laga keenay, iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaalah.

Axmed Madoobe oo kulanka kasoo saaray qoraal kooban ayaa yiri “Saamileeyda Siyaasada dalka waxay muhiim u yihiin geedi socodka Doorashada iyo shirka lagaga hadlayo ee dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho.Waxaan arimahaas ka sheekaysanay musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah tartamayaasha xilka Madaxtinimada dalka.”

Mudane  Jabriil Cabdulle ayaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ku booriyay tanaasul, iyadoo loo hiilanayo danta dalka iyo mustaqbalka shacbiga Soomaaliyeed.

Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ah xeeldheere mudo 27 sano ka badan ka shaqeynaayey dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed ayaa had iyo jeerba dadaal dheeri geliya daminta colaadaha iyo dhibaatooyinka dhex yaala qabaa’ilka Soomaalida.

Jabriil Cabdulle oo ah shaqi kasoo jeeda bulshada rayidka khabiirna ku ah dhismaha Dowladda wanaaga iyo arimaha dib u heshiisiinta ayaa magaaladda Muqdisho ka wada kulamo gaar gaar oo uu la yeelano siyaasiyiin xil doonka ah iyo madaxda Dowladda Federalka ah ee xiligoodu dhamaaday.

Axmed Cali Daahir oo faah-faahin ka bixiyey wararkii ugu dambeeyey dacwada badda

0

Hague (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey halka uu marayo kiiska badda ee Soomaaliya & Kenya, gaar ahaan kulamadii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Hague ee wadanka Holland.

Axmed Cali Daahir oo ka mid ah guddiga Soomaaliya ku metalata dhageysig dacwadda Badda ee maxkamadda ICJ ayaa shaaca ka qaaday in rajadooda ay wanaagsan tahay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaliya qubaro aqoontoodu ay sarreyso, islmarkaana ay yihiin sharci yaqaano lagu kalsoonaan karo.

“Waxa aan heynaa qubaro Sharci oo difaacaya badda, Rajadeena ma xumo oo haddii alle idmo waan ku kalsoonahay in naloo xukumo,” ayuu yiri xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in Soomaaliya ay dhibane u tahay Kenya oo sheeganeyso badeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Soomaaliyeed waa dhibbane oo bad ay leedahay ayay sheeganeysaa Kenya, illaa saddex jeer oo lagala hadlay wax way socon waayeen, waxa ay ka caga-jiiday in Soomaaliya lagu shiro ama xitaa Jabuuti uu is aragga ka dhaco, sidaas darteed ayaa loo huri waayay dacweynta,” ayuu markale ku yiri wareysiga Dr Axmed Cali Daahir.

“Waxa aan heynaa qubaro Sharci oo difaacaya badda, Rajadeena ma xumo oo haddii alle idmo waan ku kalsoonahay in naloo xukumo, Dowladda Soomaaliyeed waa dhibbane oo bad ay leedahay ayay sheeganeysaa Kenya, ilaa saddex jeer oo lagala hadlay wax way socon waayeen, waxa ay ka caga-jiiday in Soomaaliya lagu shiro ama xitaa jabuuti uu is aragga ka dhaco, sidaas darteed ayaa loo huri waayay dacweynta, ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Si kastaba 15-ka bishan March ayaa lagu wadaa inay bilaabato dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya & Kenya, waxaana magaalada Hague ku sugan wafdi ka socd dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Wafdiga Soomaaliya metalaya waxaa kamid ah: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Erygayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka & wakiilo kala duwan oo Soomaaliya ka socda.

Turkiga oo war cusub kasoo saaray khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo saaxib la’ah Soomaaliya ayaa markale ka hadashay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka doorashooyinka 2021-ka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu oo u warramay wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay xal rasmi ah ka gaaraan muranka hareeyey doorashada.

Mevlut Cavusoglu ayaa xusay inay muhiim tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada, si loo dhiso dowlad cusub hore usii wada Soomaaliya.

“Waa muhiim in xal ay wadajir u gaaraan walaalaha Soomaaliyeed si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan, waana tan aan rajeyneyno in ay dhacdo” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga.

Sidoo kale waxa uu intaasi sii raaciyey “Maalmaha soo socda waxaa inoo qorsheysan socdaal aan ku tageyno Soomaaliya si aan u xoojino taageeradeena waana ku dhaqaaqeynaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana hadalkan uu kusoo aadayaa, xilli weli la’isku hayo hanaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka.

Waddooyika Muqdisho oo la xiray iyo gadiid dagaal iyo ciidamo lagu arkayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyada oo gaadiidka dadweynaha & kuwa gaarka loo leeyahay laga celinayo qaar kamid ah jidadka.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah Warshadaha, Soddonka & isgoysyo kale oo muhiim u ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa diidaya marinka waddooyinkaasi, iyadan oo illaa iyo adda aysan ka hadlin laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dadweynaha ayaa sidoo kale saaka maalaya Cagahooda, maadaama ay Sabti tahay, si ay u gaaraan goobahooda shaqada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha loo xiray waddooyinka ay tahay, si loo xoojiyo ammaanka caasimada oo uu ka dhacayo shirka dowladda & dowlad goboleedyada.

Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale loo xiray waddooyinka Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Golaha ammaanka QM oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka & doorashooyinka.

Golaha ayaa marka hore ka digay in ay markale uu dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya oo dib uga dhacday waqtigii loo asteeyey oo aheyd 8-dii Febraayo.

Sidoo kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay heshiis ka gaaran muranka ka jira doorashada 2021-ka.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa sidoo kale xoojiyey muhiimada uu leeyahay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo xaaladda dalka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo agaasimaanka doorasho xor ah, Hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay, iyadoo lag saleynayo Heshiiskii September 17-dii ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

Dhinaca kale golaha ayaa ugu dambeyun meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howl-galkaMidowga Afrika ee AMISOM oo la gaarsiiyey, illaa bisha December.

Si kastaba Soomaaliya ayaa weli wajaheyso xaalad hubanti la’aan oo ka dhalatay is marin-waaga ka taagan doorashada 2021-, taas oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin, xilli uu dhammaaday muddada xil-heynta ee madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sawirro: FARMAAJO oo lala kulmay qoyska Cali Mahdi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ubadka, qoyska iyo qaraabada Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo shalkay aas qaran loogu sameeyey Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somaklia, madaxweynaha ayaa la wadaagay ubadka, qoyska iyo qaraabada Marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo hoggaaminta Dalka.

“Geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, ma’ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimadeenna, waxa aynu weligeen ku xasuusan doonnaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo wiilasha Marxuumka Liibaan Cali Mahdi iyo Mahdi Cali Mahdi ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo Aaska Qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Axmed Madoobe oo arrimo xasaasi kala hadlay safiirka Jabuuti u fadhiya Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka wada kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday is mari-waaga ka taagan doorashada 2021-ka, si xal mideysan looga gaaro.

Sidoo kale labada dhinac ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la dardar-geliyo shirka u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedyada ee doorashooyinka.

“Waxaa maanta booqasho iigu yimid Safiirka Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Danjire Aadan Xasan Aadan, oo aan ka wada hadalay arimaha Doorashada dalka iyo dardar galinta shirka soo socda ee lagaga hadlayo arimaha Doorashada,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

Maamulka Kismaayo ayaa ka mid ah maamullada ay sida weyn isugu hayaan doorashada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana khilaafka uu soo taagnaa sanadihii dambe.

Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Ethiopia, sababo la xiriira TIGRAY

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay go’aansatay inaysan qaadin hakad ay ku sameysay kaalmada la siiyo Ethiopia ee inta badan la xiriirta qeybaha amniga, maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken uu ficillada ka socda gobolka Tigray ku qeexay isir sifeyn.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda, Ned Price ayaa sheegay in Mareykanka uu go’aansaday inuu dib u billaabo kaalmooyinka la xiriira caafimaadka iyo cuntada, balse dhammaan kuwa la xiriira amniga ay hakad kusii jiri doonaan.

“Sababo la xiriira xaaladda Ethiopia ee aiminka, waxaan go’aansannay in aynan qaadin hakad la geliyey kaalmooyinka barnaamijyada amniga,” ayuu Ned Price ku yiri shir jaraa’id.

Blinken ayaa ku cadaadiyey Ethiopia inay soo afjarto colaadaha Tigray, wuxuuna Arbacadii, isaga oo ka hor hadlaya Congress-ka, sheegay inuu doonayo in ciidamada Eritrea iyo Amxaarada ay ka baxaan gobolka, laguna beddelo kuwa amni “oo aan ku xadgudbi doonin xuquuqda aadanaha dadka Tigray ama aan gaysan doonin ficiilo isir sifeyn ah,” oo lagu arkay galbeedka Tigray.

Kumanaan qof ayaa ku geeriyooday, boqolaal kun oo kalena waxaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda, waxaana gobolkan oo ay ku nool yihiin shan milyan oo qof ka jira cunno yari, biyo iyo dawo la’aan.

Blinken, oo Khamiistii taleefon kula hadlay xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa kala xaajooday muhiimadda baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka, sida ay sheegtay Waaxad Arrimaha Dibedda.

QM ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in ciidamada Eritrea ay hol-galayaan inta badan waqooyiga gobolka Tigray, waxaana jira warbixino sheegaya inay mas’uul ka yihiin xasuuqa ka dhacay gobolka.

AL-SHABAAB oo weerar ku qaaday saldhig dhawaan loo dhisay ciidamada Kenya

0

Ceelwaaq (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taalla ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi Bar, ciidamada ammaanka Kenya ayaana sheegay iney iska caabiyeen kooxahii weerarka soo qaaday.

Wargeyska Daily Star ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday iyo ciidamada Kenya uu dhexmaray dagaal socday ku dhawaad 15-daqiiqo, wuxuuna dagaalka ka dhacay xero ku taalla deegaanka Elram ee dhaca magaalada Ceelwaaq.

Rono Bunei oo ah taliyaha booliska gobolka waqooyi bari ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada ammaanka, sidoo kalana ay iska caabin ku sameeyeen kooxo soo qaaday weerar uu ku sheegay arbushaad.

“Dadka deegaanka waxaan ka codsaneynaa iney nagala shaqeeyaan sidii aan u ciribtiri laheyn kooxdaan waalan,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Waqooyi Bari.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “Waxaan rajeyneynaa iney ciidamada xoojin doonaan feejignaanta”

Xerada ay weerareen dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa la sheegay in dhawaan la dhisay balse deegaankaas ay dhawr jeer weeraro khasaare kala duwan geystay ay ku qaadeen.

WASIIR ka tirsan dowladda federaalka oo booqasho ku jooga CIRAAQ + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha xukuumadda xil-gaarsiinta, Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa gaaraya magaalada Baghdad ee caasimada dalka Ciraaq.

Wasiir ayaa hogaaminayay wafdi balaadhan, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee caasimada, ayada oo uu ku soo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka Biyaha dalka Ciraaq, Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani.

Socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa imanaya kadib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Dhigiisa dalka Ciraaq, Al-Hamdani.

Wasiirka ayaa ka qeyb-galaya shirkii 1-aad ee Biyaha caalamiga ah ee Baghdad oo ka furmaya isla caasimada dalka Ciraaq, wuxuuna ku meteli doona Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee uu horkacayo Wasiir Xasan Cabdinuur ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda dalka Ciraaq, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya iskaashiga dhanka labada dowladood, gaar ahaan Maareynta kheyraadka biyaha.

Arrimo maanta ka dhacay garoonka Muqdisho oo muujiyey sida loo kala aamin baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, oo dhawaan ku geeriyoodah dalka Kenya, hase yeeshee waxaa janaasadda kasoo dhex-muuqda arrimo halistooda leh. 

Salaadda janaasada marxuumka oo ay ka qeyb-galeen inta badan madaxda waqtigooda dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka ayaa banaanka usoo saartay heerka kalsooni darada siyaasadeed iyo tan amni.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo degan meel wax ka yar 1-KM u jirta halkii salaadda janaasada lagula tukaday Meydka Cali Mahdi ayaa kasoo qeyb-galin cabsi amni darro darteed, iyo inuusan isku haleyn karin Villa Somalia, sida ay sheegeen xubno ku dhow.

Axmed Madoobe oo maanta la kulmaywakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday inay ciidamada AMISOM sugaan amniga teendhada Afisyooni oo ah goobta uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka. 

Dhanka kale, Is-mari-waa muddo qaatay oo qarka u saarmay inuu isku rogo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Musharaxiinta iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale ka dhacay afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde.

Janaasadda waxaa ku wada sugnaa ilaalada gaarka ee Musharaxiinta Mucaaradka iyo Madaxda waqtigooda dhamaaday, waana tan keentay taag-taaga in AMISOM dhammaan u diido Madaxdi hore inay hub la galaan oo ugu dambeyn markii xaalka amni sii xumaaday la ogolaaday Istaafka madaxdii hore.

Sida aan xogta ku helnay Amisom ayaa waxaa amarka siiyey madaxda dowladda federaalka, oo cabsi ka qabay in ilaalada musharaxiinta qaarkood ay sameeyaan falal amni-darro.

Arrintan ayaa banaanka keenaysa heerka uu gaarsiisan yahay kalsoonida darada siyaasadeed iyo midda amni, ayada oo uu dowladda dhamaaday muddo xileedkeedii sharciga ahaa.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa kaamirada ay qabatay isaga oo dhinac maraya oo xitaa aan salaamin musharaxiinta mucaaradka, taasi oo dad badan ay ku dhaliileen.

Waxaa dad badan is weydiinayaan haddiiba xaalka sidaa yahay oo kalsooni darada ay sii xoogeysatay sidee doorasho lagu kalsoon yahay u dhici doontaa?!.

Si kastaba, waxaa maalmihii u dambeeyay socday dadaalo ay beesha caalamka iskugu keenayso madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, waxaana lagu wadaa in shir u dhaxeeya dhinacyadaas uu ka dhaco teendhada Afisyooni, wallow uusan cadeyn in heshiis loo dhan yahay wada-gaari doonaan.

Axmed Madoobe oo dalab xasaasi ah oo la xiriira shirka Afisyooni u gudbiyay Wakiilka Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan xasaasiya kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan,  Si ay doorasho wadar ogol ahi dalka uga dhacdo iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Axmed Madoobe ayaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dalbaday inay ciidamada AMISOM sugaan amniga teendhada Afisyooni oo ah goobta uu ka dhacayo shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka. 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hore walaac uga muujiyay amniga magaalada Muqdisho iyo isku haleynta ciidamada dowladda, kuwaasi oo muddooyinkii dambe ku kacay falal ka dhan ah xoriyatul qowlka ayaga oo ka amar qaadanaya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Shirka looga arrinsanayo doorashada ayaa la qorsheynaya inuu ka dhaco teendhada Afisyooni oo ah meeshii afar sanno ka hor lagu soo doortay Farmaajo, kadib markii madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen in shirka uu ka dhaco Villa Somalia oo ay u arkaan goob aan amaan ahaan la isku haleyn karin.

Wasiirka amniga DF oo ka hadlay tallaabadii ay maanta qaadeen ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Amniga xukuumadda xil-gaarsiinta, Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay tallaabadii ay maanta qaaday dowladda ee ay ciidamada amniga ku xireen qeybo kamid ah wadooyinka Muqdisho.

Xasan Xundubey ayaa ugu horeyntii shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celiyay dhibaatada ay u mareen waddooyinkii ay xireen ciidamada dowladda, taasi oo uu sheegay inay keentay Madaxdii kala duwaneyd ee ka qeyb-galeysay Aaska madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Xundubey ayaa sheegay in dedaalka guddiga loo xil-saaray aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu alle u fududeeyay mas’uuliyadda laga sugayay oo dhowr qeyb ahayd sida uu sheegay, una kala qeyb-saneyd soo qaadista Maydka, Janaasada iyo aaska loo sameeyay.

“Looma kala harin aaska loo sameeyay AUN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed, howsha aaska oo saddex qayb ah waxa ay kasoo bilaabatay in laga soo qaado Nairobi, Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cadde iyo aaska qabriga la geeyo, waa howl culus oo dhammaan shacab, Madax, Ehel, Ciidamo, Saraakiil iyo cid weliba oo kaalin ka qaadatay aaska qaran, waana in loo soo wada duceeyo,” ayuu yiri.

Salaada Janaasada ee marxuum Cali Mahdi ayaa waxa garoonka gudihiisa uga tukaday Madaxda xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, madaxweynayaal hore, qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo ehelada Marxuumka.

Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu xanuunka Covid-19 u geeriyooday, waxaana saaka diyaarad khaas ah kasoo qaaday Nairobi, ayada oo aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.