25.3 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Muxuu yahay kulanka uu Golaha Ammaanka maanta ka yeelanayo Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in maanta oo Jimce ah ay kulan deg-deg ah ka yeeshan xaalada cakiran ee Soomaaliya iyo is-mari-waaga doorashada oo xiisad hor leh ka dhaliyay dalka.

Shirkaan ayaa waxa warbixin dheer ka jeedin doona Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, midaasi oo uga hadlayo arrimihii ugu dambeeyay ee xaalada siyaasadeed alka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Swan ayaa sidoo kale inta uu socdo shirka waxa uu Golaha uga warbixin doona dadaaladii u dambeeyay ee Qaramada Midoobay ka sameysay xaalada dalka iyo isku soo jiid-jiidka madaxda is diidan ee isku haya doorashada.

Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon, islamarkaana ay isku wada raacsan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka oo iyagu hore u kala saxiixday heshiis dhaqan-gali waayay 17-kii Septemer ee 2020-ka.

Kulankaan oo u dhacaya qaabaka fogaan araga ayaa waxa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada doorashooyinka, waxaana gaba-gabada kulankaas laga soo saari doona War-saxaafadeedka lagu faah-faahinayo natiijada kasoo baxday shirkaas deg-dega ah.

Ma aha markii u horeysay ee Golaha amaanka uu fadhi deg-deg ah ka yeesho xaalada Soomaaliyada, waxaana dhamaadka bishii hore uu shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo uu kasoo saaray baaq la xiriira in deg-deg loo qabto doroashada, midaasi oo uu sheegay inay lama maarmaan u tahay geedi-socodka Soomaaliya.

Sawirro: Siduu ayuu dhacay aaska qaran ee maanta loo sameeyay Cali Mahdi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana salaada janaasada ka qeyb-galay Madaxda waqtigooda dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Markii ay soo cago dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.  

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo Aas-Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuum madaxweyne Cali Mahdi waxaa kale oo ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxa janaasada marxuumka ka qeyb-galay oo iyagna ku tukaday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Meydka marxuumka ayaa lmarkii ay madaxdu ku tukatay salaada janaasada loo qaaday halka lagu aasi lahaa oo la sheegay iney tahay Masjidka Cali Mahdi oo ku yaalla dagmada Yaaqshiid, halkaas oo la sheegay in marxuumka uu ka dar-daarmay in lagu aaso.

Amisom oo musharaxiinta u diiday inay ilaalo la galaan garoonka Aadan Cadde iyo xiisad culus oo ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa gudaha garoonka u diiday musharaxiinta iney la galaan ilaaladooda, xilli halkaas laga soo dajinayay meydka marxuum Cali Mahdi Maxamed oo horay madaxweyne uga soo noqday dalka.

Ciidamada AMISOM oo amar ka heystay madaxda dowladda ayaa is hor istaag ku sameeyay musharaxiinta oo ay u diideen iney ilaaladooda la galaan gudaha, taasna waxaa ka dhashay xaalad kacsanaan ah.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada ay wateen madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa xaalad ka abuuray goobtii, waxeyna diideen in qofna uu galo garoonka, taasna ay abuurtay in ciidamada AMISOM ay qudhooda lasoo baxaan hub culus ilaa xaaladda la dajiyo.

is-mari waaga dhacay oo muddo xaalad kacsanaan ah ka abuuray afaafka hore garoonka diyaaradaha ayaa markii dambe la xaliyay, waxaana ilaalada musharaxiinta mucaaradka ee doonayay iney galaan garoonka loo ogolaaday iney gudbaan.

Sidoo kale wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga loo balansan yahay in lagu aaso madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ah dagmada Yaaqshiid iyo agga u dhaw garoonka diyaaradaha ayaa la xiray, iyadoo aan la ogoleyn isku socodka gaadiidka.

Madaxweynayaashii hore, guddoonka labada aqal e Barlamaanka, xildhibaano, madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay aaska marxuu Cali Mahdi Maxamed.

Xog: SHIRKA Afisyooni oo wajahaya cabaqad cusub + Labada qorshe ee Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shirka la qorsheynayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni ee madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada uu wajahayo caqabad keeni karto inuu baaqdo ama dib u dhaco ugu yaraan.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ayaa aad uga soo horjeeda inuu shir ku galo teendhadaas, isaga oo taas u arka inay si weyn u dhaawici doonto sharciyaddiisa, waxaana jira isku dayo dhowr ah oo uu Farmaajo shirkaas uga war-wareegayo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu jiro qorshe madaxweyne goboleedyada raacsan Farmaajo sidan Cali Guudlaawe, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen looga dhaadhicinayo inay shirkaas diidaan, oo ay dalbadaan in madaxtooyada lagu shiro.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaan weli soo gaarin Muqdisho, halka Guudlaawe oo markii hore ku sugnaa uusan weli shirkan ka hadlin.

Shirka teendhada Afisyooni ayaa waxaa dalbaday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo sheeegay inaysan aamineyn Villa Somalia, waxaana haddii sida hadda la isku dayayo ay suurta-gasho, oo ay diidaan qaar ka mid madaxweyne goboleedyada kale ay mugdi weyn gelin doonta qabsoomiddiisa.

Haddii qorshahan uusan hirgelin, waxaa jira qorshe labaad oo ah in Farmaajo dalbado in shirka uu noqdo oo kaliya xaflad lagu saxiixo heshiiskii Baydhaba ee 15- Febraayo, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay wataan shuruudo soo kordhay kadib shirkii Baydhaba, kuwaas oo kala ah: 

1 –In Madaxweyne Farmaajo saxiixo warqadda xil-gaarsiinta, oo u uku sheegayo in muddo xileedkiisu dhammaaday.

2 –In wixii sharciyo oo ay baarlamanka ansixiyeen kadib 27-kii bishii December, xilligaas oo uu dhamaaday mudo xileedkii baarlamaanka, laga laabto.

3 –In amniga doorashooyinka laga wadhadlo, kadib wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo, markaasi oo la weeraray dibad-baxayaal iyo musharaxiin mucaarad ah oo la rasaaseeyey.

Ma cadda sida xaal noqon doono, hase yeeshee madaxweyne Farmaajo ayaa rumeysan in haddii Xalane uu galo ay ka dhigan tahay inay luntay sharciyaddiisa madaxweyne ee weli uu aamisan yahay inay jirto, ayna ku tahay bahdil.

Dhaqtarkii Soomaaliya looga danbeeyay daweynta TB-da oo u geeriyooday Covid-19

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday dhaqtarkii Soomaaliya ugu wanaagsanaa daaweynta cudurada neef-mareenka ku dhaca iyo Tiibashada Dr. Xeydar Cali Raage oo ku takhasusay cudurka Tiibashada “TB”.

Dr. Xeydar Cali Raage oo mudo ka badan 40 sano ka howlgalayay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu xarun caafimaad oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka TB-da uu ku lahaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana gobolada dalka looga imaan jiray daaweyntiisa iyo khibrada fog ee uu u lahaa daweynta cudurkaasi.

Sida aan ka helnay ilo wareedyo ku dhow dhow ehelladiisa Dr. Xeydar ayaa waxaa soo ritay cudurka Coronavirus, oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday.

Dr. Xeydar ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirtii Soomaaliyeed ee tan iyo burburkii dalka meelna ugu bixin dalka, wuxuuna marxaladihii kala duwanaa ee dalka soo maray uu ku shaqeynayay, isagoo ahaa dhaqtar u gargaara dadka dhibaateysan.

Xaruntii uu ku lahaa degmada Karaan ayaa dadka aan awoodin iney iska bixiyaan lacagta fiisitada waxay lahaayeen maalmo gooni ah oo dhaqtarku qaabili jiray iyadoo aysan jirin khidmo laga qaado, kuwii aan awoodinna inay iibsadaan daawada dhaqtarku ka bixin jiray qarashka daawada.

Ali Muhiyaddiin Ali
Caasimada Online, UK

Midowga Yurub oo hakiyey lacagtii uu tooska u siin jiray DF Soomaaliya + Sababta

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa hakiyey lacagtii tooska aheyd ee uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist.

Lacagta tooska ah ee Midowga Yurub uu siiyo dowladda federaalka ayaa la billaabay sanaddii 2018, ayada oo wixii markaas ka horeeyeey la marsiin jiray hay’adaha iyo ururada aan dowliga aheyn (NGOs), si ay Soomaaliya ugu qarash gareeyeen.

Hase yeeshee, warbixinta uu maanta qoray wargeyska The Economist ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeyey bishii June ee sanadii tegay uu mar kale Midowga Yurub hakiyey miisaaniyaddaas, sababo la xiriira walaacyo ku saabsan isku day lagu xadayo doorashada Soomaaliya.

Warbixinta wargeyska ma bixin wax faah-faahin oo intaas dhaafsan, hase yeeshee waxay madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigi ka dhammaaday ku eedeysay in tan iyo markii uu xukunka qabtay uu isku dayayey inuu awoodda xoojisto isaga oo dhinac u riixaya mucaaradka, islamarkaana u adeegsanaya ciidamada dowladda.

Arrintan ayuu wargeyska sheegay inay walaac ku abuurtay dalalka Reer Galbeedka ee inta badan bixiya miisaaniyadda dowladda federaalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya weli kama hadlin haddii ay jirto in miisaaniyadda Midowga Yurub la hakiyey, hase yeeshee daba-yaaqadii sanadkii tegay iyo horraantii sanadkan waxaa soo ifbaxayey dhowr kiis oo ku saabsan ciidamo iyo shaqaale rayid ah oo aan mushahar qaadan, taasi oo markii hore aan dhici jirin.

Beesha caalamka, oo ay ugu weyn yihiin Midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa hadda ku qasbaya madaxweyne Farmaajo inuu madaxweyne goboleedyada kula shiro Xalane, taasi oo uusan raali ka aheyn, waxaana muuqata in awoodda maaliyadeed ee ay Soomaaliya ku leeyihiin ay adeegsanayaan cadaadiska ay ku hayaan Farmaajo.

Siduu Cali Mahdi ku noqday madaxweynihii Soomaaliya?

0

Sanadkii 1991-kii ayuu Cali Mahdi Maxamed noqday Madaxweynihii Soomaaliya kaddib markii ay xilka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre oo 21 so xukumayay dalka.

Cali Mahdi – oo Alle ha u naxariistee Arbacadii ku geeriyooday magaalada Niarobi ayaa xilka ugu sarreeya waddanka Soomaaliya qabtay xilli uu socday dagaal sokeeye oo xooggan.

Wuxuu noqday madaxweynihii afaraad ee soo mara dalka Soomaaliya.

Hadaba waxaan warbixintan ku eegaynaa qaabka uu Cali Mahdi xilkaas ku qabtay, caqabadaha uu wajahay iyo markii dambe qaabka uu ku wareejiyay.

Cali Mahdi iyo Caydiid

Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Jen. Maxamed Siyaad Bare.

Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC.

Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid.

“Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi.

Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi.

Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh.

Shirkii Jabuuti

Bartamihii 1991, waxaa shir caalami ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya martigeliyay madaxweynihii Jabuuti ee xilligaas, Xasan Guuleed Abtidoon.

Shirka waxaa ka qeybgalay inta badan hogaamiyayaashii jabhadihii hubaysnaa, waxaana Cali Mahdi loo ansixiyay inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanu shirkaas ka qeybgalin Jen. Ceydiid.

Dalal ay kamid yihiin Jabuuti, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Talyaaniga ayaa durbadiiba aqoonsaday madaxtinimada Cali Mahdi, taasoo ka dhigtay madaxweynaha uu caalamka aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Hase ahaatee xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi ayaa fursad u heli weysay in ay xukunkeeda dhaafiso magaalada Muqdisho, sida uu sharraxayo Cilmi Faarax Webi.

Maamulkii loogu magac daray”Salballaarta” ayaa awood maamul u helay qeybo kooban oo kamid ah Muqdisho, waxaana dalka intiisa kale uu u kala jabay qeybo ay maamulaan hogaamiye kooxeedyo.

Cilmi Faarax Webi ayaa qaba in Cali Mahdi aanu eed ku lahayn in xukuumaddiisa ay dalka intiisa kale gaari weyday.

“Xilligii Cali Mahdi la doortay wuxuu ahaa xilligii ugu xumaa ee Soomaaliya ay dagaallada ku jirtay. Waad la socotaa , madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre wuxuu joogay Gedo, dadku qax ayeyba ku jireen xilli dowlad la fidiyo ama fursad lagu ballaariyo Cali Mahdi xukuumaddiisii maba aysan helin.”

“Cali mahdi Ma uusan helin taageero dhaqaale iyo mid milateri oo uu xukunkiisa ku gaarsiin karay meel ka baxsan Xamar,” ayuu yiri Webi.

11-kii bishii December ee sanadkii 1992-kii ayey labada hoggaamiye kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo dhigayay in ciidamada iska soo horjeeday 48 saacadood looga bixiyo magaalada.

Cali Mahdi xilka madaxweynaha waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka.

Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre.

Sanadihii dambe waxa uu ku mashquulsanaa howlo ganacsi oo uu ka waday magaalada Muqdisho. Wuxuu dhawaan dhameystiray dhismaha ugu dheer caasimadda, oo uu sheegay in ay leedahay xaaskiisa, laguna maalgaliyay dhaqaale kasoo xarooday dhinaca ganacsiga.

Isha: BBC SOMALI

Dagaal culus oo caawa ka dhacay Beledweyne iyo xaaladda oo weli kacsan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa laga dareemayaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhinaca xiga garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay ku dagaalameen laba ciidan.

Ciidamo militeri ah ayaa caawa weeraray Bar-control oo ciidamada booliska HirShabeelle ay ku leeyihiin afaafka hore ee magalaada, gaar ahaan dhanka xiga garoonka diyaadaha ee Ugaas Khaliif.

Bartaas Koontorool ayaa ah mid ay ciidamada boolisku ku qaadaan cashuurta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada la weeraray ay is difaaceen, isla markaana dagaal xoog leh uu ka dhacay halkaas, waxaana weli hoobta isku hor fadhiya ciidamadii dagaalamay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedka ciidanka weerarka qaaday iyo qeybta ay ka tirsan yihiin.

Wararkii qaar waxay sheegayaan in ciidanka militeriga ah ee weeraray booliska ku sugnaa bartaas koontorool ay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, isla markaana ay doonayaan inay la wareegaan goobtaas lagu qaado canshuurta.

Tallaalkii COVID-19 ee loogu talo-galay Soomaaliya oo la geeyey Kenya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tallaalkii Covid-19 ee loogu deeqay dalka Soomaaliya oo kamid aheyd dalalka ka faa’iideystay mashruuca COVAX oo ay hirgelisay Hay’adda caafimaadka Adduunka (WHO) oo kaashaneysa isbaaheysiyo dhowr ah ayaa waxa laga dejiyay dalka Kenya.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in tallaalkaas oo ah nooca Covaxin oo lagu sameeyay dalka India laga dejiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo 3-dii March laga soo qaaday dalka India si loo keeno Soomaaliya.

Sii-hayaha wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo idaacada VOA-da ay wax ka weydiisay ayaa sheegtay in talaalkaas loo geeyay dalka Kenya arrimo dhanka farsamada ama socdaalka, maadama ay ku dooday inay maamulayaan Hay’adaha UNICEF iyo WHO ee Qaramada oo xarumahooda waaweyn ku yaalan caasimada Kenya.

“Tallaalka waxa uu yimid oo uu Trasnit ku yahay dalka Kenya, waxaa filayaa in Khamiis ilaa Sabti uu soo galo dalka. Waxaa ka shaqeynayaaye soo dejinta UNICEF iyo WHO oo wuxuu ka yimid India waxa uu hakad ku yahay Kenya, logistics-ka dhinacaas ayey ka imaanaysa oo hay’addaha waxay xafiisyada logistics-ka ku leeyihiin Kenya,” ayey tiri Fowziya Abuukar.

Wasiirada oo la weydiiyay sababta kaliftay in tallaalka uu ku hakado Kenya ayada oo xiisad kala dhaxeyso ayey ku jawaabtay “Caafimaadka siyaasada ma galo oo waxa ka shaqeya UNICEF iyo WHO, weyna imaaneysa (Goojada tallaalka)”.

Soomaaliya ayaa waxaa loogu deeqay saddex kun oo Goojo, taasi oo noqoneysa qeybtii ugu horeysay ee tallaalka ay sugeyso Soomaaliya oo lagu sheegay 1 Milyan iyo 200-kun, waxa uuna ka degay afar maalin ka hor magaalada Nairobi.

Wasiirka arrimaha dibedda India Subrahmanyam Jaishankar ayaa horaantii bishan March shaaciyey in India laga qaaday tallaalkii Soomaaliya, islamarkaana uu kusii jeedo caasimada dalka, hase yeeshe waxa 6-dii March laga dejiyay Nairobi.

Tallaalka India oo ay sameysay shirkadda Bharat Biotech ayaa lagu magacaabaa Covaxin, wuxuuna wax ku ool yahay 81%. Marka loo barbar dhigo, tallaalka AstraZeneca ee UK waa 62%, halka tallaalada Mareykanka ee Pfizer iyo Moderna ay kala yihiin 94% iyo 95%.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa waxa uu markale si weyn ugu soo labo kacleeyay dalka, gaar ahaan Caasimada oo toddobaadyadii u dambeeyay laga diiwaan-geliyay kiisaskii u badna, mana jirto tallaabo adag oo laga qaaday faafitaanka cudurka.

Tallaalka la filayo inuu soo gaaro Soomaaliya ee xiligan yaala Kenya ayaa waxa la ogeyn qaabka loo qeybin doono, inkasta oo ay wasiirka caafimaadka sheegtay in wajiga koowaad lagu bilaabi doono shaqaalaha caafimaadka oo iyagu la tacaalaya bukaanada uu soo rito cudurkaan.

SHEEKH SHARIIF oo baaq deg deg ah soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray bayaan deg-deg ah oo uu kaga hadlayo xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo iyo sidoo kale tan ka dhalatay cudurka safmarka ah Covid-19.

Sheekh Shariif ayaa marka hore ugu baaqay ganacsatada, dowladda iyo hay’adaha samafalka in gurmad bani’aadanimo la gaarsiiyo shacabka ku dhibaateysan Gedo.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Shariifka ayaa sidoo kale dowladda ka dalbaday in fududeyso sidii loo heli lahaa wax kasta oo looga hortegi karo cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ugu horreyn Waxaan ugu baaqayaa Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, Xukuumadda Xil-gaarsiinta, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, iyo Hay’adaha Samafalka inay kaalmo degdeg ah la gaaraan masiibada bini’aadannimo ee kajirta gobolka Gedo ee Jubaland iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka ee laga soo sheegayo masiibooyinka.

Dhibaatooyin is biirsaday oo ay kamid yihiin Biya la’aan, Abaaro, iyo Caabuqa Covid-19 ayaa dhibaato xoogan ku haya bulshadeenna, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan gurmadka, kaalin muuqatana ay ku yeeshaan keenista dalka ee talaalka Covid-19 maadaama awoodda dowladdu ay kooban tahay.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Wasaaradaha ay khuseyso ee Xukuumadda inay ganacsatada u fududeeyaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen, wax kasta oo looga hortegi karo cudurka Covid-19, sida tallaaka iyo adeegyada kale ee daawo ee loo kaashan karo la tacaalidda xanuunka Coronaha.

Netanyahu oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Imaaraadka kadib xaalad deg deg ah

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay raadiyaha dadweynaha Israel ee Kan.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii xaaska Netanyahu oo lagu magacaabo Sara Netanyahu la dhigay isbitalka Hadassah Medical Center ee magaalada Jerusalem, ayada oo caabuq uu kaga dhacay qabsinka.

Safarka Netanyahu ayaa noqon lahaa mid taariikhi ah, oo sii xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee cusub ee ay sanaddii tegtay aas-aasteen Israel iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sare u qaadi lahaa rajada Netanyahu ee doorashooyinka dhowaan ka dhacaya Israel.

Sarkaal u hadlay xafiiska ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Sara Netanyahu loola cararay isbitalka Hadassah Medical Center kadib markii ay xanuun dareeentay, islamarkaana ay ku jiri doonto maalmo.

Netanyahu ayaa wajahaya loolan adag ayada oo Israel ay ka dhacayaan doorashooyinkii afaraad muddo laba sano gudahood ah, waxaana la rumeysan yahay inuu safarka Imaaraadka Carabta oo ku beegnaa 12 maalmood kahor doorashooyinka, u adeegsan lahaa faa’iido siyaasadeed.

Imaaraadka Carabta ayaa bishii August 2020 noqday dalkii saddexaad ee Carbeed ee xiriir la yeesha Israel kadib Masar iyo Jordan.

REUTERS + AP

Geerida kahor, 7 arrin oo uu ku hawlanaa madaxweyne Cali Mahdi Maxamed

Waxaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, ilaa hadda ma cadda sababta uu u dhintay, mana jirto baaris arrintan la xiriirta oo lagu dhawaaqay, iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda loo dhigo aas qaran halka Villa Somalia ay sheegtay in saddex maalin hoos loo dhigay calanka, lana muumuusayo.

Haddaba, waxaan akhristeyaasheena xusuusineynaa waxyaabihii uu madaxweynaha ku hawlanaa geerida ka hor.

1. Yagleelidda dowlad rayid ah:  Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, waxaa uu weligii diidanaa keligii taliska, xoog wax lagu doonno iyo askarta siyaasadda lugaha la gasha, isaga oo ku gadooday keligii taliyey Maxamed Siyaad sla markaana ahaa maalgeliyaha USC, madaxdii manifesto oo Barre kula taliyey inuu dadka u tanaasulo, markii dambana Gen. Caydiid isugu dhaceen in aanu askari lagu badalan karin askari kale, waxaase maalmahan dambe isaga oo nabadda uun ka shaqeynayey ka hadalsiiyey markii uu arkay habdhaqanka maamulka Farmaajo ee uu uga meermeerinayo qabashada doorasho.

Madaxweynaha oo ka hadlayey haddii la waayo dowlad fiican waxaa uu yiri ‘‘Siyaasadda niman ayaa noogu jira, aniga siyaasi waa ahaay, hadda ma ahi, miskiin gurigiisa jooga ayaa ahay, laakin hal waxaad ayaan rabaa, qof aan ka waayo aan la dagaalamaayo, dowlad fiican, oo caadil ah, oo dalka caadil ku dhaqaayo ayaan rabaa, ninkii aan ka waayana qoraygii cadaa, weli xabaddii kama bixin, warku inuu cadaado ayaa la rabaa’’.

2. Dhaliilidda aragtida maamulka Farmaajo: Waxaa uu Farmaajo ku dhaliilay marar badan in aanu wax maqleyn, kursi isku dhejin, isla markaanu aanu cidna talo weydiin, waxaa uuna uga digay in kursiga isku dhejiyo oo dalka uu geliyo dagaal sokeeye, isaga oo yiri ‘’Cabdullahiyow waa soo dadaashay, waxbaad  qabatay, xuduuddii ayaad  joogtaa, kursi haddii darajo leeyahay, haddii janno lagu kasbanaayo, muddo lagu kasbado waad joogtay, haddii aan naar ku kasabatana, muddo lagu kasbaday waad joogta, waxaan kula talineynaa doorashadaasi waa iney ku dhacdaa waqtiga dastuuriga ah, cid Soomaali oo yeeleysaa in dib loo dhigo ma leh, haddii aad ku qabato waan ku xushmeynenaa, haddii aad soo noqoto waan ku xushmeheyna, haddaad dhacdo waan ku qadarineynaa madaxweynihii hore ayaa tahay, kursiga waan kaaga kaceynaa, laakin Soomaaliya haku hoggaamin dagaal dambe oo sokeeye’’.

3. Mideynta beesha Mudulood: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa bilihii ugu dambeysay uu waday dadaallo la xiriira mildeynta beesha Mudulood, isaga oo qabtay shirar badan oo arrinkan la xiriiira.

Mid ka mid ah shirarka waxaa uu ka yiri ‘‘Taariikhda ay Muduloow, waa kii Talyaaniga marka xukumayey axsaabta waxaa ay galayaan, xisbiga ku guuleysta ayaa xukuumadda dhisi doona, Leegada ayey galeen, gaalo jabiye ayaa loo bixiyey,  ummadan meesha uma fadhiyaan iney qabiil ku duulaan, uma fadhiyaan iney dowlad maanta jirto ay dunto, waxay u fadhiyaan maadaama la is dishay, iyada dhexdeeda is cafiso, kadibna golol Soomaaliyeed ay dhigto. Muduluud waa Qaran, macnaheeda ma ahan qaran Soomaaliyeed  waxaa ula jeedaa tirada, awoodda iyo baaxadda ayaa qaran ka dhigaayo’’.

4. Maqaamka caasimadda Muqdisho:  Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu dadaal badan u galay in caasimadda yeelato maqam u gaar, isaga oo uga digay dowladda federaalka ah in aaney dhageysan 4 milyan.

Mar uu ka hadlayey maqaamka Muqdisho waxaa uu yiri ‘‘Maamul gobolka uu yeeshaa rabnaa, gobolkan waxaa uu ka mid yahay 18 gobol, 17 gobol dadkii ku noolaa xuquuqdoodii waa heleen, gobolka Banaadir dadka ku nool xuquudoodii waa iney helaan, waa gobol 3 ama 4 milyan oo Soomaali ah ku noolshahay, waxa dhisanaayo Hawiye ma aha, Soomaaliya ayaa deggan, oo dhisaneysa,  iney dowladda dhisto waan ka sugeynaa, haddii aysa diido, xuquuqda inkirto, dadka waa tashanaayaan’’.

5. Geed fadhigga mucaaradka: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu bilihii dambe geed fadhi u ahaa mucaaradka dowladda, waxaana booqasho joogta ah ugu tagi jiray madaxweyneyaashii hore iyo in kale oo badan oo musharaxiinta ah si ay ugala tashtaan xaaladda dalka, marxaladda kala guurka iyo diyaar garowga doorashada 2021.

6. Bilic soo-celinta Muqdisho: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu ku hawlanaa soo celinta bilicda caasimadda Muqdisho isaga oo hadda dhisayey dabaqa ugu dheeraa, waxaa kale oo uu ganacsatada kula taliyey in dalka kusoo noqdaan, oo maalgeshtaan.

Madaxweynaha oo ka hadlayey shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelkiisa ku yaal xeebta Liido ayaa yiri ‘‘Waxaan go’aansaday in Soomaaliya ka dhiso hotel 5 star ah, oo u qalma hotellada caalamiga ah, dabcan keligiis kuma filno, oo 30 hoteel noocaan ah la dhiso, waddanku uu nabad helo, waa ku yaraanayaan, oo hotelo kale  aye u baahnaan doonaan, laakin aniga waxaan noqday kii ku dhiirada inuu bilaabo hotel saasa ah, oo u baahan lacag xoog leh, dhismaha aan u jeediin Ingineer aan Soomaali aheyn waxba kuma darsan, gacansatada Soomaaliyeed ee Kenya waxaa kula taliyey xoolaha ay ajnabiga gelinayaan in aaney iyagu laheyn, haddii aadan Soomaaliya geyneyn ugu yaraan 50% dalka keliya, dal walba waxaa dhiso dadkiisa, laga sumi waayo dowlad oo sharci ayey sameysaa, maalgelinta waxaa leh ganacsatada uu ilaah xoolaha siiyey’.

7. Xariirka Farmaajo iyo Cali Mahdi: Madaxweyne Cali Mahdi Waxaa uu sheegay in aan wax xiriir ah kala dhaxeyn Farmaajo, isaga oo ka hadlayey labo jeer oo ay kulmeen waxaa uu yiri ‘‘Aniga madaxweynaha colaad gooni ah uma qabo, saxiibtinnimo gooni ah uma qabo, Farmaajo aniga labo jeer ayaan arkay weligey, maalin waxaa ii geeyey Governatooraha Cumar Finish, innaga oo faataxeysaneyna sooma kala tagin, waxaan kusoo kala tagnay waxaan kuu gooynaa kaar aad magaalada ku marto, maalin taas ayey aheyd taariikh madow ayey aheyd, marna waxaan u tagay isaga ayaa isoo wacoo, dad isoo diray, xafiiskiisa ayaa galay kursiga uu fadhiyo inta aanan tagin, irida aan 5 daqiiqo istaagneyn, waana kasoo tagay, mana go’aansan in aan mar dambe u tagin’’.

Madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa arbacadii ku geeriyoodey da’da 82 jirka. Cali waxaa uu ku dhashay Shabeellada dhexe 1939-kii, waxaa uuna siyaasadda kahor ahaa ganacsade.

Cali Mahdi oo ahaa maalgeliyaha USC waxaa Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii January 1991-dii, labo maalin kadib ceyrintii Siyaad Barre.

Shirar kale oo dib u heshiisiin oo ka dhacay Djibouti 5–1 June 1991 iyo shirkii July oo ay ka qeyb galeen USC, SPM, SDM iyo SSDF iskana diiday SNM ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne muddo 2 sano iyada oo la dhaariyey August 18,1991.

Cali Mahdi waxay isku dhaceen Caydiid tiiyo keentay dagaalkii caanka ahaa ee biliwday November 17, 1991, dagaalkaas oo loo yaqaan afarta bilood, keliya kuma burburin dowladnimo ee waxaa ka dhashay dhimashada dad gaaraya 25, 000 halka 1.5 million oo dad ah ay qaxeen.

Mahdi iyo Caydiid waxaa ay loolamayeen ilaa Caydiid la dilay August 1996-dii iyada oo Cali Mahdi ugu dambeyntii ogolaay inuu tanasulo January 3, 1997 oo ahaa shirkii Soodare ee ka dhacay Itoobiya.

2,000 shir ka dhacay Djibouti ayaa waxaa uga adkaaday Cabdi Qaasim Salaad, xilligaas kadib waxaa uu ahaa odey ka shaqeeya nabadda.

W/D: Cabdicaziz Gurbiye
Goobjoog News

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal xasaasi ah u diray ururka Jaamacadda Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa qoraal u diray Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo uu kaga dalbanayo taageero hor leh oo xilligan lasiiyo Soomaaliya.

Dhambaalkan oo loo dhiibay wasiiru dowlaha madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif ayaa gaarsiiyey xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abu Kheyt, isaga oo kulan gaar ah la qaatay, kaas oo ay uga wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya.

Ugu horeyn wasiiru dowlaha ayaa u gudbiyey Ururka Jaamacadda Carabta farriinta uu ka sidday madaxweynaha ee ku aadan in la kordhiyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee la siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maadaama xilli adag lagu jiro.

Sidoo kale qoraalka madaxweynaha ayaa waxaa lagu xusay, sida uu ugu kalsoonyahay inay sii socon doonto taageeradaasi oo muhiim u ah shacabka & dowladda.

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo kulanka ka hadlay ayaa isna ballan qaaday inay fulin doonaan dalabka kaga yimid madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, islamarkaana ay garab istaagayaan shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya daruufo adag.

Waxa kale oo u7u xaqiijiyey in Jaamacadda Carabta ay si buuxda uga go’an tahay inay sii wado taageeradda ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, deganaanshaha, dib-u-soo-nooleynta dhaqaalaha iyo Juhdiga dadaallka Soomaaliya looga cafin lahaa geymaha ay ku leeyihiin dalalka caalamka.

Farriinta madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay Soomaaliya wajaheyso xaalad ka dhalatay muranka doorashooyinka.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo maanta kala saxiixday heshiis taariikhi ah + Sawirro

0

 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo safiirka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Alberto Vecchi ayaa maanta heshiis muhiim ah ku saxiixay Muqdisho.

Heshiiskan oo ah mid deyn cafin ah ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

Sidoo kale heshiiskan & qorshihiisa ayaa ahaa mid ay labada dhinac muddo kasoo wada shaqeynayeen, sida uu sheegay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda Talyaaniga kaga mahad-celiyey, sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay dowladda & shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya & Talyaaniga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ku dhisan wax wada-qabsi.

Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey dadaal badan ku bixisay barnaamijka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan.

Saawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo safiirka Mareykanka?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaabilay safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Amba. Donald Yamamoto, kaas oo booqasho ugu tegay hoygiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee weli qabsoomida doorashooyinka dalkan ee sanadkan 2021-ka

Sidoo kale labada dhinaca ayaa isla soo hadal qaaday sidii beesha caalamka ay qeyb uga qaadan laheyd dadaallada socda, siiba qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madoobe oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa u yimid ka qeyb-galka shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Si kastaba madaxweynaha Jubbaland ayaa kulamo ka wada caasimada, isaga oo horey ula kulmay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya & Midowga mushrraxiinta.

 

 

Xog: Turkiga oo Farmaajo kala hadlay siyaasad u adeegsiga ciidamada Gorgor

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadkan soo gaaray cutub ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee loo yaqaano Gorgor, waana cutubka 15-aad oo tababar kusoo qaatay wadanka Turkiga.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay kala hadashay Farmaajo oo muddo xileedkiisa dhamaaday inaan siyaasad loo adeegsan ciidamada Gorgor iyo Haramcad, sida ay horay u sameeyeen Mareykanka oo diiday in ciidamada Danab loo adeegsado qalalaasahii ka dhacay Muqdisho.

Sarkaal magaciisa la qariyay ayaa dhowaan u sheegay wargeyska Washington Post in Mareykanka ay ku gacan seyreen codsi uga yimid Farmaajo kaas uu ku dalbaday inuu Muqdisho kusoo daabulo Danab, waxaana taa beddelkeed caasimadda la keenay Gorgor iyo Haramcad oo shacab dibad-baxayey ku dilay magaalada.

Ma cadda, haddii Farmaajo yeeli doono codsiga Turkiga, waxaana xusid mudan in dowladda Turkiga ay dhowaanahan isku dhowaayeen madaxweynaha waqtigu ka dhacay, ayada oo ka tagtay dhex-dhexaadnimadii ay ku jeclaadeen shacabka Soomaaliyeed.

Imaatinka ciidamadaan waxey kusoo aadeen xilli mucaaradka ay dood badan ka qabaan hab adeegsiga ciidamada qaranka, waxeyna madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku eedeeyeen inuu si baalmarsan sharciga u isticmaalay ciidanka, iyadoo laga tusaale qaadanayo wixii dhacay 19-kii February.

Ciidanka Gorgor iyo kuwa Haramcad waxaa tababarkooda iyo xoojintooda qaabilsan Turkiga oo ku tababara gudaha dalka iyo banaankaba, waxaana la diyaariyay ciidan xoogan oo awood u leh iney sugaan ammaanka caasimadda.

Si kastaba walaac badan ayaa laga qabaa ciidamada ay dowladda Turkiga tababarta, maadaama aan loo adeegsaneynin dano qaran ee shakhsiyaad ay hogaanka u hayaan, waxaana muuqaneysa iney taasi tahay ku tumasho dhanka dastuurka iyo sharciga ah sidey leeyahiin dadka siyaasadda u dhuun duleela.

Ciidamada waxey masuul ka yahiin nabad galyada, waana iney ka dhex baxaan siyaasadda ayey ku taliyeen dadka kasoo horjeeda siyaasadda madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, kaas oo muddo bil ah si sharci ah darro ah ku jooga aqalka looga taliyo dalka.

Ugu dambeyntii dhaqanka FARMAAJO ee soo shaac baxay markii uu muddo xileedkiisa dhamaaday waxaa dib u dhac u arka mucaaradka, iyadoo la fiirinayo adeegsiga ciidamada iyo xaq dhawr la’aanta dastuurka maadaama uusan wali ogolaan inuu yahay xukuumad xil heyn ah.

Sooyaalkii madaxweyne Cali Mahdi Maxamed iyo waxa lagu xusuusan doono

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa xalay geeriyooday Madaxweynihii afaraad ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo isbitaal ku yaal Nairobi ku geeriyooday, maalmihii lasoo dhaafayna xanuunka safmarka ah ee Corona uu la ildarnaa.

Waxaan halkaan kusoo koobeynaa taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee Cali Mahdi iyo waxa lagu xusuusan doono.

Cali Mahdi Maxamed waxaa uu ku dhashay tuullada Caddoow-uul ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe qiyaastii 1938-kii, Waxaana yaraantiisa la keenay Xamar oo uu ku barbaaray, wuxuu waxbarashadiisa asaasiga ah kusoo qaatay isla magaalada Muqdisho, isagoona heerka waxbarashada dheeriga ah kusoo dhameystay dalka Masar.

Sanadkii 1969-kii wuxuu ka mid noqday xubnihii golaha baarlamaanka, iyadoo deegaan doorashadiisana aheyd  magaalada Jowhar, oo waqtigaasi ka tirsaneyd gobolka Banaadir, baarlamaanka qaranka wuxuu ku biiray isagoo da’yar, wuxuuna sidoo kale uu howsha siyaasadeed u barbar socday arrimaha ganacsiga, wuxuuna ka mid noqday maal qabeenada waaweyn ee macruufka ka ah Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Cali Mahdi, xiligii xukunkii askarta wuxuu billaabay shaqada dowladda wuxuuna ka mid noqday madaxdii waaweyneyd ee wasaaradda caafimaadka maamuleysay, wuxuuna ahaa madaxii la dagaalanka cudurka duumada, iyo agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka.

Markii ay dowladdii Kacaanka bilowday caburinta iyo eexsiga qabiilka ku dhisnaa Cali Mahdi wuxuu u xerga goostay inuu ku biiro siyaasiyiin dooneysay in dalka iyo dowladdaba lagu toosiyo wadada sharciga ee dastuuri ah kuna dhisan caddaalada iyo sinnaanta bulshada, wuxuuna aakhirkii isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku dhawaaqeen 15-05-1990-kii ururkii Maanafeesto ee dhabaha u xaaray in laga takhluuso awoodihii kalitalisnimadii Siyaad Barre, balse ujeedada ururkaasi ayaa ku saleysnaa in si nabad ah xilka uu ku wareejiyo Siyaad Barre, lana dhiso dowladd loo dhan yahay. Todobo bilood kadibna jabhado dadweyne ay xukunkii ka tuureen Siyaad Barre.

Burburkii dowladdii Kacaanka 26-kii Janaayo, Cali Mahdi wuxuu juhdi geliyay in dalku noqdo mid la isku soo celiyo, waxaana qabsoomay shirkii loogu doortay madaxweynaha Somalia isagoo xiligaasi ka maqnaa madashii shirka oo lagu qabtay dalka Jabuuti 1991-kii.

Dowladdii Jabuuti looga dhawaaqay ee Cali Mahdi loogu doortay waxaa ka horyimid Jen. Maxamed Faarax Caydiid  oo isagana rabay in loogu dhawaaqo hoggaamiyihii  badalay kaliyihii taliyihii Siyaad Barre.

Beesha caalamka waxay soo dhoweysay dib u heshiisiintii iyo dowladdii ka dhalatay Jabuuti ee madaxda looga dhigay Mudane Cali, Nasiib darase waxay ka dhacday dowladdii iyadoo wada hannan maamulkii dalka in magaaladii Muqdisho ka qarxo dagaal sokeeye oo ay isaga horyimaadeen xooggagii afka dhulka daray kaliyihii taliyihii Siyaad Barre.

Dagaalkaasi wuxuu dhacay 1992-kii wuxuuna sababay burbur, barakac, iyo inuu fududeeyo abaarihii wadanka dhacay.

Dagaalkii afarta bilood oo ahaa dagaal aad u xoog badan inta taarikhda laga og yahayna Somalia horay usoo marin, wuxuu sabab u noqday inuu wadanka ka bilaabmo faragelin shisheeye oo ilaa hadda Somalia la ildaran tahay.

Mudadaasi kadib labadii hogaamiye waxay bilaabeen waan waan iyo xal lagu dhameynaayo dhibaatadii wadanka ka dhacday, dabadeedna waxaa la isugu tegay shirkii Addis Ababa ka dhacay iyadoo wax u eg labadaasi hoggaamiye ay bilaabeen tanaasulaad aan hirgelin.

Geeridii Jen. Caydiid kadib, Cali isna wuxuu ka tanaasulay sheegada inuu madaxweyne ka yahay wadanka, wuxuuna aakhirkii ka mid noqday hoggaamiyeyaashii taageerada weyn siiyay inuu qabsoomo shirkii Carte ee Jabuuti, taasoo lagu doortay mudane C/qaasim Salaad.

Mudooyinkaasi kadib Cali Mahdi wuxuuu u xuubsiitay inuu noqdo oday Soomaaliyeed, ee saameyn iyo qeyb weyn ku leh nabadeyn iyo dib u heshiisiin,  wuxuuna door ka qaatay shirkii Mbaghati oo u arkayay maslaxad Soomaaliyeed iyo fursado Soomaali dib loogu mideyn karo.

Cali Alle ayaa oofsaday, waqtiyadiisii ugu danbeeyay wuxuu juhdi weyn gelshay isu keenida beelaha Soomaaliyeed oo uu ka bilaabay dib u heshiisiinta qowmiyada Muddullood, taasoo ku guuleystay, naqshadiisase waxay ku saleysneyd inuu heer Soomaaliyeed gaarsiiyo.

Wuxuu ka bilaabay beelihii Muqdishoow deganaa, isagoona dhinaca kale xiriiro toos ah la sameeyay hoggaamiyeyaashii dowlad goboleedyada, sanadkii tegay ay yimaadeen Xamar.

Cali Mahdi aas-aas fiican ayuu u dhigay qaranimada Soomaaliyeed hase ahaatee tallaabooyinkiisii waxay u baahan yihiin Hoggaamiyeyaal dhameystira.

Qore: Ali Muhiyaddiin Ali
[email protected]
London, United Kingdom

Goorma ayaa Meydka Cali Mahdi dalka la keenaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed ayaa waxa maalinta berri ah la keeni doona magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu aasi doono, sida ay sheegen Guddiga xukuumadda xil-gaarsiinta u xil saartay aaskiisa.

Guddiga ayaa maanta shir deg-deg ah iskugu yimid, kaasi oo uu shir guddoominayey Wasiirka amniga Soomaaliya oo ah guddoomiyaha guddigan oo uu ra’iisal wasaaraha u magacaabay aaska madaxweyne Cali Mahdi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish oo kamid ah guddigaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqada guddiga uu qeybta ka yahay ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee aaska qaran ee loo sameynayo madaxweynihii hore ee dalka, islamarkaana ay u diyaar-garooween

“Waxaa isku yimid guddiga aaska qaran ee uu magacaabay ra’iisal wasaraha, guddigaas oo loo magacaabay sidii hab-maamuuskii iyo aaska qaran loogu sameyn lahaa madaxweynihii hore ee geeriyooday Mudane Cali Mahdi AUN, Samir iyo iimana allaha ka siiyo bulshada Soomaaliyeed iyo Qoyskaba,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa lagu wadaa meydka madaxweynaha in berrito la keeno dalka Soomaaliya oo laga soo duuliyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa la filayaa in janaasada marka hore madaxda ay ku tukan doonto, kadibna bulsho weynta Soomaaliyeed ay janaasada kula tukan doonaan goobta uu ka dhacayo aaska”.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magacaabay guddiga aaska madaxweyne Cali Mahdi, oo ka kooban 11-xubnood waxaana guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Xasan Xundubey, waxay iskugu jiraana Wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Allaha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa xalay maqribkii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana geeridiisa kadib uu madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday amray in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Soomaaliya, si loo muujiyo murugada geerida ku timid Marxuumka.

Muxuu yahay ujeedka shirka uu Golaha Ammaanka QM ka yeelanayo Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa la filayaa inay mar kale maalinta Jimcaha kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, xilli weli dalka uu ka jiro muran la xiriira arrimaha doorashada.

Fadhiga Golaha Ammaanka waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo badan, balse arrimaha Soomaaliya marka ay tahay si gaar ah ayaa loo dul istaagi doonaa oo loo qiimeyn doonaa, balse arrimaha kale ee laga hadli doono waxaa ka id ah arrimo ku saabsan Koofurta Suudaan, Itoobiya & Mozambique.

Sida lagu shaaciyay wargeyska Foreign Policy, waxaa klanka lagu dhageysan doonaa xaaladahii laga diiwaan galiyay arrimaha Soomaaliya, ayada oo QM ay cadaadineyso in dhinacyada Soomaaliya ay gaaraan heshiis doorasho.

James Swan oo ah ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha Soomaaliya ayaa kulanka ku faah-faahin doona arrimo badan oo uu ka diyaariyay waxyaabahii ka dhacay Soomaaliya dhanka amniga iyo siyaasadda, wuxuuna sidoo kale ka hadli doonaa arrimaha doorashooyinka oo uu gacanta kula jiro.

Fadhigii ugu dambeeyay ee golaha ammaanka uu ka yeesho arrimaha Soomaaliya waxey aheyd 22-kii February, sidaas darteed wixii ka dambeeyay dhacdooyinkii la diiwaangaliyay ee ku xeeran xaaladda soomaaliya ayaa la dhordhigi doonaa guddiga.

Si kastaba Beesha caalamka waxey ka shaqeyneysaa sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda kala guurka iyadoo James Swan uu si gaar ah ugu shaqeynayo inuu isku soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah si ay u dhameytiraan heshiisyadii horay loo gaaray

SACIID DENI oo kala diray golihii deegaanka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu kala diray golihii deegaanka degmada Boosaaso ee gobolka Bari.

“Madaxweynuhu markuu arkay, Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Markuu arkay, Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey, Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso,” waxuu qaatay.

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha degmada Boosaaso, iyadoo aan la shaacin sababta.

Wareegtadaan cusub ee lagu kala diray golaha laguma xusin goorta lasoo dooranayo maamulka golaha deegaanka degmada Boosaaso.

Boosaaso dhawaan waxaa ka dhacay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaaladaas, waxayna sheegeen inay kala baxeen 400 oo maxaabiis ah.

Hase yeeshee maalin kadib weerarkaas Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in qaar la dilay qaarna la qabtay xubnihii soo weeraray xabsiga iyo maxaabiistiiba.