25.4 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Muxuu yahay ujeedka shirka uu Golaha Ammaanka QM ka yeelanayo Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa la filayaa inay mar kale maalinta Jimcaha kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, xilli weli dalka uu ka jiro muran la xiriira arrimaha doorashada.

Fadhiga Golaha Ammaanka waxaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimo badan, balse arrimaha Soomaaliya marka ay tahay si gaar ah ayaa loo dul istaagi doonaa oo loo qiimeyn doonaa, balse arrimaha kale ee laga hadli doono waxaa ka id ah arrimo ku saabsan Koofurta Suudaan, Itoobiya & Mozambique.

Sida lagu shaaciyay wargeyska Foreign Policy, waxaa klanka lagu dhageysan doonaa xaaladahii laga diiwaan galiyay arrimaha Soomaaliya, ayada oo QM ay cadaadineyso in dhinacyada Soomaaliya ay gaaraan heshiis doorasho.

James Swan oo ah ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha Soomaaliya ayaa kulanka ku faah-faahin doona arrimo badan oo uu ka diyaariyay waxyaabahii ka dhacay Soomaaliya dhanka amniga iyo siyaasadda, wuxuuna sidoo kale ka hadli doonaa arrimaha doorashooyinka oo uu gacanta kula jiro.

Fadhigii ugu dambeeyay ee golaha ammaanka uu ka yeesho arrimaha Soomaaliya waxey aheyd 22-kii February, sidaas darteed wixii ka dambeeyay dhacdooyinkii la diiwaangaliyay ee ku xeeran xaaladda soomaaliya ayaa la dhordhigi doonaa guddiga.

Si kastaba Beesha caalamka waxey ka shaqeyneysaa sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda kala guurka iyadoo James Swan uu si gaar ah ugu shaqeynayo inuu isku soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah si ay u dhameytiraan heshiisyadii horay loo gaaray

SACIID DENI oo kala diray golihii deegaanka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu kala diray golihii deegaanka degmada Boosaaso ee gobolka Bari.

“Madaxweynuhu markuu arkay, Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Markuu arkay, Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey, Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso,” waxuu qaatay.

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha degmada Boosaaso, iyadoo aan la shaacin sababta.

Wareegtadaan cusub ee lagu kala diray golaha laguma xusin goorta lasoo dooranayo maamulka golaha deegaanka degmada Boosaaso.

Boosaaso dhawaan waxaa ka dhacay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaaladaas, waxayna sheegeen inay kala baxeen 400 oo maxaabiis ah.

Hase yeeshee maalin kadib weerarkaas Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in qaar la dilay qaarna la qabtay xubnihii soo weeraray xabsiga iyo maxaabiistiiba.

Farmaajo oo amray in 3 cisho hoos loo dhigo calanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saaray geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Soomaaliya, si loo muujiyo murugada geerida ku timid Marxuum Cali Mahdi.

“Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkan qoraalka ah.

Sidoo kale waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada marxuumka iyo guud ahaan Ummadda Soomalaiyeed.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Cali Mahdi Maxamed uu door weyn kasoo qaatay dowladnimada iyo dib u dhiska dalka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Daawo: FARMAAJO guddi u magacaabay aaska Cali Mahdi amarna bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay geerida Allaha u naxariistee madaxweynihii Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu horeyn tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku.

Allaha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa maqribkii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Jamhuuriyadda, si loo muujiyo murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso ‘dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.’

Madaxweynaha ayaa ugu sambeyntii yiri, “Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.”

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga aaska madaxweyne Cali Mahdi, kaas oo guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Xasan Xundubey, waxayna kala yihiin xubnaha guddigaas.

1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
6. Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab), Xubin
7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
8. Cumar Cali Rooble, Xubin
9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
10. Xil. Maxamed Axmed Abtidoon, Xubin
11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin.

Hoos ka Daawo MW Farmaajo 

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo howlgal lagu soo qabtay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka Weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale & Cumar Dheere oo dhamaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa shaaca ka qaaday in bartilmaameedka uu ahaa goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in howl-galkaasi ay ku soo qab-qabteen illaa 18 xubnood oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka aasida qaraxyada miinooyinka.

“Muhiimada howl-galka waa in baaritaan lagu sameeyo Tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada si loo baabiyo miinooyinka ay galiyaan waddada isku xirta Tixsiile iyo Afgooye,” ayuu yiri Cabdalla Mustafe taliyaha ciidanka howl-galka fuliyey.

Ugu dambeyn saraakiisha ka warbixiyey howl-galka ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan Sh/Hoose ayaa weeraro iyo qaraxyo ka fuliya deegaanadaas gobolkaasi oo ay howl-gallo ka wadaan ciidanka huwanta.

Wararkii ugu dambeeyey kulamo siyaasadeed oo ka socda Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Qoraal kulankaas ay ka soo saartay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in seddaxda madaxweyne ay ka wadahadleen sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay.

“Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ugu jiro sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa arimaha Doorashada ayuu Maanta la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo Mudane Hassan Sheikh Mohamud isagoo kala sheekaystay sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan Doorasho oo la isku raacsan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankaan uu Axmed Madoobe la yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka waxaa ka horeeyey kulan kale oo uu isla maanta la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana dhammaan kulamadaas lagu gorfeeyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladan.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa caawa hooyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana qoraal uu xafiiska Axmed Madoobe ka soo saaray kulankaas lagu yiri, “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas berlanga. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo Madaxweynahu uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo saamilayda Siyaasada dalka.”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka la filayo inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Xildhibaankii 2-aad oo ka tirsan BF Somalia oo 24 saac gudahood geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka oo laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa geeridiisa waxaa xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, oo katirsan Baarlamaanka JFS oo ku geeriyooday Wadanka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga Facebook ee madaxtooyada Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Alla ha u Naxariistii Xildhibaan Xaaji Fiilow Isaaq Ibraahim, waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray dhismaha Jubaland. Madaxweynahu wuxuu tacsi u dirayaa dhaammaan Shacabka Jubaland, iyo gaar ahaan qoyskii, qaraabadii, iyo Saxiibadii uu marxuumku ka baxay.”

Xildhibaan Fiilow Isaaq Ibraahim ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo maanta ka baxay golaha shacabka, waxaana maanta magaalada Baydhaba ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow.

Xildhibaan Boonow ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi.

Xildhibaan Boonow ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii.

Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo geeriyooday

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa oo uu ku jiray isbitaal ku yaalla Nairobi, ayada oo laga helay cudurka COVID-19.

Cali Mahdi Maxamed waxa uu 1-dii Janaayo 1939-kii ku dhashay tuulada Cadow-uul oo u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxa uu ahaa 82 jir.

Waxbarashadiisii Schoolka ayuu ku qaatay magaalada Muqdisho, waxuuna 1959-kii fursad u helay inuu Jaamacad u aado magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Sanadkii 1969-kii ayuu xubin ka noqoday baarlamaankii Soomaaliya, waxuuna xilligaas ahaa Xildhibaanka ugu da’da yar.

Isla sanadkaas markii ay talada dalka la wareegtay dowladdii militeriga ee uu hoggaamanayey Maxamed Siyaad Barre, waxuu ku biiray wasaaradda caafimaadka, waxuuna ka gaaray illaa heer Agaasime Guud.

Sanadkii 1977-kii ayuu Cali Mahdi ka ruqseystay shaqadii dowladda Soomaaliya, waxuuna u wareegay ganacsi u gaar ah.

Intii u dhaxeysay sanadihii 1977-1990-kii Cali Mahdi waxuu ka mid ahaa ganacsatadii faro ku tiriska aheyd ee ugu waaweeyneed dalka.

Sanadahii sideetamaadkii Cali Mahdi waxuu ka mid ahaa koox aqoonyahanno iyo odayaal Soomaliyeed ah oo ku midoobey ururkii ‘Manifesto’ waxayna xiligaas madaxweynihii talada hayey Maxamed Siyaad Barre ka dalbadeen inuu xilka ka dego inta uusan burburin dalku.

Markii xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre ayaa Cali Mahdi Maxamed waxay Ururkii USC (United Somali Congress) oo la wareegay talada Muqdishu iyo meelo kale oo waddanka ah, ay 28-kii Janaayo 1991-kii u doorteen inuu noqday madaxweynihii afaraad ee Soomaaliya.

Durba waxaa madaxweyne Cali Mahdi aqoonsaday beesha caalamka. Hase yeeshee maacaabista Cali Mahdi waxaa kasoo horjeestay mid ka mid ah hoggaamiyayaashii labada garab ee ururka USC Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, taasi oo horseeday dagaal sokoeeye oo dalka ka qarxa.

Mar kale ayaa ururrada talada ka tuuray Maxamed Siyaad Barre ay ku kulmeen magaalada Jabuuti bishii July 1991, waxaanay ay mar kale u doorteen Cali Mahdi inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Hase yeeshee dagaallo adag ayey dowladiisii kala kulantay jabhadihii hubeysnaa ee burburiyey dowladdiika horeysay ee Maxamed Siyaad, waxuuna dalku galay dagaallo sokeeye oo daba dheraaday.

Dagaalka ugu aday waxuu Muqdisho ku dhex maray garabkii uu hoggaaminayey iyo garab kale oo uu hoggaaminayey Jeneraal Maxamed Farax Caydiid, waxaana Xamar ku dhex maray dagaal loo yaqaano ‘Afar biloodkii.’

Sanadkii 2000 ayuu Cali Mahdi xilkii madaxtinimada ee loo dhiigay 1991-kii ku wareejiyey Madaxweynihii shanaad ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan, xilligaas oo dowlad ku meel gaar ah lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed ayaa waayihii dambe ku noolaa magaalada Muqdisho, kumana jirin siyaasadda, markii laga reebo talooyin wax lagu toosi karo oo dhowr jeer uu u jeediyey dowladda iyo guud ahaan Soomaalida.

Sidoo kale waxuu waayihii dambe ka mid ahaa odayaal iyo waxgarad u ololeynayey in gobolka Banaadir loo dhiso maamul madax-banaan, si dadka ku nool ay u helaan metelaadda ay xaqa u leeyihiin.

UK oo qaaday tallaabo muran leh oo ku aadan sharciyadda madaxweyne ee Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa maanta qaaday tallaabo muran leh oo ay ku muujineyso in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday bil ka hor, uu weli haysto sharciyad madaxweyne.

Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada UK u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Kate Foster, oo dhamaadkii bishii hore timid dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Danjire Kate oo madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa”.

Arrintaan ayaa waxaa dhowaanahan ka taagneyd dood adag, waxayna muran ka dhex dhalisay safaaradda UK ee Soomaaliya, ayada oo mas’uuliyiinta safaarada ay iskaga horyimaadeen cidda warqadaha aqoonsiga ka guddoomeysa safiirka cusub, maadama uu Farmaajo ka dhamaaday muddo xileedkiisu.

Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta UK ee Soomaaliya ku sugan ayaa soo jeediyey in aqbalaada safiirka cusub lala sugo madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, midaasi oo aheyn arrin ku cusub safaarada, sida ay ku doodeen.

Afar sano ka hor safiirkii ay UK u soo dirsatay Soomaaliya, David Concar ayaa waxa uu ku qasbanaaday inuu sugo doorashadii madaxweyne Farmaajo, maadama uu xiligaas kusoo aaday dhamaadka mudo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana warqadihii aqoonsiga laga guddoomay 18-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, 10 maalmood kadib markii la doortay madaxweyne Farmaajo.

Kate Foster ayaa lasoo warinaya inay hore uga madax adeygtay inay waraaqaha aqoonsiga u gudbiso Farmaajo, maadama uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga, mana cada sababta xiligan ku kaliftay arrintaas.

Sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in madaxweynaha dalka uu ka guddoomo danjirayaasha dalalka caalamka aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilaaban, hase yeeshe xiligana Soomaaliya malaha madaxweyne sharci ah, waxaana dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.

Si kastabam UK ayaa maanta sharciyad siisay Farmaajo inkasta oo sida ku cad dastuurka uu muddo xileedkiisa sharciga ahaa dhammaaday.

Xog: Shaki hareeyey kaalinta Farmaajo ee shirka Afisyooni – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowaan waxaa teendhada Afisyooni ka furmaya shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, oo ay goobjoog ka tahay beesha caalamka, shirkaas oo looga hadlayo is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan la ogeyn kaalinta uu ku yeelan karo shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni oo aheyd halkii lagu doortay afar sano ka hor.

Beesha caalamka ayaa FARMAAJO ku cadaadisay inuu shirka furo islamarkaana soo xiro, balse uu shirka toos uga qeyb gali doono ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-heynta Maxamed Xuseen Rooble, waana arrin aysan ku qancin qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Farmaajo uu rabo inuu ka cudur daarto ka qeyb galka shirka ka dhacaya teendhada Afisyooni, iyadoo cudur daarka laga dhigayo xanuunka Covid-19, isla markaana uu wakiilan doono Rooble.

Iyadoo ay taasi jirto hadana waxaa jira saddex shardi oo ay soo gudbiyeen Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo laba ka mid ah ay hirgaliyeen beesha caalamka taasoo ah in goob amaan ah loo dooro shirka, sidoo kalana ay beesha caalamka goob joog ka noqoto, marka laga tago intaas waxaa haray qodob xasaasi ah oo madaxweynayaasha ku xireen furitaanka shirka.

Qodobka xasaasiga ah wuxuu yahay in madaxweynaha uu qoro warqad uu ku caddeynayo inuu dalka doorasho galaayo, isla markaana la xakameeyo awoodahiisa, waxaa sidoo kale soo raacaya qodobo kale oo laga sugayo inuu saxiixo Farmaajo ka hor shirka.

1.  Inuu ogolaado inuusan saameyn ku yeelaneyn doorashada oo loo xil saaro xukuumadda xil heynta iyo ciidamada Booliska oo ay wehlinayaan AMISOM.

2. in guddiyada doorashada si mug leh loo badalo, lagu daro xubno dhex-dhexaad ah oo aan dhinacna raacsaneyn.

Beesha caalamka waxey xoogga saari doontaa sidii la isugu keeni lahaa hogaamiyayaasha maamullada iyo dowladda dhexe si ay u saxiixaan heshiis doorasho, loona guda-galo fulinta wixii lagu heshiiyay.

In mucaaradka iyo bulshada rayidka ah ka qeyb galaan shirka ayaan loo arkin wax weyn, taasna waxey u badan tahay in meesha laga saari doono, maadaama Farmaajo aad u diidan yahay.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan dooneyn inuu ka qeyb galo shirka ka dhacaya Afisyooni, isla markaana uu rabo inuu Rooble wakiisho.

Qof walba wuxuu xasuusanayaa shirkii dhexmaray midowga musharaxiinta iyo Maxamed Xuseen Rooble kaas oo ku dhamaaday fashil, shaki badan ayaana ka jira in Farmaajo ka qeyb galayo shirka lagu balansan yahay iyadoo qaar ka mid ah madaxda maamullada ay doonayaan inuu yimaado iyadoo beesha caalamka goob joog tahay.

Sawirro: Kheyre oo hoygiisa ugu tegay Madoobe – Maxaa looga hadlay kulankooda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe ayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo dadaalka xal ka gaarista doorashada oo uu madaxweynaha Jubbaland u yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan, wuxuuna ka qeyb-galaya shir ka dhacaya gudaha xerada Xalane.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo uu sii gooni-gooni ah madaxweynaha Jubbaland ula qaadanayo madaxda mucaaridka iyo saaxiibada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan.

Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la sugayaa in halkaas lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo horay loogu socdo si loo qabto doorasho la wada oglyahay, waxaana lagu jaangoyn doonaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September 2020 iyo is fahamkii guddiyada ay ku gaareen Baydhaba bartamahii bishii February 2021.

Sawirro: DAHABSHIL Group oo ka jawaabtay baaqii DF, kuna wareejisay warshad dhalisa Oxygen-ta

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshil Group oo ka jawaabeysay baaqii wasaarada caafimaadka Soomaaliya, ayaa Oxygen gaarsiisay qaar ka mid ah isbitaalada lagu baxnaaniyo bukaanada uu soo ritay cudurka COVID-19, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka.

Warsaxaafadeed

Shirkadda Dahabshil Group oo u damqaneeysa bulshada Soomaaliyeed ayaa ka jawaabtay baaqii wasaarada caafimaadka, kaasoo ahaa in si degdeg ah loo soo gaarsiiyo Oxygen isbitaalada lagu baxnaaniyo bukaanada uu soo ritay caabuqa Covid 19.

Waxaa xusid mudan in mudooyinkii ugu danbeeyay Oxygen yari ay ka jirtay isbitaalada lagu dabiibayo bukaanada qaba Covid 19.

Taasoo si siman looga dareemay go’naanta Oxygen-ta guud ahaan isbitaalada dowlada & kuwa gaarka loo leeyahay.

Waxaa Oxygen la’aan darted u geeriyooday boqolaal bukaan kuwaasoo u baahnaa gargaar degdeg ah in loo fidiyo islamarkaana lala garo Oxygen bukaanada Covid 19 si ay neef la’aan ugu dhiman.

Shirkadda Dahabshil Group oo si degdeg ah uga soo jawaabtay baaqii dowlada soomaaliya, sidoo kale ahmiyad gaar ah siisay baahida ay qabaan shacabka soomaaliyeed xiligaan adag ee lagu jiro iyadooo bulshadu isugu darsantay Coovid 19 mowjadiisii 2aad, abaaro & biyo la’aan ku habsaday gobolada koonfurta & bartamaha soomaaliya qaarkood.

Dahabshil Group ayaa ugu deeqday wasaarada caafimaadka & isbtaalka martini warshad dhalisa Oxygn-ta, taasoo ay ka faa’ideysan karaan malin kasta ilaa 250 bukaaan.

Shirkadda dahabshil Group ayaa xal la taaban karo u heshay mushkiladii oxygen-la’ aanta ka jirtay isbitaalada lagu daweeyo bukaanada uu soo ritay Cudurkaan Halist ah ee Covid 19.

Dahabshil Group ayaa balanqaaday Qarasha ku baxaya rakibida (PSA Oxygen System) & Habsami usocodka shaqooyinka maalinlaha uu Machine-kaan qabanaayo Waxaa intaas dheer cilad bixintiisa hadii ey cilad ku timaado.

Sidoo kale shirkadda dahabshil Group ayaa waxa ay haatan olole biyo dhaamin ka wadaa gobalka Gedo oo laga soo sheegayo abaar baahsan & biyo yari saameeyay dadka iyo duunyada intaba.

Horaantii sanadkii tagay ayey aheyd markii ay Dahabshil Group ugu deeqday gaari Ambulance Hyundai casri ah (Zero Mile) kaasoo ka qeybqaatay ololaha gurmadka bukaanadii uu haleelay caabuqa Covid 19 Heerkiisii 1aad ee sanadka 2020.

Midowga Musharaxiinta oo qoraal cusub kasoo saaray xaaladda dalka (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal cusub oo ay kaga hadlayaan xaalado badan oo dalka ka jira, ayna ka mid tahay arrimaha amniga, shirka la filayo inuu ka qabsoomo Muqdisho iyo xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Qoraalka ay soo saareen oo dhinacyo badan looga hadlay, waxey qeyb ka mid ah kaga eedeeyeen madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu dalka u horseeday amni xumo isla markaana ay taasi keento in lagu kalsoonaan waayo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxey soo dhaweeyeen shirka ay yeelanayaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, taasoo la rabo in xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Shirka ay xubnahaas isugu imaanayaan wuxuu ka qabsoomi doonaa teendhada Afisyooni oo ah halkii lagu qabtay doorashadii uu kusoo baxay FARMAAJO, waxaana kalsooni darrada ka dhalatay wixii dhacay 19-ka February loo baahday in xubnaha beesha caalamka ay damaanad qaadaan hirgalinta wixii kasoo baxa iyo amniga goobta lagu shirayo.

Dhanka kale Midowga musharaxiinta waxey hay’adaha amniga ku eedeeyeen ka gaabinta hawlahooda, dhanka tabaabushaha, falcelinta iyo baaritaanada, iyagoo tusaale usoo qaatay weerarkii lagu qaaday maqaayadda Luul Yamani dhawaan.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA KASOO BAXAY
mucaa

Wararkii ugu dambeeyey QARAX maanta ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay ku xirnaayeen Makarafoono loogu tala-galay in dadka looga wacyi-geliyo Covid-19.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegaya in qaraxan uu ku dhintay wadihii gaariga, sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen askar iyo dad kale oo la socday baabuurkaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow garoonka kubadda cagta ee Qoob-Dooro ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Si kastaba qaraxan miino ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

ICJ oo soo saartay jadwalka dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya

0

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan ICJ ayaa shaacisay jadwal ku aadan dhageysiga dacwadda badda eedhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay maxkamaddda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda uu si toos ah u bilaaban doono 15-ka bishan March, waxaana dooda ku horreyn Soomaaliya.

Sidoo kale ICJ ayaa shaaca ka qaaday in wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda uu socon doono 15-ka illaa 19-ka bishan March ee sanadka 2021-ka.

Jadwalka ayaa sidoo kale lagu muujiyey in wareera labaad ee dacwadda dib la’isugu soo noqon doono 22-ka, islamarkaana ay doodo socon doonto illaa 24-ka bishan March.

Wareega Koowaad

Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)
Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)
Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya).

Wareega Labaad

Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya).

Si kastaba Soomaaliya ayaa dirsatay guddiga gaar ah oo u qaabilsan dhageysiga dacwadda, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Hague, waxaana hoggaaminayo sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

DF oo shaacisay qorshe laga lahaa weerarkii shalay lagu qaaday xerada XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay ujeedka laga lahaa weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada Xalane ee ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha.

“Weerarkan fuleynimada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kadib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.”

Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaas aanu ka weecin doonin qorsheyaasha mideysan ee lagu wajahayo argagixisada, sida lagu yiri qoraalka.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay sare u qaadday feejignaanta amni, islamarkaana ay baaritaan dhammeystiran ku sameyn doonto weerarkan hoobiyayaasha ah.

Weerarka ayaa yimid ayada oo la filayo in dhowaan xerada Xalane ay marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxda kulankaas ka qeyb galeysa.

Xildhibaan ka tirsanaa BF Soomaaliya oo geeriyooday

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa saaka ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi.

Marxuumka ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii.

Allaha u naxariistee waxaa geerida ku timid xildhibaanka ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaaraha xilka sii haha & guddoonka golaha shacabka Soomaaliya.

Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Muxuu Prof. Afyare Cabdi ku tilmaamay shirka Afisyooni?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee machadaka darasaadka siyaasada ee HERITAGE Prof Afyare Cabdi Cilmi oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka dowladda & dowlad goboleedyada.

Prof Afyare ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay in gacan saddexaad ay dhex-dhexaadiso madaxda Soomaaliyeed, si heshiis looga gaaro doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u dhac weyn ay tahay in la’is aamini waayo, kadibna la’isugu tago xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

“Waa dib u dhac weyn in dib loogu laabto wadahadalka la gar-wadeynayo, runtii si tartiib-tartiib ah ayay Siyaasiyiinta Soomaalida toos dhexdooda u wadahadlayeen, balse maanta waxa ay ka fursan waayeen in la kala dhexgalo oo la kala aamin baxo, in Xalane la tago waa dib u dhac kale,” ayuu yiri Agaasimaha cusub ee machadaka HERITAGE.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay ka dhabeeyaan wada-hadalladooda, islamarkaana ay xal waara ka gaaraan muranka ka taagan doorashada.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmaha soo socda Teendhada Afisyooni uu ka dhacayo shirweyne ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, una dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo doorashada.

Xog: Howlgal la rabo in lagu qoro dhallinyaro oo Xamar ka dhaca xilliyada habeenkii

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir ayaa habeenadii la soo dhaafay waxaa ka billowday howlgal ay sameynayaan ciidan ka tirsan kuwa ammaanka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidanka ayaa xiliyada habeenkii ah meel barxad ah isugu keena dhalinyarada qaar kadibna waxay weydiiyaan su’aal ah “yaa doonaya in uu kamid noqdo ciidanka qaranka, ama isagoo shaqadiisa iyo waxbarashadiisa wata nala shaqeynaya?” 

Ciidanka ayaa reebta ama xira dhallinyarada diida in ay la shaqeeyaan dowladda iyagoo weydiiya sababta kadibna ku sameeya baaritaan kale oo dheeri ah. 

Degmada Shibis oo kamid ah degmooyinkaas ayaa dhowrkii habeen ee la soo dhaafay waxaa su’aalahaas la weydiinayay dadka salaada ku tukada masaajida degmada, waxaana la xiray tobanaan qof oo dhalinyarada xaafada ah, kuwaas oo sheegay in aysan diyaar u aheyn la shaqeynta ciidanka iyo kamid noqoshada dowladda. 

Arrintaan ayaa loo arkaa qorsho cusub oo cabsi weyn ku abuuraya dhalinyarada xaafada maadaama ay wajahayaan cadaadis badan oo ay kala kulmayaan ciidanka amniga ee dowladda Soomaaliya. 

“Habeen kasta markii aan ka baxno masjidka oo aan Tukano Salaada Cishaha waxaa noo yimaada dhallinyaro bastoolado wata waxeyna noo sheegaan in aan kamid noqon doono ciidanka amniga tababar naloo qaadi doono, ama in aan la shaqeyno iyaga, qofkii maya dhaho waa la xiraa, haddii aad haa dhahdana waa halis kale,” ayuu yiri mid kamid ah dhallinyarada degmada Shibis oo la hadlay Caasimada Online.

Wali mas’uuliyiinta amniga ma faah faahin waxay ka ogyihiin arrintaan oo ay dhalinyaradu ka muujiyeen qeylo dhaan badan. Degmada Shibis waa halka ugu daran oo ay ka jiraan baaritaanadaan.

Qaar kamid ah dhalinyarada degmadaaa iyo degmooyin kale ayaa hada u xiran diidmo ay sameeyeen waxaana laga cabsi qabaa in uu sii socdo howlgalkaan.

Itoobiya oo diiday arrin ay soo jeedisay dowlada Sudan iyo xiisadda kasii dareysa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Ethiopia ayaa iska diiday soo-jeedin ka timid dalka Sudan, midaasi oo la xiriirtay xiisada adag ee biyaha wabiga Nile oo sanadihii dambe isku hayaan labadaas dowladood iyo Masar.

Sudan ayaa soo jeedisay in arrinta biyaha wabiga Nile ay ka wada xaajoodaan afarta dhinac ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Dalwadda Maraykanka, si xal looga gaaro xiisada muddada dheer ka dhex aloosneyd saddexda dal.

Diidmada Ethiopia ayaa imaneysa xilli saddexda dal ee arrintan isku haya oo kala ah Ethiopia, Masar iyo Sudan ay ku guuleysan la’yihiin inay xal ka gaaraan muranka ka dhashay biyo-xireenka ay Ethiopia ka dhiseyso webiga Nile.

Soo-jeedinta Sudan ayaa waxa taageertay dowladda Masar oo xiisadaas kala dhaxeyso Itoobiya, waxayna u aragtaa mid da-dajin karta xal ka gaarista xiisada wabiga Nile oo ka dhalatay biyo-xireenka Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa warbaahinta u sheegay in diidmada dowladiisa ee la xiriirta hindisaha Sudan gaarsiiyeen wafdiga dowladda Kongo, wuxuuna sheegay inay weli ku adkeysaneyso xukuumadiisu in dhex-dhexaadiyaha muranka wabiga uu keliya ahaado Midowga Afrika.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dhowr jeer bur-bureen wada-hadalo u dhaxeeyay saddexda dowladeed ee ku muransan biyaha wabiga Nile, kuwaasi oo fashil kusoo afmeeray kadib markii dhinacyada is-diidan ay heshiis wada gaari waayeen.

Horaantii sanadkan cusub ayaa waxa heshiis cusub wada gaaray dalalka Masar iyo Sudan, kaasi oo lagu xoojinayo iskaashi labada dhinac dhex-mara, gaar ahaan nabad galyada labada xukuumadood iyo gobolka guud ahaan.

Sudan iyo Masar ayaa isku mowqif ka ah xiisada wabiga, ayaga oo culeys saaraya dowladda Itoobiya oo xiligan ay ku furan yihiin dagaalo gudaheeda, mana cada halka ay ku dambeyn doonaan wada-hadalada saddex-geesoodka ah.