25.4 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Itoobiya oo diiday arrin ay soo jeedisay dowlada Sudan iyo xiisadda kasii dareysa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Ethiopia ayaa iska diiday soo-jeedin ka timid dalka Sudan, midaasi oo la xiriirtay xiisada adag ee biyaha wabiga Nile oo sanadihii dambe isku hayaan labadaas dowladood iyo Masar.

Sudan ayaa soo jeedisay in arrinta biyaha wabiga Nile ay ka wada xaajoodaan afarta dhinac ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Dalwadda Maraykanka, si xal looga gaaro xiisada muddada dheer ka dhex aloosneyd saddexda dal.

Diidmada Ethiopia ayaa imaneysa xilli saddexda dal ee arrintan isku haya oo kala ah Ethiopia, Masar iyo Sudan ay ku guuleysan la’yihiin inay xal ka gaaraan muranka ka dhashay biyo-xireenka ay Ethiopia ka dhiseyso webiga Nile.

Soo-jeedinta Sudan ayaa waxa taageertay dowladda Masar oo xiisadaas kala dhaxeyso Itoobiya, waxayna u aragtaa mid da-dajin karta xal ka gaarista xiisada wabiga Nile oo ka dhalatay biyo-xireenka Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa warbaahinta u sheegay in diidmada dowladiisa ee la xiriirta hindisaha Sudan gaarsiiyeen wafdiga dowladda Kongo, wuxuuna sheegay inay weli ku adkeysaneyso xukuumadiisu in dhex-dhexaadiyaha muranka wabiga uu keliya ahaado Midowga Afrika.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dhowr jeer bur-bureen wada-hadalo u dhaxeeyay saddexda dowladeed ee ku muransan biyaha wabiga Nile, kuwaasi oo fashil kusoo afmeeray kadib markii dhinacyada is-diidan ay heshiis wada gaari waayeen.

Horaantii sanadkan cusub ayaa waxa heshiis cusub wada gaaray dalalka Masar iyo Sudan, kaasi oo lagu xoojinayo iskaashi labada dhinac dhex-mara, gaar ahaan nabad galyada labada xukuumadood iyo gobolka guud ahaan.

Sudan iyo Masar ayaa isku mowqif ka ah xiisada wabiga, ayaga oo culeys saaraya dowladda Itoobiya oo xiligan ay ku furan yihiin dagaalo gudaheeda, mana cada halka ay ku dambeyn doonaan wada-hadalada saddex-geesoodka ah.

XOG iyo fallanqeyn ku saabsan ciidanka Gorgor ee Muqdisho laga soo dejiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga soo dejiyey cutubyo ka tirsan ciidanka Gor-Gor oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga, kuwaas oo diyaarad militeri ay ka soo dejisay garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale isla shalay ayaa boqolaal kale oo askari laga dhoofiyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo tababarka Gor Gor ku soo qaadan doona dalka Turkiga, waana ururkii 7-aad, sida lagu shaaciyey qoraal ay baahisay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Ismaaciil Daahir Cusmaan oo horay u soo noqday Taliye ku xigeenka ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa waareysi uu siiyey VOA waxa uu uga warbixiyey goorta la bilaabay tababarka ciidankan Gor Gor, hanaanka lagu soo xulo iyo waxa ay kaga duwanyihiin ciidamada ay dowladaha kale u tababaraan Soomaaliya.

Ismaaciil waxa uu sheegay in heshiiska lagu tababaro ciidanka Gor Gor ay gashay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh bishii May ee sanadkii 2018-kii.

“Xilligaas  shir ka dhacay magaalada London waxaa lagu heshiiyey in Soomaaliya loo dhiso ciidan 18-kun ah oo militeri ah, kaas oo dowlad goboleed kasta laga soo xulayo 3,000. Halkii mar waxaa la diraayey 300 oo askari oo ah hal urur, ciidanka waxaa laga soo xulaa deegaanada shanta maamul goboleed ee dowladda federaalka hoos yimaada,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Waxuu intaas ku sii daray “Tirada lagula heshiiyey in dowladda Turkigu ay u tababarto Soomaaliya waa 18 kun oo askari oo militeri ah, kuwaas maamul goboleed kasta laga keenayo 3,000, tan iyo markii uu tabarkaan bilaabay Turkigu waxaa yaraaday tababarradii kale ee dalalka caalamku ay siin jireen ciidamada Soomaaliya.”

Sidoo kale Ismaaciil Daahir waxa uu sheegay in hadda ay wax badan iska bedeleen hanaankii lagu soo xuli jiray ciidanka Gor Gor, isla markaana waayihii dambe ay Villa Somalia isku soo koobtay soo xulidda askarta ku biireysa Gor Gor ee tababarka loogu dirayo Turkiga.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Maxay tahay sababta Deni uu shaqada uga joojiyey guddomiyaha Boosaaso?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Boosaaso, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Shaqo ka joojinta guddoomiyaha ayaa ku timid eedaymo la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee magaalada Boosaaso, waxaana wareegtada lagu xusay in madaxweyne Deni uu tallaabadan u cuskaday qodobka 80-aad ee dastuurka Puntland.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu yiri, “Madaxweynuhu markuu arkay talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo cabashooyinka ka imanaya shacabka degmada Boosaaso.”

  1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
  2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.
  3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta.

James Swan oo war kasoo saaray weerarkii Xalane iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar hoobiyeyaal ah oo kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen xerada Xalane ee Muqdisho, oo ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah.

Swan, oo qoraalka uu soo saaray ku cambaareeyey weerarka, ayaa xaqiijiyey in illaa lix hoobiye ay kusoo dhacene Xalane.

Waxa uu sheegay inaysan jirin wax hanti QM ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarka, iyo khasaare nafeed oo kasoo gaaray shaqaalaha QM ee ku sugan Xalane. 

Si kastaba, danjire James Swan ayaa sheegay inuu jiro khasaare weerarka kasoo gaaray dad aan aheyn shaqaalaha QM oo ka shaqeeya qeybaha kale ee garoonka Aadan Cadde, oo xerada Xalane ay ku jirto xeendaabkiisa.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka hoobiye ee Al-Shabaab ay kusoo qaadeen aagga garoonka Muqdisho. Waxaan soo kabasho deg deg ah u rajeynayaa dadka ku dhaawacmay weerarka ee ku sugnaa qeybaha kale ee garoonka,” ayuu yiri James Swan.

“Inkasta oo ay jiraan ficilladan rabshadaha ah, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageeridda horumarinta waddanka,” ayuu yiri. 

Dhinaca kale, taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed uu kasoo saaray weerarka ku sheegay ay ku dhaawacmeen seddax qof oo ka tirsanaa shaqaalada AMISOM.

“Saacaddu markay ahayd 13:15hrs, Al-Shabaab waxay dhowr hoobiye ku weerartay xerada Xalane, halkaas oo ay deggan yihiin AMISOM, UN iyo hay’ado kale oo caalami ah oo ay ka go’an tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed. Seddex ka mid ah shaqaalaha AMISOM ayuu dhaawac fudud soo gaaray, waxayna heleen daaweyn. Xaaladda markii dambe waa la xakameeyay. Tallaabooyin taxaddar ah oo lagama maarmaan ah ayaa loo qaaday si loo hubiyo amniga iyo nabadgelyada shaqaalaheenna,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ay u adeegsadeen hoobiyeyaasha, mana shaacin wax khasaare ah.

Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxda kulankaas ka qeyb galeysa.

James Swan oo hoygiisa ugu tegay Axmed Madoobe, muxuu kala hadlay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kulankaas uu ka dhacay hooyga uu Axmed Madoobe ka dagan yahay magaalada Muqdisho, oo ku dhex-yaalla aagga garoonka Aadan Cadde, isla markaana ay labada masuul ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu Madaxweynahu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho waxaa lagaga hadlayay arimaha Doorashada. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu baahiyey xafiiska Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo lagu wado in maalmaha soo socda uu shir uga furmo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, shirkaas ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka hareeyey doorashada dalka.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in la dejiyey gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, waxaana ammaankiisa sugaya ilaaladiisa gaarka ah iyo ciidanka AMISOM, sida lagu shaaciyey qoraal maanta lagu baahiyey bogga TV-ga Jubaland.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa horay u dalbaday in shirka looga hadlayo doorashada lagu qabto goob ammaankeeda ay isku haleyn karaan, taas oo ka dhigan inay isku aamini waayeen xarumaha dowladda federaalka.

Sida aan xogta ku helnay shirkaas ayaa hadda loo qorsheeyey in lagu qabto teendhadii afar sano kahor lagu doortay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Afisyooni oo ammaankeed ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM, waxaana qabsoomidda shirkan dadaal badan ku bixineysa beesha caalamka.

Jubaland oo shaacisay halka AXMED MADOOBE uu ka degay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war kasoo saartay imaatinka Madaxweyne Axmed Madoobe ee magaalada Muqdisho iyo goobta loo asteeyay inuu ku dago, xili uu dhawaan maamulkiisu uu walaac xoogan ka muujiyey amaanka magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta galinka dambe soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayada oo ay soo dhoweeyeen mas’uuliyiin sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland oo magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb-galka shirka doorashada uu muranka ka taagan yahay ayaa waxa uu degi doona xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Telefishanka Jubaland.

Waxaa amnigiisa sugi doona ciidamada AMISOM iyo ciidan kamid ah kuwa ilaaladiisa gaar ah oo saaka diyaarad qaas ah kasoo qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, sida lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo, kadib markii uu sheegay inuusan isku haleyn karin dowladda federaalka..

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8-February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.

Qarax culus oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle waxaa goordhaw ka dhacay qarax aan weli la xaqiijin nooc uu ahaa, kaas oo ka dhacay Bar control oo ciidamo boolis ah ay ku sugnaayeen.

Qaraxaas oo la sheegay inuu ahaa mid xoogan ayaa ka shacay bar control oo ciidamada ammaanka HirShabeelle ay ku leeyihiin xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar, gaar ahaan halka loo yaqaano lambar Uno.

Khasaare ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxaas, in kastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu la egyahay.

Wararku waxay sheegayaan in nooca qaraxaas loo maleynayo inuu yahay, miino horay loogu aasay goobta, oo ay deganyihiin ciidamo ka tirsan booliska HirShabeelle.

Qaraxa kadib waxaa la sheegay inay ciidamadu fureen rasaas badan, taas oo illaa hadda aan la garaneyn in khasaare ka dhashay.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Daawo: Musharax Jabriil oo khudbad culus maanta ka jeediyey Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah murashaxiinta ugu tunka weyn doorashada 2021 oo maanta markale dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalka.

Musharax Jabriil ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xaalada cakiran ee dalka uu u horseeday is-qab-qabsiga madaxda Soomaaliyeed oo ilaa hadda heshiis rasmi ah ka gaarin is-mari-waaga doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda.

Jabriil ayaa sheegay oo carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay tahay inay tanaasul sameeyan, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka.

“Waxa lama huraan ah in is-qab-qabsiga la isku haysto laga soo bilaabo 2019-ka ilaa maanta aan joogno shirar joogto ah ayaa la iskugu imaanayeen, shirarkaas la iskugu imanaayeen intooda badan waxay ahaayeen dano shaqsiyadeed oo ma aheyn kuwo loogu daneynayay umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Marka danta shaqsiga ah laga hadlayo wey adag tahay in la isku tanaasulo, qof kasta wuxuu sheeganayaa awood iyo caqli, wax shaqeynaya ayadana maaha, arrintaas wal-wal badan ayey igu haysaa oo waxaa ii muuqata wax wada-qeybsi la’aanta ayaa waxay sii dhalineysa in xaalada aan hadda ku jirno ay sii hurto”.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxda lagu wado inay dhawaan shir ku yeeshen magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Xalane ay tanaasul u muujiyaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay waqti geliyaan sidii uu u guuleysan lahaa shirkaas, maadama kuwii ka horeeyay ay kusoo afmeermeen fashil.

Musharaxa ayaa waxa kale oo uu ka digay in dowladnimada loo isticmaalo qaab ku takri-fal ah, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay falalkii u dambeeyay ee dowladda waqtigeedu dhamaaday kula kacday madaxdii hore ee dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka hadlay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, wuxuuna bulshada ku baraarujiyey inay taxadar muujiyeen, asagoona ka tacsiyadeeyay dadweynaha Soomaaliyeed ee u geeriyooday cudurkaasi, halka kuwo la xanuusana caafimaad ALLE uga baryay.

Xildhibaan Mahad Salad oo macno yaab leh u sameeyay weerarkii Xalane ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo inta badan dhaliila hogaaminta madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si yaab leh uga hadlay hoobiyeyaashii maanta lagu tuuray xerada Xalane.

Mahad Salaad ayaa su’aal geliyay in Madaafiicda maanta Xalane lagu garaacay uu ka dambeeyo madaxwenaha uu waqtiga ka dhamaaday ee Farmaajo, asaga oo ku eedeyay in uu weerarka hoobiyeyaasha uu ka leeyahay ujeedo gaar ah.

“Madaafiicda maanta Xalane lagu garaacay Farmaajo miyaa ka dambeeya mise wada shaqayntii Shabaab iyo iyaga ayaa dhabowday oo gacan Shabaab ayay rabaan in ay wax ku cunaan Fahad iyo Farmaajo!,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Eedeynta Mahad Salaad oo ah mid culus ayey si madax banaan u xaqiijin karin Caasimada Online, hase yeeshe weerarka hoobiyeyaasha lagu eekeyay xerada Xalane ayaa imanaya ayada oo uu maanta kasoo degayay garoonka Muqdisho madaxweynaha Jubbaland oo si weyn isku hayaan madaxda sarre ee dowladda federaalka.

Weerarka madaafiic ah ayaa maanta duhurnimadii lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada, kuwasi oo gaystay khasaare hantiyeed. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya khasaare isku jira guryo iyo baabuur oo ay sababeen madaafiicda so dhacday.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka oo uu Xildhibaanku ku eedeyay in weerarkan cadeyn u yahay gacan-saarka kala dhaxeeya Farmaajo ee kooxdan.

Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo wafdi soo gaaray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka la filayo inuu Muqdisho ka qabsoomo todobaadkaan.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey madax ka tirsan Dowladda iyo xuno ka mid ah midowga musharixiinta.

Wafdigaan uu hogaaminayo madaxweynaha Jubbaland waxaa kasoo horeeyay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, wuxuuna qeyb ka dagi doonaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sida la sheegay.

Inkastoo imaatinka madaxweynaha saacado ka hor la duqeeyay xerada Xalane, hadana sidii la filayay wuu yimiad Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu qeyb ka noqdo saxiixayaasha heshiiska doorashada.

Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ayaa ku shiri doona teendhada Afisyooni halkaas oo ay ka dhacday doorashadii 8-da February ee lagu doortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la sugayaa in halkaas lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo horay loogu socdo si loo qabto doorasho la wada oglyahay, waxaana lagu jaangoyn doonaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September 2020 iyo is fahamkii guddiyada ay ku gaareen Baydhaba bartamahii bishii February 2021.

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xerada XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar madaafiic ah ayaa maanta duhurnimadii lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada. 

Goobjoogayaal ku sugan Xalane ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in hoobiyayaashu ay gaysteen khasaare hantiyeed. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya khasaare isku jira guryo iyo baabuur oo ay sababeen madaafiicda so dhacday.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ilaalada madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna la filayo inuu saacadaha soo socdo soo gaari doono magaalada, si uu uga qeyb galo shirkaas.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Inshga Allah. 

Muxuu xildhibaan Mahad Salad ka yiri shirka Xalane?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyey shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maalmaha soo socda ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane.

Mahad Salaad ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo shaaca ka qaaday inuu fashil u horseeday dalka & doorashada.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay Madaxweyne Farmaajo uu kala irdheeyey dadka Soomaaliyeed, islamarkaana uu ku eedeysan dambiyo dagaal, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray shirka ka dhacaya Afisyooni oo ah meeshii lagu soo doortay 4 sano uusan laheyn agaasinkiisa, ayna amnigiisa sugayaan ciidanka Amisom.

“FARMAAJO 4 SANO KADIB: Isagoo muddo xileedkiisii dhamaaday. Dalka aysan ka jirin doorasho heshiis lagu yahay. Kala irdheeyay dadkii Soomaaliyeed. Dambiyo dagaal ku eedaysan. Xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, ayaa beri mar kale loogu yeeri doonaa teendhadii lagu doortay 4 sano kahor si uu uga qayb galo shir agaasinkiisa isagu uusan lahayn, amniga ay ilaalinayaan ciidamo AMISOM ah, Madaxweyneyaasha ka qayb gelaya shirka qaarkood aysan Madaxweyne u aqoonsanayn isaga, meelmarinta waxa lagu heshiiyana mas’uul ay ka yihiin dowlado shisheeye!” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirkaasi oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, islamarkaana looga hadlayo doorashooyinka.

Axmed Madoobe oo ciidan iska soo hormariyey, kuna soo jeeda Xamar + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo aad u habeysan ayaa wata illaa saddex Cabdi Bile oo loo sii diyaariyey, waana ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho soo gaaro Axmed Madoobe, iyada oo soo dhoweyntiisa laga dareemayo garoonka Aadan Cadde.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa haatan ku sugan qeybta VIP-da garoonka, kuwaas diyaar u ah soo dhoweynta waftiga madaxweynaha maamulka Jubbaland

Axmed Madoobe ayaa ka qeyb-galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhacayo Teendhada Afisyooni oo ah meeshii lagu soo doortay madaxweyne Farmaajo.

Shirkan wada-tashiga ah oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka 2021-ka, iyadoo sidoo kale magaalada Muqdisho uu imaanayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni.

Ciidamada dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay MUQDISHO + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Bnaaadir, kaas oo lagu baadi-goobayey rag burcad ah oo dhac geysanayey.

Ciidamada ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib markii lagu soo war-geliyey inay jiraan rab burcad ah oo dhac ka geystay xaafadda Horseed ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka daba-tageen raggaasi oo afar gaarayey, islamarkaana ku hubeysnaa Bistoolado, waxaana kaddib dhex-martay is-rasaasey khasaare geysatay, iyada oo la dhawaacay labo ka mid ah burcadda, kadibna la qabtay.

Sidoo kale waxaa goobta ka baxsaday labadii kale ee la socotay ragga la qabtay, xilli taleefanada gacanta iyo agabyo kale ay ka qaadanayeen dadka deegaanka.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada ka bixiyey dhacdadaasi, waxaana saaka xaaladdu ay tahay mid deggan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha Muqdisho kusoo badanayey falalka ammaan darri, gaar ahaan dhaca loo geysanayo dadka rayidka ah.

Farmaajo oo hal arrin kaga duwan XASAN iyo SHARIIF

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan Villa Soomaaliya hal bil iyadoo aysan jirin wax heshiis doorasho ah, taasoo ka dhigan arrin ugub ku ah dalka.

Shalay oo aheyd 8-da Maarso waxaa dhamaatay bil kaamil ah maadaama muddo xileedkiisa uu soo dhamaaday 8-dii February, walina ma jiro heshiis loo wada dhan yahay oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka.

Tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday dowladda kumeel gaarka ah sanadkii 2012, ma dhicin in madaxweyne uu iska fadhiyo xafiiskiisa iyadoo muddo xileedkiisii uu dhamaaday hadana aan heshiis lagu aheyn hanaanka doorashada.

Xasan Sheikh Maxamuud oo ah madaxweynahii 8-aad kana horreeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu arrimaha doorashooyinka heshiis ka gaaray iyadoo muddo xileedkiisa uusan dhamaanin.

Iyadoo ay taasi jirto hadana su’aasha is weydiinta leh waxey tahay rajo malaga qabaa in la gaaro heshiis doorasho oo lagu wada qanacsan yahay?

Khilaafyo badan ayaa ku hareereysan heshiiska doorashada, waxa ugu weyn waxey tahay in la dhaqan galiyo heshiiskii 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho iyo sidoo kale meel marinta is fahamkii ay gaareen guddigii ku shiray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Mucaaradka waxey doonayaan in heshiiska laga qeyb galiyo, walina la iskuma raacin, waxaa jira tabashooyin badan oo ay ka mid tahay arrinta gobolka Gedo, xildhibaanada gobolada waqooyi iyo sharci la’aanta Farmaajo oo wali la hadal hayo.

Arrimaha kale ee ku hoos jira waxyaabaha ku xeyndaaban doorashada waxaa ka mid ah shakiga laga qabo ciidamada dowladda oo la aaminsan yahay iney siyaasadda dhexda kasoo galeen, taasna ay walaac badan ku abuurtay mucaaradka dowladda.

Si kastaba Farmaajo wuxuu aqalka dalka looga taliyo ku jiraa hal bil oo aan sharci aheyn walina aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka, sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta uma muuqdo mid qaadan kara kaalintiisa hirgalineed waxyaabaha horyaalla ee ah inuu dalka ka saaro marxaladda kala guurka.

Inkasta oo madaxdii ka horreysay sida Xasan Sheekh iyo Shariif ay madaxtooyada joogeen billo kadib markii waqtigoodu dhammaaday, haddana waxaa jira inuu jiro heshiis doorasho, dib u dhacana uu ku yimid hab fasarmo, hase yeeshee Famaajo wuxuu kaga duwan yahay inuu xukunka sii hayo ayada oo aanu jirin heshiis doorasho, una muuqato inuusan diyaar u aheyn.

Ismaaciil Cumar Geelle oo jawaab ka bixiyey arrintii ay ku eedeysay DF Soomaaliya

0

DJabouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay eedeyntii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti, kadib markii guddi ka socday ay warbixin ka diyaariyeen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la baarayo faro-gelin iyo abaabulka jabhado hubeysan oo ay ka cabatay Soomaaliya.

Gaba-gabadii sanadkii 2020 waxaa cirka isku shareertay xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, waxayna dowladda Soomaaliya cayrisay wakiilladii Kenya ka joogay Muqdisho, iyadoo ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gudaha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December ee sanadkaas isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, waxaana kulan ay yeesheen ku wehliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda urur goboleedka IGAD Jabuuti ayey xilligaas u xil saareen inay dadaal ku bixiso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogta ee Soomaaliya iyo Kenya, maalmo kadib waxay Jabuuti xuduuda labada dal u dirtay guddi xaqiiqo raadin ah, kaas oo soo baaray waxa ka jira eedeyntii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Kenya.

Warbaahinta gobolka ayaa baahisay nuqullo ka mid ah warbixintii uu diyaariyey guddigaas, waxaana weji kale yeelatay xiisadii jirtay, dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay natiijada warbixintii guddiga ay dirtay Jabuuti, warbixinta waxaa ku xusneed inay waxba kama jiraan yihiin inta badan eedeymihii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay dhiggeeda Kenya.

Dowladda Soomaaliya oo xilligaas si caro leh uga hadashay warbixinta waxay Jabuuti ku eedeysay inay kala safatay Kenya oo guddigii ay soo dirtay ay qaateen doodii Kenya oo ay iska indha tiraya cadeymihii ay eedeynteeda u heysatay dowladda Soomaaliya.

Maanta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagoo markii ugu horeysay ka jawaabaya eedeymihii ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti iyo xiriirka xumaaday ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya waxuu la hadlay BBC Somali.

Ugu horeyntii Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi, isagoo xusay in labada waddan ay daris yihiin, isla markaana aysan sina u kala maarmin.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

“Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

“Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’ waan iska diidi karnay oo waan oran karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri, “Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma aysan aqrinba runta haddii la fiiriyo, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeedka IGAD ayaa lala sugayaa oo arrintaas lagu faaqidi doonaa, cidda u buunbuunisay ee u qeylo dhaamisay annagu ma garaneyno.”

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay caradii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii ka dhalatay warbinta guddigii xaqiiqo raadinta ee ka socday Jabuuti.

“Waan iska diiday inaan jawaab ama wax ka iraahdo arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu imaaneysa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ma aha mid ku kooban faro-galinta ay ka cabatay dowladda Soomaaliya iyo arrimaha Jubbaland oo kaliya, balse labada dal waxay isku heystaan xuduud badeed oo dheer.

15-ka bishan waxaa waxaa xarunta dhexe ee Maxkamadda ICJ ka bilaabaneysa dhageysiga dacwadda Baddaas oo indhaha Soomaalida, Kenyaanka iyo warbaahinta caalamku ay aad ugu mashquuli doonaan, waxaana dhageysiga kiiskaas ay maxkamaddu mudeysay inuu soo idlaanyo 19-ka bishan, wixii intaas ka dambeeyana waxaa maxkamadda laga sugi doonaa xukun aan racfaan laheyn.

Kenya waxay dhawaan dalbatay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska, balse garsoorka maxkamadda iyo dowladda Soomaaliya ayaa labaduba ka diiday dalabkaas, waxaana maanta Muqdisho ka baxay guddiga Soomaaliya u qaabilsan kiiska badda, kaas oo u diyaar garoobaya inay dacwada uga qeyb galaan xarunta maxkamadda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hoggaaminaya guddigan, Isagoo garoonka Aadan Cadde kula hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ay rajo fiican ka qabaan guusha Soomaaliya ee kiiska badda.

Wararkii ugu dambeeyeey shirka XALANE iyo 3 shuruud oo hor-taalla FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda madaxa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu shir uga furmo magaalada Muqdisho, kaas oo qabsoomidiisa ay dadaal badan ku bixinayaan wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Safiirka Mareykanka iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay shirkan waxaa loo asteeyey inuu ka dhaco Teendhadii afar sano ka hor lagu doortay Madaxweyne Farmaajo ee Afisyooni oo ammaankeeda ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM, waxaana taas loo yeelayaa fulinta shuruudii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dal baday in shirka lagu qabto goob ay ammaankeeda isku aamini karaan.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa la sheegay inay Muqdisho imaanayaan inta lagu guda jiro todobaadkaan, waxayna wataan shuruudo cusub oo ay la imaa doonaan shirkaas.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysaa in shirkaas lagu soo koobo xaflad ay madaxdu ku kala saxiixanayaan qodobadii xalka looga gaaray khilaafka doorashada ee shirkii guddiyadii farsamada ee kala metelayey dhinacyada, kaas oo bishii hore ka dhacay magaalada Baydhaba ee K/Galbeed.

Hase yeeshee xogta aan helnay waxay sheegeysaa in heshiiskii Baydhaba kadib, ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni la yimaadeen seddax shuruudood oo cusub, kuwaas oo ay qorsheynayaan inay la yimaadaan shirka Muqdisho, waxayna kala yihiin.

1 –In Madaxweyne Farmaajo saxiixo Warqadda xil-gaarsiinta.

2 –In wixii sharciyad oo la ansixiyay 27-kii bishii December kadib, xilligaas oo uu dhamaaday mudo xileedkii baarlamaanka in laga laabto.

3 –In amniga  doorashooyinka laga wadhadlo, kadib wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa hadda safar ugu maqan dalka Turkiga, waxaana la sheegay in ugu dambeyn ay dalka dib ugu soo laabanayaan Arbacada soo socota, si ay uga qeyb galaan shirka.

Xog: Nabaddoon caan ah oo 10 maalmood u xiran dhul uu siiyey Maxamed Dheere

Jowhar (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdow Roose oo kamid ah dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degmada Jowhar, ayaa muddo laba todobaad ah u xiran booliska HirShabeelle. 

Nabadoonkaan ayaa u xiran amar la dul-saaray oo ah, in uu ka baxo dhul uu siiyay maamulkii Allah ha u naxariisteen Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere. 

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in nabadoonka uu xiran yahay madaxda sare ee HirShabeelle kadib marki uu diiday in ay uu wareejiyo hantidiisa. 

Cabdow Roose, ayaa nabadoon u ah beelaha Carab Soomaali ee dagan Jowhar waxaana la sheegayaa in uu ku xanuunsanayo gudaha xabsiga. 

Ehellada iyo qaraabada Cabdow Roose ayaa codsaday in lasii daayo nabaddoonka ama la soo taago maxkamad, si loogu helo eedaha loo heesto ama lagu waayo. 

Jowhar waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo lagu qabo ciidanka amniga si gaar ah waxaa laga cabanayaa ku tagri fal awoodeed oo ay geysanayaan ciidanka amniga. 

Puntland oo amar culus ku rogtay shacabka Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku socda dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, siiba dadka socdaalaya ama safaraya ee ku sugan halkaasi.

Booliska Garoowe ayaa shaaciyey in qof kasta oo soo galaya ama ka baxaya Garoowe looga baahan yahay damiin, ka hor inta uusan safrin, ama soo gelin gudaha magaalada.

Sidoo kale taliska Booliska aya aintaasi kusii daray in qofka la doonayo inuu caddeeyo u jeedada uu uga baxayo Garoowe amaba uu u soo galayo magaalada.

“Qof walba oo soo galayo amaba ka baxaya magaalada waxaa laga doonayaa inuu keeno damiin isla markaana cadeeyo ujeedada uu uga baxayo amaba u soo galayo magaalada.” ayuu yiri Axmed Maxamuud Cali oo ka mid saraakiisha ciidamada Booliska Puntland.

Arrintan ayey Puntland kaga gol-leedahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa suurta-galnimada weeraro ka dhaca halkaasi.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii weerar culus dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

 

Al-Shabaab oo lagu qaaday weerar cir iyo dhul ah, inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa howlgallo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, kuwaas oo lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Deegaanada uu militeriga Soomaaliya ka fuliyey howlgalkaas waxaa ka mid ah Ballow oo dhaca inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye, waxaana halkaas lagu dilay xubno ka titrsanaa Al-Shabaab, sida laga soo xigtay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale deegaanada la xusay ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay saacadihii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegeen waxaa ka mid ah Jambaluul oo lagu dilay xubnihii lagu weeraray ee ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo warbixinta howlgalladaas la wadaagay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay kala wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka, isla markaana howlgalkii ay qaadeen ay qeyb ka ahaayeen duqeymo dhinaca cirka ah.

Waxa uu sheegay in 25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ay ku dileen howlgalkaas, ugu yaraan 15-kalena ay ku dhaawaceen, sidoo kale dad looga shakisan yahay inay gacan saar la leeyihiin Al-Shabaab ayuu sheegay in lagu soo qabtay howlgalka.

Taliyaha militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage waxa uu sheegay in xubnaha ay dileen uu ku jiro u qaabilsanihii Al-Shabaab ee degaanada u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.