25.4 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Shabaab oo sababo yaab leh Bu’aale ugu dishay 5 qof

0

Bu’aale (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla magaalada Bu’aalle ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe waxay ku dileen shan nin oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo oo iyaga ka dhan ah.

Al-Shabaab waxay sheegeen in raggaan ay ahaayeen shabakad isku xiran oo la shaqeyneysay sirdoonka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwo caalami ah.

Dilal iyo duqeymo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda ayaa lagu eedeeyey inay masuul ka ahaayeen shanta nin ee lagu dilay fagaaraha Bu’aale.

Al-Shabaab waxay sheegeen in shabakabadaas uu hoggaamiye u ahaa Maxamed Soomoow Ibraahim oo isaga ay gowrac ku dileen, halka afarta kale mid mid loo toogtay.

Afarta nin ee kale ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cusmaan Maxamuud oo ahaa wiil yar oo 16-sano jir ah, Ismaaciil Saciid Kariib, Maxamed Axmed Aadam iyo Cabdulqaadir Xasan Cali.

Dhulka ay Al-Shabaab ka maamulaan Soomaaliya waxaa sidaan oo kale joogto loogu dilaa dad intooda badan ay ku eedeeyaan basaasnimo, xatooyo, gogol-dhaaf iyo eedeymo kale oo cabsi xoog leh ku abuuray dadka ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan.

Video: Umal oo farriin u diray Deni iyo A/Madoobe una sheegay arrin lagu xanto

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa fariin u diray labada madaxweyne ee maamullada Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, wuxuuna ka codsaday arrin gaar ah.

Sheekh Umal oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa ka codsaday labada madaxweyne ineysan wax shuruud ah ku xirin ka qeyb galka shirka arrimaha doorashada looga hadlaayo ee la filayo in lagu dhawaaqo maalmaha soo aadan.

“Masaaliixda umadda u tanaasula. Shuruudaha meel iska dhiga. Miiska imaada oo in la wada tashada oggolaada. masaaliixda caamka ah ka shaqeeya,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxaad shuruudo badan hor dhigteen wadahadalkii, umadda wixii u suuroobi lahaydna aad hor istaagtaan sax ma ahan.

Sheekha ayaa intaas ku daray dad badan rumeysan yihiin in Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ay ka talo qaataan xiriirna la leeyihiin dowlado shisheeya, taasoo haddii ay jirto uu sheegay noqoneysa khiyaano qaran.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii uu fariin dhinacyo badan taabaneysa u diray saamileya siyaasadda Soomaalida oo ay ku jiraan kooxda talada heysa iyo mucaaradka u hanqal taagaya kursiga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ayuu ugu baaqay inuusan kursiga isku dhajin, sidoo kalana mucaaradka wuxuu u sheegay ineysan aheyn xilligaan iney wadanka ku hagaan waddo burbur ah.

Hoos ka daawo farriinta Sheekh Umal uu u diray Deni iyo Axmed Madoobe

Booliska oo soo xiray 150 dhallinyaro oo arrin yaab leh ka sameeyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa xalay xir xiray ku dhowaad 150 dhalinyaro rag ah, kuwaas oo laga qab qabtay degmada Karaan ee gobalka Banaadir. 

Dhallinyaradan ay qab qabteen ciidanka amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay laga qabay cabasho badan, kadib markii ay billaabeen weero inta ay u kala baxeen laba xaafadood. 

Dhibkaan ayaa waxa uu ka jiraa Xaafada Jamhuuriya waxaana la sheegay in uu soo taagnaa muddo ku dhow 60 cesho. Dhalinyarada ku nool xaafada Jamhuuriye ee degmada Kaaraan oo isku heesta Garoon kubada cagta ah ayaa u kala baxay laba koox, waxeyna billaabeen in ay ku dagaalamaan Weero ama tuuryo oo loo adeegsanayo dhagxaan lagu soo xiray xariga (wirif).

Sidoo kale dhalinyarada ayaa isu adeegsada Mindiyo, olal iyo agabyo kale. Dhalinyarada ayaa beegsanaya qofkii ka soo baxa xaafadba xaafada kale. Mararka qaar waxey dhag xeeyaan gaadiidka iyo guryaha, taas oo keentay in ay cabasho muujiyaan dadka degaanka.

Ugu yaraan 8 qof, oo ay ku jirto Haweeney waayeel ah ayaa ku dhaawcmay waxaana muraayadaha looga daadiyay gaadiid aan ka yareen 5 gaadi. Sidoo kale, gaadiid badan ayaa muraayadaha ka jabay, dhalinyaro aan qeyb ka ahayn weerarada ayaa loo dhibaateeyay xaafada ay dagan yihiin darteed.

Qaar kamid ah dadka degaanka gaar ahaan odayaasha ayaa Caasimada Online u sheegay in ay cabasho gaarsiiyeen maamulka degmada iyo ciidanka booliska Soomaaliya ee saldhigga balse aan laga jawaabin cabashadooda. 

Warbaahinta Muqdisho oo warkaan baahisay kadib, ciidanka amniga ayaa xalay howlgal sameeyay waxaana dhalinyaradaas lagu kala xiray Saldhigyada degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Shibis iyo Heliwaa oo isku ah qeybta Bari. 

Tobanaan sano ka hor ayaa Muqdisho ugu dambeysay ciyaal weero waxeyna arrintaan la yaab ku noqotay dadkii maqlay. Muqdisho waxey dhib ku qabtaa dagaalo, dilal, qaraxyo iyo dhac joogto, hase yeeshee markii intaas la arko arrinta weerada ayaa noqoto i qarso. 

Farqiga u dhaxeeya wafdiga DF ee kiiska badda u baxay 2021 iyo midkii 2016-kii

0

Inkasta oo dowladda aan garab taagnahay, ilaahna ka rajeyneyno in dalkeenna uu ku adkaado kiiska, hadana si ka duwan dowladdii Xasan Sheekh, maamulka hadda jira aamusnaantiisa iyo xog yarida jirta waxay sababtay in aan lagu kalsoonaan karin waxa socda!

Sidaasi ay tahay, waxaan horay idiin ku sheegay iney qareennada na difaacaya ay kala yihiin: Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet oo khubaro ah, laakin ma heystaan garabkii Al-sharmaani iyo dal ama hey’ad naloo sheegay iney bixineyso qarasha kiiska, taasi oo soo dedejineysa inuu jiro farqi u dhaxeeya 2021 iyo 2016!

2021: Wafdiga maanta baxay waxaa hoggaaminayey Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil gaarsiinta Mahdi Guuleed, waxaa qeyb ka ah: Yusuf Garaad oo ah safiirka Badda cas iyo bariga Afrika, Xeer ilaaliyihii Hore iyo midka hadda Axmed Cali Daahir iyo Suleymaan Maxamed iyo Eng Maxamed Saalixi oo ah khabiir badaha, hayey keydka, khariidadaha iyo siraha isla markaana 10-kii sano ee lasoo dhaafay xafiiska Madaxweyneyaasha kala talinayey kiiskan!

Si ka duwan 2016-kii, inta maanta baxday waxaa hoggaaminayo siyaasi, sagootintooda qeyb kama aha Madaxweynaha, lama arkin xubno bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan ah ama khubaro madaxbannaan! Laakin 2016-kii, waxaa kiiska hor kacayey Safiir Fiqi iyo Muna Al-sharmaani, teeda kale sida sawirka hoose ka aragtaan, waxaa kale oo bulshada laga waday dadkii indhaha u ahaa, oo badaha iyo qanuunka fahmayey!

Ugu dambeyntii, arrinta kale ee muhiimka ah waa qarashka kiiska, sida ay ii xaqiijiyeen ilo muhiim ah, 2016-kii waxaa kiiska badda meel u taallay $5 milyan oo ay ku deeqday dowladda Imaaraadka si loogu bixiyo qareennada iyo wax walba oo kiiska ku saabsan, lacagtaas oo aan la ogeyn wax ka haray, warar qaar ayaa sheegaya in lacagtii loo leexiyey dhismaha machad, lamana oga iney taasi sabab u tahay in Muna iyo qareenno kale lacag loo waayey iyo in kale!

CC Shakuur oo sheegay inuu Farmaajo ‘billaabay’ daan-daansi gacan ka hadal ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah musharaxiinta mucaaradka ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku sheegay inuu wado daandaansi gacan ka hadal ah.

Qoraalka uu so qoray wuxuu ku bilaabay sidaan: “Farmaajo oo ay maanta bil sharci dari ah u buuxsan tay ayaa doonaya in uu nolol siyaasadeed ka raadiyo xilkasnimada iyo biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ku sheegay mid doonaya in looga jawaabo daan-daansiga maadaama uusan aheyn qof u turaya taariikh hore.

“Mar walba wuxuu ku kacaa daandaansi gacan ka hadal ah, si looga jawaabo mid tiisa la mid ah. Ma aha nin u turaya taariikh hore, sababtoo ah dadaal kama soo gelin dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta dadka. Rajo kama laha in uu reebo raad wanaagsan, sababtuna waa in uusan qaban hawl wanaagsan oo uu beri ku faani karo. Wuxuu doonayaa in uu na kala doorransiiyo diktatooriyadiisa ama dirir sokeeye”

Dhinaca kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in FARMAAJO uu abuurtay koox uu ku tilmaamay daneystayaal kuwaas oo aan u naxeynin dadka iyo dalka, taasna ay sahashay inuu u dhaqmo sidaan, balse ay iska caabin madani ah ku sameyn doonaan.

“Wuxuu abuurtay shabakad danaystayaal ah oo u adeegta, kuwaasoo dadka iyo dalka u naxaynin. Waxaan ku diidaynaa is xakamayn, siyaasad xilkasnimo leh iyo iskacaabbin madani ah, waana hubaal in maalmaha u harsan ay tirsanyihiin”

Hadalka hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa kusoo aadaya xilli maanta ay muddo bil ah u go’day Farmaajo inuu si sharci aan aheyn ku joogo aqalka dalka looga taliyo iyadoo sidoo kale aan wali heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka.

James Swan oo fariin u diray Farmaajo iyo siyaasiyiinta kale ee Somalia (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xogyahaha guud ee Qarmada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan oo maanta ka qeyb-galay Munaasabadda Maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa farriin la xiriirta kaalinta haweenka Soomaaliyeed u diray siyaasiyiinta Soomaaliya.

Fariinta Swan oo u muuqata mid si gaar ah ugu socota madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo saamileyda siyaasada, gaar ahaan madaxda gobolada ayaa sheegay in muhiim tahay in la ixtiraamo ballan-qaadkii la sameeyay ee ahaa hirgelinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyay marka la dooranayo wakiilada Aqalka Sare iyo Baarlamaanka 11-aad.

“Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka,” ayuu yiri James Swan.

Waxa uu intaas kusii daray “Wada-hadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay intooda badan ii sheegaan in haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la joogaa waqtigii arrintan la aqoonsan lahaa looguna bedeli lahaa wax-qabad iyo fursado la taaban karo oo haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan karaan go’aan qaadashada siyaasadeed iyo inay sare u qaadaan awooddooda hoggaamineed”.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxay ka marqaati kaceen dadaallada baaxadda leh ee haweenka Soomaaliyeed ee ku biiray dadaallada waxqabadka qaran ee lagu ilaalinayo bed-qabka qoysaska iyo bulshada, ayada oo Swan ku baaqay in laga dhabeeyo kaalinta haweenka ee heshiiskii siyaasadeed.

“Iyadoo la bogaadinayo adkeysiga haweenka, haddana waa in aan xasuusnaano in Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah dunida, uu cudurku (COVID-19) si xad-dhaaf ah u saameeyo haweenka iyo gabdhaha, maadaama ay wajahayaan hubanti la’aan dhaqaale oo sii kordheysa, rabshado, iyo amni-darro. Wax badan ayaa loo baahanyahay in laga qabto dhanka ka-hortaga iyo sidoo kale in la hubiyo inay jiraan adeegyo ku filan oo loo heli karo dhibbanayaasha iyo kuwa kasoo badbaada”.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka oo ku beegan maanta ayaa laga xusayay adduunka oo dhan laga soo billaabo 1975kii, wuxuuna ahaa hal-kudhigga sanadkan ‘Haweenka hoggaanka haya: Xaqiijinta mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida uu ka jiro cudurka COVID-19’.

Madaxda u sareysa ee Soomaaliya ayaa heshiiskii ay September ku gaareen magaalada Muqdisho ku saxiixay qoondo u gaar ah haweenka, midaasi oo ay saaxiibada beesha caalamka soo dhaweeyen, hase yeeshe ma muuqato hanaankii loo mari lahaa, maadama dalka ka taagan tahay xaalad cakiran oo la xiriirta doorashada.

Musharaxiinta oo qoraal ay ku dalbadeen saddex arrin u diray wasiiro dibadeedyo iyo madaxda ururo caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa qoraal ay ku sheegeen “inay kula socod siinayaan xaaladda adag ee is-mari waaga siyaasadeed ee halista ku ah qarannimada Soomaaliya” u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeedyada dhowr dal.

Qoraalkan ayey 15-ka musharax ee golahan u direen Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraalkooda ku sheegay, in xubnaha ay u direen ay doonayaan inay gacan ka gaystaan, in si deg deg ah loo fuliyo hanaan doorasho oo xaqiijinaya doorashooyin baarlaman iyo mid madaxweyne.

“Tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileeka xafiiska ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, 7-dii Febraayo, Soomaaliya ma lahyen dowlad sharci ah oo dastuur ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sheegeen “in doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid beddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ay ah sababta ugu weyn ee dib u dhigtay hanaankii doorasho.”

Golaha Midowga Musharaxiinta waxay sheegeen inay tahay wax laga xumaado in Farmaajo iyo xulafdiisa maamulka ay weli diidan yihiin inay awoodda wareejiyaan, islamarkaana saamileyda kala shaqeeyaan fududeynta doorasho xor iyo xalala ah, sida qoraalka loo dhigay.

Waxay intaas ku dareen inay rumeysan yihiin in Farmaajo uusan si iskiis ah talada u wareejin doonin, islamarkaana “uu si wadi doono inuu arbusho dadaallada lagu fulinayo hanaan doorasho oo dimoqraadi ah.”

Waxa ku eedeeyeen Farmaajo in ficalladiisa ay helis gelinayaan xasiloonida Soomaaliya, islmarkaana uu weli diidan yahay inuu si daacad ah ula xaajoodo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, sida qoraalka loo dhigay

Waxa kale oo ay sheegeen in xoriyadda hadalka caburin lagu hayo islamarkaana uu Farmaajo diiday dibad-bax nabdoon oo lagu damaanad qaaday dastuurka dalka, ayada oo loo adeegsanayo ciidamada militariga.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ururada iyo dalalka qoraalka loo diray ku wargeliyey in ciidamada ay maal-geliyeen ee Soomaaliya laga soo weeciyey dagaalkii Al-Shabaab, loona adeegsanayo caburinta dibad-baxayaal nabadeed.

Ciidamada ay xuseen waxaa ka mid ah Gorgor iyo Haramcad, oo Turkish-ka ay tababareen iyo Waran oo ay tababareen Mareykanka.

Qoraalka ayey ugu dambeyn Golaha Midowga Musharaxiinta ku dalbadeen:

1 – In Farmaajo uu mas’uuliyadda amniga iyo arrmiha doorashada ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha.

2 – Inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada ee ku lugta leh weerarka shacab si nabdoon u dibad-baxayey iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka, uuna ka joojiyo ciidamada inay siyaasad ku lug yeeshaan.

3 – Inuu ballaariyo saaxada siyaasadda, sidaas darteedna kulamada, dibad-baxyada iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee nabadeed la qaban karo ayada oo wax xanibaad ah aysan saarin dowladda.

Madaxtooyada Soomaaliya si deg deg ah ugama aysan jawaabin qoraalkan.

VOA

Mahdi Guuleed oo shaaciyey inta ay le’eg tahay rajada Soomaaliya ee kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo horkacaya  wafdi culus oo dowladda u dirtay dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa ka hadlay kiiska Badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Mahdi Guuleed ayaa muujiyey rajo wanaagsan oo uu ka qabo inay Soomaaliya guul kasoo hoyn doonto dacwadaas oo marxalado kala duwan soo martay tan iyo markii la gudbiyey dacwadaan, ayada oo dib u dhacyo badan wajahday.

“15-ka Maarso 2021 ayay bilaaban doontaa in dacwadda la dhageyso, rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in aan guul ka gaarno halganka badda oo maraaxil kala duwan soo maray, kalsooni wayn baan qabnaa, 2019-kii dabayaaqadkeeda ayay ahayd in la isugu yimaado dhageysiga dacwadda balse sababo jiro awgeed & cudurka Covid-19, hadda diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri.

Mahdi ayaa horkacaya wafdi u badan wasiiro oo ay qeyb ka yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo ka qeyb-galaya dhageysiga dacwada oo dhaceysa toddobaad kadib.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay ‘in u halganka badda uu qayb ka yahay xorriyadda waddanka’, islamarkaana Soomaalida guud ahaan mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo garab istaagi lahaa qareennada difaacaya Badda Soomaaliya.

“Kenya marar kala duwan ayay codsiyo u dirtay maxkamadda ICJ si dib loogu dhigo dacwadda, badda Soomaaliya waa qayb kamid ah xorriyadda & awoodda Dalka, dastuurka dalka ayaa dhigaya in aan la aqbali karin in taako kamid ah dhulka, badda & cirka Soomaaliya lagu soo xad-gudbo, ujeedkii Soomaaliya ay ugu biirtay ICJ 1963-dii waxa ay ahayd in sidaan oo kale si nabadgalyo ah ugu gudbiso dacwadaha tan lamid ah,” ayuu yiria.

Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay Maxkamadda ICJ.

Si kastaba, dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenya ay heystaan qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala doodaya labada dhinac.

Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay inay shacabka Muqdisho ‘afduuban yihiin’

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta baarlamaanka maamulkaasi ka jeediyey khudbadiisa sanad-laha ah ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda adag ee Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan Muqdisho ‘ay yihiin dad afduuban’ islamarkaana laga yeesho sida la rabo, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in madaxda talada heysa ay sidoo kale qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka Soomaaliyeed sii kala fogeneysa.

“Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday marxaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu xafiiska sii joogo, isaga oo aan heysan sharci ama muddo kordhin heshiis lagu yahay.

“Maanta Muqdisho dowladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharcigana uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa, ”ayuu yiri.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale khudbaddiisa diirada ku saaray arrimaha Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka, dhaqaalaha, amniga iyo horumarada la gaaray.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Somaliland ka hadasho arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Yaa iska leh gaariga UN-ka shaaciyey ‘inuu isku qurxin rabo’ magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu leeyahay gaari noociisu yahay Surf sumadiisuna tahay AH 2737, kaas oo ay dhowaan UN-ku shaaciyeen in laga yaabo in maalmaha soo socda uu  isku qarxiyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo kasoo muuqday warbaahinta ayaa beeniyey digniinta kasoo baxday UN-ka, wuxuuna soo bandhigay gaariga oo uu sheegay in uu isagu leeyahay, islamarkaana ay been abuur yihiin wararka la faafiyey ee ah inuu qarax sido.

Sidoo kale ganacsadahan ayaa shaaca ka qaaday in qatar la galiyey naftiisa iyo maalkiisa, wuxuuna UN-ka ka dalbaday inay magdhow ka bixiyaan arrintaasi.

Ciise Xaaji Cabdulle oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in gaariga uu geeyey xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, kadibna la baaray, sida uu hadalka u dhigay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca UN-ka oo horey shaaciyey digniinta la xariirta in gaarigan uu sido walxaha qarxa.

Si kastaba muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa soo baxayey digniino kala duwan oo la xiriiro weeraro ay abaabuleyso kooxda, kadib markii ay bateen qaraxyada Muqdisho.

Farmaajo oo ilo dhaqaale oo muhiim ah kala wareegay Axmed Madoobe (Xog)

Beledxaawo (Caasimada Online) – Magaalooyinka Beladxaawo iyo Doolow oo ku yaalla xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ahaa magaalooyin ay dhaqaale xoog leh ka soo gali jireenmaamulka Jubaland, kuwaas oo laga qabsaday sanad ka hor.

Kumanaan lacag ayaa maalin walba laga qabtaa labadaas magaalo oo ay midiiba maraan ama ay soo galaan gaadiid ku dhow 60 gaari oo xamuul iyo adeegyo kale wada waana sababta ay muhiim u yihiin labadaan magaalo.

“Gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya adeegyada gala ee ganacsiga waa weyn ah waxaa laga soo qaadaa Suuqa-Bakaaraha ee Soomaaliya, loogama keeno Mambasa ama meelo kale oo Kenya ah, maalintii ugu yaraan 30 gaari ayaa ka gudubta xadka Soomaaliya oo qaarkood laga qaado $500 waa magaalo muhiim ah, Doolow ayaa la mid ah,” ayuu yiri xildhibaan kamid ah baarlamaanka maamulka Jubaland oo Gedo laga soo doorto, kaas oo la hadlay Caasimada Online. 

“Doolow iyo Beladxaawo lacagta uu Axmed ka heli jiray waxay ku dhow yihiinmida uu ka helo Dekada iyo Airport-ka Kismaayo, waa magaalooyin muhiim ah Axmed iyo Wasiir Janaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan oo aan qarinay magaciisa.

Xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Jubaland islamarkaana baarlamaanka ka soo gala Beladxaawo ayaa Caasimada Online u sheegay in hada lacagta kumanaanka kun ah ee laga helo magaalooyinkaas lagu shubo Banki ay leedahay dowladda Soomaaliya islamarkaana ay maamusho wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Janaan ayaa dhowr jeer weeraray magaalada Beladxaawo iyadoo ay dagaaladaas ku dhinteen tobanaan qof, kumana guuleysan inuu dib ugala wareego ciidanka dowladda.

Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabo culus qaadaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ay hareero taagnaayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in la dhaqan-gelinayo go’aanada lagu xakameynayo cudurka Covid-19.

Cumar Fiish ayaa shaaca ka qaaday in haista cudurka ay kusii baaheyso dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaato talooyinka lagu xakameynayo Coronavirus.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay inay soo rogi doonaan ganaax culusu wixii ka dambeeyo 15-ka bishana March, si loo dhaqan-geliyo go’aannada dowladda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qof kasta oo aan soo qaadan af-xirka laga qaadi doono tallaabo adag, isaga oo xusay inay muhiimaddu tahay bad-baadinta shacabka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto la dagaalanka Covid-19 oo mar labaad kusoo labo-kacleeyey Soomaaliya.

Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey usoo saartay xiyaarado lagu xakameynayo fidista Coronavirus, iyada oo mamnuucday isu imaatinada dadweynaha.

 

 

 

Xog: Shirkii DF iyo dowlad goboleedyada oo hab cusub u dhacaya iyo madax kusoo wajahan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo ay gadaal ka riixayaan xubnaha beesha caalamka.

Shirkaan oo dhowr jeer oo hore baaqday ayaa haatan ku dhacaya dadaal ay beesha caalamku ugu jirto sidii dhinacyada isku haya doorashada dalka ay miiska wada-hadalka iskugu imaan lahaayeen, isla markaana loo dhameystiri lahaa heshiiskii 17-kii September 2020.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in toddobaadkan gudihiis ay Muqdisho soo gaari doonaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo hadda ka maqan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo markii hore si cad u diiday casuumaadii madaxweyne Farmaajo ayaa hadda la sheegayaa in maanta ama maalmaha xiga ay soo gaari doonaan Muqdisho, shirkuna uu ka dhici doono gudaha xarunta Xalane, oo iyagu ay dalbadeen in lagu qabto.

Si dhab ah weli looma oga cida sida rasmiga ah garwadeen uga noqoneysa shirkaan, maadaama maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen shirar uu hore ugu baaqay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Beesha caalamka ayaa iyadu dadaal badan ku bixinaysa sidii ay iskugu keeni laheyd dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka.

Waxaa xusid mudan in horay ay u guul-dareysteen shirar ay iskugu keentay madaxda Soomaalida, mana cada natiijada kasoo bixi doonta shirkaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta shirka ay ka baxsanaan doonto Villa Somalia oo uu horay uga dhacay shirkii doorashada ee dowladda federaalka iyo maamulada dalka, maadama madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka muujiyeen shaki la xiriira ammaanka.

Waxaa weli xaalad cakiran ku jirta Soomaaliya, gaar ahaan caasimada dalka oo ay ku hirdamayaan dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka, ayada oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaalada ammaan ee caasimada, kadib iska hor-imaad dhamaadka bishii hore dhex-maray dowladda iyo mucaaradka.

Maxay ku dhisan tahay dooda Somalia ee dacwadda ICJ?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah xubnaha gudiga Soomaaliya u qaabilsan dacwadda badda ee kala dhexeysa Kenya ee hortaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa ka hadlay kiiska biyaha lagu murasanyahay, xilli uu kusii jeeday magaalada Hague.

Dr. Suleymaan ayaa shaaca ka qaaday in dooda Soomaaliya ee dacwadda badda ay ku dhisan tahay xeerarka caalamiga ah ee Badaha, islamarkaana ay qabaan kalsooni weyn.

“Soomaaliya doodeeda oo la xiriirsan baddan waa dood adag, waxayna ku dhisan tahay, kuna saleysan tahay xeerarka caalamiga ah ee badaha oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo warbaahinta kula hadlay Aadan Cadde.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto kiiskan, isaga oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay soo taageeraan, una soo duceeyaan inta ay socota dooda iyo dhageysiga dacwadda.

“Waxaan rajeyneynaa in Ilaahey SWT nagu guuleeyo, Ummmadda Soomaaliyeedna ay maqasho war farxad leh, maadaama ay horey dacwooyinkii horudhaca ahaa oo la xiriirsanaa is-hortaagyadii ay keentay dowladda Kenya lagaga soo guuleystay, waxaan rajeyneynaa in gaba-gabada aan guuleysano” ayuu markale sii raacioyey xeer ilaaliyaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ay si rasmi ah u bilaaban doonto 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota.

Farmaajo: Madaxweynihii ugu horreeyay ee culimada ay ugu baaqaan inuusan kursiga isku dhejin

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u soo diray baaq lagu badbaadinayo Soomaaliya oo lugaha la gashay xaalad aad u dag.

Sheekh Maxamed Cabdi Umul, Sheekh Maxamed Idiris, Sheekh Cusmaan Usuuli, Sheekh Cabdi Xayi iyo culimo kale ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in uusan isku dhejin kursiga Madaxweynaha maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha.

“Kursiga ha isku dhejin, ka fuq, sabab ha u noqon dhiig dadaata iyo bur-bur,” ayuu mid kasta ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu dhamaaday muddo xileedkiisa islamarkaana aan wali qaban doorashada dalka.

Dhabar jab weyn ayey ku tahay Madaxweyne Farmaajo baaqa culimada Soomaaliyeed waxa uuna ku qasbanaan doonaa inuu badalo go’aankiisa iyo damaca kursi isku dhejinta.

Sheekh Umal oo ugu dambeeyeey ayaa Farmaajo ku yiri “Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen ee Muslim iyo Gaal, oo inbadan aad ogsoontahay, sabab ha u noqon kursiga aad isku dhejineyso darteed hal ruux oo Muslim ah dhiigiisa inuu daato.”

Taariikhda Soomaaliya burburkii kadib ma dhicin in Madaxweyne taladad dalka haaya ay culimo Soomaaliyeed ugu baaqaan in uusan isku dhejin kursiga maadaama uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Mucaaradka iyo sidoo kale maamul gobaleedyada Puntland iyo Jubaland ayey culimada Soomaaliyeed ugu baaqeen in aysan sabab u noqon dhibaato dalka ka dhacdo, xili ay jiraan daruufo aad u dag oo bini-aadinimo.

Wasiir ka tirsan DF Somalia oo laga helay COVID-19

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa xaqiijiyay in laga helay caabuqa safmarka ah ee Caronavirus xilli uu kasoo muuqday shir jaraa’id oo ay dowladda maanta qabatay.

Sheekh Cumar wuxuu sheegay in 16 qofood oo ka mid ah 20 qof oo gurigiisa joogta laga helay xanuunka, balse ma uusan cararbaabin wakhtiga laga helay xanuunka walow uu sheegay inuu kasoo kabanayo.

Wasiirka oo sheegay iney xaaladiisa tahay mid wanaagsan ayaa yiri: Aniga waxaan kamid ahay dadka kasoo kabanaya xanuunka”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Cudurkaan aniga kaligey iguma dhicin. 20 qof oo gurigeyga joogta 16 kamid ah ayuu halmar soo ritay. Wasaaradda caafimaadka si gaar ah ayaan uga mahadcelinaynayaa gurmadka ay noo fidisay”

Sheekh Cumar wuxuu culumada Soomaaliyeed ka codsaday iney umadda alle u baryaan si xanuunka uga dulqaado, sidoo kale wuxuu bulshada ku booriyay iney taxadarka badiyaan oo ay ka fogaadaan waxyaabaha uu ku gudbi karo.

Marka la tixraaco warbixintii ugu dambeysay oo ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ka tabiso xanuunka Covid-19 waxey sheegeysaa in tirada guud ee la diiwaangaliyay kiisaska ay tahay 8,321, geeridu tahay 302 qofood halka ay ka bogsoodeen 3,968.

Wafti ka socda Somalia oo kusii jeeda ICJ iyo wararkii u dambeeyey kiiska badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayo sii-haya xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed , iyada oo ay wehlin doonaan wasiiro, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee la socda ayaa ICJ gaarsiin doono dukumintiyo muujinaya milkiyadda Biyaha ay haatan isku hayaan labada dal.

Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in qareenada u dooda labada dhinac ay dooda dacwadda kaga qeyb-galaan aalada fogaan-aragga ah (Video Conference), sababo la xiriira cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo wadamo badan ku laba-kacleeyey.

Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay ICJ.

Si kastaba dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenyana ay heystaan  qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala u doodayo labada dhinac.

Saddex caruur ah oo Gaajo iyo haraad ugu dhintay Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xaaladda nololeed ee gobolkaasi ay ka sii dareyso marba marka ka dambeysa, iyada oo ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay inay jirto dhimasho ka dhalatay abaarta baahsan ee ka jira halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in illaa saddex caruur ah ay Gaajo iyo Haraad saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Caruurta ayaa labo ka mid ah waxa ay ahaayeen walaalo, kuwaas oo ku dhintay deegaanka Cows Qurun, halka mid kalena uu ku geeriyooday duleedka Ceelwaaq.

Abaarta ayaa saameynta ugu daran waxa ku yeelatay qoysaska danta yar, gaar ahaan kuwa xoolo dhaqatada & beeraleyda, kuwaas oo aan helin wax gurmad ah.

Si kastaba xaaladda murugsan ee ka jirto Gedo ayaa kusoo aadeysay, iyada oo beryihii dambe ay cirka isku sii shareereysay qeylo dhaanta kasoo yeereysa shacabka gobolkaasi.

Feysal Cali Waraabe: “Muuse wuxuu nagu wada wadadii aan ku lunnay 1960-kii”

0

Hagreysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu qorshe la’aan siyaasadeed ku hagayo xukuumaddiisa.

Faysal Cali ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hogaaminta Biixi oo uu sheegay inay mareyso meeshii u liidatay, islamarkaana dib u dhigtay Somaliland oo horumar wanaagsan u bidhaamayey, sida uu sheegay.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland ay ka jirto qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinac xukuumadda ah, wuxuuna aaminsan yahay iney taasi dib u dhac ku keentay hormar ay xukuumadda sameyn laheyd.

“Lixdankii waxa ina kharibay waxa ay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu dusha u saaray Muuse Biixi dhaqaalo xumada ka taagan Somaliland iyo sicir bararka aan xal laga gaarin sanadihii u dambeeyay, ayada oo ku eedeyay inuu waqtiga xukunkiisa ku lumiyay shaqsi xumeyn iyo xifaaltan siyaasadeed oo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qura oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Wasiirku ku shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

“Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siyaasadda Arrimaha dibedda, midda dhaqaalaha, tan Bulshada, tan difaaca, kuwaa midna ma lihin, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii,” ayuu yiri mar kale Feysal.

Hadalkaan ayaa imanaya ayada oo xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha Somaliland, islamarkaana diyaar garow loogu jiro doorashada golayaasha Wakiiladda iyo guurtida oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed.

Xog: Wasiirada HirShabelle oo ku dhowaad sanad aan mushaar qaadan + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in muddo 10 bilood ah aysan wax mushaar ama gunno ah qaadan wasiirada xil gaarsiinta ah ee maamulka Jubaland, halka baarlamankana cusubna aysan qaadan muddo laba bilood ah.

Xubnahaan wasiirada ah lacag usoo dhacdo waxaa ugu dambeysay 23-kii bishii 6-aad ee sanadkii hore waxaana kadib aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen.  

Muddo intaan la eg wali mushaar kama maqnaanin Golaha wasiirada HirShabeelle waxaana suurtagal ah in aysan ka soo dhax muuqan wasiirada cusub oo ay isugu sii darsanto mushaarkii oo ka maqan, deymo tiro badan oo lagu leeyahay iyo shaqo la’aan ku dhacdo. 

Musuq maasuq xoog leh ayaa laga soo sheegayaa in uu ka jiro maamulkaas muddada uu dhisan yahay oo ku dhow 5-sano. Hogaanka cusub ee HirShabeelle ayaa ka kaban la’ dhibaatooyin badan oo degaanka hareeyay, oo maamulka horey u haystay.

Sidoo kale maamulka HirShabelle ayaa wajahaya go’doon cusub oo dhanka Al-Shabaab ah. Magaalada Jowhar iyo degaanada Afarta Tuulo oo ka tirsan degmada Mahadaay ayaa muddo ku dhow bil hadda wax raashin ah galin kadib cuna-qabateyn ay saareen Al-Shabaab.