26.6 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Daawo: Kheyre oo markii ugu horreysay ka hadlay sababtii ay isku khilaafeen Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta keentay inay is khilaafaan isaga iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo keentay in Kheyre xilka laga qaado.

Waxa uu sheegay in la isku qabtay ‘aan qabano doorasho xalaal ah’ oo aan ciidan iyo xildhibaano musuq lagu soo xulay aan lagu boobin.

“Waxaan aad maqleysiin ee la isku heysto wax kale maaha, waa ma doorasho cadaalad ah ayaa dalka laga qabanayaa mise doorasho boob ah, anigu waxaan u taaganahay Soomaaliya oo soo ceshata sharafteedii, waxaan rabaa Soomaaliya in laga hir-geliyo axsaab siyaasadeed, si dhalinyaradu u soo doorato qofka hoggaanka u qabanaya,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kaliya uu ka soo hor jeedo in dalkan ay ka dhacdo doorasho aan xalaal aheyn oo la boobo.

“Waxaan ka soo hor jeedaa doorasho boob ah, oo askar inta meel la geeyo ay codeeyaan ama xildhibaano xoog lagu soo xusho, anigu waxaan u taaganahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadka oo dhan ay isla wada ogolyihiin.

25-kii bishii July ee sanadkii 2020 ayaa Xasan Cali Kheyre xilka looga qaaday kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada golaha shacabka, kadib markii ay arrimaha doorashada isku khilaafeen isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka Daawo

Sheekh Umal: Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay ku waano qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen”

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada Soomaliyeed ayaa khudbad dheer uu jeedinayay waxa uu kaga hadlay siyaasadda Soomaaliya oo xiligan mareysay meel cakaran isagoo baaq u diray madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo Midowga Musharaxiinta.

Sheekh Umal ayaa si gaar ah kaga hadlay kursi jaceelka, tartanka jagooyinka dalka  iyo dhibaatada laga dhaxlo kursi raadintiisa iyo isku dhajintiisa, isagoo  sheegay dhibaatada ay Soomaaliya ka soo kabaneyso inuu kursi lagu dagaalamay dhaxalsiisay.

Mar uu sheekha u muuqday inuu si gaar ah ula hadlaya madaxweyaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu yiri “ Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen ee Muslim iyo Gaal, oo inbadan aad ogsoontahay, sabab ha u noqon kursiga aad isku dhejineyso darteed hal ruux oo Muslim ah dhiigiisa inuu daato”

Waxa uu Sheekha intaa ku daray hadii uu ku adkeysto isku dhajinta kursiga dambiga ay leedahay “ Waxaan kuu xaqiijinayaa hadaa sabab u noqoto hal ruux oo Muslim ah hadii la xagto iska daa in la dilee, Ilaah hortiisa maalinkaa soo istaagto adoo kaligaa oo qaawan adaa Mas’uuliyadeeda qaadi doona ee ku talagal”

Dhanka kale waxa uu Sheekha yiri” Hadii Kumanaan Sano laguu daayo Nolosha iyo Kursiga, waxaa xaqiiqo ah iney imaan doonto maalin aad ka tagi doonto ama uu isaga kaa tagi doono, maalinkaasna mas’uuliyadiisa ilaah hortiisa ayey kaaga horeysaa.”

“Nin xilkas ah oo Mas’uuliyad iyo culeeskeeda dareemaya, maanta kuma dhag dhago kursi Soomaaliyeed, maanta cidayaha kuma dagaalamo si uu kursiga ugu fadhiyo ama uu u fuulo, laakiim xil baan la garaneynin sidiisaba waxa uu yahay, laakiin waxaa ogaataa kursi iyo nolol ma baaqi ahaato,” ayuu yiri Sheekha isagoo uu khudbad u jeedinayay Soomaalida ku nool wadanka Kenya.

Sheekh Umal ayaa intaa kadib ugu baaqay Maxamed Farmaajo inuu kursiga ka tanaasulo isaga oo yiri “Kursiga umaadan dhalan, kulama dhalan ee Umadda Masaalixdeeda u tanaasul oo uga tag, waxbadan ayaa umadda danaheeda looga tagaa, danahaaga qaaska ayaa looga tagaa.”

Ugu dambeyn Sheekh Umal ayaa Midowga Musharaxiinta la hadlay waxaana uu u sheegay in kursiga iyo Boqortooyada uu ilaah bixiyo, “dadaal iyo dagaal loo galayna kursiga  laasim ma ahan  in kursiga lagu gaaro mid aan dadaalin buu ilaah siiyaa”

“Kursiga waa mid 2 ruux ma qaado, 10 ma qaado, 7-na ma qaado, kursigaa halka qof  qaado waa midkii Soomaaliya ay isku dagaashay, waxaan leeyahay luuqada qabyaaladda daaya, hadalka xanafta leh daaya, fitniada kicinteeda ka fogaada, si Mas’uuliyad ku jirta u dhaqma, dalka iyo dadka u tura oo Ilaah ka baqa, waa tii aan ku hogownay ee aan ku burburnay waa laga fogaadaa, waa laga taxadaraa, ka hor tag mooyee kadaba tag maleh, aafada hadey hurto oo holaacdana nin walbo ay saameysaa,”  ayuu yiri Sheekha.

Mar uu ka hadlayay Banaaabaxa ay abaabulayan Midowga Musharaxiinta waxa uu yiri “ Umadaan aad isku keeneysiin aad leedihiin mudaaharaad sameeya, oo saaxadaha iyo banaanada aad isugu keeneysiin, oo Dastuurka noo ogol leedihiin, waxaan leeyahay meesha waa Muqdisho, bishiiba intaas oo qarax ayaa ka dhaca, malintii intaas ayaa lagu dilaa, war kooxa dadka laaya ayaa buuxa, war mid baa ku dhex dhuuman kara oo is qarxin kara, mid baa rasaas ku furi kara, waxaa imaanaya hani a la burburiyo, mudaaharaad lama  Kontarooli karo, USA, France iyo UK iyo dowladihii xoogga lahaa ayaa kontarooli waayay, waxa dhici kara dhiiga daadan kara iyo bururka dhici kara, si aad cadaadis u saarto kooxda kursiga heysato waxaan leeyahay halaga joogo”  

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim
[email protected]
Mogadishu-Somalia                             

DF oo war kasoo saartay shirka doorashooyinka iyo wada-hallada mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraamih Mucalimuu ayaa qoraal uu baraha bulshada kusoo qoray ku sheegay inuu rajeynayo shirkii go’aanka looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka in lagu qaban doono Muqdisho, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale afhayeenka wuxuu qiray in ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta Maxamed Xuseen Rooble uu rajeynayo in lasii wado wadahalladii u dhaxeeyay dowladda iyo midowga musharaxiinta si gudu iyo si gaar ah, si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Qoraalka uu afhayeenka soo dhigay twitter-ka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska ayaa u qoran sidaan: “Waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka dhaco shirkii madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo dhameystiro heshiiskii 17-kii September 2020, sidoo kale mudane Mohamed Xuseen Rooble wuxuu rajeynayaa iney sii socdaan wadahallada uu la lahaa musharaxiinta madaxweynaha si guud iyo si shakhsi ahba, si loo gaaro heshiis loona aado doorasho sida ugu dhaw”

Hadalka kasoo yeeray xukuumadda ayaa kusoo aadaya xilii uu fashil ku dhamaaday shirkii wajiga saddexaad oo ay yeesheen Rooble iyo midowga musharaxiinta, taasoo sida la sheegay uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta ka gudbi waayay qodobo ay soo jeediyeen midowga.

Midowga waxey ku eedeeyeen Rooble inuusan aheyn qof ay taladu ka go’do, balse waxaan la ogeyn hadii ay mar kale midowga ku qanci doonaan iney la fariistaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa.

Sawirro: Xagee mareysaa dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha Wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa mareysa heer gaba-gabo ah, ayada oo muddadii ay socotay wajahday xaalad adag oo marar badan sababtay inuu hakad galo dhismaha jidkaasi oo ay dhismihiisa gacanta ku hayso shirkad Turki ah.

Intii uu socday dhismaha wadadaas ayaa waxa ku naf waayey injineero iskugu jira Soomaali iyo Turki kuwaasi oo ka wada-shaqeynayay dhismaha wadadaas, waxayna hanjabaado iyo weeraro joogto ah kala kulmeysay kooxda Al-Shabaab.

Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tiran gobollada Banaadir & Sh/Hoose ayaa ah waddo muhiim ah oo sahleysa isku socodka dadweynaha, waxayna kaalin weyn ka qaadaneysa isku xirka gobolka Banaadir iyo shabeellaha Hoose.

Dhamaadka bishii January ee sanadkaan ayey aheyd markii Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee ka shaqeynayay dhismaha wadaas lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirasa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ahaatan meel gaba-gabo ah maraya dhismaha laamiga sida ka muuqata sawirada hoose.


DF oo ka walaacsan go’aanka madaxweyne Joe Biden

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si sii kordheysa uga walaacsan jiheyn cusub oo ka timid maamulka madaxweyne Biden ee Mareykanka, taasi oo ku aadan isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho.

Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021.

Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto.

“Duqeyn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

“Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu yiri.

“Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.”

Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaalida.

“Xaaladda siyaasadeed ee iminka, oo ciidamadeenii amniga loo weeciyey amniga doorashooyinka iyo shaqooyin siyaasadeed, tani waxay mar kale faa’iido u tahay Al-Shabaab,” waxaa sidaas tiri Samira Gaid oo horey la-taliye sare oo dhanka amniga ugu aheyd ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xayiraadda maamulka Biden uu saaray duqeymaha ka hor-tagga argagixisanimada, oo markii ugu horreysay uu weriyey wargeyska The New York Times, ayaa qeyb ka ah dib u eegis weyn oo maamulka ku sameynayo hanaanka sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamula howl-gallada noocan ah.

“Ujeedka jiheynta cusub ee ku-meel gaarka ah, waa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu aragti buuxda ka haysto muhiimadda ficilladan,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Emily Horne.

Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay inay fahmi karaan sababta maamulka u adeegsaday arrintan, hase yeeshee ay ka cabsi qabaan inay khasaare horseeddo.

“Dabcan waa in howlgallada lagu fuliyaa sida ugu taxaddarka badan ee lagu ilaalin karo shacabka, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah, Al-Shabaab waxay u baahan tahay inay difaac ku jirto, oo aysan marnaba helin xoriyad dhaq-dhaqaaq iyo mid howlgal, taasina waa waxa ay duqeymaha naga caawiyeen,” ayey tiri Samira Gaid.

Bayaan uu soo saaray ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku qiray in saraakiisha Soomaalida ay sheegeen in duqeymaha ay qeyb muhiim ah ka yihiin dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed waxay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada AFRICOM ee lagu wiiqayo Al-Shabaab ayada loo adeegsanayo duqeymo,” waxaa sidaas bayaan laga soo xigtay ku yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Yuusuf Raage, isaga oo sidaas ka sheegay kulan uu dhowaan la qaatay saraakiisha Mareykanka.

“Duqeymahan waxay kaalin weyn kaga jiraan dagaalka aan kula jirno cadow aan ka laba labeyn inuu shacabka Soomaaliyeed ku argagax geliyo caburin, baad iyo dil,” ayuu yiri Odowaa.

Si kastaba, Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay haddii ay jiraan wax walaacyo oo laga qabo in adkeynta uu Biden ku sameeyey maamulka duqeymaha, inaan weli lala wadaagin.

“Kama war hayo wax walaacyo ah oo waaxda loo soo muujiyey,” waxaa siudaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka John Kirby.

Mar ay VOA si toos ah AFRICOM wax uga weydiisay walaaca Soomaalida, waxa uu taliska sheegay “inuu weli ku kalsoon yahay” inay saaxiibadooda Soomaaliya siin karaan taageerada lagama maarmaanka ah ee lagula dagaalaayo Al-Shabaab. 

VOA

Wasiirkii arrimaha dibedda Somaliland ee is-casilay oo war yaab leh soo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo dhawaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iska casilay, ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay Musharaxnimada uu darteed uga tagay xilka muhiimka ah.

Faratoon ayaa sheegay in xilkii uu ka hayay xukuumadda Muuse Biixi uu uga tagay sidii uu ugu ololeyn lahaa Kursiga Golaha Wakiilada Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyaha Golahaas oo uu sheegay inuu u sharaxan yahay.

“Hadda waan is casilay, waxaana iskaga casilay xilkii aan qaranka u hayey oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, in aan isku soo sharaxo xilka Golaha Wakiilada, gaar ahaan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo aan u sharaxan nahay, Madaxweynaha Jahmuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaan uga mahadnaqayaa inuu iga gudoomo is casilaada,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inuu ku guuleysanayo jagada Golaha Wakiilada, islamarkaana uu hubo inuu hananayo kursiga ugu sarreeya golahaas ee Guddoomiye-nimada, xili aan weli loo dareerin doorashada xildhibaanada golaha.

“Markasta dalkayga iyo dadkayaba si daacadnimo iyo dadaal ku jiro ayaan ugu soo shaqeeyey, haddii noqoto Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Waxbarashadaba, insha allaah  waan ugu shaqeeyn doona”.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu dabada ka riixayo musharaxnimada Faratoon, islamarkaana uu la rabo inuu ka dhigo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland.

Faratoon ayaa xilkii Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland u baneeyay si uu uga madax banaanado ololaha musharaxnimadiisa, wuxuuna door weyn kasoo qaatay dadaalka ay Somaliland ku baadi-goobeyso madax-banaanida ay ku doodo.

Midowga musharraxiinta oo war cusub kasoo saaray wada-hadallada ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta, Daahir Maxamed Geelle oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba wada-hadallada ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Maxamed Xuseen Rooble.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin ka musharraxiin ahaan inay sii socdaan wada-hadallada labada dhinac, si xal looga gaaro doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khilaafka ka jira dalka kaliya lagu xalin karo wada-hadal iyo in la’isugu yimaado miiska, si foolka fool ah.

Musharraxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrinta taagan aan lagu xallin karin fagaare kale, loona baahan yahay in lasii wado dadaalada socdo iyo wada-hadallada.

“Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro,” ayuu yiri musharrax Geelle.

Si kastaba hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, iyada oo uu shirkii ugu dambeeyey ee musharraxiinta mucaaradka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kusoo dhamaaday fashil, kadib markii la’isku mari waayey qodobad qaar ee miiska lasoo saaran.

Turkiga oo saldhig militeri ku wareejiyey DF Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyey bogga twitter-ka ee wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Turkiga – dowladda Turkiga ayaa Sabtidii maanta xero militeri oo muhiim ah ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wareejinta saldhiggan waxaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga inuu fursad hor leh siinayo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

“Iyadoo qayb ka ah dib u habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, xarumihii waqooyiga – xarumihii 1-aad ee Turkigu ka dhisay Muqdisho, waxaa lagu wareejiyay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey bogga twitterka ee wasaaradda gaashaandhigga dalka Turkiga.

Xeradaan militeri ee Turkigu ku wareejiyey dowladda Soomaaliya sida ku cad qoraalkan waa tii koowaad oo ay ka dhisteen Soomaaliya, waxayna hadda ciidmada Soomaaliya ku tababaraan xerada Turkisom oo ku taalla inta u dhaxeysa xeebta Jaziira iyo caasimadda Muqdisho.

Illaa hadda Turkigu waxuu Soomaaliya u tababaray qiyaastii 5,000 oo askari, waxuuna qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 15,000 illaa 16,000 oo askari, kuwaas mid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

In dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen dhismaha ciidanka tiro ahaan intaas dhan waxaa horay u shaaciyey safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaaray heer aad u wanaagsan, tan iyo markii uu Madaxweyne Erdogan sanadkii 2011-kii booqashada ku yimid Muqdisho, xilligaas oo xaalad adag oo dhankasta ah ay ka jirtay dalka, waxayna booqashadaas Soomaaliya ku soo jeedisay indhaha caalamka.

Waxii sanadkaas ka dambeeyey labada dal waxaa u bilaawday iskaashi ay ka sameeyeen dhinacyada, militeriga, caafimaadka, waxbarashada, diblomaasiyadda iyo dhinacyo kale.

Turkiga waxuu Soomaaliya ku caawiyey gargaar toos ah, sidoo kale waxuu dhisay iskuullo, isbitaallo iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, sida jidadka, dekedda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde.

Mahad Salaad oo shaaca ka qaaday ‘qorshe deganaa’ oo fashilisay wada-hadalladii Rooble iyo Musharraxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ahaa dadaallada socday ee wada-hadallada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo musharraxiinta ayaa faah faahiyey sababihii keenay inuu  fashilmo shirkii ugu dambeeyey ee ay dhowaan yeesheen labada dhinac.

Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in arrin nasiib darro ah ay tahay in lagu kala tego wada-hadalladii soo socday ee la doonayo in xal looga gaaro xaaladda cakiran ee dalka.

Sidoo kale wuxuu fashilka shirkan ku eedeeyey dhinaca xukuumadda federaalka, isaga oo sheegay inuu jir qorshe deganaa oo ujeedkiisu ahaa in dibad-baxa mucaaradka la fashiliyo, si taas loogu guuleystana laga hortago in wada-hadallada ay miro dhalaan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay guddiga ka socday dhinaca ra’iisul wasaaraha uu ahaa mid ay ka go’an taghay fashilinta dibadbaxa Musharraxiinta, taasina ay caddeyneyso shuruudaha uu soo gudbinayey.

“Wada-hadalka xukuumadda Xil-gaarsiinta waxa uu ka dhashay ergo ku beel ah ra’iisul Wasaare Rooble oo damacsanaa baajinta isu-soobaxa Musharixiinta, markii dambe waxaa toos uwada hadlay labada dhinac oo sidaas waxaa ku yimid heshiiska 25-ka Febaraayo 2021, Rooble waxa uu wajahayay culays ah in dabada looga dhegan yahay oo la carqaladeynayo heshiiska uu gaaray,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay inay muhiim tahay in laga wada-fakiro danta guud iyo maslaxada dalka, si looga gudbo marxaladda adaga ee ay wajaheyso Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo uu baaqday dibad-bixii mucaaradka oo lagu waday inuu shalay ka dhaco Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

JUBALAND oo mar kale ka hadashay is-mari waaga ka taagan doorashada dalka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo dib ugu laabtay magaalad Kismaayo, kadib safar uu ku tegay Nairobi ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo abaaraha.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa marka hore shirkiisa jaraa’id uga hadlay is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in xal loo raadiyo caqabadaha iyo culeyska siyaasadeed ee hortaagan qabsoomida doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay qaadato doorkeeda, hadii la’isugu imaanayo wada-hadallo dhab ah oo xal mideysan looga gaarayo khilaafka jira.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada maamulkaasi, gaar ahana gobolka Gedo, isaga oo shaaca ka qaaday in baartu ay saameysay dadka & duunyada oo u baahan gargaar bani’aadanimo oo deg dega.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidoo kale qoysaska ay saameysay abaarta u weydiiyey hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo caawin karta inay u gurmadaan dadkaasi.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is-biirsaday, sida khilaafka ka taagan arrimaha doorashada ee 2021-ka, abaaaraha iyo ammaanka dalka.

 

5 qodob oo soo koobaya Somalia oo gashay xasarad siyaasadeed oo albaab xiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxii habeen hore lala eegtay maqaaxida Luul Yamani ee degmada Xamarjabab ee Muqdisho ee ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, kuna dhaawacmeen 30 kale iyo guud ahaan xiisadda amni darro ee jirtay bishii ugu dambeysay waa qeyb ka mid ah qandhada doorashada.

Marka madaxda ay ku mashquulaan loolanka siyaasadda, ciidamada amniga-na loo adeegsado in lagula dagaalamo siyaasiyiin iyo shacab aan hubeysneyn, waa ay dhacdaa in amniga xumaado, toddobaadyadii ugu dmabeeyana, sidaas ayuu ahaa xaalka Muqdisho.

Haddaba, shantan qodob ee hoose, waxay soo koobayaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo aan laheyn albaab looga baxo.

Muqdisho kala xiran: Tan iyo markii ay kasii dartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, loolankana uu sii kordhay, waxaa Muqdisho meel walba daadsan ciidamo wato gawaari tikniko ah oo tiro badan, waxaa xusid mudan in qaraxa Yamani uu dhacay xilli ay ciidamadu jidadka xireen.

Weli waxaa magaalada kusoo socda ciidamo kale, kuwaas oo isugu jira kuwa ay dowladda soo daabuleyso, iyo qaar kale oo taageersan musharaxiinta mucaaradka, taasi oo xaalad cabsi ah sii gelineysa magaalada.

Burburka wada hadallada Rooble iyo musharaxiinta: Waxaa xirmay albaabka keliya ee u furnaa dejinta xiisadda Muqdisho, iyada oo uu burbur ku yimid wada hadallo u socday ra’isul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta.

Burburka wada hadalladan waxaa ay sababi karaan in uu sii xoogeyso is aaminaad la’aanta iyo kala fogaanta u dhaxeysay midowga musharaxiinta iyo dowladda federaalka ah, ayada oo meesha ay kasii baxeyso kalsoonidii lagu qabay in Rooble uu noqon karo hoggaamiye go’aan qaata.

Dibad-baxa oo baaqday: Midowga musharaxiinta oo shir jaraa’id qabtay Jimcihii ayaa baajiyey dibadbax ay Sabtidii iclmaaiyeen iyaga oo sabab uga dhigay xaaladda caafimaad ee dalka, iyo ciidamadii ay dowladda ku daadisay taallada Daljirka Dahsoon.

Inkata oo ay balanqaadeen inuu mar kale dhici doono, haddana ma sheegin goobta iyo goorta, waxayse intaa ku dareen in amniga dibadbaxa ay iyagu sugi doonaan, waxaana jira warar sheegaya inay diyaarinayaan ciidamo xoog leh oo magaalada lagu soo gurayo.

Xukuumadda oo mowqifkeedii ku adkeysaneysa: Xundubey oo ah wasiirka amniga ayaa ka hadlayey shir jaraa’id uu qabtay Jimcihii, wuxuuna sheegay in xukuumadda federaalka ah cid aan aheyn aysan amniga dibadbaxa aaney sugi doona cid iyaga aan aheyn.

Xaqiiqda ah ayaa ah in ujeedka xukuumadda uusan ahayn inay sugto amniga dibad-baxa, balse ay tahay in ciidamada la sheegay inay sugayaan amniga loo adeegsado in shacabka lagu caburiyo, ayaga oo laga xirayo waddo kasta, si loo yareeyo dadka dibad-baxa dhigaya.

Fashilka shirkii doorashada: Guud ahaan waxaa fashilmay shirkii lagu saxiixi lahaa qoraalkii kasoo baxay guddigii farsamo ee Baydhabo ku shiray Febraayo 15-16. Shirka oo uu Farmaajo iclaamiyey inuu qabsoomo Khamiistii hore ayaa la iman waayey, waana markii 3-aad oo maamul goboleedyada ay diidaan shir uu isugu yeeray Farmaajo, shirkaas lama oga xilliga uu dhici doono.

Weli xal waara lagama gaarin arrimaha la isku heyso ee guddiyadii doorashada ee lagu muransanaa iyo cidda xuleysa xildhibaannada Somaliland.

Inkasta oo beesha caalamka ay qoraallo badan soo saarto, hadaba baaqdeeda waxaa ugu muhiimsan in aan ka qaban doorashooyin hal dhinac ah, isbarbar socda, waxayna ka digtaa qalalaaso, mana farageshato jiheynta arrimaha dalka.

Iyada oo arrimhaas oo dhan ay jiraan ayaa hadana dalka waxaa dhibaato kale ku haya Covid-19 iyo abaaro ka jiro gobollada badan, kuwaas oo haddii laga mashquulo keeni kara xaalad halis ah.

GEELLE oo sheegay sabab yaab leh oo ku qasabtay inuu is-sharxo mar 5-aad

0

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku dhawaaqay inuu mar kale isku sharraxaya xilka madaxtinnimada doorashada bisha soo socoto dalkaasi ka dhici doonto ayaa sheegay inuu goa’aansaday inuu ka qeybgala tartankii markii shanaad ka dib “codsi uga yimid shacabka”.

Geelle oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in dadkiisa ay ku “khasbayaan” inuu u tartama doorashada madaxtinnimada dhaceysa 23 April. Waxa uu awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanaddii 1999-kii.

Waa la igu khasbayaa

“Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya. Ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeya(tartanka) oo aan sii joogo,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu “gaboobay”, shaqada uu hayayna ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Marar hore ayuu madaxweynuhu sheegay inuusan u tartami doonin xilka doorashada.

Billooyinkii dahwaa waxaa dalka Jabuuti ka dhacayay dibadbaxyo naadir ah oo lagu diidanaa xukunka iyo siyaaasadaha dowladiisa.

Xoogagga ammaanka ayaa lagu eedeeyay inay is hortaageen dibadbaxyo isbuucyadii la so dhaafay lagu diidanaa in Geelle uu markii shanaad u tartama xilka.

Diyaargarowga doorashada

Wakhtiga ka dama beysta ee diwanagelinta musharrixiinta ayaa ah 10 -ka bishan March oo ku aadan Arbacada soo socoto. Balse in badan oo ka mid ah hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay ka qeybgalka doorashada April oo ay ku tilmaameen riwaayad.

Ma jira guddi madax bannaan oo maamula doorashooyinka Jabuuti, waxaana howlaha doorashooyinka dusha kala socda wasaaradda arrimaha gudaha.

Mucaaradka ayaa ku eedeyay madaxweyne Geelle inuu is hortaagay meel marinta heshiis ay mucaaradka iyo dowladda 2014-kii isku afgarteen in la alkumo guddi madax bannaan oo howshiisu tahay diyaarinta doorashooyinka.

Madaxwene Geelle ayaa eeeyntaasi ku gacanseyray.

“Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa arrimahaasi(doorashooyinka) ka shaqeysa. Guddi madax banaanna wuu jiray, wuuna jiri doonaa. Heshiiska nimankaas iyaga uun ayaa ka baxay. Mar alaale iyo markay dareemeen in aanay waxay rabaan u suuroobeynin ayay durbaan qaataan oo ay meel walba ka qeyliyaan. Doorashada marka la gaara uunbaa la arkaa.. Sidaasna wax laguma helo”, ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka arrimaha gudaha Muumin Axmed ayaa sheegay in qeybinta kaararka codbixinta oo billaabatay 25-kii February ay “si wanagsan u socoto” siina socon doonto ilaa iyo 8-da April.

Isha: BBC SOMALI

Askar ka tirsan milatariga Somalia oo qarax lagu dilay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda Soomaaliya qarax xoogan lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Waajid oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen ciidamadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, iyada oo ay ku dhaawacmeen askar kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale ciidamada la qarxiyey ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna fureen rasaas, lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaastaasi.

Ciidamada ammaanka ee ka howl-gala Waajid ayaa sidoo kale sameeyey howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi, kuwaas oo laga fuliyey degmadaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya Baay iyo Bakool oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada Puntland oo 100 qof ku qabtay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ciidamada ammaanka Puntland ay xalay ka sameeyeen gudaha & duleedka Boosaaso.

Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi oo xarun ganacsi u ah dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galkaasi lagu qabtay illaa 100 qof oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayey, halka kuwa kalena la weydiinayo su’aallo dheeraad ah.

Baaritaanadan ayaa yimid, kadib amarkii kasoo baxay madaxweyne Siciid Deni oo faray laamaha ammaanka inay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaadkii ka dambeeyey iyo kuwii fududeeyey weerarkii habeen hore lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale howl-galladan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isku dadka iyo gaadiidka.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal ammaan darri iyo weeraro ay qaarkood sheegteen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari.

Su’aalo ka taagan qaraxii Luul Yemeni – Mucaaradka oo hal arrin is-weydiinaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyey markii xalay qaraxa lagu weeraray maqaayadda Luul-Yemeni oo ku taalla degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir, waxaa soo xoogeysanaya shaki ay muujinayaan siyaasiyiin u badan mucaaradka.

Siyaasiyiintan waxay ka mideysan yihiin in su’aasha ah halka uu ka yimid ama la soo marsiiyey gaariga qarxay, maadaama ay wadooyinku xirnaayeen habeenkii qaraxu dhacay iyo maalinkeedii.

Ugu horeyn Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka falcelisay dhacdadaas ayaa yiri, “Waan bogaadinayaa in xogtaan hore loogu bixiyay dadaal lana soo gudbiyay, balse waxaa nasiib dara ah in ayada oo xogtaan khatarta ah lahayo in ciidamadi amniga shacabka sugi lahaa loo adeegsado laguna mashquuliyo carqaladaynta shacab diidan dictatorship dalbanayana Doorasho Dimoqoraadi ah una Banaanbaxaya si nabad ah, sidaasne dadki loo dayco waana danbi la’iskula xisaabtami doono.”

Qoralka Xildhibaan Cabdullahi ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa cajiib ah in Ninkaan Mudda xileedkiisi dhamaaday ee xukun jaceelku waalay xataa uu kari waayay in uu u tacsiyeeyo 30ki qof ee xalay Muqdiaho lagu dilay, dhacdadaan iyo dhacdadi Xabsiga boosaasaba waxaa ay adkaynayaan xanti ahayd in ay laba Shabaab wada shaqeeyaan.”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri, “Ciidamada shacabka boorarka iyo calamada sita lagu baacsanayo, qaraxyada iyo weerarada Alshabaab ku gumaadayaan shacabka maa looga difaaco. Mise waa shaqo shirko lagu wada yahay.”

Sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah. Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa isna yiri, “Wixii maanta ciidan kala duwan oo banaanbaxa nabdeed looga hortagaayay xagguu qaraxu ka soo maray. Mase banaanbaxa ayaa bari lagu qarxin rabay si eedda Murashaxiinta loo saaro.”

Ugu dambeyntii Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa soo qoray, “HASHA MAANKEYGA GADAYE MA MASAAR BEY LAQDAY! Jidadka ayaa Shacab si nabad ah u Mudaaharaadaayo ka xiray iyo xabsiga dhexe Checkpoint kiisa maqaaxi ku taalla la qarxiyey iyo boola xoofteentii galabta, isma qabtaan! Intii dhimatey Allaha u naxriisto.”

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas, waxaana ka dhashay dhaawacyada ugu yaraan 30 kale, mas’uuliyadiisa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Cali Axmed oo geeriyooday isaga oo doonayey inuu ka gaaro aaska hooyadii

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Rabbi ha u naxariistee, waxaa maanta shil gaari ku geeriyoodey Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland. Shilka ayaa ka dhacay tuulada Midigalo ee gobolka Sanaag, waxaana uu ku sii jeedey degmada Badhan.

Cali Dhahar ayaa hooyadiis maanta geeriyootey, waxaana uu doonaayey in uu ka gaaro aaskeeda, laakiin shilkan waxa uu sababey in isaga iyo hooyadiis inay isla maalin geeriyoodaan, tan oo ah geeri aad u naxdin badan.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo ay ku geeriyootay hooyadii marxuumad Raxma Ciise.

Xidhibaanka ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanka waxaa markii hore soo gaarey dhaawac aad u culus, waxaana uu geeriyoodey saacado yar kadib.

Xildhibaan Cali Dhahar muddo dheer ayuu ahaa Xogahaynta Golaha Wakiilada ee Puntland, waxaana uu sanadkii 2019 ka mid noqdey Baarlamaanka isaga oo ka soo galay degmada Badhan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar iyo Hooyadiis Marxuumad Raxmo Ciise Rabaadin.

Dhallinyaro reer Somaliland ah oo Muqdisho ku sugan oo ka hor-yimid ‘qorshe uu wato’ Farmaajo (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaro ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta loo diiday inay banaanbax ku dhigaan fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen.

Dhalinyaradaan oo tiro ahaan gaareysa shan qof ayaa si adag ula hadlay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyagoo uga digay in dalkan uu ku celiyo nidaamkii uu ku burburay 30-sano ka hor.

“Waxaan saakay u jarmaadnay Daljirka Daahsoon si dareenkeena dastuuriga ah aan u cabirno, laakiin ciidamadii ku sugnaa goobtaas waxaan kala kulanay bahdil iyo handadaad, waxayna nagu garaaceen liif, waxay nagu aflagaadeeyeen in dareekeena aannaa cabiri karin, waxaan leenahay Farmaajo anagoo ka soo jeedna Somaliland, maanta ciidamadaada waxay nagu garaacayaan madaxtooyada horteeda,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradaas.

Waxyaahaba ugu badan ee dooda dhalinyaradaan ay ku saleysan tahay waa hubanti la’aanta ka soo wajahday hanaanka doorasho ee kuraasta siyaasadeed ee Somaliland, waxayna ku goodiyeen in aysan jirin cid go’aan uga gaari karta masiirkooda.

“Kuraasta Somaliland muwaadiniin ayaa leh go’aanna iyagaa ka gaaraya, Madaxweyne weli waan ku ixtiraameynaa, ma dooneyno in dalku qalalaase galo, fadlan dalka doorasho la isla ogolyahay ka qabo, waxaadna ogaataa in kuraasta Somaliland uusan qof boobaya go’aan ka gaari karin,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada hadashay.

Waxuu intaas ku sii daray, “Shacabka Soomaaliyeed ma aqbalayaan in Villa Somalia aad sharci darradaas ku sii joogto, waqtigaagii waa dhamaaday, fadlan ka soo bax madaxtooyada, ma aqbaleyno waxa aad dalka ku wado, hadaan nahay dhalinyarada Somaliland, lama bililiqeysa karo kuraasteena iyo metelaada aan xaqa u leenahay.”

Sidoo kale dhalinyaradaan ayaa xubnaha ku metela dowladda federaalka oo ay ka xuseen ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, waxay u sheegeen inay ogaadaan inay dad metelaan oo aan cidlo laga keenin.

Hoos ka Daawo

Sheekh Shariif oo ka hadlay haddii ay ka tanaasuleen banaan-baxii ka baaqday

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay dibad-baxa ay mucaaradka qorsheeyeen inay ka dhigaan Muqdisho ee mar kale maanta baaqday.

Dibad baxii lagu balansanaa inuu DALJIRKA DAHSOON ka dhaco maanta ayaan qabsoomin kadib markii ay musharaxiinta shalay sheegeen in ballankii looga baxay, maadaama ciidamo badan lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Madaxweynahii hore wuxuu sheegay in burburka ay haatan Soomaaliya kasoo kabaneyso ay sababtay ciidamada oo ku milmay siyaasadda, wajiga ay leedahay iyo sida ay u tahay wax xunna laga heysto xusuuso xun oo laga sheekeyn karo.

“Arrintaas waxay muujineysaa dooda musharaxiinta ee ah cidda amniga sugeysa iyo arrinta ciidamadda ay noqoto qadiyad xal laga gaaro maadaama madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey uu si qaldan u adeegsaneyso,” ayuu yiri Shariif.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Dalkan wuxuu horey ugu burburay ciidanka oo siyaasadda galay.”

Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in midowga musharaxiinta aysan weli ka tanaasulin dibad-baxa, islamarkaana ay dhowaan iclaamin doonaan maalinta xigta ee la qaban doono dibad baxa nabadeed, sidoo kalana wuxuu carabka ku dhuftay iney dibad baxaas sugi doonaan amaankiisa ciidamo ayaga taabacsan.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay ineysan marnaba ogolaan doonin inuu dhaco dibad bax aysan mas’uuliyadda amnigiisa iyaga ku xirneyn.

Walaaca dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa sare u kacay kadib markii ay dib usoo laabatay aragti kala duwanaantii dibad baxa iyo xaaladda guud ee magaalada, waxaana laga cabsi qabaa iney dhacaan waxyaabo horay looga digay.

Shixnaddii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19 ah oo loo soo diray Soomaaliya

0

Delhi (Caasimada Online) – Dowladda India ayaq sheegtay in Soomaaliya ay u soo dirtay shixnad talaalka Coronovirus ah, oo lagu sameeyay isla wadanka Hindiya si loola dagaalamo cudurka Coronavirus.

Wasiirka arrimaha Dibadda India, Subrahmanyam Jaishankar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheeciyay inay Geeska Afrika ay maanta oo Sabti ah usoo direen talaalka ay India sameysay, gaar ahaan Soomaaliya. 

Ma cadda haddii tallaalka weli usoo gaaray Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan sidoo kale ka hadal tallaalka ay sheegtay India inay dalka usoo dirtay.

Waa shaxnaddii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19 ah ee inta la ogyahay loo soo diro Soomaaliya, tan iyo markii tallaalka lagu guuleystay in la helo daba-yaaqadii 2020.

Tallaalka India oo ay sameysay shirkadda Bharat Biotech ayaa lagu magacaabaa Covaxin, wuxuuna wax ku ool yahay 81%. Marka loo barbar dhigo, tallaalka AstraZeneca ee UK waa 62%, halka tallaalada Mareykanka ee Pfizer iyo Moderna ay kala yihiin 94% iyo 95%.

India ayaa sidoo kale sheegtay in horay ay talaalkan u siisay dowladaha deriska la ah, balse hadda ay qorsheyneyso sidoo kale iney gaarsiiso wadamo dhaca Europe, Latin America, Caribbean ilaa Afrika Africa iyo Koofurta Bari Aasiya.

Dhanka kale Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO qayb-teeda Africa ayaa Sheegtay ilaa saakay in 12 dowladood oo African ah la gaarsiiyay in ka badan 11 Malyan oo talaalka Covid-19 iyada oo la fulinayo Barnaamijka COVAX ee dalalka faqriga lagu gaarsiinayo talalkan 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayaa la gaarsiiyay talaalkan WHO, sida Kenya, Sudan iyo Uganda, waxaana sidoo kale la filayaa 10 dal oo ay Soomaaliya ku jirto in la gaarsiin doona isbuucaan sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim
[email protected]
Mogadishu-Somalia     

Xasan Sheekh oo sheegay sabab cusub oo aysan u dhici karin doorasho xor ah

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka iney xagal qaldan u adeegsaneyso ciidanka, wuxuuna ku tilmaamay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday inaan looga fadhin karin inuu qabto doorasho xalaal ah.

Waxa uu tusaale usoo qaatay ciidankii shalay lagu soo daadiyey taallada Daljirka Dahsoon, ee lagu joojiyey dibad-bixii ay maanta qorsheeyeen mucaaradka, isaga oo sheegay in taas ay caddeyn u tahay in dalka aysan doorasho xor ah ka dhici karin.

Xasan Sheekh, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay qabteen midowga musharaxiinta, ayaa sheegay in ciidamadii loogu talo-galay iney la dagaallamaan Al-Shabaab loo adeegsaday in lagu caburo shacab Soomaaliyeed oo raba iney si nabad ah ku banaan baxaan.

Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Hormarka wuxuu sheegay iney muhiimad weyn leedahay in ciidamada ay ka dhex baxaan siyaadda isla markaana ay noqdaan kuwa dhex-dhexaad ah.

“Ciidamadda waddooyinka Muqdisho taagan iyo qalabka ay haystaan ee waddooyinka ku xireen yey u haystaan hala fahmo? Gabar iyo wiil Soomaaliyeed oo banaan-baxaya ayay u haystaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Khatarta Shabaab ku hayo dalkan meesha ay taagan tahay waa og-tihiin. Meel aysan tahdiid ku haynin ma jirto. Ciidanka iyo beebeyaashii loogu talagalay waa kuwa waddooyinka Muqdisho dhex-taagan”

Dhanka kale wuxuu toosh yar ku shiday Farmaajo isagoo leh: “Madaxwaynihii hore ee wali ka raaraca xukunka iyo talada qarka uga dhegan ee deyn la’ meesha uu maanta marayo waa intaas. Dadka Soomaaliyeed in ay fahmaan ayaan rabnaa”

Si kastaba Xasan Sheikh wuxuu sidoo kale sheegay iney adag tahay in doorasho xor ah laga sugo shaqsi diidan banaanbax sharciga iyo dastuurka uu ogol yahay, halka uu Shariif Sheikh Axmed ku raacay ineysan wali ka tanaasulin dibad baxii, dibna ka shaacin doonaan.