26.6 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

XOG: Xubno qaraabo la ah ROOBLE oo ku fashilmay qorshe ay damacsanaayeen

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin iyo xildhibaano ku beel ah ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guul-darreystay qorshe ay doonayeen inay ugu yeelaan awood siyaasadeed, kuna qanciyaan inuu door weyn ku yeeesho go’aanada masiiriga ah ee dalka.

Qorshahan ayaa soo billowday kahor kulankii ugu horreeyey ee uu Rooble la qaato musharaxiinta mucaaradka, ayada oo ujeedka uu ahaa in Rooble laga dhigo siyaasiyi karti leh, oo qaadan kara go’aano dalka lagu bad-baadinayo, islamarkaana aanu ka cabsan ama mar walba ka amar qaadan madaxtooyada dalka.

Wax walba waxey fashilmeen shirkii wajiga saddexaad oo ay yeesheen Rooble iyo midowga musharaxiinta, ayada midowga musharaxiinta ay soo jeediyee qodobo adag oo ay hor dhigeen Rooble, balse uu go’aankeeda qaadan waayay.

Midowga musharaxiinta mar walba waxey ka qabeen tuhun weyn awoodda uu yeelan karo Rooble, balse xubnahaan qaraabada la ah ayaa gudoonka sare ee midowga ku qanciyay iney shakigaas meesha ka saari doonaan, balse qorshahoodii ay 7-maalmood magaalada ku xasiliyeen uma fulin.

Xubnaha la sheegay iney isku dayeen Rooble iney ka dhigaan ra’iisul wasaare adag waxaa ka mid ah: Mahad Salaad oo ah xildhibaan aqalka hoose, Yuusuf Geelle Ugaas iyo Cabdi Qaybdiid oo ka tirsan aqalka sare, xildhibaan hore Cabdisaabir Nuur, ganacsade Liibaan Axmed Xasan iyo xubno kale oo aan magacyadooda banaanka lasoo dhigin.

Xubnahaan waxey doonayeen in Muqdisho uusan ka dhicin wax qalalaase ah, sidoo kalana uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta la wareego waxyaabaha hor yaalla sida hirgalinta doorashada, qaatana go’aanada uu xaqa u leeyahay oo ay is lahaayeen waxey hirgalin kartaa doorasho xalaal ah.

Qorshahan, ayaa ka sokow dadaalka xildhibaanada ku beesha ah, wuxuu ahaa mid qeyb ku xiran Rooble, oo laga doonayey inuu karti isku yeelo, oo uu fahmo in la joogo xilli kala guur ah, ayada oo aysan jirin sabab uu kursigiisa ugu cabsado.

Si kastaba, Rooble ayaa ka bixi waayey xeendaabka Villa Somalia, waxaana la-yaabkii ugu weynaa uu dhacay habeenkii u dambeeyey wada-hadallada, kadib markii la arkay in farriin qoraal lagu hagayey, oo go’aan kasta oo uu qaadan rabo uu weydiinayey dad dibedda ka joogay miiska wada-hadalka.

Jawiga siyaasadeed ee Muqdisho oo muddo ka badan todobaad xasilneyd, halkeedii ayuu xaalka ku laabtay iyo sidii uu ahaa kadihb 19-kii February, lama oga waxa xiga ee dhici doona iyadoo Beesha Caalamka laga sugi doono tallaabada kale oo ay qaadayaan.

Meydadka dad hor leh oo laga soo saaray goobtii uu ka dhacay qaraxii xalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay qarixii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqayaadda Luul-Yemeni, taas oo ku taalla agagaarka dekadda weyn ee Muqdisho.

Maanta ayaa burburka dhismayashii xalay ku dumay qaraxaas ee ka agdhawaa maqayadaas laga soo saaray meydad dad hor leh oo qaraxaas ku geriyooday.

Meydadka dhismayashaas laga dhex helay ayaa gaaraya illaa 3-qof, waxaana sidoo kale dhawacyo soo gaaray u geriyooday qaar ka mid ah dadkii xalay halkaas ku dhaawacmay.

Sidoo kale waxaa weli lagu layahay nolol iyo geri dad ku sugnaa maqaayadda markii uu dhacay qaraxaas. Qaar kamid ah dadka ehelkooda baadi goobayey iyo kuwii arkayay markii meydadka laga soo saarayey goobahaas ayaa warbaahinta u sheegay in weli dhismayaasha dumay ay dad ku hoos jiraan.

Inta la ogyahay qaraxaan waxaa ku geeriyooday dad ka badan 25-qof,  halka dhaawacyadu ay intaas ka badanyihiin.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay xaqiijiyeen geerida 10-qof iyo dhaawaca ugu yaraan 30 kale.

Maamulka gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Aamin Abulance ayaa isla xalay warbaahinta u sheegay in maqaayadda la qarxiyey ee Luul-Yemeni ay ka qaadeen meydadka 20-qof iyo dhaawacyada 30 kale.

Mas’uuliyadda qaraxaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxayna tilmaameen in saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xilligaas ku sugnaayeen maqaayadda.

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ay ku qaadeen maqaayadan, waxaana qaraxii kan ka horeeyey oo dhacay 8-dii bishii Agoosto ee sanadkii 2020 fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaas oo galaaftay nolosha dad u badnaa waardiyihii maqaayadda.

Weerarkaan xalay dhacay ee dadka badan galaaftay ayaa ku soo aaday, iyadoo magaalada Muqdisho sacadihii lasoo dhaafay ay ka jirtay xiisad siyasadeed oo u dhaxeysa mucaaradka iyo dowladda.

Sidoo kale labadii maalmood ee u dambeysay waxaa jiray tuhun iyo cabsi la xariirtay in gaadiid qaraxyo lagu soo raray ay magaalada Muqdisho ku dhex jiraan.

CC Shakuur oo shaaciyey ‘xog ay DF ka heysay qarixii’ maqaaxida Luul Yemeni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa soo bandhigay xog ay laamaha ammaanka dowladda ka hayeen qarixii xalay lala beesaday baarka Luul Yemeni.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu ku sheegay in ciidamada Booliska ay bil ka hor haayeen xogta weerarkaasi, isaga oo soo bandhigay warqad ay wadaageen laamaha amniga oo sheegeysa in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weerar is-miidaamin ah oo ay ku qaadaan Maqaayadda Coffe Pointa ama ay u weecin karaan tan Luul Yemeni, maadaama ay iska soo horjeedaan labada goobood.

Warqadda loo dusiyey Cabdiraxmaan Cabdishuur ayaa ku taariikheysan 23-bishii Janaayo ee sanadkan, taas oo muujineysay in Booliska uu xogtaan hayey in muddo ah.

“Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan,”.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo beryihii dambe ay soo badanayeen weerarada qaraxyada ah ee ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale soo baxayey digniino kale oo ku aadan qaraxayadaasi, si loo sameeyo feejignaan dheeri ah.

Xasan Sheekh oo baaq soo saaray, kadib weerarkii lala beegsaday Luul Yemeni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay weerarkii qaraxa ahaa ee ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen maqaayadda Luul Yemene ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo ka mid xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa marka hore tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Mushharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha dalka.

“Waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyn,” ayuu sii raaciyey.

Ku dhowaad 30 qof ayaa ku dhintay weerarkan oo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo isugu jiro askar iyo shacab.

DF oo qaaday ciidamadii ay dhigtay Daljirka Dahsoon

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay dib u qaaday ciidamadii ay shalay dhigtay waddooyinka waa weyn ee soo gala taalada Dajirka Daahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore la qaaday ciidamadaasi ‘oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxa mucaaradka’ oo ay musharraxiintuba baajiyeen, kaas oo horey loo shaaciyey inuu dhacayo maanta Sabti ah, kuna beegan 6-da bisha March, 2021.

Sidoo kale waxaa haatan si caadi ah u shaqeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isaga kala gooshaya agagaraka taalada Daljirka Daahsoon oo shalay la xiray.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo lagu kala kacay shirkii ugu dambeeyey ee Midowga Musharraxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo ku soo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana ka dhashay inuu halkiisii ku laabto khilaafka u dhexeeya dowladda & mucaaradka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladda siyaasadeed ee dalka ay weli tahay mid isku cakiran, mana jiro weli xal laga gaaray muranka ka taagan doorashooyinka.

R/W Rooble oo helay fursad weyn, afar sabab dartood

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii 3-aad 4-tii March baaqday shirkii uu Iclaamiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo aysanna muuqan saan saan kale ee uu ku qabsoomi karo shirarka muhiimka ah ee doorashada Soomaaliya. 

Kulamada Madaxweyne Farmaajo waxaa diidan mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland waana awood saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya iyadoo ay u sii dheertay in waqtiga meel adag marayo iyo in uu damaadat muddo xileedka Madaxweynaha. 

Tan iyo wixii ka dambeeyay 8-da bisha Feberaayo oo ku beegneyd muddo xileedka Madaxwyanha ayey wax kasta sii adkaadeen. Hadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu haystaa fursad dahabi ah oo suurta gelin karta in uu hogaanka u qabto doorashada Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ku reebto magac iyo sumcad ay taariikhda xusto. 

1- Maamulada qaar iyo mucaaradka oo ka kalsooni baxay Madaxweyne Farmaajo iyo dhammaan kulamadii uu Iclaamiyay oo qabsoomi waayay ayaa suurta gelin kara in talada doorashada loo dhiibo Rooble, waxayse u baahan tahay in isaga uu muujiyo hamigaas, iyo inuusan wax cabsi ah ka qabin fal-celinta Villa Somalia. 

2-  Xaalada amni ee dalka ka jirta oo ah cabsi iyo qal qal xoog leh ayaa sidoo kale suurtagal ka dhigi kara in Rooble madax ka noqdo doorashada Soomaaliya, sababtoo ah waxa ugu weyn ee beesha caalamka ku qasbi kara inay Farmaajo runta u sheegaan ayaa ah cabsida dagaal dalka ka dhaca, taasi oo haddii aan maamulka doorashada laga wareejin Farmaajo aad suurta-gal u ah.

3- In waqtigii Madaxweynaha uu dhamaaday islamarkaana Farmaajo uusan haysan wax sharciyad ah oo uu ku qaato go’aano masiiro ah, ayaa sidoo kale fursad siinaya Rooble. Sidoo kale, Farmaajo waa musharax madaxweyne, suurta-galna ma ahan in cayaar uu qeyb ka yahay uu sidoo kale garsoore ka noqdo.

4 – Waxaa sidoo kale Rooble fursad siinaya inaysan jirin wax talalabo ah oo uu ka cabsi qabo in Farmaajo uu qaado, haddii uu awooddiisa muujiyo, sababtoo ah sharciyan xilka ugama qaadi karin, sidoo kale kama abaabuli karo mooshin xil-ka-qaadis.

Su’aashu waxay tahay Rooble, ma dafi doonaan fursaddan weyn ee hortaalla oo uu taariikhda baal dahab ah uga gali karo, mise bilo kadib markii xilka uu ka dego ayey u billaaban doontaa inuu shallaayo weligiis?

Muxuu Deni ka yiri weerarkii lagu qaaday Boosaaso?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane  Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay weerarkii xooganaa ee habeen hore lagu qaaday xabsiga dhexe ee Boosaaso.

Ugu horreyn Siciid Deni ayaa u mahad-celiyey ciidamada ammaanka ee ka hortegay weerarkaasi oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggii weerarka soo qaaday waxna la dilay, waxna nolol lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada Puntland ay heegan buuxa ku jiraan, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay ka hortegaan weerar kasta oo kaga yimaada Shabaab.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasto oo ku lug yeelataa fududeynta weerarkaas oo geystay khasaare kala duwan.

“Puntland waxay ku jirtaa heegan buuxa, ficilka dhacayna sida ugu wanaagsan baan uga falcelinaynaa , dadkay ku cadaato inay qayb ka ahaayeena waxaan rajeyn inaan ka abaal marinno oo wajibkooda la mariyo,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ciidamada Puntland ay jawaab deg-deg ah ka bixiyeen weerarkii xabsiga Boosaaso, iyaga ka daba-tegay maxaabiis ay Al-Shabaab ka furteen xabisgaasi, kadib dagaal culus oo ay la-galeen raggii weerarkaasi soo qaaday.

Dowladda Turkiga oo war kasoo saartay qarixii xalay lala beegsaday Luul Yemeni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si adag uga hadashay qarixii is-miidaaminta ee xalay ka dhacay maqaayaladda Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu cambaareeyey weerarkaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

Turkiga ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun ee argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay mar-weliba garab taagnaan doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan mar kale carrabka ku adkeyneynaa inaan sii wadi doonno garab istaagga dadka walaalaha ah e Soomaaliya ee dagaalka ay kula jira argagixisada,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ay soo saartay dowladda Turkiga.

Qarixii xalay ka dhacay maqaal Luul Yemeni oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay illaa 25 ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 kale oo isugu jiray shacab & askar.

QM oo cambaareysay qarixii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa looga hadlay qarixii xooganaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimad dalka kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaramada Midoobay aya asheegtay in ay si xoogan u cambaareyneyso weerarkaas, islamarkaana waxa ay tacsi u dirtay ehellada ay dadkoodu ku dhinteen qaraxaasi.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa caafimaad deg-deg ah u rajeysay dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi, kuwaas oo kor u dhaafaya illaa 30 qof.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada qaraxii xalay ka dhacay maqaayqadda Luul Yemeni ay ka dhalatay cambaareyn xoogan, kaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo, waxaana arrimahan ay ku soo aadayaan, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad kala guur ah la aadayo doorasho.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii caawa Muqdisho ka dhacay oo ay dad badan ku dhinteen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoog leh oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar-Jajab.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa, sida laga soo xigtay adeegga ambalaasyada ee Aamiin Ambulance.

Hey’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaan.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay NOAH oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay afaafka hore ee maqaayadda Luul-Yemeni oo aan ka fogeyn dekedda weyn ee Muqdisho iyo halka laga ilaaliyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaas ayaa u badan shacab maqaayadda ka cunteynayey iyo kuwo la socday gaadiidkii isticmaalayey wadada hor marta maqaayadda.

Sidoo kale waxaa soo dumay guri u dhawaa maqaayadda la qarxiyey ee Luulyemeni, kaas oo loo maleynayo in burburkiisa uu dad kale ku hoos jiro, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan wadooyinka soo gala aagga uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobta ka jirta xaalad kacaanaan ah.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Daawo: DF oo ka jawaabtay go’aanka ay mucaaradka ku baajiyeen dibad-baxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay golaha midowga musharaxiintu ku joojiyeen banaanbaxii dhici lahaa Sabtiga berri.

Waxa uu sheegay in horay looga dooday goobta ay banaanbaxa ku qabanayaan oo dowladdu soo jeedisay goobo kale, balse ay musharaxiintu ku adkeysteen taallada Daljirka, ugu dambeyna ay ka ogolaadeen.

Wasiirka ayaa qiray in dowladdu maanta ay ciidamo geysay fagaaraha Daljirka Daahsoon, isagoo sheegay in loogu tala galay inay sugaan ammaanka goobtaas, maadaama ay dowladdu qaadeyso mas’uuliyadda waxii xumaada.

Golaha midowga musharaxiinta oo iyaggu galabta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Jaziira ayaa shaaciyey inay dib u dhigeen banaanbixii Sabtiga, iyagoo sababta ku sheegay in dowladdu ay ciidamo ku daadisay goobihii ay ugu talagaleen banaanbaxaas.

“Waxaa isku qaban-qaabineyn mudaharaadkii, laakiin goobihii loogu talo-galay mudahaaraadka kuligood waxa la geeyay ciidamo, taasi oo ka baxsan balantii iyo heshiiskii hore loo galay, waxayna muujineysa dooda musharaxiinta ee arrinta amniga,” ayuu yiri guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif.

Wasiirka amniga Xasan Xundubey oo kadib-kood hadlay ayaa yiri, “Musharaxiintu waxay ku doodeen in lagu wareejiyo ammaanka 300 oo isku weer ah, si banaanbaxa ay ugu qabsadaan, laakiin dowladda taasi waa ku adkaaday, weli waxaa socday wada-hadal, balse musharaxiintu waxay ku mahadsan yihiin inay garteen qatarta caafimaad ee dalka ka jirta, waana soo dhaweynay go’aankii ay ku joojiyeen banaanbaxa.”

Hoos ka Daawo

Midowga Musharaxiinta oo baajiyey dibad-bixii Sabtida la qorsheeyey + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo goordhoweyd shir jaraa’id oo deg-deg ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxay si adag uga hadleen banaanbixii ay iclaamiyeen inuu dhacayo maalint berri ah.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo bar-bar taagan yihiin xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay dib u dhigeen banaanbixii loo balansanaa in maalinta berri ah uu ka dhaco Taalada Daljirka Dahsoon.

Waxay sheegen inay wajahayaan culeys dhanka amaanka ah, kadib markii dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay ciidamo badan ku daabushay goobta banaanbaxa, islamarkaana la kala xiray inta badan qeybaha magaalada dalka.

“Waxaa isku qaban-qaabineyn mudaharaadkii, laakiin goobihii loogu talo-galay mudahaaraadka kuligood waxa la geeyay ciidamo, taasi oo ka baxsan balantii iyo heshiiskii hore loo galay, waxayna muujineysa dooda musharaxiinta ee arrinta amniga,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madasha Musharaxiinta waxay go’aansadeen in dib loo dhigo mudaharaadkii lagana shaqeeyo xili ay soo goynayaan musharaxiinta, amniga ay ayagu sugayaan, markaa mudaharaadkii berri qorsheysnaa dib ayaa loo dhigay”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay ciidamada u adeegsato caburinta shacabka, xili qeybo kamid ah dalka ay gacanta ku hayso Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa isaguna shaaciyey in Midowga Musharaxiinta ay bilaabeen ciidamo urursi, islamarkaana ay la kaashan doonaan cidkasta oo ka qeyb qaadaneysa sugida amniga, ayada oo laga madax-baneysiinayo dowladda oo uu sheegay inay balanta uga baxday, sida uu hadalka u dhigay.

“Kama tanasulin mana ka tanasuleyno banaanbixii maalinta ay ku haboon tahay waa soo sheegayna, amnigana anagaa suganeyna, ileen wax kale oo noo dhiman malaha haddii ay taas ka dhalatay waa in amnigeeda suganaa oo nagala shaqeyso cidii nagala shaqeyn karta,” ayuu yiri.

Shirka jaraa’id ayaa imanaya xili maanta ay dowladda ciidamo badan gaysay taallada Daljirka Dahsoon iyo aagga ku dhow, halkaasi oo la filayo inuu ka dhaco dibad-baxa ay baajiyeen ee ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxaa waddooyinka soo gala taallada Daljirka iyo kuwa ka baxa lagu arkayaa ciidamo badan, waxaana aagga Dajirka ay ka celinayaan gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala taallada.

Arrintan ayaa markale sarre u qaadeysa walaaca ka taagan xaalada dalka, ayada oo lagu waday in wada-hadalada xukuumadda xil-gaarsiinta iyo musharaxiinta ay wax ka badalaan xaalada cakiran ee dalka, hase yeeshe waxaa muuqata midaasi badalkeeda.

AGAASIME cusub oo loo magacaabay HERITAGE

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Afyare Cabdi Cilmi ayaa maanta loo magaacabay Agaasimaha Machadaka darasaadka siyaasada ee HERITAGE, kadib markii uu dhawaan iska casilay xilkaasi Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo isagu xilkaasi hayay muddo ku siman lix sano.

Qoraal kasoo baxaya Machadka Heritage ayaa waxaa lagu sheegay in Dr. Afyare uu 1-June ee sanadkan 2021-ka uu si rasmi ah ula wareegi doono xilkaas, ayada oo uu hadda si kumeel gaadh ah usii hayn doono Agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage Mursal Sane.

“Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo magacaabista Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasadda inuu u magacaabay Agaasimaha fulinta cusub ee machadka, laga bilaabo 1 Juun, 2021” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa sidoo kale lagu yiri “Cilmi wuxuu ahaa Cilmi baarre sare oo ka tirsan Machadka Heritage tan iyo markii la aasaasay 2013, wuxuuna gacan weyn ka geystay daabacaadda machadka sanadihii la soo dhaafay”.

Dr Afyare oo ah Aqoonyahan Cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Doha University ayaa waxa uu bedeli doona Agaasimihii hore ee Machadka, Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo horanta bishii hore iska casilay xilkaas, oo uu hayay muddo ku siman lix sano.

Afyare ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa aqoon-yahanka waqtiga badan geliyay Machadka Heritage, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga hogaaminta ee machadkaas, kaasi oo lagu bogaadiyey kaalinta uu kasoo qaatay horu-socodka.

Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage oo iyagu doorkoodu yahay inay kormeer iyo hagitaan istiraatiiji ah ku biiriyaan hoggaaminta iyo maaraynta Machadka ayaa soo dhaweeyay kaalinta Dr Afyare oo ah aqoon-yahan sarre oo 12-kii sano ee u dambeeyay qeyb weyn ka qaatay cilmi baarista amniga.

Ciidan maanta la wareegay taallada Daljirka Dahsoon kahor dibad-baxa Sabtida

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ciidamo badan gaysay taallada Daljirka Dahsoon iyo aagga ku dhow, halkaasi oo la filayo in berri uu ka dhaco dibad-bax ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kaasi oo ay dhigayaan mucaaradka iyo taageerayaashooda.

Waddooyinka soo gala taallada Daljirka iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo badan, waxaana aagga Dajirka ay ka celinayaamn gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala taallada.

Ciidamadan ayaa sidoo kale celinaya mootooyinka Bajaajta loo yaqaanno oo aan loo ogolayn in ay maraan halkaasi oo markii hore ay si caadi ah u mari jireen.

Ma cadda sababta ay dowladda ciidamada halkaas u gaysay, waxaana suurta-gal ah inay sugayaan amniga dibad-baxa sida ay xukuumaddu ballan-qaaday markii ay heshiiska galeen ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya iyo musharaxiinta mucaaradka.

Dowladda ayaa dhicitaanka dibad-baxaas ku xirtay laba shardi oo kala ah; inay dadka imanayaan kala fogaadaan, iyo inay soo xirtaan af-xirka, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Wixii ka dambeeyey markii ay heshiiska gaareen Rooble iyo mucaaradka, waxaa jirtay rajo weyn oo isu soo dhowaansho, hase yeeshee kulankii ugu dambeeyey ee xalay ayaa lagu kala tegay ayada oo mucaaradka ay Rooble ku eedeeyeen inuu ahaa nin meel kale laga hagayey oo aan lahayn go’aan qaadasho, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma cadda, haddii kala tegistii xalay ay wax ka beddeshay mowqifka dowladda ee ogolaanshaha dibad-baxaas, hase yeeshee Rooble waxa uu sheegay in wada-hadallada mucaaradka ay sii socon doonaan.

Midowga Musharaxiinta oo soo bandhigay qodobadii ay hordhigeen R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook kusoo qoray afar qodob oo ay hor dhigeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo sababay in shirka aysan wax natiijo ah kasoo bixin.

Shirkii wajiga saddexaad oo ay isku arkeen midowga musharaxiinta iyo Rooble ayaa xalay natiijo la’aan ku dhamaaday kadib saacado la is hor fadhiyay, waxaana lasoo bandhigay afarta qodob ee la hor dhigay Rooble.

Qodobada la hordhigay Rooble waxaa ka mid ah:

1- In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2- Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.

Afartaan qodob ayey hor dhigeen ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta Maxamed Xuseen Rooble, waxeyna ka dalbadeen inuu shacabka Soomaaliyeed u cadeeyo doorka uu qaadan karo iyo wuxuu ka fulin karo shuruudahaan.

Maxaa fashiliyay shirkii R/W Rooble iyo Musharaxiinta?

0

Waxaa natiijo la’aan ku soo idlaan kulan ay xalay fiidkii illaa xilli dambe ay huteelka Décalé ee magaalada Muqdisho ku lahaayeen ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Kulanka oo si weyn isha loogu hayay ayaa waxaa la filayay in dhinacyada ay ku heshiiyaan qodobo ku aaddan doorashada, si dhinacyada ay khuseyso ay u saxiixaan is-afgaradkii Baydhabo lagu gaaray bartamihii bishii hore.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo kulanka ka dib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka uu u fashilmay arin uusan go’aankeeda lahayn.

“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September 2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa,” ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha.

Waxa uu sheegay in weli uu diyaar u yahay inuu la farsiito mucaaradka si looga heshiiyo doorashada.

“Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda”.

DOODDA MUCAARADKA:

Midowga murashaxiinta mucaaradka dhankooda fashilka kulanka ku eedeeyay ra’iisal wasaare Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakur oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa ka warramay waxyaabaha ay la shir tageen.

“Midowga waxa uu soo jeediyay qodobo wax ku ool ah oo ay tahay in la xalliyo, ayna kamid yihiin amniga doorashooyinka, saaxadda siyaasadda in la furo, mandate-ka madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxa laga yeelayo iyo arimaha la xiriira kaalinta midowga uu ku yeelanayo wadahadallada doorashooyinka la xiriira ee shirarka loo madlan yahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxa uu ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha in go’aanka uu ka sugayay cid ka baxsan kulankaas, oo uu ula jeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Waxaan isku daynay xalka kasta oo suuragal ah inaan gaarno. Nasiib darro taasi se laguma guulaysan. Dedaal kasta iyo tanaasul kasta oo uu midowga bixiyay bedalkeeda ma aanan arag. Qoraal kasta iyo is-afgarad kasta oo aan gaarno waxay ahayd in laga soo ansixiyo meel shirka ka baxsan. Ciddii farriin qoraalka soo direysay ayaa diiday in horay loo socdo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

KULANKII MADASHA QARAN:

Heshiis laga gaaro kulanka xalay ayaa fududeyn lahaa in madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay Muqdisho ku saxiixaan is-afgaradkii Baydhabo, sida ay qabaan dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya.

Madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland oo ka baaqday kulan uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo in 4-tii bishan, ayaa shuruuda ay ku xireen shirka waxaa kamid ahayd in fursad la siiyo wadahallada u dhexeeya ra’iisal wasaaraha iyo mucaaradka.

Maadaama hadda uu guuldaraystay kulankaas, ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan maamullada Garowe iyo Kismaayo.

BEESHA CAALAMKA:

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.

Khilaaf ka dhashay qodobo kamid ah heshiiskaas ayaa horseeday in kulan ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb horraantii sanadkan uu ku soo idlaado natiijo la’aan.

Hogaamiyayaashaas ayaa kadib guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood u diray magaalada Baydhabo, waxaana guddigu shaaciyay in laga heshiiyay dhammaan qodobadii la isku hayay.

Kulan ay madaxtooyada Soomaaliya ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadiir ay Muqdisho isugu tagaan si dhinacyada ay ku kala saxiixdaan heshiiska ay gaareen guddiga farsamada, ayaa saddex goor qabsoomi waayay.

Mudada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

ISHA: BBC SOMALI

Mucaaradka oo diyaariyay 2 arrin oo lagu soo bandhigi doono banaan-baxa berri 

Muqdisho (Caasimada Online) – Abaabulkii ugu dambeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo ku aadan banaanbaxa looga soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Banaan-baxaan ayaa la filayaa in uu dhaco maalinta Sabtida ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 6-da Bisha Maarso. Sida la filayo, waxaa ka qeyb geli doono madaxdii hore ee dalka iyo xubno ka mid ah mucaaradka, iyadoo ay abaabulka ay qeyb ka yihiin xubno ka mid ah dowaldda Soomaaliya oo ka tirsan guddiga loo xil saaray. 

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mucaaradku ay diyaariyeen gaadiid lagu xiray sameecado waa weyn, kuwaas oo taga taallada Daljirka Dahsoon halka qaar kalane ay wareegi doonaan xaafadaha Muqdisho. 

Sameecadaha ku xiran gaadiidka ayaa la filayaa in laga daaro heeso iyo codad la duubay oo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo waji kale u yeeli kara banaan-baxaan oo ay abaabulkiisa qeyb ka tahay xukuumadda Soomaaliya. 

Sidoo kale mucaaradka ayaa diyaariyay kaamiriyooyinka ku xiran diyaaradaha drone-ka ee dusha sare wax ku duuba kuwaas oo loo yaqaano Drone Camera. Kaamirooyinkaan ayaa laga damacsan-yahay inay oogada sare ka duubaan banaanbaxayaasha oo la filayo in ay noqdaan kuwii ugu badnaa ee isugu baxa Muqdisho. 

Aad ayaa loo hadal haayaa banaanbaxa la filayo ee mucaaradka waxaana jiro daruufo badan oo ku geedaaman, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin magaalada oo ay suurtagal tahay in la xiro. 

Rooble oo ka hadlay fashilka ku yimid shirkii mucaaradka, si dadban-na u weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay fashilkii ku yimid shirkii saddexaad ee uu xalay la yeeshay xubnaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka.

Rooble ayaa sheegay in is-faham laga sameeyey qodobadii laga wada hadlay, laakiin mid ka mid ah dalabaadka midowga murashaxiinta aanu la jaanqaadi karin hanaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa xusay in murashaxiintu ay codsadeen inay qayb ka noqdaan wadahadalada doorashooyinka dalka, taasina aanu keligii go’aan ka gaari karin, iyadoo qodobkaasi uu caqabad noqday oo laga gudbi waayey, sida uu sheegay.

Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ayaa caddeeyey in xukuumaddiisu “ay dhiirigelinayso wada-hadalada oo ay albaabadu u furan yihiin cid walba, laakiin loo baahan yahay in la muujiyo daacadnimo iyo tanaasul, islamarkaana aan la abuurin caqabado hor leh iyo khilaaf aan muhiimad iyo micno weyn lahayn.”

Waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay in la sii wado wadahdalada la xiriira doorashooyinka, iyadoo lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaaray.

Rooble ayaa sheegay in loo baahan yahay in mudnaan la siiyo danaha qaranka, isla markaana ay dhinacyada siyaasaddu la yimaadaan daacadnimo iyo tanaasul ka tarjumaya waaqca dalku marayo.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Warsame oo ku hadlay magaca Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu awood waayey inuu go’aan gaaro, islamarkaasna uu mar kasta la tashanayey xubno uusan magacaabin oo shirka ka baxsanaa.

“Rooble caawa oo dhan fariimo ayaa loo soo dirayay, shirkii caawana waxaa fashiliyay dadka fariimaha soo dirayay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eedeyey inuu garan waayey sidii uu isticmaali lahaa awoodda uu Dastuurka siinayo, sida uu hadalka u dhigay.

Shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo fashilmay – Maxay ka yiraahdeen Wasiir Xundubey iyo CC Shakuur?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa fashil kuso dhamaaday Shir u dhaxeeyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta kaasoo xalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ugu weyn ee la isku fahmi waayey ayaa ah in musharaxiinta laga qeyb-galiyo wada-hadallada ku saabsan doorashada dalka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, taasi oo Rooble uu diiday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Warsame oo ku hadlayey magaca Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu awood waayey inuu go’aan gaaro, islamarkaasna uu mar kasta la tashanayey xubno uusan magacaabin oo shirka ka baxsanaa.

“Rooble caawa oo dhan fariimo ayaa loo soo dirayay, shirkii caawana waxaa fashiliyay dadka fariimaha soo dirayay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eedeyey inuu garan waayey sidii uu isticmaali lahaa awoodda uu Dastuurka siinayo, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha midowhga Musharsixiinta ayaa isna Facebook kusoo qoray qoraalkaan:

“Cashar cusub ayaan caawa siyaasadda Soomaaliya ka bartay. Ra’iisul Wasaare fariin meel fog laga soo diray lagu hagayo oo HAA iyo MAYA midna aan ku dhihi karin! NIN ADUUNYO JOOGOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN.”

Dhinaca kale, Shir jaraa’id oo wasiirka amniga Xasan Xundubeey uu qabtay kadib fadhigii labada dhinac ee lagu kala tegay ayaa sheegay in wada hadalladii Murashaxiinta iyo xukuumadda xil gaarsiinta ay qaataan waqti dheer oo 7 saacadood ah, balse aan lagu guuleysan in wax natiijo ah kasoo baxaan, maadaamma mucaaradku dalbadeen in laga qeyb-geliyo shirka golaha wadatashiga ee dowlad goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe ee mudo xileedka ka dhamaaday.

Wasiir Xundubeey ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan horay u dhicin oo go’aan ahaanna aysan xukuumaddu lahayn, arrintaasina aysan mas’uuliyad ka aheyn xukuumadda ee uu yahay mid u yaal dowlad goboleedyada.

Xundubeey ayaa sheegay in wada-hadalada mucaaradka iyo xukuumada xil-gaarsiinta aysan macnaheeda aheyn inuu xirmay ee ay sii wadayaan si wareegyada kale xal loogu gaaro dadaallada uu hoggaaminayo Rooble.

DF oo guddi u magacowday abaaraha gobolka GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa shir jaraa’id oo deg deg ah goordhoweyd ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku shaaciyeen guddi cusub oo qeyb ka noqonaya samato bixinta abaaraha dalka.

Shirka jaraa’id ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta, gaar ahaan meelaha ay xaaladaha bini-aadantinimo ka taagan yihiin hada, gaar ahaan xaalada abaaraha ee gobolka Gedo.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowlada uu muddo xileedkeedu dhamaaday ay sameyn doonto gurmadkii ugu horeeyay ee wax looga qabanayo xaalada adag ee ay wajahayaan shacabka.

Guddiga cusub ee loo xil-saaray abaaraha ayaa waxay ka kooban yihiin Wasiiro iyo ku-xigeeno ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta, waxaana hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda = Guddoomiye
2. Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka = Xubin
3. Wasiirka Wasaarada Qorsheynta = Xubin
4. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta = Xubin
5. Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada = Xubin
6. Wasiirka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka Biyaha = Xubin
7. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada tamarata iyo kheyraadka Biyaha = Xubin

Sanadkaan ayaa waxaa dalka saameyn xoogan ku yeeshay biyo la’aan iyo abaaro meelo kamid ah dalka ka jira, kuwaasi oo ay guddigan cusub ka shaqeyn doonaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada xaalada adag wajahaya.