27.1 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

DF oo guddi u magacowday abaaraha gobolka GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa shir jaraa’id oo deg deg ah goordhoweyd ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku shaaciyeen guddi cusub oo qeyb ka noqonaya samato bixinta abaaraha dalka.

Shirka jaraa’id ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta, gaar ahaan meelaha ay xaaladaha bini-aadantinimo ka taagan yihiin hada, gaar ahaan xaalada abaaraha ee gobolka Gedo.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowlada uu muddo xileedkeedu dhamaaday ay sameyn doonto gurmadkii ugu horeeyay ee wax looga qabanayo xaalada adag ee ay wajahayaan shacabka.

Guddiga cusub ee loo xil-saaray abaaraha ayaa waxay ka kooban yihiin Wasiiro iyo ku-xigeeno ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta, waxaana hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda = Guddoomiye
2. Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka = Xubin
3. Wasiirka Wasaarada Qorsheynta = Xubin
4. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta = Xubin
5. Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada = Xubin
6. Wasiirka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka Biyaha = Xubin
7. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada tamarata iyo kheyraadka Biyaha = Xubin

Sanadkaan ayaa waxaa dalka saameyn xoogan ku yeeshay biyo la’aan iyo abaaro meelo kamid ah dalka ka jira, kuwaasi oo ay guddigan cusub ka shaqeyn doonaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada xaalada adag wajahaya.

Shabaab oo weerar culus ku qaaday xabsiga Boosaaso, sheegtay inay daayeen 400

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weerar culus oo xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarka oo ay fuliyeen dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa ku bilowday qaraxyo lala beegsaday albaabka laga galo  xabsiga, waxaana intaasi ka dib dagaal toos ah uu dhexmaray ciidanka ilaalada xabsiga iyo sidoo kale kooxdii weerarka soo qaaday.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.

Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in ay dib ka faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas.

Dhinaca kale, war kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in “howlgal guuleystay” uu ka dhacay xabsiga islamarkaana ay kusoo daayeen dad ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen. Dadka lasoo daayey ayay Al-Shabaab ku sheegeen inay ku jiraan xubno ayaga ka tirsan.

Waxay sidoo kale sheegeen in dadka lagasii daayay xabsiga Boosaaso ay ku jiraan “dad shacab ah kuwaas oo si gardarra ah ugu xirnaa xabsiga.”

Su’aalo ka dhashay kulan uu Cali Guudlaawe kaga qeyb-galay xafiiska R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu hadal hayaa sawirka Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo lagu dhax arkay shir uu Arbacadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la qaatay madaxda Bankiyada dalka.

In badan oo kamid ah shacabka iyo dadka falanqeeya Arrimaha siyaasada ayaa is weydiiyay waxa uu Madaxweyne Cali Guudlaawe kulankaas ka doonay maadaama uu ahaa mid u dhaxeeyay Rooble iyo maamulayaasha Bankiyada dalka. 

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo laga baahiyay sawirrada iyo Madaxtooyada HirShabeelle labaduba kama aysan hadlin sawirka hadal heynta dhaliyay oo ilaa hadda wax laga qorayo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in saddex dhibaato ay heysato Madaxweyne Cali Guudlaawe, kuwaas oo aan haddii aan hada la xalin keeni kara fadeexado waa weyn oo uu la kulmo Guudlaawe, waxaana dhibaatooyinkaas kamid ah: 

1 – Madaxweyne Cali Guudlaawe ma haysto wax la taliyaal wanaagsan ah, oo eega tallaabo kasta oo uu qaadayo kahor inta aanu ku dhaqaaqin, waana mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waa weyn ee uu wajahayo.

2- Madaxweynaha sidoo kale ma haysto shaqaale Baratakool oo wanaagsan oo kala shaqeeya howlaha muhiimka ah oo ay kooxdaas qabato waxaana dhowr jeer la arkay isagoo sameynaya talaabooyin aan wanaagsan, kuwaas oo ay aheyd in ay qabtaan kooxda Baratakoolka. 

3- Cali Guudlaawe waxaa ku geedaaman koox dhalinyaro ah oo aan laheyn khibrad siyaasadeed iyo mid maamul, waxaana arintaas ay sababtay in siyaasiin iyo dad kalaba colaad u qaadaan Madaxweynaha oo aan shaqo ku laheyn waxyaabaha qaar. 

Cali Cabdullaahi Xuseen oo haysta fursad uu ku hogaamiyo maamulka HirShabeelle oo ah shan sano ayaa u muuqda mid beer dareynaya fursadaas, isaga oo inta badan waqtigiisa ku qaato Muqdisho.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa billaabay in ay go’doomiyaan degmooyin kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe oo markii hore ka nabdoonaa waxaana degmooyinkaas ka mid ah Jowhar iyo degaanka Afarta Tuulo oo ka tirsan degmada Mahadaay.


Joe Biden oo AFRICOM kusoo rogay amar si weyn u saameynaya Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Sida uu baahiyey Wargeyska New York Times Militeriga iyo Hey’adda Sirdoonka ee dalka Mareykanka ayaa lagu war-geliyey in aysan Soomaaliya ka fulin karin howlgal dhanka cirka ah ama mid kumaandoos ah, ayagoo aan ogolaanshiyo ka haysan Aqalka Cad.

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu sheegay warbintan in amarkaas uu si hoose u bixiyey, isla markaana u jeedka laga leeyahay uu yahay yareynta waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah ee ku nool goobaha lagu tuhmayo ama lagu beegsanayo kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

New York Times oo soo xiganeysa mas’uuliyiin magacyadooda saxaafadda ka gaabsaday ayaa warbintan ku xustay in maamulka madaxweyne Joe Biden uu doonayo in si dhab ah loo hubiyo cidda lala beegsanayo howlgalka ay fulinayaan ciidamadiisu, waxaana waajib looga dhigay howlgalayaasha in Aqalka Cad ay lasoo wadaagaan caddeymo muuqaal iyo faahfaahino qoraal ah, inta aysan howlgal fulin.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid bilow u ah dib u qaabeyn uu maamulka Joe Biden ku sameynayo shuruucdii uu ku shaqeynayey mamulkii ka horeeyey ee madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ciidamada Mareykanka u ogolaanayey inay u madax-banaan yihiin halka ay ku beegsanayaan howlgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Nidaamkii Madaxweyne Trump ayaa duqeymaha dhanka cirka ah gaar ahaan aagagga ka baxsan colaadaha waxuu ku dabaqay siyaasad nuxurkeedu yahay dil ama qabasho, isagoo si gaar ah Soomaaliya ugu shaabadeeyay inay tahay ‘aag colaadeed’.

Afartii sano ee lasoo dhaafay oo ah intii uu xukunka joogay madaxweyne Trump 276 howlgal oo isugu jiray cirka iyo dhulka ayey ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Soomaaliya, sida lagu shaaciyey warbixin la baahiyey todobaadkii hore.

Shirka Rooble iyo musharaxiinta oo furmay iyo qodobo xasaasi ah oo miiska saaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa goor dhow ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ah midkii seddaxaad, waxaa looga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, waxuuna shirkan qeyb ka noqonayaa shirar maalmihii lasoo isla hotelkan ku dhex maray labada dhinac.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Kulankii 3aad oo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka furmay Muqdisho.”

Shirka waxaa kaloo ka qeyb galaya madaxweynaha Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Sida aan xogta ku helnay qodobada caawa miiska saaran ee shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah, in xukuumaddu ka shaqeyso sidii shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleed ee looga hadlayo doorashada ay uga qeyb-geli lahaayeen metelayaal ka kala socda midowga musharixiinta, saamileyda kale ee siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Shirkan waxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo uu ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.

Maxaa la isku raacay kulankii maanta ee beesha caalamka iyo midowga musharaxiinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta shir gaar ah yeeshay golaha Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka C6+, kaas oo ku qabsoomay aalladda Zoomka.

Labada dhinac waxay shirkaas uga wada-hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, waxayna isku raaceen in fursad la siiyo wada-hadalada u dhaxeeya Midowga Murashaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta.

Sidoo kale intii uu sacday shirkan waxaa hoosta laga xariiqay muhiimada heshiis labada dhinac ay gaaraan uu u leedahay shirka soo socda ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oboleedyada.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa caawa shirkii sedaxaad la yeelanaya golaha midowga musharaxiinta, kaas oo markii loo balansanaa inuu qabsoomo Khamiista maanta ah.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in caawa fiidka hore uu shirkaas ka furmayo Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo labadii shir ee kan ka horeeysay ay ka dhaceen.

“Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Decale ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa,” ayaa Macalimuu ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale shirkan waxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.

Rooble oo war kasoo saaray kulanka mucaaradka ee caawa kadib warar soo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo wajiga sedaxaad ee shirarkii u socda xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta, kaas oo loo balansanaa Khamiista maanta ah.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in caawa fiidka hore uu shirkaas ka furmayo Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo labadii shir ee kan ka horeeysay ay ka dhaceen.

“Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Decale ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa,” ayaa Macalimuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxaa jira shaki weyn oo laga muujinayo qabsoomidda shirkaas, sida ay ilo ku dhaw shirka u sheegeen Caasimada Online waxaa Ra’iisul wasaare Rooble lagu cadaadinayaa inuu ka baaqdo shirka Midowga Musharixiinta, waxuuna cadaadiskaas uga imaanayaa dhanka madaxweyne Farmaajo.

Hadii uu caawa qabsoomo, waa shirkii seddaxaad oo Rooble uu la yeelanayo golaha midowga musharaxiinta, waxaana qodobada looga hadlayo oo miiska saaran ka mid ah, in xukuumaddu ogolaato in shirka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee looga hadlayo doorashada laga qeyb geliyo xubno metelaya midowga musharixiinta iyo saamileyda kale ee siyaasadda dalka.

Dalabkaas oo soo taagnaa mudo dheer, isla markaana ay horay u soo jeediyeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, waxaa si weyn u diidan madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale waxaa maanta fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.

Dallad waxbarasho oo diiday amarkii xirista iskuullada iyo DF oo jawaab bixisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daladda waxbarshada ee FPENS ayaa qoraal ay maanta soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo go’aankii xukuumadda xil-gaarsiinta ka soo baxay 2-dii bishaan, kaas oo mudo laba todobaad ah lagu fasaxay goobaha waxbarashada, sababo la xariira faafitaanka cudurka COVID-19.

Waxyar kadib markii ay soo baxday warqadda dalladaas, qoraal kale oo ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa mar kale looga codsaday daladaha waxbarashada ahliga ah, jaamacadaha iyo iskuullada inay dhaqan geliyaan go’aanka xukuumadda.

Daladda FPENS ayaa ku dooday in markii dib loo eego casharadii ay bahda waxbarashadu ka baratay go’aankii sidaan oo kale ay hadda ka hor xukuumaddu u soo rogtay aysan u saamaxay inay kan cusub u hoggaansamaan, iyagoo soo bandhigay dhowr qodob oo dib u dhac ah.

“Go’aankaan cusub waxaa ka dhalanaya in dugsiyadu burburaan, adeegyada waxarashadu meesha ka baxaan, in ay adkaato sidii dib loogu furi lahaa dugsiyada. In qoysas badan oo ku tiirsan dakhli ka soo gala waxbarashada  ay u burburaan dhaqaale xumo awgeed, in uu saameyn ku yeesho natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2020-2021,” ayaa lagu yiri qoraalka Daladda FPENS.

Sidoo kale dalladu waxay ku dooday in la beegsaday waxbarashada oo kaliya, laakiin ay dalka si caadi ah u yimaadaan dullimaadyada caalamiga ah, kuwa qaadka, sidoo kalena aysan waxaba iska bedelin suuqyada iyo gaadiidka dadweynaha.

Dhanka kale Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare oo qoraal soo saartay wax yar un kadib qoraalka daladdan ayaa goobaha waxbarashada dalka ka codsatay in la dhaqan geliyo go’aankii xukuumaddu ay ku soo rogtay furnaashaha goobaha waxbarashada.

“Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS oo dhaqan-gelineysa amarka Xukuumadda ee ahaa in la xiro goobaha Waxbarashada, waxay fareysaa dalladaha Waxbarashada, maamuleyaasha Iskuullada iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha inay u hoggaamsamaan amarka xiridda goobaha Waxbarashada muddo labo todobaad ah oo ka bilaabaneysa 3-da Maarso 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Hoos ka akhriso qoraaladan oo dhameystiran

Maxkamadda sare ee dalka oo soo saartay go’aanno culus oo toban qodob ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano culus oo la xiriira xakameynta Coronavirus, si looga hortago fidis xanuunkan oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha dalka Soomaaliya.

Maxkamadda Sare ayaa shaaca ka qaaday in l a joojiyay dhammaan dacwadaha inta aan aheyn kuwa ciqaabta, illaa  inta lagu guda jiro cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa waxaa si gaar ah loogu socod-siiyay  hay’adaha Garsoorka dalka iyo laamaha amniga Soomaaliya.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo sa

Dhinaca kale warqaddan ayaa waxaa lagu shaaciyey inay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo saarayo go’aan kale oo rasmi ah.

Go’aanadan ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya ay horey usoo rogtay xayiraado lagu xakameynayo fidista cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus.

Halkan hoose ka aqriso:-

  1. Laga bilaabo 6.03.2021, waxa la hakiyey dhagaysiga, furashada iyo fulinta dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn illaa go’aan dambe.
  2. Waxa la furi doonaa lana dhagaysan doonaa dacwadaha ciqaabta ah oo kaliya inta uu go’aan kale ka soo baxayo dacwadaha aan ciqaabta ahayn.
  3. Dhammaan hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in ay guryahooda ku shaqeeyaan marka laga reebo hawl-wadeenada ay maalintaas dacwad ciqaab ahi u mudaynsan tahay, kuwa horgeynta leh iyo maamulka hay’adaha Garsoorka.
  4. Dhammaan garmaqalada maxkamaduhu waxay noqon doonaan kuwo dadweynaha ka xiran., waxaana la joojiyey ka qaybgalka dadweynaha ee dacwadaha inta lagu jiro xaalada xanuunka Covid-19.
  5. Maxkamaddaha, Xeer Ilaalinta, Qareenada, Saldhigyada Booliiska iyo Waaxda Dambi Baarista waxa la farayaa in ay xil iska saaraan in ay si taxadar leh u socodsiyaan dacwadaha ciqaabta ah iyagoo qaadaya talaabooyinka muhiimka u ah xakamaynta iyo ka hortagga faafida xanuunka Covid-19, dhawrayana bedqabka maxaabista iyo haw wadeenada.
  6. Garsooreyaasha waxa la farayaa in ay dacwadaha ku dhagaystaan qolalka loogu talogalay dhagaysiga dacwahada oo kaliya, kana dheeraadaan in ay xafiisyadooda dacwad ku dhagaystaan.
  7. Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Maxkamaddaha Rafcaanku waa in ay si joogto ah ula socdaan xaalada xabsiyada iyo maxaabiista.
  8. Ciidamada Asluubta waxa la farayaa in ay joojiyaan booqashada dadweynaha ee xabsiyada maxaabiista si looga fogaado in xanuunku xabsiyada ku faafo 9. Waxa la joojiyey kulamada tooska ah iyo tababarada.
  9. Wixii kulamo ah waxa loo adeegsan habka fogaan-araga.
  10. Hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in si buuxda ugu hogaansamaan awaamirta iyo talaaboyinka lagu xakamaynayo faafida xanuunka ee ka soo baxa Wasaaradaha Caafimaadka ee Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka

Wararkii ugu dambeeyey FASHIL mar kale ku yimid shirkii uu ku baaqay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii saddexaad uu fashil ku yimid shirkii wada-tashiga ee uu dhowaan iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaaho oo Muqdisho ka casuumay madax goboleedyada.

Shirkan oo lagu waday inuu furmo maanta oo Khamiis ah, kuna beegan afarta bisha March ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in waqti la siiyo shirka ra’iisul wasaaraha iyo musharaxiinta.

Sidoo kale waxaa dalka ka maqan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo haatan safar ku jooga gudaha wadanka Turkiga.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan fashilka ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaranka oo qurshuhu ahaa in looga hadlo doorashada.

Arrintan ayaa sii xoojineysa is jiid-jiidka weli ka jira doorashooyinka dalka ee 2021-ka ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, siiba Jubbaland & Puntland.

Si kastaba waa markii saddexaad ee uu baaqanayo shirkan, kadib wixii ka dambeeyey 8 February, oo ay dhamaatay mudo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xog: Cumar Filish oo kulan qarsoodi la qaatay guddi ku howlan dhismaha maamul uu yeesho gobalka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa toddobaadkaan xafiiskiisa ku qaabilay guddi siyaasiin ah oo ka socda Beelaha Hawiye, kuwaas oo ka socda guddi kale oo ku howlan dhismaha maamul uu yeesho gabalka Banaadir. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in guddoomiye Cumar Filish uu xubnahaan kala hadlay howsha ay wadaan iyagoo weydiiyay talooyin ku aadan dhismaha maamulkaas, sidoo kalane kala hadlay caqabadaha qaar ee ku horgudban dhismaha maamulkaan. 

Si rasmi ah looma oga socdaalka xubnahaan waxa uu salka ku haayo hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in kulanka dhaxmaray uu ahaa mid qarsoodi ah oo aysan waxba ka ogeyn madaxda kale ee dowladda Soomaaliya. 

“Waxaan u sheegnay in Muqdisho ay degan yihiin dadkiisa, ayna yihiin kuwa ugu dhiban Soomaaliya islamarkaana bixiya lacagta canshuurta ah ee xaqa loogu leeyahay, dhibaatooyin siyaasi ahna waa heestaan, xuquuqo badanna waa ka maqanyihiin dhamaan wixii aan kawada-hadalnay waa isku afgaranay,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii la kulmay guddoomiye Cumar Filish oo la hadlay Caasimada Online. 

Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa la aaminsan-yahay in xilkiisa ku waayay abaabulka dhismaha maamul gobaleed uu yeesho gobalka Banaadir lamana oga waxa uu ku muteysan karo Cumar Filish haddii uu sii wado kulamadaan. 

Bankiga Dhexe ee dalka oo saddex qodob kasoo saaray isticmaalka 50-ka dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray walaaca ay ganacsatada iyo bankiyada dalka ka muujiyeen qaadashada kontonka dollar ee Mareykanka ($50).

Bartamihii bishii hore ee February ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in suuqyada dalka la soo geliyay konton dollar oo been abuur ah, islamarkaana aanay qaban karin mashiinada lacagta. Ganacsatada iyo shirkadaha xawaaladaha ayaana iska diiday in ay qaataan nooc kasta oo ka mid ah kontonka dollar.

Warka ka soo baxay Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inaysan jirin sabab ay shacabka uga walaacaan isticmaalka kontonka dollar.

Halkan ka akhriso qoraalka Bankiga Dhexe

Sida la wada ogyahay isticmaalka lacagta Doolarka (USD) waxay door weyn ka qaadataa dhaqaalaha dalka. Waayadan danbe waxaa jiray warar sheegaya in bankiyada ganacsiga iyo xawaaladaha qaarkood ay joojiyeen isticmaalka lacagta 50ka Doolar gebi ahaanba. Arrintan oo ka dhalatay warar aan sugnayn oo lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayey inay suuqyada lacagta soo galeen lacago been-abuur ah oo konton-konton doolar ah (50 dollar notes).

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo ee la xiriira xasilloonida hab-maaliyadeedka dalka, wuxuu baaritaan qoto dheer ku sameeyey xogta la xiriirta lacagaas been abuurka ah ee la sheegay, isagoo xiriir la sameeyay Bankiyada gaarka loo leeyahay iyo xawaaladaha ka hawlgala dalka oo dhan.

Baaritaan ka dib, Bankiga Dhexe wuxuu maanta shir arrintan ku saabsan la yeeshay ururrada iyo madaxda bankiyada iyo xawaaladaha, waxaanna ka soo baxay qodobadan:

  1. Bankiga Dhexe wuxuu ku wargelineynaa dhamaan shacabka Soomaliyeed in aysan jirin sabab gaar ah oo    looga walaaco isticmaalka 50ka doolar iyo qeybaha kale ee lacagta doolarka toona.
  2. Bankiga Dhexe wuxuu farayaa dhamaan Bankiyadda, Xawaaladaha iyo Ganacsata kaleba in ay socodsiiyaan isticmaalka 50ka Doolar, si la mid ah lacagaha kale ee doolarka.
  3. Ugu dameyn, Bankiga Dhexe ku adkaynayaa xawaaladaha iyo bankiyada ganacsiga inay mar walba ka feejignaadaan iskuday kasta oo ku aaddan been-abuurka lacageed, nooca ay doonto ha’ahaatee. Ciddii qabata lacag been-abuur ah waa inay warbixin degdeg ah usoo gudbiso Bankiga Dhexe, si hay’adaha fulintu waajibaadkooda uga gutaan.

Wixii faah-faahin dheeraad ah waxaa lagala soo xiriiri karaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Dhamaad

Xog: Baaritaanka kiiska dilkii guddoomiyihii degmada HODAN oo la joojiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddigii loo saaray dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun ay joojiyeen baaritaankii ay wadeen kadib markii uu ka dhaqaaqi waayay shaqsiyaad saameyn weyn leh oo uu lugaha la galay.

Xubnaha guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay dhaqaaqi weysay kadib markii ay adkaatay in la sii wado baaritaanka sababo badan aawgeed.

“Hanjabaad, caga-jugleen, cabsi gelin ayaa la kulanay waxaa uuna dilka u muuqda mid aan ku dhicin si kam ah balse uu ahaa mid la qorsheeyey. Waxaa soo faro-geliyey ganacsato maal-qabeeno ah iyo xubno sare oo ka tirsan xafiisyada dowladda, waxaa aaminsanahay in dilkiisa ay la xariirtay arrimo dhul,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta ku howlan baaritaanka arrintaan oo la hadlay Caasimada Online.

Masuuliyiinta arintaan ku jira ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay la wadaageen culeysyada haysta balse aan ilaa hadda laga jawaabin codsiga ay gudbiyeen, taas oo fududeyn kartay in uu sii socda baaritaanka ay ku wadaan arintaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kamid ah dilka guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun u saartay guddi uu hogaaminayo Cabdullaahi Buula-kameey iyo masuuliyiin kale.

Hore ayey dowladda Soomaaliya guddiyo u saartay baaritaanka kiisas culus oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ugu dambeyn ku dhamaaday AF-DABOOLAN DAHAB, lama oga kiiskaana uu sidaas ku dhamaan doono.

Farmaajo, sida uu ciidanka ugu daabulay Gedo, ma ugu daabuli doonaa gargaar? 

Baardheere (Caasimada Online) – Maalin kasta diyaarado sida ciidan, gaadiid dagaal, hub iyo agabyo kale ayaa ka dagayay gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Kaliya dowladda Soomaaliya gobalkaan ma geynin ciidanka ee sidoo kale maamulka Jubaland ayaa meelo kamid ah geeyay ciidan iyo gaadiid dagaal. 

Dhowr bil kadib, shacabka gobalka Gedo maanta uma baahna ciidan ee waxay u baahan yihiin wax ay cunaan iyo wax ay cabaan oo deg deg ah. Degmooyinka qaar dhimasho ayaa laga soo sheegayaa kadib markii ay dadku waayeen wax ay cunaan iyo wax ay cabaan, qaar kale oo degmooyinka ka mid ah waxaa ka jiraxaalado bini-aadinimo oo aad u daran. 

Ilaa hadda gobalka Gedo ma helin wax gargaar ah waxaana la sheegayaa in boqolaal dollar la kala iibsanayo booyada biyaha ah, sidoo kale isgaarsiinta gobalkaas ayaa maqan, waxaana jaray Al-Shabaab. 

Degmooyinka ugu daran waa Baardheere iyo Ceelwaaq oo la xaqiijiyay geerada xoolo badan iyo dad ku dhow ilaa 5 qof. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu dadka ay intaas ka badan tahay. 

Maamulka Jubaland iyo Madaxweyne Farmaajo waxa uu gobalkaan mid kasta u yahay muhiim waana gobalka sababay in muddo dheer laga heshiin waayo doorashada Soomaaliya oo qodobada la isku haayo ay ugu weyn tahay arrinta gobalka Gedo.

Farmaajo waxa uu Soomaaliya oo dhan u xayiran una diidan yahay inay doorasho ka dhacda gobolkan dartiis, inkasta oo dadka qaar rumeysan yihiin in gobolka uu qiil ka dhiganayo, balse sababta uusan doorasho u ogoleyn ay tahay inuu doonayo inuu kursiga ku fadhiyo.

Iminka, shacabka Gobalka Gedo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hada is weydiinayaa, Madaxweyne Farmaajo sida uu ciidan ugu daabulay Gedo, gargaar deg deg ah ma ugu daabuli doonaa? 

Tahriibayaal ku la’day markii laga tuuray doon ka tegtay xeebaha dalka Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online)Tobaneeyo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen Arbacadii kadib markii ay tahriibiyeyaal ay ku tuureen badda Jabuuti, xilli ay kusii jeedeen Yemen, ayaga oo rajeynaya inay garaaan Sacuudi Carabiya, si ay shaqo uga helaan.

Doonta oo sidday 200 oo muhaajiriin ah ayaa ka tagtay xeebta Oulebi ee Jabuuti, 2:00 am, sida ay sheegtay Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM.

Hase yeeshee dad ka bad-baaday dhacdadan ayaa sheegay in saacad kadib markii ay doonta baxday, ay tahriibiyayaashu go’aamiyeen in doonta uu culeyska ka batay, ayna ka tuureen 80 qof, sida ay sheegtay Ndege.

Waxa ay ku warrantay in illaa iyo hadda la helay meydadka shan qof.
Dadka inta badan ku harqama xeebaha Jabuuti, ayaa ka yimaada dalalka Soomaaliya ama Ethiopia, ayaga oo isku dayaya inay ka baxsadaan saboolnimada ka jirta dalalkooda, islamarkaana shaqooyin ka raadinaya dalalka Sacuudi Carabiya ama Imaaraadka Carabta.

Qaarkood ayaa marka ay gaaraan Yemen ku xannibma, kadib marka ay ku guul-darreystaan inay u gudbaan xuduudda Sacuudiga, waxayna kadib mararka qaar badda ku harqamaan ayaga oo isku dayaya inay dalalkooda kusoo laabtaan.

REUTERS + VOA

Rooble oo markii 3-aad la kulmaya Musharraxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in markale maanta uu la kulmo xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka ee sida ay weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Kulankan oo noqonayaa kii saddexaad ayaa qorshuhu yahay in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii ay dhawaan gaareen labada dhinac, si horey loogu sii amba-qaado wada-hadallada.

Sidoo kale kulanka dhex-mari doono ra’iisul wasaaraha iyo mucaaradka ayaa la filayaa in lagu soo qaado waxyaabaah kasoo kordhay baaritanka dhacdadii 19-kii Bishii Febaraayo.

Waxaa sidoo kale shirka inta uu socdo looga hadli doonaan abaabulka dibad-baxa ay wadaan musharraxiinta ee Sabtida dhacaya, kaas oo ay ogolaatay xukuumadda.

Si kastaba maalmihii dambe ayaa waxaa soconayey wada-hadallo u dhexeeyey ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya & musharraxiinta, kuwaas oo is afgarad kusoo dhamaaday.

Gabar lagu dilay Soomaaliya oo loogu magac daray iskuul ku yaalla Canada 

0

Toronto (Caasimada Online) – Iskuul dugsi sare ah oo ku yaalla wadanka Canada ayaa loogu magac daray Hodan Neeleeye oo ah gabar Soomaali ah, samafale aheyd oo wakhti badan ku nooleed dalka Canada, balse weerar ka dhacay magaalada Kismaayo bishii July 2019-kii ku geeriyootay.

Weerarkaas waxaa sheegtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha, waxeyna gabadhaas ka mid noqotay boqolaal haldoor oo ku naf waayay dhibaatooyinka gudaha Soomaaliya ka jira.

Dugsi la oran jiray Vaughan Secondary School aya loogu magac daray, waana magaaladii ay ku nooleed ee Vaughan ee dhacda gobolka Ontario.

Habeenimadii talaadada aheyd ayey guddiga tacliinta qaateen kulan, waxeyna gaareen xarunta waxbarasho ee loogu magac daray Hodan Naaleeye sida lagu baahiyay warbaahinta SBC News.

Si kastaba dadka madowga ah ee heysta dhalashada Canada ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday dowladda Canada, iyadoo agaasimaha fulinta ururka ay ku mideysan yahiin African  Canadian-ka oo lagu magacaabo Shernett Martin ay soo dhaweysay tallaabadaan.

Waxeyna war qoraal ah oo kasoo baxay ku tiri: “Dhaxalkeeda waa mid sii jiri doona iyo farxadda cidda ay ahayd iyo waxa ay u istaagtay ayaa dib ugu soo laaban doona wadiiqooyinka iyo fasallada dugsigan sare waligeena ma ilaawi doonno nafhurnimadda ay Hodan samaysay. Waxaan u dabaaldageynaa in haweeney xjibaab oo madoow isla markaana muslim ah uu magaceeda ka dul-dabanayo Dugsiga magaaladeena”

Qoyska Hodan oo soo saarey war-saxaafadeed ayaa ka mahadceliyey talaabaddan, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay u noqon doonto dhiiragelin ay kusii xijiyaan “dhaxalka wanaagsan oo ay ka tagtey”.

Hodan waxaa la dhintay seygeeda Fariid Jaamac Suleymaan uu ku wehliyey dadka lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Cascasey isla markaana waqtigii ay dhimaneysay ahayd xaamilo ama mid uur leh.

Waxey aheyd gabar muuqaal baahiyaha kusoo gudbisa waxyaabaha wanaagsan ee Soomaaliya isla markaana safari ku tagtay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo warbixino ka sameysay dadka qurbaha ku nool ee Soomaaliyeed.

DF oo war cusub kasoo saartay dibad-baxa Sabtida kadib markii mucaaradka ay diideen soo jeedinteeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa lagu shaaciyey in dowladdu ay mucaaradka ka dalbatay in banaanbaxa u qorsheysan lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow oo laga waareejiyo fagaaraha Daljirka, balse ay ka biya diideen soo jeedintaas.

Xukuumaddu waxay ku sheegtay qoraalkaan in dalabkaas ay uga gollaheyd in la helo fursad lagu xaqiiji karo habraacyada xakamaynta COVID-19, laakiin hadda ay ogolaatay markii mucaaradku ku adkaystay fagaaraha tallada Daljirka Dahsoon.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa intaas ku sii daray, “Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.”

Ugu dambayntii xukuumadda xil-gaarsiintu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadka, inay dibadbaxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha.

Warkaan ka soo baxay xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan ay Caasimada Online baahisay xogta shir natiijo la’aanta ku soo dhamaaday oo maanta ay isugu yimaadeen guddiga labada dhinac ee loo xilsaaray qaban-qaabada banaanbaxaas.

Shirkii maanta oo ahaa kii ugu horeeyey guddigan uu yeesho ayaa lagu kala tegay, kadib markii garabka metelaya dowladda uu soo jeediyey in banaanbaxa laga bedelo taallada Daljirka Daahsoon, halka garabka mucaaradkuna uu ku adkeysta Daljirka.

Hadda sida ku cad qoraalkan dowladdu waxay u ogolaatay mucaaradka in fagaaraha Daljirka ay ku qabsadaan banaanbaxa , kaas oo qorshuhu yahay inuu dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishan.

Kulankii guddiga qaban-qaabada dibad-baxa Sabtida oo fashil ku dhamaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii loo xil-saaray qaban qaabada bannaanbixii ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa maanta kulankii ugu horey ku yeeshay hotelka Decale oo markii hore lagu gaaray heshiiskaan, waxuuna kulankaas ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Xog ay Caaimada Online ka heshay shirkii maanta dhexmaray xubnaha guddiga ayaa sheegaysa in garabkii ka socda dowladda ay soo jeediyeen in goobta bannaanbaxa lagu qabanayo laga bedelo fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon.

Hase yeeshee xubnaha guddigaas ee ka socday Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray soo jeedanta ah in goobta bannaanbaxa laga bedelo Daljirka, iyagoo ku dooday in waqti lagu bedelo goobta aysan heysay oo mudo dheer ay dadka ku balaminayeen halkaas.

Xogta aan helnay waxay tilmaameysaa in shirkii maanta lagu soo kala tegay iyadoo aan lagu gaarin wax heshiis ah, maadaama guddigu ku kala qeybsamay dalabka dowladda oo ah in la badelo goobta lagu qabanayo banaanbaxa.

Xubnaha shirka joogay ee guddiga labada dhinac ayaa kala ahaa:

1- Wasiirka Amniga Xasan Xundubey
2- Duqa Muqdisho Cumar Filish
3- Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur
3- Musharax Mustafa Dhuxulow

Musharax Daahir Geele iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa ka maqnaa xubnihii maanta kulmay ee guddiga qaban qaabada banaanbaxa looga soo hor jeedo madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.

Banaanbaxa ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishan, balse waxaa soo baxaya shaki ku saabsan sida uu banaanbaxaan u qabsoomi karo.

Labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka oo markii hore ku heshiisyey in si nabad ah loo qabto banaanbaxaas ayaa hadda ku kala qeybsamay goobta lagu qabanayo banaanbaxa.

Dowladda ayaa damacsan in laga badelo taaladda Daljirka, halka mucaaradku uu ku adkeysanayo in banaanbaxaas ay kuqabsanayaan fagaaraha Daljirka oo markii hore loo diiday, waxaana maalinkii loo qorsheeyey ka harta laba maalmood.

 

Sawirro: Farmaajo oo kulan ku qabtay VILLA SOMALIA, fariinna u diray shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kulan gaar ah la qaatay guddiga Qaran ee xakameynta cudurka COVID-19 iyo xubno ka socday bulshada rayidka, waxuuna ka dhageystay warbixino ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Wasiirka Caafimaadka xukumadda xil-gaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Madaxweynaha u soo bandhigtay warbixin muujinaysa kororka tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tiro kale oo badan oo dhimasho ah.

Wasiir Fowziya ayaa bulshada ku adkeysay inay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan oo ku soo laba kacleeyey dalka.

“Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.”

Ugu dambeytii Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaqaale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19, waxuuna ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadkooda u turaan wakhtigan adag.

24-kii saac ee u dambaysay waxaa dalka laga diiwaan geliyey 209-kiis oo Coronavirus ah, kuwaas 181 ka mid ah ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, halka 28-ka kale laga diiwaan geliyey Somaliland.

Sidoo kale 11 qof ayaa u geeriyootay cudurkaas 24-kii saac ee u dambeysay, halka 21 qof oo kale ay ka soo bogsadeen, sida lagu shaaciyey qoraal goordhaw ka soo baxay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka.