27.1 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Sawirro: Farmaajo oo kulan ku qabtay VILLA SOMALIA, fariinna u diray shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kulan gaar ah la qaatay guddiga Qaran ee xakameynta cudurka COVID-19 iyo xubno ka socday bulshada rayidka, waxuuna ka dhageystay warbixino ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Wasiirka Caafimaadka xukumadda xil-gaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Madaxweynaha u soo bandhigtay warbixin muujinaysa kororka tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tiro kale oo badan oo dhimasho ah.

Wasiir Fowziya ayaa bulshada ku adkeysay inay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan oo ku soo laba kacleeyey dalka.

“Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.”

Ugu dambeytii Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaqaale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19, waxuuna ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadkooda u turaan wakhtigan adag.

24-kii saac ee u dambaysay waxaa dalka laga diiwaan geliyey 209-kiis oo Coronavirus ah, kuwaas 181 ka mid ah ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, halka 28-ka kale laga diiwaan geliyey Somaliland.

Sidoo kale 11 qof ayaa u geeriyootay cudurkaas 24-kii saac ee u dambeysay, halka 21 qof oo kale ay ka soo bogsadeen, sida lagu shaaciyey qoraal goordhaw ka soo baxay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka.

Farmaajo oo bil gudaheed saddex guul darro oo siyaasadeed la kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida muuqato waxaa markii 3-aad baaqanaya shirkii uu iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo looga hadli lahaa muranka la xariira doorashada Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal laga soo saaray xafiiskiisa waxaa lagu iclaamiyay shirka dowladda iyo maamul gobaleedyada muddo saddex jeer ah, waxaana ugu dambeeyay kii habeen hore oo ahaa in la isugu yimaado 4-ta bishaan oo berri ku beegan. 

Shirarka kale ee iclaamiyay Farmaajo ayaa ka kala dhici lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe, waxayna labadooda u qabsoomi waayeen kadib markii ay diideen maamulada Puntland iyo Jubaland.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa xalay qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay soo dhaweynayaan shir walba oo looga hadlayo xal u helida arrimaha ka taagan doorashada Soomaaliya balse aysan ka qeyb galeyn shir lagu qabtay meel aan ammaan aheyn. 

Tani ayaa ka dhigan in markii 3-aad uu wajahayo guul darro culus taas oo si weyn hoos ugu dhigtay sumcaddiisa. Arrintaan kaliya Farmaajo kuma ahan guul darro ee waxay culeys weyn ku tahay qaranka.

“Waa guul darro weyn oo uu dhabarka u radinayo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, sidoo kale waxay ceeb ku tahay qaranka waxaana la gudboon in uu caqliga shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed. 

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxayna dhowr jeer ku baaqeen in shirka lagu qabto meel amaan ah, waxaana muuqato in Madaxweyne Farmaajo uu ka dhaga adeegayo talo soo jeedinta labadaas maamul. 

Guul-darrooyinka Farmaajo ayaa waxaa ugu wacan inuu mar kasta ku dhowaaqo shirar uusan markii hore ka talo-gelin ama uusan aqbalaaddooda kasoo helin dadka u uku casuumayo, taasi oo aan la garaneyn sababta uu u sameynayo.

Heshiiska 17-kii September oo wajahaya saddex caqabad

0

Muqdisho (Caasimadda Online) Heshiiska 17-kii September 2020 dhexmaray dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah waa udub dhexaadka heshiis doorasho loo dhan yahay oo dalka ka hirgala sidey ku celceliyeen Beesha caalamka, balse waxaa jira caqabado badan oo ku xeeran heshiiskaas lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Caqabadaha shirkaas kasoo laabtay waa kuwa diiday in la hirgaliyo hanaan doorasho iyo in si hanaan hufan ah looga gudbo marxaladda kala guurka ah ee dalka uu ku sugan yahay, in heshiis laga gaaro xaaladaha cakiran ee dalka ayaana hadda maraya heer ay Beesha caalamka ku qasbanaatay si muuqata iney usoo faragaliso hawlaha la isugu keenayo dadka ku kala aragtida duwan hab-sami u socodka marxaladaan.

Shan caqabadood ayaa la aaminsan yahay iney ku xeeran yahiin hirgalinta heshiiska 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho, saddex ka mid ah waa kuwa soo jiitamayay halka laba qodob ay timid kadib dhamaadka muddo xileedka xukuumadda iyo dhaqanka bilahii ugu dambeeyay.

KURAASTA SOMALILAND:

Dowladda muddo xileedka dhamaaday ayaa soo faragalisay arrinta kuraasta gobollada Waqooyi (Somaliland), sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaana lagu eedeeyaa inuusan ku xushmeyn Cabdi Xaashi oo ah gudoomiyaha aqalka sare, isla markaana ah qofka ugu sarreeya ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi inuu u daayo soo xulista, waxaana ka dhashay dood aan ilaa iyo hadda lagu heshiin iyadoo Villa Soomaaliya ay arinkaan u wakiilatay Mahdi Guuleed oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil heynta.

GOBOLKA GEDO:

Maadaama heshiiska doorashada ee 17-kii September la gaaray ay aheyd in laba meelood maamul walba uu doorashada ku qabto, Gedo-na ay ka mid noqoneyso goobaha laga rabo in Jubbaland ay doorashada ku qabato, halkaas waxaa kasoo laabtay dood badan maadaama ay dowladda muddo xileedkeeda dhamaaday ciidamo ku daabushay gobolka Gedo. Heshiisyo badan oo laga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka waxey u burbureen arrinta gobolka Gedo iyadoo maamulka Jubbaland ay doonayaan iney maamulaan sida ay maamullada kale u maamuli doonaan goobaha doorashooyinka.

Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa isku haya, iyadoo guddigii farsamada ee Baydhaba ku shiray la sheegay in arintaas is faham ay ka gaareen, balse waa caqabadda ugu weyn ee ku xeeran doorashooyinka.

GUDDIGA DOORASHADA:

Guddiga doorashada oo ay dowladdu magacowday waa lagu muransan yahay, waxaana la sheegay iney ku jiraan xubno daacad u ah taliska FARMAAJO, taliyayaal ka tirsan hay’adda nabadsugidda qaranka iyo shaqaale ka tirsan xukuumada uu wakhtigeeda dhamaaday.

Midowga musharaxiinta iyo laba ka mid ah maamullada Federaalka ayaa ka hor yimid kuwaas oo wali saluugsan habka loo xulay guddigaas, waxaana shaki la galiyay sida ay u qaban karaan doorasho loo siman yahay.

Dhanka kale waxaa jira laba qodob oo yimid kadib 8-dii February 2021, markii uu dhamaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Maadaama uu muddo xileedka ka dhamaaday madaxweynaha Soomaaliya, ma gaari karo go’aanno masiiri ah, taasna waxey la macno tahay in saamileyda siyaasadda ay ku biirto miiska wadahadalka.

Baarlamaanka wuxuu muddo xileedkiisa dhamaaday 27-kii December, sidaas darteed golaha sharci dajinta wey sii joogayaan ilaa kuwii badali lahaa yimaado, balse madaxweynaha xaq uma lahan inuu kursiga kusii fadhiyo.

Sidoo kale qodobka ugu dambeeya wuxuu yahay iney luntay kalsoonidii lagu qabay dowladda maadaama lagu tuhunsan yahay in taliska jooga ay doonayaan muddo kororsi ama in xoog lagu maamulo wadanka, waxaana jirta in ciidamo loo adeegsaday dibad bax nabadeed oo la diiday, sidoo kalana siyaasiyiin, xildhibaano iyo musharaxiin lagu rasaaseeyay caasimdda.

Xog: Internet-ka oo laga jaray afar gobol oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya

Baydhaba (Caasimada Online) – Muddo ku dhow toddobaad waxaa uu qadka Internet-ka ka maqanyahay guud ahaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobalka Gedo oo dhamaantood ku yaalla Koonfurta Soomaaliya. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay jareen guud ahaan Internet-ka goballadaas lamana oga sababta keentay in amarkaas ay soo saaraan Al-Shabaab. 

Xubno ka mid ah maamullada gobalada iyo degmooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay in guud ahaan qadka ka maqanyahay islamarkaana ay Al-Shabaab jareen iyagoo amar dul dhigay shirkadaha bixiya Internet-ka ee gobaladaas. 

Al-Shabaab ma aysan faah faahin sababta ay u soo saareen amarkaan, sidoo kale maamullada shirkadaha ma aysan bixin faah-faahin ku aadan waxa ay isku haayaan iyaga iyo Al-Shabaab. 

Waqti adag ayey oo ay abaaro xoog leh ka jiraan aagaas ayey Al-Shabaab qadka gooyeen waxa uuna saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan degaanada maamuladaas. 

Xiriiro aan la sameynay shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya Internet-ka ayaa sheegay in adeegyada kale ay fiicanyihiin sida wicitaanka mobilka iyo adeegyada kale ee lacagaha la isugu diro. 

Gaari loo rasaaseeyay aano qabiil iyo khasaare nafeed oo ka dhashay (Warbixin)

0

Cadaado (Caasimadda Online) Maleeshiyo hubeysan ayaa gaari ku rasaaseeyay deegaan hoos taga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhashay khasaaro xoog leh.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in gaariga la rasaaseeyay uu waday jaad, iyadoo laba qof ay ku dhimatay halka qof kalana uu dhaawac kasoo gaaray.

Wararka laga helayo deegaanka waxey sidoo kale sheegayaan in weerarka gaarigaan loo geystay ay ka dambeysay aano qabiil, iyadoo ay xusid mudan tahay in muddooyinkii ugu dambeeyay deegaanada gobolka Galgaduud ay ka jirtay arintaan.

Xiisadda aanada qabiil ee sababtay in gaariga la weeraro ayaa wali ka taagan deegaanka Mirocowleed ee hoos taga Cadaado.

Sanadahii ugu dambeeyay dilalka aanooyinka qabiil iyo dagaal beeleedyada aad ayey ugu bateen gobolka Galgaduud, inkastoo ay jireen dadaalo kasoo horjeeda oo lagu xalinayay dhibaatooyinkaas.

DF oo laba shuruud ku xirtay dibad-baxa mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dibad-baxa mucaaradka ee la qorsheynayo inuu Sabtida ka dhaco magaalada Muqidisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxa lagu heshiiyey uu dhacayo, balse lagu xiray labo shuruud oo kala ah in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan af-xirka, si looga hortago faafista cudurka faafa ee Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey.

“Dibadbaxa lasoo codsaday oo ah kii laga heshiiyay xaley…labo shurudood oo kaliya ah ayaa ku xiran oo qabanqaabiyeyaashii dibadbaxu ay horey u sheegeen labadaa qodob inay diyaar u yihiin waa marka koowaad ee in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday,” ayuu yiri wasiir Cismaan Abuukar Duube.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo awaamiirta dowladda ee lagu xakameynayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo xukuumadda Soomaaliya & Midowga Musharraxiinta ay heshiis ka gaareen arrinta dibad-baxa, kadib wada-hadallo ka dhacay hoteelka Decale.

Si kastaba dibad-baxan oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo kala guur ah.

Xasan Sheekh oo sheegay 2 arriin oo Farmaajo ‘uusan xaq lahayn inuu sii wado’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacay in madaxweynaha uusan noqon karin xil-gaarsiiye, sida xukuumadda oo kale, wuxuuna tilmaamay inuu ka dhammaaday waqtiga xil-heynta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan xaq u laheyn inuu sii wado howlaha amniga iyo doorashooyinka, maadaama uu isaguna yahay musharrax.

“Madaxweynaha waqtiga waxa uu ka dhammaaday marka uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax, meel aan ku iri ma jirto iyo waxbaa laga sheeeg-sheega balse waad taqaaniin oo hadda kahor waan sheegay sida ruuxaanta ayuu dadka uga dhex hadlaa Madaxweynahu, xaqna uma lahan in uu sii wado howlaha Amniga iyo Doorashada,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu dhacayo dibad-baxa abaabulayaan musharraxiinta, islamarkaana uu qabsoomayo Sabtida.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay dowladadda federaalka ah ee Soomaliya inay carqaladeydos dibad-baxaasi, si loo baajiyo ama loo fashiliyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ra’iisul wasaaraha iyo mucaaradka ay maalin ka hore heshiis ka gaareen arrinta dibad-baxa, kadib wada-hadallo ka dhacay Hotel Decale.

Farmaajo oo buriyey qodob ay ku heshiiyeen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa durba soo ifbaxay su’aalo ku aadan inta uu la egyahay xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee xil gaarsiita Maxamed Xuseen Rooble, kadib warqadii habeen hore ka soo baxday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warqaddaas ku Iclaamiyay shir u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, kaas oo lagu saxiixayo heshiiska laga gaaray muranka doorashada Soomaaliya ee Baydhaba.

Qoraalka Farmaajo ayaa burinaya qodob ka mid ah 6-dii qodob oo ay ku heshiiyeen Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta ee Madaxweynaha Soomaaliya, heshiiskaas oo dhacay 25-kii bishii Febraayo.

Qodobka uu Madaxweyne Farmaajo jebiyay ee ku jira heshiiskii mucaaradka iyo Xukuumada ayaa ahaa, in mucaaradka oo kamid ah saamileyda siyaasada ay kamid noqdaan shirarka iyo go’aanada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada dalka iyo marxalada kala-guurka ah.

Mucaaradka oo dareensan xajmiga warqadda Farmaajo iyo sida loogu wiiqay rajadooda aheyd ka qeyb-galka shirarka lagu gaaray go’aanada siyaasadeed ee dalka ayaa qoraal ay soo saareen shalay ku yiri “Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.”

Dad badan ayaa is weydiinaya, ma waxaa iska warqabin ama khilaaf u dhaxeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halka qaar kale ay qabaan su’aal ah, heshiiska mucaaradka iyo xukuumadu gaareen ma waxa uu ahaa dabin siyaasadeed ama shirqool loo maleegay mucaraadka, kaas oo ay soo abaabuleen Rooble iyo Farmaajo? 

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay shir deg deg ah oo ay ku yeesheen hotel Jaziira waxay ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo xagal daacinayo heshiiska xukuumada iyo mucaaradku ku gaareen Muqdisho.  

Villa Somalia oo jawaab ka bixisay eedeynta loo jeediyey shirka Farmaajo iclaamiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeynta la xariirta in shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada lagu xalag-daacinayo shirarka iyo wadahadallada u socda midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Afhayeenka Villa Somalia Cabdirashiid Xaashi oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in u jeedkoodu uusan aheyn carqaladeyn shir kale, balse arrimahani ay yihiin kuwo iskaabaya oo labada shirba ay muhiim u yihiin howlaga socda.

“Hadii madaxda maamul goboleedyadu ay yimaadaan Muqdisho uma maleynayo in taasi ay caqabad ku noqoneyso wadahadallada xukuumaddu ay la furtay mucaaradka inay sii socdaan, waxaana is leeyahay waa fursad lagu wada wajihi karo hanaanka doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu awood booxda u leeyahay in cid kasta uu kala fariisto tabashada ay qabto, isla markaana aysan jirin cid carqaladeyn karta shirarka uu hoggaaminayo.

Mar wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan madaxweynaha hadii shirkan uu baaqdo sidii kuwii hore, waxuu ku jawaabay in marnaba uusan madaxweyne Farmaajo ka daaleyn dadaalka uu ugu jiro in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida uu sheegay.

“Mar hadii la xaliyey waxyaabihii lagu kala duwanaa oo madaxweynuhu tanaasul xoog leh sameeyey, si loo qanciyo walaalaha kale, waxaan aad ugu raja weynahay in shirka 4-ta bishan ay ka soo qeyb geli doonaan madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Maxkamadda ciidamada Puntland oo xukun ku riday wariye ay caddeyn u weysay

0

Garowe (Caasimadda Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xukun ku riday wariye Kilwa Aadan Faarax oo muddo u xirnaa laamaha ammaanka maamulkaas.

28-kii December sanadkii hore ayaa wariyaha la xiray, waxaana lagu xakumay saddex bilood oo xarig ah iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in la waayay wax caddeynaya dambiyada lagu soo eedeeyay.

Wariyahaan waxaa lagu soo eedeeyay inuu duubay muuqaal ku saabsan sawirka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la jeex-jeexayo.

Sida la sheegay xukunkii ay maxkamadda ku riday ee saddexda bilood waxaa kaga haray kaliya saddex maalmood maadaama tirinta maalmaha laga soo bilaabayo maalintii la xiray.

Maxkamadaynta wariyaha waxaa goob joog ka ahaa Maxda Ururka Warbaahinta Puntland, Gudoomiyaha Xuququl Aadanaha Puntland iyo qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Garoowe, waxeyna ka dhacday Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu sheegay in wariyaha uu yahay dambiile, isla markaana maxkamadda ay xukun kasoo saari doonto.

Wariyaha wuxuu baahiyay muuqaalka dad ka banaanbaxayay sicir barar ka dhacay Garowe oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay qoraalkii Farmaajo, shaacisayna goobta ay dooneyso in lagu shiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland ayaa jawaab kulul ka bixisay qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada.

Puntland ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku tiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Puntland ayaa taa beddelkeed sheegtay inay taageereyso dadaallada ay wadaan rai’iisul wasaaraha xilka sii haya iyo Midowga Musharaxiinta.

“Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland waxay kale oo sheegtay inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. 

“Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Maxay tahay tallaabada ay qaaday Ilhan Cumar ee ka horkeeni karto Joe Biden?

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka wadanka Maraykanka ayaa qaaday tallaabo culus oo ka hor-keeni karto madaxweynaha dalkaasi, Joe Biden iyo xittaa afhayeenka golaha aqalka wakiillada, Nancy Pelosi.

Ilhan ayaa shaacisay inay dooneyso in cunaqabaten lagu soo rogo dhaxal-sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, iyada oo diyaarisay hindise sharciyeed la xiriira arrintaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in hindise sharciyeedkan uu tijaabo u yahay dareenka bani’aadannimo ee dadka iyo dalka Maraykanka.

“Haddii Maraykanka uu si dhab ah u taageero xorriyada hadalka, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, ma jirto sabab aan cunaqabateyn loo saarin Maxamed bin Salman oo ay sirdoonkeenu sheegeen inuu oggolaaday dilka weriye Jamal Khashoggi,” ayey tiri.

Qorshaha ay wado Ilhan Cumar iyo tallaabada ay qaaday ayaa ah mid ka horkeeni karo madaxweyne Joe Biden iyo afhayeenka aqalka wakiillada, Nancy Pelosi, kuwaas oo aan horey uga hadlin sida laga yeelayo arrinta dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.

Si kastaba sirdoonka Mareynkanka ayaa todobaadkii hore baahiyey warbixin lagu sheegay in Maxmaed Bin Salman uu amray dilka Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dilay Turkiga.

Axmed Madoobe oo qoraal uu soo saaray laba shardi ku xiray shirka doorashada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitterka waxuu ku shaaciyey mowqifkiisa ku aadan shir kale oo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay isugu yimaadan, waxuuna ku xiray laba sharuudood.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay ka qeyb galka shir ka dhaca meel ammaankeeda lagu kalsoonaa karo iyo in gundhigga shirkaas uu ahaado heshiiskii ay madaxdu gaareen 17-kii September.

Sidoo kale qoraalkan oo lagu baahiyey barta twitterka ee madaxweyna Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyey oo lagu bogaadiyey wadahadallada ra’iisul wasaare Rooble iyo midowga musharaxiinta.

“Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna  yahay heshiiskii Sep17,” ayaa lagu yiri qoraalka maadxweynaha Jubbaland.

Qoraalkan Axmed Madoobe waxuu ku soo aadayaa iyadoo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu iclaamiyey shir madaxda dowlad goboleedyada uu uga dalbaday inay Muqdisho isugu yimadaan 4-ta bishan.

Hase yeeshe horay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa u soo jeediyey dalab ah in shirkaas lagu qabto goob ammaankeedu ka madax banaanyahay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, dalabkaas oo sida muuqata aan weli la xalin.

Al-Shabaab oo shan qof ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib + Magacyada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fagaare ku yaalla degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay shan nin oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya Mareykanka.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Raggga la toogtay oo uu ku jiray Oday 63-sano jir ah ayaa waxaa si gaar ah loogu eedeeyey inay la shaqeeynayeen sirdoonka Mareykanka ee CID-da.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in raggan qaarkood la qabtay, iyaga oo hagaya diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya.

Shaqsiyaadka toogasha lagu fuliyey ayaa kala ah:- 1: Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay in uu wada-shaqeyn la lahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, 2: Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, 3: Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay  Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, 4: Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, 5: Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu dilay magaalada Beledweyn

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo ay xalay kooxo burcad ah ka geysteen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa halkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magcaabi jiray Cabdishakuur Maxamed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ragga burcadda ah ay dilka marxuumka u adeegsadeen Mindi, iyaga kadib ku baxsaday mooto ay wateen.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliya.

Cabdishakuur ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, balse wuxuu ku dhintay isbitaalka, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadka ee Beledweyne.

Kooxda fulisay dilkan oo haatan lagu raad-joogo ayaa dooneysay inay dhac u geysato marxuumka, balse muran kadib waxa ay tooreeyeen wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, sida dilalka qorsheysan & dhac xilliyada habeenkii ah.

DF oo soo saartay amarro culus oo la xiriira COVID-19, joojisayna waxyaabo badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa soo saartay amarro la xariira cudurka Coronavirus, waxaana hakad la geliyey mudo laba todobaad ah goobaha waxbarashada dalka, sida jaamacadaha iyo iskuullada.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in wixii Arbacada berri ka dambeeya la dhimi doono isu socodka caasimadda iyo gobollada dalka.

Sidoo kale waxaa ku jira go’aanadaan cusub in la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda, kuwaas oo wasiirku sheegay in xaafdahooda ay ka soo shaqeyn doonaan.

Sidoo kale wasiir Dubbe waxa uu sheegay in mudo 30-cisho ah la mamnuucay xafladaha, aroosyada iyo goobaha caweyska ee dadka badan ay isugu yimaadaan.

Gaadiidleyda ayaa lagula dardaarmay inay shaqeystaan, laakiin aad u feejignaadaan, isla markaana dhowraan nadaafadda, sidoo kale guud ahaan dadka waxaa waajib looga dhigay inay xirtaan afka oo faraxalka joogteeyaan.

Hoos ka Daawo

Cumar Filish oo ka hadlay dibad-baxa mucaaradka ay Muqdisho ka dhigayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay banaanbaxa maalinka Sabtida ah ee soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo mucaaradku uu soo abaabulayo.

Duqa Muqdisho oo wareysi siiyey VOA ayaa wax laga weydiiyey sida maamulka gobolka Banaadir uu isku mar u marti geli karo banaanbax dowladda looga soo hor jeedo iyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Waxuu sheegay inay awoodaan inay isku mar maareeyaan banaanbaxa iyo shirka uu iclamiyey madaxweyne Farmaajo

Cumar Filish ayaa sheegay in rabitaankooda uusan ku imaan banaanbaxaas, balse ay ku qasbanyihiin inay sugaan ammaanka, si dhib la’aan ay ugu soo dhamaato howshu.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaan mucaaradka kala hadleynay arrinta banaanbaxa, laakiin way ku adkeysteen, anagu waxaan u sheegnay in banaanbax nabadeed aanaa diidaneyn, balse amiga iyo caafimaadka ay caqabado ka jiraan,” ayuu yiri Cumar Filish.

Waxa uu sheegay in wadaxaajood dheer kadib ay isla qaateen iyaga iyo musharaxiinta, in rabitaankooda loo fuliyo, iyadoo taxadar laga muujinaayo dhinacyada amiga iyo caafimaadka.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay uga qeyb qaadanayaan banaanbax dowladda looga soo hor jeedo, waxa uu sheegayin banaanbaxu uu yahay rabitaanka mucaaradka, balse iyaga ay mas’uuliyadi ka saran tahay ammaanka.

Mar wax laga weydiiyey sida ay ku suurta geleyso in magaalada lagu wada qabto banaanbaxa mucaaradka iyo shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo ee dowlad goboleedyada, ayuu sheegay in waxaba aysan iska quseyn oo la isku reed wadi karo.

“Sida ugu fudud oo dhibaatadu ku yaraa karto iyagana rabitaankooda uu ugu fuli karo ayaan u maareyn doonaa howshaas, mida kale madaxweynuhu waa marti qaaday dowlad goboleedyada oo waa imaanayaan, wax is khuseeyana maaha, sidii caadiga aheydna waa shir dad lambar kooban ah ay isku arkayaan, wax kastana si taxadar leh ayey ku dhici doonaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cumar Filish.

Hoos ka dhageyso wareysiga

3 qodob oo mugdi gelinaya qabsoomidda SHIRKA uu FARMAAJO ku dhowaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa talaadadii markii saddexaad muddeeyey shir isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada isugu yimaadaan oo ka dhaco Muqdisho.

Shirkan sida qorshuhu yahay dhacaya khamiista ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiis guddiga farsamo ee Baydhabo kasoo saareen February 16. Hase yeeshee waxaa jira afar qodob oo mugdi gelinaya qabsoomidda shirkaas, oo kala ah:-

1- Warar xog ogaal ah oo laga helay saraakiisha sare ee Puntland iyo Jubaland ayaa sheegaya in Farmaajo aanu muddeynta shirka Khamiista kala tashan labadaasi maamul, ayna usoo soco Muqdisho, ilala laga fuliyo shuruudihii ay horey ugu xireen la-kulanka Farmaajo ee mustaqbalka.

2- Shirkan uu Farmaajo ku baaqay waxaa uu ka hor-imanaya qorshe ay beesha caalamku wadday oo ah in lagu qabto Xalane, taasi oo ay dhinacyada ku qanacsan yihiin, sidoo kalena la rumeysan yahay inay doonayaan Puntland iyo Jubaland. Qoraalkii ay beesha caalamka maanta soo saartay, marnaba kuma xusin beesha caalamka shirkan, taasi oo ka duwan sidii ay horey u sameyn jirtay, waxayna ku gaabsatay kaliya in kulan la isugu yimaado.

3- Shirka Farmaajo iclaamiyey, waxaa uu dharbaaxo ku yahay, shir kale oo khamiista ku balansanaayeen ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo musharaxiinta, loogana hadlayey kasoo qeybgalka shirkaas ama korjoogte iney ka noqdaan shirka doorashada saamileysa gaar ahaan guddiga matalaya musharaxiinta, wayna adkaan doonta in shirkan uu isla maalinkaas qabsoomo. Shirkan waxaa uu sidoo kale Farmaajo kusoo aadiyey laba maalin kahor dibadbaxa looga soo horjeedo ee la qorsheeyey inuu dhaco sabtida soo socota, si bannaanbaxa u dhaco xilli dalku doorasho aaday.

Xildhibaan ka tirsanaa BF oo Muqdisho ku geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble oo ku magac dheeraa Xildhibaan ‘Casoowe’.

Xildhibaan Casoowe ayaa ka tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka. Waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhacay cudurka Coronavirus, oo si weyn ugu baahay dalka.

Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa Muqdisho, sida ay noo sheegeen xildhibaano noo xaqiijiyey geeridiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbiil Casoowe.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Xildhibaan Casoowe waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weynaa golaha shacabka, waxaana laga soo doortay gobollada waqooyi ee Somaliland.

Afar su’aal oo ka dhashay shirka Farmaajo iclaamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo wata lama filaan ayaa ka dhashay shirka uu xalay mar kale madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Su’alaaha badankood kama taagna shirka ee waxay ku qotamaan xilliga lagu dhowaaqay iyo xilliga la qorsheeyey inuu shirka dhacao, haddiiba ay ogoladaan madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland, oo horey u diiday inay shir dambe la galaan Farmaajo, ayada oo aan la fulin shuruudo dhowr ah.

Su’aalaha shirkan ka dhashay ayaa waxaa ka mid ah.

1 – Maxay Villa Somalia u dooratay inay shirka iclaamiso saacado un kadib markii uu dhammaaday shirkii ra’iiusl wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, islamarkaana Rooble ku dhowaaqay guddi baaraya dhacadadii ay ciidamada dowladda ku weerareen dibad-baxayaal 19-kii Febraayo. Madaxtooyada oo horey caan ugu aheyd in mar kasta oo war aysan jecleysan uu bulshada ku dhex-baaho, ay ku disho mid kale, ma sidaas oo kale ayay ka damacasaneyd iclaaminta shirkan? Maxay xitaa ugu sugin illaa maanta?

2 – Maxaa shirka uu iclaamiyey Farmaajo loogu beegay Khamiista, oo ah isla maalinta ay shir saddexaad u ballan-san yihiin Midowga Musharaxiinta iyo Rooble. Ma madaxweyne Farmaajo ayaa ka shakiyeey doorkii Rooble, oo hadda u muuqda inuu la wareegayo talada maamulka doorashada, sidaas darteedna loo iclaamiyey shir uusan qeyb ka noqon doonin, maadaama uu ballan kale dhigtay, xilli uu shirarkii hore ee doorashada ka qeyb-galay? Ma shirkan ayaa lagu dilayaa saameynta iyo hadalka-haynta shirka Rooble iyo mucaaradka ee 4-ta Maarso?

3 – Shirkan ma waxaa hoos loogu dhigayaa heshiiska Rooble iyo Musharaxiinta, ayada oo meesha laga saarayo sheekada ah saamileyda ha ka qeyb galaan shirarka soo socda, xilli ay jiraan warar sheegaya in shirka saddexaad ee Rooble iyo Mucaaradka arrimaha looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii ay musharaxiinta qeyb uga noqon lahaayeen wada-hadallada ku saabsan doorashada?

4 – Ma Rooble ayaa gaaday mucaaradka, oo isaga iyo Farmaajo ayaa is og, oo tani waa cayaar siyaasadeed lala dheelalayo mucaaradka, mise Rooble ayaa markii horeba muujiyey awood iyo go’aan siyaasadeed oo uusan laheyn, oo isaga naftiisa ayaaba sidaas loogu cayaaray?

Jawaabo badan waxay soo bixi doonaan saacadaha iyo maalmaha soo socda, hase yeeshee waxaa muuqata in cayaarta siyaasadda Soomaaliya aysan weli fari ka qodneyn?