27.1 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Afar su’aal oo ka dhashay shirka Farmaajo iclaamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo wata lama filaan ayaa ka dhashay shirka uu xalay mar kale madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Su’alaaha badankood kama taagna shirka ee waxay ku qotamaan xilliga lagu dhowaaqay iyo xilliga la qorsheeyey inuu shirka dhacao, haddiiba ay ogoladaan madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland, oo horey u diiday inay shir dambe la galaan Farmaajo, ayada oo aan la fulin shuruudo dhowr ah.

Su’aalaha shirkan ka dhashay ayaa waxaa ka mid ah.

1 – Maxay Villa Somalia u dooratay inay shirka iclaamiso saacado un kadib markii uu dhammaaday shirkii ra’iiusl wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, islamarkaana Rooble ku dhowaaqay guddi baaraya dhacadadii ay ciidamada dowladda ku weerareen dibad-baxayaal 19-kii Febraayo. Madaxtooyada oo horey caan ugu aheyd in mar kasta oo war aysan jecleysan uu bulshada ku dhex-baaho, ay ku disho mid kale, ma sidaas oo kale ayay ka damacasaneyd iclaaminta shirkan? Maxay xitaa ugu sugin illaa maanta?

2 – Maxaa shirka uu iclaamiyey Farmaajo loogu beegay Khamiista, oo ah isla maalinta ay shir saddexaad u ballan-san yihiin Midowga Musharaxiinta iyo Rooble. Ma madaxweyne Farmaajo ayaa ka shakiyeey doorkii Rooble, oo hadda u muuqda inuu la wareegayo talada maamulka doorashada, sidaas darteedna loo iclaamiyey shir uusan qeyb ka noqon doonin, maadaama uu ballan kale dhigtay, xilli uu shirarkii hore ee doorashada ka qeyb-galay? Ma shirkan ayaa lagu dilayaa saameynta iyo hadalka-haynta shirka Rooble iyo mucaaradka ee 4-ta Maarso?

3 – Shirkan ma waxaa hoos loogu dhigayaa heshiiska Rooble iyo Musharaxiinta, ayada oo meesha laga saarayo sheekada ah saamileyda ha ka qeyb galaan shirarka soo socda, xilli ay jiraan warar sheegaya in shirka saddexaad ee Rooble iyo Mucaaradka arrimaha looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii ay musharaxiinta qeyb uga noqon lahaayeen wada-hadallada ku saabsan doorashada?

4 – Ma Rooble ayaa gaaday mucaaradka, oo isaga iyo Farmaajo ayaa is og, oo tani waa cayaar siyaasadeed lala dheelalayo mucaaradka, mise Rooble ayaa markii horeba muujiyey awood iyo go’aan siyaasadeed oo uusan laheyn, oo isaga naftiisa ayaaba sidaas loogu cayaaray?

Jawaabo badan waxay soo bixi doonaan saacadaha iyo maalmaha soo socda, hase yeeshee waxaa muuqata in cayaarta siyaasadda Soomaaliya aysan weli fari ka qodneyn?

Mucaaradka oo ka horyimid qorshaha Farmaajo, kuna eedeeyey ‘xagal-daacin’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo goordhaw soo saaray war-saxaafadeed ayaa nasiib-darro iyo xagal-daacin ku tilmaamay shirka uu madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo loo asteeyey inuu Muqdisho ka dhaco 4-ta bishan.

Musharaxiintu waxay sheegeen in wadahadalladii ay la yeesheen ra’iisul wasaare Rooble laga gaaray isfaham horu-dhac ah, kaas oo dejiyey culeyskii iyo xaaladdii kacsanaanta ahayd ee dalka ka taagnayd, gaar ahaan magaalada Muqdisho, sida ay qoraalkan ku sheegeen.

“Wareeg kale oo wadahadal ayaa labada dhinac ugu ballameen maalinta Khamiista ah ee ay bishu tahay 04/03/21 si loo dhammeystiro arrimaha qabyada ah ee la xariira cidda yeelanaysa  mas’uuliyadda hoggaamineed ee amniga iyo doorashooyinka,  maaddaama uu muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dalka uu dhammaaday, kaalinta Midowga ee wadahadallada Doorashooyinka iyo furitaanka maslaxada siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka midowga musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagaldaacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.”

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ka digay cawaaqib xumida ka dhalan karta in la fashaliyo wadahadalladaas u socda iyaga iyo ra’iisul wasaaraha, waxayna dalbadeen in fursad la siiyo wadaxaajoodka socda.

Dhinaca kale midowga musharaxiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kala soo qayb galaan Muddaharaadka maalinta Sabtiga ah ee 6-da bishan, kaas oo ka dhacaya Daljirka Dahsoon.

“Goluhu wuxuuna Xukuumadda ugu baaqayaa in ay gudato waajibka sugidda amniga shacabka iyo dibadbaxayaasha sida heshiisku ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa raysalwasaaraha, madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada, iyo beesha caalamka in aysan qayb ka noqon tallaabooyinka gurracan ee uu madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ku carqaladaynayo xasilloonida dalka iyo xal u helidda geeddi socodka doorashooyinka.”

Mareykanka oo si adag ula hadlay DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Iyadoo wali aysan jirin wax isku soo dhawaansho ah oo laga gaaray shirka la rabo iney isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, ayey dowladda Mareykanka si adag kaga hadashay xaaladda cakiran ee dalka.

Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Muqdisho ayaa twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ugu baaqeyso madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah iney si dhaqso leh ku kulmaan isal markaana gaaraan go’aan u fiican umadda Soomaaliyeed, iyadoo laga rabo iney dhameystiraan arrimaha doorashooyinka.

Qoraalkaan oo ay uga jawaabayeen baaq kasoo baxay beesha caalamka oo adkeynayay in horay loo wado wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo midowga musharaxiinta, laguna baaqayay in si dhaqso leh la isku arko ayaa u qornaa sidaan:

“Waqtiga wuu socdaa, waxaan ku boorineynaa dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah iney hadda kulmaan, sameeya wax u wanaagsan dadka oo dhameystira doorashada”

Hadalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir hal maalin ah ku baaqay Khamisita oo ay taariikhdu ku beegan tahay 4-ta March, isagoo sheegay in la rabo in lagu saxiixo kaliya is fahamkii lagu gaaray Baydhaba.

Lama oga in qoraalkaas kasoo baxay Villa Soomaaliya la hirgalin doono iyadoo aysan wali ka hadlin madaxda maamul goboleedyada, sidoo kalana aysan ka hadlin beesha caalamka.

Dadka siyaasadda ka hadla waxey leeyahiin, shirka la rabo in xal looga gaaro arrimaha taagan ee doorashooyinka maahan mid hal maalin loo asteyn karo, waa mid la rabo in lagu gaaro heshiis wadareed la iskula meel dhigo waxyaabo badan oo khuseeya xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay kulankii R/W ROOBLE iyo Mucaaradka kuna baaqday arrin kale

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay wada hadallada socda ee ay yeelanayaan Dowladda Soomaaliya iyo Midowga musharaxiinta madaxweynaha kaas oo markii labaad shalay la isku arkay.

“Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Inkastoo aysan soo hadal qaadin baaqii xalay kasoo baxay Villa Soomaaliya ee qeexayay in shir la isugu yimaado Khamiista oo ay taariikhda ku beegan tahay 4-ta Maarso, hadana waxey ku baaqeen in si dhaqso leh shir la isugu yimaado isla markaana aysan dib u dhac ku imaan ka hadalka arrimaha doorashada.

“Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe,” ayey yiraahdeen xubnaha beesha caalamka.

Dowladda Federaalka iyo Midowga musharaxiinta waxey fadhiyadooda labada ah ku gaareen go’aamo muhiim ah, sida in wadajir loo qabto dibadbax nabadeed oo dhaca sabtida 6-da Maarso, sidoo kalana la xulay guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya arrinkaas.

Inkastoo Khamiista ay wajiga saddexaad u balansanaayeen labada dhinac hadana qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu iclaamiyay shir hal maalin ah oo maalintaas qabsoomaya ayna yeelanayaan dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir.

Beesha caalamka kama hadlin qoraalka kasoo baxay aqalka Madaxtooyada, mana jirto cid soo hadal qaaday oo ka hadashay, iyadoo taas badalkeeda ay beesha caalamka bogaadisay wixii kasoo baxay wajiga labaad ee shirkii Hotel Decale.

SACIID DENI oo shaaciyey arrin ay isku hayaan DF Soomaaliya iyo Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV ayaa ka hadlay khilaafka soo noq-noqday ee maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Saiciid Deni ayaa marka hore eedeyn culus u jeediyey Madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, wuxuuna sheegay inuu diidan nidaamka federaalka ee ka jira dalka.

Sidoo kale Deni ayaa shaaca ka qaaday in uusan jirin khilaaf weyn oo ka dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, balse ay kasoo horjeedaan siyaasadda Farmaajo.

“Waa muhiim in la fahmo oo si sax ah loo sharaxo waxa Puntland iyo dowladda federaalka isku haayaan, laakin waxaan idiin cadeynayaa in uusan jirin khilaf weyn balse ay kasoo horjeedaan siyaasadda Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo,” ayuu wareysigan ku Madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Deni ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ku tuntay dastuurka & shuruucda u taalla dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Punntland ayaa ka mid ah maamulllada sida weyn uga soo horjeeda dowladda dhexe, gaar ahaan hannaanka ay ku wajaheyso doorashada dhaceysa sanadkan aynu ku jirno ee 2021.

‘Arrin halis ah oo ka jirta’ garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tala bixiyaha caafimaadka Covid-19 ee wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday arrin halis ah oo ka jirta garoonka Aadan Cadde, taasi oo uga sii dari karta soo laba-kacleynta cudurka faafa ee Coronavirus.

Dr Fuje ayaa sheegay in halista xanuunka uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xakameynayo Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro shaki laga qabo in dadka soo-galaya dalka, ee kasoo degaya garoonka Aadan Cadde inay wataan warqado been abuur ah oo muujinayo inuu qofka ka caafimaad qabo Covid-19 balse maalmo kooban kadib jirkooda laga helo xanuunka, sida uu hadalka u dhigay.

Tala bixiyaha caafimaadka Covid-19 ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay dadkaasi xanuunka usii gudbayaan ehelladooda, islamarkaana ay sare u qaado kiisaska maalinlaha ee ay diiwan-geliso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

“Garoonka Diyaaradaha waxaa waayihii dambe jiray tuhun la xiriira warqadaha ay wataan dadka kasoo degaya oo muddo kooban kadib xannuunka jirkooda laga helayo ama u gudbinaya ehelkooda, waa in la hubiyaa warqadaha ay wataan” ayuu yiri Dr Fuje.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in markale hubin caafimaad la mar-siiyo dadka kala duwan ee ka imaanada dalalka uu haatan faraha ba’an ku hayo cudurka Coronavirus.

“Meelaha laga soo galayo waa in hubin caafimaad la mariyo oo la baaro, dhaqaalaha ku baxayo waa in laga qaadaa qofka, muddada xili huuriska cudurka waa in la dejiyaa hoteel gaar ah oo lagu hubiyo, halka qofka laga helo Covid-19 la geynayo goobaha u gaarka ah in bukaannada looga daweeyo,” ayuu sii raaciyey Dr Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Fuje.

Waalacan ayaa kusoo beegmaya, xilli uu Soomaaliya mar labaad kusoo laba-kacleeyey xanuunka Covid-19, waxaana saameyntiisa laga dareemayaa magaalada Muqdisho.

Mahad Salad oo ku baaqay ‘in laga hor-dhaco qorshe ku qarsan’ shirka Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD ayaa carro ka muujiyey shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madax goboleedyada dalka, saacado kadib markii la iclaamiyey dibad-baxa mucaaradka iyo shir kale oo dhex-maraya Rooble iyo Midowga Musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa xalay lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirka uu ku baaqay Farmaajo, oo aan la ogeyn inay aqbalayaan Puntland iyo Jubaland, ayaa qorshuhu yahay inuu dhaco isla maalinta Khamiista ah ee 4-ta Maarso ee ay shir kale u ballansan yihiin Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, iyo laba maalin ka hor dibad-baxa ay iclaamiyeen Mucaaradka, taasi oo su’aalo badan dhalisay.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Farmaajo isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista ayuu ku baaqay shir degdeg ah in ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka maalinta Khamiista.”

Mahad Salaad, ayaa sidaas darteed soo jeediyey in laga hordhaco qorshaha shirka uu iclaamiyey Farmaajo, lana soo hormariyo dibad-baxa mucaaradka.

“Mar hadii Farmaajo rabo in uu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, Haddaba maxaa diidaya annagana inaan soo hormarsanno Mudaharaadka maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista?!,” ayuu yiri Mahad Salaad.

War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale o ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxaa looga gol leeyahay kulankan in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.”

Horay waxaa u fashilmay shir uu sidaan oo kale u iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana shirkaas si cad u diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka qeyb galkiisa ku xiray dhowr shuruudood.

Illaa hadda ma cadda in Villa Somalia ay aqbashay shuruudihii labadaas madaxweyne, lamana oga inay ka soo qeyb geli doonaan shirkan, waxaase socda dadaalo xoog leh oo beesha caalamku ay isugu keneyso madaxda Soomaalida, si heshiis dhaba ay ugaa gaaraan doorashada dalka.

Amiirka Al-Shabaab oo soo diray farriin uu is-barbar dhig yaab leh ku sameeyeey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay codka hoggaamiyaha ururkaas Axmed Cumar Abuu Cubeyda, isagoo ka hadlaya halgankii Daraawiishtii uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, kaas oo xiligiisii ay hadda ka soo wareegtay 100 sano.

Abuu Cubeyda waxuu isbarbar dhigayaa halgankii Daraawiishta ee Sayidka iyo dagaalka ay Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya, waxuuna sheegay inay is shaabahaan, maadaama sida uu sheegay xilligaas ay Sayidka iyo Daraawiishtiisa ay ka hiiliyeen dad Soomaaliyeed.

Hadda waxa uu sheegay in dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya ay kula jiraan shisheeye, balse shisheeyuhu uu gacan ka helayo dad Soomaaliyeed oo ka hiilinaya iyaga, sida uu hadalka u dhigay,

Sidoo kale hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda waxa uu sheegay in maanta xaaladda ka jirta Soomaaliya ay ka darantahay tii xilligii Daraawiishta, oo shisheeyihii xilligaas ay hadda soo casriyoobeen, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Maanta waa sidii xiligii daraawiishta oo kale, waxaase intaas sii dheer in shisheeyihii maanta ay dibadaha ka keensadeen, kuwo ay soo carbiyeen oo tababar ay soo siiyeen, isla markaana sita aqoonsiga dowladaha shisheeye ee soo dirsaday,” ayuu yiri ninka hoggaamiya maleeshiyada Al-Shabaab.

Maalinta uu dhacayo dibad-baxaya ay ku heshiiyeen Rooble iyo Mucaaradka oo shaaca laga qaaday (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xalay khudbad ka jeediyey markii uu soo dhamaaday shirkii xukuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga musharaxiinta ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo mudaharaadkii ay horay u iclaamiyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ayaga iyo xukuumadda Rooble ay ku heshiiyeen in mudaharaadkaasi dhaco maalinka Sabtiga ah ee soo socota oo taariikhdu ku beegantahay 6-da bishan Maarso.

“Qodobada aan isku raacnay waxaa ugu horeeya in xukuumadda xil-gaarsiinta aan ka wada shaqeyno in banaanbaxii uu dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishaan, kaas oo ka dhici doona fagaaraha Daljirka, waxaa banaanbaxaan soo jeediyey midowga musharaxiinta oo soo abaabulaya, xukuumadda waxaan ku heshiinay inay kala shaqeyso amniga mas’uuliyadeedna ay qaadato, taas waa naga aqbaleen,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inay wada magacaabeen guddi soo baara cidda iska leh mas’uuliyadda wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii hore ee Febraayo.

Guddigaas oo dhamaantiis ka kooban saraakiil sare ayaa kala metelaya mucaaradka iyo xukuumadda, waxuuna sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in qibradda xubnahaan ay labada dhinacba ku qanacsanyihiin.

Lixda sarkaal ee loo magacaabay baaritaanka dhacdadaas ayaa kala ah.

1- S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)
2- Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3- S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare
4- S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5- G/Dhexe Yaasiin Cabdullahi Maxamuud
6- Xuseen Macalin Maxamuud

Hoos ka Daawo C/Raxmaan C/Shakuur

Daawo: SACIID DEENI oo shaaciyey inuu shaqo joojin ku sameeyey DP WORLD

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda deegaanada maamulka Puntland, isagoo is dul taagay dhowr qodob.

Madaxweyne Deni oo wareysigan siiyey TV-ga Universal, qodobadii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa maamulka dekedda Boosaaso ee shirkadda DP World, waxuuna qiray in dekedaas ay heysato caqabad maamul.

Saciid Deni ayaa sheegay in DP World aysan fulin heshiiskii ay la gashay Puntland, isla markaana ay jiraan caqabado badan oo ku hor gudban heshiiskaas.

“Shirkadda DP World heshiiska waxaa la gashay xukuumaddii naga horeysay, waa sax DP World waxaba kama qaban weli dekedda Boosaaso, laakiin markii la I doortay bil kadib waxaa la dilay nin ajanebi ah oo DP World ay u soo dirtay hormarinta dekedda, waxaa yaallay mashaariicdii lagu hormari lahaa dekedda, dilkiisa meelo badan ayuu galay, taasni waxay abuurtay caqabad weyn,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirakadan dadka reer Puntland laga hor keenay oo borabogaando badan laga faafiyey, balse markii ay howshu bilaabatay oo ninkii la dilay loo soo magacaabay ay shaqadu toostay, dadkuna ay yara aamineen.

“Markii dilku dhacay kadib, waxaan isla garanay anaga iyo shirkaddu in shilkaas uu dhacay oo laga gudbo, waxay naga balan qaaday DP World, in shaqadii lagu balamay ay qabaneyso… balse waqtigii ayaa dib u dhacay oo Covid-19 iyo gaabis noocaas ah ayaa dhacay, waxaan isku daynay inaan qaadno tallaabooyin,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Waxa uu sheegay in wixii ka dambeeyey markii ninka la dilay ay dekedda ka maamuli jireen Dubai, balse hadda ay shaqada si ku meel gaar ah uga joojiyeen maamulka shirkadda DP World, si is bedel loo helo.

“Tan iyo markii maamulaha la dilay waxay ku shaqeyn jireen Abu Dubai oo dhaqaalaha lagu heshiiyey ee ka soo xarooda dekedda, iyagaa maamuli jiray, laakiin seddaxdii bilood ee u dambeysay waxaan ka joojinay inay maamulaan, si wadahadalkii aan dib ugu bilaawno, si ay shaqada ugu qabtaan sidii loogu heshiiyey ama nagu soo wareejiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa wareysigaan uga hadlay dhowr arrimood oo kale, sida xiriir xumida mar kasta dowladda dhexe kala dhaxeysa Puntland iyo sababta keenta, sicir bararka ka dhashay diidmada shilin Soomaaliga iyo sababta ka dambeysa, xarigga iyo xorriyad yarida hadalka ee xukuumadiisu ay ku kacdo iyo arrimo kale.

Hoos ka Daawo wareysiga

FARMAAJO oo mar kale shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale o ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxaa looga gol leeyahay kulankan in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.”

Horay waxaa u fashilmay shir uu sidaan oo kale u iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana shirkaas si cad u diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka qeyb galkiisa ku xiray dhowr shuruudood.

Illaa hadda ma cadda in Villa Somalia ay aqbashay shuruudihii labadaas madaxweyne, lamana oga inay ka soo qeyb geli doonaan shirkan, waxaase socda dadaalo xoog leh oo beesha caalamku ay isugu keneyso madaxda Soomaalida, si heshiis dhaba ay ugaa gaaraan doorashada dalka.

Mareykanka oo ka digay weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan diyaaradaha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday maamulka duulista hawada ee federaalka Mareykanka ee loo yaqaano (FAA) ayaa shaacisay suurta-galnimada weeraro ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadi karaan diyaaradaha isticmaala hawada dalka Kenya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in FAA ay heshay xog ku aadan weeraradaas oo ay damacsan-tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka fulisa dalka Kenya.

Sidoo kale Mareykankan ayaa digniintan la wadaagay dowladda Kenya, si ay u saameyso feejignaan dheeri ah, ugana hortegto qorshaha Al-Shabaab.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in weeraradan ay qatar ku noqon karaan duulimaadyada rayidka Mareykanka & kuwa dibadda & gudaha ee dalka Kenya.

“Xadgudubka Xagjirnimada ee kasoo gudbaya Xadka Soomaaliya waxa ay halis ku tahay duullimaadyada rayidka Mareykanka & kuwa dibadda & gudaha ah, waana in la ilaaliyaa hawada Kenya” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka duulista hawada ee federaalka Mareykanka.

FAA ayaa sidoo kale intaasi ku sii dartay in kooxda Al-Shabaab dhowr jeer ay ku hanjabtay in bartilmaameedkeedu yahay diyaaradaha caga-dhigta garoomada Kenya.

Ugu dambeyn warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u leedahay beegsashada diyaaradaha, islamarkaana ay heysato hubka culus, kuwa fudfudud oo ay qayb ka yihiin qoryaha lidka diyaaaradaha & sidoo kale kuwa garbaha laga tuuro intaba.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa hore weeraro khasaare xoog-leh geystay ka fulisay Kenya, waxaana ka mid ah meelaha ay bartilmaameedsatay saldhigga Mareykanka ee Manda Bay.

Immisa duqeymood ayuu Trump ka fuliyey Soomaaliya?

0

Washintong (Caasimada Online) – Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Biritan oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeellooba colaadaha laguna magacaabo Airwars ayaa sheegtay in weerarrada uu Maraykanku qaaday xilligii uu talada hayey Madaxweyne Donald Trump ay aad uga badnaayeen waqtiyadii madaxweynayaashiii ka horreeyey ee Barack Obama iyo George W. Bush.

Airwars oo wax ka qorta waddamada Soomaaliya, Libya, Syria, Iraq, Yemen iyo Pakistan waxay sheegtay in maamulkii Trump uu Soomaaliya ka gaystay 276 weerar oo cirka ama dhulka ah intii u dhaxaysa 2017-kii ilaa 2021-ka, waxayna sheegtay in weeraradaas 205 ka mid ah rasmi ahaan loo shaaciyey.

Taas marka la barbardhigo xilliyadii ay talada hayeen Obama iyo Bush ayey hay’addu sheegtay in Soomaaliya Maraykanku ka gaystay 67 hawlgal. Waxay sheegtay Airwars in xilligii Trump uu maamulku dabciyey xeerarkii u yaallay hawlgallada milatari ee Maraykanku Soomaaliya ka gaysanayey sida ay qortay jariidadda New York Times.

Waxay sheegtay in sannadkii hore ee 2020-ka inkastoo uu jiray xanuunka Covid-19 haddana ay Somaaliya ka dhaceen 54 duqaymood.

Airwars waxay sheegtay in duqaymaha Soomaaliya ay yaraadeen muddadii u dhaxaysay 17-ka May ilaa 9-ka Juulaay 2020-ka, waxayna taas la xiriirisay xanuunka Covid-19.

Waxay sheegtay Airwars in ka sokow tirada badan ee duqaymaha inay hoos u dhaceen dadka rayidka ah ee lasoo sheegayo inay waxyeelladu kasoo gaartay sida ay diiwaangelisay hay’addaasi.

Sidoo kale hay’addani waxay sheegtay in hawlaglada wadajirka ah ee ay qaadayeen Maraykanka iyo ciidamada Soomaalida ay u ekaayeen dagaallo rigliga ah.

Tusaale ahaan ayey tiri hay’addu ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidu waxay ku gulaysteen inay Al-Shabaab ka saaraan Jannaale sannadkii hore, waxaana hawlgalkaas dhinaca hawada ka taageeray ayey tiri lix duqaymood oo Maraykanku gaystay.

Markii ugu horraysay muddo sannado ah ciidamada Soomaalida waxaa u suurtogashay inay xajistaan gacan ku haynta goobaha cusub ee laga qabsaday Al-Shabaab, sida ay sheegtay hay’addu. Waxaase dhinaca kale jirta in weli Al-Shabaab ay meelo badan ka haystaan gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Waxay sheegtay Airwars in hawlgalka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM uu sameeyey daahfurnaan sannadkii 2020-ka kadib markii ay bilaabeen inay saddexdii biloodba mar daabacaan dadka rayidka ah ee waxyeelladu kasoo gaarto duqaymaha. Tallaabadaas darteed AFRICOM waxay qiratay in qof rayid ah uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka. Goor dambena AFRICOM waxay sheegtay in laba qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday Jilib 17-kii Febraayo 2020.

Dhinaca kale waxay sheegtay Airwars in ururka Daacish ay ku sugan yihiin meel aad u yar oo ka tirsan Puntland, iyagoo cadaadis kala kulmay ciidamada Soomaaliya, Maraykanka iyo Al-Shabaab. Daacish waxaa sannadkii hore uu Maraykanku la beegsaday hal duqayn keliya.

Ugu dambayn waxay Airwas sheegtay in tallaabadii ugu dambaysay ee maamulka Trump uu qaaday intii uusan xilka ka degin ay ahayd inuu boqollaal ciidamada Maraykanka ah kasoo saaro Soomaaliya, tallabadaas oo dadka qaar u arkeen inay timid xilli aan munaasib ahayn maadaama ay Soomaaliya doorasho isku diyaarinayso, balse dhinaca kale waxaa iyaguna soo dhoweeyey dhinacyo kale oo u arkay in Trump uu ka dhabeynayo soo af-jaridda dagaallada Maraykanku kaga jiray dibedda.

Xubno Shabaab ahaa oo howl-gal lagu laayey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howl-gal ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mdi qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Gamboole oo hoostaga magaalada ee caasimada HirShabelle, xilli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka qeybta 16-aad oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi lu dilay ku dhowaad ka tirsanaa dagaalyahanada Shabaab.

Sidoo kal saraakiisha ayaa intaasi sii raaciyey inay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad milatari oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ oo war kasoo saartay dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa qoraal ay soo saratay ku xaqiijisay inay mar kale dhageysan doonto dacwadda kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, bishan March.

Qoraalka kasoo baxay maxkamadda Hague ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay billaaban doonto 3:00 pm 15-ka March 2021, ayna ka dhici doonto xarunta Peace Palace oo ah fadhigga Maxkamadda ee magaalada Hague ee dalka Neterhalnds.

“Ayada oo la eegayo xaaladda cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, dhageysiga ayaa wuxuu u dhiic doona qaab online ah. Qaar ka mid ah xubnaha Maxkamadda ayaa dhageysiga uga qeyb gali doona xarunta, halka qaar kalena ay muuqaal ahaan kusoo geli doonaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in wakiilada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysiga uga qeyb-gali karaan hab goobjoog ama muuqaal ah.

Waxay sidoo kale Maxkamaddu sheegtay in diblomaasiyiinta iyo suxufiyiinta ay sidoo kale kala socon karaan dhageysiga kiiskan website-ka Maxkamadda, iyo midka UN Web TV.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa dhowaan ku gacan seertay codsi ay dowladda Kenya ku dooneysay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan codsatay in kiiska markii afaraad dib loo dhigo, ayada oo markan dood ka dhigatay inay dooneyso inuu u dhaco qaab weji ka weji ah, intii lagu qaban lahaa hab online ah, sida uu sheegay garyaqaanka guud ee dalkaas Ken Ogeto.

Sawirro: Shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo soo dhamaaday iyo Rooble oo magacaabay laba guddi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhaw lasoo gabagabeeyey shirkii maanta magaalada Muqdisho uga furmay mas’uuliyiintii ka socotay dowladda federaalka ee uu hoggaaminayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kaas oo sida la sheegay ku soo dhamaaday is faham.

Rooble ayaa kadib shirka magacaabay labo guddi oo dhaqan-geliya qodobbadii horey la isula qaatay.

“Kadib kulankii aan maanta la yeeshay Midowga Murashaxiinta,Madaxweynaha Hirshabelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan magacaabay 2 guddi oo ka shaqeyn doona arrimihii aan isla garannay; Guddiga qabanqaabada Dibadbax nabadeed & Guddiga baarista dhacdooyinkii 19-kii Febraayo,” ayuu yiri Rooble.

Labada Guddi ee isku dhaf ka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood in ay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah;

1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale
2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)
4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle
6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo waxayna kala yihiin;

1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
6. Xuseen Macalin Maxamuud

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Weriye Jamaal Faarax Aadan oo caawa la dilay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo mudo dheer ka howlgelayey deegaanada maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee koox ku hubetysan bastoolado ayaa caawa Weriyaha ku dishay agagaarka xerada Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Jamaal Faarax Aadan oo ahaa weriye si weyn looga yaqaanay deegaanada Puntland ayaa mudooyinkii dambe ka howlgeli jiray waraabahinta Daljir.

Kooxdii dishay Weriye Jamaal ayaa durba goobta ka baxsatay, waxaana caawa xaafadaha ka agdhow goobtii lagu dilay ka socdo howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka Puntland oo goobta soo gaaray dilka kadib.

Weli ma jirto cid sheegatay dilka weriyahaan, sidoo kale kama hadlin hey’adaha amaanka Puntland.

Madaxweynihii hore ee France oo lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa maanta lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa.

Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi.

Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, ayada oo aysan jirin amar soo xiritaan ah oo loo soo saaray.

Xukunkan ayaa ah jahwareerkii ugu dambeeyey ee xirfadda siyaasadeed ee qasan ee 66 jirkan, oo soo xukumay France intii u dhaxeysay 2007 illaa 2012, welina ah mid ay jecel yihiin taageerayaasha siyaasadda midigta.

Dambi ku helistan ayaa waxyeelo weyn ku ah soo laabasho kasta oo siyaasadeed oo laga yaabo in Sarkozy uu sameyn lahaa, inkasta oo uu beeniyey inuu damac kale ka leeyahay siyaasadda.

Kahor Sarkozy, kaliya hal madaxweyne oo kale, oo ahaa macallinkii siyaasadda ee Sarkozy, madaxweyne Jacques Chirac ayaa la maxkamadeeyey markii uu xafiiska ka tegay, hase yeeshee waa looga cudur daaray inuu maxkamaddiisa musuq-maasuqa ka qeyb galo 2011-kii sabatoo ah wuu xanuunsanaa.

Sarkozy ayaa lagu eedeeyey inuu u yaboohay garsoore inuu ka caawinayo inuu shaqo sare ka helo Monaco, taa beddelkeedna uu ka caawiyo in la joojiyo baaritaan lagu helay ololihiisa doorashada.

Madaxweynihii hore ayaa maxkamadda u sheegay “inuusan marnaba gaysan ficil musuq-maasuq ah, haba yaraatee.”

AFP

Duqa Muqdisho oo amar culus kusoo rogay ganacsatada Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Kulan looga hadlayay Wacyigelinta Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo ka dhacay degmada Shibis.

kulankan oo ahaa mid xasaasi ah waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud,  Gudoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose iyo Gobolka Banaadir.

Muhiimadda kulanka wuxuu ahaa sidii dadka looga wacyi galin lahaa xanuunka Covid19, wuxuuna duqa Muqdisho amar ku bixiyo in qof walba xirto (af-xir) ama Mask, si ay ugu noqoto badbaado ugu yaraan.

War-saxaafadeedka kasoo baxa Duqa Muqdisho waxaa akhriyay agaasimaha Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir Cabdullaahi Wiish, waxaana la faray Goobaha Ganacsiga, sida Dukaamada, Maqaayadaha, Carwooyinka Bangiyada, xafiisyada bixiya adeegyada in aysan u ogolan qof aan heysan afxirasho in uu ka dukaameysto goobtooda Ganacsi.

Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Caasimadda waxaa la faray inay dhaqan geliyaan amarkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si looga digtoonaado faafitaanka Cudurka Coronavirus.

XOG: Deyn lagu leeyahay DF oo keentay inay hakato shaqadii garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa hakad ku yimid saacado kadib markii ay shaqo joojin sameysay shirkadda qaabilsan baaritaanka boorsooyinka rakaabka.

Shirkadda qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka rakaabka ayaa sheegtay inaan la siinin lacago ay ku leeyihiin dawladda Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. 

Shirkadda Golden Horn Security ayaa qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka, gaar ahaanna eyda u tababaran inay ururiyaan waxyaabaha halista ee laga shakiyo. Arrintan ayaa keentay inaan boorsooyinka la saarin diyaaradaha, taasina ay dib u dhac u keentay rakaabka iyo diyaaradaha. 

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in shirkadda amniga Golden Horn Security lala galay wadahadal laguna qanciyey inay shaqada dib u billaabaan. 

Mid ka mid ah dadka ka dhoofayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport saaka ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid safarkiisa muddo saddex saacadood ah. 

Shaqada garoonka ayaa markii dambe caadi kusoo laabatay. Ilaa hadda dawladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin murakan keenay dib u dhaca hawlaha amniga xammuulka diyaaradaha.