27.1 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Xog: Ujeeddo kale oo ku dhex jirta shirka Midowga Musharaxiinta iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta uu shir uga bilowday Hotel Decale ee ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ra’iisul wasaare Rooble iyo Musharaxiinta Mucaaradka, iyadoo uu shirka goob joog yahay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi.

Ilo ku dhaw shirka ayaa sheegaya inay jirto ujeeddo kale oo ku dhex qarsan shirkan la sheegay in looga hadlayo arrimaha ku saabsan doorashada iyo adkeynta heshiiskii la gaaray Khamiistii lasoo dhaafay.

Wararka aan heleyno waxey sheegayaan in kulankaan lagu dhameynayo mad-madowga ku kala dhex jiray labada shaqsi ee iska badalay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Kheyre sanadkii lasoo dhaafay bartamahiisii ayaa si aan dastuurka waafaqsaneyn looga tuuray kursiga, sidoo kalana waxaa la inkiray warqad uu u diray ra’iisul wasaaraha xilka sii hayaha hadda, isagoo ka codsanaya inuu sida dastuurka qabo xilka ku wareejiyo.

Mahdi Guuleed oo markaas sifo aan sharci aheyn loogu magacaabay inuu noqdo sii haye ayaa xilka ku wareejiyay Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la aaminsan yahay in madasha maanta si gaar ah arintaas loogu dhameyn doono.

Xasan Cali Kheyre oo aan kulankii Khamiistii kasoo qeyb galin, ayaa maanta soo xaadiray Decale, ujeedada ku dhex qarsoon shirka midowga musharaxiinta iyo Rooble ayaana lagu sheegay in labada masuul la is hor fariisin doono si loo dhameeyo mad-madowga ku kala dhex jira.

Shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo furmay iyo wajiyo ku cusub maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa ka bilowday shirkii sii hayaha ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta, iyadoo ay jiraan wajiyo cusub oo ka maqnaa shirkii khamiistii dhacay.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankaan ku casuumay midowga musharaxiinta iyadoo laga wada hadli doono arrimo ku saabsan sidii ay Midowga uga qeyb gali lahaayeen shirka ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Shirka waxaa goob joog ah ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulankii Khamiistii ka maqnaa, markii ugu horreysay ayey is hor fariisan doonaan isaga iyo ra’iisul wasaarahii xilka ka badalay Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka sidoo kale waxaa jooga madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi (Guudlaawe) iyo sidoo kale madaxweynahii hore maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo kulankii hore ka maqnaa.

Sida la filayo shirkaan waxaa xigi doona in sii hayaha ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble uu codsi u diri doono madaxda maamul goboleedyada si la isugu yimaado shir ay korjoogto ka noqoto beesha caalamka isla markaana dhinacyada kala duwan ka qeyb galaan.

Maxamed Xuseen Rooble wuxuu hadda u muuqdaa mid qaadanaya doorkiisii ka gudbinta marxaladda kala guurka ee wadanka.

Musharaxiinta Mucaaradka oo hal arrin ku diiday R/W Rooble kahor shirka maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in maanta uu qabsoomo shir ay yeelan doonaan sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta madaxweynaha.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah, Maxamed Xuseen Rooble wuxuu markii hore dalbaday in kulankaan uu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya, balse waa lagu gacan seyray, taasna waxey keentay in shirka loo wareejiyo hotel Decale.

Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u muuqdaa mid kaalintiisii qaadanaya, kulankii uu la yeeshay Beesha Caalamka kadib, waxaa la filayaa inuu isugu yeero madaxda maamul goboleedyada si loo amba-qaado dhabbaha lagu gaari karo heshiis doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Beesha Caalamka waxey soo jeedisay in ilaa bartamaha bishaan la helo jadwal doorasho oo loo dhan yahay, la meel mariyo heshiiskii 17-kii September 2020 ka dhacay Muqdisho, iyadoo lagu lifaaqaayo isfahamkii guddiyada farsamada dhinacyada ee ku shiray Baydhaba.

Si kastaba waxaa jira waxyaabo badan oo ku hor gudban doorashada dalka, waxaana jira shuruudo badan oo ay soo gudbiyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaldn, sidoo kalana midowga musharaxiinta.

Dhamaan shuruudahaas waa ku adag oo si weyn uga soo horjeeda sii hayaha xilka madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo aan la fileynin inuu shirka soo aadan qeyb ka noqdo.

Guddiga doorashooyinka oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka 2021-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka 2021-ka ayaa si faah faahsan uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka, wadada-hadallada socda iyo heshiiskii dhex-maray xukuumadda iyo xubnaha midowga musharraxiinta.

Ugu horreyn guddiga ayaa soo dhoweeyey heshiiska labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay sii wadaan dadaalladooda xalka looga gaarayo doorashooyinka.

“Guddigu wuxuu soo dhoweynayaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxaana guddigu ku boorrinayaa in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay guddiga doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu guddigu shaaca ka qaaday in xalka kaliya ee looga gudbi karo marxaladda adag uu yahay fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar ee sanadkii hore.

“Guddigu isagoo ka eegaya xaaladda dalka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, una baahan in laga gudbo marxaladdan wuxuu ku baaqayaa in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020,” ayaa markale lagu yiri qoraalka guddiga.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale loogu mahadceliyey wakiilada beesha caalamka oo dadaal badan ku bixinaya xal ka gaarista muranka ka taagan doorashooyinka.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ugu baaqay dhinacyada is haya inay isugu yimaad shir deg-deg ah, si xal mideysan loo gaaro, wuxuuna guddigu intaasi sii raaciyey in xaaladda adag ee uu dalka ku jiro looga samata bixin karo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Wasiir Fowsiya Abiikar oo soo jeedisay in mar kale dalka xayiraad lagu soo rogo

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda adag e uu dalka ku jiro, gaar ahaan soo labo-kacleynta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Wasiir Fowsiya ayaa shaaca ka qaaday in haatan cudura uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xakameynayo.

Sidoo kale waxa ay soo jeedisay in xiyaaraad lagu soo rogo dalka oo dhan, si loo xakameeyo fidista cudurkan oo fara ba’an ku hayo Soomaaliya.

“Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno,” ayey tiri wasiirka caafimaadka.

Fowsiya Abiikar Nuur oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in sanadkii hore xakameynta cudurka ay kaalin mugleh ka qaadatay xayiraadii lasoo rogay.

“Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka,” ayey sii raacisay wasiir Fowsiya.

Dowladda federaalka ah ayaa haatan ka fakireysa go’aankan, sida ay horey u shaacinay Shabakadda Caasimada Online.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is-biirsaday, gaar ahaan Covid-19 iyo muranka weli ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Rooble oo mar kale maanta la kulmayo musharraxiinta mucaaradka + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu markale maanta kulan gaar ah la qaato xubnaha midowga muysharraxiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sii amba qaadida wada-hadallada xukuumadda iyo mucaaradka oo 25-kii bishan heshiis horudhac ah ku gaaray hotelka Decale ee garoonka Aadan Cadde.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay si gaar ah labada dhinac uga arrinsanayaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka xoogan ee weli ka taagan doorashada 2021-ka, gaar ahaan sidii ay iskaashi uga yeelan lahaa arrintaasi.

Sidoo kale xukuumadda & musharraxiinta ayaa isla soo qaadaya arrimo ay ka mid yihiin banaan-baxa ay abaabulayaan mucaaradka oo lagu ballamay in la qabto 10 cisho gudahood, iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigayo kulankan xogta ay uruuriyeen xubnaha guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray dhacadaadi 19-kii Febaraayo , 2021-ka.

Waxaa sidoo kale labada dhinac ay ka wada doodi doonaan kaalinta ay Midowga Musharraxiinta ku yeelan doonaan wada-hadallada la xiriira arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inay dhowaan ka billowdaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo beegmaya, xilli dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay boggaadiyeen heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Muqdisho.

Laba arrin oo laga faa’iday heshiiskii mucaaradka iyo xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ay todobaadkaan magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wax weyn ka beddelay jawigii siyaasadda dalka.

Inkasta oo heshiiskan yahay un mid muddo kooban soconaya, lagana yaabo inuu isbeddelo, haddana waxaa durba laga helay laba faa’iido oo hadda la dareemaya, kuwaas oo kala ah:

  1. 1- In ay dagtay xaaladdii aadka u kacesaneyn magaalada Muqdiaho, oo mar gaartay heer shacabku ay aaminaan in dagaal culus oo magaalada ka qarxi karo.
  2. 2- In Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble awood u sheegtay hogaaminta howlaha doorashada Soomaaliya oo uu markii hore ku lahaa door aad u yar, ayna suurta gal inuu xal buuxa u helo is-mari waaga doorashada.

Rooble oo aad loogu cadaadiyay in hoggaanka u qabto doorashada Soomaaliya si loo xaliyo tabashooyinka jira islamarkaana looga gudbo xiliga kala guurka ah, waxaana muuqato taladaas uu qaatay. 

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in Farmaajo uusan qeyb ka noqon karin fulinta doorashada dalka, maadaama uu yahay musharax, islamarkaana uu muddo xileedkiisu dhammaaday, waxaana suurta-gal ah inay helaan rabitaankooda.

Mucaaradka, maamulada Puntland iyo Jubaland iyo dhinacyo kale ayaa la rumeysan yahay inaysan dhib ku qabin haddii uu howlaha fulinta doorashada Maxamed Xuseen Rooble kala wareego Farmaajo.

Cali Wajiis: “Farmaajo waa lagu dambaabayaa” + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hey’adda culumada Soomaaliyeed, isla markaana aad u taageera madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in umadda Soomaaiyeed uu u balan qaadayo hadii dib loo doorto Farmaajo in dalku uu barwaaqo gelayo.

Muuqaal la duubay xilli Sheekh Cali Wajiis uu qadka internetka kula hadlaayey culumo kale ayaa waxuu ku sheegayaa in Farmaajo uusan aheyn kaligi-taliye ama tuug xoolo dadweyne raba toona, balse uu yahay nin qalbi wanaagsan oo lagu dambaabayo hadii wax laga sheego.

Sidoo kale Sheekh Cali intii uu hadlaayey waxa uu soo hadal qaaday shirka ay qabsoomidiisa caqabada weyn ka taagantahay ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isagoo culumada kale ugu bishaareeyey in shirkaas uu qabsoomi doono dhawaan, iyadoo la isku calool fiyowyahay.

“Culumada waxaan idinkugu bishaareynaa Insha Allah shirka Muqdisho waa qabsoomi doonaa, labaada maamul goboleedna waa imaa doonaan, musharaxiinta kalena madaxa ayaa loo salaaxi doonaa oo shirka waa imaanayaan ama iyagoo qanacsan ayaa la qaban doonaa, doorashadana waa la aadayaa,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Isagoo sii hadlaayey waxa uu sheegay in hadii uu afarta sano ee soo socota Farmaajo madaxweyne ka noqdo Soomaaliya uu shakhsiyan damaanad qaadayo in dalku barwaaqo gelayo.

“Madaxweyne Farmaajo hadii uu noo soo laabto Soomaaliya afarta sano ee soo socota waxay gaareen horumar aan caadi aheyn, anigaa idiin damaanad qaadaya Soomaaliyey, cabsida badana iska dhaafa, Farmaajo kaligi taliye maaha, nin xoolo islaameed raba maaha, nin qof inuu dulmiyo raba maaha, hal qof siyaasad uma xirra,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Mar uu soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxuu sheegay in isagu uusan ka dambeyn, balse uu madaxweyne Farmaajo mag iyo xaal-marin ka bixiyey wixii dhacay.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur wixii lagu sameeyey oo isagu uusan shaqa ku laheyn, Sabeyn (Lax) ayuu ka xiray, magtii ayuu dhiibay, odayaashii ayuu u yeeray, raali gelin ayuu ka bixiyey,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Sheekh Cali Wajiis waxa uu yiri, “Farmaajo waa lagu dambaabayaa, hadii uu noo soo laabto waa kheyr oo waa tii la rabay, hadii mid kale yimaadana, waa uu la shaqey doonaa oo cabsi lagama qaboo xilka aa uu ku wareeji doonaa, waxa la buun-buuninayana waxaba kama jiraan.”

Hoos ka Daawo muuqaalka Sheekh Cali Wajiis

Taliska ciidanka Asluubta oo bishaan lacag ka jaraya ciidamada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu amar ku bixiyay in bilaha soo socdo lacag laga jaro ciidanka iyo saraakiisha Asluubta. 

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in taliyaha uu amray lacag u dhaxeysa 20 ilaa 150 dollar, waxayna u kala lacag badnaan doonaan sida ay u kala darajo sareeyaan. Dablaha ama askariga caadiga ah ayaa laga qaadayaa 20 doollar halka Sarkaalka ah Gaashaanle sare laga rabo 150 dollar. 

Lacagtaan ayaa lagu sheegay in gaadiid dagaal loogu iibin doono ciidanka Asluubta oo sida la sheegay gaadiid dagaal helin sanadihii ugu dambeeyay ee soo kabashada ciidanka. Taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiisha u sheegay in dowladda aysan heli karin lacag gaadiid loogu iibiyo Asluubta, sidaas darteedna ay qasab tahay in lacag laga jaro. 

Ciidanka Asluubta iyo saraakiishooda ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan ka go’i karin lacagtaas islamarkaana u baahan yihiin in arintaan wax laga qabto iyagoo baaq u diray madaxda dowladda Soomaaliya. 

Taliska ciidanka Asluubta wali arintaan kama hadlin, sidoo kale madaxda dowladda iyo qeybaha kale maaliyada dalka ayaa wali arintaan ka hadlin. 

Odowaa iyo taliyaha Amisom oo gaaray Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo lagu soo dhoweeyey.

Wafdiga oo uu horkayop General Odowaan ayaa waxaa garoonka Beledweyne ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyey saraakiilka tirsan qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka iyo midka AMISOM ayaa kulamo ka bilaabi doono Hiiraan, kuwaas oo looga hadlayo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolkaasi.

Sidoo kale taliye Odowaa ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda saree HirShabelle madaxweyne ku xigeenka maamulkaas oo ku sugan Beledweyne.

Qorshaha Odowaa ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah booqasho & kormeer uu ku tegi doono xarumaha ciidamada dowladda ee ku yaalla gobolkaasi.

Horey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa booqasho ugu tegay gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

DF oo war kasoo saartay weerarkii Xuutiyiinta ay ku qaadeen Sucuddiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Axadii kooxda Xuutiyiinta ee ka dalaamaha wadanka Yemen ku qaadeen magaalooyin ka tirsan dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Warsaxaafadeed kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay xun tahay weerarkaasi oo ay ku tilmaamtay inuu mid rgagixiso ah.

Sidoo kale qoraalkan ayey dowladda Soomaaliya ku sheegtay in weerarka kooxda Xuutiyiinta Yemen uu adgudub ku ah sharciga caalamiga ah & kan bani’aadamnimada.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaatay in weerarkan uu carqaladeynayo  dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in xal waara loogu gaaro colaadada sanadaha badan ka taagan wadanka carbeed ee Yemen.

“Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay degan yihiin iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen,”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Boqortooyada Sacuudiga ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka dadkeeda.

Uganda oo askar horleh u soo direysa Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Ugnada ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo horleh oo ka mid noqonayo howl-galkada AMISOM ay u soo direyso gudaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay dowladda Uganda oo lagu magacaabo, Janaraal Yusuf Bilal Katamba ayaa sheegay ciidamadan ay gaarayaan illaa 1,000 askari, wuxuuna sheegay in la filayay in ay  Somalia soo gaaraan bishii April ee sanadkii 2020, balse uu dib u dhigay Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in askartan ay bedali doonaan kuwa kale oo howlahooda ciidan dhameystay, islamarkaana Soomaaliya ku sugnaa muddo hal sano ah.

Katamba ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ciidamadan ay qaadan doonaan tababar soconayo muddo afar bil ah, kadibna ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka Al-Shabaab.

Kunka askari ee ay haatan soo direyso dowladda dalka Ugand ayaa ah qaybta 31-aad ee ciidamada Difaaca UPDF, waxayna ka qeyb-qaadan doonaa howl-gallada AMISOM.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo lagu qiyaaso illaa 6,000 oo askari, kuwaas oo ka qeyb-qaata howl-galka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika.

Xog: Safaaradda UK ee Muqdisho oo diidan inay safiirka cusub warqadaha u gudbiso FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee dowladda Ingiriisku ay dhawaan u magacaabatay Soomaaliya Ms Kate Foster ayaa maalmo ka hor soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna badeleysaa safiirkii hore ee UK Ben Fender.

Kate Foster oo hadda ku sugan safaaradda UK ee Muqdisho waxay sugeysaa in warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo laga guddoomo, waxuuna sharciga Soomaaliya dhigayaa in madaxweynaha dalku uu ka guddoomo aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilowdo.

Hase yeeshee waxaa jirta dood adag oo ka dhex taagan safaaradda UK ee Soomaaliya, taas oo salka ku heysa cidda warqadaha aqoonsiga ka guddoomeysa safiirka cusub.

Sida aan xogta ku helnay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta UK ee Soomaaliya ku sugan ayaa soo jeediyey in aqbalaada safiirka cusub lala sugo madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, maadaama uu madaxweyne Farmaajo waqtigii ka dhamaaday 8-dii bishan Febraayo.

Safaaradan kuma cusba arrintan oo kale, waxuuna afar sano kahor safiirkii ay UK u soo dirsatay Soomaaliya ku qasbanaaday inuu sugo doorashadii madaxweyne Farmaajo.

David Concar oo afar sano ka hor November 2016 ay UK u soo magacaabatay Soomaaliya ayaa ku soo aaday iyadoo uu dhamaaday mudo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh, waxuuna warqadihiisa aqoonsi raadiska ahaa la sugtay madaxweyne sharciyad heysta.

18-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, 10 maalmood kadib markii la doortay madaxweyne Farmaajo ayaa danjirihii xilligaas ee UK David Concar laga guddoomay warqadihiisa aqoonsiga.

Safiirkii waqtigu ka dhamaaday Ben Fender oo dhawaan dib ugu laabtay dalkiisii Ingiriiska waxaa u dhamaatay mudadii uu sharcigu u ogolaanayey inuu safiir kasii ahaado Soomaaliya, waxaana markii uu baxayey xaflad sagootin ah u sameeyey ra’iisul wasaare Rooble, waxuuna ahaa shakhsi aad uga hadla, oo dariiqa toosan tilmaama, markii ay cakiranto siyaasadda Soomaaliya.

CC Sharmaarke: “Xaaladda siyaasadda dalka waxaa ka hartay kaliya in shakhsiga la gaaleysiiyo” – Wareysi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ahna Senetor ka tirsan Aqalka Sare oo ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladaan oo kale uusan dalku gelin wixii ka dambeeyey markii dowladnimada Soomaaliya lagu soo dhisay Carta.

Cumar Cabdirashiid oo u waramay VOA ayaa sheegay in afartii sano ee lasoo dhaafay uu dalku galay dhaqan ah ‘hala kala adkaado’ taas oo uu sheegay in maanta aysan Soomaaliya u baahneyn.

“Maamlintii aan ka tegay waxuu ahaa dal dadkiisu wada shaqeynayaan oo isku yimid, waxaan ku wareejinay rajiimkii naga dambeeyey dal amnigiisu hadda meesha uu joogo ka fiican, waxaa la rabay in maanta dadku intii isaga sii dhawyihiin, laakiin waxay la yimaadeen dhaqan ah hala kala adkaado, taasna wax maanta Soomaaliya ay u baahan tahay maaha,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxuu intaas ku sii daray, “Xaaladda Soomaaliya waxay maanta mareysaa fara isku fiiq-fiiq is aflagaadeyn, in shakhsiga la gaaleeyo unbaa dhiman, wax kale oo noo haray malahan, taasna waxaan rajeynayaa in doorashada kadib laga gudbo.”

Sidoo kale waxa uu aad u dhaliilay in afar sano kadib ay caqabad weyn ka taagantahay in doorasho lagu aado hanaankii ay dejiyeen 2016-kii, xilligaas oo xukuumadii uu hoggaaminayey ay doorasho gelisay dalka.

Waxa uu soo sharaxay hanaankii ay dalka doorashada uga qabteen, xiligii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in xukumadiisii ay laba sano ku dhistay Galmudug iyo HirShabelle, isla markaana ay doorasho guud ku qabatay.

“Waxaan la leeyahay tanasulaa ayaa la sameeyey oo doorashaa loo tanasulay, wax ka jira maleh, marna laguma fekerin in dalkan doorasho qof iyo cod ah laga qabto,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xog: DF oo ka fakareysa inay bandow saarto Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka fakareyso in bandow ay geliso Muqdisho si loo yareeyo qatarta Covid-19 oo si weyn ugu baahay Muqdisho. 

Wararka aan helnay ayaa muujinaya in qubarada dowladda Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Covid-19 ay Xukuumada u gudbiyeen talooyin ah in la fasaxo goobaha waxbarashada, Maqaayadaha iyo hoteelladana la xiro. 

Villa Somalia iyo Xukuumada ayaa ka fikiraya saameynta ay ka tagi karto arrintaan maadaama ay reebi karto saameyn dhaqaale oo weyn, mana cadda haddii go’aanka hadda lagu taamayo lagu dhaqaaqi doono. 

Dr Maxamed Maxamuud Fuje, oo ah la-taliyaha sare ee dalka ee arrimaha Covid-19 ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dhowaan ay soo bixi doonaan amarro adag oo lagula taacalayo arimaha taagan. 

“Waxaan u gudbinay talooyin dalka lagu gelinayo Bandow ama Muqdisho oo kaliya, waayo dhimasho badan ayaa jirto waana sii faafaayaa cudurka waliba si weyn,” ayuu yiri Dr Fuje.

Bandowga ayaa noqon doona mid la mid ah kii sanad ka hor ay soo rogtay dowladda oo billaabanaya wixii ka dambeeya laba saac habeennimo. Si kastaba ma cadda saameyn Bandow xiligaas billowda uu yeelan karo maadaama bulshada ay aad isku dhex socoto maalintii.

Faah-faahhin ku saabsan 2 dhallinyaro ah oo maanta lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta waxaa ay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dileen laba dhallinyaro ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad, waxaana la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya qeybta ilaalada shacabka ee dharcadka loo yaqaan.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay labada dhallinyarada ah ay wateen mooto nooca labada lug leh ee Fekonta loo yaqaan, waxaana weerarkaas sidoo kale lagu dhaawacay mid kale oo la socday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkaas, iyaga oo ku sheegay qoraal lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka in dhalinyarada la dilay ay ka tirsanaayeen askarta Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgal baaritaano ah oo lagu baadi goobayay ragii fuliyay dilka loo geystay Askarta ka tirsaneyd dharcadka.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah-fahin ah kama bixin, waxaana dilkan uu kusoo aadayaa xilli Maanta Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo lala eegtay Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Mareykanka oo warbixin sir ah ku sheegay qorshe halis ah oo Ethiopia ay ka waddo gobolka Tigray

Tigray (Caasimada Online) – Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay dowladda Mareykanka, islamarkaana uu helay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay wado “olole nidaamsan oo ah isir sifayn” iyadoo loogu ganbanayo dagaalka gobolka Tigray, oo ah aag ay inta badan gacanta ku hayaan maleeshiyada Amxaarada ee waqooyiga dalka.

New York Times ayaa sheegaysa in warbixinta, oo la qoray horaantii bishan February ay “si adag u qeexeyso dhul iyo guryo la bililiqaystay iyo tuulooyin cidla ah oo tobanaan kun oo qof aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.”

Sida lagu sheegay warka uu qoray wargayska New York Times, warbixinta ayaa lagu ogaaday in saraakiisha Ethiopia iyo dagaalyahannada maleeshiyada xulafada la ah ee ka soo jeeda gobolka deriska ah ee Amxaarada, kuwaasi oo usoo dagaal tagay gobolka Tigray si ay u taageeraan Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ay “si ula kac ah oo buuxda uga dhigayaan Galbeedka Tigray meel ay qowmiyad gaar ah degto iyagoo adeegsanaya awood abaabulan iyo cabsi gelin.”

Warbixinta ayaa sheegaysa in dadka qaar ay u qaxeen duurka ama ay si sharci daro ah ugu tallaabeen dhanka dalka Suudaan, halka qaar kalana la soo aruuriyay oo si qassab ah loogu raray goobo kale oo ka tirsan Tigray, sida uu qoray wargaysku.

Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in Mareykanku uu “aad uga walaacsan yahay warbixinnada la xiriira xadgudubyada iyo guud ahaan xaaladda ka sii dareysa ee Tigray.”

Colaadda hubaysan ee ka jirta Tigray ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof. Taasi ayaana keentay in boqolaal kun ay ka cararaan guryahooda. Gobolka oo ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa soo foodsaartay cunno yari, biyo iyo dawo la’aan.

VOA

Xog: Beesha caalamka oo go’aan ka gaareysa shirka doorashda ee la isku hayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa xoojisay dadaallada ay isku soo dhaweyso dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah ee is-diidan, waxaana la sugayaa inay soo saarto go’aan horay loogu sii socdo.

Labada dowlad goboleed ee Jubaland iyo Puntland ayaa laalay shirkii uu 18-kii February ku baaqay sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxeyna dalbadeen damaanad qaad dhan amni ah iyo dhan fulinta heshiiska ah, kadib heshiiskii guddiga farsamo ay ku gaareen Baydhaba.

Sidoo kale, shirkii ka dhici lahaa Muqdisho waxaa saameyn ku yeeshay dhacdooyinkii 19-ka February ka dhacay Muqdisho, weerarkii madaxweynayaashii hore iyo rasaastii lagu furay dad dhigayay banaabax nabadeed oo ay ku jiraan masuuliyiin hore dalka, musharaxiin iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Iyadoo ay taasi jirto ayey beesha caalamka mar kale soo faragalisay, waxaana jirtay iney shuruudo la yimaadeen dowladaha Jubaland iyo Puntland, sidoo kalana musharaxiinta oo ay u badan tahay in laga qeyb galiyo shirka la abaabulayo ayaa iyaguna shuruudo gudbiyay.

Saddex qodob ayaa ugu muhiimsan shuruudaha ay soo gudbiyeen Jubaland iyo Puntland, waxey doonayaan in beesha caalamka ay ay damaanad qaado fulinta wixii kasoo baxa shirka, in shirku ka dhaco meel dhex-dhexaad ah iyo in shirka laga qeyb galiyo musharaaxiinta mucaaradka, waana qodobo uu markii hore diidanaa FARMAAJO.

Beesha caalamka waxey sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ku cadaadiyeen inuu qaato doorka nabadeynta, waxaana la sugayaa shaacinta shir ka dhici doona Xalane.

Shirkaas lagu wado inuu xalane ka dhaco ayaa la filayaa inuusan ka qeyb galin FARMAAJO, waxaana ku matali doona xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

Maxaa looga hadlay kulankii uu R/W Rooble la qaatay xubnaha beesha caalamka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga kulan kula yeeshay wakiilada beesha caalamka sida lagu baahiyay qoraal lasoo dhigay barta facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulankaan looga hadlay sidii horay loogu sii wadi lahaa wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo la hirgalinaayo heshiiskii doorasho ee 17-kii September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Sidoo kalana aysan ka marneyn hirgalinta is fahamkii dhexmaray guddiyadii farsamo ee ka socday dhinacyada kala duwan, kuwaas oo laba maalmood ku shiray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in beesha caalamka ay sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ku bogaadiyeen kaalintii uu ku lahaa is fahamkii uu la gaaray midowga musharaxiinta kadib shir ay yeesheen 25-kii February.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA:

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo.

Maxamed Gantisa: “Inaan dhintay ayey moodeen qoyskeyga, waa la i illaaway”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa shalay laga sii daayay nin u dhashay qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya kaas oo xabsigaas ku xirnaa muddo 20-sano ah.

“Markii la i xirayay waxaan jiray 21 sano, markaas baa iigu dambeysay magaalada”, ayuu u sheegay BBC Somali, Maxamed Muuse Gantisa.

Sanadkii 2001 ayey maxkamad ku talla magaalada Hagryesa ku xukuntay 8-sano oo xarig ah iyo inuu bixiyo magta ninka uu gacantiisa ku dilay, maadaama ay maxkamaddu ku heshay dambiga.

Uma suuragalin muwaadinkaan inuu helo lacagta diyada, sidaas darteed wuxuu xabsiga kusii jiray sanado dheeraad ah, sanadkii 2019 ayeyna xabsiga isku barteen Cabdimaalik Muuse Coldoon oo isna halkaas lagu xiray.

Coldoon ayaa ka qeyb qaatay sii deysmada ninkaan maadaama uu soo aruuriyay lacagahii diyada ahaa ee lagu lahaa, shalay ayaana xabsiga laga sii daayay kadib 20-sano uu xirnaa.

Sida wararka qaar ay sheegayaan $700 oo doolar oo ah qeyb ka mid ah diyadii uu u xirnaa muwaadinkaan ayaa la bixiyay.

“Qofkasta waan kaa bixinayaa ayuu ku odhanayaa (diyada) mana jirin qof iga bixiyay”, ayuu sheegay.

Maxamed Gantisa, wuxuu tilmaamay in reerkiisa aysan ka warhayn in uu xiran yahay. “Waxay u haystaan in aan dhintay. Beri hore ayaa la i illaaway. Hadda wax xiriir ah lama lihi”, ayuu yiri.

“Farxad ayaan dareemay markii la ii sheegay in la is siideynayo. Labadii bilood ee aan sugayay in la i sii daayo, hurdaba waan iska daayay farxad daraateed”.

Maxamed Gantisa ayaa la sii daayay ka dib markii kala bar diyadii laga bixiyay, barka kalena laga cafiyay. Waxaa ka cafiyay niman qaraabo la ah ninkii uu Maxamed Gantisa dilay ee xabsiga uu ku muteystay.