27.1 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Maxamed Gantisa: “Inaan dhintay ayey moodeen qoyskeyga, waa la i illaaway”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa shalay laga sii daayay nin u dhashay qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya kaas oo xabsigaas ku xirnaa muddo 20-sano ah.

“Markii la i xirayay waxaan jiray 21 sano, markaas baa iigu dambeysay magaalada”, ayuu u sheegay BBC Somali, Maxamed Muuse Gantisa.

Sanadkii 2001 ayey maxkamad ku talla magaalada Hagryesa ku xukuntay 8-sano oo xarig ah iyo inuu bixiyo magta ninka uu gacantiisa ku dilay, maadaama ay maxkamaddu ku heshay dambiga.

Uma suuragalin muwaadinkaan inuu helo lacagta diyada, sidaas darteed wuxuu xabsiga kusii jiray sanado dheeraad ah, sanadkii 2019 ayeyna xabsiga isku barteen Cabdimaalik Muuse Coldoon oo isna halkaas lagu xiray.

Coldoon ayaa ka qeyb qaatay sii deysmada ninkaan maadaama uu soo aruuriyay lacagahii diyada ahaa ee lagu lahaa, shalay ayaana xabsiga laga sii daayay kadib 20-sano uu xirnaa.

Sida wararka qaar ay sheegayaan $700 oo doolar oo ah qeyb ka mid ah diyadii uu u xirnaa muwaadinkaan ayaa la bixiyay.

“Qofkasta waan kaa bixinayaa ayuu ku odhanayaa (diyada) mana jirin qof iga bixiyay”, ayuu sheegay.

Maxamed Gantisa, wuxuu tilmaamay in reerkiisa aysan ka warhayn in uu xiran yahay. “Waxay u haystaan in aan dhintay. Beri hore ayaa la i illaaway. Hadda wax xiriir ah lama lihi”, ayuu yiri.

“Farxad ayaan dareemay markii la ii sheegay in la is siideynayo. Labadii bilood ee aan sugayay in la i sii daayo, hurdaba waan iska daayay farxad daraateed”.

Maxamed Gantisa ayaa la sii daayay ka dib markii kala bar diyadii laga bixiyay, barka kalena laga cafiyay. Waxaa ka cafiyay niman qaraabo la ah ninkii uu Maxamed Gantisa dilay ee xabsiga uu ku muteystay.

Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho + Bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka helya gudaha deegaanka DaaruSalaam qarax nooca miinada ayaa ka dhacay halkaasi, kaas oo noqonaya qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan oo ka mid ah caasimada, iyada oo kadib ay xigtay rasaas xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullahi Cariif iyo saraakiil Booliis ah oo la socotay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale meesha tegay, kuwaas durbo xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey.

Saalax Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah , marka laga tego bur-bur gaaray gaariga uu qaraxu haleelay.

Waa qaraxii labaad ee lala beegsanayo guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid oo todobaadyo, ka hor miino lagula eegtay isla deegaanka DaaruSalaam ee Muqdisho.

Yuu ahaa bartilmaameedka qarixii wadada Cabdiqasim?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarixii saaka aroortii hore ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo sidoo kale dhaawac intaba.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Caasimada ayaa ahaa nooca miinada ee soo boodada ah, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la qarxiyey uu watay taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, General Cabaas Amiin Cali, walow uu ka bad-baaday miinadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay waxyeelo soo gaartay qaar ka mid ah ciidamadii uu watay, waxaana qaraxa ku dhintay 1 askari, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Waxaa sidoo kale weerarkan qaraxa ah ku dhintay hal qof oo ahaa wade mooto Bajaajle, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo Bajaajle ah, kuwaas oo jidka marayey.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana shaacisay ‘inuu si dirqi ah kaga bad-baaday’ taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa fuliso weerarada ceynkan oo kale ah oo maalmahan kusoo badanayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maxaa ka dhaxeeya hogaan la-wareegista Uhuru Kenyatta iyo inaan la qaban codsigii Soomaaliya ee EAC?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ururka Bushada Bariga Africa ee East Africa Community (EA) ayaa dib u dhigay inuu eego codsiga Soomaaliya ay uga mid noqoneyso ururkaas.

Intii uu socday shir madaxeedkii 21-aad ee ururkaas oo ku dhacay qaab online ah, ayaa ururka wuxuu sheegay in codsigii Soomaaliya ee ka mid noqoashad aan weli la qaban. 

“Shir madaxeedka wuxuu xusay inaan la billaabin howsha xaqiijinta ee ku biirista Soomaaliya ee EAC, wuxuuna golaha faray in di u eegis lagu sameeyo howshaas,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir madaxeedka EAC.

Dhanka kale, ururka ayaa tixgeliyey codsiga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, wuxuuna faray Golaha inuu billaabo howsha xaqiijinta ee ku biiritsya dalkaas ee EAC. 

Ma cadda sababta ururka u qabtay codsiga Congo una diiday kan Soomaaliya oo muddo isku dayeysa inay xubin ka noqoto ururkaas.

Si kastaba, arrintan ayaa timid ayada oo shir madaxeeedka uu guddoomiyaha cusub ee madaxweynayaasha ururuka u doortay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, mana cadda haddii Uhuru uu kaalin ku leeyahay arrintan.

Uhuru ayaa xilkan kala wareegay madaxweynaha Rwanda Pau Kagame.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiisad xooggan oo salka ku haysa sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, iyo faro-gelin ay dowladda federaalka sheegtay inay kenya ay ku hayso siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ururka EAC ayaa sidoo kale shir madaxeedkan wuxuu xogahayaha guud ee ururka ugu doortay Dr. Peter Mutuku Mathuki oo Kenyan ah, kaasi oo xilka hayn doona shan sano. Tani waxay sii xoojineysaa saameynta Kenya ee ururka, ayada oo islamarkaana wiiqeysa rajada Soomaaliya ee ka mid noqoshada.

Wararkii ugu dambeeyey qarixii ka dhacay wadada Cabdiqaasim + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan, kaas oo uu noociisu ahaa miinada soo boodada loo yaqaano.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay dalcadda Cabdiqaasim lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo marayey halkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo ahaa wade mooto Bajaajle ayaa ku dhintay qaraxan, iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa afar qof oo kale oo labo ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda , sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana dib u soo noqday dhaq-dhaqaaqii isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Cabdiqaasim.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo nooca miinada ah, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho & dhaawac.

Itoobiya oo qabatay hub iyo raggii watay + Sawirro

0

Addib Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee ka howl-gala magaalada Addis Ababa ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan, rasaas iyo raggii watay.

Warbixin kasoo baxday Booliiska ayaa lagu sheegay in hubkan Addis Ababa lagu soo-geliyey gaari nuuca loo yaqaano ah Isuzu, kaas oo ka yimid deegaanka Axmaarada.

Sidoo kale saraakiisha Booliiska ayaa shaaciyey in hubkan loo soo ekeysiiyey agab caadi ah oo saarnaa gaariga, bals ay daba-gal ay ku sameeyeen sirdoonka dalkaasi.

Qoraalka kasoo baxay Booliska Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM), laba  Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay  xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad.

Warbixinyta ayaa sidoo kale intaasi kusii dareysa in la qabtay labo nin oo la socday gaariga, islamarkaana ah kuwa hubka sida qarsoodiga ah kusoo geliyey Addis Ababa.

Itoobiya ayaa marar badan gacanta ku dhigtay hub si sharci darro ah lagu soo-geliyey dalkeeda, gaar ahaan magaalada Addis Ababa oo ay howl-gallo ka sameeyeen Booliska.

66 jir ah Soomaali ah oo xaaskiisa ‘u dilay Corona ku dhacay’ oo xukun lagu riday

0

London (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla magaalada London ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaadin Somali British ah, kaasoo bishii April ee sanadkii hore xaaskiisa ku dilay xaafada ay ka degan yihiin Soomaalida Edmonton Green ee Waqooyiga London.

Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 sano jir darawal basaska dadweynaha ah ayaa maxkamadda ka hor qirtay in xaaskiisa Maryan Ismaaciil uu dilay 6 April, kadib markii ay guriga ugu ceyrisay markii uu ku dhacay cudurka COVID19, kuna qeylisay si uu guriga isaga tago uguna fogaado iyada iyo caruur kale oo ay haysatay, balse isaga aanu wax ubad ah u dhalin.

Xuseen ayaa maxkamadda horteeda ku dooday in uu isdifaacayay islamarkaana cudurkii ku dhacay uu waalay kuna riday isbadal dhinac walba leh, taasoo keentay geerida marxuumada.

Baaris lagu sameeyay meydka marxuumadda xaaskiisa aheyd ayaa muujiyay in uusan jirin gacan ka hadal dhex maray labadooda, balse xaaska si ula-kac ah loo dilay.

Falkaan oo dhacay 6-dii April 2020 ayaa si weyn waxaa uga murugooday dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh Xuseen oo ahaa qof aad u degan, ku xernaa masaajidka shaqeysta, reerkiisana dhaqda.

Ali Muhiyaddiin
London, Caasimada

FARMAAJO oo laga diiday inuu ciidamada DANAB kusoo daabulo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Washington Post ayaa qoray in madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga diiday inuu Muqdisho kusoo daabulo ciidamada Mareykanka uu tababaro ee Danab, kahor dibad-baxyadii Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Danab, oo aan magaciisa la xusin ayaa Washington Post u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu taliyaha Danab weydiistay in qaar ka mid ah ciidamada uu kusoo daadgureeyo Muqdisho, hase yeeshee codsigaas laga diiday.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyey ma sheegin haddii Mareykanka ay kaalin ku lahaayeen diidmadan, ayada oo la rumeysan yahay in ciidamadan ay si toos ah ugu xiran yihiin Mareykanka, si ka duwan ciidamada kale ee Soomaaliya loo tababaro.

Mareykanka ayaa horey ugu diiday in ciidamadadaas loo adeegsado wax ka baxsan howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Danab ayaa la rumeysan yahay inay yihiin ciidanka ugu tababarka wanaagsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Hase yeeshee, isla toddobaadkaas ayaa waxaa Muqdisho lagu soo daabulay ciidamada kale ee gaarka ah ee Gorgor iyo Haramcad, kuwaas oo labaduba ay tababaraan Turkish-ka. Ciidankaas qaarkood ayaa loo adeegsaday weerar lagu qaaday qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka, iyo rasaas lagu furay dibad-baxayaal taageersan.

Turkish-ka ayaa hore loogu eedeeyey inay u ogolaadeen ciidanka ay tababaraan in loo adeegsado dano siyaasadeed oo ka baxsan ujeedka markii hore loo tababaray oo ah la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Turkish-ka ayaa ku dooday in shaqadooda ay tahay inay tababaraan ciidanka, balse sida loo adeegsanayo ay tahay arrin u taalla dowladda Soomaaliya.

Khasaare culus oo Shabaab kasoo gaaray weerar ay ku qaadeen Qansaxdheere

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay waxay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay sacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen weerar toos ah, kaas oo maamulka degmadaas uu guulo ka sheegtay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Qansaxdheere Maxamed Mukhtaar Cabdi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay kasii war heleen weerar uga soo wajahnaa Al-Shabaab, isla markaana ay u diyaar garoobeen.

Waxa uu sheegay in markii ay soo weerareen magaalada ay iska caabin adag kala kulmeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Daraawiishta maamulka K/Galbeed.

Guddoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in sagaal dagaalame ay Al-Shabaab uga dileen dagaalkaas, ugu yaraan 12 kalena ay uga dhaawaceen.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dagaalamayaasha lagu dhaawacay dagaalka ka dhacay Qansaxdhere intooda badan ay ku jiraan gacanta maamulka, iyaga oo nool.

Weerarka ay magaalada ku soo waadeen kadib waxa uu sheegay inay duleedka degmada ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah kooxda, isla markaana ay halkaas ku dileen seddax dagaalame oo kale.

Sidoo kale guddoomiye Maxamed Mukhtaar waxuu sheegay inay ka qabsadeen Al-Shabaab gaadiid u badan mootooyin ay howlgalladooda ku fulin jireen.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa madaxda dowladda federaalka iyo maamulka koonfur Galbeed ka dalbaday inay gacan ku siiyaan sidii degmada Qansaxdheere looga saari lahaa go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab.

 

Daawo: Itoobiyaan isagoo 20 jir ah xabsiga Hargeysa galay kuna soo baxay 40 jir

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxamed Muuse oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada Itoobiya ayaa shalay kasoo baxay xabsiga Hargeysa ee Somaliland, ninkaan oo isagoo 20 sano jir ah xabsiga galay sanadkii 2001, kana soo baxay isagoo 40 sano jir ah.

Ninkaani oo ku eedeysnaa dilka muwaadin Somaliland ah ayaa waxaa sii deyntiisa fududeeyay milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan Maxamed Yuusuf oo ay isku barteen xabsiga intii uu xirnaa Cabdimanaan balan qaadayna in uu bixin doono diyada laga doonayo maxbuuska dilka ku eedeysan, hase ahaatee waxaa sidoo kale fududeeyay sii deyntiisa samafale Cabdimaailk Muuse Coldoon.

“Qabri baan ka soo baxay, meel aan u dhaqaaqo ma garanayo” ayuu yiri Maxamed Muuse oo 20 sano ku xirnaa xabsi isagoona u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay sii deyntiisa, gaar ahaan maamulaha Astaan TV iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Cabdimaalik Coldoon ayaa sidaan oo kale horay xabsiga ugu soo saaray muwaadin reer Itoobiya ah oo u xirnaa diyo lagu lahaa.

Qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goor how ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho e caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay ciidamo ku socdaalayey wadadaasi sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale ciidamo ka tirsanb kuwa Booliiska ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo haatan wada baaritaano, islamarkaana goobta uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay soo gaartay waxyeelada oo u badan shacab marayey wadada dhinaceeda.

Faah faahinta kala soco: caasimada.net

 

 

Daawo: Masuul ka tirsan Xisbiga Wadani oo midnimo ugu yeeray Soomaaliweyn

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadda ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay midoobaan, sibuu yiri ‘loo helo nolol tan dhaanta.’

Prof. Buubaa oo waraysi siiyay TV-ga Eryal isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in umadda Soomaaliyeed ay wax noqon karto markii ay isku yimaadaan shantii Soomaaliyeed.

“Anigu waxaan aaminsanahay, dadka Soomaaliyeed in anay kala tagi karin, qoomiyadaha Geeska Afrika waxay ku soo ururayaan in qoomiyad waliba wax wada qabsato, oo qoomiyaduhu dhexdooda heshiiyaan, oo ay khayraadka si wanaagsan ula soo baxaan, sidaa darteed, Somaliland joog, ama Soomaaliya joog, ama Itoobiya joog, ama Jabuuti joog, ama Kenya jooge, Soomaalida maanta talaa hortaalla, taas oo ah in hadii nolol tan dhaanta la doonayo, oo jiilasha soo socda nolol loo abuurayo, taasi waxay ku imaneysaa in Soomaaliweyn wax wada qabsato,”ayuu yiri Prof. Buuba Ismaaciil Hurre.

Isagoo tusaale ka bixinayey sida ay taasi ku suurta geli karto ayaa waxa uu sheegay in qolo kasta ay maamul samaysan karto, laakiin ay tahay in lawada shaqeeyo oo aan sidaan look ala taagnaan.

“Is-maamullidu waa gooni, oo maamul waala samayn karaa meel ugaara, laakiin danaha Geeska Afrika umadda Soomaaliyeed waa mid aan kala go’aynin, oo Ilaahay ayaa sidaan u abuuray, oo midna aanu mid la’aantii anay waxba u suuroobayn, anigu Hargaysa ayaan ku dhashay, Awaare ayaan ku koray, Soomaaliduna waa wada sidaas oo kale, marka in been aan isku sheegno maaha,”ayuu hadalkiisa kusii daray Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa.

Dhanka kale mar uu soo hadal qaaday heshiiskii ay dhawaan ay Muqdisho ku gaareen mucaaradka iyo xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa waxa uu sheegay inay aad u soo dhaweynayaan, isagoo u mahad celiyey madaxdii wada qaadatay heshiiskaas.

“Waxa la isku hayey waxweyn ma aheyn oo doorasho hala qabto unbey aheyd, cid diidana ma jirto, laakiin qodobo yar-yar oo wax kala riixasho ah ayaa jiray, waa ku mahadsanyahay Rooble oo la fariistay musharaxiinta oo iyaguna sidoo kale mahadsan, waxay soo afjareen cabsi weyn oo mandiqadda dhan ka taagneyd, runtii in la isku dhaco ayaan aad uga baqeynay,” ayuu yiri Prof. Ismaaciil Hurre.

Hoos ka Daawo

Al-Shabab oo xukuno kala duwan ku fulisay 3-qof + Eedeymaha loo heysto

0

Jilib (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe xukunno kula fuliyey seddax qof oo sigu jiray rag iyo dumar, kuwaas oo ay ku kala eedeeyeen gobol-dhaaf iyo xatooyo.

Siidii Muxudiin Cabdi oo lagu eedeeyey xatooyo ayaa laga jaray gacantiisa midig, sidoo kale Cilmi Khaliif Maxamed oo loo heysto kufsi ayaa laga qaaday xoolo, iyadoo lagu fuliyey xukun karbaasha ah, halka Caasha Cabdulqaadir Cumar oo loo heysto gogol-dhaaf ay ku fuliyeen xukun jeedal ah.

Nin sheegtay inuu yahay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Jilib ayaa fagaare ay xukunnada ku fuliso kooxdu oo ku dhex yaalla Jilib ka akhriyey eedaha loo heysto iyo xukunnada dadkaas.

Fagaaraha ay kooxdu xukunnada ku fuliso ee ku dhex yaalla Jilib ayey ugu magac-dareen hoggaamiyihii laga dilay ee Aadan Xaashi Ceyroow oo ahaa ninkii aas-aasay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay dalka ka joogaan waxay xukunno dil u badan ku fuliyaan dadka ku nool, kuwaas oo inta badan ay eedeymo uga dhigaan, basaasnimo, kufsi, xatooyo iyo waxyaabo kale, waxaana aad u cabsada dadka ku nool deegaanada ay dalka ka maamulaan.

Soomaaliya oo laga diiwaan geliyey kiisaskii ugu badnaa ee C0VID-19 ah, 48 saac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee laga helay dalka Cudurka Coronavirus muddo 48 saacadood ee la soo dhaafay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 48 saacadood ee la soo dhaafay la baaray 1,830 ruux, balse cudurka laga helay 304 qof.

Dadka Cudurka laga helay ayaa  Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogan, 147 Ruux Gobolka Banaadir, 77 kamid ah degaannada Hir-Shabeelle, Soomaliland 53 Ruux, Jubbaland 15  qof halka  Galmudug laga diiwangeliyay 7 qof.

Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa 18 Ruux waxaa ay yihiin rag halka 119 kale ay yihiin dumar, waxaana Cudurka u geeriooday 48 saac ee la soo dhaafay 8 Ruux halka saddex Ruux kaliya ay ka bogsadeen.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale  shaacisay Tirada dad hor leh oo u geeriyooday Cudura halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo kamid ahaa bukaano uu la jiifay oo uu mar hore ku dhacay.

Warbixinta maalinla ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka ay ugu geeriyoodeen 8 qof oo tirada dalka COVID-19 ugu dhimatay Soomaaliya ka dhigeysa 231 ruux.

Cudurkan ayaa si weyn ugu faafaya caasimada dalka ee Muqdisho iyo sidoo kale magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabele.

Dadka ayaa u muuqda inaysan dhag jalaq u siineyn fariimaha ay gudbinayaan dhakhaatiirta maadaama dadku ay is dhex socdaan isla markaana aan la dhagaysan talooyinka dhakhaatiirta.

Sababta uu xilka Ugaaska Xawaadle uu si ku meel gaar ah ugu haynayo kan Ceyr

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Allaha u naxariistii Ugaaskii Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ayaa Shalay lagu aasay Duleedka Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan.

Ugaaska ayaa maalmo ka hor magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ugu geeriyooday wadno xanuun kusoo booday sida ay xaqiijiyeen ehelada marxuumka.

Arrinta ugu hadal heynta badan ayaa ah dhaqanka Beesha Xawaadle oo ah in marka uu Ugaaska ka dhinto uu xilkiisa si kumeel gaar ah usii hayo Ugaaska Beesha Cayr taasoo ah dhaqan soo jireen ah oo ay leedahay Beesha Xawaadle.

Dhaqankaan ka dhaxeyo Beelaha Cayr iyo Xawaadle ayaa waxay idaacadda BBC-da ka wareysatay Cali Daahir Xerow oo ka mid ah dadka aadka ugu dhawaa marxuum Ugaas Xasan wax badanna ka yaqaan dhaqankan.

Cali Daahir Xerow ayaa sheegay in dhaqankaan uu soo bilowday 11 Bishii 12-aad sanadkii 2004 markii uu dhintay Allaha u naxariistee Ugaaskii Beesha Cayr Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, wuxuuna sheegay in maalintaas wixii ka dambeeyey Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaskii ugu horeeyey ee ka qeyb galo aaska Ugaas Maxamed uu halkaas kaga dhawaaqay inuu sii ahaan doono Ugaaska kumeel gaarka ah ee Cayr inta laga duubayo Ugaas cusub.

Cali Daahir ayaa sheegay in Ugaaska Beesha kale uu sii heyn doono xilka Ugaasnimada inta ay asaayda ka dageyso xaaska uu ka dhintay Ugaaska Beesha kale, wuxuuna sheegay inuu xilkaas sii heyn doono muddo asaayda oo ah 4 Bil iyo 15 casho.

Wuxuu intaas ku daray in Ugaaska sii hayaha ah ay shaqadiisa noqon doonto inuu xaliyo wixii xurguf ah ee soo kala dhex galo Beelaha Cayr iyo Xawaadle, wuxuumay tilmaamay inuu qaadi doono Mas’uuliyad aad u weyn.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixintaan oo dhameystiran

DF oo tallaab qaaday, kadib burburintii Hoyga Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay weerarkii burburinta ahaa ee shalay aroortii hore lagu qaaday dhismaha Dugsiga Hoyga Xamar, gaar ahaan qeybta xanaanada caruurta ee Iskuulkaasi.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka jawaabayey falkaasi ayaa xilka qaadis ku sameeyey taliyihii Booliska qeybta Waliyow Cadde, wuxuuna magacaabay mid cusub.

Taliyaha cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa Yaasiin Nuur Kheyre (Ganey), kaas oo ka mid ah saraakiisha Booliiska, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Sidoo kale taliyaha cusub ayaa la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilkiisa, islamarkaana uu howsha Booliska qeybta Waliyow Cadde kasii wado halkaasi.

Saraakiisha Booliiska & ciidamada ayaa sidoo kale la faray inay la shaqeeyaan taliye Ganey oo ah nin dhalinyaro ah.

Si kastaba falka lagu weeraray iskuulka Hoyga Xamar ayaa waaa ka dhashay fal-celin xoog-leh iyo cambaareyn ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, kadib markii ciidamo Booliska ah oo wata gaadiida dagaalka ay burbriyeen qeyb muhiim ah oo ka mid ah Iskuulkaasi.

Sidee ROOBLE ku qaadan karaa kaalinta hogaamineed ee marxalada kala-guurka?

0

Baajinta uu ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble baajiyey dibadbaxyadii Jimcaha iyo heshiiska dab biyo ku shubidda ahaa ee uu la galay musharaxiinta madaxweynaha iyo qaabka ay arrintaasi usoo dhoweeyeen  maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay soo dedejisay su’aasha ah ‘Sidee Rooble ku Qaadan Karaa Kaalinta Hoggaamineed  Ee Marxaladda Kala-guurka?!

In uu qaato kaalin hoggaamineed marxaladdan waa mid ku jirtay barnaajimka xukuumadda Maxamed Rooble, uuna ka hor sheegay golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah September 23, 2020 khudbadii uu ku raadinayey kalsooni siinta isaga oo yiri ”Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa iga go’an in aan soo dhiso xukuumad talo leh  oo ka tarjumeysa baahiyaha kala duwan ee jira dalkeenna Soomaaliya, marlaxaddan dalka ku jirana ka gudbisa, gaarsiisa, fulisana hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay”.

Haddaba, idaacadda Goobjoog ayaa su’aashaasi kore waxaa ay hordhigtay  aqoonyahan  iyo falanqeeyeyaal arrimaha siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo Rooble kala hadlay sida uu ku noqon karo mas’uulka ugu sareeya ee hoggaanka marxaladda kala guurka.

Prof  Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah bare jaamacadeed iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo wax laga weydiisay kaalinta hoggaamineed ee ra’isul wasaare Rooble qaadan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri” Sharci ahaan dastuurka isaga ayuu siinayaa, oo awoodeedu waa uu leeyahay, laakin inuu garanayo ma hubo,  oo haddii uu garanyo intan la islama gaarteen, waxaan  qabaa waxaa uu is leeyahay Farmaajo haddii uu soo noqdo mar kale ra’isul wasaare hakaa dhigo, haddii hunguri sidaa ah uu Rooble ku jiro, waxba ma qaban karo, oo hoggaan ma noqon karo, ee waxaan usoo jeedinayaa inu u garto awoodihiisa dastuuriga ah ”.

Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare jaamacadeed isla markaana ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in xasiloonida Muqdisho iyo in la aado doorashada guud intaba ay ku xiran tahay sida Maxamed Rooble, oo ah ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta uu u qaado kaalintiisa hoggaamineed ee dastuuriga ah isaga oo intaa raaciyey  ” Rooble ma noqon karo nin madaxbannaani iyo awood leh, oo hoggaan u noqda maxlamadda kala guurka inta Farmaajo uu sii heysto awoodaha qodobka 90-aad ee dastuurka ”.

Prof Xasan Sheekh Cali Nuur  oo ka hadlay sida ra’isul wasaare uu u noqon karo hoggaanka marxaladda taagan ayaa waxaa uu yiri ” Rooble waa inuu noqdaa nin madaxbannaan, uuna isticmaalo awoodda dastuurka siiyey gaar ahaan kuwa xukuumad xil gaarsiinta, oo aanu noqon nin nin kale ku dhex jira ”.

Dhanka  doorashada iyo hoggaaminteeda waxaa uu Prof Xasan Sheekh Cali Nuur   hadalkiisa kusoo gabagabeeyey ” Waa inuu Rooble magacaabaa koox la taliyeyaal ah, oo uu abuuraa kalsooni, waana inuu tagaa Kismaayo iyo Garoowe, isaga oo aan ka socon Farmaajo, una sharaxaa aragtidiisa la xiriirta hoggaaminta dalka ee marxaladda kala guurka, uuna meel hoose kasoo bilaabo ”.

Dhankiisa, Prof Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah cilmi baare iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo aan wax ka weydiinay hoggaaminta uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble yeelan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri  ” Waa In ras’isul wasaare Maxamed Rooble uu xilkiisa  iyo awoodihiisa dastuuriga ah garto , hadda ma garanayo e, awoodda xukuumadda  ee waddanka looga saarayo marxaladda kala guurka ee dastuuriga ah waa isaga, waa inuu soo ceshtaa awoodahaas ka maqan, oo uu ka baxaa inuu yahay gacan yaraha madaxtooyada ”.

‘Beesha caalamkana waa iney Rooble gacan ku siisaa  inuu helo awoodaha hoggaanka ee marxaladda kala guurka’ ayuu intaasi raaciyey Prof Maxamed Xaaji Ingiriis.

Ugu dambeyntii, Maxamed Maxamuud Cadde ah falanqeeye siyaasadeed oo arrintan ka hadlay ayaa waxaa uu yiri  ” Waa inuu shir isugu yeeraa  dhamaaan saamikmleyda siyaasadeed oo ay ku jiraan musharaxiinta iyo bulshada rayidka ah iyo madaxweyeyaasha Galmudug iyo Hirshabelle in aaney  ka shaqeyn  ama taageerin  mowqif ka duwan kan deegaanadooda, ma taageeri  karaan Farmaajo.  Haday diidaana in aan shirka laga qeyb galin oo laga tashado, haddii sidaas la yeelo waxaa suurowda in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka oo dhan ”.

Haddaba, Maxamed Rooble oo magacaaban ku dhowaad lix bil ayaan la ogeyn sida uu uga dhabeyn doono hadalkiisa ah inuu ka shaqeyn doono kala guurka iyo xataa talooyinka la siinayo ee uu ku noqon karo hoggaamiyaha marxaladdan.

W/Q: Cabdicaziz Axmed Gurbiye

Turkiga oo soo faro-geliyey khilaafka badda Somalia iyo tallaabo uu qaadayo

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka shaqeynaysa sidii Soomaaliya iyo Kenya isugu keeni laheyd miiska wadahadalka si loo xaliyo dacwada badda ee u dhexeysa labada dal, iyadoo dacwadan ay taallo Maxkamada Cadaaladda Addunka ee ICJ.

Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavusoglu ayaa booqasho ku imaan doona Muqdisho iyo Nairobi, horaanta bisha soo socota ee Maarso, isagoo kulamo la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa bilihii lasoo dhaafay uusan xiriirkoodu wanaagsaneyn, sidoo kale waxay Soomaaliya u bareertay inay gabi ahaanba jarto cilaa-qaadkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyey Kenya.

Sida laga soo xigtay ilo xogogaal Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxuu aad u daneynayaa in labada dal ay xal nabadeed ka gaaraan dacwadda badda oo ahayd isha ugu weyn ee khilaafaadka labada dal u dhaxeeya.

Turkigu waxuu dhex-dhaxaadintaan uga faa’iideysanayaa xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhaxeeya, sidoo kale Turkigu waxuu Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo balaaran u arkaa laba dal oo door fiican ka cayaari kara saameyntiisa qaaradda, gaar ahaan Geeska Afrika.

Maxkamadda ICJ ayaa dhowaan ku gacan seyrtay codsi ay dowladda Kenya markii 4-aad ku dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda, waxayna balantu tahay in 15-ka bisha soo socota ee Maarso loo fariisto dhageysiga kama dambeysta ah ee kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya.

Labada dal ayaa biyaha ay isku heystaan lagu kala saari doonaa sanadkan gudihiisa, waxayna maxkamaddu kiiskan ka gaari doontaa go’aan aan racfaan laheyn.

Markii laga soot ago kiiska badda wasiirka arrimaha dibadda Turkiga waxaa ajendihiisa ka mid ah soo celinta xiriirkii xumaaday ee xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.

Ilhaan Omar oo dooneysa in tallaabo laga qaado Bin Salman kadib warbixintii CIA

0

New York (Caasimadda Online) – Xildhibaanad Ilhaan Nuur Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada ee Baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa soo jeedisay in cunaqabatayn la saaro dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Hadalka Ilhaan Cumar ayaa imaanaya xilli ay sirdoonka Maraykanka sheegeen in dhaxal sugaha dalka Sacuudiga uu ku lug lahaa dilkii wariye Jamaal Axmed Khashuggi.

Wariye Khashuggi ayaa 2dii oktoobar 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Dowladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Warbixin laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Dhaxalsugaha Boqortoyada Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman uu ansixiyay dilki saxafigii Jamal Khashoggi oo lagu diley dalka Turkiga sanadkii 2018.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Ilhaan Cumar

“Tani waa sheeko dheer oo dhab ah oo soo daahday oo ku saabsan naxariis darada iyo sharci la’aanta kaligii taliyihii Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Wixii horeyba u muuqday hada waa mid aan la cadeyn karin: MBS iyo maamulka Sacuudiga ayaa si toos ah masuul uga ah dilka saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi waana in lala xisaabtamo.”

“Waa nabar madow oo damiirka ummaddeena ah in kii hore”Trump” ee deganaa Aqalka Cad uusan kaliya la shaqeyn oo maalgelin siinin dowladda Sacuudi Carabiya-laakiin wuxuu ku faanay inuu daboolayo dilka Mr. Khasshogi. Laakiin musuqmaasuqu wuu sii qoto dheer yahay. Muddo tobanaan sano ah, Mareykanku wuxuu indhaha ka qarsaday cabudhinta Sucuudiga ee haweeneyda, taageerada addoonsiga casriga ah, xarigga dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyo ku lug lahaanshaha weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee ka dhaca dhulka Mareykanka taariikhda, Sebtember 11. Waxaan u oggolaaneynaa ujeeddooyinkeenna boqortooyo, ku tiirsanaanta shidaalka shidaalka iyo maskaxdii Dagaalkii Qaboobaa inay xushmeeyaan xushmadda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo danaheenna qaran ee dhabta ah.”

“Maanta waa isbedel weyn oo ku yimid siyaasadeena ku wajahan Sacuudiga. Waxaan ku faraxsanahay in Aqalka Cad uu qiray dambigan, marka lagu daro joojinta taageerada dambiyada Sacuudiga ee ka dhanka ah aadanaha ee Yemen.”ayay sii raacisay.

“Mareykanku waa inuu si joogto ah ugu istaagaa xuquuqda aadanaha iyo sharafta aadanaha adduunka oo dhan – ma ahan oo keliya markay ku habboon tahay.”

Sucuudiga oo iska fogeeyey eedeyntii Mareykanka

0

Riyadh (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada dalka Sucuudiga ayaa jawaab ka bixisay warbixin kasoo baxday sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in dilkii loo geystay Wariye Jamaal Khaashuqji uu amray Maxamed Bin Salmaan

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in eedeynta loo jeediyey Amiirka Dhaxalsugaha  Sucuudiga ay tahay mid lasoo dhoo-dhoobay oo waxba kama jiraan ah.

Qoraalka wasaaradda arrimaha Sucuudi Carabiya ayaa sidoo kale  lagu sheegay in warbixinta Mareykanka ay tahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.

Hadalkan ayaa daba socda warbixinta uu shaaciyay maamulka madaxweyne Joe Biden, taas oo tibaaxaysa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriye  Khaashuqji oo 2018kii lagu dhe-xdilay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbuul.

“Waxaan ogaannay in Amiirka Dhaxalsugaha ah ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sacuudi Jamaal Khaashuqji,”  ayaa lagu yiri warbixinta Mareykanka.

Si kastaba waa markii ugu horraysay ee uu Mareykanka si cad u carab-baabo magaca Amiirka Shaxalsugaha ah Maxamed Bin Salman, kaas oo horey u dafiray dilkaasi.