25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Al-Shabaab oo maanta dib u la wareegtay deegaan ay ka soo baxeen AMISOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Mashallaay oo ay dib uga soo baxeen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Uganda.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay si nabdoon kula wareegtay deegaankaasi oo ku yaalla duleedka degmada Qoryooley.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahanada Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi, iyaga oo sidoo kale ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ay ciidamada AMISOM oo dib ugu soo laabtay Qryooley ay uga soo baxeen deegaankaasi, iyaga oo ka soo guuray  dhammaan saldhigyadoodii.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dib u gurashadaasi.

Inta badan dagalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha ciidanka ee gobolkaasi, iyaga oo sidoo kale dib u qabsada deegaanada laga soo baxo.

Heritage oo warbixin kasoo saartay sida loo xallin karo xiisadaha Gedo iyo Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage ayaa waxaa looga hadlay xiisadaha ka taagan gobollada Gedo & Hiiraan.

Heritage ayaa marka hore ku baaqay in xal waara laga gaaro xiisadaha ka jira labadaasi gobol, ka hor doorashooyinka dalka.

Sidoo kale machadka ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in dib u heshiisiin laga bilaabo gobollada Gedo & Hiiraan oo ka kala tirsan Jubbaland iyo HirShabelle.

Qoraalka ka soo baxay Heritage ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in machadka uu ka talinayo in dib loo dhigo doorashooyinka labada gobol, inta laga xalinayo xiisadahaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa in dowladda federaalka la shaqeyso labada gobol si loo bilaabo geedi socod dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu xalinayo xiisada labadan gobol oo marka la eego caqabadaha ka jira ay xiriir la yeelan karaan guud doorashooyinka dalka, si nidaamsanna wax looga qabto cabashooyinka ay qabaan beelaha qaar ee  labada gobol oo muddo dheerba soo jiitamayay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay machadka Heritage.

Bayaankan ayaa ku soo aadaya, iyada dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, si weyna la’isugu hayo arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, waxaana xiisada ugu xoogan ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo isku hayaan dowladda dhexe & maamulka Jubbaland.

Guudlaawe oo xildhibaano kula kulmay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimasa Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen ( Guudlaawe) oo weli ku sugan Muqdisho ayaa ka wada kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladda dalka & arrimaha HirShabelle.

Guudlaawe ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho ku qaabilay qaar ka mid ah xildibaanada  baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada  maamulka HirShabelle.

Kulanka ayaa ahaa mid is xog- wareysi iyo salaan ay xildhibaanadaasi ugu tageen madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Kadib labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimaha HirShabelle, gaar ahaan xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee ka dhalatay doorashadii HirShabelle ee lagu qabtay magaalada Jowhar.

Xildhibaanada iyo madaxweynaha ayaa isla meel dhigay inay muhiim tahay in la soo afjaro xiisadaasi, si looga wada shaqeeyo horumarka HirShabelle.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulanka ku soo qaaday xaaladda dalka iyo sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Si kastaba Cali Guudlaawe ayaa ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka la eego, sida loo wajahayo doorashada dalka.

Xarun ay laheyd Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyey

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska Africom ee Mareykanka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn diyaaradahooda dagaalka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, taas oo lala eegtay Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanka Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntaasi ay ku burburisay xarun ay laheyd kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu sheegay inay aheyd faraca Idaacadda Andaluus ee Tiyeeglow.

Ma shaacin Mareykanka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, marka laga tago burburinta xaruntaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo la xiriira duqeyntaasi.

Waa duqeyntii afaraad oo uu Mareykanka ka fulinayo gudaha Soomaaliya, tan iyo markii la guda-galay sanadkan cusub ee 2021-ka.

Kulan hadda u socda Fahad Yaasiin iyo Cali Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hadda kulan xarunta hey’adda Nabad sugidda kula leh Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Kulankaan xoogiisa waxaa la sheegay in looga hadlaayo arrimaha  doorashooyinka oo is mari-waa xoog leh uu ka taagan yahay.

Xogta ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii NISA Fahad Yaasiin ay dadaal ugu jiraan sidii deegaanada dowlad goboleedyada taabacsan ay uga qabsoomi laheyd doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Fahad iyo Farmaajo ayaa doonaya inta aan la gaarin 8-da Febraayo in Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed lagu soo doorto xubnaha ku metelaya baarlamaanka federaalka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii Seddaxaad ee maamullada taabacsan dowladda dhexe oo xarunta NISA ugu taga Taliyaha Nabad sugidda Fahad Yaasiin.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa horay xarunta Habar-Khadiijo ee looga taliyo Nabad sugidda Soomaaliya ugu tegay Taliye Fahad Yaasiin, iyagoo kala hadlay khilaafka hareeyey doorashada dalka.

Ka hortagga dagaal doorasho oo Soomaaliya ka qarxa

0

Labaatan maalmood kayar ayuu dhammaanayaa muddo-xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda siyaasadda ee dalkuna weli iskuma afgaran hannaankii loo hirgelin lahaa heshiiskii 17-kii Sebtembar ee doorashada federaalka. Heshiiskaas taariikhiga ah, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) waxa ay isku af-garteen in la qabto doorasho dadban, oo ka dhacda laba xarumood oo dowlad goboleed kasta iyo Muqdisho ah, in 101 ergo ay codeeyaan, oo ay doortaan xildhibaanada aqalka hoose, iyo in baarlamaanada dowlad goboleedyadu ay doortaan xubnaha Aqalka Sare. 

Afar bilood kaddib, afar qodob oo doorashada la xiriirta ayaa la isku maan-dhaafsan yahay. Kow, ugu yaraan labo maamul-goboleed (Puntland iyo Jubaland) iyo midowga musharixiinta madaxweynaha ayaa diiddan dhex-dhexaadnimada Guddiga Doorashada Heer Federaal (GDHF). Waxay ku doodayaan in xubno ka tirsan guddiga ay yihiin shaqaale dowladda federaalka iyo sarakiil ka tirsan laamaha amniga. Labo, labada maamul-goboleed iyo midowga musharixiintu waxa ay diiddeen guddiga doorashooyinka xildhibaanada Somaliland oo ay magacowday dowladda federaalku, guddigaas oo ay ku eedeeyeen mid duudsinaya xuquuqda siyaasadeed ee guddoomiyaha Aqalka Sare iyo taageerayaashiisa iyada oo guddoomiyuhu uu yahay hoggaanka ugu sarreeya madaxda la doortay oo ka soo jeeda gobolada woqooyi. Saddex, waxaa jira is-afgaran waa baahsan oo ka jira doorashada kuraasta 16 xildhibaan oo loo qoondeeyey gobolka Gedo ee maamul-goboleedka Jubaland, gobolkaas oo taladiisa ay la wareegtay dowladda federaalka. Sidoo kale khilaaf wajiyo badan leh ayaa ka taagan gobolka Hiiraan (tabasho qabiil, muran awood qaybsi iyo dano doorashada la xiriira), gobolkaas oo ku dhawaad kala bar kuraasta xildhibaanada Hirshabeelle ay tahay in lagu doorto. 

Haddii aan la helin heshiis deg-deg ah oo ku saabsan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxaa suurto gal ah in dowladda federaalka ay isku daydo in ay qabato doorasho aan loo dhammayn, taas oo ay u badan tahay in ay meelo badan oo dalka ah ka keento dagaallo. Madashii Aragti Wadaagga ee Machadka Heritage uu dhawaan ku soo gunaanadey Garoowe, waxa ay ahayd isku daygii ugu danbeeyey ee in xal loogu helo is-maan-dhaafka doorashada ka taagan. In kasta oo ay muuqdeen, haddana weli jiraan arrimo badan oo is-afgarad sahli kara, haddana, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu waa ay ku guul darraysteen in fursaddii kulanka Garoowe ka dhalatay loo badello mid is afgarad dhalisa. 

Haddaba, iyada oo la eegayo khatarta muuqata iyo sida muranku colaad afka ugu saaran yahay, waa daruuri in la helo dhex-dhexaadin caalami ah oo udhaxaysa labada dhinac. Bulshada caalamka oo ay horkacayaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo weliba adeegsanaya Golaha Ammaanka waa in ay culayska u badan saaraan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada/mucaaradka si ay u kulmaan maalmaha soo socda ayna dib uga istaagaan albaabka colaadda oo ay siyaasiyiinta Soomaalida garaacayaan. Labada dhinacna ma aysan kulmin ilaa 17-kii Sebtember oo ahayd markii Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada.

Sidee lagu yimid xaaladdan khatar ah? 

Afartii sano oo la soo dhaafay, doorashooyin goboleed ayaa ka dhacay dhammaan shanta maamul-goboleed. Marka laga reebo Puntland, dhammaan doorashooyinkii kale waxay ahaayeen kuwo aan hufnayn, oo laboobay oo natiijadu ay ahayd mid la sii qorsheeyey. Dowladda federaalka ayaa siday rabtay u maamulatay doorashooyinkii Koofur-galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iyada oo ujeeddadu ay ahayd in ay taageerayaasheeda kuraasta madaxnimada goboladaas ay ku fariisiyaan si ay madaxdaasi doorashooyinka heer federal guusha ugu salaxaan madaxda federaalka ee iyaga dhisay. Madaxweynaha hadda ee Jubaland isaguna doorashada gobolkaas isaga ayaa isa soo saaray dadkii la tartamayeyna suuragal uma ahayn in ay galaan doorasho ay si xor ah oo xalaal ah u tartami karaan. Doorashadaas kaddibna waxaa sii murgey khilaafka gobolka Gedo oo hadda noqday gobol Jubaland ka madax bannaan oo hoos taga Madaxweynaha dowladda Federaalka. 

Doorashoonyinkii la musuq-maasuqay ee ka dhacay maamul goboleedyada ayaa u gogol-xaaray hufnaan la’aanta hannaanka doorasho ee heer fedaraal. Marka laga fiiriyo dhanacyo badan, doorashooyinkii afartii sano ee u dambaysay ka qabsoomay maamul goboleedyada intooda badan waxay dalka u diyaariyeen marxalad cakiran oo dhalin karta qarax siyaasadeed, xilli doorasheedka baarlamaanka soo socda iyo madaxwaynaha qaranka. Hoggaamiyeyaasha dawladda federaalka waxa ay filayeen in doorashooyinkii xoogga iyo muraadsiga ku dhisnayd ee maamul goboleedyada ay intooda badan ka soo saareen saaxiibadood in marka la gaaro doorashooyinka heer qaran in ay xaggooda awoodda u janjeerin doonto. Dhanka kale, mucaaradka ayaa aaaminsan in ay adag tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, maaddaama dawladda federaalku ay muquunisay haddana ay maamusho saddax maamul goboleed iyo magaala madaxda, Muqdisho. 

Aragtidan kala kaan ka ah ayay ku salaysan tahay ismari-waaga siyaasadeed ee haatan taagan. Waxaa dhinacyada is haya ka go’an siduu midba midka kale u muquunin lahaa ama u minja xaabin la haa. Saadaashuse ma muujinayso jawi quruxsan oo ay Soomaliya ku xasili karto. Waxaa dhici kara in jaha la’aanta siyaasaddu ay dib u furfurto nabaddii iyo nidaamkii dawliga ahaa ee beesha caalamku ay labaatankii sano ee la soo dhaafay tidcaysay. Ilaa iyo markii ay dib u yagleeddii saddexaad ee qaranka Soomaaliyeed ka billaabatay Jabuuti sannadkii 2000, waxaa dalka ka qabsoomay afar doorasho oo heer qaran ah, kuwaas oo guud ahaan ay saamileyda siyaasaddu heshiis ku ahaayeen, walow ay jireen dhalliilo iyo khaladaad cadcad.

Doodaha iska soo horjeeda 

Dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, dhinac waliba wuxuu fagaaraha la imanayaa dood muhiim u ah oo la xiriira is-maandhaafka ka aloosan doorashooyinka. Mucaaradku waxa ay aaminsan yihiin in Madaxwayne Farmaajo uu doonayo in uu doorashada u boobo si lamida sidii uu ka sameeyay saddex maamul goboleed. Waxaa kale oo ay aaminsan yihiin in jawiga siyaasaseed ee maanta jira iyo muquuninta saddex maamul goboleed iyo Banaadir ay horseedayaan doorasho najiidadeeda la sii ogyahay. Marka lays ku daro Koonkur Galbeed, Gobolada Waqooyi, Galmudug, Hirshabeelle iyo Banaadir waxaa ka soo baxaya ku dhawaad 70% oo ah xubnaha baarlamaanka heer faderaal. Waxaa kale oo ay ka dacwoonayaan xaqqiiqada ah in Madaxwayne Farmaajo uu ku guul daraystay inuu isku dubbarido hannaan doorasho oo la isla oggol yahay sidii ay sameeyeen labadii madaxwayne ee isaga ka horreysay, oo weliba aan iyagu ku guulaysan doorashadii ay maamulayeen.

Dawladda fedaraalku, gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo, waxa uu dhiniciisa ku doodayaa inuu sameeyay tanaasul badan, laga soo billaabo ka hariddii doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan xisbiyo tartama. Madaxwaynaha iyo dawladdiisu waxay ku biireen shirkii Dhuusamareeb 1, 2, iyo kii 3aad si niyad sami leh, walaw ay si cagajiid ah uga tanaasuleen doorosho qof iyo cod ah una aqbaleed in 301 ergooyin ah ay soo xulaan xubin walba oo ka tirsan 275 xubnood ee baarlamaanka aqalka hoose. Waxa ay mar labaad hoosta ka xariiqeen in uu madaxwaynuhu aqbalay dhimista ergooyinkan oo laga dhigay 101. 

Intaa waxaa dheer, hoggaanka dawladda fedaraalku waxa uu aaminsan yahay in isu-tagga musharaxiinta xilka madaxwaynaha, maamul goboleedka Puntland iyo Jubbaland ay si ula kac ah u xagal daacinayaan qabsoomidda doorashada si mudda xileedka Madaxwayne Farmaajo u dhamaado marka lagaaro 08 February 2021, kaddibna looga dhigo madaxwayne aan sharci ku joogin qasriga madaxtooyada. Kaba sii darane, hoggaanka dawladda federaalku wuxuu aaminsan yahay in ujeedka mucaaradku uu ku soo biyo shubanayo ku baaqidda inuusan dalku madaxwayne lahayn markii lagaaro 08 February.

Maxaa nala gudboon? 

Xaqiiqadii ma jiro xal si dhib yar u suurta galinaya ka gudubka ismariwaaga hadda aloosan. Lakiin abuurintaankii jawigii siyaasadeed ee furfuran iyo fikir wadaagii ka qabsoomay Garoowe asbuucyo ka hor, waxaan ka baranay in gundhiga xalku jiro haddii dhinacyada is haya la yimaaddaan go’aan adag iyo geesinimo ay ku gorgortamaan, isuguna tanaasulaan iyaga oo u danaynaya jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Annaga oo ka duulayna jawigii wanaagsanaa ee ka abuurmay shirkii Garowe, waxaan soo jeedineynaa talaabooyinkan soo socda ee xalka noqon kara:

• Guddiga Doorashooyinka: Marka koowaad, waxaan soo jeedineynaa in mucaaradku ay si deg deg ah ugu gudbiyaan magacyada ay ku andacoonayaan in ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka, taageerayaasha aan dhex-dhexaadka ahayn iyo iyo saraakiisha amniga, xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay (SRSG), oo ah hayadda matasha beesha caalamka. Si uu ugala shaqeeyo DFS sidii loo beddeli lahaa xubnaha aan kalsoonida lagu qabin, iyadoo la raacayo heshiiskii 17-kii Sebtember-na isla markaana lagu beddelo xubno ka mid noqda guddiga doorashada kuwaas oo dhexdhexaad ah laguna kalsoonaan karo. 

• Marka labaad, waxaan ku talineynaa in dhammaan dowlad goboleedyadu ay soo beddelaan xubnihii guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer maamul goboleedkooda ee ay soo magacaabeen, ee xilalka ka haya maamulladooda ama aan kalsoonida lagu qabin. 

• Tan seddexaad, waxaan u soo jeedineynaa DFS iyo dhammaan maamul goboleedyadu in ay u soo gudbiyaan Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ciddii beddeli laheyd xubnahaas aan kalsoonida lagu qabin, si uu ugala shaqeeyo dhinacyada oo dhan si loo hubiyo in xubnaha guddiyada doorashooyinku ay yihiin kuwo ay isla wadar ogol yihiin dhammaan saamilayda. 

Arrinka Somaliland: Waxa aan ku baaqaynaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Mahdi Gulled- oo ah labada masuul ee ugu sarreeya xubnaha Dowladda Federaalka ku matala Somaliland in ay si wada jir ah u soo magacaabaan guddiga maamulaya doorashada xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland. Waxa aynu aaminsan nahay in labada dhinacba ay diyaar u yihiin inay ka mira dhaliyaan arrinkaas sidii ay muujiyeen intii ay socdeen wadahadaladii Garoowe

Xaaladda gobolada Gedo & Hiiraan: 

Waxaan soo jeedineynaa in dadaallo kala duwan oo wada socda la sameeyo, si xal loo gaaro 

• Marka hore, waxaan ku talinaynaa in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo dhinacyada isku khilaafsan Jubbaland iyo Hirshabeelle iyo sidoo kale in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo beelaha isku khilaafsan ama kacdoonka ka wada goboladda Gedo iyo Hiiraan. Iyada oo la tixgelinayo cufnaanta ama baahsanaanta iyo is-shabahaadda caqabaadka ka taagan goboladaas, ayna si aan la kala saari karin ugu xiran yihiin doorashooyinkii goboladaas iyo awood qaybsiga dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubaland iyo weliba cabashooyinka qabaa’ilka qaar ee muddada dheer soo jiitamayey, waxaan soo jeedineynaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay la shaqeyso labada dowlad-goboleed si loo bilaabo geeddi-socod dib-u-heshiisiin rasmi ah oo loogu talagalay in si nidaamsan wax looga qabto cabashooyinka ay tabanayaan qabaa’ilka qaar. 

• Tan labaad, waxaan ku baaqaynaa in doorashooyinka labadaas gobol dib loo dhigo muddo kooban si dib-u-heshiisiin degdeg ah oo kooban looga bilaabo deegaanadaas, wadajirna looga shaqeeyo sidii ay ku guuleysan lahaayeen. 

• Tan saddexaad, waxaan soo jeedinaynaa marka horumar laga sameeyo dib-uheshiisiinta deegaanadaas, in ciidamo dhexdhexaad ah oo ka socda AMISOM (oo aan ahayn kuwa ka soo jeeda Kenya iyo Itoobiya) in la geeyo gobol kasta si ay u sugaan amniga magaalooyinka iyo goobaha lagu qabanayo doorashada. 

• Tan afraad, iyadoo la’ogyahay sida xaaladdu ay gacanta oga bixi karto mar kasta, waxaan soo jeedinaynaa in kooxda khubarada doorashooyinka ee Qaramada Midoobay loo xilsaaro abaabulka doorashooyinka gobolladaas iyagoo la kaashanaya hay’adda maamulka doorashada ee dowlad-goboleedyadaas. 

Talooyiikaasi aan soo jeedinay waxa ay si guud ula jaanqaadayaan heshiiskii 17-kii Sebtember 2020-kii lagu gaaray magaalada Mogadishu, ujeedkiisuna wuxuu yahay in loo helo xal dhexdhexaad ah khilaafka ka jira doorashooyinka oo ay ka imaan karto khatar aad u mugwayn oo aan laga soo kabsan doonin. Waxa aannu ognahay in Soomaaliya aysan xamili karin doorasho federaal ah oo lagu muransan yahay, kala qeybsanaanta qotoda dheer ee bulshada dhexdeeda ka jirta awgeed iyo sida ay u kala fog yihiin saamilayda siyaasadda.

Ugu dambeyn, waxa aan ugu baaqeynaa beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Amaanka, in ay door muhiim ah ka ciyaaraan sidii looga baaqsan lahaa dagaal sokeeye. Danayn la’aanta xal u helidda xaaladda khatarta ah ee muuqata ayaa noqon karta hagrasho. Xaqiiqduna waxa ay tahay, inkasta oo la sameeyey horumar baaxad leh 20-kii sano ee la soo dhaafay, haddana, Soomaaliya waxa ay weli ku tiirsan tahay taageerada ay ku bixiyaan beesha caalamka sugida amniga iyo adeegyada aasaasiga ah. In ka badan kala bar miisaaniyadda dowlada dhexe iyo qaybo muhiim ah oo ka mid ah miisaaniyadda dowlad goboleedyada, waxaa bixiya deeq-bixiyayaasha caalamka. Waxaa intaa dheer, in-kabadan 20,000 oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM in ay ka taageeraan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada sugida amniga dalka. Sababtaas awgeed, beesha caalamka gaar ahaan Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu leeyahay door muhiim ah iyo waliba waajibaad in uu dhexdhexaadin iyo dib-u-heshiisiin ka dhex sameeyo dhinacyada is haya marka ay xaaladdu u muuqato mid gacanta ka sii baxaysa oo aan la xakameyn karin.

Faalladan waxay kasoo baxday: Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda

Waalidiinta wiilashooda askar ahaanta loo geeyeey Eritrea oo hadlay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeraya walaaca lasoo dersay waalidiinta Soomaaliyeed, tan iyo markii uu soo shaac baxay warka sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed ay dagaal ka galeen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, isla markaana halkaas lagu dilay boqolaal askari oo Soomaali ah.

Caasimada Online oo xalay baahisay warkan waxaa tan iyo maanta la soo xariirayey waalidiin Soomaaliyeed oo aad u murugsan, kuwaas oo naga dalbanaya in ugu yaraan aan u raadino sawirrada ama magacyada dhalinyarada la sheegay in lagu dilay dagaalkii lagu jebiyey kooxdii TPLF.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa xalay shaaciyey in saraakiil Itoobiyaan ah ay xaqiijiyeen geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea, kuwaas oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

“Baaritaan iyo xiriirro aan la sameeyey meelo kala duwan, waxaa la ii xaqiijiyey in ciidanka Soomaalida ah ee dagaalka gobolka Tigray dhanka Eritrea ka soo galay ay gaarayaan illaa 4-kun oo askari, kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada Itoobiya oo dagaal adag la galay kooxdii TPLF. Waxyaabaha aan aad uga naxay ee nasiib darrada ah waxay tahay, in la ii sheegay in ku dhawaad 400 oo askari ay ka dhinteen dhalinyaradii Soomaaliyeed, boqolaal kalena ay dhaawac yihiin, dhaawacyadoodiina lagu celiyey dhulka Eritrea,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

Dalka oo dhan waxaa maanta is qabsatay qeylo dhaanta waalidiinta ay wiilashoodu ka maqanyihiin, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay uga waday in dalka dibadiisa tababar lagu soo siinayo, kadibna lasoo celinayo, si gaar ah dadka waxaa loo sheegay dalka Qatar lagu soo tababarayo ciidankaas, balse xogtu waxay sheegeysaa in loo dhigay Eritrea oo ah dal dunida dhan ka xiran.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta isugu soo baxay oo warbaahinta la hadlay hooyooyin ku cataabaya in nolol iyo geeri toona ay dowladdu meel ugu sheegto wiilashoodii, halka waalidiinta qaar ay si adag u hanjabayeen.

Hooyooyinka qaar oo qabay xanuuno kala duwan sida Dhiigkar iyo Sunkor, waxay galeen xaalado koomo ah, markii uu soo yeeray warkan sheegaya in dagaal ay ku baaba’een la geliyey dhalinyaradii laga qaaday sanad ka hor.

Magaalada Gaalkacyo ayuu maanta ka dhacay banaanbixii ugu cuslaa, kaas oo ay dhigeen dad u badan haween wiilashoodii ay ku jireen dhalinta la la’yahay raq iyo ruux toona.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si adag uga hadlay arrintaas, iyagoo anfariir iyo qiyaano Qaran oo aan la isaga hari doonin ku tilmaamay hadii falkaas uu ku cadaado dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin warkan luxay qaluubta dadka Soomaaliyeed, arrinta la yaabka leh ayaa ah in qeyla dhaantu hal mar is qabsatay degmo illaa tuulo kasta oo gobollada dalka ah.

Hoos ka daawo cabashada waalidiinta qaar

GUULEED: “Waa qiyaano qaran haddii ay dowladda ku kacday arrinta loo haysto”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isi-soo taraya siyaasiyiinta ka fal-celinaya wararka sheegaya in askar Soomaaliyeed lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, waxaana arrintaas hadii ay jirto qiyaano Qaran ku tilmaamay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Cabdikariin Guuleed oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa yiri, “Wararka la xiriira in askar Dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eritrea in ay ka qeyb qaateen dagaalkii gobalka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya halkaana in badan lagu xasuuqay, waa war hadduu sugnaado aad u culus, xanuun badan, anfariirleh, oo abuuri kara mowjado culus oo dalka dhexdiisa ah. Waa arrin nooga baahan baaris,dabagal dheeri ah iyo hubin.”

Cabdikariin ayaa sheegay in waalidiin badan oo caruuri ka maqantahay ay lasoo xiriireen, isagoo yiri, “Ilo dhinaca Itoobiya ah ayaa sidoo kale arrinta xoojinaya, laakiin culeeska ay arrintani leedahay darteed waxaan ku daba jirnaa in aan helno raqda iyo ruuxdii dhallinyaradaas habeenka madow laga daad gureeyay dalkooda, ayagoo hamigoodu ahaa inay dalkooda difaacaan.”

Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in hadii ay cadaato arrintan ah in dagaalkii Itoobiya la geliyey dhallinyaro Soomaaliyeed ay tahay qiyaano Qaran oo weyn, taas oo uu sheegay inay ka cuslaa doonto wax walba oo ay dowladda Farmaajo ay ku kacday intii ay xilka heysay, waxeyna u baahan doontaa isla xisaabtan culus oo deg deg ah, sida uu hadalka u dhigay Cabdikariin.

“Madaxda Dowladda Federaalka ah waxaan ugu baaqaya in aaney arrintani cadeymo cad ka bixiyaan ayna uga dhuuman sidii arrimihii hore. Waa iney u jawaabaan waalidka caruurtoodii maqantahay  oo ay dadka Soomaaliyeed-na ka qanciyaan sida ay wax u dhaceen iyo xaalka askartaas,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la dardaarmay waalidinta Soomaaliyeed ayaa yiri, “Waalidiinta walaacsan waxaan ugu baaqaya iney is dajiyaan, oo si miir qableh aan carruurta u wada raadino. Sidoo kale dhinacyada siyaasaddu waa iney u istagaan hawshaan oo aan la sahashan.”

Mahad Salad oo shaaciyey xog argagax leh oo la xiriirta askartii la geeyey Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey xog cusub oo ku saabsan ciidamo ay dowladda federaalka u geysay dalka Eritrea sidii tobabar loogu soo siin lahaa, oo markii dambe qeyb ka noqday dagaalkii ay xukuumadda Abiy Ahmed ku qaaday maamulkii Tigreyga.

Waxa uu sheegay in ehelada iyo asxaabta dhalinyarada tobabarka loo geeyay Eritrea ay u xaqiijiyeen in dagaalkaas ay ka qeyb galeen saddex kun oo dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo badankoodu ku dhintay dagaalka Itoobiya, iyaga oo gacan siinaya xukuumadda Abiy.

Wiil kamid ah dhalinyaradii Soomaalida aheyd ee ka qeyb galay dagaalkaas, ayaa sheegay in nolol uu ku arkay 180 dhaawac ah oo isagu ku jiray, taasi oo ka dhigeysa in kumanaankii kale ay intaas oo keliya ka bad-baadeen dagaalkii kululaa ee la galiyay dhalinyarada Soomaalida.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran.

Tiradeenu waxay ahayd 3,000 hadana wax nool waxaan ka arkay 180 dhaawac oo anigu aan ku jiro!

Waxa ila soo xariiray dad badan oo isugu jira ehel iyo asxaab, sanad ka horna caruurtooda dalka Eratareeya loo qaaday nolol iyo geerina aan meel lagu sheegin.

Mid ka mid ah caruurtaas oo maalmo kahor la soo xiriiray eheladiisa wuxuu sheegay in la geeyay magaalada Mekele ee Gobolka Tigreega ayna ka qayb galeen dagaalkii halkaas ka socday, wuxuuna sheegay in tiradoodu ahayd 3,000 hadana wax nool uu ka arkay 180 dhaawac ah oo isagu ku jiro.

Waa arin aad u foolxun, murugo iyo uur ku taalana ku beertay ehelada caruurtooda lagu xasuuqay dagaalka Itoobiya ka holcaya.

Waxaan ugu baaqayaa Musharaxiinta, Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka iyo Siyaasiinta in gacan la siiyo waalidiinta caruurtaas dhalay oo lala  baadi-goobo caruurtooda nolol iyo geeri mid uun!

Hon. Mahad Salad

Muwaadin Kenyan ah oo lacag malaayiin ah ka dhacay dagaalyahanada Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Eedeysane Lawrence Kirago Mugandy ayaa qirtay inuu lacago malaayiin shillinka Kenya ah kasoo dhacay dagaalyahanada ururka Al-Shabaab, wakhtina uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Muwaadinkaan reer Kenya ayaa Booliska Kenya ka hor qirtay, wuxuuna madax ka ahaa shirkad lacagaha been abuurka ah sameysa ee ku taalla gudaha Kenya, isbuucii lasoo dhaafay ayey warbaahinta sheegeen inuu u gacan galay Booliiska.

David Nagundi oo ah taliyaha booliska gobolka Meeru ee dhaca koonfurta Kenya ayaa sheegay in muwaadinkaan uu lacago badan kasoo dhacay Al-Shabaab, waxaana qadarkaas marka doolar loo badalo lagu sheegay in ka badan $180,000 (Boqol iyo Sideetan Kun oo Doolar).

Wuxuu kaloo qirtay inuu gudaha Soomaaliya joogay tan iyo sanadkii 2018, kalana maareyn jiray lacagaha ay Al-Shabaab madax furashada uga qaataan dadka ay kasoo afduubtaan gudaha Kenya.

Si kastaba Lawrence Kirago Mugandy wuxuu wajahayaa maxkamad iyadoo la sugi doono waxa uu xukunkiisa noqdo.

Isbeddel lama filaan ah oo ku yimid xiisaddii ERDOGAN iyo Emmanuel MACRON

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Turkey iyo France Recep Tayyip Erdogan iyo Emmanuel Macron ayaa warqado ay is-dhaafsadeen ku ogolaaday inay dib u billaabaan wada-hadallo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal, waxaa sidaas shaaca ka qaaday diblomaasiga ugu sarreeya Turkey.

Erdogan ayaa sanadka cusub warqad u qoray Macron isaga oo ka tacsiyeeyey weeraro dhowr ah oo sanadkii tegay ka dhacay France, sida uu wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu u sheegay warbaahinta gudaha.

Macron ayaa toddobaadka kusoo celiyey “warqad aad u wanaagsan” isaga oo ku billaabay “Gacaliye Erdogan” kuna sheegay inuu diyaar u yahay inay wada-kulmaan, ayuu yiri Cavusoglu.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa xaqiijisay in labada dhinac ay warqado is-dhaafsadeen, ayada oo aan bixin faah-faahin.

“Waxaan hadda tilmaamo la taaban karo ka aragna Ankara,” ayey tiri madaxtooyada.

Ankara iyo Paris ayaa sanadii tagtay waxay isku qabteen arirmo badan oo caalami ah oo ay ka mid yihiin dagaallada Syria, Libya iyo gobolka Nagorno-Karabakh ee Azerbaijan.

Midowga Yurub ayaa hadda diyaarinaya liis la ballaariyey oo ay ku jiraan shakhsiyaad Turkish ah oo loo cunaqabateynayo gaaska ay Ankara ka qodeyso badda Meditareeniyaanka, meel u dhow biyaha Qubrus.

Xiisadda labada dal ayaa waxaa wehliyey xifaaltanka shaqsi ee labada hoggaamiye.

Erdogan ayaa sanadkii tegay ku eedeeyey Macron “Islaam naceyb”, isaga oo soo jeediyey in caafimaadka maskaxdiisa la hubiyo, wuxuuna cod-bixiyayaasha France ugu baaqay “inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga takhallusaan Macron.”

Macron ayaa dhankiisana, wuxuu kulankii hogaamiyayaasha Midowga Yurub ka sheegay in Turkey “ay mudan tahay wax ka duwan” siyaasadaha Erdogan.

Muxuu Golaha Ammaanka QM kala hadlayaa wasiirka arrimaha dibadda Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa si hordhac ah u sheegay inuu la kulmayo xoghayaha qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo 15-ka xubnood ee golaha ammaanka.

Ujeedka kulanka uu wasiirka la yeelanayo xubnaha golaha ammaanka waxaa lagu sifeeyay inuu usoo bandhigayo Xaaladda xiligaan ka taagan gudaha Soomaaliya isla markaana uu ka dhageysan doono talooyinka ay usoo jeediyaan.

“Safarkeyga waa mid leh dhawr ujeeddo, tan koowaad waa in aan xoojiyaa xiriirka Soomaaliya & Mareykanka oo aan ka shaqeeyo qorshaha ballaarinta, maadaama madax cusub ay imaaneyso, waxa aan New York kula kulmayaa shanta xubnood ee rasmi ah & tobanka wareega, kadib waxa aan qaabilayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo aan warbixinta Xaaladda Dalka la wadaagayo,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wasiirka wuxuu sheegay inuu la kulmay qaar ka mid ah safiirada wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, waxeyna ka wada hadleen xaaladda uu dalka ku jiro iyo isbadalka sanadka cusub.

Dowladda Soomaaliya waxey wali radaineysaa lacag dhan 36 Malyan oo Doolar oo ay ka doonayeen qaramada Midoobay si ay doorasho u qabtaan, waxeyna sheegeen in doorashada ay ku baxeyso lacag dhan 40 Malyan oo Doolar.

Doorashada Soomaaliya wali muran ayaa ka taagan, waxaa jira waxyaabo badan oo ku hor gudban in loo dareero doorashada oo wakhtigeedii sii dhaafeysa, sidoo kalana beesha caalamka waxey ku baaqday shir ay wali diidan tahay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Sheekh Shariif oo war cusub kasoo saaray doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada lagu muransan-yahay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in laga gaabiyey doorashadu inay ku qabsoomto xiligeed, isagoona nasiib darro ku tilmaamay in ilaa hadda aan weli laga gaarin xal kama dambeysa ah qabsoomida doorashada, oo ay naga xigto muddo kooban.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in wada-hadal laga yeesho khilaafka ka taagan doorashada, si ay dalka uga qabsoomto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Shariif ayaa ka dhawaajiyey in weli ay jirto fursad ay ku heshiin karaan dhinacyada isku haya hanaanka doorashada dalka, ka hor inta aan la gaarin muddo xileedka dowladda hadda talada haysa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay aheyd in xiligan ay socdaan howlaha doorashada, balse ay nasiib darro tahay in ilaa hadda aan la isku waafaqsaneyn arrimaha doorashooyinka dalka,” ayuu yiri guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka.

Ugu dambeyntiina waxa uu muujiyey rajo ku aadan in dalka ay ka qabsoomto doorasho xor iyo xalaal ah, isagoona hoosta ka xariiqay in dalku u baahan yahay xasilooni iyo nabad.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxa hareeyay muran baahsan, iyada oo mucaaridka iyo dowladda isku hayaan hanaanka doorashada, xili ay muddo kooban ay ka harsan tahay qabsoomida doorashada lagu muransan yahay oo ku eeg muddo xileedka madaxweynaha hadda talada haya.

Farmaajo oo diiday qodob ay B/Caalamka rabto in lagu xaliyo muranka doorashada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday qodob ay soo jeedisay beesha caalamka oo la rabo in lagu xalliyo muranka ka taagan doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa wada hawlo uu ku dar-dar galinayo arrimaha doorashooyinka, wuxuuna ku baaqay iney shir isugu yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada isla markaana la dhameeyo khilaafyada jira ee doorashada ku hareereysan.

Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo uu ka biyo diidsan yahay in shir la isugu yimaado, sidoo kalana waxaa xusid mudan iney socon waayeen waan-waan uu waday madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Farmaajo iyo maamullada taageersan waxey doonayaan iney doorashada ku dhaqaaqaan ka hor dhamaadka xil-heyntiisa, inkastoo laga digay inuu qabto doorasho qabyo ah taasoo laga cabsanayo iney ka dhalato xasillooni darro.

Lama oga hadii madaxweyne Farmaajo uu ogolaan doono shirka ay soo jeedisay beesha caalamka iyo inuu ku dhaqaaqi doono doorasho qabyo ah oo laga sii digay cawaaqib xumada ka dhalan karta.

S/LAND oo soo dhoweysay hadal kasoo yeeray safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramayey warbaahinta ayaa soo dhoweeyy hadalka safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen M. Schwartz oo shaaca ka qaaday in Somaliland ay u qalanto inay dawladdiisu ka furato Qunsilyad.

Faratoon ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay si aad ah u soo dhoweyneyso hadalka safiirka oo uu tilmaamay inuu yahay mid xaqiiqo ah.

“Hadalka Amb. Stephen M. Schwartz, waanu soo dhawaynaynaa Dawlad ahaan, si fiicana wuu u hadlay, wax jirana wuu sheegay,” ayuu yiri Yaasiin Faratoon.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in horumarka ka jira Somaliland ay ku gaareen wax-qabad iyo dadaal badan ay sameeyeen ka maamul ahaan.

“Dabcan, Amb. Stephen M. Schwartz, wuxuu si cad oo qiimo leh u sheegay isla markaana qiray in dalkeenu yahay dal deggan oo xasiloon, oo la isku helayn karo, heerka aynu maraynana waxaynu ku gaarnay dadaalkeena, Juhdigeena iyo wax qabadkeena,” ayuu sii raacsiiyey wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka go’an tahay inay si wado dadaalkeeda ku aadan raadinta ictiraafka ay dooneyso, si ay uga go’odo Soomaaliya.

Beesha Caalamka oo ‘shir isugu keeneysa’ madaxda DF iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya & safiirada dalalka caalamka u jooga magaalada Muqdisho ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo xal loogu raadinayo doorashooyinka dalka ee 2021.

Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay haatan ku howlan tahay sidii ay markale shir isugu keeni laheyd madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka jira dalka, si xal mideysan looga gaaro muranka weli ka taagan doorashada dalka.

James Swan oo hor-boodayo dadaalladan ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku gaaro xarumaha maamul goboleedyada, gaar ahaan magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa horey u tegay magaalada Baydhabo oo uu kulan kula soo yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo ku booriyey dadaallo wado ee ku aadan xal u helida doorashada.

Jubbaland & Puntland ayaa weli tabasho ka muujinayo hannaanka ay dowladda federaalka ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka, siiba gudiyada doorashada.

Xaaladda dalka ayaa haatan ah mid cakiran, iyada oo lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana waqtiga ka haray qabashada doorashada uu yahay mid aad yar.

Afhayeenkii hore ee ururka Al-QAACIDA oo guri loogu iibiyey lacag dhan $1 milyan

0

London (Caasimadda Online) – Afhayeenkii hore ururka Al-Qaacida ayaa guri ku kacaya 1.3 Malyan oo dollar loogu iibiyay magaalada London, iyadoo ninkaan uu si dhaw ula shaqeyn jiray hogaamiyahii laga takhalusay ee ururkaas Osama Bin Laden.

Wargeyska Daily Mail ayaa tabiyay in ninkaan laga soo daayay xabsi ku yaalla dalka Mareykanka sababo la xiriira xanuunka Covid19, waxaa la sheegaa inuu qabo xanuuno sababa in neefsiga ku adkaado iyo cayilkiisa.

Adel Abdel Bary oo lixdan jir ah ayaa muddo 25-sano ah ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Mareykanka, waxaana loo xiray tuhun la xiriira qaraxyadii lagu beegsaday safaaradaha Mareykanka ee wadamada Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998, weeraradaas oo ay ku dhinteen in ka badan 200 ruux.

Warbaahinta waxey qortay in cabsiga laga qabo inuu ku dhaco Covid19 darteed maadaama uu xanuuno kale qabo loo sii daayay, dib ayuuna ugu soo laabtay dalka Ingiriiska.

Waxyaabaha lasoo tabiyay waxaa ka mid ah in Adel Abdel Bary iyo qoyskiisa ay dagan yahiin guri qiimahiisa lagu sheegay 1.3 Malyan oo Doolar, waxaana bixiyay golaha deegaanka Maida Vale oo ah dagmo dhacda waqooyiga London.

Inkastoo qareenada ay sheegeen inuu haayo xanuun daran, hadana wuxuu wadooyinka magaalada u maraa si laga dareemayo inuu taam buuxa yahay ayey ku warameen warbaahinta maxaliga ah ee UK.

Madaxweyne Qoor Qoor oo loogu baaqay inuu is-casilo

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu is-casilo.

Cabdikaafi ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey Qoor Qoor ay Galmudug sameysay dib u dhac aad u wayn, taasi oo ay ugu wacan tahay in siyaasadihii madaxweynaha ay fashilmeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalo qabiil ayaa deegaanka ka abuurmay markii uu Qoor Qoor yimid, Xananbuuro, Guriceel iyo Matabaan, iyo deegaano kale oo nabdoonaa ayaa hadda wada colaad ah,” ayuu yiri Cabdikaafi.

“Ma dhicin in Galmudug reeraha dagan ay gaaraan heerkaan, in wax garad la laayo,” ayuu yiri, isaga oo tixraacayey dilal aanooyin ku dhisan oo deegaanka ka billowday.

Cabdikaafi Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in deeqihii caalamiga ahaa intii uu joogay Qoor Qoor aan waxba loogu qaban dadka dagan Galmudug, sidaas darteedna xalka Galmudug uu ku jiro inuu is-casilo madaxweynaha.

Wasiirkii hore ayaa intaas ku daray in Qoor Qoor uu shaqaale u noqday Villa Somalia, uuna iska hilmaamay shaqadii reer Galmudug ay u dhiibteen.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
[email protected]

Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug oo heegan buuxa la geliyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo la hadlayey warbaahinta sheegay in heegan buuxa la galiyey ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug, si ay u qaadaan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Fiqi oo ku sugan aaga Camaara ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay diyaar garoobeen, sidii Al-Shabaab oo looga saari lahaa gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu soo dhammaaday abaabulkii ay wadeen, islamarkaana haatan wixii ka dambeeyana ay qaadayaan howl-gallo ballaaran.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa sidoo kale shacabka ku boggaadiyey, sida ay ugu istaageen la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay culeys uga imaanayey dhanka Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka fulisay deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba ciidamada huwanta ayaa maalmahan bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka socda labada gobol ee Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka oo ka wada baxay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska militariga Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in la dhammaystiray bixitaankii ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya.

Afhayeenka AFRICOM Gaashaanle Sare Christopher Karns ayaa u sheegay idaaadda VOA in hawshaas la dhammaystiray laba maalmood ka hor waqtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in ciidankiisa looga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-ka Jannaayo.

Karns waxa uu sheegay in tiro aad u kooban oo ciidamada Maraykanka ah ay ku hareen Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sababo dhinaca hawlgallada socda ah darteed aysan xilligan sheegaynin waddamada la geeyey ciidamada laga qaaday Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Gaashaanle Sare Karns in haatan hawgalkoodu galay wejiga xiga oo ah inay wada-shaqayn xilliyo leh la sameeyaan ciidamada Soomaaliya. Waxa uu ku gooddiyey in Maraykaku ay sii wadi doonaan cadaadinta ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Tirada ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 650-800, kuwaasi oo Soomaaliya u joogay inay tababaraan islamarkaana caawiyaan ciidamada Soomaalida, gaar ahaan ciidanka Danab.

Madaxweyne Trump aya dalbay in ciidanka Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya horraantii bisha December ee aynu soo dhaafnay. 

Saraakiisha Soomaalida ayaa muujiyey inay go’aankaas saluugsan yihiin.

Isha: VOA