25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Ururada bulshada rayidka oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Mudane Cismaan Tahliil Shaatax oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Shaatax ayaa sheegay in ka bulsho rayid ahaa ay wadaan dadaallo xal loogu raadinayo muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in xal mideysan la gaari doono ka hor 8 February ee sanadkan ee 2021-ka..

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Mudane Cismaan Tahliil Shaatax oo hadalkiisa sii wat ayaa shaaca ka qaaday in qodobada la’isku hayo ay yihiin guddiga doorashada, Somaliland iyo arrinta gobolka Gedo, islamarkaana ay ku baaqayaan in xal laga gaaro.

“Waxaan dareensanahay bulshada rayidka oo dhex dhexaad ka ah arrimaha, inay howshooda sii wadaan, rajooyinka aan ka qabno waxaa in xal la gaaro ka hor 8 February, in laga shaqeeyo qodobada la isku haayo, gaar ahaan saddexda arrimood sida arrinta Guddiga, Somaliland iyo Gobolka Gedo” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Tahliil Shaatax.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la’isugu yimaado shirweyne kale oo ay qeyb ka tahay bulshada rayidka, si looga wada-hadlo khilaafka ka jira dalka iyo doorashooyinka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka doorashada dalka, islamarkaana uu sii dhammaanayo waqti loo qorsheeyey in la qabto.

Saraakiil ka tirsan Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faahin faahin dheeraad ah ka bixisay howl-gal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo diyaaradaha Mareykanka, kaasoo ka dhacay Jubada Hoose.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duaqeyntaasi ay ka dhacday agagaarka degmada Jamaame iyo Dab Shiniile, isla markaana lala beegsaday xubno ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 3 sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, una qaabilsanaa fududeynta miinooyinka iyo qorista maleeshiyaadka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in duqeyntan lagu dilay Suldaankii Beesha Habar Gidir oo ay horay u caleema saartay Al-Shabaab, kadib munaasabad ka dhacday Jubooyinka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray.

Tan & markii la guda-galay sanadkan cusub ee 2021-ka Mareykanka ayaa ina ka badan shan weerar ka kala fuliyey gobollada Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool iyo Jubbooyinka.

Madaxweyne DENI oo war kasoo gaaray geeridii ku timid wasiir Cabdi Ismaaciil

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay Allaha u naxariistee geeridii ku timid wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha iyo waraabka ee maamulkaasi, Marxuum Cabdi Ismaaciil Boss.

Ugu horreyn Deni ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumka oo saaka xanuun u geeriyooday.

“Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa sheegay in wasiir Cabdi Ismaaciil Boss uu wax badan ka soo qabtay dowladninada dalka iyo sidoo kale horumarka Puntland.

“Cabdi Ismaaciil Boss ayaa waxbadan kasoo shaqeeyay Dowladdnimada iyo horumarka Puntland, wuxuu soo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Guddoomiyaha Bangiga Puntland,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaalieed ee Puntland ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu ka waraabiyo naxariistii Janno.

Mareykanka oo billaabay qorshe cusub oo ka dhan ah Idaacadaha Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska milatariga ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gasyteen degmada Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool maalintii Isniinta ee 18-ka Jannaayo.

War saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu burbruriyey dhisme ay leeyihiin ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqayntan lagu dhuftay idaacadda Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab. Taliska AFRICOM ma aysan faahfaahin in dhismaha uu xarun u ahaa idaacadda Andalus.

Waa duqayntii 4-aad ee sannadkan cusub ay Maraykanku ka gaystaan Soomaaliya.

Duqayntan tii ka horraysay waxay AFRICOM ka gaysatay degaanka Buulo Falaay ee Gobolka Bakool 13-ka Jannaayo, waxaana talisku sheegay in duqayntaas lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyey hal dhisme. Dhinaca kalena warbaahinta Al-Shabaab ayaa iyagu dhinacooda sheegay in duqayntaas lagu dhuftay farac ay leedahay idaacadda Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab.

Labada duqaymood ee kale waxay ka kala dheceen Kuunyo Barrow iyo Saax Weyne. Duqaynta Saax Weyne ayaa AFRICOM sheegtay in lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan kuwii la bartilmaameedsaday, halka duqaynta Kuunyo Barrow ay AFRICOM sheegeen in lagu burburiyey dhisme.

Al-Shabaab dhinacooda waxay sheegeen in weerarka Kuunyo Barrow lagu burburiyey dhismaha idaacadda Al-Furqaan oo taageerta ururka Al-Shabaab. AFRICOM dhinacooda kama aysan hadlin inay si gaar ah u bartilmaameedsatay idaacaddo, waxay sheegeen oo keliya inay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dhismayaal ay leeyihiin ururkaasi.

Daawo caleemo-saarka Joe Biden iyo Kamala Harris

Washington (Caasimada Online) – Joseph Robinette Biden Jr. ayaa maanta loo dhaarinayaa inuu noqdo madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka, isaga oo beddeli doona Donald Trump kadib afar sano oo uu xukunka hayey.

Biden waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee abid fariista Aqalka Cad, waana 78 jir.

Sidoo kale, Kamala Harris ayaa maanta loo dhaarinayaa inay noqoto madaxweyne ku-xigeenka dalka Mareykanka, ayada oo sameyneysa taariikh cusub.

Harris oo 56 snao jir ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horraysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalka Maraykanka.

Haddaba toos u daawo xafladda cameelo-saarka

Guddiga loo xil saaray xiisadda Soomaaliya iyo Kenya oo war cusub soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Guddigii dhawaan uu Urur goboleedka IGAD u xil saaray xal u helida khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Guddiga ayaa madaxweyne Geelle uga warbixiyey safaro ay ku tageen xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, si ay usoo arkaan xaalada amaan ee ka jirta iyo cabashadii dowladda federaalka ee aheyd inay xukuumadda Kenya ay ciidamo soo dhoobtay.

Yaasiin Buux, Danjiraha Jabuuti ee Kenya oo isagu hor kacayey guddigan ayaa sheegay inay safaro kala duwan ku tageen xaduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana qiimeyn buuxda kusoo sameeyen xaalada meeshaas ka jirta.

Buux ayaa sheegay in kulamo la qaateen Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Kenya, isagoona xusay in kulan gaar ah la yeeshen saraakiisha AMISOM ee ku sugan halkaas, si ay u xaqiijiyaan cabasahda Soomaaliya ee ku qotonta in dhigeeda Kenya ay maleeshiyaad soo dhoobtay xad beeneedka labada dal.

Sidoo kale waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay tageen, iyaga oo madaxda sarre ee dowlada kala hadlay arrimaha xalinta khilaafka labada dal, isla markaana uga warbixiyey indho-indheyntii ay kusoo mareen xuduuda labada dal.

Guddoomiye Buux ayaa ku gaabsaday inay kormeer iyo kulamo kala duwan la qaateen madaxda iyo saraakiisha labada dal ee xuduuda, hase yeeshe weli si dhab ah uma soo bandhigin guddigan xaqiiqada xiisada xadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore xiriirka ugu jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee dalka iyo abaabulida maleeshiyaad ka dhan ah amaanka oo ay ku aruurinayso xaduudka labada dal.

Maxuu Cali Guudlaawe kala hadlay madaxweyne Cali Mahdi iyo Fahad Yaasiin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho, waxuuna ka waday kulamo intooda badan looga arrinsanayey muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Labada masuul ayaa kulankooda isaga xogwareystay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan deegaanada HirShabeelle. Waxuuna Cali Mahdi tallooyin iyo dardaaran siiyay Madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo kula taliyay inuu xoogga saaro dib u heshiisiinta iyo nabadeynta, sida aan xogta ku helnay.

Dhanka kale Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa kulan xarunta hey’adda Nabad sugidda kulan gaara kula yeeshay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana kulankaas xoogiisa la sheegay in looga hadlay arrimaha doorashooyinka oo is mari-waa xoog leh uu ka taagan yahay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii Seddaxaad ee maamullada taabacsan dowladda dhexe oo xarunta Nabad sugidda ugu tagay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Xogta aan heleyno waxay sheegaysaa in dowladda federaalku ay dadaal ugu jirto sidii deegaanada dowlad goboleedyada taabacsan ay uga qabsoomi laheyd doorashada xubnaha Aqalka Sare, inta aan la gaarin 8-da Febraayo.

Madaxweyne Qoor Qoor oo soo saaray digniin culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey kulan tacsi loogu sameynayey saraakiishii qeybta 21-aad ee qaraxii Gaalkacyo lagu dilay, ayaa u hanjabay dadka taageera Al-Shabaab.

Qoor Qoor ayaa si adag ugu goodiyey dadka u nugul amarrada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug iyo dad uu sheegay inay buun-buuniyaan goobaha ay qabsadaan Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay ‘damiir laaweyaal’ sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabnaa kuwa dhibaatada argagixisada buun-buuniya, kuwa fariimahooda u hoggaansama oo is leh amey si gaar ah kuu dhibaateeyaan ama qaarkood dano raqiisa ka leh, waxay noola mid yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Kuwa mar kasta yiraahda Shabaab ayaa meel hebla qabsaday, Shabaab ayaa saas yeelay, waa maan-laaweyaal aan garaneyn waxa ay ku hadlayaan, waxuu rabaa cadawgaas inuu dadka u xayeysiiyo, isagoo si xun u fekeray.”

Waxa uu sheegay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin, in dadka lagu qal-qal geliyo tallaabooyinka ay qaadaan Al-Shabaab, isla markaana farriimahooda iyo dalabkooda aan loo hoggaansami karin.

“Kii xoola ku bixiya, kii waqti ku bixiya, kii u taga, dhibaatada ay dalka ku hayaan ayuu qeyb ka yahay, dadka ayuu dhinaciisa ka dhibayaa, waana la xisaabtameynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.

Soomaaliya oo cod muhiim ah ku wayneysa lacag ku 1.4 milyan oo dollar ah oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waayi doonta xaquuqdeeda codeynta ee Qaramada Midoobay, kadib markii ay soo baxday in dalal ay ku jirto lagu leeyahay lacago ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay lacag dhan $1,443,640, taasi oo sababi karta inaysan cod ka dhiiban qaraarada iyo go’aanada la horgeeyo UN-ka, maadama ay ka gaabiyeen bixinta lacagtaas oo lagu kabo miisaaniyada howl-galka Qarmaada Midoobay.

Waxa kale oo iyaguna lacagaha ku waajibay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay lagu leeyahay 9 dal oo African ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Zimbabwe, South Sudan, Niger, Comoros, Libya, Sao Tome Principe iyo Jamhuuriyada bartamaha Afrika.

Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ay ku xusnaayeen dalalka ay Soomaaliya kamid tahay, oo qarka u saaran inay meesha ka baxdo xuquuqdooda dhanka codeynta ee UN-ka.

Soomaaliya ayaa iyadu hore loogu lahaa deymo badan, inkasta oo ay hesho kaalmo dhaqaale oo xad dhaaf ah, mana jiro war ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso dalalka kale iyo lacagaha lagu leeyahay:

  • Iran $16,251,298
  • Congo $90,844
  • Zimbabwe $81,770
  • South Sudan $22,804
  • Libya $705,391.
  • Niger $6,733
  • Comoros $871,632
  • Sao Tome and Principe $829,888
  • Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $29,395

DF SOMALIA oo nasiib darro ku tilmaamtay arrin laga faafiyey ciidanka Haramcad

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo shalay booqasho ku tagay dhismaha ka socda wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa si weyn u difaacay ciidamada Haramacad oo dowladda si gaar ah u adeegsato.

Wasiirka ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka gaarka ah ee Haramcad Gaashaanle dhexe Farxaan Maxamuud Aadan, oo uga waramay xaalada amni iyo marxaladaha kala duwan ee dhismaha wadadaas.

Wasiir Dubbe ayaa isaguna ku amaanay ciidamada Haramcad sida ay ugu guuleysteen sugidda Amniga wadadaas, oo marar badan weeraro kala duwan kala kulantay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxa uu u mahad celiyay dowladaha Turkiga iyo Qatar oo ku amaanay inay ku dhiiradeen dhisida wadadaas, xili ay hanjabaado kala kulmayaan Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada Haramcad loo jeediyo eedeymo la xiriira boobka doorashada lagu muransan yahay, wuxuuna ku sifeeyay ciidamo naftooda u hura shacabkooda.

Dubbe ayaa eedeymaha ciidamadaas loo jeediyo ee ku aadan damaca dowladda federaalka ee doorashada, ku tilmaamay dacaayado raqiis ah, xili ay madaxda ugu sareysa dowladda lagu eedeeyo inay dano gaar u adeegsadaan ciidamadaas, iyada oo xiligan uu taagan yahay muranka doorashada.

Midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa inta badan dowladda ku eedeeya inay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad u adeegsaneyso boobka doorashada.

Goodax: “Ma jirto khiyaano qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in ciidamo tababar loogu qaaday Eritrea lagu laayay dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega.

Goodax Barre oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee wakhtigooda dhamaaday ayaa sheegay iney mas’uuliyad darro tahay waxa dhacay, islamarkaan ay arrinta walwal iyo walaac hor leh kusii abuureyso waalidiin badan.

Goodax ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaalka waalidiin ilmeynaya, kaasi oo uu soo raaciyay qoraal uu madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha nabad sugidda Fahad Yaasiin ku eedeynayo iney geysteen qiyaano qaran, isla markaana lagula xisaabtami.

“Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida,” ayuu Goodax Barre kusoo qoray bartiisa Facebook.

Isagoo qoraalkiisa sii wata ayuu wuxuu raaciyay: “Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen”

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay beeniyay iney jiraan ciidan tababar loogu diray Eritrea oo lagu laayay dagaalkii Tigraay, wuxuuna ka digay in ciidanka la siyaasadeeyo.

Suldaankii BEESHA HABAR GIDIR ee taageersanaa AL-SHABAAB oo la dilay

0

Jamaame (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobollada Jubooyinka ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Jamaame lagu dilay suldaankii beesha Habar Gidir ee taageersanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahiyay in suldaanka lagu dilay duqeyn ay fulisay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn, waxeyna magaciisa ku sheegeen suldaanka Maxamed Cabaas.

Sida ay sheegaan kooxaha aruuriyaha xogaha duqeymaha ay ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya, tan iyo markii la doortay madaxweyne Donald Trump oo maalmo kadib xafiiska baneyn doono, waxaa kordhay duqeymaha.

Sidoo kale duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya laga saaray, wuxuuna ahaa amar ka yimid madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Donald Trump.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii ay ciidamada Mareykanka duqeyn ku dileen suldaankii beesha Jareerweyne ee taageersanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Suldaan Cabaas.

Cumar Filish oo dhaqaale ka raadinaya dowlada Sweden iyo arrinta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kalena ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa kulan xasaasiya kula qaatay xafiiskiisa Safiir kuxigeenka Swedan ee Soomaaliya, Petra Smitmanis Dry.

Filisha aya Safiirka kala hadlay dhaqaalaha ay dowladda Sweden ay siiso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan midka ay ku taageerto gobolka Banaadir ee uu mas’uulka ka yahay.

Labada mas’uul ayaa isku raacay in la dar-dar geliyo mataaneenta labada magaalo ee Muqdisho iyo Gothenburg, iyada oo uu guddoomiye Filish uga mahad celiyay safiir kuxigeenka tobabarada ay dowladiisu ay siiyaan shaqaalaha dowladda hoose.

Sidoo kale waxa kulankan diirada lagu saaray kaalinta ay dowladda Sweden ku leedahay dib u soo kabashada dalka, midaasi oo uu maamulka gobolka Banaadir uu sheegay inay qeyb weyn ka qaadaneyso horumarka gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka.

Safiir kuxigeenka Sweden ee Soomaaliya ayaa dhinaceeda balan qaaday inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka gobolka Banaadir, iyadoona maamulka gobolka ku bogaadisay howlaha ay bulshada caasimada u hayaan.

Kulankan ayaa imanaya, iyada muddooyinkii dambe maamulka gobolka Banaadir lagu dhaliilo waxqabad la’aanta caasimada, xili ay malaayiin doollar oo mucaawinooyin ah ay ka dalbato dalalka beesha caalamka, marka laga imaado canshuurta ay ka qaado gobolka oo la sheegay inay dib ugu soo noqon.

Magacyada shakhsiyaadkii ugu miisaanka cuslaa ee ay ciidamada Mareykanka ku dileen gudaha Soomaaliya

0

Dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa bishaan ka baxay gudaha dalka Soomaaliya . Taliska milatiga Mareykanka ma aysan faahfaahinin sababta Soomaaliya looga saarayo ilaa 700 oo ka mid ah askartooda oo aad u hubeysan, laakiin waxay sheegeen in Mareykanku uu sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd in ay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku bartilmaameedsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.

1-Aadan Xaashi Ceyrow:

Mareykanka ayaa May 2008-dii duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Al-Shabaab Aadan Xaashi Faarax (Ceyrow), weerarkaan ayaa ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug, dhowr & toban ruux ayaa la sheegay in ay la geeriyoodeen halka ay ku dhaawacmeen dad kale, Afhayeen u hadlay Teliska dhexe ee Mareykanka oo la yiraahdo Kabtan James Graybeal ayaa xiligaas xaqiijiyay in weerar lagu qaaday waxa uu ugu yeeray saldhig Alqaacida oo ku yaalla Soomaaliya, laakiin waxaa uu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo.

2-Saalax Cali Nabhaan:

Gaari uu la socday Saalax Cali Nabhaan waxaa gantaal ku dhuftay diyaaradaha duulliye la’aanta Mareykanka xili uu mararayay meel u dhaw Degmada Baraawe oo xarun u ah DG Koofur Galbeed, waxaana weerarka ka qaatay dhowr diyaarado oo ah nuuca qumaati u kaca (Helicopters) waxaana la dhintay dhowr ruux oo la socday.

3-Weerar uu ka badbaaday Xasan Turki:

Xasan Cabdullaahi Xirsi (Xasan Turki) waxa uu ka badbaaday weerar lagu qaaday horraantii 2008-dii, Mareykanka ayaa sameeyay isu day uu ku khaarijinayo hoggaamiyaan oo markii dambe la duldhigay madaxiisa adduun lacageed dhan $3 Milyan, maadaama uu ka badbaaday weerarkii lagu dili lahaa.

4-Bashiir Qoorgaab:

Mareykanku waxa uu la xiriirinayay Bashiir weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daaralasaam, Bishii Maarso 2020-kii duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya ayaa lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana madaxiisa la dhul dhigay $5 Milyan oo lagu abaalmarinayo ciddii fududeysa xogtiisa.

5-Axmed Cabdi Qodane (Abuu Zubayr):

Mareykanka ayaa duqeyntii labaad ku dilay hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu ZubayrSeptember 2014-kii, weerarka ayaa ka dhacay Koofurta Soomaaliya, waana shaqsiga badalay Aadan Ceerow oo sidoo kale lagu dilay Duqeynta Ameerikaanka.

Maxaad ka ogtahay Rag uu raadiyay Mareykanka Balse uusan dilin?

Waxaa jira saraakiil katirsan Al-Shabaab oo Dowladda Mareykanka isku dayday in ay disho balse aysan u suuragelin, waxaana kamid ah: Mahad Maxamed Karatey oo lagu dilay duqeyn lala beegsaday Xerada Nadaris ee ku taalla inta u dhaxeysa Bu’aale & Saakow ee Gobolka Jubbada DhexeFebaraayo 2016-kii Kenya ayaa sheegatay dilkiisa, waxaana uu ahaa Madaxii sirdoonka Al-Shabaab.

Isla 2016-kii, Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn) ayaa la sheegay in lagu dilay howlgallo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada DFS & kuwa DG Jubbaland, waxaana loo heystay sarkaalkaan weeraro ka dahcay Soomaaliya & Kenya.

Fazul Abdullah Muhammad oo Gacanta Ciidanka Dowladdkii KMG ahayd ku baxay 8-dii June 2011-kii, waxaana uu ku eedeysnaa ku lug lahaanta weeraradii lagu qaaday Safaaradaha Mareykanka ee Kenya & Tanzania 1998-dii.

Waxyeelada Duqeynta Mareykanka ay u geysatay Dadka Shacabka ah.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa soo saaray warbixinno kala duwan oo ay ku shaaciyeen in Mareykanka uu dhimasho & dhaawac u geystay dad rayid ah oo ku sugan Koofurta Soomaaliya, inkasta oo inta badan Mareykanku inkira balse waxa uu qirtay kiisas kooban.

Waxa ay Hay’aduhu soo bandhigeen sawirro, muuqaallo, wareysiyo ay la yeesheen ehelka dhibanayaasha ah, waxaana ay Mareykanka ka dalbadeen in uu magdhaw siiyo kahor inta uusan ka bixin Gudaha Soomaaliya.

ISHA: BBC SOMALI

Mas’uuliyiin caan ahaa oo lagu dilay QARAX maanta ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka deegaanka Garasbaaley lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho & dhawaac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda maamulka Garasbaaleey Cali Maxamed Macalin (Cali Yare) , guddoomiyihii Dhalinyarada deegaankaasi Cabdirashiid Dubad iyo labo ka mid ah ilaalada maamulka.

Dubad ayaa sidoo kale horey u ahaa wariye caan ah oo ka howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo meydka marxuumiinta ka qaaday halkaasi.

Inta badan qaraxyo nooca miinada ah ayaa ka dhaca duleedka caasimada, gaar ahaan wadada xiriirisa labada magaallo ee Muqdisho iyo Afgooye.

DF oo war rasmi ah kasoo saartay askarta la sheegay in lagu laayey Tigray + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo tababar loo geeyey dalka Eritrea, lagu dilal dagaalka gobolka Tigray.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inaysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga dalka Ethiopia.

“Ma jirto ciidan Soomaaliyeed oo dowladda Itoobiya codsaday inay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan Tigray, Wararka been abuurka ee ku tira ku teenka ee mala awaalka ee ah in Ciidan Soomaaliyeed inay ka dagaalameen Waqooyiga Itoobiay ee Tigray waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri.

Wasiir Dubbe, oo u muuqday inuu qirayo inay ciidan joogaan Eritrea, taasi oo qudheeda dowladda ay beenin jirtay, ayaa sheegay in dadka wararka noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato.

Hadalka Wasiirka ayaa jawaab u ahaa warar isa soo tarayay iyo walaaca waalidiin badan oo ku saabsanaa in raq iyo ruuxdooda la’yihiin wiilashooda oo bilo ka hor dowladda Soomaaliya tababar ugu qaaday dalka Eritrea, kuwaasoo warar soo baxayay ay sheegayaan inay ka qeyb qaateen dagaalka gobolka Tigray.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa dhowaan sheegay inuu helay xog sheegeysa in askartii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea ay qaarkood ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in loo xaqiijiyey geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea.

Hoos ka daawo wasiirka

Swan oo eedeyn u jeediyey siyaasiyiinta Soomaaliya, farriinna u diray Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in khilaafka sii xoogeysanaya ee doorashada Soomaaliya uu halis galinayo horumarkii uu dalka ka sii gaarayay dhinaca xasiloonida.

Waxay sheegtay in amnigu uu sidoo kale ku jiro kaddib markii ay isbuucii lasoo dhaafay Soomaaliya ka baxeen ciidamadii Mareykanka ee mas’uulka ka ahaa tababarka milatariga Soomaalida.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa siyaasiyiinta Soomaalida ku eedeeyay in ay siyaasado halis ah isticmaalayaan kaddib markii dib loo dhigay doorashooyinkii baarlamaanka oo ay ahayd in ay dhacaan bishii lasoo dhaafay.

Waxaa jirta cabsi la xiriirta in Soomaaliya ay dib ugu noqoto dagaal beeleedyo.

“Marka la eego doorashada soo socota fursad ayaa jirta, waxaa dirradda saarnaa muranka caqabadaha taagan iyo kala qeybsanaan jira in la isku soo dhowaado xaqiiqdi waxaa jirta fursad, haddii hoggaamiyeyaasha waa weyn isku imaan karaan, haddii Madaxweyne Farmaajo uu awoodo inuu soo bandhigo hoggaankii loo baahnaa si cid walba isugu keeno, si horay loogu socdo, xisaabtana ku darsado in fikradaha kala duwan in la soo bandhigo,” ayuu yiri James Swan.

Koox isugu jirta ururro iyo dalal – ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika – ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si qasab ah ugu borrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay galaan wada xaajood. “Isticmaalka nooc walba oo rabshad ah lama aqbalayo,” ayay yiraahdeen.

Soomaaliya waxaa sannadkii hore lagu waday in ay ka dhacdo doorashadii ugu horreysay ee “hal qof iyo hal cod” – taas oo horumar weyn u ahaan lahayd dal ay ragaadiyeen dagaallo.

Balse xisbiyada mucaaradka ayaa kasoo horjeestay hannaanka iyagoo walaac ka qaba in ay dhacdo ku shubasho.

Heshiis dhexdhexaadin ah oo laga fiirsaday ayaa hadda ku dhow inuu burburo, madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayayna dadka qaar ku eedeeyeen inuu doonayo in wuxuu isagu rabo ku qasbo hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada.

“Musiibo ayay noqon doontaa haddii aan si hagaagsan loola jaanqaadin doorashooyinkan. Qof walba wuu ogyahay in dimuqraaddiyaddeenna ay liicday, waxaana dooneynaa inan hagaajinno,” ayuu yiri la taliyihii hore ee ammaanka qaranka ee Farmaajo, Xuseen Sheekh Cali.

Jeneral Odowaa oo xika ka qaaday taliye sare + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Guutada 10aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Cali Caddow (Sanka).

Digreeto ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilkaasi loogu magacaabay Korneyl Cabdirashiid Saciid Cabdi (Gooje), oo muddo dheer ku soo jiray arrimaha ciidanka.

Ka hor intii aan xilka laga qaadin General Maxamed Cali Caddow ayaa looga yeeray Magaalada Muqdisho, oo maalmihii la soo dhaafayba uu ku sugnaa.

Ujeedada xilka looga qaaday waxay ka dambeysay, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq lagu eedeeyay Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka taabacsan.

Saraakiisha kale ee musuq maasuqan lala xiriiriyay waxaa ka mida Taliyaha Ciidanka Xasilinta ee Gobolka Gedo, Bakaal Kooke. Ma cadda in musuq maasuqaasi lagu helay iyo in kale.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Khamiistii xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu), oo lagu eedeeyay wada shaqayn la’aan iyo cabasho ay ka soo gudbiyeen dadka deegaanka.

Warqad uu soo saaray Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, haatana ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda Federaalka uga wakiilka ah Gobolka Gedo ayaa Axmed Buulle Gareed loogu magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo.

Weerar khasaare geystay oo markale ka dhacay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu qaaday goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Dalxiiska ee magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 5 qof oo shacab ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku caweynayey goobta la weeraray.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka maamulkaasi ay ka bixiyeen weerarkan iyo howl-gallada xigay.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Kismaayo ku soo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, gaar ahaan weerarada loo adeegsado bambada ee ka dhaca magaaladaasi.

Al-Shabaab oo maanta dib u la wareegtay deegaan ay ka soo baxeen AMISOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Mashallaay oo ay dib uga soo baxeen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Uganda.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay si nabdoon kula wareegtay deegaankaasi oo ku yaalla duleedka degmada Qoryooley.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahanada Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi, iyaga oo sidoo kale ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ay ciidamada AMISOM oo dib ugu soo laabtay Qryooley ay uga soo baxeen deegaankaasi, iyaga oo ka soo guuray  dhammaan saldhigyadoodii.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dib u gurashadaasi.

Inta badan dagalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha ciidanka ee gobolkaasi, iyaga oo sidoo kale dib u qabsada deegaanada laga soo baxo.