25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Guddoomiyihii degmada HODAN oo Muqdisho lagu dilay saacado un kadib markii uu dib ugu soo laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariisto’e, guddoomiyihii degmada Hodan Cabdxakiim Dhagajuun ayaa xalay lagu dilay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Cabdixakiim Dhagajuun ayaa ku dhintay is-rasaaseyn isgoyska ka dhacday oo dhex-martay ilaaladiisa iyo ciidan ka tirsan dowladda oo ku sugnaa isgoyska, sida aan xogta ku helnay.

Cabdixakiim Dhagajuun ayaa Arabacdii shalay un dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib muddo ku dhow laba toddobaad oo uu ku sugnaa dalka Turkiga, halkaasi oo lagu daweynayey kadib markii uu ku dhaawacmay qarax 12-kii November ka dhacay waddada 21-ka October ee Muqdisho. 

Qaraxaas oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay baabuur uu la socday guddoomiyaha, waxaana ku dhintay laba ka mid ah askarta ilaalada u aheyd, ayada oo guddoomiyahana uu ku dhaawacmay.

Cabdixakiim Dhagajuun ayaa wax ka yar saddex saac inta aan la dilin waxa uu bartiisa facebook soo dhigay qoraalka hoose.

Qoraalka Cabdixakiim ee facebook 

Alle ayaa Mahad leh, intaa kadib waxaa maanta ku soo noqday dalka, kadib markii hawlo Caafimaad muddo kooban aan ugu maqnaa dalka Turkiga, Alle mahadii xaaladeyda Caafimaad aad ayeey u wanaagsan tahay.

Intaa kadib maanta markii aan imid, waxaan durba bilaabay shaqadii aan Bulshada u haayay, waxaana Shir Guddoomiyay, Shirka Isbuuclaha ah ee Degmooyinka Hodan & Hawlwadaag, kaasi oo looga hadlo hawlaha shaqo ee ka socda labada Degmo.

Argagixisada mar kasta waxa ay isku dayaan in Bulshada Somaliyed ay ka niyad jabiyaan Dowladnimadooda, laakiin waxaan leenahay idiinma suuragaleyso qorshahaasi aad damacsan tihiin, idinka ayaana dhibka ku dambeyn doono Insha Allah.

Waxaa naga go’an inta nafta ay nagu jirto in aan u adeegno Bulshadeena qiimaha badan.

Madaxii Ajaaniibta ee Al-Shabaab iyo saraakiil kale oo duqeyn lagu khaarijiyey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faafhino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ahaa kuw ais xig-xigay ayaa ka dhacay degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo kala kala tirsan labadaasi gobol, iyadoo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo faah faahin ka bixiyey weeraraan ayaa sheegay in lagu dilay sarkaalkii madaxda u ahaa Ajaanibta kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku soo koobeen Sheekh Thaabit iyo saraakiil kale oo la socotay.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyada oo lala eegtay 3 goobood oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, balse ma cadda khasaaraha.

Sidoo kale duqeynta labaad ayaa iyana laga fuliyey gudaha degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dhowr gantaal lagu dhuftay saldhig ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, xilli la sheegay inay qorsheynayeen in ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi.

Sida ay sheegeen saraakiisha u hadashay dowladda Soomaaliya waxaa weerarkaasi lagu burburiyey illaa 7 gaari oo nooca dagaalka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa sii kordhayye duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka dhacaya koonfura iyo bartmaha Soomaaliya.

Maxaa kasoo baxay kulankii Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay xubnaha beesha caalamka.

Kulankaas ayaa ku qabsoomay qadka Internet-ka, waxaana diiradda lagu saaray khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka, kaas oo haatan beesha caalamku ay xal u raadineyso.

Sheekh Shariif oo kulankaas ku metelayey golaha uu hoggaamiyo ee midowga musharaxiinta ayaa xubnaha beesha caalamka kala hadlay marxaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo u gudbiyey mowqifkooda ku aadan khalaafka jira iyo qabsoomidda doorashada.

Kulankaan waxuu ku soo aaday iyadoo maanta xubno ka socday beesha caalamka ay qadka internet-ka kula xariireen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyagoo kala hadlay khilaafka doorashada.

Xubnihii maanta la shiray Axmed Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyeen muhiimada wada-hadalku u leeyahay xasiloonida dalka iyo wax wada qabsiga dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland iyo inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor yimid qaabka ay dowladda dhexe u hir-gelineyso doorashada, waxayna aad u diidanyihiin guddiyada loo magacaabay doorashada oo ay sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka iyo hey’adda NISA.

Beesha Caalamka ayaa haatan ku dadaaleysa in mar kale la isukeeno dhinacyada iska leh go’aanka doorashada ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si looga heshiiyo khilaafka jira, isla markaana durba la guda galo hir-gelinta doorashooyinka, maadaama maalmo koobay ay ka hareen mudo xileedka madaxweynaha.

Daawo: Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA oo si faah-faahsan uga hadlay ciidanka la geeyey Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan oo ka hadlay walaaca ka dhashay wararka sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ay ku dhinteen dagaalkii gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa talooyin u soo jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Ismaaciil Daahir ayaa arrin laga haboonaa ku tilmaamay warkii ka soo yeeray siyaasiyiinta Soomaaliya qaarkood, kuwaas oo sheegay inay heleen macluumaad la xariira in askar Soomaaliyeed dagaalkaas la geliyey.

“Waxaan arkaayey mas’uuliyiin dhaheysa waxaan heynaa macluumaad sax ah oo sheegaya in ciidankaas dagaalka la geliyey, laakiin anigu arrintaas waxaan u arkaa mid laga hor dhacay oo aan xaqiiqo aheyn, sababtoo ah hey’adihii ugu waaweynaa adduunka ayaa weli macluumaad ka la’ gobolka uu dagaalku ka dhacay,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Waxa uu sheegay inuu hayo xaqiiqada in ciidan tababar loogu dalka Eritrea, balse shaki badan uu ku geedaamanyahay sababta ciidankan uu mudo sanad ka badan dalkiisa uga maqan yahay, iyadoo inta badan lix bilood uu qaato tababarka ciidamada ee dibadda.

Sidoo kale Ismaaciil Daahir ayaa sheegay in nidaamka dowladnimadu uu isku dhex yaacay, isla markaana aysan jirin wax isla xisaabtan ah, isagoo madaxda dowladda ku dhaliilay in aysan cadeyn xaqiiqada dhabta ah ee askarta maqan.

“Ciidanka in la qaaday waa sax oo wasiirka warfaafinta wareysiyadii uu bixiyey waxuu ku sheegay in la qaaday, balse waxuu carabkiisa ka ilaaliyey in ciidankaas loo qaaday Eritrea, balse anagu waxaan heynaa xaqiiqada in Eritrea ciidan tababar loo geeyey,” ayuu yiri Taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Ugu dambeyntii Ismaaciil Daahir ayaa madaxda dowladda kula taliyey “Dowladda waxaa la gudboon inay waalidiinta u sheegto meesha ay joogaan caruurtooda, waalidiintooda la hadashiiso, iyo inay sheegto goorta dalka lagu soo celinaayo, ma ahan inay ka leex leexato runta, aamusnaashuhu waxuu sii kor dhinayaa tuhunka ay waalidiintu ka qabaan dolwadda Soomaaliya.”

Hoos ka Daawo

BF oo Farmaajo u gudbiyey warqad la xiriirta ciidamada ‘la geeyey’ dalka Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waraaq xasaasi ah oo ku saabsan ciidamadii tobabarka loo geeyay dalka Eritrea waxay u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili ay hadal hayn badan ka dhalisay dalka.

Guddiga ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu cadeeyo ciidamada tobabarka loo geeyay dalka Eritrea iyo xiliga ay ku soo laabanayaan dalka, maadama eheladii dhalinyaradaas ay muujinayaan walaac ku aadan xaaladooda caafimaad.

“Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka BJFS isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga kor-joogteynta hay’addaha Dowladda, tix-gelinaya cabashooyin ka soo gaaray waalidiin caruurtooda tababar ciidan loogu qaaday Dalka Eritrea, waxaan kaa codsaneyna inaad noo cadeyso Ciidamada halkaa tababarka u jira tiradooda guud inta ay tahay, iyo goorta ay ku soo noqonayaan dalkooda hooyo,” ayaa lagu yiri waraaqda uu guddiga u diray Farmaajo.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka guddiga inay soo gaartay cabashada waalidiinta dhalinyarada loo qaaday Eritrea iyo hadal haynta la xiriirta inay ku dhinteen dagaalkii qaraara ee ka dhacay gobolka Tigray, iyaga oo gacan siinaya ciidamada dowladda federaalka.

Waxay ka dalbadeen madaxweynaha inuu sida ugu dhaqsaha badan ka jawaabo cabashada waalidiintaas, isaga oo cadeynaya halka ay ku sugan yihiin askartaas waqti xaadirkan, isla markaan uu la xiriiriyo waalidiintooda oo ka war-warsan xaaladooda.

“Waxaan kaa codsaneynaa inaad cadeysid halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas tababarka loo qaaday, lana xiriirisid waalidiintooda.”

Ugu dambeyntiina waxa uu guddiga ka dalbaday madaxweyne Farmaajo in si deg-deg ah guddi loogu saaro xaqiijinta nolosha askartaas, kuwaasi oo ka kooban xubno dowladda federaalka iyo golaha shacabka, si ay uga keenaan xaqiiqo dhab ah oo la xiriirta hadal haynta taagan.

“Waxaan kale oon ka codsaneynaa in si degdeg ah loogu diro guddi dawladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba. Annaga oo ku kalsoon inaad nala wadaagi doonto cadeymo ay ku qancaan waalidiinta iyo ummada Soomaaliyeed, naga guddoon salaam xushmad leh.”

Dalabka guddigan ayaa imanaya xili ay sare u kacday tuhunka laga qabo in ciidamada Soomaalida ah ee tobabarka loo geeyay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii Tigray, isla markaana ay ku geeriyoodeen badankooda marka laga reebo tiro yar oo dhaawac ah.

Hoos ka aqriso warqadda

Afar qodob oo xal u noqon kara muranka doorashada oo lasoo jeediyey (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan, bare jaamacadeed iyo cilmi baare, horayna uga tartamay jagada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan doorashada Soomaaliya.

Prof. Samatar ayaa ugu horreyn ku tilmaamay xaaladda ay ku sugan yihiin xubnaha mucaaradka inaan wax guul ah lagu gaari karin, isagoo sheegay inay ku jiraan xaalad isbar-bar yaac ah .

Samatar ayaa musharixiinta mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan hadba meesha ay u ordayaan isla markaasna ay muujiyaan tanaasul, kuna heshiiyaan mabd’a iyo hal murashax, haddii taasi la waayana ay fursad siin doonaan cidda kasoo horjeeda.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid rajo-beel ku riday dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Farmaajo wax rajo ah ma keenin, mana soo kordhin, intii uu joogay Al-shabaab lama weerarin, dhaqaale kobac ma jirin, magaalada waa kala xidhneyd, rajo kalena kama soo socoto, oo albaabkiisu waa xirmay,” ayuu yiri Prof. Samatar.

Ugu dambeyntii waxaa uu soojeediyey ilaa 4 qodob oo doorasho lagu gaari karo, loogana bixi karo ismari waagan, kuwaas oo kala ah:

  1. Reer waqooyi in waxooga loo madax banneeyo,
  2. Maamul goboleedyada in isku mid loola dhaqmo, iyaguna u haqmaan iney isku mid yihiin.
  3. Guddiga doorashada dadban waa iney madax bannaanaadaan
  4. Beesha caalamka in aan loo baahneyn, oo Soomaalida dhexdooda dhameystaan, waa haddii dalka iyo dadka ay dan ka leeyihiin.

19 maalin ayaa ka hartay muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sidaas ay tahay waxaa fashilmay dhammaan jadwaladii doorashada ee guddigii doorashada ee lagu muransanaa.

Laba Weriye oo caawa lagu xiray Dhuusamareeb kadib muuqaal ay QOOR QOOR…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goordhow saldhigga booliska magaalada Dhuusamareeb lagu xiray laba  weriye oo kala ah Maxamed Cabdiwali Tooxow iyo Cabdullahi Warsame Rooble, kuwaas oo ka mid ahaa weriyaasha ugu firfircoon deegaanada Galmudug.

Wariyaashaan ayaa maanta iska soo duubay muuqaal ay ku soo bandhigeen in dil iyo xarig ay ugu hanjabeen xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Weriyaasha kale ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa xarigga labadan weriye ku macneeyey “maxaad u faafiseen dhaliisha Qoor Qoor iyo weerarrada kooxda Al-Shabaab ay ku heyso deegaanada Galmudug.”

Weriyaasha caawa la xiray ayaa dhawaan warbixino ka sameeyey amniga faraha kasii baxaya ee Galmudug iyo hadal ka soo yeeray madaxweyne Qoor Qoor oo ahaa, “Qofkii yiraahda Al-Shabaab ayaa deegaan hebel qabsaday, waxaan u aqoonsaneynaa Shabaab kale.”

Tan iyo markii Galmudug la geeyey Qoor Qoor, isla markaana awood meesha looga saaray maamulkii ka horeeyey iyo ururkii Ahlu-Sunna oo gobollada dhexe ka xoreeyey Al-Shabaab, waxaa jiha kasta deegaanada Galmudug culeys ka soo saaray Al-Shabaab.

Heerka dayacaada amniga deegaanada Galmudug ayaa gaartay in Al-Shabaab habeenkii ay boonada canshuurta ku jaraan laamiga xariiriya Dhuusamareeb iyo Gurceel, halkaas oo intii uusan Qoor Qoor qaban hoggaanka Galmudug aheyd meel aysan awoodin inay u soo jirsadaan 100-KM.

Hoos ka Daawo muuqaalka ay maanta iska duubeen labada Weriye

Video: Rooble oo amar dul dhigay hay’adaha amniga iyo maamulka G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee dalka, si gaar ah gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hey’adaha ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga iyo halka ay marayaan howlgallada lagu xasilinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa laamaha ammaanka faray in la dardargeliyo sugidda amniga guud ee dalka, xiligan muhiimka ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Kulanka ayaa intii uu socday waxaa loogu baaqay shacabka Caasimadda in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si dhowna ula soo xiriiraan hay’adaha ammaanka, haddii ay dareemaan khataro, maadaama xiligan oo dalku ku jiro doorashooyin cadowga ummadda Soomaaliyeed uu doonayo in uu dhibaato u geysto bulshada,” ayaa qoraalka lagu yiri.

Eng. Rooble ayaa si gaar ah ugula dardaarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta dalka ee xiliga doorashooyinka.

Kulankan waxuu ku soo aadayaa iyadoo lagu wado inay dhawaan dalka ka bilaawdaan doorashooyin, balse waxaa jirta amni darro iyo cabsi xoog leh oo laga qabo weerarrada iyo qaraxyada Al-Shabaab.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas waxaa warbaahinta u faahfaahiyey waxyaabihii looga hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Hoos ka Daawo


 

Sawirro: Biden oo si rasmi u noqday madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, ayada oo Kamala Harris ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalka Mareykanka.

Biden ayaa waxaa daqiiqado yar un ka hor 12-kii duhurnimo lagu dhaariyey Aqalka Capitol Hill ee Congress-ka Mareykanka, ayada oo uu dhaarta ka qaatay garsooraha sare ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay, iyo qofkii ugu horreeyey ee madow ah, iyo qofkii ugu horreeyey ee asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Asia ee noqday madaxweeyne ku-xigeen, ayaa waxaa dhaariyey garsoore Sonia Sotomayor oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Khudbad uu jeediyey kadib dhaarintiisa, ayaa Joe Biden waxa uu ku yiri “Dimoqraadiyadda ayaa guuleysatay.” Waxa uu maalinkan ugu yeeray “maalin taariikh iyo rajo.”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in dalka uu “mar kale bartay in dimoraadiyadda ay tahay wax qaali ah”.

“Riyada cadaaladda hadda iyo kadib dib looma sii dhigi doono,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Biden ayaa u mahad-celiyey kuwii xilka ugu horreeyey ee labada xisbi ee ka qeyb-galay caleemo-saarka. Waxaa ka mid ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence, halka madaxweynihii hore Donald Trump uusan ka qeyb-gelin munaasabadda.

Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dadka Mareykanka inay ka guuleystaan kala qeybsanaantooda, isaga oo shaaca ka qaaday “midnimo la’aan, nabad ma jirto.”

Waxa uu ballan-qaaday inuu daacad u noqon doono dalka, isaga oo yiri “hoggaamiyayaasha waxaa waajib ku ah inay difaacaan runta oo ay ka guuleystaan beenta.”

“Waa inaan soo geba-gebeynaa dagaalkan xun ee na isaga keen horkeenaya gaduud iyo buluug,” isaga oo ula jeeda Jamhuuri iyo Dimoqraadi.

AP + VOA

Wararkii ugu dambeeyeey dadaallada ay waddo beesha caalamka ee doorashada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa weli wadda dadaallo ay dooneyso inay xal ugu hesho is-mari waaga ka taagan qabashada doorashada Soomaaliya, ayada oo la kulmeysa dhinacyada isku haya doorashada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka Ingiriiska Sweden Itoobiya iyo Danjirayaal kale, waxaana laga wada hadlay xaalidihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha muhiimada u leh xaaladaha hadda lagu jiro gaar ahaan midda doorashooyinka iyo Amniga.

Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamka u gudbiyey walaaciisa ku aadan faragelinta ay Dowladda Soomaaliya ku heyso Gobolka Gedo oo hoos imaado maamulka Jubbaland inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyey ay Dowladda Soomaaliya xoog kula wareegtay.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan arrimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

Kulanka Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka ayaa kusoo aadayo waqti aan weli lagu heshiin qaabka ay u dhaceyso Doorashada Soomaaliya.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyo inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hor imaaday qaabka ay Dowladda Soomaaliya u wado howlaha doorashada, waxayna ku eedeeyeen in ay Dowladda guddiyada doorashada ku dartay xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka iyo Hey’adda Nabadsugida NISA.

Musharaxiinta oo war kasoo saaray askarta la sheegay in lagu laayey gobolka Tigray

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada ciidamadii tobabarka loogu qaaday Ereteriya, xili ay maalmihii u dambeeyay waalidiinta dhalinyaradaas ay muujinayeen cabasho balaadhan.

Afhyaeenka Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wal-walka iyo walbahaarka la qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashooda kaga maqan yihiin Ereteriya.

Waxa uu ka digay in la siyaasadeeyo cabashada kasoo yeeraysa waalidiintaas, oo walaac ka qaba halka ay ku dambeeyen carruurtoodii la geeyay Ereteriya, kuwaasi oo lasoo warinayo inay ka qeyb galeen dagaalkii qaraara ee TPLF.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka jawaabo cabashada waalidiitaas, isla markaana uu faah-faahin ka bixiyo halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas iyo xaaladooda caafimaad.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maalmihii u dambeeyay isasoo tareysay cabasho kasoo yeeray waalidiinta dhalinyaro loogu qaaday dalka Ereteriya si loogu soo tobabaro, oo ay la’yihiin nolol iyo geeri wax ay ku sugan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhinaceeda beenisay inay jiraan ciidamo tobabar loo qaaday oo ka qeyb galay dagaalka TPLF, xili ay ilo xogagaal ah oo siyaasiyiin caan ah soo warinayaan inay ciidamada Soomaaliyeed ka qeyb qaateen dagaalkaas, oo xukuumadda Abiy Axmed dhamaadka sanadkii hore ku qaaday maamulka TPLF.

8 arrimood oo TRUMP uu SOOMAALIDA ka sheegay muddadii uu xilka hayey

0

Donald Trump waxaa maanta ka dhamaatay afartii sano ee xilka madaxweynaha Mareykanka uu hayay.

Muddadii uu xilkaas haayay wuxuu marar badan soo hadal qaaday Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar. Sidoo kale wuxuu ku daray 13 dal oo Muslimiin u badan oo xayiraad dhanka socdaalka ah uu saaray.

Waxyar ka hor intii aysan dhicin doorashadii looga adkaaday ee November, wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in Ilhaan Cumar ay dooneysa in ay Mareykanka ka dhigta “sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale”.

Donald Trump ayaa sidoo kale horey u jeediyay hadallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida, Ilhan Cumar iyo Muslimiinta.

Haddaba qaar ka mid ah hadalladaas ayaan halkan ku soo koobeynaa:

1- “Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isagoo yiri “Eel-ann” iyadoo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo baxay dhageysiga khudbadiisa.

Wuxuu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay in ay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleystay doorashada dhici doonto bisha Nofeembar.

“Waxay jeclaan lahayd in ay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale – Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa in ay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yiri Trump.

Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay wuxuu ku canaantay dadweynaha gobolkaas sababta ay wali raalli uga yihiin in ay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar.

“Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar, waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11-kii, ee lagu soo qaaday waddankeenna, sideed ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota.”

“Aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu hadalka ku sii daray Trump.

Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay in Trump uu “ku guuldarreystay inuu dalka maamulo” iyadoo tusaale u soo qaadatay in 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska Covid-19, illaa 40 milyan oo qofna ay shaqadoodii waayeen, guud ahaan dalkana ay ka socdaan dibadbaxyo.

2- “Meel walba oo ay tagto way xumaataa, Soomaaliya ayay ka bilowday”

Bishii Nofember, 2019-kii, waxay Donald Trump si wayn isu qabteen haweeney Safiir uga ahayd dalka Ukraine. Wuxuu xilligaas wajahayay mooshinno la xiriiray “fadeexad” ka dhalatay dhaqaale taageero ah oo lagu xiray arrimo siyaasadeed.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligaas bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista.

“Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Soomaaliya, sideey taasi noqotay?”

Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”.

Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah.

3- “Fikradda xun” ee Trump uu ka qabo Soomaalida

Inkasta oo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu madaxweynaha Maraykanka ka qabo Soomaaliya.

Bishii July, 2019-kii, hadal uu jeediyay Donald Trump ayaa dhaliyay buuq badan, wuxuuna wajahay dhalleeceyn.

Inkasta oo uusan xilligaas toos u magacaabin, haddane Donald Trump ayaa laga soo xigtay hadalo ay warbaahinta adduunka aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo ah Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12-mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay.

Trump ayaa xildhibaanadan dumarka ah u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta dadkooda ay isku asalka yihiin.

Wuxuu yiri: “Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimuquraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya.”

Wuxuu intaa ku daray: “In hadda (dumarkaas) aydadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegayaan sida wax loo maamulo”.

Ilhaan oo u jawaabtay Trump ayaa sheegtay in ay u dhaaratay Qaranka Maraykanka iyo sidii ay uga difaaci lahayd wax ay ku tilmaamtay “madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo maray”.

Madaxweyne Trump ayaa sannadkii 2018-kii, dalalka Afrika iyo waddamo kale ku tilmaamay kuwa “gudaafad ah”, hadalkaas oo ay ka dhalatay caro badan.

4- “Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina” Minnesota

Mar uu ka hadlayay Minnesota, maalmo ka hor doorashadii 2016-kii, wuxuu sheegay in Soomaalida ay dhibaato u horseedeen gobolka.

“Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyiinka ay keeneen qaxootiga siiba kuwa halkaan ku badan ee Soomaalida.”

“Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ay ku biirayaan ururka Daacish, waxayna xagjirnimada ku faafinayaan dalkeena iyo dunida oo dhan.”

Wuxuu sidoo kale xilligaas si guud u eedeeyay dadka soo galootiga ah ee Maraykanka.

5- Daacish iyo Soomaalida

Bishii June, sannadkii 2016-kii; Donald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalida ay ku biiraan Daacish.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay iska soo galaan Mareykanka, sidoo kalena ay dhibaato geystaan.

Hadalkaas markuu jeedinayay, wuxuu si gaar ah uga hadlay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.

Soomaalida Maraykanka daggan ayuu ku tilmaamay “qaxooti doonaya in ay Daacish ku biiraan.”

Donald Trump wuxuu mar kale ku “celiyay in ay tahay in Muslim-ka laga mamnuuco Maraykanka.”

Dhinaca kale waxaa xilligaas iyana hadashay Hillary Clinton oo cambaaraysay hadalada Trump

6- “Naceybka” uu Trump u qabo qaxootiga Soomaalida oo la shaaciyay

Bishii October ee sannadkii 2019-kii, bogga internet-ka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida uu madaxweyne Trump “u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.”

Sida lagu sheegay qoraalkaas CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunkiisa, madaxweyne Trump wuxuu Elaine Duke, oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha, weydiiyay sababta ay u mamnuuci la’dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya.

Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay “Colaadda Xudduudda”, waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka.

Sida lagu xusay buuggaasi: “Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kasta oo ay doonayaan in ay muujiyaan halista dadka qaxootig ah ay u keeni karaan Mareykanka.

7- Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump?

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo.

Xilligii ugu kululeyd waxay ahayd bishii February ee 2019-kii,oo Trump ugu baaqay Ilhaan inay is casisho, ka dib markii ereyo lagu tilmaamay “Yuhuud naceyb”, ay ku qortay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada Aqalka Kongreska ee Mareyknka ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi.

Trump ayaa xilligaas sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka.

“Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa jirtay marar dhowr ah oo uu Trump wax ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida. Haddaba dhowrkan qodob ee soo socda ayaan ku eegeynaa hadalladii iyo ficilladii Trump ee ku wajahnaa Soomaaliya iyo Soomaalida:

8- Nin Soomaali ah oo Trump ka mamnuucay magaaladiisa

Bishii March 2019-kii, Maajid Maajid oo 30 jir qaxooti Soomaali ah, ayaa ku dhawaaqay go’aan la yaab leh, xilli uu shir gudoominayay golaha deegaanka Sheffield ee Britain, “taas oo walaaltinimo loogu muujinayo dadka reer Mexico”, sida uu sheegay.

Waxaa uu xilligaa Mr Trump ku tilmaamay “nin nacas ah” islamarkana laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan,” ee Sheffield. 

Trump wuxuu xilligaas ku dhwaaqay dhimista tirada qaxootiga Soomaalida ee dib u dajinta la siinayo.

Xilligii uu ololaha ku jiray ee sannadkii 2016-kii wuxuu ka sheegay isu soo bax uu ku qabtay magaalada Minneapolis in uu dadaal u gali doono sidii aad loogu xakameyn lahaa qaxootiga dib u dajinta laga siinayo gobolka Minnesota.

Gobolka Minnesota waxa uu hoy u yahay tirada qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka.

Waxa uu sheegay in tan iyo intii uu xukunka qabtay uu hoos u dhigay qaxootigii dib u dajinta laga siinayay guud ahaan Mareykanka.

“Tan iyo intii aan xafiiska imid waxaan dhimay qaxootiga 85% “, ayuu yiri Mr Trump.

Waxa uu khubda ka jeedinayay isu soo bax lagu qabtay xarun lagu magacaabo Target Centre.

“Sannado badan, hoggaamiyeyasha Washington waxay gobolkiinna keeneen qaxooti badan iyada oo aan la eegin saamaynta ka dhalan karta ee dhanka iskuullada bulshada iyo canshuur bixiyayaasha”, ayuu yiri madaxwayne Trump.

“Waxaan idiin ballanqaadayaa ka madaxwayne ahaan in bulshada aan siiyo fursad ay go’aan ugu yeelan karaan siyaasadaha qaxootiga iyo in la dajiyo qorsha sare loogu qaadayo turxaan bixin la smaeeyo iyo xakameynta muhaajiriinta,” ayuu hadalka ku sii daray.

Xigasho: BBC

Shariif Xasan oo shaaca ka qaaday waxa dhacaya marka la gaaro 8-da Febraayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed laba jeerna soo nooqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashada lagu mursan yahay isagoo Xalay ka qeyb galayey kulan su’aalo lagu waydiinayey.

Waxa uu soo jeediyay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madax Goboleedyada & musharixiinta ay kawada xaajoodaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada & ka gudubka caqabadaha taagan.

Shariifka ayaa sheegay in waqti ahaan laga durqi karo muddo xileedka Dowladda oo ku siman 8-da Febaraayo 2021 waa marka lagu heshiiyo sida wax lo wadayo, diyaargarowga & qorsheynta howsha lagu wajahayo Doorashada kahor muddo xileedka Madaxtooyada.

Waxa uu ka digay in muddo xileedka Madaxtooyada uu dhammaado iyada oo la isku hor fadhiyo sida la isu diidan yahay oo aan heshiiska lagu ahayn hab maamulka doorashada qorsheynta & dhammeystirka nidaamka Geedi socodka (Kala guurka).

“Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha & Maamulada in lawada fadhiisto oo lagu go’aan gaaro kahor 8-da febaraayo, balse dhibaatadu waxa ay imaaneysaa in waqtigaas la gaaro iyada oo aan heshiis lagu ahayn, waqti waa lagu dari karaa waxaa ka horreeya in heshiis lagu yahay, balse Madaxweynaha waxa uu xilka uga egyahay 8-da Febaraayo 2021” Sidaasi waxaa yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya & Madaxweynihii DG Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka digay in dalka dhibaato loo horseedo iyada oo la heli karo xal wanaagsan oo isla ogol & wax wada qabsi lagu waji karo sida uu hadalka u dhigay.

Muddo xileedka Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku siman 8-da Febaraayo 2021 waxaa ka dhimman 19-Cishe oo keliya, mana saldhigna Doorashada oo waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 2020 in la bilaabo laga soo dib dhacay, iyada weli aan xal la gaarin.

Midowga Musharixiinta ayaa dhawaan sheegay inay lagama maarmaan tahay in ka hor 8 February laga heshiiyo doorashada ka dhaceyso Soomaaliya, balse waxaa muuqato in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iska dhaga tirayo baaqyada uga imaanayo musharixiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo maanta qarax lala eegtay + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaariga guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif, walow uu ka badbaasay miinadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay dhaawacyo soo gaareen xoghayaha guddoomiyaha iyo labo askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii qarax kan la mid ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga Garasbaaley iyo midkii dhalinyarada ee deegaankaasi.

QOOR QOOR iyo Guudlaawe oo qaatay go’aan la xiriira muranka doorashada (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug iyo HirShabeelle ayaa siyaabo kala gooni gooni ah Caasimada Online ugu sheegay in Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ku heshiiyeen in aysan ka qeyb noqon doorasho aan heshiis lagu heyn.

Labadaan Madaxweyne ayaa sheegay in aysan marna qaban doonin doorasho aan lagu heshiinin islamarkaana ay jirto heshiis u gaar ah oo ay wada-qaateen, sida aan xogta ku helnay

“Annagoo eegeyna danta Hawiye marna ma qaban doono doorasho aan heshiis lagu aheyn waana heshiis adag oo aan isla qaadanay,” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe, sida aan kasoo xiganay xildhibaano uu la hadlay.

Qoor Qoor ayaa dhowaan wareysi uu siiyey BBC-da ku caddeeyey inuusan qaban doorasho aan heshiis lagu wada-aheyn.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeyb galeyn, doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo” ayuu yiri Qoor Qoor.

Arintaan ayaa la sheegay in ay dib u dhigtay qorshihii Xukuumada ee qabashada doorashada Soomaaliya, taas oo lagu dhawaaqay toddobaadyo ka hor, waxaana hadda rajada kaliya ee qabashada doorashada ay kusoo hartay Cabdicasiis Laftagareeen.

Si kastaba, madaxweynaha Koonfur Galbeed ayey u badan tahay inuusan ku dhiiran qabashada doorasho, haddii uu dareemo inuusan jirin maamul goboleed kale oo qaadaya tallaabo noocaas ah.

Xog: Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo loo yeeray iyo wararkii ugu dambeeyey ee qabashada doorashada

Baydhaba (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in amar ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen la gaarsiiyay baarlamaanka Koonfur Galbeed, kaas oo ahaa in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan Baydhabo.

Dadka aan la hadalnay oo ay ku jiraan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in lagu wargeliyay in ay deg deg ku soo laabtaan Baydhabo si loo qabto kulamada baarlamaanka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in ay suurtagal tahay in xubnahaan ay billaabaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee BFS xili ay dood wali ka taagan tahay doorashada Soomaaliya.

Cabdicasiis Xasan Maxamed waxaa la sheegaa inuu yahay shaqsiga keliya ee si dhab ah u taageersan islamarkaana dartiis go’aano badan u qaadan kara Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba arrintan ayaa imaneysa ayada oo wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan uu dhowaan sheegay in Laftagareen uu wado dadaallo uu isugu keenayo dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya.

ABIY AHMED oo qaaday tallaabadii u dambeysay ee uu ku ciribtirayo TPLF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Abiy Axmed oo dagaal xoogan la gashay maamulka TPLF ayaa gebi ahaanba ururkii maamulkaas ka saartay xisbiyadda siyaasadeed ee dalkaas, oo uu sanadihii u dambeeyay kamid ahaa xisbiyada ugu awooda badan.

Guddiga doorashada Itoobiya ayaa shaaciyey inay diiwaanka xisbiyada siyaasada ka saareen xisbiga TPLF, oo hore uga talin jirey maamulka Tigray.

Guddiga ayaa xisbiga TPLF oo ay hogaamin jireen siyaasiyiintii uu dagaalka la galay Abiy Axmed, ayaa waxay ku eedeyeen inay ka dambeeyen qalaalase siyaasadeed oo ka dhacay dalka Itoobiya.

Waxa kale oo uu go’aankan ku sababeeyay guddiga doorashada in TPLF ay qaaday tallaabooyin sharci darro ah oo lagu wiiqayo wada-jirka iyo amaanka dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu guddiga ka dalbaday saddex xisbi siyaasadeed oo ka jira gobolka Tigray inay sharaxaad ka bixiyaan doorashadii ay kala qeyb galeen TPLF, taasi oo suurta-galin karta haddii uu guddiga ku qanci waayo warbixintooda in laga tirtiro diiwaanka xisbiayda dalkaas.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa dagaal culus la gashay maamulka TPLF oo ay isku fahmi waayeen siyaasad ahaan, isagoona qaaday howl-gal millateri oo khasaaro badan ka sababay gobolka Tigray, midaasi oo uu ugu dambeyntii kula wareegay gacan ku haynta gobolkaas.

Sanyare oo abaal-marin u ballan qaaday cidii soo disha Sheekh CALI DHEERE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u jwaabay afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo horey u tilmaamay in guddoomiye Sanyare uu jeediyey hadal gef weyn ku ah Diinta, isaga oona dagaalyahanada Al-Shabaab amray inay soo dilaan guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Sanyare oo hadalkaasi ka jawaabayey, kadib munaasabad baroor-diiq ah oo lagu qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in Cali Dheere uu yahay nin dambi weyn ka galay Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana ka dambeeyey weeraro & qaraxyo dad badan lagu dilay

“Mujrimkii weynaa ee Cali Dheere ayaa ii soo dhaartay, Cali Dheere geed hoostiisa ayuu fadhiyaa, Cali Dheere waxaan leeyahay qarixii Shaamow dadkii ku dhintay, ardaydii ku dhimatay Hargaha iyo Saamaha, 700 ee ku dhintay Zoobe, dadkii 200 ahaa ee ku dhintay Ex-Control wiilasha aad u khudbeyneyso waa kuwaas qaraabadooda,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu abaal-marin lacageed oo gaareysa illaa $500,000 (Shan boqol oo kun oo doolar) u ballan qaaday cidii soo disha afhayeenka kooxda Al-Shabaab.

“Labo malyuun oo qof ayuu afkooda ku sheegay in la dilay Cali Dheere, waxaa balan-qaadayaa cidii isaga soo disha in la siinayo lacag shan boqol oo kun dollar,” ayuu markale yiri guddoomiye Cabdiladiif.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii dambe Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso Gaalkacyo, waxaana kooxdan ay horey u dishay Axmed Muuse Nuur oo ahaa guddoomiyihii gobolka Mudug, sidoo kalena la dhashay Cabdiladiif Muuse Sanyare.

Danab oo deegaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab

0

Kismaayo ( Caasimada Online ) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen agagaarka magaalada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa saraakiisha Danab ay sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada kala ah , Beer-Xaani, Cabdi Dhoore, Qudus iyo Liba Kuus oo dhammaan hoostaga magaaladaasi.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay nolosha ku qabteen 3 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Danab ayaa baaris ku sameeyey goobihii ay isaga baxeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab.

Xaaladdq ayaa haatan ah mid kacsan, iyada oo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo duleedka degmadq Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey weerarada iyo howl-gallada ka dhanka aha dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Ururada bulshada rayidka oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Mudane Cismaan Tahliil Shaatax oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Shaatax ayaa sheegay in ka bulsho rayid ahaa ay wadaan dadaallo xal loogu raadinayo muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in xal mideysan la gaari doono ka hor 8 February ee sanadkan ee 2021-ka..

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Mudane Cismaan Tahliil Shaatax oo hadalkiisa sii wat ayaa shaaca ka qaaday in qodobada la’isku hayo ay yihiin guddiga doorashada, Somaliland iyo arrinta gobolka Gedo, islamarkaana ay ku baaqayaan in xal laga gaaro.

“Waxaan dareensanahay bulshada rayidka oo dhex dhexaad ka ah arrimaha, inay howshooda sii wadaan, rajooyinka aan ka qabno waxaa in xal la gaaro ka hor 8 February, in laga shaqeeyo qodobada la isku haayo, gaar ahaan saddexda arrimood sida arrinta Guddiga, Somaliland iyo Gobolka Gedo” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Tahliil Shaatax.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la’isugu yimaado shirweyne kale oo ay qeyb ka tahay bulshada rayidka, si looga wada-hadlo khilaafka ka jira dalka iyo doorashooyinka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka doorashada dalka, islamarkaana uu sii dhammaanayo waqti loo qorsheeyey in la qabto.