27.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Awoodda Ciidanka Somalia: Wax ka ogow dalalka Afrika ee ay ka xoog badan tahay

0

Wargeyska ka faallooda awoodaha milatari ee dalalka caalamka “Golobal Firepower ayaa sanadkan 2021-ka soo saaray liis uu ku xusay sida ay waddamada u kala awood badan yihiin, si gaar ahna qaaradda Afrika ayuu kasoo xushay 35 waddan.

Sidii badanaaba ay horay u ahaan jirtay, Soomaaliya ma aha dalka ugu hooseeya liiskaas, inkastoo aysan ka muuqanin kaalmaha ugu wanaagsan.

Masar ayaa ah waddanka militari ahaan ugu awoodda badanqaaradda Afrika, waxaana ku xiga dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika.

Dalalka Nigeria, Morocco, Itoobiya, Angola, Liibiya, Tuniisiya iyo Suudaan ayaa sida ay isugu xigaan u buuxinaya 10-ka waddan ee ugu milatariga fiican qaaradda Afrika.

Inkastoo ay jiraan dalal ay awoodda militariga aad isugu dhawyihiin, farqi sidaas u weynna uusan u dhaxeynin – sida Sierra Leone, Gabon iyo Afrikada Dhexe, haddana waddanka ku yaalla cirifka ugu dambeeya ee geeska Afrika, Soomalaiya, ayaa ku jira kaalinta 34-aad.dd

Soomaaliya ayaa militari ahaan dhinac walba uga awood badan waddanka Liberia, oo ku jira kaalinta ugu dambeysa ee 35-aad.

Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in la sheegay 35 waddan oo kaliya, halka dalalka Afrika ay ka badan yihiin 50 waddan. Taasi micnaheeda waa in dalalka aan liiska lagu soo darin aysan militari ahaan u dhisneyn.

Halkaasna waxaa ka cad in Soomaaliya iyo Liberia labaduba ay ka awood badan yihiin dalalka kale ee Afrika, ee aan liiskan xogtooda lagu sheegin.

Liiska 35-ta waddan ee Afrika iyo sida ay u kala horreeyaan

  • Masar
  • Aljeeriya
  • Koonfur Afrika
  • Nigeria
  • Morocco
  • Itoobiya
  • Angola
  • Liibiya
  • Tuniisiya
  • Suudaan
  • Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo
  • Kenya
  • Zambia
  • Uganda
  • Chad
  • Zimbabwe
  • Ghana
  • Niger
  • Mali
  • Botswana
  • Cameroon
  • Suudaanta Koonfureed
  • Tanzania
  • Ivory Coast
  • Mozambique
  • Jamhuuriyadda Kongo
  • Madagascar
  • Muritaaniya
  • Namibia
  • Burkina Faso
  • Afrikada Dhexe
  • Gabon
  • Sierra Leone
  • Soomaaliya
  • Liberia

Awoodda militari ee Soomaaliya

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 11,258,029.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 121,598 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatarga Soomaaliya

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay

10 taangi.

100 gawaadhida gaashaaman.

Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

30 madaafiicda la jiido ah.

10 qalabka lagu rikabo gantaallada.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya.

Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl.

Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $5,300,000,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Xigasho: BBC

Yaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada lagu hoobtay ee ka dhacay Baqdaad?

Baghdad (Caasimadda Online) – Kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka (IS) ayaa sheegtay inay ka dambeysay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo shalay ka dhacay caasimadda Ciraaq ee Baghdad, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Bartilmaameedku wuxuu ahaa Shiicada Muslimiinta ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay wakaaladda wararka kooxdan Sunniga ah ee Amaq.

Waa qaraxyadii ismiidaaminta ee ugu cuslaa Baghdad muddo saddex sano ah.

Kuwa fuliyay ayaa isku dhex qarxiyay meel ay dhoobnaayeen dad ka dukaameysanayay suuqa Tayaran Square.

Qirashada kooxda jihaad doonka ah, ee bartooda Telegram-ka, ayaa timid saacado kaddib weerarka.

Qaraxyada ismiidaaminta ah kuma badneyn Baghdad tan iyo intii IS looga adkaaday gobolka sanadkii 2017.

IS ayaa mar gacanta ku heyn jirtay 88,000 isku wareeg km (34,000 isku wareeg meyl) oo dhul ah laga soo bilaabo bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya waxayna xukunkooda adag ku soo rogeen ilaa siddeed milyan oo qof.

Inkastoo IS looga adkaaday dagaalka, warbixin ay bishii August soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in in ka badan 10,000 oo dagaal yahanno IS ah ay ku sugan yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Ma laga yaabaa in Biden uu Soomaaliya kusoo celiyo ciidankii uu Trump la baxay?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii Mareykanka ee xilka ka degay, Donald Trump ayaa 15-kii bishan amray in ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya laga soo saaro.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogay 700 oo ciidamo ah, kuwaas oo ciidamada Soomaaliya ka caawiya la dagaallanka al-Shabab iyo mintidinta kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka.

Diblomaasiyiinta iyo kooxaha korjoogtada ah ayaa ka digaya in – dalkan oo muddo soddon sano ku jiray xaalado jahwareer leh – uu mar kale qarka u saaran yahay fowdo, iyadoo dadaalka dib u dhiska Soomaaliya uu haatan khatar ku jiro

Xilliga uu Mareykanka ciidankiisa kala baxay Soomaaliya ayaa ku soo aadey iyadoo doorasho ay ku soo fool leedahay dalka, lagana baqayo in khilaafka ka taagan hannaanka doorashada uu dhibaato horseedo.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli muhiim ah,” Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swann, ayaa sidaas BBC-da u sheegay, isagoo ka digay in dhaqanka hoggaamiyeyaasha qaranka iyo kuwa gobollada – ee isku haya hannaanka doorashada baarlamaaniga ah ee dadban- uu horseedi karo rabshado.

Go’aanka Trump ayaa ka nixiyay qaar ka mid ah Soomaalida gudaha dalka ku sugan, kuwaas oo madaxweynaha cusub Joe Biden ka codsaday inuu wax ka beddelo arrintaas.

Sanator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa go’aankaas ku tilmaamay “mid aad looga shalleyn karo”. Wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay wax weyn ka qabteen tababarka iyo tayada ciidamada Soomaaliya.

Milkiilaha hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, oo weerar lagu qaaday hoteelkiisa bishii August ee sanadkii hore ay ku dhinteen 15 qof, ayaa walaac weyn ka muujiyay in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

“Aad ayay inoo dhibeysaa,” ayuu yiri milkiilaha hoteelka. “Weli waan u baahannahay Ameerikaanka, gaar ahaan dhanka ammaanka.”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay inuu wax ka beddelo qaar ka mid a siyaasadihii ugu waaweynaa Donald Trump, saacado kaddib markii la dhaariyay

“Ma jiro waqti la luminayo marka ay timaaddo wax ka qabashada xasaradaha aan wajaheyno,” ayuu barta Twitter-ka ku soo qoray xilli uu ku sii jeeday Aqalka Cad.

Sharciyada horyaalla waxaa ka mid ah kan muranka badan dhaliyay ee mamnuucista safarka lagu tagi karo Mareykanka, ee dalalka qaar oo Soomaaliya ay ka mid tahay uu kusoo rogay madaxweynaha isaga xilka uu kala wareegay ee Donald Trump.

Madxaweyne Biden ayaa khudbadiisii caleema saarka ku sheegay in Mareykanka uu hagaajin doono xiriirka caalamka, iyadoo mararka qaar ay khudbadiisa u muuqatay mid uu ku durayo siyaasadda maamulkii ka horreeyay ee Trump.

“Dib baan u hagaajin doonnaa xulafadeennaa dunidana mar kale ayaan la macaamili doonnaa,” ayuu yiri.

Biden wuxuu bishii Oktoobar ee sanadkii hore cambaareeyay go’aankii uu Donald Trump ciidamada Mareykanka uga saaray Suuriya.

Iyadoo 100-ka maalmood ee ugu horreeya madaxtinnimadiisa uu qorsheynayo inuu wax badan ka beddelo qaar ka mid ah siyaasadihii Donald Trump, haddana ma cadda inuu xisaabta ku darsan doono ciidamada Mareykanka ee laga saaray dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Afhayeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika Col. Chris Karns oo la weydiiyay in maamulka Madaxweyne Joe Biden uu wax ka beddeli doono arrintaas, ayaa sheegay inaan hadda la saadaalin karin.

Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyey deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay  ku baxeen  tuulooyin ku yaala baadiyaha degmada Raaga-ceelle oo laga soo sheegay  dhaq-dhaqaaq ay wadaan dagaalameyaasha Al-shabaab.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ay baadi goobayaan  dagaalamayaashii Al-shabaab ee sida dhuumaaleysiga ku tagay tuulooyinkaas waxaana hada dagan xaalada degmada Raaga-celle.

Guddoomiyaha degmada Raaga-ceelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo laga qabo Al-shabaab amnigana wanaagsanyahay.

Dhinaca kale, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa wali ku sugan tuulooyin ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Jowhar ayaa soo sheegaya in Al-shabaab ay ku suganyihiin tuulooyinka kala ah Warciise, Doondheere iyo Shamiindo.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka HirShabeelle, waxaana muuqato in kooxda Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ay ka wado deegaano ka tirsan Gobolkaas.

UNHCR oo sheegtay inay Soomaaliya marti galisay qaxooti badan sanadki 2020

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalka Afrika ee sanadkii lasoo dhaafay martigaliyay Qaxootiga faraha badan.

War kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in Qaxootigaasi ay kala socdeen Afrika iyo Aasiya ayna dalalka ay ka yimaadeen ka jireen dhibaatooyin dhanka Amniga.

In ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah ayaa sanadkii 2020 soomaaliya nabad galyo u raadsaday sida ay sheegtay heyada UNHCR .

Dadkaas waxay badankood ka yimaadeen wadamada Ethiopia, Syria Iyo Yemen sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday hey’adaan.

Gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir ayaa ah meelaha ugu badan oo ay qaxootiga joogaan

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in lixdii sano ee la soo dhaafay ay dib ugu laabteen dalka Soomaaliya in ku dhow boqol kun oo qaxooti ah kuwaasi oo hore ugaga cararay dagaalada sokeeye ee dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo la wareegay caawa deegaano hoos taga Jowhar iyo Raaga-Ceelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoos taga degmooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Tuulooyinka ay qabsadaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Warciise oo Jowhar u jirta 15 ilaa 20 KM iyo sidoo kale tuulooyinka Qoordheere, Geyfo, Jabada-Carbeed, iyo Daba-gaab oo hoos taga degmada Raaga-Ceelle.

Al-Shabaab waxay caawa 10-KM u jiraan degmada Raaga-Ceelle, halka Jowhar-na ay ka qabsadeen tuulo hoos tagta oo lagu magacaabo Warciise, taas oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaalad cabsi ah ayaa caawa ka taagan qeybo badan oo gobolka Shabeellada Dhexe ah, lamana oga sida uu xaalku noqon doono.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale maalin ka hor ula wareegay deegaanka Mashallaay oo hoos taga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku sugnaa seddaxdii sano ee lasoo dhaafay.

Mashallaay oo dhacda inta u dhaxeysa magaalooyinka Qoryooley iyo Buulo-Mareer ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, isla markaana muhiin u ah isu-socodka labadaas magaalo.

Iska daa inay weerar tagaane, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey soo baneynayey fariisimo muhiim ah, iyadoo markii ay ka baxaan ay dib ula wareegayeen Al-Shabaab.

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyey guddi muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Onlinee) – Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Guddiga sare ee maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed, xubin ka bannaanatay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka iyo xubin laga saaray guddiga maamulka hay’adda batroolka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in Ciidanka qaranku ay u diyaarsan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga iyo xoreynta dalka.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa wadajir uga tacsiyeyeey geerida guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo xalay ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo ka dhacay Muqdisho, waxayna fareen hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sababaha keenay dhacdadan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay warbixinnadii ugu danbeeyey ee caabuqa karoona iyo dadaalka ay waddo dowladdu ee la xiriira sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhibaatada uu leeyahay xanuunkan.

Video: DF Somalia oo war cusub kasoo saartay dilkii guddoomiye Dhagajuun

0

Muqdishoi (Caasimada Onlin) – Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dilkii xalay Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa marka hore ka tacsiyeeyey geerida marxuumka, wuxuuna sheegay in wax laga naxo ay tahay inuu ku baxay gacanta ciidanka amniga.

Farxaan Cali Axmed ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay saraakiishii iyo askartii ku sugneyd goobta uu dilku ka dhacaym, isaga oo shaaciyey in haatan ay ku xiran yihiin xarunta hay’adda CID-da, islamarkaana lagu weydiinayo su’aallo dheeri ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciddii ku lug yeelataa dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan la horgeyn doono sharciga, lagana qaadi doono tallaabo adag.

“Waa wax laga naxo in ciidamadeenii uu gacantooda ku baxo, waxaan caddeyneynaa in saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise in gacanta lagu dhigay oo baaritaan ay CID-da u joogaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu wasiiru dowlaha intaasi sii raaciyey “Ciddii ku lug yeelataa sharciga ayaa la horgeyn doonaa,”.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed inay is dajiyaan, kana war sugayaan natiijada baaritaanada socda ee ay wado dowladda Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo shalay ku soo laabtay dalka, kadib dhaawicii loogu qaaday Turkiga ayaa xalay lagu dilay agagaarka isgoyska Howl-wadaag, kadib is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

 

Biden oo qaaday tallaabo ka farxineysa Soomaali badan

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka, Joe Biden oo xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa xafladdiisa dhaarinta kadib saxiixay wareegtooyin madaxaweyne oo uu ku laalay go’aano uu horey u dhaqangeliyay Trump.

Joe Biden ayaa wareegtooyinka uu saxiixay waxaa ka mid ah inuu hakiyey xayiraaddii saarneyd illaa todobo dal oo Muslimiin ah, kuwaas oo Soomaaliya ay ka mid tahay, islamarkaana uu horey Trump dadkooda uga mamnuucay inay u safraan Mareykanka.

Go’aankaasi ayaa afartii sano ee la soo dhaafay saameyn ballaaran ku yeeshay muwaadiniinta dalalka lagu soo rigay xayiraadda, balse hadda laga qaaday.

Sidoo kale madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa hakiyey darbigii uu Trump ka dhisayey xadka u dhexeeya dalalka Mareykanka & Mexico.

Mr Biden ayaa sidoo kale dib ugu celiyey heshiiskii cimilada ee Paris, wuxuuna ka laabtay dhammaan xeerarkii uu Trump ku qafiifiyay wasaqoyga hawada.

Tani ayaa noqoneyso tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday Joe Biden, isaga oo sidoo kale sameyn doono is-bedallo kale oo ballaaran.

Sawirro: SHACAB careysan oo maanta banaan-bax ka dhigay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweyne fara badan oo ka careysan dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa maanta dibad-bax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, iyaga oo hakad-geliyey dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Sidoo kale dadka dhigayey dibad-baxa ayaa taayaro ku gubay laamiga, sidoo kalena biro iyo dhagaxaan ku gooyey.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilka guddoomiyaha, iyaga oo cadaalad ka dalbadayadowladda Soomaaliya.

Shacabkan isugu soo baxay Taraboonka ayaa sidoo kale wax lagu xumaado ku tilmaamay hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ahaa inuu iska hor imaad ku dhintay guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun oo shalay uun ku soo laabtay dalka.

Si kastaba dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ayaa dhaliyey xiisad xoogan, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkiisa, waxaana loo xiray illaa 9 askari oo labo ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.

 

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii SWAN iyo DENI?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud eee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan.

Kulanka oo ahaa mid hab maqal iyo muuqaal ah ayaa labada dhinac waxay uga wada-haleen xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray xal u helida tabashooyinka la xiriira doorashada dalka.

Swan ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka 2021-ka, isaga oo shalay kulan kan la mid ah la yeeshay Axmed Madoobe.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland oo weli diidan hannaanka ay doorashada ku wajaheyso dowladda Soomaaliya ayaan soo magacaaabin guddiyadooda doorashada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo uu waqtigu yahay mid gabagabo ah, balse beesha caalamka ayaa wada qorshe lagu qabanayo shirweyne kale.

R/W ROOBLE oo shaaciyey in fal nasiib darro ah uu ku dhintay gudoomiyihii Hodan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray dilkii xalay Muqdisho loogu geystay AUN guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ugu horreyn tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoomiyaha uu ku dhintay fal uu nasiib darro ku tilmaamay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Rooble ayaa faray laamaha amniga inay baaris dhab ah ku sameeyaan dilka guddoomiyihii maamulka degmada Hodan.

“Waxaan farayaa hay’adaha  ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah,” ayuu sii raaciyey.

AUN Cabdixakiin Dhagajuun oo xalay saq-dhexe lagu toogtay agagaarka isgyska Howlwadaaga yaa shalay uun dib ugu soo laabtay dalka, isagoo ka yimid dalka Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday kadib dhaawac ka soo qaara qarax miino oo lala eegtay.

Mahad Salaad oo waji kale u yeelay dilkii Dhagajuun, weerarna ku qaaday Filish

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun oo xalay lagu toogtay Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa marka hore cambaareeyey hadal ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ee ahaa in guddoomiyaha uu ku dhintay is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Xildhibaanka ayaa hadalka Cumar Filish ku tilmaamay inuu yahay gaf weyn oo ka soo yeeray, islamarkaana ka fog xaqiiqada & sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inay hadalkan uu yahay mid raad tirasho ah oo lagu qarinayo dadkii ka dambeeyey dilka guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan cambaareynayaa hadalka gafka ah ee ka soo yeeray Gudoomiye Cumar Finish ee ah Gudoomiye Cabdihakiin Dhagajuun is-rasaasayn ayuu ku dhintay. Waxaanan u aragnaa in Gudoomiye Cumar iyo maamulkiisu bilaabeen raadtirasho si loo qariyo raadka dambiileyaasha falkaas geystay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanka.

Mahad Salaad ayaa intaasi sii raaciyey “Gaari la hubiyay markii uu gudbayay, soo laabashadiisana loo diyaar garoobay, ciidamo xoojin ahna loo diray sida ay ii sheegeen saraakiisha tagay goobta falku ka dhacay sabab loogu sheego is-rasaasayn ayay ahayd waa wax aan la qaadan karin.  Gudoomiye Cumar na waxaan ugu baaqaynaa in uu cudurdaar ka bixiyo hadalkaas,”.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeno saraakiishii & askartii ka dambeysay toogashada loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan.

“Waxaan ku baaqaynaa mar labaad in cadaalada la horkeeno saraakiisha amarka bixiyay iyo askartii fulisay falkaas foosha xun ee lagu qaarajiyay Gudoomiye Cabdixakiin,”.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, iyada oo xabsiga la dhigay saraakiil & askar ka tirsan ciidamada Booliiska.

Taliyeyaal iyo askar oo ‘loo xiray’ dilka guddoomiyihii maamulka degmada Hodan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii maamulka degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay taliyeyaal ciidan iyo askar ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya, kadib dhacdadaasi.

Sida aan xogta ku helnay waxaa illaa iyo hadda xabsiga la dhigay taliyaha  saldhigyada Booliiska degmooyinka Howlwadaag, Gaashaanle Shucayb Cabdi Maxamuud iyo taliyaha saldhigga Waabari, Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin, kuwaas oo la sheegay in xalay ay ki sugnaayeen goobta uu dilku ka dhacay, kuna qornaayeen heeganka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in la xiray illaa 7 askari oo iyana ku sugnaa barta koontarool ee lagu dilay guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan, sida uu dhacay dilka guddoomiyaha.

Maamulka gobolka Banaadir ee uu horkacayo Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sidoo kale soo saaray amar de-deg ah oo la xiriira in baaritaan dhab ah lagu sameeyo shaqaaqadaasi, iyadoo guddi ka kooban todobo xubnood loo saaray aaska marxuumka.

Si kastaba guddoomiyaha la dilay ee maamulka degmada Hodan ayaa toogashadiisa waxa ay timid saacado uun, kadib markii uu ku soo laabtay gudaha magaalada Muqdisho, isaga oo bilihii u dambeeyey arrimo caafimaad ugu maqnaa wadanka Turkiga oo loo geeyey dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo lagula eegtay qeybo ka mid ah Caasismada.

Xog: Murankii doorashada oo u dhow in xal laga gaaro iyo arrin la isla ogolaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ka soo xiganay xubno kamid ah beesha Caalamka waxaa muuqanaya isu soo dhawaansho madaxda dowladda Soomaaliya, kuwa maamul gobaleedyada, iyo musharaxiinta mucaaradka, taas oo ku saabsan muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in dhinacyada ay mabda’ ahaan wada-ogolaadeen in la qabto kulan deg deg ah ka hor bish Febraayo, kaas oo looga hadli doono in lagu dhameeyo khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kulamo dhowr ah oo beesha caalamka ay la yeelatay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya. 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xubnaha beesha caalamka.

Xubno ka socday beesha caalamka ayaa sidoo kale qadka internet-ka kula kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyagoo kala hadlay khilaafka doorashada.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in James Swan uu ka shaqeeyay natiijo hordhaca ah, ayada oo dhinacyada ay mabda’ ahaan ogolaadeen wada-hadal. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale la sheeegayaa inay ogolaatay wada-hadallo. Si kastaba, waxaa la ogeyn sida looga heshiin doono arrimaha la isku haayo marka la isku yimaado.

Ilaha aan warkaan ka soo xiganahay ayaa sheegay in sidoo kale dhinacyadu lagula ballamay in ay sameeyaan tanaasul markii shirka la isugu yimaado oo aan halkii la taagnaanin.

James Swan ayaa la filayaa 24-ka bishaan uu dalka ka baxo markii uu laabtana shirkaas si deg deg ah loo qabto. Sidoo kale waxaa dhici karta in isagoo maqan la qabto shirkaan.

Cumar Filish oo soo saaray amar deg-deg ah, kadib dilkii guddoomiye DHAGAJUUN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray amar deg-deg ah, kadib dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Duqa magaalada Muqdisho ayaa marka hore Tacsi u diray ehellada Marxuumka, isaga oo xaqiijiyey in lagu dilay is-rasaaseyn xalay saq-dhexe dhex martay ciidamada ammaanka iyo ilaaladiisa, xilli uu marayey inta u dhaxeysa isgoysyada Howlwadaag iyo Aadan Cadde.

Cumar Filish ayaa amray in baaris dheeraad ah lagu sameeyo dhacdadaasi, si loo helo cadaalad, la’iskulana xisaabtamo dilka mas’uulkaasi oo saacado uun ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna shalay ku soo qaabtay dalka, isaga oo dhaawac ahaan u jiray dalka Turkiga.

Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa guddi u saaray aaska marxuumka, kaas oo ka kooban illaa 7 xubnood oo ka tirsan maamulkiisa.

Halkan hoose ka aqriso:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo dhamaan Madaxda Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Saaxiibadii iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha U naxriisto Guddoomiyahii Degmada Hodan Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Allah u naxariistee, guddoomiyaha Cabdixakiim, ayaa habeenkii xalay abaarihii 2dii iyo daqiiqado lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde, kadib markii ay is-rasaaseen dhex martay ciidan halkaasi ku sugnaa, waxaana dhacdadaasi ku dhaawacmay labo askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa, kuwaasi oo eebe loogu baryayo in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho waxa uu faray dhamaan Hey’addaha Amaanka ee Gobolka Banaadir in baaris rasmi ah lagu sameeyo dhacdadaasi si loo helo cadaalad, la iskulana xisaabtamo Mas’uuliyadda shaqaaqada uu ku geeriyooday Allaha u Naxristo Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu si deg deg ah u Magacaabay Guddi isu-duwa kana shaqeeya Aaska iyo Tacsida Marxuumka.

1- Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga)

2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)

3- Muuse Cali Eybakar

4- Saalax Xasan Cumar

5- Yaasiin Cismaan Jimcaale

6- Seynab Maxamuud Xaabsey

7- Mustaf Cali Kheyre

Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho farayaa in sida ugu haboon loo maamuuso, Tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun.

DF Soomaaliya oo warbixin u gudbisay QM + Sawirro

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Volkan Bozkir oo haatan ah madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka oo ahaa mid wax ku ool ah, islamarkaana ka dhacay Mareykanka ayaa labada mas’uul waxay uga wada-hadleen xaaladda Soomaaliya oo xilligan wajaheyso doorasho.

Ugu horreyn wasiir Maxamed Cabdirasaaq ayaa Volkan Bozkir warbixin dheer ka siiyey xaaladda iyo horumarradii ugu dambeeyey ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga & sidoo kale kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dhankiisa madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyey booqashada wasiirka, isaga oo sidoo kale boggaadiyey horumarka ay gaartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii labo jibaari doonto  taageerada ay siiso Soomaaliya.

Si kastaba Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka caawiso dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha & dib u dhiska dalka.

Farmaajo iyo Rooble oo ku sigtay inay geddisleyda shidaalka fara madoobeyaan

0

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa January 09, 2021 sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo lala galay shirkado baara shidaal. Wasiirku ma beenin wararka laysla dhexmarayo baraha bulshada iyo walwalka midowga musharrixiinta madaxtinimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Beyle faahfaahin kama bixinnin sababta loo baajiyey munaasabaddii loogu yeeray Shirkadaha Liberty Petroleum Corporation oo saldhiggeedu yahay Phoenix, Arizona, dano ku leh Australia iyo Coastline Petroleum Company oo saldhiggedu yahay Huston, Texas loona asaasay 2018 si gaar ah inay ka faa’iidaysato saliidda Bariga Afrika. Su’aaluhu ma yara!

Waxaase lays weydiinayaa: Maxaa keenay in laga hordhaco madashii shati bixinta shidaalka Soomaaliya? Maxaase loo suuqgeyey sahminta shidaalka xilli sicirka shidaalka adduunku uu marayo heerkii ugu liitay taariikhda?

Wasiirka Wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Cabdirashid Maxamed Axmed ayaa May 12, 2020 muqaal-baahiyaha Internet-ka ku daahfuray tartan shati bixin (SP GLOBAL) sahmin toddoba xirmood (152, 153, 164, 165, 177, 178 iyo 204) oo ku kala yaal Galmudug “beesinka Hobbyo”, Koonfur Galbeed “beesinka Qoryooley”, iyo Jubbaland “beesinka Juba-Lamu”. Qabashada dalabyada ayaa si rasmi ah loo furay August 4, 2020 iyadoo la filayo in wixii ka dambeya March 12, 2021 lagu dhawaaqi doono ku guuleysteyaasha wareegga koowaad ee sahminta shidaalka Soomaaliya.

Hase yeeshee, horraantii January 2021 ayaa waxaa soo yeertay in Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shidaalka Soomaaliya (Somali Petrolium Authority–SPA) Ibrahim Cali Xussen ay la fureen gogorton wax soo-saar-wadaag shirkadaha Liberty Petroleum Corporation iyo Coastline Petroleum Company (VOA – 05/12/2020).

Haddaba, waxaa isweydiin mudan, wadahadallada daahson ee Istanbul ma waafaqsan yihiin shuruucda betroolka dalka, maxaase loo doortay shirkado gedisley ah ka hor inta aan la soo bandhiggin ku guuleystayaasha qandaraasyada? 

Lama oga xaqiiqada balse suuqa saliidda ayaa la kulmay qiima jab xoog leh, taas oo malaha baqdin gelisay mas’uuliyiinta dalka. Sideedaba, ma sahlana in la iibiyo xuquuqda sahminta khayraadka dhul aan hore loo aqoon, iyadoo dalkuna ka jiraan jilicsanaan siyaasadeed, madmadow caddaalad, iyo xasillooni darro amni.

Ilo wargaleen ah ayaa sheegaya in shirkadaha gorgortanka lala galay aysan ku cusbeen geyiga Soomaaliya. Shirkadda Coastline Petroleum Company ayaa 2014kii lug ku lahayd sahminta kheyraadka badda iyadoo sidatay magac Soma Oil and Gas. Halka shirkadda Liberty Petroleum Corp ay iyana heshiis baaritaan shidaal la gashay Galmudug xilligii Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid. 

Xeeldheerayaasha dhaqaalaha shidaalka (petroleum economists) ayaa rumaysan in badanaa shirkadaha yar yar ay qaataan khataraha maalgashiga iyo hawlgalka baaritaanta shidaalka. Halka Shirkadaha waaweyn ay xilligaan adag ka laballabayaan maalgashiga dhul aan hor loo aqoon [sida Soomaaliya] oo ay halistiisa iyo kharashkiisuba badan yihiin, faa’iidadana ay xadidan tahay.

Haddaba, Liberty Petroleum iyo Coastline Petroleum ma leeyihiin khibrad iyo maaliyad loogu xisho (raaco)!

War laga soo xigtay Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee) oo la soo dhigay barta twitter-ka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay malaha ku degdegta inay gorgortan toos ah gasho iyadoo aysan u dhammeystirnayn hawlahii saldhigga u ahaan lahaa qanadaraas bixinta. Taas ayaa malaha keentay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ka fogaadaan saxiixa hawl ay dhici karto inay dhaliso sheegashooyin sharci amase magdhow.

Soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa dalka ku soo qulqulayay shirkadaha ka ugaarsada khayraadka dabiiciga ah sida, Range Resources/Afica Oil, Horn Petroleum, Genel Oil, Ophir (RAK Gas LLC of UAE), iyo Norway’s DNO International oo intaba heshiisyo aan sharciga waafaqsaneyn la galay maamullada Puntland iyo Somaliland iyadoo mar kasta mudnaanta la siinayay dakhliga muddada gaaban balse laga ilduufayay khatarta muddada dheer ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira khatar la xiriirta siinta shirkadaha loo yaqaano gaddisleyda (asset flippers) xuquuq baaris shidaal: (1) Looma hoggaansamayo qaab-dhismeedka sharciga shidaalka dalka, taas oo dhilin karto dacwado maaro loo waayo oo xayira ka faa’iideysiga khayraadka dalka; (2) Lama ilaalin karo danaha dhaqaalaha dalka amase dalku ma heli karo saami caddaalad ah, marka loo eego waxa ay bixiyaan shirkadaha calamiga ah ee meelo kale ka hawlgala; iyo (3) Shirkadda geddisleyda ah ee weliba leh khibradda iyo awood maaliyadeed ay ku raadiyaan bar macaan (sweet spot) oo ka iibiya xuquuqda baarista (asset flippers) shirkaddo aan tixgelin siin doonin baahida dalka.

Ma muuqato in shirkadaha Liberty Petroleum iyo Coastline Petroleum ay u diyaarsan yihiin wax soo saar u baahan dhaqaale mug leh iyo khibrad hawleed. Badanaa shirkadaha gedisleyda ah waxay ku andacoodaan waxyaabo macquul ah oo gacan ka geysanaya dib-u-dhaca ka faa’iideysiga kayraadka dalka sida: Hubin la’aanta keydka shidaalka dhul-badeedka hoostiisa, kharashyada sahminta oo sarreeysa, sicirka badeecada oo isa soo tari waaya, iwm. 

Inta kale haddii loo dulqaato, waxaa khatar muuqan ah in xuquuqda shidaal barista dalka ay shirkadaha gedisleyda ah ka iibiyaan shirkado nibiri ah (hantida badan) oo dantoodu tahay inay keysi dhaqaale u heystaan ilaa faa’iidadoodu kobocdo. Khatarta intaas kuma eka, waxaa afka looga dhici karaa shirkadaha Aramco, Abu Dhabi National Oil Company – ADNOC, amase Emirates National Oil Company – ENOC iwm., oo ay dhici karto inay dano siyaasadeed oo dahsoon ka leeyihiin xannibaadda shidaalka Soomaaliya.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Puntland oo soo bandhigtay ciidamo loogu talo-galay gobol lagu muransan yahay

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa maanta markii u horeysay soo bandhigay ciidamo cusub oo sugaya amaanka gobolka Sanaag oo deegaano kamid ah ay ku muransan yihiin Somaliland.

Guddoomiyaha folaha Wakiillada maamulka Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibril iyo wafdi uu horkacayo ayaa kormeer ku tagay dugsiga tobabarka ciidamada ee magaalada Badhan, halkaas oo lagu tobabaro ciidamada badan oo sugaya amniga gobolka Sanaag.

Ciidamadan cusub ayaa qeyb ka noqon doona ciidamada difaaca Puntland, waxayna si gaar ah uga howl-gali doonaan gobolka Sanaag oo ay ku muransan yihiin Somaliland, iyada oo dhowr jeer uu deegaano ka tirsan gobolkaas uu ku dhex-maray dagaal.

Guddoomiye Jibriil ayaa bogaadiyey ciidamada tobabarka u socda, isagoona kula dar-daarmay inay ka faa’iideystaan casharada iyo aqoonta la siiyey, kadib markii uu soo idlaaday dhoolatus cajiib ah oo ay soo bandhigeen ciidamadaas.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa waxa kamid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha dib u habeynta ciidamada, Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Xildhibaano iyo Saraakiil kale.

Puntland iyo Somaliland ayaa mararka qaar ku dagaalama deegaano hoostaga gobolka Sanaag oo uu maamulka Garoowe u diyaariyay ciidamadan cusub oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaadanayaan sugida amniga gobolkaas.

Guddoomiyihii degmada HODAN oo Muqdisho lagu dilay saacado un kadib markii uu dib ugu soo laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariisto’e, guddoomiyihii degmada Hodan Cabdxakiim Dhagajuun ayaa xalay lagu dilay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Cabdixakiim Dhagajuun ayaa ku dhintay is-rasaaseyn isgoyska ka dhacday oo dhex-martay ilaaladiisa iyo ciidan ka tirsan dowladda oo ku sugnaa isgoyska, sida aan xogta ku helnay.

Cabdixakiim Dhagajuun ayaa Arabacdii shalay un dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib muddo ku dhow laba toddobaad oo uu ku sugnaa dalka Turkiga, halkaasi oo lagu daweynayey kadib markii uu ku dhaawacmay qarax 12-kii November ka dhacay waddada 21-ka October ee Muqdisho. 

Qaraxaas oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay baabuur uu la socday guddoomiyaha, waxaana ku dhintay laba ka mid ah askarta ilaalada u aheyd, ayada oo guddoomiyahana uu ku dhaawacmay.

Cabdixakiim Dhagajuun ayaa wax ka yar saddex saac inta aan la dilin waxa uu bartiisa facebook soo dhigay qoraalka hoose.

Qoraalka Cabdixakiim ee facebook 

Alle ayaa Mahad leh, intaa kadib waxaa maanta ku soo noqday dalka, kadib markii hawlo Caafimaad muddo kooban aan ugu maqnaa dalka Turkiga, Alle mahadii xaaladeyda Caafimaad aad ayeey u wanaagsan tahay.

Intaa kadib maanta markii aan imid, waxaan durba bilaabay shaqadii aan Bulshada u haayay, waxaana Shir Guddoomiyay, Shirka Isbuuclaha ah ee Degmooyinka Hodan & Hawlwadaag, kaasi oo looga hadlo hawlaha shaqo ee ka socda labada Degmo.

Argagixisada mar kasta waxa ay isku dayaan in Bulshada Somaliyed ay ka niyad jabiyaan Dowladnimadooda, laakiin waxaan leenahay idiinma suuragaleyso qorshahaasi aad damacsan tihiin, idinka ayaana dhibka ku dambeyn doono Insha Allah.

Waxaa naga go’an inta nafta ay nagu jirto in aan u adeegno Bulshadeena qiimaha badan.