25.1 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Juba Airways oo sanadkan XAJKA ka baajisay boqolaal xujey ah + Sababta keentay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaradaha Jubba Airways ayaa xajka sanadkan ka baajisay boqolaal Soomaali ah oo lacag iyo Baasaboor ay ka qaadeen waqti hore, kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay lagu soo wargeliyey in loo waayay Visaha Sacuudiga.

Dad ku dhow 1000 ayaa la sheegay inay shirkadda Jubba sanadkan ka baajisay Xajka, iyadoo ay heystaan caqabado kala duwan oo isugu jira fiisooyinka Xajka oo la waayey.

Marka xajka la codsado, ayaa waxaa sanad kasta dhacda iyo kumanaan qof ay xajka waayaan, ayada oo dadka xajka dalbanaya iyo kuwa loo qoondeeyo Soomaaliya aysan isla ekeyn.

Si kastaba, Shirkadda Jubba oo dadaal u gashay inay qaaddo dhammaan sagaalka kun ee qof ee Soomaaliya loo qoondeeyey, ayaa waxaa la siiyey 3000, oo hadda ay dhacday in kun ka mid ah ay qaadi weysay.

Caqabadda kale shirkadda Jubba Airways qabsaday ayaa la sheegay inay ahayd iyadoo cilad qabsatay diyaaradii tegi lahayd xajka, waxayna dadka ay u qaaday sanadkana xajka ay ku daad gureysay diyaarad yar oo sii geysay Jabuuti iyo magaalooyin kale, halkaasoo diyaarado kale ay ku xawishay.

Shirkadda Jubba ayaa dhowr bil ka hor dagaal la gashay madaxda dowladda, oo ay isku hayeen in la dhimo qiimaha Xajka iyo in shirkado diyaaradeed kale xajka laga qeyb galiyo taasi oo Jubba oo xajka haysatay muddo fog ay kasoo horjeeday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Liiska safiiradii ugu saameynta badnaa ee soo mara SOMALIA iyo dalalka

Mudaddii ay Soomaaliya dowladnimada haysatay oo ay gobonimada ka qaatay isticmaarkii waxa ay gaadhay horumar ballaaran oo isugu jiray siyaasadda gudaha iyo midda dibedda.

Qarankii Soomaaliya waxaa dalalka waa weyn ee dunida u fadhi jiray diblomaasiyiin saameyn weyn ku lahaa la falgalka siyaasadihii is diidanaa ee aduunka ee laga dhaxlay dagaalkii qaboobaa.

Soomaaliya in muddo ah waxa ay ka mid ahayd dalalkii dhex dhexaadka ka ahaa siyaasadihii iska horjeeday (Non-Aligned).

Siyaasadahaas waxaa kala hoggaamin jiray Mareykanka (NATO) iyo Soviet Union (Warsaw Pact).

Hase ahaatee, nasiibdarro, Soomaaliya waxaa ku dhacay bur bur meesha ka saaray dowladnimadeedii kaas oo ilaa iyo hadda saameyntiisii ay muuqato, maanta oo ay dib u dhis weyn ku waddo sal u dhgidda dowladnimada waxaa lagama maarmaan u ah in ay isku bar bar waddo xasillinta siyaasadda gudaha iyo ka guulgaaridda siyaasadda arimaha dibadda.

Siyaasadda dibadda oo lagu guuleysto waxaa aas aas u ah marka hore in la yeesho mamba ku jaan’goan danta guud ee dalka, dhisidda wasaarad arimo dibad oo karti iyo aqoon leh iyo diridda safiiro ka turjuma siyaasadda arimaha dibadda ee dalka.

Taas waa mas’uuliyadda saaran nidaamka markaa jira balse aan dib u milicsanno safiiraddii ugu wanaagsanaa ee Soomaaliya soo maray.

MAGACYADOODA IYO DALALKII AY JOOGEEN

1.Maxamed Aadan Qaybe –Safiirkii ugu horreeyey ee Moscow (USA iyo UK)

  1. Cabdullaahi Axmed Cadow (USA)

3.Cusmaan Axmed Xassan –Safiirkii ugu horreeyey ee France (Paris, Moscow)

  1. Maxamed Cabdi Carraale –Safiirkii ugu horreeyey ee UK (London)

5.Cumar Macallin –Safiirkii ugu horreeyey ee USA (Washington)

  1. Xassan Nuur Cilmi–Safiirkii ugu horreeyey ee UN-ta
  2. Xuseen Nuur Cilmi –Safiirkii ugu horreeyey ee Tanzania
  3. Axmed Jaamac Jangeli –Safiirkii London (Waxaa loo magacaabay markii uu soo laabtay xiriirkii laada dal)
  4. Cali Xuseen Gurac – Safirkii ugu horreeyey ee Qaahira
  5. Maxamed Xaaji Xassan –Safiirkii ugu horreeyey ee Roma
  6. Xassan Aadan Wadaadiid –Safiirkii ugu Horreeyey ee Sacuudi Careebiya.
  7. Cabdirixiin Caabi Faarax –Safiirkii ugu horreeyey ee Addis Ababa

F/G: Magayada sida ay u kala horreeyaan uma muujinayaan sidii ay u kala fiicnaayeen, hase ahaatee, dhammaantood waxa ay ahaayen safiirro Soomaaliyeed oo lagu tilmaami karo aabeyaashii dimlomaasiyadda Soomaaliya.

Waxaan ka soo xigtay magacyada iyo dalalka ay joogeen General Jaamac Maxamed Qaalib.

W/Q: Mohamed Muse Aadan (Mohamed Kaafi)

Email: [email protected]

Suuq ku yaal Muqdisho oo albaabada la isugu dhuftay iyo rabshado socda (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka aynu ka heleyno degmada Dharkiinley ayaa sheegaya in gabi ahaanba uu maanta xiranyahay suuqa degmadaasi ku yaalla ee suuq boocle lagu magacaabo.

Xirnaashaha suuqan ayaa waxaa sababay, kadib markii ciidamo ku labisan dharka milatariga ay dadka suuqa ku amreen in ay lacago dhiibaan, lacagtaa oo ciidanku ay sheegeen in lagu dhisayo wadooyinka degmadaasi.

Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in Goobaha Bakhaarada ah ee Suuqaasi ku yaalla lagu amray dadka inay bixiyaan lacag dhan $1,000 (Kun doolar) halka goobaha ganacsiga ee caadiga sida dukaamada lagu amray inay bixiyaan lacag dhan $500 oo doolar,isla markaana taasi aysan awoodin.

Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Dharkenley ayay sheegeen in ay ku amreen in ay xiraan goobaha Ganacsi,iyaga oo xiray qaar ka mid ah Ganacsatada.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa sidoo kale waxa ay dhigeyn banaanbax cabasho ah maadaama Goobahooda Ganacsiga oo ay nolol maalmeedkooda ka raadsan jiraeen uu Maanta ka xiran yahay.

Suuqa ayaa gabi ahaanba saaka xirnaa dadkuna waxa ay dhigeen isu soobax ay kaga ashtakoonayaan lacagahan ay ku amreen maamulka degmada.

Ganacsatada qaarkood ayaa waxa ay inoo sheegeen in haatan wadahadal ay u socdaan Maamulka degmada,isla markaana ya rajeynayaan in xal kama dambeys ah la gaaro.

Dadka Xaafada iyo Ganacsatada qaar ayaa weli dhigayo banaanbaxyo rabshado wato waxayna dadka deegaanka sheegeyn inuu suuqaan muhiim u yahay noloshooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fadeexad ka taagan bog ay leedahay QM oo Cabdi Iley lagu taageeray + Sababta

0

AdisAbaba (Caasimadda Online) – Bogga Twitter-ka ay ku leedahay ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa fadeexad ka dhatalay kaddib markii mid kamid ah shaqaalaha ha’yadda uu kusoo bandhigay qoraallo uu kaga hadlayo ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

Qoraalka ayuu ku yiri: “Dadka dhibaatada ka wado dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya waxaa maalgelinaysaa dowladda federaalka Itoobiya”. Qofka kusoo qoray hadaladan ayaa intaasi ku daray in dadkaasi ay doonayaan inay dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ay ka huriyaan dagaal qabaa’il islamarkaasna uu qorshuhu yahay in kicinta qabaa’ilka la doonayo in xilka looga tuuro Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa qoraalkan ka hor yimid qaar kamid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka oo sheegay inuusan xaq u lahayn qofkaasi in dowladda federaalka uu ku leexiyo rabshadihii ka dhacay dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Qoraalkan ha’yadda WHO wuxuu u horseeday in lagu eedeeyo inay faraha la gashay siyaasadda dalka Itoobiya.

Ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa ka qoomamaysay qoraalkan oo ay ku sheegtay inuu ka dambeeyay qof kamid ah shaqaalaheeda oo fikraddiisa ku cabbiray siyaasadda Itoobiya.

WHO waxay sidoo kale sheegtay in qoraalkani uu khalad yahay ayna baaritaanno ku samayn doonaan dhacdadaasi.

Ugu dambayn ha’yadda caafimaadka adduunka waxay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay arrimaha siyaasadda.

Dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay rabshado ay dad badna ku dhinteen kaddib markii militariga federaalka Itoobiya ay la wareegeen magaalada Jigjiga. Rabshadahaasi waxaa lagu gubay Kansiido iyo bililiqo loo gaystay bangiyo ku yaalla halkaasi.

Waxaa xilka ka degay madaxweynihii dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna xilka si kumeel gaar ah ugu wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
[email protected] 

Ethiopia oo jawaab lama filaan ah ka bixisay warar been ah oo laga sheegay ciidamada Liyuu Boolis

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia ay kala direyso ciidamada Liyuu Boolis ee maamulka Soomaalida Ethiopia.

Qorshaha lagu kala diraayo ciidamada oo leysku khilaafsan yahay ayaa muran ka dhex abuuray maamulka iyo dowlada kadib markii la sheegay in halis dhanka amaanka ah ay ka dhalankarto ciidamo tababaran oo lagu sii daayo magaalada.

Warar kaasi ka duwan oo kasoo baxay dowlada Ethiopia ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu Boolis ay sii shaqeyn doonaan waxa ayna dowladu wax kama jiraan ku sheegtay wararka sheegaya in la kala diraayo ciidamada.

Dowladu waxa ay beenisay qoraalo kusoo baxay qaar kamid ah warbaahinta maxaliga oo qortay in guud ahaan la kala dirayo Ciidanka Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia ee loo yaqaan Liyuu Booliska.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa warkaasi markiisii hore kasoo xigtay telefashinka ETV oo laga leeyahay isla dalka Ethiopia, inkastoo markii danbe warkaasi dib looga laabtay.

Wargeyska Adis Standard oo soo xiganayo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Militariga Ethiopia ayaa sheegay in warkaasi uu been yahay markii horena laga qaatay ilo aan sax ahayn.

Saraakiisha Militariga Ethiopia ayaa sheegay in warkaas uusan laheyn masdar sax ah oo laga soo xiganaayo sidaa aawgeedna uusan waxba ka jirin.

Saraakiisha ayaa sheegay inay muhiim tahay in warbaahinta ay ka fiirsato warbixinada aan xaqiiqda ku saleysneen, sidoo kale Wargeyska Adis Standard ma sheegin magaca Sarkaalka ay ka soo xigteen beeninta hadalkan.

Sidoo kale, Degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa wali ka howlgala ciidamada Liyuu Boolis oo shaki la galiyay sii shaqeyntooda mustaqbalka dhaw.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa tiro ahaan lagu qiyaasaa inay gaarayan ku dhawaad 45,000 oo Askari.

Dhinaca kale, taliyaha Ciidanka Ethiopia ee Taliska Koofur Bari Jeneraal Belay Seyoum, ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada Liyuu Boolis.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Labadan arrin mid ayey ku dambeyn Itoobiyadda uu hogaamiyo Abiy Ahmed

0

Afar bilood kahor, markii uu RW Itoobiya soo fuulay saaxadda siyaasadda mandiqadda Gees Africa wax walba weji cusub ayey yeeshen.

Waxyaabaha lama filaanka noqday waxaa ugu weyneyd in Itoobiya ay hoggaan Oromo ah, markii ugu horreeysay xulato, Dr Abiy Ahmed oo ay iska dhaliyeen hooyo amxaar ah iyo aabe Oromo ah.

Hase ahaatee, durbadiiba waxaa loo qaatay in hoggaamiyaha cusub la dejinayo kacdoonkii ay Oromadu waday isna noqon doono maqaar saar (Window Dressing) aan baal marin siyaasaddii xisbiga EPRDF.

Abiy Ahmed sheekada dhinaca kale ayuu u rogay isaga oo ka bilaabay fur furidda siyaasadda arimaha dibedda ee Itooiya isaga oo jeexay tub siyaasadeed oo uu ku xasillinayo Geeska Africa waxaana tusaale la taban karo ah heshiiskii uu la galay Eritrea.

Yeelkeede, waxa uu muuqdaa mid weji gabax kala kulmay isku daygiisii kowaad ee dib u qaabeynta siyaasadda arimaha gudaha Itoobiya.

Waxa uu kacdoon ka abuuray Soomaali Galbeed oo uu riday nidaamkii ka jiray 10kii sano ee ugu dambeeyey isaga oo xiray hoggaamiyihii deegaankaas Cabdi Maxamuud Cumar oo sababay in xiisad collaadeed ifafaaleheedu ka muuqdo dhulkaas taas oo ku fidi karta gobolada kale ee Itoobiya.

Aniga oo Tixraca maqaal aan dhawaan ka sameeyey waxyabaha soo dedejin kara guuldarro siyaasadeed oo soo food saarta hoggaamiyaha uguda’da yar qaaradda Africa, Abiy Ahmed ayaan waxaan jimcihii hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay General Jaamac Maxamed Qaalib ku booqday si aan uga xog wareysto dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyey ee siyaasadda Geeska Africa.

General-ku waxa uu ii sheegay in wali hadda ay xilli hore tahay marka ay timaado qiimeynta halka ay ku dambeyn doonto siyaasadda Abiy Ahmed iyo Itoobiya, laakiin la sugo muddo sanad ama laba ah.
Waxa uu ii sheegay in Abiy Ahmed noqon karo Maxamed Mursiga Geeska Africa lagana yaabo in uusan sanad ka badan sii hayn takada Itoobiya.

LABA MID AYEY KU DAMBEYN DOONTAA ITOOBIYADA UU HOGGAAMIYO ABIY AHMED
1.Oromada oo awoodda Itoobiya si weyn ula wareegta
General-ka oo aan si qotodheer uga wada sheekeysaneyno arinta Itoobiya iyo xiisadaha hadda ka taagan Gobolka Soomaali Galbeed waxa uu ii sharraxay in hoggaanka cusub ee Oromada ah, Abiy Ahmed sababi karo in qoomiyadda uu ka soo jeedo ay talada si buuxda gacanta ugu dhigaan taasna ay sahasho in uu xukunkiisa ku dheereysto.

2.In dalka galo xassilooni daro
Qodobka labaad ayaa ah, in Abiy Ahmed iyo Oromada ay dalka Itoobiya u horseedaan xassilooni darro siyaasadeed sidaasna uu ku fashilmo.

W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi)
Email: [email protected]

Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Ethiopia iyo garabka CABDI ILEY.!!

Jigjiga (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan xubnaha xisbiga ka arimiya dhulka Soomaalida Ethiopia looga yeeray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya in dowlada Ethiopia ay ugu caga jugleyneyso inay talaabo ka qaadi doonto.

Xubnahaani ayaa waxaa la sheegay in lagu wargaliyay in mid waliba si gaara loo marin doono baaritaan, maadaama qaarkood lagu eedeeyay inay ku lug lahaayen dhibaatooyinka ka dhacay dhulka Soomaalida.

Xubnahaani oo wadahadal wada jira la yeeshay Wasiiro iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan dowlada Ethiopia ayaa waxaa lagu eedeeyay inay khaladaad dastuuri ah ka galeen dowlada iyo inay khalkhal galiyeen amniga, sidaa aawgeedna mudada ay ku sugan yihiin Addis Ababa ay marayaan baaritaano degdeg ah.

Wasiirka Arriamah Gudaha Federaalka Ethiopia oo kamid ah mas’uuliyiinta ku jira wadahadalka ayaa eeda ugu badan Xubnahaasi u jeediyay kadib dhageysi lagu sameeyay Teleefanada gacanka oo ay isticmaalan, sida aan xogta ku heleyno.

Wasiirka oo dhacdooyinka Jigjiga ka duulaya ayaa yiri “Dowladu cidna ugama aamusi doonto inay khalad ka gasho dalka waxaanu wadnaa baaritaano waxa ayna cid waliba ay qaadan doontaa wixii kasoo baxa baaritaanada”

Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay in Xubnahaasi uu ku amray in Madaxweynihii hore ee maamulka DDSI Cabdi Cumar ku qanciyaan inuu la shaqeyn doono maamulka hadda jira, iyadoo haddii uu diido muteysan doono xabsi.

Sidoo kale, kulamada iyo baaritaanada socda ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanayo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka gaar ahaan kuwa Militeriga oo iyagu lahaa talaabada lagu soo qabtay Cabdi Cumar.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn miraha kasoo bixi doona kulamada u dhexeeya dowlada Federaalka Ethiopia iyo xubnaha xisbiga gacanta ku haya maamulka Soomaalida Ethiopia, iyadoo ujeedka ugu weyn ee kulankaasi la sheegay inuu yahay wada shaqeyn lala sameeyo maamulka cusub iyo baaritaan lagu sameynaayo xubnaha qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Xiisadda dagaalkii Tukaraq oo soo noqotay kadib war ka soo baxay PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxaa Markii labaad fashilmay dadaallo ay wadday Qaramada Midoobey oo lagu doonaayay in lagu kala qaado Ciidamada Somaliland iyo Puntland ee ku sugan degaanka Tukaraq.

Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in Somaliland aysan dooneyn nabad, islamarkaana ay dagaallada ay sii socon doonaan inta Somaliland ay ka baxayso dhulka Puntland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dadaalladii Qaramada Midoobey iyo sidoo kale Beesha Caalamka ay waddeen wali aysan hirgalin oo ay markii labaad guul daraysteen.

Camay ayaa sheegay in Puntland aysan qaadan doonin nabad qasab ah oo lagu dirqinaayo, laakiin loo baahan yahay in Somaliland ay ka tanaasusho dhulkii ay sheegtay in uu siiyay gumeystihii Ingariiska.

Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr Bilood isku horfadhiya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ka dib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa dhowr jeer tagay Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, Waxaana labada dhinac uu kala hadlay in Colaadda lasoo Afjaro, inkastoo labadda dhinac ay ku xireen Shuruud in la wadda hadlo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

DF oo baasaboor u diiday 5 Soomaali ah oo Jarmalka ugu xirnaa arrin xasaasi ah

Berlin (Caasimada Online) – Wargeyska caanka ee Die Welt ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa qoray inay  DFS diiday in Baasaboorka Somalia la siiyo 5 Soomaali ah oo dhamaystay Xabsi ay muteysteen fal Burcad-baddeednimo.

Baaritaan cusub ayaa lagu sheegay in 5 ka mid ah 10 Soomaali oo lagu helay inay qafaasheen Markab laga leeyahay dalka Jarmalka dhamaysteen Xabsigooda, isla markaana ay Jarmalka ka codsadeen Magangelyo Qaxootinimo.

Wararku waxay sheegayaan in 5taas nin haatan ku nool yihiin Jarmalka, iyadoo la hakiyey qorshe loogu soo masaafurin lahaa dalkooda hooyo ee Somalia.

Wargeyska Die Welt waxa uu xusay inay Dowladda Jarmalka la soo xiriireen DFS si raggaasi loogu sameeyo Baasabooro ay dib ugu soo laaban karaan Somalia, balse, DFS wey ku gacan-sayrtay arrintaasi, inkastoo aan la faahfaahin waxa sababay in rag Soomaali ah loo diido in la siiyo Baasaboorkooda Soomaaliga ah si ay ugu soo safraan.

Hay’addaha Garsoorka iyo Socdaalka ee dalka Jarmalka waxay amreen inay raggaasi sii joogi karaan Jarmalka, iyadoo ay raggaasi codsadeen in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo.

Tobanka Burcad-baddeed waxaa sannadkii 2012-kii lagu helay inay qafaasheen Markab nooca Kontaynarada xambaara ee MV TALPAN sannadkii 2010-kii.

Eedeysanayaasha waxaa lagu kala xukumay Xabsiyo kala duwan, waxayna Dowladda Jarmalka dacwadaasi ku kharaj garaysay in ka badan Hal million oo EURO, sida uu qoray Wargeyska Die Welt .

Dhinaca kale, sida laga soo xigatay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Maamul gobaleedka magaalladda Hamburg ee dalka Jarmalka waxa uu tilmaamay in 5ta kale ee Burcad-baddeedii Soomaalida uu mid ka mid ah u socdaalay dalka Sweden, halka 4 kalena ku laabteen Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska Die Welt waxa uu qoray in 5ta ku harsan Jarmalka loo diiday Codsigooda Magangelyo-doonka, balse aysan wajihi doonin Masaafurin, maadaama aysan Baasaboor lahgayn, isla markaana ay DFS diiday inay Baasabooro siiyaan raggaasi, iyadoo aysan jirin Duullimaad Toos oo Jarmalka ka soo baxa, oo taga Somalia. 

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Imaaraadka iyo Ethiopia oo galay heshiis caqabad ku noqon doona JABUUTI

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa qalinka ku duugay heshiis dhigaaya in dalkiisa xarun looga dhigo dhuun shidaal oo la doonaayo in laga soo talaalo Dekadda Casab ee dalka Eritrea.

Heshiiska oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu kala saxiixday in dhuunta shidaalka laga soo talaalo Dekadda Casab xarun looga dhigo Ethiopia.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Imaaraadka carabta u saxiixay Wasiiru-dowlaha iskaashiga Caalamiga Imaaraadka Reem Al Hashimy oo sheegtay inay muhiim tahay in xili hore la dhaqan galiyo Heshiiska.

Madaxa shaqaalaha Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed Mr Fitsum Arega oo Heshiiska kadib u waramay Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in heshiiska labada dal ay kala saxiixeen Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Reem Al Hashimy oo Wasiiru dowle.

Mr Fitsum Arega, waxa uu tilmaamay in wada xaajoodka labada dal uu yahay mid ku xeernaa dhinacyada Maalgashiga beeraha, Dhismooyinka, Shidaalka, Warshadaha, Dhuumanka shidaalka iyo Goobaha loo dalxiistago.

Waxa uu sidoo kale, Mr Fitsum Arega sheegay in heshiiska uu qeyb ka ahaa in wakhti hore lagu dhaqaaqo Heshiiska iyo howlgalinta dhuunta shidaal.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Saldhig Militery ku leh Dekadda Casab oo noqon doonta halka laga soo talaali doono shidaalka.

Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in ganacsiga dhanka shidaalka ay soo mariso dalka Eritrea halka ay markii hore kasoo marin jirtay Dekadda Jabuuti.

Heshiiska Imaaraadka iyo Ethiopia ee lagu talaalayo dhuunta shidaal ayaa caqabad ku noqon doonta dowlada Jabuuti oo xiriir aad u xun uu iminka kala dhexeeyo Eriterea iyo Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee Dowladaha Imaaraadka carabta iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyay in si dhaqsi ah lagu howlgaliyo Heshiisyada muhiimka ah ee lagu dardar galinaayo ganacsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jawaab ku socota qoraalki saadaasha xiisadaha ka taagan Soomaali Galbeed

Ina Cabdisamadoow, waxaan aqriyay qoraal aad ku soo bandhigtay Caasimada Online oo aad kaga hadlaysay waxa dhici kara hadii ay ciidanka Itoobiya xoog wax ku raadiyaan iyo hadii ay xal siyaasadeed wax ku raadiyaa.

Waxaan si qoto dheer u aqriyay qoraalka dheer ee aad soo ku daabacday beejkaasi aan sare ku soo sheegnay, balse waxaan aad ula yaabay sida indha la’aanta ah ee aad ugu hadleyso qabiilka loo yaqaano Ogaadeen, gaar ahaan marka aad is barbardhiga ku sameyneysa laba xaaladood waxaa aad uga muuqda in aan buunbuunineysa Ogaadeen.

Anigu waxaan leeyahay:

1. Warkaaga waa kicin Soomaalida iyo Oromada iyo abaabul dagaal;
2. Buunbuunin Ogaadeen iyo Cabdi Ileey;
3. Beer laxawsi Soomaalida inteeda kale oo ‘waawareey Oramadii ayaa soo socota’;
4. Ogaadeen oo khatar dareemaya in tala gacantooda ka baxaysa, gaar ahaan kala dirida iyo hub ka dhigidiisa ciidanka sida wuxuushnimada u laayay Soomaali Galbeed iyo Soomaali inteeda kale. 

Hadaba anigu waxaan ka leeyahay arintaa: 

1. Ma dhici doonto in mar damba tala gacantiisa dib u xukumo ugu soo noqoto arxanlaawihii gumaadaka iyo silica dilka u geysan jiray Soomaalida Itoobiya;

2. Ma dhici doonto in madax Soomaali dambe oo Tigree ka amar qaata uu dib ugu talin Soomaalida Itoobiya;

3. Ma dhici doonto in baa’ba iyo xasuuqa aad ka sheekeynaysa in ay dhici doonaan hadii aanan la sameyn qodobadii aad ku andacootay in la sameeyo hadii nabad laga doonaya Soomaalida Itoobiya;

4. Ma dhici doono dagaal daba dheeraada oo dhex mara Soomaalida iyo Oramada, xasaradda taagana waxa ay noqon doonaan kuwa soo afgarma;

5. Ma dhici doonto in gabhada ONLF ay talada dalka Itoobiya ay qeyb ka noqdaan iyagoo gabhad ah marka laga reebo in kuwa Soomaalida iyo Itoobiyaanka la jaangaadi kara oo aanan ahayn kuwa ay madax martay Ogaadinimada.

Ugu dambeyn waxaad tiri hadii ay ogaadeen heli waayaan intaasi waa in ay Soomaalidu u diyaar garoowdaa  Colaad iyo Dagaal. Anigu waxaan ku leeyahay:

1. Dhamaan Soomaalidu ma wada saameyn doonta colaada iyo xasuusqa iyo halaaga dhici doona ee aad adigu abuureeso ee waxa uu sameyn doonaa kuwa is hor istaaga ku sameeya Xukunka Dowladda Itoobiya gaar ahaan wuxuushta Liyuu Police ee aad ku sheeg 30,000-60,000 kun, jabhada Ogaadeenka iyo Arxan laawada Ina Ileey oo gumaadka iyo silac dilka u geystay Soomaalida Itoobiya.

2. Oramadu iyo Soomaalidu waa ay heshiin doonaan si ku dheehan waalnimo iyo oodwadaag.

3. Dowlada Itoobiya waxay gacan bir ah ku dhigi doontaa qaswadayaasha aan hora ku soo sheegay iyo daba dhilifka abuuraya isku dhacyada qowmiyada oo qoraalada guracan ku soo badhigaya baraha bulasha.

4. Waxaa xukunka la wareegi doona kuwa naxariis u leh una siman yihiin shacbi weynaha ku nool deegaanada Soomaalida ee Itoobiya. Xunkana waxa uu noqon doonaa mid matalaad buuxda leh dhaamaan umadda ku nool deegaanka.

Ugu dambeyn, waxa ay ila tahay in ay Soomalidu meel ay joogtaba fahan buuxda ka qaadato owr kacsiga Ogaadeenka Itoobiya iyo ujeedoonka guracan kuwii ka haray maamulkii Tigreega aadna uga feyjugnaadaan huuhaada ay baraja bulshada ku soo qoraan.

W/Q: Maxamed Abshir Nur
Khabiir Arimaha Gobalka 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sooyaalka JABUUTI iyo DP World: Maxaad u baahan tahay inaad ogaato (Aqri)

Jabuuti (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

Haddaba hoos ka aqriso sooyaalka Jabuuti iyo shirkadda DP World.

Sanadii 2006, labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in dowladda Jabuuti ay yeelato 67% saamiga dekedda Doraleh, halka DP World ay qaadatay 33%

DP World ayaa dekedda Doraleh ka dhistay terminal ama qeyb loogu magac-daray Doraleh Container Terminal (DCT), oo badeecadaha la isga gudbiyo, kaasi oo loo arko midka ugu casrisan ee dekedda. Terminal-ka ayaa sidoo kale ka ah kan abuura shaqada ugu badan dalka Jabuuti, ayada oo kumanaan qof ay si toos ama aan toos ahayn ay uga shaqeeyaan.

2009, waxaa la furay terminal-ka Doraleh, ayada oo ay goob jog ka ahaayeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah madaxa DP World iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah ku xigeenka maamulaha Dubai.

2009, DP World iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u aas-aasay mashruuca howlgalka Doraleh, si sare loogu qaado dhaqaalaha, loona taageero ganacsiga iyo shaqo abuurka.

Kadib furitaanka guddoomiyaha DP World ayaa billaabay dhismaha hotelka Kempinksi Djibouti Palace Hotel, oo qeyb ka ah mashruuca hoteelada ee Nakheel Hotels.

Sidoo kale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed Bin Rashid Al Maktoum, ayaa furay wadda 16 KM ah oo caasimadda Jabuuti ku xireysa Terminal-ka Doraleh, waxaana lagu dhisay lacag 21 milyan oo dollar ah, oo uu bixiyey Sheikh Mohammed, ayada oo waddadana isaga loogu magac daray.

Jabuuti ayaa bishii March 2018 sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.

Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Labadii August, Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

Saddexdii August, Dowladda Jabuuti ayaa ku gacansayrtay go’aan ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London ee ka dhanka ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Meydadka dad Ethiopian ah oo lagu dhex arkay dalka Jabuuti + Tiradooda (Aqri)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay dhalinyaro kasoo jeeda dalka Ethiopian oo deegaan ku ahaa dalkaasi.

Ethiopian-ka la dilay ee Meydkooda lagu arkay goobo kala duwan ayaa la sheegay in tirro ahaan ay dhanyihiin 6 qof, kuwaasi oo la tilmaamay in loogu aar guday dhalinyaro Jabuutiyan ah oo dhawaan lagu dilay Ethiopia.

Wargeyska Ethiopia Observer ee kasoo baxa dalka Ethiopia ayaa qoray in lix qof oo kasoo jeeda Ethiopia lagu dilay dalka Jabuuti.

Waxa uu sheegay in dadkaasi loo dilay qaabab silac ah, hase yeeshee markii danbe magaalada lasoo dhigay Meydadkooda.

Dadka Ethiopian-ka ah ee ku nool Jabuuti oo uu soo xiganaayay Wargeyska ayaa sheegay in Lixda  xubnood oo iyaga ka mid ahaa la dilay, halka kuwo kalena la dhaawacay.

Waxa ay sheegen in ay ku suganyihiin nolol cabsi leh isla markaana dowladda Jabuuti ay kaliya cambaareysay waxa dhacay, iyadoo aan qaadin waxtalaabo ah.

Qoraalka Wargeyska waxaa lagu muujiyay in dilalka dadka Ethiopian-ka ah ee ku nool Jabuuti ay inta badan dhacaan xiliyada Habeenkii isla markaana aysan Booliska qaadin waxtalaabo ah.

Wargeysku waxa uu intaas raaciyay in weerarada ka dhanka ah dadka Ethiopian-ka ay yihiin kuwo aargoosi aan loo meel dayin.

Dad shacaba oo kasoo jeeda dalka Jabuuti ayaa todobaadkii hore lagu dilay magaalada Diridhaba,waxaana xigay in Dowladda Jabuuti ay dadkeeda diyaarado kula baxdo.

Ethiopian-ka ku nool magaalada Jabuuti iyo Gobolada dalkaasi ayaa intooda badan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo hadda uu dagaal wajiyo badan kala dhexeeyo Soomaalida Ethiopia, waxa ayna tani cabsi lixaad leh ku abuurtay Oromada.

Dhinaca kale, Dowlada Jabuuti ayaan wali ka jawaab celin qoraalka Wargeyska ee lagu sheegay in gudaha Jabuuti lagu laayay dad kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Somaliland oo shaacisay sida ay mas’uuliyiinta hore ee DDSI ka yeeli doonto.!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu u dulqaadan doonin Mas’uuliyiin iyo Saraakiil kasoo goosta Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo soo gala deegankooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha dibadda Somaliland Liiban Yuusuf Cusmaan oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Soomaalida oo doonaaya inay usoo cararaan Somaliland hase yeeshee aysan aqbali doonin.

Waxa uu sheegay in Somaliland aysan xiligaani diyaar u aheyn inay marti galiso danbiilayaal doonaya inay kusoo dhuuntaan deegankooda xili uu wanaagsan yahay xiriirka kala dhexeeya Ethiopia.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiir ku-xigeenka ayaa ahaa “Somaliland uma dulqaadan doonto danbiilayaal kasoo carara Ethiopia oo soo gala deegaanadeena, haddii ay dhacdo in lagu dhex arko gudaha Somaliland iyaga ayaa qaadi doona mas’uuliyada ka imaada xadgudubka ay sameeyen”

Waxa uu tilmaamay in mas’uulkii ama Sarkaalkii ka tirsan maamulka Soomaalida Ethiopia usoo carara Somaliland ay ku wareejin doonaan dowladiisa waxa uuna intaa raaciyay in marnaba aysan Somaliland gabaad u noqon doonin danbiilayaal baxsad ah.

“Sharci ayaa qaban doona mas’uulkii ama Sarkaalkii nagu soo carara waxaanu u gacan galin doonaa dowladiisa waayo diyaar uma nihin inaan ku cayaarno xiriirka”.

Sidoo kale, Liiban Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladaha cakiran ee xiligaani ka jira dhulka Soomaalida Ethiopia waxa uuna tilmaamay inay ku baaqayaan xasilooni iyo nabad lagu wada noolaado.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili maalmo un ka hor Wasaarada amniga maamulka ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida oo la doonaayay in lasoo galsho Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda magaalada Jigjiga

Magaalada Jigjiga waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii soo gaaray koox dhakhaatiir ah oo ka kooban ilaa iyo dhowr iyo toban dhakhtar, kuwaasoo qaba takhasusyo kala duwan.

Waxaa socdaalka ku wehliyey tiro intaas oo kale ah oo kalkaaliyeyaal ah, waxaana marka la isku daro lagu qiyaasay ilaa soddomeeyo inay gaarayaan.

Waxay ka kala socdeen seddex isbitaal oo ku yaalla Addis Ababa oo kala ah Duqur Ambasa Hospital, Police Hospital iyo Yakatit Hospital.

Kooxdaas caafimaadka oo uu hogaaminayey Dr Berhanu Negaye waxay Khamiistii ilaa iyo maanta oo Jimce ah ku sameeyeen ilaa 29 qalliin oo kala duwan isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital ee magaalada Jigjiga, halka ay qiyaastii ku dhawaad ilaa boqol qof oo kale oo dhaawacyo iyo xanuunno qabana daweeyeen.

Waxaa kaloo dhakhaatiirta ka mid ah qaar ku xeeldheer cilmi nafsiga, oo dadka ka daweeya xanuunnada ka dhasha welwelka iyo isla hadalka.

Waxay dadka ku dhiirri galiyeen inay isbitaalka yimaadaan oo ay ka faa’iidaystaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah.

Hase yeeshee Dr Negaye oo ka mid ah dhakhaatiirta xagga qalliinka safka hore kaga jira dalka Itoobiya wuxuu ka dardaar weriyey dawada oo isbitaalka gabaabsi ku ah, iyo shaqaalihii ka shaqayn jiray oo aan soo wada laaban.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa yara dhaanta sidii ay ahayd maalmo ka hor, markaasoo rabshado iyo gacan ka hadal halkaa ka dhacay ay galaafteen nolosha in ka badan 10 qof, hantina ay ku burburtay, halka tiro aad u badan oo dad ahna ay ku dhaawacmeen.

Rabshadaha ayaa ku faafay deegaanno kale walow ay markii dambe degeen, waxayna horseedeen inuu xukunka ka dego madaxweynihii DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar.

Isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital aya ah kan ugu weyn bariga Itoobiya, wuxuuna qayb ka yahay jaamacadda Jigjiga.

Isha: BBC

Guddiga doorashada dalka Soomaaliya oo howlo aan caadi aheyn u jooga Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Guddiga Doorashadda Somalia ayaa waxa uu tababar soconaaya muddo 4 maalmood ah uga furmay Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Tababarkaasi waxaa la sheegay inay soo qabanqaabiyeen Ururka Midowga Afrika “AU” iyo Hawlgalka AMISOM waxaa la sheegay inay Saraakiishaasi ku baran doonaan dhoorista Dastuurka, qaabka Sharci ee Doorashadda Somalia iyo Maareynta Doorashooyinka.

Ergayga Khaaska ee Midowga Affrika ee Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira oo ka hadlay Furitaanka Tababarkaasi waxa uu sheegay inay inta badan ka qeybgalayaasha Tababarkaasi fikrad howsha ah ka haystaan Hawlaha Doorashadda.

Waxa uu sheegay inay ka wada xaajoonayaan meelmarka Doorashadda Hal Cod iyo Hal Qof oo Somalia ka dhici doonta sannadka 2020/2021

Xeeldheerayaasha waxay sheegeen in Tallaabadda muhiimka tahay sidii loo abuuri lahaa Nidaam Deggan oo Siyaasadda Dimuqraadiga, Diiwaan-gelinta Xisbiyadda Siyaasadda.

Iyadoo ay DFS diyaarisay Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda Somalia, oo ay Xildhibaanadda BFS ansixiyeen sannadkii 2016-kii.

Dhinaca kale, Xubnahaani ayaa wakhti hore loo sii diyaarinayaa inay dulqaad iyo ad adeeg u yeeshan waxyaabaha ka dhan kara Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Sawirro: Dhaqtar Hindi ah oo Kalkaal Hospital ka bilaabaya qaliinada lafaha

Isbitaalka Kalkaal oo kamid ah xarumaha caafimaad ee ka howlgala Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu ku wergelinayaa in dhawaan uu iman doono dhaqtar u dhashay dalka Hindiya oo bilaabi doona daaweynta cudurada ku dhaca lafaha iyo kabistooda.

Howlaha caafimaad ee uu qaban doono dhaqtarka waxa ay dhamaantood ku saabsan yihiin qeybaha kala duwan ee Lafaha sida: Bedelka Jilbaha iyo sinaha, toosinta lafaha qaloocday, kabista lafaha jabay iyo kuwo xanuunsan.

Inta uu dhaqtarkan ka howlgalayo isbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho waxa uu sidoo kale fulin doonaa daaweynta dhabar xanuunka, Roomatiisimka, Murqo xanuunka, iyo toosinta Cagaha Qaloocan.

Qaliinadan lafaha oo isbitaalka Kalkaal ka  bilaaban doona 25-8-2018 waxa ay noqon doonaan kuwoodii ugu horeeyay ee Soomaaliya laga fuliyo, waxaana xusid mudan in dhaqtarka yahay kii loo aadi jiray dalka Hindiya, iyadoo qaliinkan uu ku egyahay 31-8-2018.

Kalkaal Specialist Hospital waxa horay uu u  fuliyay qaliino kala duwan  oo intooda badan ay sameeyaan dhaqaatiir Ajaanib ah kuwoo oo shacabka Soomaaliyeed ay mahdiyeen.

Ciidamada Liyuu Boolis oo dhaawacay Guddoomiye Degmo & boob gaadiid oo ay geesten

Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu Boolis ee maamulka ay weerar ku qaaden Maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale qaybta Ethiopia ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali.

Axmed-Khadar Cabdi Cali, ayaa sheegay inay dhaawaceen ciidamada Liyuu Boolis, xili uu ku guda jiray howlihiisa shaqo, sida uu haddalka u dhigay.

Axmed-Khadar Cabdi Cali, waxa uu sheegay in weerarka lagu dhaawacay uu yimid kadib markii uu ciidamada Liyuu Boolis ka hor istaagay qaadashada gaari nooca dab damiska oo lagu caawinaayay dadka degmada.

Waxa uu sheegay in dhaawaca loo geystay uu yahay mid kasoo gaaray madaxa isla markaan ay xabadu dhexmartay hilibka madaxa.

Axmed-Khadar Cabdi Cali, wuxuu intaa ku daray in ay isla wakhtigaas u gurmanayeen qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in dhallinyaro ay rabshado ka wadeen, hase yeeshee uu dadaalkiisa ku muteystay dhaawaca loo geystay.

“Ciidamada Liyuu Booliska waxa ay dhaawac kadib xoog iiga qaaten dabdamiskii iyo alaab kaleba oo uu maamulka lahaa, dadkii ila joogay waxa ay qaarkood u geysteen dhaawacyo fudud”

Arrintaani ayaa imaaneysa xili deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia ay yihiin kuwo ay ka jirto xiisado colaadeed oo u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, halka ciidamada Liyuu Boolis ay boob ku hayaan qeybo kamid ah hantida maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Xildhibaan kulanka baarlamaanka ku xaadiray dhar uu ku caan baxay Hitler (Sawirro)

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Hindiya ayaa ka qeybgalay kalfadhi uu lahaa baarlamaankaas isaga oo xiran dharkii iyo astaamihii lagu yaqiinay hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler.

Naramalli Sivaprasad oo 67 jir ah ayaa sheegay in uu sidan u sameeyay si uu cabasho oga muujiyo balamo uu qaaday Ra’isulwasaare Narendra Modi oo uusan fulinin.

Ma ahan markii koowaad oo uu xildhibaankan isticmaalo gashiyo kala duwan si uu u muujiyo cabasho.

Mararka hore ayuu soo xirtay dharka Hindida wax ku caabudo iyo xitaa dhar dumar.

“Waxa aan samaynayo waa in aan soo jiito dareenka dadka si sahlan, taasna ay dadka ku kalifto in ay fikiraan” ayuu xildhibaanka u sheegay wariyaha BBC-da Ravi Shankar.

Ninkan oo horey u ahaan jirey atoore aflaamta jila ayaa kasoo galay gobolka Andhra Pradesh, wuxuuna ka tirsanyahay xisbiga gobolkaas maamula ee TDP.

Xildhibaan Naramalli ayaa ka cabanayay arrin ku saabsan in gobolka Andhra Pradesh la siiyo meeqaam gaar ah, kaas oo kordhin lahaa dhaqaalaha dowladda dhexe ay siiso gobolkaas.

Xisbiga uu ka tirsanyahay xildhibaankan ee TDP ayaa ku jiray isbahaysiga Mr Modi, balse sanadkan horaantiisii ayay isaga baxeen.

Markii la weeydiiyay sababta uu usoo xirtay dharka Hitler ayuu ku jawaabay “Aniga wax kasta oon sameeyo ujeeddo ayaan ka leeyahay, Hitler wuxuu ahaa qof aan talo qaadanin, islamarkaasna aanan ka shaqaynin wanaagga dadka”, hadalkaas ayaa loo fasirtay in uu ula jeedo Ra’isulwaase Modi.

Dharka Hitler waa mid caan ka ah dalka Hindiya, waxaana jecel dhalinyaro tiro badan, iyada oo xitaa buuggii uu qoray ee Mein Kampf si weyn loo iibsado.

Sanadkan horaantiisii ayaa waxaaba soo baxay buug carruurta ah oo lagu soo sawiray Hitler, arrintaas oo ka caraysiisay Yuhuudda.

Dadka ayaa siyaabo kala duwan oga falceliyay ficilada xildhibaanka, iyaga oo qaarkood ay dhaleeceeyeen, kuwa kalena ay ku maadsadeen.

ISHA BBC 

Garsoorayaashi uu xilka ka qaaday FARMAAJO oo wax kama jiraan ka dhigay xil ka qaadistooda (Sawiro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo wareegto shalay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo xilka looga qaaday Shan ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee dalka, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Garsoorayaasha.

Garsoorayaasha waayay xilkooda ayaa sheegay in wareegtada Madaxweyne Farmaajo ay tahay mid aan loo marin sharcida.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamada Sare kana mid ahaa Garsooreyaashii xilka laga qaaday Maxamed Maxamuud (Dr luu), ayaa sheegay in xil ka qaadistooda aan loo cuskan qodobada sharciga waxa uuna tilmaamay in dhaliisha ugu badan ay tahay mid ay dusha ka saarayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare.

Dr luu waxa uu arrin sharci daro ah ku tilmaamey xilka qaadista uu ku sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna tilmaamay in xil ka qaadistooda ay ku qanci lahaayen waa haddii loo mari lahaa sharciga.

Dr luu, waxa uu sheegay in sababta xilka looga qaadi karo ay tahay in marka hore hadii ay dembi galeen ay baaritaano ku sameeyaan Guddiga Golaha Adeega balse xilligaan dalka uusan ka jirin guddigaas.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anaga waxaa xilka ku weyn karnaa in Golaha Adeega Garsoorka ay baaritaano nagu sameeyaan hadii aan qalad galnay,markaas ayaa go’aan nagala gaari karaa laakin golahaas mar hore ayaa la baabi’iyey marka wax sharciyad ah kuma dhisna xilka nagala qaaday”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada ay ka doonayaan inay cadeyn u keenaan sharciga ay u cuskadeen xil ka qaadistooda.

Si kastaba ha ahaate, Dr luu ayaa cadeeyay inaysan aqoon saneen go’aanka loo cuskaday xil ka qaadistooda, waxa uuna tilmaamay keliya inay ku qanci doonaan bayaaninta waxa loo cuskaday.