27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Sharif Xasan iyo Jawaari oo ku loolamayo wasiirada iyo qaabkii ugu dambeeyey ee qeybsiga beelaha

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa habeen hore dib u dhacday  xaflad lagu doonayey in lagu magacaabo golaha wasiirada oo uu asbuucyo ka shaqeenayey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii uu soo gabagabeeyey wadatashiyadii uu la lahaa xubnaha beelaha u matalo Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka hadda soo baxayo ayaa sheegayo inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya culeys aad u weyn kala kulmayo beelaha Digil iyo Mirifle, iyo sidoo kale Hawiye oo ku aadan soo magacaabista wasiirada ka mid noqonayo xukuumadiisa.

Arrintaas waxaa garab socoto loolan adag oo ay isku wajahayaan madaxwyenaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari kuwaas oo kala wato shaqsiyaad ay doonayaan in looga dhigo wasiiro waxayna shaqsiyaadkaas isku yihin qaraabo iyo saaxiibo ay aad isugu dhaw yihiin.

Shriif Xasan Sh. Aadan ayaa loolan adag ugu jiro inuu xil wasiir u helo walaalkiis ay isku hooyada yihiin ee lagu magacaabo Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) oo ahaa wasiirkii Caafimaadka Dowladdii waqtigeeda dhamaaday, Shariif  Xasan ayaa walaalkiis la doonayo in looga dhigo wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya wuxuuna sameenayaan dadaal kasta oo uu arrintaas ku gaari karo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isna ay budadiisa gooni ugu tuman tahay wuxuuna rabaa in wasiir laga dhigo Maxamed Aadan Fargeeti oo ahaa wasiirkii maaliyadda dowladii hore.

Sida illo wareedyo rasmi ah xaqiijinayaan haddii golaha wasiirada laga dhigo ilaa 25 wasiir ama 18 wasiir ay taas sababi karto inay meesha ka baxdo loolanka adag oo ay wadaan Shariif Xasan iyo Prof. Jawaari taasoo lagu tilmaamay inay tahay faragelin qaaawan oo ay ku hayaan xulista golaha wasiirada.

Xisaabta ku darso dhismaha Xukuumad salbalaaran oo beellaha Soomaaliyeed lagu qancinayo ayaa waxa ay meesha ka saari kartaa soo ifbixidda Xukuumad tayo leh oo Wasiirro la aamini karo ay ka soo muuqdaan, waxaana hoos u dhici kara rajada Shacabka ay ka qabaan dowlad guuleysata oo milgaha iyo heybadda dalka soo celisa.

Dhawaan ayey aheyd markii uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka codsaday beelaha Soomaaliyeed inay ka daayaan faragelinta ay ku hayaan isla markaasna ay soo gudbistaan liiska shaqsiyaad ay rabaan inay uga soo dhex muuqdaan golaha wasiirada loona madax baneeyo isaga inuu doorto cidda uu rabo, wayna ka aqbaleyn dhammaan beelaha Soomaaliyeed.

Sababta ugu weyn ee keentay dib u dhaca ayaa lagu tilmaamay inay tahay maadaama ay kulan yeesheen madaxweynaha iyo Ra’isulwassaaraha kaasoo keenay in meesha laga saaro shaqsiyaad badan oo ku jiray liiska wasiirada

Sida la filayo Beelaha Abgaal iyo Habargidir ayaa loo kala kuwi doonaan xilalka, waxayna Mudulood heli doonaan Ra’isulwasaare ku xigeyn iyo wasiir heerkiisu yahay (B), halka Habargidir la siin doono hal wasiir oo darajada (A) lagu sheegay.

Wasiir ku qiimeysan darajada (A) ayaa la filayaa in la siiyo beesha Dirta Woqooyi oo markii hore lagu yaqiinay xilka Ra’isuwasaare ku xigeyn, waxayna u badan tahay in la siiyo wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda midkood.

Beellaha Dirta (Koonfur iyo Waqooyi)  ayaa dowladda Soomaaliya ka helay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin: Gudoomiyaha Aqalka sare, Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka hoose, Gudoomiyaha Maxkamdda sare, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Agaasimeyaal guud, Talisyo boolis, Milatari,Sirdoon, xilal safiirro iyo diblomaasiyiin ah.

Ugu dambeyntii sheekada magacaabista golaha wasiirada ayaa mareyso meel aad u xasaasi ah waxaana la filayaa inay qaadato waqti ka badan intii la filayey, waxaana hadda kulamo wadatashi ah ay u socdaan Ra’isulwasaraha iyo Madaxwyenaha oo looga Fadhiyo inay la imaadaan go’aan cad oo ku saleysan 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xisbigii cunsuriga iyo Islaam naceybka ee Holland oo laga guuleystay: Sawirro

0

Holland (Caasimada Online)– Doorashadii shaley ka dhacday dalka Holland ayaa lasoo gabagabeeyay iyadoo cabsidii laga qabay xisbiga cunsuriga iyo islaam naceybka ku caanbaxay looga guuleystay doorashada.

Xisbiga tallada haya ee VVD ee ra’iisul wasaare Mark Rutte ayaa ku guuleystay boqolkiiba 21.5 cododkii la tiriyay,halka xisbiga cunsuriga ee uu hoggaamiye Geert Wilders ee loo yaqaan PVV uu relay 13,1 cod.

Hoggaamiyo xisbiga cunsuriga PVV ee Geert Wilders ayaa laga cabsi qabay inuu talada dalka la wareega, iyadoo maalmihii u dambeeyayay aad loo hadal haayay xisbigaasi oo taageerayaashiisu aad u sare kaceen kaddib doorashadii Mareykanka ee uu xukunka kula wareegay Donald Trump

Laakiin shacabka ayaa rabitaankooda dhabta ah waxa ay ku muujiyeen doorashada waxaana ay doorteen xisbiga talada dalkaasi hada haya ee VVD kaas oo uu hoggaaminaayo afarta sano ee soo socoto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Bahdilka Soomaalida ku haysta garoonka Kismaayo iyo karaamada Kenyan-ka

Kismaayo (Caasimada Online) – Caasimadda online ayaa heshay xog ku aadan bahdilka Soomaalida ka heysato garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo iyo arrimo yaab leh oo ay wadaan dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa bahdil iyo meel ka dhac ku heeyso dadka soomaaliyeed xaga safarada iyadoo qofka wata Passportka Kenya markuu Soomaaliya soo galayo lagu siiyo Visaha on Arrival Airport iyadoo aysan jirin wax shuruud ah oo lagu xujeenayo halka qofka Soomaaliga ah  shan boqol oo doolar looga  qaata visaha Kenya taasoo ay usii dheer tahay inuu sugayo muddo  sadex bilood ah.

Iyadoo sidaas ay jirto ayaa haddana waxaa soo baxay bahdil ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo markii loo diiday inuu halkaas ka dhoofo shaqaalo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo weliba wato Passportka loo yaqaan Service ee la siiyo shaqaalaha dowladda.

Arrintaan ayaa kismaayo ka dhacday 6 March 2017, waxaana xusid mudan inuu shaqsigaas watay waraaq casuumaad ah oo uu kaga qeybgalayey siminaar ka dhacayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shaqaalaha blues sky ee garoonka Kismaayo ayaa si cad ninkaas ugu diiday inuu garoonka ka dhoofo iyagoo u sheegay inuusan garoonka Wajeer ka dagi karin shaqsi aan Viso wadan hadduu doono ha wato Passporada kala duwan ee Soomaaliya sida: Diplomatic iyo Service ama midka caadiga ah, waxayna sheegeyn inay mamnuuc tahay inuu Kenya galo qof Soomaali ah oo aan wadin wax fiiso ah .

Haddaba su’aasha si waydiinta mudan ayaa ah aaway Maamulkii Immigration Soomaaliya ee uu hoggaamiye Koofi, aaway wasaaradii Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ma waxay go’aansadeyn inay Soomaaliya dullinimo geliyaan weliba ay hoos geeyaan dowlad daciif ah oo waligeedba ku tiirsanaan jirtay Soomaaliya.

Dowladda Kenya inay Soomaaliya soo gasho Viso la’aan, Kenyana ay tiraahdo qof Soomaali ah oo aan Viso wadan nooma soo geli karo, taasi waxay muujineyso halka ay madaxda Soomaaliya dhigeyn qaranimadeena, sharaftii aan Africa ku laheyn iyo sumcaddii Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa wax lagu xumaado ah in Kenyanka garoomada Muqdisho iyo gobolada Soomaaliya on Arrival lagu siiyo Visaha halka muwaadiniinta Soomaalida ay ku jiraan ciqaab iyo gumeysi midaas maahan wax loo dulqaan karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Document sir ah: $4 milyan oo ay lunsatay wasaaradda maaliyadda oo uu Hanti Dhawraha si xeeladeysan u qariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimadda Online ayaa heshay Document muujinayo Hanti Dhawraha qaranka Dr. Nur Farah Jimale oo inkiray musuq maasuq uu xafiiskiisa ku qabtay wasaaradda Maaliyadda Xiligii dowladii Waqtigeeda dhamaaday ee Xasan Shikh Maxamuud.

Warbixin ay soo saareen guddiigii ka tirsanaa xafiiska hanta dhawrka ee loo diray inay lasoo xisaabtamaan wasaaradda Maaliyadda ayaa soo saaray warbixin muujineyso in  wasaaradda Maaliyadda ay lunsatay lacag ku dhaw ilaa 5 Malyan oo laga soo amaahday Bankiyada Salam iyo Dahabshil.

Xafiiska Hanti dhawrka ayaa bilaabi rabay dacwad ka dhan ah wasaaradda maaliyadda oo lagu heystay lunsashada lacagtaan tirada badan oo aan la ogeyn halka ay ku baxday.

Lacagta lagu heysto wasaaradda Maaliyadda ayaa aheyd lacag 10 Malyan oo Dollar ah taasoo laga soo amaahday Bankiyada Dahabshil iyo Salam Bankiga.

Sida ku cad waraaqaha Document-ga ah oo ay heshay Caasimadda Wasaaradda Maaliyadda ayaa dib bangiyadaas ugu celisay lacag gaareyso ilaa 6 Malyan, sidoo kalana waxay wasaaradda sheegtay inay 10-ka Malyan dib ay u celisay, waxaana ilaa hadda la la’yahay 4 Malyan halka lagu bixiyey iyadoo aan weli la celin lacagtaas amaahda aheyd oo la sheegay in dib loo celiyey.

Markii warbixintaas soo baxday Hanti dhawraha qaran ayaa lacag laaluush ah ka qaatay wasaaradda Maaliyadda xukuumadii Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuuna xafiiskiisa kasoo saaray waraaqda hoos kaaga muuqato oo uu ku sheegayo in xisaab xirkii lala galay wasaaradda maaliyadda lagu waayey wax musuq maasuq ah.

Warbixintii koox hantidhowrka guud ka socotaa ka diyaarisay wasaaradda maaliyadda oo lagu muujiyay lunsi lacageed oo ku dhow 5 milyan oo dollar  taasoo kuu muujineyso inuu hanta dhawraha u xuub siibtay sidii uu hantida qaranka u lunsan lahaa.

Halkaan hoose waxaad ka arki kartaa waraaqda uu soo saaray xeer ilaaliyaha ee uu ku sheegay inaan wasaaradda Maaliyadda wax musuq maasuq ah lagu helin

Halkaan hoose ka aqriso waraaqadaha Document-ga ah oo ay soo saareyn guddiga xafiiska hanti dhawrka u saartay la xisaabtanka wasaaradda Maaliyadda, waraaqda falaarta gaduudan ay ku qoran tahay ayaa ah midda ugu muhiimsan oo ay ku qoran tahay hantida ay lunsatayay wasaaradda maaliyadda

Sawirro: Muxuu ku saabsanaa kullanka Kheyre iyo Howlwadeenada Xafiiskiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Kheyre ayaa goordhow kulan kadis ah la qaatay howlwadeenada Xafiiskiisa.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Howlwadeenada kala hadlay Hanaanka uu ku shaqeyn doono Xafiiskiisa maadaama maamulkii hore uu meesha ka baxay.

Kheyre waxa uu marka hore ka dalbaday Howlwadeenada inay laba jibaaran shaqooyinka ay u hayaan Qaranka waxa uuna meesha ka saaray inuu yahay shaqsiga loo shaqeynaayo waxa uuna cadeeyay in waxa loo shaqeynaayo uu yahay Qaranka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in Howlwadeenada iyo isaga ay kala badbaadi doonaan haddii la helo ilaalinta wakhtiga iyo shaqada, maadaama howl badan ay u taallo.

Xasan Kheyre ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen Howlwadeenada xuquuqdooda, iyagana lagula xisaabtami doono shaqada ay ummada u hayaan, ayna qeyb ka tahay qorshaha isla xisaabtanka ee Dawladda.

Waxa uu ku baaqay in lala shaqeeyo si uu ugu dhiirado qabashada Howlaha horyaal.

Sudan oo Xukun ku riday Al-Fannaan Nimcaan Hilaac & Wakhti aad u kooban oo loo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Khartoum ee Xarunta dalka Sudan lagu xiray Al-Fannaan Nimcaan Hilac oo maalmahani dalka Sudan u joogay qabashada Show.

Nimcaan Hilac ayaa Habbeenimadii xalay magaalada Khartoum ku qabtay Showga, waxaana la sheegay inuu xigay xarig kadib markii Hoolka ay kala baxeen Ciidamo ka tirsan Booliska.

Nimcaan Hilac, ayaa waxaa lala xiray laba ruux oo kamid ahaa shaqsiyaadka qabanqaabinaayay Showga, kuwaa oo saacado kadib lasii daayay.

Xariga Nimcaan Hilac, ayaa yimid kadib markii qolada showga qabanqaabineysay ay ku diiwaangaliyeen Hoolka inuu aroos dhacayo balse markii dabe ay booliska ka war Heleen in show uu socdo.

Showga ayaa waxaa kasoo qeybgalay ilaa 300 oo Arday kuwaa oo buux dhaafiyay Hoolka, walow markii danbe ay qaseen Ciidamada amaanka Khartoum.

Nimcaan Hilaac ayaa Habbeenimadii xalay ku hoyday Saldhig boolis, waxaana Goordhow la soo taagay maxkamada isagoo lagu xakumay bixinta lacag dhan 1,500$.

Waxaa sidoo kale Al-Fannaan Nimcaan Hilaac lagu amray in Sudan uu uga baxo 24 saac hadii kale xarig 6 bilood ah .

Sidoo kale, Nimcaan ayaa la sheegay in uu bixinayo lacagtaas isla markaana uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho oo uu ku yahay deegan.

Dhinaca kale, dalka Sudan ayaa waxaa ka mamnuuc ah inay is dhexgalaan Ragga iyo Dumarka mudada lagu guda jiro Showga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska oo Museveni ku qasbay inuu ka qeybgalo shirka Soomaaliya ee London

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda ingiriiska ayaa wado dadaalo ay ku dooneyso in dowladaha lugaha kula jiro siyaasadda Soomaaliya ay ka dhaadhacsiiso inay kasoo qeybgalaan kulanka dhawaan lagu qaban doono Magaalada Landon ee caasimadda Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Ingiriiska Britain Boris Johnson ayaa  Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo horey u qaadacay Xafladdii Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ku qanciyey  inuu ka qeyb galo Shirka Caalamiga ee looga hadlayo Taageeradda Samafalka iyo Ammaanka ee Somalia, kaasi oo bisha May 11-da ka furmi doona Caasimadda dalka Britain ee London.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka dhawaajisay inuu shirkaan xiriir la leeyahay midkii caalamiga ahaa ee ka dhacay dalkeeda sanadkii 2013 markaas oo looga hadlay arrimo ku aadan Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa.

Boris Johnson  ayaa xalay fiidkii gaaray Uganda wuxuuna halkaas kula kulmay  Madaxweyne Museveni, oo uu u gudbiyey Casuumaadaasi.

Madaxweyne Museveni iyo Xoghaye Johnsom oo si wadajir Shir Jaraa’id ugu qabtay Aqalka Dowladda ee magaalladda Entebbe waxa uu Johnson sheegay inuu Museveni ka oggolaaday inuu ka soo qeyb galo Shirweynaha London.

Wasiirka ayaa madaxweynaha Uganda aad ugu amaanay sida uu daacad ugu yahay inuu ka qeyb qaato howlgalka nabadsugidda ee ka socdo Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inay ka wada hadleen Boris Johnson saamaynta uu Tallaabadii ay Britian kaga baxday EU-da ku yeeshay Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay EU-da jareen 20% Taageeradda Dhaqaale ee ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

Sidoo kalae wasiirka arrimaha dibadda  ingiriiska ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago dalalka Itoobiya iyo Kenya si uu iyagana ugu casuumo ka qeybgalka kulankaas ka dhici doono London.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ra’isulwasaaraha Maleysiya oo si buuxda u garab istaagay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online)-Waddanka Malaysia oo ka mid ah Dalalka Ganacsi ahaanta Hormarka sameeyey Sanadihii ugu dambeeyey ayaa waxay bilowday mashruuc lacag loogu uruurinayo Dadka ay Abaarta ku saameysay Soomaaliya.

Mashruucaan ayaa waxa uu yahay mid walaalnimo oo Dadka Waddankaasi udhashay loo bandhigayo inay Sadaqo la baxaan si loogu bad baadiyo Soomaali ku dhimanaya Dalkiisa oo Gaajo iyo Biyo la’aan Heysato.

Dawlada Malaysia ayaa waxay sheegtay in hadda Lacag Boqol Kun Dollarka Mareykanka Ah ($100,000) ay ku wareejiyeen Sii hayaha R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo hadda socdaal ku jooga Magaalada Kuala Lampur.

Wararka waxay sheegayaan in lacagtaan uu R/wasaaraha Dalkaasi Najib Razak uu sheegay in lacag dhan (RM444,800) oo ah Lacagta Malaysia una dhiganta Boqon Kun Dollar ay ugu yabooheen Soomaaliya.

Sikastaba Abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa lixdii Bil ee lasoo dhaafay laga soo sheegayey meelo kala duwan oo Soomaaliya ah oo hadda Macluul meelaha qaar isku badeshay oo dadka iyo xoolaha dhimanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shan tujaar oo Adduunka caan ka ah oo aan soo marin waxbarashada heer jaamacadeed

Inaad aado koolejka isla markaana aad kasoo qalin jebiso ayaa ku bareysa cashirro badan oo muhiim u ah sidii aad qaab wanaagsan ugu diyaarin laheyd cutubka xigga ee noloshaada. Laakiin taasi kuuma xaqiijineyso inaad fursado badan u heli doontid inaad mustaqbalka guul ka gaarto nolosha.

Si kastaba ha ahaatee, sidaas oo ay tahay ma jiro qof kugu xujeyn kara inaad u baahan tahay inaad soo dhammeysato koolejkaaga si aad guulo u gaarto mustaqbalka. Tusaale ahaan, maanta waxay halkaan kuugu soo gudbineysaa shabakadda caasimadda.net  SHAN shaqsi oo caan ah isla markaana tujaariin ah kuwaasoo aan marnaba soo dhammeysan koolejka.

Bill Gates – Waxaa lagu qiyaasaa hantidiisa 85.7 bilyan oo dollars, waana ninka ugu taajirsan meerahaan. Inkastoo uu Bill Gates sidaas u sameeyey dhaqaale farabadan hadana ogoow in uusan caruurnimadiisii kasoo qalin jebin koolejka.

Mark Zuckerberg – Kaalinta labaad ee liiskaan waxa akasoo muuqday Mark Zuckerberg, guddoomiyaha ahna aasaasaha shabakadda Facebook. Inkastoo uu weli Mark 32 sanno jir yahay, wuxuu hadana nasiib u yeeshay inuu tacbado hanti lagu qiyaasay 56.7 bilyan oo dollars wuxuuna lacagtaan ka sameeyey baraha bulshada, oo uu ugu horreeyo Facebook iyo Instagram, wuxuuna wax kasoo bartay jaamacadda Harvard University.

Larry Ellison – Kaalinta seddaxaad ee liiskaan waxaa ku jira Larry Ellison waa mid ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn ugu lug yeeshay inuu adduunku si wanaagsan ugu xiriiro internetka hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa 51.9 bilyan oo dollars, laakiin abid sooma dhammeyn waxbarashada aasaasiga ah. Wuxuuna laba sanno dhigtay jaamacadda University of Illinois.

Sheldon Adelson – Wuxuu caan ku ahaa inuu ahaa guddoomiyaha Las Vegas Sands, hantidiisu waa ku dhowaad 31 bilyan oo dollars, inkastoo uu maamulay 50 ganacsi oo kala duwan hadana abid ma uusan baran waxbarashada aasaasiga ah isagoo 12 sanno jir ah ayuuna iibinta joornaalka ka bilaabay Boston halkaas ayuuna u maray waayihiisa guulaha ee tujaarnimada.

Michael Dell – 51 sanno jirkaan ayaa lagu yaqaanaa inuu ahaa aasaasihii shirkadda cumbiyuutarrada ee Dell, waxaana hantidiisa lagu qiyaasay ku dhowaad 20.5 bilyan oo dollars. Michael wuxuu arday kasoo noqday jaamacadda University of Texas inkastoo uu halkaas kasoo bartay cilmiga kambiyuutarka hadana sooma marin waxbarasho aasaasi ah.

Farmaajo oo qaati ka taagan Beelaha iyo Kheyre oo halis ugu jira inuu ku dhaqaaqo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo uu ku jahwareersan yahay dalabyada kaga imaanaya Beelaha qaar.

Beelaha qaar ayaa la sheegayaa in Madaxweynaha Somalia Farmaajo ay ku cadaadinayaan in laga bedelo Wasaaradaha lagu qoray, halka qaarna ay dalbadeen in lasiiyo ballanqaadyo ku aadan dhowr Agaasime Wasaaradeed iyo Waaxyo.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka biya diidan in dib loogu laabto Liiska Golaha Wasiirada ee iminka la diyaariyay waxa uuna Beelaha u cadeeyay inuusan wax ka bedeli doonin heshiiskii hore.

Madaxweynaha waxa uu Beelaha ka diiday inay la imaadan dalab ama shuruudo ku aadan in lasiiyo Wasaarad gaar loo cayimay.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa isna la sheegay inuu ku wareersan yahay isbedelada ku imaanaya Beelaha, waxa uuna iminka qarka u saaran yahay inuu dib uga laabto dhowr Wasaaradood oo ku cusub Xukuumada.

Ra’isul wasaaraha ayaa Beelaha qaar ugu goodiyay inuu siin doono Kuraasta uu u arko inay munaasab ku tahay, haddii kale ay ku qancaan kuwa hadda lasiiyay.

Kheyre ayaa isaga doonaayay in Golaha lagu soo koobo ilaa 20 Wasaaradood, waxa uuna iminka qarka u saaran yahay inuu ka laabto Kuraasta dheeriga ah ee lagu biiriyay.

Ma cadda sida uu xaalka noqon doono waxaana mar waliba laga cabsi qabaa in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay qaatan go’aan cusub waa haddii uu sii socdo dooda laga keenaayo hanaanka loo kala qeybsaday Kuraasta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sabab la yaab leh oo keentay inuu sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya isku daldalo Soomaaliya

Garbahaarey – (Caasimadda Online)Wararka caasimadda Online kasoo gaarayo Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa tibaaxayo inuu halkaas isku daldalay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee ka mid ah howgalka Midowga Africa ee Soomaliya ka socdo.

Sarkaalkan oo aan weli helin magaciisa ayaa la xaqiijiyey inuu halkaas naftiisa isku dhaafiyey sababo ay dad badan la yaabeyn awgeed.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa la sheegayaa inuu is dal dalay kadib markii uu waayay fasax uu ku doonayay inuu ku aado dalka Itoobiya .

Sarkaalkan ayaa la sheegayaa inuu isku dl dalay degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ka gadaal markii sarkaal isaga ka sareeya uu ka dalbaday inuu siiyo fasax laakiinse loo diiday, waxaana la sheegayaa in sababtaasi ay keentay inuu is dal dalo.

Sarkaalka is dilay ayaa xaaskiisa iyo ilmihiisa arkin muddo badan wuxuuna rabay inuu booqdo qoyskiisa oo dagan gudaha Itoobiya balse markii arrintaas loo diiday ayuu ku dhaqaaqay falkaan uu naftiisa isku dhaafiyey.

Ma jirto wax faah faahin ah oo kasoo baxay saraakiisha itoobiya oo ku aadan is dal dalaada sarkaalkan itoobiyaalka ah , waxaana la filayaa inay arrintaas ka hadlaan madaxda ugu sarreyso ee Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekadii aheyd xafiiska hanti dhawrahaa la jabsaday oo been noqotay iyo ujeedkii laga lahaa

Muqdisho – (Caasimadda Online) Shabakadda Caasimadda Online ayaa maalmihii ugu dambeysay baaritaano ku heysay wararka sheegayo in la jabsaday xafiiska Hanti Dhawraha guud ee qaranka markii uu hadalkaas saxaafadda u sheegay hanti dhawrka guud Dr. Nuur Faarax.

Haddaba caasimadda Online ayaa soo ogaatay inuusan jirin xafiis la jabsaday iyo document laga qaatay midna waxaana arrintaas kusoo ogaanay baaritaano aan wadnay ilaa dhawr maalin.

Sida ay sheekada ku timaaday:

Waxaa hal meel isla daganaa wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska Hantida Dhawraha guud waxayna ku wada yaalaan gudaha xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Haddaba wasaaradda maaliyadda ayaa isaga guurtay qolalkii ay ka daganeyd madaxtooyada kadib markii ay dayactiratay xaruntii ay wasaaradaas ku shaqeyn jirtay waagii hore.

Markay sidaas dhacday Hanti Dhawraha guud ee qaranka ayaa waraaq u qoray maamulka madaxtooyada si qolalka ay ka guurtay wasaaradda Maaliydda loogu daro qolalka uu ku shaqeeyo xafiiskiisa.

Markii uu waraaqdaas u diray madaxtooyada ayuu waayey wax jawaab ah oo laga siiyey waraaqdiisa, waxayna madaxtooyada dajisay hey’ad kale oo kamid ah dowladda si ay halkaas ugu shaqeyso.

Waxaa qolalkii wasaaradda ka guurtay soo gaaray hey’addii lagu amray inay halkaas dagto, waxaana xusid mudan in qolalka ay kala daganaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti Dhawrka ay kala xirnaayeen marka laga reebo hal qol oo uu lahaa xafiiska hanti Dhawrka oo ku dhaganaa kuwa maaliyadda.

 

Ciidamadii la socday hey’adda lagu amray inay dagaan halkaas ayaa u fahmay qolkii Hanti dhawraha lahaa inuu ka tirsanaa kuwii maaliyadda, taasoo keentay inay ku dhuftaan haraati kadibna waxay ogaadeyn inaan qolkaas laga guurin oo uu ka tirsan yahay Hantida Dhawrka.

Markii ay jabiyeen kadib ayey albaabkii soo laabeyn, waxayna arrintaas ka bixiyeen raali gelin.

Maxaa Xaqiijinayo Inaan wax Document ah la qaadan:

Maxamed Cabdulle oo loo yaqaan (Gurey) waa agaasimaha maamulka maaliyadda xafiiska Hanti Dhawrka guud ee qaranka, wuxuuna shaqsiyaad ay aad isugu dhaw yihiin u sheegay inaysan jirin wax Document ah oo laga qaatay xafiiskaas isla markaasna ay arrintaan aheyd qalad yar oo dhacay kadibna la xaliyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa niman ajaanib ah usoo diray xafiiska Hanti Dhawrka si loo baaro hadalka uu Dr. Nuur ku sheegay in Documentiyo laga qaatay.

Ajaanibtaas ayaa xafiiska Hanti Dhawraha kula kulmay Maxamed Cabdull Gurey oo ah  agaasimaha maamulka maaliyadda xafiiska Hanti Dhawrka guud ee qaranka kuna shaqeenayey qalka la jabiyey , wuxuuna ajaanibta u caddeeyey inaysan jirin wax Document ah oo laga qaatay xafiiskiisa, sidoo kale wuxuu sheegay in Document-yadii yaalay oo dhan uu hubiyey aysana jirin wax ka maqan.

Maxaa keenay inuu Hanti Dhawrka si been ah u sheego in Documentiyo laga qaatay:

Caasimadda Online oo dabagal weyn ku sameysay sababta hanti Dhawraha ku kaliftay inuu si been ah uga dhawaajiyo in xafiiskiisa laga qaatay Document ayaa waxaa soo ogaanay inay sabab u tahay waxyaabaha soo socdo:

1) Hanti Dhawrka oo tan iyo markii Farmaajo la doortay u sheegayey inuu haayo waraaqo caddenayo in dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ay ku kacday Musuq maasuq isla markaasna uu madaxweynaha usoo bandhigi doono, markii aan la sheekeysan dadka la shaqeeyo waxay xaqiijiyeen inuusan heyn wax Document ah oo musuq maasuq caddenayo uuna hadalkaas uga raadsanayo madaxweynaha in xilkiisa loo dhaafo, wuxuuna tallaabadaan beenta ah qaaday markii ay soo dhawaatay waqtigii laga sugayey inuu soo bandhigo Document-yada uu hayo.

2) Xanaaqii uu hanti Dhawraha ka qaaday markii looga soo jawaabi waayey waraaqdii codsiga aheyd ee uu u diray madaxtooyda taasoo uu ku dalbaday in lagu wareejio qolalkii ay ka guurtay wasaaradda Maaliyadda ee ku dhex taalay Madaxtooyada, wuxuuna damacsanaa inuu eedeyn aan jirin dusha uga tuuro hey’adda ay dowladda soo dajisay xafiisyadaas oo ku dhagan xafiisyada uu hanti Dhawraha ku shaqeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Ethiopia oo Somalia ka dhex sameysatay Qaswadayaal lidi ku ah Dowlada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa Doorashada Somalia ka dib bilowday in Fashilinta Dowlada Somalia ay u adeegsato Siyaasiyiin dhowr ah oo kasoo horjeeda Siyaasada cusub ee iminka ka curatay Somalia.

Siyaasiyiinta loo adeegsanaayo Fashilinta Dowlada uu Hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa isagu jira kuwo ku hingoobay Doorashada, kuwo xil doon ah iyo Odayaal dhaqmeed loo abaabulay ka hor imaanshiyaha Hanaanka Siyaasadeed ee Dowlada.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee sida hoose kula shaqeynaaya Dowlada Ethiopia ayaa iminka shirar joogta ah ku yeeshay qaar kamida Hoteelada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

Hoteelada ugu badan oo ay ku kulmaan ayaa waxaa kamid ah Nasa-hablood Two, Jaziira, Makka Al-mukarama iyo Hoteelka City Plaza, oo dhamaan ay deegaan ku yihiin dhinacyada Qaswadayaasha.

Dhinacyadaani ay Dowlada Ethiopia adeegsaneyso ayaa tallo qaadasho ka waayay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Dowlada Ethiopia oo kasoo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha ayaa ka faa’iideysatay gadoodka dhinacyadaasi waxaana suuragal ah in tirro ahaan ay ka bataan cadadka ay iminka yihiin.

Sidoo kale, Dhinacyadaasi qaswadayaasha ah ayaa waxaa lagu bixinayaa dhaqaale xoogan iyadoo ujeedka loogu bixinaayo dhaqaalaha uu yahay fashilinta Dowlada Somalia ee noqoneysa tan ugu shacbiyada badan.

Dowlada Ethiopia ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo soo saareysay Warbixino u muuqda kuwo lagu fashilinaayo Dowlada isla markaana leysaga horkeenaayo Dowlada iyo Siyaasiyiinta, waxa ayna qeyb ka noqoneysaa dadaalka ay Ethiopia ugu jirto dhiciseynta Dowlada Farmaajo.

Tallaabadaani ayaa imaaneysa kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay go’aan lagu gaabinaayo xiriirka Somalia kala dhexeeya Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, waxaana xusid mudan in carada Ethiopia ay timid ka gadaal markii Madaxweynaha uu qaadacay Casuumaad ay ugu yeertay Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faahfaahintii ugu dambeysay rasaastii dhex martay ciidamada Puntland iyo maleeshiyadii markabka heysatay

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka hadda soo gaarayo Caasimadda Online ayaa sheegayo inay is rasaaseyn ka dhex bilaabatay ciidamadii Puntland ee wajahay Degmda Caluula ee Gobolka Bari iyo ciidamadii heystay markabka lasoo af duubay.

Markaas oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa la geeyey Caluula, waxayna dalbadeyn maleeshayada heysato madax furasho lacageed oo aan tiradeeda lagu dhawaaqin, waxaana halkaas dhawaan gaaray ciidamada hadda la dagaalamay.

Wararka ayaa sheegayo in Dagaalka oo Muddo Kooban socday ay rasaas is weedaarsadeen Ciidamadda miriiniska iyo Kooxda Dhalinyarada ah ee Markabka Heysta, Sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Caluula oo la hadlay saxaafadda.

Waxyaalo badan ayaa lasoo sheegayaa inay soo gaartay ciidamada Puntland ee weerarka qaaday marki iska caabin xoog leh kala kulmeyn kooxda heysato markabka, waxayna wararkii ugu dambeyey sheegayaan inay hadda istaagtay  rasaasta.

Dadka deegaanka ayaa tan iyo shalay muujinayay cabsi ku aadan in dagaal uu degmada ku dhexmaro ciidamada Puntland iyo dhalinyarada heysata markabka lasoo afduubtay .

Caasimadda online ayaad kala socon doontaa waxyaabaha kusoo kordha weerarka ay ciidamada Puntland ku qaadeyn Maleeshiyada heysato markabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Document sir ah: Musuq maasuqa hanti dhowraha iyo wixii dhex maray isaga iyo Ciil-Mooge

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online oo ah shabakad dabagasho waxyaabaha qarsoon ee ka jiro siyaasadda iyo dowladda Soomaaliya ayaa heshay Document sir oo dhex maray Hanti Dhawraha guud ee qaranka iyo wasiirkii hore ee Cabdullaahi Ciil Mooge.

Haddaba Hantida dhawraha ayaa la sheegay inuu lacag gaareyso ilaa 50 Kun oo Dollar ka qaatay Ciil Mooge oo lagu helay dambi ah inuu lunsaday hanti qaran oo tiro badan.

Wuxuu hanti-dhowruha qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale u gudbiyay xeer ilaalinta warqad summadeedu tahay xhg/m-185/2014 kuna taariikhaysan 13/10/2014 oo ujeedadeedu ahayd eedayn lacag ku maqan wasiirkii hore ee cabdulaahi ciilmooge oo dhan $78, 248, sida aad uga jeedo waraaqda hooseee kasoo baxday xafiiska Hanti Dhawrka.

Hanti Dhawraha ayaa sidoo kale qarisay lacag badan oo ku maqneyd Ciil Mooge oo aan isaga ka warqabin waraaqda laga gudbiyey inta lacag ku qoran taasoo keentay inuu Hanti dhawraha la fariisto kana dhaadhacsiiyo in kiiskaan la damiyo.

Markii ay wada fadhiistaan Hanti dhawraha iyo Cabdullaahi Ciil Mooge Xirsi wuxuu hantida dhawraha weydiistay madax furasho gaareyso ilaa 50 kun oo Dollar, waxaana durba loogu keenay bashqad sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka tirsan agaasimayaasha xafiiska hantida dhawrka qaranka.

Mudo kooban ka dib wuxuu hanti-dhowruhu u diray xeer ilaalinta guud warqad kale oo summadeedu ahayd xhg/m-278/2015 kuna taariikhaysan 10/02/2015 ujeedadeeduna ahayd cadayn ah in aanu wasiirkaasi hore ee ciilmooge lacagtaasi kor ka muuqataa ku maqnayn isla markaasna uu ka codsaday in la damiyo kiiska ka dhanka ahaa Ciil Mooge, sida aad uga jeedo waraaqda hooseee kasoo baxday xafiiska Hanti Dhawrka.

Qaar kamid ah Agaasimayaasha  xafiiska Hantida dhawrka ayaa inoo xaqiijiyey in lacagtii ku maqneyd Ciil mooge ay ka badneyd inta uu Hanti Dhawraha u gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,  taasna waxaa kuu muujinayo lacagta tirada badan ee laaluush ahaan looga qaaday.

Haddii lacagta Ciil Mooge lagu heystay ay aheyd 78 Kun oo Dollar macquul maahan inuu Ciil moore laaluush ahaan u bixiyo 50 Kun oo Dolar, taasna waxay muujineysaa in Ciil Mooge uu lunsaday lacag tiro badan, inkastoo ilo wareedyadaas aysan nala wadaagin tirada rasmiga ah haddana waxay inoo xaqiijiyeen inay ka badan tahay lacagta ku xusay waraaqda loo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha.

F.G:waxaan goor dhaw idiin soo gudbineynaa Documentiyo sir ah oo aan ka helnay Hanti Dhawraha, waxaana kamid ah waxyaaabaha aan idiin soo gudbin doono:

1) $4 milyan oo ay lunsatay wasaaradda maaliyadda oo uu Hanti Dhawraha si xeeladeysan u qariyey

2) Hantida Dhawraha oo u shaqeeyo wasaaradda Maaliyadda, sideese ku dhici kartaa inuu la xisaabtamo

 

Shariif Xasan iyo taliyayaasha ciidamada oo la iska hor keenay iyo xaaladda oo meel xun mareysa

Baydhabo (Caasimada Online) – Xogta ay heleyso caasimadda online ayaa xaqiijineyso in la iska hor keenay taliyaasha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynahooda Shariif  Xasan Shiikh Aadan, waxaan arrintaas ka shaqeeyey xildhibaano ku kacsan madaxweynaha.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa ka faa’ideystay jaaniska ah inaan ciidamada maaulka Koonfur Galbeed bilihii ugu dambeeyey la siin wax mushaar ah waxayna u sheegeyn sarakiishada ciidamada in Shariif Xasan uu isaga lunsaday mushaarkooda.

Xildhibaanada ayaa u mahad celiyay Saraakiisha iyo ciidamada Maamulka Koonfur galbeed oo ay sheegeen inay ku shaqeynayaan duruuf adag iyo waliba Mushaar la’aan modooyinkii dambey heysatay  ciidanka.

Xildhibaanada ayaa kashifay sir ah in mushaarka Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed loo soo dhiibay madaxweyne Shariif isla markaasna uusan dooneyn inuu bixiyo mushaarkaas, waxayna ku eedeeyeen inuu ku fushaday arrimo gaar u ah isaga.

Sidoo kale waxay shariif Xasan ku eedeeyeen inuusan marnaba ku fakareyn inuu wax u qabto shacabka iyo ciidamada Maamulka Konfur galbeed, waxayna ku tilmaameyn foolxumadii ugu dambeysay inuu madaxweynaha lunsado mushaarkii ciidamada lahaayeen.

Xildhibaanadaan ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Baydhabo waxaayna kulankaas kaoo qeybgalay qaar ka tirsan saraakiishada Ciidamada Koonfur Galbeed, waxayna saraakiisha kula dardaameyn inay meel iska saaraan Madaxweynaha.

Qaar badan oo ka mid ah saraakiishaas ayaa durba la xiriiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan, waxayna ku wargeliyeen inaysan sidaas u dulqaadan doonin haddii uusan sida ugu dhaqsiyaha badan ku bixin mushaarka ciidamada.

Sidoo kale XIldhibaanadaas ayaa ka shaqeenayo sidii mooshin ka dhan ah madaxweynaha loo hor geyn lahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed, dhankiisa Shariif Xasan wuxuu isku dayayaa inuu arrintaas ka hor imaado.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xog: Jawaari oo Farmaajo iyo Kheyre ku dhaliilsan hal arrin iyo 3 wasaaradood oo wali leysku heysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran aan sidaa usii weyneyn ayaa waxa uu wali ka dhex aloosan yahay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha BFS Jawaari.

Muranka ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haya Cadadka Golaha Wasiirada oo xadka dhaafay, waxaana lasoo warinayaa in Jawaari uu aad uga soo horjeedo in tirro dhan 25-30 laga dhigo Golaha Wasiirada.

Jawaari ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ka dalbaday in cadadka Golaha la gaarsiiyo 20 hayeeshee waxaa dhagaha ka fureystay labada Mas’uul.

Jawaari ayaa kasoo horjeeda in sida la doonaayo loo kordhiyo cadadka Golaha Wasiirada waxa ayna taa sababtay in dhowr jeer uu dib u dhac ku imaado ku dhawaaqida Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada cusub oo tiradooda lagu sheegay (30 Wasiiro , 30 Wasiir ku-xigeenno iyo 10 Wasiiru dowlayaal), taasi oo ka dhigan in liiska lagu arki doono Wasaarado cusub sida Dalxiiska, Deegaanka, Dib u heshiisiinta iyo kuwa kale ayaa sababi karta in loo waayo Wasaaradahaasi xarumo ay ku shaqeeyaan waana sababta uu Jawaari uga soo horjeedo cadadka aadka u faraha badan.

Wasiirada aadka u farahabadan ayaa waxaa ku adkaan doono inay helaan xarumo ay saldhigtaan waa haddii aanay Xukuumaddu u howlgelin dib u dhiska iyo faarujinta xarumihii hore ee dowladda oo dad ay deegaansadeen.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Dib u dhaca shaacinta Golaha Wasiirada loo cuskaday culeysyo ka jira qancinta Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kasoo horjeeda cadadka Golaha ee aadka u farabadan iyo xulidda shakhsiyaadka Wasiirro ka kala noqon lahaa Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Gaashaandhigga oo ah seddexda Wasaaradood ee ugu saameynta badan dowladda marka la eego Wasaaradaha loogu yeero Darajo “A”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ku loolamayaan shakhsiyaad hore Wasiirro u ahaa iyo diblomaasiyiin ayaa dad badan ay eegayaan qofka loo huwin doono.

Tan iyo markii la magacaabay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa soo kordhaayay Khilaafka u dhexeeya Seddexda mas’uul ee ugu sareysa iyo Beelaha kaa oo salka ku haya sad bursiga beelaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Taliyaashii hore ee Nabadsugidda oo ka bixi la’ xafiiska Kheyre, maxay doonayaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinayo in taliyayaashii hore ee nabad sugidda Soomaaliya ay maalmihii ugu dambeeyey ka bixi la’ yihiin xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo kan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo horey usoo noqdeyn taliyayaasha nabadsugidda Soomaaliya ayaa ku jiro ololihii ugu dambeeyey oo ay ku raadinayaan xil wasiir.

Cabdiraxmaan Tuuryare oo nin kasoo jeedo Beesha Wacaysle, sidoo kalana wuxuu aad ugu dhawaa dowladii Xasan Shiikh Maxamuud ee waqtigeeda dhamaaday, wuxuuna usoo xusul duubtay sidii uu uga soo dhex muuqan lahaa golaha wasiirada ee la filayo inuu asbuuca soo socdo ku dhawaaqo Ra’isulwasaare Kheyre.

Tuuryare ayey ka go’an tahay sidii uu xilkaas u heli lahaa wuxuuna arrintaas u marayaa dad saaxiibo dhaw la ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ilaa haddana nalooma caddeyn nooca wasiirka uu doonayo inuu helo.

Dhanka kale, waxaa dhankiisa isna ololo weyn wado taliyihii hore ee ciidamada Nabadsugidda qaranka Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo ay heysato caqabad kasoo wajheyso awood qeybsiga beeshii Habargidir maadaama siyaasiyiin badan oo ay isku beel yihiin ay isku soo sharaxeyn xilka madaxweynimo ee maamulka Galmudug, haddii uu ku guuleysto mid kamid ah beeshiisa Fiqi shaki la’aan wuxuu weyn doonaan inuu helo wasiir.

Lama qiyaasi karo halka uu kusoo dhammaan doono dadaalka ay wadaan labadaan nin oo ay dhanka kale ka heystaan caqabado badan oo kaga imaanayo dhanka beelahooda, balse waxaa hubaal ah in liiska wasiirada la diyaariyey lamana ogo hadii ay kamid yihiin iyo haddii kale.

Golaha wasiirada ayaa la filayey in xalay fiidkii lagu dhawaaqo balse midaas ma dhicin dib ayey u dhacday sababo aan si rasmi ah loo ogeyn awgeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog kusoo korortay hub uruursiga Puntland iyo Kooxihii afduubtay markabka

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Xaabo oo 5-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Caluula ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ka taagan tahay xiisad.

Wararku waxa ay sheegayaan in xiisada ay tahay mid u dhexeysa Ciidamada maamulka Puntland iyo Kooxdii Afduubatay Markabka.

Dadka ku dhow dhow deegaanka ay ka taagan tahay xiisada ayaa sheegay in la arkaayo ciidamo ka tirsan maamulka oo aad u hubeysan kuwaa oo duulaan ku ah Kooxaha wali heysta Markabka.

Ciidamada Puntland ayaa ku hubeysan Hub kala duwan oo ay ku doonayaan inay kusoo furtaan Markabka, halka Kooxaha afduubka ku heysta Markabka ay iyaguna wataan Hub aad u farabadan.

Xiisadan ayaa timid kadib markii kooxdii Burcad badeeda ee Afduubatay Markabka ay la aadeen Degaanka Xaabo oo 5-KM dhanka Waqooyi ka xiga Degmada Caluula, waxaana dhabagal ku haya Ciidamada Puntland.

Ciidamada Maamulka Puntland oo isugu jira kuwa Badda iyo dhulka ayaa shalay waxa ay gaareen degmada Caluula ee Gobolka Bari oo ah halka Kooxda dhalinyarada ah ay ku heystaan Markabka.

Xaalada ayaa ah mid adag waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Kooxaha Afduubka geystay.

Dhinaca kale, dadka qaar ayaa isaga baxaaya eeryada deegaanka ay ka socto gulufta.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

Xaakim heer Federaal ah oo amarka Trump hakiyay inta aanu dhaqangelin

Hawaii (Caasimadda Online) – Xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka Hawaii, ayaa si kumeelgaar ah u joojiyay mamnuucidda uu madaxweyne Trump saaray dadka ka yimaada 6 dal oo Muslim ah.


Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa 7-da aroornimo saacadda geeska Afrika, ayaa waxaa dacwado ka dhan ah laga furay 7 gobol oo kala ah Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii.

Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga.

Amarka ayaa dhigaya in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin muwaadhiniinta dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga.

Dalka Ciraaq oo todobo ku ahaa dalalkan ayaa liiska laga saaray, ka dib markii uu ogolaaday in muwaadhiniintiisa dooneysa in ay galaan Maraykanka lagu soo rogo baaritaan dheeraad ah.