25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xoghayihii gaarka ahaa ee Jeneraal Caydiid oo jawaab ka bixiyey wareysigii Bariise

Waxaan dhageystay wareysi uu bixiyay Wariye Bariise, oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ururkii USC, Jeneraal Caydiid, iyo faragelintii Soomaaliya ee ciidamadii shisheeye ee uu hoggaaminayey Mareykanku. Runtii, dhammaan waxa uu sheegay waxaa ku jiray been aan Alle (SW) lagala xishoon.

Taariikhda falsafadda, filoosofyo badan ayaa ku eedeeyay aabihii falsafadda Giriigga, Socrates (399 BC) – macallinkii Plato (428 BC) – iyo Plato oo isna macallin u ahaa Aristotle (384 BC) – inuu diiday inuu wax qoro si uu uga tago cilmigiisa oo qoran. Socrates wuxuu ku dooday in haddii uu buug qoro, qof aan aqoon lahayn uu akhrisan doono, si khalad ahna u fahmi doono, dabadeedna fahamka qaldan dadka ugu faafin doono, isaga oo aan buuggu awoodin inuu yiraahdo: “War, sidaas iima fahmin.” Sidaas darteed, wuxuu ku casuumi jiray qof kasta oo dood cilmiyeed qaba in lagu doodo fagaaraha Akadeemiyadda.

Bulshada maanta ku nool Age of Information and Technology waxay ogyihiin in internetku keenay laba arrimood oo waaweyn:

  1. Fursad xor ah oo qofku kusoo bandhigi karo fikradihiisa iyo dareenkiisa.
  2. Xorriyad fowdo ah oo qofka u saamaxaysa inuu hadlo waxa uu doono, xitaa haddii ay tahay been cad.

Waxaan aad u riyaaqay sida aqoonta, xaqiiqda, iyo xushmadda leh ee Prof. Ingiriis ugu jawaabay Wariye Bariise. Jawaabtiisu waxay ahayd mid cilmi ah, xaqiiqo ku dhisan (academically and objectively). Qofkan loo necebtahay, wax looma necbo xaqiiqo sheeggiisa awgeed. Been-abuurkuna waa ceeb, gaar ahaan haddii aad isku sheegto qof waxgarad ah.

Aniga oo ah xoghayihii gaarka ahaa iyo kaaliyaha Jeneraal Caydiid, waxaan qoray ilaa sideed buug, oo ka mid yahay The Battle of Mogadishu (ama Dagaalka Ranjariiska). Jeneraal Caydiid wuxuu igu sharfay in qoraal aan aniga iyo Dr. Axmed Moallim Muqtaar ku soo bandhignay joornaalka The Weekly Review ee Kenya uu ku soo daro buuggiisa Mohamed Farah Hassan and His Vision for Somalia.

Waxaa xaqiiqo ah in Prof. Ingiriis si waafi ah ugu jawaabay Bariise, halka Bariise uu ka faa’iideystay xorriyadda fowdada ah ee internetka, taas oo aan ugu magacdaray Democratic Anarchism. Qodobada Prof. Ingiriis uu ku naqdiyay Bariise waa kuwo qof kasta oo xaqiiqo raadinaya uu si sahal ah u hubin karo, maadaama uu daliil ahaan u soo bandhigay buugag, qoraallo, iyo taariikh sax ah.

Prof. Maxamuud Cabdi Cilmi – Xoghayihii gaarka ahaa iyo kaaliyihii Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid

Xog: DF oo dardar gelisay qorshaha Gedo looga dhisayo maamul goboleed cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar-gelinaysa dadaallo lagu dhisayo maamul goboleed cusub oo laga hirgeliyo gobolka istiraatiijiga ah ee Gedo, tallaabo loolan siyaasadeed oo toos ah ku ah Dowlad-goboleedka Jubaland.

Qorshahan ayaa imanaya xilli iska hor-imaadyo culus ay ka socdaan kuwaas oo dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland meel u dhow xudduudda Kenya, halkaas oo Isniintii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa booliska Jubaland.

Mas’uuliyiinta Federaalku waxay wadatashiyo ka bilaabeen magaalooyinka muhiimka ah ee Gedo, oo ay ka mid yihiin Beled-Xaawo iyo Garbahaarey, si loo dhiso maamul hoose oo daacad u ah Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka oo qayb ka ah wada-hadallada ayaa Caasimada Online u sheegay in hindisahani uu qayb ka yahay “istiraatiijiyad ballaaran oo xasilin iyo dib-u-heshiisiin ah,” si loo abuuro maamul “si dhab ah u matala rabitaanka dadka.”

Dhaqdhaqaaqan siyaasadeed wuxuu salka ku hayaa diidmada ay Dowladda Dhexe si cad uga hor timid aqoonsiga sharciyadda Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo dib-u-doorashadiisii sanadkii 2019 ay ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn dastuurka.

Qorshaha lagu dhisayo maamul kan Jubaland barbar socda oo laga hirgeliyo Gedo ayaa higsanaya in lagu xoojiyo awoodda Dowladda Dhexe, lagagana madax-bannaanaado maamulka Axmed Madoobe.

Isniintii, dagaal culus ayaa ka qarxay meel u dhow magaalada istiraatiijiga ah ee Beled-Xaawo, halkaasi oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ku eedeeyay Dowladda dhexe inay soo qaadday “weerar kedis ah oo aan laga filayn.” Waxa uu xaqiijiyay in ciidamadooda lagu amray inay dib u gurtaan si looga hortago dhibaato hor leh oo soo gaarta dadka rayidka ah, isagoo intaas ku daray, “Waxaan doonaynaa inaan dunida tusno cadaalad-darrada ka socota Gedo.”

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay “iska caabiyeen weerar gardarro ah” oo ay soo qaadeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu xaqiijiyay in labo askari ay kaga dhinteen dagaalka, isla markaana la qabtay toban dagaallame oo ka tirsan ciidamada Jubaland, waxaana lagu adkeeyay in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) ay “si buuxda u maamulayaan” xaaladda.

Saraakiisha Jubaland ayaa xaqiijiyay in Kornayl Cabdixuseen Giif, oo ahaa taliyahooda booliska ee gobolka Gedo, uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkaas.

Iska-hor-imaadkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee silsilad khilaafyo ah oo muddo dheer ka taagnaa gobolka Gedo, gobolkaas oo noqday goob lagu muujiyo loolanka awoodeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

Goobta istiraatiijiga ah ee uu Gedo ku yaal, oo xuduud la leh Kenya iyo Itoobiya, ayaa ka dhigaysa gacan ku hayntiisa hadaf muhiim ah. Toddobaadyo dhowr ah, ciidamada Federaalku waxay maamulayeen magaalada Beled-Xaawo, oo ah marin ganacsi oo muhiim ah, ka dib markii ay ka saareen ciidamada Jubaland.

Ciidamada la safan Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inuu hoggaamiyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo ah shakhsi muran badan dhaliyay, horayna u ahaa wasiirka amniga ee Jubaland xilligii Axmed Madoobe.

Janan ayaa markii dambe noqday nin baxsad ah ka hor inta uusan isbahaysi la samayn Dowladda Dhexe si uu u loolan-geliyo awoodda madaxdiisii hore, taasoo muujinaysa sida ay isbahaysiyada siyaasadeed ee Soomaalidu u yihiin kuwo is-bedbeddela oo shakhsi ku dhisan.

Taliye Janan wuxuu si toos ah ugu eedeeyay dalka deriska ah ee Kenya inay faragelin ku samaysay dhinaca Jubaland, oo ay muddo dheer xulufo ahaayeen.

“Dhufeysyada difaaca ee cadowga… waxaa qoday cagaf-cagafyo laga keenay Kenya,” ayuu yiri Janan, isagoo ku andacooday in Nairobi ay gargaar caafimaad ku siinayso magaalada Mandera ee dalka Kenya dagaallamayaasha Jubaland ee dhaawacmay.

Kenya si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymahan, balse waxay xiriir dhow la leedahay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

DF oo dardar-gelinaysa wax ka beddelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha qaabilsan dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay la-tashiyo ku saabsan wax ka beddelka cutubyada 10 ilaa 15 ee Dastuurka, oo ay gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya.

La-tashiyadan, oo socon doona laba maalmood, waxaa si wadajir ah u qaban-qaabiyay Hay’adda Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Guddiga Kormeerka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka.

Shirka ayaa isu keenay wakiillo ka kala socda hay’adaha dastuurka ee heer federaal, dowlad-goboleedyo iyo maamulka gobolka Banaadir, kuwaas oo ka wada tashanaya soo-jeedimaha wax ka beddelka cutubyada harsan.

Senator Siciid Cowke, Xoghayaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in lixda cutub ee ugu dambeeya lagu talo-galay in la-tashiyo wadajir ah ay yeeshaan dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu.

Hawlahan waxa daba socda kadib markii 12-kii Febraayo 2025 la soo gaba-gabeeyay latashiyadii cutubyada 5 ilaa 9, kuwaas oo sida la sheegay hadda diyaar u ah in loo gudbiyo Baarlamaanka Federaalka.

Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto shaqada dhammaadka bishan si uu u bilaabo dib-u-eegista soo-jeedimaha la diyaariyay.

Si kastaba, ansixinta afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka ayey weli taagan tahay dood, gaar ahaan cutubka 4-aad ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka, taas oo mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ka muujiyeen walaac.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo Axaddii shir ku yeeshay Villa Somalia ayaa ku kala tagay arrimaha wax ka beddelka dastuurka iyo doorashada.

Kooxda Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli isku haya cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyadoo doodda mucaaradka ay halkeeda taagan tahay, ayna dalbanayaan in laga laabto wax ka beddelka.

Mucaaradka ayaa Madaxweynaha ka dalbaday tanaasul dhab ah oo aan leex-leexad lahayn, si ay u guuleystaan wada-hadallada loona soo gaba-gabeeyo shirarkooda oo daba dheeraaday.

Inkastoo Xasan uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka, haddana weli ma jiro is-faham buuxa oo labada dhinac ah, xilli uu weli sii socdo qorshaha wax ka beddelka dastuurka.

UAE pushes covert plan to partition Sudan, sources say

CAIRO, Egypt – The United Arab Emirates (UAE) is actively pursuing a covert plan to partition Sudan, according to Arab and Western diplomatic sources. The move comes two years after Abu Dhabi was accused of fueling the country’s brutal civil war, a conflict that has plunged the nation into chaos and created the world’s largest displacement crisis.

This strategy mirrors the UAE’s playbook in other regional conflicts like Yemen and Libya, where it has exploited internal divisions to secure influence over resource-rich territories. Despite international condemnation, the UAE’s extensive military and financial backing for the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) continues unabated, sources confirm.

With the Sudanese Armed Forces (SAF), led by Gen. Abdel Fattah al-Burhan, regaining critical ground in the capital Khartoum and other strategic areas, the military momentum has shifted against the RSF and its commander, Mohamed Hamdan Dagalo, known as “Hemedti.”

In response to these battlefield losses, Emirati planners are reportedly pivoting to “Plan B”: creating a breakaway state in territories currently controlled by the RSF. Such an entity would guarantee the UAE a loyal proxy on the Horn of Africa and preserve its privileged access to Sudan’s vast gold reserves, fertile farmland, and critical Red Sea trade routes.

Evidence of this strategy is already emerging. Diplomatic sources revealed that the UAE recently facilitated a meeting in Nairobi, Kenya, between RSF leaders and allied tribal and political groups. The primary agenda was to finalize a political charter for a new separatist government, effectively laying the groundwork for a formal split.

A failed ceasefire and escalating brutality

The push for partition reportedly accelerated after a recent diplomatic gambit failed. The UAE proposed a Ramadan ceasefire to General al-Burhan, but he refused, demanding the unconditional surrender of the RSF. According to Sudanese and regional officials, this rejection was a turning point, prompting Abu Dhabi to fast-track its plan to establish Hemedti as the leader of a new statelet in western and southern Sudan.

Meanwhile, the RSF’s campaign of violence against civilians continues. While its leaders were meeting in Kenya, RSF fighters were accused of massacring more than 200 people, including children, in White Nile State. Eyewitnesses and human rights lawyers reported that civilians were slaughtered while attempting to flee across the Nile River, with harrowing footage showing a mass grave filled with victims wrapped in white shrouds.

The United States has formally accused the UAE-backed RSF of committing genocide. UN Secretary-General António Guterres described the conflict as “a catastrophe of unprecedented scale and brutality.”

A pattern of regional fragmentation

Analysts argue that partitioning Sudan would be consistent with the UAE’s broader foreign policy ambitions. This approach includes:

  • In Yemen: Backing southern separatist forces to control strategic ports and oil infrastructure.
  • In Libya: Empowering eastern strongman Khalifa Haftar to dominate key airbases and energy facilities.

This strategy of fragmentation allows Abu Dhabi to dominate key trade corridors, secure vital resources, and install loyal political proxies across Africa and the Middle East.

The war in Sudan, ignited in April 2023 after the collapse of a power-sharing agreement, has killed tens of thousands and displaced over 11 million people. Cameron Hudson, a senior fellow at the Center for Strategic and International Studies, warns of the dangerous implications of the UAE’s latest move.

“The RSF is trying to achieve at the negotiating table what it has failed to win on the battlefield,” Hudson noted, “with the UAE as the key enabler.”

Somalia pushes for new Jubaland administration

MOGADISHU, Somalia – The Somali federal government is accelerating efforts to establish a new regional administration in the strategic Gedo region, a direct political challenge to the Jubaland state that has now erupted into deadly violence.

The move by Mogadishu to bypass the Kismayo-based Jubaland leadership has culminated in fierce clashes between federal troops and Jubaland forces near the Kenyan border, where a senior Jubaland police commander was killed Monday.

Federal authorities have launched consultations across key Gedo towns, including Beled-Hawo and Garbaharey, to build a local government aligned with Mogadishu.

A federal official involved in the talks described the initiative to Caasimada Online as part of a “broader stabilization and reconciliation strategy” to create an administration that “truly reflects the will of the people.”

This political maneuver is rooted in the central government’s public refusal to recognize the legitimacy of Jubaland’s president, Ahmed Mohamed Islam, widely known as Ahmed Madobe, whose 2019 re-election it deemed unconstitutional.

The plan for a parallel government in Gedo aims to cement federal control and operate independently of Madobe’s administration.

Political tensions erupt into violence

The government’s political gambit has violently spilled over onto the battlefield. On Monday, intense fighting broke out near the strategic town of Beled-Hawo.

Jubaland’s Vice President, Mahmud Sayid Adan, accused the Mogadishu-based government of launching an “unprovoked surprise attack.” He confirmed that his forces were ordered to withdraw to prevent further civilian harm, adding, “We want to show the world the injustice happening in Gedo.”

Conversely, Somalia’s Ministry of Defence claimed its forces had “repelled an aggressive attack” by Madobe’s militias. A federal statement confirmed two of its soldiers died and said ten Jubaland fighters were captured, asserting that the Somali National Army (SNA) was in “complete control.”

Jubaland officials confirmed that Colonel Hussein Giif, their police commander for the Gedo region, was among those killed in the assault.

The conflict is the latest chapter in a protracted dispute over Gedo, a region that has become a proxy for the broader power struggle between the Federal Government of Somalia (FGS) and its federal member states.

Gedo’s strategic location, bordering both Kenya and Ethiopia, makes control over it a critical objective. For weeks, federal forces have controlled the vital commercial gateway of Beled-Hawo after ousting Jubaland troops.

The federal-aligned forces are reportedly commanded by Abdirashid Janan, a controversial figure who previously served as Jubaland’s security minister under Madobe. Janan later became a fugitive before aligning with the central government to challenge his former boss’s authority, highlighting the fluid and personal nature of Somali political alliances.

Accusations of foreign interference

The conflict carries a significant international dimension. Commander Janan directly accused neighboring Kenya of intervening on behalf of Jubaland, a long-standing ally.

“The enemy’s defensive trenches… were dug by a bulldozer from Kenya,” Janan claimed, alleging that Nairobi was providing medical aid in the Kenyan town of Mandera to wounded Jubaland fighters.

Kenya has not formally responded, but its government has historically viewed the Jubaland administration as an essential buffer zone against the Al-Shabaab insurgency. Nairobi has been a primary international backer of President Madobe, a policy detailed in analyses by institutions like the International Crisis Group.

With Mogadishu pressing its political project and both sides locked in a military standoff, the situation in the Gedo region remains tense, threatening to destabilize further a part of Somalia already beset by conflict and humanitarian challenges.

Jubaland oo Mahad Salaad ku eedeysay dagaalkii maanta iyo tallabada ay qaadeyso

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa hey’adda NISA iyo Agaasime Mahad Salaad ku eedeeyey dagaalka ka socda gobolka Gedo, isagoo sheegay in hay’addaas ay ku soo duushay dadkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Sayid Aadan ayaa intaas ku sii daray inay u dacwoonayaan caalamka, maadaam ay yihiin dad dowladoodii ay ku soo duushay sida uyu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ee aagga Beledxaawo joogay saakay weerar gaadmo ah lagu qaaday oo la laayey.

“Markii aan arkay masuuliyad darada ay ku dhaqmayaan dadka ay soo dirsatay dowladda federaalka, waxaan ciidanka ku amray inay dib u baxaan oo wiilashu aysan isku dhamaan,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Waxaa la weydiiyey in ciidamadii Jubbaland ee dagaalka ku jabay ay u carareen dhanka Mandheera Kenya, wuxuuna taas ku tilmaamay been abuur, isagoo sheegay in ciidankii Jubaland ee saakay dagaalka galay ay weli joogaan aagga Beledxaawo.

Xildhibaannada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo ayuu madaxweyne ku-xigeenku ugu baaqay in arrintan ay xal u raadiyaan, si uu yiri “uusan u sii fogaan dagaalka.”

“Waxaan rabnaa inaan adduunka tusno xaqdarrada ka socota Gedo, ciddii ku kacdayna lala xisaabtamo. Annaga waxaa naga go’an in xabbadda la joojiyo oo colaadda la damiyo, balse Dowladda Federaalka iyadaa halkaan ciidan kusoo gurtay oo rabta inay xoog ku xukunto,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Maanta waxaa tuuloouyin hoos taga Beledxaawo ka dhacay dagaal culus, kaas oo ay ku dhinteen saraakiil u uku jiro Taliyihii Booliska ee Beledxaawo oo dhanka Jubbaland taabacsanaa iyo ciidan badan oo dhimasho iyo dhaawacyo ay kasoo gaareen dagaalka.

Hoos ka dhageyso  Wareysiga Madaxweyne ku xigeenka

 

Daawo: Odowaa oo askar toogasho u xiran hortooda digniin adag ku siiyey ciidanka

0

Janaale (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta goobjoog ahaa fagaare lagu toogtay labo askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga, kuwaas oo xiriir hoose la yeeshay Al-Shabaab, kadibna dilay Taliyahoodii.

Toogashadaas waxay maanta ka dhacday furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna Taliyaha Xoogga dalkaas ka diray digniin culus oo ay ku wanaa qaada karaan askarta mararka qaar xiriirka hoose la sameysata argagixisada.

“Qof kasta oo qarankiisa qiyaama, darajadii uu doono ha lahaadee, fagaaraha cadaaladda ayaa la geyn doonaa, sida kuwaan oo kale,” ayuu yiri Taliye Odowaa oo hortaagnaa Ciidan lagu feyliyey fagaarihii toogashada iyo labadii nin oo tiirka toogashada ku xiran.

Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad koofi) oo ka tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga, ayaa halkaas lagu toogtay maanta.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ragaas ku heshay inay sariirtiisa jiifka qarax miino ugu xireen Abaanduulihii Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Dhamme Ceydiid Maxamed Cali.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Liibaan Cali Yarow, ayaa ku sugnaa fagaaraha toogashada, isagoo dhankiisa digniin u diray askarta loogu yeero ‘labo kaarlayaasha’ ee si hoose ula shaqeeya Al-Shabaab.

Taliye Odowaa Yuusuf ayaa sheegay inay soo daahday in la toogto oo tiirka la geeyo kuwa la shaqeeya Al-Shabaab ee ka tirsan Ciidamada Qaranka, balse maanta kadib ay sidaan ku soca doonto oo deg deg loo tooga doono qofkii qarankiisa qiyaama.

“Qof kasta oo umadiisa qiyaama ceebtiisa ilaahey ayaa banaanka keeni doona, halkaan ayuuna ku dambey doonaa, sidaan ayaa loo tooga doonaa,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo goobjoog ahaa fagaarihii maanta lagu toogtay labada askari.

Hoos ka daawo

Rival Somali forces clash in Gedo; both sides trade blame

BELED-HAWO, Somalia – Deadly clashes erupted between Somali federal government forces and troops loyal to the semi-autonomous Jubaland State in the volatile Gedo region on Monday, with both sides offering conflicting accounts of the fighting and accusing the other of instigating the violence.

The battle, which took place near the strategic border town of Beled-Hawo, marks a dangerous escalation in the long-simmering political dispute between the central government in Mogadishu and the Jubaland administration. A senior Jubaland police commander was killed in the fighting, and both sides have reported casualties.

Jubaland’s Vice President, Mahmud Sayid Adan, accused the federal government and its National Intelligence and Security Agency (NISA) of launching an unprovoked “surprise attack.”

“The federal government has invaded our people, Adan told the BBC, adding that he had ordered his forces to withdraw to prevent further bloodshed. “We want to show the world the injustice happening in Gedo, and for those who perpetrated it to be held accountable.”

Conversely, the Federal Government of Somalia (FGS) issued a statement through its Ministry of Defence, claiming its forces had “repelled an aggressive attack by militias loyal to Jubaland’s President, Ahmed Madobe.

“Militias taking orders from fugitive Ahmed Madobe… launched an aggressive attack on the positions of the National Army, the federal statement read. It confirmed the deaths of two of its soldiers and claimed to have captured ten Jubaland fighters, asserting that its forces were now in complete control of the area.

A politically charged region

The fighting is the latest flashpoint in a protracted power struggle over Gedo, a region that has become a proxy battleground for the political conflict between Mogadishu and Jubaland’s leadership in the port city of Kismayo.

The core of the dispute lies in the central government’s refusal to recognize the legitimacy of Ahmed Madobe’s re-election as Jubaland’s president. Madobe, a former Islamist commander, has been a key, albeit complex, figure in southern Somalia and a crucial partner for neighboring Kenya in its security operations.

Gedo’s strategic location, bordering both Kenya and Ethiopia, makes control of the region a critical objective for both the federal government and Jubaland. For weeks, federal forces have controlled Beled-Hawo, a vital commercial gateway to Kenya, after ousting Jubaland troops from the town.

Monday’s clashes were centered in the village of Amiin, near a military base used by Jubaland forces. Jubaland officials confirmed that Colonel Hussein Giif, their police commander for the Gedo region, was among those killed in what they described as a “specifically planned assault by federal troops.

Accusations against Kenya

The federal forces in Gedo are reportedly under the command of Abdirashid Janan, a controversial figure whose shifting allegiances highlight the fluid and complex nature of Somali politics.

Janan was formerly the security minister for Jubaland under Ahmed Madobe before becoming a fugitive, only to later align with the federal government to challenge Madobe’s authority in Gedo. His presence at the head of the federal-aligned forces is a significant source of tension.

Adding an international dimension to the conflict, Janan accused neighboring Kenya of directly supporting the Jubaland forces.

“The enemy’s defensive trenches… were dug by a bulldozer from Kenya, Janan claimed in a statement. He also alleged that Kenya was providing medical treatment in the border town of Mandera to wounded Jubaland fighters and demanded that Nairobi respect Somalia’s sovereignty.

Kenya has historically viewed the Jubaland administration as a vital buffer zone against the Al-Shabaab insurgency and has been a primary backer of President Madobe. The Kenyan government has not yet responded to the allegations.

The situation in Beled-Hawo remains tense. While the federal government has called on Jubaland forces to surrender, Jubaland’s vice president has appealed for a peaceful resolution, urging local elders and politicians to mediate and “prevent the conflict from escalating.

The deep-seated political animosity, however, threatens to fuel further violence in a region already beset by instability.

Xaqiiqda ku hor gudban in Somaliland ay aqoonsi ka hesho dowladda Mareykanka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa in ka badan 30 sano ku hawlaneyd sidii ay u heli laheyd aqoonsi caalami ah, balse dadaalladaasi weli ma aysan miro dhalin.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa hadda miiska soo saaray qorshe cusub oo uu u wado Washington oo ah “in Mareykanka loo oggolaado dhismaha saldhig milatari iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka macdanta, beddelkeedana lagu helo aqoonsi diblomaasiyadeed.”

Qorshahan, inkasta oo sharaxaad ahaan u muuqdo mid sahlan, haddana dhanka fulinta waa mid aad u adag oo aan suurtagal u muuqan. Dhab ahaantii, Mareykanka uma baahna inuu aqoonsi ku bixiyo saldhig milatari.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu soo bandhigtay Washington fursad ay ka samaysan karto xarumo Berbera, Kismaayo iyo meelo kale, qayb ka ah iskaashiga amniga.

Ciidamada Mareykanka waxay ka howl-galaan gudaha Soomaaliya iyagoo oggolaansho ka helaya Muqdisho, inkastoo ay leeyihiin xiriir aan rasmi ahayn oo ka dhaxeeya Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa bixisa awoodda sharciga ah, taas oo ka dhigan in dowladda dhexe bixinayso, halka ay Somaliland fududeynayso dhanka dhulka, sida uu sheegay falanqeeye Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu yiri: “Mareykanku uma baahna inuu aqoonsado Somaliland ama dib u qeexo xuduudaha Soomaaliya. Indhaha Washington, Muqdisho waa kan leh awoodda rasmiga ah; Hargeysa-na waa mid raacsan hoggaankaas.”

Arrintani ma aha mid cusub. Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa hore ugu soo bandhigay Itoobiya marin badeed beddelkiis aqoonsi, qorshe ay dowladda dhexe ee Muqdisho si degdeg ah uga hortimid.

Labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa waxay si weyn ugu tiirsan yihiin taageerada milatari ee Mareykanka, gargaar bani’aadantinimo iyo mashaariic horumarineed. Istaraatiijiyad ahaan, hore ayay ugu jireen hooska amniga ee Washington.

Ololaha saldhig iyo aqoonsi

Ololahan cusub wuxuu u muuqdaa mid siyaasadeed halkii uu noqon lahaa guul diblomaasiyadeed dhab ah. Xukuumadda Cirro ayaa haatan wajahaysa cadaadis gudaha ah oo ay ka mid yihiin xiisadda Laascaanood, dhaqaale xumo baahsan iyo burburkii heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya.

Si kastaba, xaqiiqadu waxay tahay in Mareykanku uusan u arkin aqoonsi mid lagu beddelo saldhig, halka Somaliland-na aysan awoodin inay sharciyad caalami ah ku hesho kireynta dhulkeeda.

Aqoonsigu ma ahan badeeco ganacsi ee waa go’aan siyaasadeed oo saameeya nidaamka caalamiga ah, taas oo ay aad u yar tahay fursadda ay Washington uga beddeli karto heshiis kireysi milatari.

War ka cusub dil argagax leh oo xalay ka dhacay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil xalay ka dhacay magaalada Garoowe, kaasi oo koox burcad ah u geysteen wiil dhalinyaro ah.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabo Khadar Cabdi Yuusuf Nuur ayaa ka mid ahaa dhalinyarada gudaha magaalada uga shaqeysta mooto bajaajta. Marxuumka waxaa dilay koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey, sida uu xaqiijiyay Taliska Booliska Puntland.

Taliska oo war-saxaafadeed kasoo saaray kiiskan, ayaa shaaciyay in ciidamadu gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad ku eedeysan dilkan. “Ciidanka Booliska, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah tan iyo markii xalay abaaro 18:35 makhribnimo uu fal dil ah ka dhacay aagga Naaso Hablood,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri: “Ciidanka booliska ayaa markiiba gaaray goobta, waxayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan dad lagu tuhmayo kiiskan. Waxaa socda baaritaan rasmi ah, waxaana boolisku caddeeyeen in faahfaahinta dhabta ah laga war sugi doono inta hawlgalka baarista uu socdo.”

Taliska Booliska Puntland ayaa caddeeyay in bulshada ay la soo wadaagi doonaan faahfaahinta dhabta ah, isla markaana laga war sugo inta hawl-galka baarista uu socdo.

Hoos ka aqriso qoraalka:

August 11, 2025: Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah tan iyo markii xalay (August 10, 2025, abaaro 18:35 Makhribnimo) uu dhacay fal dil ah oo ka dhacay aagga Naaso Hablood ee magaalada Garoowe.

Falkan ayaa sababay geerida Khadar Cabdi Yuusuf Nuur (Ina Caasho Sulub), oo 25 jir ahaa, isla markaana ahaa darawal mooto-bajaaj. Sida ay sheegayaan warbixinada hordhaca ah ee booliska, marxuumka waxaa dilay koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey, kuwaas oo falka kadib goobta ka baxsaday.

Ciidanka booliska ayaa markiiba gaaray goobta, waxayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan dad lagu tuhmayo kiiskan.

Waxaa socda baaritaan rasmi ah, waxaana boolisku caddeeyeen in faahfaahinta dhabta ah laga war sugi doono inta hawlgalka baarista uu socdo.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta, qabashada eedeysanayaasha dambiyada, iyo in si degdeg ah loo horkeeno sharciga cid kasta oo ku lug leh falal amni-darro ah.

DF oo iska fogeysay inay weerarka bilowday, shaacisay saraakiil looga dilay dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Beledxaawo, iyadoo dowladdu iska fogeysay inay weerar ku qaaday ciidamada maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedkan oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Qaranka ee ka hawl-gala gobolka Gedo ay iska caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen ciidamada taabacsan Axmed Madoobe.

“Aroornimadii hore ee saaka ayaa maleeshiyaad ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe, una hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan, waxa ay weerar gardarro ah kusoo qaadeen fariisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka degmada Beledxaawo,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada taabacsan Dowladda Federaalka ay si guul ah isaga caabiyeen weerarka, isla markaana ay gacanta ku dhigeen toban ka mid ah ciidamada ay sheegtay inay weerarka soo qaadeen.

“Ciidanku waxay si buuxda ula wareegeen goobaha weerarka laga soo abaabulay. Xaaladda deegaankuna waa mid deggan, waxaana Ciidanka Qaranku ay si buuxda ugu hawlan yihiin xaqiijinta amniga, ilaalinta xasilloonida, iyo badbaadinta shacabka ku nool gobolka Gedo,” ayaa lagu war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa shaacisay in dagaalka dhinacooda ay ku geeriyoodeen, Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex askari oo kale.

Ugu dambeyntiina, Wasaaraddu waxay ugu baaqday ciidamada Jubbaland ee taabacsan Axmed Madoobe in ay hubka dhigaan, isla markaana ay isku soo dhiibaan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Ciidanka Qaranka ee ka hawlgala gobolka Gedo ayaa iska caabiyay weerar ay kusoo qaadeen maleeshiyaad ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa maleeshiyaad ka amar qaata eedaysane Axmed Madoobe, una hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan, waxa ay weerar gardarro ah kusoo qaadeen fariisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka degmada Beledxaawo.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa si guul ah isaga caabiyay weerarkii, waxayna kala eryeen maleeshiyaadka, iyagoo gacanta ku dhigay toban ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. Ciidanku waxay sidoo kale si buuxda ula wareegeen goobaha weerarka laga soo abaabulay.

Intii lagu guda jiray hawlgalka difaaca, waxaa ku shahiday laba ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xooga Dalka: Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni. Waxaan Eebbe uga baryaynaa inuu shahiidnimadooda ka aqbalo. Saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana hadda lagu dabiibayaa xarumo caafimaad.

Hadda, xaaladda deegaanka waa mid deggan, waxaana Ciidanka Qaranku ay si buuxda ugu hawlan yihiin xaqiijinta amniga, ilaalinta xasilloonida, iyo badbaadinta shacabka ku nool gobolka Gedo.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay si adag u cambaareynaysaa ficillada gurracan ee ay ku kaceen maleeshiyaadkaas. Waxay sidoo kale bogaadinaysaa Ciidanka Xooga Dalka sida xirfadda iyo geesinimada leh ee ay u fashiliyeen isku dayga lagu carqaladeynayay amniga iyo midnimada dalka.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay si cad ugu digaysaa maleeshiyaadka uu qalday Axmed Madoobe inay hubka dhigaan, isku soo dhiibaan, kana waantoobaan ka qaybqaadashada falalka lagu beegsanayo jiritaanka qarannimada. Waxayna sidoo kale shacabka gobolka Gedo ugu baaqaysaa inay garab istaagaan Ciidanka Qaranka iyo taliyayaashooda si looga hortago khatar kasta oo ku soo fool leh amniga dalka.

C/rashiid Janan oo eedeyn culus u jeediyay Kenya, kana dalbaday inay soo dhiibto…

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha NISA ee maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Beledxaawo ayaa dalab culus u diray Dowladda Kenya.

Janan ayaa marka hore ku eedeeyay Kenya gacan siinta ciidamada ay is hayaan ee taabacsan Axmed Madoobe. Waxa uu sheegay in gaadiidkooda cagafta ay difaacyada u qodeen ciidamada Jubbaland oo ay kula dagaallameen duleedka magaalada Beledxaawo.

“Waxaad arkaysaan dhufeysyadii ay qoteen cadowga, waxaa qoday cagaf laga leeyahay Kenya. Ma aqbali karno in cagaf dal kale laga keeno difaac uu u qodo cadowga,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Janan waxa uu Dowladda Kenya ka dalbaday inay soo dhiibto gaadiidka ku buufsan summadda Soomaaliya, isla markaana ay dhowrto derisnimada labada dal.

Sidoo kale, waxa uu arrin dhaawac ku ah derisnimada labada dal ku tilmaamay in Kenya ay qaabbishay dhaawacyada ciidamadii ay la dagaallameen ee maamulka Jubbaland, ayna haatan ku daaweynayso Mandheera.

Dagaalka maanta oo ahaa mid culus ayaa waxa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah, iyo dadka shacabka ah, inkasta oo aysan jirin tiro si rasmi ah oo illaa haatan la xaqiijiyay.

Dhankeeda, Jubbaland oo ka hadashay dagaalka ayaa ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ku eedeysay inay soo qaadeen duullaanka.

Ciidamada Jubbaland ee taabacsan Axmed Madoobe ayaa la sheegay in maalmihii dambe ay isku urursanayeen tuullo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, taas oo dagaalka xooggiisu uu ka dhacay maanta.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa toddobaadyadii dambe gacanta ku hayay Beledxaawo, oo ah magaalo istaraatiiji ah, kadib markii ay dagaal uga saareen ciidamadii maamulka Jubbaland.

Taliye sare oo ka tirsan Jubaland oo la xaqiijiyay in uu ku dhintay dagaalka Gedo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal xooggan oo maanta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka ku dhexmaray duleedka magaalada Beledxaawo.

Dagaalkan ayaa ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla Tuulada Amiin ee gobolka Gedo, oo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalka ayaa sababay geerida Korneyl Xuseen Giif, oo ahaa taliyaha booliska Jubbaland ee gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo kala duwan. Maamulka Jubbaland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhimashadiisa.

Sidoo kale, waxaa la soo warinayaa in askar ka tirsan Jubbaland ay ku dhinteen, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen weerarka. Weerarkan oo u muuqday mid si gaar ah loo qorsheeyay ayaa waxaa fuliyay ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

Ciidamadan ayaa la wareegay hub iyo gaadiid dagaal oo yaallay saldhigga, iyagoo soo bandhigay askar ay nolosha ku qabteen. Weerarkan ayaa muujinaya sida ay uga sii dareyso xiisadda ka taagan gobolka Gedo, iyadoo labada dhinac ee halkaasi isku hayay uu mid walba doonayo gacan ku haynta gobolka.

Jubbaland ayaa dhankeeda, waxay weli ku adkeysaneysaa sheegashada madax-bannaanida maamulka gobolka Gedo, xilli Dowladda Federaalka ay ka biyo diiday dib-u-doorashadii Axmed Madoobe.

Labada dhinac ayaa khilaafkoodii siyaasadeed u rogay mid toos ah, kaasi oo uu saldhig u noqday gobolkaasi.

Si kastaba, ma jiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka maanta, waxaana la filayaa in dowladdu ay faahfaahin dheeraad ka bixiso saacadaha soo socda.

Jubbaland oo war kasoo saartay dagaalka maanta, baaq lama filaan ah u dirtay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dagaalka saaka mar kale ka qarxay gobolka Gedo, gaar ahaan duleedka Beledxaawo, kaasi oo mas’uuliyaddiisa ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in duullaanka ay bilaabeen ciidamada taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu shaaca ka qaaday in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadooda iyo kuwa Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan. Maxamuud Sayid ayaa tilmaamay in dhaawacyada la geeyay magaalada Mandheera.

Xildhibaannada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo ayuu madaxweyne ku-xigeenku ugu baaqay in arrintan ay xal u raadiyaan, si uu yiri “uusan u sii fogaan dagaalka.”

“Waxaan rabnaa inaan adduunka tusno xaqdarrada ka socota Gedo, ciddii ku kacdayna lala xisaabtamo. Annaga waxaa naga go’an in xabbadda la joojiyo oo colaadda la damiyo, balse Dowladda Federaalka iyadaa halkaan ciidan kusoo gurtay oo rabta inay xoog ku xukunto,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Marka laga yimaado hadalka Maxamuud Sayid, waxaa soo baxaya warar sheegaya in saraakiil ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen dagaalkii saaka.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa ka dhacay Tuulada Amiin ee duleedka magaalada Beledxaawo, gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay weerar qorshaysan ku qaadeen cutubyo ka tirsan Jubbaland, kuwaas oo maalmaihii la soo dhaafay isku urursanayay tuuladaasi oo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Si kastaba, dagaalka maanta ayaa kusoo beegmaya xilli horraantii dhammaadkii bishii hore ciidamada Dowladda Federaalka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledxaawo.

Askar taliyahoodii u shirqoolay Al-Shabaab oo la toogtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad Koofi) oo ka tirsanaa Guutada 14 Oktoobar.

Labadan askari ayaa horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ugu riday xukun dil ah.

Waxaa la sheegay in iyagoo u adeegaya kooxda Al-Shabaab ay qarax ku dileen AUN Abaanduulahii Ururka 83-aad Ex Dhamme Xoogga Dalka, Ceydiid Maxamed Cali.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii sariirtiisa ay ugu dhajiyeen miino.

Xukunkan ayaa noqonaya kii labaad oo toogasho ah oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay fulisay muddo kaddib.

7-dii bishaan ayay maxkamaddu sidaan oo kale toogatay saddex ruux oo ku eedeysnaa dilal waqtiyo kala duwan dhacay, isla markaana xukun lagu soo riday.

Xabsiyada Muqdisho ayaa waxaa ku xiran dad loo xukumay in ay dilal geysteen, kuwaas oo qaarkood yihiin ciidamo ka tirsan dowladda, halka kuwa kale ay yihiin xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, kuwaas oo sugaya goorta lagu fulinayo xukunnada ay maxkamaddu ku riday.

Hawlgal culus oo cir iyo dhul ah oo maanta ka socda…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Hawl-gallo culus oo cir iyo dhul ah ayaa saaka aroorti ka bilowday buuraha Xabley ilaa togga Baallade, halkaasi oo ay ku harsan yihiin firxad ka tirsan ururka Daacish.

Hawl-gallada socda oo iska kaashanayaan ciidamada difaaca Puntland iyo saaxiibada caalamiga ayaa imanaya xilli ciidamadu ay todobaadkan jiho kasta kaga dhaqaaqeen togga Baallade ilaa buuraha Xabley, oo ay ku dhuumanayaan xubnihii hore uga badbaaday hawl-galkii togga Miraale

Diyaaradaha dagaalka Puntland oo dusha sare ka ilaalinaya ciidamada ayaa saaka duqeymo aan kala joogsi lahayn ku garaacaya godad ay ku go’doonsan yihiin argagixisada, halkaasi oo laga arkayo qiiq iyo uuro is qabsaday.

Duqeymaha waxaa sidoo kale qeyb ka ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo garaacaya godadka adag, kuwaasi oo xalay fuliyay duqeymo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

Weeraradan ayaa si weyn u taageera ciidamada difaaca Puntland ee haatan howl-gallada culus ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ma jirto illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland iyo Mareykanka oo ku aadan khasaaraha hawl-galladan baaxadda leh.

Si kastaba, Guulaha laga gaaray howl-galka Hillaac ayaa la sheegay inay yihiin kuwa si buuxda u wiiqay awooddii ururka Daacish ee gobolka, inkasta oo weli loo baahan yahay feejignaan dheeri ah oo ku wajahan ragga firxadka ah iyo isku daygooda ah inay dib usoo abaabulaan.

Dagaal culus oo maanta dib uga qarxay gobolka GEDO

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dib uga qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Iska horimaadkan xooggan ayaa weli ka socda Tuulada Aamin, oo hoostagta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, oo dhawaan ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay weerar qorshaysan ku qaadeen cutubyo ka tirsan Jubbaland, kuwaas oo maalmahii la soo dhaafay isku urursanayay Tuulada Aamin, oo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud, iyadoo jugta hubka culus laga maqlayo masaafooyin fog.

Ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka, mana jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee isku haya goobta dagaalka.

Dagaalka maanta ka qarxay duleedka Beledxaawo ayaa kusoo beegmaya xilli horraantii dhammaadkii bishii hore ciidamada Dowladda Federaalka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledxaawo.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online.

Mashruuc $6 bilyan ah oo Soomaaliya ay ku dhigeyso taariikh aan ka dhicin Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa inay noqoto dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo dayax-gacmeed ka rida dhulkiisa, waana horumar aan la filayn oo ku soo beegmaya xilli uu dalku weli ka soo kabanayo soddon sano oo dagaal sokeeye ah.

Iskaashigan hawada sare, oo ku kacaya $6 bilyan oo ay Soomaaliya la gashay Turkiga, ayaa imaanaya 13 sano kaddib aasaaskii dawladda federaalka, xilli gargaarka caalamiga ah ee dalka la siinayay intiisa badan uu diiradda saarayay amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Hadda, waxaa xeebta Badweynta Hindiya ka socda dhismaha xarun dayax-gacmeedyada laga rido, iyadoo ridistii ugu horreysay la qorsheeyey dabayaaqada sannadka 2025.

“In dayax-gacmeed laga rido Soomaaliya oo uu hawada sare u baxo waa guul aad u weyn, oo qiimaheedu ka weyn yahay dhowr bilyan oo doollar,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay qorshahan.

Iskaashiga lala galay Turkiga ayaa ah mid ka mid ah maalgashiyadii shisheeye ee ugu ballaarnaa taariikhda Soomaaliya, wuxuuna astaan u yahay isbeddel weyn oo ku yimid mudnaanyada istaraatiijiyadeed ee labada dal, iyagoo uga faa’iidaysanaya fursaddan si ay u gaaraan horumar dhaqaale iyo mid saynis.

Faa’iidada juquraafi

Soomaaliya waxay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo ku teedsan dhulbaraha, iyadoo dhulkeedu ku fidsan yahay dhinacyada waqooyi iyo koonfur. Dhinaca sayniska, goobtan juquraafiga ah ayaa ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha ugu habboon caalamka ee gantaal laga ridi karo.

Gantaallada laga rido goobaha u dhow dhulbaraha waxay ka faa’iidaystaan xawaaraha sare ee wareegga dhulka – oo gaaraya qiyaastii 1,670 km/saacaddii – taasoo yaraynaysa shidaalka loo baahan yahay, isla markaana kordhinaysa culeyska xamuulka uu qaadi karo.

Goobta loo asteeyey, oo ballaceedu yahay 30×30 km kuna teedsan xeebta dheer ee Soomaaliya (tan ugu dheer qaaradda Afrika), ayaa sidoo kale bixinaysa marin furan oo dhinaca bari ah, kaasoo ka sarreeya Badweynta Hindiya.

Intaa waxaa dheer, cimilada Geeska Afrika oo inta badan deggan ayaa arrintan saacidaysa. Tani waxay xaqiijinaysaa in qaybaha gantaalka ee soo go’a ay si nabadgelyo ah ugu dhacaan meel ka fog deegaannada dadku deggan yihiin.

Isbahaysi guul-wadaag ah

Xaruntan laga dhisayo Soomaaliya waxay ka jawaabaysaa dhowr hadaf oo muhiim u ah qorshe-hawleedka 10-ka sano ee Turkiga ee barnaamijka hawada sare, kaasoo lagu dhawaaqay sannadkii 2021-kii.

Qorshahaas waxaa ka mid ah in dayaxa si toos ah loogu dego sannadka 2028-ka, in la sameeyo nidaam dayax-gacmeed oo goobaha lagu hago (Global Navigation Satellite System) oo u dhigma kan GPS-ka, iyo in la tijaabiyo gantaallada riddada dheer.

Goobtan ayaa Turkiga u suurta-gelinaysa inay helaan saldhig ay gantaallada ka ridaan oo ku yaalla meel u dhow dhulbaraha, kana madax bannaan saamaynta hawlgallada NATO. Tani waxay siinaysaa dabacsanaan siyaasadeed iyo awood ay ku tijaabiyaan qalabkooda militari, iyadoo ay weheliyaan ridista dayax-gacmeedyada rayidka ah.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa la sheegay inuu warbixin dhiirigelin leh oo ku saabsan diyaargarowga saldhigga hawada sare ee Soomaaliya la wadaagay guddiga fulinta ee xisbigiisa talada haya ee AK Party, intii uu socday kulan gaar ah oo albaabadu u xirnaayeen.

Saraakiisha difaaca ee Turkiga ayaa tan iyo xilligaas xaqiijiyey in xaruntan loo adeegsan doono goob lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer, laguna taageerayo nidaamyada gantaallada ee Tayfun iyo Cenk, kuwaas oo loogu talagalay inay gaaraan bartilmaameedyo fog. Tani waxay ka dhigaysaa xarun naadir ah oo laba-adeegsi leh, looguna talagalay hawlaha hawada sare iyo kuwa difaacaba.

Dhinaca Soomaaliya, xaruntan waxay ballanqaadaysaa faa’iidooyin dhaqaale oo ballaaran, oo ay ku jiraan abuurista shaqooyin dhinacyada dhismaha, saadka, iyo culuumta sayniska, teknoolajiyadda, injineeriyadda iyo xisaabta (STEM).

Qodobbada heshiiska ee ku saabsan is-dhaafsiga teknoolajiyadda iyo barnaamijyada tababarrada ayaa looga gol leeyahay in lagu horumariyo khibradda gudaha ee dhinaca cirbixinta iyo warshadaha la xiriira.

“Waxaan aaminsanahay in faa’iidooyinka istaraatiijiyadeed ee muddada fog ee mashruucan ay aad uga miisaan culus yihiin faa’iidada dhaqaale ee degdegga ah. Faa’iidooyinka muddada fog ee mashruucani waa kuwo aad u ballaaran. Mashruucu wuxuu horseedi doonaa aqoon iyo hal-abuurnimo, isagoo abuuraya xirfado cusub, kobcinayana kartida dhallinyaradeenna, sidoo kalena abuuri doona shaqooyin,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud.

“Qaybta udub-dhexaadka u ah heshiisku waa in la kobciyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay taasi gogol-xaar ugu noqoto soo bixidda warshado iyo adeegyo cusub.”

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u ansixiyey mashruucan, taasoo muujinaysa taageero siyaasadeed oo ballaaran, inkastoo uu ku kacayo qarash dhan balaayiin doollar.

Saamaynta gobolka

Maalgashigan Turkiga ee Soomaaliya wuxuu qayb ka yahay ballaarinta istaraatiijiyaddooda ku aaddan hawlgelinta Afrika iyo saamayntooda sii kordhaysa ee qaaradda, taasoo ku dhisan mabda’a ‘guul-wadaagga’.

Joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika ayaa horay u kala duwanaa, oo isugu jiray tababarro militari, maamul dekedo, iyo bixinta gargaar bini’aadannimo. Hirgelinta xarun hawada sare laga dhiso Soomaaliya ayaa astaan u ah tallaabo weyn oo horumar ah iyo himilo ballaaran.

Tallaabadan, oo ka duwan kaalmadii horumarineed ee caadiga ahayd, waxay Turkiga ka dhigaysaa quwad caalami ah oo miisaan culus ku leh dhinacyada tiknoolajiyadda casriga ah iyo awoodda hawada sare.

Iyadoo uu dhismihii ka socdo goob aan la shaacin, labada dhinacba waxay si weyn ugu hamuun qabaan inay hiigsadaan cirka.

Labada dalba waxay si weyn ugu kalsoon yihiin iskaashigan u muuqda mid aan caadi ahayn. Soomaaliya waxay helaysaa tiknoolajiyad casri ah iyo kumanaan shaqo, halka Turkiguna uu helayo goob uu gantaallada ka rido oo ku taalla dhulbaraha, taasoo fulinaysa shuruudahooda istaraatiijiyadeed.

Waxaana sidaa ku bilaabmay tirsiga xilli cusub oo iskaashi ah.

Dagaal culus oo ka dhan ah midnimada Soomaaliya oo ka socda Washington, DC

0

Olole war-been-abuur ah oo cusub, si taxadar leh loo soo agaasimay, isla markaana si weyn loo maalgeliyey, ayaa ka hanaqaadaya magaalada Washington. Wuxuu ku andacoonayaa in dawladda Maraykanka ay isku diyaarinayso inay u aqoonsato Waqooyiga Soomaaliya, oo goobaha ololaha siyaasadeed looga yaqaanno “Somaliland,” inay tahay dal madax bannaan.

Sheegashadani waa been abuur. Dawladda Maraykanku wax isbeddel ah kuma samayn siyaasaddeeda. Mowqifkeedu waa sidii hore: Soomaaliya waa hal waddan, oo leh madaxbannaani iyo xuduud dhuleed oo taam ah. Haddana, inkastoo ay taasi jirto, waxaa isa soo taraya maqaallo, warbixinno ka soo baxa hay’adaha cilmi-baarista, iyo sheekooyin warbaahineed oo isku dayaya inay xaqiiqadaas ku beddelaan marin-habaabin iyo been abuur. Mashiinka ka dambeeya arrintan maaha mid ka yimid shacabka, balse waa mid ay shisheeye maalgelinayaan.

Xudunta ololahan waxaa ku jirta Taiwan. Iyadoo ka go’doonsan fagaaraha diblomaasiyadda caalamiga ah oo ku dhibtoonaysa sidii ay ku heli lahayd aqoonsi caalami ah, ayay Taiwan u weecatay olole xooggan oo ay ka dhex waddo Washington. Dawladda Taiwan waxay maalgelinaysaa shirkadaha ololaynta siyaasadeed (lobbying firms) iyo la-taliyeyaal dhinaca warbaahinta ah si ay u buunbuuniyaan fikradda ah in iskaashiga ay la leedahay Waqooyiga Soomaaliya uu yahay mid sharci ah. Shirkadahani waxay adeegsanayaan saamaynta ay ku leeyihiin Washington si ay u riixaan sheeko been abuur ah: in Waqooyiga Soomaaliya uu qarka u saaran yahay aqoonsi caalami ah, iyo in Maraykanku uu si hoose u taageersan yahay arrintan.

Tani run maaha. Waxay ka hor imaanaysaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Waxay sidoo kale wiiqaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, oo ah tan keliya ee uu Maraykanku u aqoonsan yahay dawlad sharci ah oo ka jirta dalka Soomaaliya. Laakiin danta Taiwan maaha Soomaaliya, ee waa Taiwan. Waxayna u adeegsanaysaa khilaafaadka gudaha ee Soomaaliya si ay guul uga gaarto loollanka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Shiinaha.

Istaraatiijiyadda Taiwan waxay ku dhisan tahay ka faa’iidaysiga dawladaha daciifka ah ama ku jira marxaladaha kala guurka. Waxay adeegsataa kaalmo dhaqaale, booqashooyin diblomaasiyadeed, iyo ololeyaal warbaahineed oo bartilmaameedsan si ay u abuurto dhalanteed aqoonsi iyo sharciyad ah. Marka laga hadlayo Soomaaliya, waxay heshay xulafo diyaar u ah oo ka tirsan hoggaanka siyaasadeed ee Waqooyiga Soomaaliya, kuwaasoo iyaguna leh dano u gaar ah oo ay ku doonayaan dal gooni ah. Laakiin isbahaysigan ujeeddadiisu maaha dimoqraadiyad ama xuquuqul insaan. Waa riwaayad siyaasadeed iyo ciyaar dano shisheeye.

Dawladda Federaalka Soomaaliya kama aysan fadhiisan arrintan. Bishii Luuliyo 31, 2025, waxay si guul leh u taageertay dhismaha maamul-goboleed cusub oo federaalka ka tirsan oo laga hirgeliyey waqooyi-bari. Tani waxay ahayd guul weyn oo caddaysay awoodda nidaamka federaalka. Waxay sidoo kale beenisay mid ka mid ah khuraafaadka ugu waaweyn ee ay adeegsadaan gooni-u-goosatada: oo ah in waqooyigu uu ku midaysan yahay hal maamul. Sidaasi maaha. Waxaa jira gobol Waqooyi-Galbeed, waxaana jira gobol Waqooyi-Bari. Ma jirto wax la yiraahdo “Somaliland” midaysan.

Xaqiiqadani waa muhiim. Waxay muujinaysaa in gobollada waqooyiga ay leeyihiin kala duwanaansho siyaasadeed iyo bulsho. Waxay caddaynaysaa in sheekada gooni-u-goosadka ay ku salaysan tahay mala-awaal. Dhismaha Dawlad-goboleedka Waqooyi-Bari ee hoos taga Dastuurka Federaalka ayaa ka dhigaya mid aan sharci ahaan iyo siyaasad ahaan toona suurtagal u ahayn in lagu andacoodo in Waqooyiga Soomaaliya uu yahay hal hay’ad siyaasadeed oo madax bannaan.

Haddaba, maxay tahay sababta sheekadan beenta ah ay ugu sii xoogaysanayso Washington? Jawaabtu waxay ku jirtaa awoodda ololaynta siyaasadeed (lobbying). Taiwan waxay ku bixinaysaa lacag aad u badan. Shirkadaheeda ololaynta waxay qorayaan maqaallo ra’yi ah, waxay saamaynayaan warbixinnada hay’adaha cilmi-baarista siyaasadda, waxayna riixayaan qodobo ay ku marin-habaabinayaan warbixinnada la siiyo dawladda Maraykanka. Waxay adeegsanayaan khariidado marin-habaabin ah, xog cod-bixin oo been abuur ah, iyo taariikh la qalloociyey. Waxay isticmaalayaan hay’adaha warbaahinta, ururada aan dawliga ahayn (NGOs), iyo diblomaasiyiin hore si ay farriintooda u xoojiyaan.

Kani maaha dadaal diblomaasiyadeed oo ka yimid shacabka. Waa dagaal ku salaysan war-xumo-faafin, waxaana loogu talagalay in lagu jahawareeriyo siyaasiyiinta, lagu kala qaybiyo Soomaalida, iyo in isku dhac looga dhex abuuro Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamka.

Waxaase ugu walaac badan aamusnaanta dad badan oo ay ahayd inay xaqiiqada ka hadlaan. Qaar ka mid ah aqoonyahannada iyo shakhsiyaadka siyaasadda Soomaalida ayaa ka aamusan arrintan. Maaha inay taageersan yihiin gooni-u-goosadka, balse waa sababtoo ah waxay dhayalsanayaan awoodda dacaayadaha casriga ah. Weli waxay ku shaqaynayaan caqligii sagaashamaadkii, xilligaas oo siyaasadda lagu gorgortami jiray wadahadal fool-ka-fool ah, ee aan lagu maamulin hawlgallo xogeed, wareegyo warbaahineed, iyo ololeyaal isku dubaridan.

Ma arkaan in ololahan uu qayb ka yahay ciyaar juqraafi-siyaasadeed (geopolitical) oo aad u weyn; mid ay ku lug leeyihiin safaarado, hay’ado caalami ah, machadyo cilmi-baaris, iyo warbaahinta reer Galbeedka. Kani maaha mid ku kooban hal dhinac. Waa hawlgal malaayiin doollar ah oo ka socda baro kala duwan, kana soo fidsan Taipei ilaa K Street.

Waxa halista ku jira maaha wax calaamad ah oo keliya. Cinwaan kasta oo la qalloociyo wuxuu daciifiyaa mowqifka Soomaaliya ee nidaamka caalamiga ah. Maqaal kasta oo marin-habaabin ah wuxuu shidaal siinayaa kuwa doonaya in Soomaaliya ay fashilanto. Isbeddel kasta oo siyaasadeed oo been abuur ah wuxuu wiiqayaa awoodda Dawladda Federaalka, wuxuuna xoojinayaa gacanta kuwa ka faa’iidaysta fowdada iyo kala-qaybsanaanta.

Soomaaliya waa inay kaga jawaabto si cad oo awood leh. Maaha xilligii khilaaf edeb ku dheehan la muujin lahaa. Waa xilligii si toos ah loola dagaallami lahaa been-abuurka. Dawladda Federaalku waa inay cadaadis saartaa saaxiibbadeeda si ay ugu hoggaansamaan siyaasadahooda la iclaamiyey. Waa inay la xisaabtanto safaaradaha marka ay u oggolaadaan shaqaalahooda inay riixaan ajandayaal aan rasmi ahayn. Waa inay daahfurnaan ka dalbataa hay’adaha cilmi-baarista iyo warbaahinta ee fagaare siiya sheekooyinka ay shisheeyuhu maalgeliyaan iyagoon xaqiiqadooda hubin.

Tan ka sii muhiimsan, Soomaalida lafteedu waa inay u baraarugto xaqiiqada dagaalka casriga ah ee xogta. Kuma filna in dacaayad shisheeye lagu tilmaamo oo la iska indhatiro. Waa in si nidaamsan loola dagaallamo. Taas macnaheedu waa in la dhiso awoodda warbaahinta, la maalgeliyo isgaarsiinta istaraatiijiga ah, lana magacaabo shirkadaha iyo dadka ololaynta wada ee mas’uulka ka ah. Waxay ka dhigan tahay in si cad loogu sheego Washington in Soomaaliya aysan iib ahayn.

Midnimadu maaha hal-ku-dheg oo keliya; waa mabaadi’da amniga qaranka. Aqoonsiga gobol kasta oo go’a wuxuu khatar gelinayaa xasilloonida dalka oo dhan iyo tan gobolka. Wuxuu dhiirigelinayaa sheegashooyin cusub oo gooni-u-goosad ah. Wuxuu dhiirranaan siinayaa kuwa qaska wada. Wuxuuna furayaasha madaxbannaanida Soomaaliya u gacan gelinayaa dawlado shisheeye.

Taiwan waxay xaq u leedahay inay u dagaallanto jiritaankeeda, laakiin xaq uma laha inay dagaalkaas ku qaaddo dhabarka midnimada Soomaaliya. Waa in la kashifaa kuwa lacagta lagu siiyo inay xaqiiqada ku qalloociyaan Washington. Soomaaliya waxay leedahay hal dawlad, hal calan, iyo hal dhul. Ma jiro olole siyaasadeed (lobbying) oo beddeli kara xaqiiqadaas.

Ismail D. Osman: Waa agaasime ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA). Wuxuu ku takhasusay qoraallada ku saabsan BRICS, amniga Geeska Afrika, iyo xaaladaha juquraafi-siyaasadeed (geopolitical) isagoo xoogga saaraya maamulka iyo amniga. Kala xiriir: [email protected]. Twitter: @osmando

Soomaaliya oo noqotay xarun laga gudbiyo hubka sharci-darrada ah ee ku socda dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan ay samaysay Israel Hayom ayaa daaha ka rogay faahfaahin ballaaran oo ku saabsan shabakad sirdoon oo casri ah oo Iiraan ay hubka ku gaarsiiso kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, iyadoo xeebaha Soomaaliya ay kaalin laf-dhabar ah ka qaataan hawlgalkan.

Xogtan cusub waxay ku salaysan tahay marqaati-fur ay bixiyeen shaqaalihii saarnaa markabka al-Sharwa, kaasoo dhawaan la qabtay isagoo isku dayayay inuu hub istiraatiiji ah geeyo dalka Yemen. Waxay qirteen inuu ahaa kii laba-iyo-tobnaad ee hawlgalladoodii tahriibinta.

Sida ay sheegeen shaqaalaha, shabakaddan waxaa si wadajir ah u maamula xubno ka tirsan ururka Xisbullah iyo Ciidanka Qudus ee ka tirsan Ilaalada Kacaanka ee Iiraan, iyagoo adeegsanaya isku-jir marinno badeed oo toos ah, kuwa dadban, iyo kuwo qarsoodi ah si ay uga gudbaan cunaqabataynta caalamiga ah.

Biyaha xuduudda Soomaaliya ayaa ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee marinadan, waxaana la sheegay in ciidamada Iiraan ay fariisimo hawleed oo horumarsan ku leeyihiin xeebaha Soomaaliya si ay uga soo abaabulaan hubka loo daabulayo dekedaha ay Xuutiyiintu ka taliyaan ee dalka Yemen.

Marqaati-furka ayaa lagu faahfaahiyay sida hub casri ah—oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah gantaallada baalistikada, teknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo hababka difaaca hawada—si xeeladaysan loogu qariyay shixnado ganacsi oo sharci ah.

Alaabooyin ay ka mid yihiin matoorrada korontada, qalabka korontada beddela (transformers), iyo bambooyinka warshadaha ayaa loo soo saaray warqado muujinaya in dalka Jabuuti yahay halka ugu dambaysa ee ay ku socotay. Xaqiiqadu se waxay ahayd in shixnadda loo sii diyaariyay in loo gudbiyo dalka Yemen marka ay soo gaarto Geeska Afrika.

Ciidamada ammaanka ee Koonfurta Yemen ayaa ogaaday dhagartan xeeladaysan markii ay kala fureen waxa loogu yeeray “qalabka warshadaha,” ayna ka dhex heleen habab radar oo casri ah, qalabka lagu hago gantaallada, iyo teknoolajiyad militari oo istiraatiiji ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas.

Shaqaalihii la qabtay ayaa tilmaamay saddex marin oo waaweyn oo hubka lagu tahriibiyo:

1- Marinka koowaad: Shixnado toos uga soo baxa dekedda istiraatiijiga ah ee Bandar Cabbas ee dalka Iiraan kuna socda dekedda al-Salif ee waqooyi-galbeed Yemen.

2- Marinka labaad ee Soomaaliya: Saldhigyo isugu gudbin ah oo ku yaalla xeebaha oo ay maamulaan Ilaalada Kacaanka ee Iiraan, taasoo u sahlaysa doonyaha yaryar inay hubka geliyaan biyaha Yemen iyagoo iska dhigaya doonyo kalluumaysi ama ganacsi.

3- Marinka saddexaad ee Jabuuti: Iyadoo la adeegsanayo shabakadaha maraakiibta ganacsiga iyo xubno maxalli ah si hubka loogu qariyo shixnadaha sharciga ah ka hor inta aan ugu dambayn loo gudbin Yemen.

Marinka Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu tilmaamay inuu ahaa mid lama huraan u ah sidii ay u furnaan lahaayeen waddooyinka sahayda, gaar ahaan xilliyada ay weerarrada militarigu carqaladeeyaan marinada kale.

Qaar ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa qirtay inay Soomaaliya ka soo qaadeen “kiimikooyin xasaasi ah,” oo loogu ekeysiiyay daawooyinka lagu daweeyo kansarka, kuwaasoo markii dambe ay ciidamada Iiraan u adeegsadeen samaynta shidaalka gantaallada baalistikada ah.

Qaar kale waxay ka sheekeeyeen inay ka qaybqaateen daabulidda saliid iyo hub si toos ah uga soo baxay biyaha Soomaaliya kuna socday dekedda al-Salif ee Yemen, iyagoo ka tallaabsanaya dadaallada kormeerka caalamiga ah.

Shabakaddan tahriibinta ah ayaa la sheegay inay kormeeraan saraakiil sar-sare oo Xuutiyiin ah oo si dhow ula shaqeeya la-taliyeyaal militari oo Iiraaniyiin ah:

  • Abu Jaafar al-Talbi: Ku xigeenka wasiirka gaashaandhigga ee maamulka Xuutiyiinta, ayaa mas’uul ka ah dhammaan saadka militariga wuxuuna xiriir toos ah la leeyahay Ilaalada Kacaanka ee Iiraan.
  • Hussein al-Attas: Madaxa “Hay’adda Guud ee Kalluumaysiga Badda Cas,” ayaa maqaamkiisa dhanka badda u adeegsada inuu badmaaxiin u qorto hawlgallada Iiraan isla markaana hagto hawlgallada ka imaanaya Soomaaliya iyo Jabuuti.
  • Eyad Atini: Ku xigeenka al-Attas, ayaa maamula hawlaha dekedaha ee al-Salif iyo al-Hudaydah.
  • Yahya Jiniya: Waxaa loo xilsaaray qorista iyo isku-dubbaridka kooxaha tahriibinta.
  • Ibrahim al-Moayad: Wuxuu qaabilsan yahay hawlaha maaliyadeed iyo bixinta lacagaha.
  • Mostafa al-Sharfi: Waa isku-xiraha ugu muhiimsan ee Ilaalada Kacaanka ee Iiraan; wuxuu bixiyaa adeegyada turjumaadda luuqadda Beershiyaanka, isku dubbaridaa safarka badmaaxiinta Yemeni-ga ah ee aada Iiraan, wuxuuna maamulaa saad-qaadista konteynarrada.

Marqaati-furka ayaa lagu faahfaahiyay sida ay tahriibiyeyaashu isaga kala gooshayeen Yemen, Soomaaliya, iyo Iiraan iyagoo adeegsanaya hu’ga ganacsi rayid ah, mararka qaarna waxay sii marayeen waddooyin isku murugsan oo dhowr waddan ka kooban: waxay ka duulayeen Sanca una socdeen Urdun, halkaasna uga sii gudbayeen Lubnaan, ka dibna Suuriya, ugu dambayna waxay u duulayeen Tehran ka hor inta aysan gaarin Bandar Cabbas. Halkaas, Ilaalada Kacaanka ayaa ku siin jiray tababarro dhanka hubka ah iyo warbixinno hawleed ka hor inta aan loo dirin hawlgallada marinada Soomaaliya, Jabuuti, iyo kan tooska ah ee Iiraan.

Waddo kale oo ka gaaban ayaa ahayd inay u gudbaan dalka Cumaan, oo inta badan dhex-dhexaadiya Xuutiyiinta iyo dawladaha Reer Galbeedka. Dhulka Cumaan, tahriibiyeyaashu waxay si toos ah uga duuli kareen Iiraan—waa waddo ay shaqaaluhu sheegeen in si badheedh ah loogu adeegsan jiray si looga faa’iidaysto xasaasiyadda diblomaasiyadeed ee gobolka.

Maraakiibta ka hawlgala marinka Soomaaliya ayaa la sheegay inay inta badan safraan habeenkii, iyagoo ku dhowaanaya xeebta si ay uga dhuuntaan roondooyinka ciidamada badda ee caalamiga ah ee kormeera marinnada Badda Cas si ay ula socdaan ku-xadgudubka cunaqabataynta.

Shaqaaluhu waxay xuseen in xeebta Soomaaliya ay leedahay dekedo yaryar iyo gacamo badan oo ku habboon is-dhaafsiga qarsoodiga ah, kuwaasoo intooda badan ka fog halka ay gaari karaan ciidamada badda ee si hufan u ilaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Koonfurta Yemen, Rakkan Ali Talyan, oo la hadlay telefishanka al-Jumhuriya, ayaa sheegay in marqaati-furku uu xaqiijinayo isku-xirnaanta qotada dheer ee Xuutiyiinta kala dhaxaysa xubnaha Xisbullah iyo kuwa Iiraan ee ku sugan Suuriya iyo Cumaan, iyo sidoo kale goobaha ay ka hawlgalaan ee ku yaalla xeebaha Soomaaliya.

Sirdoonka Yemen ayaa intaa ku daray in kaalinta Soomaaliya ay hadda aad ugu dhex milantay shabakaddan oo ay u shaqeyso sidii waddo joogto ah oo loo baxsado mar kasta oo ay hawlgallo militari carqaladeeyaan shixnadaha tooska uga yimaada Iiraan.

Ugu dambayn, baaritaanka Israel Hayom wuxuu ku soo gabagabaynayaa in Soomaaliya aysan ahayn oo kaliya marin la sii maro, balse ay tahay xarun hawleed oo muhiimad istiraatiiji ah u leh hawlgal tahriibin oo baaxad weyn oo isaga gudba qaaradaha Bariga Dhexe, Afrika, iyo Aasiya—shabakad loogu talagalay in lagu sii wado awoodda militari ee Xuutiyiinta ee Badda Cas iyo meelo ka baxsan, inkastoo ay sii kordhayaan weerarrada Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah waddooyinkooda sahayda.