28.4 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Xog: Madaxweyne Xasan iyo R/W Xamza oo ansixiyey hub la geeyo Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ansixiyay in hub iyo saanad militari la geeyo magaalada Laascaanood Jimcihii, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan.

Tallaabadaas ayaa halis u ah inay sii qoto dheerayso xiisadda kala dhaxaysa maamul-goboleedka Puntland, oo si xooggan uga soo horjeeda in la taageero SSC-Khaatumo, islamarkaana weli diidan jiritaanka maamulkaas.

Hubkan la diray ayaa ku soo beegmay ka hor shir Laascaanood lagu qabanayo oo loogu talagalay in si rasmi ah loogu dhiso maamulka “Khaatumo” oo taageero ka helaya dowladda dhexe—hindisahan oo ah mid siyaasad ahaan xasaasi u ah gobol ay horayba uga jireen is-qabqabsi dhuleed iyo loolan beeleed.

Mas’uuliyiinta deegaanka ee Puntland ayaa hor istaagay kulan gaar ah oo uu soo abaabulay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaasoo soo gaaray deegaanka Ceelbuh isagoo wata ciidamo ilaalo ah, kuna damacsanaa inuu ergooyin uga sii qaado shirka Laascaanood. Tallaabadaas ayaa loo arkay mid liddi ku ah saamaynta ay dowladda dhexe ku yeelanayso gobolka.

Saraakiisha Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Muqdisho inay hurinayso xasilooni-darrada iyo inay hub geysay deegaanka iyadoon la tashan maamullada maxalliga ah—arrintaas oo ku sheegeen “mid noqon karta ku xadgudub dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo dammaanad qaadaya mabaadi’da federaalka iyo awood-qaybsiga ee dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.”

“Tallaabada kali-taliska ah ee ay qaadday dowladda dhexe waxay wiiqaysaa awooddeena gobolka, waxayna khatar gelinaysaa isku-dheelitirnaanta jilicsan ee ka jirta waqooyiga Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Puntland, oo codsaday in aan la magacaabin.

Horumarkan ayaa sii kordhinaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex oognayd Muqdisho iyo Puntland, taasoo bilihii la soo dhaafay si isa soo taraysa isaga fogeynaysay dowladda dhexe, khilaafkaas oo salka ku haya is-maandhaaf la xiriira dib-u-habeynta dastuurka, habraacyada doorashooyinka, iyo maamulka kheyraadka.

Dowladda dhexe ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin arrinta ku saabsan hubka la geeyay iyo taageerada ay u hayso hindisaha Khaatumo.

Ciidanka Puntland ee Sanaag oo heegan buuxa la geliyay

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xiisad culus laga dareemayo gobolkaasi, taas oo u dhexeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Puntland ay haatan heegan buuxa gelisay ciidamadeeda ku sugan gobolka, si ay uga hortagaan abaabul culus iyo qorshe ay Villa Soomaaliya ka waddo halkaasi, si Sanaag loogu daro dhismeystirka SSC-Khaatumo.

Dadka ayaa innoo sheegay in sidoo kale ciidamo dheeraad ah la geeyay magaalooyinka y degmooyinka Dhahar, Xingalool iyo Ceelbuh, si ay u xoojiaan kuwii horay u joogay halkaasi.

Sidoo kale ciidamada Puntland ee lagu diyaariyay Sanaag ayaa la sheegay in qorshahooda uu yahay in ay is hortaag ku sameeyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka oo la filayo inay maanta gaaraan magaalooyinka Dhahar iyo Xingalool, si ay halkaas uga sii dardargeliyaan abaabulka culus ee ay Dowladdu ka waddo gobolkaasi.

Wafdigan culus ee ka baxay Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), kaas oo kasoo jeedo deegaanka, waxaana qorshihiisu yahay inuu dhaqaajiyo abaabulka ka socda Sanaag.

Dhinaca kale, wararka laga helayo gobolka ayaa intaasi kusii daraya in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la safan Villa Soomaaliya uu xalay isaga baxay deegaanka Ceelbuh, kadib markii ay la hadleen ciidanka Puntland ee ku sugan aaggaasi, wuxuuna aaday dhanka magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in wada-hadal dhexmaray isaga iyo saraakiisha ciidamada, kadibna la’isku afgartay in isaga iyo ciidamadiisa ay ka baxaan deegaanka, si looga hortago isku dhac hubeysan oo ka dhaca halkaasi.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo Villa Soomaaliya iyo Puntland, maadaama uu xoogeynayo loollanka u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo horay isugu haya arimaha siyaasadda, gaar ahaan dastuurka & doorashooyinka.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka wado gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaasi.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase xaaladdan soo korortay ay imaaneysaa, iyada oo shalay dowladda dhexe ay guda gashay dhammeystirka maamulka SSC, waxaana la magacaabay guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa howshaas.

Xog: Is-beddel ku yimid qorshihii ay ciidamada Masar ku iman lahaayeen Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib-u-dhac ayaa ku yimid oggolaanshaha iyo imaatinka ciidamada Masar ee Soomaaliya, taasi oo sababtay firaaq weyn oo ku yimid qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee Midowga Afrika. Arrintan ayaa khasabtay in ciidamada Burundi ay sii joogaan dalka muddo ka badan intii markii hore qorshuhu ahaa.

Sababtoo ah dib-u-dhacan, ciidamada Burundi oo qorshuhu ahaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bishii Juun, ayaa hadda sii joogi doona ugu yaraan lix bilood oo kale si ay gacan uga geystaan buuxinta baahida ciidan ee ka dhalatay la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah. Go’aankan ayaa waxaa gaaray Khamiistii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), oo ah hay’adda go’aannada ka gaarta arrimaha amniga qaaradda.

Kal-fadhigiisii 1287-aad, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda, Jeje Odongo, wuxuu ku soo gabagabeeyay in joogitaanka ciidamada milatariga iyo booliska ee goobta ay muhiim u tahay jihada istiraatiijiyadeed ee howlgalka iyo ka adkaanshaha al-Shabaab.

“Golaha Nabadda iyo Ammaanka wuxuu go’aaminayaa in dhammaan ciidamada milatariga iyo booliska ee Aussom ee hadda ku sugan aagga howlgalka, oo ay ku jiraan kuwa bixitaankooda la hakiyay 30-kii Juun 2025 sababo hawlgal awgood, ay xaq u yeeshaan taageerada saadka ee UNSOS, muddo aan ka badnayn lix (6) bilood, inta laga dhammaystirayo geeynta dhammaan ciidamada dalalka ku jira Aussom (TCCs),” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka fadhiga.

Qorshaha asalka ahaa wuxuu ahaa in ciidamada Masar ay beddelaan kuwa Burundi ka dib khilaaf weyn oo dhexmaray Gitega iyo Muqdisho dhammaadkii sannadkii hore, kaasoo salka ku hayay tirada ciidamada loo qoondeeyay Burundi ee habka cusub ee amniga ka dib markii uu dhammaaday howlgalkii Atmis 31-kii Diseembar, 2024.

Imaatinka ciidamada Masar ayaa markii hore ka dhashay khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Qaahira ay garab siisay Muqdisho. Waxaa qorshuhu ahaa in ciidamada Masar ay beddelaan kuwa Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyey khilaafkooda, waxaana Muqdisho ay ogolaatay sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka.

Ma cadda haddii dib-u-dhacyada hareeyey imaatinka ciidamada Masar ay la xiriiraan go’aankaas, ama haddii ay tahay arrin ku kooban farsamo oo keliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku sugan Qaahira, waxaan suurta-gal ah in kulamada uu la yeelanayo madaxda Masar laga helo war cad oo ku saabsan arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, habraacyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee lagu geynayo ciidamada Masar ayaa jiitamay, taasoo lagama maarmaan ka dhigtay in Burundi lagu sii hayo howlgalka, oo ay weheliyaan cutubyo boolis ah oo ka socda Ghana iyo Sierra Leone, kuwaasoo sidoo kale qorshuhu ahaa inay baxaan. Golaha ayaa caddeeyay in ciidamada Masar la geyn karo oo keliya marka tiro la mid ah ciidamada Burundi ay ka baxaan Soomaaliya si loo ilaaliyo saqafka tirada guud ee loo oggol yahay howlgalka.

Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa inta badan sii haystay ciidamadii ku jiray howlgalkii hore ee ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) marxaladdii hore ee kala-guurka ilaa 30-ka Juun.

Iyadoo Midowga Afrika uu la tacaalayo farqiga dhaqaale ee ka dhashay bixitaanka deeq-bixiyeyaasha, haddana wuxuu hadda wajahayaa khatarta amni ee joogtada ah ee Al-Shabaab iyo culeys dhaqaale oo ka culus. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa faray ergooyinka inay la xiriiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday (United Kingdom) iyo saaxiibbada kale si loo qabanqaabiyo shir loogu ururinayo kheyraadka howlgalka, kaasoo u baahan $166.5 milyan sannadkii.

Toddobaadkan, si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub wuxuu u sheegay wargeyska The EastAfrican: “Ma hayno wax kale oo aan ku darno marxaladdan” isagoo tixraacaya xaaladda ka dhalatay ka dib markii Midowga Afrika uu ku guuldareystay inuu helo maalgelin uu ka helo nidaamka Qaramada Midoobay, taasoo dabooli lahayd boqolkiiba 75 miisaaniyadda howlgalka. Si taas wax looga qabto, kulankii wasiirrada waxaa lagu go’aamiyay in la labanlaabo Sanduuqa Keydka Dhibaatooyinka ee Midowga Afrika (Crisis Reserve Facility) oo la gaarsiiyo $20 milyan sannadka 2025.

Go’aankan lagu sii haynayo ciidamada Burundi ayaa yimid ka dib markii al-Shabaab ay dib ula wareegeen dhulal ay ka mid tahay saldhigga Biyo Cadale oo ay hore u joogeen ciidamada Burundi, taasoo muujineysa in awood-dhismaha ciidamada Soomaaliya aysan u xoogganeyn sidii ay Muqdisho sheegtay.

Shir degdeg ah oo lagu qabtay Entebbe 25-kii Abriil, 2025, ayaa lagu ansixiyay codsi ah 8,000 oo askari oo dheeri ah si loo xoojiyo Aussom, waxaana lagu meel mariyay Fikradda Hawlgallada (Conops). Iyadoo 3,000 oo askari oo Burundi ah ay horay ugu sugan yihiin Soomaaliya, Midowga Afrika wuxuu raadinayaa 5,000 oo askari oo dheeri ah si wax looga qabto baahiyaha hawlgal ee sii kordhaya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu oggolaaday qayb milatari oo Aussom ah oo ka kooban 12,626 askari laga bilaabo 1-da Jannaayo ilaa 30-ka Juun, 2025, taasoo hoos ugu dhacaysa 11,146 askari laga bilaabo Luulyo ilaa Diseembar. Qorshaha Hawlgallada (Conops) wuxuu qeexayaa ka-bixitaan marxalado ah oo horseedaya bixitaan buuxa bisha Diseembar 2029.

Inta la sugayo bixitaanka qorsheysan ee Burundi iyo dib-u-soo-celinta Itoobiya, tirada ciidamada ee lagu heshiiyay bishii Febraayo waxay Uganda u qoondaysay 4,500 oo askari, Itoobiya 2,500, Djibouti 1,520, Kenya 1,410 iyo Masar 1,091.

Faah-faahinta qarax is-miidaamin ah oo Shabaab ku qaaday Moqokori

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax culus oo ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaas oo si xooggan looga dareemay magaaladan oo ay saldhig u ah ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Qaraxa oo gaari loo adeegsaday ayaa waxaa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidan iyo dad shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana haatan socda gurmad deg-deg ah loo fidinayo dadka ay waxyeellada soo gaartay, maadaama uu goordhow qaraxu dhacay.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xaaladda ka dhalatay weerarka qaraxa ah oo waxyeello xoogan gaystay, laguna beegsaday goob muhiim ah.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay dib ka faah-faahin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, maadaama u socdo howlgal iyo gurmad ay fidinayaan ciidanka

Moqokori ayaa ah degmo muhiim ah oo saldhig u ah ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana in muddo ah ka socda abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo muddooyinkii ambe laga qorsheeyay howlgallo lagu naafeeyay argagixisada.

Kooxda ayaa hadda u muuqata inay qaraxa kala gol-leedahay inay isaga yareyso culeyska ay wajaheyso, maadaama howlgalladii ugu dambeeyay jab culus lagu gaarsiiyay.

Hiiraan ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf culus oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo horseeday in gobolkaasi si weyn looga difaaco argagixsada.

Sidaan oo kale waxay marar badan qaraxyo ismiidaamin ah Al-Shabaab uga fuliyeen magaalada Beledweyne oo iyana laga abaabulay howlgallo culus oo guuleystay.

DF oo war ka soo saartay arrintii ka dhacday Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dalka Mareykanka kaddib fatahaado ba’an oo ku dhuftay gobolka Texas, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof, welina la la’yahay tobannaan kale, oo ay ku jiraan carruur ku maqan xero xagaaga ah oo ku taalla meel u dhow Kerrville.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axadda, ayay dowladdu ugu muujisay shacabka iyo hoggaanka Mareykanka dareen murugo qoto dheer, iyadoo ku tilmaantay dhacdadan “musiibo dabiici ah oo naxdin leh,” ayna muujisay garab istaag ay la garab taagan tahay dhammaan dadka ay saamaysay.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ula garab taagan tahay dalka Mareykanka xilligan adag ee murugada leh,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Qalbigeennu wuxuu la jiraa qoysaska geeridu ku habsatay, gaar ahaan kuwa ay saamaysay masiibada ka dhacday degmada Kerr, iyo dhammaan bulshooyinka la tacaalaya saameynta musiibadan dabiiciga ah.”

Fatahaadaha ayaa ka dhashay duufaan xooggan oo si kedis ah uga dhacday gobolka Texas subaxnimadii hore ee Jimcaha, taasoo sababtay in webiyadu ay si xawli ah u buux-dhaafaan. Webiga Guadalupe ayaa kor u kacay 26 fiit (8 mitir) muddo 45 daqiiqo gudahood ah, taasoo lama filaan ku noqotay dad badan oo deegaanka ah iyo dalxiisayaal, waxaana biyuhu ay qaadeen guryo, la dageen gaadiid, ayna go’doomiyeen deegaanno dhan.

Muuqaallada ugu murugada badnaa waxay ka dhaceen xero lagu magacaabo Camp Mystic, oo ah xero xagaagga loo dalxiis tago oo gabdhaha loogu talagalay, kuna taalla daanta webiga ee degmada Kerr. Hay’adaha ayaa xaqiijiyey in weli la la’yahay 11 carruur ah oo xerada ku jirtay iyo hal macallin. Qoysaskii ayaa Axaddii bilaabay inay ku laabtaan goobta burburtay si ay u raadsadaan hantidoodii ayna u helaan xog ku saabsan aayaha ehelkooda.

“Waan sii wadi doonnaa baadigoobka ilaa qof walba la helo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Booliska degmada Kerr, Larry Leitha, oo xaqiijiyey in 70 meyd ah laga helay degmadiisa oo keliya – oo ay ku jiraan 21 carruur ah. “Waa waajib na saaran inaan sidaas u samayno qoysaska.”

Xilli ay qoysasku dhex marayeen xerada ay fatahaaduhu baabi’iyeen, qaar badan ayaa ilmeeyey markii ay arkeen sariirihii oo isku maroorsamay, dhar biyo ka buuxaan, iyo aqallo dumay. Nin ayaa la arkay isagoo ku dhex lugeynaya daanta webiga, oo eegaya geedaha isku baxay iyo dhagxaanta hoostooda, isagoo rajeynaya inuu helo calaamad muujinaysa alaabtii gabadhiisa. Haweeney iyo gabar kuray ah oo ku labisan kabo caag ah oo biyaha looga gudbo ayaa isku duubay oo ku ooyey bannaanka aqal burburay. Qoys kale ayaa xerada ka baxay iyagoo sido sanduuq buluug ah, wejigoodana ay ka muuqatay tiiraanyo.

Dadaallada samatabixinta iyo baadigoobka ayaa waxaa ka qaybqaadanaya hawlgal ballaaran oo ka socda dhowr degmo. Guud ahaan, dhimashada ayaa laga soo sheegay lix degmo: Kerr (59), Travis (4), Burnet (3), Kendall (2), Tom Green (1), iyo Williamson (1). Kooxaha gurmadka degdegga ah, oo ay taageerayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo doonyo, ayaa samatabixiyey in ka badan 850 qof 36-kii saac ee ugu horreeyey musiibada. Tobannaan kale ayaa weli la la’yahay, hay’aduhuna weli ma aysan soo saarin tirakoob rasmi ah oo ku saabsan dadka maqan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii saxiixay bayaan musiibo weyn ku dhowaaqaya oo loogu talagalay degmada Kerr, kaasoo u saamaxaya in kheyraadka dowladda dhexe, iyadoo la marinayo Hay’adda Maareynta Gurmadka Degdegga ah ee Federaalka (FEMA), lagu caawiyo dadaallada heer gobol iyo heer degmo.

“Qoysaskani waxay la kulmayaan masiibo aan la qiyaasi karin, iyadoo dad badan ay dhinteen, kuwa kalena ay weli maqan yihiin,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada. “Qaranka oo dhan wuxuu la garab taagan yahay Texas xilligan murugada leh.”

In kasta oo ay jireen digniino rasmi ah, qoysas walaacsan iyo mutadawiciin ayaa sii waday inay lugeeyaan oo ay ka baaraan deegaannada ay fatahaaduhu saameeyeen, iyagoo inta badan shanleynaya daamaha webiyada, halkaas oo rajada laga qabay in la helo dad kale oo badbaaday ay sii yaraanaysay saacad kasta oo dhaafta. Kooxo wata mashiinno culus ayaa meelaha u dhow ka shaqeynayay si ay biyaha uga saaraan burburka, geedaha waaweyn ee salka go’ay, iyo laamaha isku cakiran.

Dhanka kale, waxaa soo badanaya su’aalaha la xiriira in la bixiyey digniino ku filan iyo in loo sameeyey diyaar-garow ku habboon deegaankan oo taariikh ahaan u nugul fatahaadaha dilaaga ah. Dhulka buuraleyda ah ee Hill Country iyo dooxooyinka ciriiriga ah ee webiyadu ku yaallaan ayaa muddo dheer ka dhigay mid u nugul kororka degdegga ah ee biyaha – khatartaas oo khubaradu sheegeen inay sii kordhiyeen isbeddellada cimilada ee xad-dhaafka ah.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliya, oo ah dal aan ku cusbayn musiibooyinka dabiiciga ah iyo dhibaatooyinka bini’aadannimo, ayaa xoojiyey dareenka caalamiga ah ee is-damqashada iyo wadajirka marka la wajahayo nuglaansho la wadaago.

“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa dareenkeeda murugada leh iyo qaddarinta qotoda dheer ee ay u hayso hoggaanka iyo shacabka Mareykanka xilli ay marayaan marxaladdan adag,” ayay tiri wasaaraddu.

Labada dal waxay leeyihiin xiriir soo jireen ah, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga bini’aadannimo, la-dagaallanka argagixisada, iyo xiriirka jaaliyadaha.

Iyadoo la saadaalinayo roobab dheeraad ah maalmaha soo socda, ayna weli jiraan digniino ku saabsan fatahaado kedis ah oo ka jira qeybo ka mid ah bartamaha Texas, mas’uuliyiintu waxay ka digeen in khatartu ay weli taagan tahay, geeddi-socodka soo kabashaduna uu noqon doono mid dheer oo adag.

Hase yeeshee, qoysaska dadka la la’yahay, diiradda ugu weyn ayaa weli ah sidii loo heli lahaa ehelkooda iyo in la xuso nolosha dadkii ku geeriyooday musiibada.

Somalia sends condolences as Texas flood deaths rise to 70

MOGADISHU, Somalia — The Federal Republic of Somalia has extended its deepest condolences to the United States following catastrophic flash floods that have ravaged central Texas, killing at least 70 people and leaving dozens still missing, including children from a summer camp near Kerrville.

In a statement released on Sunday by Somalia’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, the government expressed profound sympathy to the American people and leadership, calling the event “a tragic natural disaster” and voicing solidarity with all those affected.

“The Federal Republic of Somalia stands in unwavering solidarity with the United States during this time of profound sorrow,” the statement read. “Our thoughts are with the bereaved families, especially those impacted by the tragedy in Kerr County, and with all communities enduring the effects of this natural disaster.”

The flash floods were triggered by a sudden and intense storm system that swept across the Texas Hill Country early Friday morning, causing rivers to swell at a dangerous pace. The Guadalupe River rose 26 feet (8 meters) in just 45 minutes, catching many residents and vacationers off guard as homes were washed away, vehicles submerged, and entire areas left isolated.

Among the most heart-wrenching scenes unfolded at Camp Mystic, an all-girls summer camp nestled along the riverbanks in Kerr County. Authorities confirmed that 11 campers and one counselor remain missing. Families began returning to the shattered site on Sunday to search for belongings and seek closure.

“We will keep searching until everybody is found,” said Kerr County Sheriff Larry Leitha, who confirmed that 70 bodies have been recovered in his county alone — including 21 children. “We owe that to the families.”

As families walked through the flood-damaged camp, many broke down in tears at the sight of twisted bunk beds, drenched clothing, and broken cabins. One man was seen walking along the riverbank, peering into clumps of trees and under rocks, hoping to spot any sign of his daughter’s belongings. A woman and a teenage girl dressed in rubber waders embraced and wept outside a wrecked cabin. Another family left the camp carrying a blue footlocker, their faces marked by grief.

The search and rescue effort has mobilized an enormous response across multiple counties. In total, fatalities have been reported in six counties: Kerr (59), Travis (4), Burnet (3), Kendall (2), Tom Green (1), and Williamson (1). Emergency crews, supported by helicopters, drones, and boats, have rescued more than 850 people in the first 36 hours of the disaster. Dozens remain unaccounted for, and authorities have yet to release a full estimate of the missing.

President Donald Trump on Sunday signed a major disaster declaration for Kerr County, enabling federal resources through the Federal Emergency Management Agency (FEMA) to assist local and state efforts.

“These families are enduring an unimaginable tragedy, with many lives lost and many still missing,” Trump said in a statement posted on social media. “The entire nation stands with Texas during this time of grief.”

Despite official warnings, concerned families and volunteers continued to search flood-stricken areas on foot, often combing the riverbanks themselves as hopes of finding more survivors faded with each passing hour. Heavy machinery teams worked nearby to remove debris, uprooted trees, and tangled branches from the water.

Meanwhile, questions are mounting over whether sufficient warnings were issued and adequate preparations made in a region historically prone to deadly flash floods. Hill Country’s rugged terrain and narrow river canyons have long made it vulnerable to rapid water rises — a hazard that experts say has been intensified by increasingly extreme weather patterns.

The statement from Somalia, a country also no stranger to natural disasters and humanitarian crises, emphasized international empathy and solidarity in the face of shared vulnerability.

“Somalia reaffirms its heartfelt sympathy and profound regard for the leadership and people of the United States as they navigate this difficult moment,” the ministry said.

The two countries have long-standing ties, particularly in areas of humanitarian cooperation, counterterrorism, and diaspora relations.  

With more rainfall forecast in the coming days and flash flood watches still in effect across parts of central Texas, officials warned that dangers remain and that the recovery process will be long and difficult.

For the families of the missing, however, the focus remains on finding their loved ones and honoring the lives lost.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Qaahira ka degay iyo xogta safarkaan oo xasaasi ah

Qaahira (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu ku tegay safar shaqo.

Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.

Sidii aan saakay waaberigii baahinay Madaxweynaha Masar ayaa casuumaad u soo diray madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda wajahaya cadaadis uga imaanaya Addis Ababa iyo Qaahira, kaas oo u baahan maarayn iyo go’aan qaadasho adag.

Masar ayaa doonaysa in Xasan Sheekh dib u soo celiyo go’aanadii saddex-geesoodka ahaa ee lagu gaaray dalka Eritrea, kuwaas oo xambaarsanaa qorshe lagu go’doominayo Itoobiya.

Dhinaca kale, waxaa xoogaystay khilaafka u dhexeeya Addis Ababa, Asmara, iyo Qaahira. Madaxweynaha Masar ayaa wada cadaadis uu Xasan Sheekh ku saarayo, si uu uga qeyb noqdo go’doominta Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa isna dhankiisa Xasan Sheekh ku casuumay xaflad xarigga looga jarayo biyo-xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya dhistay, kaasi oo haddii uu Xasan ka qeyb galo, ay taasi ka dhigan tahay inuu si bareer ah uga hor yimid Masar iyo Suudaan.

 

Maxaa ka jira in DF Somalia ay ciidamada Haramcad geynayso gobolka Sanaag?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar saacadihii u dambeeyay la isla dhexmarayay oo sheegaya in dowladdu ay ciidamada Haramcad geyneyso gobolka Sool, oo haatan ay dhaq-dhaqaaq xooggan ka waddo Villa Somalia.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Maxamuud Aadan Geesood ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dowladdu qorsheynayso inay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad geyso gobolka Sanaag.

“Waxba kama jiraan in ciidanka Haramcad la geyn doono gobolka Sanaag, shacabka waxaa ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Beenintan ayaa imaneysa xilli ay gobolka Sanaag iyo weliba kan Highland ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, kuwaas oo u dhexeeya siyaasiyiin ay riixeyso Villa Somalia iyo hoggaanka sare ee Puntland.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada maamulkaasi, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la sheegay inuu ku xiran yahay Villa Somalia, isla markaana wata ciidamo maleeshiyaad ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha u galay qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Cabdirashiid ayaa ka shaqeynaya sidii gobolkaas uu ugu biiri lahaa dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo qaban-qaabinaya shir guud oo lagu diyaarinayo ergadii metali lahayd gobolka Sanaag.

Dhankeeda, Puntland ayaa si weyn uga hortimid dhaq-dhaqaaqan, waxaana ciidamadeeda ay haatan abaabul culus ka wadaan gobolka, si ay uga hortagaan qorshaha Cabdirashiid iyo Villa Somalia ee ku aaddan sidii gobolkan uu ugu biiri lahaa maamulka SSC-Khaatumo.

Puntland ayaa ku dadaaleysa sidii ay u baajin lahayd shirka loo qabanayo reer Sanaag, iyadoo adeegsaneysa siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka iyo ciidamo taabacsan.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka waddo gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaasi.

Banaan-baxyo weyn oo berri ka dhacaya Nairobi iyo halis ku wajahan Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) – Berri oo Isniin ah, waxaa la filayaa in guud ahaan dalka Kenya ay ka dhacaan mudaharaadyo ballaaran. Boqollaal kun oo qof ayaa la filayaa inay magaalada Nairobi isugu soo bixi doonaan bannaanbaxyadaas.

Markasta oo ay dhacaan banaanbaxyada noocaan ah, waxaa soo noq-noqda dhacdooyin lagu bartilmaameedsado ganacsiyada ay Soomaalidu ku leeyihiin bartamaha magaalada Nairobi.

Horey ayaa dhowr jeer loo jabiyay tukaamo ay Soomaalidu leeyihiin, arrintaasoo walaac weyn ku haysa bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Maanta muuqaal laga duubay bartamaha Nairobi ayaa muujinayay qaar kamid ah ganacsatada oo alaabtooda ka daad-gureynaya tukaamadooda, si ay uga hortagaan khasaare suurtagal ah oo ka dhalan kara rabshadaha la filayo.

Sidoo kale, toddobaadkan baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaal uu iska soo duubay wiil dhalinyaro ah oo Kenyan ah, kaasoo sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya uu wado abaabul dhalinyaro badan ah oo lagu doonayo in lagu weeraro xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Wararka la isla dhex-marayo ayaa waxay sheegayaan in ujeedku yahay bililiqeysi iyo waxyeello loo geysto hantida dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Waxaa xusid mudan in wiil Soomaali ah uu ku dhintay mudaharaadyadii dhacay 25-kii bishii hore, taasoo cabsi horleh ku abuurtay bulshada Soomaalida ee Kenya.

Dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Islii ayaa looga digay in ay ka fogaadaan bannaanbaxyada isla markaana ay taxadar muujiyaan. Waxaa muhiim ah in qof walba uu iska ilaaliyo meelaha rabshaduhu ka dhici karaan, ayna doorbidaan in ay guryahooda joogaan si ay u badbaadaan.

Egypt’s troop deployment to Somalia delayed

MOGADISHU, Somalia – The African Union has been forced to extend the presence of its Burundian contingent in Somalia for at least six months, a stopgap measure to prevent a security vacuum after a planned deployment of Egyptian troops was unexpectedly delayed.

The decision, made late Thursday by the African Union’s Peace and Security Council (AUPSC), highlights the significant logistical and political hurdles facing the new AU mission in the war-torn Horn of Africa nation as it continues its protracted fight against Al-Shabaab insurgents.

Burundian forces, along with police units from Ghana and Sierra Leone, were scheduled to withdraw by the end of June as part of a transition to the new African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM). However, they will now remain to maintain operational strength on the ground.

In a communique following its 1287th session, the AUPSC stated that the continued presence of these forces was critical. The council, chaired by Uganda’s Foreign Minister Jeje Odongo, determined that all current military and police personnel “shall be entitled to UNSOS logistical support, for a period not exceeding six (6) months,” pending the full deployment of all troops from contributing countries to AUSSOM.

The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides crucial logistical support to the AU mission.

Shifting regional alliances

The delay in the arrival of the Egyptian contingent is intertwined with the shifting diplomatic landscape in the Horn of Africa.

Egypt’s initial offer to contribute troops came earlier this year amid a severe diplomatic fallout between Somalia and Ethiopia. The crisis was triggered by a controversial Memorandum of Understanding signed in January between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland, which would grant Addis Ababa naval access to the Red Sea in exchange for potential recognition of Somaliland’s independence.

In a show of solidarity with Mogadishu, Cairo fast-tracked a security pact with Somalia, with its troops originally slated to replace Ethiopian forces within the AU mission.

However, recent diplomatic efforts have mended the rift between Mogadishu and Addis Ababa, leading Somalia to approve the continued presence of Ethiopian troops. It remains unclear whether the delay in deploying Egyptian forces is a direct political consequence of this reconciliation or stems from purely technical and procedural hold-ups within the AU and UN systems.

Funding shortfalls and security gaps

A severe funding crisis compounds the mission’s operational challenges. AUSSOM, which officially succeeded the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) at the beginning of 2025, requires an estimated annual budget of $166.5 million but faces a significant financial gap.

Major international partners, including the European Union, have indicated they are not prepared to increase funding. “We have nothing further to add at this stage,” the EU told The EastAfrican newspaper this week, following the AU’s failure to secure a UN funding mechanism that would have covered 75% of the mission’s budget.

In response, the AUPSC has resolved to double the AU’s own Crisis Reserve Facility to $20 million for 2025 and has instructed envoys to organize a resource mobilization conference with the UN, EU, United Kingdom, and other partners.

The security situation on the ground remains volatile. The mission’s struggles are underscored by recent territorial gains made by Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate. The militants recently recaptured strategic areas, including the Biyo Cadale base in the Hirshabelle state, which was previously secured by Burundian troops. Such events challenge the Somali government’s assertions about the readiness of its national army to assume full security responsibility.

The AUSSOM mission’s approved concept of operations (CONOPS) outlines a force of over 12,000 soldiers for the first half of 2025, which is set to decrease to just over 11,000 in the second half. An agreement reached in February allocated troop contributions as follows: Uganda (4,500), Ethiopia (2,500), Djibouti (1,520), Kenya (1,410), and Egypt (1,091).

The current framework envisions a gradual, phased drawdown of international forces, culminating in a complete withdrawal and handover of security responsibilities to Somali forces by December 2029.

However, the delay in deploying new troops, coupled with persistent funding shortages and a resilient insurgency, casts a shadow over this timeline and presents a formidable challenge to establishing lasting stability in Somalia.

Somali president to meet Sisi in Cairo for high-stakes talks

MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud departed for Cairo on Sunday for talks with his Egyptian counterpart, Abdel Fattah al-Sisi, a visit that signals a deepening alignment between the two nations amid soaring regional tensions with their powerful neighbor, Ethiopia.

The official agenda focuses on bilateral cooperation and security. However, the meeting is set against the volatile backdrop of two major flashpoints: Ethiopia’s recent announcement regarding its controversial Nile dam and, more critically, a contentious port deal with Somalia’s breakaway region of Somaliland, which Mogadishu views as a violation of its sovereignty.

President Mohamud’s trip to Cairo highlights the delicate diplomatic balancing act he must navigate. While accepting Sisi’s invitation, he is pointedly sidestepping a competing invitation from Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed to attend the inauguration of the newly completed Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

The visit solidifies a strategic convergence between Somalia and Egypt, both of whom find themselves increasingly at odds with Ethiopia’s assertive foreign policy.

The port deal catalyst

While Egypt’s dispute with Ethiopia over the GERD is long-standing, the immediate catalyst for the strengthening of the Somalia-Egypt axis is a memorandum of understanding signed between Ethiopia and Somaliland in early 2024.

The deal would grant landlocked Ethiopia access to the Red Sea via a leased military base and commercial port in exchange for Ethiopia potentially recognizing Somaliland’s independence.

Somalia, which considers Somaliland part of its sovereign territory, reacted with fury, declaring the deal “null and void” and recalling its ambassador from Addis Ababa. The move by Ethiopia shattered a fragile détente in the Horn of Africa, sending Mogadishu searching for powerful allies.

Egypt, a long-standing rival of Ethiopia, swiftly and unequivocally backed Somalia’s position. This has created a new diplomatic front, with Cairo leveraging the port dispute to apply further pressure on Addis Ababa.

Somalia and Ethiopia eventually signed a landmark agreement in the Turkish capital on December 2024, pledging to de-escalate a severe diplomatic crisis that had pushed the Horn of Africa to the brink of conflict for nearly a year.

The “Ankara Declaration,” facilitated by Turkish President Recep Tayyip Erdoğan, commits both nations to respecting each other’s sovereignty and territorial integrity. The deal aims to resolve tensions that erupted after Ethiopia signed a controversial sea access deal with Somalia’s breakaway region of Somaliland in January 2024

The Nile Dam flashpoint

The diplomatic maneuvering comes as Ethiopia announces the completion of the GERD, a multi-billion-dollar hydroelectric project on the Blue Nile that Addis Ababa deems essential for its economic development.

However, for Egypt, which relies on the Nile for over 97% of its freshwater, the dam is an “existential threat.” Cairo fears Ethiopia’s unilateral control over the dam’s filling and operation will dangerously curtail its water supply, which is already below the scarcity threshold for its population of over 100 million.

Years of negotiations between Egypt, Sudan, and Ethiopia have failed to produce a legally binding agreement, and Cairo recently declared the talks have reached a “dead end.” Ethiopia’s invitation to the dam’s inauguration is seen by observers as a move to legitimize its unilateral actions, making President Mohamud’s attendance politically impossible if he wishes to maintain close ties with Egypt.

During the talks in Cairo, officials are expected to discuss security cooperation and other related matters. Egypt has significantly increased its support for the Somali National Army, providing training and equipment as Mogadishu battles the al-Shabaab insurgency. This support is viewed by many as a direct counter to Ethiopia’s long-standing security influence in Somalia.

The Somali source text indicated that Egypt is seeking to revive past agreements to “isolate Ethiopia. This likely refers to Cairo’s ambition to forge a new strategic bloc with Somalia and potentially Eritrea, whose own relationship with Ethiopia has soured dramatically since their joint campaign in the Tigray war.

President Mohamud’s visit to Cairo is a clear signal of his administration’s foreign policy orientation. Caught between two regional giants, he has chosen to align with Egypt, a move that could reshape alliances across the Horn of Africa and has profound implications for the future stability of the volatile region.

Cali Balcad oo qaadacay doorashada QAASIM FURDUG, una hanjabay Cali Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad oo ka hadlay doorashada maanta ka dhacday magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo lagu doortay duqa magaaladaas, ayuu sheegay inay tahay “gef ka dhan ah” heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Cali Balcad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe, uu ku mashquulsan yahay qabashada doorasho dadban oo xilligeedii dhammaatay, xilli dalku isku diyaarinayo inuu ka guuro hanaankaas.

“Waxaa nasiib darro weyn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay, oo ay socoto diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha, iyadoo aan maalmo ka hor aragnay sawirrada madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo saf ugu jira isdiiwaangelinta doorashada qof iyo cod, in uu maamulka HirShabelle ku mashquulsan yahay qabashada doorasho dadban,” ayuu yiri Wasiir Balcad.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Doorasho-ku-sheegta maanta lagu qabtay degmada Balcad waxay meel ka dhac ku tahay heshiisyadii ay hore u gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo shuruucdii ay ansixiyeen golayaasha qaran.”

Balcad ayaa ugu baaqay Cali Guudlaawe inuu u diyaar garoobo doorasho, si la mid ah Axmed Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen, oo uusan ku mashquulin doorasho xilligeedii dhammaatay, isla markaana abuuraysa khilaaf iyo iskahorimaad beelaha nabadda ku wada nool.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir Cali Balcad ee uu ku qaadacayo doorashadii maanta ka dhacday Balcad ee lagu doortay Qaasim Furdug, ayaa la rumeysan yahay inay ka wada socdaan hoggaanka sare ee dalka, oo haatan u durbaan tumaya in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Tan ayaa ka dhigan in xiisad cusub ay ka dhex qaraxday Cali Guudlaawe iyo madaxda sare ee dowladda federaalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore qorshaha doorasho ee uu ku hawlan yahay ku lumiyay Axmed Madoobe, halka Deni ay hore u kala furteen, waana mid uga sii dari karta culeyska siyaasadeed.

Xasan Sheekh oo u safray Masar xilli xiisad taagan tahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magaalada Qaahire ee dalka Masar.

Madaxweynaha Masar ayaa casuumaad u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh, si uu ula kulmo dhiggiisa, Cabdulfataax Al-Sisi.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadli doono iskaashiga labad dal, gaar ahaan dhinacyada amniga oo ay ka mid tahay howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo doorka ciidamda Masaarida.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Masar uu kulankaas kusoo bandhigi doona warbixin dhameystiran oo la xiriirta howlaha soo daabulista ciidanka, iyadoo labada madaxweyne ay diirada saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Safarka Xasan iyo kulamada uu la qaadanayo Al-Sisi ayaa imaanaya xilli ay xiisad xooggan ka taagan gobolka, kadib markii dhawaan ay Itoobiya ku dhawaaqday dhameystirka biyo-xireenka Nile-ka, kaasi oo ay diidan yihiin Masar iyo Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan wajahay laba daran mid dooro, maadaama ay Qaahira ku cadaadineyso in dhankeeda soo marto, halka Addis Ababa ay dooneyso in safkeeda kusoo darto.

Masar ayaa doonaysa in Xasan Sheekh dib u soo celiyo go’aanadii saddex-geesoodka ahaa ee lagu gaaray dalka Eritrea, kuwaas oo xambaarsanaa qorshe lagu go’doominayo Itoobiya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa isna dhankiisa Xasan Sheekh ku casuumay xaflad xarigga looga jarayo biyo-xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya dhistay, kaasi oo haddii uu Xasan ka qeyb galo ay ka dhigan tahay inuu si bareer ah uga hor yimid Masar iyo Suudaan.

Abiy Ahmed ayaa Khamiistii sheegay in biyo-xireenka muranka dhaliyay ee laga dhisay Wabiga Nile uu hadda dhammaaday, taasoo guul weyn u ah dalkiisa, xilli uu khilaaf kala dhexeeyo dalka Masar oo ku saabsan qaybsi caddaalad ah oo biyaha ah.

Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn doono saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Dowladda Masar ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka – oo loo yaqaan Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam) – mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadkiisa ka badan 100 milyan.

Ciidamada Haramcad oo maanta gadood halis geliyay shacabka ka dhigay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa goordhoweyd xirtay jidka Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan, taasoo sababtay in ay u gadoodaan si ay codkooda u maqashiyaan dowladda.

Markii ay xirteen jidka, waxay bilaabeen in ay rasaas kolba dhinac u ridaan, taas oo halis gelisay nolosha shacabka ku sugnaa agagaarka goobta.

Gadoodka ayaa si toos ah u saameeyay isku socodka gaadiidka, iyadoo la arkayay baabuur iyo Mooto Bajaajyo hakad ku yimid, kuwaasoo ku xaniban meelaha u dhow jidka la xirtay.

Jidka Ex-Control Afgooye ayaa ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee ay adeegsadaan shacabka Muqdisho, waxaana xirnaanshihiisu sababay jahwareer iyo kacsanaan.

Askarta gadoodsan ayaa ka cabanaya dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka waayeen xuquuqdii ay xaqa u lahaayeen, oo ugu horeeyo mushaarka, kaasi oo markii horeba aan ku filnayn baahiyaadka noloshooda.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online.

Soomaaliya iyo horumarka bacriminta ubadka (IVF)

Qoraalkan waxaan uga hadli doonaa si kooban; habka bacriminta ubadka iyo sida uu horumarka u sameeyay, una soo gaaray Afrika illaa Soomaaliya oo maanta xarumaha qaar ay sameeyaan. Waxaan dul istaagi doonnaa;

A- Muxuu yahay IVF, goorma ayuuse aduunka kusoo kordhay?
B- Afrika iyo goorta uu soo gaaray?
C-Soomaaliya ma laga sameeyaa IVF?

Waxaan xigan doonnaa xarun caafimaad oo lugu magacaabo Marwa Fertility.

Soomaaliya, bahda caafimaadku waayadii danbe waxay isku dayaysay inay horumar samayso, dhanka caafimaadka ayadoon teknaloojiyadda laga faaiidaysanayo, waxyaabaha ay Soomaaliya isku dayayso inay ku talaabsato waxaa kamid ah, nidaamka iyo adeegga bacriminta ee loo yaqaanno (IVF)-oo ay Soomaaliya dhexdeeda xarumo caafimaad shaaciyeen inay fulin karaan.

Bacriminta shaybaarka ee dhasha (IVF) waxay bilaabatay 1950 meeyadii, waxaana lugu tijaabiyay ama lugu bilaabay xayawaanka Bakaylaha, isku daygaas tijaabada ha wuxuu horseeday in la helo xogo caafimaad-oo saldhig u noqda horumarinta IVF-ka maanta dunidaan casriga ah la adeegsanayo.

1950-yadii dhaqtar lugu magacaabo Dr. Min Chuech Chang oo ka tirsanaa Worcester Foundation ayaa si guul ah ugu tijaabiyay xayawaanka Bakaylaha loo yaqaanno nidaamka bacriminta ee IVF-ka loo yaqaanno. Hawlgalka Dr. Min wuxuu ahaa mid muhim ah waayo markii ugu horaysay ayaa IVF gaaray embryo (ugxaan heerka bacrinka gaartay) taasoo lugu sameeyay shaybaar, loona gudbiyay ilma-galeenka illaa uu si caadiya u horumaro; illaa uu ka dhasho. Xogtaan waxaa qoray Machadka Pacific Fertility Center Los-Angeles.

Habka bacriminta dhalmada (IVF) waa qaab la isticmaalo qalab iyo teknaloojiyad, ayadoo la caawinayo dhalmada qof si caadiya u dhaliwaayay, shahwada iyo ugxaanta ayaa laysu gaynayaa ayadoon la isticmaalayo qalab, meel ka baxsan jirka aadanaha isla markaasna lugu haynayo. IVF waa farsamo adag oo si taxadar leh loo sameeyo, isla markaasna marta habab iyo marxalado kala duwan; 

Incubator: Xaquuqda sawirka Marwa Fertility Center – Mogadishu Qalabka lugu gaydiyo Shahwdaa iyo Ugxaanta

Qalabka loo isticmaalo in shahwada iyo ugxaanta lays kula daro oo lugu kaydiyo waxaa la yiraahdaa Incubator, wuxuu leeyahay heer kulka minka hooyada oo kale, dhawr maalmood ayay halkaas ku jiraan shahwada iyo ugxaanta hooyadu, ka bacdii ayay u gudbaan xaalad loo yaqaanno embrayo.

Muddo maalmo ku qiyaasan ka dib, marka bacrimintu dhacdo, ugxaanta ayaa la falgalaysa shahwada, waxay gaaraysaa xaalad loo yaqaanno Embryo.

Inta lagu jiro bacriminta shaybaarka (IVF), waxaa la ururiyaa ugxamo bisil oo laga soo saaro ugxanta hooyada, kadibna waxaa lagu bacrimiyo shahwo gudaha shaybaarka (lab). Hal wareeg oo dhameystiran oo IVF ah wuxuu qaataa qiyaastii 2 ilaa 3 toddobaad, laakiin mararka qaar tallaabooyinkaas ayaa loo kala qaybiyaa waqtiyo kala duwan, taasoo keeni karta in geeddi-socodku uu qaato waqti dheer. Majaladda caafimaadka ee Mayo Clinic ayaa sidaas qortay.

Ilma la’aantu waa culays caafimaad, sida ay qoreen 2004-tii laba aqoonyahan ee Shea Oscar Rutstein and Iqbal H. Shah 8% illaa 12% lamaanaha aduunka ayaa ah kuwo aan dhallin, xogtaan waxaa laga soo aruuriyay wadamo horumaray iyo kuwo aan horumarin, sabaha keena dhalmo la’aantu way kala duwanyeen.

Markii ugu horaysay ee qof ku dhasho habka IVF

1978 ilmihii ugu horreeyay oo aadane ah ayaa ku dhashay habka bacriminta ayadoo si wayn loogu guulaystay. Waxaa fuliyay isku daygaan guulaystay Dr. Patrick Steptoe iyo Dr. Robert Edwards,  waxaa ku dhashay isku daygaas fulinta bacriminta Louise Brown, dhalashada taariikhdeedu waxay ku beegantay 25 Luulyo 1978-dii, sidaas waxaa qoray majaladda Pacific Fertility Center Los Angeles. Louise Brown muddo dheeray nooleed, waxayna soo gaartay 2022 oo ah marka Majaladaan ay qoraalka ka qortay. Arrintaani waxay noqotay miday khubarada caafimaadku si wayn ugu faanaan.

Warbaahinta ayaa si aada u danaysay arrinta Brown, waxaa si wayn loo faaqiday, muhiimadda ay leedahay IVF (hanaanka bacriminta taranka), waqtigaas waxaa bilaabatay in dadka aan si dabiici ah uur u qaadi karin ay raadsadaan, nidaamkaan bacriminta. Daabacaaddii ugu horreysay ee sannadlaha ahayd ee warbixinnada IVF waxaa la sameeyay sanadkii 1988, waxaana si isisoo taraysa loogu adeegsadaa hagaajinta joogtada ah iyo qiimeynta barnaamijyada ART (Assisted Reproductive Technology) 

1980-kii dhaqaatiirtu waxay ansixiyeen, ama aqbaleen in IVF lugu dhali karo isla markaasna uu yahay mid ammaan ah, lix sano ka dib, 1,000 qof ayaa ku dhalatay sida ay sheegtay majaladdii aan kor kusoo xiganay. Kooxda isku tagga ee loosoo gaabiyo RMA (Reproductive Medicine Assocates) waxay ku faaneen horumarinta iyo guusha laga gaaray nidaamka IVF, runtii way aheed wax lugu faano, waayo dad fara badan ayay ka faydeen culays haystay.

Afrika iyo IVF-ka

Dhalmo la’aantu waa imtixaan guud oo dunida dhan ka jira, waxa la sheegaa inay ku badantahay wadamada dhaqaalaheedo hooseeyo, sababtoo ah waxaa jira cuduro dhalmada raajiya, taas ayaa keenaysa in wadanba wadanka uu ka dhaqaalo yaryahay-uu ka cuduro badanyahay, isla markaasna dhalmo la’aantii ku badnaankarto.

Sida ay daabacday Majaladda caafimaadka ka faaloota oo lugu magacaabo PubMed Central, qoysas tiradooda lugu qiyaaso 180 milyan, isla markaasna ku nool dalalka soo koraya ayaa la ildaran ilmo la’aan. Arrintaasi waxay muujinaysaa sida ay wadamada Afrika baahida wayn ugu qabaan hanaanka bacriminta ubadka (IVF).

Ilma la’aantu waxay leedahay dhibaatooyin fara badan, marka laga reebo culayska nafsiga ah, sidoo kale qofka ilma la’aantu ku dhacdo wuxuu wajahaa culaysyo fara badan, dumarku ayaku marmarka qaar waxay kuwaayaan xuquuqo ay ka mid yihiin dhaxalka hantida ninkoodu ka tago. 1982-dii ayaa South Afrika lugu guulaystay ubad ku dhashay bacrimin markii ugu horraysay Afrika sida ay qortay 2025 dhaqtarad lugu magacaabo Toyin Ajayi, waxaa muuqata in uu mar hore qaaradda soo garaay cilmiga IVF-ku. Wadamada sida Masar oo kale ayakana waqtiyo xilligasa ka agdhaw ayaa laga sameeyay.

Soomaaliya iyo habka bacriminta ubadka

Soomaalidu waxay ka mid tahay umadaha wajaha ilmo la’aanta, wadamada ay Soomaalidu arrimaha caafimaadka u aaddo waxaa ka mid ah Hindiya iyo wadamo kale, ayadoon dhanka kale ay jirto in caafimaadka Soomaaliyo soo kabanayo.

Soomaalidu waa dad aad u taran jecel, qofku markii reer yeesho, waxa ugu horreeyo ee la waydiiyo waa dhasha, sidaas daraadeed waxaan oran karnaa Soomaalidu waa dadka ugu baahida badan adeegga caafimadaka IVF-ka loo yaqaanno. Soomaalidu waa dad aad u taran badan.

Soomaaliya waayadii danbe waxay horumar ka samaynaysay adeegyada caafimadaka ee la tacaalista taranka, waxaaba laysku dayay in dalka gudihiisa lugu sameeyo IVF-ka, dad badan oo dhalmo la’aan la daalaadhacayay ayaa helay isbitaallo baahiyahooda daboola. Sida aan ogaanay xarumaha bixiya adeegaan waxaa kamid ah xarun magaalada Muqdisho ka hawlgasha oo lugu magacaabo Marwa Fertility, sida uu sheegay agaasimaha xaruntaas; isku dayadii ay bukaanada soo booqday ugu samaynayeen adeegga bariminta ubadka, badi way ku guulaysteen, asagoo sheegay inay 50% ku guulaysteen. Waa tallaabo wanaagsan haddii laysku dayayo in dalka gudihiisa lugu sameeyo IVF.

Soomaaliya xilliga saxda ah ee laga bilaabay IVF-ka lama yaqaanno, sidoo kale ma jirin dawlad arrimahaas la socotay oo diiwaan galinaysay, xogta kaliya ee la heli karo waa xogaha ay bixiyaan xarumaha caafimaadka ee taranka ka shaqeeya.

Soomaaliya waxay ku jirtaa xaaladihii ugu horeeyay, marka laga hadlayo IVF-ga, wacyiga bulshada iyo dhaqanka ayaa laga yaabaa in culays lagala kulmo, way jiraan Soomaali faham fiican ka haystaa oo dalka dibaddiisa u aadda adeegga dawaynta iyo bacriminta ubadka, waxaana loo baahanyahay xarumo caafimaad oo arrintaas u istaaga, si wax ku ool ahna uga miro dhaliya.

Dadka ubad la’aantu ku dhacday waxay ubaahanyihiin caawinaad faacimaad oo la xiriirta bacriminta ubadka, shaki kuma jiro inay Soomaaliya joogaan waalidiin badan oo la daalaadhacaya dhalmo la’aan, waxaa lama huraan ah in la helo dawlad taageerta xarumaha isku dayaya inay dalka ka hirgaliyaan adeega bacriminta dhalmada sida Marwa Fertilityoo kale, si loo caawiyo dadka u baahan.

Gaban-gabo

  • Bacriminta ubadku (IVF) wuxuu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dunida, wuxuuna door muhima ka ciyaaraa taranka aadanaha.
  • Afrika mar hore ayay bilaawday hirgalinta adeegaan iyo inay ka faaiidaysato teknalojiyadda si loo caawiyo waalidiinta si dabiiciya u dhaliwaaya.
  • Soomaaliya ma jirto dawlad bixisay taageeradii loo baahnaa, si dalka looga hirgaliyo adeegga bacriminta ubadka ayadoon laga faaiidaysanayo teknaloojiyadda laakiin waxaa jira xarumo caafimaad oo isku dayaya inay si iskood ah intii tabartooda adeegaas dalka uga hirgaliyaan.
  • Wadamadu way u kala baahi badan yihiin IVF-ka maadaaba ay jiraan cuduro sababa.

Nin ka yimid Ingiriiska oo lagu dilay Muqdisho kadibna la gubay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii nin qurbejoog ahaa oo ka yimid dalka Ingiriiska, si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Zakariye Maxamuud Maxamed ayaa ahaa 50 sano jir, waxaana la sheegay in la dilay, la jarjaray, kadibna la gubay.

Khaalid Maxamuud Maxamed oo la dhashay marxuumka oo la hadlay Shabelle TV ayaa sheegay in walaalkiis loo dilay si ka baxsan bani’aadanimada, isaga oo tilmaamay in falka uu Arbacadii ka dhacay gudaha degmada Warta Nabadda oo uu daganaa marxuumka.

“Dil waxaan waa ka daran yihiin waa waxyaabo ka baxsan bani’aadanimada iyo islaanimada wuxuu ahaa dil argagax leh waa dil aan ka seexan weynay waxaa dhacday in qof bani’aadan ah la dilo la jarjaro, kadibna la gubo” ayuu yiri Khaalid Maxamuud Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan aragnay walaalkey oo jarjaran lugihiisa, gacantiisa wixi dhan ay ka jaran yihiin oo isku danbas beelay”.

Khaalid ayaa sidoo kale tilmaamay in falkan loo soo xiray ilaa 5 qof oo marxuumka daganaa guriga lagu dilay, uuna ku jiro wakiilka guriga iyo  dhalinyaro kale oo ka timid dalka Ingiriiska, kuwaas oo haatan tuhmanayaal ah, kuna xiran xarunta C.I.D-da.

“Meesha lagu dilay waxaa waayey Wardhiigley, gaar ahaan laamiga Jeneraal Daa’uud oo uu daganaaa walaalkey, guriga waxaa daganaa 5 qof oo hadda xiran” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kahor inta aan la dilin walaalkiis loo soo diray lacag, ayna tuhmayaan in dilkiisa uu la xiriiri karo lacagtaas, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale wuxuu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka, isaga oo ka dalbaday inay ku gacan siiyaan cadaaladda, si maxkamad loo horgeedo dambiilayaashii ka dambeeyay falka ‘lagu dilay, laguna gubay’ walaalkiis.

“Waxaan rajeynayaa inaan helno cadaalad oo aan ka dooneyno Soomaali iyo Dowladda Federaalka, waxaan waa wax iska cad waa qof la dilay, la jarjaray, kadib la gubay”. ayuu kusii daray.

Ciidamo ku sii qul-qulaya xuduudda Itoobiya iyo Eritrea kadib hadalkii Abiy Ahmed

Asmara (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sii kordhaysa, waxaana jiray eedaymo la is-weydaarsaday iyo isku-hub-urursi istiraatiiji ah oo laga dareemayo xuduudda ay wadaagaan.

Itoobiya waxay ku eedaysay Eritrea xadgudubyo dhuleed, halka Eritrea ay sheegtay in Itoobiya ay damac sharci-darro ah ka leedahay dekedaha dalkeeda, iyadoo soo xiganaysa hadalladii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee ku saabsanaa helitaanka dekadaha.

Khamiistii, isagoo ka hadlayay Baarlamaanka hortiisa, ayaa xildhibaan ka tirsan goluhu wuxuu weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, haddii dalkiisu uu dagaal la geli doono Eritrea si uu u helo marin-badeed. “Muddo intee le’eg ayay kugu qaadanaysaa haddii aad amarto Taliyaha Guud ee Ciidanka Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, iyo Taliyaha Guud ee Booliska Federaalka Itoobiya, Demelash Gebremichael, inay keenaan dekedda?” Su’aasha waxay u muuqatay mid kaftan ah, waxayna qosol ka keentay xildhibaannadii.

Laakiin jawaabta ra’iisul wasaaraha waxay ahayd mid adag oo si toos ah u tilmaamaysa ujeeddo, isla markaana ay ka muuqatay jees-jees.

“Horumar dhinaca horumarka ah ayaan leenahay oo ay tahay inaan ilaalino, mana jirto sabab aan dagaal u galno. Itoobiya deriskeeda xabbad kuma ridi doonto,” ayuu yiri.

Laba toddobaad ka hor, dadka deggan magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan xuduudda Itoobiya iyo Eritrea ayaa u jihaystay dhanka Zalambessa, halkaas oo dhaq-dhaqaaqayaal iyo hoggaamiyeyaal bulsho ay soo qaban-qaabiyeen dib-u-furid ku-meel-gaar ah oo xuduudda ah.

Halkaas, bulshooyinkii kala maqnaa shan sano iyo in ka badan waxay awoodeen inay u dabbaal-degaan kulan nooc kale ah oo ay saaxiibbo iyo qaraabo isugu yimaadeen xuduudda aadka loo hubeeyay.

Muuqaalladaasi waxay la mid ahaayeen is-soo-dhowaanshihii 2018-kii, kaasoo, inkastoo uu ahaa mid ku-meel-gaar ah, labada dal ay ku soo afjareen colaad tobannaan sano soo jirtay ka dib markii uu Abiy Axmed xukunka qabtay. Si kastaba ha ahaatee, isu-muujintan dambe ee walaaltinimada waxay ku dhacday duruufo gebi ahaanba ka duwan.

Bilihii la soo dhaafay, Itoobiya iyo Eritrea waxay galeen is-dhaafsi diblomaasiyadeed oo is-daba-joog ah, taasoo muujinaysa xiisad sii kordhaysa oo u dhaxaysa labadan dal ee deriska ah ee Geeska Afrika.

Xiriirka sii xumaanayay, oo soo xoogeystay wixii ka dambeeyay dhammaadkii dagaalkii Tigray, ayaa hadda galay weji cusub oo ay astaan u yihiin eedaymo labada dhinac ah, diblomaasiyad albaabbadu u xiran yihiin, iyo isku-hub-urursi istiraatiiji ah oo laga dareemayo xuduudda lagu muransan yahay.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxay salka ku hayeen cabasho ay Itoobiya u gudbisay Qaramada Midoobay (UN) iyo dhowr madax-goboleed.

Warqad loo diray Qaramada Midoobay, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya waxay ku eedaysay Eritrea “daandaansi iyo xadgudubyo joogto ah” oo ka dhan ah madaxbannaanida dhulkeeda.

Asmara ayaa kaga jawaabtay iyadoo eedeymahan ku tilmaantay “been cad” kuna eedaysay Itoobiya inay qabto “damacyo sharci-darro ah” oo ku aaddan dekedaha Eritrea.

Dawladda Isaias Afwerki waxay sheeganaysaa in hoggaanka Itoobiya, gaar ahaan xisbiga talada haya ee Barwaaqo, uu si furan uga hadlayay helitaanka dekadaha iyagoo adeegsanaya hadallo tilmaamaya inay u adeegsan karaan yoolalkooda “qaab milatari haddii loo baahdo.”

Sida ay sheegtay dawladda Eritrea, dadaalladan waxay ujeedadoodu tahay in lagu sharciyeeyo damaca Itoobiya ee ah inay marin-badeed ku hesho dhulka Eritrea.

Is-weydaarsiga hadalladan cusub ayaa calaamad u ah tallaabadii ugu dambeysay ee dhowr sano oo xiriirka labada dal uu si weyn u sii xumaanayay.

Riyada fog ee Addis Ababa ee ah inay badda gaarto ayaa dhib ku haysay dalka deriska la ah, hadalladii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray hoggaamiyeyaasha Itoobiya ayaa sii kordhiyay shakiga Eritrea.

Bilo ka hor uun, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (PhD) wuxuu soo bandhigay baahida Itoobiya ee ah inay si toos ah u hesho dekad, isagoo ku qeexay “baahi dhaqaale oo lama huraan ah.”

Si kastaba ha ahaatee, Eritrea waxay arrintan u aragtaa inay tahay hanjabaad ku wajahan madax-bannaanideeda.

Aragtidan waxaa xoojinaya hadallo uu jeediyay Madaxweynaha Eritrea xuska sannad-guuradii 34-aad ee ka soo wareegtay markii Eritrea ay ka go’day Itoobiya 1993-kii.

Isagoo la hadlayay qaranka, wuxuu ku adkaystay in “aysan jirin awood wiiqi karta madax-bannaanida Eritrea,” wuxuuna ballan-qaaday in madax-bannaanida qaranka iyo iskaashiga gobolka ee ku dhisan is-ixtiraam labada dhinac ah ay noqon doonaan ajandaha ugu sarreeya ee dawladda.

In kasta oo khudbaddu aysan si toos ah u xusin Itoobiya, inta badan goobjoogayaasha waxay u fasirteen ereyadaas inay yihiin jawaab ku aaddan hadal-hayntii dhoweyd ee Itoobiya ee ku saabsanayd helitaanka dekadaha.

Dhanka kale, sheegashada Itoobiya waxay ku soo beegmaysaa xilli ay goobjoogayaashu arkeen dhaqdhaqaaqyo xuduudaha la isaga gudbayo iyo ruqaansi milatari oo ku soo kordhay xuduudda labada dal. Intaa waxaa dheer, xuduudda u dhaxaysa gobolka Tigray iyo Eritrea, gaar ahaan meelaha laga gudbo sida Zalambessa, ayaa weli ah goob xasaasi ah oo colaad ka dhalan karto.

Dib-u-furitaanka marinkan dabayaaqadii Juun 2025 ayaa walaac ku abuuray mas’uuliyiinta federaalka ee Addis Ababa oo ku saabsan suurtagalnimada saameyn cusub oo Eritrea ay ku yeelato arrimaha Tigray.

Marka laga soo tago walaaca dhinaca amniga, shabakadaha dhaqaalaha ee gobolka ayaa iyaguna noqday qodobo lagu muransan yahay oo u dhexeeya labada dal.

Warbixin ay bishii Juun 2025 soo saartay hay’adda The Sentry, oo ah urur aan dawli ahayn oo fadhigiisu yahay Maraykanka kuna takhasusay baaritaannada ku saabsan colaadaha rabshadaha wata iyo maamul-ku-dhisnaa-dhaca (kleptocracy), ayaa ku celinaysa eedaymaha ah in Ciidammada Difaaca Eritrea (EDF) ay weli ka hawlgalaan gudaha dhulka Itoobiya. Sida lagu sheegay warbixinta, joogitaankan sii socda ayaa ah mid xusid mudan maadaama uu sii jiro xitaa ka dib dhammaadkii rasmiga ahaa ee colaaddii dagaalkii Tigray.

Warbixinta oo ciwaankeedu yahay ‘Awood iyo Dhac: Faragelinta Ciidanka Difaaca Eritrea ee Tigray’ (Power and Plunder: The Eritrean Defence Forces Intervention in Tigray), ayaa si faahfaahsan u sheegaysa sida cutubyo ka tirsan EDF ay u sii haysteen fariisimo ku yaal waqooyiga Tigray, waxayna qeexaysaa ku lug lahaanshahooda ganacsiga sharci-darrada ah, ka ganacsiga dadka, iyo hawlaha tahriibinta ee ka socda xuduudda cusub ee amarka-dhabta ah (de-facto).

In kasta oo ay jiraan sheegashooyin rasmi ah oo ah in si buuxda looga baxay, warbixintu waxay sheegtay in ciidammada Eritrea lagu arkay iyagoo ka hawlgalaya aag 10-kiilomitir ah oo koonfur ka xiga xuduuddii hore ee amarka-dhabta ahayd, kuwaas oo ah aagag uusan Guddiga Xuduudaha Eritrea iyo Itoobiya (Eritrea-Ethiopia Boundary Commission) u qoondeynin Eritrea.

Hay’adda The Sentry waxay tilmaamaysaa in hay’ado Eritrean iyo Ethiopian ah ay ku lug leeyihiin hawlgallo ganacsi oo sharci-darro ah oo ay ka mid yihiin dahabka iyo sisinta, gaar ahaan gobollada xuduudda sida Shire iyo Badme.

Is-dhaafsiyadan, sida lagu sheegay warbixinta, kaliya ma kiciyaan xiisadaha laakiin sidoo kale waxay sii xoojiyaan isku-tiirsanaanta dhaqaale ee ay qaabeeyeen “suuqyo aan la maamulin iyo jilayaal aan rasmi ahayn.”

“Ganacsiga sharci-darrada ah ee dahabka Tigray wuxuu tusaale u yahay isbeddellada cusub ee ka jira xuduudda Itoobiya iyo Eritrea,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Iyadoo suuqyada sharci-darrada ah ay bixinayaan faa’iido aad uga badan ganacsiga rasmiga ah, si kastaba ha ahaatee, baaxadda tahriibinta dahabku waxay ahayd mid aad u weyn, xitaa wax yar ka hor iskahorimaadka. Iyadoo qaybo ka mid ah Tigray ay weli ku jiraan gacanta EDF, oo ay ku jiraan meelo badan oo si rasmi ah shati loogu siiyay sahaminta Wasaaradda Macdanta ee dawladda federaalka sanadkii 2023, tartanka ku saabsan dahabka ayaa noqday mid aad u cakiran oo rabshado wata.”

Warbixintu waxay sheegtay in jilayaal kala duwan ay ku lug lahaayeen ganacsigaas, oo ay ku jiraan “saraakiil sare oo TDF ah, dagaalyahanno daacad u ah, iyo tiro sii kordhaysa oo ah muwaadiniin Shiinees ah”.

Taageerada milatari ee Eritrea ay siiso ciidamada gobolka Amxaarada iyo maleeshiyada Fano ayaa xaaladda sii murjisay, sida lagu sheegay warbixinta.

Iyadoo soo xiganaysa daabacaad dhowaan ka soo baxday Chatham House, warbixinta Sentry waxay tilmaamaysaa in ganacsiga faa’iidada badan ee sisinta uu noqday mid ka mid ah qodobbada tartanka.

Loollanka lagu xakameynayo ganacsiga sisinta ee Galbeedka Tigray waxaa ku lug leh jilayaal kala duwan, oo ay ku jiraan ciidammada Eritrea, waxayna u adeegtaa sidii qaab lacag-bixin ah oo loogu talagalay ilaalinta, sida lagu sheegay warbixinta.

“Iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in shixnadaha sisinta iyo badeecadaha kale ee ka yimaada Galbeedka Tigray/Welkait ee ay maamusho Amxaaradu ee loo qaado Eritrea loo isticmaalay inay noqdaan lacag-bixin toos ah oo lagu bixiyo ilaalinta, tababarka, iyo taageerada ay ciidammada Eritrea siiyaan maleeshiyaadka Fano ee Amxaarada,” ayaa lagu yiri.

Waxay intaa ku dartay in ku-tiirsanaanta taageerada milatari ee Eritrea si loo fududeeyo ganacsiga sharci-darrada ah ay awood u siiso saraakiisha EDF ee ku lug leh ganacsiga inay ku soo rogaan shuruudo dhaqaale oo “si weyn ugu xagliya dhankooda,” maadaama sisinta ka timaada Tigray ay gasho Eritrea iyada oo aan marin mas’uuliyiinta kastamka.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, oo ku tilmaamay eedeymahan “kuwo si caajis ah is shabbaha oo aflagaaddo ah,” wuxuu ku qeexay warbixinta inay tahay isku day “lagu been abuurayo sheeko sumcad dil ah” iyadoo lala kaashanayo hay’adaha sirdoonka ee waaweyn.

“Tani waa habka loo adeegsado qolka dhawaaqa ee si dhuumaaleysi ah loo farsameeyay: wareegga xiran ee sumcad-dilista iyo wararka beenta ah,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada 1-dii Luulyo.

Asmara waxay si joogto ah u sheegtaa in ciidammadeedu ay si adag ugu sugan yihiin gudaha xuduudaha Eritrea, iyagoo u adeegaya oo keliya ilaalinta danaha qaranka.

Ka dib dhammaadkii dagaalkii waqooyiga oo lagu soo afjaray heshiis nabadeed iyo bixitaankii Maamulkii Ku-meelgaarka ahaa (TIA) ee Getachew Reda, TPLF—oo mar ahaan jirtay awood federaal ah oo xooggan—waxay sii haysatay saameynteedii gobolka.

Warbixino dhowaan soo baxay ayaa tilmaamaya in hoggaamiyeyaasha TPLF, oo uu ku jiro Debretsion Gebremichael (PhD), ay daah-fureen dhismaha waddo cusub oo isku xirta Ihsa’a—magaalo ku taal Adwa—iyo Eritrea, taasoo calaamad u ah dadaallo lagu caadiyeynayo xiriirka dalka deriska ah.

Intaa waxaa dheer, waraysi uu dhowaan siiyay telefishin goboleed, General Yohannes Wolde Giorgis, oo sidoo kale loo yaqaan John Medid, ayaa ku adkeystay in gaaritaanka nabadda aysan “ku xirnayn oggolaanshaha cidna, gaar ahaan kan dawladda federaalka.”

“Nabad-ku-wada-noolaanshaha deriskeenna—Eritrea, Amxaara, iyo Canfar—waxay ka tarjumaysaa tillaabooyinka waaweyn ee aan u qaadayno dhanka himiladeenna,” ayuu yiri, isagoo sheegay in dhaqdhaqaaqa nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee salka ka soo jeeda, oo ay hoggaaminayaan dadka Tigray iyo Eritrea, uu helay dardar xooggan.

Si kastaba ha ahaatee, shakhsiyaadka siyaasadda iyo khubarada, dib-u-bilaabashada is-soo-dhowaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya Asmara iyo Mekelle waxay keenaysaa su’aal muhiim ah oo ah in gobolku uu dib ugu sii siibanayo colaad iyo in kale.

“Rabitaanka Mekelle ee ah inay ku laabato xaalad caadi ah waxay noqon kartaa mid siyaasad ahaan sakhraamisa,” ayuu yiri khabiir si qarsoodi ah ula hadlay warbaahinta The Reporter.

Khabiirku wuxuu ku doodayaa in rabitaanka noocaas ah, oo isu muujinaya soo dhoweyn loo sameeyo Eritrea, ay yihiin “fal degdeg ah” oo ka tallaabsanaya awoodda dadweynaha, hannaanka hay’adaha, iyo isku-xirnaanta istiraatiijiyadeed.

Intii lagu jiray khudbad uu horraantii toddobaadkan ka jeediyay Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu ugu baaqay hoggaamiyeyaasha diinta iyo daneeyayaasha kale inay “si degdeg ah u dhaqaaqaan” si looga hortago in Tigray uu galo colaad markii labaad wax ka yar shan sano gudahood.

CIA-da oo sameysay qirasho weyn oo la xiriirta dilkii madaxweyne John F. Kennedy

Washington (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay tan iyo dilkii Madaxweyne John F. Kennedy ee ku dhawaad 62 sano ka hor, ayaa hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Maraykanka (CIA) si dadban u qiratay in sarkaal ku takhasusay dagaalka nafsiga ah uu maamulayay hawlgal xiriir la sameeyay Lee Harvey Oswald ka hor dilkii ka dhacay Dallas.

Kashifaaddan oo timid Khamiistii—kuna dhex jirtay qormooyin ka kooban 40 dokumiinti oo ku saabsan sarkaalka George Joannides—ayaa muujinaysa in CIA-du ay tobannaan sano been ka sheegaysay doorkii uu ku lahaa kiiska Kennedy ka hor iyo ka dib dilka, sida ay sheegeen khubaro ku takhasustay baaritaanka dilka JFK.

Dokumiintiga udub-dhexaadka u ah arrintan waa qoraal-xusuuseed ka soo baxay CIA-da 17-kii Jannaayo, 1963, kaasoo muujinaya in Joannides lagu amray inuu qaato magac been abuur ah iyo shatiga darawalnimada oo ay ku qoran tahay magaca “Howard Gebler.”

Ilaa Khamiistii, hay’addu waxay dafiraysay in Joannides loo aqoon jiray “Howard,” oo ahaa magaca sarkaalka kiiska ee xiriiriyaha CIA-da ee la shaqeynayay dhaq-dhaqaaqayaal ka tirsan koox ka soo horjeedda shuucinimada oo mucaarad ku ahayd kaligii-taliyihii Cuba, Fidel Castro, loona yaqaanay Agaasinka Ardayda Cuba (Cuban Student Directorate).

Tobannaan sano, hay’addu waxay sidoo kale si been ah u sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn kooxdaas ardayda, taasoo door weyn ku lahayd in la baahiyo mowqifyadii Oswald ee taageersanaa Castro wax yar ka dib toogashadii dhacday.

“Sheekadii lagu daboolayay Joannides hadda si rasmi ah ayay u dhimatay,” ayuu yiri Jefferson Morley, oo ah qoraa iyo khabiir ku xeel dheer dilka. “Tani waa arrin weyn. CIA-du waxay beddeleysaa heestii ay ka qaadi jirtay Lee Harvey Oswald.”

Macluumaadkan ayaa soo ifbaxay iyadoo qayb ka ah amarka Madaxweyne Trump ee ahaa in dawladdu ay fuliso waajibaadkeeda ku aaddan shaacinta dhammaan dokumiintiyada hoos yimaada Sharciga Diiwaannada JFK ee 1992 (JFK Records Act of 1992).

Wax yar ayaa laga ogaa ku lug lahaanshaha Joannides ee kiiska ilaa kashifaadyo la sameeyay 1998-kii oo hoos imanayay sharciga diiwaannada. Kashifaadyo cusub oo laga qaaday diiwaanno hore loo qariyay ayaa sii wada inay qeybo macluumaad ah ku soo kordhiyaan sheekada.

Joannides wuxuu ahaa madax ku xigeenka laanta CIA-da ee Miami, isagoo kormeerayay “dhammaan dhinacyada waxqabadka siyaasadeed iyo dagaalka nafsiga ah.” Taas waxaa ka mid ahaa in si qarsoodi ah loo maalgeliyo loona haggo kooxda ardayda Cuba, oo inta badan loo soo gaabiyo DRE oo laga soo qaatay magacooda Isbaanishka.

9-kii Ogosto, 1963, in ka badan saddex bilood ka hor dilkii 22-kii November, afar xubnood oo ka tirsan DRE ayaa isku dhacay Oswald magaalada New Orleans xilli uu qaybinayay waraaqo lagu taageerayey Castro oo ay ku qornayd “U Hiili Cuba”. Dhageysigii maxkamadeed ee ka dhashay waxaa tebiyay warbaahinta maxalliga ah.

21-kii Ogosto, 1963, Oswald wuxuu dood kula yeeshay dhaq-dhaqaaqayaasha DRE telefishin maxalli ah, taasoo usii jeedisay dareen dheeraad ah oo warbaahineed isaga oo ah shuuci.

Dilka ka dib, warsidaha DRE wuxuu Oswald ku tilmaamay shuuci taageersan Castro, wargeysyada Miami Herald iyo Washington Post ayaa tebiyay sheekadaas.

Sannad ka hor inta aan Oswald loo aqoonsan inuu yahay pro-Castro, Pentagon-ku wuxuu diyaariyay qorshe la magac baxay Operation Northwoods oo ahaa in weerar been abuur ah laga fuliyo gudaha Maraykanka, laguna eedeeyo Cuba, ka dibna la weeraro.

Dokumiintiyada cusub wax iftiin dheeri ah kuma soo kordhinayaan toogashadii Kennedy ama ma xallinayaan muranka ku saabsan in Oswald uu keligii ahaa iyo in kale. Sidoo kale ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya sababta ay CIA-du u qarisay xiriirka Joannides ee DRE.

Dhammaan diiwaannada la kashifay ilaa hadda waxay muujinayaan sida ay CIA-du been uga sheegtay maalgelinta ama ku lug lahaanshaha DRE. Taas waxaa ka mid ah is-dhexgalka hay’adda ee Guddigii Warren (Warren Commission) (1964), Guddigii Church (Church Committee) (1975), Guddiga Gaarka ah ee Aqalka Wakiillada ee Dilalka (House Select Committee on Assassinations) (1977-78) iyo Guddiga Dib-u-eegista Dilalka (Assassination Review Board) (ilaa 1998).

Joannides kaliya kama warqabin Oswald dilka ka hor—balse wuxuu dilka ka dib door udub-dhexaad ah ka qaatay marin-habaabinta Guddiga Gaarka ah ee Aqalka Wakiillada ee Dilalka.

Waqtigaas, CIA-du waxay Joannides u magacawday inuu noqdo xiriiriyahooda u qaabilsan guddiga. Laakiin isaga iyo hay’addu waxay qariyeen xaqiiqda ah inuu ku lug lahaa DRE, sidaas darteedna uu qayb ka ahaa kiiska Kennedy, wuxuu hakiyay soo saarista diiwaannada CIA-da, wuuna been sheegay.

Qareenkii guud ee guddiga, Robert Blakey, wuxuu 2014-kii marqaati ka furay inuu Joannides weydiiyay wax ku saabsan “Howard” iyo DRE, iyo in “Joannides uu ii xaqiijiyay in aysan heli karin wax diiwaan ah oo ku saabsan sarkaal noocaas ah oo loo xil saaray DRE, laakiin uu sii wadi doono raadinta,” ayuu yiri Blakey.

Baare hore oo guddiga ka tirsanaa, Dan Hardway, ayaa bishii hore marqaati ka hor furay Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiillada (House Oversight committee) in Joannides uu waday “hawlgal qarsoodi ah” oo lagu wiiqayay baaritaanka Koongareeska ee ku aaddanaa dilka.

Laba sano ka dib markii uu hor istaagay guddiga, Joannides waxaa lagu abaal-mariyay Billadda Sirdoonka ee Muddada Dheer (Career Intelligence Medal) oo ay siisay CIA-da sanadkii 1981. Wuxuu geeriyooday 1990-kii.

Xildhibaanad Anna Paulina Luna, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto Florida oo kormeeraysa guddiga Aqalka Wakiillada ee baaritaanka ku haya dokumiintiyada cusub ee JFK, ayaa sheegtay in Joannides uu “boqolkiiba kun” ku lug lahaa qarin sir ah oo ay samaysay CIA-du.

Morley iyo qaar kale oo wax badan ka qoray dilka Kennedy waxay aaminsan yihiin in saraakiil CIA-da ka tirsan oo iskaa-wax-u-qabso ahaa ay ku lug lahaayeen dilka, laakiin Morley diyaar uma ahan inuu sheego in Joannides uu ka mid ahaa.

Qaar kale, sida qoraaga Gerald Posner, waxay aaminsan yihiin in Oswald uu ahaa ninka keligiis toogashada geystay. Laakiin dhammaantood waxay isku raacsan yihiin in CIA-du ay si daacad-darro ah u dhaqantay ka dib dilkii Kennedy.

“Waa dabeecadda caadiga ah ee CIA-da. Weligood daahfurnaan ma bixiyaan. Runtana ma sheegaan. Way madoobeeyaan. Way isku qasaan. Marka dokumiintiyadu soo baxaan, waxay u muuqdaan kuwo xun,” ayuu yiri Posner.

Afhayeen u hadlay CIA-da ayaa u sheegay warbaahinta Axios in hay’addu “ay si buuxda u fulisay oo ay bixisay dhammaan dokumiintiyada—iyada oo aan waxba laga tirtirin—ee la xiriira dilkii Madaxweynihii hore ee John F. Kennedy, iyadoo u gudbisay Hay’adda Qaranka ee Diiwaangelinta (NARA) si waafaqsan amarkii Madaxweyne Trump, taasoo ah tallaabo daahfurnaan oo aan hore loo arag oo ay qaadday hay’addu.”

Morley iyo Luna waxay sheegeen in Agaasimaha CIA-da John Ratcliffe iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Tulsi Gabbard ay mudan yihiin ammaan maadaama ay dalbadeen daahfurnaan dheeri ah. Sidaa darteed, filo diiwaanno dheeraad ah.

Wasiir Jamaal oo taageeray qorshaha DF ee Sanaag xilli uu socdo abaabul xooggan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiikii hore ee qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa si weyn usoo dhoweeyay qorshaha la doonayo in gobolka Sanaag oo uu kasoo jeediyo loogu biirayo maamulka SSC-Khaatumo, qorshahaas oo ay si weyn gadaal uga riixeyso Villa Soomaaliya oo garab ka heleyso siyaasiyiin kasoo jeedo gobolka.

Jamaal oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in maanta fursad wayn oo dahabi ay haystaan reer Sanaag, isagoo ugu baaqay inay ka faa’iideystaan, ayna dhistaan maamul ay leeyihiin.

“Maanta waxaa la haystaa fursad dahabi ah oo lagaga bixi karo marxaladdaa adag ee gobolku ku jiro, laguna dhisi karo maamul dadku leeyihiin, midnimadda dalkana sii xoojinaya. ayuu yiri wasiirkii hore wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka horyimid abaabulka ay waddo Puntland ee looga soo horjeedo inay reer Sanaag ay qabsadaan shir looga arrinsanayo aayahooda, gaar ahaan dhismaha SSC.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan gobolka ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamo uu wato guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay taageereyso dowladda dhexe iyo ciidamada Puntland ee ku sugan halkaas oo iyaguna bilaabay dhaq-dhaqaaq ay uga hortagayaan qorshaha Villa Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka wasiir Jamaal oo dhammeystiran:-

Gobolka Sanaag sannado badan wuxuu ku jiray muran siyaasadeed oo ay maamulo isku haystaan — waana tan sababtay horumar la,aanta ka jirta gobolka marka laga eego dhanka arimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Maanta waxaa la haystaa fursad dahabi ah oo lagaga bixi karo marxaladdaa adag ee gobolku ku jiro, laguna dhisi karo maamul dadku leeyihiin, midnimadda dalkana sii xoojinaya.

Shir nabadeed lama hor istaagi karo. Cid kasta oo isku dayda inay shirka carqaladeyso ama xoog ku baajiso, iyadaa mas’uul ka noqon doonta cawaaqibka ka dhasha.

Kuwa maanta diidan in dadku shiraan oo aayahooda ka tashadaan waa labo:

Mid dano gaar ah leh oo aan rabin in dadka deegaanku ka baxaan muran ka siyaasadeed iyo horumar la’aanta; iyo mid aaminsan fikir ka gooni-goosad ka ee Soomaaliya lagu kala jarayo.

Shacabka reer Sanaag xaq bay u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, si nabad ahna isugu yimaadaan. Fursadan oo kale ah mar walba lama helo– ha laga faa’iideysto, hana la xaqiijiyo.

Villa Somalia iyo Puntland oo ku loolamaya Sanaag iyo dagaal laga cabsi qabo

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in haatan maamulkaasi ay kasoo korortay xiisad culus oo si weyn looga dareemay gobollada Sanaag iyo Highland, halkaa soo ay ka billowdeen dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, loolanka ayaa u dhexeeya siyaasiyiin ay riixayso Villa Somalia iyo hoggaanka sare ee Puntland, iyada oo labada gobol ay galeen marxalad cusub.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, ahna xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada maamulkaasi, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo wata ciidamo maleeshiyaad ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha u galay qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo, waxaana kadib la dareemay dhaq-dhaqaaq ciidan iyo xaalad kacsanaan ah.

Cabdirashiid ayaa lasoo warinayaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia, uuna ka shaqeynayo sidii gobolkaas uu ugu biiri lahaa dhammeystirka maamulka SSC-Kkhaatumo, isaga oo qaban-qaabinayo shir guud oo lagu diyaarinayo ergadii metali lahayd gobolka Sanaag.

Dhankeeda Puntland ayaa si weyn uga hortimid dhaq-dhaqaaqan, waxaana ciidamadeeda ay haatan abaabul culus ka wadaan gobolka, si ay uga hortagaan qorshaha Cabdirashiid iyo Villa Somalia ee ku aadan sidii gobolkan uu ugu biiri lahaa maamulka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, Puntland ayaa gobollada Sanaag iyoHighland u dirtay xubno ka tirsan xukuumadda iyo golaha wakiilada, si ay u xoojiyaan dhaq-dhaqaaqa looga hortagayo qorshaha ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana Puntland ay ku dadaaleysaa inay baajiso shirka loo qabanayo reer Sanaag.

Dhinaca kale, waxaa jira cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo labada ciidan ee halkaas ku sugan, maadaama uu sii xoogeynayo loollanka iska soo horjeedo e labada koox, waxaana haatan xaaladda ay u muuqataa mid kasii dareysa.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka wado gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaasi.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase xaaladdan soo korortay ay imaaneysaa, iyada oo shalay dowladda dhexe ay guda gashay dhammeystirka maamulka SSC, waxaana la magacaabay guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa howshaas.