27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Kadib ciqaabtii TAIWAN, Soomaaliya iyo Shiinaha oo tallaabo qaaday + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogeysanaya ayaa sababay in dhawaan dal-ku-galka laga mamnuuco baasaboorka Taiwan, oo si weyn isku hayaan xukuumadda Beijing.

Labada dal oo muddooyinkii kadib uu xiriirkooda heer sare ahaa ayaa sii xoojiyay iskaashiga labada dhinac, iyada oo maanta Safiirka Shiinaha iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ay kulan muhiim ah ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Danjire Wang Yu, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Waxaa kulanka qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe.

Intii uu socday kulanka labada dhinac waxa ay ka wadda hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale gaar ahaan kan la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Wasiir Axmed Xasan ayaa boggaadiyay xiriirka iskaashi ee ganacsiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee labada dal, wuxuuna muujiyay sida ay wasaaradda uga go’an tahay horumarinta fursadaha suuq-geynta kalluunka Soomaaliyeed.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Shiinaha ay diyaar u tahay in ay suuqyadeeda waaweyn u furto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hawlan kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, isagoo xusay in badeecadahaas si canshuur-dhaaf ah loogu iibin karo gudaha Shiinaha.

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, ayna taageeraan horumarinta ganacsiga kalluumeysiga sharciyeysan iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah ee u dhexeeya labada dal.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo UK kala hadlay caqabad heysata Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Ms. Harriet Mathews, Agaasimaha Guud ee FCDO ee UK u qaabilsan Afrika iyo Ameerika kulan wax ku ool ah oo ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo UK.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray amniga oo ay ku jiraan howlgalka AUSSOM, horumarka siyaasadeed, iyo joogtaynta guulaha amniga, iyadoo loo marayo taageero iyo isku-dubarid labada dhinac ah.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay UK, taas oo xoojinaysa xasilloonida, doorashada caalamiga ah iyo nabadda mustaqbalka fog ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay masuulkaan ka socday dowladda UK bixinta dhaqaalaha ay ku howlgelayaan ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale u raadineysa howlgalka cusub ee AUSSOM, dowladaha caalamka ee Soomaaliya ka taageeri jiray bixinta dhaqaalaha amniga, gaar ahaan ciidamada Midowga Afrika, maadaama uu dhamaaday howlgalkii horay loogu heshiiyey ee ATMIS.

Bilaha soo socda ayaa lagu wadaa in ciidamada howlgalka AUSSOM ay ka shaqo bilaabaan Soomaaliya, balse weli meel ma saara dhaqaalihii ay ku howlgeli lahaayeen waxaana socda dadaallo ay wado dowladda Soomaaliya.

Ku dhawaad 20 sano ayaa Soomaaliya laga taageerayaa bixinta dhaqaalaha ay ku howlgelayaan ciidmaada Midowga Afrika, waxaana hadda la sheegayaa in caalamku ka niyad jabay, maadaama hormar badan aan laga gaarin dagaalka argagixisada iyo sugidda ammaanka.

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay go’aannada kasoo baxay shirkii madasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay go’aannadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo laga soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 10 qodob oo xasaasi ah.

Qodobada ugu muhiimsan ayaa waxaa kamid ah in xaaladda culus ee Jubbaland loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo helo maamul sharci ah.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Sidoo kale waxaa si rasmi ah loo aqoonsaday Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo, waxaana shirweynaha dhismaha maamulkaas iyo dhameystirka hanaanka dowladnimo ee SSC loo xil-saaray inay ka shaqeyso wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in Dawlad-goboleedyada dalka ay guddiga doorashooyinka kala shaqeeyaan diiwaan-gelinta dadweynaha, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Qodob ka mid ah bayaanka waxaa hambalyo loogu diray xisbiyada is diiwaan geliyey, waxaana bayaankaan lagu taageeray hanaanka xisbiyada badan ee dalka ka dhaqan galay.

Haddaba side looga fal-celiyay go’aannada kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran?

Cabdirsaaq Sheekh Xasan: “GWQ kala bar sharci kuma joogaan, oo mudo xiloodkoodi waa dhamaaday, sidee doorasho xor iyo xalaal ah oga hadli karaan ayagoo baadil ku joogo xukunka?”.

Sharma’arke Cali: “Jubbaland-taan aan dhaafsaneyn magaalada Kismaayo waan qabaa in laga tashto”.

Cabdifitaax Dhaqaaje: “Qodobka aqoonsiga SSC-Khaatumo aad baan ugu farxay Wallaahi”.

Maxamed Cabdulqaadir: “Waa yaabee waxeey yiraahdeen maamulka Jubbaland sharci maaha, waa yehee maamulada kale miyeey sharci ku joogaan, ileen mar hore ayey sharciyadda ka wada dhacdayee?”.

Cabdirsaaq Xaashi: “Madal kala aragti duwan maba jirto haddii hal xisbi ay noqdeen”.

Sawirro: Mareykanka oo agab ciidan soo gaarsiiyay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay agab ciidan oo casri ah.

Qalabkan ayaa loogu talagalay in uu gacan ka geysto kor u qaadista awoodda dagaal ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, si ay door muuqda uga qaataan hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa qoraal rasmi ah ku muujisay mahadcelin ay u jeedisay Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Danjire Richard Riley, oo matalaya dowladdaasi. Wasaaraddu waxay ammaan iyo bogaadin u jeedisay taageerada joogtada ah ee Mareykanku siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Qoraalka ayaa si gaar ah u xusay in qalabkan la guddoonsiiyay ciidamada Danab uu muhiimad weyn u leeyahay howl-galadooda dagaal, gaar ahaan kuwa ka dhan ah Al-Shabaab. Wasaaraddu waxay sheegtay in qalabkani uu door muuqda ka qaadan doono sare u qaadidda xirfadaha iyo waxqabadka ciidamadaasi.

Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ayaa tilmaantay in taageeradan ay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagu xoojinayo awoodda ciidanka Danab.

Waxay sheegtay in agabkan cusub uu siin doono ciidanka fursad ay kaga hortagaan caqabadaha amni ee weli ka jira qeybo badan oo dalka ka mid ah.

War-saxaafadeedka ayaa xusay in iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka uu yahay tiir muhiim ah oo lagu kobcinayo awoodda ciidamada qaranka.

“Iskaashiga xooggan ee labada dal wuxuu kaalin muhiim ah ka qaadanayaa xoojinta awoodda ciidankeena, sare u qaadista isla xisaabtanka, iyo gaaridda isku filnaanta amni,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu sheegay in iskaashigan uu horseedayo in la gaaro isku filnaansho dhanka amniga ah iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee kala dhaxeeya dowladda Mareykanka.

Ciidamada NISA iyo xoogga oo ku baxay colaad kasoo cusboonaatay…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ka howl-gala gobolka Hiiraan ayaa howl-gal ballaaran ku tegay deegaanada hoos yimaada degmada Matabaan, si ay u damiyaan colaad beeleedyo dhowaan halkaasi ka soo cusboonaaday.

Colaadahaas ayaa saameyn ku yeeshay nabadgelyada deegaanka, waxaana ay ka dhaceen dhulka miyiga ah ee ku yaalla dhanka woqooyi galbeed ee degmada.

Howl-galkaan waxaa horkacayay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad Sugidda Qaranka. Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan beello walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada Miirdacay iyo Miir Makaleey, iyagoo u jeedadoodu tahay in ay joojiyaan dagaalka isla markaana ay dib u soo celiyaan xasilloonida guud ee deegaanka.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada oo si dhow ula shaqeynaya maamulka degmada Matabaan ayaa wadaan dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo dagaal kale oo dhaca, iyagoo ka hortagaya in xiisadda markale kacdo.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada ku nool Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, saraakiil ay kamid yihiin Dhamme Cabdi Cismaan Waasuge, Cabdi Muumin iyo Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa la kulmay dhinacyadii ku dagaalamay tuullooyinka hoostaga Matabaan. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo joojin lahaa colaadda loogana shaqeyn lahaa xal waara.

Ugu dambeyn, saraakiisha iyo maamulka degmada ayaa ku booriyay beelaha in ay aqbalaan baaqa ciidamada oo ah mid ku saleysan nabad iyo wada noolaansho.

Waxa ay shacabka ugu baaqeen in ay iska kaashadaan ilaalinta nabadda iyo iskaashiga si looga hortago colaado kale oo dib uga soo cusboonaada gobolka.

COLDOON oo maanta la sii daayay xilli shalay la xukumay

Hargeysa (Caasimada Online) – Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta xabsiga laga sii dayay, kadib markii ay shalay xukun ku riday maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex.

Coldoon ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib markii loo iibiyay xukunka maxakamaddu ku riday oo ahaa 6 bilood oo xarig ah, maadaama uu sharcigu dhigayo inuu iibsan karayo.

Xukunka shalay ayaa yimid iyadoo aan warbaahinta si rasmi ah loogu soo bandhigin eedaha loo haystay Coldoon ama qodobbada sharci ee maxkamaddu u cuskatay go’aankeeda.

Coldoon ayaa markaas diiday inuu qabsado qareen, isagoo doorbiday inuu isagu si toos ah isaga difaaco maxkamadda horteeda.

Cabdimaalik ayaa la xiray 4-tii Abriil, isaga oo laga qabtay magaalada Berbera, kadib markii uu sheegay inuu ku maqnaa baxsad uu ugu baxay bariga Somaliland. Waxa uu markaas sheegay in ay jirto cabsi la xiriirta in la xiro, taas oo sababtay in uu si ku meel gaar ah uga fogaado magaalada.

Qoyskiisa ayaa markii dambe ku qanciyay inuu Burco dib ugu soo laabto, iyadoo loo ballan-qaaday inaan la xiri doonin, balse durbadiiba waa la xidhay markii uu yimid.

Waxaa la tuhunsan yahay in xadhigiisan uu salka ku hayey faallo uu ka bixiyay warbixin ay baahisay Al Jazeera, taas oo sheegtay in Somaliland ay aqbashay inay martigeliso dad ka tirsan shacabka reer Gasa ee ay Israel iyo Mareykanku rabaan in ay ka barakiciyaan dhulkooda.

Si kastaba, Coldoon ayaa hore dhowr jeer loogu xiray Somaliland, iyadoo ku dhaceen xukunno kala duwan oo ugu dambeeyay kan maanta loo iibiyay, uuna dib ugu helay xoriyadiisa.

Puntland oo shaki wayn ka muujisay go’aannadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne  Saciid Cabdullaahi Deni ayaashaki wayn ka muujiyay go’aannada kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabageeyay magaalada Muqdisho.

Puntland ayaa ka hortimid qodobada laga soo saaray shirkan oo ay mar hore isaga baxday, waxayna sheegtay aanu quseyn ka maamul ahaan.

Sidoo kale waxa ay eedeyn culus u jeedisa Dawladda Federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna intaasi ku dartay inay qabto shaki wayn oo ku aadan in la rabo in duulaan lagu qaado  Puntland iyo Jubbaland, sida ay hadalka u dhigtay.

“Shirka waxaa ka soo baxey oo Xasan Shiikh ku xalaaleystey duulaan lagu qaado Puntland iyo Jubbaland, waxaase xaqiiq ah in aan lagu guuleysan doonin duulaankan gardaradda ah” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab.

Puntland ayaanan ka qayb-gelin shirka kusoo dhammaaday Muqdisho oo laga soo saaray go’aann culus oo la xiriir xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2026.

Dhankeeda Jubbaland ayaa si weyn uga hortimid go’aannada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo uu ka maqnaa madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan quseyn qodobada kasoo baxay shirkaas oo qaarkood si toos ah u saameynaya maamulkaasi, maadaama lasoo jeediyay in si sharci ah loo wajahyo xaaladda maamulkaas oo loo xilsaaran wasaaradda arrimaha gudaha,

“Waan socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda Hal Xisbi shirkooda, mana quayso Dowladda Jubbaland.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax Mukhtaar oo qoraal uu soo saaray uga fal-celiyay qodobada shirkii Muqdisho.

Puntland iyo Jubbaland ayaa labaduna waxaa haatan khilaag culus uu kala dhexeeya Dawladda Federaalka, waxayna gebi ahaan isaga baxeen Golaha Wadatashiga Qaran, sidoo kale waxaa go’ay wadashaqeyntii iyo xiriirka ay la lahaayeen dawladda dhexe.

 

Maamul-goboleedyada oo hirgelinaya qorshaha Villa Somalia, kadib shirkii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Dawlad-goboleedyada dalka ayaa haatan bilaabaya inay si toos ah u hirgeliyaan qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka dalka, kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Maamul-goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo SSC-Khaatumo ayaa ogolaaday inay qayb ka noqdaan qorshaha socda ee la xiriira hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedkii xalay soo baxay, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in maamul-goboleedyadan ay qayb ka noqdaan baahinta diiwaangelinta dadweynaha ee haatan ka socota magaalada Muqdisho, iyaga toos ah ula shaqeynayo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

“Golaha waxa uu isku raacay in maamul-goboleedyada ay guddiga doorashada kala shaqeeyaan dardargelinta iyo baahinta diiwaangelinta dadweynaha, si loo hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah” ayaa lagu yiri qayb kamid ah war-murtiyeedka xalay soo baxay ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Sidoo kale, Golaha ayaa soo dhaweeyay in dalka uu aado hannaanka xisbiyada badan, iyaga oo u hambalyeeyay ururada is diiwaangeliyay oo kor u dhaafaya illaa 20 urur, kuwaas oo qaatay shahaaddada diiwaangelinta.

Waxaa kale oo ay farriin u direen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ugu baaqeen inay sameystaan ururro, si ay qayb uga noqdaan ololaha socda ee diiwaangelinta iyo doorashada 2026.

“Golaha waxa uu soo dhaweeyay hannaanka xisbiyada badan ee dalka ka hirgalay, wuxuuna u hambalyeeyay xisbiyada is-diiwaangeliyay, sidoo kale wuxuu dhammaan kooxaha daneeya siyaasadda in diiwaangashadaan ururro siyaasadeed metala afkaartooda” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Qorshahan waxaa horay isaga diiday maamullada Jubbaland iyo Puntland oo labaduba ka maqnaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay laga soo saaray go’aannada culus.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah, waxaase ka taagan dood xoogan oo u dhexeyso Dawladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka dalka.

Puntland oo jawaab rasmi ah ka bixisay raadaarka militari ee Imaaraadka ee Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga jawaabay raadaarka militari ee Imaaraadka Carabta ay ku rakibeen Boosaaso, kaasi oo ah raadaar ay sameysay Israel.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydheed Diriir, ayaa si adag u beeniyay wararkaas sheegaya in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay raadaarro ciidan ka rakibtay magaalada xeebta ku taalla ee Boosaaso, si loogu fuliyo weerarro cirka ah oo lagu beegsanayo Suudaan iyo Yemen.

Wasiir Diriir ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku tilmaamay eedeymahan “borobogaando been abuur ah” oo uu sheegay in ay faafinayaan kooxo uu ku sifeeyay kuwo si cad uga soo horjeeda xasilloonida Puntland iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Waddamo ay ka mid yihiin Turkiga, Qatar, iyo hay’ado iska dhigaya inay yihiin warbaahin caalami ah ayaa ka dambeeya eedeymahan salka la’a,” ayuu yiri Wasiir Diriir. “Weli ma aqbali karaan xaqiiqda ah in Puntland ay si dhab ah u jebisay kooxaha argagixisada — kooxo Turkigu sanado badan la dagaallamay haddana ku guuldareystay inuu ciribtiro.”

Sawirro dayax-gacmeed oo la qaaday horraantii bishii Maarso ayaa daaha ka rogay in radar-ka noociisu yahay ELM-2084 ee Israel samaysay, kaasoo ah radar casri ah oo leh 3D lagu xiray agagaarka garoonka diyaaradaha.

Xogta duulimaadyada hawada ee guud ahaan la heli karo ayaa muujinaysa in dowladda Imaaraadka Carabtu ay si joogto ah oo isa soo taraysa u adeegsanayso garoonka Boosaaso, si ay saanad ugu gaarsiiso ciidamada taageerada degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF) ee Suudaan.

Ciidamada RSF ayaa muddo labo sano ah dagaal kula jiray militariga dalka Suudaan.

“Imaaraadka Carabtu waxay rakibtay radar-ka wax yar ka dib markii RSF ay gacanteeda ka baxday inta badan Khartoum horraantii Maarso,” sida uu il-wareed gobolka ka tirsan u sheegay Middle East Eye.

“Ujeeddada radar-ku waa in la ogaado loogana digo khataraha ka iman kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ama gantaalaha, gaar ahaan kuwa ay suuragalka tahay inay Xuutiyiintu ka soo tuuraan meel Boosaaso ka baxsan.”

Jubaland oo jawaab ka soo saartay go’aannada shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si weyn uga hortimid go’aannadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo uu ka maqnaa madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan quseyn qodobada kasoo baxay shirkaas oo qaarkood si toos ah u saameynaya maamulkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Mudane Cabdifitaax Mukhtaar oo qoraal soo saaray ayaa wax aan socon karin ku tilmaamay qodobada laga soo saaray shirkaas oo uu tilmaamay inay yeesheen oo kaliya madaxda hal xisbi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda Hal Xisbi shirkooda, mana quayso Dowladda Jubbaland.” ayuu yiri Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar.

Jawaabta deg-degga ah ee Jubbaland ayaa daba socoto go’aan culus oo ay maamulkan kasoo saareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, waxayna soo jeediyeen in si sharci ah loo wajahyo xaaladda maamulkaas oo meel xun gaartay, si loo soo afjaro.

Xaaladda Jubbaland waxaa loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la faray inay keento xal rasmi ah, si loo helo Dawlad-goboleed sharci ah.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiddan doorashadii ka dhacday Kismaayo ee mar kale dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ka dhex-qarxay labada dhinac, isla-markaana dhaliyay saameyn xooggan gudaha dalka ah.

Si kastaba, arrinta ayaa u muuqata in weli dawladda dhexe aanay ka tanaasulin mowqifkeeda ku aadan Jubbaland, iyada oo dooneyso in meesha laga saaro Axmed Madoobe, waxaase la ogeyn qaabka ay u wajihi doonto, maadaama dagaalkii hore lagu fashilmay.

Maxay Sacuudi Carabiya ku qasbeen Mareykanka ka hor booqashada Trump ee Riyadh?

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa si xooggan ugu ololeysay Mareykanka in uu joojiyo dhammaan weerarrada uu ka wado Yemen, kahor booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo boqortooyada, iyadoo ka digtay in weeraradaasi ay sababi karaan “xaalad xanuun badan” oo keenta xasilooni darro siyaasadeed, sida ay ogaatay warbaahinta Middle East Eye.

Tan iyo markii maamulka Biden uu billaabay duqeymaha sanadka 2024, Sacuudi Carabiya waxay ka biyo-diidnayd weerarada Mareykanka ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta. Laakiin toddobaadkii tegay ayaa cadaadiska Sacuudigu uu kordhay, iyagoo walaac ka muujiyay baaxadda weeraradaas, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo codsaday in magacyadooda la qariyo.

“Trump wuxuu u muuqdaa inuu aqbalay dalab Sacuudiyaan ah oo ah in la joojiyo duqeymaha kahor safarkiisa,” mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa u sheegay Middle East Eye.

“Cadaadiska Sacuudiga si loo joojiyo weerarradan aad buu u kordhay tan iyo toddobaadkii hore. Waxay noo sheegeen in weerarada Yemen inta uu Madaxweynaha Mareykanka joogo ay noqon karto ‘ku ciyaar dab’,” ayuu intaas ku daray.

Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in Mareykanka uu “si degdeg ah” u joojinayo duqeymaha uu ka wado Yemen.

Ilo-wareedyadu ma aysan caddeyn in go’aanka Trump uu ku saleysnaa kaliya cadaadiska Sacuudiga, ama inuu isagu si gaar ah u qiimeeyay.

Weerarrada Mareykanka ayaa sidoo kale dhaleeceyn xooggan kala kulmay saaxiibada ugu dhow ee Trump, sida wariyaha caanka ah Tucker Carlson iyo xildhibaanadda Marjorie Taylor Greene.

Kahor hadalka Trump, Greene ayaa ku maadsatay weerarada Mareykanka, iyadoo tiri: “Weli Xuutiyiin ma arag, mana garanayo qof iyaga arkay.”

Trump: “Waxaan ixtiraami doonnaa ballanqaadka Xuutiyiinta”

Trump ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta ay u soo sheegeen Mareykanka habeenimadii Isniinta in “aysan dooneynin inay sii dagaalamaan, ee ay rabaan in dagaalku joogsado.”

“Waxaan sharfi doonnaa ballanqaadkaas. Duqeymaha waan joojinaynaa,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray in kooxdaasi ay ballanqaaday in aysan weerari doonin maraakiibta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr al-Busaidi, ayaa bartiisa X ku xaqiijiyay hadalka Trump, isagoo sheegay in dalkiisu uu dhex-dhexaadinayay xabbad-joojin u dhaxaysa Mareykanka iyo Xuutiyiinta.

“Mustaqbalka, labada dhinac midna ma weerari doono kan kale, oo waxaa lagu heshiiyay in aan la beegsan maraakiibta Mareykanka ee Badda Cas iyo Bab al-Mandab, si loo sugo xurriyadda maraakiibta ganacsiga caalamiga ah,” ayuu ku qoray al-Busaidi.

Mas’uuliyiin Carbeed iyo Maraykan ah ayaa u sheegay Middle East Eye in Sacuudi Carabiya ay si xeel dheer u wadaysay “wadaxaajood horudhac ah” oo ku saabsan safarka Trump.

Sacuudigu wuxuu doonayaa in booqashada lagu adkeeyo heshiisyo dhinaca dhaqaalaha ah iyo iibka hubka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin Carbeed.

Warbixin hore oo uu daabacay Middle East Eye toddobaadkii hore ayaa sheegay in Riyadh ay ka codsatay Mareykanka in aan wax wadahadallo la xiriira xiriirka la samaynayo Israa’iil lagu soo qaadin inta uu Trump joogo boqortooyada.

Sacuudi Carabiya waxay ku adkeysatay in aysan aqoonsan doonin Israa’iil ilaa la qaado tallaabooyin dhab ah oo loo marayo dhismaha dowlad Falastiini ah iyo xabbad-joojin rasmi ah oo ka dhaqan gasha Qaza.

Israaiil oo duqeysay Sanca isla maalintii Mareykanku xabbad-joojinta ku dhawaaqay

“Xabbad-joojinta” u dhaxaysa Mareykanka iyo Xuutiyiinta waxay sidoo kale muujisay kala duwanaansho u dhexeeya Trump iyo Israa’iil.

Trump ayaa ku dhawaaqay in uu joojinayo weerarada isla maalintii Israa’iil ay duqeyn xooggan la beegsatay garoonka diyaaradaha ee Sanca.

Trump iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan midkoodna ma aysan xusin in Xuutiyiintu ay joojin doonaan weerarrada ay ku hayaan Israa’iil. Toddobaadkii tegay, gantaal ay Xuutiyiintu rideen ayaa ku dhacay meel u dhow Terminal 3 ee garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv, taasoo argagax ku abuurtay Israa’iil.

Tan iyo markii maamulka Biden uu billaabay weerarada 2024, Sacuudi Carabiya si weyn ayay uga shakisneyd ololaha Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Yemen waxay gashay dagaal sokeeye sannadkii 2014 markii kooxda xiriirka la leh Iran ee Xuutiyiinta ay qabsadeen caasimadda Sanca. Sannadkii xigay, Sacuudi Carabiya ayaa hoggaamisay isbahaysi dalal Carbeed ah oo ay ku jirto Imaaraadka, si ay dib ugu soo celiyaan dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaaminayo wuxuu qaaday kumannaan duqeyn, balse kuma uusan guuleysan in uu meesha ka saaro Xuutiyiinta, waxaana taa beddelkeeda ka dhashay kumannaan dhimasho rayid ah iyo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan.

Xuutiyiintu waxay uga jawaabeen weeraradaas iyagoo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku garaacay xarumo rayid ah oo ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.

Sanadkii 2022, Sacuudiga iyo Xuutiyiintu waxay gaareen heshiis xabbad-joojin ah. Inkastoo heshiiskaasi uu si rasmi ah u dhacay, labada dhinac waxay ka fogaadeen in ay mar kale si toos ah isu weeraraan.

Si kastaba ha ahaatee, dadaallada Sacuudiga ee ku aaddan xal siyaasadeed oo lala gaaro Xuutiyiinta waxaa carqaladeeyay weerarrada kooxdaasi ku hayso maraakiibta caalamiga ah iyo weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.

 

Mareykanka oo $10 milyan ku raadinaya Cabdullaahi Banaati

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaal-marin dhan illaa $10 milyan oo la siinayo cid kasta oo keenta xog sugan oo horseedi karta in la helo ama la xukumo Cabdullaahi Banaati, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa dadkii abaabulay weerarkii ka dhacay saldhigga Manda Bay ee Kenya 5-tii Janaayo 2020.

Banaati waa shaqsigii labaad ee barnaamijka Rewards for Justice (RFJ) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka lagu raadinayo, iyadoo la xiriirinayo weerarkaas. Barnaamijkan waxaa maamula Waaxda Amniga Dibadda ee Mareykanka (Diplomatic Security Service).

Sanadkii 2023, barnaamijka RFJ ayaa abaal-marin la mid ah u ballanqaaday ciddii keenta xog horseedaysa qabashada ama xukunka Macalim Ayman — hoggaamiyaha Jaysh Ayman — oo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa abaabulka weerarkaas. Macalim Ayman ayaa bishii November 2020 lagu daray liiska Argagixisada Caalamiga ah ee si gaar ah loo calaamadeeyay (Specially Designated Global Terrorist), iyadoo lagu saleynayo Amar Madaxweyne (EO) 13224.

Bayaan kasoo baxay Mareykanka Arbacadii ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Banaati uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii si toos ah ugu lug lahaa qorsheynta weerarkii Manda Bay. Weerarkaas ayey fulisay kooxda Al-Shabaab, oo ah faraca Al-Qaacida ee Geeska Afrika, waxaana lagu dilay hal askari Mareykan ah iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayay Wasaaradda Difaaca Mareykanka (DoD). Sidoo kale, laba askari iyo qandaraasle kale ayaa ku dhaawacmay.

Kadib weerarka, Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal ay si rasmi ah mas’uuliyadda ugu sheegatay.

Saldhigga Manda Bay, oo qayb ka ah xarunta ciidamada Kenya (KDF), ayaa Mareykanku u adeegsadaa tababarka iyo taageerada la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika, ka falcelinta xaaladaha degdegga ah, iyo difaaca danaha Mareykanka ee gobolka.

Cabdullaahi Banaati ma aha magac cusub oo ka dhex muuqda warbixinaha amniga Kenya. Inkasta oo muddo ku dhow toban sano lagu daba socday, haddana weli gacanta laguma dhigin.

Magaciisu wuxuu si joogto ah ugu soo baxay saddex weerar oo ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay gudaha Kenya tan iyo markii uu kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2012.

Boolisku waxay rumeysan yihiin inuu door muhiim ah ka qaatay daadgureynta dagaalyahannadii fuliyay weerarkii Dusit D2 ee Nairobi sanadkii 2019, halkaas oo 21 qof lagu dilay. Sidoo kale, Banaati ayaa lagu tuhunsan yahay inuu door la mid ah ka ciyaaray weerarkii Westgate ee 2013, oo ay ku dhinteen 67 qof.

Sannadkii 2015, weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Garissa, Banaati ayaa la rumeysan yahay inuu martigeliyay dagaalyahannadii dilalka geystay. Waxaa intaas dheer in la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa ragii weeraray saldhigga KDF ee Baure, gobolka Lamu, bishii Juun 2015, halkaas oo 11 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah lagu dilay.

 

Nin damacsanaa qorshe halis ah oo lagu toogtay B/weyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay howlgal guuleystay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo lagu toogtay nin hubeysan oo halis ku ahaa magaaladaasi, sida ay sheegeen saraakiilsha laamaha amniga.

Ninka la toogtay ayaa lasoo wariyay inuu watay bistoolad iyo bam-gacmeed, waxaana ka war helay ciidamada ammaanka eek u sugan xaafadda Buundo Wayn, kuwaas oo toogasho ku dilay.

Sidoo kale, nin kale oo la socday marxuumka la toogtay ayaa baxsaday, wuxuuna ka cararay ciidamada sameeyay howlgalka xalay ka dhacay halkaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerar ay damacsanaayeen raggaasi oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

“Laamaha amniga ee ku sugan Beledweyne ayaa toogtay nin ku hubeysnaa bistoolad iyo sidoo kale bambo, kaas oo doonayay inuu weerar ka gaysto magaalada” ayuu yiri qof kamid dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Nin kale oo la socday ayaa jiro, kaas oo ka baxsaday ciidamada, wxuuna falka ka dhacay bar-kontarol oo ku taalla xaafadda Buundo Wayn” .

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana falka ka hortegga ah ee ay sameeyeen ciidamada soo dhaweeyay bulshada deegaanka, maadaama laga hortegay weerarkii ay qorsheynayeen raggaasi.

Beledweyn ayaa waxaa marar badan weeraro qaraxyo iyo dilal ka fulisay kooxda Al-Shabaab, waxaana u dambeeyay weerarkii odayaasha lagu dilay ee dhowaan ka dhacay hotel ku yaalla magaaladaasi.

Reer Hiiraan ayaa si weyn ula dagaalama Al-Shabaab, waxaana sababta soo celcelisay weerarada Al-Shabaab ee Beledweyne lagu sheegay kacdoonka shacabka ay ugu jiraan xoreynta gobolkaasi.

Sawirro: Itoobiya oo mar kale ku xadgudubtay Soomaaliya – Maxaa ka dhacay Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee Hargeysa ku qaabilay safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Teshome Shunde Hamito.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray “xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah” iyo fududeynta “isu socodka dadka iyo gaadiidka ee xadka ay wadaagaan.” Labada dhinac ayaa ku adkaystay muhiimadda “wadahadal wax-ku-ool ah” iyo ballanqaadka ay u wadaagayaan horumarinta xiriirka labada dhinac.

Kulankaas ayaa dib u xaqiijiyay xiriirka dhow ee labada dhinaca, wuxuunba xadgudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Is-dhexgalka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Somaliland ayaa horey u sababay xiisad ka dhalatay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo horseeday isbahaysiyo cusub iyo heshiisyo ciidan oo gobolka ka dhacay.

Heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee ay Itoobiya kula saxiixatay Somaliland si ay u hesho marin badeed ayaa dowladda Soomaaliya u aragtay inuu xadgudbay midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda. Xiisaddaas oo socotay inta badan sanadkii 2024 ayaa ugu dambeyn lagu xalliyay dadaal dhexdhexaadin ah oo uu Turkigu hoggaaminayay, kaas oo sababay Bayaankii Ankara.

Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan bixin wax war ah oo ku saabsan kulanka dhexmaray Madaxweyne Irro iyo Safiirka Itoobiya ee Hargeysa.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay, Madaxweyne Cirro wuxuu qaabeeyay siyaasad arrimo dibadeed oo firfircoon, isagoo ku dadaalaya inuu kor u qaado sumcadda Somaliland ee caalamka. Waxa uu sidoo kale ku dhawaaqay qorshe safar rasmi ah oo uu dhawaan ku tegi doono Itoobiya, sida uu ku sheegay khudbadiisii dhowaan ee xaaladda dalka.

Kulankaas ayaa kusoo dhammaaday ballanqaad laba dhinac ah oo ku saabsan “xiriir nabadeed, wax-ku-ool ah oo miro-dhal ah.”

Dhanka kale, warbaahinta gudaha ee Itoobiya ayaa tabinaysa in Madaxweynaha Somaliland uu qorsheynayo booqasho shaqo oo uu ku tagi doono Itoobiya, inkasta oo aan weli la shaacin taariikhda rasmiga ah ee safarka.

Bayaanka shirka Golaha Wadatashiga iyo go’aano laga gaaray Jubaland & Khaatumo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la soo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka socday 6-7 May 2025, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed 10 qodob ah.

Xaaladda Jubbaland waxaa loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Waxaa si rasmi ah loo aqoonsaday dowlad goboleedka SSC-Khaatumo, waxaana shirweynaha dhismaha maamulkaas iyo dhameystirka hanaanka dowladnimo ee SSC loo xil-saaray inay ka shaqeyso wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya.

“Goluhu wuxuu isla aqoonsaday in SSC-Khaatumo tahay xubin ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu soo dhameystirayo shirweynaha lagu balansan yahay, waxaana la raacayaa dastuurka dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha heer federaal iyo SSC ayaa iska kaasha doona qabashada shirweynaha iyo dhismaha maamulka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha ayaa isku raacay in dowlad goboleedyada dalka ay guddiga doorashooyinka kala shaqeeyaan diiwaan-gelinta dadweynaha, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Qodob ka mid ah bayaanka waxaa hambalyo loogu diray xisbiyada is diiwaan geliyey, waxaana bayaankaan lagu taageeray hanaanka xisbiyada badan ee dalka ka dhaqan galay.

Hoos ka akhriso qodobada war-saxaafadeedka

Xog: Laftagareen oo shuruud adag ku xiray dhismaha xisbiga Xasan – Muxuu rabaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu gadood ka muujiyay ku biirista xisbiga Xasan Sheekh, kadib markii reerkiisa loo diiday in la siiyo mid ka mid ah saddexda awoodood ee ugu sareeya xisbiga, taasi oo sababtay in caawa dib loo dhigo shaacintii xisbiga.

Xasan Sheekh oo ah hoggaamiyaha xisbiga ayaa isku raba inuu noqdo musharax, gudoomiyaha xisbiga waxaa la siiyey ra’iisul wasaare Xamse, xoghayaha guudna waxaa loo wadaa xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, waa seddaxda awoodood ee xisbiga ugu sareeya, wuxuuna Laftagareen dalbaday in beeshiisa la siiyo Xoghayaha Xisbiga.

Xasan Sheekh oo dareensan miisaanka ay yeelan karto hadii uu lumiyo Laftagareen ayaa maanta u yeeray Cabdiraxmaan Odawaa oo horay loo qorsheeyey in la siiyo kursiga Xoghayaha Guud ee Xisbiga, waxaana laga codsaday inuu ka tanaasulo kursigaas, si loo siiyo Koonfur Galbeed, isagoo u soo jeediyey inuu qaato guddoomiye ku xigeenka xisbiga.

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa la sheegay inuu ka cagajiiday codsigaas, inkastoo uusan laheyn awood uu uga horyimaado go’aanka Xasan Sheekh.

Hadii kursigaas la siiyo Laftagareen, waxaa hubaal ah in mar kale la isku qabsa doono qofka la siinayo, ma Xasan Sheekh ayaa soo xulaya, mise Laftagareen? Waa arrin aan weli hoos loo gelin.

Xasan Sheekh oo laga sugaayey xalinta mushkiladaha Soomaaliya ayaa ka dhamaa la’ dhismaha xisbigiisa, taasi oo muujineysa sida Xasan Sheekh uu weli uga shaqeynayo macaashkiisa shakhsiga ah.

Laftagareen wuxuu ku dooddaya in aaney arrintaasi u qaadmin reerkiisa, waxaana la sheegay inuu berri u laaban doono Baydhaba, hadii uusan Xasan Sheekh awood qeybsiga xisbiga sixin.

Hadii Laftagareen diido ku biirista xisbigan cusub oo la qancin waayo, macno badan ma sameyn doonto ku biirista Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe oo qorshihii Xasan Sheekh watay sidii loogu talo-galay uma dhaqangali doono.

Hadii Xasan Sheekh uu ku guuleysto dhismaha xisbigaan waxaa burburi doonta Madasha Wadatashiga Qaranka, waxaana hadda go’aanada iyo goobaha siyaasadda xubnaha xisbigaan ku meteli doona Xasan Sheekh iyo qofkii ay soo wakiishaan.

 

Farmaajo oo ka horyimid dhismaha xisbiga cusub ee Xasan, kuna taliyey 3 arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal u uku cambaareeyey qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh u uku balaarinayo xisbigiisa UPD, isagoo sheegay in qorshaha Xasan uu ku soo dhamaanayo boob doorasho.

Farmaajo ayaa madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay inay ka joogaan qorshaha uu Xasan Sheekh ugu gacan haatinayo, isagoo sheegay in Madaxweynuhu uu doonayo in doorashada dalka ay noqoto mid hal dhinac ah.

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu ku eedeeyey Xasan Sheekh burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka, isagoo kula taliyey inuu raadiyo madaxda dowlad goboleedyada maqan, kana shaqeeyo dagaalka argagixisada iyo qabashada gogoshii uu balan-qaaday inuu u fidinayo saamileyda siyaasadda iyo hogaamiyaasha bulshada.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo;

Burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qorshaha xukun-maroorsiga ah ee uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu Madasha u beddelo xisbi isaga u gaar ah waxay khatar ku tahay midnimada iyo xasilloonida dalka, waxayna dib u dhigaysaa dowlad-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo qabsashada doorasho hal dhinac ah, isaga oo adeegsanaya guddi doorasho oo aan haysan wax sharciyad ah, loona marin dhismihiisa habraacyadii dastuurka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu ahaa, taas oo caddeyn u ah in Madaxda dowladdu rabaan oo kaliya qabashada doorasho hal dhinac ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ugu yeeraynaa in muddada kooban ee ka hartay muddo xileedkiisa dastuuriga ah aanu dalka gelin xaalad halis ah oo dhaawacaysa dowladnimada iyo wadajirka, mudnaantana siiyo shaqada qaran ee laga sugayey ee ka hortagga khatarta argagixisada, raadinta dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha iyo qabashada gogosha uu ballanqaaday ee Wadatashiga Qaran.

Ugu danbayn, waxaan madaxda Dowlad Goboleedyada hadda qeybta ka ah shirarka Villa Soomaaliya, ee Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ugu baaqaynaa inay garowsadaan in waajib ka saaran yahay maslaxadda guud ee dalka iyo hannaan siyaasaddeed oo loo dhan yahay, ayna ka fiirsadaan ka mid noqoshada hanaan siyaasadeed iyo xisbiyo aan ku dhisneyn shuruuc la isla ogol yahay, taas oo dalka u horseedi karta kala tag siyaasadeed.

Ciidamada Mareykanka oo horumarin ka wada saldhiga Balidoogle + Sawirro

Balidoogle (Caasimada Online) – Ciidanka 152-aad ee Taageerada Injineerada (152nd Engineer Support Company), oo ka tirsan howlgalka wadajirka ah ee ciidamada Mareykanka, Combined Joint Task Force – Horn of Africa (CJTF-HOA), ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya xoojinta howlgallada milatari iyo horumarinta nolol maalmeedka ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha milatariga ee Balidoogle (BMA), ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.

Waxay hadda wadaan mashaariic dhisme oo ay ku jirto dhismaha saldhig caafimaad oo cusub.

Kooxdan injineerada ah waxay ka faa’iideysteen khibrad ay ka heleen waayo-aragnimo rayid ahaan iyo waajibaadyo hore oo milatari, taasoo si weyn uga caawisay inay si wax-ku-ool ah uga gudbaan caqabadaha dhabta ah ee ka jira goobta.

“Waxaan aaminsanahay in ay aad muhiim u tahay in aan ka shaqaynay sidii aan uga gudbi lahayn caqabadaha tirada badan ee hor taagnaa dhismaha saldhigga caafimaadka,” ayuu yiri S/Guuto Liam Harris, oo ah hoggaamiyaha kooxda alwaaxda ee mashruuca saldhigga caafimaadka.

Saldhiggan caafimaad wuxuu u suurtagelinayaa ciidamada inay helaan daryeel caafimaad oo degdeg ah oo badbaadin kara noloshooda, taasoo sare u qaadaysa awoodda saldhigga Balidoogle (BMA) inay noqoto xarun milatari oo joogto ah. Sidoo kale, wuxuu horumarinayaa diyaar garowga howlgaleed, si ciidamada ay u sii wataan hawshooda sugidda amniga Bariga Afrika.

Marka laga soo tago mashruuca caafimaadka, kooxda injineerada waxay sidoo kale ka shaqeynayaan mashaariic kale oo lagu horumarinayo nolol maalmeedka gudaha saldhigga. Mashaariicdan waxaa ka mid ah dhismo guryo cusub iyo mashaariic kor loogu qaadayo awoodda difaaca, kuwaasoo si gaar ah diiradda u saaraya daryeelka iyo amniga ciidamada ku sugan Balidoogle.

Doorka injineerka ma ahan oo kaliya farsamo aqooneed, balse wuxuu u baahan yahay karti, la-qabsasho iyo wada shaqeyn kooxeed.

Iyagoo ka shaqeynaya jawi adag oo ay ka mid tahay kulaylka daran ee Soomaaliya, kooxda injineerada waxay si joogto ah u muujiyaan qiyamka milatariga ee ku saleysan adkaysi, hal-abuur iyo go’aan adag, si loo dhiso loona ilaaliyo kaabeyaasha muhiimka u ah howlgalka iyo nolosha ciidamada.

“Injineeradu waa saldhigga ciidanka,” ayuu yiri S/Guuto Roberts, hoggaamiyaha waax ka tirsan 152-aad. “Goob kasta oo howlgal ka socdo, waxa loo baahan yahay meel lagu seexdo, lagu cunteeyo, lana helo amni – waana taas waxa aan bixinno. Anagaa tiirka hoose ee dhismaha ciidanka.”

Somaliland: Cabdimaalik Coldoon oo maanta la xukumay

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ee Somaliland ayaa ku xukuntay samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon lix bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan saddex milyan oo shilin Somaliland ah.

Xukunkan ayaa yimid iyadoo aan warbaahinta si rasmi ah loogu soo bandhigin eedaha loo haystay Coldoon ama qodobbada sharci ee maxkamaddu u cuskatay go’aankeeda.

Coldoon ayaa la sheegay inuu diiday inuu qabsado qareen, isagoo doorbiday inuu isagu si toos ah isaga difaaco maxkamadda horteeda.

Cabdimaalik waxaa la xiray 4-tii Abriil, isaga oo laga qabtay magaalada Berbera, kadib markii uu sheegay inuu ku maqnaa baxsad uu ugu baxay bariga Somaliland. Waxa uu markaas sheegay in ay jirto cabsi la xiriirta in la xiro, taas oo sababtay in uu si ku meel gaar ah uga fogaado magaalada.

Qoyskiisa ayaa markii dambe ku qanciyay inuu Burco dib ugu soo laabto, iyadoo loo ballan-qaaday inaan la xiri doonin, balse durbadiiba waa la xidhay markii uu yimid.

Waxaa la tuhunsan yahay in xadhigiisa uu salka ku hayo faallo uu ka bixiyay warbixin ay baahisay Al Jazeera, taas oo sheegtay in Somaliland ay aqbashay inay martigeliso dad ka tirsan shacabka reer Gasa ee ay Israel iyo Mareykanku rabaan in ay ka barakiciyaan dhulkooda.

Somaliland ayaa warbixintaas si cad u beenisay, balse faallada Coldoon ee arrintaas oo ay ku jireen erayo si toos ah u dhaliilaya mas’uuliyiin sare ayaa la rumeysan yahay in ay sababtay cadhada xukuumadda.

Coldoon hore ayaa dhowr jeer loogu xiray kiisaska la xiriira faafinta warar been abuur ah iyo magac-dil, sida kiisaskii la xiriiray Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa. Dacwadahaas mar qaar waa lagu xukumay, mar kalena waa lagu waayay.

Khilaafka u dhexeeya isaga iyo xukuumadda Somaliland ayaa soo bilowday tan iyo sannadkii 2017, xilligaas oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo markaas ahaa suxufi caan ah.

Xog: Shaacinta xisbiga Xasan Sheekh oo dib u dhacday, kadib arrimo la isku qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku yimid xafladdii shaacinta rasmiga ah ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga Qaban-qaabada.

Xafladdan oo la filayay in ay ka dhacdo gelinka dambe ee maanta Hoolka Sahal Terminal, ayaa la hakiyay, iyadoo sababtu tahay wadatashiyo dheeraad ah oo la xiriira hannaanka iyo qaab-dhismeedka hoggaanka cusub ee xisbiga.

Wadatashiyadan ayaa u muuqda kuwo muhiim ah, maadaama ay taabanayaan arrimaha la xiriira sida loo dhisayo hoggaanka sare ee xisbiga. Waxaa lagu warramayaa in xal laga gaarayo habka awood qeybsiga, si loo helo hogaamin mideysan oo matasha dhammaan dhinacyada ku bahoobay xisbiga cusub.

Arrintan ayaa ah tiir muhiim u ah horumarinta qorsheyaasha siyaasadeed ee xisbigan oo ah kii hore ee madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminayay, balse lagu sameeyay magac bedel iyo ballaarin.

Xisbiga JSP waxa uu ka kooban yahay xubno ka kala yimid saddex dhinac oo kala ah: xubnihii hore ee Xisbiga UPD, xubno ka tirsan Xukuumadda Dan Qaran, iyo wakiillo cusub oo ka yimid saddex Dowlad Goboleed — Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle. Sidaa darteed, wadatashiyada socda ayaa la filayaa in ay xaqiijiyaan matalaad loo siman yahay oo ka dhex muuqata dhamaan dhinacyadaas.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ay oggol yihiin qaabka loo dhisay hoggaanka, ayna muujinayaan tanaasul. Si kastaba ha ahaatee, Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in ay cabasho ka muujisay sida loo qeybinayo xilalka hoggaanka, taasoo keentay baahida loo qabo wadatashi dheeri ah si loo helo isu tanaasul siyaasadeed.

Dib u dhaca xafladda ayaa ah tallaabo muujinaysa in xisbiga JSP la rabo inuu ku dhismo is-faham buuxa iyo wadashaqeyn dhab ah, taas oo madaxweyne Xasan Sheekh uu taageero ugu raadinayo qorshihiisa doorashada.

Si kastaba, hadii Lafta-gareen diido ku biirista xisbigan cusub, oo la qancin waayo, macno badan ma sameyn doonto ku biirista Qoor-Qoor iyo Cali Guudlaawe, oo qorshihii Xasan Sheekh watay sidii loogu talo-galay uma dhaqan-gali doono.