25 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Dhageyso: KISMAAYO oo arrimo yaab leh laga soo sheegay iyo DF SOMALIA oo loogu baaqay inay soo faro-geliso

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Maamulka KMG ee Jubba ee ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa lagu eedeeyay inay Magaaladaasi ka geysteen dilal qorsheysan, afduub iyo dhac ay ugeysteen dad ganacsato ah oo ku sugan Magaaladaasi.

Nabadoon Macalin Gaas oo kamid ah Odayaasha ku nool Magaalada Kismaayo, ayaa Wareysi uu siiyay Idaacada Risaala, wuxuu ku sheegay in falal tacadi ah ciidanka Axmed Madoobe ay ka geystaan Kismaayo, isaga oo shaaca ka qaaday dhibaatooyinka ciidanka uu ku eedeynayo ee ay geysteen.

Nabadoon Gaas ayaa tilmaamay in ciidamada Jubba ay dileen nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi kariin Cusmaan oo kamid ahaa ganacsatada reer Kismaayo, ayna dileen lix nin oo hubaysan.

Wuxuu sheegay in laga qaatay Bakhaarkiisa lacag gaaraysa $18-kun oo doolarka Mareykanka, iyo sidoo kale lacag shilin Soomaali ah oo aad ubadan.

Nabadoon Gaas, ayaa sidoo kale sheegay in la afduubtay nin Sheekh ah oo curyaan ahaa laguna magacaabo C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana laga afduubtay Gurigiisa oo rag hubaysan ay gaari ku wateen, iyadoo aan la ogeyn ilaa hada halka lala aaday.

Wuxuu kaloo sheegay raga dhaca iyo Afduubka loo geystay inay gaarayaan ilaa 7-ruux oo ganacsato iyo culimo, isugu jira oo ciidamada Maamulka Jubba ay falkaasi ku kaceen, sidoo kalena raga qaarkood ilaa hada la haysto oo laga doonayo lacag madaxfurasho ah.

Saraakiisha Maamulka Jubba weli kama aysan hadlin eedeyntaan loo jeediyay ee ku aadan in ciidankooda dilal iyo dhac ay ka geystaan Magaalada Kismaayo oo afduub shaqsiyaad gaar ah ay sii dheertahay.

Halkan ka dhageyso Nabaddoonka

kisa

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dibad-bax looga soo horjeedo Shariif Xasan Sheekh oo Beydhabo ka socda

Caasimada Online (Caasimada Online) – Magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa hadda ka socda dibad bax looga soo horjeedo guddoomiyihii horre ee golaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno la socda oo ku wajahan magaaladaas.

Boqolaal qof oo wata u badan dumar iyo carruur ayaa isugu soo baxay xaafadaha magaalada iyo diyaaradaha Beydhabo, waxaana ay ka soo horjeedaan Shariif Xasan in uu yimid Beydhabo.

Dadka dibad baxayay ayaa ku dhawaaqayay hadalo looga soo horjeedo Shariif Xasan iyagoona sheegay in uu yahay nin lacag soo qaatay oo raba in uu dumiyo maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Aadan Madoobe.

Ma cadda sidda ay wax noqon doonaan marka ay ka daggaan wafdiga uu hoggaaminaayo garoonka diyaaradaha Beydhabo, balse waxaa la lee yahay wafdiga waxaa garoonka uga sii horeeya ciidamo dowladda ka tirsna iyo kuwa Ethiopian ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: DFS iyo Axmed Madoobe oo isku mari la’ arrin la xiriirta Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in uu jirro kulamo u socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba, kuwaasoo salka ku yahaya sida la yeelayo Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ka mid ah mucaaradka Axmed Madoobe.

Ilaha warkan noo sheegay ayaa sheegay in kulamadaas ay ahaayeen kuwa si toos ah oo fool ka fool ay u kulmeen labada dhinac iyo kuwa looga dhinaca taleefonka la isku wareestay.

Arrinta la isku mari la’yahay oo ilaa hadda aan xal loo helin ayaa ah, in Barre Hiiraale oo hadda ku go’doonsan deegan u dhow Kismaayo laga soo duuliyo garoonka Kismaayo kadibna loogu celiyo Muqdisho. Arrintaas waxaa soo jeediyay wafdiga dowladda balse maamulka Axmed Madoobe ayaa gaashanka u daruuray, waxaana ay ku adkeesteen in Barre qaabka uu ku yimid Jubbooyinka loogu celiyo Muqdisho.

Sidoo kale, war kale ayaa sheegaya in Barre Hiiraale uu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo sheegay in uu baahan yahay daaweyn dhinaca dibdda ah in kastoo aan la sheegin xanuunka haya, balse waxaa kale oo jira in isaga iyo Kenya aysan isku fiicneyn.

Qaabka uu Barre Hiiraale ku yimid Kismaayo ayaa ahayd doon ayuu ka soo raacay Muqdisho, waxaana soo dirtay dowladda isagoona la soo siiyay hub uu ku qabsado Kismaayo, balse arrintaas waa ay ka fashilantay, aaqirkiina dagaal ku dhexmaray maleeshiyadiisa iyo kuwii Axmed Madoobe waxaa ku awood batay kuwa maamulka Jubba.

Si kastaba, arrintaas waa lagu kala booday, waxaana ay hadda u badan tahay in loo gudbin doono waddamada dariska ah gaar ahaan Ethiopia oo hadda saaxib dhow la maamulka Axmed Madoobe.

Maamulka KMG ah ayaa hadda u muuqda inuu diyaar ahayn soo wareejinta garoonka diyaarada iyo dekedda Kisamayo oo dhaqaale badan uu ka soo galo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

SHARIIF Xasan oo war cusub uu kasoo yeeray kana hadlay qorshe ka socda…

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu dhawaan tagi doono magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo uu ka socdo labo shir oo iska soo horjeeda lagu dhisaayo labo maamul gobaleed.

Shariif Xasan waxaa kaloo uu sheegay in la qaban doono doorashada maamulka seddax gobal ee Baay, Bakool iyo Shabeellaah Hoose.

Wuxuu kaloo sheegay in doorashadaas ay noqon doonto mid ay ku farxi doonaan dadka deggan seddaxda gobal, dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka sidda sidda yiri.

Shariif Xasan ayaa bogga Facebook uu ku lee yahay ku soo qoran qoraalkan gaaban: “Dhowaan waxaan Booqan doonaa Baydhabo, 27 Bishaan oo maalin khamiis ah ku beegana waxaan qaban doonaa Doorashadii Maamulka 3 Gobol Baay, Bakool iyo Shabelaha Hoose, Waxaana kasoo bixin doonto natiijo ay ku farxi doonaan dadka Degaanka, DF iyo Beesha Calamkuba.”

Shariif Xasan waa siyaasi galaagal badan oo la socda siyaasada Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Faroole oo la kulmay Tedros Adhanom kuna dacweeyey DF Somalia

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxwaynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole, ayaa magaalada Addis Ababa kula shiray wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Mr.Tedros Adhanom.

Faroole iyo Adhanom ayaa ka wada hadlay xaalada Somalia, gaar ahaan Puntland oo uu shantii sano ee ugu danbeeyay soo mamulayay.

Wasiirka arrimaha dibada, ayaa Faroole uga mahad celiyay kaalintii uu ka qaaday sidii Somalia marxalada KMG-nimadda looga saari lahaa iyo hir-gelinta nidaamka federaalka, oo Soomaalida badankeed ay u arkaan caqabad cusub oo la dhex dhigay.

Faroole ayaa u sheegay wasiirka arrimaha dibedda in Somalia ay soo hagaagayso xaaladeeda, loona baahan yahay shacabku inay xili kasta isku duubni iyo wax wada qabsi muujiyaan.

Faroole, ayaa dhinaca kale DF Somalia ku hor weeraray wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, wuxuuna u sheegay inaysan waxba qaban, sida uu hadalka u dhigay, loogana baahan yahay Ethiopia inay arrinta wax ka qabato.

Waxa uu madaxda dowladda ku eedeeyey inaysan waxba ka qaban waxa uu ugu yeeray wax ka badalka lagu sameeyay dastuurka KMG ah ee horay loogu heshiiyay iyo in laga leexday nidaamka federaalka.

Halkan ka arag sawirrada kullanka

faro 1faro 2faro 3faro 4faro 5faro 6faro 7faro 8

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Video: Dhibaatooyinka aan la werin ee Turkiga ku hayaan shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga waxa ay Muqdisho ka qabteen wax badan, oo ay ku ammaanan yihiin, hase yeeshee waxaa hadda soo baxaya cabasho xooggan, oo ay sameynayaan shacabka magaalada qaarkood, oo sheegay in cunaqabateyn ay kala kulmayaan Turkiga.

Video-gan, ayaa shaaca ka qaadaya dhibaato xooggan oo Turkiga ay ka wadaan magaalada Muqdisho, ayada oo aanay jirin dowlad kala hadasha, oo shacabkeeda dhageysata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawir gacmeedka Amiin oo muujiyey in Xasan & Muungaab ay ka tafan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Farshaxamiiste Amiin Caamir, ayaa mar kale soo saaray sawir gacmeed cusub, oo xog cusub ka bixiyey magacaabistii madaxweyne Xasan Sheekh ee Kamaal Guutaale uu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Kamaal Guutaale, ayaa ah agaasimaha xafiiska madaxtooyada Somalia, balse la sheegay in xilkaas laga qaadi doono dhowaan.

Sawirka ayaa muujinaya in Muungaab uusan ku qanacsaneyn magacaabista Kamaal Guutaale.

20_mar_2014 copy

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhulka Somalia oo ay suurta gal tahay in loola wareego baasaboor dartiis

Waa maxay saamaynta Crimea ee Ruushku ku yeelan karto Siyaasadda Geeska Afrika?

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhul lagu qiyaaso 400,000 mayl oo wareeg ah ee Geeska Afrika ayaa maanta u kala qaybsan dhawr qaybood iyagoo horena u ahaa shan qaybood, haddana laga yaabo in qaybtu intaas ka badato. Sida ku cad taariikhda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika, laga soo bilaabo qarnigii 19aad ayaa ummadda Soomaaliyeed waxay guumaystayaashii reer Yurub u qaybiyeen shan qaybood oo kala ahaa: Jabuuti (French Somaliland), Waqooyi Galbeed Soomaaliya (British Somaliland), Koonfur Soomaaliya (Italian Somaliland), Waqooyi Bari Kenya (Northern Frontier District – NFD) iyo Soomaali Galbeed (Kililka Shanaad ee Ioobiyada maanta).

Haddaba qarnigii 20aad Soomaalidu waxay ku midaysnayd meel kasta oo ay joogeen sidii ay ugu midoobi lahaayeen hal waddan, taasoo ay u samayteen calanka buluugga ah ee xiddigta shanta gees lihi ku dhextaal. Ujeedada xiddigtuna waa shanta qaybood ee sare. Nasiib wanaag labada qaybood ee Waqooyi iyo Koonfur (British and Italian Somaliland) waxay ku guulaysteen inay bilow fiican u noqdaan midowgaas. Hase yeeshee, muddo 30 sano ah kaddib (1960-1990) midowgaas ma sii hana qaadin sababo badan dartood. In kasta oo dadka Soomaaliyeed aanan weli afti guud laga qaadin oo ku saabsan sida ay u arkaan inay weli mid sii ahaadaan, haddana waxaa muuqata in qaybo ka mid ah Waqooyiga Soomaaliya, ee loo yiqiinay waqtigii guumaysiga British Somaliland, ay doonayaan inay ka go’aan Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somali Republic). Arrintani waxay dhabarjab wayn ku tahay riyadii uu ka tarjumayay calanka buluugga ah iyo xiddigtiisa.

Sida lala wada socdaba baryahan dambe waxaa aad u socota arrin khatar badan leh oo ku saabsan in ummadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika loogu qaybiyo si xawli ah baasaboorada Itoobiya iyo Kenya. Waxaa lagu qiyaasaa dadka Soomaaliyeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee haysta baasaboorrada labadan waddan inay gaarayaan dhawr malyan oo qof. In kasta oo xawliga arrintani wax yar joogsatay ilaa markii dib loo bilaabay qaadashada baasaboorka Soomaaliyeed ee ay bixiso Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed ee hadda magac ahaan u jirta lana mid ah qof ICU (Intensive Care Unit – Qaybta Daryeelka Degdega ah ee Cisbitaalka) ku jira ayna ku rakiban yihiin tuubooyin nafta lagu badbaadinayo, iyadoo markii laga saaro tuubooyinkaas naftu ka bixi karto markiiba. Dawladdan Soomaaliyeed waxaa gacanta ku haya isla markaana daryeelaya Ciidamada AMISOM ee Afrika ka socda iyadoo dhaqaalahana ay bixinayaan Caalamka guud ahaantiis. Hase yeeshee, waxaa meesha ka maqan calaamadihii sii jiritaanka awoodaysiga Dawladda Soomaaliyeed keeni lahaa sida in la helo dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed iyo Ciidan Qaran oo isku-dhaf ah isla markaana hufnaan iyo la xisaabtan leh ayna u dhammaystiran yihiin dhammaan qalabkii ay ku gudan lahaayeen waajibaadkooda, iyo helitaanka xuquuqdooda ciidan ahaan.

Crimea Syndrome – Waxaa lala wada socdaa in bishan Maarso 2014 uu Ruushku si fudud ula wareegay qaybo ka mid ahaa dalka Ukrayn (Ukraine) iyadoo uu sabab uga dhigay in dalkaas ay ku nool yihiin dad haysta dhalashada Ruushka, sidaas darteedna ay waajib ku tahay difaacidda dadkaas iyo inay xaq u leeyihiin u codaynta halka ay raacayaan. Taasoo keentay inay yiraahdaan waxaan ku darsanay Ruushka, isagoo u maray ku darsashada dhulkaas baasaboor Ruush ah inay haystaan darteed. Arrintani waxay keeni kartaa inay waddamo badan ku daydaan oo yiraahdaan dadka baasaboorkayaga haysta ee halkaas ku nool annaga ayay naga tirsan yihiin dhul ahaan. Waxaa aad cabsi looga qabi karaa in waddamada Kenya iyo Itoobiya ay isticmaalaan qaabkaas oo kale, maadaama dad badan oo Soomaalida Jamhuuriyaddu haystaan dhalashadooda, ayna maanta labadan waddan awood ahaan ka taliyaan dhul badan oo Soomaaliyeed iyagoo ku jooga magaca AMISOM. Haddaba marka la eego taariikhda Soomaalida Geeska Afrika iyo waddamada Kenya iyo Itoobiya waxaa aad u suurtogal ah macquulnimada in siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan labadan waddan ay u ololayn karaan fikraddan.

Maqaalkani ujeeddadiisu waa iftiiminta saamaynta arrinta Crimea ee Ruushku ku yeelan karto Siyaasadda Geeska Afrika iyo Afrikaba guud ahaan. Waxaase laga doonayaa waxgaradka Soomaaliyeed ee Geeska Afrika inay ilaaliyaan sharafta Ummadnimo iyo dhaxalkii awoowayaashood, lana saxo khaladaadkii leexiyay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

By: Abdiweli Hassan ([email protected])

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Madaxweynaha oo saakay furaya BFS

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Sabti ah furo kal fadhiggii 3-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii xildhibaannada ay ku maqlaan fasax muddo labo ka badan.

Kulanka oo ka dhici doona xarunta golaha shacabka, ayaa lagu wadaa in ay ka soo qayb galaan dhammaan xildhibaannada baarlamaanka ee ku sugan dalka.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxaa hor yaalla arrimo badan oo ay ka mid tahay sharciga maamul u sameenta gobalada, taasoo ay ka dhalatay murano fara badan iyo is qabqabsi.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Jawaari iyo ku xigeenadiisa ayaa la filayaa iyagana in ay ka hadlaan fadhigga baarlamaanka ee maanta furmaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Dhageyso: Puntland oo ciidamo dirtay & xiisad sii kordheysa ayaga & S/Land

Garowe (Caasimada Online) – Cutubyo ka mid ah ciidamada daraawiishta dowladda Puntland ayaa la geeyey deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaan inta u dhexeysa magaalooyinka Ceerigaabo iyo Badhan ee gobolkaas.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa sheegay maanta oo jimce ah in dowladdu ay ciidamo gaysay deegaano ka tirsan gobolka oo uusan shaacin kuwa ay kala yihiin, balse uu ku sifeeyey xuduuda Puntland ee gobolkaas.

Wuxuu sheegay in ciidamadan ay ka hortegi doonaan dhaqdhaaqyo ay wado Soomaaliland, kuwaas oo ay ku jiraan in wefdi ka socda Hargaysa ay dhowaan tagaan magaalada Badhan.

Gudoomiye Ciyoon oo la hadlayey weriyaasha gudaha wuxuu tilmaamay in ay saaka kormeereen fariisimaha ciidamada dowladda ee gobolka Sanaag, wuxuu intaas ku daray in howlgalkan uu ka hortegi doono fara-gelin.

“dhuumashadii hore dowladdu talaabo ayey ka qaadi doontaa hadii alle yiraahdo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Sanaag ee Puntland.

Dhageyso hadalka  uu saxaafada gudaha siiyey Gudoomiye Ciyoon maanta oo jimce ah

ciyoon

Puntland ayaa si wayn uga carootay booqashadii madaxweynaha Soomaaliland uu ku tegay Laas-qoray toddobaadkii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

VIDEO: Wasiiro ka tirsan DF oo Xaflad ay ka qeyb galeyn looga yaabsaday

Wasiiro ka tirsan Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Abdiweli Sheekh Ahmed oo xili ay ka qeyb galeyeyn Xaflad ka dhaceysay Degmada Warta Nabadda ayaa looga yaabsaday Indho Sarcaad cajiib ah.

Muuqaalkaniw axaad ku arkeysaa Wasiirada oo la yaabay Bandhig Ciyaareyd Cajiib ah oo goobta ay kula kulmeyn ee nala daawo adaa qosli doonee qaabka looga yaabsaday Wasiirada.

HALKAAN KA DAAWO: 

WAA MAXAY CINIINNIMADU RAGGA?

WAA MAXAY CINIINNIMADU?

Guurku si uu aragga dabool ugu noqdo ibtana gaashaan, waa in labada isqaba mid waliba rabitaankiisa kan kale kaga haqabbeelaa, isna ka haqabtiraa. Haddiise midkood howshiisii gudan waayo (taasi oo ku imaan karta aqoon-darri ama awood-darri (Ciniinnimo) amaba iimaan-darri), qoysku waxa uu markaasi qarka u saaran yahay inuu burburo.

Ciniinnimadu waxa weeye kolka uu ninku galmada u gudan waayo ciniinnimo uu ku dhashay ama cillado la soo gudboonaaday aawadood, waxanay leedahay saddex weji oo kala ah:

–    Wejiga koowaad:  Ninka oo geedkiisu nabadqabo oo uu kacayo, galmana ka qaybgeli karayo, ha yeeshee aan xawo lahayn oo si kastoo uu gacaladiisa ugu galmoodo ay gebagebadu halkii raaxo laga dhowrayey rafaad uun sii noqonayso, waana sida ruux gaari afarta marsho u dhammaystiray, ha yeeshee aan garanayn si loo joojiyo oo kolkuu fariinka qabo is yiraahdaba sii sheellareeya.

–    Wejiga labaad:  Ninka oo xawo leh, ha yeeshee geedkiisu aanu galmo ka qaybgeli karin. Taa haddaynu sii faahfaahinno, waxa weeye in aanu kacayn marnaba, ama uu damayo intaanay galmadu billaaban amaba inta lagu guda jiro sidaasina aanu ku dhammaystiri karin, amaba intuu degdeg xawada iskaga tuuro, dabeeto raaracsamo, taasi oo haweeneyda ku ridda qalbijab iyo xanuun, mar haddaanay biyihii kusoo joogsaday iska saari karin, maadaama uu ninkii hawsha la waday horteed ka faraxashay oo geedkiisii hurdo bidil la yiri. Kolkay arrintu noqoto mid joogta ahna waxay haweeneyda ku dhalisaa rabitaan la’aan iyo inaanay murugo iyo xanuun mooyee galmada ka qaadin macaantii ay ka sugaysay, sidaasina ay iyada lafteedu ku noqoto Ciniin halkay isaga ka ciniin-bixin lahayd.

–    Wejiga saddexaad: Isagii oon xawana lahayn, galmana ka qaybgeli karayn, waana wejiyada ciniinnimada kan ugu daran Eebbe ha’inaga hayee.

     Abwaan Soomaaliyeed oo Ciniinnimo ka gabyayaa wuxuu yiri:

Wax kalaa lagaa caawiyaa                         cidi ku siisaaye

Cimrigaa ba’ waa qoorohoo                 caajis kaa galo’e

W/D: Sabriye Macallin Muuse.

Ahlu Sunna: Wasiiradii DFS ay noo soo dirtay waxay galeen dambi, waana…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu Sunna ayaa eedeen culus u jeediyay wafdi wasiiro iyo xildhibaanno ah oo shaley gaaray magaalada Duusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Axmed Cabdulaahi Maxamed (Axmed Ilka Case) oo shir jaraa’id ku qabtay galabta Dhuusamarreeb ayaa sheegay in wafdiga dowladda ay u soo dirtay Galgaduud ay dambi iyo meel ka dhac ku sameeyeen sharraftii Ahlu Sunna.

Wuxuu sheegay dhammaan wasiirada in ay ku mideesanaayeen siddii loo dhibaateen lahaa Ahlu Sunna iyo magacooda.

Wuxuu kaloo Axmed Ilkacase sheegay in aaney wax heshiis ah gaarin, maadama wasiirada ay soo jeedijyeen in la baabi’iyo magaca Ahlu Sunna, maleeshiyad u dagaallamaan ay laga dhigo ciidamo qaran.

Wuxuu sheegay wafdiga in ay iska indho tireen Ahlu Sunna in ay tahay maamul jirra oo la mid ah Puntland, Somaliland iyo Jubbaland.

Si kastaba, wafdiga dowladda ee loo diray Dhuusamarreeb oo uu hoggaaminaayay wasiirka arrimaha gudaha ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga ka mid ahaa wasiiradda, ammaanka, gaashandhigga, warfaafinta iyo wasiir ku xi-geenka arrimaha dibedda iyo saraakiil ciidan.

Sidoo kale waxaa magaalada Dhuusamarreeb ku sugnaa wafdi ka socda AMISOM, IGAD iyo dowladda fedaraalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland oo maanta dhaawacmay kadib markii..

Hargeysa (Caasimada Online)  – Sida uu goordhow ku soo warramaya wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa, labo ka mid ah wasiirada maamulka Somaliland ayaa ku dhaawacmay shiil baabuur oo ka dhacay degmada Burco ee gobalka Togdheer.

Wasiirada dhaawacmay ayaa ka mid ah Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cabdulaahi Daahir Cukuse iyo wasiirka caafimaadka Saleebaan Xagle Toosiye.

Waxaa kaloo shilka ku dhintay caaqil la socday wafdiga  madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo safaro maalmahan ku marayay bariga Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Cunkuse ayaa la sheegay in uu gacanta ka dhaawacmay halka wasiirka caafimaadka Xaglo Toosiye uu galay Shook, waxaana labadooda loo qaaday isbitaal ku yaalla Berbera,

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku soo laabtay magaalada Hargeysa.

Labada wasiir ayaa ku dhaawacmay markii baabuurtooda ay isku dhaceen xilli ay marayeen deeganka Laalees ee bariga magaalada Berbera.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay shilka ka dhacay saakay aroortii xilli wafdiga madaxweynaha Somaliland ay ku soo joojeedeen magaalada Hargeysa

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Shaqaalaha garroonka Adan Cadde oo xabsi lagu guray kadib markii Pasaport British ah laga xaday la taliyaha C/Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in 11-ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho la soo xiray kaddib markii la xaday baasaboor uu lahaa mid ka mid ah saraakiisha ka shaqeeya xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Raggan ayaa la xiray Arbacadii shaley, waxaana xarigooda uu ka dambeeyay markii la waayay basaboor uu lahaa mid ka mid ah La
taliye-yaasha ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo British ahaa, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Geneva.

Basaboorka, ayaa muddo saacado ah laga dhex raadinaayay Garoonka, walow mar laga quusan gaaray laga dhex helay goob qashinka lagu daadiyo oo ku taala Garoonka.

Ilaa iyo hadda waxaa lagu jahwareersan yahay cidda ka dambeysay in basaboorkaasi lagu dhex tuuro goobta qashinka, waana taa midda keentay in xabsiga loo taxaabo dadka la tuhunsan yahay.

Ilaha warkan noo sheegay ayaa leh in dadka la xir xiray ay ka tirsanaayeen Shaqaalaha Shirkadda FAVORI, oo si buuxdo u maamusha garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warar kalana waxay sheegayaan in shaqaalaha la xiray ay ku jiraan kuwa ka tirsan laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha, inkastoo aysan jirin cid weli si rasmi ah u kala caddeysay.garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo arrintan ay qabsato la taliyaal ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

Maamulka Jubba oo u jawaabay SADE

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa markii ugu horaysay ka hadlay eedaymo ay dhawaan u jeediyeen qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Sade ee ku dhaqan deeganada Jubbooyinka iyo Gedo.

Beesha Sade, ayaa maamulkaasi ku eedeysay in dadka shacabka ah ee beesha kasoo jeeda ee dega Kismaayo lagu hayo barakicin iyo dilal qorsheysay oo ay fulinayaan maleeshiyada Raaskambooni.

Xasan Daahir Afrax Xeer oo illaaliyaha Maamulka Jubba, ayaaa sheegay in dad laga saaray guryo ay leeyihiin inaysan jirin, isla markaana Maamulka Jubba uu dhowr meelood ka saaray dad shacab ah oo daganaa guryaha dowladda oo sida uu hadalka u dhigay uu u baahday maamulku.

“Ma jirto cid si gaaar ah loo bartilmaameedsanayo, oo la barakicinayo” ayuu yiri

Waxa kale oo uu ka hadlay xaalada guud ee deeganada Jubbooyinka isagoo dhinaca kale sheegay amniga degmada Kismaayo inuu yahay mid dagan oo aysan jirin wax dhibaatooyin ah oo muddooyinkaan ka dhacay Kismaayo.

Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyey hoobiyayaal la sheegay in lagu garaacay meelo ka mid ah magaalada Kismaayo, oo wareysiga uu ku billaabay, kadibna wuxuu ka hadlaa eedeymaha beesha Sade.

Halkan ka dhageyso wareysiga

xeerilaaaliyaha juba

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Beesha Habar-gidir oo ku dhowaaqday dhismaha maamul federal ah + Cod

Cadaado (Caasimada Online) – Beelaha Habar-Gidir, ayaa sameysanaya maamul goboleed federal oo mid ah, oo ay ku mideysan yihiin, waxaa sidaas shaaca ka qaaday mas’uuliyiinta beesha.

Waxaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha ay dhowaan isugu tagi doonaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo maamulka lagu dhisi doono.

Waxaa la isku biirin doonaa dhammaan maamullada beesha Habar-Gidir sida: Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo Ahlu-Sunna, sida lagu heshiiyey, kadibna lagu dhigi doonaa hal maamul.

Beesha Habar-Gidir waxa ay sheegtay in dhismaha maamul goboleed federal oo xooggan uu yahay waxa kaliya oo ay ku heli karaan xaqa ay ku lee yihiin dowladda federaalka.

Halkan ka dhageyso go’aanka beesha Habar-Gidir ay ugu dhowaaqday dhismaha maamul goboleedka cusub.

habargidir maamul

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Meydadka askarta Jabuuti ee Somalia lagu dilay oo la geeyey wadaankooda

Djibouti (Caasimada Online) – Waxaa garoonka diyaaradaha  magaalada Jabuuti ka degtay diyaarad siday meydka lix askari oo reer Jabuuti, kuwaasoo ku dhintay weerar iyo qarrax ka dhacay magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in aas qaran oo lagu maamusayo askarta geeriyootay loo sameen doono.

Meydka askarta reer Jabuuti oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay garoonka madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle iyo dhammaadka dowladda iyo shacabka reer Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in uu tacsi uu diraayo dhammaan ehelada ay ka dhinteen askarta lixda ah, waxaana ku dhaawacan uu u rajeeyay caafimaad buuxa.

Wuxuu madaxweynaha sheegay oo kale in aaney wax saameen ah ku yeelan doonin askarta Jabuuti looga dilay Soomaaliya, isagoona caddeeyay in ay ka go’antahay dowladiisa in ay walalahood Soomaalida ay helaan nabad iyo barwaaq.

Lixda askari meydkooda la keenay galabta Jabuuti, waxa ay tirada guud ahaan ciidanka Jabuuti uga geeriyooday howgalka AMISOM ka dhigaysaa ku dhawaad 10 askari.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Djibouti
[email protected]