25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Liverpool oo ku dhow inay heshiis cusub ka saxiixato Sterling.

Liverpool ayaa kalsnooni ku qabta inay da’yarkooda garabka ka ciyaara Raheem Sterling ka saxiixato heshiis cusub oo waqti dheer ah, laakiin waxay ku dhibaatoon doonaan inay mid kaas la mid ah ka dhaadhiciyaan da’yarkooda reer England Martin Kelly, sida uu qorayo Daily Mail.

Sterling, oo 18 jirsaday isbuucii lasoo dhaafay, ayaa wadahadalo la yeeshay agaasimaha Reds Ian Ayre isbuucii hore xilli uu isku deyayey inuu qandaraas cusub ka saxiixo. Labada dhinac ayaa mudo badan wada xaajoonaayey.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay Liverpool ku dhow dahay inay heshiis cusub isku afgartaan xidigaan, kaasoo kulankiisii ugu horeysay ee Engalnd ka hor yimid xulka Sweden bishii hore, wuxuuna kooxda isbuucii mushaar ahaan uga qaadan doonaa 50 kun oo ginni.

Manchester City, Arsenal iyo Manchester United ayaa xidigaan isha ku haayey, Liverpool ayaase ku kalsoon inay haatan qandaraas la gasho xidigeeda.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa yiri ka dib kulankii ay guul darro 3-1 ah kasoo gaartay Aston Villa:  “Raheem ugama welwel qabo kooxo kale. Xaalada qandaraaska Sterling waa la xalin doonaa sida ugu dhaqsaha badan, waan hubaa midaas.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada – Mogadishu.

SAF oo aan Walcott ama xidig kale suuqa ka doonaneyn.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaan soo iibsan doonin Theo Walcott ama ciyaaryahan kale inta lagu jiro bisha Janaayo, sida uu qoray Daily Mail.

Macalinka Manchester United, oo kooxdiisu ay lix dhicood horyaalka kaga hugaamineyso Manchester City ka dib markii ay 3-1 ku dubatay Sunderland Sabtidii, ayaa qirtay inuusan ciyaaryahan suuqa ka doonan doonin taas bedelkeedana uu ciyaartoydiisa amaah u diri doono.

Ferguson, oo ay kooxdiisu faa’iido heleyso bartamaha xilli ciyaareedka ayaa aaminsan inuu heysto ciyaartoy ku filan oo uu Horyaalka Premier League, Champions League iyo FA Cup ugu tartamo.

“Hal ciyaaryahan ma keeni doono bisha Janaayo, sida cad maya,” ayuu xaqiijiyey.

Taas micnaheeda ayaa loo fahmay in kooxda ay Manchester ku xafiiltamaan oo diirada u saaran yahay weeraryahanka Atletic Bilbao Fernano Llorente; Chelsea oo diyaar u ah inay lasoo wareegto Weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao iyo Walcott; Liverpool oo dooneysa weeraryahanka Chelsea Daniel Sturridge iyo Tom Ince, inuu macalinka United suuqa u baneeyo uuna u halgamo horyaalkii 20-aad ee Red Devils.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada – Mogadishu.

Wilshere oo qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal.

Jack Wilshere ayaa soo bandhigaaya jaceylka uu u qabo Arsenal iyo macalinkeeda cadaadisku saaran yahay Arsene Wenger, wuxuuna u saxiixayaa heshiis shan sano ah oo uu ku qaadanayo 20 milyan oo ginni bisha soo aadan, sida uu qoray Daily Mail.

20-jirkaan qadka dhexe ee reer England, ayaa ka mid ah da’yarka tayada leh ee ugu shidan xulkiisa, wuxuuna kasoo baxay Akadeemiga Arsenal, laakiin Gunners ayaan todobo sano iyo bar wax koob ah qaadin.

Wilshere, ayaa la rajeynayaa inuu sida ugu dhaqsaha badan ay kooxda heshiis isugu afgartaan, marka lagu daro mushaar 80 kun oo ginni ah oo uu isbuucii ka qaato Emerates, waxaana sidoo kale daaha laga qaaday inuu doonayo inuu noqdo kabtanka kooxda maalin uun.

19-jirka garabka ka ciyaara Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la rajeynayaa inuu maro wadada saaxiibkiis oo kale oo uu isna heshiis cusubkooxda u saxiixo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

XOG: Wareer lacageed oo ka taagan Villa Somalia (Xasan VS Saacid)

Weerar dhinaca xisaabta ah, ayaa ka taagan xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, taasi oo ku lug leh qaabka loo maareenayo lacagta Dowladda Somalia ay heysato.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh, ayaa sida aan xog ku helnay qaatay go’aan aad muxaafid u ah, isaga oo soo rogay amar ah in wax ka badan 5 kun oo dollar aan laga bixin kirin qasnadda Dowladda, la’aanta sixiixiisa, si uu uga hor tago in lacgo badan la lunsado.

Hase yeeshee sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, ra’iisul wasaare Saacid ayaa ka hor yimid go’aankaas, kuna sheegay mid hagardaamin kara howl maalmeedka Dowladda.

“Saacid, waxa uu madaxweynaha u sheegay inuusan isku keeni karin, wafti la kullan, booqasho dibadeeda, howl madaxweyne iyo saxiix lacageed oo isdaba joog” ayuu yiri il-wareed ku sugan Villa Somalia, oo Caasimada Online la hadlay.

Sida aan xogta ku helnay madaxweynaha ayaa markaa kadib beddelay go’aankiisa kana dhigay lacagta illaa 10-kun oo dollar.

Dhammaan xubnaha dowladda sida ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada ayaa saxiixooda shaqeynayaa wixii ka yar 10-kun, hase yeeshee wixi ka badan intaas waa in madaxweynaha uu saxiixaa, sida uu go’aanka ku qaatay

Si kastaba ra’iisul wasaaraha ayaa weli saluugsan arrintaas, isaga oo aaminsan in shaqada Dowladda ay ku xiran tahay lacag 10 jibaar intaas ka badan maalinkii, ayna howlo badan hakad geli karaan marka madaxweynuhu mashquulo ama dalka ka maqan yahay.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu aad isaga ilaalinayo in Dowladiisa ay raacdo waddadii kuwii ka horeeyay oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo lacag lunsasho.

Fiqi oo ka warbixiyay booqashadii uu ku tagay Garbahaareey

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaley booqday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Wafdigaan ka socda wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo ka degay garoonka diyaaradaha Garbahaarey waxaa si diirran usoo dhaweeyay Masuuliyiinta maamulka gobolka Gedo uu horkacayo Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyaha Gobolkaasi Gedo, saraakiisha ciidamada dowladda iyo saraakiil kale waxa uuna wafdiga kula kulmay xero ciidamada Dowladdu ay ku leeyihiin bartamaha magaalada Garbahaarey Odeyaasha dhaqanka, Haweenka iyo saraakiisha ciidamada.

Was-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in wasiirka uu sheegay in Booqashadiisa ay muhiimad weyn u leedahay ciidamada Xoogga dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Gedo maantana la bilaabay bixinta Mushaaraadka ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo si joogto ahna ay u heli doonaan wixii ka dambeeya bishan sida uu yiri.

Wasiirka ayaa xusay in Dhawaan la isku furi doono Wadada isku xirta Doolow iyo Garbahaarey si ganacsiga Dadka rayidka ah uu u kobco una gaaro heer sare.

“Waad dareemi kartaan cadowga goobo yar ayuu dalka kaga harsanyahay waxaana sida ugu dhaqsaha badan ay ciidamada dowladda uga xureyn doonaan guud ahaan Gobollada dalka si loo soo celiyo Xasilloonida, Nidaamkii iyo kala dambeynta wadanka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Wasaaradda Gaashaandhigga ay qorsheynayso sidii dib u dhis ballaaran loogu sameyn lahaa Ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa Xoogga dalka si loo gaarsiyo Ciidamo baaxad leh oo buuxiya kaalintii ay ciidamada ku lahaayeen Geeska Afrika xilligii dalka ay ka jirtay dowladdii Milateriga.

Intii uu joogay wasiirka magaalada, waxa lagu tuuray tira madaafiic ah, kuwaasoo aan waxbo geesan sida ay lee yihiin mas’uuliyiinta gobalka Gedo.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu wafdi ka socda Dowladda federaalka Soomaaliya uu ku tago Magaalada Garbahaarey iyadoo Wasiirka Difaaca uu soo booqday suuqa magaalada, Isbitaalka magaalada, xarumaha Dowladda sida Saldhigga ciidamada Booliska iyo xarunta Maamulka Gobolka Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Shariif Xasan oo ku fashilmay afduub uu la damacsanaa maamul goboleed-ka Koonfur Galbeed (Warbixin)

udoomiyihii hore Barlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shaly dib ugu soo laabatay saasimada Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa waxaa intii uu ku kala sugnaa Dubai iyo Kenya uu waday qorshaha Maamul goboleedka loogu magac daray Koonfur Galbeed State of Somalia, taasi oo uu ka dhaadhicinaayey Dadka ka soo jeeda Goboladaasi…. Halakn kasii aqri warkan oo dhamesyitiran

Maamulka Puntland oo xabsiga u taxaabay aggaasime ku-xigeenka hey’adda Daryeel Bulsho.

Garoowe (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay aggaasime ku-xigeeka hey’adda daryeelka bulshadda ee Puntland Cabdi Kaafi Xasan Maxamed.

Waa loo heestaan mas’uulkan  inuu waday abaabul ah siddii loogu kici lahaa maamulka uu hoggaamiyo madaxwayne Faroole sida ay lee yihiin saraakiisha maamulka Puntland.

Aggaasimaha guud ee hey’adda daryeelka bulshadda Puntland Ismaacil Aadan Diiriye oo ah oo caawa la hadlaayay idaacadda VOA ayaa sheegay in si fool xun loola dhaqmay markii la xiraayay Cabdi Kaafi Xasan Maxamed oo ah aggaasmiye ku-xigeenka hey’adda, sida uu hadlka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Cabdi kaafi wax ka dhan ah ammaanka Puntland uusan ku dhaqaaqiin isla markaana uusan ahayn siyaasi, isla markaana aysan jirin wax dambi ah oo uu galay.

Ilo madax bannaaan ayaa u sheegay Caasimada Online in Cabdi kaafi lagu xiray ra’yiga uu qabo ee ah in doorashada maamulka Puntland la qabto 8-da January oo ah marka loo balamay.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Cabdi Kafi in uu waday qorsha ah in la kulmiyo ergo iyo odayaal ka immaan lahaa Gaalkacyo iyo Bari, kuwaasoo saluugsan qorshaha uu wato madaxwaynaha maamulka Puntland Faroole, kaasoo doonaya in hal sano oo kale loogu daro xilkiisa.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan xariga maanta loo geestay aggaasime ku-xigeenkii hey’adda daryeelka bulshadda ee Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE ( 9) !!

0
Qeybtii 9-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad6-aad7-aad 8-aad
Akhristoow sheekadaan waxaan ka soo bilaabnay dhamaadkii 1972 markii la furay Sannad dugsiyeedkii 1972-1973, ilaa haatanna waxaan joognaa dhexdhexaadkii sannadkii 1979.

Si taxane ah ayaan u soo wadnay iyo meelihii uu jaceylkii Ostan kolba maraayey , ayadoo lala qabo in aan dhextaal ka digeynay Howlo uu Ostan qabanaayey sida Mahrajaankii 1973 iyo OHRM ee Sannadkii 1974 iyo waliba Tababarkii Dugsiga Xalane ee 1976.

Waxaan kaloo soo gaarnay guuldaraddii ka danbeysay iyo burburkii jaceylkii Ostan & maryan ee bilowgii 1977 iyo Jaceylkiisii Indha la’aa ee Gabadhii Talyaaniga aheyd ee uu ku dhabiibay jaceylkii weynaa ee Dugsiga dhexe !!!

Akhristoow waxaa taas ku dartaa Jaceyladii Ostan Saaxiibkiis Hunboow, ee Ostan khabiirka ka ahaa kana talinaayey markii uu isku badalay Khabiir Jaceyl , ileen jaceylo badan ayuu soo jilaye.

Ostan sidaan horeyba u soo sheegnay wuxuu noqday Wadaad weyn oo casharo Akhriya, wuxuuna noqday Ruux ka aflaxay Masaajidkii Arbaca Rukun, se Nasiib daro Masaajidkii Arbaca Rukun waxaa Tafsiirkii Shiikh Muriidi Iridaha loo laabay Nov,1978 , Markii dawladdii jirtay u adkaysan weyday Dhallinta yar yar ee haddana Diinta baraneysa ileen waxay ahaayeen Dawlad Shuuci ah !!!.

Ostan kadib wuxuu u wareegay in uu Masjidka Marwaas uu ka dhageysto Riyaadhu saalixiin oo uu Akhrin jiray Allaah ha u Naxariistee Shiikh Ibraahim Suuleey !!!! Aad & aad buuna uga faa’ideystay Casharadaas Axaadiithta ah .

Ostan wuxuu gabi ahaanba joojiyey galidii shaneemooyinka, Isboortiga iyo Ciyaartiisii Banooniga , Dabaashii Xeebta Liido IWM.

Akhristoow waxaa la soo gaaray Dhamaadkii 1980 gii Ostan wuxuu qaaday labo tillaabo oo Noloshiisa wax ka badashay waa mida hore’ewaxaa lagu qoray in uu galo Jaamicadda Lafoole bilowga 1981 kadib markuu ku barmoosay Imtixaan macallimiinta laga qaadi jiray si ay u galaan Jaamicadda lafoole ee waxbarashada , se Ostan lotkii hore ee galay 1980 wuxuu uga haray 2 buundo oo waxaa galaayey ruuxii keena 371 se Ostan wuxuu haystay 369 waxaase ka darnaa Nin ay Lafoole isku barteen oo Cismaan la yiraahdo oo u sheegay in uu asguna keenay 370 hal buundo ayuu uga haray sannadkaas.

Waxaa kaloo ku dartaa Macallimiintii 1980 galay Lafoole  waxay ka hor galeen Ardadii Dugsiyadda sare ay isku lota ahaayeen ee ayagu galay sannadii 1981 isla sannadka uu Ostan la galay Saaxiibkiis Hunboow asaguna lagu qoray Lafoole inkastuunan galin.

Ostan waxaa kaloo si lama filaan ah uu u guursaday Gabadh ayaduna macallimad Domistiko ah ( domestic Teachers) Waxbarashada Qoyska oo la yiraahdo Dhudi waxay is mehersadeen Sep,12,1980 waxayna aqal galeen Oct,12 1980.

Waxayna ku aqal galeen Qoryooleey oo Ostan Hooyadiis deganeyd.

Dhudi oo Ostan u  sheegtay in Niman badan soo shukaansadeen se ay asaga ku raacday waa mare Macallin Diinta u Akhriya ayuu ahaa , waa midda labaade markuu shukaansanaayey ayuu isticmaalay erey ahaa ( Jaceylka dadka wadaadada ah wuxuu yimaadaa Guurka kadib) taas oo Ostan ka soo Qishay Majalad la oran jiray ( AL-Dacwah) oo Af carabi ku soo bixi jirtay ooy soo saari jireen Al-Akhwaanul Muslimuunka Reer Masar.

shineemo banadirBishii December dhamaadkeedii ayaa Ostan & kooxdii macallimiinta ee gali laheyd Jaamiacadda Lafoole la sii galiyey Dugsiga tababarka xalane maxaayeelay Jaamicaddii ayaa waqtigeedii 3 week ku darsatay marka ku meel gaar ahaan buu Ostan Xalane ugu noqday meel uu necbaa se haatan rigo iyo gaardis toona ma lahan.
Ostan Horaantii 1981 ayuu Jaamiacdda Lafoole galay, waxayna u soo guureen Xamar asaga iyo Dhudi Xaafadda Madiina oo uu markuu seddex habeen ka maqnaado Jaceylkiisa cusbaa uu u imaan jiray asagoon la sugi jirin Jimcaha oo jaamicaddu fasax tahay.

Ostan wuxuu Dhudi uga sheekeeyey Jaceylkii Maryan iyo waxa uu soo mariyey ( Jaceylkii Dugsiga Dhexe ) waxayna Nasiib u heshay in ay dhudi noqoto Qofkii ugu horeeyey ee uu jaceylkaas uga sheekeeyo !!!.

Dhudi baa Ostan ku tiri Hadal uu la yaabay oo ah Maryan waa necbahay, Buuran na waa jeclahay !!!!
Ostan baa weydiiyey maxaad Maryan ku nacday, Buuranena ku jeclaatay??? Markaas bay ugu jawaabtay Maryan waxaan ku nacay adiga ayaa jeclaatay se Buurane waxaan ku jeclaaday asagaa Maryan kugu Diray !!! La,aantiis annigu kuma heleen !!!

Waa Sheeko Cajiib leh ??? Ostan wuxuu ogaaday Khaladka uu galay in aanan waligaa Naagtaada lagu oranin Naag baan jeclaan jiray ama haatan baan  jeclahay ??? Haweenku waxay ka maseyraan xataa ninkoodu Haweenkii uu qabi jiray mise uu Jeclaan jiray!!! Akhristoow sow maadan Maqlin Ummunaa Caa’isha waxay ka maseyri jiratay Ummunaa Khadiijo oo horteed dhimatay Kuligood Allaah ha u naxariistee !!!.

Dhudi uur bay horay ka yeelatay se waa ka soo dilmeen Ostan jaceylkiisa Isbitaal Banaadir baa la seexiyey halkaas buu ugu tagi jiray, dhawr bilood kadibna wuxuu Dhakhtarkii kula taliyey in laga soo xaaqo ooysan rajo laheyn, haddana Dhudi Isbitaalkii baa lagu celiyey oo la seexshay Ostanna agteeda ayuu fadhiyey !!!.

Ostan jaamicadda waxaa lagu qoray Math & physics aad buu ugu fiicnaa se wuxuu la yaabay oo iska celin waayey Maktabadda Jaamicadda Lafoole ooy qeybteeda Afka carabiga & Diintu aad u camirnaayeen halkaas ayuu noqday mid kutubtaas iska dhex Mushaaxa oo habeen kasta Kitaabo Diini ah akhrisanaaya sida tafaasiirta, Axaadiithta,Fiqhiga iwm.

Ardadii Ostan fasalka Xisaabta la dhiganeysay baa la yaabay asagoo mar kasta Fadhiya qeybta Afka carabiga oon Akhrisaneynin Pre-Calculas & Calculas oo Major u aheyd iyo physoics 1 oo ku qornaa !!!

Ostan Simistarkaas wuxuu kaga soo baxay buundo fiican se wuxuu nacay Xisada Hantiwadaagga oo galabtii la dhigi jiray taas baa Ostan ku bixisay in uu Jaamicaddii Lafoole naco, kadib wuxuu iska raadsaday Baasaboor oo waagaas markii ugu horeysay dadweynaha loo furay , Araajiddii ayuu qortay kadib aabihiis buu u dhiibtay markaas baa Baasboor loo soo saaray july 1981,

Ostan wuxuu goostay in uu dhoofo markiiba wuxuu aaday Hargeysa si jabuuti ugu sii dhoofo, Dhudi reerkoodii oo isla Wadajir deganaa ayaa soo raray oo qol Irid banaan ah siiyey !!!.

Ostan intuu Hargeysa ku maqnaa wuxuu xabiibtiisii Dhudi u soo diri jiray Waraaqo uu xaalkiisa uga waramaayo iyo sida uu jaceylkeeda u tabay.

Ostan Diyaarad yar ayuu hargeysa ka raacay oo ku tagay Dalka Jabuuti waa markii ugu horeysay ee uu Diyaarad raaco noloshiisa.

Ostan 14 berri ayuu Jabuuti joogay markii uu ka dhici rabay ticket-giisii ayuu Hargeysa ku soo noqday kadibna xamar u soo gudbay, wuxuuna la dagay reer xididkiis kadibna wuxuu ku noqday jaamicadiisii Lafoole Kadib markii jaamicadaas laga wada eryey saaxiibadiisii Wadaadada ahaa oo lixna la xiray lixna ay carareen.
Ostan markii Arrimahaasi dhacaayeen wuu maqnaa markii uu ku noqday baa lala yaabay se Ruuxna waxba uma qabsanin .

Ostan waxaa loo dhalay wiilkii ugu horeeyey Salman Dec,28,1982 usbuuc kadib waxaa dhacay Arrin yaab leh si lama filaan ah ayaa waxaa iskugu soo baxay Ostan iyo Maryan goor habeen ah asagoo ka yimid Boostadii weyneyd ee Muqdisho abaarihii 2 saac habeenimo ama sida haatan la yiraahdo 8 fiidnimo agagaarka Baar shabeelle  !!!

Ostan ayaa ka daba yimid Maryan oo la socota Muxubo oo lugeynaaya agagaarka Baarlamaankii hore iyo ka soo horjeedka Baar Shabeelle, markuu gartay ayuu isku dayey in uu salaamo se wuxuu hadal ka bilaabay Gabdho dadkii hore ma taqaaniin dad cusub baad barateen ??? Markiiba dhinac bay isku buuseen sida Ruux ayeysan kaseynin se Ostan labadaba wuu garanayaa waa Maryantiisii uu jeclaa iyo Muxubo ooy isku Dugsi Quraan ahaayeen, Maryanna ay daris ahaayeen !!!

Markaas buu haddan hadal kale oo daandaansi ah ku tuuray oo ku yiri waxaan xasuustaa Muxuboow adigoo yar oo lagu guday in aan Gurigiina kuugu imaan jiray oo Quraan kuu akhrin jiray markuu macallinkeenii igu amray in aan guriga maalin kasta Quraankii ku dhaafi lahaa kuugu soo akhriyo !!! Haddana wey is buuseen ayagoo Qoslaaya, kadib waxay soo gaareen Boosteejaddii Caasiga laga raaci jiray markaas ayey caasi taagan ku boodeen oo labo kursi oo isku xigga fariisteen, Ostanna intuu ka soo daba galay ayuu gadaal fariistay asagoo la yaaban waxa ay u inkiraayaan???.

Markii Lacagta la aruurinaayey ayuu Ostan kirishboygii ku yiri waa Anniga iyo labadaas gabdhood markaas buu ku yiri wey baxsheen ayagoo maqlaaya , kadibnma waxay ku degteen Farmashiyihii Caalamiga waa meeshii Ostan waa hore uu ku kogagay, sow Akhristoow ma xasuusatid ??? caawa markuu Maryan arkay meel baa danqatay se wuxuu iska dayey Calool adeyg oo wuu la hadlay inkastoo la inkiray oo hadalkii laga hoos qaadi waayey !!! Tolow muxuu caawa u baqan waayey ma faraxii Salmaan(1) baa mise wax kale ayaa jira mise jaceylkii Maryan waxaa qeyb ka mid ah shiiqisay Gabadhii Talyaaniga aheyd ,qeybtii kalena waxaa ku durdurisay Dhudi oo ah haatan Jaceyka kaliyah ee Ostan leeyahay.

Akhristoow waxaa Habeenkaas ka soo wareegtay haatan oon sheekadaan qoraayo 30 sano oo laga yaabo Akhristayaal fara badani in aysan dhalan, se wali sawirkii Habeenkaas meel ayuu qalbigeyga kaga sugan yahay, waana markii ugu danbeysay aan Maryan la kulmo noloshayda, haddiise Caawa ay iga soo hor bixi laheyd waxaan u maleynayaa in qeyb wadnahayga ka mid ah in ay Bood boodi lahaa oon Xanuun ka dareemi lahaa.
Ostan markuu haatan habeenkaas fasiro wuxuu is yiri Maryan waxay kaa aarsaneysay Habeenkii aad OHRM ka soo noqoteen ee aad baar Bulsho gabdhihii oo dhan ee fasalkiina ahaa ku wada  salaamtay se aad Jaceyl dartiis u salaami weysay Maryaneey.

Ostan wuxuu is leeyahay habeenkaas ayey colaad kuu qaaday se maryaneey ma oga kuwa uu salaamay in uu ayadda ka jeclaa se jaceyl dartiis uu Qalbiga siin kari waayey ( Ayadoon Carro lagu hamsiin waanan ka hareyne, Hadday adinka Howl yaraan idinla tahay anniga waa ii Hooge ) Cilmi Boodhari Allaah yarxamuh !!!.

Waa inoo qeybtii ugu danbeysay ee Jaceylkii Dugsiga dhexe (10 ) oo uu ostan ku eegi doono jaceylo badan uu Maryan gadaasheed jilay oo uu san ka cabsanin dadka uu jeclaaday in uu ku yiraahdo waa ku jeclahay ee uusan la gabanin sidii kii dili lahaa ee Jaceylkii dugsiga dhexe !!!.

Waxaan kaloo ku sheegi doonaa Meesha ay ku danbeysay Maryaneey ???? !!!!!.

Sheekadii Qiimaha iyo qaayaha iyo Jaceylka Nadiifta ah laheyd waa sheekadii Jaceylkii Dugsiga dhexe !!!!.
 
F.G Sheekadaan waa Qiso Run ah Magacyada uun baa la Badalay ??? Walow Ostan uu yahay Naaneysta wiilka, Maryan se waa magaceeda Runta ah Se ayaduna Naaneysteeda ayey ku caan tahay sidaas baa looga reebay Magaceeda , Sidoo kale Dhudi waa Naaneysta Ostan xaaskiisa inkastoon dad badani u aqoonin !!!!
 
Qore : Ostan Gacamay
 [email protected](1) Salmaan Ostan waxay xabaddi ku dhacday oo dishay  Dagaalkiisokeeye May, 1991 asagoo waqtigaas 8 sano iyo Bar jira ah, wuxuuna ka mid yahay carruurta Soomaaliyeed ee si xaq daro ah ugu waxyooloobayDagaalkii banaa ee Wadankeena Aafeeyey !!! Se ostan waxaa haatan u joogga 8 Ubad ah 3 wiil iyo shan Gabdhood , waxayna asaga iyo dhudi iyo  5 Ubadkiisa ka mid ah ay ku nool yihiin wadanka Mareykanka3 da kale ee carruur  ah iyo Hooyadood kale waxay ku nool yihiin Gaarisa , Kenya .

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta sameestay 15 Guddi + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha ummadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku ansixiyee illaa 15-guddi oo ka wax ka qaban doona nidaamka uu ku shaqeeyo baarlamaanka, kuwaas oo laga dhex xulay xildhibaannada dhexdooda.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominaayay afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxa soo xadiray illaa ku dhawaad 200-mudane, waxana gabagabadii lagu doortay guddiyo la sheegay inay la shaqeen doonaan xukuumadda.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

1-Gudiga xeer hoosadka  anshaxa iyo xasaanadda xildhibaanada

2-Gudiga u kuurgelida dib u eegsita iyo dhaqangelinta dastuurka

3-Gudiga garsoorka owqaafta iyo arimaha diinta

4-Gudiga arrimaha gudaha maamulada gobolada iyo amniga Qaranka

5-Gudiga xaqiiqo raadinta dib uheshiisinta iyo hanti isku celinta

6-Gudiga Miisaaniyadda Maaliyada qorsheynta iyo la xisaabtanka hay,adaha dowladda

7-Gudiga arrimaha dibedda iyo iskaashiga calamiga

8-Gudiga difaaca Qaranka

9-Gudiga Xuquuqul insaanka haweenka iyo bani’aadanimada

10-Gudiga Caafimadka waxbarashada shaqada iyo isboortiga

11-Gudiga horumarinta reer miyiga xoolaha iyo beeraha

12-Gudiga Kheyrdka dabiciga ah ee dalka

13-Gudiga Warfaafinta wacyigelinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta

14-Gudiga Wadooyinka dekedaha garoomada iyo  tamarta

15-Gudiga Dhaqaalaha ganacsiga iyo warshadaha

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Daawo Muuqaalkii ugu Dambeeyay ee laga soo duubay Muqdisho. “VIDEO”

0

Aqristayaasha Caasimada.com Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa Muuqaal cusub oo laga soo duubay Magaalada Caasimada Muqdisho waxaad arkeeysaa Muuqaal cusub oo soo jiidasho leh.

Hadaba Aqristoow waxaad arkeeysaa sida ay Magaalada u dhismeeyso iyo isku socodka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga oo xowli ku soconaya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

 

Puntland oo xoog adeegsi ku hanjabtay

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ciidankooda ku guuleysteen go’doominta koox burcad badeed ah oo afduub ku haysata markab ganacsi.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay xafiiska Shabakadda Caasimada Online ay ku lee dahay Garowe, ayaa lagu sheegay in markabkaasi laga curyaamiyay inay sahay uga timaado dhinaca xeebta degmada Garacad oo ah halka lagu haysto.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri :- Kaddib markii hey’adaha amniga Puntland ay heleen war ah in shaqaalihii markabkaasi dib la isugu soo celiyay ayaa Ciidamada Badda Puntland weerareen markabkaasi 10-ka December 2012, iyadoo xabado la iswaydaarsaday kadibna burcad badeedii shaqaalihii u afduubnaa ay la galeen qeybta hoose ee markabkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa markabkaasi ka xayiray inuu wax sahay ah ka helo dhanka xeebta. Subaxnimadii 11 December 2012 ayaa koox burcad badeed ah oo siday sahay isugu jirta hub iyo rasaas ay soo weerareen Ciidamada Puntland oo ku sugan xeebta. Isku dhacaasi hubaysan waxaa ku geeriyooday saddex ka mid ah burcadii soo weerartay Ciidamada Dowladda, waxaana gacanta lagu dhigay saddex kale oo ka mid ah isla kooxdaasi. Hubka la qabtay ayaa ka kooban 5 qori AK-47, 1 qori BKM, iyo kumanaan rasaas ah.

Tan iyo intii howlgalkani socday ayaa waxaa Ciidamada Dowladda Puntland ka dhaawacmay afar-askari. Dowladda Puntland ayaa amaan iyo boogaadin u jeedinaysa Ciidamada Dowladda oo u taagan difaaca jiritaanka Puntland.

Markabka MV Iceberg 1 ayaa waxaa madax furasho loogu haystay in ka badan 2-sano iyo 9-bilood, iyadoo shaqaalihii markabkaasi qaarna la dilay qaarna si xun loo jirdilay.

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona howlgalkani tan iyo inta laga soo furanayo markabkaan iyo shaqaalaha ku dhibaataysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

Shariif Xasan oo si wayn loogu soo dhaweeyay Muqdisho + Qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horrey labo jeer u soo qabtay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shariif Xasan oo tan iyo markii la doortay madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud bishii September uu dalka ka tagay ayaa ku maqnaa sarafo dibedda ah.

Wasiiro, wasiiro hore, Xildhibaanno, odayaal, haween iyo saxaafadda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ku soo daggay 2-dii duhurnimo ee maanta, waxana markii uu ka soo dagay garoonka uu mid-mid u gacan qaaday dadkii soo dhaweeyay, kaddibna waxa lagu qaaday baabuur la ii sheegay in uu isaga lee yahay, laakin la mid ah baabuurta madaxda dalka lagu galbiyo.

Waxa loo qaaday guriga uu ka dagan-yahay nawaaxiga Villa Somalia, waxana uu markii dambe sheegay in uusan saxaafadda al hadli karin maadama uu daalan yahay, sida ay saxaafadda u sheegeen saraakiil isaga soo dhaweeyay.

Immaashiyaha Shariif Xasan Sheekh Aadan saaka si wayn ayaa looga hadal hayay magaalada Muqdisho, waxana garoonka sii tagay dad u badan taageerayaashiisa.

Waxa la ii sheegay inuu isla berri aadi doono magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo la sheegay in uu kaga dhawaaqi doono maamul gobaleed lamagac baxay (KOONFUR GALBEED).

Shariif Xasan Sheekh Aadan waa siyaasi si wayn u yaqaana siyaasadda Soomaaliya, mana la ogo wax yaabaha uu u yimid magaalada Muqdisho.

Kama qaybgalin fadhiyada baarlamaanka, isaga iyo ra’iisal wasaarihii hore Cabdiweli Maxamed Cali oo isna ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Wenger: Laga yaabee inaan Messi lasoo saxiixdo Janaayo.

Tababaraha Faransiiska ah ayaa kooxdiisa Gunners ku heysta ciyaartoydii abid ugu xumaa, ka dib markii ay kooxda ka dhisan waqooyiga London ku bilaabatay Premier League xilli ciyaareedkii ugu xumaa Capital One Cup ayeyna uga soo hareen gacmaha kooxda ciyaarta Horyaalka labaad Bradford City.

62-jiraan ayaa bedelkeeda koobab badan u qaaday kooxda Emirates balse dhowaanahaan koob uma soo xareyn.

Wenger ayaa ku sheegay shirkiisii jaraa’id ee Jimcada: “Waxaan heysan jiray koox cajiib ah waxayna keenayeen natiijooyin fiican, I aamina. Waxaan koobab ku qaadnay ciyaartoy ka liita kuwaan.

“Dabcan ciyaartoydaan damiirkii aan laga miiray. Waxaad u maleysaa inaysan waxba ka quseyn kooxda guryahooda ayey aadeen ka dib guul darradii Bradford miyey ciyareen kulan cajiib ah? Iyaga ayey quseysaa.”

Wenger ayaa markaas ka dib sheegay war ay dad badani ku qosleen mar wax laga weydiiyey inuu suuqa kasoo iibsan karo ciyaartoy magac ku leh kubada cagta wuxuu ku jawaabay. “Ma waxaad ugu yeereysaa inaan saxiixyo waa weyn sameyno.

“Waxaan soo iibsan doonaa bisha Janaayo Lionel Messi waadna la fajici doontaa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Madaxweynaha Real Perez: Casillas waa halyeey.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa aaminsan in goolhaye Iker Casillas uu yahay mid ka mid ah kabtanadii ugu fiicnaa ee kooxda soo mara.

Goolhayaha heerka caalami ee dalka Spain ayaa 472 kulan u saftay kooxda ka dhisan caasimada Spain isagoo xirfadiisa ku bilaabay 1999kii, wuxuuna ka caawiyey inay hantaan shan Horyaal oo La Liga iyo laba Champions League.

“Iker Casillas waa halyeey Real Madrid iyo Spain ah, mid ka mid ah kabtanadii kooxda ugu fiicnaa taariikhdeeda,” ayuu Perez u sheegay AS.

“Taas wuxuu ku muujiyey guulaha uu ka gaaray Ispoortiga, wuxuuna kooxda gaarsin karaa guulo kale.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

David Silva: Mancini ma lahan eeda inaan kasoo harnay UCL.

Xidiga kooxda Manchester City David Silva ayaa u sheegay ciyaartoyda kooxdiisa inuusan Roberto Mancini eed ku laheyn kasoo haritaankoodii Champions League balse ay iyagu isku eedeeyaan.

Tababare Roberto Mancini ayaa eedo badan u imaanayeen ka dib markii ay kooxdu sanadii labaad oo isku xigta wareega Group-yada kaga soo hartay Koobka Kooxaha Yurub, laakiin Silva ayaa difaacay.

“Dhamaanteen waa inaan qaadnaa masuuliyada wixii dhacay xilli ciyaareedkaan. Qaabkii aan u ciyaarnay Champions League. Waa inaan qaadnaa eediisa,” ayuu qirtay Silva.

“Ma aan ku bilaaban si fiican Champions League taas ayaana sabab noo aheyd. Hadii aysan dhacdeen, saacadaan ma aadan eedeyseen tababaraha.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Xavi oo ku dhow inuu xirfadiisa kusoo afjaro Barcelona.

Xavi ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa kusoo afmeero Barcelona isagoo kubad sameeeyahaani kooxda u saxiixi doona heshiis cusub oo uu kula sii joogayo ilaa 2016.

32-jirkaan ayaa kasoo qalin jabiyey Akadeemiga La Masia wuxuuna wax ka badan 700 oo kulan u saftay Catalan, isagoo kula guuleystay wax walba oo koox lala qaado 21 sano oo uu xirnaa maaliyada kooxda Barcelona yaryar iyo waa weyn intaba.

Waxaa doonayaa inuu qandaraaska u dheereeyo Bareclona xilli uu kobaha isaga siibi doono Camp Nou.

“Kooxdaan aad ayaan ugu qanacsanahay keliya waxaan ka fikirayaa waa inaan qandaraas cusub saxiixo,” ayuu Xavi u sheegay saxaafada. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in qandaraaska aan isku af garanay.

“Waxaan doonayaa inaan sii wato riyadeda ah inaan xirfadeyda kusoo gunaanado halkaan waxayna u egtahay inay rumowday. Ma garanaayo in isbuuca soo aadan lagu dhawaaqi doono heshiiska ilaa 2016ka ah.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Joachim Low: Jose Mourinho kama bedelaayo Real Madrid.

Tababaraha xulka Germany Joachim Low ayaa dhowaanahaan la sheegayey inuu yahay ninka Jose Mourinho ka bedelaya shaqada tababarenimo ee Real Madrid.

Tababaraha ayaanse qarin inay wax ka badan laba sano ka hartay qandaraaskiisa uuna ilaa 2014 sii hor kici doono xulka die Mannschaft.

Markii wax laga weydiiyey wararka xanta ah ee soo jeedinaaya inuu ‘Special One’ ka bedelayo los Blancos, Low ayaa sheegay inaysan wararkaas waxba ka jirin.

“Mar ay noqoto, waxaa laga yaabaa inaan ku laabto inaan koox tababare u noqdo. Laakiin hada maahan. Sida muuqata waxaan ahay tababare qaran, tanina waxay I siisay kalsooni intii lagu jiray sedaxdii sano ee u dambeysay,” ayuu 52-jiraakin u sheegay Sport 1.

“Ima quseeyaan wararkaas xanta ah. Keliya waa soo jeedin, Jose wuxuu Real kula jiraa qandaraas dhan ilaa 2016. Ana waxaan qandaraas ilaa 2014 ah kula jiraa Jarmalka,” ayuu Low ku yiri ZDF.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Rafael Benitez: Chelsea way ku guuleysan kartaa CWC iyo EPL.

Rafa Benitez  ayaa aaminsan inay Chelsea dhamaadka isbuucaan noqoneyso Horyaalka Aduunka, sidoo kale wuxuu qabaa inay Chelsea bisha May gacanta kusoo dhigi karto Premier League.

Chelsea, ayaa Koobka Kooxaha Aduunka Axada ku wajaheysa kooxda Brazil ka dhisan Corinthians, waxayna 16 dhibcood ka dambeyn karaan hugaamiyeyaasha Manchester United marka ay kasoo laabtaan Japan iyagoo kulankooda xiga wajahaya Aston Villa.

Laakiin Benitez ayaa qaba inay kooxda Stamford Bridge wax walba bedeli karto sidii ay samesay 2010kii markaasoo ay United Horyaalka ka xayuubsadeen.

“Waan kugu raacsanahay inay United iyo City yihiin kooxo aan laga adkaan Karin waana kuwa ugu cadcad horyaalka,” ayuu yiri Benitez.

“Laakiin, hadii aad guuleysato laba ama sedax kulan oo xiriir ah markaas kalsooni ayaa kusoo geleysa.

“Kulanka aan wajaheyno Corinthians wuxuu noqon doonaa mid muhim inoo ah. Hadii aan ciyaarno kubad fiican kalsooni badan ayaa nasoo geli doonta. Tayada aan ku leenahay garoonka dhexdiisa, kooxdaan waxayba ku guuleysa kartaa horyaalka si gaar ahaaneed.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Rodgers: Liverpool waa inay ku dhameysataa kaalinta labaad.

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa doonaya inay kooxdiisu booska labaad kala baxdo Manchester City bedelkii ay Reds u dagaalmi laheyd kaalinta afaraad.

Ka dib bilowgoodii xumaa ee qarnigaan, Reds ayaa haatan afar dhibcood ka dambeysa kooxda ay isku magaalada yihiin Everton oo ku jirta kaalinta afaraad.

“Qorshoheenu waa dhanka bidix, midig iyo dhexda,” ayuu yiri Tababarihii hore ee Swansea.

”Markii aad tahay koox leh qaabka Liverpool ka dib waa inaad wax fiican sameysaa.

“Aniga ahaan dareenkeyga waa inaan kor isku qaadno. Waxaan 11 dhibcood ka dambeynaa kaalinta labaad waxaana u baahanahay kaalintaas sida ugu dhaqsaha badan, taasna waxaan fursad u heysanaa daqiiqad walba.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Qoys reer Muqdisho ah iyo Qoysika Madaxweyne C/llahi Yuusuf AUN oo is heysta + DF oo lagu eedeeyay eexasho

Muran dhuleed ayaa ka dhex oogan qoys degan magaalada Muqdisho iyo qoyska allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somalia Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Arrintan ayaa la xiriirta dhul ku yaalla xaafadda Buulo-Xuubey ee magaalada Muqdisho, oo qoys Soomaaliyeed ay ku nool yihiin, balse qoyska madaxweyne Yuusuf ay sheegteen lahaanshaha dhulkaas, sida qoyska iminka degan oo laga saaray dhulkaas ay inoo sheegeen.

Nooma suurta galin inaan la xiriirno qoyska Madaxweyne Yuusuf, waana soo dhoweyneynaa haddii ay arrintan nagala soo xiriiraan, hase yeeshe qoyska kale ayaa xiriir nala soo sameeyay.

Waxaa xafiiska shabakadda Caasimada Online ee magaalada Nairobi lasoo gaarsiiyay qoraal cabasho ah oo ku aaddan, guryaha ay burburisay Dowladda Somalia, oo dhulkaas ka dhisnaa.

Guryaha la bur buriyay ayay dowladda ku sheegtay in laga dhistay dhul uu lahaa madaxweynihii hore ee Somalia, C/llaahi Yuusuf Axmed, oo ku yaalla xaafadda Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qoraalka cabashada ah ayaa u qornaa sidan:-

Annagoo ah qoyska reer Nuur Yalaxow, waxaan halkaan kaga cabaneynaa arrin dhacday shalay oo ay fuliyeen, dad ika tirsan mas’uuliyiin dowladda Somalia, oo uu ugu horeeyo afhayeenka Police-ka Muqdisho Cabdullahi Xasan Bariise.

Bariise ayaa arrintan ku qirtay hadal uu siiyay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, isaga oo ku andacoonayo in uu cagta mariyey dhul laga heystay madaxweynihii hore ee Somalia Cabdulaahi Yuusuf.

Arintaan ayaa waxey la xiriirtaa dhul ku yaala xaafada Buulo Xuubey oo dad shacbi ah lee yihiin kuna noolaayeen dad shacab ah, hase yeeshee dadka in ay ka socdaan dowlada isku sheegaya, ayaa waxey ku andacoonayaan in dhulkaan uu lee yahay Cabdulaahi Yuusuf oo ahaan jiray Madaxweynihii Somalia, balse xoog looga heystay, sida ay yiraahdeen.

Waxaa is weydiin mudan yaa dhici karo qof madaxweyne ah oo Muqdisho muddo ka talinaayey? Ma kula tahay in qof shacbi ah sidaa sameyn karo?

Waxa aan rabnaa in hadii Cabdulaahi Yuusuf qoyskiisa ay heystaan documentigii dhulka ay la imaadaan, oo ay u soo maraan wasaaradda garsoorka oo aysan u soo marin wasiirro dhuuni qaate ah oo aan shaqo ku laheyn habka cadaaladda oo un u dhuun daloolo laaluush iyo dhaca umadda soomaaliyeed ee aan awoodda lahyn.

Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in aanan ka hareyn dhulkaan oo aan u heysano documentigii aan ku gadaney oo aan diyaarna u nahay in aan la marno sidii cadaaladda qabto, intii ka danbeysa dhibka dhaceyna lala xisaabtami doono oo aysan jiri doonin in leys dhaco ama awood dowladeed lagu dhaco hanti shacab leeyahay.

Waxaa cad in aysan wax cadaalad ah jirin dhac iyo laaluushna ay ku lugo leeyhiin arrintaan, iyadoo la wada ogyahay, islamarkaana aysan ahayn sida loo sheegay.

Xaqa wuu cadaan doonaa insha allaah.
Waxaa qoray: Maryan Nuur Yalaxow, email: [email protected]