28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Muxuu Eebbe SW Tukaha uga dhigay Macallimka dadka? (Mucjisada Qur’aanka Kariimka ah)

Sida aynu lasoconna ama ogsoonnahay tukuhu wuxuu kamid yahay baalleyda Ilaahay abuuray, waana shimbir inta badan caan ku ah luuqad waluba iyo dal kasta. Shimbirkani waa shimbira uu Ilaahay u doortay inuu noqdo macallimka dadka, si uu u bara habka ugu wanaagsan ee bini aadamigu u asturi kara maydkiisa. Quraanka uu Nebi Muxammad (NNKH) inoo keenay 1400 sano kahor ayaa inoo sheegay in sunnada mayd asturka uu asalkii hore ina baray tukaha, taasoo ka dhignayd inuu Ilaahay ina barayay markuu inooga qisoonayay xaadisadaasi in shimbirkani yahay shimbir macallim ah oo dadka wax aad muhiim ugu ah baray. Haddii Quraanku aanu jiri lahayn, dadyoowga kalee aanan Islaamka ahayn ayaan jahligaasi la wadaagi lahayn, maadaama aanay jirin diin kaloo xustay sha’niga shimbirkaasi marka laga reebo ta Islaamka.Sida aynu ogsoonnahay jariimadii ugu horreysay ee dil bini aadam ee koonkani ka dhaca wuxuu ahaa dilkii loo geystay Haabiil wiilkii Aadam, ee uu ugeystay walaalkiis Qaabiil ina Aadam. Qisadaasi waa caan, Rabbi baana Quraankiisa inooga qisooday, culimada mufasiriintuna si wanaagsan bay inoogu bayaaniyeen macaanida aayadahaasi ka hadlaya dilkii Qaabiil uu diley walaalkiis Haabiil.Sababta dilkaasi wuxuu ahaa Shaydaan oo markaasi cadaw xasad ah ku ahaa Aadam iyo durriyadiisa, maadaama uu Aadam sabab u ahaa in Ibliis la fogeeya, lacnadda Allana dushiisa la saara.Dilka markuu dhacay kadib, oo Qaabiil uu diley walaalkiis Haabiil, baa Ilaahay usoo saaray tuke aasaya meydka tuke kale, markaasuu Qaabiil inta shallaayay yiri ”Hoogayeey!! miyaan ka caajisay inaan  u astura meydka walaalkey sida uu tukaasi u asturaya meydka walaalkiis”?

Aayadahan kamidka ah suuradda Al Maa’ida buu Ilaahay inoogu qisooday dhacdadaasi.

{ وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آدَمَ بِالْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِن أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ الآخَرِ قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ اللَّهُ مِنَ الْمُتَّقِينَ (27) لَئِن بَسَطتَ إِلَيَّ يَدَكَ لِتَقْتُلَنِي مَا أَنَاْ بِبَاسِطٍ يَدِيَ إِلَيْكَ لِأَقْتُلَكَ إِنِّي أَخَافُ اللَّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ (28) إِنِّي أُرِيدُ أَن تَبُوءَ بِإِثـْـمِي وَإِثـْـمِكَ فَتَكُونَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ وَذَلِكَ جَزَاء الظَّالِمِينَ (29) فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ فَقَتَلَه فَأَصْبَحَ مِنَ الْخَاسِرِينَ (30) فَبَعَثَ اللَّهُ غُرَابًا يَبْحَثُ فِي الأَرْضِ لِيُرِيَهُ كَيْفَ يُوَارِي سَوْءَةَ أَخِيهِ قَالَ يَا وَيْلَتَى أَعَجَزْتُ أَنْ أَكُونَ مِثْلَ هَذَا الْغُرَابِ فَأُوَارِيَ سَوْءَةَ أَخِي فَأَصْبَحَ مِنَ النَّادِمِينَ (31).

Alle wuxuu leeyahay


”Ku aqri korkooda (uga warran) warkii labadii wiil ee Aadam si dhab ah, markay saddaqeysteen saddaqa, oo laga aqbalay midkood (Haabiil), kii kalena (Qaabiil) aanan laga aqbalin, oo uu yiri (Qaabil) waan ku dili, oo kii kalena (Haabiil) uu yiri (jawaab ahaan) wuxuunbuu Alle ka aqbalaa kuwa dhowrsada. Haddaad usoo fidiso gacantaada xaggayga si aad ii disho, anigu ma usoo fidinaya gacantayda xaggaada si aan kuu dila, (maxaa yeelay) waxaan anu ka cabsan Ilaahay, ee Rabbiga caalamiinta. Oo waxaan anugu doonayaa inaad la noqoto dambigeyga iyo kaakuga, oo aad noqoto naarta ehelkeeda, taasuna waa abaalmarinta daalimiinta. Markaasay u qurxisay naftiisa (Qaabiil) inuu dila walaalkiis (Haabiil), wuuna diley, wuxuuna kamid noqday kuwa khasaaray. Wuxuu Alle tusiyey (Qaabiil) tukeqodaya dhulka si uu utusiyo siduu u asturo meydka walaalkiis, wuxuuna yiri hoogayeey miyaan ka caajisay inaan noqdo sida tukahaan oo kale, oo aan asturo meydka walaalkay, wuxuuna noqday mid shallaaya”. (Al Maa’idah: 27-31).
Waxaa haddaba is weydiin mudan muxuu Eebbe ugu doortay tukaha inuu noqdo macallimkii ugu horeeyay ee bara bini aadamka qaabka uu meydkiisa u aasan lahaa? Muxuuse Ilaahay xayawaan kale ama shimbir kale uga dhigi waayay macalimkii bari lahaa insaanku sunnadaasi?Ugu horreyn daraasaadka casriga iyo culimada ku takhasustay baalleyda (inta duusha) waxay iktishaafeen noolaha ama shimbirka loo yaqaan tukaha inuu yahay shimbirka ugu caqliga badan shimbiraha oo dhami. Waxay culimada casrigu ay kusheegeen daraasaddii ay uga hadleen shimbirkan tukaha inuu yahay midka ugu caqliga badan uguna dhagarta badan shimbiraha, waxay kaloona intaasi raaciyeen, inuu yahay shimbirka keliya ee astura meydkiisa, iyadoo arrintaasu dhawaan uun lagu ogaaday dabagal iyo baaritaan lagu sameeyay noolahan duula. Laakiin Quraanka ayaa inoo sheegay 1400 sano kahor in tukuhu aasa meydkiisa, halka ay iyagu dhawaan uun ku ogaadeen daraasaad iyo baaritaano ay dhici karta dhibaatooyin badan inay kala kulmeen, tiiyoo aanan la yaraysan karin dhaqaalihii arrinkaasi uga baxay.Daraasaddu waxay xustay in tukuhu leeyahay maxkamad kala xukmisa dembiyada ka dhex dhacda, iyadoo maalinta tuke kamid ah tukayaashaasi la xukminaya ay isu yimaadaan tukayaal badan oo isaga kala yimid meelo kala duwan si ay uga qeyb qaataan daawashada maxkamaddaasi. Waxay kaloo intaasi ku dartay daraasaddani in marka tuke dembiila ah la xukminaya in aanu meeshaasi marka ka qaylinin iyadoo tukayaasha kaloo dhami ay qaylinayaan, wuxuuna tukaha eedeysanaha ahi yara kala bixiyaa labadiisa baalal oo hoos usii deeyaa, isagoo muujinaya inuu ictiraafsan yahay dembigiisa. Daraasaddu waxay intaasi ku dartay haddii tuke uu dilo tuka kale inay tukayaasha oo dhammi isugu tegaan tukihii falka dilka ah sameeyay, oo miinqaarkooda (qudka dhuuban) ay la wada dhacaan isagoo haba yaraatee wax iska caabin ah aanan sameyn, badalka uu ictiraafsan yahay dembigiisa darteed, sidaas ayayna ku wadayaan sida ay madaxa uga kubinayaan jeer uu dhinta, dabeetana midka ugu xoogga badan tukayaasha ayaa qaadaya oo ku aasaya meel aanay dadba ujeedin, isagoo sharfaya meydka, waa sida ay xustay daraasadani.

Cadaaladdu waa sheyga ay umaduhu ku kala horumaraan, waxaadna taasi ka garan kartaa sida Quraanku ugu amaanay Alle arrinka cadaalladda ah. Sidoo kale waxaa tusaale mug weyn arrinkaasi u ah xaalka dunida maanta, waddamada ku horu maray inay dadkooda caddaalad u sameeyaan, waa meelaha ugu amniga badan uguna nolasha fiican, marka la eega noolasha adduunyada. Roobab baa ka da’a, nacfigooduna waa joogta.

Haddii ay caddaaladdu dadka kala horumarisa, Quraanku wuxuu inoo sheegay in tuku arrin muhiim ah cilmigeeda uu uga hor maray bini aadamka, taasoo ah asturka meydka, taasoo tukaha uu insaanku uga dheereeyay. Sidaas oo kale, daraasaddu waxay xustay heerka caddaaladda tukaha iyo halka ay gaarsiisan tahay, jaanibka kalena waxay daraasaddu xustay in tukuhu wax dheeryahay baalleyda kale iyo xayawaannada kale (sida bini aadamka cadaallada fala uu wax u dheeryahay kan aan falin oo kale). Taasoo ayideysa in Quraanku xaq yahay, xagga Rabbina uu ka yimid.

Dhawaan ayay reer galbeedku oo immika ku talax tegey culuumta casriga ay wax ka ogaadeen noolaha tukaha, iyadoo horey wax macluumaat ah noolashiisa looga haynin, laakiin Qur’aanka uu Muxammad (NNKH) inoo keenay xilli noolahani tukaha ah cid macluumaat ka keeni kartaa aanay jirin (1400 sano kahor) baa Ilaahay uu inoogu warramay in tukuhu yahay noole sha’ni weyn leh, wax badanna ka duwan shimbiraha iyo xayawaannada kale. Sidaa daraaddeed buu Ilaahay ugu doortay inuu bara bini aadanka habka loo astura meytidooda, maadaama uu isagu ahaa noolaha keliya ee aasi jirey meydkiisa.

Tani waxay caddeyneysaa sha’niga Quraanka iyo weynidiisa, iyo inuu yahay mid mucjisa ah oo ka warramay wax ay adag tahay in laga warrama, xilli weliba ay dhici karin waxan oo kale in qof uu ka warramaya, laakiin Allihii abuuray xilliyada kala duwan, iyo dhammaan makhluuqaadka oo dhan ayaa qaddaray in Quraanku uu noqdo mucjisada waarta oo wax hore iyo wax dambeba ka warranta.

Waxaa is weydiin mudan haddii Muxammad (NNKH) uu Quraankani kala yimid meel aan Alle agtiisa ahayn, sidee buu uga warramay arrinka tukaha iyo inuu yahay noole wax badan dheer noolayaasha kale? Mise isagaa daraasad arrintaasi ku sameeyay oo wax badan ka ogaaday? Laakiin ma jirin xilligaasi qalabka loo adeegsada daraasaadkan iyo culuumta casriga.

Waa daliil waafi ah oo ku wajahan inta uu shakigu kaga jira in Quraanku aanu ahayn hadalkii Ilaah.

WD: Mohammed Dahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka, lama daabacan kara idan la’aan.
_________________________________________________________

Jowhar oo saaka loo jiheystay iyo wararkii ugu dambeeyay weerarka.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Amisom ayaa saakay mar kale u dhaqaaqay degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.

Guutadii koowaad ee Ciidamada saakay dhanka Jowhar qabtay ayaa waxaa ay ka talabeen deegaanka  Qalimow iyagoo ku soo dhow dhow deegaanada Boorow iyo Garsaale ee duleedka degmada Jowhar.

Ciidamada ayaa qaabka lugta ku baxay saakay maadama roobaab ay biyo dhigeen waddooyinka laga galo degmada jowhar .

Taliyaha Ciidamada dowlada Cornel Sanay oo aan wax ka waydiinay inay la wareegayaan Jowhar iyo in kale ayaa ka gaabsaday oo waxaa uu sheegay inay tahay howl gal Militeri.

Dad arkay Saakay Ciidamada Amisom iyo dowlada ayaa warbaahinta u xaqiijay  jiritaanka weerarkan, wallow ay dhaci karto in ciidamada ay dib u soo laabtaan sababo Roobab wadooyinka biyo dhigay dhulkana uu yahay dhoobey oo ma gali karaan gawaari.

Xiisad cabsi ayaa ka tagaan Jowhar maanta laakiin waxaa Shaqaynaya goobaha ganacsiga .

Imisa Garsoore oo Caalami ah ayey Soomaaliya Xiriirka FiFA ku leedahay

Dagaaladii  sokeeye ee Dalka Soomaaliye ka curtay  Bilowgii Sagaashamaadkii, waxa ay sababeen in ay bur buraan inta Badan Adeegyadii Bulshada u baahneed iyo Kabaayashii  Dhaqaalaha, Amniga, Caafimaadka, Fanka iyo Adeegyadii Bulshada iyo wixii la Halmaalaba.

Balse Ciyaaraha gaar ahaan K/Cagta ayaad moodaa in ay wax xoogaa Muuqatay oo ay sameesay Dadaal badan, Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo Kaashanaya Kan Olympikada ee GOS  ayaa ku guuleestay in ay Calanka Soomaaliya geeyaan Daafaha Caalamka sidoo kale waxa ay ku Guuleesteen in ay Tababare iyo Aqoonsi Caalami ah u helaan Tiro Garsoorayaal K/Cagta ah, kuwaasi oo Maanta ku jira Liiska Garsoorayaasha Caalamiga ee FIFA.

Sagaal Garsoore oo Isugu jira 3 Garsoore oo ciyaaraha dhex dhexaadiya iyo 6 Kalkaaliye (Calanwade) ayaa Waxa ay ka Diiwaan Gashan yihiin Xiriirka K/Cagta ee Aduunka ee Marka Magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (FIFA).
Garsooryaasha Soomaalida, ayaa Haatan waxa ay dhex dhexaadiyaan ama ay qabtaan Ciyaaro Caalami ah Gaar ahaan Kuwa Qaarada Afrika.

Hoos ka aqriso Magacyada Garsoorayaasha Soomaaliya ee Caalamiga ah ee  u Diiwaangashan Xiriirka FIFA.

GarsooreSanadka DhalashadaSanadka uu Garsoore  Caalami Noqday
MOHAMED ABDULLE Nur19762010
OLAD ARAB Bashir19742004
WIISH Hagi Yabarow19782011
CalanwadeSanadka DhalashadaSanadka uu Garsoore Caalami Noqday
ABDI OMAR Abdirahman19832010
HASSAN FIDO Mohamed19782004
NUR AHMED Aweis19822011
OMAR ABUKAR Salah19752001
SHIRE HAYDAR Bashir19691998
YUSUF Mukhtar Moallim19832012

 

 

Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Caasimada-Switzerland 

Madaxwayne Xasan “Dowladdayda Shareecada Diinta Islaamka ayaa hogaan u ah oo ay ku dhaqmeysaa”

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladiisa ay dadka Soomaliyeed ay ku dhaqi doonto Shareecada Islaamka.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay Masjid ku yaala Xarunta Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegay in waxa ugu horeeya ee uu qaban doona ay tahay inuu ka dadaalo in wax walbo uu aas aas ugu dhigo Sharaceeda uuna ka hortagi doona waxii aysan raali ka ahayn.

Madaxwaynaha Soomaaliyaa ayaa ka shanqariyay in qofkii wax dila  Isagana la dili doono,waxaana uu meesha ka saaray in qabyaalad lagu siidayo ruuxa dilka ka gaystay.

Arinta dilka uu Madaxwaynaha uu ka dhawaajiyay ayaa waxa ay Imaanaysaa iyadoo ciidamada dowlada ay dad rayid ah maalin walba ay ku dilaan magaalada Muqdisho taas oo aysan jirin cid kula xisaabtanta.

Isbadalada Madaxwaynaha iyo ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay keentay in Maxkamada ciidamada qalabka sida ay yarayso xukunada lagu qaado Askarta dadka rayidka ah waxyeelaya.

Farqiga u dhaxeeya ammaanka Villa Somalia, xilligii Shariif Sheikh iyo kan Xasan Sheikh (XOG)

Amniga madaxtooyada ayaa waxa uu ahaa mid aad u adag isla markaasna lahayd dhowr jagboynti oo dadka lagu baari jiray xiligii uu dalka madaxweynaha KMG ahaa Shiikh Shariif.

Waxaa jiray dhowr meel oo dadka lagu baaro aad ayayna u adkeyd in si sahlan uu qofka ku galo aqalka madaxtooyada, amniga madaxtooyada waxaa uxilsaarnaa ciidamo isugu jiray Soomaali qaasatan kuwa loo yaqaan koofi gaduuda iyo ciidamada AMISOM oo iyagu ahaa darbiga ugu danbeeya uguna xoogan oo uu madaxweynaha si aad ah isugu haleen jiray.

Hadaba markii Madaxweyne Xasan Shiikh uu nasiib uyeeshay inuu noqdo madaxweynaha rasmiga ah ee jamhuuriyada Soomaaliya kadib markii uu cod aqlabiyad leh kaga guuleeystay dhigiisa Shariif, ayaa waxaa soo ifbaxay isbadal weyn oo laga dareemay aqalka madaxtooyada iyadoona aysan jirin ilaalintii xooganeed iyo baaristii lamarsiin jiray dadka gudaha ugalay.

Waxaan ka mid ahaa wariyayaal dhowr ahaa oo 6-dii bishaan kaqayb galayay xaflad lagu magacaabayay RW Cabdi Faarax Shidoon, ma jirin baaritaan sidaas usii xoogan oo na lagu sameeyay ilaa aan katagnay albaabka weyn ee madaxtooyada, Ciidamada waxay ahaayeen kuwo sikale isaga mashquulsan oo aanba xil iska saarin ammaanka.

Ciidamada Soomaalida kaligood maahane xitaa ciidamada AMISOM ee lo xilsaaray ilaalinta aqalka madaxtooyada ayaa ahaa kuwo sidokale aanan sidii hore amaanka u ilaalin.

Hadaba su’aasha is weeydiinta mudan ayaa ah waxa keenay isbadalkaan iyo sababta kadanbeeysa?

Dadka taxliiliya siyaasada Soomaaliya ayaa ku micneeyay isbadalkaan xagga amaanka in saraakiisha ciidamada Soomaalida uu mid walbo ku taaganyahay hal lug ayna kabaqayaan in madaxweynaha uu isbadal kusameeyo islamarkaasna uu layimaado saraakiil kaloo loo xilsaaro ilaalinta amaanka Madaxtooyada waana taas tan keentay ineeysan shaqadooda ugudan sidii logu talogalay.

Weriye ka tirsan Caasimada Online oo jooga Muqdisho.

Cabdi Sataar kale ayaa dhashay!

Ma dhinte waa Ilaah, qof kastana waqti ayaa dunida la keenaa, waana laga wadaa xilli aanay cidi-ogayn Rabbi mooyee.

Doonista Alle ayay wax kasta ku dhacaan. Bini’aadamka waxba ma samayn karo amarka Alle la’aantiis, cidi ma dili karo, cidi ma noolayn karo, tiisana waxba uma galo, haddii aanu Rabbi ugu talagalin.

Cabdisataar Daahir Sabriye wuxuu ka mid ahaa wariyeyaal saaxiibadeen ah iyo dad kale oo rayid ahaa oo si xaq-darro ah loogu casuuqay magaalada Muqdisho 20-kii bishan (October 2012), dad baa ku faanay inay xasuuqooda gaysteen, isla markaana waxay ballan-qaadeen dilka kuwo kale oo aan waxba galabsan sidooda.

Taas waxay daliil cad u tahay inay awoodda Alle hilmaansan yihiin, mar haddiiba ay ballan-qaadayaan dilka dad uu Alle uun ogyahay ajashooda xilliga ay ku eg-tahay.

Meeqa ay saacado u qabteen baa wali nool, meeqo ay rasaas la dhaceen oo uu Alle ka badbaadiyay dhagartooda, haddana nolol wanaagsan ku jira. Haddii ay awoodaan ma kula tahay akhriste inay cidi deyn lahaayeen dadka ugaarsanaya wax-galka bulshada?

Inkastoo dhimashadii dadkii lagu xasuuqay maqaayadda The Village, Hargaha iyo Saamaha, Shaamo, Tiyaatarka iyo Dhuusamarreeb ay xanuun iyo uur-kutaallo nagu reebtay haddana, waxaan aaminsanahay inay mareen waddada xaqa ah ee uu Alle noo sheegay in la wada-marayo.

Haddii aan duluucda qormada u soo dago, Cabdisataar Daahir Sabriye iyo dadkii kale ee lala xasuuqay waxaa dishay gacan ka gardaran, waxaanna Alle u waydiinayaa Jannadiisa Fardowsa.

Haddii aan dambi Alle ka cabsanayn waxaan dhihi lahaa Cabdisataar ma dhimman ee wuu dhashay! si ay naxdin iyo argagax ugu abuurto kuwii dilkiisa ka dambeeyay.

Bishan (October 2012) 4-teedii, meel 10 mitir wax ka yar u jirta halkii lagu duugay Cabdisataar Daahir Sabriye ee Isbitaalka Madiina wuxuu wiil ugu dhashay, Cabdi Daahir Sabriye oo ay walaalo ahaayeen, waxaana loo bixiyay Cabdisataar Cabdi Daahir Sabriye.

Waalidiinta Cabdisataar-ka dhashay waxay ballan-qaadeen inay ku dedaalayaan in marka uu koro uu buuxiyo booska muhiimka ahaa ee uu banneeyay Cabdisataar-kii uu Alle oofsaday.

Bal u fiirso, dhimashada iyo dhalashada labada Cabdisataar kaliya waxaa u dhaxaysay 13-maalmood, meesha uu ku dhashay Cabdisataar-ka cusub iyo halka lagu aasay kii hore waxaa u dhaxaysay 10 mitir, goobtana waa isbitaalka Madiina.

Waxaan Alle uga baryayaa Cabdisataar Daahir Sabriye inuu jannadii Fardowsa uu ka waraabiyo isaga iyo dadkii kale ee xaq-darrada lagu dilay, Cabdisataar Cabdi Daahir Sabriye-na uu Alle barbaariyo, kana dhigo kii diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa anfaca.

WQ: Tahlil Colaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan tan Caasimada Online.

Dowlada Somalia oo shaacisay waxa ay ka yeeleyso heshiisyada shidaal sahmin ee Puntland iyo Somaliland.

Dowladda Somalia, wax qorshe ah kama lahan inay sharci darreyso heshiisyada shidaal sahmin ee dhowaanahan maamulo ka mid ah dalka ay saxiixeen, ayada oo ka doorbideysa kuwii la saxiixay wixii ka hreeyay 1991-kii, sarkaal sare ayaa maanta sidaas sheegay.

Waxaa dhowaanahan jiray walaacy ay qabaan maal geliyayaasha oo ku saabsanaa in heshiisyda Puntland iyo Somaliland ay la galeen shirkado shisheeye ay saameyn ku yeelan doonto dowladd cusub ee jamhuuriyadda federaalka ah.

Abdullahi Dool oo ah wasiir ku xigeenka tamarta Somalia ayaa sheegay inay tahay arrin aad deg deg u ah in go’aan laga gaaro sida loola macaamilayo shatiyada shidaal baaris ee shirkado badan lagu siiyay inay dalka shidaal ka sahmiyaan.

Dool ayaa sheegay in Somalia aysan ixtiraami doonin kaliya heshiisyadii wixii ka horeeyay 1991-kii lala saxiixday shirkadaha Royal Dutch Shell, Bp iyo Chevron, balse ay sidoo kale qadarin doonto kuwa dhowaan la saxiixay.

Dool ayaa cambaareeyay hadal dhowaan uu baahiyay Cabdullahi Xeydar oo la taliye u ah wasaaradda tamarta Somalia, oo ku saabsanaa in kaliya heshiisyadii la saxiixay wixii ka horeeyay 1991-kii ay sharci yihiin.

“Ma garan karo sababta Mr. Xeydar uu u abuuray buuqan…..Dowladda ayaa sameysay siyaasadda ee la taliyayaashu ma sameeyaan” ayuu yiri Dool.

Dool ayaa dhinaca kale sheegay in haddii ay jiraan shatiyo isku hor imaanaya oo dhowr shirkad lala galay, la xalin doono marka gole wasiiro cusub ay dalka yimaadaan ka hor 6-da November.

Dhinaca kale Keith Hill oo ah madaxa shirkadaha African Oil iyo Horn Petroleum, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in heshiisyada ay la galeen Puntland ay sharci sii ahaan doonaan, dowladda cusubna ay ogolaan doonto.

Canug dhashay isaga oo gacanta ku heysta kitaab qur’aan + Sawirro.

Waxaa ay ahayd arin aad looga maqlay magaaladda Lagos ee dalka Nigeria kadib markii Hooyo Kiristan ah ay dhashay wiil gacanta ku haya Kitaabka Qur’aanka Kariimka, Qowlka eebe.

Qisadan waxaa ay ka dhacday Jidka 1, Sonde Street, Ijeshatedo, ee magaaladda Lagos waxaana dhashay canug kitaabka qur’aanka kariimka gacanta ku haya.

Hooyadiis waxaa lagu magacaabaa Mrs. Kikelomo Ilori waana 32 sano jir waxaana ay sheegtay in wiilkan ay uurkiisa waday ilaa 10 bil.

Hooyadan aan wali laguursan ayaa canugan ku dhashay si sharci daro ah sida ay sheegtay.

Waxaa y sheegtay in ninkeedii uu ku diiday uurkan uuna usheegay in ay iska soo tuurto canuggan.

Sidoo kale Waxaa ay sheegtay in ay ka diiday dalabka ninka ee ahaa in ay canugan soo disho.

“markii aan diiday in aan uurka iska soo rido waa igu xanaaqay waxaana uu igu dhahay ‘taas waa dbibaato adiga kuu gaar ah’.” Mrs. Ilori ayaa sheegtay in canugan ay si layaab leh ku dhashay.

Waxaa ay tilmaantay in ay timid dhaqtar kadibna ay utagtay kal-kaaliso si ay udhaliso
“Markii aan aragnau in canugayga oo gacanta ku haysta Qur’anka , kal-kaalisadi ayaa igu dhahday waan tuuraynaa Qur’aanka. laakiin aniga ayaa ku adkaystay in aan tusiyo hooyadey kahor inta aan ficil la samayn,” Kikelomo oo ah gabar kiristan ah ayaa sidaas sheegtay.

“waxaan ku waaniyay iyada in aysan iska soo tuurin Uurka maxaa yeelay iyada ayaa udhiman kartay waxaan usheegay in allah ay tala saarato,” ayay sheegtay Hooyada gabdhan Apostle.

Madaxa Caafimaadka Bodet Hospital Ikeja ee magaaladda Lagos Dr. Bode Tawak ayaa sheegay in arintan aysan ahayn mid macquul ah “in canuga yar uu ku dhasho isagoo gacanta ku haya Kitaabka Qur-anka”.

“sidee ayay uwaaweyn yihiin gacmaha canugga? sida uu Kitaabka uweyn yahay? sidee kitaabka qur’aanka uga soo baxay halka dhalmada Hooyadda? magaran karo laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo aadan sharaxaad ka bixi karin,” Dr. Tawak ayaa sheegay

Waxaa uu sheegay aina tani ay tahay mucjiso ka mid ah mucjsiooyin badan oo ka dhacday dalkaas.

Allah ayaa umadiisa ku tusaalaynaya wax walba si ay ugu ad adkaadaan.

Source: raaxadaguurka blogpost

Maxaad dhihi laheyd xaaskaaga wax yar ka hor geeridaada! (Dhambaal)

Sullivan Ballou Wuxuu ahaa major, looyar iyo siyaasi Mareykan ah. Waxaa lagu xasuustaa warqaddan uu u qoray xaaskiisa Sarah Hunti Shumway xili ay nolashiisa ka harsantahay hal usbuuc oo qura. warqadan wax ay ka mid noqotay warqadaha ugu saameenta badan marka laga hadlayo umuuraha jaceylka.

July the 14th, 1861

Washington D.C.

Sarahdayda aadka Qaaliga iigu aheey:

Waxaa ii muuqaneysa in aynu maalmaha soo socda dhaqaaqi doono, lagaba yaabee baratiba. Maadaama aanan awoodidoonin in aan markale warqad kuu soo qoro waxaan ku qasbanahay inaan kuu soo qoro dhowr sadar oo indhahaaga soo gaaridoono xili aan ahay wax aan jirin(dhintay)

Kama shakisani kaalsooni darana kama qabo qadiyadda aan ku mashquulsanahay, dhiiranaanteyda ma aha mid joogsaneysa ama daciifeysa. Waxaan ogahay sida xadaarada Mareykanka ay ugu xirantahay guuleysashada dowladan iyo sida halyeeyadii naga horeeyey ee dhiigooda u huray dalkan ay abaal noogu leeyihiin. Waxaan rajeynayaa inaan abaalkaas gudo oo aan farxadeyda oo dhan uga dhaxbaxo si ay dowladan awoodda u hanato.

Sarah Jaceylka aan adi kuu qabo waa mid aan dhiman, Jaceylkaagu waxa uu igu xiray xarko adag oo aysan jirin wax goynkara, sidaa oo ay tahay jaceylka aan wadankan u qabo ayaa sidii dabeel xoogan oo kale iiga tanbadiyay oo i keenay goobaha dagaalka. Xusuusta dhacdooyinkii farxada badnaa ee aan adiga kugula raaxeystay ayaa maskaxdeyda ku soo uruuraya. Alle iyo adiga ayaan si qoto dheer ugu mahadcelinayaa sida aan mudada dheer ugu raaxeystay. Way adagtay inaan hilmaamo xusuustaas iyo waxa aan rajeynayo hadii allaha awooda leh ogolaado oo ah in sanadaha soo socdo aynu jaceyl ku wada noolaano oo aan agteena ka aragno wiilasheenii oo weynaaday misna noqday ragg aad loo ixtiraamo.

Kuuma cabiri karo dareenkeyga habeenkan xagaaga ah ee daggan, waxaa hareeraheyga jiifa kumanaan rag ah qaar badan oo ka mid ah waxa ay ku jiraan raaxadoodi ugu dambeysay, laga yaabee in tahay wax yar ka hor geeridooda. Qudheyda waxaan shaki ka qabaa in Geeridii ay igala soo daba xaluulaneyso gumaceeda burburintabadan.

Hadii aanan soo noqon Sarahdeeyda qaaliga aheey waligaa ha hilmaamin sida aan kuu jeclahay, sidoo kale ha iloobin in marka neefta dambeyso ay iiga bixeyso goobta dagaalka in aan ku hadaaqidoono magacaaga.

Qaladaadkeyga iska cafi iyo dhibaatooyinkii tirada badnaa ee aan kuu geestay. Alla maxaan mararka qaar ahaa doqon axmaq ah!

Alla Sarah hadii ay dad dhintay soo laabtaan oo ayaga oo aan la arag ku dulmeereestaan kuwa ay jecelyihiin waan kula joogidoonaa maalmaha iftiinka badan leh iyo habeenada mugdiga badan leh, markasta waan kula joogi doonaa, markasta waan kula joogi doonaa, neecawda qabow ee aad daanka ka dareemidoonto ogow waa neefteyda, dabeesha xanuunka leh aad arkidoonto xiliga aad macbadkaaga ku jirtana waa ruuxdeyda oo ku agmareysa.

Sarah sidii qof dhintay ha iigu barooran, iga soo qaad inaan tagay, isug, waana kulmidoonaa markale.

Sullivan.

Waxaa turjumay Wariye Axmednuur Cabdulaahi Cali

ahmednur@journalist.com

Faraantigii Paris “Ring of Paris” (Q.2) (Sheeko wax loo dhigo aysan jirin)

Qeybti 2-aad Qeybti 1-aad halkan ka aqriso.

Javier waxaa uu usoo cararay hooyadii iyo aabihihii oo meel aan sidaas uga fogeen ku cabaayo sigaar , waxaa uu sheegay qisadii uu soo arkay aabihii iyo hooyadiiba waxay usoo dhaqaaqeen dhankii miiska yaalay oo ay joogeen wiilkii miskiinka ahaa iyo hooyadii………..

WILLIEM iyo ELSA waxay u soo dhawaadeen wiilkii miskiinka iyo hooyadiisa oo dultaagnaayeen miiskii xaflada dhalashada Javier lagu qabtay , way salaameen salaan kadib WILLIEM ayaa ku yiri magacaygu waa WILLIEM tanina waa xaaskayga ELSA iyo wiilkayga Javier oo noo soo sheegay in aad joogtaan halkaan sidaas ayaan idin kuugu imaanay.

Wiilkii miskiina iyo hooyadiisa ayaa hadalkii qaadtay oo tiri magacaygu waa Laura kana waa wiilkayga Alexandre waxaan ka mid nahay dadka danyarta ah ee halkaan u soo qaraab doonto, marna waxaan tir tir naa gawaarida muraayadahooda ee halkaan yimaado si aan nolol maalmeedkeena uga helno, iyo xoogaa buugaag aan ugu iibiyo wiilkayga si uu wax u barto lakiin way nagu adagtahay in aan tir tir no gawaarida, sababtoo ah wiilkayga waa 8 jir anigana ma awoodo in aan taagnaado saacado badan, Laura ooyin ayaa ka imaatay oo indhihii ayaa guduutay, waxaana qariyay ilin tiro badan.

WILLIEM ayaa madaxa usalaaxay kana tirtiray ilintii waxaana uu ku yiri aduunku waa imtixaan lakiin waa hubaal qofkii sabraa oo dadaalo in uu imtixaanka uu ku guulaysankaro , waxaad ogaataa dhibta iyo farxada way is daba socdaan laakiin maanta waxaan filayaa in aad ka baxsaday nolashii adkeed .

Laura ayaa iyadoo ay ka muuqato raadkii ooyinta ayaa waxay ku tiri waan ogahay in maalin aan ka baxayno lakiin nasiibka ayaan weli CAD noo noqon oo wili kii MUGDIGA ayaan ku jirnaa aniga iyo labadayda caruur Alexandre iyo gabadhayda yar Alice.

WILLIEM: ayaa ku yiri maanta wixii ka danbeeyo waxaa idin biloowday waqtigiga wanaagiisa iyo nolosha farxadeeda.

Laura: Waa war farxad ah waxa afkaaga ka soo baxay lakiin sidee ayay ku suura galaysaa in aan nasiibka aan helno rajadaas wanaagsan

WILLIEM: waxaan wiilkaada yar ayaan kafaalo qaadayaa inta uu ka waynaayo waxaan siin doonaan xaano gaar sida wiilkyaga yar ee Javier waxayna wada aadi doonaan hal iskuul waxana wada raaci doonaan hal gaari waxayna wax ku cuni doonaan halmiis inta aan noolahay waxaan kuu baln qaadaya wiilkaada yar ee Alexandre in aan kuu wanaajiyo uuna ku noolaado nolol barwaaqo ah uuna wax barto,iskuulada ugu wanaagsana ee qaaliga iskuulada ah in uu dhigto oo ay dhigtaan dadka taajiriinta caruurtooda maantana ay noqoto maalinkii ugu danbeeysay ee nolasha mugdiga uuna u baxay nolol wanaagsan oo ka duwan tan hada uu ku jiro.

WILLIEM, ayaa u sii raaciyay adiga iyo gabadhaada waxaan din siin doona masaariif aad ku noolaataan inta aan noolahay oo dhan
Laura oo ay ka muuqadto farxad weyn ayaa umahadcelisay kuna tiri waad mahadsantahay sida dadnimada leh aad noola dhaqantay

Alexandre ayaa waxaa uu ku yiri hooyadiis hooyo aniga iyo adiga iyo walaashay kalama hari karno waa in aan meel kuwada noolaano suura gal iima ahan in aniga aan wax barasho wanaagsan iyo nolol sare helo oo adiga iyo walaashay aad ku jirtaan nolashaan adag waa in aniga aan idinkuula jiraa

Laura ayaa waxay ku tiri wiilkayga qaaliga ah ninkaan ilaah baa noo soo diray ee adiga hadii aad wax noo barato oo aad nolol wanaagsan gasho anagoo dhan waa ka faa iidi doonaa , waxay u sii raacisay furasada maalin walbo ma cado maanta wey noo cadahay ee iftiinkaan aan ka faadiino.

Alexandre: Hooyo hadii adiga ay ku qancisay in aan reerkaan la noolaado oo wax barto oo aad ku qanacsantahay waa raacayaa lakiin hooyo walaashay maxaad ku qancinkartaa
Laura sida wax udhaceen ayaan usheegayaa iyana way farxi doontaa ha ka walwelin.

WILLIEM: Waxa uu usheegay Laura in beri ay isku raacaan maxkamada ayna u soo saxiixdo wiilkooda Alexandre in uu reerka williem uu la noolaanaayo igana ka masuul yihiin , way ogolaatay waxaa beri lagu balamay maxkada horteeda in ay isugu yimaadaan si ay ugu wareejiso masuuliyadda wiilkooda qaaliga ah Alexandr sidii ayaa lagu kala tagay.

Laura iyo wiilkeeda Alexandr ayaa halkii ku soo haray arikii ayay falanqeen ka sii galeen waxay is tusiyeen hooyo ninkaan waa taajir adiga faqri ayaad tahay oo lowyer ma qabsan kartid hadii wax naga qaldamaan.

Laura ayaa waxay tiri ilaah baan walkiilanaynaa dhibna ma arkayno.

Guri yar oo ay daganaayeen ayay toos u soo aadeen waxaana guri joogtay inan isaga yar way isku soo boodeen inantii yareed waxaa loo sharxay waxa dhacay , waxay tiri waa fursad walaalkay uu wax ku noqon karo , ee hooyo u soo saxiix beri hadii uu rabo in aad ugu darto aniga laftigayga waa diyaar in aan wax barto.

Laura ayaa tiri hooyo sharciga FRANCE hal reer in ay mas uul ka noqdaan laba caruur ma ogolaanaayo waxaa uu ogolyahay oo kaliya in hal cunug ay mas uul ka noqonkaraan Laura habeenkii ma aysan seex fikir ayuu ugu dhamaaday iyo wel wel.

WILLIEM iyo reerkiisi aad ayay ugu faraxsanaayeen in ay caawinaan wiilkaan miskiinka oo ay nolol wanaagsan geliyaan waxay iyagana ka munaa qishoonayeen halkii ladejin lahaa iyo sida uu ula jaanqaadi laaha reerka cusub.

WILLIEM waxaa uu TEL kula hadlay Abukaatihiisi una sharxay wiilka yar ee uu soo arkay uu doonaayo in uu la noolaado waxaa uu weydiiyay sida sharciga ka qabo.

Abukaatihii ayaa ku yiri nooca kafaalo qaadka iyo masuuliyada waa laba nooc ee waa tee tan aad rabto.

WILLIEM ayaa ku yiri ii sharax.

Abukaatihii ayaa yiri tan hore waa qof qoyskaada aan wax xaq ah ku laheen oo yacni hadii aad dhimato xoolahada aan waxba ku laheen oo qof uu aad caawinayso oo kaliya hadii aad dhimatana caawimaas wey haraysaa.

Tan labaad waa qof qoyskaada ka tirsan oo waxa uu la xuuq noqonayaa wiilkaada adiga aad dhashay ee sidee rabtaa.

WILLIEM ayaa waxaa uu yiri waxaan rabaa in uu la mid noqdo wiilka aniga aan dhalay
Abukaataha ayaa waxaa uu kula taliyay in uun uu koriyo wax dhaxal iyo xuquuqba uu iska daayo.

WILLIEM waa uu ku adkeestay waxa ay ku balameen in uu soo diyaariyo warqadaas uuna yimaado beri maxkamada horteeda.

Abukaatihii ayaa hadalkii qaatay oo yiri waa tahay mudane beri ayaan imaanayaa maxkamada horteeda.

Markii uu waagu baryay reerkii maaskiinta ahaa waxay soo xadireen maxkamadii si ay wiilkooda uwareejiyaan uuna uga mid noqoda reerka WILLIEM……LASOCO QAYBTA 3AAD INSHA ALLAH

W/D H.A MOHAMED ADKEESTE

Dhageyso Khudbad Madaxyene Xasan maanta dhinacyo badan kaga hadlay.

Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somalia, ayaa maanta salaadii jumcaha kadib ka jeediyay magaalada Muqdsho khudbad uu waxyaabo badan kaga hadlay dhinacyo badanna taabaneysaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyey shacbiga Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta Dowladda ku dhaqanka cadaalladda si loo helo isla xisaabtan dhab ah. Dhag sii halkan si aad u dhageysato khudbadda Madaxweynaha.

Mourinho oo si aan caadi aheyn u amaanay Cristiano Ronaldo ‘Wuxuu ka yimid aduun kale’

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa maanka ku haaya in Cristiano Ronaldo uu u qalmo abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna jaho kale u bixiyey heer weeraryahanka Barcelona Lionel Messi.

Mourinho ayaa ka dib kulankii El Clasico wuxuu sheegay in labada ciyaaryahan ay ka yimaadeen caalam kale,  balse hada hadalkiisii labaad ayuu si aad ah ugu amaanay ninka ay isku wadanka yihiin isagoona ka sara mariyey weeraryahanka xulka Argentina.

“Fal danbiyeed ayay noqon doontaa hadii uusan Cristiano Ronaldo ku guuleysan Ballon d’Or” ayuu yiri Mourinho.

“Axadii [kulankii El Clasico] waxaan nafteyda weydiiyay su’aashaas ka dib ciyaar fantastik ah, waxaana isku dayay inaan helo jawaab cadaalad iyo xushmad leh, kaliya ma ahan ciyaaryahankeyga laakiin ciyaaryahanka ay xafiiltamayaan xitaa Lionel Messi.

“Hada ka dib marka qof mas’uuliyadeyda oo kale leh uu ii yimaado, iina sheego in ciyaaryahankiisa uu yahay kan ugu fiican adduunka, waxaana markaas ugu jawaabi doonaa sida tan:

“Ciyaaryahankeyga kuma dhalan magaalada Madeira, waxa uu ku dhashay meeraha Mars sidaasi darteed adduunkan kamaba uusan imaan. Sidaasi darteed isaga ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican gayigaan oo dhan.”

 

Juan Mata: Waxaan ugu soo biiray Chelsea inaan koobab kula guuleysto.

Xidiga garabka ka ciyaara ee kooxda Chelsea Juan Mata ayaa la dhacsan bandhigiisa Barclays Premier League tan iyo markii uu Blues uga soo biiray kooxda Valencia xagagii lasoo dhaafay.

24 jirkaan ayaa sanadkii ugu horeeyey kooxdiisa kula guuleystay FA Cup iyo Uefa Champions League, isagoona doorar muhim ah ka ciyaaray tartamadaas.

Mata, aya sidoo kale bandhig fiican muujiyey intii uu ka hoos ciyaarayey Roberto Di Matteo xilli ciyaareedkan, wuxuuna caawiye ka noqday afar gool lix kulan oo Premier League ah.

“Daacadnimadii, sidaas ma aanan rajeyneyn,” ayuu u sheegay France Football isagoo ka hadlaayey tartanka kubada cagta Ingiriiska.

“Waxay aheyd xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyey ee England wax walbana ded deg ayey u dheceen.

“Hadeer ayaan soo saaray calaamadeheyga, anigoo uga mahad celinaaya ciyaartoyda aan isku kooxda nahay. Nasiib ayaan u lahaa inaan gool dhaliyey kulankeygii ugu horeeyey. Ka dib, waxaan yeeshay tageerayaal.

“Waxaan ugu soo biiray Chelsea sabab ah inaan koobab kula guuleysto, waxaana xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyey kula guuleystay labo koob, sida Champions League oo galay taariikhda kooxda.”

Burcad badeed Dagaal uu ku dhex maray Hobyo + Khasaaraha.

Dagaal u dhaxeeyay Kooxaha Burcad badeeda ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Sadax ka tirsan kooxaha dagaalay ee Burcad badeeda ayaa ku dhintay Iska hor Imaadka Maanta waxaana ku dhawaacmay Tiro intaa ka badan.

Sida dadka Degmada Hobyo jooga ay ku soo waramayaan Dgaaalka kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa uu ka dambeeyay  ka dib Markii ay ku heshiin waayeen Lacag Madax furasha ah oo ka qaateen Maraakiib ay afduubteen.

Dhaawacyada ka dhashay Iska hor Imaadka ayaa waxaa la dhigay Cisbitaalka Degmada Hobyo.

Xaalada ayaa aad u kacsan Wali waxaana is horfadhiya dhinacyada dagaalka uu dhexmaray.

Taageerayaasha R/W Saacid iyo Suxfiyiin lagu xiray Laascaanood.

Ciidamada booliska Somaliland ee ku sugan magalada Laascaanood ayaa saaka xabsiga dhigay weriyihii telefishinka caalamiga ah ee Universal uga soo warami jiray magalada Laascaanood Axmed Saakin Faarax.

Weriyaha ayaa waxaa qabtay ciidamo booliis ah isagoo ku guda jira hawl-maalmeedkiisa shaqo ilaa iyo hadda ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambaysay xadhiga wariyaha,waxaase ilo ku dhow dhow booliska ay sheegen in xadhiga wariyaha lala xidhiidhinayo war shalay ka baxay Tv-yadda afsoomaaliga ku hadla qaarkood oo uu ka mid yahay Tv-ga Caalamiga ah ee Universal iyadoo warkaas oo laga soo diray magalada Buuhoodle oo ku saabsanaa haween reer Laascaanood ah oo qabtay kulan ay ku taageerayeen raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa xalay fiidkii la xidhay 3 wariye oo kale oo lagu kala magacaabo Maxamed Shaqale, C/kariim Olol oo wakiilka Somalichannel Tv iyo Faysal Jaamac Aadan oo ka tirsan Idaacadda Bar-kulan kuwaas oo ka mid ah wariyayasha ka hawlgala magalada Laascaanood iyo raxan ka mid ah haweenkii taageerada u muujiyey raysal wasaaraha cusub ee Somalia.

Xadhiga wariyayasha ku sugan magalada Laascaanod ayaa waxaa uu noqday mid joogta ah kuwaas oo si aan sharciga waafaqsanayn lagu xidho, waxaana lagu tilmaamaa magalaa Laascaanood inay ka mid tahay meelaha ugu badan ee tacadiga iyo cabudhinta xoogan lagu hayo saxaafadda madaxabanaan.

Dhinaca kale Ciidamada Maamulka Somaliland ee jooga Degmada Laascaanood  ee Gobolka Sool ayaa maanta Xabsiga dhigay dad dhigayay dibadbaxyo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Dadkaan la xiray ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasay 15 ruux oo ah reer Laascaanood lakiin tirada dibadbaxyada dhigay intaa waa ay ka badnaayeen  balse  waa ay baxsadeen.

Isusoobaxaan geesinimada lahaa ayaa waxaa uu ahaa mid ay dadka shacabka ku taageersan yihiin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ujeedada loo xiray dadkaan 15 ka ah oo ay jirdileen Ciidamada ayaa waxaa ay tahay sababta ay ku taageerayaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Somaliland ayaa ah Maamul doonaya Aqoonsi lakiin wali aan helin balse waxaa ay isku dayaan inaysan Faraha la gelin Siyaasada Dowlada Soomaaliya.

Xukunka dadkaan taageeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaanan la ogayn sida uu  Noqon doono.

Maxamed Cumar, Laascaanood

Mesut Ozli: Xiriir fiican ayaa igala dhexeeya Jose Mourinho, mana jiraan wax kale.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Mesut Ozil ayaa ka dhawaajiyey inuu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo tababarihiisa Jose Mourinho, iyadoo ay wayadaan soo badanayeen warar ku saabsan khilaaf kala dhexeeya ninka reer Portugal.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Germany ayaa halgan u galay booskiisa xilli ciyaareedkaan cusub ee 2012-13, iyadoo lala xiriirinaayey khilaaf adag oo kala dhexeeya Mourinho ka dib markii uu lumiyey booskiisa bilowga garoonka.

Si kastaba, Ozil ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii garoonka lagu soo bilaabay kulankii barbaraha 2-2 ah ay Real la gashay Barcelona wuxuuna daaha ka qaaday inaysan wax dhibaato ah kala dhexeyn tababarihii hore ee Inter.

“Mourinho wuu ogyahay wax aan sameyn karo wuxuuna I aamisan yahay. Waan ku farax sanahay inaan helo kalsoonidiisa uu ii muujiyey,” ayuu yiri Ozil oo la hadlaayey Kicker.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa sheegay iinuu ku farax sanahay nolosha magaalada Madrid.

“Markii aad socoto geesaha wadooyinka Madrid waa mid aan caadi aheyn. Taageerayaashu waa kuwo cajiib ah. Waxay ii muujiyeen dareenkooda waana ku farax sanahay.

“Hadawa dhulka ku xeeran marka aad ka ciyaareyso Santiago Bernabeu waa mid special ah. Waan la cajabay.”

Manchester United oo wada hadallo qandaraas cusub ah la furi doonta Tom Cleverley.

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay Tom Cleverley usoo bandhigto heshiis cusub oo loogu laba jibaari doono mushaarka uu ka qaato Old Trafford ka dib markii uu ciyaaro fiican soo bandhigay 12-kii bilood ee lasoo dhaafay, sida uu qoray wargeyska The Mirror.

Ka dib markii uu waayo usoo joogay amaah, Cleverley ayey qabteen indhuhu isagoo ka mid ah kooxda koowaad sanadii lasoo dhaafay.

Dhaawac soo gaaray ayaa hoos u dhigay tayadiisa ciyaaryahanka qadka dhexe ayaana dhaawacaas darti u lumiyey booskiisa xulka England ee tababare Roy Hodgson ciyaarihii Euro 2012.

Hada ayuu u ciyaarayaa xulka Hodgson ee Three Lions, United ayaana u aragta mustaqbalka Cleverley inuu yahay mid laga faa’iideysto iyadoo ay qorsheyneyso inay la gaaraan heshiis waqti dheer ah.

Cleverley ayaa isbuucii United ka qaata 40 kun oo ginni, wuuxuuna ka dhigan yahay heshiis cusubi in Sir Alex Ferguson uu ninka qadka dhexe u arkay bedelka 37 jirka ku gaamuray kooxda Paul Scholes, kaasoo la sheegayo inuu waqti dhow ka fariisan doono ciyaaraha.

 

Gonzalo Higuain: Fursad gaar ah ayey ii tahay inaan la ciyaaro Lionel Messi.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Gonzalo Higuain ayaa u arka fursad gaar ah inuu xulkiisa Argentina waqti dheer kula ciyaaro xidiga Barcelona Lionel Messi.

Higuain ayaa amaanay ninka ay isku dalka kaso jeedaan, wuxuuna maanka ku hayaa in daafacyadu aysan tabar u laheyn inay celiyaan Messi marka ay kubadu ku jirto lugtiisa.

“Waxaan ahay weeraryahan waxaana heystaa fursad aan kula ciyaaro Messi. Fursad gaaar ah ayey Ii tahay inaan waqti dheer garoonka kula jiro isaga,” ayuu Higuain u sheegay saxaafada.

“Waqti walba oo uu kubada helo waxaad u baahan tahay fursad sababtoo ah waad ogtahay inuu waqti walba kusiin karo kubad wanaagsan ayna kubadu kaaga imaan karto meel walba.

“Wuxuu odorosaa wax aysan weeraryahanadu maleeyn Karin daafacyaduna ma awoodaan. Waan garanayaa sida ay u ciyaaraan Lionel Messi, Angel Di Maria iyo Sergio Aguero.”

Wayne Rooney: Ma qaadan doono casaan dambe, waxaana ku dayan doonaa Roy Keane.

Wayne Rooney ayaa hugaamin doona xulkiisa England kulanka ay Wembley Stadium caawa ku wajahayaan xulka San Marino wuxuuna sheegay inuu  lasoo bixi doono hab dhaqankiisa ugu fiican.

Weeraryahanka kooxda Manchester United ayaa kabtan u ah Three Lions — inkastoo laba mar casaan la siiyey isagoo u ciyaaraya xulkiisa hadana wuxuu ku dhawaaqay inuusan mar kale ku laaban doonin wadadaas calaamadaha lagu siiyey.

Weyne ayaa casaan loo taagay 12 bilood ka hor mar uu xulkiisu la ciyaarayey xulka Montenegro iyo Casaankii can baxay ee uu ku qaatay daafaca xulka Portugal Ricardo Carvalho koobkii aduunka 2006dii.

“Mar kale ma ay dhici doonto, waan balan qaadi karaa. Waxaan dareemayaa inan qaan gaaray ciyaaryahan ahaan,” ayuu yiri Rooney oo saxaafada la hadlaayey.

“Wixii dhacay kulankii Montenegro waxay ahaayeen wax xun waana ka shaleynaa wixii aan sameeyey. Waan idinka raali gelinayaa mar dambena ma dhici doonto.”

Dhanka kale Weyne Rooney ayaa sheegay in marka uu xirto calaamada kabtanimada uu u dhaqmi doono sidii kabtankii Manchester United Roy Keane.

Iyadoo uu xulka ganaax uga maqan yahay Steven Gerrard iyo Frank Lampard oo isna dhaawac ku maqan ayuu Rooney wuxuu sheegay inuu yeelan doono Isbiiridkii Kabtan Keane.

Mar la weydiiyey cida uu ku daysan doono Rooney ayaa yiri isagoo dhoola cadeynaya: “Shaki la’aan, Roy Keane, waxaan la ciyaaray sanado waxaana arkay sida uu u ciyaarayo waxaana ku dayan doonaa qaabkiisii.”

Ronaldo De Boer: Robin van Persie wuxuu noqon doonaa laacibka aduunka hadii uu sidaan ku socdo.

Waaya aragii xulka Holland Ronaldo De Boer ayaa qaba in imaanshiyaha Roben van Persie ee Manchester United ay xidiga isku wadanka yihiin inay ka caawineyso inuu noqdo laacibka ugu wanaagsan caalamka.

De Boer ayaan aaminsan in RVP uu ku saxnaa inuu kasoo hayaamo kooxdii uu kabtanka u ahaa ee Arsenal.

“Tani waa mid sax ah waqtigaan, Van Persie wuxuu soo  afjaray waqtiisii dheeraa ee uu la joogay Arsenal, waa talaabo uu qof waliba qaadi lahaa qiimo fiican ayuuuna  kula soo biiray Man Utd,” ayuu yiri Ronaldo De Boer.

“Waxaan ii muuqda ifafaale ku saabsan Robin, waxaan u maleynayaa inuu ku guuleysan karo laacibka aduunka, hadii uu sidaan kusii wato qaab ciyaareedkiisan uu kula soo biiray United.”