25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Diidmada doorasho toos ah ajande Soomaaliyeed ma yahay? + Jawaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay doorashooyinka tooska ah oo ay isku hayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, qaar kamid ah maamul-goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Doodda ayaa waxa ay ka taagan tahay qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira qabashada qof iyo cod, taas oo ay ka timid dood xooggan oo ay qabaan xubnaha mucaaradka.

Haddaba diidmada doorasho toos ah ajande Soomaaliyeed ma yahay? waxaa ka jawaabaya wasiirka dekedaha iyo gaadiidka Cabdulqaadir Maxamuud Nur Jaamac oo qoraal soo saaray.

Jaamac ayaa si weyn u iftiimiyay doorashooyinka la’isku hayo, isaga oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dhibane u yihiin siyaasiyiin fara ku tiris ah oo awoodda isku soo koobay.

“Dadka Soomaaliyeed muddo ayey dhibane u ahaayeen siyaasad madhaleys ah oo kuraastu u xiran tahay siyaasiyiin kooban oo fara ku tiris ah, 4tii sanaba mashruuc doorasho dadban oo shaatiga un loo bedeley lagu soo doorto, ama aan iraahdo iyagu isku doortaan” ayuu yiri wasiirku.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Shacabka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay helaan xogaha quseeya arimaha masiiriga ah ee mustaqbalkooda taabanaaya.

Dadka Soomaaliyeed mudo ayey dhibane u ahaayeen siyaasad madhaleys ah oo kuraastu u xiran tahay siyaasiyiin kooban oo fara ku tiris ah, 4tii sanaba mashruuc doorasho dadban oo shaatiga un loo bedeley lagu soo doorto, ama aan iraahdo iyagu isku doortaan.

Waxaa caqabado waaweyn la hordhigay in shacabka soomaaliyeed loo celiyo awooda, mar walba oo laysku dayo in horey loo socdo xasarad iyo buuq ayaa la kiciyaa, madaxdana culeys ayaa la saaraa iyadoo aalad walba la adeegsanaayo oo ay ka mid tahay cadaadis shisheeye.

Sidaad la socotiin murashaxiinti madaxweyne dhammaantood waxay balan qaadeen doorashada ka hor in Khawaarij la ciribtiraayo, dhaqaalaha la hormarinaayo, dastuurkana la qabya tiraayo iyo in doorasho toos ah la qabanaayo.

Balankii asaga ahaa oo xilka lagu raadinaayey Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa Ilaahey u calfey inuu doorashada ku guuleysto, waajibna ku noqotey inuu oofiyo ballanqaadkii isaga ahaa. Su’aashu waxay tahay maanta maxaa loogu colaadinayaa madaxweynaha fulinta balanqaadyadaas?

Waxaa ceeb iyo fadeexad ah in isla shacabkii la soo hor istaago oo doorasho toos ah la diido, horumarintii dhaqalaha la barabogaano, ladagaalanka Khawaarijta laga aamuso weliba cod lagu kaalmeeyo Khawaarijta, iyo in dhameestirkii dastuurka la isku dayo in la hor istaago.

Xogta ay tahay in Shacabka Soomaaliyeed ogaadaan ayaa ah, iyadoo la ogyahay in hadii doorasho toos ah la qabto shacabku hogaankooda doorandoodaan, faragalin shisheeye laga xoroobi doono, Siyaasadaheena u madaxbanaanaan doono.

Diidmada doorasho toos ah Ajande Soomaaliyeed ma yahay, dalka u shaqeentiisa daacad ma laga wada yahay?

Waa su’aalaha ay tahay in qof walba jawaab u helo.

Mar walba oo horey haloo dhaqaajiyo dalkaan la yiraahdo, isbaheysi shisheeye iyo Soomaali ah ayaa lugaha ku dhega, laakiin Shacabku Shacabkii dhaga xirnaa ma ahan, fahankoodu kii hore ma ahan, intaas ayaa xisaabtooda ka maqan.

Xalku waa in indhaheenu furnaadaan oo aanan been abuurka iyo marin habaabinta la baahinaayo lagu kadsoomin, Sidoo kalena waa inaan dalkeeni ka xoreynaa noocyada faragalinta Amni, Siyaasadeed iyo Dhaqaale. Xoriyaddu ma dhameystirna ilaa sadexdaas aan xor ka noqono, qof na siineysana ma lahan ilaa anaga aan doonano.

Waxaan kaloo idinku bishaareynaayaa in Xukuumada Dan-qaran balanqaadkii ay shacabka ka balanqaadey ay fulineyso idanka Ilaahey.

BIDEN oo laga helay nooc kansar oo aad u halis badan

Wilmington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa laga helay nooc halis ah oo kansarka qanjirka prostate-ka ah, kaasoo ku fiday lafihiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa Axaddii. Biden wuxuu hadda la tashanayaa dhakhaatiirtiisa si uu u doorto ikhtiyaarrada daaweynta.

Bayaanka ayaa sheegay in Biden, oo 82 jir ah kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga — islamarkaana wiilkiisa Beau Biden uu u dhintay kansar sannadkii 2015 — laga helay cudurka Jimcihii, kaddib markii uu muujiyay astaamo la xiriira kaadi-mareenka, waxaana baaritaan lagu ogaaday inuu leeyahay buro ku taal qanjirka prostate-ka.

“In kasta oo cudurkani yahay nooc aad u halis ah, hadana wuxuu u muuqdaa mid ka falcelinaya daaweynta hormoonnada, taasoo suuragal ka dhigeysa in si waxtar leh loo xakameeyo. Madaxweynaha iyo qoyskiisu waxay la tashi kula jiraan dhakhaatiirta si ay u go’aamiyaan qorshaha daaweynta,” ayuu bayaanku raaciyay.

Madaxweyne Donald Trump, oo muddo dheer ku dhaleeceynayay Biden da’diisa iyo awoodda maskaxeed — inkasta oo uu afar sano ka yar yahay — ayaa sheegay inuu “ka xumaaday” warkan.

“Waxaan u diraynaa Jill iyo qoyska salaam diirran iyo rajo wanaagsan, waxaanan Joe u rajaynaynaa inuu si dhaqso leh oo guul leh uga soo kabsado,” ayuu Trump ku qoray barta Truth Social, isagoo tixraacaya xaaska Biden, Jill Biden.

“Madaxweyne Joe waa halyey marar badan dagaallamay,” ayay tiri Madaxweyne ku-xigeenkiisii hore Kamala Harris, oo la wareegtay musharaxnimada Dimoqraadiga kaddib markii Biden ka baxay tartankii doorashada sanadkii hore.

“Waan hubaa inuu caqabaddan u wajihi doono si geesinimo, adkeysi iyo yididiilo leh — sifooyin uu noloshiisa iyo hoggaamintiisaba lagu yaqaanay. Waxaan rajeyneynaa inuu si buuxda oo degdeg ah uga bogsado,” ayay raacisay.

Kansarka prostate-ka waa nooca ugu badan ee kansarka ragga ku dhaca, waxaana lagu qiyaasaa in midkii sideedaad ee raga Mareykanka laga helo inta uu nool yahay, sida uu sheegay Ururka Kansarka Mareykanka.

Haddii hore loo helo, kansarka prostate-ka waa mid si fiican loo daweyn karo. Si kastaba ha ahaatee, waa sababta labaad ee ugu badan ee kansar u dila ragga, sida ay sheegtay hay’addu.

Daaweynta hormoonnada, oo ah hab daweyn caadi ah, ayaa yareyn karta burooyinka waxayna gaabin kartaa kobaca kansarka, balse ma aha daawo dhammaystiran.

Sida lagu sheegay bayaanka, kansarka Biden ayaa lagu qiimeeyay “Gleason score 9 (Grade Group 5)”.

Sida uu sheegay Ururka Kansarka Mareykanka, kansarka qanjirka prostate-ka ee si aad ah u “xun” waxaa la siiyaa darajada ugu sarreysa ee Grade 5. Heerka Gleason wuxuu gaaraa ilaa 10, taasoo muujineysa heerka halisnimo ee cudurka haleelay Biden.

“Ila socda”

Biden ayaa bishii Janaayo ee sanadkan xafiiska ka degay isagoo noqday madaxweynihii ugu da’da weynaa abid ee soo mara Mareykanka, iyadoo muddadii xilkiisa su’aalo badan laga keenayay caafimaadkiisa iyo da’diisa — xitaa taageerayaal ka tirsan xisbigiisa Dimoqraadiga.

Jawaabtiisa su’aalahaas waxay ahayd mid kooban oo toos ah: “Ila socda.”

Si kastaba, bishii Luulyo ee sanadkii hore ayuu kaga haray tartanka doorashada kaddib dood si weyn loo dhaleeceeyay oo uu la yeeshay Trump, taasoo walaac hor leh ka abuurtay hoos u dhaca awooddiisa maskaxeed.

Taageerada Kamala Harris ayaa markaas kor u kacday iyadoo beddeshay Biden, hase yeeshee ugu dambeyn waxay ku guuldareysatay doorashada uu Trump ku guuleystay.

Biden, oo Trump kaga adkaaday doorashadii 2020, ayaa weli aaminsan inuu guul ka gaari lahaa doorashada 2024 haddii uu tartami lahaa. Hase yeeshee, su’aalo badan ayaa weli taagnaa oo ku saabsan sida shaqaalihiisa iyo madaxda kale ee xisbigu uga falceliyeen astaamihii muujinayay hoos u dhaca awooddiisa.

Walaacyadaasi ayaa sii xoogaystay iyadoo Talaadada la filayo in la sii daayo buugga cinwaankiisu yahay “Dembi Hore: Hoos u Dhaca Madaxweyne Biden, Qarintiisii, iyo Go’aankii Halista lahaa ee uu ugu Tartamay Mar Kale” — buug ay qoreen suxufiyiinta Jake Tapper (CNN) iyo Alex Thompson (Axios).

Toddobaadkii hore, cod duuban oo la faafiyay ayaa muujiyay Biden oo hadalkiisa lala yaaban yahay, islamarkaana ku dhibtooday xasuusashada dhacdooyin iyo taariikho muhiim ah — arrin dib usoo nooleysay dooda ku saabsan awooddiisa maskaxeed xilligii uu xafiiska joogay.

Taariikh musiibooyin leh

Nolosha Joe Biden waxaa lagu gartaa musiibooyin shaqsi ah oo qoto dheer. Sannadkii 1972, xaaskiisa iyo gabadhiisa yar ayaa ku geeriyootay shil baabuur, maalmo un kaddib markii loo doortay Senator isagoo jira 29 sano.

Sannadkii 1988, laba qalliin oo lagu sameeyay maskaxdiisa ayaa lagula tacaalayay xanuunka dhiigfurranka. Sannadkii 2023, buro kansar ah oo ka mid ah nooca loo yaqaan basal cell carcinoma ayaa laga saaray lafdhabartiisa.

Wiilkiisa Beau Biden ayaa sanadkii 2015 u dhintay kansar maskaxeed oo halis ah isagoo 46 jir ah — geeri murugo leh oo taabatay qalbiyada dad badan oo Mareykan ah.

Kaddib geerida Beau, madaxweynihii xilligaas Barack Obama ayaa bilaabay hindise loogu magac daray “Cancer Moonshot” si kor loogu qaado dadaallada la-dagaalanka kansarka, isagoo Biden u magacaabay inuu hoggaamiyo mashruuca.

“Arrintan si shaqsi ah ayay iigu taagan tahay,” ayuu markaas yiri Biden.

“Laakiin sidoo kale, waxay si shaqsi ah ugu taagan tahay ku dhowaad qof kasta oo Mareykan ah — iyo malaayiin qof oo adduunka ah. Qof kasta wuu garanayaa qof uu kansar haleelay ama wali la dagaallamaya.”

Ururka Kansarka Mareykanka ayaa Axaddii sheegay in Biden uu yahay “halgame muddo dheer u taagnaa sidii kansarka looga adkaan lahaa — dhammaan dadka oo dhan.”

Dhanka kale, warbixin kasoo baxday Aqalka Senate-ka horaantii bishan ayaa muujisay in maamulka Trump uu 31% hoos u dhigay miisaaniyadda cilmi-baarista kansarka saddexdii bilood ee ugu horreysay 2025 marka loo eego isla muddadaas ee sanadkii hore.

Puntland, Federal tensions flare over PSF in Galkayo

GALKAYO, Somalia — Puntland’s regional government has threatened military action against the U.S.-trained Puntland Security Force (PSF), accusing the elite unit of launching unauthorized operations in the strategic city of Galkayo and acting outside the regional authority.

The warning marks a sharp escalation in a long-running power struggle between Puntland and Somalia’s federal government, exposing deep fractures in the country’s fragile security architecture.

Faysal Sheikh Ali, governor of the Mudug region, condemned recent PSF deployments in Galkayo, accusing the force of conducting operations without authorization. He warned that further military activity would be treated as hostile.

“If you leave the base again, this city will become a battlefield,” Ali said in a televised address. “You can see the tanks and artillery surrounding you. Galkayo is not a playground for lawlessness.”

The governor ordered the immediate dismantling of illegal armed checkpoints and called for the arrest of anyone found threatening public order.

Federal allegiances deepen rift

Tensions have intensified amid accusations that Somali Police Force Commander General Asad Osman Abdullahi Diyaano—a former PSF leader and a member of the powerful Diyaano family—has been orchestrating military activities in Puntland with support from the federal government in Mogadishu.

Regional officials claim that PSF elements in Galkayo are now operating under federal registration, a move they say undermines Puntland’s autonomy and violates the Somali constitution.

In response, Puntland President Said Abdullahi Deni dispatched senior commanders and reinforcements to the area, vowing to resist what he described as “a federal-backed attempt to dismantle Puntland’s security structure.”

The PSF was established in 2002 with support from the United States to fight terrorism and piracy in northeastern Somalia. Over time, it evolved into a sophisticated counterterrorism and intelligence unit, praised for its operational capabilities but criticized for its increasing independence.

Although officially under Puntland’s jurisdiction, the PSF has often acted autonomously. In December 2021, Deni’s attempt to dismiss then-PSF commander Mohamud Osman Diyaano triggered deadly clashes in the port city of Bosaso, killing at least seven people and exposing rifts between regional civilian authorities and the Diyaano-led security leadership.

In 2024, PSF forces briefly shut down Bosaso airport, citing suspicions of illegal arms shipments—a move Puntland denounced as a violation of civilian control.

Galkayo, the capital of Mudug region, straddles a volatile dividing line between Puntland in the north and Galmudug in the south. The city has witnessed repeated outbreaks of violence over territorial control and political allegiance.

The PSF’s base in Galkayo has sometimes hosted U.S. military aircraft under AFRICOM’s counterterrorism mission in Somalia, further highlighting its strategic importance. However, the unit’s disputed chain of command now concerns coordination and loyalty in Somalia’s broader security framework.

A constitutional crisis looms

The latest standoff comes amid Puntland’s declared suspension of ties with the federal government. In early 2024, the region withdrew from the federal system, accusing Mogadishu of failing to uphold the provisional constitution and encroaching on regional powers.

Puntland vowed to operate as an autonomous administration until constitutional reforms are adopted through a national referendum—a stance that has heightened friction with the central government and its allies.

Puntland officials say federal backing of the PSF represents a dangerous precedent and have called for the immediate cessation of what they describe as “illegal operations conducted under the guise of federal authority.”

As tensions escalate, Somali civil society groups, local elders, and international observers urge both sides to de-escalate. Analysts warn that continued friction between Puntland’s administration and the PSF could destabilize the region and weaken the national fight against al-Shabaab.

“Fragmentation within Somalia’s security forces has long undermined progress,” said a regional security expert. “This crisis highlights the urgent need for coherent command structures and mutual trust between federal and regional actors.”

The outcome of the standoff in Galkayo could have significant implications for Puntland’s internal stability and Somalia’s broader state-building efforts.

Daawo: Xamza oo shaaciyey siyaasiyiin ‘u shaqeeya’ dalal kale oo ku howlan qorshe…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa caawa hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed la yeeshay kulan weyne lagu xoojinayo doorka ay ku leeyihiin difaaca Qaranka iyo Doorashooyinka.

Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin cad ka qaataan dardargelinta difaaca dalka iyo hirgelinta doorashooyinka dadweynaha, waxaana halkaas khudbad xasaasi ah ka jeediyey Ra’iisul Wasaare Xamza.

Inta badan khudbadiisa wuxuu caawa Xamza Cabdi Barre ku dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka ah, isagoo si furan ula hadlay dhallinyarada, su’aalo cadna ka weydiiyey hab-dhaqanka mucaaradka xukuumadiisa.

Xamza ayaa ugu horeyn cadeeyey in dowlado shisheeye ay gadaal ka riixayaan mucaaradka ka soo horjeeda doorashooyinka iyo dagaalka argagixisada.

Wuxuu sii tusaaleeyey sida ay mucaaradku u diidan yihiin dagaalka argagixisada, isagoo sheegay in uusan ku jirin hal siyaasi oo tegay furimaha dagaalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uusan jirin siyaasi mucaarad ah oo maalin isbitaalka ku soo booqday askar dhaawac ah.

Siyaasi mucaarad ah oo gurmad, sahay, dhiirigelin iyo wax kasta oo taageero ah la garab istaagay ciidamada qaranka iyo shacabka hubka qaatay ee la dagaalamaya argagixisada.

“Intaas iyagoo gebay ayey hadana warbaahinta la taagan yihiin ma jirto guuto ciidan ah oo maanta dagaalami karta, maaha in waxaas ay inla soo hor istaagaan, yaa Shabaab naga celinaya hadii uusan ciidan jirin, may na qabsadaan, soo shalay Taliye Guuto iyo wiilal Soomaaliyeed oo dalkooda difaacayey furimaha dagaalka kuma dhiman?” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha ku amaanay sida uu daacad ugu yahay dagaalka Al-Shabaab, isagoo sheegay in tiro ka badan lix jeer la isku dayey in la dilo, “waxaan joognaa wadan in ka badan lix jeer Madaxweynihiisa la weeraray si loo dilo, dunida meel ay taasi ka dhacday bal ii sheega?” Ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog: Sidee Al-Shabaab u fuliyeen weerarkii xerada Damaayo? + Muuqaal la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helay muuqaalka ninkii saakay isku qarxiyey dhallinyaradii qoraneysay ciidamada qaranka ee lagu beegsaday banaanka hore ee xerada Damaayo ee degmada Hodan, qaraxaas khasaare culus oo aad looga argagaxay ayaa ka dhashay.

Kaamiro goobta ku xireed ayaa duubtay muuqaalka nin ka soo degaya Mooto Bajaaj, kadibna soo dhex aaday dhallinyarada oo saf ku jira wadada dhinaceeda, kuna qarxay.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa Holac ama Dab xoog leh oo goobta is qabsaday iyo dhallinyaradii dhankaas xigtay oo dhulka ku daadaneysa, kadibna uuro ayaa goobta is qabsatay, intaas ayuu ku egyahay muuqaalka la helay.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa goobta tagtay, waxayna soo duubeen muuqaalo argagax leh, kuwaas oo baraha bulshada Soomaalida iyo kuwa caalamka aad ugu faafay, waxaa ugu saameyn badnaa Kabihii dhallinyarada oo goobta daadsan, kuwaas oo dhamaantood isku nooc ah.

Kabaha goobta yaallay ee dhalinyaradii wadatay qaraxaas lagu laayey waxay dhamaantood ahaayeen Caag, taasi oo muujineysa duruufta ay ka sinaayeen dhallinyaradaas shaqo la’aanta ku ahaa dalkooda ee dooneysay inay qortaan ciidamada qaranka.

Qiyaastii 20 dhallinyaro ah ayaa halkaas ku geeriyootay, halka ku dhowaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay goobaha caafimaadka ee Muqdisho.

Khasaaraha qaraxaas kuma ekaanin dhalinyaradii feylka ku jirtay ee waxaa ku dhintay, kuna dhaawacmay dad kale oo shacab ah oo saarnaa gaadiidkii goobtaas maraayey, waxaa muuqaalada lasoo duubay laga arkay gaari Caasi ah/Home ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen dadkii saaraa iyo dhowr Bajaaj.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxaas ayaa ka gabasatay inay sheegto khasaaraha, waxayna ku soo koobtay inay baaritaan ku wado, balse waxay xaqiijisay inuu is qarxiyey qof naftiisa haligay oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dhallinyaradii dhaawacyadu soo gaareen oo qaarkood lagu soo wareystay isbitaallada waxay sheegeen inay arkeen ninka is qarxiyey isagoo ka soo degaya Mooto Bajaaj oo wax ku raran, Bac-madowna gacanta ku wata, markii uu soo dhex-galayna intii aysan kala cararin ayuu isku qarxiyey, sida ay sheegeen.

Sida ay dhalinyaradu sheegeen iyo muuqaalka laga arkay kaamirada goobta ee duubtay wixii dhacay ayaa isku natiijo keenaya, waxayna tani noqotay musiibo galaafatay dhallinyaro, jiilkii wadankaan wax u soo bartay, oo shaqo la’aan ku noqday wadankooda, markii ay difaaca dalka aadeen oo ciidamada qorta maageena halkaas lagu laayey.

Dagaallo culus oo lagu dilay 70 Shabaab ah oo ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano ka tirsan HirShabeelle.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha difaaca deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa ku jabiyay dhowr goobood ku jebiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib weeraro ay kusoo qaadeen deegaano dhaca xadka labada gobol.

“Geesiyaasha deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan,” ayaa lagu yiri lagu yiri warka dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Geesiyaasha Qaranka waxay Khawaarijta ku jabiyeen isku dayadii ay ku doonayeen in ay isku ballaariyaan, waxaana ay hadda ku baacsanayaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.”

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha reer Hiiraan ee cagta mariyey damaca Khawaarijta, isla markaana muujiyay geesinimo iyo adkaysi.

“Dawladda Soomaliya oo kaashanaysa shacabka  Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhacay dagaal la isku riiqmay, hoggaamiyihii ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda Xawaadle Cabdi Guumey ayaa ka mid ah geesiyaasha ku shahiiday dagaalkaas, sidoo kale tobanaan askari ayaa uga dhimatay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab oo la isugu daray weerarro toos ah, iska caabinta weerarro ay soo qaadeen iyo weerarro jid gal ah ayaa lagu laayey soohdinta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana hadda la isla gaaray aagga Al-kowsar iyo Aadan-yabaal oo caawa Al-Shabaab ka qaxayaan.

US hesitates on Somalia aid; rivals expand their regional ties

WASHINGTON, USA – Somalia faces ongoing uncertainty regarding the renewal of United States funding for its vital African Union peacekeeping mission, AUSSOM. This critical issue took center stage during a U.S. Senate Foreign Relations Committee hearing on East Africa and the Horn, where testimony highlighted the expanding influence of other global powers in the volatile region.

Türkiye, for example, has markedly increased its presence in Somalia. It has constructed a military base and its largest global embassy in Mogadishu, recently deploying advanced drones and hundreds of troops to help combat Al-Shabaab. Furthermore, Turkish companies now manage Mogadishu’s seaport and airport, and Ankara has secured a deal to assist in developing Somalia’s oil reserves.

The United Arab Emirates (UAE) has also been a significant actor, training troops in Somalia’s Puntland region and spearheading the expansion of Somaliland’s Berbera port.

Joshua Meservey, a Senior Fellow at the Hudson Institute with direct experience in the region, warned the committee that these foreign engagements, particularly those by China, Iran, and Russia, “underscore the risks the United States faces by not being energetically and wisely engaged.”

The U.S. has indicated that current funding mechanisms, such as the widely proposed “2719 framework,” are unsuitable for Somalia. Instead, Washington advocates exploring innovative financing models beyond the traditional donor base. In response, African Union Commission leaders reportedly plan to visit Washington, D.C., to confer with U.S. officials.

The development follows the recent cancellation of a donor conference scheduled in Doha, Qatar. Whether the funding dilemma will be addressed during U.S. President Donald Trump’s then-anticipated visit to Qatar remains uncertain.

Compounding these challenges, the committee heard that the Al-Shabaab militant group is regaining territory. At the same time, Somalia’s federal government in Mogadishu remains hampered by corruption and dysfunction. The Islamist group reportedly retains both the intent and capability to target American interests.

Meservey proposed a strategic shift for the U.S.: Washington should collaborate directly with Somalia’s federal member states and other local authorities that are friendly, legitimate, and competent to degrade Al-Shabaab effectively. He also emphasized the necessity of coordinating with neighboring countries with vital security interests in Somalia.

“State-building in Somalia is a failed experiment,” Meservey asserted. “Clan remains the fundamental organising principle of Somali society, making a strong central government unworkable. Yet Washington has spent over a decade trying to build that kind of system in Mogadishu.”

Senator James Risch, the committee chair, echoed these concerns, noting that recent violence in Somalia, Sudan, and Ethiopia has destabilized the broader region, creating fertile ground for extremist groups like Al-Shabaab, ISIS, and the Houthis. He criticized the U.S. response to these conflicts over the preceding four years as “fragmented and reactive,” stressing the urgent need for a more cohesive and strategic approach.

Adding another layer of complexity, Senator Pete Ricketts warned of the Houthis’ alleged strengthening ties with Iran and their potential links to Al-Shabaab and ISIS in Somalia. He cautioned that, if unaddressed, these connections could further destabilize the region, threaten crucial maritime trade routes, empower other militias, and forge a multi-front threat to U.S. interests on the continent.

“It’s a very real problem,” Meservey affirmed. “Kenyans would say it is their primary national security threat—the prospect of Al-Shabaab acquiring advanced drones, for example, from the Houthis, or otherwise gaining more advanced capabilities.”

Fahad oo shaaciyey qorshe xasaasi ah oo dal Carbeed u igmaday siyaasiyiin sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ifiyay qorshe xasaasi ah oo dowlad Carbaad ay u igmatay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladdan Carbeed oo Fahad uu ku sheegay Imaaraadka Carabta ayaa waxay bilowday inay xiriirro la yeelato qaar ka mid musharaxiinta, ayna ka dalbato in Dowladda Federaalka la wiiqo, dalkana la galiyo qalalaase uga sii daraya xaaladda taagan.

“Madaxweyne Xasan Sheekh maamulkiisa waa la mucaaradi karaa, waana la dhaliili karaa, waana qayb kamid ah dowlad dhiska iyo horumarka dalka. Mucaaradku waa in taladadooda ay noqotaa talo maxalli ah, ee aysan noqonin talo shisheeye gadaal ka riixayo,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

NACAS NACFI LEH

Madaxweyne Xasan Sheekh maamulkiisa waa la mucaaradi karaa, waana la dhaliili karaa, waana qayb kamid ah dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Mucaaradku waa in taladadooda ay noqotaa talo maxalli ah, ee aysan noqonin talo shisheeye gadaal ka riixayo ama u adeegaya ajandeyaal kharribaad ku ah danaha guud ee qaranka.

Hadalka aan idiin jilciyo. Maalmahan, waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Dowladda Imaaradka ay bilowday inay xiriirro la yeelato qaar ka mid musharaxiinta, ayna ka dalbatay in Dowladda Federaalka la wiiqo, dalkana la galiyo qalalaase uga sii daraya xaaladda dalka.

Musharaxiinta ay la kulmeen qaarkood waa kuwii ay horay saaxiibka ula ahaayeen, waxaase nasiib darro in kuwa kamid musharrixiintii loo haystay inaysan danaha qaranka gorgortan ka galaynin, kana feejigan yihiin faragalinta gurracan ee Imaaraadka, ay ku biireen kuwa sida qarsoodiga ah ula kulamay ee aqbalay inay wada shaqeeyaan Imaaraadka.

Mucaardnimo kiro ah waa nacasnimo nacfi u leh shisheeyaha.

Maxay tahay arrinta IMF ay ka digeyso ee Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa si weyn uga digtay saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay IMF ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaan keeni karto korodhka saboolnimada, cunno-yarida, hoos u dhac ku yimaada horumarka bulshada, iyo carqalad ku timaadda dhismaha hay’adaha dowladda.

Bayaanka IMF ayaa si cad u muujiyay in taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah ay tahay mid muhiim u ah hirgelinta siyaasadaha dowladda Soomaaliya, xilli uu sareeyo halista dhaqaale iyo hubanti la’aanta dalka ka jirta. Hay’addu waxay sheegtay in taageeradaasi ay fure u tahay xasilloonida iyo horumarinta nidaamka dhaqaale ee dalka.

Warbixin cusub oo ay IMF soo saartay ayaa lagu sheegay in saadaasha dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025 ay weli ku jirto mugdi, sababo la xiriira hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah, xaaladaha cimilo ee aan degganayn, iyo duruufo kale oo gudaha ah. Hay’addu waxay tilmaamtay in arrimahan ay caqabad ku noqon karaan dadaallada horumarineed.

Dhinaca kale, IMF waxay shaacisay in ay Soomaaliya la gaartay heshiis heer shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka Kaalmada Deyn-bixinta Dheer (Extended Credit Facility – ECF), taasoo qayb ka ah qorshaha guud ee lagu taageerayo dhaqaalaha dalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu gogol xaar u yahay in Soomaaliya loo sii daayo lacag dhan $10 milyan oo doollar, inkastoo tallaabadaas ay weli sugayso ansixinta Guddiga Sare ee IMF. Lacagtan ayaa lagu talagalay in ay gacan ka geysato xoojinta miisaaniyadda dowladda iyo mashaariicda horumarineed.

IMF ayaa sidoo kale sheegtay in inkastoo dib-u-habeynta maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah u socoto, haddana ay tahay arrin mudan in la dardargeliyo, si loo helo nidaam maaliyadeed oo hufan, kalsooni leh, una adeegaya baahida shacabka.

Hay’addu waxay ugu dambeyn ku boorisay beesha caalamka in ay sii joogteeyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyadoo la eegayo duruufaha adag ee dalka ka jira iyo baahida loo qabo in la helo dhaqaale lagu horumariyo adeegyada bulshada, lana taageero xasilloonida iyo horumarka dalka.

Xasan oo Ciraaq u gudbiyey codsi ku saabsan warshad shidaal oo ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq in ay gacan ka geysato dib-u-howlgelinta warshaddii sifeynta shidaalka ee Muqdisho oo ay dhistay dowladda Ciraaq bartamihii 1970-meeyadii, balse haatan burbursan oo shaqada ka baxay.

Codsigan ayaa lagu soo bandhigay shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada Baghdad ee Jaamacadda Carabta, halkaasi oo Xasan Sheekh oo kulan doceed kula yeeshay madaxda Ciraaq, wuxuuna ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay si xooggan u horumarinayso qorshaheeda ku aaddan tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Warshaddan oo la dhisay sanadkii 1974, waxaa hirgelisay Shirkadda Mashruuca Shidaalka ee Dowladda Ciraaq (State Company for Oil Projects), waxaana sannadkii ay sifeyn kartay ilaa 500,000 tan oo shidaal ah.

Sida uu dhigayo heshiiskii hore ee labada dowladood, Ciraaq ayaa maalgelisay dhammaan kharashka dhismaha iyadoo adeegsaneysa lacag qalaad, halka Soomaaliya looga baahnaa in ay dib u bixiso 50% kharashkaas muddo saddex sano ah kadib marka warshaddu shaqo bilowdo — iyadoo dulsaarka lagu saleynayo heer astaan u ah iskaashi walaaltinimo.

“Dhab ahaantii waa arrin la yaab leh,” ayuu yiri dhaqaaleyahan caan ah oo reer Ciraaq ah, Dr. Nabil Al-Marsoumi, oo la hadlay Shafaq News. “Ciraaq waxay warshad sifeyn shidaal ku leedahay dal kale — weliba dad badan ma ogayn!” Mashruucan la iloobay muddo ku dhow nus qarni ayaa hadda dib usoo baxay, iyadoo Soomaaliya ay u hanqal taagayso inay sare u qaaddo madax-bannaanideeda dhanka tamarta iyo horumarka dhaqaale.

Soomaaliya oo xoogga saaraysa kheyraadkeeda tamarta

Soomaaliya waxay si firfircoon u horumarinaysaa barnaamijkeeda kheyraadka shidaalka iyo gaaska, iyadoo diiradda saaraysa sahaminta iyo ka faa’iidaysiga dhabta ah ee khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Sanadihii u dambeeyay, dowladda Soomaaliya waxay saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lala galay shirkado shisheeye si loo horumariyo sahminta shidaalka dalka.

Mid ka mid ah heshiisyadaas muhiimka ah waxaa lala galay Shirkadda Shidaalka Qaranka Turkiga (TPAO), taasoo hadda wada sahanno 3D seismic ah oo lagu sameynayo xeebaha Soomaaliya. Markabka cilmi-baarista ah ee Oruç Reis ayaa lagu wadaa in uu dhamaystiro sahanka dhulka badda dhamaadka sannadka 2025, taasoo la filayo inay horseedo qodis ceelal shidaal sanadka 2026.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan la sheegay in ay ka heshay Soomaaliya illaa 20 bilyan oo foosto oo shidaal cayriin ah (crude oil) — taasoo haddii la xaqiijiyo ay noqon karto guul taariikhi ah oo u horseedi karta isbedel ballaaran dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay heshiisyo la saxiixatay shirkadda Mareykanka ee Liberty Petroleum Corporation si ay uga sahmiso xeebaha dalka, gaar ahaan blocks-ka 131, 190, iyo 206. Heshiisyadani waxay caddeynayaan xiisaha sii kordhaya ee caalamka uu u qabo kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya.

Fursadda istiraatiijiga ah ee dib-u-howlgelinta warshadda

Dib u hawlgelinta warshaddii sifeynta shidaalka ee Muqdisho waxay noqon kartaa tiir muhiim ah oo kaabaya istaraatiijiyadda cusub ee Soomaaliya ee dhanka tamarta. Haddii sahannada shidaalka ay horseedaan soo saar wax-soo-saar gudaha ah, helitaanka warshad sifeyn oo dalka ku taalla waxay yareyn doontaa baahida loo qabo shidaalka la keeno dibadda, hoos bayna u dhigi kartaa qiimaha tamarta, iyadoo sidoo kale abuuraysa shaqooyin badan oo gudaha ah.

Intaa waxaa dheer, warshaddan dib u howlgelinteedu waxay sare u qaadi doontaa sumcadda Soomaaliya marka ay la macaamileyso shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, maadaama ay muujinayso in dalka uu leeyahay qorshe fog oo ku saleysan kaabeyaasha tamarta.

Mashruucani wuxuu sidoo kale noqon karaa fursad lagu cusboonaysiinayo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq — laba dowladood oo horey ugu midoobay iskaashi walaaltinimo iyo himilooyin horumarineed.

Maaddaama Soomaaliya ay isu diyaarineyso in ay ka mid noqoto dalalka ugu waaweyn ee Geeska Afrika ee tamarta ku tiirsan, dib u hawlgelinta warshaddii Ciraaq dhistay waxay noqon doontaa mid aan oo keliya taariikhda dib u xasuusisa, balse sidoo kale fure u noqon karta kobac dhaqaale oo waara iyo istaraatiijiyad tamareed oo lagu faani karo.

Diplomatic deadlock clouds Somalia-Ethiopia accord

MOGADISHU, Somalia—Growing uncertainty surrounds the future of the Ankara Declaration, a diplomatic framework signed on December 12, 2024, and brokered by Turkey to reach a comprehensive agreement between Somalia and Ethiopia by June 2025.

Despite this timeline’s urgency and regional significance, both governments have remained notably silent on the status of the talks, fueling speculation of a stalled process.

The Ankara Declaration was initially hailed as a breakthrough in easing tensions between the two nations after Ethiopia signed a controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland on January 1, 2024.

The MoU, which grants Ethiopia access to the Red Sea via the port of Berbera, was denounced by Somalia as a clear violation of its sovereignty. However, the Ankara agreement made no reference to this MoU—an omission that now appears to be one of the major faults undermining the process.

Red Sea dispute remains core obstacle

According to sources familiar with the negotiations, a key sticking point remains unresolved: Somalia’s firm opposition to granting Ethiopia direct access to the Red Sea. Somali officials have instead proposed offering Ethiopia limited access to an Indian Ocean port, such as Hobyo or Kismayo, which they argue would address Ethiopia’s logistical needs without compromising Somalia’s territorial integrity.

Even this offer has proven problematic. Ethiopia is reportedly seeking sovereign control or long-term operational rights, while Somalia insists that any arrangement must preserve Somali sovereignty. Under Somalia’s proposal, Ethiopia would be permitted to use or rent port facilities under Somali regulation, rather than obtaining complete control.

“There’s no political space in Somalia for handing over a strategic port or strip of coastline to Ethiopia,” a senior Somali official told Caasimada Online on condition of anonymity. “Public sentiment is overwhelmingly against it. At most, we are talking about a time-limited access agreement, tightly regulated, and fully under Somali jurisdiction.”

Negotiations losing momentum amid silence

Sources close to the talks describe the negotiations as increasingly stagnant. Despite multiple rounds of high-level meetings in Ankara and elsewhere, no significant progress has been made.

“The discussions have become more ceremonial than substantive,” one diplomatic source told Caasimada Online. “The parties appear more interested in managing appearances than addressing the core issues.”

Adding to the opacity is Turkey’s silence, which has not issued any recent updates on the talks it helped initiate. Analysts suggest Ankara’s quietness may signal growing frustration with the lack of meaningful movement or possibly a recalibration of its role as mediator.

Regional experts warn that failure to reach a deal could have serious consequences for the already fragile Horn of Africa. “Somalia and Ethiopia are central to the region’s stability,” said Dr. Ahmed Ismail, a political analyst in Mogadishu.

“If this process collapses, it risks triggering renewed tensions, undermining security, and creating opportunities for foreign powers to assert influence,” Dr. Ahmed said.

Ethiopia, the most populous landlocked country in the world, has long sought diversified access to maritime trade routes. Its current dependence on Djibouti has pushed it to explore alternatives, including the controversial MoU with Somaliland. Somalia, however, views Ethiopia’s maritime ambitions, particularly through unauthorized deals, as an existential threat to its sovereignty and unity.

With the June 2025 deadline approaching and little to show for months of diplomatic engagement, many observers now doubt whether the Ankara communiqué will achieve its intended outcome. Without transparency, trust-building, and genuine compromise, the ambitious roadmap could soon be added to the long list of failed peace efforts in the Horn of Africa.

Dagaal culus oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Macwiisleyda HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo laba maalmood socday, kaasi oo maanta xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhaca xadka labada gobol. Iska horimaadkan oo qaatay in ka badan lix saacadood ayaa dhex-maray ciidamada dowladda federaalka, kuwa deegaanka ee Macawiisleyda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si toos ah u socday gelinkii hore ee maanta, waxaana la sheegaya in rasaasta iyo qaraxyada laga maqlayay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla agagaarka goobta lagu dagaallamay.

Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan. Wararka la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku waayeen tiro askar ah, inkastoo aan weli la helin tirakoob rasmi ah oo madax-bannaan. Si kastaba, dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in maydad iyo dhaawacyo badan la arkayay kaddib dagaalka.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dagaalka maanta lagu dilay Cabdi Yuusuf Salaad, oo loo yaqaanay Cabdi Goomey, kaasoo ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee ciidanka deegaanka Macawiisleyda ee beesha Xawaadle. Geerida sarkaalka ayaa si weyn looga dareemay gudaha ciidamada deegaanka iyo bulshada taageerta.

Cabdi Goomey ayaa ahaa sarkaal muhiim ah oo si weyn uga dhex muuqday dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Goomey ayaa horey loogu abaalmariyay qadar lacageed oo badan, kadib markii uu madaxa kasoo jaray xubno sare oo kooxda ka tirsanaa, gaar ahaan madaxii Maaliyadda ee kooxda u qaabilsanaa degmada Moqokori.

Al-Shabaab ayaa si cad u sheegatay masuuliyadda dilka Cabdi Goomey, iyagoo tilmaamay in muddo dheer ay ku raad joogeen una arkayeen cadow muhiim ah.

Kooxda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in “weerarka maanta guul weyn u yahay,” taasoo muujinaysa sida uu u weynaa doorka uu sarkaalkani ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda, oo haatan wajaheysa dagaal culus oo iska kaashanayaan geesiyaashada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Somalia urges Iraq to revive abandoned 1970s oil refinery

BAGHDAD, Iraq — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has appealed to Iraq for support in restoring a decades-old oil refinery in Mogadishu. Iraq built the refinery in the 1970s, but it has long since fallen into disrepair. 

The request, made during the recent Arab League Summit in Baghdad, coincides with Somalia’s bold efforts to reassert itself as a rising player in Africa’s energy sector.

The refinery, constructed in 1974 by Iraq’s State Company for Oil Projects, had an annual refining capacity of 500,000 tons. Under the terms of the original agreement, Iraq financed the construction in foreign currency, while Somalia was to repay 50% of the cost over three years after operations commenced, at a symbolic interest rate, reflecting the spirit of regional solidarity at the time.

“This is quite the surprise,” said Iraqi economist Dr. Nabil Al-Marsoumi in remarks to Shafaq News. “Iraq has a refinery abroad—and nobody even knew!” The project, largely forgotten for decades, now reemerges as a potentially valuable asset amid Somalia’s search for energy independence and economic recovery.

A new energy frontier

Somalia is undergoing a dramatic transformation in its ambitions for oil and gas. In recent years, the country has signed key exploration deals aimed at tapping into vast, previously unexplored hydrocarbon reserves.

One of the most high-profile agreements is with Turkey’s state-owned Turkish Petroleum Corporation (TPAO). The company is conducting 3D seismic surveys off Somalia’s coastline, using the Oruç Reis research vessel. The survey is expected to be completed by the end of 2025, paving the way for potential drilling operations by 2026.

In a significant development, Turkey recently discovered up to 20 billion barrels of crude oil in Somali offshore territory—a find that could significantly shift Somalia’s economic trajectory if proven viable and commercially extractable.

Somalia has also entered into agreements with U.S.-based Liberty Petroleum Corporation for offshore exploration in several blocks, including 131, 190, and 206, underscoring growing international interest in the country’s resource potential.

Strategic value of refinery revival

Reviving the Mogadishu refinery could be critical in complementing Somalia’s oil ambitions. With large-scale oil production on the horizon, domestic refining capacity would reduce dependency on fuel imports, lower energy costs, and create thousands of local jobs.

It could also strengthen Somalia’s negotiating position with international oil companies by demonstrating a long-term infrastructure vision backed by regional partnerships.

Furthermore, the refinery’s revival could mark a symbolic renewal of Iraq-Somalia ties—reconnecting two nations that once shared a development vision and mutual support during the 1970s.

As Somalia positions itself to become a key player in the Horn of Africa’s energy landscape, reactivating this forgotten Iraqi-built refinery would serve as a practical step forward and a powerful reminder of what strategic cooperation across regions can achieve.

Daawo: Qarax culus oo ka dhacay xero ciidan oo ku taal Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, taas oo lagu magacaabo Damaanyo, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa, isla markaana uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha ayaa lagu soo warramayaa in lala beesaday dhalinyaro qoraneysay ciidamada oo safaf dhaadheer ugu jiray ilinka xeradaas, si ay ugu biiraan ciidanka Xoogga dalka.

Wararka aya intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhalinyaradii ku sugneyd goobta, sida ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.

Ku dhowaad 20 qof oo dhimasho ah iyo dhaawac intaasi ka badan ayaa lasoo wariyay, waxayna u badan yihiin dhalinyaradii isku diiwaangelinayay inay noqdaan ciidan cusub.

Xaaladda ayaa cakiran, waxaana kooban macluumaadka laga helayo goobta, maadaama meesha ay wax ka dhaceen ay tahay xero ciidan.

Sidoo kale, waxaa goobta deg deg u tegay saraakiil ka tirsan ciidamda Xoogga dalka, kuwaas oo haatan wada baaris ku aadan sida ay wax u dhaceen, si loo ogaado cidda fududeysay iyo kuwa fuliyay weerarka

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah  ee ka dhacay xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana kamid ah oo ay horay u beegsaday xerada Warshadda Nacnaca, kuliyadda Jaalle Siyaad ee xarumo kale oo muhiim ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay ahayd mid deggan, isla markaana ka caaganeyd, weerarada qaraxyada iyo kuwa tooska ee Al-Shabaab, waxaana howlgallo joogta ah ka waday ciidamada dowladda.

IMAARAADKA CARABTA oo qaaday tallaabo si weyn uga careysiisay dowladda…

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo milatariga ayaa Sabtidii si kulul ugu eedeysay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) in ay musaafurisay shaqaalaha qunsuliyadda guud ee Suudaan ee magaalada Dubai, muddo ku dhowaad laba toddobaad kadib markii ay Suudaan si rasmi ah u jartay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Imaaraadka.

Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa si weyn u cirka isku shareertay tan iyo horraantii bishii May, xilligaas oo duqeymo nooca drone-ka ah lagu qaaday goobo muhiim ah oo ku yaalla Port Sudan—oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee dowladda militariga—taas oo ahayd markii ugu horreysay ee weerarro noocan ah lagu qaado magaalada tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Dowladda Khartoum ayaa ku eedeysay Imaaraadka in uu hub siiyay maleeshiyada RSF, kuwaas oo ay dagaal culus kula jiraan tan iyo bishii April 2023, isla markaana weerarro ku qaaday xarunta ay u asteeyeen inay tahay caasimadda dagaalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maalmihii la soo dhaafay ay dowladda Imaaraadku “musaafurisay inta badan shaqaalihii ka tirsanaa qunsuliyadda guud ee Suudaan ee Dubai iyada oo aan wax sabab ah loo caddaynin.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiintaas “lagu hayey muddo siddeed saacadood ah” gudaha garoonka diyaaradaha ee Dubai, kadib markii ay dhammeeyeen dhammaan habraacyadii bixitaankooda.

Intii lagu guda jiray waqtigaas, wasaaraddu waxay sheegtay in la su’aalay, lana baaray qalabkooda shaqo sida telefoonno iyo kombiyuutarro. Tallaabadan ayay Khartoum ku tilmaantay “xadgudub weyn oo si toos ah uga hor imaanaya xeerarka caalamiga ah ee diblomaasiyadda.”

“Dhacdadan aan horay loo arag waxay muujinaysaa dayacaad culus oo ay muujisay dowladda Imaaraadku xagga waajibaadka ay ka saaran yihiin ilaalinta diblomaasiyiinta, sida ku cad shuruucda caalamiga ah oo u dammaanad qaada xasaanadooda iyo mudnaantooda,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Bayaanka ayaa intaa ku daray: “Falkan wuxuu sidoo kale caddeynayaa niyad xumo loo qabo muwaadiniinta Suudaan ee ku nool gudaha Imaaraadka.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaan si degdeg ah uga jawaabin eedeymahan.

Inkasta oo Imaaraadku si joogto ah u beeniyay in uu taageero siiyo RSF, haddana warbixino laga helay khubaro Qaramada Midoobay, siyaasiyiin Mareykan ah iyo hay’ado caalami ah ayaa si cad u sheegay in uu jiro xiriir taageero ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Horraantii bishan, duqeymo drone ah ayaa lala beegsaday kaabeyaasha muhiimka ah ee magaalada Port Sudan, oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee kaliya ee shaqeynaya, keydka shidaalka ugu weyn ee magaalada, iyo xarunta ugu muhiimsan ee korontada.

Ciidamada milatariga Suudaan ayaa si toos ah farta ugu fiiqay RSF, iyagoo ku eedeeyay in ay yihiin “wakiillo si toos ah ugu adeega” dowladda Imaaraadka.

Dagaalka Suudaan oo hadda galay sannadkii saddexaad ayaa sababay geerida tobannaan kun oo qof, barakaca in ka badan 13 milyan oo ruux, wuxuuna sababay xaaladda bini’aadantinimo ee ugu liidatay dunida maanta.

Axmed Madoobe oo safar dibadeed u galay qorshe ka dhan ah dowladda Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho qaadan doonta dhowr cisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa Nairobi ka bilaabi doono qorshe culus oo ka dhan ah dowladda federaalka oo haatan ay si wayn isku hayaan, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ka sameynaya magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka ugu wayn ee Axmed Madoobe uu yahay la kulanka xubnaha beesha caalamka ee ku sugan halkaasi, isaga oo kala hadli doono xiisadda sii kululaaneyso ee kala dhexeyso madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo haatan kasii dartay, kadib Shirkii Golaha Wadatashiga ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa madax ka tirsan dowladda Kenya iyo Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi, isaga oo kala hadli doono xaaladda cakiran ee Jubaland.

Khilaafka u dhexeeya Kismaayo iyo Muqdisho ayaa haatan yeeshay waji cusub, waxaana hadda si wayn looga dareemayaa gobolka Gedo oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen labada dhinac.

Gedo ayaa waxaa haatan ku gacan sarreysa dowladda dhexe, waxayna isku fidisay inta badan degmooyinka gobolkaas, marka laga reebo Doolow, waxaana ka howl-gala ciidanka xoogga dalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay maamul ugu dhiseyso Jubaland, arrintaas oo sii xoogeystay kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo qaaday xiisadda taagan, waxaana lagu go’aamiyay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda Jubbaland.

Sidoo kale arrinka Jubaland ayaa waxaa loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Dagaalka xooggan ee u dhexeeya labada dhinac ayaa muddo dheer soo socday, waxaana la xasuustaa fadeexaddii ka dhacday Raaskambooni oo lagu soo jabiyay ciidamada dowladda.

Al-Shabaab oo u weecatay diblomaasiyad iyo qorshe ay ku soo jiidaneyso shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib sannado ay awoodda ku hayeen cabsi gelin iyo rabshado, kooxda jihaad-doonka ah ee Al-Shabaab ayaa hadda u muuqata inay beddeshay istaraatijiyaddeeda, iyada oo isku dayaysa inay dib ugu soo ceshato saameynta ay ku lahayd Soomaaliya —iyadoo kasbaneysa qalbiyada iyo maskaxda shacabka.

Kooxdan oo horey loogu yaqiinay arxan darro iyo xagjirnimo, ayaa maamulkeedii deegaanada ay gacanta ku haysay lagu xasuustaa dilal dadweyne, gacmo-goyn, madax-jarid, iyo ciqaabo kale oo adag oo lagu fulin jiray iyadoo loo marayo fasiraad daran oo ka mid ah shareecada Islaamka.

Al-Shabaab waxay si joogto ah u baahin jirtay muuqaallo naxdin leh oo muujinaya madax-jarid iyo askar la tooganayo, si ay ugu cabsi geliso shacabka iyo ciidamada ammaanka. Ku lug yeelashada dowladda ama ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah waxa ay ka dhignayd dil sugan — ma aha oo kaliya shaqsiyaadka, balse mararka qaar guud ahaan bulshooyin dhan.

Hase yeeshee, kooxda ayaa lagu warramayaa in ay qaadaneyso qaab dhaqan cusub oo u eg mid dadweyne loo daneynayo, si ay ugu fidiso saameynteeda guud ahaan dalka. Sida ay sheegayaan falanqeeyayaal amni iyo ilo-wareedyo gudaha ah, Al-Shabaab waxay isku dayaysaa inay isu muujiso in ay tahay door kale oo suurtagal ah oo ka duwan dowladda federaalka, iyada oo soo rogeysa canshuuro hooseeya, nidaamyo maamul deegaaneed, iyo kala dambeyn muuqata meelaha aysan dowladda ka jirin ama aan ka shaqeynin si hufan.

“Way yareeyeen muuqaalladii xagjirka ahaa ee naxdinta lahaa ee aan horey u arki jirnay,” ayay tiri Samira Gaid, oo ah falanqeeye amni oo caan ah. “Meelo badan ayay isku dayayaan inay bulshada dhexgalaan, iyagoo adeegsanaya tanaasul xisaabsan iyo xakameyn istiraatijiyadeed si ay kalsooni u dhisaan.”

Halkii hore beel dhan loogu ciqaabi jiray eedeyn la xiriirta la-shaqeynta dowladda ama ciidamada, kooxda hadda waxay u oggolaaneysaa qaar ka mid ah beelaha inay hubkooda haystaan. Sidoo kale, waxay hoos u dhigtay heerka zakada ay qaaddo, waxayna u muuqatay mid dulqaad badan u leh dadka lagu tuhmay inay hore ula shaqeyn jireen dowladda.

“Marka laga reebo goobo dagaal sida Aadan Yabaal, waxay si xeeladaysan u qaateen tanaasul, si ay uga hortagaan iska caabin ballaaran oo ay dib ugu cusbooneysiiyaan sumcaddooda,” ayay tiri Gaid.

Isbeddelkan cusub wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay jirto firaaq amni oo sii fidaya. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wajahaya guul-darrooyin isdaba joog ah, gaar ahaan jiidaha dagaalka sida Aadan Yabaal. Inkasta oo maalgelin weyn laga helay beesha caalamka — gaar ahaan Mareykanka — haddana CXDS ayaa ku dhibtoonaya inuu xasiliyo guulaha la gaaray ama uu si buuxda u maamulo deegaannada lagu muransan yahay. Taageerayaashii caalamka ayaa hadda dib u eegaya ballanqaadyadooda, maadaama Soomaaliya ay u sii dhowaaneyso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa dhawaan ka digay hoos u dhac ku yimid mushaarka ciidanka Soomaaliya, taasoo la xiriirta yaraanta taageerada dhaqaale ee ay haystaan. Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ah in aysan jirin calaamado muujinaya xasillooni dhaw.

Dhanka kale, shir dhawaan ka dhacay Kampala oo ay isugu yimaadeen waddamada ciidamada u dira howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu soo jeediyay in la geeyo 8,000 oo askari oo dheeraad ah — xilli Qaramada Midoobay ay qorsheyneyso in la dhimo tirada ciidamada ATMIS, lana kordhiyo tababarka iyo qalabeynta CXDS.

“Hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee 2022 waxaa huriyay kacdoon dadweyne, balse weligiis uma uusan wareegin mid ciidan oo xirfadeysan,” ayay tiri Gaid. “Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ayaa la wareegay, iyagoo dejiyay yoolal siyaasadeed oo ballaaran, balse aan la socon istiraatijiyad milatari oo dhab ah.”

Waxay intaas ku dartay in dhibaatooyin gudaha ah — sida saadka aan la isku halleyn karin, saraakiil aan waayo-aragnimo lahayn oo xilal muhiim ah loo dhiibay, iyo ciidamo tababar cusub ka baxay oo si deg-deg ah loo diray — ay wiiqeen hufnaanta hawlgallada.

Isbeddelka joogtada ah ee hoggaanka ciidanka ayaa sidoo kale carqaladeeyay sii wadidda qorshayaasha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidanka bishii Juun 2023, balse dib ugu soo celiyay xilkii bishii November 2024, iyadoo laga jawaabayay guuldarrooyin soo noqnoqday oo laga soo hooyay dagaallada.

In kasta oo dowladda federaalka ay qaaday tallaabooyin lagu bartilmaameedsanayo maalgelinta Al-Shabaab iyo joojinta marinada warbaahineed ee kooxda, haddana khubaradu waxay ka digayaan in dadaalladaas aysan ku filnaan doonin haddii istiraatijiyadda cusub ee kooxda ay kasbato taageerada bulshada.

“Tani ma aha isbeddel ku wajahan dhexdhexaadnimo,” ayay Gaid ku adkeysatay. “Waa xeelad istiraatijiyadeed oo ay kooxda doonayso inay si qoto dheer ugu dhex milmaan bulshada Soomaaliyeed. Iyagoo yareynaya cabsi gelinta, waxay isku muujinayaan inay yihiin hay’ad kale oo maamul — si ay dib ugu hantaan saameyntoodii hore.”

Iyadoo dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, dhaliilayaal ayaa ka digaya in dowladda ay indhaha ka laabato halista weyn. “Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab laguma guuleysan karo siyaasadda oo keliya,” ayay tiri Gaid. “Waxa uu u baahan yahay istiraatijiyad ciidan oo la isku halleyn karo iyo qorshe mideysan oo lagu kasbado kalsoonida shacabka — kahor inta aysan Al-Shabaab helin.”

Xog: Mugdi hareeyey fulinta Heshiiskii Ankara iyo qodobo weli la isku mari la’yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Mugdi sii xoogeysanaya ayaa hareeyay mustaqbalka Heshiiskii Ankara, kaasoo ah hindise diblomaasiyadeed oo ay Turkigu garwadeen ka ahaayeen, lana saxiixay 12-kii December 2024, si loo gaaro heshiis dhammaystiran oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ka hor Juun 2025.

Inkastoo muddadaasi ay ahayd mid degdeg ah oo muhiim u ah gobolka, haddana labada dowladood midkoodna si cad ugama hadlin halka ay marayaan wadahadalladu, taasoo dhalisay tuhun xooggan oo muujinaya in geeddi-socodku hakad galay.

Heshiiska Ankara markii hore waxaa loo arkayay guul diblomaasiyadeed oo lagu qaboojiyay xiisaddii cirka isku shareertay ee u dhexeysay labada dal, kadib markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo 2024 la saxiixatay Somaliland heshiis muran dhaliyay (MoU), kaasoo Itoobiya u oggolaanaya inay si toos ah uga faa’iidaysato dekedda Berbera.

Soomaaliya waxay heshiiskaas ku tilmaantay xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska Ankara waxba kama uu xusin MoU-gaasi — arrin hadda loo arko inay ka mid tahay khaladaadka weyn ee curyaamiyay hannaanka wadahadallada.

Khilaafka Badda Cas oo ah caqabadda ugu weyn

Ilo-wareedyo xog ogaal u ah wada-hadallada ayaa sheegay in qodobka ugu adag ee aan weli xal laga gaarin uu yahay diidmada cad ee Soomaaliya ee ku aaddan in Itoobiya si toos ah loogu oggolaado marin badeed oo Badda Cas ah.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa taa beddelkeeda soo jeediyay in Itoobiya loo oggolaado marin xaddidan oo ah deked ku taalla Badweynta Hindiya sida Hobyo ama Kismaayo — iyagoo ku dooday in taas lagu dabooli karo baahida Itoobiya ee saadka, iyada oo aan la waxyeelleyn madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Hase yeeshee, xitaa dalabkan ayaa la sheegay inuu yahay mid muran dhaliyay. Itoobiya waxay dooneysaa inay hesho xukun buuxa ama xuquuq hawlgal muddo dheer ah, halka Soomaaliya si adag u diiddan tahay in heshiis kasta lagu bixiyo wax ka dhan ah madax-bannaanideeda. Qorshaha Soomaaliya wuxuu dhigayaa in Itoobiya loo oggolaado inay isticmaasho ama kireysato dekedaha iyadoo si buuxda u hoos imaanaysa sharciyada iyo maamulada Soomaaliyeed.

“Ma jiro meel siyaasadeed oo Soomaaliya ka bannaan in Itoobiya lagu wareejiyo deked istiraatiiji ah ama dhul xeebeed muhiim ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo Soomaali ah oo codsaday inaan la magacaabin, lana hadlay Caasimada Online.

“Shacabka si wayn ayay uga soo horjeedaan arrintaas. Haddii wax laga hadli karo, waa heshiis marin xaddidan ah oo muddo kooban soconaya, si buuxda uga hoos shaqeynaya dowladda Soomaaliya.”

Wadahadallada oo hakad galay iyo Turkiga oo aamusan

Ilo-wareedyo u dhow geeddi-socodka wada-hadallada ayaa tilmaamaya in hanaanku uu si tartiib ah u istaagayo. Inkastoo kulammo heer sare ah lagu qabtay Ankara iyo meelo kale, lama gaarin wax horumar la taaban karo.

“Wadahadalladu waxay u muuqdaan kuwo u badan dhinaca muuqaalka iyo xafladaha halkii laga filayay wax ka qabashada arrimaha dhabtaa,” ayuu yiri ilo-diblomaasiyadeed oo la hadlay Caasimada Online.

Aamusnaanta Turkiga — oo ah dalka martigeliyay wada-hadallada — ayaa sii kordhisay shakiyaasha, iyadoo Ankara aysan dhawaanahan bixin wax war ah oo ku saabsan halka ay marayaan wadahadalladu. Falanqeeyayaal ayaa rumeysan in aamusnaantaasi ay muujin karto niyad-jab ku yimid doorkii dhexdhexaadinta, ama in Turkigu uu dib u eegayo kaalintiisa dhexdhexaadnimo.

Khabiirro arrimaha gobolka ayaa uga digaya in fashilka wadahadalladani uu keeni karo cawaaqib halis ah oo saameyn ku yeesha Geeska Afrika oo durba ah mid xasillooni darro ka jirto. “Soomaaliya iyo Itoobiya waxay laf-dhabar u yihiin amniga gobolka,” ayuu yiri Dr. Axmed Ismaaciil, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho.

“Haddii geeddi-socodkani burburo, waxaa laga yaabaa inuu kiciyo xiisado hor leh, wiiqo amniga, isla markaana uu abuuro fursad cusub oo ay quwadaha shisheeye si toos ah saameyn ugu yeeshaan gobolka.”

Itoobiya, oo ah waddanka ugu dadka badan ee aan bad lahayn caalamka, ayaa muddo dheer raadineysay marinno badeed oo kala duwan. Ku tiirsanaanteeda Dekedda Jabuuti ayaa ku kalliftay inay baarto ikhtiyaarro kale, oo ay ka mid tahay heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Somaliland. Soomaaliya dhankeeda, waxay u aragtaa damacyada Itoobiya ee badeedka — gaar ahaan kuwa aan sharciyeysnayn — inay khatar toos ah ku yihiin jiritaanka iyo midnimada qaran ee Soomaaliya.

Iyadoo mudda-xileedka Juun 2025 uu si dhakhso ah usoo dhowaanayo, isla markaana aysan jirin wax natiijooyin muuqda ah oo kasoo baxay bilo wadahadallo ah, ayaa la rumeysan yahay in rajadii laga qabay heshiiska Ankara ay sii yaraaneyso.

Cirro oo shaaciyay arrin ay ka caawinayaan DF haddii la aqoonsado Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro oo maanta khudbad ka jeediyay sannad-guurada 34-aad ee xuska 18-ka May ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo xaaladda Soomaaliya.

Ugu horreyn madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ayaa ku faanay in Somaliland ay gaartay isku filnaan buuxda, isla markaana ay filayaan inay noqdaan qaran madax-banaan.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay guulaha waawayn ee ay gaareen, isaga oo xusay inay qabsadeen afti qaran iyo 8 doorasho oo ugu dhacday si nabad-gelyo ah.

“Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay buuxisay halbeeg kasta oo laga filayo Qaran madax-bannaan.  Waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland qabsatay Afti Qaran, iyo 8 Doorasho, oo dhammaantood xukunka si aan turxaan lahayn oo qori isu-dhiib ah la isugu wareejiyey” ayuu khdubadiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday xaaladda dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in marka la aqoonsado ay Dowladda Federaalka ka caawinayaan sidii ay xal ugu heli lahayd dhibaatada haysata, ayna u noqon laheyd dowlad ka maran dhibaayooyinka.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale tilmaamay inay xog ogaal u yihiin wax ka khaldan Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay ka saxaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku kalsoonahay Jamhuuriyadda Somaliland oo qaran madax banaan ahi inay wax badan ka qaban karto xal u helidda dhibaatada Soomaaliya haysata, waxa aan xog ogaal u nahay waxa ka khaldan dowladnimada Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Cirro.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay sii laba kacleysay xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho, kadib markii ay labada dhinac isku qabteen xaaladaha kasoo kordhay ee la xiriira deegaannada maamulka SSC oo ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya.

Xog: Midowga Afrika oo ka fikiraya arrin xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa si weyn ula daala dhacaya saameynta ka dhalatay dhaqaale yaraan soo wajahday howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kaas oo illaa iyo hadda aan helin taageeradii loo baahnaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Midowga Afrika uu hadda ka fekerayo inuu yareeyo howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin lagu taageero sii socoshada howlgalkan muhiimka u ah dalka Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay Crisis Group ayaa lagu sheegay in maalgelin la’aanta AUSSOM ay saameyn xooggan ku yeelatay howlgalkan cusub, islamarkaana ay si taban u saamaysay waddamada ay ciidamadoodu ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Ururka ayaa sidoo kale qorsheynaya in shirweyne weyn la qabto, kaas oo ka dhici doona Dooxa ama London, si dhaqaale loogu raadiyo howlgalka Soomaaliya, loogana hortago in kooxaha argagixisada — ee muddada dheer ay la dagaalamayeen — ay helaan fursado ay dib ugu xoogsadaan.

Sida la ogsoon yahay, howlgalka AUSSOM wuxuu beddel u yahay howlgalka ATMIS, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo soo gebogabeeyo ka hor 30-ka bisha Juun ee sanadkan 2025.

Si kastaba ha ahaatee, tirada ciidamada AUSSOM ayaa la kordhiyay, balse weli waxaa jira caqabado la xiriira maalgelin oo hor taagan hirgelinta qorshahaas.

Qaraar horay uu u meel mariyay Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2767 ayaa dhigaya in la sameeyo saddex ikhtiyaar oo lagu maalgelin karo AUSSOM, kuwaas oo midkood yahay in mas’uuliyadda si istiraatijiyadeysan loo wadaago, iyadoo u dhexeysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Mareykanka oo weli ka caga jiidaya taageerada Midowga Afrika iyo saaxiibadiisaba ayaan weli soo bandhigin xalal dhaqaale oo wax ku ool ah, oo ka baxsan Qaraarka 2719.

Haddii xaaladdan ay sidaas ku sii socoto, waxa ay dhaawac weyn gaarsiin doontaa sumcadda iyo howlmaalmeedka AUSSOM, sida uu horay u sheegay madaxa howlgalka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Sivuyile Bam, oo walaac xooggan ka muujiyay mustaqbalka howlgalka.