25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Cirro oo codsi u diray 130 dal – Maxay rabtaa Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa mar kale si xooggan ugu celiyay baaqiisii ku wajahnaa beesha caalamka, isagoo dalbanaya in si rasmi ah loo aqoonsado madax-bannaanida Somaliland, xilli la xusayay sannad-guuradii 34-aad ee waxa ay Somaliland u aragto dib u heliddii xorriyaddeeda.

Cirro oo khudbad ka jeediyay xuska maalinta qaranimada 18-ka May ayaa sheegay inuu warqado rasmi ah u diray in ka badan 130 dowladood—oo ay ka mid yihiin madaxwayneyaal, ra’iisul wasaarayaal, boqorro iyo amiirro—kuwaas oo uu ka codsaday in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

“Beesha caalamka waxaan leeyahay: hadda ayaa la jooga waqtigii la aqoonsan lahaa Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Cirro. “Waxaan diyaar u nahay in aan door muhiim ah ka ciyaarno nabadda, amniga iyo barwaaqada guud ee Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu caddeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku dhisan tahay nabad ku wada noolaansho, is-ixtiraam iyo iskaashi wax-ku-ool ah. Wuxuu xusay in Somaliland ay doonayso xiriir adag oo wada-shaqeyn leh oo ay la yeelato dalalka caalamka, gaar ahaan iyadoo gobolka uu sii kordhayo muhiimaddiisa istiraatiijiyadeed.

Cirro ayaa u mahadceliyay dalalka la yeeshay xiriir dhinacyada ganacsiga iyo diblomaasiyadda, isagoo si gaar ah u magacaabay Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday, Mareykanka, Jabuuti, Taiwan, Turkiga iyo Kenya.

“Maalintan qaranimada, waxaan la xiriiray dhammaan 195-ka dal ee xubnaha iyo goobjoogayaasha ka ah Qaramada Midoobay,” ayuu yiri. “Waxaan ka codsaday in ay taageeraan xaqa Somaliland u leedahay inay ka mid noqoto dalalka caalamka.”

34 sano oo xasillooni ah balse diblomaasiyad cakiran

18-ka May 2025 waxay Somaliland u tahay 34 sano tan iyo markii ay si madax-bannaan ugu dhawaaqday gooni-isu-taag, kaddib burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991. Somaliland oo hore u ahayd maxmiyad Ingiriis ah ayaa xornimadeeda la heshay bishii Juun 1960, kahor inta aysan ku biirin gobollada Koonfureed ee uu Talyaanigu maamulayay si loo dhiso Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Tan iyo markaas, Somaliland waxay si dhammaystiran ugu shaqeynaysay sida dal madax-bannaan—iyadoo leh dastuur u gaar ah, lacag u gaar ah, ciidan qaran, iyo garsoor madax-bannaan. Waxay qabatay doorashooyin nabad ah oo dhowr ah, waxaana si weyn loogu ammaanay xasilloonideeda marka loo eego inta kale ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro dal si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland, halka Midowga Afrika uu mar walba ku celiyo muhiimadda ay leedahay midnimada Soomaaliya. Kuwa taageersan aqoonsiga Somaliland waxay ku doodayaan in ay buuxisay dhammaan shuruudaha dawladnimada caalamiga ah, ayna muujisay waayo-aragnimo deggan oo dimuqraadiyadeed. Laakiin kuwa kasoo horjeeda waxay ka baqayaan in aqoonsiga Somaliland uu dhiirrigelin u noqon karo dhaqdhaqaaqyo kale oo gooni-isu-taag ah oo ka dhaca Afrika.

Baaqan Somaliland ayaa imanaya iyadoo gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas uu noqday goob istiraatiiji ah oo ay tartan xoogan ka wadaan quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Dekedda Berbera oo la ballaariyay iyadoo taageero ka helaysa shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, ayaa si degdeg ah ugu soo baxaysa xarun ganacsi iyo amni oo muhiim ah. 

Somaliland President renews international recognition bid  

HARGEISA, Somaliland – On the 34th anniversary of what it regards as the restoration of its independence, Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro made a renewed and determined appeal to the international community, urging formal recognition of the self-declared republic.

Addressing the nation during official National Day celebrations on May 18, President Irro announced that he had dispatched letters to more than 130 countries—including presidents, prime ministers, monarchs, and emirs—calling on them to recognize Somaliland as a sovereign state.

“To the international community, I say this: now is the time to recognize the Republic of Somaliland,” Irro declared in his speech. “We stand ready to play a central role in advancing peace, security, and shared prosperity across the Horn of Africa and the Red Sea region.”

The president reaffirmed that Somaliland’s foreign policy is grounded in peaceful coexistence, mutual respect, and constructive partnership. He emphasized that Somaliland seeks strong, cooperative relations with nations worldwide, particularly as the region gains strategic importance.

Irro expressed gratitude to countries that have engaged Somaliland through economic cooperation and diplomatic dialogue, naming Ethiopia, the United Arab Emirates, the United Kingdom, the United States, Djibouti, Taiwan, Turkey, and Kenya, among others.

“On this day of national pride, I have reached out to leaders of all 195 member and observer states of the United Nations,” he said. “I urge them to support Somaliland’s rightful place among the world’s nations.”

A legacy of stability amid diplomatic limbo

May 18, 2025, marks 34 years since Somaliland unilaterally declared independence from Somalia following the collapse of the central government in 1991. A former British protectorate, Somaliland briefly gained independence in June 1960 before uniting with the former Italian-administered south to form the Somali Republic.

Since breaking away, Somaliland has functioned as a de facto state with its own government, constitution, currency, armed forces, and independent judiciary. It has held multiple peaceful elections and has been widely praised for its relative stability, especially compared to other parts of Somalia.

However, no country has formally recognized Somaliland, and the African Union has consistently urged Somali unity. While proponents argue that Somaliland meets all the criteria for statehood and has demonstrated a longstanding commitment to peace and democratic governance, opponents fear that recognition could encourage secessionist movements elsewhere.

Somaliland’s call for recognition comes amid heightened geopolitical interest in the Horn of Africa and the Red Sea corridor—an area increasingly shaped by competition among regional and global powers. Somaliland’s strategic port of Berbera, expanded with investment from the UAE-based DP World, is emerging as a key trade and security hub.

Qorshaha halista badan ee Imaaraadka maxay indhaha uga fiirsanayaan madaxda DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda ugu sareysa dalka ayaa indhaha ka daboolaneysa hagar-daamada ay dowladda Imaaradka Carabtu ku heyso Soomaaliya, laakiin mararka qaar waxay u sheegaan si maldahan, kamana muuqato geesinimo ay ku qaadan karaan go’aan lamid ah kii xukuumadii Xasan Cali Kheyre ay xiriirka ugu jirtay, dalkana uga saartay.

Xalay oo ugu dambeysay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa muujiyey inay tuhmayaan inay jiraan dowlado shisheeye oo mucaaradka lacago soo siinaya, si ay qalalaase amni uga bilaabaan dalka, loona diido doorashooyinka, dagaalka argagixisada iyo dhamaan qorshayaasha dowladda.

Horay Madaxweybe Xasan Sheekh ayaa u miijiyey walaaciisa tallaabooyinka ay qaadayaan Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya, hadana wuxuu hoosta ka xariiqay inay ixtiraamayaan oo hadda aysan diyaar u aheyn inay la kala dhintaan dowlad sidaas saameyn u leh.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo yeertay xog sheegeysa in Imaaraadka ay lacag u soo dhiibayaan qaar kamid ah mucaaradka, kuwaas oo qorsheynaya inay ka hortagaan doorashada dadweynaha, dagaalka argagixisada, gudaha Muqdishana ka bilaabaan qalaalaase, ilaa xukuumadda lagu qasbo inay u soo laabato doorasho dadban.

Xamse xalay kulan fursan kula hadlaayey dhallinyarada Muqdisho ayaa yiri, “Waxaa jira dowlado aad idinkuba garaneysaan oo markii xiliyadaan oo kale la soo gaaro ay shaqadoodu tahay inay kala laaluushaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo soo siiya lacago aan micno laheyn, kuwaas oo lagu yiraahdo orod waxaas diid, halkaas qarxi iyo waxaas hor istaag.”

Ra’iisul Wasaraha ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ogahay ragga dhahayana ay ogyihiin in hadallada qaar ay yihiin xisaab xir iyo farriimo loo dirayo dowladahaas shisheeye, waan fahmeynaa dhagartooda, dhaqaale yar oo dalkaan in lagu qaso lagu soo qaatay dadka Soomaaliyeed ma dhaafsa doonaan mustaqbalkooda.”

Horay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowr bilood ka hor u sheegay in Imaaraadku ay Soomaaliya ula dhaqmaan siyaabo aan habooneyn, balse markii ugu dambeysay ay balan qaadeen inay joojinayaan ficiladooda xad-gudubka ah.

Hadda waxaa la sheegay inay sameysteen dalaal rasmi ah oo ku jira madaxda dowlad goboleedyada, waxayna qorsheeyeen inay bilaabaan qalalaase aan horay loo arag oo ay uga hortegayaan qorshaha lagu qodayo shidaalka Soomaaliya oo Turkigu gacanta ku hayo.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay hubeynayaan, dagaalka Al_Shabaab ayaa sidoo kale la qorsheeyey in dowladda lagu fashiliyo, iyadoo ugu dambeyntiina gudaha Muqdisho lagu haminayo in ciidamo hubeysan lasoo geliyo, si talada dalka looga wareejiyo Xasan Sheekh ooh adda hal sano u dhiman tahay.

Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalka ay isku dhacsan yihiin ayuu saaxiibka koowaad ka dhigtay Imaaraadku, dhowaan waxaa la sheegay in safkooda u uku biiray Laftagareen, horay waxay si gaar ah ula macaamili jireen Somaliland, waxayna Soomaaliya ka jecelyihiin Itoobiya oo ay la safteen markii uu qarxay khilaafkii ka dhashay heshiiskii uu sanadkii hore Addis Ababa ku saxiixay Muuse Biixi.

Sawirro: Xasan Sheekh oo soo arkay dhaawacyada macawiisleyda Xawaadle

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho ku booqday Ciidamada Macawisleyda gobolka Hiiraan ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka ka socda gobolkaas ee lagu jebiyey argagixisada.

Madaxweynaha oo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee ciidamadaan geesiyaasha ah ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, isagoo ka wareystay xaaladooda iyo baahiyaha caafimaad ee ay qabaan.

Madaxweyne Xasan ayaa balan-qaaday in Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad ee geesiyaashaan ku soo dhaawacmay jihaad.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay in dowladdu bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin dadka reer Hiiraan ee dagaalka adag kula jira argagixisada.

“Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen, dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Demartino oo lagu dabiibayo dhaawacyada ugu badan ee ciidankii laga keenay Hiiraan iyo bukaano kale oo horay u yaallay.

Madaxweynaha ayaa kormeer kadib warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka.

Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar.

Loolanka Jihaadiyiinta VS Suufiyada ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Jihaadiyaddu waa khatar si joogto ah isu beddesha—mar waa dhibaato maxalli ah, mar kalena waxay noqotaa hanjabaad caalami ah.

Soomaaliya waxay ka reeban tahay xaaladdan rogroganta, iyadoo muddo labaatan sano ah ay kooxdu al-Shabaab—farac ka tirsan Al-Qaacida—si joogto ah u beegsatay dhammaan hay’adaha dowladda, xarumaha amniga, iyo hoteellada waaweyn ee Muqdisho.

Bishii April, al-Shabaab waxay qabsatay magaalooyin muhiim ah oo qiyaastii 150 mayl u jira caasimadda, halkaas oo weli laga fuliyo weerarro miinooyin dhulka lagu aaso ah iyo hoobiyeyaal. Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa dhawaan shaaciyey inuu u baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah si uu u fuliyo waajibaadkiisa.

In Soomaaliya ay noqoto meel lagu beero jihaadiyaddu waa masiibo taariikhi ah oo murugo leh. Islaamka Soomaalida wuxuu ka soo jeedaa dhaqan Suufinimo oo ruuxi ah, mana aha diinta laf-dhabarta kala qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee sagaashamaadkii, dagaalladu waxay ahaayeen kuwo salka ku haya qabiil iyo gobol—ma ahayn kuwo diin ku saleysan. Si kastaba, marka nidaamyadii dowladeed burburaan, jihaadiyaddu waxay isu beddeshaa nidaam degaan u leh kooxaha hubeysan.

Sida uu ii sheegay sarkaal sare oo Soomaali ah, al-Shabaab waxay dagaalka uga horreysay dowladda. Kooxda waxaa la aasaasay 2006, halka Ciidanka Xoogga Dalka dib loo dhisay 2008. Jihaadiyaddu waxay dad badan u tahay waddo looga baxo nidaamka qabiilka iyo qaab lagu raadsado aargoosi beeleed.

Al-Shabaab waxay ciidamo badan ka heshaa beelaha la takooro, halka dowladda ay weli ku liidato in ay xooggeeda ku muujiso gudaha dalka. Tababarayaal maxalli ah iyo ajaanib, dalaaliin hub, iyo faafiyayaal xagjir ah ayaa si xornimo leh ugu howl gala Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa dagaalyahanadeeda siisa fursado ballaaran oo ay ku hantaan awood iyo dhaqaale, taas oo ka badan waxa laga helo dowladda ama hay’ad kale.

Hase yeeshee, diintu qayb bay ka tahay colaadda. Waxaan wareystay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud gudaha Villa Somalia, dhisme amni adag leh oo ku yaalla xarunta dowladda.

Madaxweynaha oo 69 jir ah, kana badbaaday weerar lagu qaaday kolonyadiisa bishii Maarso, ayaa sheegay in dowladda ay ku jirto “dagaal feker ah.” Wuxuu xusay aayad Qur’aan ah oo muujinaysa in Islaamku ixtiraamo karaamada aadamaha. “Al-Shabaab waa dad hal mar isugu yimaada si ay 1,000 qof u dilaan,” ayuu yiri.

Dowladdu waxay bilaabaysaa telefishin cusub oo faafin doona aragtida Islaamka ee aan xagjirnimadu dhaawicin. Waxaana laba jeer la isugu yeeray in ka badan 300 culimo Soomaaliyeed si ay shirar ugu cambaareeyaan al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa qiray in kulamadan lagama maarmaan u ahaayeen sidii shacabka loogu qancin lahaa khatarta kooxda. “Marka siyaasi yiraahdo al-Shabaab waa xun tahay, dadku waxay u arkaan olole siyaasadeed… Laakiin marka sheekh weyn fatwo bixiyo oo yiraahdo arrin gaar ah waa diidmo Islaam ah, dadka ma aqbalaan.”

Cabdulqaadir Macallin Nuur, siyaasi iyo imaam Suufi ah, ayaa sheegay in arrintaasi aysan ku filnayn. “Suufiyadu way is ururiyeen, fatwana way bixiyeen, laakiin yaa fulinaya? Madaxweynaha wuu dadaalay, laakiin waxaad u baahan tahay xoog.”

Cabdulqaadir, oo horey saaxiib ula ahaa madaxweynaha balse hadda siyaasadda kaga soo horjeeda, ayaan xilliga aan la kulmayey wax ilaalo ah la socon. Waxaan kula kulmay masaajid furan oo uu hoggaamiyo, halkaas oo ay joogeen boqolaal arday iyo taageerayaal xiran dhar cad.

Wuxuu madax ka yahay xisbi siyaasadeed Suufi ah oo cusub, wuxuuna horey u soo noqday wasiir iyo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Ururka Iskaashiga Islaamka. Xilkaas ayuu iska casilay si uu ugu laabto siyaasadda. “Dabeecad ahaan, waxaan ahay hoggaamiye ruuxi ah, ma ahan siyaasi,” ayuu yiri.

Cabdulqaadir, oo ah wiil uu dhalay wadaad caan ah, wuxuu dalka dib ugu soo laabtay 2009 kaddib sanado uu dibadda ku maqnaa. Waqtigaas, al-Shabaab waxay gacanta ku haysay qiyaastii 80% Muqdisho. Cabdulqaadir wuxuu abaabulay malleeshiyaad Suufi ah oo la dagaallama al-Shabaab.

Kooxdiisa waxay waayeen in ka badan 200 dagaalyahan intii lagu jiray dagaalladaas, waxayna ku guuleysteen in ay kooxaha ku riixaan miyiga. Wixii intaa ka dambeeyay, al-Shabaab waxay dishay wiil uu dhalay iyo walaashiis.

“Kahor dagaalkii sokeeye, hal qof oo jihaadi ah xitaa dalka kuma nooleyn,” ayuu yiri. “Suufinimo ayaa dalka hoggaaminaysay.” Tan iyo markaas, dhammaan hay’adihii dowladda iyo ilihii awoodda ee dalka ayaa burburay. Inta weli muuqata waxay salka ku haysaa diin ama qabiil. Haddii jihaadiyaddu tahay wax dibadda laga keenay, waxay u muuqan kartaa mid ay dadku u arkaan xal, maadaama dalku uu ka arradan yahay nidaam shaqeynaya.

Fikirka xagjirka ah ee Islaamiyiintu wuxuu bixiyaa aragti cad, adag, isla markaana leh himilo caalami ah. Al-Shabaab waa urur jiritaankiisu dheer yahay, kana xooggan hay’adaha dowladda ee ay la dirirto. Dowladda weli ma awoodo inay si waara u keento beddel lagu kalsoonaan karo oo meesha ka saara argagixisada.

Si kastaba, waxa laga yaabaa in asalka dibadda ee jihaadiyaddu uu sidoo kale yahay meel ay ka jilicsan tahay. Soomaaliya waxay xambaarsan tahay dareen qaranimo oo xooggan, xitaa iyadoo dagaallo sokeeye ay wiiqeen muddo dheer. Cabdulqaadir Macallin Nuur, oo fadhiyay roog maqaar ah oo si farshaxanimo leh loo sameeyay, wuxuu ii soo dhigay bun ku dhex jirta saliid kulul oo sisin ah, kuna jirta weel qoryo ah oo la xardhay—cunno dhaqameed lagu marti geliyo xafladaha ruuxiga ah ee Suufiyada.

Waxaa laga yaabaa in jawaabta al-Shabaab lagu xallin karo Soomaalinimadaas gaarka ah—soo celinta aqoonsiga qaran iyo mid diineed oo awood u leh inuu maalin maalmaha ka mid ah ku darsado xataa kuwa hadda xagjirka ah. “Haddii al-Shabaab ay diyaar u yihiin inay aqoonsadaan Soomaaliya inay tahay dal leh xuduudo iyo calan buluug ah, waxaan ku martiqaadi lahaa halkan. Waa dadkeennii,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

“Haddii ay doonayaan awood, ha yimaadaan oo aan wada hadalno. Laakiin haddii ay rabaan in Soomaaliya laga tirtiro khariidadda adduunka, annagu maya baan leenahay.”

Qalinkii: Armin Rosen, The Wall Street Journal

AFRICOM oo wax ka bedel ku sameysay siyaasadda howlgallada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay in uu joojinayo shaacinta macluumaadka la xiriira khasaaraha ka dhasha duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump uu wali dejinayo siyaasaddiisa amni iyo militari ee gobolka.

Tan iyo markii Trump xafiiska la wareegay, Mareykanka ayaa fuliyay ugu yaraan 24 duqeyn oo ka dhacay Soomaaliya, kuwaasoo lagu beegsaday xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee ka howl-gasha Puntland. Weeraradan ayaa qeyb ka ah dagaalka Mareykanka uu ku taageerayo dowladda Soomaaliya ee la tacaaleysa kooxaha xagjirka ah.

AFRICOM ayaa horay si joogto ah u shaacin jirtay khasaaraha weeraradaas, iyadoo war-saxaafadeedkii 12-ka April lagu sheegay in hal xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeyn. Si kastaba, bayaanka dambe ayaa laga reebay tirooyinka khasaaraha iyo waxyeellada shacabka.

Taliska AFRICOM ayaa sabab uga dhigay go’aankan in la ilaaliyo amniga howl-galada, iyagoo sheegay in aysan shaacin doonin faah-faahinta gaarka ah ee cutubyada iyo qalabka militari ee la adeegsanayo. Afhayeenka AFRICOM, Lt. Col. Doug Halleaux, ayaa sheegay in ay go’aansadeen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo shaacinta khasaaraha, maadaama maamulka cusub uu weli dejinayo siyaasadiisa.

Col. Halleaux wuxuu intaas ku daray in AFRICOM ay sii wadi doonto daabacaadda warbixino saddexdii biloodba mar ah oo ay ku faahfaahin doonaan haddii uu jiro khasaare soo gaaray shacabka. Wuxuu tilmaamay in duqeymihii u dambeeyay aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu sidoo kale hoos u dhigay daah-furnaanta weerarada uu ka fuliyo dalka Yemen. Taliska CENTCOM oo ka mas’uul ah gobolkaas ayaa muddo ku dhow lix toddobaad aan wax xog ah ka bixin khasaaraha shacabka, iyadoo Yemen Data Project ay sheegtay in duqeymahaas ay sababeen dhimashada in ka badan 200 oo qof oo shacab ah.

Tallaabadan AFRICOM ayaa dhalisay su’aalo la xiriira hufnaanta iyo isla xisaabtanka ku aaddan howl-gallada Mareykanka ee dibadda, gaar ahaan marka ay saameeyaan shacabka rayidka ah.

JABUUTI oo dalkeeda ka saaraysa dadka kasoo jeeda Soomaaliya + Sababta

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u bilowday tallaabooyin adag oo ay ku masaafurinayso muwaadiniin u dhashay dalal ay kamid tahay Soomaaliya.

Muwaadiniinta la musaafurinayo ayaa sidoo kale kasoo jeeda dalalka Yemen iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku xad-gudbeen shuruucda degenaanshaha iyo shaqada ee dalkaas, iyadoo dadka la bartilmaameedsaday lagu helay inay si sharci darro ah u joogeen dalka ama u shaqeynayay.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dalalka dadkaas laga soo masaafurinayo ay ka taagan yihiin xaalado amni darro iyo dhaqaale oo aad u liita. Warbixinnada qaar ayaa muujinaya in dadkaasi horey uga soo carareen colaado iyo xaalado nololeed oo adag, taasoo walaac xooggan ku abuurtay hay’adaha caalamiga ah iyo ururada u dooda xuquuqda aadanaha.

Jabuuti, oo ah dal istaraatiiji ah ku yaalla Geeska Afrika, ayaa sanadihii la soo dhaafay martigelinayay qaxooti fara badan, gaar ahaan Yemeniyiinta oo dagaal sokeeye uu dalkooda ka socday tan iyo 2015-kii. Dadkaasi ayaa dalka Jabuuti u arkay meel nabdoon oo ay kaga nabad galaan colaadda.

Tirada dadka Yemeniyiinta ah ee ku sugan Jabuuti ayaa lagu qiyaasaa tobanaan kun, iyadoo ay wehliyaan qaxooti kale oo ka yimid dalal ay ka jiraan colaado iyo dhibaatooyin nololeed sida Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Xarumaha ay qaxootigu deggan yihiin ayaa u badan kuwo aan rasmi ahayn, taasoo sii murjisay xaaladooda nololeed.

Wararka laga helayo ilo maxalli ah ayaa sheegay in howl-gallada lagu qabtay boqolaal qof ay ka dhaceen xeryo iyo deegaanno barakacayaal si ku meel gaar ah ugu noolaayeen. Dowladda Jabuuti ayaa la sheegay inay diyaarinayso in dadkaas lagu celiyo dalalkii ay ka yimaadeen, iyadoo aysan caddayn meelaha saxda ah ee loo musaafurinayo.

Hay’adaha samafalka iyo kuwa xuquuqda aadanaha ayaa si adag uga digay khatarta ay tallaabadan leedahay, gaar ahaan marka la eego haweenka, carruurta iyo dadka da’da ah ee barakacayaasha ah. Waxay sheegeen in ku laabashada meelaha colaadaha ka jiraan ay si toos ah khatar ugu tahay nolosha dadkaasi.

Ururadaasi ayaa ugu baaqay Dowladda Jabuuti iyo beesha caalamka in la xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah ee dadka qaxootiga ah. Sidoo kale, waxay codsadeen in aan la masaafurin dadka ku sugan xaalado nugul ilaa la helo xal waara oo ammaan ah oo lagu badbaadin karo noloshooda.

Imaaraadka, Qatar iyo Masar oo soo saaray war ku saabsan Somalia kadib markii shalay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Masar, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee Axaddii ka dhacay agagaarka saldhigga milatari ee Damaanyo ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa si cad u cambaareeyay weerarka, iyadoo ku tilmaantay “mid si buuxda loo naqdiyay,” isla markaana muujisay garab istaag buuxa oo ay siineyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Masar waxay sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, shacabka Soomaaliyeedna waxay u rajeysay samir iyo adkaysi, halka dadka dhaawacmayna ay u rajeysay caafimaad degdeg ah.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale si rasmi ah u cambaareysay weerarka, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Doha ay hoosta ka xarriiqday sida ay uga go’an tahay la-dagaallanka dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada.

Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa bayaan la mid ah ku muujiyay tacsi uu u dirayo dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed, iyo qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxa.

Wararka laga helayo ilo amni ayaa sheegaya in qofka is-miidaamiyay uu isku qarxiyay xilli uu la jiray dhalinyaro is-diiwaan gelinayay si ay ugu biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo saf ugu jiray agagaarka saldhigga Damaanyo.

Kaamiro goobta ku xireed ayaa duubtay muuqaalka nin ka soo degaya Mooto Bajaaj, kadibna soo dhex aaday dhallinyarada oo saf ku jira wadada dhinaceeda, kuna qarxay.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa Holac ama Dab xoog leh oo goobta is qabsaday iyo dhallinyaradii dhankaas xigtay oo dhulka ku daadaneysa, kadibna uuro ayaa goobta is qabsatay, intaas ayuu ku egyahay muuqaalka la helay.

Qiyaastii 20 dhallinyaro ah ayaa halkaas ku geeriyootay, halka ku dhowaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay goobaha caafimaadka ee Muqdisho.

Khasaaraha qaraxaas kuma ekaanin dhalinyaradii feylka ku jirtay ee waxaa ku dhintay, kuna dhaawacmay dad kale oo shacab ah oo saarnaa gaadiidkii goobtaas maraayey, waxaa muuqaalada lasoo duubay laga arkay gaari Caasi ah/Home ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen dadkii saaraa iyo dhowr Bajaaj.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxaas ayaa ka gabasatay inay sheegto khasaaraha, waxayna ku soo koobtay inay baaritaan ku wado, balse waxay xaqiijisay inuu is qarxiyey qof naftiisa haligay oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayaa kor u qaaday heeganka guud ee magaalada, iyadoo baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo faahfaahinta weerarka uu haatan socdo.

Agaasime Sanbaloolshe oo gaaray MOQOKORI xilli la soo saaray baaq deg deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) — Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Socdaalka Sanbaloolshe ayaa u daaran dardar-gelinta dagaalka yo inay ciiidamada qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ay ku dhiiri-geliyaan dagaalka naf-hurka ah ee kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa inta u dhaxeysa deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan Yabaal lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah oo horjoogayaal ay ku jiraan, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab lagu jabiyay, waxaana weli aaggaas ka socda howl-gallo culus.

Dhinaca kale, socdaalka Sanbaloolshe iyo ma’suuliyiinta kale ee dowladda ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay ugu baaqeen madaxda dowladda inay gurmad deg-deg oo isugu jira ciidan saad iyo hub la gaarto dadka deegaanka, si loo wiiqo awooda kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdiraxmaam Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta baaqan diray ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay indhaha ku hayaan sida ay madaxda dowladdu masuuliyad isaga saaraan gurmadka iyo garab istaagga dagaalka ay beesha Xawaadle kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Waa dagaal jiritaan, argagexisadu waxay doonayaan in ay jebiyaan adkaysiga iyo ruuxda dagaal ee beesha, iyagoo kaga aargudanaya in horay uu jebiyeen haybadda iyo burjiga dagaal ee argagexisada. Dowladdu waa in ay gurmad ciidan, oo degdeg ah, saad iyo saanad la garab istaagtaa dagaalka,” ayuu yiri Xildhibaam Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ugu baaqayaa degaanada iyo beelaha deriska la ah in ay walaalahood u gurmadaan, difaaca dalka iyo degaanka waajib ayaa idinka saaran, ha suginana inta cadawgu guryihiina idinku imaanayo.”

Xog: Ciidamo Macawiisley ah oo ‘lagu laayay duqeyn ka dhacday’ Shabeellaha Dhexe

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in duqeymo xooggan oo shalay iyo xalay ka dhacay gobolkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay ciidanka xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo dagaal kula jiray Al-Shabaab.

Korneel Khaliif Idiris Cismaan oo kamid ah saraakiishii hore ee milatariga Soomaaliya, haatana qaabilsan isku xirka ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda ayaa xaqiijiyey in dhacdadan ay ka dhacday aagga degmada Aadan Yabaal, laguna beegsaday ciidan Macawiisley ah.

Khaliif oo wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta ay haleeshay ciidamada oo rabay inay gadaal uga yimaadaan Al-Shabaab, si ay dhabarjabin ugu sameeyaan, basle ay la kulmeen weerar dhanka cirka ah oo si lama filaan ah u qabsaday.

“Meesha la yiraahdo Mabaax ku aadka degmada Aadan Yabaal horta shalay waxaa ka dhacay dagaal la’isku riiqmay, laakiin annaga diyaarad ayaa dhalinyaradii kuweenna ahaa dhabarjabin ku sameysay ciidan gadaal kasoo wareegay oo labaatameeyo ah oo rabay nimankan inay dhabarka ka saaraan ayay diyaaradihii rusheeyeen” ayuu yiri Korneelka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in duqeyntaasi lagu dilay 12 nin oo Macawiisley ah, laguna dhaawacay kuwa kale, wuxuuna ku baaqay in lala xisaabtamo ciddii ka dambeysay falkaas.

“Waxaa meeshaas ku dhintay 12 nin, taas diyaaradaha ayaan u haysanaa iyo cidda amarkeeda bixisay, waana daba taaganahay” ayuu mar kale yiri Khaliif Idiris Cismaan.

Duqeymaha oo daba socday dagaallo qaraar oo shalay ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo kasoo baxay dhinaca deegaanka Ceel Cali Axmed, kuna soo jeeday degmada Aadan Yabaal.

Wararka ayaa sheegaya in laba gantaal lala helay kolonyada Al-Shabaab ee kasoo baxay Ceel Cali Axmed, waxaana gadiidka qaar saarnaa rasaas, kuwaas oo gebi ahaan goota ku basbeelay.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lasoo warinayaa in Al-Shabaab ay haatan dareemayaan culeyskii ugu xooganaa, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo ku aadan duqeymaha ka dhacay deegaannada HirShabeelle.

Gaalkacyo oo qarka u saaran dagaal dhex-mara ciidanka Puntland iyo kuwa Diyaano

Galkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si kulul uga digay in uu adeegsan doono taankiyo iyo madaafiic si uu u joojiyo howlgallada ciidamada Puntland Security Force (PSF) ay ka wadaan magaalada Galkacyo, isaga oo ku eedeeyay in ay si sharci-darro ah u fuliyaan hawlgallo aan fasax ka haysan dowladda hoose.

Hanjabadda waxaa jeediyay guddoomiyaha gobolka Mudug, Faysal Sheekh Cali (Jifo Jabsade), kaddib markii PSF ay habeenno dhowr ah ka fuliyeen howlgallo magaalada gudaheeda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in PSF aysan si rasmi ah ugu diiwaangashaneyn hay’adaha amniga ee Puntland, wuxuuna uga digay in wax kasta oo dhaq-dhaqaaq ciidan ah oo kale loo aqoonsan doono fal dambiyeed.

“Haddii aad mar kale saldhigga ka baxdaan, magaalada waxay isu rogi doontaa goob dagaal,” ayuu yiri Jifo Jabsade. “Waad arkaysaan taankiyada iyo madaafiicda idinku hareeraysan. Galkacyo ma ahan meel lagu ciyaaro.”

PSF oo la aas-aasay 2002, iyadoo taageero ka helaysa Mareykanka si loogu hortago argagixisada iyo burcad-badeedda, ayaa si tartiib tartiib ah u noqotay cutub ciidan oo si heer sare ah u tababaran, u hubeysan, uguna takhasusay la-dagaalanka argagixisada iyo sirdoonka. Inkasta oo si rasmi ah ay uga tirsan tahay maamulka Puntland, haddana PSF ayaa sanadihii dambe u dhaqmeysay si madax-bannaan, taasoo keentay khilaaf joogto ah oo kala dhaxeeya dowladda deegaanka.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Puntland ay si toos ah ugu eedeysay taliyaha Booliska Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano—oo qoys ahaan si dhaw ula xiriira hoggaanka PSF— inuu ka dambeeyo abaabul ciidan oo sharci-darro ah oo ka socda gudaha Puntland. Diyaano, oo horey u ahaa taliyaha PSF, haatana ah taliyaha Booliska Federaalka, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu gacan ka helayo cutubyo si gaar ah ugu xiran dowladda dhexe.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga jawaabay arrintan isagoo Galkacyo u diray saraakiil sare iyo ciidamo dheeraad ah si ay uga hortagaan waxa uu ku tilmaamay “isku day lagu wiiqayo amarada maamulka Puntland.”

Sidoo kale, guddoomiye Jifo Jabsade ayaa amar ku bixiyay in la burburiyo baraha hubeysan ee sharci-darrada ah isla markaana la xiro cid kasta oo lagu helo inay carqaladeynayso amniga magaalada.

Is-mariwaaga ka taagan Galkacyo wuxuu noqday wejigii ugu dambeeyay ee khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeya hoggaanka PSF—oo ay xukumaan xubno ka tirsan qoyska awoodda badan ee Diyaano—iyo maamulka Puntland.

Xiisadda ayaa markii ugu kululeyd bishii December 2021, markii madaxweyne Deni uu isku dayay inuu xilka ka qaado taliyaha PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano. Taliye Maxamuud ayaa diiday in uu xilka wareejiyo, taasoo keentay dagaallo u dhexeeyay PSF iyo ciidanka Puntland ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan toddobo qof.

Tan iyo markaas, xiriirka labada dhinac ma uusan hagaagin. Sannadkii 2024, PSF ayaa si madax-bannaan u xirtay garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib eedeymo la xiriiray in halkaas ay ka soo degeen hub sharci-darro ah. Puntland ayaa tallaabadaas ku tilmaantay mid wiiqeysa awoodda dowladda iyo xukunka rayidka.

Khilaafka hadda taagan wuxuu leeyahay saameyn federaal ah. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ku eedeeyay Jeneraal Asad Diyaano—walaalka Maxamuud Diyaano— inuu wado hawlgallo sharci-darro ah oo ka socda gobolka Mudug isagoo isticmaalaya magaca dowladda dhexe. Warar soo baxaya ayaa sidoo kale muujinaya in cutubyo ka tirsan PSF ee Galkacyo ay haatan si toos ah uga diiwaangashan yihiin dowladda federaalka, taasoo Puntland u aragto hanjabaad toos ah oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in ciidamo dheeraad ah loo diro Galkacyo, iyo in saraakiil sare loo xilsaaro sidii loo joojin lahaa waxa uu ku tilmaamay “isku day la doonayo in lagu kala dhantaalo nidaamka amniga Puntland iyadoo la adeegsanayo taageero federaal ah.”

Saldhigga PSF ee Galkacyo—oo mararka qaar martigeliya diyaaradaha AFRICOM ee Mareykanka—ayaa weli ah xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah la-dagaalanka argagixisada. Hase yeeshee, khilaafka isa soo taraya ee u dhexeeya PSF iyo hoggaanka Puntland wuxuu kicinayaa walaac weyn oo ku saabsan kala-go’ iyo is-aamin la’aan ka dhex abuuranta hay’adaha amniga dalka Soomaaliya.

Muxuu Axmed Madoobe ka wadaa magaalada Nairobi?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Axadii gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa halkaasi ka bilaabay qorshe culus iyo abaabul ka dhan ah dowladda dhexe.

Axmed Madoobe ayaa haatan wada kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan dowladda Kenya iyo kuwa kale oo  ka socda dalka Itoobiya, isagoo kala hadlayo iskaashiga Jubaland kala dhexeeya Nairobi iyo Addis Ababa.

Sidoo kale kulamadan waxaa qayb ka ah Wakiilada beesha caalamka, xildhibaannada mucaaradka iyo siyaasiyiinta ku sugan gudaha magaaladaasi, isaga oo kala hadlayo xaaladaha kasoo kordhay dalka.

Ujeedka ugu wayn ee Axmed Madoobe ayaa ah sidii uga hortagi lahaa damaca dowladda ee ku aadan, sidii isaga meesha looga saari lahaa, maadaama weli xiisaddu halkeedii tahay.

Xubnaha uu la kulmay madaxweynaha Jubaland waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan  Golaha Shacabka, kaas oo kamid ah xubnaha sida wayn u macaarada xukuumadda Soomaaliya, iyaga oo ka wada-hadaly arrimo dhowr ah, gaar ahaan xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland.

“Caawa waxaan ku kulanay magaalada Nairobi, madaxweynaha jubbaland Sayid Ahmed Mohamed Islaan, oo lagu yaqaan markuu dagaalka kujiro inuu farxad iyo qurux kaqaado,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Dhaq-dhaqaaqa uu Axmed Madoobe ka wada Kenya ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan khilaafka u dhexeeya Kismaayo iyo Muqdisho uu yeeshay waji cusub, waxaana hadda si wayn looga dareemayaa gobolka Gedo oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen labada dhinac.

Gedo ayaa waxaa haatan ku gacan sarreysa dowladda dhexe, waxayna isku fidisay inta badan degmooyinka gobolkaas, marka laga reebo Doolow, waxaana ka howl-gala ciidanka xoogga dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay maamul ugu dhiseyso Jubaland, arrintaas oo sii xoogeystay kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo qaaday xiisadda taagan, waxaana lagu go’aamiyay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda Jubbaland.

Sidoo kale arrinka Jubaland ayaa waxaa loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Mareykanka oo ka doodaya go’aan la xiriira Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa weli wajahaysa hubanti la’aan ku saabsan dib u cusboonaysiinta maal-gelinta Maraykanku siiyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo muhiim u ah nabadgalyada dalka. Arrintan ayaa si weyn looga dooday kulan uu yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Maraykanka oo diiradda saaray xaaladda Geeska Afrika iyo dalalka ku lugta leh Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa tusaale ahaan si weyn u kordhisay saameynteeda Soomaaliya. Waxay ka dhistay Muqdisho saldhig ciidan iyo safaaraddeedii ugu weynayd caalamka. Waxaa intaas dheer, Turkigu wuxuu dhowaan geeyey dalka diyaarado aan duuliye wadin iyo boqolaal askari oo ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Sidoo kale, shirkado Turkish ah ayaa hadda maamula dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo dowladda Ankara ay heshiis la saxiixatay Soomaaliya si ay uga caawiso horumarinta kheyraadka shidaalka.

Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya gobolka, waxayna tababarayaan ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, iyagoo sidoo kale hormuud ka ah ballaarinta dekedda Berbera ee Somaliland.

Joshua Meservey, oo ah khabiir sare oo ka tirsan machadka Hudson isla markaana khibrad u leh Geeska Afrika, ayaa guddiga uga digay in faragelinta quwadaha shisheeye — gaar ahaan Shiinaha, Iran iyo Ruushka — ay si cad u muujinayso khatarta uu Maraykanku wajihi karo haddii uusan si firfircoon oo xeel dheer uga qaybqaadan arrimaha gobolka.

Maraykanka ayaa sheegay in qaabka maalgelinta ee hadda lagu taliyey, sida qaab-dhismeedka “2719,” aanu ku habboonayn xaaladda Soomaaliya. Halkii laga sii wadi lahaa hannaan dhaqameedyo hore, Washington waxay ku baaqday in la baadho habab cusub oo maaliyadeed oo ka madax bannaan deeq-bixiyeyaasha caadiga ah. Wararka ayaa sheegaya in madaxda Guddiga Midowga Afrika ay qorsheynayaan safar ay ku tagaan Washington si ay arrintan ugala xaajoodaan saraakiisha Maraykanka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii la baajiyey shir deeq-bixiyeyaasha ah oo lagu waday inuu ka dhaco Doha, Qatar. Lama oga in arrintan maalgelinta lagu soo qaadi doono inta uu socdo booqashada la filayo ee Madaxweyne Donald Trump ku tegi lahaa Qatar.

Dhibaatooyinka jira ayaa sii xumaaday, iyadoo guddigu uu sidoo kale maqlay in kooxda Al-Shabaab ay dib u qabsatay dhulal hore looga saaray. Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa weli la daalaa-dhacaysa musuqmaasuq iyo dhibaatooyin xagga maamulka ah. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Al-Shabaab ay weli leedahay awood iyo ujeedo ay ku beegsan karto danaha Maraykanka.

Meservey wuxuu soo jeediyay in Maraykanku beddelo istaraatiijiyaddiisa, isagoo ku taliyay in si toos ah loola shaqeeyo dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maxalliga ah ee sharciyeysan, saaxiibtinimo muujinaya, kana karti badan si loo wiiqo Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in lala shaqeeyo waddamada deriska ah ee daneeya amniga Soomaaliya.

“Dhisidda dawlad dhexe xooggan oo ka hanaqaada Soomaaliya waa tijaabo guuldarro ku dhammaatay,” ayuu yiri Meservey. “Qabiilku weli waa tiirka ugu weyn ee bulshada Soomaaliyeed, taasina waxay ka dhigeysaa in dowlad dhexe adag aysan shaqayn karin. Si kastaba ha ahaatee, Washington waxay in ka badan toban sano ku bixinaysay dhisidda nidaam noocaas ah oo ku saleysan Muqdisho.”

Senator James Risch, oo ah guddoomiyaha guddiga, ayaa raaciyay dareenkaas isagoo xusay in rabshadaha ka socda Soomaaliya, Suudaan iyo Itoobiya ay khalkhal gelinayaan gobolka oo dhan, taasoo abuureysa fursad ay ka faa’iidaystaan kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab, ISIS iyo Xuutiyiinta.

Wuxuu dhaleeceeyay sida Maraykanku uga falceliyay khilaafaadkaas afartii sano ee la soo dhaafay, isagoo ku tilmaamay mid kala firdhisan oo aan lahayn qorshe mideysan, wuxuuna ku baaqay in la qaato istiraatiijiyad cad oo mideysan.

Senator Pete Ricketts ayaa isaguna ka digay xiriirka sii xoogeysanaya ee Xuutiyiinta iyo Iran, isagoo sheegay in ay suuragal tahay xiriir cusub oo ay Xuutiyiintu la yeeshaan Al-Shabaab iyo ISIS gudaha Soomaaliya.

Wuxuu uga digay in haddii aan si dhab ah loo wajahin, xiriirradaasi ay sii wiiqi karaan xasilloonida gobolka, khatarna ku keeni karaan marin-biyoodka ganacsiga caalamiga ah, taageerana siin karaan maleeshiyaad kale, taasoo halis weyn ku noqon karta danaha Maraykanka ee qaaradda Afrika.

“Waa dhibaato dhab ah,” ayuu yiri Meservey. “Kenyaanku waxay sheegaan in hanjabaadda ugu weyn ee amniga qarankooda tahay Al-Shabaab — gaar ahaan haddii ay helaan diyaarado aan duuliye lahayn oo casri ah oo uga yimaada Xuutiyiinta, ama ay helaan awood dheeraad ah oo teknolojiyadeed.”

Muxuu XASAN SHEEKH ku faa’iiday, mucaaradkuna ay ku jahwareersan yihiin?

Laba kal oo hore oo Xasan Sheekh uu doorasho dadban ku guuleystay axsaab laguma galin doorashada, haddana guushiisa waxaa sabab u ahaa inuu xisbiyo siyaasadeed dhistay. Xilli laga daalay hoggaamiye kooxeedyo oo wadaaddadiina tijaabadii ugu horreysay ku fashilmeen ayuu isku duway aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah iyo ururradii diinta kuwoodii maskaxda furnaa, kadibna ku mideeyay Xibigii Nabadda iyo Horumarka 2011, taas oo keentay inuu ku guuleysto doorashadii 2012.  

Markii qandhada kacaameyntu gaartay halkii ugu dambeysay oo hormuudkii siyaasadda, ganacsatada iyo aqoonyahannadii la jaanqaadi waayeen maamulkii Farmaajo, qof walbana u baqay jirtaankiisa, ayuu mar kale Xasan Sheekh dhisay xisbi ay soo hoos galeen xildhibaannadii Mucaaradka ahaa, dowlad goboleedyadii khatarka dareemay iyo wixii ka haray kooxdiisii siyaasadeed, waxa uuna sidaas ku unkay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqaraaddiyadda 2018, kaas oo la aaminsan yahay inuu sababay dib ugu soo laabashadiisii Villa Somalia 2022.  

Labada doorasho ee Xasan ku guuleystay midna ma ahayn doorasho nidaam xisbiyo lagu galay, tan hadda soo socotana uma muuqato in xisbiyo tartami doonaan, balse waa xeelad uu Xasan fagaarayaasha ka sheego laakiin siyaasiyiintu aysan dhugan oo ah “Siyaasaddu waa abaabulnaan”.  

Xirfadaha siyaasadda ka baxsan ee Xasan leeyahay sida maamulka, dhismaha hay’adaha, abaabulka iyo maareynta xasaradaha oo uu kasbaday 50kii sano ee uu waxbarashada, cilmi baarista iyo siyaasadda uu ku soo jiray, ayaa tustay inuu mar walbo Nidaam hay’adeed dhexda uga jiro oo uu ku gaaro hadafkiisa oo dadka ku xeeran u arkaan inay qeyb ka yihiin nidaam, guushiisana ay ku xiran tahay guushooda, waana xirfad uu la kali yahay marka la barbar dhigo musharraxiinta kale ee labada jeer uu ka guuleystay. 

Afartaan arrimood ayaa sal u ah sababta nidaamka xisbigu muhiim u yahay iyadoo ugu dambeyn doorasho dadban la aadi doono.

  • Kamid ahaanshaha xisbigu waa ballan diiwaan gashan oo siyaasiga kamid ka ah damiir ahaan ka reebeysa inuu kaamam kale ka qaraabto ama laba bogleeyo.
  • Xisbiga waxa uu isku heyn karaa kooxo iyaga is diiddan, balse Xasan wada oggol.
  • Waa nidaam hay’adeed oo sahlaya maamulka mashruuca ololaha doorashada, sida miisaaniyadda iyo nidaaminta howlaha ololaha.
  • Waa meel lagu soo jiito dhallinyarada siyaaasada daneynaaya oo looga faa’ideysto awooddooda si bilaash ah, taas oo qeyb weyn ka qaadata sida bulshadu u arkeyso musharraxa.

“ Fikradda xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka waxay ku caddahaday halheyska xisbiga oo ah “Dantu waa Wadjirka” oo ka dhigan in xubanaha Golaha Wasiirrada oo xildhibaanno u badan, madaxda saddex dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Somaliland oo wadajira ku guuleysan karaan muddo xileed kale, haddii doorasho dadban lagu laabto, taas oo ka dhigan in xubanha baarlamaanka Soomaaliya madaxweynaha dooranaya oo 330 ah uu ka helayo 231, halka isu geynta Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubalad tahay 99 cod, taas oo xisaab ahaan muujineysa in 70% uu xisbiga madaxweynaha xaqiijin karo codka baarlamaanka. Waa riyadii Farmaajo ee Mahdi Guuleed kol hore kor u sheegay isagoo yiri “Wareegga Koowaad ayaan ku guuleysaneynaa”.

Habdhaqankii cusbaa ee madaxweynuhu uga baaqsaday caadadii soo jireenka ahayd ee taqalusidda madaxda dowlad Goboleedyada, muddo kordhintii loo sameeyay saddexda dowlad Goboleed iyo u bandhigidda dib usoo laabashadooda, waxay iyagana ku qasbi kartaa inuu Xasan noqodo xulashada kaliya ee ay hubaan marka la barbardhigo masharaxiinta bannaanka jooga oo aysan garaneynin waxa ay kala kulmi karaan haddii ay Villa Somalia yimaadaan.

Farsamo ahaan, kamid noqoshada Guudlaawe, Lafta gareen iyo Qoor qoor ee xisbiga waxay sharciyad siineysaa in xildhibaannada ka soo baxaya saddexda dowlad Goboleed ka yimaadaan gudaha xisbiga taas oo madaxweynaha siineysa damaanad ah in xildhibaanno uu hubo inay u codeynayaan ku soo baxaan iyadoo la marayo hab wadar oggol ah oo loo hoggaansamayo sharci hoosaadka xisbiga.

PDP, UPD iyo JSP marka laga yimaado midabka cagaaran ee astaanta u ah iyo Xasan Sheekh, ma jirin wax ay wadaagaan ee dhamaantood waxay ku saleysnaayeen xal u helidda xaalad markaas taagnayd.

Cadaadiska beesha caalamka, xaaladda ammaan, diidmada Puntland iyo Jubland waa arrimo ku filan in doorasho dadban lagu laabto, balse su’aasha ayaa ah mucaaradku ma u diyaarsan yihiin in ay wajahaan isbaheysiga “ Wadajirku waa guusha”, sidee ayeyse ula tartami doonaan qorshaha Xasan ee kulansaday Riyadii Farmaajo, farsamadii Deni ku soo laabtay iyo mintidnimada Xasan Sheekh ee qaangaartay?.

Xigasho: Waraabhinta Dawan

Maxaa looga dooday kulankii maanta ee Golaha Shacabka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 6-aad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed AlMakhzoumi ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka u faahfaahisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo qodobada uu ka kooban yahay.

Xildhibaanadda Golaha ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo, maadaamaa uu maanta akhrinta koowaad uu marayay.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa isla maanta akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Waxaa warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh labada hindise in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad dibna ay Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.

Duqeyn culus oo ka dhacday Aadan Yabaal iyo ciidamada oo kaabiga ku haya

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helaaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday gudaha degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno hoos yimaada ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeynta oo ahayd bartimaameed ayaa waxaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga Aadan Yabaal, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare culus.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta sidoo kale lala helay gaadiid ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo gurmad ahaan uga soo baxay deegaanka Ceel Cali Axmed, iyaga oo kusoo socday dhanka degmada Aadan Yabaal, si ay xoojiyaan Al-Shabaabka kale ee ku sugan halkaasi.

Sida ay ogaatan Caasimada Online, laba gantaal ayaa lala helay kolonyada Al-Shabaab ee kasoo baxay Ceel Cali Axmed, waxaana gadiidka qaar saarnaa rasaas, kuwaas oo gebi ahaan goota ku basbeelay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in duleedka Aadan Yabaal ay haatan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo doonaya inay guluf ku qaadan degmadaasi, si ay uga saaraan kooxda Al-Shabaab, waxayna hadda kaabiga ku hayaan degmadaas oo ay dhowaan dib ula wareegeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lasoo warinayaa in Al-Shabaab ay haatan dareemayaan culeyskii ugu xooganaa, waxaana sababay dagaallada ku qabsaday gobolka Hiiraan oo lagu jabiyay Khawaarijta.

Dagaalkii u dambeeyay oo ka dhacday xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa Axaddii Shalay lagu laayay ku dhowaad 100 Shabaab, sida ay sheegtay dowladda dhexe.

“Geesiyaasha deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan,” ayaa lagu yiri lagu yiri war kasoo baxay dowladda.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhacay dagaal la isku riiqmay, hoggaamiyihii ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda Xawaadle Cabdi Guumey ayaa ka mid ah geesiyaasha ku shahiiday dagaalkaas, sidoo kale tobanaan askari ayaa uga dhimatay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab oo la isugu daray weerarro toos ah, iska caabinta weerarro ay soo qaadeen iyo weerarro jid gal ah ayaa lagu laayey soohdinta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana hadda la isla gaaray aagga Al-kowsar iyo Aadan-yabaal oo caawa Al-Shabaab ka qaxayaan.

Sawirro: R/Wasaare Xamsa oo Muqdisho uga qeyb galay xuska maalin ku weyn Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mustaqbalka Qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in ay ku hagaan jidka toosan, si dalkaas horumar u gaaro.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo ku aaddan maalintan u diray dowladda iyo Shacabka Turkiga, isagoo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhexeeyo xiriirka saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah.

Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo taageero.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ay leeyihiin walaaltinimo qoto dheer, oo ku saleysan kalsooni iyo is-garab istaag, maalmaheennii ugu adkaa, Türkiye wuu nagu garab istaagay, waxaa uu Soomaaliya la maray dariiq walba,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Turkigu uu Soomaaliya u dhisay isbitaallo, waddooyin, iskuullo iyo isagoo si buuxda uga qeyb qaatay rajo gelinta bulshada.

“Turkigu wuxuu noo tababaray ciidamada qaranka, wuxuu ka qeyb qaatay xoojinta hay’adaha dowladda, wuxuu garab istaagay shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo lagu maamuusay qiimaha maalinta dhallinyarada Turkiga ee 19-ka Maajo iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka Maajo.

Diidmada doorasho toos ah ajande Soomaaliyeed ma yahay? + Jawaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay doorashooyinka tooska ah oo ay isku hayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, qaar kamid ah maamul-goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Doodda ayaa waxa ay ka taagan tahay qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira qabashada qof iyo cod, taas oo ay ka timid dood xooggan oo ay qabaan xubnaha mucaaradka.

Haddaba diidmada doorasho toos ah ajande Soomaaliyeed ma yahay? waxaa ka jawaabaya wasiirka dekedaha iyo gaadiidka Cabdulqaadir Maxamuud Nur Jaamac oo qoraal soo saaray.

Jaamac ayaa si weyn u iftiimiyay doorashooyinka la’isku hayo, isaga oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dhibane u yihiin siyaasiyiin fara ku tiris ah oo awoodda isku soo koobay.

“Dadka Soomaaliyeed muddo ayey dhibane u ahaayeen siyaasad madhaleys ah oo kuraastu u xiran tahay siyaasiyiin kooban oo fara ku tiris ah, 4tii sanaba mashruuc doorasho dadban oo shaatiga un loo bedeley lagu soo doorto, ama aan iraahdo iyagu isku doortaan” ayuu yiri wasiirku.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Shacabka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay helaan xogaha quseeya arimaha masiiriga ah ee mustaqbalkooda taabanaaya.

Dadka Soomaaliyeed mudo ayey dhibane u ahaayeen siyaasad madhaleys ah oo kuraastu u xiran tahay siyaasiyiin kooban oo fara ku tiris ah, 4tii sanaba mashruuc doorasho dadban oo shaatiga un loo bedeley lagu soo doorto, ama aan iraahdo iyagu isku doortaan.

Waxaa caqabado waaweyn la hordhigay in shacabka soomaaliyeed loo celiyo awooda, mar walba oo laysku dayo in horey loo socdo xasarad iyo buuq ayaa la kiciyaa, madaxdana culeys ayaa la saaraa iyadoo aalad walba la adeegsanaayo oo ay ka mid tahay cadaadis shisheeye.

Sidaad la socotiin murashaxiinti madaxweyne dhammaantood waxay balan qaadeen doorashada ka hor in Khawaarij la ciribtiraayo, dhaqaalaha la hormarinaayo, dastuurkana la qabya tiraayo iyo in doorasho toos ah la qabanaayo.

Balankii asaga ahaa oo xilka lagu raadinaayey Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa Ilaahey u calfey inuu doorashada ku guuleysto, waajibna ku noqotey inuu oofiyo ballanqaadkii isaga ahaa. Su’aashu waxay tahay maanta maxaa loogu colaadinayaa madaxweynaha fulinta balanqaadyadaas?

Waxaa ceeb iyo fadeexad ah in isla shacabkii la soo hor istaago oo doorasho toos ah la diido, horumarintii dhaqalaha la barabogaano, ladagaalanka Khawaarijta laga aamuso weliba cod lagu kaalmeeyo Khawaarijta, iyo in dhameestirkii dastuurka la isku dayo in la hor istaago.

Xogta ay tahay in Shacabka Soomaaliyeed ogaadaan ayaa ah, iyadoo la ogyahay in hadii doorasho toos ah la qabto shacabku hogaankooda doorandoodaan, faragalin shisheeye laga xoroobi doono, Siyaasadaheena u madaxbanaanaan doono.

Diidmada doorasho toos ah Ajande Soomaaliyeed ma yahay, dalka u shaqeentiisa daacad ma laga wada yahay?

Waa su’aalaha ay tahay in qof walba jawaab u helo.

Mar walba oo horey haloo dhaqaajiyo dalkaan la yiraahdo, isbaheysi shisheeye iyo Soomaali ah ayaa lugaha ku dhega, laakiin Shacabku Shacabkii dhaga xirnaa ma ahan, fahankoodu kii hore ma ahan, intaas ayaa xisaabtooda ka maqan.

Xalku waa in indhaheenu furnaadaan oo aanan been abuurka iyo marin habaabinta la baahinaayo lagu kadsoomin, Sidoo kalena waa inaan dalkeeni ka xoreynaa noocyada faragalinta Amni, Siyaasadeed iyo Dhaqaale. Xoriyaddu ma dhameystirna ilaa sadexdaas aan xor ka noqono, qof na siineysana ma lahan ilaa anaga aan doonano.

Waxaan kaloo idinku bishaareynaayaa in Xukuumada Dan-qaran balanqaadkii ay shacabka ka balanqaadey ay fulineyso idanka Ilaahey.

BIDEN oo laga helay nooc kansar oo aad u halis badan

Wilmington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa laga helay nooc halis ah oo kansarka qanjirka prostate-ka ah, kaasoo ku fiday lafihiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa Axaddii. Biden wuxuu hadda la tashanayaa dhakhaatiirtiisa si uu u doorto ikhtiyaarrada daaweynta.

Bayaanka ayaa sheegay in Biden, oo 82 jir ah kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga — islamarkaana wiilkiisa Beau Biden uu u dhintay kansar sannadkii 2015 — laga helay cudurka Jimcihii, kaddib markii uu muujiyay astaamo la xiriira kaadi-mareenka, waxaana baaritaan lagu ogaaday inuu leeyahay buro ku taal qanjirka prostate-ka.

“In kasta oo cudurkani yahay nooc aad u halis ah, hadana wuxuu u muuqdaa mid ka falcelinaya daaweynta hormoonnada, taasoo suuragal ka dhigeysa in si waxtar leh loo xakameeyo. Madaxweynaha iyo qoyskiisu waxay la tashi kula jiraan dhakhaatiirta si ay u go’aamiyaan qorshaha daaweynta,” ayuu bayaanku raaciyay.

Madaxweyne Donald Trump, oo muddo dheer ku dhaleeceynayay Biden da’diisa iyo awoodda maskaxeed — inkasta oo uu afar sano ka yar yahay — ayaa sheegay inuu “ka xumaaday” warkan.

“Waxaan u diraynaa Jill iyo qoyska salaam diirran iyo rajo wanaagsan, waxaanan Joe u rajaynaynaa inuu si dhaqso leh oo guul leh uga soo kabsado,” ayuu Trump ku qoray barta Truth Social, isagoo tixraacaya xaaska Biden, Jill Biden.

“Madaxweyne Joe waa halyey marar badan dagaallamay,” ayay tiri Madaxweyne ku-xigeenkiisii hore Kamala Harris, oo la wareegtay musharaxnimada Dimoqraadiga kaddib markii Biden ka baxay tartankii doorashada sanadkii hore.

“Waan hubaa inuu caqabaddan u wajihi doono si geesinimo, adkeysi iyo yididiilo leh — sifooyin uu noloshiisa iyo hoggaamintiisaba lagu yaqaanay. Waxaan rajeyneynaa inuu si buuxda oo degdeg ah uga bogsado,” ayay raacisay.

Kansarka prostate-ka waa nooca ugu badan ee kansarka ragga ku dhaca, waxaana lagu qiyaasaa in midkii sideedaad ee raga Mareykanka laga helo inta uu nool yahay, sida uu sheegay Ururka Kansarka Mareykanka.

Haddii hore loo helo, kansarka prostate-ka waa mid si fiican loo daweyn karo. Si kastaba ha ahaatee, waa sababta labaad ee ugu badan ee kansar u dila ragga, sida ay sheegtay hay’addu.

Daaweynta hormoonnada, oo ah hab daweyn caadi ah, ayaa yareyn karta burooyinka waxayna gaabin kartaa kobaca kansarka, balse ma aha daawo dhammaystiran.

Sida lagu sheegay bayaanka, kansarka Biden ayaa lagu qiimeeyay “Gleason score 9 (Grade Group 5)”.

Sida uu sheegay Ururka Kansarka Mareykanka, kansarka qanjirka prostate-ka ee si aad ah u “xun” waxaa la siiyaa darajada ugu sarreysa ee Grade 5. Heerka Gleason wuxuu gaaraa ilaa 10, taasoo muujineysa heerka halisnimo ee cudurka haleelay Biden.

“Ila socda”

Biden ayaa bishii Janaayo ee sanadkan xafiiska ka degay isagoo noqday madaxweynihii ugu da’da weynaa abid ee soo mara Mareykanka, iyadoo muddadii xilkiisa su’aalo badan laga keenayay caafimaadkiisa iyo da’diisa — xitaa taageerayaal ka tirsan xisbigiisa Dimoqraadiga.

Jawaabtiisa su’aalahaas waxay ahayd mid kooban oo toos ah: “Ila socda.”

Si kastaba, bishii Luulyo ee sanadkii hore ayuu kaga haray tartanka doorashada kaddib dood si weyn loo dhaleeceeyay oo uu la yeeshay Trump, taasoo walaac hor leh ka abuurtay hoos u dhaca awooddiisa maskaxeed.

Taageerada Kamala Harris ayaa markaas kor u kacday iyadoo beddeshay Biden, hase yeeshee ugu dambeyn waxay ku guuldareysatay doorashada uu Trump ku guuleystay.

Biden, oo Trump kaga adkaaday doorashadii 2020, ayaa weli aaminsan inuu guul ka gaari lahaa doorashada 2024 haddii uu tartami lahaa. Hase yeeshee, su’aalo badan ayaa weli taagnaa oo ku saabsan sida shaqaalihiisa iyo madaxda kale ee xisbigu uga falceliyeen astaamihii muujinayay hoos u dhaca awooddiisa.

Walaacyadaasi ayaa sii xoogaystay iyadoo Talaadada la filayo in la sii daayo buugga cinwaankiisu yahay “Dembi Hore: Hoos u Dhaca Madaxweyne Biden, Qarintiisii, iyo Go’aankii Halista lahaa ee uu ugu Tartamay Mar Kale” — buug ay qoreen suxufiyiinta Jake Tapper (CNN) iyo Alex Thompson (Axios).

Toddobaadkii hore, cod duuban oo la faafiyay ayaa muujiyay Biden oo hadalkiisa lala yaaban yahay, islamarkaana ku dhibtooday xasuusashada dhacdooyin iyo taariikho muhiim ah — arrin dib usoo nooleysay dooda ku saabsan awooddiisa maskaxeed xilligii uu xafiiska joogay.

Taariikh musiibooyin leh

Nolosha Joe Biden waxaa lagu gartaa musiibooyin shaqsi ah oo qoto dheer. Sannadkii 1972, xaaskiisa iyo gabadhiisa yar ayaa ku geeriyootay shil baabuur, maalmo un kaddib markii loo doortay Senator isagoo jira 29 sano.

Sannadkii 1988, laba qalliin oo lagu sameeyay maskaxdiisa ayaa lagula tacaalayay xanuunka dhiigfurranka. Sannadkii 2023, buro kansar ah oo ka mid ah nooca loo yaqaan basal cell carcinoma ayaa laga saaray lafdhabartiisa.

Wiilkiisa Beau Biden ayaa sanadkii 2015 u dhintay kansar maskaxeed oo halis ah isagoo 46 jir ah — geeri murugo leh oo taabatay qalbiyada dad badan oo Mareykan ah.

Kaddib geerida Beau, madaxweynihii xilligaas Barack Obama ayaa bilaabay hindise loogu magac daray “Cancer Moonshot” si kor loogu qaado dadaallada la-dagaalanka kansarka, isagoo Biden u magacaabay inuu hoggaamiyo mashruuca.

“Arrintan si shaqsi ah ayay iigu taagan tahay,” ayuu markaas yiri Biden.

“Laakiin sidoo kale, waxay si shaqsi ah ugu taagan tahay ku dhowaad qof kasta oo Mareykan ah — iyo malaayiin qof oo adduunka ah. Qof kasta wuu garanayaa qof uu kansar haleelay ama wali la dagaallamaya.”

Ururka Kansarka Mareykanka ayaa Axaddii sheegay in Biden uu yahay “halgame muddo dheer u taagnaa sidii kansarka looga adkaan lahaa — dhammaan dadka oo dhan.”

Dhanka kale, warbixin kasoo baxday Aqalka Senate-ka horaantii bishan ayaa muujisay in maamulka Trump uu 31% hoos u dhigay miisaaniyadda cilmi-baarista kansarka saddexdii bilood ee ugu horreysay 2025 marka loo eego isla muddadaas ee sanadkii hore.

Puntland, Federal tensions flare over PSF in Galkayo

GALKAYO, Somalia — Puntland’s regional government has threatened military action against the U.S.-trained Puntland Security Force (PSF), accusing the elite unit of launching unauthorized operations in the strategic city of Galkayo and acting outside the regional authority.

The warning marks a sharp escalation in a long-running power struggle between Puntland and Somalia’s federal government, exposing deep fractures in the country’s fragile security architecture.

Faysal Sheikh Ali, governor of the Mudug region, condemned recent PSF deployments in Galkayo, accusing the force of conducting operations without authorization. He warned that further military activity would be treated as hostile.

“If you leave the base again, this city will become a battlefield,” Ali said in a televised address. “You can see the tanks and artillery surrounding you. Galkayo is not a playground for lawlessness.”

The governor ordered the immediate dismantling of illegal armed checkpoints and called for the arrest of anyone found threatening public order.

Federal allegiances deepen rift

Tensions have intensified amid accusations that Somali Police Force Commander General Asad Osman Abdullahi Diyaano—a former PSF leader and a member of the powerful Diyaano family—has been orchestrating military activities in Puntland with support from the federal government in Mogadishu.

Regional officials claim that PSF elements in Galkayo are now operating under federal registration, a move they say undermines Puntland’s autonomy and violates the Somali constitution.

In response, Puntland President Said Abdullahi Deni dispatched senior commanders and reinforcements to the area, vowing to resist what he described as “a federal-backed attempt to dismantle Puntland’s security structure.”

The PSF was established in 2002 with support from the United States to fight terrorism and piracy in northeastern Somalia. Over time, it evolved into a sophisticated counterterrorism and intelligence unit, praised for its operational capabilities but criticized for its increasing independence.

Although officially under Puntland’s jurisdiction, the PSF has often acted autonomously. In December 2021, Deni’s attempt to dismiss then-PSF commander Mohamud Osman Diyaano triggered deadly clashes in the port city of Bosaso, killing at least seven people and exposing rifts between regional civilian authorities and the Diyaano-led security leadership.

In 2024, PSF forces briefly shut down Bosaso airport, citing suspicions of illegal arms shipments—a move Puntland denounced as a violation of civilian control.

Galkayo, the capital of Mudug region, straddles a volatile dividing line between Puntland in the north and Galmudug in the south. The city has witnessed repeated outbreaks of violence over territorial control and political allegiance.

The PSF’s base in Galkayo has sometimes hosted U.S. military aircraft under AFRICOM’s counterterrorism mission in Somalia, further highlighting its strategic importance. However, the unit’s disputed chain of command now concerns coordination and loyalty in Somalia’s broader security framework.

A constitutional crisis looms

The latest standoff comes amid Puntland’s declared suspension of ties with the federal government. In early 2024, the region withdrew from the federal system, accusing Mogadishu of failing to uphold the provisional constitution and encroaching on regional powers.

Puntland vowed to operate as an autonomous administration until constitutional reforms are adopted through a national referendum—a stance that has heightened friction with the central government and its allies.

Puntland officials say federal backing of the PSF represents a dangerous precedent and have called for the immediate cessation of what they describe as “illegal operations conducted under the guise of federal authority.”

As tensions escalate, Somali civil society groups, local elders, and international observers urge both sides to de-escalate. Analysts warn that continued friction between Puntland’s administration and the PSF could destabilize the region and weaken the national fight against al-Shabaab.

“Fragmentation within Somalia’s security forces has long undermined progress,” said a regional security expert. “This crisis highlights the urgent need for coherent command structures and mutual trust between federal and regional actors.”

The outcome of the standoff in Galkayo could have significant implications for Puntland’s internal stability and Somalia’s broader state-building efforts.