24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Maxaa R/W Saaciid loogu diiday la kullanka wufuuda caalamiga ah?

0

Waxaa laga yaabaa inaysan dad badan ku baraarugsaneyn, hase yeeshee waxaa aad iyo aad u yar, haddiiba aysan jirin in ra’iisul wasaare Saacid uu ka qeyb galo kullamada Dowladda ay la yeelneyso madaxda iyo wufuuda caalamiga ah ee booqata Muqdisho.

Muqdisho waxaa toddobaad kasta booqda 3 illaa 5 wafti oo heerarkoodu kala sareeyo, waxaana gebigood la kulma madaxweyne Xasan Sheikh iyo lataliyeyaashiisa.

Inkasta oo Xasan Sheikh yahay madaxweynaha dalka, haddana waxaa siyaasadda dalka gacanta ku haya ra’iisul wasaaraha, maadama uu isaga hogaamiyo xukuumadda, waxaana ay ahayd inuu la socdo waxa dalka ka dhacaya.

Ma cadda sababta aanu ra’iisul wasaaraha kaga qeyb gelin kullamada madaxda iyo wufuuda caalamiga ah, hase yeeshee waxaa loo maleynayaa inay qeyb ka tahay qorshe saameyntiisa lagu yareynayo.

Madaxweynaha iyo koxodiisa Damul Jadiid ayaa la rumeysan yahay inay si adag gacanta ugu dhigeen hogaanka Dowladda, ayna yareeyeen dhaq dhaqaaqyada ra’iisul wasaaraha, si ay si buuxda gacanta ugu hayaan siyaasadda dalka.

Dhinaca kale farshaxamiistaha caanka ah Amiin Caamir ayaa sawir gacmeed cajiib ah ka sameeyay arrintan.

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE (6)!

Qeybtii 6-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad
Akhristahaygoow Ostan waa ka barmoosay fasalkii 8aad ee Dugsiga dhexe, Dugsiyaddiina waa la xiray.
Ostan waxaa xanuunsatay Hooyadiis markaas wuxuu noqday in uu Guriga u soo adeego, Subaxdii wuxuu saf u gali jiray Sonkorta iyo saliida oo laga bixin jiray Laanta Xaafadiisa .
Halkaas Ostan waxay isku barteen Gabar ayaduna daganeyd guryaha Bangaariyada oo saarnaa JIdka Airpor-ka  !!! Gabdhaas Ostan wey jeclaatay sida uu gadaal ka ogaan doono se asagu lama hadlo mana salaamo.
Subaxda hore koonbooyin ayaa safka la dhigtaa mar mar ayada ayaa  Ostan boos u sii celisa.
Ostan wuxuu kaloo farsameeyey in uu cuntada ku kululeysto feynuustooda oo intuu dheereeyo si farsamo leh u saara jalamadda ama digsi yar oo uu wax ku kululeystaa ,Arrinkaas oo Hooyadiis la yaabtay sida uu u farsameeyo !!!!
Ostan waxaa caadi u aheyd in uusan Habeenka khamiista gurigooda ka soo bixin, maxaa yeelay Aabihiis ayaa ku yiri Habeenka Khamiista Guriga ku Akhri Quraan ,markaas wuxuu ku akhrin jiray Suuratul Yaasiin & suuratu Tabaarak ( Al-mulki ) Hooyadiisna waxay u karin jirtay Casho fiican .
Caadadaas xataa waxaa bartay Saaxiibadiis siiba Hunboow oo haddii uu Ostan Habeen Khamiis ah arko wuxuu ku dhihi jiray caawa waa khamiis ma hilmaamtay .
Ostan saaxiibadiis waxay bilaabeen in ay habeenka jimcaha ay aadaan Jasira Night Club oo ku yaalay agagaarka Isbataalka Banaadir isgoyska jidka aada Digfeer .
waxay aadi jireen habeenkii lix saac kadib taas oo ostan ka biyo diiday, maxaa yeelay Hooyadiis oo xanuunsaneyd iyo asagoon rabin in uu gurigooda Habeen ka soo dhaxo.
Ostan saaxiibadiis wey ku guulaysan waayeen in ay hal habeen ku qanciyaan in ay Baar jasiira geeyaan ooy waagaas ka tumi jireen Kooxda Shareero iyo Fannaankooda Jerry.
Jasiira Night Club waxaa albaabada loo balaqi jiray sagaal saac habeenimo markaas ayey Ostan saaxiibadiis ka faa’ideysan jireen ooy shuut ku gali jireen sida Hunboow & mohamud.
Waxaa dhici jirtay in ay habeenkii markay ka soo baxaan Shaneemada sida Ekwatoore oo ay Darbiga soo cadeeyaan ,ayey Ostan Gurigiisa u sii dhaweyn jireen ilaa ay ka geeyaan Baalo quartiro oo aheyd meel u dhaw  Warshadda Saabuunta Bayl, ayaguna markaas kadib ay aadi jireen Baar Jasiira.
Ostan wuxuu goostay in uu galo Tababarnimo Macallimeed ( P.P ) oo laga wado Primary Program oo ahaa macallinimo Dugsiga dhexe/Hoose  loo Tababaraayo.
Ostan waxaa Macallinimadaas ay wada qorteen asaga  & saaxiibkiis Kaaji oo markaan isku xaafad ahaayeen. waxaana lala yeeshay Muqaabalo ( interview ) lagu qabtay Dugsiga dhexe ee Hodan oo u dhawaa Shaneemo Hodan, weyna ku barmooseen labadooduba waxayna galeen Dugsiga Tababarka Xalane oo Xaafadooda u dhawaa, meel u dhaw Baddii Maayo Moorto.
Ostan iyo saaxiibo badan uu la haa sida kaaji & guray waxay ka mid noqdeen Macallimiintii P.P ee Xalane ,1976.
Tababarku wuxuu iskugu jiray mid Macallimeed oo ay soo Diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta iyo mid ciidan oo uu soo diyaariyey Dugsiga Ciidamada Xoogga Dalka  ee Xalane.
Markiiba Ostan iyo saaxiibadiis waxay ka mid noqdeen Ururka 3aad oo uu xukumay Oday la oran jiray Caarshe Allaah ha u naxariisto in uu dhintay ayaan filaya, waxaana ka mid ahaa Macallimiintooda, Cabdi guray,cabdi Qaalib iyo Macallin loo baxshay  DR . CP .
Waxay aheyd Nolol Askarinimo oo adag Ostan ma jecleyn Tababarkaas Ciidanimo wuxuu ahaa mid markasta kala daadsan oo Rigada ( safka ) ka soo daaha, Tolow ma Jaceylka ayaa ugu wacan !!!
Ostan se waxay ugu bixi jirtay Dhanka Tababarka Waxbarashada oo markii hore loo sameeyey Teendhooyin waaweyn oo kuraas iyo miisado la dhigay inta laga dhameynaayey Fasallo Cusub oo Sar ah .
Subaxddii Salaada ka hor rigo ayaa la galaa PT ayaa la soo ordayaa kadib waa la quraacanayaa, kadib Duigsiyada ayaa la aadayaa ilaa Duhurkii.
Ostan wuxuu ka mid Noqday Fasal la oran jiray T12 waa Fasal xul ahaa , midkan oo kale ma soo marin Ostan tolow ma gaashaan qaadkaa mise aan si kale u iraahdo ma mas’uuliyadnimada miyaa !!!! Wuxuu ahaa Fasalkii ugu fiicnaa fasalladii uu Ostan soo dhigan jiray ee magacoodu ugu danbeeyey 6c. 7c. 8c iwm.
Ostan waxay isku fasal noqdeen Wiilal iyo Gabdho halaasi ah oo ka wada yimid Soomaaliya oo dhan, Gobolada ma Gedaa, Jubba hoose, Tog dheer, Nugaal , Xamar , Baydhabo Iwm.
Ostan Markiiba Fasalkii waa laga jeclaaday Tolow miyuu Qurux badnaa, wuxuu la saaxiibay wiil la yiraahdo Saciid oo markii danbe Macallinkii Cabdi Guray u Baxshay Saciid indho Guluus.
Waxay noqdeen far iyo Faraanti xataa Ostan wuxuu watay Sanduuq Alwaax ah oo uu kala soo noqday OHRM kaas ooy ka dhigteen mid ay Cuntada ku kaysadaan sida saliida macasarada, sonkorta ,saabuunta qabeyska,salliida Timaha ,shaanbada iwm. Saciidna wuxuu haystay Sanduuq weyn oo Bir ah kan Sacuudiga laga keeno kaasna waxay gashteen Dharkoodii iyo Buugaagtoodii iwm.
Ostan waxay markiiba is barteen Gabdho aad u quruxsanaa sida Safiyo oo reer Gaalkacyo ah, gabar dheer oo cas oo Suuro badan, sahro gaabey oo reer xamar ah af madoow iyo kuwa kale  oonan halakaan ku soo koobi karin, Sida Sureer oo reer Baardheere aheyd.
Akhristoow Fasalkaan waxaa ka mid ahaa oo aad weydiin kartaan Axmed C/nuur Wariyaha BBC-da ee Caanka ah oo ahaa Nin dheer oo cas oo caato ah oo xifaalo badan.
Waxaa kaloo ku jiray wiil Dacar la yiraahdo oo Abwaan ahaa oo gabya oona maad badan.
Ostan fasalkii & gabdhihii ayuu dhex mushaaxaa jaceyl ma dhisin se Dhibaatada Tababarka Askarinimada ayuu kaga nafisaa, fasalkaan oo uu Shaw off ka yahay.
Dugsiga Xalane Ostan waa ku raystay Cunno aad u fara badan oo uu mar marka qaarkood biiso  iyo waxbarasho & gabdho uu la sheekaysto ayuu ka helay iyo Kubad uu galabtii Ciyaaro.
Ostan aad buu u Qurux badnaaday casaan uusan laheyn baa ka soo baxay, se wali Jaceylkiisii Maryan ma hilmaamin, Khamiis kasta uu soo baxo waa u caadi in uu Habeenkii Shaneemo Soomaaliya uu Maryan & wallaasheed ka baaro, maalinnimada jimcahana wuu Xaafadooda soo hor maro, waliba wuxuu la saaxiibay wiil ay isku fasal ahaayeen oo reer Kuwaarto ah oo la yiraahdo C/llaahi oo uu jimco kasta u tago si ay Filimka u soo wada aadaan, Maryanna uu u soo Jaleeco Iwm. C/llaahi iyo Ostan Saaxiibkiis Hunboow  ayagu waxay sii wateen Dugsigoodii Sare oo laga furay isla iskuulkii 21 Oktoobar se loo baxshay Dugsiga Macallin Jaamac walow mar danbe magacaas laga badalay oo loo baxshay dugsiga Sare ee 21 Oktoobar , Dugsiga macallin jaamac sare na loo baxshay midka ku dhaganaa Shaneemo Banaadir ee Degmada Xamar weyne.
Akhristoow Ostan sidii caadada aheyd waxbarshada aad buu ugu fiican yahay se Tababarka Askarinimada aad buu ugu liitaa , Rigada galabtii wuu gooyaa oo banooni ayuu soo ciyaaraa , mar kasta wuu soo daahaa ,dharkiisu ma feeraysna suunka waa laalaadinayaa waa ( Lazy) !!!
Ostan Saaxiibkiis Saciid waa Arday aad ugu fiican waxbarashada oo Akhris badan iyo waliba faham badan mana la siku helo  labadaas sifo, Se Ostan waa faham badan yahay se ma Akhris badna waa ciyaar badan yahay ( show off ) siiba  Arrimaha Gabdhaha .
Saciid maalin buu ogaaday in uu Ostan faham badan yahay waxay ku jireen Xiso Juqraafi ah waxay dhiganayeen ( longtitude & latitude) ama dhigaha !!! Sharaxii Ardaydu waa fahmi waayeen macallinkii se Ostan wuu  fahmay hadhaw buu arkay saciid iyo wiilal kale oo arrinkii isku haysta markaas buu u sharxay markaas bay fahmeen oo Ostan la yaabeen Ciyaartiisa & fahamkiisa faraha badan.
Waxaa la soo gaaray  ( Mid Term ) kii Imtixaan baa la qaaday Maadadii Xisaabta Ostan baa buundo ka badan saaxiibkiis saciid helay, saciid waa xanaaqay waad iska ciyaareysaa waxna ma Akhrisatid  haddana waad iga buundo badan tahay, see ku dhacday buu is weydiiyey ???
Ostan Ciyaartiisii Badneyd iyo goosmadiisii qaar ka mid ah Rigada dhib bay u soo jiideen, waxaa Amar ka soo baxay Wasaaraddii Waxbarashada oo lagu amray Ardayda Akhlaaqda daran ee Waxbarasshadana ku xun in laga eryo Tababarka .
Ostan nasiib daro waxaa lagu daray Ardaydii Liiskii ay soo gudbiyeen Askartu in uu sagsaag yahay aan macallin noqon karin ??? kadib Ardeydaas oo dhanba Maxkamad ayaa la saaray ay ka soo wada qeyb galayaan Askartii iyo wasaaradii waxbarashada.
Maxkamada waxaa lagu qaaday Dugsiga xalane dhexdiisa ururkii 3aad waxaa kaga jira Ostan,Bayruut, geel qaad oo reer Baydhabo ahaa iyo wiil kale oo Askarigii  DR. CP aabahaa was ku yiri.
Ostan Arrinkaan waa u hoog Reer fiican uu ku noqdo ma haysto mana ka bixi karo  afar sano oo hor leh oo Dugsi Sare ah, mana yaqaano ruux Askari ah oo uu Arrinkaan kula dugaalo.
Maalintii Maxkamada ayaa timid Qof qof ayaa loo galay hool weyn ( Hall ) oo ay fadhiyaan madaxii dugsiga tababarka macallimiinta ee Xalane iyo Agaasimihii Qeybta tababaradda Macallimiinta  iyo Askartii soo dacweysay ardayda Maxkamadda la saaraayo iyo mid kastaba file-kiisa waxbarasho iyo Imtixaankii ugu danbeeyey iyo file-kiisa Askarinimo.
Markii Ostan la soo gaaray baa magaciisa lagu dhawaaqay kadib Hoolkii buu  soo galay, markii uu galay ayaa madaxii waxbarashada oo ahaa Nin xoog weynaa oo shaati cad qabay ,waxaan u maleynaayaa in Xoog weyne lagu naaneysi jiray iyo agaasimihiiba ayaa mar qura wada yiri :
( oo oo kan waa ciyaal ) Miskiin Ostan isma oga in uu sidaan u yar yahay oo waaba Nin Shukaansi Gabdhihii ku dhameeyey oo is dhisaaya se haddana waa Nin ka mid ah Ardeyda Machadka soo gashay kuwooda ugu yar yar, Akhristoow ma la yaabtay Jaceylkiisii Dugsiga Dhexe oo uu ku bilaabay 13 jir !!!!!
Maxaa lagu eedeynayaa ???waxaa ku markhaati furay Macallin  DR. CP oo yiri Rigada buu u gooyaa siiba tan casarkii ??? Ostan baa la weydiiyey waxa uu u gooyo ???wuxuu ku jawaabay Waan tukadaa marka salaadda Casar baan ku soo daahaa ??? Taas ayaan u maleynayaa in ay Ostan Badbaadisay iyo waliba Maadaii Xisaabta uu Fasalkooda ugu Sareeyey iyo Guud ahaan ba Fasallada oo uusan ka maqnaanin ,  xataa hal xiso intii la bilaabay ma goynin iyo waxbarashadiisa oo fiicneyd,Guud ahaan ba .
Ostan waa la cafiyey waxaana lagula dardaarmay in uu Goosmada dhaafo, se waxaa la eryey wiilkii Macallin  DR. CP caayey iyo geel Qaad oo Waxbarashada ku xumaaday, Bayruud asagana waa la cafiyey sida Ostan.
Ardeydii oo dhan baa u hambalyeysay Ostan in aan Tababarka laga burin siiba Saaxiibkiis Saciid oo wallaalo oo kale ahaayeen baa neef ka soo booday, aadna ugu farxay cafiskiisa.
Sitimaankaas Ostan markuu baxay khamiistii lagama qashqashaadin in uu sidii caadada aheyd soo siyaarto meelihii uu ku maleynaayey Maryantiisii ileen wax kale oo uu qabto ma lahee.
Ostan iyo Saaxiibkiis kaaji waa isku koox ka ciyaara maalinta jimcaha xaafadda Quracleey oo sharad ciyaara ,ostan waa weerar  yahan kaajina waa difaac aad u adag.
Ostan wuxuu waayahaas bartay two nine oo ah goosmo banooniga labadaada lugood laga dhex bixinaayo aad buuna taas khatar ugu ahaa waana loo sabcin jiray marka uu difaaca taas ku maro, se boolo ayey ahaayeen oo mar kasta waa laga rayn jiray !!! Ostan maalin buu gool la fishay cunay taas oo looga badiyey ,sharadkiina laga helay.
Kaaji Inaabtidiis ayaa maalintii danbe u sheegtay in Ostan ay jeceshahay gabadhii Deganeyd Guryaha Bangaariyada, taas oo uu Ostan ka helay se aan ka baabi’in Jaceylkiisii Maryaneey.
Ostan wali Rigadii waa googoos habeen sabti ah oo la soo noqonaayey ayuu soo daahay markaas baa intii soo daahday lagu xiray xabsi kaadi ka buuxdo oo aan la fariisan karin.
Ostan waxay halkaas isku barteen Sanka oo asaguna habeenkaas lala soo xiray, ooy haatan mareykanka isla joogaan oo uu mar mar soo xasuusiyo habeenkii Xalane lagu xiray .
Ostan waxaa kaloo maalin khamiis ah loo diiday in uu baxo Goos goosnimadiisa darteed sidaan buu Macallin CP yiri : Bayruud bayruud horu soco markaas baa la yiri ma joogo, Cabdiyoow horu soco ,markaas baa la yiri ma joogo ??? Ostan na ???? markaas baa la yiri waa kan kadib waxaa loo sheegay in uusan maanta fasax laheyn oo uu joogaayo Xeradda.
Waagaas waxaa soo baxday Heestii ( waa Duulisteenii ee dayaxaa aanu aadnee) oo ay isla qaadaan Xasan Aadan Samatar iyo Saado Cali !!! waxay aheyd mid uu Ostan ku Luqeeyo asagoo Maryan ka wada Ruuxa ay Duulista isla aadayaan.
Waxaa gabo gabo u soo dhawaaday in uu dhamaado Tababarkii kadib waxaa la bilaabay Tababar loo tagaayo dugsiyadda Muqdisho oo Macallimiinta cusub ay Ardaydaas wax u dhigayaan, Ostan waxaa lagu qoray Dugsiga Hoose ee ( African Village) siiba Fasalka Seddexaad in uu week macalllin ka noqdo, habeenkii waa in uu soo diyaariyaa cashar xisaab ah si uu maalintii Ardeydaas ugu dhigo, waxay aheyd Khibrad adag Ostan & Saaxiibkiis Axmed waxay u aheyd kuwo cabsanaaya Maalintii ugu horeysay ay Ardey soo hor istaagaan !!!!  .
Dugsigii Xalane waa soo gabagaboobay dhamaadkii Bishii Oktoobar, 1976  markay halkaas ku jireen 10 bilood kadib, waxaa la isku diyaariyey in Ardeydii loo kala badalo Gobollada iyo Banaadir !!! Ruux kasta Sedddex meelood qoro ayaa la yiri Ostan wuxuu qortay Banaadir,Banaadir iyo Banaadir.
Ostan Nasiib kiisa waxaa lagu qoray Gobolka Banaadir Dugsiga Hoose/Dhexe ee Barbaarinta  Agoonta Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aheyd Kuleejo lagu xanaaneeyo Agoonta Xoogga, oo ku yaalay ka soo horjeedka Xerrada Damaanyo iyo dhanka bari ee Kulyadda Jaalle siyaad , ama aan si kale u iraahdo Agagaarka warshadda caanaha ama Isbitaalka weyn ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ostan saaxiibkiis Saciid waxaa lagu qoray jubbada Hoose siiba Tuullada Khudaa & juulo Jawaay waa meel Jasiirad ah oo Dooni lagu tago, Kaaji waxaa laga tuuray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Guray waxaa lagu qoray Degmada Qoryooleey ( liibaantii Qoryooleey) !!!.
Maryan Ayadu waxay gashay Imtixaankii Dugsiga Dhexe ee 8aad weyna ku barmoostay , Akhristoow ma is tiri Maryan haatan waxbarashada wey ku dadaashaa sidey Fasal;kii lixaad ugu dhacday !!! Tolow maxaa riday ma Ostan bay jecleyd ii sheeg aan kuu sheegee !!!!.
Markuu Ostan uu dhawr bilood shaqeynaayey ee uu Sariir iyo Dhar fiican uu gatay ayuu ka fakaray in uu arrinkii Maryan uu u soo jeesto oo uu qorsho cusub bilaabo !!!
Waase qorshe uu ku khasaari doono waa inoo qeybta 7aad iyo Sheekadii Xiisaha & Qiimaha Badneyd ama jaceylkii Nadiifta ahaa ee JACEYLKII DUGSIGA DHEXE !!!!
 F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.
Qore : ostan gacamay .

Maxaa beri kala heysta Xulalka Somalia iyo Burundi? (CECAFA)

0

Waxaa maalinta axada oo taariikhdu tahay 25-ka bisha November ka dhici doonta garoonka kubada cagta ee Kampala stadium cayaar ka mid ah cayaaraha tartanka kubada cagta bariga iyo bartamaha afrika oo sanadkan ay martigalinayso Uganda.

Waxaa socanaya diyaar garow xoogan oo kooxaha cayaaraya ay isugu mindiyo afaysanayaan cayaarahaas.

Kooxaha ugu horeeya ee cayaarta lagu furayo ayaa kala ah xulula kubada cagta Somalia iyo Burundi.

Soomaalida ku dhaqan magaala Kampala ee wadanka Uganda ayaa wada qaban qaabo xoog leh oo ay ku doonayan ka qayb qaadashada cayaarta ugu horeysa, waxaana ay ku ballameen dhuhurnimada Axadda ah in ay isugu yimaadaan xaafada Kesenya si halkaa basas dhaa dheer uga raacaan iyaga oo gacmaha ku sita calanka Soomaliyed si ay u buuxiyan garoonka una muujiyan wadaniyadnimadooda iyo taageerada ay u hayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Hadaba waxaa laga wardhowrayaa kooxda badin doonta cayaarta dhexmareysa Somalia iyo Burundi.

W/Q: Weriye Mahad Cabdi Maxamed Shaakir.
Kala soo xiriir [email protected]

Muqdisho: Tallaabo ay qaaday DF oo kumanaan qof hoy la’aan dhigtay.

0

Kadib 20 sano oo rabshado ah, Dowladda Somalia ayaa dooneyso inay dib u dhisto magaalada Muqdisho ee caasimada ah.

Dowladda ayaa dib uga billowday magaalada hanan horey u bilowday horaantii sanadkan, oo dhismooyinka Dowladeed iyo Iskuulada looga saarayo dadka hoyga ka dhigtay.

Natiijada ka dhalatay tallaabadaas ayaa noqotay in dad badan ay ku bara kacan gudaha magaalada, ayaga oo aan heysan meel ay degaan

Dad gaaraya qiyaastii illaa 80 kun oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan dhismooyin dowladeed, wasaarado ama iskuulo ku yaalla magaalada, waxaana dhammaantood ay wajahayaan guryo la’aan, marka qorshaha dowladda uu soo geba geboobo.

Waxa ay culees kusii noqo doonaan kumanaanka qof ee horeu ugu dhex bara kacsanaa gudaha magaalada.

Haddaad caruur leedahay iyo haddii kaleba aqri qormadan (fadlan)

0

Seexinta carruurta qadada ka dib, faa’iido ma u leedahay?

Hurdada duhurkii waa la isku waafaqsan yahay in ay faaido u leedahay qof walba oo jiifto ha ahaado caruur ama qof weynba.

Diinteenana waa na fartay in aan jiifsano duhurtii maadaama uusan shaydaanka jiifanin.

Cilmibaarista la sameeyay waxaa lagu ogaaday duhurta oo la jiifto in laga faaidayso dhowr arrimood oo ay ka mid tahay;

1- Waxay kordhisaa feejignaanta: baaritaan ay samaysan NASA waxaa lagu ogaaday hadduu qofka jiifsado 40 daqiiqo in ay ku filan tahay in feejignaantiisa ay gaarto 100$, tamarne uu ka helayo.

2- Waxay kobcisaa waxbarashada iyo shaqaa maskaxda, qofka markuu jiifsado, xasuustiisa way siyaadaa sida la arkay.

3- Waxay isku habaysaa warbixinnada maskaxda lagu keydiyo, qofkane wuxuu soo kacaa isagoo nastay, awoodne u leh in uu warbixin cusub ku keydiyo maskaxdiisa, hilmaankane wuu ka yaraadaa.

4- Qofka waxaa ka yaraado diiqada iyo wewelka, hormoonka u qaabilsan stress-ka ee Cortisol wuu yaraadaa, taasina waxay ka badbaadisaa qofka dhibaatooyin caafimaad badan oo ay ka mid tahay: korriin xumo, sonkorow, dhiigkar, hilmaan, xifdin la’aan iyo cudurrada wadnaha ku dhaco.

Faaidooyinka ay leedahay duhurta oo la jiifto mid la soo koobi karo maahan ee akhristow haddii aadan jiifanin duhurtii faaido badan ayaa kaa maqan, haddii aad arday tahay oo aad rabtid in aad waxbarashdaada ku saro martid, duhurtii jiifo, kadibna wax akhris u fadhiiso, waad ku guuleysan doontaa.

Baaritaan lagu sameeyay arday dhigato jaamcad ku taallo ingiriiska, waxaa la arkay in ardayda jiifato duhurkii ay 20% ay ka horreeyaan xagga dhinac kasto ardadyda aanan jiifanin.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

Deeqaha Kuwait Somalia & dadaalka Danjire C/Qadir Amiin Sh. + Sawirro.

0

Dowlada Kuwait oo ka mid ah Dowladaha ugu Qanisan Dalalka khaliijka ayaa waxay dalka Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay siisay  Deeqo kala duwan tan iyo Wixii ka danbeeyay abaarihii ka dhacay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay.

Boqortooyada Kuwait gaar ahaan Xafiiska Zakaadka ee Dowlada Kuwait ayaa si Rasmi ah shaaca uga qaadey in ay jiraan dad badan oo dhibaateysan kuwaasi oo ku nool koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxayna shaaca ka qaadey in ay si dhaqso ah u tegi doonaan dhulkaasi.

Kuwait waxay ay diyaarisey lacag boqolaal kun oo Diinaar ah taasi oo la doonayo in Raashin iyo weliba qalab kale loogu iibiyo dadka Soomaalida ah ee ku dhibaateysan koonfurta dalka, kuwaasi oo aan haysan cunto ku filan, sida ay Qorayeen Warbaahinta Kuwait maalmihii la soo dhaafay.

Dowlada dalkaasi ayaa Diyaarisay lacag dhan  506 Kun oo Diinaar, waxayna sheegay in loogu tala galay  badbaadinta iyo u gargaarida dadka Soomaaliyeed ee aan wax haysan intooda joogta koonfurta iyo Bartamaha dalkaas.

Sidoo kale Kal hore Dowlada Kuwait waxaa ay ahayd Dowladihii sida weyn uga dhex muuqdey badbaadinta iyo u gargaarida dadka Soomaaliyeed aan wax haysan kuwaasi oo ku nool gudaha dalka, waxaana jirey lacago iyo weliba maraakiib gargaar ah oo ay dalka keeneen wakhtigaasi.

Safaarada Soomaaliya ee Liibiya ee uu safiirka ka yahay Danjire C/qaadir amiin sheikh ayaa waxaa la dhihi karaa waxay qaaday mas’uuliyada dadaalkan ee  Dowlada iyo Boqortooyada Kuwait Xili walba ku Xasuusanayso dadka Soomaaliyeed.

Danjire C/qaadir amiin sheikh ayaa waxa uu ahaa safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed kaas oo u soo bareeray in Dowlada Kuwait ee uu Safiirka ka yahay, ay la garab istaagto gargaar iskugu jira Raashin Daawo iyo agabyo kale.

Safaarada dalkaas ayaa waxau tahay safaarad si toos ah ula shaqyso dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo si toos ah ula Xiriiro safarada xiriir toos ahna la leh safaarada Somaliya ee uu safiirka ka yahay Danjire C/qaadir amiin sheikh.

Danjire C/qaadir amiin sheekh ayaa waxa uu yahay safiir Somalida dagan Kuwait Mideeyay, taasi oo mas’uuliyadaas ay tahay mid aysan haysan safaaradaha Somalida ee ka Jira Caalamka, taasi oo muujinaysa in safaarada Somaliya ee Kuwait ay tahay mid isku keentay Somalida kala aragtida Duwan ee ku Nool dalkaas.

“ Waxaan wax ka dhigtaa Jaamacada Kuwait City waxaan daganahay Kuwait safaarada Soomaaliya waxay Noogu shaysaa sida in aan Nahay dad Qaran aan ka bur bursanayn 20-sano, waxaan dhihi karaa safiirka iyo safaarada wax badan ayay qabteen”ayuu yiri Maxamed afrax oo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Kuwait oo u Waramayay Bogan shalay.

Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Kuwait C/qaadir amiin sheikh ayaa maalmo ka hor waxa uu sheegay in safaarada Soomaaliya iyo Jaaliyada ay ka Go’antahay in ay Xukuumada Soomaaliya garab istaagaan Xili uu ka hadlayay kulan lagu Taageerayay Xukuumada Cusub ee uu Hogaamiyo Raisal Wasaare saacid oo ka dhacday halkaas.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

[email protected]

[email protected]

Tell+254-711830393

Qardho: Xitaa dameeradii waxaa lagu qoray “NO FAROOLE” (Arag Sawirro)

0

Dibad bax ballaaran oo looga soo horjeeday madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Faroole ayaa maanta ka dhacay magaalada Qardho ee Gobolka Bari

Dadka Shacabka ee dibadbaxayay ayaa waxaa ay kasoo horjeedaan waqti kordhinta uu samaynayo Faroole oo waqtigiisa uu dhamaaday doonayana inuu waqtiga sii dheeraysto.

Hadalada ay dadka Dibad baxa ka dhigayay Qardho maanta  ku dhawaaqayeen ayaa waxaa kamid ah inay doonayaan inuu isbadal dhaco lana arko waji Cusub.

Waxaa dibed bax ka qeyb galay, rag, haween iyo caruur, oo muujiyay inaysan marnaba dooneyn waqti kal eoo uu Faroole hogaamiyo.

Daawo Sawirro laga soo qaaday dibeda baxa.

Raila Odinga: Dadka Gaarisa waa in Magdhow la Siiyaa. (Dhageyso)

0

Ra’iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Gaarisa ee waqooyi-bari Kenya halkaasoo todobaadkan ay ka dhaceen rabshado ay ku  lug lahaayeen militariga Kenya kaasoo lagu gubay suuqii weynaa ee Gaarisa.

Raila Odinga ayaa booqday suuqa gubtay, wuxuuna dadka reer Gaarisa ka raali galiyey dhibkii ka soo gaaray rabshadahaasi, isagoo sheegay in magdhow la siinayo dadkii ay khasaaruhu ka soo gaareen suuqa gubtay iyo waliba rabshadihii halkaasi ka dhacay.

Dhinaca kale, Booliska Kenya ayaa sheegay shalay in saddex qof ay u hayaan qaraxii bus-ka ee toddobaadkan ka dhacay xaafadda Islii ee Nairobi.

Weriyaha VOA Gaarisa Maxamed Faarax Shire ayaa warbixin ka soo diray safarka Raila Odinga ee Gaarisa.

Warbixinta oo dhanna ka dhageyso halkan.  Safarka Odinga ee Gaarisa

Arsenal oo kordhisay qandaraaski ay kula jirtay Emirates Airline.

0

Arsenal ayaa xaqiijisay inay kordhisay heshiiskii ay funaanadooda ku xayeysiinayeen magaca shirkda duulimaadka Emirates waxaana lagu kordhiyey shan sano, iyadoo la isku afgartay qarash gaaraya 150 milyan oo ginni.

Waa mid ka mid ah heshiisyadii ugu weynaa ee ceynkan ah waxayna sanadkii Gunners qaadan doontaa 30 milyan ooginni. Marka lagu daro macaga ay funaanada ku xayeysiiyan, iyo garoonka kooxda oo loo aqoonsaday Emirates Stadium ilaa 2028.

Madaxda Arsenal ayaa u riyaaqay heshiiskaan waxayna yiraahdeen sida lagu qoray Website-ka Arsenal: “Heshiiskani waa mid ku haboon Arsenal Football Club iyo taageeraheena dhamaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Sir Alex Ferguson oo maanta taaladiisa daaha laga qaadayo.

0

Taalada Sir Alex Ferguson ayaa maanta daaha laga qaadi doonaa, iyadoo Taageerayaasha Manchester United ay arki doonaan marka ay soo gelayaan garoonka kooxda Old Trafford.

37 koob ayuu ku hugaamiyey United, 26 sano oo uu macalin u ahaa waana nin si weyn looga qadariyo Kubada cata Ingiriiska.

70 jirkaan, ayaa taaladiisa daaha looga qaadi doonaa Old Trafford maanta 2:00 PM, iyadoo ay kooxdu u dabaal degeyso sanad guuradiisii 26aad.

Taageerayaasha ayaan arki doona Taalada waaya aragan marka ay kulan Barclays Premier League ku wajahayaan kooxda QPR.

Wuxuu Manchester United ku hugaamiyey 12 horyaal oo Premier League ah, laba Champions League, shan FA Cup iyo afar League Cup.

Eric Cantona iyo  Ruud van Nistelrooy ayaa ka mid ah ciyaartoy kooxda soo maray oo xafladaan lagu casuumay. Cantona, ayaa United u saxiixay 20 sano ka hor, wuxuuna ka mid yahay ciyaartoyda Ferguson lasoo shaqeeyey, Van Nistelrooy, ayaana kooxda u dhaliyey 150 gool shan sano oo uu la joogay laakiin kuma uusan soo laaban tan iyo markii uu ka tegay 2006dii.

Kabtankii ugu horeeyey ee Ferguson Bryan Robson ayaana xaflada kasoo qeyb geli doona halka uu Ole Gunnar Solskjaer, oo ahaa dhaliyihii goolkii waqtigii dhimashada 1999kii ay ku hanteen Champions League isna iman doono.

Ciyaartoyda United ee haatan ayaana xaflada soo xaadiri doona, halka uu Gary Neville isna ka mid yahay dadka casuuman waana nin in badan usoo hagamaayey Red Devils.

Rag lagu tuhmayo qaraxii Islii oo gacanta lagu dhigay

0

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku soo dhigay ragii kulugta lahaa qaraxii dhawaan ka dhacay xaafada Islii Ee soomaalid ay dagto.

Axadii lasoo dhaafay gaari ay sarnaayeen dad rikaab ah ayaa waxaa ka dhax dhacay qarax kaas oo dad Soomaali loo dilay loona fara xumeeyay.

Tirada ruux ee loo qabtay Qaraxaas ayaa waxaa ay garaayaan Sadax ruux sida uu sheegay Taliyaha Booliska magaalada Nairobi Moses Ombati.

Waxa uu Taliyaha Cadeeyay in sadaxdaan qof ay Siwayn ugu tuhmayaan inay iyaga kulug lahaayeen qaraxaas..

Hadabada Dadka lahayo Dhalashadoodu Waa tee,Mid kale ma ahee ee Waa Kenyaan ay DowladaKenya sheegayso in loo soo diray fulinta Dhowr qaraxyo.

Moses Ombati  ayaa sheegay inay Xog badan ku heleen in dadkaan Kenyaatiga ay Qarax ka gaystaan Nairobi waxaana uu ugu digay dadka Kenya inay feejignaan yeeshaan

Xabi Alonso: Saaxiibo ma nihin aniga iyo Cristiano Ronaldo.

0

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Xabi Alonso ayaa meesha ka saaray inuu saaxiib la yahay Cristiano Ronaldo laakiin wuxuu sheegay inay xushmad ka dhexeyso labadooda.

Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka ayaa la isla dhex maraayey wararka soo jeedinaya inaysan ciyaryahanada Madrid saaxiibo dhow aheyn ka dib markii uu Ronaldo sheegay inuu ku murgayo kooxda.

Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe Liverpool ayaa noqonaaya kii ugu dambeeyey ee sheega inuusan xiriir banaanka ah kala dhexeyn xidigii hore ee Manchester United.

“Isaga iyo aniga waxaa naga dhexeeya wanaag iyo xushmad dhanka shaqada ah,” ayuu u sheegau ETB.

“Sida cad qof walba oo kooxda ka tirsan ma ahan saaxiibkeyga dhabta ah marka la joogo banaanka garoonka wax xiriir ah nagama dhexeeyo. Laakiin marka lagu jiro qolka lebiska, waan is fahamnaa. Cristiano ma ahan qof ismuumuujin badan.”

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Dagaal ciidamada DF dhexdooda ah oo ka qarxay Muqdisho.

0

Iska hor Imaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Degmada Dherkenley ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka Ciidamada Dowlada u dhaxeeyaya ayaa waxaa uu ka dhacay goordhow Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dherkenley kaas oo salka ku haya Arimo la xiriir Guri.

Shalay iyo Maanta ayaa ciidamada waxaa ay isku haystaan guri kuyaala Dherkenley waxaana dagaalka maanta ku dhintay Labo ruux.

Dhaawaca ka dhashay dagaalka ayaa waxaa uu isagana gaarayaa ilaa Sadax ruux oo labo Askarta dagaalay ah halka mid kalana uu ahaa qof shacab.

Dad ku sugan Xaafada dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegaya in saakay xaalada ay fiicnayd balse maanta dib ay ciidamada ay u dagaaleen waxaana jira waan waan lagu kala qaadayo ciidamada is haya.

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

0

Iyadoo uusan weli furmin suuqa kala iibsiga ciyaartoydu waxaa jira warar aan dhamaan maalin, walba kuwaas oo ah in koox walba ciyaaryahan lagu xanto inay soo iibsaneyso marka uu suuqu furmo.

Si kastaba, maalin walba 1:30 PM Caasimada Online waxay idiin balan qaadeysa inay idiin soo gudbiso wararka xanta ah oo ay suuqa ka qoraan saxaafada England.

Marka la gaaro 1da bisha Janaayo hadii Allah idmo waxaa inoo bilaan doona wararkii ay wargeysyada Yurub, laakiin inta ka horeysa waxan idinka haqab tireynaa wararka xanta ah.

Aan ku bilowno.

Manchester City ayaa ku biirtay xiisaha loo qabo saxiixa ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha, Sky Blue ayaana isku diyaarineysa inay dalab 15 milyan oo ginni ah u dirto, iyadoo kooxdiisa aman loogu celinaayo marka uu is afgaradku dhaco (The Sun)

Arsenal ayaa hugaanka u heysa xiisaha loo qabo saxiixa weeraryahanka kooxda Schalke iyo xulka Holland Klaas Jan Huntelaar, oo 29 jir ah, sida laga soo xigtay weeraryahankii hore ee xulka Netherlands Erik Meijer. (Metro)

Everton ayaa ku dhow inay hesho ciyaaryahanka daafaca uga ciyaara kooxda Molde  Vegard Forren ka dib markii uu si shaqsi ah usoo daawaday tababare David Moyes (VG: Norway)

Ciyaaryahanka ku jira under-21-ka dalka England Thomas Ince ayaa madaxiisa lagu xiri karaa 10 milyan oo ginni bisha Janaayo, iyadoo ay Tottenham kusoo biirtay kooxaha doonaya (The Sun)

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa qorsheynaya inuu bisha Janaayo ka baxdo baahida weerarka ka heysa kooxdiisa iyadoo dalabyo u dirayo weeraryahanka Atletico Madrid Rademel Falcao, oo 26 jir ah, ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Porto James Rodriguez, oo 21 jir ah  iyo 25 jirka Napoli weerarka uga ciyaara Edinson Cavani (Evening Standard)

Tottenham ayaa u muuqata inay ku guul darreysatay dalabkii labaad oo ay u dirto 22 jirka kooxda Rome qadka dhexe uga ciyaara Miralem Pjanic. (Daily Mirror)

Aston Villa ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato 19 jirka daafaca dambeedka bidix uga ciyaara kooxda Fiorentina Massadio Haidara. (talkSPORT)

Ma jeceshahay inaad maalin walba ogaato wararka xanta ah ee la isla dhex maraayo suuqa kala iibsiga, hadii jawaabtaadu haa tahay maalin walba kala soco www.caasimada.net

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Wojciech Szczesny: Arsenal sanadkaan wey qaadeysaa UCL.

0

Wojciech Szczesny ayaa rajo ka qaba in Arsenal ay ku guuleysan karto koobka Kooxaha Yurub ee Champions League sidii ay Chelsea sameysay bishii May.

Goolhayaha reer Poland ayaa weli ku maqan dhaawac canqawga ah, wuxuuna sheegay in kooxdiisu ay u baahan tahay inay sameeyaan sidii Blues, maadaama ay horyalkana heer hoose waqtigaan ku jiraan, xilli ay Chelsea ku dhameysatay sanadkaas kaalinta lixaad.

Kooxda Arsene Wenger ayaa 2-0 ku dubatay Montpellier waxayna u gudubtay wareega 16ka.

“Waxaad qeyb uga tahay tartanka keliya waa inaad dareensan tahay inaad ku guuleysato, miyaadan u heysan? Laakiin waxaa jira kooxo kale oo cajiib ah kuwaas oo inta badan xaogooda la xijinayo Koobka laakiin waxaan koobkaan ugu jirnaa waa inaan ku guuleysano,” ayuu yiri Szczesny sida uu qoray wargeyska The Sun.

“Chelsea waxay aheyd koox cajiib ah kuma aysan fiicneyn dhanka Premier League. Waxaan rajo ka qabaa inaan sameyno wixii ay sameeyeen sanadkii hore laakiin sidoo kale waa inaan dhanka Horyaalkana ku fiicnaanaa.

Goolhaye Szczesny, oo 22 jir ah, ayaa keliya saftay kulankiisii shanaad ee sanadkaan waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka berri ee Aston Villa ka dib markii uu dhaawac kasoo kabsaday.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Liverpool oo isha ku heysa Tom Ince iyo Daniel Sturridge.

0

Liverpool ayaa rajo ka qabta inay 6 milyan oo ginni kusoo afjarto hesiiska xidiga kooxda Blackpool Tom Ince, waxayna markaas milicsan doontaa inay kusoo darto xidiga kooxda Chelsea Daniel Sturridge oo ay ku dooneyso lacag ka badan 12 milyan oo ginni.

Ciyaaryahanka ay Arsenal diidan tahay inay iibiso Janaayo Theo Walcott ayaana Reds qorshaha ugu jira, iyadoo aan weli wax wada xaajood ah laga gelin qandaraaskiisa, waxaana macquul ah inay sugaan soo dhaqaajistiisa ilaa xagaaga, inta badan ciyaaryahanka uma imaan wax dalab ah, balse waxaa la rumeysan yahay inay isha ku hayaan Juventus, Chelsea iyo Manchester City.

Ince, oo 20 jir ah, ayaa Liverpool looga qaatay 250 kun oo ginni bishii August ee sanadii hore xilli qandaraaskiisa 18 bilood ka harsaneyd. Wuxuuna soo jiitay xiisaha kooxo kale balse Liverpool ayaa diyaar u ah inay kusoo iibsato qiimaha lagu doonayo.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Garsoore Mark Clattenburg oo lagu waayey eedeymihii Chelsea.

0

Garsoore Mark Clattenburg ayaan laga qaadi doonin talaabo dhinaca Dishibiliinka ah ka dib markii lagu waayey dambi ah inuu hadalo aan habooneyn u adeegsaday ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea John Obi Mikel.

Warbixin ay soo saareen xiriirka Kubada cagta Ingiriiska FA ayaa u qorneyd sida tan: “FA-ga waxay soo gabagabeeyay baaritaankii la xiriiray eedeymihii loo heysto garsoore Mark Clattenburg intii ay socotay ciyaartii Chelsea iyo Manchester United ee 28kii October.

“Wax talaabo ah lagama qaadi doono Mr Clattenburg.”

Chelsea ayaa horaan Clattenburg ugu eedeysay inuu hadalo aan habooneyn ku yiri Mikel taasoo lagu sheegay inay aheyd “Aamus Daanyeeryahow” kulankii ay guul darro 3-2 ah kala kulmeen Red Devils.

Dhanka kale Mikel ayaa taas bedelkeeda waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inuu isticmaalay hadalo aan habooneyn oo hanjabaad ah iyo sidoo kale inuu aflagaadeeyey garsooraha ka dib ciyaartii Man United.

Ururka ay ku mideysan yihiin Garsoorahaasha Ingiriiska xoghayahooda Alan Leighton ayaana Chelsea ugu baaqay inay Raali gelin buuxda siiso Garsoore Mark Clattenburg.

“Garsoore Mark Clattenburg wuxuu u qalmaa in raali gelin buuxda ay Chelsea siiyo. Sidoo kale wuxuu u qalmaa in la siiyo qarashkii uu waayey mudadaas, sharaftiisii looga ciyaaray iyo murugadii uu ay geliyeen.” Ayaa ku qorneyd warbixin uu soo saaray xoghayuhu.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Muqdisho: Askar shacabka dhibtay oo sharciga la marsiiyay.

0

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan waxaa uu ku rideen Askar ka tirsan Dowlada oo eedaysanayaal ah.

Askartaan ay Maxkamada Xukuntay ayaa waxaa lagu eedeeyay falal burcadnimo ah oo ay hantidooda kaga dhaceen dad shacab ah.

Tirada Askar ee Xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa ay gaarayaan tiradooda Shan ruux oo sida ay u kala dambi waa wayn yihiin loo kala saaray.

Labo kamid ah shantooda waxaa lagu xukumay Labo Sano oo xarig ah halka labo kale lagu xukumay shan Sano halka Kanshanaadna la siidayay markii dambi lagu waayay.

Xukunka Askarta Dowlada ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka shalanbood ee gobolka shabelelaha hoose oo dhaca ugu badan ay ciidanka dowlada  ka  gaystaan.

FAL-CELIN: Maxaa iga qeylisiiyay?

0

Waxaan dhawaan qoray maqaal kusoo baxay boga caanka ah ee Caasimada.com kaas oo ahaa fariin ku socota madaxweynaha Somalia, dawlada cusub iyo shacabkaba. Qoraalkaas ayaa waxa ay dad badan ka bixiyeen fikrado kala duwan oo uu qofba dhinac la aaday. Markaas waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago arin igu dhacday oo markii hore anaan rabin in aan cidna u sheego.

Arintani waxay laxiriitaa riyo aan ku riyooday habayn aan sii fogayn oo aan seexday sababta anan markii hore u rabin in aan sheego waxaa weeye, waxaa jira xadiis Nabiga (SCWS) oo dhahaya “Riyada fiican Allaah ayay ka timid markii aad aragto, riyadaada ha u sheegin ilaa dadkii aad jeceshahay mooyaane, laakiin markii aad aragto wax aad necbaysato ilaah ka magangal shaydaanka dayrada ah xumaantiisa, sadex jeer wax tuf, cidna ha usheegin run aahaantii waxba kuu dhimi mayso” waxaa wariyay Bukhaari (buuga fasiraadaha, bogiisa 65220) sababtoo ah dadka qaarkood waa xaasidiin. Waad ogtihiin sheekadii nabi yusuf calayhi salaam iyo in uu aabihiis nabi yacquub calayhi salaam uga sheekeeyay riyo uu arkay isaga oo leh “Abbow waxaan riyo ku arkay kow iyo toban xidigood, dayaxa iyo qoraxda iyagoo ii sujuudaya” (sarut yusuf) yacquub wuxuu wiilkiisa kula taliyay in uusan riyadiisa u sheegin walaalihiis baqdin uu qabay in uu shaydaan wax ku tuuro oo masayr dartiis ay yusuf dabin u dhigaan. Riyadu markaaas ma’ahan wax qofkastaba loo sheego, laakiin waxaa jirta Riyo, katimid shaydaan, riyo katimid nafta iyo mida katimaata xaga Allah.

Dhowr sano ka hor ayaa aniga oon tan iyo caruurnimadaydii riyo xusuus mudan ku riyoonin ayaa halmar waxaa igusoo booday riyooyin isdaba jooog ah oo ku saabsan arimo culculus kana duwan riyooyinkii caruurnimada oo marka aan soo tooso aan waxwalba si cad cad u xusuusnahay. Markaas ayaan bilaabay in aan akhristo bugaagta islaamiga ah ee ka hadlaya riyooninka iyo sida loo fasiro, waxaana ogaaday ugu dambayntii fasiraada riyooyinku in ay tahay cilmi uu ilaahay bixiyo oo aan buug la akhriyay oo kaliya laga baran Karin.

Riyooyinkaygii waysii socdeen si isdaba jooga ah, markaas ayaan ilaahay baryay aniga oo waydiistay in uu I baro fasiraada riyooyinka. Idiin faani maayo oo idin dhihi maayo allaha waa i baray, laakiinse waxaa rumoobay riyooyin badan oo aan ku riyooday. Waxaana kamid ah in wakhti sii horeeyay ay ilasoo gudboonaatay xaalad adag oo aan u baahday talo sax oo aan uga boxo xaaladaas taladaas oo aan ogaaday ilaahay mooyee in qofkale aanan kaheli Karin. Habayn walba waxaan akhristaa quraan, iyo aayatul kursiga inta aanan sexanin ka hor. Habaynkii dambe ayaan waxaan Allah ka baryay in uu talada aan u baahanahay ee saxda ah uu igu tuso riyo kadibna waan seexday waxaana arkay riyo, laakiin si aan ufasiro ayaan garan waayay.

Habayn kale ayaan hadana waxaygii akhristay markaas ayaan hadana Allah baryay baryadaydiina waxaa ka mid ahaa kalmadahan “Ilaahow waan ku baryay waxaana arkay riyo laakiin malihi xigmadii aan ku fasiri lahaa ilaahow waxaad I tustaa riyo cad waxaadna isiisaa xigmadii aan ku fahmi lahaa” kalmad kalmad uma xasuusto laakiin macnaha ducadayda intaas ayaa ugu muhiimsanaa kadibana waan seexday. Habaykaas riyadii aan ku riyooday waligay intaan noolahay uma malaynayo in aan iloobi doona waxaana ka fahmay fasiraad cad oo anoo macneheeda ku qanacsan ayaan soo toosay. Taladii ay xambaarsanayd allah wuu I waafajiyay waxaana aaminsanahay in aan dhibaato weyn uga badbaaday. Waxaa jira kuwo kale oo kasii yaab badan laakiin majecli in aan wada sheego waxana u gudbayaa midii aan horay idiinku Balkan qaaday.

Habayn aan sii fogayn ayaan seexday markaas ayaan riyooday waxaan ku riyooday inaga oo daawanaya madax tooyada Somalia oo la dhisayo, waxaan arkay iyada oo saqafka (roof-ka) kore ee guriga laga dhigayo caws qalalan ana waxaan islahaa maa laga dhigo dhagax. iniga oo isla riyaadii ku jira ayaa waxaa igusoo dhacday cawskaas oo u dabqabsday kadibna uu gurigii gubtay, madhicin arintaasi laakiin way igu soo dhacday markaas ayaan ka xumaaday arintii markaas ayaan dadkii wax dhisayay xagoodii u dhaqaaqay waxaana si aan gabasho lahayn u dalbaday in guriga Villa Somalia laga badalo cawska oo saqafkiisa laga dhiga dhagax, dadkii oo ilayaaban oo I fiir fiirinaya ayaa si dagdag ah ugu dhaqaaqay amarkaygii, laakin waxaan arkay iyaga oo dhagxaantii, si khaldan u safaya oo taag taagaya meeshii ay seexseexin lahaayeen sida layeelo marka saqafka ama roofka kore ee guriga la daboolayo. Markaas ayaan fuundiyaashii guriga dhisayay shaqadooda gacanta lagalay aniga oo bilaabay in aan dhagxaantii sida loogu talo galay isku dayaya in aan seexseexiyo, dadka meesh tuurnaa oo dhan waxay daawanayeen aniga oo shqadii fulinaya. Sidaasna uu gurigii Villa Somalia ku noqday guri wada dhagax ah oo qurux badan. Kadib waan soo toosay riyadaydii waxba kamasoo qaadin oo hawlahayga ayaan isaga mashquulay.

Habaynkii dambe ayaan hadana seexday; markale ayaan hadana riyooday waxaan ku riyooday aniga oo jooga madaxtooyada ama meel udhaw oo xarun dawladeed ah, waxaa halkaas joogay dad xooga ah waxaana kamid ahaa madaxweynaha Somalia oo wata boorso kuwa gacanta ee faylasha lagu qaato ah, boorsadii ayuu furay wuxuuna soo bixiyay warqad wuxuuna sheegay “tani waa khudbadaydii oo aan ugu talo galay in aan shacabka u jeediyo ila fiiriya oo talo iga siiya ma idinla fiicantahaya?” riyadii ayaan wali ku jiraa dad badan ayaa usoo dhawaday warqadii ayay fiir fiiriyeen waxbay sheeg sheegeen aanan maqlayn anigu wax talo ah oo ay sheegeena ma aanan maqal, markii dambe madaxweynihii kaligiis ayuu kursi isaga fariistay isaga oo buursadii intuu jiinyeer ku xiray dhabta saartay bilaabayna in uu fakaro, markaas ayaan waxaan damcay in aan intaan u tago oon lafiiriyo warqada aan talo kasiiyo. laakiin waan ku dhiiran waayay waxaan ka cabsaday in uu I dhoho yaatahay? Yaa ku yaqaan?, yaa ku keenay meeshan? Ama wax noocasa oo aan garan waayo si aan uga jawaabo. Markii dambe wuu iska tagay. Markaan soo toosay ayaa waxaa dib iigu soo noolaatay riyadii habaynkii hore waxaana ii soo baxday in lagaba yaabo in riyooyinkani ay xag ilaahay ka socdaan.

Riyadii hore ee Villa Somalia markii hore sii aan u fasiro mahubin laakinse waxan cadaystay markaan tan dambe arkay, waxaan ku fasiray riyada dambe in madaxweynaha Somalia uu u baahan yahay talo sax ah oo ku saabsan siyaasada dalka ilaa hadana uusin helin, lagana yaabo sababta uu ilaahay ii tusayo in ay tahay in aan ku dhiirado in aan lataliyo.

Tii hore ee guriga villa Somalia cayska lagu daboolayayna waxaan u fasirtay in talada lagu dhisayo gurigaas ay tahay mid nugul oo sida cawska dabku uu uleefo ay siyaasada wareersan ee Somalia u leefi karto, taladii aan bixiyay ee ahayd in dhagax laga dhisana ay tahay talo adag oo waari karta, dadka ila yaabanaa ee indhaha igu taagayna ay yihiin lataliyayaasha madaxtooyada iyo dowlada. Markii aan sidaas u fasirtay labdii riyo ee isdaba socotay ayaan is waydiiyay bal talada aan madaxweynaha iyo dawlada Somalia ku kordhin karo maxa y noqon kartaa?, mudo ayaan fakarayay waxaana kaloo ka fakarayay bal meesha aan taladaas u marin karo dawlada iyo madax weynaha. Meelkale oo aan ka gaaro anigu ma aqaan hadii aan aqoon lahaa si private ama qarsoodi ah ayaan ugu diri lahaa laakiinse xiligan isaga ah saxaafada meel aan ahayn oon u marin karo ma aqaan. Talooyin badan ayaa igusoo dhacday tii ugu horasay waan soo gudbiyay waxayna ku saabsantahay arinta Jubooyinka, madaxtooyada iyo siyaasada. laakiin intii ugu muhiimsanayd wali waan soo wadaa.

Waxaan jeclaan lahaa dadka somaaliyeed iyo madaxda dalkuba in ay ila fiiryaan talooyinkan bal in ay leeyihiin wax waanaag ah oo laga fii’iidi karo. Waxaan oo dhan waxaan idiinku shegayaa in aan idin dareensiiyo in waxa aan soo qorayo in aysan sinaba uga qayb ahayn kooxa kooxaysiga ka socda Somalia, qof ku xumayn ama dano kale oo qarsoon laakiinse aan maskaxda ku hayo oo kaliya wadankeena oo hagaaga, dadkeena oo heshiiya, iyo in aynu dhisano guri maguuraana oo dhagax ah oo ay inaga dhaxlaan jiilalka soo socda intii aan dhisan lahayn kuriga cawska ka samaysan oo barri markii dhimbilo yar taabtaan guban doona, sida aan uga baqay in riyadaydu ay ka digayso.

Hadiiba ay fariintano si uun u gaarto madaxweynaha, waxaan leeyahay ha ka xumaanin qoraaladayda, hana kuu noqdaan dhiiri galin, madaxweyne dadkiis la tashanaya waa calaamad aad u fiican, talada fiicana ilaah ha ku waafajiyo. Waxaadna ogaataa “NIN XILQAADAY EED QAAD” marka in lagu eedayn doono shaki kuma jiro laakiin wixiii sax ah same nina ha, ka qaadanin wax Alle hortiisa aadan waji uga helaynin.

Dadka kale waxaan u sheegayaa, Villa Somalia waa meesha looga taliyo Somalia hadii aad rabtaan in ay noqoto hoy barwaaqo ah oo khayr iyo cadaalad laga dheefo waa in aad ka hartaan wax walba oo xumaan ah, kala qaybin ah, xaasidnimo ah, oo aad quluubtiina nadiifisaan. Anigu maanta intaan ayaan awoodaa, maalintii kabadan aan awoodana waan ku tashanayaa, qofwalba waa in uu is xilqaamaa, qofwalba waxbaa ilaah u fududeeyay, qofwalba wixii u fudud oo wanaag ah ha sameeyo, xumaantana ha diido sidaas ayaan ku helaynaa wax walba oo fiican. Waxaan rajaynayaa in aad akhrisan doontaan qoraaladayda dambe hadii alle idmo, Ilaahbaa mahad iskaleh, waxaana idiin rajaynayaa in alaahay riyooyinkiina aduun iyo aakhirab rumeeyo anigana intaas iigu soo duceeya, Dalkeena, madaxdiisa iyo madaxtooyadiisa in ilaah barakeeyana usoo duceeya.

W/Q: Cabdi Cabdulahi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gar tahay qoraaga ku saxiixan

Jaceylkii Baadiyo Beled miyuu I biday.? (Sheeko xiiso badan)

0

Waxaan halkaan aqristeyaasheena sharafta leh ugu soo gudbineynaa qiso jaceyl oo ku dhacay gabar kala dooran weysay nin ay jeceshahay iyo nin iyada Jecel deetana baadiyo kasoo hayaantay ee magaalo usoo babac dhigay qiso xun ayaana ka raacday gabadhaas.

Hadaba inagoo jecel inaan aqristeyaasheena ka haqab tirno baahidooda ay bulsho ahaan qabaan, hadana waxaan fileynaa inay sheekadaani qeybo ka mid ah idin xiiso gelin doonto.

Habeen walba oo khamiis ah Jimcana oo geleyso ayaan idiin soo gudbin doonaa qeybaha sheekadaan.

Sheekadu waxay ka bilaabaneysaa gabar la yiraa ‘Safiya’ ayaa waxaa soo doontay wiil la yiraa ‘Jaamac’ reerkoodu waxay deganaayeen baadiyo, xiligaas waxaa inta badan soomaalidu u badneyd in gabadha wiilkii soo doonta la siiyo ama loo diido.

Gabadhu waxay aheyd 21 jir markaas noqotay Inan jigjigatay, waxaana soo doontay Jaamac oo ahaa wiil cidiisu xoolo badan leedahay isna 28 jir ah.

Jaamc gabadhaan wuxuu ku doortay inay tahay gabar qurxoon aadna u dhaqan badan, wuxuuna doonayey inuu ka geeyo Shan Halaad oo Geel ah, 14 Ari ah, Shan Qaalmood oo Lo’a ah iyo Qori, waana laga aqbalay Jaamac, balse taasi waxay aheyd mid lidi ku ah Safiya oo aan dooneyn inay guursato wiilkaan oo xoogaa ahaa nin aan qurux badneyn.

Aabaheed Maxamed ayaa si sir ah ugu sheegay Jaamac inaysan gabadhu dhiniciisa usoo janjeerin, uuna haasaawe la sameeyo, si uu usoo jiito iyana ay u helaan maalkaan maadaama cidiisu ay aheyd cid qani ah.

Haasaawe la sameey maag, laakiin waa ku fashilmay iyadoo ay Safiya ku tiri “Hadii aad mar dambe isoo raacdo ogoow wax fiican igalama kulmi doontid.”

Haasaawe halkaas ayuu ku idlaaday gabadhiina ninkii diiday balse isagu waxaas uma jeedo oo wuxuu leeyahay: “Nin geel leh gabar ma waayo.” Fildarro ayaase lagu diidayaa geliisa badan oo uu yardaha u wado.

Subax iyadoo aroortii ah xilli uu lisay Halo isku sidkan ayuu arkay Jaamac, Safiya oo inta Labeen ay xalay dhigatay kusoo subkatay aad u moodo cadceed soo iftiimeysa, joogna Allah waa ku maneystay, Jaamac wuxuu is yiri: “Malaha tan lagamaba hari karo, waaba Halo gaagixis.”

Markaasbuu inta is yiri gabadha xoogaa beer laxawso ayuu ku yiri: “Safiya Toobtahaas caanaha ka cab.” Balse loogama jawaab bixin oo inta lasoo eegay ayaa la yiri: “Toobte caano kuma cabo.” Ina Maxamed ayaan ahay, mar dambe ha ila hadlin.” Ayaana dhegihiisa la maqashiiyey.

Jaamac xaalku ku xumaa, meel uu wax geeyo ma lahan beer-laxawsi iyo Haasaawe midna laga diid, mar kale ayuu ku laabtay oday Maxamed oo aan rabin isna inuu gabadha qasab ku siiyo, meelna ay uga muuqato maal usoo carfaya.

Wuxuu ku yiri isagoo dacwo ah waxna soo dhacsan waayey: “Adeer gabadhii Haasaawe iskaba dhaafe xittaa Toobte caano ka cab waa iga diiday.”

Maxamed jawaabta kuma wareerina wuxuu yiri: “Naagna waa soor ragna waa sad bixiye, ee gabadha meel kusoo ogoow.”

Ahkristeyaal halkaas ha inoo joogto qeybtii koowaad ee sheekadii la magac baxday Jaceylkii baadiyo beled miyuu I biday?

Waxaa qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

http://www.facebook.com/ahmedfarahsalaad.jaangoan


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60