25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Villa Somalia oo xog cusub ka bixisay shirka amniga Soomaaliya ee New York

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib-u-dhiska ciidamada iyo howl-gallada xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu u guddoomiyo shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Midowga Afrika, waxaana lagu hadlayaa arrimaha ugu muhiimsan ee amniga dalka.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin oo faah-faahin ka bixiyey shirkaan ayaa waxa uu sheegay in saaxiibada caalamiga ah ay Soomaaliya ka aqbaleen in ay ka jawaaban baahiyaha dalka ka jira iyo dhaqaalaha ku filan in wax looga qabto.

“Waxaanu ogaanay baahiyaha dalka ka jira iyo dhaqaalaha ku filan in wax looga qabto, dalalka saaxiibada ahna waxa ay aqbaleen inay si degdeg ah uga soo jawaabaan baahiyahaas,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Shirkaan ayaa waxaa si gaar ah loogu dul istaagi doono ajandeyaal ay kamid yihiin;

1- Horumarka iyo caqabadaha ka jira laamaha amniga Soomaaliya.

2- Qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya.

3- Taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ee amniga iyo horumarka.

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhankeeda ay u soo bandhigaan baahiyaha amni ee dalka ka jira, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan natiijada kulankaan ka soo bixi doonta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka, waxaana soo socda guulo kale oo waaweyn oo deyn cafinta ay ku jirto.

Sanadkaan inta uusan dhamaan, gaar ahaan maalmaha soo aadan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya uu caalamku ka cafiyo deymihii uu ku yeeshay waayihii burburka.

SOOMAALIYA oo fagaare caalami ah si xooggan uga hadashay xaaladda GAZA

0

Doha (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa xaaladda ka taagan Marinka Gaza uga hadashay shirweyne caalami ah oo ka socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ku sugan dalka Qatar ayaa khudbad uu ka jeediyey Madasha DOHA, ayaa waxa uu ka sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Falastiin.

Huruuse oo ka hadlay xaaladda Gaza ayaa waxa uu tilmaamay in lama huraan tahay in mudnaanta la siiyo daryeelka aadanaha ee arrimaha caalamiga ah, xilli Israel ay gumad ba’an ka geysatay Marinka Gaza.

Mudane Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in dublamaasiyadda bini’aadantinimo ay fure u tahay kobcinta wada-hadalka iyo xaqiijinta bixinta gargaar wax ku ool ah iyada oo ay jiraan xasarado kala duwan oo caalami ah.

“Waxay noqonaysaa lama huraan ummaduhu in ay wanaaga dadka ka hor mariyaan wax kasta, hadday tahay dhibanayaasha iskahorimaadyada magaalooyinka, kuwa ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, ama qaxootiga aan la tirin karin iyo dadka gudaha ku nool ee adduunka oo dhan,” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse.

Horaantii bishii hore, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israel ee ka dhanka ah Gaza, shirka waddamada Islaamka oo ka dhacay Sacuudiga.

In Soomaaliya si walba oo ay dagaallo iyo dhibaatooyin u hayaan in aanay marnaba ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin, ayuu sidoo kale sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda caalamka ayaa baddi si weyn u cambaareeyay xasuuqa ka socda magaalada Gaza, laakiin Israel taas waxba kama beddelin, waxayna weli sii wada dhibaatada joogtada ah ee ay ka geysaneyso Gaza.

Duulaankaan lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ayaa meel cidlo ah soo istaajiyay sheegashadii dalalka Reer Galbeedka ee ilaaalinta xuquuqda aadanaha.

Aqriso: Warqad sir ah oo uu Maxamed Siyaad Barre qoray kahor geeridiisa oo la helay

0

London (Caasimada Online) – Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan baaritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu keydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).

Waxaan daba-joogay dhammeystirka daraasad ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatameeyadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.

Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan jiray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.

Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Oktoobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban saddex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo diray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.

Warqaddu waxay ku billaabatay qoraal yar oo cover ah, oo gaaban, oo ay Canab Maxamed Siyaad Barre, oo uu dhalay Maxamed Siyaad, ay ku sharraxeyso waxa ay tahay warqadda aabbaheed.

Sida muuqata, safaaradda Ingiriiska ee Kenya ku taalla waxay warqadda ka heshay Canab lafteeda, oo diblomaasiyiin ajnabi ah ku guddoonsiisay Hoteel PanAfric ee magaalada Nairobi, oo markaas ay address ka dhigatay Canab, sheegtayna in P. O. Box-keedu uu yahay 244144, mana sheegin qolka ay ka deggan tahay hoteelka. Taariikhda ay cover-ka ku qortay waa 19-ka bisha Oktoobar 1992.

Canab waxa ay ku billowday cover-keeda in warqadda Maxamed Siyaad Barre ay tahay ‘Warqad Nabadeed’ (Letter of Peace).

Waxa ay tiri: ‘Waxa aan idinku wargelinayaa dadaalka joogtada ah ee Mudane Maxamed Siyaad Barre ee ah in nabad iyo xasilooni lagu soo celiyo Soomaaliya, sidaas awgeed waxaa halkan ku lifaaqan warqadda soo socota, oo ah mid iyadu is sharraxaysa, oo ah farriin nabadeed oo ku socota dhammaan hoggaamiyeyasha dhaqanka Soomaaliyeed, kana timid Mudane Maxamed Siyaad Barre, oo kula talinaya inay saacidaan dadaalka gargaarka iyo nabadda ee ay waddo Qaramada Midoobay iyo inay xal-waara u raadiyaan mushkiladda maanta haysata Soomaalida si loo ilaaliyo ummad-nimadooda’.

Meesha u dambeysa ee cover-ka waxa ay Canab ku sheegatay inay tahay Ergay Gaar ah, oo ka wakiil ah Maxamed Siyaad Barre, mana aysan ku sheegin wax title ah oo uu leeyahay aabbaheed, kaddibna magaceeda ayay ku saxiixday. Waxaa hoos ku sii taalla stamp ay ku dhufatay safaaradda Ingiriiska ee Kenya, oo taariikhdeedu tahay 26-ka Oktoobar 1992, oo u muuqata inay tahay maalintii ay sida rasmiga ahayd warqadda u guddoomeen.

Bogga koowaad ee Warqadda Maxamed Siyaad, waxaa ku taalla stamp-da Madaxtooyada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waxayna ku taariikheysan tahay 15-ka bisha September 1992, magaalada ku qoran-na waa Lagos, dalka Nigeria.

Wuxuu ku billaabay: ‘Waxaan jeclaan lahaa inaan kaga faa’iideysto fursaddaan inaan idin soo gaarsiiyo salaanteyda, si sharaf iyo xurmo ay ku dheehan tahay.

Farriinteydu waxay idiin siddaa warbixin iyo talooyin ku saabsan xalka arrimaheenna gudaha, waxaana la socda baaq ku wajahan dhammaan xoogagga ka ciyaari kara door wanaagsan hannaanka nabadda ee Soomaaliya’.

Arartaas kaddib wuxuu yiri: ‘Muwaadiniinta dalkeygow, labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan marqaati ka ahayn burburka qiyamkii taariikhiga ahaa iyo hiddihii dhaqanka ee jiilasha mustaqbalka’.

Halkaas markuu marayo, hal mar ayuu gadaal u noqday, wuxuuna yiri ‘waxaa muhiim ah in la xuso dagaalkii aan la galnay qabyaaladda waqtigii la soo dhaafay’.

Wuu sii watay, wuxuuna xusay in markii taliskiisu ay duugayeen qabyaaladda aysan ka soo horjeedin dhaqankii jilibyada ee Soomaaliya, laakiin ay ka soo horjeedeen ‘canaasiir’, sida uu yiri, ‘ku howlan naftooda oo isticmaalaya qabyaalad iyagoo u daneynaya danahooda shaqsiga ah’.

Wuxuu intaas ku sii daray ‘faham la’aanta dadka caadiga ah aysan ku kala saari karin kuwaas ayaa keentay inay taageeraan kuwa loogu yeero qabqablayaasha dagaalka, oo ku keenay ummadda Soomaaliyeed inay kufto, iyagoo dadka u kala qaybiyey qabiillo iyo jufooyin, kana barakiciyey waqooyi iyo koonfur’.

Bogga koowaad, wuxuu ku soo gunaanaday in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo ururrada bini’aadamnimada ay muddo dheer ku howlanaayeen ‘inay badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee uu sameeyey dagaalka sokeeye, una fidiyaan caawimaad ka kooban cunno, daawo iyo dhaqaatiir’, taasoo keentay inay qaarkood ku waayaan naftooda, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Bogga labaad, wuxuu ku billowday inuu ka warbixiyo in kaddib markii amnigooda la geliyey qatar in bulshada caalamka ay go’aansaday laba arrimood: (1) Inay joojiyaan wixii caawimaad ah, illaa xabbad-xoojin lagu heshiinayo, ama (2) Inay cunnada sii qaybiyaan, kana badbaadiyaan dadka baahida iyo xabbadaha, ayna dadaal kasta ku bixiyaan in la joojiyo dagaalka iyo qalalaasaha.

Isaga oo mar walba qoraalkiisa dhex-taal uga dhigaya ‘muwaadiiinta dalkeygow’ ayuu bogaadiyey Xoghayihii xilligaas ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali iyo magacaabista uu Maxamed Saxnuun u magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya, si uu uga caawiyo Xoghayaha Guud arrimaha la xiriira xal nabadeed oo loo helo khilaafka ka taagan Soomaaliya.

Maxamed Siyaad Barre, wuxuu kaloo bogaadiyey dalka Mareykanka, oo ciidan u soo diraya xeebaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan howlgallada Qaramada Midoobay.

Wuxuu yiri ‘uma aragno tallaabadaas inay tahay caqabad, laakiin waa xoog caawimaad oo gacan ka geysanaya nabadda dalkeenna’. Si kastaba, wuxuu sheegay inuu welwelka uu qabo la qeybsaday dalal uu ku sheegay ‘wadammada saaxiibbada ah’, sida Mareykanka, wadammada Yurub, wadammada Afrika iyo wadammada Carabta, qaasatan Sacuudiga, uuna ka codsaday inay caawimaad baaxad leh (massive assistance) u fidiyaan dad ka kooban hal milyan iyo bar, oo u baahan caawimaad degdeg ah oo dhanka cunnada iyo daryeelka, kuna sugan dalka gudihiisa iyo xuduudaha Kenya iyo Itoobiya.

Wuxuu yiri ‘waxaan wargeliyey dowladahaan inaysan ku dhex-wareerin arrimaha siyaasadda iyo si ay nabad uga sameeyaan Soomaaliya inay wada-shaqeyn la yeeshaan hoggaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta wanaagsan ee aaminsan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya’.

Wuu sii watay, wuxuuna sheegay inuu baaq (appeal) u diray Qaramada Midoobay in shuruudaha ciidan nabadeed loogu daabulayo Soomaaliya inaysan la mid noqon ‘xaaladdii aan ku sugneyn 1950-1960, oo ahayd maxmiyaddii Qaramada Midoobay’.

Bogga saddexaad, oo ah kan ugu dambeeya, wuxuu tilmaamay in si’ xaaladda Soomaaliya loogu soo afjaro waqti hore inuu u soo jeedinayo hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sida boqorrada, garaadada, malaaqyada, suldaannada, imaamyada, islaannada iyo wabarrada (ugaasyada kuma uusan soo darin), inay go’aansadaan inaysan wax dadaal ah la harin, ‘si loo dhaqan-geliyo hindisaha soo socda ee lagu hubinayo, laguna soo celiyo madax-bannaanidii iyo ummadnimadii’. Hindisaha uu u soo jeediyey kaaba-qabiillada, wuxuu ku billaabay:

1. In la taageero dadaallada nabadda ee Qaramada Midoobay, iyadoo la kaashanayo Ururka Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Ururka Yurub, iyadoo la aqoonsanayo in taasi ay tahay danaheenna.

2. In lagu dadaalo in la hagaajiyo amniga iyo xasiloonida garoomada iyo dekedaha, si loogu gogol-xaaro gaarsiinta qalabka gargaarka inuu gaaro dadkeenna macluulsan.

3. In la abuuro tallaabooyin kalsooni-dhisid ah oo u dhexeeya ‘dadka gobollada deriska ah’, si loo raadiyo soo-celinta nabadda iyo wada-hadalka iyadoo la isticmaalayo tallaabooyin ku jaango’an hababka dhaqanka.

4. In la diido, lagana fogaado isbahaysiga cusub ee aan barakada lahayn ee qaabkiisu yahay qabiilka.’

Intaas kaddib, wuxuu kula dardaarmay, ‘Muwaadiniinta dalkeygow, wiil ayaa ku dhinta dagaalka, kuma dhasho’. Wuxuu ku soo afjaray: ‘Waan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin’, kaddibna saxiixiisii ayuu ku duugay.

Midda xiisaha leh, waa in saxiixa kaddib uu qortay inuu yahay darajada ‘Madaxweyne’, iyadoo laba sano iyo bar ka hor xukunka xoog lagaga tuuray. Hase yeeshee, warqaddaan warqad ka dambeysay, oo laba bog ahayd, oo uu 10-kii bishii February 1993-kii u diray Madaxweynihii Mareykanka, lagana helay maktabadda keydka Bill Clinton, wuxuu ku saxiixay inuu yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Ingiriis
Jaamacadda King’s College London

Maxay ka dhigan tahay magacaabista WAARE ee IGAD, mase yahay qofkeedii?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Waare ayaa loo magacaabay ku-xigeenka xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Ururkaan oo la aas-aasay 1986-dii waxaa ku jiray siddeed waddan. Soomaaliya weligeed kama mid noqon madaxda sare ee ururkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo xileedkiisa hore raadiyay kursiga xoghayaha guud ee IGAD, waxaana markaas u rabay Xasan Cali Kheyre, oo markii dambe ra’iisul wasaare ka noqday Soomaaliya.

Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib usoo celiyay hanka ah in Soomaaliya ay qabato mid kamid ah boosaska sar-sare ee ururkaan, oo ay ku jiraan dalalka Jabuuti, Ethiopia, Eritrea, Sudan, Uganda, Kenya, Soomaaliya iyo South Sudan.

Duullaanka Xasan Sheekh wuxuu kusoo dhamaaday kalkaan in Soomaaliya la siiyo ku-xigeenka qofka ugu sarreeya ururkaan, ama booska labaad ee hoggaanka fulinta ururka IGAD.

Waare hadda waa ku-xigeenka Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha fullinta ee urur-goboleedka IGAD.

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya la siiyo booskaan, Waare-se ma yahay qofkeedii?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu muujiyay in Soomaaliya ay muhiim u tahay inay hesho kursigaan.

Xasan ayaa waxaa la sheegaya inuu aaminsan yahay in magacaabistan sare u qaadeyso miisaanka dalka ee heer gobol, inay ka caawineyso in si weyn looga faa’iideysto fursadaha dhex yaalla dalalka ku jira ururkaan iyo inay mustaqbalka dhow keeni karto in Soomaaliya ay qaadato hoggaanka ugu sarreeya ee urur-goboleedka IGAD.

Maxamed Cabdi Waare, hoggaamiyihii hore ee maamulka HirShabeelle oo waqti badan lasoo shaqeeyay hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, oo isagu booskaan ay dowladda Soomaaliya ku qortay ayaa waxaa loo arka nin faham badan ka haysta shaqada ururkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu bilihii ugu dambeeyay kala shaqeynayay arrimaha Xasillinta deegaanada laga saaray kooxaha argagixisada. Waxaana dadka qiimeynaya booskan weyn ee hadda loo magacaabay Waare ay muujinayaan rejo ku saabsan inuu Waare shaqo wax ku ool ah ka qaban karo urur-goboleedka IGAD, uuna si togan uga faa’iideyn karo Soomaaliya.

In Soomaaliya la siiyo kursiga labaad ee ugu sarreeya urur-goboleedka IGAD waxay kusoo aadeysa laba asbuuc kadib markii Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay ururka bulshada Bariga Afrika.

Dalka wuxuu u muuqda in markaan uu tallaabsanayo si qaan-gaadhnimo ah. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujinaya inuu ka leexday dhabihii madaxdii ka horreysay oo aheyd in waqtiga ugu badan ee dowladda lagu gubo ceyrsiga siyaasiyiinta gudaha.

Soomaaliya waxay sidoo kale hadda tartan ugu jirtaa inay hesho kursiga xubinta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya waxay hadda u baahan tahay inay si togan oo ilbaxnimo iyo caqli ku dhisan inay uga faa’iideysato kuraasta waaweyn ee ay ku fariisaneyso waqtigan iyo sidoo kale inay dunida tusto inay yihiin dad ay qalad aheyd in markii horeba la qadiyo.

Golaha Wasiirada Galmudug oo go’aan ka gaaray dhismaha dekedda Hobyo

0

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo maanta ka dhacay degmada Hobyo.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan amniga deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa warbixin ku saabsan hishiiska dowlad-goboleedka Galmudug iyo shirkadda maalgashiga dekedda Hobyo laga dhageystay Wasiirka Dekedaha.

Kaddib dood dheer golaha wasiirada maamulka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hishiiskaas.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa sharci muhiim ah loogu ansixiyay Wasaraadda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maalmo kahor booqday halka ay khubarada dhiseysa dekedda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso dekedda.

“Waxaan cabirnay oo asteynay dekeddii goobtii loo asteeyay, halka aan taaganahay waa meesha ay ka bilaabato calaamada ka baxsan magaalada ee dekeddii Hobyo ee dhismaheeda la bilaabayo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn maanta wixii ka dambeeya dhulkii hore loo deegaamayay.

“Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu markaas faray hay’adaha amniga maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga loo xil-saaray dhismaha dekedda Hobyo.

“Dhamaan hay’adaha amniga waxaa amar ku qabtaan in aad ilaalisaan oo dhowrtaan, ciddii soo gasha ama ku xad-gudubta sharciga lala tiigsado. Majirto hanti ama dhisme hore looga sameeyay oo laga bilaabo saacadan sharci ah.”

W/Q: Bashiir Baarbe

Xasan Sheekh oo ka degay New York iyo qorshaha safarkiisa oo la shaaciyey

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Dowladda ayaa dhawaan laga qaaday cunaqabateentii hubka, waxaana soo socda guulo kale oo waaweyn oo deyn cafinta ay ku jirto.

Sanadkaan inta uusan dhamaan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya uu caalamku ka cafiyo deymihii uu ku yeeshay waayihii burburka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka qeyb galo shirkaan looga hadlayo amniga Soomaaliya ee New York ka dhacaya ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona shirka deyn cafinta Soomaaliya.

Qareenada Agaasimayaashii Hay’adda Socdaalka oo soo saaray war culus (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qareenada u doodaya xubno ay ka mid yihiin Agaasimayaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi iyo Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa warqad ay u direen Agaasimaha hay’adda socdaalka uga dalbaday inuu ka  noqdo go’aan ka soo baxay xafiiskiisa.

Go’aankaas ayaa ahaa in Agaasimaha hadda jooga xafiiska uu xisaabiyaha guud ee dowladda ka dalbaday in mushaar joojin lagu sameeyo masuuliyiintaas iyo xubnaha kale oo ku eedeysan musuq, kana tirsan hey’adda.

Dalabka agaasimaha hey’adda Socdaalka ayaa soo baxay 23-kii bishii hore, waxaana sabab looga dhigay in xubnahaasi aysan wax shaqo ah u qaban hey’adda, sidaas darteed wuxuu agaasimuhu xisaabiyaha guud ka codsaday in mushaarka laga jaro.

Labada qareen ee warqadaan soo saaray ayaa kala ah Zakariye Ismaaciil Nuur iyo Cabdirisaaq Cumar Ibraahim, qoraalka ay soo saareen ayaa ka kooban 13 qodob.

Sidoo kale qareenadaan ayaa qoraalkooda ku cadeeyey in masuuliyiinta mushaarka laga joojiyey ay dacwad uga furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir.

“Ma jiro xeer kuu ogolaanaya inaad mushaarka ka joojiso ama shaqo ka eryid ku sameyso shaqaale ay dacwadoodu ka furan tahay maxkamad, weliba uusan kiiskooda xukun ka soo bixin,” ayaa lagu yiri qoraalka qareenada.

Sidoo kale saraakiisha mushaar joojinta lagu sameeyey waxaa qoraalka qareenada lagu cadeeyey inay ka mid yihiin shaqaalaha lagu maamulayo sharciga shaqaalaha rayidka.

Qareenada ayaa agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ka codsaday inuu ka laabto warqadii ka soo baxday xafiiskiisa, maadaama saraakiishaas ay yihiin shaqaale ay dacwadoodu maxkamad ka furan tahay.

Hoos ka akhriso qodobada qoraalka qareenada:

Waare oo xog ka bixiyay sida ay ku timid magacaabista IGAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan loo magacaabay xilka Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay Soomaaliya ku heshay kursigaan iyo muhiimada uu u leeyahay.

Waare ayaa shaaciyay in kursigaan aan loo tartamin, ayna Soomaaliya ku heshay go’aan ay gaareen waddamada qeybta ka ah ururkaan, maadaama uu dalkeenna muddo fog ka qaban xil noocaan ah.

“Kursigaan looma tartamin, shirkii IGAD ee lagu qabtay dalka Jabuuti bishii June ayaa lagu go’aansaday in kursigaas Soomaaliya la siiyo, maadaama Soomaaliya ay ahayd waddadamaeii lagu aas-aasay ururka ee weli aan ka qaban kursigaas, marka waa la isla gartay, toddobada madaxweyne ee markaas joogay ayaa isla gartay,” ayuu yiri ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilkaan uu Soomaaliya u leeyahay muhiim gaar ah, islamarkaana ay ka soo dhalaali doonaan kaalintooda, weliba sidii looga faa’iideysan lahaa kursigaan ay markii ugu horeysay heshay Soomaaliya.

“Booskaas waa boos muhiim ah, Soomaaliya waxay kamid tahay waddamadii lagu aas-aasay waana markii u horeysay, waxayna qeyb ka tahay dadaalka dowladda ugu jirtay arrimaha diblumaasiyadda, ku biiristii EAC, iyo in IGAD miisaaniyad ku yeelato,” ayuu yiri Mudane Waare.

Waxa uu intaas kusii daray “Howl weyn ayaa noo taalla, anigana meel cidlo ah ma imaan oo eber ah waxba ka bilaabi maayo, madax ayaa joogta oo aqoonyahaano ayaa joogta, imkaaniyad badan ayaa yaalla marka khibradeyda iyo waayo aragnimadeyda ayaa ku biirin doona.”

Waare ayaa markii ugu dambeysay ahaa ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, ayada oo xilkaas dhawaan uun laga qaaday, ayada oo sababtuna ahayd xilka loo waday oo ugu dambeyn shalay loo magacaabay, isaga oo noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD.

Magacaabistiisa ayaa sidoo kale timid, kadib markii ay Soomaaliya codsi u gudbisay dalalka xubnaha ka ah IGAD, sidaasna lagu magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xilligan xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD. Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la-qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxaa dhawaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug.

MADAALE oo taageero u helay arrin ay ku dhiban yihiin dadka Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa magaalada Doha Mansour Ajraan Al-Boeinin.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xariirka labada dhinac, dardar-gelinta heshiiska mataaneynta labada Magaalo iyo taageeridda horumarinta caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa Doha kala hadlay qorshayaasha hortabinta u leh dowladda hoose ee Muqdisho oo ay ugu horeyso wax ka qabashada bullaacadaha, qorshaha dib-u-hagaajinta magaalada, wax ka qabashada nadaafada iyo helida gaadiidka culus ee loo adeegsado nadaafada, dab-damiska iyo adeegyada deg-dega ee bulshada.

Duqa magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kasta oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardargalin lahaa qorshaha mataaneynta Doha iyo Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay dowladda Qatar iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay aheyd markii Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale si weyn loogu dhalleeceeyay nadaafad darro iyo biyo ay magaalada Muqdisho dhigeen roobabka mahiiganka ah ee ka da’aya gudaha dalka.

In Muqdisho ay hesho bullaacado ay biyaha roobka ku dhacaan, halkii ay waddooyinka biyo dhigi lahaayeen, ayaa la aaminsan yahay inay yareynayso culeyska magaalada ee ay keenaan daadaadka ka dhasha roobabka.

Si kastaba, Marwalba oo isku socodka adkaado, oo ay waddooyin badan biyo xiraan, waxaa dhinaca kale qaali noqonaya maciishada iyo gaadiidka dadweynaha, waxaana dhinaca kale ka dhalan kara falal amni darro ah.

Somalia’s leap forward, navigating towards prosperity and stability

In less than two years, Somalia has experienced a series of transformative epiphanies, marking an era of unforeseen progress and stability. The catalyst behind this remarkable change is the visionary leadership at the helm, steering the nation towards prosperity with a commitment that resonates through every milestone achieved. 

One of the most significant achievements is Somalia’s integration into the East African Community (EAC). This strategic move not only symbolizes regional unity but also opens avenues for economic partnerships, trade, and cultural exchange, bolstering Somalia’s position in the East African region. 

Equally monumental is the lifting of the arms embargo, a crucial step in reinforcing Somalia’s sovereignty and self-reliance. This development enhances the nation’s capacity to maintain security and protect its borders, further stabilizing the region. 

The launch of the Centennial Vision 2060 is a testament to the forward-thinking approach of Somalia’s leadership. This long-term vision sets a clear roadmap for sustainable development, economic growth, and social progress, ensuring that the strides taken today benefit future generations. 

The announcement of debt relief for Somalia on December 13,  2023, marks another significant stride. This financial liberation is expected to catalyze economic growth, attract foreign investment, and enable the government to allocate more resources towards public services and infrastructure development. These significant developments, a pivotal meeting is also scheduled for December 11, 2023, in New York, chaired by President Hassan Sheikh Mohamud. This gathering sees participation from over thirty countries, recognizing the takeover of the Somali security forces. By the end of 2024, the security responsibilities of the country are expected to be fully managed by Somali forces, marking a major step towards self-reliance and sovereign integrity.

Central to these achievements is the cohesive relationship between President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre. Their synergistic partnership has been instrumental in navigating the country through these milestones in a remarkably short period. Their unified vision and collaborative approach exemplify the power of effective leadership in driving national progress. 

Yet, two critical milestones remain: the eradication of Al-Shabaab and the finalization of the constitution review. Eliminating Al-Shabaab is pivotal for lasting peace and security, essential for economic growth and social stability. Completing the constitution review is equally vital, as it lays the foundation for a democratic and inclusive governance structure. 

Achieving these goals demands unwavering political stability and the collective support of all Somalis. It requires a continued commitment from the leaders and the people to sustain the momentum of change and overcome the challenges that lie ahead. 

Somalia is on a transformative journey, underpinned by visionary leadership and a collective will to succeed. The country’s recent epiphanies are not just milestones but beacons of hope, signaling a new era of stability and prosperity. As Somalia continues on this path, the unwavering support of its citizens and the international community will be crucial in realizing the dream of a peaceful, prosperous, and resilient nation. 

Ismail D. Osman: Former Deputy Director of the Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA). Specializing in writings on Somalia, the Horn of Africa’s security, and geopolitical landscapes with an emphasis on governance and security. Contact: [email protected]. Twitter: @osmando.

Anita Kiki oo soo afmeertay howl-galkii Soomaaliya, sameysay qiraal cajiib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka howl-galeysay dalka uu soo dhammaadey, ayaa kulan sagootin ah la qaadatay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JFS Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka ayaa ku-xigeenka ergeyga uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaashey shaqada loo igmaday, ugu adeegtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay dalka joogtay.

Sidoo kale waxa uu ku-xigeenka ergeyga warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka laga sameeyay iyo markii la dhisay xukuumadda Dan-Qaran sannadkii la soo dhaafey, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankaan.

Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rejada, islamarkaana ku tallaabsatay guullo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran.

Waxay sidoo kale ka mahad-celisay wada-shaqeynta iyo soo dhoweynta ay u fidiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka howl-galeysay.

Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Anita ayaa dhammaadka bishan waxa ay qaban doontaa xilka ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Koonfuurta Sudan, ahna madaxa isku-duwidda arrimaha gargaarka bani’aadminimada.

KARAASH: Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keli-talisnimo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qoraal soo saaray ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Deni oo ay isku khilaafeen arrinta doorashada.

Axmed Karaash ayaa Saciid Deni ku eedeeyay inuu yahay kaligii taliye, isla markaana uu isku koobay awooddii maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu iska diiday dhammaan talooyinkii loo jeediyay, isaga oo tilmaamay inuu qaaday waddo natiijadeeda ay tahay fashil oo kaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil” ayaa qoraalkiisa ku yiri, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Madaxwyene ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhashay xiisadda ka taagan Puntland uu mas’uuliyadddeeda qaadayo Saciid Deni

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa mar kale yiri Karaash.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee Puntland, kadib markii maxkamadda dastuuriga ay burisay muddo kordhinteen baarlamaanka.

Si kastaba, tallaabada baarlamaanka, go’aanka maxkamadda iyo qabsiga Deni iyo Karaash ayaa weji cusub usii yeelaya xiisadda Puntland ee ka dhalatay muranka doorashada.

Daawo: Arrin cusub oo kasoo korortay xiisadda Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee mamaulkaasi, gaar ahaan muranka xoogan ee ka taagan doorashooyinka maamulkaasi.

Ugu horreyn xildhibaannada ayaa caddeeyay mowqifkeeda, waxayna kasoo horjeesteen muddo kororsigii halka sano ahaa ee dhawaan loo sameeyay Golaha Wakiilada Puntland.

Sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah oo burisay tallaabada baarlamaanka ee ku aadan muddo kororsiga.

Mid kamid ah xildhibaannadaas oo ka warbixiyay shirkooda ayaa sheegay in xilligan aysan suuragal ah in laga shaqeeyo muddo kororsi, ayada oo lagu jiro xaalad hubanti la’aan ah.

“Halkan waxaan ku qabaneynaa shir saxaafadeed annagoo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo ka kooban illaa sodomeeyo xildhibaan sababtana waxa ay tahay inaan shacabka reer Puntland dhammaantood aan la wadaagno aragtideena ku aadan xaaladda dalka, marka waxaan bulshada u cadeyneynaa inaanan raalli ka ahayn muddo kororsiga baarlamaanka, suurtagalna aanan ahayn” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaannada.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay diyaar u yihiin in la aado doorashadii hore ee ay kusoo caana-maashay Puntland, si looga gudbo is mariwaaga ka taagan Garoowe.

“Inteenna waxaan diyaar u nahay oo bulshada reer Puntland u sheegeynaa in dalkani uu aado doorashadii 66-da ahayd ee ay kusoo caana maashay Puntland” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, waxaa jira in ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland oo iyaguna fiidnimadii xalay diyaariyay mooshin ka dhan ah maxkamadda dastuuriga ah.

Warar lagu kalsoon yahay, oo aan ka xaqiijinay dhinacyo kala duwan, ayaa sheegaya in mooshinka loo gudbinayo fadhi deg deg ah oo ay maanta yeelanayan Baarlamanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kooban kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland laashay mudda kororsigii uu samaystay baarlamanka.

 

LEADERSHIP-HOGGAAN: Daabaacaaddii koowaad ee buug cusub oo soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxay buug cusub oo ku qoran luuqada Soomaaliga ayaa si qoto dheer oo cilmiyaysan u soo bandhigaya Hoggaanka, Maamulka iyo Maaraynta, mid guud iyo mid gaar ahba.

Buuggan oo magaciisu yahay Hoggaan, waxa uu akhristaha uga jawaabayaa su’aalo badan, oo muhiim ah. Waxaa uuna usoo bandhigay qoruhu sida ugu fudud ee wax lagu fahmo. Waana lagama maarmaan in qof kastaa akhriyo. Waa buug xiligiisii joga, woruhuna  waqti badan galiyay.

Buuggan waxaa qorey Dr. Abdirahman Shafici Khalif oo noloshiisa inta badan ku qaatay Yurubta Galbeed, bartayna culuumta Hoggaanka iyo Maamulka, daganna dalka Denmark.
Ma aha qoraha markii 1-aad uu qoro buug, waxaa uu horay u qoray buug ku qoran luuqadda Danish-ka ee dalka Denmark.

Buuggan cuusb ee Hoggaan waxa uu xambaarsan yahay aqoon, khibrad iyo waayo-aragnimo, tilmaamo, talooyin, iyo tusaalayaal. Waxa uu ku suntan yahay aqoon diiniya iyo mid maadiya, waa buug ay ku dheehan yihiin qormooyin iyo qoraalo muhiim ah, oo ay tayadoodu sarayso oo xigasho iyo ka daba gal leh. Buuggani aqoontiisa waxaa laga soo xigtay Kitaabka Allaah iyo ilo aqoonneed lagu kalsoon yahay.

Buugga waxa uu kaa caawinayaa qodobo badan, oo faa’iido u ah hoggaanka, maamulka iyo maaraynta. Inta aadan u hanqal taagin in aad wax hogaamiso wax ka baro qaabka wax loo hoggaamiyo iyo sidii aad wax u hoggaamin lahayd.

Buuggani waxa uu kugu dhiirriggalinayaa hoggaaminta, horumarinta guud tan gaarka ah iyo in aad guul gaadho, markasta ku toostid waddada aad ugu sahay qaadan laheyd meesha ay kaa xigto guushu.

Buugga oo si weyn loo sugayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda qoraagu soo badhigo. Waxaad ka heli kartaa xarumaha lagu iibiyo buugaagta ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Maktabadda HUD HUD.

Qoraha bugga waa Dr. Abdirahman Shafici Khalif

Booliska Muqdisho oo soo xiray haween sameeyay fal yaab leh kadibna muuqaal…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay soo qabtay saddex haween ah oo ku sugnaa degmada Waabari, kuwaas oo xadgudub u gaystay wiil dhalinyaro ah, kadibna ka duubay muuqaal.

Arrintan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa timid, kadib markii ay koox haween ah ku goobteen wiilka, waxayna soo duubeen iyaga oo si xun u garaacaya.

Haweenka ayaa adeegsanayay ulo iyo mindi ay ku cabsi gelinayeen wiilka oo u muuqday in lagu ballamiyay guriga, isla markaana ay sidaas ugu soo weerareen kooxda haweenka ah.

Booliska ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan haweenkii ka dambeeyay falkaasi, ayna ku hayaan baaritaano dheeraaad ah.

“Ciidanka Boliisa Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari, ayaa gacanta ku soo dhigay Haween jir dil u geestay, Muwaadin Soomaaliyeed, waxaana socota baarista Boliska, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi sii raaciyay in baarista kadib haweenkan la horgeyn doono Maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhacdooyinkan ayaa maalmihii kusoo badanayay baraha bulshada, waxayna ahayd dhawaan markii laba gabadhood oo lagu kala magacaabo Deeqo iyo Shamso ay muuqaal kasoo duubeen wiil dhalinyaro ah, iyaga garaacaya, kuna suqan duleedka Muqdisho.

Xaaska ninka dilkiisa loo haysto wiilka Xasan Sheekh oo soo saartay war culus

0

Istanbul (Caasimada Online) – Öznur Göçer oo ah xaaska ninkii u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday shilka gaari ee wiilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu ku lug yeeshay ayaa la hadashay warbaahinta Cumhuriyet ee dalka Turkiga.

“Waxaan ka cabanayaa qof kasta oo sababay geerida ninkayga iyo kuwa u ogolaaday in uu dalka ka baxo” ayay tiri Öznur Göçer.

Dawladda Turkiga ayay sheegtay in aysan sameyn tilaabooyinkii ay ka rajeyneysay inay qaadaan, si ninkeeda dhintay uu cadaalad u helo.

“Dowladdu waxay sheegaysaa in wixii loo baahnaa la sameyn doono, balse anigu kuma qanci karo waxa ay leeyihiin,” ayay raacisay hadalkeeda haweeneyda oo aad u murugsaneed.

Shilkaan oo 30-kii November ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayuu dhaawac culus ka soo gaaray seygii haweeneydaan, wuxuuna dhaawacaas u dhintay lix maalmood kadib markii shilku dhacay.

Wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul, sida uu duqa Istanbul shaaciyay maalin ka hor.

Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay Twitter – muuqaalkaas ayaa muujinaya gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.

“Waxaan haystaa gabar 15 jir ah oo dugsi sare dhigata. Waxaa kale oo ii jooga wiil sideed jir ah oo qaban xanuunka autism ka. Cunugeyga waa uu ka haray noloshii bulshada, maadaama uu xanuunsanaa. Seygeyga iyo anigu waxaan isku dayaynay inaan nolosha ku toosino. Hadda cidlo ayaan taaganahay,” ayay tiri Öznur Göçer.

Haweeneydaan ayaa booliska ku eedeysay inay gudbiyeen warbixin qalad ah, taas oo horseeday inuu waddanka ka baxo eedeysanaha shilkaan oo ah Maxamed Xasan Sheekh, wiilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dagaal culus oo Israel iyo Xamas maanta ku dhexmaray magaalada Khan Yunis

0

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil iyo dagaal-yahannada Xamaas ayaa maanta dagaal culus uu ku dhex-maray gudaha iyo hareeraha Khan Younis ee koonfurta Marinka Gaza, xilli dagaallo ay ka socdeen magaalada Gaza ee woqooyiga dalkaasi.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadannimada ayaa sheegay in gargaar qaybintii Gaza ay si weyn u joogsatay, marka laga reebo deegaanka Rafah ee u dhow xuduudka Masar.

Dagaalka xooggan iyo xannibaadaha lagu soo rogay waddooyinka muhiimka ah ayaa waxay xilligaan joojinayaan howlaha bini’aadannimo.

Dagaalkan ayaa dad lagu qiyaasay 1.9 milyan oo qof ka riixay guryahoodii Gaza, iyada oo qaar badan oo ka mid ah ay magangalyo ka raadsadeen koonfurta xarumaha ciriiriga ah, iyadoo laga digayo xaaladaha nadaafadda oo liita iyo khatarta kororka cudurrada faafa.

UN OCHA ayaa sheegtay in tobanaan kun oo qof ay soo gaareen magaalada Rafah todobaadkii la soo dhaafay.

Isla wakhtigaas, Israa’iil waxay sii ballaarisay dagaalka ay kula jirto Xamaas ee koonfurta, oo ay ku jiraan hawlgallada ay ka wadaan Khan Younis, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Gaza.

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintan u safray xadka Masar iyo Gaza, si ay ula kulmaan saraakiisha gargaarka ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka ee ku hawlan gaarsiinta gargaarka.

Xog cusub: Sidee u dhacay dilka dhaqtarkii iyo macallinkii lagu hor dilay hooyadood?

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa habeen hore tuulada Ilix oo 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowladda gobaleedka Galmudug lagu dilay laba wiil oo walaalo ah kuwaas oo kala ahaa macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar macallin Liibaan Xasan Cismaan.

Farxaan Cabdullahi Cali oo ka mid ah ehelada wiilasha ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Dr Axmed Xasan Cismaan oo in muddo ah deeganka ka maqnaa uu dhawaan yimid si u soo arko hooyadii oo xanuunsanayd iyo in uu xarun caafimaad uu ka hirgaliyo magaaladda Gurceel.

“Walaalahay gacan ka xaqdaran ayaa dishay. Macalin Liibaan Xasan Cismaan waligiis quraanka ayuu dadka bari jiray, Dr Axmed Xasan Cismaan deeganka waa ka maqnaa oo waxbarasho ayuu Muqdisho iyo Nairobi u jiray oo hadda ayuu dib ugu soo laabtay,” ayuu yiri Farxaan

Waxaa uu sheegay in aysan garanayn cida dishay wiilashooda, balse ay jiraan aanooyin qabiil oo mararka qaar ka dhac deeganka.

“Odayaasha dhaqanka, laamaha ammaanka iyo maamulka waxaay noo sheegeen in ay ku dabjoogaan dadka dilka gaystay. Ma jirto cid ilaa iyo hadda aan ognahay oo dilka gaystay, hadii wiilashu ay cabsi qabaan halkas ma imaan lahyeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dilalka ku salaysan aanooyinka qabiilka ayaa mudooyinkii danbe kusoo noqnoqday deegano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dr Axmed Xasan iyo macalin Liibaan Xasan ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay – 30 sano iyo 28 sano ayay kala jireen.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno hooyada dhashay labada wiil, balse waxaa naloo sheegay inay ku jirto xaalad murugo oo aad u daran.

Markii dilku dhacayay ayay ku sugnaayeen labada wiil guriga hooyadood, iyada oo hooyadu goobjoog ka noqotay falka naxdinta leh ee farxadii ay wadaageysay wiilasheeda u badalay tacsida xanuunka badan.

Macallin Liibaan Xasan wuxuu ifka uga tagay xaas iyo caruur, halja naloo sheegay in Dr Axmed uusan wali guursan, sida uu yiri Farxaan Cabdullahi Cali oo ay ilmo adeer yihiin.

Maamulka deegamnka muxuu ka yir dhacdadaan?

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) ayaa falka ku tilmamay mid foolxun.

Waxaa uu sheehgay in maleeshiyaadka dilka gaystay ay goobta isaga baxsadeen balse ciidanka amaanku wali daba joogaan .

“Dad wareersan oo aan ilaa iyo hadda gacanta lagu dhigin balse ciidanka ammaanka ay ku dabajoogaan ayaa raggaas laayay,” ayuu yiri gudoomiye Geeda-qaoroow.

Dilka labadaan wiil ee walaalo ah ayuu gudoomiayahu sheegay in uu aaminsan yahay in uu yahay mid ku salaysan aano qabiil.

“Meel baadiye ah ayaa ciidanka ammaanku wali ku daba joogaan raadka ragga falka gaystay. Waana la qaban doonaa hadii alle idmo. Markaas ayay cadaan doonta sababt ay dilka u gaysteen,” ayuu hadalkiisa raaciyay Geeda-qoroow.

Kooxadda Al shabab ayuu sidoo kale sheegay in tuhunsanayahay in ay lug ku leeyihiin dilalka ka dhac gobolka .

“Raggii dilka gaystay deegaanada al-Shabab ay gacanta ku hayaan ayay aadeen. Marka waxaan aaminsanahay in ay lacago ku bixinyaan oo ay dilka qeyb ka yihiin “ ayuu tuhunka uu qabo ku daray Gudoomiye Geeda-qoroow.

Walaaca Bulshada ee deegaanka

Dilalka ka dhacay gobolka Galgaduud waxaa walaac ka muujiyay bulshada ku dhaqan deegaanka.

Cadceed Sheekhdoon Diiriye oo ka mid ah odayaash dhaqanka Galmudug ayaa kamid ah dadka ka walwalsan dilalka maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobolkaan.

“Waa in dib u heshiisiin la sameeya oo dadka walalaaha ay dilka joojiyan. Wixii dhacay waxa ay ahayd wax aad looga xumaado,” ayuu yiri Cadceed.

Sidoo kale Safiyo Shire Faarax oo ka mid dadka ku nool magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegtay in ay dareemeyso cabsi badanoo si shaqsi ah ula soo daristay.

“Waxaan ogahay qiimaha ay nabad leedahay, waxaan ka xumay dadka is dilay ee walaalaha ah ee maalin kast dhibku dhax yaal. Waxaa hadda na haysta cabsi badan,” ayay tiri Safiyo Shire Faarax.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil. Horay waxaa dil loogu fuliyay nin dhallinyaro ah oo maxkamadi ku heshay inuu nin ganacsade ahaa ku dilay degmada Guriceel.

Isha: BBC

Israel oo shaacisay tiro lama filaan oo ah ASKARTA looga dilay dagaalka GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in mar kale ay korortay tirada askarta lagaga dilay hawlgalka dhulka ee ay ka wadaan Marinka Gaza, inkasta oo tirada ay shaaciyeen aad loola yaabay.

Taliska ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku sheegay in 97 askari ay kaga dhinteen hawlgalka dhinaca dhulka ee ka socda Marinka Gaza.

Taliska ayaa sheegay in Sabtidii oo keliya ay ka dhinteen 5 askari, kuwaa oo mid ka mida uu adeer u yahay Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, Gadi Eisenkot, haatana ka mid ah Guddiga Golaha Wasiirada ee dagaalka.

Sidoo kale wiil uu dhalay Gadi Eisenkot ayaa Khamiistii lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza. 

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in 97 askari ee looga dilay dagaalka ay dhinteen, wixii ka dambeeyay 27-kii bishii October, markaas oo dhanka dhulka ay ka weerareen waqooyiga Gaza.

Militariga Israel oo 1-dii bishan dib u bilaabay hawlgalkooda Gaza ayaa waxay markaan diiradda saarayaan dhanka koonfureed ee magaalada, inkastoo weli ay hawlgalka ka sii wadaan waqooyiga magaalada.

Ciidamada Israel oo doonaya in ay si buuxdo isugu wada fidiyaan labada daamood ee Gaza ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya Xoogaga Ururka Xamaas.

Si kastaba ha ahaatee tirada askarta ay Israel sheegtay in lagaga dilay dagaalka ayaa la fahamsan yahay inay aad uga badan tahay intaas, islamarkaana ay qarineyso macluumaadka saxda ah ee khasaaraha askarteeda.

Ilo-wareedyada Xamas ayaa horey u sheegay inay dileen kumanaan askari, islamarkaana gubeen boqolaal gawaarida dagaalka ah

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Cubaydah ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel, 72-kii saac ee la soo dhaafay oo kaliya, kuna dileen boqolaal askari.

Ciidanka DF oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Bakool

0

Waajid (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta dalka.

Howlgalladan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf iyo Taliyaha Ururka 260-aad, Onkod Macalin Aadan, waxaana ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Dhurey iyo tuulooyin kale oo u dhow degmada Waajid.

Saraakiisha howlgalllada sameeyay ayaa sheegay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaasi, ayna gaarsiiyeen khasaare culus, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale  waxa ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan aagga Bakool, si looga Al-Shabaab looga xoreeyo deegaanada gobolkaasi.

Dhankiisa guddoomiya degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusug oo ka hadlay howlgalada ayaa sheegay in haatan ay diyaar u yihiin ka qeyb-galka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee la filayo inay ka billowdaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Maxamed Macalin ayaa sidoo kale farriin u diray dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay ciidamada huwanta ku taageeraan dagaalka adag ee ay kula jiraan Al-Shabaab.

Baay iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha ay haatan ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo culus oo gaysta khasaare kala duwan.