25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

CC Shakuur oo shaaciyey arrin ay isaga iyo Odowaa ka dhexleen siyaasadda + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday arrin ay ka siman yihiin isaga iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), taas oo ay ka dhexleen siyaasadda Soomaaliya ee ay mudada dheer kusoo jireen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo khudbad ka jeediyay furitaanka mashruuca dhismaha dekedda Hobyo ayaa sheehgay in isaga iyo Odowaa aysan siyaasadda ka helin dhaqaalo badan, balse ay ku shiideen, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga iyo saaxibkey Cabdiraxmaan Odowaa waxaan ka simanahay ma nihin dadka siyaasadda wax ka hela, dadka siyaasadda ku shiiday ayaa nahay” ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan heysan lacag, balse ay inta awoodaan ku darsan doonaan dhismaha dekedda magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

“Lacago badan ma heysano oo aan meesha ku darsano cabsina waa naheysaa kista yar waxaan is leenahay meesha amay horay u socon weysaa, laakiin Risk ayaan idinla qaadaneynaa, aniga 10 shey halayga gado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.

Mr. Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray ganacsatada Galmudug, wuxuuna ugu baaqay inay ka dhabeeyaan go’aanka ay ku dhisayaan dekedda ay yeelato Galmudug.

“Waxaan u mahadcelinayaa ganacsatada ku dhiiratay inay dhagax dhigga kaliya naga dhaafaan oo markaan u beddalaan Practical” ayuu mar kale yiri CC Shakuur.

Sidoo kal wuxuu dardaarankiisa kusii daray “Si macquul ah u darsa caqabadaha na horyaallo, fiiriyana sidii guushaas loo dhalin lahaa”.

Galmudug ayaa haatan ku howlan dhismaha dekedda Hobyo oo xalay si rasmi ah uu u daah-furay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Daawo: Qoor-Qoor oo tegay halka loo asteeyay dekedda Hobyo, soo saaray amaro culus

0

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday halka ay khubarada dhiseysa dekaedda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso dekedda.

Wafdiga Qoor-Qoor ku wehlinayay booqashadan ayaa ka koobna xildhibaanno ka tirsan BFS, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad-goboleedka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo halkaasi ka hadlay ayaa marka hore waxa uu sheegay in farxad weyn ay tahay in bulshada reer Galmudug ay ku midoobeen dhismaha dekeddooda Hobyo, kadib dadaal dheer oo ay galisay dowladda Galmudug.

Waxa uu ka dhawaajiyay muhiimadda iyo faa’iidada ay bulshada reer Galmudug u leedahay dekedda Hobyo, taasi oo habeenkii xalay aheyd degmada looga dhowaaqay maalgashiga dhismaha dekedda.

“Waxaan cabirnay oo asteynay dekeddii goobtii loo asteeyay, halka aan taaganahay waa meesha ay ka bilaabato calaamada ka baxsan magaalada ee dekeddii Hobyo ee dhismaheeda la bilaabayo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn maanta wixii ka dambeeya dhulkii hore loo deegaamayay.

“Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu faray hay’adaha amniga maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga loo xil-saaray dhismaha dekedda Hobyo.

“Dhamaan hay’adaha amniga waxaa amar ku qabtaan in aad ilaalisaan oo dhowrtaan, ciddii soo gasha ama ku xad-gudubta sharciga lala tiigsado. Majirto hanti ama dhisme hore looga sameeyay oo laga bilaabo saacadan sharci ah.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Arrinta Cumar Cali Axmed oo weji cusub yeelatay kadib markii Madaale uu sheegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka-faalad qaaday wax ka qabashada xaaladda caafimaad ee Cumar Cali Axmed.

Cumar oo dhawaan maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay u xukuntay reerkiisa, kadib markii laba reer isku qabsadeen dhaawaciisa, waxaana haya xanuun u baahan in laga warhayo xaaladiisa caafimaad.

Guddoomiye Madaale ayaa xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar kula kulmay Cumar Cali Axmed iyo reerkiisa, isaga oo ballan-qaaday inuu ka-faalad qaadi doono kharashaadka ku baxaya xaaladiisa caafimaad.

Cumar waxaa jirkiisa ka muuqda dhaawacyo daran oo halis ah, kuwaasi oo ka soo gaaray qarax ka dhacay xerada Nacnaca, oo uu markaas u tegay inuu kamid noqdo ciidanka xoogga dalka.

Cumar ayaa la filayaa in dhawaan loo qaado dalka dibaddiisa, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo, waxayna ka-faalad qaadka Madaale ee wiilkaan uu rejo wanaag u yahay dhalinta ku fikiraya inay dalkooda difaacdan, ee ay qortaan ciidanka.

3-dii bishaan ayay aheyd markii maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay Cumar ku wareejisay reerkiisa saxda ah, kadib isqab-qabsi dheer iyo baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar waxay markaas ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib in ka badan saddex todobaad oo la sugayay natiijada baaristii dheecaanka hidda raaca (DNA).

Sheekadda wiilkan ayaa hadal hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen, iyada oo ugu dambeyntiina maanta ay dowladda ka-faalad qaaday wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad.

Dhaqtar iyo Macallin walaalo ah oo hal goob lagu dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe maleeshiyaad hubeysan ay dil ka gaysteen tuulada Ilix oo hoostegta degaanka Ceeldheer oo 30 KM u jira Dhuusamareeb.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay Macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen walaalo isla dhashay.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dr. Axmed oo batay daaweynta Ilkaha ayaa dhawaan booqasho u aaday qoyskiisa, halka Macallinka uu ahaa wadaad caan ka ah deegaanka oo dhigi jiray Qur’aanka Kariimka.

Maleeshiyaadka dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday, kuwaas oo labadaan wiil ee walaalo ah u beegsaday aano qabiil darteed, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Dilka Dhaqtarka iyo Macallinka ayaa argagax ku reebay ehelladooda iyo dadka degan tuulada, maadaama ay lasoo daristay cabsi aad u xoogan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana sidoo kale dhacdadaan ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo haatan baadi goobaya raggii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyey dilkii Dhuusamareeb loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo kasoo jeeda magaalada Cadaado.

Boosaaso: Ciidan gadoodsan oo tallaabo xasaasi ah qaaday

0

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Bari ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa maamta xirtay laamiga dheer ee Boosaaso, halkaas oo ay saaka ku xanniban yihiin gaadiid fara badan.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan jidkaasi muhiimka u ah isku socodka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay muddo laba maalmood ah fadhiyaan degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaanba uu joogsaday isku socodka gaadiidka ku safra waddadaasi laamiga ah oo isku xirta Boosaaso iyo deegaanada ee Puntland.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan oo hubeysan ayaa waxay ku eedeyeen maamulka inuu mushaarkii ciidamada Puntland ku galay ololaha doorashada, xilli uu maamulkaasi ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed xoogan oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Sdioo kale waxaa haatan soconayo dadaallo dheeraad ah oo lagu qanacinayo saraakiisha iyo ciidamada, si ay jidka u furaan, isla markaana u fasaxaan gaadiidka ku xanniban halkaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa ayada oo haatan madaxweyne Saciid Deni uu wajahayo xaalad ka dhalatay muranka hareeyay doorashada oo haatan yeeshay waji cusub.

Horraantii bishaan ayay aheyd markii ay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ay xirteem bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan baro kontarool, balse waa arrin dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacday magaalooyinka Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso uga imaanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.

WAARE oo xil sare looga magacaabay ururka IGAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xil sare looga magacaabay urur goboleedk IGAD.

Waare ayaa noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka  Soomaaliya

Daa’uud Aweys oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay guul weyn oo diblomaasiyadeed, una soo hoyatay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magacaabistan ay sare usii qaadeyo sumcadda iyo maqaamka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waa guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka” ayuu yiri wasiirku.

Waare ayaa markii ugu dambeysay ahaa ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka, ayada oo xilkaas dhawaan uun laga qaaday, waxaana loo magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sababtuna waxa ay ahayd xilka loo waaday oo ugu dambeyn maanta looga magacaabay, isaga oo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Magacaabistiisii ayaa sidoo kale timid, kadib markii ay Soomaaliya codsi u gudbisay dalalka xubnaha ka ah IGAD, sidaasna lagu magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xilligan xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD.

Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxaa dhowaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug.

Xog: Shabaabkii ugu badnaa oo isugu tegay gobolka GEDO, kadibna bilaabay inay….

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan qaybo kamid ah gobolkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta gobolkaas ee Jubbalad.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) oo wareysi siiyay Shabelle ayaa shaaca ka qaaday inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaqa ay kooxda ka billowday gobolka, ayna ka hortagayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan la soconaa xogta cadowga iyo dhaq-dhaqaaqooda, marka la arkana waa laga hortagaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay in Al-Shabaab ay tabar beeleen, isla markaana uu jab xoogleh kasoo gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada dowladda.

“Iyagaa hadda iska tabar beelay oo aan tabar badan lahayn dagaallo fara badan ayay galeen burbur xoogleh ayaana ku dhacay” ayuu kusii daray.

Macallmuu oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Gedo, ayna qaadi doonaan todobaadyada soo socda guluf ka dhan ah xubnaha Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada halkaasi.

“Ciidamada gobolka ku sugan heegan ayay ku jiraan meel kasta oo ay joogaan, wayna ka hortegi doonaan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri  Macallimuu.

Gedo ayaa kakmid ah gobollada la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

Daawo: Xaafad ku taalla MUQDISHO oo gubatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay xaafadda Seybiyaano oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo baaxad leh.

Dabka oo ka billowday koronto ayaa ku fiday guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla xaafado u dhow Siliga Ameerikaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ahaa isku raran, waxaana daganaa qoysas danyar ah iyo kuwa barakacayaal ah oo uu dhibaato xoogan ay kasoo gaartay dadkaasi.

Qaar kamid ah dadka ku hanti beelay dabkaasi ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen khasaaraha soo gaaray intaba.

“Wax nool maba leh guryayaasha dhan way gubteen, ilmaha waa ka baxsanay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale hooyo kale oo kamid ah qoysaska ay dhibaatada soo gaartay ayaa tiri “Hal xabo kama bixin alaabteyda waa gubatay, dharkii waa gubtay,”

Illaa dhowr boqol oo qoys ayaa sidoo kale ku guryo beelay dabkan, maadaama uu baab’iyay dhul ballaaran, sida uu sheegayo mid kamid ah dadka deegaanka.

“Dhowr boqol oo qoys ayaa meesha ku barakacday oo bannaanka dhooban, guryana aan haysan oo alaabtoodii meesha ku gubatay” ayuu isna yiri oday kamid ah dadka deegaanka.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

Maxay xildhibaannadu u qarinayaan arrinta muranka dhalisay ee ay ku dhaqaaeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay sameystay mushaar kordhin, kadib kulan wadajir oo ay xubnaha labada Aqal ku yeesheen Villa Hargeysa, kaas oo sidoo kale lagu meel mariyay miisaaniyadda 2024-ka.

Guud ahaan mushaarka xildhibaanada labada Aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa laga dhigay sanadka cusub 2024 $1,645,000, halka uu sanadkii hore uu ahaa  ahaa $1,151,500.

Xildhibaan kasta hadda waxaa loogu kordhiyay lacag dhan $1,500, halka markii hore uu qaadanayay $3,800, taas oo ka dhigay in hadda uu qaadan doono $5,300.

Haddaba maxay xildhibaannadu u qarinayaan lacagta loogu kordhiyay mushaarkooda?

Warbaahinta gudaha ayaa kadib kulankii baarlamaanka ee mushaarka loogu kordhiyay labada Gole waxa ay su’aallo arrintaas ka waydiiyeen xildhibaannada, balse waa ay ka gaabsadeen, waxaana la waayay xildhibaan si cad uga jawaaba mushaar kordhintooda.

Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed oo kamid ah xildhibaannadaas ayaa yiri “Waxa naloogu daray ma’aha wax naf leh oo la sheegi karo, aniga hadda lafteyda afka ayaaba ka ilaalinayaa inaan dhaho mushaar ayaa naloo kordhiyay”.

Xildhibaan Aamino Eelaay ayaa iyaduna ku jawaabtay “Baarlamaanka waa loogu daraa waa laga jaraa wax weyn ma’aha ee aan ka wada-hadalno guusha wayn ee usoo hoyatay Soomaaliya”.

Mar wax laga weydiiyay sababta ay ugu doodi waayeen askarta ku dhinaneysa jiidda hore ee dagaalka ayaa waxa ay ku jawaabtay “Askarta waa loo dooday, annaga waa isku doodeynaa, Soomaali waa u doodeynaa”.

Xidlhibaan Maxamed Beerey isna wuxuu falcelintiisa ku yiri “Issue-gu ma’aha Isseu lacageed, Issue-gu waa Issue in dalka laga gudbiyo marxaladdan adag”.

Ugu dambeyn xildhibaan Cali Xaaji oo laga soo doorto Puntland ayaa isuguna yiri “Waxaa la yiraahdaa qofka lama weydiiyo immisa ayaa jirtaa, mushaarkaaga waa immisa, su’aalahaas kuma jiraan kuwa la’is weydiiyo”.

Abu Cubaydah oo shaaciyey inay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka ciidanka Israel

Gaza (Caasimada Online) – Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Cubaydah ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel, 72-kii saac ee la soo dhaafay.

Inkastoo Abu Cubaydahhawada laga waayay, tan iyo markii uu dagaalku dib uga qarxay Marinka Gaza, haddana qoraal saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Xamaas, uuna ku saxiixnaa ninkaasi ayuu ku sheegay in Ciidamada Israel ay jab xoogan kala kulmayaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza.

Waxa uu sheegay in Xoogaga Xamaas ay dileen, isla-markaana ay dhaawaceen tobanaan ka mid ah Militariga Israel.

“Ciidamada cadowga qaarkood waxaa lagu laayay dabin loo dhigay godad ay soo galeen iyo dhismayaal ay gabaad ka dhiganayeen,” ayuu yiri Abu Cubaydah.

Abu Cubaydah ayaa yiri “Askar fara-badan oo ka tirsan ciidamada cadowga ayaa sidoo kale lagu weeraray hoobiyeyaal iyo gantaalada ridada gaaban, halka gantaalo kalena lagu garaacay magaalooyinka Israel.”

Abu Cubaydah ayaa ku goodiyay in Guutada Al-Qassam ay sii wadi doonto dagaalka lagu xoreynayo dhulka Falastiiniyiinta, illaa iyo inta ay dib kaga saarayaan cadowga, sida uu yiri.

Dhanka kale Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari oo xalay Warbaahinta ka soo muuqday ayaa qiray in ay askar fara-badan ku waayeen dagaalka ka socda Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii sheegay in wiil uu dhalay Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, Gadi Eisenkot, haatana ka mid ah Guddiga Golaha Wasiirada ee dagaalka lagu dilay Gaza.

Taliska ayaa sheegay in Major Gal Eisenkot oo 25 jir ahaa uu Khamiistii ku dhintay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza.

SODMA oo shaacisay inay dhaqaale la’aan soo food saartay oo uga sii dareysa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa markii ugu horeysay shaacisay in dhaqaale la’aan hayso, xilli dalka ay ka taagan tahay xaalad ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Niño.

Agaasimaha xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ee hay’adda SODMA oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda ay hayso raashin badan kuwa kalana u soo socdan balse aysan haysan dhaqaalo ay gobollada dalka ku gaarsiiyan.

Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay kordheen qasaraha ka dhashay roobabka iyo daadadka El-Niño.

“Waxaa inoo soo socda raashino badan, runtii beesha caalamka indhahooda waa nagu soo jeesteen oo gargaar badan ayay noo fidinayaan, laakiin waxaa meesha ka maqan dhaqaalihii ama miisaaniyadii lagu maareyn lahaa howlahaas oo dhan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Hay’adda SODMA kaligeed ma kaafiso, oo awoodeeda ma lahan, waxaan usoo jeedinayna in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagaan hay’adda maareynta musiibooyinka.”

SODMA ayaa ka dalbatay dowladda dhexe iyo xafiisyada madaxda sare ee dalka inay sii laba jibaaran garab istaagooda hay’adda, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka sida aadka ah ugu baahan.

“Waxaan oo raashin ah dhamaan inoo imaadan waxay nooga filan yihiin siddeeda billood ee soo socota aan iskaga filnanaano raashin dadkaas gaarsiino, oo sida ugu dhaqsaha badan ula gaarno dadkaasi baahida deg-dega ah hayso.”

Ugu dambeyntiina waxa uu walaac ka muujiyay in cudurada faafa ka dilaacan deegaanada ay saameynta xooggan ku yeesheen roobabka iyo daadadka El-Niño, isaga oo uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii daawooyin loo gaarsiin lahaa, ayada oo la kaashanayo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada caafimaadka.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya, xilli ay si guud marba marka ka dambeysa sii kordheyso xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, ayada oo tirada dhimashada ay gaartay illaa 120 ruux.

Xog: FAROOLE iyo DENI oo kulan yeelanaya + Qorshaha

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilo Madaxweyne hore Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Deni iyo Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sida wararku sheegayaan shir gaar ah ka yeelanaya xaaladda Siyaasadeed ee Puntland gaar ahaanna Arrimaha doorashada 2024.

Mudane Faroole oo shalay lagu soo dhaweeyay Garoowe ayaa sheegay in wada-hadal lagu dhammayn doono khilaafka weli ka jira doorashada Madaxtinimada Puntland.

Waxaa la filaya in uu qayb ka noqdo dhex-dhexaadinta Baarlamanka iyo Madaxtooyada oo weli ku muransan Arrinta doorashada kadib markii Baarlamanku samaystay hal sano oo mudda kororsi ah.

Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Siciid Deni go’aankii uu kaga laabtay doorashadii lagu muransanaa ee qof iyo cod islamarkaana uu ku aqbalay doorasho ku dhacda hannaankii hore ee 66-da.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale bogaadiyay odayaasha dhaqanka iyo dhammaan cid kasta oo door ka qaadatay Xal u helidda Khilaafkii doorashada Puntland ee 2024.

Waxa uu sheegay in wada-hadal lagu dhammaynayo khilaafaadka weli jira ee dhinaca doorashada taas oo sida muuqata uu ula jeedo Muranka la dhashay sannadka mudda kororsiga ah ee uu Baarlamanka Puntland samaystay.

Madaxweyne BIIXI oo isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada + Magacyada

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn ballaaran, taasi oo xilalkii kaga qaaday mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumadda, halka uu isku beddel ku sameeyay wasaaradaha qaarkood.

Wasiirrada uu xilka ka qaaday madaxweyne Biixi ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdi-naasir Cumar Jaamac.

Sidoo kale waxa uu wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland u magacaabay Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad, halka uu wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda u magacaabay Saleebaan Diiriye.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawaan sidan oo kale isku shaandhayn ballaaran ku sameeyay wasiirada xukuumadiisa, waana markii labaad ee uu isku bedel ku sameeyo golaha wasiirada dhamaadka sannadkan.

Hoos ka aqriso wareegtada oo u dhigneyd sidan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble
Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

2. Ku: Cabdi-naasir Cumar Jaamac
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

3. In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xasan Sheekh oo madaxda IGAD kala hadlay 3 qodob, hal arrina ku amaanay (Sawirro)

0

Jabuuti (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 41-aad ee Madaxda dalalka IGAD ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen in Soomaaliya ay ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyey fadhiga hoggaamiyeyaasha IGAD waxa uu ku tilmaamay caqabadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka gobolka, oo ay ka mid yihiin argagixisada, saameynta isbeddelka cimilada iyo colaadaha.

“Xubnaha Urur Goboleedka IGAD waxaan uga mahadcelinayaa taageerada ay siiyeen qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya iyo codsigeenni ku aaddanaa ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika, tallaabooyinka oo ka markhaati kacaya dadaalka aan ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo horumarsan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Shirka inta uu socday, waxa ay Madaxda IGAD ay warbixin ka dhageysteen Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkaas Mudane Cabdulfataax Alburhaan oo dul istaagay waanwaanta IGAD ee ku aaddan dagaalka dalka Suudaan.

Dowladda Soomaaliya waxay ka mid tahay xubnaha ku howllan xal u helidda dagaalkan ee heer IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ay ka taagan tahay dagaalka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taasi ay ku saleysan tahay casharkii shacabka Soomaaliyeed ay ka barteen burburkii dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Suudaan shacab iyo dowladba ay abaal weyn ku leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

 

Wasiir Faarax oo shaaciyey in 3,000 oo macaliin cusub ah ay DF qaadaneyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo war-saxaafadeed ka soo saartay ansixintii miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024-ka ayaa shaacisay qorshe muhiim ah oo sanadkaan ay damacsan tahay.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shaaciyey in bilowga sanadka soo socda ee 2024 ay wasaaraddu qaada doonto 3,000 oo macalin.

Waa fursad kale oo wasaaraddu ay shaacisay mar kale, waxayna sanadka 2024-ka macalimiinta dowladda u diiwaan gashay gaari doonaan 6,000 (lix kun) oo macalin.

Wasiirka Waxbarashada XFS ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka uga mahad celiyey, sida ay mudnaanta u siiyeen wax ka qabashada baahida waxbarashada dalka oo wasaaraddu ay u xil-saaran tahay.

“Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka uga mahadceliyey kordhinta qoondada miisaaniyadda wasaaradda oo qorshaheedu yahay baahinta, hormarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Qorshaha wasaaraddu wuxuu yahay in bilowga sanadka 2024-ka la qaato seddax kun 3,000 oo macalin oo cusub, si loo baahiyo waxbarashada sida weyn ubadkeenu u baahan yahay.”

Qorshaha xulashada macalimiinta cusub ayaa lagu sheegay qoraalkaan in la guda gelayo bilowga sanadka cusub, iyadoo mudnaan la siinayo dumarka.

“Qorshahaan lagu qaadanayo macalimiinta waa wejigii labaad oo qeyb ka ah barnaamijka qaran ee baahinta waxbarashada, si loo gaaro malaayiinta Soomaaliyeed ee aan weli helin fursadaha waxbarashada ee xaqa ay u leeyihiin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka oo si cad u diiday xabad-joojin ka hirgasha Gaza, sababtana shaaciyey

0

New York (Caasimada Online)- Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah.

Qaraarkaas waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaranada Midoobey.

Dowladda Mareykanka ayaa si cad u diiday inay u codeyso xabad-joojin ka dhaqan gasha dhulka reer Falastiin, halka dowladda Britian ay ka aamustay u codeyntii qaraarkaas.

Qaraarka ayaa fashilmay kadib markii Mareykanku uu adeegsaday codkiisa qayaxan, safiir ku xigeenka Mareykanka u jooga golaha ammaanka ee QM ayaa golaha ku eedeeyey in aysan cambaareyn weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil, halkaas oo Xamaas ay ku dishay dad ka badanaa 1,200 oo qof oo u badnaa rayid.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu golaha ammaanka ka hor sheegay in qaraarka aan lagu cadeyn xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.

“Xamaas dooni meyso inay aragto laba dowladood oo nabad ku wada nool, sidaas darteed Mareykanka oo aad u doonaya in Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay nabad ku wada noolaa karaan, ma taageereyno baaqyada xabad joojinta deg degga ah,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka ee QM.

Cod u qaadista qararkaan ayaa timid kadib markii xoghayaha golaha ammaanka uu si lama filaan ah u dalbaday fadhi aan caadi aheyn, si loo faro geliyo xaaladda ka taagan Gaza, iyadoo la dalbanayo xabad joojin bini’aadanimo.

Danjirayaasha dowladda Imaaraadka u jooga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markiiba ku dhaqaaqay inay golaha geeyaan qaraarkaan, iyagoo intii aysan codeyntu bilaaban sheegay inay taageero uga heleen in ka badan 100 wadan.

Ku xigeenka Danjiraha Qaramada Midoobey ee Imaaraadka Maxamed Shahaab ayaa xalay sheegay inay heleen taageerada 100 dal oo dooneysa in xabad joojin ka dhaqan gasha Gaza, taasi oo muujisay caalamku u daneynayo in wax laga bedelo xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan Falastiin.

Xildhibaannada BF oo mushahar kordhin sameystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa sameystay mushaar kordhin, kaas oo qayb ka ah miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Kulanka maanta ayaa ajendihiisu wuxuu ahaa warbixinta Akhrinta 2-aad iyo Akhrinta 3-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka, ayada oo uu kulanka guddoomiyay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

Guud ahaan mushaarka xildhibaanada labada Aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa laga dhigay sanadka cusub 2024 $1,645,000, halka uu sanadkii hore uu ahaa  ahaa $1,151,500.

Xildhibaan kasta hadda waxaa loogu kordhiyay lacag dhan $1,500, halka markii hore uu qaadanayay $3,500, taas oo ka dhigay in hadda uu qaadan doono $5,000.

Mushaar kordhintan ayaa lagu caddeeyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka oo ay maanta ansixiyeen xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka dalka.

Sida uu shaaciyay guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa miisaaniyadda meelmarisay illaa 186 Mudane oo ka kooban labada Gole, kuwaas oo gacan taag ku ogolaaday miisaaniyadda halka ay diideen 3 Xildhibaan oo kaliya.

Dhankiisa Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo kulanka goobjoog ahaa ayaa u mahadceliyay baarlamaanka, kadib khudbad ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa.

Ugu dambeyn Biixi ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maray

Muxuu madaxweyne Xasan kala hadlay dhiggiisa Jabuuti? + Sawirro

0

Jabuuto (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Gelle oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Labada madaxweyne ayaa iska xog waraystay xaaladda guud ee gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro Shabaab, kaas oo ay qay-qayb ka tahay dowladda Jabuuti oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya..

Madxweyne Xasan Sheekh Maamuud ayaa Jabuuti u tegay ka qayb-galka  kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD ee ka furmaya waddankaasi.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.

Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.

Maxkamadda ciidamada oo la horgeeyay mas’uul loo haysto Shabaabnimo + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay mas’uul hore oo loo haysto inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu Muqdisho uga fuliyay howlo ay u dirsatay kooxda.

Ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Saalax Maxamuud (Afrax) ayaa horay guddoomiye ku xigeen uga soo noqday degmooyinka Hodan iyo Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Afrax ayaa waxaa xeer ilaalinta ay kusoo eedeysay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, uuna shirqoolo uga fuliyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waxaa kale oo lagu soo eedeeyay inuu Muqdisho ka dhoofin jiray, kana soo dajin jiray xubnaha kooxda Alshabaab, isagoo isticmaalaya shaatiga dowladda.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan uu aaminsanaa fikirka Shabaabnimada isagoo xil ka haya dowladda, iyaga oo beeniyay in lagu qasbay wareysi uu horay u bixiyay oo uu ku sheegay inuu ka baxay dowladda, iskuna dhiibay Al-Shabaab.

Codkaas oo loogu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa mar dambe beeniyay isla Abuukar oo sheegay in la afduubtay, kadibna si qasab ah looga duubay, sida uu hadalka u dhigay.

Qareenada difaacaya eedeysanahan ayaa dhankooda sheegay in uusan Abuukar ahayn Shabaab, balse codka laga duubay uu ku badbaadsanayay nafsadiisa, iyaga oo intaasi ku daray inay beegsi ku hayeen ganacsi uu ku lahaa gudaha magaalada Muqdisho.

Gabagabadii waxaa fadhiga Maxkamadda soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute_ oo shaaciyay in go’aanka xukunka ay dib ka shaacin doono Maxkamadda Ciidamada.

Si kastaba, ma’aha mas’uulkii ugu horreeyay ee kasoo muuqday Maxkamad, isaga oo loo haysto Al-Shabaabnimo, waxaana jiray kuwa isaga ka horreeyay oo la Maxkamadeeyay.

Fal-celin ‘aan caadi aheyn’ oo ka dhalatay magacaabista Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay u magacaabay in uu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa horay u ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh maalin ka hor ka-taliyihiisa arrimaha dastuurka u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay isaga casilay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Dr. Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed. Waxa uuna sheegay Xasan in magacaabidiisa ay mudnaan gaar ah u leedahay dowlad-dhiska iyo horumarinta nabadda Soomaaliya.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Axmed Cartan: “Qofkasta meeshu ku wanaagsan yahay ha lageeyo waa arin wanaagsan.”

“Umada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay cadaalad iyo wax qabad ee uma baahna dib u heshiin,” ayuu yiri Cumar Axmed.

Cizudiin Sheekh Cabdullaahi: “Xasan intuu shaxaad kusii lahaa xil in uu kuu magacaabaa uga fudud.”

“Masha Allah waa khabiir ku takhasusay arrimaha shaqo abuurka, waxaan ka rajeyneynaa in uu wax badan ka qaban doono,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Cusmaan.

Shiine Xassan: “Wa shaqsi mudan xil kas ah, wax badana ka qaban kara nabadeen iyo dib u heshisiin.”

“Hambalyo Dr Baadiyoow qaraabada hadaan la ogaan yaa la ogaan lahaa asal,” ayuu Maxamed Cabdulqaadir uga fal-celiyay magacaabista madaxweynaha oo lasoo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook.

Maxamed ayaa isna yiri “Xasanow odayaashaan qadeeyay ee aad shaqa abuurka u sameenayso wallaahi dhalinyarta kaga kheyr badan ee aad mustaqbalka uga cayaarteen.”

“Hambalyo Ustad Abdirahman Baadiyow magacaabistiisa meeshii la rabey ayey ku dhacdey, lagamana il-duufin,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Cabdullaahi Warsame ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Wallee Xasan Sheekh shaxda siyaasadu fahmay mashquulin casriyeysan baaga mudo iga ilaali.”

Muudey Xuseen Cali: “Dr Baadiyow waa aqoon-yahan wax badan kasoo shaqeeyay nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya illaa iyo Carte caawa waa uu asiibay madaxweynaha magaacabida.”