25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Somaliland oo sheegtay inay qabatay sirdoon la shaqeyn jiray Fahad Yasin + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee loo yaqaano NIA ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay rag kamid ah sirdoonka Soomaaliya.

Raggan oo laba ah ayey hay’adda Sirdoonka Somaliland waxay sheegtay inay la shaqeyn jireen Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

Waxay sheegtay in labadan nin ee sida ay sheegtay ka tirsanaa xubnihii hoostagi jiray Fahad Yaasiin ay gudaha Somaliland ka fuliyeen falal lidi ku ah jiritaankeeda, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay NIA.

Labada nin ayaa sida ay hay’adda shaacisay waxaa lagu kala magacaaba Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdullaahi. Sidoo kale waxay soo bandhigtay sawiradooda.

“Hay’adda ugu saraysa amniga SL NIA ayaa gacanta ku dhigtey Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, iyo Sahal Axmed Cabdilaahi, oo labaduba kamid ah sirdoonka Soomaaliya, gaara ahaana shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin, kuwaas oo SL ka fuliyay falal lidi ku ah jiritaankeeda,” ayuu u dhigna qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo haysta shahadaada PhD, ayaa horay u soo noqoday Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland.

Cabdiraxmaan ayaa ah nin ku takhasusuay cilmiga noolaha badda iyo dhammaan kuluumeysiga.

NIA ma shaacin nooca howl-gal ee Somaliland ka fuliyeen raggan ay sheegtay inay ka tirsanaayeen Sirdoonka Soomaaliya, keliyana waxay ku soo koobtay “falal lidi ku ah jiritaankeeda”.

Sirdoonka Somaliland ayaa tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay hoggaan cusub, waxay warbaahinta la wadaageysay howl-gallada ay fuliso, iyada oo dhawaan baahisay shaqsiyaad ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraal markaasi kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

Xog: Garaad Jaamac oo shir deg-deg ah isugu yeeray golaha dhaqanka SSC

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid waxgaradka SSC-Khaatuma ayaa iclaamiyay shir wadatashi ah oo ay Laascaanood ku teelanayaan golaha dhaqanka ee SSC.

Garaadka ayaa ugu baaqay dhammaan odayaasha dhaqanka in ay muddo 5 cisho ah kusoo gaaraan magaalada Laascaanood, si ay uga soo qaybgalaan shirkaasi deg-degga ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan xasaasiga ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan khilaafka ka taaagan doorashada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in odayaashu ay go’aan kasoo saari doonaan, sida laga yeelayo arrinta ka soo korortay doorashada Puntland, gaar xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC.

Dood adag ayaa haatan waxa a ka taagan tahay soo xulista xildhibaanada laga soo doorto deegaanada SSC,  maadaama dadka deegaankaasi ay hadda yeesheen maamul gaar ah oo ka madax banaan Somaliland iyo Puntland.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, isla markaana ay waji cusub yeelatay xiisadda ka taagan Puntland, kadib markii golaha wakiilada Puntland oo ka duulaya xalka ay soo saareen Isimada SSC ay sameysteen hal sano oo muddo kordhin ah, taas oo dhalisay muran xoogan oo horleh.

Go’aannadaan hoose ayay horay usoo saareen Isimada SSC-Khaatuma kadib kulamo ay la yeesheen Saciid Deni iyo mucaaradka, kuwaas oo kala ahaa:-

  1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan.
  2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024
  3. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira.
  4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah.
  5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah.
  6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa.

Xukuumadda Saciid Deni oo u hanjabtay baarlamaanka kadib tallaabadii ay qaadeen

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaacisay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso Baarlamanka Puntland kadib markii uu samaystay mudda kororsi hal sano ah.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Baarlamanka

Wasiirka Caydiid ayaa sheegay in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

“Laba qodob ayaa mid soo baxaya; Madaxeeynuhu in uu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto,” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

“Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya,” ayuu sii raaciyay wasiirka Warfaafinta Puntland.

Saciid Deni ayaa horey uga dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka inuu soo saaro lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida doorashada, si loo dardar-geliyo.

“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayas in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Saciid Deni.

Fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen lix degaan oo la burburiyay + Sawirro

0

Baydhabi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay howl-gallo saacadihii u dambeeyay ay ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay howl-gal bur-burin ah ka sameeyeen deegaanada kala ah Farag, Huuyaley, Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor iyo Ceelgaras, oo dhamaantood hoostaga degmada Xudur.

Deegaanadan ayaa ahaa kuwa ay fariismi ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidanka xoogga dalka bur-buriyeen fariisimihii kooxda ay ku lahaayeen deegaanadaas.

Dhinaca kale, Taliye ku-xigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Gaashaanle Yoonis Adan Hassan oo warbaahinta ciidamada qalabka sida la hadlay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan khasaare xoog leh oo kooxda lagu gaarsiiyay howl-galkaan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa guud ahaan gobollada dalka ka wada howl-galo lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah maamulka Koonfur Galbeed uga bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ay dhawaan xooggeeda iskugu geyn doonta Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda, ayada oo sidoo kale uu madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka.

Duqa Istanbul oo sheegay inuu baxsaday wiilka Xasan oo loo haystay kiis dil ah

Istanbul (Caasimada Online) – Duqa magaalada Istanbul ee dalka Turkey, Ekrem İmamoğlu ayaa shaaca ka qaaday in wiilka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu eedeeyey dilka muwaadin Turkish ah, uu dalka ka baxsaday.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday.

“Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu. 

Waxa uu intaas ku daray “Xanuunka qoyska dhibbanaha ah ayaa sii kordhay. Caqliyadda indhaha ka qarsanaysa, oo ogolaanaysa baxsashadan, nasiib darro, waa mid aad u liidata oo aan difaaci karin xuquuqda muwaadinka dalkiisa.” 

Ekrem İmamoğlu ma shaacin sida ay baxshadu u dhacday. Balse waxaa horey u jiray warar sheegaya in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu haystay xasaanad diblomaasiyadeed, oo sidaas ay usii daayeen booliska.

Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay dalka…

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka  kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadli doono xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee kasoo qayb-galayo kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.

Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay BAKOOL

0

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Huujaley oo hoostaga degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad, qaybta 60-aad oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay khasaare gaarsiiyeen.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in haatan ay gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay, xaaladdana ay dagan tahay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee ay ka fuliyeen agagaarka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in dhawaan Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.

Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabay Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh maalin ka hor ka-taliyihiisa arrimaha dastuurka u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay isaga casilay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in magacaabidda Dr. Baadiyow ay mudnaan gaar ah u leedahay dowlad-dhiska iyo horumarinta nabadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa u muuqda nin aruursanaya oo dowladda uu hoggaamiyo ku soo daraya xubnaha miisaanka leh ee aqoonta durugsan u leh dowladnimada Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada BAQDAADA oo weerar culus lagu qaaday

0

Baqdaad (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa lagu weeraray in ka badan 12 gantaal.

Ilaa hadda lama ogaan khasaaraha ka dhashay weerarkaan oo dhacay goordhow, waxaana la sugayaa faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxda Mareykanka.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaa si hordhac ah u sheegay in koox maleeshiyo ah oo la safan dowladda Iran la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarkaas.

Madaafiicda ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ay ku dhaceen albaabka hore iyo gudaha safaaradda, halka kuwo kalena ay ku dhaceen togga Tigris oo safaaradda u dhow.

Kooxaha hubeysan ee dowladda Iran ay taageerto ayaa lala xiriiriyay in weerarro ka badan 70 ay qaadeen ciidamada iyo shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Sidoo kale kooxaha Iiraan ku xiran waxaa la sheegay inay Ameerican-ka si joogto ah ugu weeraraan dalka Suuriya tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.

Dowladaha la xifaaltama Mareykanka oo Iiraan ay ugu horeyso iyo kooxaha jihaadiyiinta ah ayaa ka careysan taageerada uu Mareykanku siiyo Israa’iil oo weerarro iyo xasuuq aan loo meel-deyin ku heysa dadka muslimiinta ah ee reer Falantiin.

Sidoo kale, Ciraaq waxaa weli ka taagan xiisadii ka dhalatay dilkii Qaasim Suleymaani oo ahaa sarkaal awood badan oo Iiraani ahaa, kaas oo Mareykanku uu duqeyn ku dilay.

Qorshe culus oo Shabaab ay damacsaneyd la fashiliyay iyo xubno gacanta lagu dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qarax lagu aasayay wadada u dhaxeeya degmada Beledweyne iyo Buula-burte

Ciidanka isgarabsanaya ayaa sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen xubin Shabaab ah oo loo xil-saaray in uu wadadaasi ku aaso miino, si ay ugu waxyeeleyaan ciidanka dagaalka kula jira iyo dadka shacabka ahba.

Qabashada Shabaab-ka ayaa timid xilli ay socdeen howl-gallo looga hortagayo dhagarta kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaleysanaya dhulka buuraleyda ah ee u dhaxeeya Beledweyne iyo Buula-burte, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa haatan ku howlan ama sii wada raadinta kooxda Al-Shabaab ee lagu tuhmay in ay gabbaad ka dhiganayaan dhulka buuraleyda ah, iyaga oo doonaya in ay aasaan walxaha qarxa.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.

Si kastaba, wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maraya heer geba-gebo ah, waxaana dhawaan la filayaa inuu billowdo wejiga xigga ee dagaalka, xilli dowladda Soomaaliya laga qaaday xayiraada hubka, iskuna diyaarineyso in kooxda u isticmaasho hub ka culus midkii lagu galay wejigii hore ee dagaalka.

Saraakiil sare oo ka tirsan Puntland oo lala xiriiriyay afduubka doontii IRAN

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dooni laga leeyahay dalka Iran oo dhawaan lagu afduubtay xeebaha Puntland gaar ahaan aagga degmada Qandala.

Maxamed Cabdi Saciid, oo kamid ah masuuliyiinta doonidaan la afduubtay oo la hadlay SBC Somali TV, ayaa sheegay in kooxda burcad badeedda ah ee afduubtay ay ka dambeeyaan saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Puntland.

Waxa uu si gaar ah ugu eedeeyay afduubka doontaan taliyaha degmada Qandala, sidoo kalena ragga doonida haysta ay kamid yihiin kuwa caan ah oo horay burcad badeed lagu xiray.

“Taliyaha degmada Qandala inuu kamid yahay dadka qabsaday waa la xaqiijiyay, ragga doonida haysta waxaa kamid ah rag burcad badeed lagu xiray oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisa ku xirna tobaneeyo sano ah,” ayuu yiri Maxamed Saciid oo kamid ah masuuliyiinta doontaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in taliska Puntland ku wargeliyeen afduubka doontaan, hase yeeshe ay weli jirin tallaabo ay qaaday, “Waxaan ka codsaneyna Puntland iyo ciidankaan Yurubiyaanka in doonidaas nooga sii daayan burcad badeedka, raggii dambeeyay Boosaaso iyo halkaas ayay joogaan.”

Waxa uu sheegay in shaqaalaha saarna doonida ay yihiin Iraani, ayna tiradoodu dhan tahay illaa 25 qof, kumana jiraan Soomaali, sida uu sheegay Maxamed Cabdi Saciid.

“Wax madax furasho ah oo nala weydiiyay majiryo oo nalama soo xiriirinba. Anagu la xiriiri weynay oo lambaradooda waan raadinay, qeybtood lambaradooda wey dansan yihiin, iyaguna namay soo wicin oo nalama soo xiriirin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday maamulka Puntland iyo ciidanka kale ee badda jooga inay kala shaqeeyaan sidii loo soo furdaamin lahaa doontaasi, oo muddo ku dhow 10 maalmood gacanta ugu jirta kooxda burcad badeedda.

Si kastaba, waa doontii labaad ee kalluumaysi oo dalka Iran laga leeyahay, taasi oo laba todobaad gudahood koox burcad ay kaga afduubtaan bariga Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso

20 saldhig oo ay lahaayeen ATMIS oo burburay kadib…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa markii u horreysay la shaaciyay in ay saameyn xooggan ku yeesheen roobabka iyo daadadka El-Niño.

Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee loo yaqaano UNSOS iyo howl-galka ATMIS oo si wada-jir ah qoimeyn ugu sameeyay khasaaraha howl-galka ka soo gaaray xaaladdan ayaa shaaciyay in daadadka ay harqiyeen illaa 20 saldhig.

Saldhigyada oo ay leeyihiin ciidanka ATMIS, ayaa la sheegay in ay saameeysay adeeg bixintooda dhinaca amniga, intooda badan waxay ku yaallan gobolka Jubbada Hoose.

“Daadadka El-Niño ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya waxay saameyn ku yeesheen howl-gallada ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska UNSOM.

Ku-xigeenka madaxa adeegga bixinta ee UNSOS Michael Dorn iyo taliye ku-xigeenka ciidanka ATMIS ee dhinaca taageerada iyo saadka Maj Gen Peter Muteti ayaa sidoo kale soo indha-indheeyay saameynta howl-galka kasoo gaartay daadadka El-Niño.

Dorn iyo Muteti ayaa tegay Dhoobley, taasi oo qayb ka ah booqasho joogto ah oo ay ku tagayaan qaybaha kala duwan ee ATMIS, si ay u qiimeeyaan xaaladda  dhulka.

“Saldhigyada jiidda hore ee sida ugu badan ay u saameeyeen daadadku, waxay kala yihiin, Sector Four iyo Sector Three iyo ilaa Qaybta Shanaad. Waa Baydhabo, Beledweyne, iyo Jowhar,” ayuu yiri Michael Dorn.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa jira dabcan meelo kale oo dalka ka mid ah sida Kismaayo ilaa xad iyo Dhoobleey oo waddooyin iyo garoomo diyaaradeed ay biyo fariistaan. Taasina waa caqabad aad u weyn maadaama aanan u isticmaali karin wadada saadka.”

Afar cashar oo weyn oo ku jira go’aankii lama filaanka ah ee Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen hore ku dhowaaqay inuu ka laabtay go’aankiisii ahaa inay Puntland ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu aqbalay in la aado doorashadii hore oo aheyd inay 66 xubnood ee Golaha Wakiilada Puntland soo doortaan odayaasha qabaa’ilka.

Deni ayaa muddo dhowr billood ah lagu qancin waayay inuu dhexda soo dhigo doorashada, balse wuxuu markii dambe lumiyay kalsoonidii dhaqanka, waxaa kala qeybsamay baarlamaanka, gaar ahaan xubnihii u xil-saarna arrimaha doorashooyinka, halka beesha caalamka ay uga digtay inuu gacan ka hadal kale u horseedo deegaanada Puntland.

Go’aanka Deni ayaa kusoo aaday saacado kadib markii odayaal waan-waan ku jiray ay soo jeediyeen in baarlamaanka hadda jooga loogu daro hal sano, iyaguna ay doortaan hoggaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa.

Laakiin Saciid Deni ayaa aaday jiho taas 100% ka duwan, dhowr cashir ayaa ku jira go’aanka uu xalay qaatay Saciid Cabdullaahi Deni.

1- In aan damac shaqsi ah loo afduubi karin danta guud

Deni waxaa la xasuusta sidii uu u diiday damacii halka dhinac ahaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si taas lamid ah ayaa isna tiisi loo diiday.

Waa cadeynta in aan heer walba oo dowladeed oo ay Soomaalida joogto maanta in aan hal mid lagu guuleysan karin waana in damac shaqsi ah danta guud loo afduubi.

2- Natiijada go’aankiisa cidna kula macaashin

Saciid Deni wuxuu iska diiday inay dad kale sheegtan ama shirko kula noqdaan go’aankiisa. Wuxuu durba bogaadin ka helay dad badan oo reer Puntland ah oo ku aamanay inuu maamulka badbaadiyay, oo laga baaqsaday gacan ka hadal kale.

Sidan hore u sheegnay madaxda uu muddo xileedka ka dhamaanayo uma fiicna inay galaan doorasho lagu qasbay, waxaa u haboon inay garashadooda weelka dhexda kusoo dhigaan si ay ugu yaraan wax uun ugu dhasho.

3- Xilliga doorashooyinka isfahm siyaasadeedka ayaa ka muhiimsan dastuurka

Saciid Cabdullaahi Deni iyo madax kale oo Soomaaliyeed oo ka horeysay ayaa dhamaan tijaabiyay inay beddelaan qodobo dastuuri ah, inay qortaan sharciyo u gaara ah oo ay baarlamaanada lacag badan ku bixiyaan, si ay damac shaqsi ah sharciyad ugu raadiyaan.

Laakiin marwalba waxay kusoo dhamaata oo la isla qaata hab mucaaradka iyo muxaafadkuba wada aqbali karaan. Haddii wax laga baranayo arrintaan waa in laga qaata in heshiis siyaasadeedka ama is ogol siyaasadeedka ka xoog badan yahay qodobada dastuurka marka la joogo xilliga doorashooyinka.

4- Farriin ku socota maamullada kale ee ay doorashooyinkooda soo dhow yihiin

In Saciid Deni dib loo dooran doono iyo inkale waa jawaab lala sugayo maalinteeda. Laakiin haddii uu Saciid Deni xoogi lahaa hanaanka doorashada Puntland waxay sahli laheyd in la boobo dhamaan doorashooyinka kale ee dalka.

Reer Puntland waxay cashir siiyeen maamullada kale ee dalka, waxaa hadda bilaaban karta in maamullada kale qaarkood iyagana laga diido muddo kororsi iyo in hanaanka doorashada la xoogo.

DENMARK oo go’aan lama filaan ah ka gaartay arrin Muslimiinta ka careysiisay

Copenhagen (Caasimada Online) – Baarlamaanka Denmark ayaa Khamiistii meel-mariyay sharci dambi ka dhigaya in kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubo goobaha fagaarayaasha ah.

Baarlamaanka Denmark ayaa tallaabada u qaaday si loo dejiyo carada dalalka Muslimiinta ah, kadib markii ay Denmark ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata, kadib markii la gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah.

Denmark iyo Sweden ayaa sanadkan la kulmay mudaaharaadyo is daba joog ah, halkaas oo dadka uu ku jiro Islaam Naceybka ay gubeen ama si kale u dhaawaceen nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka, taasi oo dhalisay in dawladaha Waqooyiga Yurub ay mamnuucaan dhaqankaas.

Sida uu sheegay wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard, in ka badan 500 oo mudaaharaadyo ah oo ay ku jiraan gubista qur’aanka kariimka ah ama calanka ayaa la diiwaan-geliyay tan iyo bishii July.

“Bannaan-baxyadan oo kale waxay dhaawici karaan xiriirka Danmark la leedahay dalalka kale, danahayaga iyo ugu dambeyntii badbaadadayada,” ayuu yiri Hummelgaard.

“Isu-dheellitirka xoriyatul qawlka ee uu dastuurku ilaalinayo, oo ay ku jirto xaqa dhaleecaynta diinta, iyo amniga qaranka iyada oo laga cabsi qabo in qur’aanka la gubo ay horseedi karto weerarro kaga yimaada Islaamiyiinta.”

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Rasmus Paludan oo haysta dhalashada dalalka Denmark iyo Sweden uu nuqul kamid ah Qur’aanka Kariimka ah uu ku gubay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Stocholm, isaga oo mar kalena masaajid hortiisa ku gubay, falalkaasi oo si weyn uga careysiiyay Muslimiinta.

Arrimahan ayaa waxaa ka dhalatay carro xooggan, gaar ahaan Muslimiinta iyo dalalkooda, oo iyagu muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaan, ayna tahay in wax laga qabto ficilada noocaan ah ee daan-daansiga ah, kaasi oo ugu dambeyntii ay Denmark meel-marisay go’aan dambi ka dhigaya.

Xog cusub oo laga bixiyay heshiiska xasaasiga ah ee ay galeen Somalia iyo Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii iskaashi ee difaaca labada dal.

Heshiiska cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU) ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Abraham Belay.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiiskan, isaga oo sheegay in uu wax badan ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal.

Danjire Warfaa ayaa waxa uu sheegay in heshiiskan ay labada dowladood bishii September ay ku saxiixdeen Muqdisho, balse uu maanta si rasmi usoo dhameystirmay cusbooneysiintiisa.

“Heshiiskan is afgaradka ah waxaa markii ugu horreysay looga wada-hadlay oo lagu kala saxiixday shirkii guddiyada heer wasiir ee labada dowladood ay ku yeesheen bishii September ee sanadkaan magaalada Muqdisho, balse dhameystirkiisu wuxuu soo dhamaaday maanta oo markale dib loo cusbooneysiiyay lagana gaaray isfaham la xiriira iskaashi buuxa oo labada dal ka yeelanayaan arrimaha difaaca,” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Iyada oo laga duulayo iskaashigan iyo heshiiskan ku saabsan ee kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa lagu heshiiyay in kor loo qaado lana xoojiyo iskaashigan hadda jira ee ku saabsan arrimaha amniga iyo difaaca.”

Horay labada dowladood ayaa u kala saxiixday bishii February, 2014. Heshiiskan hadda ayaana lasii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal oo sahlaya in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Sida lagu sheegay qoraalka heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha guddiyo difaac oo wadajir ah oo ka shaqeyn doona xasiloonida amni ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Guddiyada la dhisi doono waxay horumarinayaan, islamarkaana fududeynayaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wiilka madaxweyne Xasan Sheekh oo loo haysto dil ka dhacay Istanbul (Daawo)

Istanbul (Caasimada Online) – Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyey inuu dilay muwaadin Turkish ah, oo uu gaari ku dhuftay.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Maxamed ayaa lasii daayey kadib markii booliska ay warbixin ka qoreen, taasi oo caro xooggan ka dhalisay Turkiga.

Duqa magaalada Istanbul ayaa hadda wacad ku maraya in kiiskan aanu ka hari doonin.

“Wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baabuur ku dhuftay Yunus Emre Göcer oo mooto waday, taasi oo keentay inuu geeriyoodo, waxaana lasii daayey. Allah ha u naxariisto Göcer, waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay,” ayuu yiri duqa magaalada Istabul.

“Kama hari doono arrintan. Waxaan raaci doonaa nidaamka sharciga ah, waxaana soo taaban doonaa illaa dhammaadka aniga oo ka wakiil ah tobanaan kun oo ka mid ah shaqaalaha mootooyinka,” ayuu ku daray.

Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.

DENI oo qaaday tallaabo cusub kadib go’aankii shalay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen hore ka laabtay go’aankiisii doorasho qof iyo cod, kaasi oo uu muddo ku dhaganaa.

Saciid Deni ayaa markaas sheegay inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland, wuxuuna haatan qaaday tallaabo kale oo lagu dadajinayo doorashada, maadaama uu dhow yahay waqtigeeda.

“Waxaan rabaa anoo u turaya Mustaqbalka Puntland in aan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan,” ayuu xalay yiri Siciid Deni, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale soo saaray xeer madaxweyne oo ku saabsan soo xulidda xubnaha Golaha Wakiilada dowlad-goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka inuu soo saaro lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida doorashada, si loo dardar-geliyo.

“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayas in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Saciid Deni.

Go’aanka uu qaatay Deni ayaa ah midka ay rabeen xubnaha mucaaradka ee ku sugan Garoowe, kuwaasi oo muddo dheer diidanaa doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxaa haatan Deni laga sugayaa inuu soo magacaabo guddigii qaban lahaa doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loo qorsheeyey.

Dhinaca kale, mucaaradka Puntland ayaa la filayaa inay war ka soo saaraan go’aanka cusub ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Deni, maadaama ay mudo dheer u soo dagaalamayeen hanaanka uu ugu dambeyntii ogolaaday in doorashada Puntland loo qabto.

Si kastaba, arrintan ayaa meesha ka saareysa walaacii laga qabay fowdo ka dhalata ismari-waaga doorashada maamulka Puntland, waxaana haatan bilaabay ololaha tartanka doorashada.

Sawirro: Qoor Qoor iyo wafdi culus oo gaaray Hobyo iyo qorshe culus oo socda

0

Hobyo (Caassimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta ka degay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS, lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweyne Qoor Qoor iyo wafidigiisa ee Hobyo soo gaaray ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug.

Dadaaladaan ayaa ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo oo sida la qorsheeyey dhawaan lagu bilaabayo dhisme rasmi ah.

Hadda, si kumeel gaar ah ayey u shaqeysaa dekedda Hobyo oo waxaa ka dhisan marso yar oo ay ka soo degaan gaadiidka raaxada ee laga isticmaalo gobollada dhexe iyo shixnado aan badneyn.

Dhawaan qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug oo Habargidir u badan ayaa ku heshiiyey in si casri ah loo dhiso dekedda Hobyo, waxaana hadda Hobyo lagu kala saxiixanayaa heshiis rasmi ah, si loo bilaabo dhismaha.

Dhawaanahaan waxaa Dhuusamareeb ka socday abaabulka ganacsatada beelaha iyo maamulka Galmudug ay ugu jireen dhismaha dekedaan, marar badan ayuu dib u dhacay shirka hadda ka furmaya Hobyo, balse hadda ayaa lagu guuleystay in la guda galo howsha.

Sanadka cusub ee 2024-ka oo maalmo kooban ay naga xigaan horaantiisa ayaa la qorsheeyey inuu bilowdo dhismaha dekedda Hobyo, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ganacsatada maalgashaneysa dekedda Hobyo.

Sawirro: DF oo Mahadaay u dirtay gaadiidkii u badnaa oo…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa 30 gaadiidka nuuca xamuulka qaada ah u dirtay degmada Mahadaay.

Gaadiidkan oo sida shixnad gargaar mucaawino ah ayey saacadihii lasoo dhaafay hay’adda SODMA u dirtay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda dhexe iyo deeganadda hoostaga ee maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale gargaarkaan waxaa wehliya Doon nuuca dheereysa oo loogu tala-galay in dadka go’doonsan lagu badbaadiyo goobaha qaar ee aan gaadiidka tagi karina raashinka lagu gaarsiiyo.

Mucaawinadan iyo doontaan ayaa loogu tala-galay in la garsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee saameynta ka soo gaartay fatahaada webiga Shabeelle ku nool gudaha Mahadaay iyo tuuloyinka ku xeeran.

Goobaha gargaarkaan ku wajahan yahay ayaa hore waxaa uga jirtay xaalad adag oo ay wajahayeen boqolaal shacab Soomaaliyeed ah oo halkaas ku nool, taas oo sameen ka soo gaartay xaaladaha El-Niño.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka oo ay ku dhufteen daadad iyo fatahaado is wata.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SODMA ayaa horay u sheegtay in daadadka ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, kuna barakaceen in ka badan 900,000 oo qof

“96 ka mid ah dhimashada, 28 ka mid ah waxay ku dhinteen dooni la dagtay iyagoo Al-Shabaab ka cararayay,” ayuu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha SODMA.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, ayada saaxiibada caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka ka dalbatay in gargaar bani’aadannimo lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed.

default

Sababta DENI ku qasabtay go’aankii lama filaanka ahaa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in Doorashada Puntland xiligeeda ku dhacdo iyadoo loo noqonayo nidaamkii horey u jiray ee baarlamaanka.

Go’aankan Deni ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii Guddigii Issimada SSC-Khaatumo ay soo saareen soo jeedinta xalinta khilaafka doorashooyinka Puntland, iyagoo soo jeediyey in Baarlamaanka hada jira soo doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Issimada ayaa sidoo kale soo jeediyey in 12 bilood kadib la qabto doorashada Baarlamaanka Puntland oo ku dhaceysa nidaamka xisbiyada ama codka shacabka.

Taladda Issimada Khaatumo ayaa taageerayey talooyinkii horey loogu soo jeediyey Madaxweynaha Puntland ee ka yimid Issimada Puntland, Ganacsatada iyo Culumadda, walow Madaxweynuhu horey talooyinkaasi u qaadacay.

Isku daygan issimada Khaatumo ayaa ahaa kii ugu danbeeyey oo lagu baajin karay isku dhac ka dhasha doorashooyinka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisii si weyn ugu duray go’aanka issimada Khaatumo oo uu ku tilmaamay mid khaldan oo ay gacmo kale ku jiraan, isagoo sheegay inuu aqbalay in doorashada xiligeeda dhacdo balse lasoo doorto 66 Xildhibaan oo cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Puntland iyo SSC-Khaatumo

Issimada ayaa go’aankooda sidoo kale xal ugu raadinayey arrinta kala saarida maamulada Puntland iyo SSC-Khaatumo.

Baarlamaanka Puntland ayey hada ku jiraan xildhibaano badan oo laga soo doorto Sool iyo Buuhoodle, waxayna issimada horey u sheegeen inaysan soo magacaabi doonin xildhibaanadaas, kadib dhismihii maamulka SSC-Khaatumo, arrintaasi oo caqabad ku noqonaysa dhismaha Baarlamaan cusub ee Puntland oo ka kooban 66.

Tani ayey ku xaliyeen in Baarlamaanka hada jooga soo doorto Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, si dowlada danbe fursad ugu hesho dhameystirka nidaamka xisbiyada iyo Mashruuca lagu kala saarayo awood-qeybsigii hore ee shacabka Puntland.

Deni ayaa isagu doonayey in wakhti loogu daro balse taasi waxaa si cad uga horyimid mucaaridka.

Fursadihii Deni iyo wakhtigii kalumay

Madaxweyne Deni oo lagu amaanay xiligii uu xilka qabtay inuu dar dar geliyey dhismaha nidaamka Xisbiyadda baddan, inkastoo dadaalkaasi uu hoos u dhigay kadib natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinka Golayaasha deegaanka.

Arrintaasi oo si weyn u dhaawacday nidaamkii la isla ogolaa ee Doorashooyinka, waxaana wakhti kale oo dheeraad ah kasii dhumiyey Madaxweynaha tartankii uu u galay doorashada Federaalka oo hakad ku keentay hawshii dowlada Puntland.

Doorashada Puntland waxaa caado u ah inay mar walba dhacdo 8da Janaayo, waxaana horey u fashilay iskudayo badan oo Madaxweynayaashii soo maray Puntland isku dayeen inay wax ku darsadaan, waxaana u danbeeyey Deni oo hada aqbalay in xiligeeda dhacdo.

Shacabka Puntland ayaa intooda badan taageersan nidaamka xisbiyada badan hase yeeshee waxaa la isku khilaafsan yahay wadada loo marayo.

Mucaaridka Deni ayaa aaminsan in dowlada hada joogta iyadu lugaha qabatay doorashadii Cod iyo Qof, kadib markii wakhtigii ku dhumisay doorashadii Federaalka iyo khilaafyadii ay ka dhex abuurtay degmooyinkii looga guuleystay Golayaasha Deegaanka.