27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Al-Shabaab oo war kasoo saartay wada-hadallada ay DF sheegtay inay codsadeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay war kasoo baxay dowladda federaalka oo ay ku sheegtay in kooxda ay codsatay in lala furo wadahadal, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah ee dalka ka socda.

Wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa yiri “Maanta ayaga ayaa wada-hadal ku jira, anaga waxay naga taagan tahay in Soomaaliya laga ciribtiro wax la yiraahdo argagixiso oo go’aankeeda uu qaatay madaxweynaha, golaha fulintana ay ku shaqeynayaan.” 

“Ayaga (Al-Shabaab) ayaa soo codsaday wada-hadal. Khawaarijta waa laba nooc, kuwa waa ajaanib, noocna waa kuwa dalkaan u dhashay oo ayaga fursad waa leeyihiin, laakiin kuwa duulaanka ku yimid dalkaan wax wada-hadal majiro ee waa in dalka iskaga tagaan,” ayuu yiri wasiirka.

Hase yeeshee sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in arrintan aysan sal iyo raad toona lahayn, oo aysan jirin wax wadahal ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda.

“Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyseyo, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara annaga oo mujaahidiinta ah iyo dowladda,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab. 

Sarkaalkan, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay xafiiska warfaafinta Al-Shabaab, balse aan magaciisa la shaacin, ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurta-galnimada wadahadal dhexmara Al-Shabaab iyo Villa Somalia. 

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in hadallada kasoo yeeray mas’uuliyiinta dowladda ay yihiin mid ay niyadda ku dhisayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, loogana qabsaday kooxda degaano horleh oo gacanta ku hayeen sanado badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaalkan ku hogaaminaya dalka ayaa hore u sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab, hase yeeshe ay albaabada u fureyso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

“Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah. Dowladdu waxay ku wajaheysa (Shabaab) saddex siyaabood oo kala ah mid millateri, mid fikir iyo mid dhaqaale.” ayuu xiligaas yiri madaxweynaha.

Al-Shabab refutes Somali government’s negotiation claim

Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab, the Somalia-based extremist group affiliated with al-Qaida, has denied the government’s claim that the group has requested to open negotiations. 

“I have not seen the statement you are referring to, but I can assure you that there are no negotiations ongoing or planned between us as mujahedeen and the government,” said a member of Al-Shabab, according to the group’s media outlet.

The member, reportedly from the group’s propaganda office but whose name was not disclosed, also ruled out the possibility of talks between Al-Shabab and Villa Somalia, the official residence of the President of Somalia. 

“The statements from government officials are meant to raise morale,” the member added.

This is the first time Somalia’s government has claimed that Al-Shabab has requested negotiations. 

“Al-Shabab has requested to open negotiations with the Somali government. However, there are two groups within al-Shabab,” said Deputy Defense Minister Abdifatah Kasim.

“Locals and foreigners. The foreigners who have invaded our country do not have the right to engage in negotiations. Their only option is to return to their own countries. On the other hand, local Somalis may have the opportunity to open up negotiations.”

In September, President Hassan Sheikh Mohamud said that the country “is not currently in a position to negotiate with al-Shabab but is open to members of the group renouncing violence and extremist ideology. “

On Friday, he appealed to young members of the extremist al-Shabab to surrender to the government and renounce their terrorist ideology. The plea came following two recent attacks on government forces by al-Shabab that killed more than 43 people, including senior officers.

“I want to tell these boys to return from the wrong path they are taking,” Mohamud said at a mosque in the capital, Mogadishu. “I urge them to return to their government, people, and religion. Every step they take from now on will only increase their guilt.”

The president has declared an “all-out war” against al-Shabab, and government forces, supported by local forces, are currently engaged in a “total war” against the group.

Despite the ongoing military offensives, the group has managed to carry out several attacks in the country.

Despite the ongoing violence, the Somali government has expressed a willingness to negotiate with Al-Shabab members willing to surrender and reintegrate with society. It remains to be seen whether any group members will accept this offer. 

For over 15 years, Al-Shabab has engaged in a conflict with the Somali government, targeting government officials and African Union peacekeepers through violent attacks. The organization is infamous for its extreme methods and strict adherence to Islamic doctrine.

Sawirro: Xamza oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed, isaga oo kusii  jeedo magaalada Qaahir ee caasimada dalka Masar.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa booqashadiisa waxa ay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa wada-hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar waxa uu la yeelan doonaa madaxda waddanka Masar.

Arrimaha muhiimka ah ee uu kala hadlayo waxaa kamid ah dagaalka Al-Shabaab oo ay haatan dowladda federaalka u raadineyso taageero caalami ah, si looga adkaato.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeya xiriir dheer oo soo jireen ah, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageerada dhanka bani’aadanimada.

Safarka ra’iisul wasaaraha waxa uu ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Horay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna u booqday dalkan, isaga oo wadahadallo gaar ah lasoo yeeshay dhiggiisa dalkaas, Cabdel Fataax Al-Sisi.

Si kastaba, xiriirka labada dowladood ayaa wuxuu isbeddal ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, isaga oo sare usii kacay, maadaama uu isbeddal ku yimid hoggaanka dalka.

 

Muxuu SACIID DENI ka yiri arrinta muddo kororsiga?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa markii horreysay si faahfaahsan uga hadlay arrinta muddo kororsiga ee lagu eedeynayo isaga & saaxibadiisa haatan haya talada maamulkaasi.

Deni ayaa marka hore u jawaabay xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo maamulkiisa, wuxuuna sheegay inay cabsi aan jirin ay gelinayaan dadka reer Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka bad badin ay sameynayaan siyaasiyiinta, isaga oo qiil u sameeyay qorshaha muddo kororsiga, wuxuuna sheegay in horay ay Puntland uga dhacday.

“Cabsida dadka la galinayo, waa shaki laga galinayo inay golayaashooda deegaanka doortaan. Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in dhammaan madaxdii ka horreysay isaga ay sameysteen muddo kororsi, taas oo ay haatan shaki kasii muujiyeen mucaaradka.

‘Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn,” ayuu mar kale sii raaciyay Saciid Deni.

Hadalkan ayaa uga sii daraya muranka haatan  ka taagan doorashooyinka Puntland oo ay walaac xoogan ka muujinayaan ururada siyaasadda oo sheegay inuu mugdi badan ka jiro.

Ururada siyaasadda Puntland ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada Garoowe, waxayna maalmo kahir uga dhowaaqeen Madal ay ku mideysan yihiin.

Siyaasiyiinta qeybta ka ah Madasha looga dhawaaqay Garoowe ayaa waxaay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Dagaallo culus oo markale ka dhacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in markale ay xalay dagaallo culus ay ka dhaceen bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin duleedka magaaladaasi.

Mid kamid ah weeraradaan ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig u dhow meel uu haatan dagan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ku kooban labada dhinac, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Xiisad xoogan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay duleedka magaalada, taas oo ka dhalatay weerarada lala beegsaday ciidamada Somaliland.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa dhankooda bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weerarada xalay ka dhacay halkaasi.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, maadaama rabshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay socdaan todobaadkii saddexaad oo xiriir ah

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin.

Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay.

Daawo: R/Wasaare Xamza oo shaaciyey arrin aan laga aqbali doonin Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomalaiya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin in xabad lala dhaco dadka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in aysan jirin cid laga aqbali karo inay baneysato dhiigga shacabka. “Dadka Soomaaliyeed ee Laascaanood degan iyo maamulka Somaliland, waxaan u soo jeedinayaa inay wadahadlaan oo qoriga afkiisa laga weeciyo xaaladda,” ayuu yiri Xamza

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa aad u amaanay waxgaradka Somaliland oo dalbaday in la joojiyo rasaaseynta shacabka, kuwaas oo ku kala nool dhamaan magaalooyinka Somaliland.

“Waan daawanay culumada, waxgaradka iyo salaadiinta Somaliland ee dalbaday in la joojiyo waxa dhacaya, waan u mahad celinayaa runtii, sideedana colaad dad ayaan nooga dhimanaya ee deegaanka nabad halagu soo dabaalo, wixii la kala tabanayana wadahadal halagu dhameeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Magaalada Laascaanood waxaa ka taagan xiisad salka ku heysa maamulka, waxayna shacabkii magaaladaas ka hor yimaadeen in Somaliland ay sii maamusho.

Banaanbaxyo rabashado wata ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday magaalada, waxaana geeriyooday dad badan oo ciidanka Somaliland ay toogteen.

Banaan-baxyadaasi waxay ugu dambeyntii sababeen in ciidanka Somaliland ay isaga baxaan magaalada, kadib markii ay ku sii badatay carada shacabka, waxayna magaalada uga baxeen geesaha.

Xiisadaan ayaa ka kacday dilal loo geystay dadkii haldoorka ahaa ee magaaladaas ku noolaa, waxaana la garan waayey cidda geysata dilalka, taas oo sababtay in shacabku ay iska diidaan ka sii mid ahaashaha xukunka Somaliland.

Hoos ka daawo

Somaliland Laas-caanood ma ka maarantaa? – Faallo

Horta Laas-Caanood Waa tuma?

Laas-Caanood waxay dhacdaa Dooxada Nugaaleed, waana magaalo madaxda Gobolka Sool. Waxay Garowe u jirtaa 132 km, markaad gaari ku aado, Hargeysana 381 km oo dhulka ah. 2014 tiro koob ay samaysay UNFPA tirada dadka ku noolaa waxaa lagu qiyaasay 156,438 qof.

Dadka reer Laas-canood kama mid ahayn qabiilooyinkii saxiixay heshiiskii Gumaysigii ingiriiska (Colonial Protective Treaties), waxayna ahaayeen dad si adag uga horyimid gumaysigii gumaystaha. 

31-kii July 1903 niman sahan u ahaa gumaystaha oo tiro 30 (British Scouts) ahaa iyo 124 Darwiish oo sahan ahaa baa isku helay  meel aan sidaa uga fogeyn Laas-caanood, waxana laga dhigay wax dhintay iyo wax dhaawac noqday horgaladii gumeystaha iyo hoggaankii hogaaminaayey oo caddaan ahaa. 

1954 iyo 1955 xaaladdii markaa ka jirtay gobolada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari waxaa Laas-caanood lagu aas-aasay xisbigii USP oo ay ku midoobeen reer Laas-canood, Boorama iyo Sanaag Bari. 

15 October 1969 waxaa Laas-Canood lagu dilay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirshiid Cali Sharmaarke, asagoo safar shaqo ku maraayey magaaladaa, waxaana dilay mid ka mid ahaa ilaaladiisa. Aaskiisii maalin kadib waxaa dhacay afgambsi ciidameed oo uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre, 21 Oktober, 1969.

1991 ururkii SNM ahaa wuxuu ku dhawaaqay gooni isu-taag iyo inuu Soomaaliya ka tashaday, ayadoo doododu ahayd waa nala xasuuqay, heshiiskii 1960na waa ka noqonay. Waxaana Burco shir ka dhacay looga dhawaaqay Somaliland, oo la sheegtay in heshiis lala galay Gobolada darfaha Galbeedka iyo Bariga oo aan SNM dagaalkii ay galeen kula jirin, dagaalkaas oo beesha dhexe ku koobnaa.

Laas-Canood waxay in muddo ahayd meel nabdoon. Dabadeedna Dhalashadii Puntland iyo sheegashadii ka mid ahaan-shaha Laas- Canood waxay abuurtay dareen xaasaasi ah. 2002 Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa safar lama filaan ah ku tagay Laas-Canood, asagoo watay ciidan xoog leh, muddo yar ka dibna waxay isku dhaceen dadkii deegaan, markii danbana dibaduu uga baxay, waxaana la wareegay ciidan taageersanaa Puntland. 2007 waxaa isfahmiwaa dhex-maray Wasiir Xaabsade oo ahaa wisiirkii Arrimaha gudaha ee Puntland iyo Wadaxweyne Cadde Muuse. Xaabsade oo kaso jeeda deegaan Sool ayaa ka xaystay ciidan beeleed, wuxuuna dagaal la galay ciidankii joogay Laas-Canood, waana la wareegay, waxay Somaliland abaal-marin u siisay jago wasiir ah, muddo yar dabadeedna waa isku dhaceen Xaabsade iyo Somaliland, wuxuuna dib ugu so laabtay Garowe, asagoo ka fara maran LAASKII CAANAHA. Intii waqtigaas ka danbeysanna waxaa gacanta ku haysay Somaliland ilaa maanta oo qalalaase ka taagan tahay

Haddaba, Somaliland maka maarmi kartaa Laas-Canood iyo Sool?

Somaliland dooddeeda ugu weyn waxay tahay oo sheeganaysaa inay xuduuddii Ingiriiska xad u tahay, haddii ay faraheeda ka baxdana Somaliland waxay kuso ururaysaa gobollada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, sidii ay AWDAL ula sii midoobilahaydna waa mid su’aal keeni karta, waana adag tahay inay ku qancaan waxay u dagaalamayeen, gar iyo gardaba, mana rumaysna haddii ay heshiis la galeen reer Sool inay ka bixi karaan, ayagoo sheeganaya inay axdigii 1960 ka baxeen.

Haddaba reer Sool iyo Laas-caanood xaaladdooda maanta waxay ku dhawaaqayaan in dhulkooda looga baxo, 13-kii isinna hal eray oo isku mid ah bay ku dhawaaqayaan: Aayaheena inaan ka tasho ayaan rabnaa, dhulkeenana ha na looga baxo, mana aha mid qancinaysa Somaliland.

W/Q: Mahamud J. farah
[email protected]
U.S.A

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Somaliland oo go’aan kasoo saartay guddigii uu Aadan Madoobe magacaabay

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga horyimid guddi uu dhawaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay rabshadaha ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo ay sheegtay inay soo geli karin deegaanada maamulkeeda.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa tallaabadaas lagu tilmaamay inay tahay “daan-daansi iyo gardaro ka dhan ah Somaliland oo baalmarsan sharciga caalamiga.”

“Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka masuula dadweynaha Somaliland, sida ku cad qodobka 39aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, golaha wakiiladu waxa uu ku fadhiyaa hab dimuquraadi ah oo ku salaysan doorasho hal qof iyo hal cod ah” ayaa lagu qoraalka.

“Qoraalka uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha aqalka loogu yeedho “Golaha Shacabka Soomaaliya, oo ah ashqaas lagu xushay teendho hoosteed, waa mid aan ku fadhiyin xaqiiqo, islamarkaana baal-marsan xeerarka caalamiga ah.”

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga uu magacaabay guddoomiye Aadan Madoobe uu awood u laheyn soo-gelitaanka xuduudaha Somaliland, iskaba daa baaris ay ka sameeyaane, sida lagu yiri qoraalka.

“Guddoomiyaha Golaha Muqdisho fadhigiisu yahay waxa uu tixraacay wax uu ugu yeedhay “dastuur ku-meel-gaadh ah.” Dastuurka uu xigtay maaha mid khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland oo 32 jirsatay, mana jirto wax tixgelin iyo aqoonsi ah oo uu ka leeyahay xuduudaha Somaliland ee sida caalamiga ah loo aqoonsan-yahay.”

“Xuduuda Somaliland waxay waafaqsan yihiin mabaadii’da sugan ee xeerarka caalamiga ah oo uu kamid yahay heshiiska uu ku aasaasan yahay Midawga Afrika.”

Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedka “Warbixin kasta oo kasoo baxda Golaha Muqdisho marnaba kuma salaysnaan karto xaqiiq ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee deegaan kamid ah qaranka Somaliland oo ay ku jirto degmada Laascaanood, oo waxba kama duwana mala-awaal iyo majara-habaabin loogu talo galay beesha caalamka.”

Golaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu beesha caalamka ku wargeliyay in arrimaha Laascaanood wax ka qabashadeeda iyo xalkeedu u gaar tahay Somaliland, ayda oo marnaba jiri karin cid ka baxsan oo soo fara-gelin kartaa.

Daawo: Caanood oo shaaciyey sabab yaab leh Al-Shabaab u sahasha inay weeraraan xerooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa shaaciyey xog cusub oo ku saabsan weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadaan xeryaha ciidamada xoogga, kuwaas oo mararka qaar askar badan lagu laayo.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ogaadeen in ciidamada xeryahooda loogu geeyo qaad/jaad, kadibna ay ku bedeshaan rasaastooda, taas oo u nugleysa weerarrada Al-Shabaab.

“Shacabka iyo madaxda waan u sheegeynaa, ciidanku badanaa lacag ma heysto, markii Qaadka loo keeno waxay dhaafsadaan rasaastooda, waxaana rubicii jaadka ah laga siiyaan 5 xabadood,” ayuu yiri Caanood.

Wuxuu intaas ku sii daray in rasaastu ay gacanta u gasho Al-Shabaab, isla markaana lagu soo weeraro markii ay ka dhamaato gacanta ciidanka oo ay gasho gacanta Al-Shabaab.

“Markii uu cidanku mudo Jaadkaas cuno oo rasaasta ay xeeladaas Al-Shabaab ugu gacan gasho, ayaa lagu soo weeraraa, mararka qaar ciidanka oo rasaas heysta, laakiin aan Sanaadiiqda la furin, rasaastiina xatooyo qaad loogu iibsaday, ayuu Shabaab soo weerarayaa oo cagta marinayaa,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Afhayeenka uu u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ka talis ahaan ay arrintaas aad ula dagaalameen, isla markaana ay ku amreen in ciidanka laga joojiyo guud ahaanba jaadka.

“Al-shabaab meel aysan joogin ayaa si fudud loogu tabci karaa, lacag ayey wataan dadkaana waa baahan yihiin, hadana qofka waxay u soo diraan qof kale oo qaraabadiisa ah, taas oo u sahasha inay qaraxyo geystaan, taasna waxaa looga hor tegi karaan ilaalinta xogta,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidanka ka ilaaliyeen qof ka tirsanaa jiray Al-Shabaab inuu ku biiro oo la aamino, isagoo tilmaamay in dhaqan celin kadib meelo kale looga faa’iideysto qofkii mar ka soo mid noqday Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Xasan oo xil u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka hor tagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa xukuumadii tan ka horeysay ee Ra’iisul wasaare Rooble hoggaaminayey wuxuu ka ahaa wasiirka amniga.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida adag uga hor tagtay mudo kororsigii Farmaajo, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyey in ciidan hubeysan uu gudaha u soo galo Muqdisho, si looga hor tago mudo kororsiga.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ganacsiyo badan ku leh Muqdisho, ayaa horay saaxiib siyaasadeed ula ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda mar kale xukunka ku soo laabtay, wuxuuna ka mid ahaa masuuliyiintii la shaqeyn jirtay mudo xileedkiisii hore.

Cabdullahi ayaa ka soo mid noqday baarlamaankii 10-aad, waxaana xusid mudan in teeramkii dambe uusan tartamin, iyadoo kursigiisii uu soo qaatay Sheekh Shariif oo ahaa musharax madaxweyne oo Xasan Sheekh la tartamay.

Sidoo kale ninkaan wuxuu ka mid ahaa saaxiibadii ugu dhawaa ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna door muuqda ka soo cayaaray in dalka laga badbaadiyo burbur iyo mudo kororsigii uu damaaciyey Farmaajo.

Daawo: Sarkaal ka tirsan xoogga dalka oo qirtay inuu fududeeyey qaraxyo badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa galabta dhageysatay eedeymaha nin ka tirsanaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo soo gudbi jiray qaraxyada.

Ninkaan ayaa ku lugyeeshay qaraxyo dad badan lagu laayey oo ka dhacay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay cadeymaha qaar kamid ah qaraxyadaas oo toos u dhacaya.

Ninkaan oo lagu magacaabo Shariif Maxamed Barqadle ayaa heystay darajada Dhamme Xoogga Dalka ama Kabtan Militeri ah, taas oo u fududeysay inuu meelo badan oo xasaasi ah ka gudbiyo qaraxyo ugu dambeyntii gaaray bartilmaameedkooda.

Maxkamadda ayaa Shariif weydiisay sababtii ku kaliftay inuu fududeeyo qaraxyada, wuxuuna sheegay inuu ka xanaaqay xil Taliye urur ah oo laga qaaday sanadkii 2019-kii, kadibna uu Shabaab kula heshiiyey inuu u fududeeyo qaraxyada.

Muqdisho-Mool, Liido, Hotel Weheliye, Villa Baydhaba iyo goobo kale ayaa laga fuliyey qaraxyadii uu fududeeyey sarkaalkaan, sida uu ka hor qirtay maxkamadda.

Sawirrada qaar ka mid ah dadkii lagu laayey qaraxyadaas ayaa lagu soo bandhigay fadhiga maxkamadda, iyadoo la sheegay in markii tira-koob la sameeyey dadka ku dhintay qaraxyada uu qirtay sarkaalkaan ay ka badan yihiin 100 qof.

Waxaa xusid mudan in qaraxyada uu qirtay intooda badan ay ahaayeen kuwo la dhigay goobo ganacsi hortooda, kadibna meel kore laga hagayey, wuxuuna sheegay in u jeedku uu ahaa in la burburiyo ganacsiyada diiday canshuurta Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo fadhiga maxkamadda soo xiray ayaa sheegay inay dib ka soo shaacinayaan xukunka uu muteystay sarkaalkaan.

Hoos ka daawo

Hadal hayn ka dhalatay dilal uu Afghanistan ka gaystay wiilka uu dhalay boqorka UK

London (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Harry Charles, Wiilka labaad ee uu dhalay boqorka dalka Ingiriiska uu sheegay in uu dilay 25 qof xilli uu ku jiray ciidamada Britain ee ku sugnaa dalka Afghanistan, ayaa waxa ka dhalatay hadal hayn badan.

“Markaas uma arkeyn dad ee laakiin waxay igu muuqdeen qoryaha shaxda lagu ciyaaro, ma aheyn dilkaas mid aan ku diirsaday, dhinaca kalena culeys iguma ay noqon,” ayuu yiri Harry Charles.

Harry Charles oo arrintaan ku sheegay waraysiyo uu ka bixiyay buug uu qoray, ayaa waxa uu dhalleeceynta u culus kala kulmaya hoggaanka Afghanistan oo ah dalka uu dilkaas ka geystay xilligaas.

“Shax aad ciyaareysay ma aheyn dadkaasi ee bini’aadam ayey ahaayeen, qoysas ayey lahaayeen oo sugayay inay soo nabad noqdaan. Gacan ku dhiiglayaasha Afghanistan qaar badan oo kamid ah ayna ku dhicin inay muujiyaan damiirkooda oo ay qirtaan dambiyada dagaal,” ayuu yiri Annas Haqqani, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Afghanistan.

Haddaba, saamayn intee le’eg ayey arrintaan ku yeelan kartaa qoyska boqortooyada Britain, dowladda iyo waliba Harry laftiisa.

Maxamed Ibraahim Hereri oo ka faallooda arrimaha Britain oo la hadlay VOA ayaa sheegay in arrintaan aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn qoyska boqortooyada iyo Harry, hase yeeshe

“Dilkan uu qirtay uma maleynayo inay hoos u dhigeyso taageerada ay u hayaan dhalinyarada. Markii uu gabadha madow guursaday Harry raali kama aheyn, ee waxay la rabeen gabadh Ingiriis dhalad ah sida hooyadii ama gabadha kale ee dumaashidii ee uu qabo walaalkii,” ayuu yiri.

Hereri ayaa sidoo kale qaba in qirashada Harry Charles aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Millateriga Britain, marka laga yimaado saameynta ay arrintaan ku yeelatay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka.

“Waxaa loo arkayay Nin aan daganeyn oo fudud, walaalkiina markuu boqorka noqdo umaleyn maayo in uu soo dhaweyn doono sheegashada waxa raba in walaalkay iyo aabahay xiriir wanaagsan la yeesho, labada midkood umaleyn maayo in wax kasoo hagaagayaan.”

Somalia says al-Shabab is seeking talks for the first time

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s government has claimed that the al-Shabab extremist group has requested to open negotiations for the first time, according to Deputy Defense Minister Abdifatah Kasim. 

The revelation comes as the government continues its military offensive against the group, which it has referred to as a “total war.”

“They are now requesting a peace negotiation,” Kasim said in an interview with state media. “But our stance, as determined by the President and carried out by the executive, is to eliminate terrorism from Somalia completely.”

Kasim added that al-Shabab, which has been significantly weakened, can only carry out ambush attacks at this point and that alert government forces are preventing these.

“The Kharijites have requested talks,” he said. “They can be divided into two groups: those who are native to the country and those who are not. The Somalis can engage in negotiations, but the foreign individuals who have come to attack the country will not be offered the same opportunity. They must leave the country instead.

There was no immediate response from al-Shabab, an extremist group affiliated with al-Qaida that has carried out high-profile bombings in Somalia’s capital and held sway over parts of the central and southern regions of the country for more than a decade.

The group is thought to number several thousand fighters, including an unknown number of foreigners from regional countries like neighboring Kenya and beyond. 

The extremists have long sought to impose strict Islamic law in Somalia and have called for the withdrawal of foreign troops, including those from the United States, Turkey, and a multinational African Union force.

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has previously stated that the country is not currently in a position to negotiate with al-Shabab but is open to members of the group renouncing violence and extremist ideology. 

“The government is extending an invitation to members of Al-Shabab who wish to renounce violence and extremist ideology,” Mohamud said. “The government is fighting al-Shabab on three fronts: military, ideological, and financial.”

The President believes negotiations should be the final option for dealing with al-Shabab and has previously stated that “the government’s ultimate goal is to peacefully resolve the conflict through dialogue with extremist groups, particularly al-Shabab, which is prevalent in Somalia.”

Somalia has been amidst a campaign against al-Shabab, which has achieved significant victories and recaptured many towns under their control for years. 

The group has come under pressure as the government seeks to squeeze its sources of financing and has carried out several high-profile attacks in recent months, including an October bombing in Mogadishu that killed at least 120 people and a pair of bombings on Wednesday in a region at the heart of the government offensive that killed at least 35 people.

Yaa kusoo baxay doorashadii maanta ee guddoomiyaha guddiga dastuurka ee BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Samatar oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan ayaa maanta ka qeyb-galay doorashada guddiga dib u eegista la-socoda iyo hirgelinta Dastuurka BFS.

Doorashada Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo tartamay illaa saddex boos oo kala ah guddoomiye, ku-xigeen iyo xoghaye, kuwaasi oo lagu kala guuleystay.

Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa ku guulaystay xilka guddoomiyaha, mana jirin cid la tartantay, halka guddoomiye ku-xigeenka guddigana uu ku guulaystay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 5 Cod halka Senator Xasan Xuseen Xaaji oo la tartamay uu helay 4 cod.

Sido kale waxa xoghaya guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka BFS loo doortay Senator Saciid Cabdi Xuseen oo isagana aysan jirin cid la tartantay.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sacdiyo Yaasiin samatar oo doorashada goobjoog ka ahaa ayaa bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Guddiga Dastuurka Baarlamaanka.

Sacdiyo iyo Ibraahim ayaa waxa kale oo ku booriyeen guddoonka cusub inay si hufan oo xilkasnimo leh u gudtaan waajibaadka loo igmaday ee qabyo tirka Dastuurka Soomaaliya.

Waxaa hore guddigaan guddoomiye ugu ahaa Senator Cabdi Qeybdiid, iyadoo aan weli la dhameystiran Dastuurka Ku-meel-gaarka oo Baarlamaankii saddexaad uu gacanta ku hayo.

Soldiers investigated for role in Somalia hotel attack, says PM

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s Prime Minister, Hamza Abdi Barre, announced on Friday that an investigation is underway into soldiers arrested on suspicion of facilitating a recent attack on the Villa Rays Hotel near the presidential palace in Mogadishu. 

The hotel, located near the heavily fortified presidential palace and popular with government officials, was attacked by the extremist group Al-Shabab on November 27 last year.

During an interview with state TV, the Prime Minister said, “We want a thorough investigation, but I can assure you that all those suspected have been arrested, and their investigation is underway.”

According to the police, the attack on the Villa Rays Hotel began with a suicide bombing, after which Al-Shabab fighters stormed the building. 

Security forces could kill five of the attackers and rescue 60 civilians, but not before eight civilians were killed in the attack. One soldier was also killed, and five others were wounded in the operation to retake the hotel.

The Prime Minister did not specify the number of soldiers arrested in connection with the attack or when the investigation would be completed. No one has yet been brought to court in relation to the attack.

Experts believe that the attack was a retaliation by Al-Shabab after losing ground in recent offensives by the Somali government against the militant group in the country’s central provinces. 

At the time, it was the second deadly siege in the Somali capital in less than three months, with the Hayat hotel being attacked in late August last year. That attack, which lasted nearly 30 hours and resulted in the deaths of more than 20 people, was also carried out by Al-Shabab. 

The group has increased its attacks since President Mohamud was elected in May and declared a “total war” against the militants.

Sawirro: Xamza oo booqday ciidanka laga keenay Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhawaan ku soo qaatay dalka Eritrea.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo la hadlayay ciidanka ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in Al-Shabaab muddo kooban kaga sifayn doonaan goobaha kooban ee ay kaga hareen ay dalka

“Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina. Qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun-yihiin,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu usheegay in uu ku garab siin doono ciidamadaan, sidii ay u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

“Fursad ayaa haysataan, waxaa la jooga xilligii aad isku soo dhiibi laheydeen intii la idin qaban idinka oo dambi gacmaha kula jira,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee weli la-jira kooxaha argagixisada.

Ciidamadaan laga keenay Eritrea ee ku sugan Muqdisho ayaa qeyb ka noqon doona howl-galka cusub ee deegaanada dhiman lagu xoreynayo, kaasi oo madaxda sare ee dowladda ay rabaan in uu ka deg deg bato kuwii hore ee lagu xoreeyay qeybo kamid ah dalka.

Saraakiisha ciidanka ayaa qaba in ciidamadaan looga maarmi doono yaraantii ciidan ee heysay dowladda oo sababi jirtay in ciidamada loo raro deegaano kala fog-fog, iyadoo diyaarado lagu qaadayo.

Ciidamadaan oo sanad badan ku maqna dalka Eritrea ayaa dhawaan si toos ah u bilaabatay soo daabulidooda, kadib dadaal uu soo celintooda u galay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer tagay dalka Eritrea.







Daawo: DF Soomaaliya oo shaacisay dalab lama filaan ah oo uga yimid Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdifataax Qaasim ayaa shaaciyay in kooxda Al-Shabaab ay wada-hadal kasoo dalbadeen dowladda, xili uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah.

“Maanta ayaga ayaa wada-hadal ku jira, anaga waxay naga taagan tahay in Soomaaliya laga ciribtiro wax la yiraahdo argagixiso oo go’aankeeda uu qaatay madaxweynaha, golaha fulintana ay ku shaqeynayaan,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in jab xoogan la gaarsiyay Al-Shabaab, islamarkaana uu kusoo aruuray beegsiga shacabka iyo weerarada gaadmada ah, taasi oo uu sheegay in heegan buuxa u yihiin ciidamada dowladda.

“Ayaga (Al-Shabaab) ayaa soo codsaday wada-hadal. Khawaarijta waa laba nooc, kuwa waa ajaanib, noocna waa kuwa dalkaan u dhashay oo ayaga fursad waa leeyihiin, laakiin kuwa duulaanka ku yimid dalkaan wax wada-hadal majiro ee waa in dalka iskaga tagaan.”

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa “Kuwa dalka u dhashay xili kasta haddii ay isa-soo dhiibaan diyaar ayaa loo yahay, laakiin wax lagula gorgortamo meesha ma yaalan, waa in ay dowladnimada raacan oo isku soo dhiibaan, oo shacabkooda dib ugu laabtan.”

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, loogana qabsaday kooxda degaano horleh oo gacanta ku hayeen sanado badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaalkan ku hogaaminaya dalka ayaa hore u sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab, hase yeeshe ay albaabada u fureyso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

“Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah. Dowladdu waxay ku wajaheysa (Shabaab) saddex siyaabood oo kala ah mid millateri, mid fikir iyo mid dhaqaale.” ayuu xiligaas yiri madaxweynaha.

Xasan ayaa qaba in wada-hadalka uu noqdo waxa u dambeeya ee laga fikiro marka ay noqoto Shabaab, wuxuuna hore u tilmaamay “in ugu dambeynta dowladdu la xaajoon doonto kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo ku xoogan gudaha Soomaaliya, si khilaafka lagu dhameeyo si nabdoon.”

Somaliland army vows to stay in Las Anod despite violence

Las Anod (Caasimada Online) – The military of the self-proclaimed republic of Somaliland, located in northern Somalia, has declared that it will not abandon the city of Las Anod in the Sool region, despite the recent deadly protests that have resulted in the loss of at least 20 lives in the past week.

Brigadier General Mahad Ambashe, the commander of the Somaliland armed forces in the Sool region, stated that the national army has yet to leave and has no plans to leave the region.

“To my understanding, the national army has not left and has no plans to leave the region,” he said.

General Ambashe has issued a warning to those he believes are attempting to destabilize the region, stating that the military will continue to use force to maintain peace, law, and order.

He added that if the town descends into anarchy, the military will return to protect life and property.

The current protests in Las Anod were sparked by the assassination of a local figure, Abdifatah Abdullahi Abdi Hadrawi, after he left a mosque on December 26, 2022.

The killing led to the deaths of at least 20 people when Somaliland forces used excessive force to suppress the protest.

Somaliland President Muse Bihi has apologized for civilians’ deaths, promised to investigate the incident, and pledged to withdraw troops from the town once stability has been restored.

The military faced backlash and was then forced to retreat to army bases on the outskirts of Las Anod on Thursday after anti-government protesters and local militias stormed the city.

General Ambashe expressed remorse for the loss of life during the protests but argued that the military had exercised restraint and that the situation could have been much worse if a different army had handled it.

The international community has expressed concern about the ongoing violence in Las Anod and called for an end to the unrest.

Maxay tahay sababta ay xildhibaanada uga baaqdeen kulankii BF ee maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibnaan Cumar Shariif Jeeg oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay sababaha keenay baaqashada kulankii Golaha oo kooram la’aan dartiis lasoo xiray.

Jeeg ayaa shaaca ka qaaday in arrin amni darteed ay u imaan waayeen xildhibaanada ka baaqday kulanka, wuxuuna sababta ku sheegay in xildhibaanada loo ogolaaday hal waddo inay kasoo galaan xarunta, taas oo uu tilmaamay inay shaki ku beertay xubnaha maqab.

“Saaka waxaa jirtay hal shey oo aan la fahamsaneyn, sababtoo ah waddooyinka waad ogtihiin hal wadaa saaka laga soo galaayey waddada Ceel Gaab ayey aheyd, marka waxaa xildhibaanada Soomaaliyeed shaki galiyay halkaas waddo ” ayuu yiri Cumar Shariif Jeeg.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xaalad amni oo adag ay haatan ku shaqeeyaan xildhibaanadu, isla-markaana ay qabaan cabsi la xiriirto amnigooda.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray hay’adaha amniga dowladda, isaga oo ka codsaday inay wax ka qabtaan ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka codsaneynaa hay’adaha amniga inay ka fakiraan amniga, dibna loo soo celiyo nabad-gelyada caasimada, markaas ayey xildhibaanada subax soo kasto so xaadiri karaan, laakiin subaxii markaa gurigaaga kasoo baxaysid adiga oo ku jiro ilaahow iso celi dhib waayey cabsidaas ayaa jirto” ayuu markale  hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanada ay daacad u yihiin shaqaooda, balse laga gaabiyay amnigooda, sida uu markale ku dooday xildhibaan Shariif Jeeg.

“Aniga ma aaminsani in xildhibaanada ay marnaba shaqadooda gudan waayeen, laakiin waxaa shaqo laga dhex gudan karaa waddan amni ka jiro iyo xasilooni,” ayuu sii yiri.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo isna goor sii horreysay hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada ka maqan kulamada golaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in maqnaashiyaha xildhibaanada ay cuuryaamineyso shaqada Bartalamaanka, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan.

“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada. Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu yiri Sheekh Aadan.

Somaliland oo soo saartay go’aan uga sii daraya xiisadda ka taagan LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka milatariga Somaliland ayaa maanta war cusub kasoo saaray xaaladda adag ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo ka soo saaray digniin culus.

Sarreeye Guuto Mahad Cambaashe oo ah taliyaha ciidamada milatariga Somaliland ayaa u digay dad uu sheegay inay qas ka wadaan gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in ay ka hortegi doonaan dadkaasi.

Sidoo kale ku hanjabay in aysan ka bixi doonin gobolka Sool, isaga oo sheegay in ay dhawaan dib ugu laabanayaan gudaha magaalada.

“Karin walba waxa kasoo dhacay nin leh, Laascaanood waa la qabsaday oo dhaxalkii abaha ayaa lagu qaybsanayaaye ina gaadhsiiya … kuwa in aanu duno raba, iyo kuwa dhismahayaga iyo magaaladayada ka xun, intaba waxan leeyahay, ciidankii qaranku ma bixin, xata bixi maayo” ayuu yiri taliyaha ciidamada milatariga Somaliland ee gobolka Sool.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in Somaliland ay waqti badan gelisay amniga Laascaanood, tan iyo wixii ka dambeeyay 2007-dii, xilligaas oo ay gudaha u galeen magaaladaasi.

“Laascaanood anaga ayaa joogna waa u talinay, waxaanu ugu talinaynana nin waliba waa arkaa, 2007 markii aanu soo galnay ee nidaamka Somaliland ee barakaysani noo yimid Dhulbahante ma wada-hadlayn, xabada iyo maydkuna waa nagu badnaa, reer waliba reer hebel ayuu ku duuli jiray” ayuu markale yiri Sarreeye Guuto Mahad Cambaashe.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin duleedka Laacaanood, kadib markii ay magaaladaas soo galeen maleeshiyaad careysan oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo ka soo horjeedo joogitaanka ciidamada Somaliland.

Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaana hakad-galay dhaq-dhaqaaqa magaalada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha.

Rabshadahaan oo galay todobaadkii 3-aad ayaa ka dhashay dil Isniintii magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.