25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Xasan Sheekh oo qodobo culus kala hadlay Mohammed Bin Zayed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta  taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay madaxtooyada Soomaaliya.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Agaasimaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranak Mahad Maxamed Salaad ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey kulankaan uu la yeeshay dhigiisa dalkaas Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii afaraad ku hoyanaya dalkaas ayaa warar saacadihii lasoo dhaafay soo baxay waxay sheegayeen in xubno ka mid ah wafdigiisa laga helay xanuunka Coronavirus, in kastoo ilaa hadda aysan Villa Somalia faahfaahin ka bixin warkaas soo yeeray.

Safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii hore la qorsheeyey in lagu soo koobo labo cisho, balse wuxuu qaatay waqti dheeraad ah oo la aaminsan yahay inay sababtay xaaladaan karaantiilka ah ee la geliyey xubno la socday Madaxweynaha oo laga helay xanuunka COVID-19.

Ethiopia oo ku dhawaaqday howl-gal milateri oo cusub

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay bilowday howl-gal cusub oo dhanka ammaanka ah kadib dhacdo dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Galbeedka Itoobiya.

Bilowgii toddobaadkan ayaa aheyd markii dadka deegaanka Wellega ee magaalada Gimbi ee galbeedka Oromia ay la kulmeen weerar aan loo meel dayin, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

In ka badan 300 oo meyd ah ayaa ilaa hadda la soo saaray, waxaana weerarkan lala beegsaday dad Rayid ah.

Dowladda federaalka Itoobiya iyo dowlad deegaanka Oromada ayaa bayaankooda ku eedeeyay ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) inay fuliyeen weerarka.

Kooxda hubeysan ee lagu eedeyay weerarkaan ayaa sanado badan ka howl-galaysay gobolka Oromia, hase yeeshe bayaan ay soo saartay OLA waxay ku beenisay weerarka ayada oo dusha u saartay Gachana Sirna, oo ah maleeshiyo ay dawladdu taageerto.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqay in tallaabo laga qaaday dadkii ku lugta lahaa dhacdadii Wellega, waxayna u muuqataa in dowladda Itoobiya ay go’aansatay in ay qaado howl-gal cusub oo milatari oo ka dhan ah OLA.

Arrintaan ayaa imaneysa ayada oo bishii April ee sanadkaan ay ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa dowlad goboleedyada ay qaadeen howl-gal milateri oo ka dhan ah OLA.

Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn khasaaraha, haddana waxay dowladdu ka sheeganaysa guulo, ayada oo OLA ay sii wado dagaalada ay kula jirto ciidamada dowladda.

IMF oo war cusub kasoo saartay deyn cafinta Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Sare ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa 17-kii Juun dhameystiray dib-u-eegistii labaad iyo saddexaad ee hannaanka amaahda ee la dheereeyay (ECF) ee Soomaaliya.

Go’aanka guddiga ayaa awood u siinaya in si degdeg ah loo bixiyo SDR 14 milyan (qiyaastii US$ 18.8 milyan), taasi oo ka dhigaysa wadarta kharashka Soomaaliya ee hoos yimaada (ECF) iyo (EFF) ilaa SDR 271.4 milyan (qiyaastii US$ 384.3 milyan).

Hababka ECF ee Soomaaliya waxaa markii hore ansixiyay Guddiga Fulinta 25-kii Maarso, 2020 taasoo qayb ka ah hannaan saddex sano ah oo isku dhaf ah oo hoos yimaada ECF iyo EFF, kaas oo ku lug lahaa SDR 252.86 milyan (155 boqolkiiba kootada) ee hoos yimaada ECF iyo SDR 39.57 milyan (24 boqolkiiba kootada) ee hoos timaada EFF.

Maaddaama qaddarka buuxa ee habaynta EFF lagu helay oggolaanshaha oo la sawiray iibkii ugu horreeyay, habbaynta EFF isla markiiba way dhacday.

Habaynta ECF waxa ay taageertaa hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee masuuliyiinta waxana ay ku qotontaa dib-u-habaynta u dhaxaysa Go’aanka HIPC iyo Qodobbada Dhamaystirka.

“Maamulka Soomaaliya waxa ay ilaaliyeen xasiloonida dhaqaalaha guud waxayna sii wadaan dardargelinta dib-u-habaynta, in kasta oo ay jiraan shoog badan. Marka laga soo tago caqabadaha ka imanaya Covid-19 iyo geeddi-socodka doorashooyinka daba-dheeraaday, haqab-beelka cuntada iyo dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha ayaa culays ku haya sababtoo ah xaaladaha abaareed ee daran, oo ay u sii dheer tahay kor u kaca qiimaha cuntada iyo tamarta adduunka. Mas’uuliyiintu waxay sameeyeen dadaallo xirfad leh si ay u maareeyaan caqabadahan, oo ay taageerto beesha caalamka, oo ay ku jirto qoondaynta guud ee SDR 2021,” ayey tidhi Ms. Antoinette Sayeh, ku-xigeenka agaasimaha maamulka iyo ku-simaha guddoomiyaha kadib dooddii guddiga fulinta

“Masuuliyiinta waxa ay si joogta ah uga go’an tahay ajendaha dib-u-habaynta ee barnaamijka ay taageerto ECF iyo geeddi-socodka HIPC, kaas oo muhiim u ah dhisidda adkeysiga, kor u qaadista korriinka loo dhan yahay, iyo dhimista faqriga. Dadaalka joogtada ah ee mas’uuliyiinta ee lagu xoojinayo abaabulka dakhliga gudaha iyo maareynta maaliyadda dadweynaha waa mid ammaan mudan. Horumarka joogtada ah ee lagu samaynayo tayada hay’adeed ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waa la soo dhawaynayaa. Waxay noqon doontaa muhiim in la sii wado horumarinta dib-u-habaynta si loo hagaajiyo AML/CFT iyo maamulka. Dadaal joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo dhamaystiro HIPC qodobbada dhammaystirka kiciya iyo in la gaadho heshiisyada cafinta deynta dhammaan deyman bixiyayaasha.”

“Taageerada ka imaanaya la-hawlgalayaasha horumarinta, labadaba maalgelinta iyo kobcinta awoodda, ayaa muhiim u ah hirgelinta guusha leh ee istaraatiijiyadda dib-u-habaynta maamulka. Qaaraanka ka imaanaya saaxiibada Soomaaliya ee Sanduuqa Dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale loo baahan yahay si loo hubiyo in si habsami leh loo gaarsiiyo kaalmada farsamo ee IMF si loo taageero yoolalka barnaamijka ay taageerto ECF iyo Hindisaha HIPC,” ayey ugu dambeyntiina tiri Antoinette Sayeh.

Sawirro: Danab oo qabatay xubno Shabaab ah, hub iyo gaadiid, kuwo kalena dishay

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey howlagallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha ururka 5-aad ee guutada Danab, ugu yaraan labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay, halka afar kalena nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale ciidanka ayaa Al-Shabaab ka furtay labo qori oo AK47 ah iyo hal gaari oo nooca raaxada ah, halka labo gaari oo kalena ay gubeen, sida uu warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlagalladaas ay maanta ku gubeen fariimo ay la haayeen Al-Shabaab, waxayna soo bandhigeen qaraxyo ay diyaarisay kooxdu oo la fashiliyey, sidoo kale ragga la qabtay ayaa dadka deegaanadaas ka uruuri jiray xoolaha ay ugu yeeraan sekawaadka.

Deegaanada kala ah Beerxaani, Qudus, Dharkeyn-urur iyo Barjella oo galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ayaa laga fuliyey howlgalladaan oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Nabad sugidda Jubbaland.

Cabdullaahi Carab oo ka hadlay shaqaaqadii dhex-martay booliska iyo ardayda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Maxamed Caabi Xasan ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sanad walba qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 4-aad ee Dusiga Sare, kaasi oo ay sanadkaan u fadhiisteen in ka badan 35,000 oo arday, oo ku sugan dowlad goboleedyada; Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “Waxa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Imtixaanku  si nabad ah inoogu soo gaba-gaboobo, waxaana uu ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, waalidiinta dhalay ardada, waasadaha maamulada, ciidamada booliska iyo barayaashii ka qeyb qaatayne waa u mahad-celineynaa”.

Dhanka kale, Wasiirka Waxbarashada oo wax laga weydiiyay shaqaaqo dhacday inta uu Imtixaanka socday ayaa yiri; ”Arday dhaawacmay ama wax noqday ma jiro, Mobile iyo qish lagu qabtay bay ka buuqeen wixiina Booliskaa xalliyey, Waalidiinta waxa aan fareynaa imtixaanada soo socda in ay Mobile-da kasoo reebaan.”

Maalintii 3-aad ee Imtixaanka ayey aheyd markii ay soo baxday in Arday kamid ah kuwa u fariistay imtixaanka iyo ciidamada ilaalada ka ahaa banaanka hore ay isku gacan qaadeen, taasi oo la sheegay inay keentay in rasaas furaan ciidamada, taasi oo uu ka dhashay dhaawac.

Si kastaba, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad walba qaada Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 12-aad, waxaana imtixaanka qeybgalin ardeyda ku dhaqan deegaanada Puntland iyo Somaliland, oo ayagu iskooda uga qaada ardeydooda.

Ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaq ciidan ka bilaabay xuduudda Soomaaliya

Mandheera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa boqolaal ka tirsan ciidamadeeda soo dhoobtay xuduudka Soomaaliya kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuulo ka tirsan degmada Mandheera.

Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku burburisay xarun isgaarsiineed oo ku taal magaalada Rhamu kadib markii ay xoog ku galeen xarunta.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska, waxaa la maqlay jug xooggan taasoo markii dambe la ogaaday inay Al-shabaab bom ku qarxisay xarun isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Kenya ee Safaari.

Ciidamo ka tirsan kuwii ilaalinayey xarunta ayaa iska caabiyey kooxihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxaana la xaqiijiyey inay markii dambe ka baxsadeen markii ay gubeen.

Dowladda Kenya oo ka jawaabaysay weerarkii dhacay , waxay ciidamadeeda ammaanka u dirtay inay ugaarsadaan raggii falkan ka dambeeyay, kuwaas oo u baxsaday aagga xuduudda Soomaaliya.

George Seda oo ah taliyaha booliska waqooyi bari ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo badan oo booliis ah si ay uga daba tagaan kooxda weerarka geysatay oo u baxsaday dhanka xadka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qorsheysan ka fuliso gudaha dalka Kenya, waxayna saldhigyo ka sameysteen deegaano buuraley ah oo dalkaas ku yaalo.

Kooxdaan ayaa ku hanjabtay inay sii wadi doonto weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya inta ay ciidamada Kenya isaga baxayaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Kenya aya dhankeeda wacad ku martay in aysan ka baxeen Soomaaliya illaa laga ciribtiro kooxda Al-Shabaab taasoo aan weli suuragelin 15 sano kadib.

Xog: Qaar ka mid ah wafdiga madaxweyne Xasan oo lagu karantiilay Imaaraadka

Dubai (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha madaxweynaha Soomaaliya ku wehliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii dib loo doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in karantiil lagu geliyey dalka Imaaraadka Carabta.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, welina dalka kuma soo laaban.

Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay, waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida, ayada oo dadku is weydiinayaan halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa ilo wareedyo ka agdhow madaxweynaha kasoo xigatay in qaar ka mid ah wafdigii la socday madaxweynaha laga helay xanuunka coronavirus.

Illo wareedyadaas ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha uu haatan caafimaad qabo, oo aanu ku jirin xubnaha laga helay fayruska, laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wafdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu lahaa hoggaanka Imaaraadka Carabta.

Heerka fayraska ee Imaaraadka ayaa kor uga kacay 200% maalintii ilaa in ka badan 1,400 oo tiro maalinla ah uu gaaro toddobaadkan, laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen in dad yar ay u baahdeen daawaynta isbitaalka, tiro yar oo bukaanna ahna ay qabeen burukiito ama qabow.

Waxay intaasi ku dareen in maanta gelinka dambe laga yaabo in kulamadaasi ay dhacaan.

Kaddib markii uu doorashadii 15-kii May ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la arkayay safiiradda dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo shaaciyey sida laga yeelayo kursiga loo diiday FAHAD

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida laga yeelayo kursiga HOP#086 ee uu horey ugu soo baxay Fahad Yaasiin, balse la hakiyey.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in kursigan go’aan looga gaari doono kalfadhiga hadda socda ee baarlamaanka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo.

“Haddii Ilaah yiraahdo kalfadhigan hadda socdo waa iclaamin doonaa si loo soo buuxiyo arrin dastuuri ah waaye,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar labaad lagu celin doono doorashada kursigan, isla-markaana loo mari doono qaab sharci ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Koley waxaan sameyn doonaa doorasho sharcigeeda dhammeystiran yahay-baa loo iclaamin doonaa, doorasho in lagu celiyo waayey,” ayuu markale yiri Aadan Madoobe.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kursiga uu banneeyey xildhibaan Mahad Salaad oo loo magacaabay hay’adda NISA, wuxuuna sheegay in si dastuuriyan ah uu bannaanaaday, isla-markaana isagana la qaban doono doorashadiisa, si loo buuxiyo xubnimada kursigaasi.

“Weli waxaa jira kursi kale oo bannaanaaday dastuurkeena waxa uu qabaa xildhibaanka, haddii uu ogolaado ama loo dhaariyo xil aan wasiir aheyn xildhibaanimadiisii waa weynayaa. Xildhibaan aad muhiim u ahaa oo haddane shaqo muhiim ah loo magacaabay oo la yiraahdo Mahad Salaad kursigiisii dastuuriyan ayuu u bannaanaaday,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada horey guddiga doorashooyinka dadban ee la kala diray ay u hakiyeen natiijada kursiga Fahad oo xiisad xoogan abuuray, balse ugu dambeyn ka haray doorashooyinkii ka dhacay dalka gaar ahaan middii madaxweynaha ee 15-kii May.

Kulankii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa R/W Xamza oo dib u dhacay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii la filayey inay maanta yeeshaan baarlamaanka Federaalka ee codka kalsoonida loogu qaadi lahaa ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo ay saameyn ku yeesheen laba arrimood.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo badan, balse waxaa kulanka dib u dhigay arrimo farsamo.

Arrimaha ee kulanka dib u dhigay ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta oo socdaalkiisa oo laba maalmood loogu talo-galay uu hadda gaaray maalintii saddexaad, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu dhammaan doono.

Waxaa sidoo kale safar ku maqnaa guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, inkastoo uu maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Caasimada Online ayaa ogaatay inaysan jirin wax walaacyo kale ah oo dib u dhigay kulanka, mana jiraan wararka sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in ra’iisul wasaaraha magacaaban uusan taageero haysan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa taageero buuxda ka haysta xildhibaanada labada aqal, waxaana la filayaa in cod aqlabiyad leh lagu ansixiyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

S kastaba, maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in codka kalsoonida loo qaado ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kadib soo dhisi doono xukuumaddiisa cusub.

Wararkii ugu dambeeyey duqeymaha Kenya ee Gedo

0

Garbaharey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Kenya ay kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gobolkaasi oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana khasaaraha u badan la kulma shacabka.

Duqeymaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa in diyaaradaha Kenya ay si gaar ah ugu garaaceen deegaanada Garsaal, Wargaduudo, Busaar iyo Khadiijo Xaaji ee gobolka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ah ayaa sheegay in duqeynta ay ka dartay saacadihii ugu dambeeyey, isla-markaana ay waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah.

“Duqeynta saacadihii u dambeeyey ayey sii saa’iday, waxaana inta badan ay ka dhaceysaa deegaanada Khadiijo Xaaji, illaa dhinaca meesha la yiraahdo Buusaar,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in marba marka ka dambeysa uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee duqeymahaasi ka dhalanaya.

“Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca waa sii kordhayaa waxa duqeynayana waa diyaaradaha dagaalka Kenya,” ayuu sii raaciyey.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ku sugan dad reer guuraa ah, sidoo kale waxaa meelaha qaar lagu arkaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Gedo ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey kasoo yeerayey qaylo dhaan ay shacabka ka muujinayaan duqeymaha ay diyaaradaha Kenya ka bilaabeen deegaanada gobolkaasi.

Aadan Madoobe oo ka digay heshiis qaad oo aan lasoo marsiin golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka digay heshiisyo caalami ah oo ay dowladda la gasho dowlado kale oo aan baarlamaanka la soo marsiinin.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa digniintan soo saaray, xilli haatan la hadal hayo heshiiska qaadka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo Nairobi ay sheegtay in dhowaan la saxiixayo. 

Aadan Madoobe, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da, ayaa sheegay in marka hore ay xukuumadda soo gasho heshiisyada caalamiga ah ka dibna baarlamaanka loo soo gudbiyo si ay u ansixiyaan. 

“Marka ay xukuumadda ay soo gasho heshiis caalami ah baarlamaanka ayay u soo gudbineysaa oo ansixinaya, wax ka baddalaya amaba diidaya,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Aadan Madoobe oo wax laga weydiiyey waxa uga qorsheeysan heshiiska qaadka ee lagu wado in 5-ta bisha July lagu saxiixo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa yiriu

“Arrimaha diblomaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya waa inaga horreyeen oo sida lagu kalatagay ma naqaan sidaa darteed dib u eegis ayaan ku sameyn doonnaa oo hadda kuma degdegyno laakin mabdi’iyan waxaan kuu sheegeyaa haddii heshiis caalami la galo waa in baarlamanka uu ansixiyaa.”

Kenya ayaa qarka u saaran inay dib u furto suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta bisha Luulyo. 

Wasiirka beeraha Peter Munya ayaa dhamaadkii toddobaadkan shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

“5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya xilli lagu gudajiray ololaha doorashada Kenya ee lagu inay dhacdo bilowga bisha August.

Munya ayaa markii uu hadalkan sheegayay waxa uu ku sugnaa Ismaamulka Meru oo ay ku yaallaan beeraha qaadka.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.

Hakinta ayaa si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

Mamnuuciddaasi ayaa horseedday in suuqa maalinlaha ah ee qaadka uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.

Diinta Islaamka oo la filayo inay noqoto tan labaad ee ugu weyn dalka Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Muslimiinta ayaa la saadaalinayaa in ay noqdaan dadka haysta diinta labaad ee ugu weyn dalka Mareykanka marka la gaaro 2040-ka, xilli ay sii baahayso tirada dhalmada Muslimiinta iyo socdaalkooda ay ku tagayaan dalkaas, sida ay ku warramayso cilmi-baaris ay kal hore sameysay Xarunta Cilmi Baarista ee Pew.

Warbixinta ay samaysay hay’addan, ayaa ku salaysan isku-darka sahan iyo xog laga helay Xafiiska Tirakoobka Maraykanka xilli hore, kaas oo aan hadda uruurin macluumaadka ku saabsan xiriirka diimaha.

Pew ayaa sahaminteedii ugu horreysay ku sameysay Muslimiinta Mareykanka sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo lagu qiyaasay 2.35 milyan gudaha Mareykanka, sida ay sheegtay hay’addu. Sahankeedii saddexaad iyo kii u dambeeyay, ee la daabacay 2017, ayaa lagu qiyaasay in tiradu ay ahayd 3.45 milyan.

Marka la gaaro 2050, Muslimiinta waxaa la filayaa in ay noqdaan 2.1 boqolkiiba wadarta dadweynaha Mareykanka – ilaa 8.1 milyan oo qof, sida ay sheegtay Pew.

“Marka ay sii kordhayaan tirada dadka Muslimiinta ah, Mareykanku waa inuu ku baraarugaa xaqiiqada ah in Islaamku yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhismaha dalka,” ayuu yiri Ihsan Bagby, oo ah barafasoor ku-xigeenka daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Kentucky, xubinna ka ahaa guddigii la-talinta ee sahanka Pews 2017 ee Muslimiinta-Mareykanka.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Pakistan, Iran, Hindiya iyo Afghanistan ayaa ka mid ahaa dalalkii tirada ugu badan ee Muslimiinta ay ka soo galeen dalka Mareykanka, sida uu sheegay Beshiir Maxamed oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Pew.

Laakiin, sida laga soo xigtay Bagby, ma ahan dalalkii mas’uulka ka ahaa kobacan dhow ee degdegga ah.

“Waxaa jira horumar degdeg ah oo ay samaynayaan dadka soo-galootiga ah, kuwaas oo u heellan inay horumariyaan xaaladdooda dhaqaale iyo waxbarasho, laakiin waxaa sidoo kale jira mowjado dad ah oo ka aag beddelanaya diimahoodii hore,” ayuu yiri.

Bagby ayaa filaya in ay kordhi doonto tirada Muslimiinta ka soo haajiraysa dalal kale oo ay ku jiraan Yemen iyo Suuriya, oo labaduba ay colaado ka socdeen tan iyo 2011-kii.

“Mar kasta oo ay badato dhibaatada ka jirta dunida Muslimka, waxaa sii badanaysa dhiirigelinta socdaalka,” ayuu raaciyay.

“Muslimiintu waxay u muuqdaan inay yihiin dad da ‘yar hadday tahay kuwooda jooga caalamka kale iyo Maraykankaba, sidaa daraadeed, inta badan haweenka waxay weli haystaan sanado badan oo dhalmo ah,” Maxamed ayaa yiri.

Bagby waxa ay rajaynaysaa in kobaca Muslimiinta Maraykanku ay si togan u saamayn doonto aragtida guud ee dadka oo dhan.

Muslimiintu waxay ka kooban yihiin boqolkiiba hal wadarta guud ee dadka Mareykanka, waxayna si filiqsan ugu fidsan yihiin dalka oo dhan, iyagoo ku badan magaalooyinka, sida uu sheegay Bagby.

“Korodhka tirada Muslimiinta waxay dhab ahaantii siin doontaa fursad dheeraad ah oo ay kula kulmaan dad kale. Inta badan Muslimiintu marka ay yimaadaan waxa ay ku baahaan gobollada Mareykanka,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “taas oo hoos u dhigaysa aragtida xun ee dadka qaar ay ka aamineen Islaamka iyo Muslim-nacaybka beri hore faafay.”

Sida lagu sheegay warbixin 2015 ka soo baxday Machadka Cilmi-baadhista Diinta Dadweynaha, 83 boqolkiiba dadka Mareykanku waxay sheegaan inay wax yar ka og yihiin caqiidada iyo dhaqamada diinta ee Muslimiinta.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, bulshada Muslimiinta Maraykanku waxay u bislaadeen ku lug-lahaanshiyaha siyaasadda iyo qaadashada aqoonsigooda, ayuu xusay Bagby. Wuxuu aaminsan yahay in kororkooda dadweynuhu ay ka dhigan tahay kobaca awoodda iyo waxtarka Muslimiinta Mareykanka.

“Waxay ila tahay in tirada badan ee laxaadka weyn ay la macno tahay kor u qaadidda codkooda bulsho ahaan,” ayuu yiri.

Isha: BBC

Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo si cajiib ah uga hadlay arrinta Qatar iyo Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka Soomaali Cable ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan howlaha horyaalla dowladda cusub.

Cali Xaaji oo baarlamaanka 11-aad ee dalka kasoo galay dhanka Puntland ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha diblomaasiyadda, gaar aghaan arrinta Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin karinba kala eexasho labada dal ah oo ay sameyn karto dowladda Soomaaliya, loona baahan yahay Qatar inay la shaqeyso madaxweynaha cusub, si la mid ah madaxweynihii hore ee looga guuleystay doorashada.

“Dowladdaa, dowladdiinii hore saaxibka la aheyd dee dowlad ahaan ayey saaxib ula hayed ee shaqsi ahaan saaxib ula ma aheyn madaxweynihii meesha ayuu ka baxay madaxweyne cusub ayaa yimid,” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxa kale oo yiri “Haddii ay iyagu maslxad Soomaaliyeed wadeen waa inay la shaqeeyaan madaxweynaha yimid way ku qasban yihiin, haddii ay wax gaar ah wateen iyagaa og”

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday safarka madaxweyne Xasan iyo waxa keenay inuu booqashadiisii ugu horreysay ku bilaabo magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

“Madaxweynaha la doortay wuxuu xaq u leeyahay in la daayo oo fursad la siiyo cidda uu booqanayo isaga ayey ka go’daa, la-talin buu leeyahay nidaam ayuu ku socdaa. Cidda uu dib dhiganayo isaga ayey ka go’daa, cidda uu ku horeysiinaya isaga ayey ka go’daa”.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii xoogeysanayey loolanka ay Soomaaliya ugu jiraan Imaaraadka iyo Qatar oo 5 sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee Mudane Maxamed Farmaajo, waxayse hadda u muuqataa in Abu Dhabi ay ku adkaatay loolanka iyo u dhawaashaha dowlada, maadaama madaxweynuhu ku bilaabay safarkiisa Imaaraadka.

Ku dhawaad 10 Soomaali ah oo lagu dilay ITOOBIYA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar lagu dilay dad Soomaali xoolo dhaqata ah, kaas oo ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan webi mara dhulka deegaanka Canfarta ee waddankaasi.

Wararka ayaa sheegaya maleeshiyaad ka soo jeeda in Qowmiyadda Canfarta ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqata Soomaali ah, kadibna ay halkaas ku dileen illaa 7 qof oo rayid ah.

Dadka la dilay oo dhammaantood ahaa xoolo dhaqato ayaa ku sugnaa deegaanka Hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash, halka dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda weerarka fulisay ay dhaceen xoolo fara badan oo gaaraya illaa afar kun oo neef.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi lagu beegsaday Soomaalida, balse xaaladda ayaa ah mid kacsan.

Ujeedka maleeshiyaadka Canfarta ayaa ah inay qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, waxayna horey gacanta ugu dhigeen magaalooyin ay ku sugnaayeen Soomaalida.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay socdeen deldaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labada qowmiyadood oo muddo fog soo socotay.

Si kastaba dagaalladan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo war kasoo saaray xirnaashaha Mukhtaar Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo u xiran dowladda federaalka.

Mukhtaar Roobow Cali ayaa xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho, tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018, markaas oo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka soo xirtay magaalada Baydhaba.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo BBC ay wax ka weydiisay waxa uu ka aaminsan yahay xarigga Abuu Mansuur ayaa ku jawaabay “Markii la xirayay dadkii ka hadlay baan ka mid ahaa, oo markii hore si sharci darro ah ayaa lagu soo xiray.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri “Mukhtaar Roobow, horta asalkiisa waa la ogyahay in nimankan Shabaab uu ka mid ahaa, lama soo qabanin ee isagaa ka tanaasulay, dowladdana la soo xiriiray, isna soo dhiibay oo yimid. Dowladda waa cafisay, waxaa la siiyay basaboor diblomaasi ah, doorashuu codsaday, waa loo ogolaaday, yacni waxaa la siiyay shahaadadii doorashada, markaas ka dib ayaa si siyaasi ah looga diiday inuu doorashadii ka qayb qaato.”

Waxa kaloo uu yiri “Marka aniga xiritaankiisa dadkii diidanaa baa ka mid ahaa, illaa muddadii uu xirnaana kuma qanacsanayn, inuu gardarro ku xiran yahay waan u jeeday. Haddana koley dadka markii hore gardarradaasi ku sameeyay oo awoodaas ku maquuniyay, maanta ayagii xilka ma hayaan.”

Aadan Madoobe ayaa aaminsan in hadda wixii ka dambeeya uu Abuu Mansuur heli doono caddaalad, si lamid ah dadka kale ee Soomaaliyeed.

“Waxaan u maleynayaa hadda inuu heli doono caddaalad oo ummadda Soomaaliyeed la mid noqon doono, oo ciqaabta la geliyay inuu ka bixi doonnaa aaminsanahay.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Abuu Mansuur oo horey u soo noqday ku xigeenka Amiirka Al-Shabaab ayaa sanadkii 2017 isu soo dhiibay dowladda federaalka, isaga oo warbaahinta ka sheegay in uu ka tanaasulay fekerka khalafsan ee Shahaabnimada.

Dowladdii hore ayaa la fahamsan yahay in xilligaasi ay Abuu Mansuur u arkeysay ninka keliya ee caqabadda ku noqon kara shakhsigii ay u waday jegada madaxtinimada ee Maamulka Koonfur Galbeed, isagoona Baydhabo ka waday olole xoog leh oo uu ku doonayay inuu kula wareego xafiiska maamulkaasi.

Daawo: Guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur oo si yaab leh u difaacay Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal ka soo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa beeniyey in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay isbitaalka guud ee degmadaas oo shalay ay soo yeereen warar sheegaya in kooxdu ay la wareegtay, kana saartay bukaanadii ku jiray.

Cumar Salaad Faarax oo ah guddoomiyaha guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur oo dadka deegaanku ay isku tashi ku dhisteen ayaa sheegay in warkaas uu been yahay oo wax culeysa aysan uga imaan kooxda Al-Shabaab.

Cumar ayaa sheegay in marnaba aysan ka suurtaabin in koox kala wareegtay isbitaalkaas ay u ceeb qariyaan, isagoo sheegay in isbitaalkaas uu sidii loogu talo galay ugu shaqeynayo bukaanada deegaanka.

Sidoo kale odayaashii kale ee guddiga maamula isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaa sheegay warkaas ay beeninayaan, iyagoo codsaday in lagu gacan siiyo bixinta adeegyada caafimaad ee isbitaalkaas uu u haayo bulshada reer Ceelbuur.

Sida dad ku nool degmadaas ay shalay u soo dusiyeen warbaahinta, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xoog kula wareegtay isbitaalkaas, si dhaawacyadii ka soo gaaray weerarkii Baxdo ay ugu daweystaan.

Warbixintaan shalay faaftay waxay sheegeysay in kooxdu ay banaanka u saartay bukaanadii kale ee isbitaalka yiilay, balse arrintaas waa beeniyeen xubnaha guddiga ah ee maamula isbitaalkaas oo dadka degmada Ceelbuur ay isku tashi ku dhisteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si xun ugu jabtay weerar ay Jimcihii lasoo dhaafay ku qaaday degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas looga laayey dagaalyahano 100 kor u dhaafaya, iyagoo dhaawacyo badan geystay degmooyinka Ceelbuur, Xarardheere iyo deegaano kale.

Hoos ka daawo hadalka guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur

Fiqi oo Rooble ka difaacay kiis afduub ah oo lagu eedeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal uu ku difaacayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo horay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad uu ugu eedeeyey inuu ka dambeeyey afduub loogu geystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Fiqi ayaa sheegay in Rooble uu ku amaanan yahay in meel ammaan ah uu soo gaarsiiyey Soomaaliya oo soo martay marxalad hubanti la’aan ah, isagoo farta ku fiiqay xubno uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u suurad xumey lahaayeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul wasaare Rooble wuxuu maanta qabtay shirkii u danbeeyey ee golihiisa wasiirada. Shaqo wacan ayuu qaranka u qabtay oo la mahdiyey, wuxuuna dalka ka saaray xaalad hubanti la’aan ah, wuxuuna dalka gaarsiiyey meel ammaan ah. Waana ku mahadsan yahay,” ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

Qoraalka Axmed M. Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan arkayaa shakhsiyaad raba in ay wasaqeeyaan magaciisa iyo maamuuska uu ku dhex leeyahay umadda, ayagoo wax aan jirin ku nabaya, kuwaas oo aad moodid in gacmo kale ay ku dhex jiraan ama laga soo dhex hadlayo afafkooda.”

Sidoo kale Fiqi ayaa su’aal geliyey aqoonta uu sheeganayo qof ay aaminsan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Nairobi ku afduuba karo qof shacab ah, iyadoo la ogyahay in dalkaas ay ka jiraan hey’ado amni oo adag iyo garsoor.

“Sidee Nin Weyn oo aqoon sheeganaya ugu eedeynayaa RW Rooble in uu Nairobi afduub ka geystay? Nairobi dawlad leh hey’adaheeda garsoor iyo amni kama jirto miyaa? aqoonta intaas tusin weysay maxay tahay faa’idada laga sugayo qofkeeda? Waxaa haboon in waxyaalaha qaarkood laga xishoodo, dadkana wacyigoodu waa joogaaye aan caqliyadooda lagu cayaarin!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Macalin Fiqi.

Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan degan Nairobi ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ku eedeeyey inuu ka dambeeyey afduub ay u geysteen hey’adaha sirdoonka Kenya oo maalmo uu u xiraa, waxaana maalmahaan soo cusboonaatay hadal-heynta kiiskaan.

Professor-ka ayaa sheegay in Rooble uu dacweynayo, isagoo cadeeyey inuu qabsaday qareeno u dooda, isla markaana uu hayo cadeymo muujinaya in afduubkiisa uu soo abaabulay R/wasaare Rooble.

Sidoo kale Prof. Cabdiwahaab ayaa wareysi uu bixiyey maalin ka hor wuxuu ku sheegay in Rooble uu iska cafinayo hadii uu u cadeeyo inuu ku lug lahaa kiiskaas ama uu ugu dhaarto in uusan soo maleegin qorshihii lagu afduubtay, xilli uu dhex marayey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Maxay ka dhigan tahay in Xasan uu safarkiisa ugu horeeyo ku tago Imaaraadka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axadii toddobaadkan safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta, xili uu isbedel ka dhacay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa uu hoggaaminayo ayaa waxaa dalkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan.

Safarkaan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Isu-Tegga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey dadaal xoogan ku bixineysay siyaasadda Soomaaliya, si ay ugu dhawaato dowladda cusub.

Sidoo kale waxa Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay in madaxweyne Xasan uu safarkiisi u horeeyo ku tago dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta?

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray baaralamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in safarka Imaaraadka uu ku tagay madaxweyne Xasan uu yahay ka dhabeynta hal-ku-dhigiisa siyaasadeed ee dalka, kaasi oo ahaa Soomaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah.

Dalxa ayaa xusay in Imaaraadka uu kamid ahaa dalal xiriirkooda Soomaaliya uu mugdi badan ku gadaamna sanadihii lasoo dhaafay, sidaas darteedna uu madaxweynaha muhiimad gaar ah u siiyay, taasi oo ka dhigtay in safarkiisa u horeeya uu ku tago Imaaraadka.

“Imaaraadka 5-tii sano ee dalka madaxweynaha ka ahaa Farmaajo xiriirkooda ma waangsaneyn, marka waxa uu ka turjumaya (safarkiisu) in madaxweyne Xasan uu ka dhabeynayo ballan-qaadkiisi oo uu doonayo in uu ka dhabeeyo hagaajinta xiriirka dalalka dibedda,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Madaxweynaha tallaabada uu qaaday waxay ka turjumaysa dad heshiis ah oo adduunkana heshiis la ah.”

Dalxa ayaa ku bogaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siyaasadda uu ku wajahayo arrimaha dibedda iyo in xiriir wanaagsan lala yeesho dalalka caalamka, oo sanadihii dambe la kala soo dhaweystay.

11 halis dhaqaale oo dowlada Xasan wajihi karto 2022-ka

Muqdiso (Caasimada Online) – Waxaa bartamihii bishii May ee sanadkan dalka ka dhacay isbadal siyaasi ah, iyada oo laga gudbay sanad iyo bar hubanti la’aan iyo firaaq dastuuri ah ahaa, sidaasi ay tahay maamulkan cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ma wato ushii Nabi Muuse, oo waxaa uu wajihi karaa khataro dhaqaale iyo qalalaaso maaliyadeed, taasi oo looga badbaadi karo uun oo keliya xukuumad waxtar leh, kalsoonida beesha caalamka iyo wadashaqeynta hey’adaha labada heer ee dowladda dhexdooda oo dhinac ah, iyo is-aaminaadda dowladda  federaalka labadeeda heer iyo shacabka oo dhinac kale ah.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sadaalinta maaliyeed ee miisaaniyadda 2022-ka ku sheegtay khataro dhaqaale, iyada oo intaa raacisay in walaacoodu uu  weliba aad u daran yahay, waxaa ka mid ah:

1. COVID 19:  Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay sheegeysaa in dillaaca fayraska Covid 19 ama musiibo kalaba ay horseedi doonaan hoos u dhac dhaqaale oo gudaha ah,  taasi oo soo dedejin karta in dibadda lagu tiirsanaado, waxaa kale oo halis ku sii ahaan doonaa abaabul kasta oo loo galo dakhli uruurin.

2. Kobaca Dhaqaale ee Deeqaha Horumarineed: Soomaaliya waxaa ay weli si weyn ugu tiirsan tahay kaalmaha horumarineed ee ka timaada saaxiibada horumarineed. Iyada oo US iyo Eurozone ay diiradda saarayaan hubinta xasiloonida dhaqaale ee dalalkooda, arrintaas oo u badan in qulqulka gargaarka si togan uu saameyn ugu yeesho.

3. Sicir Bararka: Daahidda roobabka badhtamaha sanadka iyo saadaasha xilliga qalalan ee bilaha October iyo December waxay u badan tahay in si xun u saameyso waxsoosaarka cuntada gudaha, taas oo sii xumeyn doonta waxqabadkii horay u liitay. Si cadaadiska sicir bararka hoos loogu dhigo, dowladda ayaa waxaa la gudboon dib usoo celinta awoodda shilinka Soomaaliga iyo in la yareeyo daabulidda lacagta adag.

4. Qiimaha Sarrifka: Doolarka Mareykanka waxaa uu sii ahaandoonaa lacag nabdoon ee maalgeshadayaasha waqtiga hoos u dhaca, Xoojinta lacagta doolarka Mareykanka ayaa saameyn xun ku yeelan doonta awoodda shilinka Soomaaliga, taasi oo keeneysa in uu hoos u sii socon doono qiimaha sarrifka lacagta marka loo eego xilliga dhexe.

5. Dhoofinta Saafiga ah: Joojinta xajka 2021-kii ayaa si weyn u saameysay dhoofka Soomaaliya, iyada oo dalabkoodu inta badan ku xiran yahay bariga dhexe, gaar ahaan Xajka.

6. Cimmilada Xun: Khataraha dhaqaale ee wasaaradda maaliyadda ay saadaalisay waxaa ka mid ah sida wax soo saarka waddanku hoos ugu dhacayo iyada oo lagu sameynayo hannaaka cimillada oo gurracan.

7. Kororka Wax Soojedinta: Sadaasha cimillo xumida, roob la’aanta iyo abaaraha oo sii jira waxaa ay horseedi doonaan in ay korarto wax soo dejinta, oo ay yaraadaan ama meesha ka baxaan wax dhoofinta, taasi oo khatar ku ah dhaqaalaha dalka.

8. Ammaahda Dowladda: Dhameystirka deynta bangiga adduunka iyo bangiga horumarinta Afrika oo lagu dhawaaqay rubucii hore ee sanadkii 2020-kii ee ku dhawaaqista deyn cafinta Naadiga Paris ayaa hoos u dhigtay deymihii dowladda ee muddada gaaban.

9. Yaraanta heerka Dhaqaalaha: Yareynta Heerka dhaqaalaha ee horay u xadidnaa waxaa ay qeyb ka qaadan doona in Soomaaliya ay waajib ku tahay bixinta  dulsaarka waqtiga ku haboon iyo bixinta lacagaha muhiimka ah ee kasoo horjeeda waajibaadka taagan.

10. Horumar La’aanta Dowlad Goboleedka: Horumar yarida ka jirta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, gaar ahaan abaabul la’aanta dakhliga gudaha iyo ku tiirsanaantooda deeqaha caalamiga ah iyo dowladda federaalka ah, waxay halis ku tahay dhaqaalaha dalka iyo horumarkiisa.

11. Saameyntii Doorashada: Doorashadii oo muddoo jiitameysay iyo gelstii firaaqa dastuuriga ahaa waxaa ay keentay in sanadkan bilowgiisa la diyaariyey miisaaniyad 3 bil ah oo KMG ah, iyada oo kharashka baxay muddaasi uu ahaa qabyo-qoraal miisaaniyadda 2022-ka, taas oo lagu daray miisaaniyadda cusub oo inta badan ah saadaalin, haddii sida loo rabo aan loo helin waxay khatar ku noqon kartaa dhaqaalaha dalka.

Khatarahaasi aan sheegnay kuma jiraan khataraha amni  iyo qaar kale ee dal ama dibadba laga filan karo, si looga gudbana ay waajib tahay in maamulkan cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isul wasaarihiisa Xamse Barre ay dalka ka hirgeliyaan xukuumad ay wasiiradoodu la iman karaan aragti iyo aqoon dalka looga samatabixin karo khataha aan soo sheegnay, kana fog eex iyo nin jecleysi.

Aqalka Sare oo maanta meel mariyey xubnaha guddiga dastuurka ku metalaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyey mudane guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankan ayey Senataradu isaga soo dhex-xuleen shanta xubnood ee ku metali doono guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ee labada Aqal ee Soomaaliya.

Kadib guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnaha lasoo xulay waxayna kala yihiin:-

1– Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

2– Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

3– Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Magaalada kismaayo.

4- Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah wasiirka dastuurka, isla-markaana Aqalka Sare ku metala Gobolada Waqooyi ee (Somaliland), laguna doortay magaalada Muqdisho.

5– Xasan Xuseen Xaaji oo hadda ah Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, lagana soo doortay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Xubnahan ayaa waxaa kusoo biiri doono xildhibaanno kale oo laga soo xuli doono Golaha Shacabka, waxayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan dhammeystirka dastuurka dalka.