26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sifooyinka lagu soo xlayo ra’iisul wasaaraha cusub

Maadama ay soo gabagabowday doorashadii Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), waxaa hadda la guda-galay sidii loosoo magacaabi lahaa Rai’sul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), kaas oo soo dhisi doona Golaha Xukuumaddii iyo Barnaamijka Xukuumadda kadib markii ay ansixiyaan Golaha Shacabka ee BFS.

Hadaba, qoraalkan waxaanu ku falan qeyn doonaa, kuna cabiri doonaa, sifooyinka ugu muhiimsan ama saldhig u noqon kara magacaabista Rai’sul Wasaaraha XFS. Ujeedka qoraalkani maaha in lagu magacaabo siyaasi hebel ayaa ku habboon xilka Rai’sul Wasaaraha, laakinse qoraalku wuxuu xambaarsan yahay sifooyinka iyo tilmaamaha lagama maarmaanka u ah xulista Rai’sul Wasaaraha cusub iyadoo laga duulayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed oo u ooman hoggaan leh daacadnimo, aqoon, waayo-aragnimo iyo khibrad siyaasadeed, karti iyo sifo hoggaamineed, si loo gaaro himilooyinka Shacabka, Xukuumaddu-na u hesho hoggaan suuban oo ka gudbin kara dalka marxalada maanta taagan iyo marxaladaha soo socda, haduu Rabbi idmo.

Sifooyinka Hoggaamineed.

Waanu ka wada dharagsan nahay tilmaamaha iyo sifooyinka hoggaamiyaha oo la wadayaqaan. Waxaase hoosta ka xariiqi doona sifooyin guud oo laga rabo qof kasta oo loo magacaabayo xilalka ugu sarreysa ee Dalka. Sifooyinkaas waxaa ka mid ah:

· Daacadnimo
· Degenaansho iyo dulqaad
· Aqoon iyo waayo-aragnimo
· Leh aragti siyaasadeed oo madaxbannaan
· Khibrad siyaasadeed iyo mid dhaqameed
· Aqoon u leh xaaladaha amniga dalka
· Khibrad u leh dhaqaalaha, shuruucda, maalgashiga iyo shaqo-abuurka
· Karti iyo hufnaan
· Kalsooni
· Khibrad u leh nidaamka Dowliga ah iyo xiriirka caalamiga ah
· Dad-wadasho iyo wax-wadaag
· Toos kara xiriirka DFS iyo Dowlad-goboleedyadda
· Xoojin kara xiriirka DFS iyo Shacabka si loo xoojiyo kalsoonida shacabka
· Diyaar u ah wadatashi iyo nidaam daahfuran

Maxay noqon karaan sifooyinka gaarka ah uu danaynayo Madaxweyne Xasan Shiikh?

Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamud waa khabiir siyaasadeed, wuxuuna hore ula soo shaqeeyey ilaa sadax Rai’sul Wasaare. Muddaas uu xilka haye (2012 – 2017), Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa u kordhay aqoon iyo khibrad siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka xafiisyada Madaxweynaha JFS iyo Rai’sul Wasaaraha XFS. Intaas waxaa usii dheer, Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu fursad u helay inuu casharo siyaasadeed ka barto Xukuumadihii uu magacaabay

Madaxweynihii hore Maxamad Cabdullahi Farmajo, oo lasoo shaqeeyey labo Rai’sul Wasaare mudadii uu xilka hayay (2017 – 2022).

Hadaba, maxay noqon karaan sifooyinka uu sida gaar ah Madaxweyne Xasan Shiikh ku xulan karo Rai’sul Wasaare cusub? Markii la qiimeeyo xogo kala duwan iyo falanqeyn la xiriirta sifooyinka uu sida gaarka ah u raadinayo Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaa muuqata inuu Madaxweynuhu raadinayo dhammaan sifooyinka hoggaamiyaha suubban (oo kor ku xusan), wuxuuna si gaar ah u raadinaya mas’uul leh tilmaamaha hoos ku xusan:

· Waji ku cusub xilalka ugu sarraysa Dowladda Federaalka
· Leh dammaanad-qaad lagu kalsoon yahay
· Ay wadashaqeyn wanaagsan yeelan karaan Madaxweynaha
· Khibrad badan u leh xaaladaha dhaqan, dhaqaale iyo siyaasad ee Dalka Soomaaliya
· Khibrad u leh arrimaha amniga iyo ladagaalanka kooxaha argagaxisada
· Qaban kara shaqooyinka farsamo (Technical) ee Xafiiska Rai’sul Wasaaraha si loo hirgaliyo Barnaamijka Xukuumadda
· Aqoon iyo khibrad u leh toosinta xiriirka DFS iyo Dowlad-goboleedyada
· Horumarin kara wadahadallada DFS iyo Somaliland
· Xirfad iyo aqoon u leh xiriirka dibloomaasiga iyo kan caalamiga
· Khibrad u leh halabuurka iyo hirgalinta barnaamijiyo lagu hormariyo dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo maalgashiga dalka

Wadashaqeynta Madaxweynaha iyo Rai’sul Wasaaraha

Magacaabidda Rai’sul Wasaare leh tilmaamaha aan kor ku xusan waxay muhiim u tahay in la fuliyo qorshihii lagu soo doortay Madaxweyne Xasan Shiikh, hal-ku-dhigiisuna yahay “Soomaali heshiis ah, Dunida-na heshiis la ah”. Hadaba, Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu Ilaahay SWT siiyay fursad dahabi ah inuu mar labaad qabto xilka ugu sarreeya ee Dalka. Madaxweynuhu waa khabiir, waa hoggaamiye lasoo tijaabshay, waa oday leh waayo-aragnimo ku filan, waxaana laga sugaya magacaabista Rai’sul Wasaare ay is aaminsan yihiin oo ay wadashaqeyn karaan. Xukuumadihii hore, Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa lagu tilmaamay hoggaamiye kusoo magacaabay Rai’sul Wasaare-yaashii la soo shaqeeyey ka dib wadatashiyo uu la sameeyey saaxiibadiisa siyaasadeed.

Hasa yeeshee, maanta shalay ka duwan, waxay xogo laga soo xigtay Xafiiska Madaxweynaha qeexayaan inuusan markaan diyaar u ahayn magacaabista Rai’sul Wasaare ay dad kale ama mas’uuliyiin kale soo jeediyeen. Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, waxaa xusid mudan inuu Madaxweynaha JFS sheegay inuu wadatashiyo ka dib isagu kaliya soo magacaabi doono Rai’sul Wasaare uu aamini karo, iska hubo inay wadashaqeyn karaan, mowqifyada iyo aragtida siyaasadeed ay isaga dhow yihiin, lehna sifo uu ku hoggaanmin karo Xukuumadda Federaalka.

Akhriste, adigu-se maxay kula tahay?

Ali Muhiyaddiin
Muqdisho, Caasimada
[email protected]

Daawo: Dhibane Gaboose oo xog cusub ka bixiyey dilkii Injineer Yariisow iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ahaa masuuliyiintii lixaadkooda ku waayey qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii la shaqeyneysay ayaa ka sheekeeyey wixii ku dhacay.

Agaasime Gaboose oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qaabkii uu u dhacay qaraxii lagula beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, xilli ay shir isugu yimaadeen masuuliyiintii la laayey ee maamulka gobolka.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxaas, sidoo kale Agaasime Gaboose wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii dhaawacyadooda dalka Qatar loola qaaday Guddoomiye Yariisow oo Dooxa ku dhintay.

Gaboose hadda wuxuu ka go’anyahay lug iyo gacan is xiga, sidoo kale waxaa ka dhacay labada indhood, intii uu ku guda jiray wareysigaan wuxuu soo bandhigay walaac uu ka qabo in loo badbaadi karay lugtii iyo gacantii looga jaray Isbitaalka Digfeer.

Markii dhaawacooda looqaaday Dooxa ee uu geeriyooday Eng. Yariisow wuxuu sheegay in isagu uu miyir la’aan ahaa oo geerida guddoomiyaha uu ogaaday bil kadib, markii uu koomada ka soo baxay.

Maxamed Maxamuud Gaboose Agaasimihii Hanti-dhowrka gobolka Banaadir wuxuu shaki gelinayaa cidda qarxisay iyo xogtii ay soo bandhigeen hey’adaha ammaanka oo uu ku tilmaamay inay aad isku khilaaf saneed.

Hoos ka daawo wareysi uu la yeeshay Weriye Xuseen Cabdulle

Afhayeen cusub oo loo magacaabay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)–Wareegto aan ilaa weli si rasmi ah madaxtooyada u shaacin in lagu magacaabay Afhayeenka cusub ee madaxtooyada Villa Somalia ayaa si hordhac ah wariyaha booskaasi xajistay baraha bulshada loogu hambalyeynayaa.

Agaasime kuxigeenkii hore ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa u hambalyeeyay afhayeenka cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo lagu magacaabo C/kariin Cali Kaar.

C/kariin oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala telefishinka Somali Chanel ayaa inta aysan Villa Somalia kasoo bixin digreetadii magacaabistiisa durbadiiba baraha bulshada lagu ogaaday.

Agaasime Cabdinuur ayaa ugu hambalyeeyay xilka culus ee loo magacaabay C/kariin, wuxuuna u rajeeyay inuu illaah la garab galo xilka loo igmaday, dulqaadkeedana uu yeesho maadaama howl dhib badan ay tahay.

C/kariin Cali Kaar ayaa horay usoo noqday guddoomiye degmo, balse laga qaaday xilka, wuxuuna dib ugu laabtay shaqadiisii wariyenimo oo uu daadihin jiray wareysiyada xasaasiga ah.

Afhayeenkii hore ee Villa Somalia, C/rashiid Maxamed Xaashi oo khibrad sareysa u lahaa tabinta wararka iyo dhacdooyinka Villa Somalia ayaa booskiisa laga sugayaa inuu buuxiyo C/kariin Cali Kaar.

Maxaa looga hadlay kulankii guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirka dalka Shiinaha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Fei Shengchao.

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista doorka wada shaqayn ee Baarlamaannada labada Dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Aqalka Sare.

Sidoo kale Danjire Fei Shengchao ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashadiisa oo uu ka waday Baarlamaanka Dowladda Shiinaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao booqashadiisa maanta iyo ka qeyb-galka dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa daba socda kulamo gooni-gooni ah oo Safiirka Shiinaha uu la qaadanayay mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda, wuxuuna dhawaan ballan-qaaday in dowladiisa ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso dalkeena.

Muxuu Sheekh CALI WAJIIS ka yiri tallaabooyinkii uu qaaday Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka Universal.

Sheekh Cali Wajiis ayaa soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in ka Culumo ahaan ay u duceyn doonaan, islamarkaana ay garab istaagi doonaan.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha cusub iyo xilalka uu magacaabay.

Sheekha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la magacaabay ay yihiin dad u qalma xilalka loo dhiibay, wuxuuna boggaadiyey sida ay ku socoto dhismaha dowladda cusub.

“Dadka uu  xilalka hadda u magacaabay waa dad aad kafaa aad sar sare ah oo qof walba majaalkiisa loo xulay waxaan aad ugu diirsanay, una soo dhoweynay shaqsiyaadka siyaasiyiinta ah oo caanka ah, sida walaalkeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa la mid ah taliyaha NISA oo mardhow la magacaabay walaalkey Mahad oo nin culus ah,” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu aad ugu amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh shaqooyinkii uu horey uso qabtay, sida arrimaha deyn cafinta, mushaaraadka iyo dhanka shaqaaleysiinta.

“Afarta sano oo hadda ka hor soo haayey la dhihi karo inuu fariisiyey isagu, ileen waan ognahay nidaamka deyn cafinta isagaa bilaabay, hawada sare isagaa bilaabay oo marka dambe lagu guuleystay, wuxuu billaabay mushaaraadka, shaqaalihii dowladda isagaa ugu dambeeyey gadaashiis shaqaale rasmi ah lama qorin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba Sheekh Cali Wajiis ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo horey u jeediyey hadallo uu ku difaacayey, kadib marar badan oo uu ka soo muuqday qalabka warbaahinta.

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka degmada Marka

0

Marka (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar dhabagal ah oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku socdaalayey duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan

Dagaalka iyo weerarka ka horreeyey ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa degaannada Janaale iyo Buufo ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 2 askari, halka uu ku dhaawacmay 1 askari oo kale.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana ciidamada la weeraray ay sii wateen socdaalkooda, iyaga oo gaaray magaallo xeebeedka Marka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kaeoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Shabeelaha Hoose waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo war ka soo saaray GEERIDA C/llaahi Maxamed Shirwac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka Cabdullahi Maxamed Shirwac.

Madaxweyne Xasan ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii uu kulahaa nabadaynta dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa  dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid samafale, Cabdullahi Maxamed Shirwac.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa tacsi loogu diray qoyska, ehelada, qaraabada iyo bulshada Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa ururadda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Guddomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in marxuumku ahaa halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, waqtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa iyo dalkiisa.

AUN Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa marka laga soo tago doorkiisii arrimaha bulshada waxaa lagu xasuustaa sida uu uga qayb qaatay, una hoggaamiyey gurmadkii loo fidiyey qoysaskii ee ay waxyeelada xoogan kasoo gaartay qaraxii 14 October ee ka dhacay Zoobe.

Cabdullahi Maxamed Cali Shirwac oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Cabdullahi Maxamed Cali (Shirwac) oo ahaa guddoomiyihii hore ee Ururada Bulshada Rayidka ah, kaas maalmihii la soo dhaafay aad u xanuunsanaa.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa, wuxuuna xalay saq-dhexe ku geeriyooday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in maanta la filayey in arrimo caafimaad loogu qaado dalka dibadiisa si loola tacaalo xaaladdiisa, balse ay ku timid geeri, kahor inta aan la qaadin.

Madax kala duwan iyo qaybaha bulshada ayaa ka tacsiyeysay geerida AUN Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Diini Maxamed Diini oo ay bulshada rayidka ah iskala soo shaqeeyeen ayaa sheegay in Shirwac uu ahaa aqoonyahan iyo samafale ka shaqeyn jiray u ololeynta nabadda.

“AUN Cabdullaahi Maxamed Shirwac, dambigiisa allaha dhaafo, jannatul-firdowsa allaha ku abaalmariyo, waxa uu ahaa aqoonyahan soomaaliyeed, samafale si gaar ah uga shaqeyn jiray islaaxa iyo nabadda, runtii waxa uu ahaa astaanta Bulshada Rayidka, ehelkiisa sabar iyo iimaan allaha ka siiyo” ayuu yiri Diini Maxamed Diini.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa war ka soo saaray geerida ku timid marxuumka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehalladiisa, gaar ahaan qoyskiisa, caruurtiisa iyo guud ahaa dadka Soomaaliyeed.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa,” ayuu yiri ra’iisul wasaruhu.

Rooble ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa marka laga soo tago doorkiisii arrimaha bulshada waxaa lagu xasuustaa sida uu uga qayb qaatay, una hoggaamiyey gurmadkii loo fidiyey qoysaskii ee ay waxyeelada xoogan kasoo gaartay qaraxii 14 October ee ka dhacay isgoyska Zoobe.

Sawirro: Xil-wareejin caawa ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabay ayaa caawa xilalka kala wareegay Agaasimayaashii hore, kadib munaasabad ka dhacday Villa Somalia.

Agaasimihii hore Madaxtooyada Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo ku-xigeennadiisii Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon ayaa caawa si rasmi ah u wareejiyey xilalkaas.

“Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu leeyahay Madaxtooyada, Galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada qaranka, waxa uuna Madaxda cusub Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Dhankiisa, Agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaashiisa ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada dalka, isaga oo uga mahadceliyey Agaasimayaashii ka horeeyey ee Madaxtooyada.

Ugu danbeyntii Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmi doonin shaqada, wuxuuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee dalka.

 

Askar ka tirsan milateriga oo sabab yaab leh maanta shacab ugu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada milateriga oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ayaa si bareer ah maanta duhurkii qof shacab ah ku dilay kasoo horjeedka Bacadlaha Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Askartaasi oo xiligaasi dhacayay Qaad ayaa rasaastii ay fureen ay ku dishay qof shacab ah, waxayna goobta ay ka qaateen dhowr xermo oo qaad ah.

Goobta dilka ka dhacay ayaa saacad kadib waxaa soo gaaray taliyaha ciidamada booliska degmada Xamar Weyne oo goobta ka qaaday meydka qofka shacabka ah.

Goobta falka dhaca iyo dilka uu ka dhacay ayaan ka fogeyn xarunta laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Somalia oo ay ku sugan yihiin ciidamo milateri iyo boolis ka tirsan.

Lama oga in ciidamadaasi ay ka tirsan yihiin kuwa ilaaliya madaxtooyada Villa Somalia iyo in ay ahaayeen kuwo dool ah oo degmada Xamar Weyne bannaankeeda ka yimid.

Sidoo kale waxaa isla maanta iridka dekadda Muqdisho horteeda lagu dilay askari ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish, oo lagu magacaabi jiray Xuseen Abuukar Nuur.

Askarta dowladda ee ku sugan gudaha Muqdisho ayaa si macno daro ah u geysta dilalka, iyadoo aysan jirin anshax iyo edeb ay dadka rayidka iyo dhexdooda ay iskula dhaqmaan, wuxuuna askariga qoriga heysta is moodaa inuu dadka rayidka wax badan ka awood badan yahay.

Daawo: Booliska Beledweyne oo dad u soo qabtay dilkii Nabadoon Cali Dheere

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo saacadihii lasoo dhaafay magaalada ka waday howlgallo xoog leh ayaa soo qabqabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay ku lug-lahaayeen Nabadoon xalay lagu dilay xaafad ka tirsan magaalada.

Taliyaha booliska degmada Beledweyne Bishaar Xuseen Jimcaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in tiro dad ah ay u soo qabteen dilkii xalay Beledweyne loogu geystay Allaha u naxariistee Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere).

Marxuumka oo ka tirsanaa ergadii wax kasoo dooratay baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay xaafada Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana mas’uuliyadda dilkiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Taliye Bishaar ayaa sheegay in dilkaas kadib ay howlgallo culus magaalada ka bilaabeen, isla markaana ay soo qabteen dad badan oo lagu tuhmayo inay ka mid yihiin xubnaha Al-Shabaab u jooga magaalada.

Beledweyne waxaa mar sii horeysay ka bilaabatay beegsiga ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaaladaas ka jirta cabsi amni oo xoog leh.

Hoos ka daawo

Mid kamid ah ilaalada gaarka ah ee guddoomiye CUMAR Filish oo la dilay (Faahfaahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho lagu dilay Xuseen Abuukar Nuur oo kamid ahaa Ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish.

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Irida laga galo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo uu rasaasta ku furay Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo asagna ku sugna Irida hore ee dekedda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa marxuumka iyo Askariga dilka geystay soo kala dhex-galay muran, kaasi oo markii dambe sababay in uu ku baxo AUN Xuseen Abuukar Nuur.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa durtaba gaaray goobta uu ka dhacay dilka, ayada oo halkaas ka bilaabay baaritaano la xiriira dilka iyo sida uu u dhacay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in meydka Askariga la dilay la geeyay xarunta CID-da.

Ma aha markii u horeysay ee Askari ka tirsan dowladda uu dilo Askari kale oo uu muran soo kala dhex-galay, waana dhacdo in badan soo noq-noqotay oo marar badana looga digay ciidamada.

Muxuu CC SHAKUUR kala hadlay Wasiir Khadiijo iyo wasiiro goboleedyada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah dowladda federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka gargaarka ee XFS Khadiijo Maxamed Diiriye.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay mudnaan-siinta Gurmadka Abaaraha iyo sidii si wadajir ah la iskaga kaashan lahaa caawinta ummadda Soomaaliyeed ay abaaruhu halakeeyeen.

Wasiirradu waxay boggaadiyeen Madaxweynaha dawlada federaalka mudnaanta uu siiyey Gurmadka Abaaraha iyo in uu magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

“Waxa ay sidoo kale wasiirradu ballan qaadeen in ay wada shaqayn buuxda la yeelanayaan ergeyga, iyagoo soo dhoweeyey sida dardarta leh ee uu Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha uu u dhaqaajiyay howlaha Gurmadka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu danbaynii Ergeyga iyo wasiirrada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka waxa ay isla qaateen in kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

 

Sawirro: Askar ka tirsan xoogga dalka oo lagu dilay qarax ka dhacay Baraawe

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya lagu qarxiyey degaan hoos taga magaalada Baraawe.

Qaraxaas oo ahaa miino oo lagu aasay Bar-control oo ciidamadu ay ku leeyihiin tuulada Ambareeso ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen seddax askari, balse Al-Shabaab oo war ka soo saaray qaraxaan ayaa sheegtay tiro intaas ka badan.

Sidoo kale ugu yaraan laba askari oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas, waxaana la aaminsan yahay in kooxda Al-Shabaab ay goobtaas oo ciidanka fariisin u aheed ay ku aastay qaraxa.

Degaanka Ambareeso oo ciidankaan lagu qarxiyey ayaa 5 KM u jira magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Baraawe oo ka mid ah magaalooyin ugu amaanka roon gobolka Shabeellada Hoose, sidoo kalena ah caasimadda maamulka K/Galbeed, waxaa amnigeeda gacanta ku haya ciidan ka tirsan xoogga dalka oo fariisimo ku leh, gudaha iyo daafaha magaalada.

Saraakiisha iyo taliska guud ee ciidanka xoogga dalka weli war kama soo saarin dhacdadaan, dhankooda Al-Shabaab waxay sheegteen in qaraxaas ay ku dileen todoba askari oo ka tirsanaa militeriga Soomaaliya.

Sawirro laga soo qaaday goobta ciidanka lagu qarxiyey ayaa muujinaya burburka soo gaaray guryo jiingad ah oo bartaas control uga dhisnaa ciidanka.

Rooble oo ku guuleystay in lasoo daayo Soomaali sanado badan ku xirneyd Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay in uu xabsiga kasoo sii daayo 10 Nin oo sanado badan ku xirnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Sida aan ogaanay 10-ka Nin ayaa waxa la xiray kadib markii lagu helay dambi ah inay isku dayeen inay afduubtaan markab shidaal sanadku markii uu ahaa 2011-kii.

Dowladda Imaaraadka ayaa sii-deyntooda ogolaatay dalab uga yimid Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo u gudbiyay safarkii ugu dambeeyay ee uu ku tagay dalkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dowladda Imaaraadka u soo dhoofisay tobankaan Nin magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaasi oo lagu kala magacaabo;

1. Cabdalla Maxamuud Faarax
2. Cabdifataax Xuseen Maxamed
3. Maxamuud Cabdi Ibraahim
4. Xasan Saciid Xuseen
5. Cabdixamiid Cabdullaahi Maxamed
6. Saqaar Maxamed Yuusuf
7. Guuleed Xirsi Faarax
8. Cali Tahliil Maxamuud
9. Cabdo Cali Saciid
10. Axmed Maxamed Cabdullaahi

Ninkii dusiyey Laptop-kii ku qarxay diyaaradii ka kacday Muqdisho oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxii hore ee amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Cabdiweli Maxamed Macow ayaa isbitaal ku geeriyooday lix sano kadib markii loo xiray kiis caalamka oo idil gaaray, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Cabdiweli ayaa waxaa lagu helay dambi ah inuu gacan ka gaystay dusinta bam lagu soo dhex-qariyey Laptop kaasi oo ku qarxay diyaaradda Daallo Airlines, balse aan gaysan waxyeelo aad u weyn.

Cabdiweli ayaa waxa uu qaadanayey xabsi daa’in lagu xukumay, hase yeeshee waxaa isbitaal la geeyey kadib markii uu aad ugu xanuunsaday xabsiga, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Weerarkii diyaaradda Daalllo Airlines oo dhacay labadii Febraayo 2016 ayaa aad u qabsatay warbaahinta caalamka, wuxuuna kashiftay mid ka mid ah xeeladaha ugu weyn ee loo adeegsan karo in lagu qarxiyo diyaardaaha.

Laptop-ka ayaa qarxay 20 daqiiqo kadib markii ay kacday diyaaradda Daallo oo ku socotay magaalada Jabuuti, waxaana ku dhintay hal qof oo la tuhunsan yahay inuu ahaa qofkii waday ee fuliyey qaraxa.

Diyaaradda ayaanay gaarin waxyeello badan waxayna awood u yeelatay inay dib ugu soo laabato garoonka Aadan Cadde.

Maxamed Ibraahim Yaasiin Colaad oo ahaa madaxda shirkadda Daallo xilligaas ayaa sheegay in qofka qaraxa fuliyey iyo rakaabka diyaaradda saarnaaba ay ku qornaayeen inay raacaan diyaaradda Turkish Airlines, balse cimilada oo xun darteed ay soo gaari weysay Muqdisho.

Sidaas darteed diyaaradda Daallo Airlines ayaa laga codsaday inay shacabka gayso Jabuuti, si ay diyaaradda Turkish Airlines halkaas uga qaado.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo 11 maalmood kadib ah sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, ayada oo sheegtay inay beegsaneysay diyaaradda Turkish Airlines, sababtuna ay tahay in Turkey ay xubin ka tahay gaashaanbuurta NATO ee reer galbeedka.

Wixii markaas ka dambeeyey Turkish-ka ayaa aad u adkeeyey baaritaanka dadka raacaya diyaaraddooda Muqdisho, ooh adda ay baaraan dad Turkish ah, ayaga oo aan aaminin Soomaalida.

Todoba ka mid Al-Shabaab oo la dilay iyo xubno kale oo gacanta lagu soo dhigay

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan sameeyey ayaa dilay 7 kamid ah kooxda A-Shabaab, sidoo kalana wuxuu taliska ciidanka sheegay inay gacanta kusoo dhigeen laba kamid ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay howlgalkaan ayaa sheegay inay howlgalkaan ka sameeyeen agagaarka deegaanka War-ciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ciidamadu ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo qalab ay wateen Al-Shabaab.

Odowaa oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo furtay hub iyo lacag ay kooxaha Al-shabaab ka qaadan jireen dadka deegaanka.

“ Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid looga hortagayo falalka argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliye Odawaa.

Sidoo kale, taliye Odawaa ayaa sheegay in la burburiyey saldhigyo dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi iyo sidoo kale maxkamado guurguura oo taliyuhu sheegay inay  ahaayeen kuwa sharci darro ah oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada inkastoo ciidamada dowladda ay bilihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah kooxaha Al-shabaab  ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobalada dhexe iyo koonfurta.

Al-Shababaab weli kama hadlin sheegashada taliyaha ciidamada xoogga dalka ee ah inay dileen 7 kamid ah xubnaha Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan Xasan Shiikh Maxamuud loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday inuu dib usoo celin doono howlgaladii lagu beegsanayey Al-Shabaab.

Taariikhda hoggaamiyihii ururka Al-Itixaad Sheekh Cali Warsame oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ahaa, ee reer Burco Sheekh Cali Warsame Xasan isaga oo ku jiray da’da 83 sano.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Taariikh Nololeedkiisa:

Sheekh Cali Warsame Xasan waxaa uu dhashay 1938/39-kii, Waxaa uu ku ahaa reer Miyi ah, Geella ayuu raaci jiray meel Ceyn ka tirsan.

1954: waxaa soo galay Burco, kadib waxaa uu sanad kadib tagay Hargeisa isagoo u tagay nin walaalo yihiin oo u shaqeyn jiray Ingiriiska. 1958-ii waxaa uu aaday Diridhaba isaga oo joogay ilaa ay Soomaaliya xoriyadda ka qaadato.

Diridhaba waxaa uu joogay 2 sano joogay isaga oo halkaas ka waday xalaqaadka, markii dambe waxaa aaday Sacuudiga, isagoo 3 sano dhigtay dugsi sare Machad raacsan Jaamacadda Madiina kadib Jaamacadda Madiina kuliyadda shareecada isagoo dhameeyay sanadkii 1976-dii.

Sheekh Warsame waxaa Master- Ka ka dhigtay Jaamacadda Imaam Maxamed Bin Mascuud, 4 sano ayuu ku dhameeyay, isagoo baraney Shareecada Diinta Islaamka.

Xiligaas kadib, waxaa uu ku soo laabtay Soomaaliya isagoo in ka badan 30 sano wadey faafinta diinta Islaamka.

Dowladdii Siyaad Barre waxaa ay u xireen in uu gabadhaha xijaabka u xiro, iyagoo ku eedeeyay in uu ardeyda u diiday in ay qaataan dharka Iskuulka iyo in uu la dagaalayo Shuuciyadda.

Masaajidka Buraco waxaa uu aasaasy 1982-dii, Masjidkaas oo ilaa iyo xilligan kutubo laga akhristo,  isagoo akhriyo caqiidada iyo tafsiirka.

Sheekhda Cali Warmsame waxaa uu ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha xarakada Islaamiga ah ee Itixaad, oo hadda magacooda u badalay Ictisaam, waxaa uu ku caan ahaa fatwooyin la xiriira nabadda.

Caruurta:

Xogtan oo aan ka qornay 2015-kii, waxaa uu Sheekh Cali Warsame noo sheegay in xaaska hore ay u dhashay 7 hal gabar iyo 6 gabdhood, Xaas-ka 2-aad 3 wiil iyo 5 gabdhood iyo bahda ugu dambeysa oo 8 cauruur leh, waxaa uuna intaa raaciyey in caruurtiisa iyo waxa ay dhaleen ay gaarayaan ilaa 60.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

AXMED MADOOBE oo loo diray farriin la xiriirta xiisad culus oo ka taagan Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee Jubbaland oo kulan ballaaran ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa ka shiray xiisado colaadeed oo ka taagan qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleedyo.

Odayaashan ayaa farriin u diray maamulka Jubbaland ee uu horkacayo Axmed Madoobe waxayna ugu baaqeen inuu maamulka kala dhex-galo beelaha ku diriray halkaasi.

Sidoo kale waxa ay tacsi tiraanyo leh u direen dadkii lagu laayey dirirtaas u dhexeysa labada dhinac.

“Dhacdooyinka ka dhacay eeryada Jubbaland uu xukumo gaar ahaan Diif & deegaannada kale ee u dhaw waxa aan Dowlad-Goboleedka ugu baaqeynaa in la kala dhexgalo walaalaha dagaalamaya, Dadka la laalay ayaan uga tacsiyeenayaa, waa in la xaliyaa si loo daba-qabto loona badbaadiyo Dadka ka badbaaday dagaalka” ayuu yiri qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka Jubbaland oo ka hadlay kulanka ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo.

Dhankiisa Afhayeenka Salaadiinta Jubaland Ugaas Cumar Xiirey oo madasha ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay wax u dheceen, wuxuuna baaq nabadeed u diray beelaha diriraya, si loo qaboojiyo xiisadda dhexdooda ah.

“Adduunka inta lagu wada nool yahay Dadku waa wada dhashay oo kala tagi maayo ama waa isku deegaan, Xeerka iyo wixii ay ku xalin jireen haloo daayo oo miiska wadahadalka la geeyo, wixii meeshaas ku jirana halkaas halagu xaliyo, wixii dhacay wixii ka dambeeya waa in laga hortagaa, Dadka ka xun dagaalka waa in ay kala dhexgalaan ilaa inta la isaga imaanayo si aanay Dad kale loo dilin ama dhib kale u dhicin, Nidaamka Jubbaland ee lagu wada joogo waa in la dhowraa, Maamulka DG Jubbaland ee halkaas ka jira waa in uu ka qaybqaataa howsha uga aadan”  ayuu dhankiisa yiri Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xiisad colaadeed iyo dhaq-dhaqaaq laga dareemayo deegaanka Diif oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia.

Jubbaland ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada salka ku haya dhul daaqsimeed iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil ooka taagan maamulkaasi.

Go’aan laga gaaray gabadha Soomaalida ee dishay ninkii isku dayey inuu kufsado

Qaahira (Caasimada Online) – Dacwad-oogaha guud ee Masar ayaa Jimchii amray in lasii daayo gabadha Soomaalida ah ee dishay nin Masri ah oo bajaaj ku waday kadib markii isku dayey inuu kufsado.

Go’aanka dacwad-oogaha oo ah mid jiri doona illaa baaritaanka laga soo geba-gabeeyo ayaa yimid kadib markii booliska iyo dhaqaatiir sameeyey tijaabo caafimaad ay xaqiijiyeen inay sax tahay doodda gabadha ee ah inay is-difaaceysay kadib markii bajaalaha uu isku dayey inuu kufsado.

Sida uu sheegay xafiiska dacwad-oogaha, wuxuu 17-kii May helay warbixin sheegeysay in meydka Bajaajle laga helay waddo ku taalla banaanka xaafadda 6-da October ee Giza. 

Waxyar kadib gabadha Soomaalida oo markii hore da’deeda lagu sheegay 16 jir, balse hadda la sheegay inay tahay 15 jir, ayaa booliska isku soo dhiibtay ayada oo timid saldhiiga booliska Giza, islamarkaana ku wargelisay inay dishay bajaajle.

Gabadha Soomaalida, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa sheegtay in ninka uu ula soo baxay mindi, iskuna dayey inuu kufsado, balse ay iska caabisay ayada oo dhaawac uu ka gaaray faraha balse ugu dambeyn ku guuleysatay inay mindida kala wareegto kadibna isaga ku disho.

Waxay intaas ku dartay in qorshaheeda uu ahaa kaliya inay ninka dhaawacdo, si ay uga badbaado, balse nasiib-darro uu geeriyooday. 

“Waxaan doonayey kaliya inaan sharafteeda dhowro, oo aan is-difaaco, mana damacsaneyn inaan dilo balse wuu dhintay,” ayey tiri gabadha sida uu kasoo xigtay wargeyska Al-Ahram ee Qaahira. 

Dacwad-oogaha ayaa sheegay in booliska iyo dhaqaatiirta caafimaadba ay muujiyeen in sida ay gabadha wax u sheegeyso la rumeysan karo.  

Sidoo kale, baaritaan lagu sameeyey meydka Bajaajle-ha ayaa muujiyey in habka uu u dhintay iyo sida ay wax u sheegtay gabadha ay is-waafaqayaan.

Sheekada gabadha Soomaalida ah ayaa aad u qabsatay baraha bulshada Masar, ayada oo heshay taageero badan oo lagu difaacayo, waxaana dad badan ay ku baaqayaan in qareenada ugu caansan Masar iyo Golaha Qaran ee Haweenka Masar ay u istaagaan inay difaacaan.