25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Sawirro: Sheekh Shariif oo xildhibaan loo doortay

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga uu ku guuleystay Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay doorashadiisa ka qabsoontay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlada HirShabelle, sida uu shaaciyay guddiga SEIT ee HirShabelle.

Doorashada kursigaan ayaa waxaa ku baratamtay labo musharax oo kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Abuukar Axmed.

Kadib Guusha Shariif waxaa xarunta madaxtooyada maamulka HirShabelle ku qaabilay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

“Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka BJFS waxaana xilka loo doortay ugu hambalyeeyay Madaxxweyne Cali Guudlaawe Xuseen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada HirShabelle.

Kursiga uu ku guuleystay Shariif ayaa waxaa Baarlamaankii 10aad ku fadhiyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hadda sidaa ku noqday Xildhibaan kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga oo faro-geliyey khilaafka safaarada Soomaaliya

Roma (Caasimada Online) – Waxaa meel sare gaaray khilaafka ka dhex taagan safaaradda Soomaaliya ee ku taal degmada Prati ee magaalada Rome kadib shaqo joojintii lagu sameeyey safiir Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga ayaa soo farageliyey khilaafka, waxayna sheegeen inay baarayaan khilaafka u dhaxeeyo mas’uuliyiinta Soomaalida oo ku saabsan ciddii gacanta ku heyn laheyd safaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa markii ay shaqada ka joojisay safiirkii hore waxay 7-dii April sii haye ugu magacowday Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

Safiirka xilka laga qaaday ayaa diiday sii hayaha xilka loosoo magacaabay, wuxuuna ku dooday inay kaliya aqbali karaan in xilkan loo magacaabo qof ka tirsan safaaradda, wuxuuna isaga safaaradda madax ka ahaa afartii sano ee lasoo dhaafay.

Warqad qoraal ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay dhiggeeda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise uu waqtigiisa ku ekaa 28-ka March.

Magacaabida Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur ayaa ku soo beegantay todobaad ka hor inta aan la dhaarin baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana  Axmed Cabdraxmaan Sheekh Nuur uu horay u soo noqday Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Lusaka, wuxuuna ka duulay Muqdisho dhamaadkii bishii March si uu ula wareego Safaaradda.

Safiirka xilka laga qaaday ayaa sidoo kale ku doodayo inaan lasoo ogeysiin imaanshaha safiirka cusub, islamarkaana uu si lama filaan ah ku yimid caasimadda Talyaaniga, kadibna qufushay safaaradda isaga oo aan soo marin nidaamkii diblomaasiyadeed..

Mar wax laga waydiiyey safirkii xilka laga qaaday inuu ogol yahay in xilka laga qaado ayuu ku jawaabay “Waa caadi in xila la iska qaado, weliba maahan wax cusub in xilliyada kala guurka ah la sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis tiro badan oo dhanka safaaraha ah.”

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa ku andacoonaya in Sheekh Nuur oo ay wehlinayeen labo saaxiibbadiis ah oo Muqdisho ka tegay ay gudaha u galeen safaaradda kadibna ay u diideen safiirka iyo xubnaha shaqaalaha inay gudaha u galaan dhismaha.

Safiirka cusub ayaa arrintaan ku tilmaamay inqilab, isagoo Booliiska Talyaaniga u sheegay la wareegitaanka safaaradda iyo in ammaankiisa safiirnimo uu halis ku jiro. Waxa uu u sheegay in laga hor istaagayo gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur uu adeer u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxayna ka dhawaajisay in khilaafka dublamaasiyiinta uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya kooxaha kala duwan ee ku loo lamaya Soomaaliya.

Cali Abuukar Xayo oo ah qareenka u doodaya safiirka xilka laga qaaday ayaa warbaahinta Talyaaniga u xaqiijiyay in dacwad oogayaasha ay ku howlan yihiin kiiskan, isla markaana uusan ka hadli doonin wax intaas ka badan oo ay ku ixtiraamayaan baaritaanka furan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameysay dhowr safiir, waxaana muuqata in wasaaradda ay sameeneyso sidi caadada u aheyd oo ah in laga faa’ideysto waqtiga kala guurka ah.

Muxuu noqon karaa xalka xildhibaanada gobolka Gedo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq ayaa ka dhashay kulankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee uu shalay xilka kula wareegayay gudoomiyaha cusub ee Barlmaanka, kadib markii ay soo xaadireen xildhibaannada laga soo doortay Ceelwaaq iyo xubno sheeganaya xildhibaano oo ka yimid Garbahaarey.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay inuu kasoo arrimin doono xaalka xubnahaas isku dhex qabsadey xarunta golaha Shacabka.

Prof. Xusee Warsame oo barre ka ah jaamacadda Calgry ee dalka Canada wareysina siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in arrin noocaan oo kale aysan dalka soo marin, islamarkaana ay tahay wax cusub.

“Guddoomiyaha cusub waxaa hor taala shaqo culus, wuxuu dhexda kaga jiraa laba koox oo mid walba ay sheeganeyso sharci, haddii ay yiraahdaan sharciga ayaan raaceynaa, waxaan u maleenayaa inay ku adkaanto doonto,” ayuu yiri Prof Xuseen.

“Waxay noqon doontaa in la sameeyo guddiga kasoo baaraan dago go’aankii laga qaadan lahaa sidoo kalana labada dhinac soo kala waydiiyo sida ay sharci ku yihiin,” ayuu sii raaciyey.

Mar wax laga waydiiyey in go’aanka xubnahaan uu kaliya qaadan karo guddoomiyaha baarlamaanka iyo haddii uu go’aanka u yaalo guud ahaan baarlamaanka ayuu ku jawaabay “Aniga ilama ahan in guddoomiyaha kaligiis uu go’aan ka gaari karo arrintaan, waa arrin culus waxaana filayaa inay ku adkaan doonto.”

Prof. Xuseen ayaa sheegay inuu xalka u arko seddexdaan qodob oo mid uu ku sheegay inuu yahay qodob liita

1- In guddi deg deg ah loo saaro arrintaan oo ay labada dhinac dhageystaan, ama in xubnaha is heysto ay doodooda kusoo badhigaan baarlamaanka hortiisa markaas kadibna uu guddiga go’aan ka gaaro

2- In meesha laga saaro 32 xubnood ee kasoo kala baxay Ceelwaaq iyo Garbahaarey islamarkaana doorasho cusub lagu qabto baarlamaanka hortiisa lana soo sameeyo ergo cusub oo xildhibaanada doorato.

3- Qodobka saddexaad oo uu arko inuu aad u liito ayuu ku sheegay inay tahay in loo qori tuuro 32 xubnood ee xildhibaanada sheeganayo sidaasna lagu soo saaro 16-ka saxda ah.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysigiisa oo dhammeystiran

 

Wada-hadallo u bilowday Qoor Qoor iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib natiijooyinkii lama filaanka ahaa ee doorashooyinkii guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Dalku wuxuu u jiheystay loolanka doorashada madaxweynaha.

Mucaaradka loo badinayo inuu dhankooda ka imaan karo hoggaanka cusub ee Dalka ayaa durba bilaabay xod-xodashada dhanka kale.

Madaxweyne Farmaajo oo dadka qaar shaki xoog leh gelinayaan tartankiisa ama inuu mar labaad ku guuleysan karo hoggaanka dalka ayaa ragga ku hareereysan waxay hadda u muuqdaan inay bilaabeen inay si waaqici ah u fakaraan.

Dhanka mucaaradka waxaa billaabatay in la kala xigsado halgankii shantii sano ee lasoo dhaafay. Doorashadii la is buurtay ee Golaha Shacabka waxaa soo baxday inay qiimo weyn ku fadhiyaan dadka mucaaradka saxda ah loo yaqaano.

Tusaalaha ugu fudud waa xildhibaan Sacdiya oo mucaaradka buuxda loo yaqaano inay guddoomiye ku-xigeenka koowaad uga adkaatay Caana-nuug oo aysan mucaaradnimadiisa caddeyn muddo hore.

Labadii Cisho ee lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka bilowday kulamo u dhaxeeya hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dooda Labada Nin waxay ku qotantaa Kursiga madaxweynaha Soomaaliya. Qoor Qoor wuxuu isku dayey todobaadkii lasoo dhaafay inuu guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare u dhiso Cabdixakiim Macalin Axmed, waana looga soo adkaaday, balse hadda waxaa muuqata inuusan rabin inay xisaabta ka qaldanto.

Soomaaliya, madaxweynaha ayaa ah awoodda saxda ah. Farmaajo wuxuu soo kordhiyey in Gole Baarlamaan uusan wax weyn u dhibi karin madaxtooyada, wuxuuna muujiyey in la eryi karo guddoomiyaha baarlamaanka haddii uu madaxweynaha ka hor yimaado, waxaana macquul ah inuu dhaqankaas muraajaceeyo qof walba oo qabsada Villa Somalia.

Dalkaan awoodiisa waa dhaqaalaha iyo ciidanka waxaana gacanta ugu weyn ku leh qofka noqda madaxweynaha. Loolanka dhabta ah hadda ayuu bilowday.

Madaxda maamulada ee aan musharixiinta aheyn waxay ka fakarayaan inay abuuraan dariiq aysan kaga baaqsan karin guusha.

Sida aan xogta ku helna,y dooda u bilaabatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxay leedahay rajo wanaagsan oo horudhac ah, waxayna xalay yeesheen kulankoodii labaad, waxayna mar kale ka isku soo qaadeen dooda hoggaanka Villa Somalia.

Xubno mucaaradka ka mid ah oo diidan wada-hadalladan ayaa dagaal toos ah ku qaaday Qoor Qoor, laakiin dhinaca kale waxaa laga bixiyey turjumid ah inay rabaan inay kaligood isku muujiyaan inay mucaaradka yihiin.

Haddii dalkaan waxa la sarifanayo yihiin halgankii mucaaradnimada ee Farmaajo lala galay, Warsame wuxuu ku suntan yahay mucaaradkii ugu weynaa shantii sano ee lasoo dhaafay, ayey leeyihiin dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan kulamada Labada Mas’uul waxay sheegayaan in la filayo inuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku biiro doodaan sababtoo ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxay aaminsan yihiin in wadajirkooda uu wax badan goyn karo.

Saddex geesoodkaan ayaa la aaminsan yahay inuu abuuri karo jawi ka gadisan midka hadda suuqa yaala. Xubnaha mucaaradka qaar oo maalmahaan isku dayey inay kaartada mucaaradnimada kaligood isku xayeysiiyaan ayaan la ogeyn sida ay uga falcelin karaan hilaacaan cusub.

Rooble oo isagu ku suntan inuu soo bandhigay lixdii bilood ee lasoo dhaafay sida uu uga shaqeenayo inuu dalkaani aado isbadal ayaa marxaladaan ka goyn karo wax weyn.

Natiijooyinkii kasoo baxay doorashada guddoonkii Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lumiyey saadaashii suuqa taalay ee doorashada madaxweynaha, maadaama ay xildhibaanadii noqdeen kuwa aan la saadaalin karin taasoo si deg deg ah u furtay loolanka kursiga madaxweynaha.

Ganacsade ay beeshiisa u diiday kursigii xildhibaan oo madaxweyne isku sharxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddoow Cali Gees oo ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka 10-aad iyo 9-aad ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax madaxweyne. 

Caddow Cali Gees, oo shir jar’aaid ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay inuu hormuud u noqon doono murashaxiinta isbadal doonka ah.

Murashax madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa sidoo kale hambalyo u diray guddoonka baarlamaanka Soomaaliyeed labadiisa aqal, isagoona kula dardaarmay inay dalka ugu adeegaan si daacad ah oo isbadalka dhacay mid la mid ah dalka ugu doortaan madaxweyne cusub.

Waa markii labaad oo ganacsade Caddow Cali Gees uu isku soo sharxo xilkan, waxaana la ogyahay in baarlamaankii u danbeeyay ee uu ka tirsanaa inuu ku bixiyay ka mid noqoshadiisa lacag dhan nus milyan dollar, isagoona hal kulan kaliya lagu arkay, balse ujeedada uu ka lahaa ay aheyd inuu ka dhigto difaac iyo xasaanad uu hantidiisa ku ilaashado.

Musharax Caddow Cali Gees ayaa beesha uu ka dhashay ee Waceysle waxay sanadkaan u diideen kursigii xildhibaannimo, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku matali waayay shantii sano ee lasoo dhaafay, isaga oo aan xitaa hal mar lagu arag kulamada baarlamanka, wax xuquuq ahna aanan ugu soo dhicin beesha uu matalo.

Waxaa laga yaabee in dad badan isweydiiyaan sidee qof beeshiisa u diiday kursigii xildhibaannimo u geli karaa tartan madaxweyne, ama dalkaan madaxweyne ugu noqon karaa? Waxaase laga yaabaa in musharaxnimadiisa ay tahay mid magac doon ah iyo in CV-ga u gasho inuu tartamo markiisii labaad.

Caddow Cali Gees ayaa ah ganacsade qandaraasyo dhowr ah ka heysta howlgalka Midowga Africa ee ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM. 

Sawirro: Xildhibaannada Mudullood oo kulan xasaas ah isugu yimid + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda beelweynta Mudullood ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana kullankaan soo qaban qaabiyay xildhibaan Maxamed Axmed Beereey.

Kulankaan ayaa ahaa wadatashi iyo is-xog wareysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo isku xirka beesha Mudullood oo siyaasiyiintooda siyaasad ahaan kala aragti duwan.

Xubnaha kulanka kasoo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan murashax Cabdulqaadir Cosoble, Yaasiin Fareey, Cali Balcad Cusmaan Xaadoole iyo xildhibaano kale.

Xildhibaanada ayaa waxay isla garteen qodobadii ay ka hadleen iyo in si wadajir ah loo weyneeyo kullankaan midka xiga iyo in la mideeyo afkaarta guud ee beesha si codkooda u noqdo mid muuqda.

Kulankan ayaa imanaya ayada oo inta badan xildhibaanada Mudulood oo ku dhow 20 lagu dhaliilo in aanay u mideysneyn ka shaqeynta danta dadkooda iyo deegaanka ay matalaan, ayaga oo ku kala xiran dhinacyo kala duwan.

Beesha Mudulood ayaa waxaa sanadkan xilka madaxweynaha u taagan musharaxiin badan, waxaana ugu cad cad Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo Daahir Maxamuud Geelle.

Madaxweyne Farmaajo oo farriin u diray shaqaalaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxaa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna, waxaana uu Shaqaalaha Soomaaliyeed ku bogaadiyey dadaalka ay soo geliyeen dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

“Waxaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, iyagoo ay ka go’an tahay horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaan ku boorrinayaa in ay dadaalkooda sii labo jibbaaraan, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dawladdu ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

“Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaan xaqiijinnay joogteynta xuquuqda mushaharka ee shaqaalaha dawladda. Sidoo kale, waxaannu meel marinnay siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo ay ku jiraan kuwo caalami ah, oo door weyn ka qaadanaya horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Digniin ku aadan weeraro ay qorsheeneyso Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ku aadan weeraro ay qorsheeneyso inay fuliso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Geeska Africa.

Digniinta kasoo baxday Ingiriiska ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay wado qorsho ay weeraro iyo afduub uga fulineyso meelo kamid ah Soomaaliya xilliyada ciidaha si ay uga faa’ideysato mashquulka.

Dowladda Uk waxaa ay sheegtay in Al-Shabaab ay hanjabaado u jeediyeen dowladaha Reer galbeedka iyo Hay’adaha u shaqeeya, taas oo keentay in xaalad cabsi oo dhanka Amniga ah laga dareemo magaalada Muqdisho.

“ Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay Ajaanibta booqdaan,” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay UK.

Sidoo kale dowladda Uk waxaa ay sheegtay in khatar weyni ka jirto gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya lagana cabsi qabo dambiyo ka dhaca biyaha caalamiga ee Soomaaliya.

Digniinta kasoo baxday Ingiriiska ayaa waxaa laga reebay saddex gobol oo ku yaala Somaliland oo kala ah, gobolka Maroodi jeex (Hargeysa), Awdal (Borama) iyo Saaxil (Berbera).

Dowladda Uk ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada Dhaqaale siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kalana waxay Dowladda Soomaaliya ka caawisaa tababarka ciidamada iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Muusa Bixi oo cafis u fidiyay 360 maxaabiis

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu maanta soo saaray cafis ugu fidiyay Maxaabiis, kuwaas oo ku jira Xabsiyada kala Duwad ee Soomaaliland.

Wareegtada ka soo baxayday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland ee summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-857/052022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Tirada maxaabiista uu cafiska u fidiyey madaxweyne Muuse Biixi ayaa gaaraya illaa 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxay madaxweyne Biixi

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Farqadiisa 5aad;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/142/2022, kuna taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan Arkay:  Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/98/2022, kuna taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha ay khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidda Fidriga awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka, ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

Xog: Shariif oo maanta ku wajahan Jowhar + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxaya magaalada Jowhar ee xarunta dowladda HirShabeelle, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ujeedada socdaalka Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay sidii uu halkaasi uga soo qaadan lahaa kursiga xildhibaan HOP146 ee beeshiisa saami qeybsiga ay u leedahay.

Kursiga HOP146 ayaa waxaa ka taagneyd dood badan oo beesha dhexdeeda ah, kadib markii ay isku qabteen cidda la siinayo, ayada oo uu u sharaxnaa wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur hase ahaatee markii danbe u tanaasulay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Heshiis dhex maray beesha, wasiir Cabdullaahi iyo Shariifka ayaa la isla gartay in Shariifka lagu sharfo maadaama uu u tartamayo xilka madaxweynaha Soomaaliya, si baarlamaanka gudahiisa ugu dhex qaraabto.

Shariifka ayaa ballan qaad la hubo u sameeyay wasiirka amniga oo doonayay in kursigaasi xasaanad ka dhigto, maadaama uu leeyahay ganacsi xooggan, waxaana loo balan qaaday in haddii uu guuleysto kursiga dib loogu celin doono, hadidi uu guuldareystana uu jagooyin kale uga raadin doono dowladda cusub.

Safarka Sheekh Shariif ayaa waxaa ka horeeyay ciidamo xooggan oo shalay gaaray Jowhar, kuwaasi oo intii ay sii socdeen wadada Jowhar iyo Balcad u dhaxeysa qarax miino kula kulmay, qaraxaasi oo askar aad u tiro badan kaga dhinteen, kuwo kalena kaga dhaawacmeen.

Ma cadda weli haddii xal laga gaaray doodad beeleyd ee ka taagneyd kursiga iyo in dhagaha laga fureystay qeyladooda. 

Sheekh Shariif ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo la rumeysan yahay inuu yahay musharax ay dhinacyo badan wada aqbali karaan haddii uu wareegga ugu dambeeya doorashada gaaro.

Sawirro: Shariif oo gaaray Jowhar kadibna qaatay shahaadada musharaxnimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee xarunta dowladda HirShabeelle, oo uu ka doontay kursi xildhibaan.

Qoraal kasoo baxay Shariif ayaa lagu xaqiijiyey inuu halkaas u tegay inuu u tartamo kursiga xildhibaan HOP146 ee beeshiisa saami qeybsiga ay u leedahay.

Shariif ayaa isla maanta Jowhar lagu guddoonsiiyey shahaadada murashaxnimo ee kursiga HOP146, waxaana la tartami doona musharax lagu magacaabo Shariif Abuukar Axmed, sida ay sheegeen guddiga doorashada HirShabeelle.

Kursiga HOP146 ayaa waxaa ka taagneyd dood badan oo beesha dhexdeeda ah, kadib markii ay isku qabteen cidda la siinayo, ayada oo uu u sharaxnaa wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur hase ahaatee markii danbe u tanaasulay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Heshiis dhex maray beesha, wasiir Cabdullaahi iyo Shariifka ayaa la isla gartay in Shariifka lagu sharfo maadaama uu u tartamayo xilka madaxweynaha Soomaaliya, si baarlamaanka gudahiisa ugu dhex qaraabto.

Shariifka ayaa ballan qaad la hubo u sameeyay wasiirka amniga oo doonayay in kursigaasi xasaanad ka dhigto, maadaama uu leeyahay ganacsi xooggan, waxaana loo balan qaaday in haddii uu guuleysto kursiga dib loogu celin doono, hadidi uu guuldareystana uu jagooyin kale uga raadin doono dowladda cusub.

Safarka Sheekh Shariif ayaa waxaa ka horeeyay ciidamo xooggan oo shalay gaaray Jowhar, kuwaasi oo intii ay sii socdeen wadada Jowhar iyo Balcad u dhaxeysa qarax miino kula kulmay, qaraxaasi oo askar aad u tiro badan kaga dhinteen, kuwo kalena kaga dhaawacmeen.

Ma cadda weli haddii xal laga gaaray doodad beeleyd ee ka taagneyd kursiga iyo in dhagaha laga fureystay qeyladooda. 

Sheekh Shariif ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo la rumeysan yahay inuu yahay musharax ay dhinacyo badan wada aqbali karaan haddii uu wareegga ugu dambeeya doorashada gaaro.

Daawo: Taliye Xijaar oo markii ugu horeysay hadlay kadib shaqo ka-joojintii lagu sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha shaqo ka-joojinta lagu sameeyey ee ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka ee boolisku uu ka howlgalo.

Taliye Xijaar, oo uu 26-kii bishan shaqada ka joojiyey wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa ciidamada booliska Soomaaliyeed ku amaanay sida ay ugu guleysteen inay sugaan ammaanka doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo bisha Ramadaan oo Al-Shabaab ay kordhi jireen weerarradooda.

Xijaar ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliya, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta sugidda amniga guud ee dalka, looguna mahad celinayey ciidanka booliska ee sugay amniga doorashooyinka.

Taliye Xijaar ayaa ku bogaadiyey dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed faray in ay si weyn isugu diyaariyaan dhammaystirka inta ka dhiman sugidda amniga doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa adkaynta amniga maalmaha Ciidda ee inagu soo aadan, si buu yiri shacabka Soomaaliyeed ay farxad iyo nabad galyo ugu ciidaan, loogana hortago dhagaraha ay maleegayaan kuwa lidka ku ah amniga dalka iyo kan shacabka Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa dhawaan weji gabax kala kulmay go’aan uu isku deyey inuu ku hor istaago doorashooyinkii guddoonka golaha shacabka ee Muqdisho ka dhacay 27-kii ilaa 28-kii bishaan, kaas oo aan meel marin, cambaareyn adagna uu kala kulmay.

Sidoo kale wasiirka Amiga Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa Taliye Xijaar shaqo ka joojin ku sameeyey habeenkii ugu dambeeyey ee uu isku deyey inuu hor istaago doorashada, inkastoo dib laga xaliyey arintaas sida ay xaqiijiyeen xubno xog ogaal u ah.

Hoos ka daawo hadal jeedintii Xijaar  

Sawirro: Howlgallo culus oo caawa ka socda Dhuusamareb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online)– Ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida Galmudug ayaa caawa howlgal ballaaran ka bilaabay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Howlgalkaan oo lagu baarayo gaadiidka iyo dadka isticmaala wadooyinka magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah mid lagu xaqiijinaayo amniga magaaladaasi oo horay looga saaray kooxda culumada suufiyada Ahlu Sunna Waljameeca.

Gudaha magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu arkayaa ciidamo tira badan oo gaaf wareegaya wadooyinka iyo xaafadaha magaalada.

Lama oga sababta xiligaan howlgal noocaan ah laga fuliyo Dhuusamareeb, hase ahaatee maalmihii u danbeeyay ayaa waxay dadka ka cabanayeen isbaarooyin gudaha magaalada iyo bannaankeeda maliishiyo hubeysan dhigteen gaadiidkana lacago baad ah ugu qaadanayay.

Daawo: DF oo go’aan kasoo saartay maalinta ciidda

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay go’aanka rasmiga ah ee bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo berri la buuxinayo 30-ka bisha Soon-qaad.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda diinta Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in ilaa fiidkii hore ee caawa ay ku howlanaayeen xaqiijinta bilashada bisha Soon-fur, balse la waayey.

Xiriiro badan ayuu sheegay inay la sameeyeen gobollada dalka, isla markaana la waayey cid sheegta ama aragtay bishii Soonfur oo dhalatay, iyadoo ugu dambeyntiina ay wasaaradu go’aamisay in berri ay dadka Soomaaliyeed buuxiyaan 30-ka bisha Ramadaan.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inaan bisha Shawaal lagu guuleysan in caawa laga arko dalkaas, kadib markii la raadiyey, taasi oo ka dhigan in berri aanay ciid aheyn.

Qoraal kasoo baxay boqortooyada ayaa lagu sheegay in berri oo Axad ah la dhameystiri doono 30-ka bisha Ramadaan, islamarkaana ciidda ay noqon doontoIsniinta oo ku beegan labada bisha May.

Sidoo kale, dalka Imaaraadka Carabta ayaa isna sheegay inaan lagu guuleysan in caawa bisha la arko sidaas darteedna Ramadaanka la dhameystiri doono Axadda, islamarkaana ciidda ay tahay Isniinta.

Hoos ka daawo go’aanka DF Soomaaliya

https://youtu.be/JjUiK4Q-otU

SACUUDIGA oo war kasoo saaray bishii Shawaal ee caawa la raadiyey (Aqriso)

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inaan bisha Shawaal lagu guuleysan in caawa laga arko dalkaas kadib markii la raadiyey, taasi oo ka dhigan in berri aanay ciid aheyn.

Qoraal kasoo baxay boqortooyada ayaa lagu sheegay in berri oo Axad ah la dhameystiri doono 30-ka bisha Ramadaan, islamarkaana ciidda ay noqon doontoIsniinta oo ku beegan labada bisha May.

Sidoo kale, dalka Imaaraadka Carabta ayaa isna sheegay inaan lagu guuleysan in caawa bisha la arko sidaas darteedna Ramadaanka la dhameystiri doono Axadda, islamarkaana ciidda ay tahay Isniinta.

Illaa iyo hadda sidoo kale bisha Ramadaan lagama soo werin in laga arkay meel ka mid ah Soomaaliya, sidaas darteedna ay u badan tahay in berri soonka la dhameystirayo.

Waxaa suurta-gal ah in xilli dambe dad ay soo sheegaan inay bisha arkeen, waana idinla soo socod siin doonnaa, haddii ay sidaas dhacdo, Inshaa’Allah.

Muxuu Farmaajo kala hadlay Aadan Madoobe? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).  

Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isaga oo bogaadiyey Guddoonkii Hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Farmaajo uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta

Kulankan ayaa imanaya ayada oo maanta buuq xoogan uu hareeyey kulankii xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii ay hoolka gudaha u galeen xildhibaanadii lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ah Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 10-aad ee dalka, balse ka hor waxaa fowdo ay ka bilaabay xarunta Villa Hargeysa oo ay soo galeen 32 xubnood oo kasoo baxay Ceelwaaq iyo Garbahaarey oo ay weli doorashadooda ka taagan tahay xiisad.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in lasoo xareeyey xubno aan wadan kaararka aqoonsiga ee rasmiga ah oo ay ula jeedaan xubnaha Garbahaarey.

Xog: Farsamada cajiibka ah ee xubnaha Garbahaarey lagu geliyey xarunta BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kullankii baarlamaanka maanta ee ajandahiisa ahaa xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq iyo xubnihii lagu soo doortay Garbahaarey ee sheegaya xildhibaannimada.

Arrintan ayaa dhalisay buuq xooggan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, ayada oo xildhibaano badan ay layaab ku noqotay sida ay xubnaha Garbahaarey kusoo galeen xarunta maadaama aysan haysan kaarar aqoonsi.

Si kastaba, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha Garbahaareey ay hab farsameysan ku galeen xarunta baarlamanka.

Kahor furitaanka kulanka baarlamaanka ayaa xubnaha Garbahaarey oo lagu soo daabulay gaadiid gaar ah, lana dhigay agagaarka Villa Uganda halkaasoo ay kasoo galeen Villa Hargeysa, waxaana buuq dheer kadib guddoonka baarlamaanka uu sheegay in kulanka uu yahay mid xil wareejin ah kaliya wax ajande kale ah oo uusan jirin.

Sida aan xog ku helnay, in xubnaha Garbahaareey gudaha u galaan xarunta baarlamaanka waxaa u fududeeyay saraakiil ka tirsan NISA iyo xildhibaan Kulane Jiis oo weli saameyn ballaaran ku leh hay’adda NISA.

Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa horay ugu sugnaa xarunta baarlamaanka iyadoo la siiyay kaararka aqoonsiga, balse sidoo kale xubnaha Garbahaarey laga soo doortay ayaa loo sameeyay kaarar aqoonsiga oo FAKE ah oo aan sharci aheyn.

Xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq ayaa sharci darro ku tilmaamay kasoo qeybgalka xubnaha Garbahaareey, isla markaana kaararka loo sameeyay ay ku tilmaameen kuwo been abuur ah oo sharci aheyn.

Maadaama ay xarunta Villa Hargeysa ku dhex-taallo Villa Somalia waa ay adkaan doontaa in xubnaha Garbahaarey la xakameeyo, waana arrin u taalla guddoonka baarlamanka inay go’aan rasmi ah ka gaaraan kiiskan. 

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta xilka la wareegay, kadibna ku dhowaaqay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegtay, kadib markii 27-kii bishan April loo doortay guddoomuyaha baarlamaanka.

Aadan Madoobe oayaa waxaa marka hore kulanka kusoo dhoweeyey guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad oo ay shaqadii usoo dhammaatay.

Guddoomiyaha cusub oo hadal ka jeediyey kulanka oo uu maanta buuq harreeyey, ka hor furitaankiisa ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay is dajiyaan, wuxuuna ku dhowaaqay in ajandaha maanta uu yahay kaliya xil wareejinta guddoonka cusub ee baarlamaanka.

“Maanta wixii ka dambeeyo ayaan bilaabeynaa howsha, wixii ka horreeyey ku simaha ayaa soo waday,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Wax kasta oo u baahan in la saxo waxaan isugu imaan doonaa Ciida kadib,” ayuu sii raaciyey.

Intaasi kadib, waxaa hadal jeedinta qaatay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dukumintiyada baarlamaankii 10-aad iyo xilkaba ku wareejiyey guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Mursal ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay waxqabadkiisii iyo shaqadii baarlamaankii hore ee dalka, isaga oo sheegay inay yeesheen illaa 26 kulan, sidoo kalena ay dhiseen xarumo u gaar ah xildhibaana baarlamaanka Soomaaliyeed, si ay ugu shaqeeyaan.

Gabagabadii Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayaa waxa uu ku dhowaaqay in markale ay isku soo noqon doonaan 4 bisha soo socotay ee May, kadibna ay ka hadli doonaan shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horreyso doorashada madaxweynaha.

Guddoonka Aqalka Sare ee baarlamanka oo yeeashay kulan looga hadlay 3 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka cusub ee Golaha Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kulan ay kaga hadlayeen 3 qodob oo ku saabsan howlaha horyaalla, kaasi oo ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana looga hadlay

1- Warbixin guud ee Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ee howlaha wax-qabad ee hortbinta u leh Aqalka Sare.

2- Diyaarinta warbixinta guud ee Wax-qabadka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 10-aad.

3- Diyaarinta Ajandaha kulanka 3-aad, Kalfadhiga 1-aad ee Aqalka Sare.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay dhacdo Bisha May ee Berri bilaabaneysa, waxaana socdo oloihii ugu dambeeyey ee loogu jiro xilka ugu sareeya Dalka.

Golaha Shacabka ayaa la iclaamiyey in 4-ta bisha May uu Baarlamaanka yeelan doono kulan lagu dhisayo guddiyada doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya.

Labada Aqal ee baarlamanka la filayaa inay maalmaha soo socda galaan fasax kooban oo ku saabsan Ciidda, waxaana kadib ay isugu soo laaban doonaan fadhigooda ayada oo markaas kadibna la filayo go’aanka maalinka la qabanayo doorashada madaxweynaha.

Doorashada ayaa waxaa si wadajir ah madaxweynaha ugu codeyn doona labada Aqal ee baarlamanka, oo marka la isku geeyo ka kooban 329 xildhibaan iyo Senator.

Daawo: Buuq xoogan oo hareeyey kulanka Golaha Shacabka BF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta buuq xoogan uu hareeyey kulan ay halkaas ku leeyihiin xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii ay hoolka gudaha u galeen xildhibaanadii lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ah Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 10-aad ee dalka, balse ka hor waxaa fowdo ay ka bilaabay xarunta Villa Hargeysa oo ay soo galeen 32 xubnood oo kasoo baxay Ceelwaaq iyo Garbahaarey oo ay weli doorashadooda ka taagan tahay xiisad.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in lasoo xareeyey xubno aan wadan kaararka aqoonsiga ee rasmiga ah.

“Kismaayo ayaa leygu soo doortay sida aniga ley soo dooratay ayaa lagu soo doortay xildhibaanada Ceelwaaq guddiga FEIT iyo SEIT ayaa shahaadada na wada siiyey, na dhaariyey kaarkii baarlamaanka nagala siiyey,” ayey tiri mid ka mid ah gabdhaha xildhibaanada ah ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxay intaasi sii raacisay “Waxaa soo galay dad fowdo ah oo weliba lagu dagaalamay oo ciidamadii ammaanka lala dagaalamay oo lasoo geliyey oo xaq u laheyn kaararka ay wataan waa ‘FAKE’ kaarar bannaanka lagu soo sameeyey ayaa lasoo siiyey,”.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale xustay in uu qal-qal ku jiro amnigooda, waxayna baaq u dirtay guddoonka cusub ee Golaha Shacabka iyo laamaha ammaanka.

Arrintan ayaa waxaa ku kala qaybsamay xubnaha baarlamaanka, taas oo keentay inay dood xoogan hareyso kulanka maanta ee Golaha Shacabka oo ah kii ugu horreeyey ee uu Goluhu yeelanayo, kadib doorashadii guddoonka cusub oo dhacday 27/28-kii bishaan April.

Halkan hoose ka daawo: